-
Content Count
214,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhawaan ayuu warbaahinta la hadlay Xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiilada Soomaalilaan, kana soo jeeda gobolka Sool. Hadalka Xildhibaan oo badnaa waxa ku jirtay weedh u dhignayd sidan” “18-ka May ma jirto, waxaanu u naqaanaa Maalin madow oo beeshe dhexe dabaal dagto, waa Maalin SNM oo kaliya leedahay” waa kelmad aan maskaxda la soo marin oo meel-ka-dhac ku ah taariikhda 18 May iyo go’aamadii lagu gaadhay shirkii Burco ee 18 May 1991 ee ay u dhammaayeen beelaha Soomaalilaan. Xildhibaanka ayaa lagu yaqaanaa nin si caadifadeysan u guta doodihiisa siyaasadeed ee uu kolba kaga soo horjeedo cida ay is-hayaan. Doodaha ku dhisan difaacada cida ay maslaxadi ka dhaxayso ayuu hadh habeen u taagan yahay. Calaamad Islaam way ka muuqataa oo sunnaha gadhka wuu la baxay, ma se xakamayso caadifada uu inta badan ku faano. Mar uu u jawaabayey wasiirkii hore ee caafimaadka Xaglo toosiye oo ay siyaasad ahaan iska soo horjeedeen ayuu hab-dhaqanka qofnnimo ee wasiirka ku sheegay “Wasiir xaglo-toosiye maaha qof dhaqan ahaan iyo maamul ahaanba caadiya”. Tafsiirka hadalkaasi waa mid aan maanka iyo maskaxda la soo marin, oo si aan hubsiimo lahayn loo yidhi. Xildhibaan Dhakool inuu dafiro sooyaalka ay ku timid 18 May waa laba mid uun: kow, In aanu waxba ka aqoon taarikhda Soomaalilaan siday ku timid markii uu meesha ka baxay keligii-taliyihii dhiigyo-cabka ahaa ee MSBarre. Laba, inuu si badheedh ah ugu gefay taariikhda isaga oo og siday ku timid, hasayeeshee siyaasadeynaya oo cid ay is-hayaan u jeeda. Waa se nasiib-darro inuu sidaasi yeelo, haddii ay ta dambe dhab ka tahay. Haddaba xidhilbaan Dhakoolow dhugo taariikhda 18 May siday ku timid, maankaaga u sii daa. Siday Ku Timid 18 May 1991? Shirkii Walaalaynta Beelaha Waqooyi Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaasi oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar. Qodobadii shirkan ka soo baxay oo ahaa lix qodob: = In Waqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur = In lagu dhaqmo shareecada Islaamka = In la sugo nabadgelyada Waqooyi = In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Waqooyi = In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Waqooyi = Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah. Markii ergada shirka Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.Shirkii ay SNM qabsatay. Shirkan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen jabhadii SNM waxa guddoominaayey, guddoomiye ku xigeenkii SNM Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii Somaliland ee taliskii Max’ed Siyaad hubka isugu dhiibay. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay”Halkan waxaynu isgu nimid inaynu beelaha reer waqooyi (Somaliland) isku turxaan bixiyaan” Iyadoo la tixgalinayo go’aamadii shir beeleedkii Buro ayuu golihii dhexe ee SNM ku dhawaaqay in somaliland tahay Qaran madax bannaan 18/5/1991 Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad.Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon sanno ka dib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha. Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa: 1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah 2. In muddaddaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo. 3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni oo ka mid noqda Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah. 4. Waxa kal-fadhigii 2-aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Tix-Raacyo: The Search For Peace oo ay soo wada saareen APD, Interpeace iyo Diiwaanka Dhaxal-reeb Horaad ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Meerisyada Taariikhda (V.1)……….Cali Qoryooley Source
-
(SLT-Hargeysa)-Kal-Fadhigii 34-Aad Ee Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Lagaga Dooday Siyaasadda dhulka, loona qaybiyey Nuqullada Siyaasadda Ganacsatada Dhexe Iyo Ganacsatada Yar Yar. Kal-fadhigii 34-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo horumarinta maalgashiga. Waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen siyaasada dhulka iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada iyo muranka dhulka ee soo noq-noqday muddooyinkii u danbeeyey, siyaasaddan dhulku waxay diirada saaraysaa, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhulka, iyada oo goluhu guddi u saaray wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu samayn doono siyaasadda dhulka. Waxaana golaha loo qaybiyey nuqullada siyaasadda ganacsatada dhexe iyo ganacsatada yar yar, siyaasadaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiisku, iyadoo goluhuna kal-fadhiyada danbe ku soo celin doonaan golaha. Ugu danbayntiina waxa golaha warbixin ka horjeediyey wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, oo ku dheeraaday hawlaha shaqo iyo horumarka wasaaradda isagoo golaha u soo bandhigay qorshayaashii u hirgalay. Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga oo ka soo laabtay safarro uu muddooyinkii u danbeeyey ku marayey dalalka yurub ayaa golaha warbixin ka siiyey kulamo wax ku ool ah oo uu la qaatay qaar ka mida masuuliyiinta dalalkaas iyo shirkado maalgashi, waxaanu wasiirku sheegay in dalka Jamhuuriyadda Somaliland, badiba ay dalalka adduunku danaynayaan inay maalgashi ka sameeyaan, ayna majeerteen sida bulshada Somaliland diyaarka ugu yihiin in dalkooda la maalgashado, madaama shirkado caalamiyi ku dhiiradeen maalgelinta Somaliland, wasaaradda maalgashiguna iyadoo ka duulaysa doorkeeda iibgeynta maalgashiga dalka uu wasiir ahaan la wadaagay fursadaha maalgashi ee wadanka. Source
-
Gaadiidku Wuxuu Ka mid yahay laf dhabarta dhaqaalaha ee wadan kasta inuu si wax soo Saar leh oo hadday shaqo tahay hadday isgaadhsiin badeecadeed tahay ,hadday bulsho gaadiid tahay ama (services) bixin tahay waa waxa nolosha wadan kastaa KU xidhan tahay markaa wada Marid in la kordhiyo mooyee wadan in la yareeyo oo la cunna qabateeyo wada maridda KU fikiraa ma jiro. Mar walba oo Shil baabuuro dhacaan Somaliland gudaheeda Waxaa madaxda police KU isla soo taagaan shaadhadaha hanjabaad aan wax Soo kordhin (improvement) wax Soo kordhin mushkiladii udambeeyeen KU jirin iyo cannaan darawalada KU waajahan intaasina mushkiladda isku dhaca baanuurta xawaaraha KU socota waxba Kama qaban karto. Madaxda booliisku itaalkooda way dadaalayaan laakiin waxba kama tari karaan mushkiladda taagan Somaliland ee soo noqnoqonaysa. Mushkiladda waxaa Ka masuula Xukuumadda oo Madaxweynuhu know Ka yey. Mushkiladdani waxay u baahan tahay miisaaniyad dawladeed oo BALLAADHAN oo wadada maridda Somaliland gobol kasta wax Ka qabad KU samaysa . Ta koobaad ugu yaraan in askar badan loo diro tababar oo weliba ardayda jaamacada kasoo baxday u badan oo cadaalad lagu Soo soocay reer walba IYO gobol walba lagu daray . Waa in madaxda booliiska iyana tabar la SIIYAA, wadooyinka waa in boodhadh iyo calaamado loo sameeyaa, xawaaraha SOMALILAND gaadhi kasta oo magaalada ama meel la deggan yey marayaa waa inuu KU SOCDAAN 30km/hour Ka magaalooyinla u Kala gooshaya waa In engine kasta lagu joojiyaha 70km/hour markuu cidlooyinka marayo oo wasaaradda gaadiidku gaadhi aanay jeegaray aanuu wado Marin gaadiidku hawshaa kharashkeeda bixiyaan. Miisaaniyad Xoog leh bay arintu u baahantay , madaxda booliisku Inay shacabka u hanjabaan waxaa Ka habboon oo Ka saxsan Inay Madaxweynha iyo Wasiirka Daakhiliga u hanjabaan WAAYO kuwa shaqadoodii Baal marsani waa iyaga, lacagta Malaaayiinka ah ee Madaxtooyaa lagu dhisanaya iyo FATOOKHA NOOCAAS AH WAA IN LA GELIYAA WADA MARIDDA IYO TABABARKA BOOLIISKA IYO CALAAMADAHA WADOOYINKA. Manhajka wax barashada Somaliland waa in lagu daraa maadad wadda MARIDDA oo dugsiyada-dhexe iyo kuwa Sare iyo Jaamacada wadan KU wadan ah Inay dhigaan. Markaa mujtamaca xagga wada maridda isbedel weyn baa Ka imandoona si dhaqsa ah. Talada Madaxweynaha KU socotaa waa wasiiraddaada Tayo xumaa Ka muuqata weliba Saaxiibkaaga Daakhiliga IYO Ka Wasiirka Gaadiidka oon khibradba Ka muuqanin hadalkiisa IYO waxqabadkiisaba. MBasheqoranebashe@gmail.com Source
-
Ugu yaraan afar Askari ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo. Read More
-
Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay laga maqlay nawaaxiga tuulada Cameeyra oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee gobolka Bari sida ay sheegtay VOA-da oo xiganaysa dadka degaanka. Goob-jooge ku sugan miyiga ku xeeran Cameeyra oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay duqeyn culus ka maqleen nawaaxiga tuulada Cameeyra oo sida uu sheegay ay ku sugan yihiin Al-shabaab iyo Daacish. Goob-joogaha ayaa xaqiijiyay in duqeynta ay geysteen diyaarado dagaal oo guuxooda la maqlayey balse uusan faahfaahin ka hayn khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale wuxuu cabsi ka muujiyay diyaaradaha halkaasi duqeymaha ka geysta oo sida dareemay halis geliyay naftooda iyo maalkoodaba. Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post The post Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday buuraleyda gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyay afar askari ayaa ku dhaawacantay Israsaaseyn ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo. Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal, israsaaseynta ayaa timid kadib markii Ciidamada Ammanka maamulka Jubbaland ay isku dayeen in ay Baaraan Cabdi Naasir Seeraar oo kamid ah Musharixinta u tartamaya Xilka Madaxtininada maamulka Jubbaland. Seeraar oo horay u soo noqday Afhayeenka Jubbaland ayaa si weyn ula shaqeyn jiray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ka hor in aysan isku dhicin, waxaana uu ka mid yahay hadda Musharaxiinta. Musharax Seeraar iyo ilaaladisa ayaa ka biya diiday Baaritaanka waxaana taasi ay sababtay in rasaas ay isweydaarsadan Ciidamada Ammaanka iyo kuwii Ilaalinayay Cabdi Nasir Seeraar. Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Ciidanka dhaawacmay ay yihiin Ciidanka Ilaalada Musharax Seeraar. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
(SLT-Sanaag)-Shan qof ayaa cudurka Kixda ugu geeriyooday deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, isla markaana dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay gurmad degdeg ah u soo fidiso. Deegaanada ay shanta qof ugu geeriyoodeen cudurka Kixda ayaa waxay kala yihiin Dhabqadood, Raqas, iyo waliba tuulooyin kale oo hoos yimaada degmada Xiis ee Gobolka Sanaag, sidaasi awgeed Dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi qaar ka mid ah oo wareysi uu la yeeshay Star tv ayaa waxay yidhaahdeen, “Halkan waxa ka dilaacay xanuun qufac leh oo la yidhi waa kix ayaa dadka halleelay, waxaana ilaa hadda u dhintay inta la hubo ilaa shan qof, waxaanu xanuunkaasi deegaanadan hoos yimaada degmada Xiis uu ka jiray ilaa saddexdii bilood ee u danbeeyey, markaa waanu u soo sheegnay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo waxaanu u baahanahay inay la noo soo gurmado oo ay dawladdu noo timaado oo ay noo keento daawo”. Source
-
(SLT-London)-Maayirkii u horreeyey ee Afrikaan ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somaliland ayaa Maayir ka noqday Degmada Ealing ee galbeedka London. Xaflad loo sameeyey caleemo saarka Maayirka cusub ee degmadaasi Mudane Cabdillaahi Axmed Guuleed ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen siyaasiyiinta xisbiyada dalkaasi iyo hormoodka bulshada ku dhaqan deegaankaasi. Maayirka cusub ee degmadan London ka tirsan Mudane Cabdillaahi Axmed Guuleed ayaa ugu horreyn ka warramay sababta ku dhalisay inuu ka qayb galo siyaasada dalka Ingiriiska oo hadda ka noqday Maayirka koonfurta London, waxaanu yidhi “Waxa igu dhalisay markii aan dhameeyey shaqadii aan takhasuska u lahaa ayey ii soo baxday inaan ka qayb galo siyaasada dalka Ingiriiska ee may aheyn wax aan hore uga sii fikiray, sidaasi awgeedna waxa jira dalka Ingiriiska haddii uu Qofku cashuur bixinayo inuu cod yeesho, waxaana muhiim ah inuu qofku eego waxa uu qaban karo, sidaasi darteed na haddii aad daacad tahay waxa kuu codeynaya cid kasta”. Maayirku waxa kale oo uu intaasi uu ku daray, “Tallaabadani waxay dhiirigelin u noqoneysaa dhallinyarada oo ay tahay inay ku dedaalaan sidii ay halkaasi u gaadhi lahaayeen”. Dhinaca kalena, Safiirka Somaliland u jooga midowga Yurub ee Brusseles Maxamuud Cabdi Dacar oo ka qayb galay xaflada Caleemo saarka Maayirkani ayaa ka dareen celiyey, “Waxaan halkan u imid inaan ka qayb galo caleemo saarka Maayir Cabdillaahi Axmed Guuleed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ahna maayirkii u horreeyey ee Soomaali ah ee noqda Maayir, markaa dad badan ayaa gudaha dalka Ingiriiska iyo dunida kale ba ka kala yimid oo ay tuseyso Ninkani shaqada wanaagsan ee uu soo qabtay iyo halka uu gaadhay ba oo magac weyn u leh dadka reer Somaliland”. Source
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka C/laahi Macalin Axmed (Tima Cade ) ayaa ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo DFS ka dalbaday in Naafada Soomaaliyeed lala soo gaaro gurmad deg deg ah, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in la Afuriyo,waxaana sidoo kale uu shacabka ugu baaqay in ay u istaagaan u gargaarida dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Baaqa ka soo yeeray Golaha Naafada Soomaaliyeed ayaa ku soo aadayo, xilli la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan. View the full article
-
Hargeysa (Somalilandtoday) Todobaadadii u dambeeyay waxa kor u kacay xiisadda siyaasadda Somalilang gaar ahaana waxaa warbaahinta ku yooyootamay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo masuuliyiinta xukuumadda madaxweyne Biixi, waxaana wasiirrada xukuumadda qaarkood oo u holaday jawaabta mucaaradka ka soo yeedhay hadallo shakhsi weerar ah iyo kuwo bulshadu ka biyo diiday. Waxa ay arrintani timid iyada oo hore looga hayay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin in aanu dalku mucaarad lahayn. Wasiirka Wasaaradda War-faafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo 30 bishii April jawaab degdeg ah ka bixinayay hadallo guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ku dhalliilay xukuumadda ayaa ku tiraabay hadallo bulshadu si taban uga dareen celisay oo noqday lama filaan. Maxamed Muuse Diiriye ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa “Waxaan aqoonsanahay inay Cabdiraxmaan ay u dheeryihiin samaysigii uu Xisbiga WADDANI samaystay gelidii doorashada uu galay in aanay ka niyad ahayne Somaliland iyo burburkeeda uu u samaystay marka horeba,” waxa uu intaasi raaciyay in doorashooyinkii hore raggii geli jiray ahaayeen gob aqbasha natiijada laakiin, Cirro ilaa hadda aqbali la yaha “Raggii hore ee gobta ahaa ee doorashada geli jiray halkaas ayey ku hadhi jireen,“ ayuu yidhi wasiirku. Geesta kale Wasiirka Gaadiidka iyo jidadka Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo kowdii bishan Ramadaan War-baahinta la hadlay ayaa isna sheegay isagoo isir ahaan u xidhiidhinaya in saraakiisha Xisbiga WADDANI qaarkood ay xidhiidh la leeyihiin Xukumadda Xamar “Xisbiga WADDANI waxa jira Xubno badan oo xidhiidh toos ah la leh Dowlada Xamar oo uu kow ka yahay Xoghayahooda guud Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI waxaad ogtihiin inuu Hargeysa dhex-deeda ka yidhaah-do dhib kuma aha ayuu yidhi inuu farmaajo yimaado , isaga iyo raysal wasaare ku-xigeenku xidhiidh toos ah ayey leeyihiin isaga iyo nin kale oo Cabdilaahi Odowaa la yidhaah oo iminka Kuwait jooga oo Jamacada ka tegay xidhiidh toos ah ayey leeyihiin,“ ayuu yidhi wasiir Cabdillaahi Abokor. Madaxweyne Biixi oo hore u sheegay in la dhayayo xanaftii ka dhalatay doorashada dalka ka qabsoontay sanadkii 2017, waxaanu Madaxweynuhu bisha Ramadaan kow-deedii shacbiga ugu baaqay in ay mid-nimada iyo wada jirkooda ilaashadaan, haseyeeshee wasiirradiisa todobaadkii u dambeeyay saxaafadda la hadlay ayaa u muuqda kuwo taageerayaasha xisbiga WADDANI maskaxdooda ku celiyay xilligii ololaha doorashada oo kuraasta lagu kala riixanayay hadallo qadhaadh oo ilaa hadda laga soo kaban la yahay sidii bulshada Somaliland ugu kala qaybsantay hadallada siyaasiyiinta siiba kuwa Kulmiye oo WADDANI ku eedaynayay in uu Xamar xidhiidh la leeyahay. Source
-
(SLT-London)Madaxda BBC-da ayaa shaqada ka eryay mid ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan shirkadda oo lagu magacaabo Danny Baker ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka ku qoray wax loogu yeeray “hadal edeb darro ah” oo ku saabsan cunuga yar ee ay dhaleen Amiir Harry iyo Mehgan. Qoraalka, oo hadda laga tiray Twitter-ka, ayaa ku faafay baraha xiriirka bulshada waxaana uu muujinayay sawirka lamaane oo gacanta ka haya daanyeer loo labisay, waxaana uu raaciyay qoraal uu ku yidhi: “Cunuga boqortooyada wuxuu kasoo baxay isbitaalka”. Baker oo tabin jiray barnaamijyada 5Live ayaa lagu eedeeyay inuu hab cunsurinnimo ah u sheegayay asalka ay kasoo jeeddo amiiradda. Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa yidhi: “Kani wuxuu ahaa khalad aad halis u ah”. Mas’uuliyiinta BBC-da ayaa intaas ku daray in qoraalka iyo sawirka uu Baker soo dhigay Twitter-ka uu kasoo hor jeedo shuruucda BBC-da. “Danny waa wariye cajiib ah, laakiin ma sii tabin doono barnaamijkeenna isbuuclaha ah”. Harry iyo Meghan, oo hooyadeed ay kasoo jeeddo Mareykanka madow, ayaa Arbacadii soo bandhigay wiilkooda cusub oo ay ku magacaabeen Archie Harrison Mountbatten-Windsor. Baker ayaa goor dambe raalli galin ka bixiyay ficilka uu sameeyay, wuxuuna sheegay in waxa dhacay uusan filaneynin. Wariyahan 61 sano jirka ah ayaa raadiyaha ka tabin jiray barnaamij baxa dabayaaqada isbuuca. Baker ayaa dadka ku taxan bartiisa Twitterka oo gaaraya nus malyan ruux waxa uu u sheegay inay suxufiyiin ugu imaadeen albaabka gurigiisa ay ku dhaheen: “Ma waxay kula tahay in dadka madowga ah ay u egyihiin Daanyeerro?”. Qoraal kale ayuu ku qeexay in ujeeddadiisu aysan ahayn sida loo fahmay, khaladkaasna uu raalli galin ka bixinayo. Source
-
(SLT-Jigjiga)Jabahadda ONLF oo dhawaan heshiis la gashay dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aadan gaaskan dhulka Soomaalida laga helay. Afhayeenka ONFL Cadaani Hirmooge ayaa warbaahinta u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ee kunool degaanka ay leeyihiin gaaska tirada badan ee laga helay degaanka, islamarkaan aysan jirin heshiis rasmi ah oo laga gaaray. Waxaa uu sheegay in Soomaalida iyo Oromadda in dhibaato badan lagu heyn jiray oo kheyraadka dalka aan laga talagalin jirin, laakiin hadda aysan yeeli doonin in dowladda Itoobiya ay la baxdo heshiis la’aan. Hadalka ONLF ayaa ku soo aadaya xili dowlada Itoobiyaay sheegtay in gaaska laga hgelay dhulka Soomaalida 40% ay leeyihiin dadka dhulkooda laga helay. Source
-
(SLT-Riyaad) Amiirka wadanka Sacuudiga Cabdillaahi Bin Sultaan Aala Sacuud ayaa xayiray waxyaabaha laga soo saaro dalka Turkey ee la geeyo dalka Sacuudiga “ilaa dowladda Turkey ay dib u eegis ku saameyneyso siyaasadeeda dhanka boqortooyada”. Amiirka ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka Muuqaal kooban oo ah amiirka magaalada Riyadh Faysal Bin Bander oo diidaya inuu cabo Coffee uu sheegay in lagu sameeyay dalka Turkey. “Aniga ka muwaadin Sacuudiyaan ahaan, waxaan ku dhawaaqayaa maanta inaan mamnuucay ama xayiray wax walbaa oo laga soo saaro dalka Turkey, ilaa ay dib uga saxayaan siyaasadooda dhankeena ku wajahan, xitaa haddii aan wax soo saarkooda u baahanay”ayuu yiri. Dadka adeegsada baraha Bulshada dalka Sacuudiga ayaa ku jeesjeesay amiirka, iyaga oo ka dalbaday inuu mamnuuco ama xayiraad uu saaro alaabaha uu soo saaro Mareykanka, ee la geeyo dalka Sacuudiga, iyaga oo tusaalo usoo qaadanayay aflagaadadii Trump ee boqorka dalka Sacuudiga. Bishii October sanadkii lasoo dhaafay madaxweynaha Mareykanka ayaa ku yiri boqorka Sacuudiga “Boqorow waan ku difaaceynaa, Halkaasi ma joogi kartid annaga la’aanteena muddo labo isbuuc ah, waa inaad bixisaa lacagta [ciidamada] meletariga, waa Inaad bixisaa” Xiriirka u dhaxeeya dowladaha Sacuudiga iyo Turkey ayaa hoos u dhacay tan iyo sanadkii 2013 markii Turkey uu taageeray ikhwaanul Muslimiinta Masar. Sidoo kale xiriirkooda ayaa mugdi galay markale markii wariyihii Sacuudiyaanka ahaan Jamaal Khashoqji lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay. Source
-
NIN KA XISHOON WAAYAY BEEN IYO NAMIIMNIMO INUU SHEEGO BISHA RAMADAAN EE BARAKAYSAN. WAAXA HUBAAL AH IN ILAAHAY AAKHIRO KU ABAAL MARIN DOONO CADAABTA . NINKA MAGACIISA LA YIDHAAHDO MAHAMED AHMED DHAKOOL OO LOO SOO DOORTAY XILDHIBAAN SOOMALILAND AH , WA NIN KA MADHAN TAARIIKHDA SOLALILAND. WAA NIN INSIR NACAYB KA MUUQDO HADALKIISA.WAA NIN KELIDII 18KA MAY U YAQAAN MAALIN MADAW. WAA NIN KA BEEN SHEEGAY TARIIKHDA 18KA MAY, WAA NIN U BADHEEDHAY BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN INUU SHEEGO BEEN IYO NAMIIMNIMO. WUXUU KU SIFOOBAYAA KUWII DIINTA LA INOOGU SHEEGAY. SUBXAAN ALAAH. 18KA MAY WAA MID TAARIIKHDEEDU MAQAL IYO MUQAAL KU DUUBAN TAHAY. WAA MAALINTII BEELAHA SOOMALILAND KU HESHIIYEEN NABAD.WAA MAALINTII COLAADII XUKUNKII AFWAYNE KALA DHEX DHIGAY BEELAHA SOMALILAND LAGA HESHIIYEY. WAA MAALINTII BEELAHA SOMALILAND ISKU RAACEEN GOONI ISKU TAAGA SOMALILAND. DAAWO GOAANADII KA SOO BAXAY SHIRKII BEELAHA SOMALILAND 18KII MAY 1991. Halkan ka daawo go’aanadii shirkii Burco ee 1991kii Mahdi Jaamac Roobleh Qaran News
-
(SLT-Hindiya)Waxaa bartiisa facebook ku tixan dad gaaraya 16 milyan; twitter-kiisa 150,000, wuxuuna jeediyay ku dhawaad 4,000 oo muxaadarooyin ah kuna saabsan diinta Islaamka dunida oo dhan. Hayeeshe, Zaki Abdulkarem Naik, oo ah daaci iyo seynisyahan Muslim Hindiyan ah, waxaa hadda ku raad-joogta oo dooneysa dowladda Hindiya. Taniyo markii Xisbiga BJP Party oo uu hoggaamiyo Narendra Modi uu xilka ku fariistay, waxaa aad u kordhay cadaadiska lagu hayo tirada Muslimiinta ah ee Hindiya ku nool. Zaki Naik oo ah shaqsiga ugu caansan Muslimiinta ku nool bar-qaareedka Hindiya waa bartilmaameedka koobaad. Taniyo markii uu dhacay weerarkii maqaaxi ku taalla caasimadda Dhaka ee Bangladesh lagu qaaday, daacigan waxaa lagu suntay inuu si hoose uga danbeeyey falkaas. Kooxihii falka geystay ayaa ku andacooday inay ka shidaal-qaateen khudbadaha oo wadaadku ka jeediyo isku-imaatinka looga hadlayo Islaamka iyo argagaxisada. Dowladda Bangladesh ayaa markaas waxay hawadeeda ka saartay fogaan-aragga Peace Tv oo uu aas-aasay Zaki. Dowladda Hindiya ayaa iyada oo cuskanaysa dhowr dhacdo oo midda oo kale ku saabsan, waxay daacigan ku tilmaantay mid faafinaya ereyo naceyb ka dhex abuuraya bulshooyinka kala diimaha ah. In kasta oo Zaki Naik uu sheegay inuusan marnaba ku boorin in dad aan waxba galabsan la iska laayo micno la’aan, haddana Hindiya ayaa ugu yeertay inuu kusoo laabto dalka si su’aalo looga weydiiyo eedeymaha loo heysto. Machadka Baarista Islaamka ee IRF oo uu wadaadkani aas-aasay sannadkii 1991 ayaa albaabada la iskugu laabay. Xarunta fogaan-araga Peace Tv oo ku taalla Dubai, ayaa hadda heli karta madax-bannaani dhinaca fara-gelinta ah oo kaga timaada dowladaha Hindiya iyo Bangladesh. Isaga oo ka hadlayay eedeymaha la sheegay in loo heysto, wuxuu muuqaal fiidiyow ah oo uu soo diray ku yiri; “Tani ma ahan dagaal aniga iga dhan ah, waa dagaal lagu hayo Muslimiinta Hindiya, nabadda, dimuqraadiyadda iyo xurriyadda hadalka. Kashi-ful-Hudda, oo ah tifaf-tire ka ah TwoCircle.net oo ah mareeg si gaar ah u faaqida xaaladda ay ku nool yihiin Muslimiinta Hindiya ayaa qaba in Zaik loo bartilmaameedsanayo maadaama uu yahay Muslim. “Waligiis maanu ku wacdin qalalaaso iyo rabshado. Khudbadihiisu waxay ahaayeen kuwo furan oo la fahmi karo,” ayuu yiri. Afhayeenka Xisbiga BJP ayaase taasi ku gacan-seyray isaga oo ugu yeeray daaciga inuu usoo diyaar-garoobo ka fal-celinta eedeymaha loo jeediyay haddii uusan qabin wax tuhun ah. Daaciga ayaa taniyo sannadkii 1990 wuxuu kusoo jiray faafinta dacwada diiniga ah ee Islaamka. Balse tani ayaa hadda gelinaysa saadaal aanu jecleysan oo la xiriirta mustaqbalkiisa iyo dhaxalkii uu muddo badan soo waday. “Naik maadaama uu yahay udub-dhexaad ka dhex muuqda Muslimiinta Hindiya, waa bartilmaameed sahlan,” ayuu yiri Mohammed Reyaz, oo bare ka ah Jaamacadda Aliah ee Kolkatta. “Xaalku wuxu marayaa hadda in si toos ah loogu soo bareero si loo aamusiyo.” Source
-
(SLT-Pyongyang)-Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal aan noociisa la aqoonsan, sida uu sheegay militariga dalka Kuuriyada Koonfureed. Waa tijaabadii labaad oo Pyongyang ay sameyso wax ka yar toddobaad gudihiis. Gantaalkan ayaa waxaa 4:30 galabnimo xilliga Pyongyang laga tuuray magaalada Sino-ri ee waqooyiga galbeed ee dalkaas, waxaana loo tuuray dhinaca bari, sida uu sheegay madaxa ciidamada Kuuriyada Koonfureed. Bayaanka militariga Kuuriyada Koonfureed laguma sheegin halka uu ku dhacay gantaalka iyo masaafaha uu duulay. Sarkaal Kuuriyada Koonfureed ka tirsan ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in gantaalka uu socday masaafo dhan 420 km. Sino-ri ayaa hoy u ah gantaallada dalkaas, waxaana ka mid gantaalka riddada dhexe ee Nodong, sida ay sheegtay Xarunta Istaariijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah. Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale sabtidii tijaabisay wax ay taxliiliyayaasha ku sheegeen gantaal nooca riddada gaaban ee ballistic-ga ah. Source
-
Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka tirsan Gobbolka Jubada Dhexe lagu dilay ilaa 18 ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab. Read More
-
(SLT-London) Waxa shalay oo taariikhdu ahayd 06.05.19 ka dhoofay garoonka caalamiga ah ee Waddanka UK Xoghayaha Arimaha dibada Marwo Faadumo siciid & Xoghaya guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xusen cabdi oo ku sii jeeda wadankii halkaas oo ay soo gaba gabeeyen safaro shaqo ah oo ay ku joogeen Wadamada qaarada yurub gaar ahaan UK, Norway, Swedan, Finland halkaas oo ay hawlo balaadhan ka soo qabteen hawlaha qaranka soomaliland & ta xisbigaba, waxa garoonka ku sii sagootiyay Madaxdii qarada Yurub & UK oo uu hor kacayo Gudoomiyaha UK Maxamed Cali,halkaas oo wakhti yar oo kooban kula sii qaateen garoonka caalamiga ee waddanka uk Heathrow Airport. Source
-
The Teachers Service Commission has transferred at least nine non-local teachers from two schools in Mandera. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
