-
Content Count
211,174 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (SMN) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta shir muhiim ah ka furay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Shirkan oo ah mid wadatashi ah ayaa la xariira diyaarinta qorshaha sagaalaad ee hormarinta Qaranka. Xubno ka tirsan maamulka Puntland, ururada rayidka ah iyo ganacsato ayaa ka qeybgalay shirkaasi. Sidoo kale shirkan ayaa gogol xaar u ah geedi socodka Deyn cafintaSoomaaliya iyo yarenta Saboolnimada, waxaana horay loogu qabtay Jubbaland iyo K/Galbeed. Shalay ayey aheyd markii wasiirka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya uu gaaray Garowe, kaas oo si diiran lagu doo dhaweeyay magaaladaasi. View the full article
-
Nairobi (SMN) – Wararka laga helayo Kenya ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay shil geystay khasaaro xoogan oo ka dhacay gudaha dalkaasi. Shilka ayaa yimid, kadib markii gaari Xumuul ah oo siday dad rakaab ah uu ku rogmaday deegaanka Matuu oo hoostaga degmada Majaakoos ee dalka Kenya Gaari gadoomay oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo Sako ayaa la sheegay in uu ka soo baxay magaalada Mandera, kuna sii jeeday magaalada Nairobi. Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi ku dhintay illaa 15 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay shilkan ayaa lagu soo warramayaa in u badan yihiin dad Soomaali ah. Inta badan waxaa gudaha Kenya ka dhaca shilal geysta khasaarooyin xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. View the full article
-
Qardho (SMN) – Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee G/Bari. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiyiinta degmadaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Inta uu joogo Qardho madaxweynaha Puntland waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono mas’uuliyiinta iyo waxgaradka magaaladaasi. Ujeedada socdaalkan ayaa ah mid la xariira ugu kuur galida xaaladaha ka jira deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale Saciid C/laahi Deni ayaa u sii gudbi doona saacadaha soo socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, si uu u booqdo halkaasi. Waa safarkiii ugu horreeyay ee uu Deni ku marayo Qardho iyo Boosaaso, tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Puntland. sideedii Janawari ee sanadkan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Maanta ka hadlayey furitaanka kala fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan Xaaladda uu marayo dalka. Madaxweyne Farmaajo oo ugu horeyn ka hadlay Arrimaha Amniga ayaa sheegay inuu dalka ku jiro xaalad adag oo u baahan in laga saaro dalka iyadoo taas loo marayo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay inay dowladiisa horumar wanaagsan ka sameysay dhanka isbadalada Ciidamada, gaar ahaan Ciidamada Xoogga, Booliska iyo Sirdoonka si loo dajiyo qorshayaal ciidan oo si rasmi ah looga hortago halista Argagixisada. Wuxuu Madaxweynaha soo hadal qaaday arrimaha Mushaarka Ciidamada, isagoo Golaha shacabka hortiisa ka sheegay inay Ciidamada Mushaarkooda u bixiyaan si joogto ah marka laga reebo ciidamo aan weli lagu soo darin nidaamka cusub ee mushaar bixinta Ciidamada Dowladda ayna arrintaas hadda mareyso meel gabagabo ah. Madaxweynaha ayaa ku faanay inay Dowladiisa labadii sano oo ay xilka heysay ku guuleystay kor u qaadista Dhaqaalaha dalka oo uu sheegay in sare loo qaaday 30% lana rajeenayo in sanadka dambe intaas laga sii kor mariyo. Wuxuu Xukuumadda ku amaanay inay hirgeliyeen hindiso sharciyeedyo badan oo la hor geeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey inay jiraan shakhsiyaad hor taaggan horumarka la doonayo in Soomaaliya la gaarsiiyo sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha, isagoo sheegay inaysan Shacabka Soomaaliyeed niyad jabi doonin isla markaasna aysan dhageysan doonin hadalada lagu niyad jabinayo. Madaxweynaha ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyey shaqada wanaagsan oo ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ugu horeysay ansixinta Hindiso Sharciyeedyo badan iyo kuwa kale oo hadda laga sugayo inay ansixiyaan. Madaxweynaha ayaa xusay inay Al-Shabaab ku jiraan Xaalad hooseyso isla markaasna ay hadda ku jiraan naf la caari sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna xusay in Shabaab hadda si weyn uga liitaan sidii ay ahaan jireen 10 sano ka hor. Madaxweynaha ayaa dhanka kale ku baaqay in Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay. Madaxweynaha oo soo hadal qaaday wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay dowladda diyaar u tahay qancinta Somaliland iyo in looga garaabo dhibaatada ay tabanayaan si loo helo Soomaaliya oo mideysan. Madaxweynaha oo ka hadlayey Siyaasadda Arrimaha Debadda ee dowladiisa ayaa sheegay inay asaas u tahay in xiriir wanaagsan lala yeesho dhammaan dowladaha Caalamka si looga shaqeeyo horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay inay farxad u tahay in kala fadhiga Shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya la furo iyadoo uu isfaham ka dhaxeeyo Dowlad Goboledyadad iyo Dowladda Dhexe. Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyey geeridii dhawaan ku timid Wasiirkii Dastuurka Xoosh Jabriil kaasoo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabt, wuxuuna ku ammaanay inuu ahaa shakhsigii suurtageliyey dhameystirka Dastuurka ay ku shaqeyso Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ra’iisal wasaare Xasan Cali KhAyre iyo wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya Maryan Aweys. Qoraal kooban oo lagu so daabacay barta twitterka ee safaaradda Turkiga ayaa lagu shaaciyay in danjire Mehmet Yilmaz uu kulan la qaatay ra’iisal wasaareaha iyo wasiirka dekedaha Soomaaliya. Kulanka ayaa inta badan looga hadlay mashaariicda dowladda Turkiga ay ka fulineyso Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal. Sidoo kale danjiraha Turkiga ee Soomaliya Mehmet Yilmaz iyo wasiir Maryan Aweys ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashaan lahaayeen horumarinta dakedaha. Shirkadda fadhigeedu yahay Turkiga ee Al-Bayrak ayaa maamusha dekedda Muqdisho,taas oo dhaqaalo badan ay ka hesho dowladda Soomaaliya. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dibloomasiyadeed oo soo jireen ah,waxayna iska kaashadaan dhinacyada Milatariga,dhaqaalaha iyo bani’aadanimada. View the full article
-
Muqdisho ( SMN) – Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa maanta shaaciyay xilliga uu furmayo Kalfadhiga 5-aad ee golahaasi, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Hab-dhowraha Aqalka Sare C/Kaafi Macalin Xasan oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kalfadhooda uu si rasmi ah uu furmayo kowda bisha soo socota ee April. Kulanka guddiga joogtada ee Aqalka Sare waxaa shir guddoomiyay guddoomiye Cabdi Xaashi C/laahi, iyadoona looga arrinsaday caqabadaha hor yaalla golahaasi, maadaama marar badan uu dib u dhac ku yimid furitaanka kalfadhigan. Haddii ay furmaan kulamada Aqalka Sare ayaa waxa horyaalla Hindise Sharciyeedyo dhowr ah oo u baahan in ay meel mariyaan xildhibaanada golahaasi. View the full article
-
Afmadow (SMN) – Waxaa xalay la gubey xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Ma jiro waxa khasaare nafeed ah oo ka dhashay duqeynta, waxaase burburay Dhismihii shirkadda & dhammaan Agabkii isgaarsiineed ee ay ku shaqeyneysay xaruntu oo ka koobnaa Dhismo, BTS, Links, Motors iyo agabkii kale ee site-ka yiilay. Waxaa sidoo kale waxyeelo xoogan soo gaartay Taawarrada labada ah ee halkaa kadhisnaa iyo Taawarrada Shirkado kale. Waxaana hadda hawada ka maqan isgaarsiintii Dhoobley, Jaldeys, Diif iyo 7 Site oo ka tirsan magaalada Dhoobley & Tuulooyinka hoos yimaada. Ciidanka Kenya waxay Sal dhigga ugu weyn Gobollada Jubbooyinka ku leeyihiin Tuulada Taabta oo ka tirsan isla Degmada Afmadow, una dhow Xarunta la gubey ee shirkadda Hormuud. Arbacadii lasoo dhaaafay oo ku beegan March 20, 2019 ayaa ciidanka kenya oo isticmaalaya Helicopters Gunship waxay duqeeyeen Xarunta Shirkadda Hormuud ee Xiiso-Uguur oo ka tirsan Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo, taasoo ka dhigan in muddoo usbuuc ah ay ciidan ka kenya ay fuliyeen duqeyntii 2aad. Ujeeddada ay ciidanka kenya ka leeyihiin Burburinta xarumaha isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay isgaarsiin la’aan dhigaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee xudduudda u dhow sida: Dhoobley, Beledxaawo & Ceelwaaq. Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda hormuud oo kala ah: CaliBuley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo kawada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo. View the full article
-
Qaar ka mid ah xisabiyada qaran ee Soomaaliya gaar ahaan xisbiyada kala ah: HIMILO QARAN, Ilays, UPD iyo Wadajir, ayaa qoraal wadajir ah kasoo saaray xaaladda amni ee Muqdisho iyo ciidamada gadooday. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Xisbiyada qaranka ee kala ah HIMILO QARAN, Ilays, UPD iyo Wadajir shir deg-dega oo ay isugu yimaadeen, kuna falanqeeyeen xaaladda amni darro dalka guud ahaan, gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyo ciidamada soo faarujiyey aagagii ay ka howl-galayeen arrimo la xiriira daryeel la’aan ay ka cabanayaan, waxey ka soo saareen war murtiyeedkaan: Xisbiyadu waxay walaac xooggan ka muujinayaan amniga dalka oo sii xumaanaya Xilliba xilliga ka danbeeya, iyadoo qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ay u muuqdaan kuwa si joogta ah u dhacaya, taasoo ay ugu wacan tahay dowladda oo aan weli sameyn qorshe iyo istiraatiijiyad amni qaran, heshiis la’aan siyaasadeed iyo kasbasho la’aan kasloonida shacabka. Wada shaqeyn la’aan ka dhaxeysa ciidamada amniga qaranka iyo kuwa AMISOM, taasoo keentay in aan wax dagaal ah lagu qaadin cadawga Al-Shabaab iyo Daacish labadii sano ee la soo dhaafay. Xisbiyadu waxay aaminsan yihiin in ciidamada qaranku yihiin laf-dhabarta amniga dalka, una taagan yihiin difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka, sidaas awgeed waxay mudan yihiin in la xushmeeyo, lana ilaaliyo xuquuqdooda loona dhameystiro agabyada ciidan ee ay u baahan yihiin. Hadaba xisbiyadu iyagoo aragtidaas ka duulaya, mas’uuliyadna iska saaraya waqtiga xasaasiga ah iyo xaaladda adag ee dalku marayo waxey u kuur galeen sababta keentay in ciidamada xoogga dalku ay ka soo baxaan qeybo ka mid ah labada shabeelle, qaar kalane ay ku dhawaaqeen in ay soo baxayaan maalmaha soo socdo haddii aan cabashadooda wax laga qaban, waxaa xisbiyada u soo baxday in ay sabab u tahay gadoodka ciidamada:- Maamul xumo ka jirto diiwaan gelinta, tiro-koobka iyo xuquuq siinta ciidamada, taasoo keentay in ciidamo hal goob wada jooga qeybna la siiyo, qeybta kalena aan la siin xuquuqdooda. b. Daryeel la’aan heysata ciidamada xilliga ay gudanayaan waajibaadkooda qaran. c. Hadallo aan haboonayn oo ka soo baxay madaxda qaranka qaarkood kuwaasoo dhaawacay mooralka iyo niyadda ciidamada qaranka. Sidaas awgeed, xisbiyadu markii ay qiimeeyeen cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii gadoodka ciidamadu uu sii socdo iyo saamaynta uu ku yeelan karo amniga dalka oo markii horeba aan hagaagsanayn waxey soo jeedinayaan qodobada soo socdo:- In si deg-dega loo siiyo ciidamada qaranka noocyadooda kala duwan xuquuqdooda mushaar, raashin iyo iidaan oo dhamaystiran, ciidamaduna ay gudashada waajibaadoodka qaran sii laba jibaaraan. In hannaanka diiwan-gelinta ciidamadu uu naqdo mid hufan, daahfuran, cadaalad ah, mudnaantana siinaya ciidamada shaqada ku jira, isla markaana loogu tagayo ciidamada goobaha ay ku sugan yihiin. In xukuumadu ay la timaado qorshe iyo istiraatiijiyad amni qaran oo dhab ah oo lagula dagaalamayo kooxaha argagaxisada ah, iyo mid lagu sugayo amniga caasimadda. In madaxda iyo mas’uuliyiinta qaranku ka ilaaliyaan ciidamada qaranka hadalada aan ku haboonayn ee dhaawaci kara mooralkooda. In madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidama qalabka sida, sida uu qabo dastuuriga JFS qodobkiisa 90, xarafkiisa (B) uu si gaar ah u ilaaliyo xuquuqda, tabashada iyo horumarinta ciidamada qalabka sida. Xisbiyadu waxey caddaynayaan mowqifkooda ku aadan in ay taageersan yihiin in ciidamada qaranka si sax ah loo diiwaan-geliyo loona tiro koobo iyadoo laga ilaaliyo is daba-marin iyo musuq maasuq. Waxaan beesha Caalamka uga mahadcelinaynaa dadaalka ay shacabka iyo Dawladda Soomaaliya la garab taagan tahey, waxaanse xusuusinaynaa in taageeradu aysan noqon ku dhafsi (rubber stamp) xayeysiin siyaasadeed loo adeegsado. Ugu danbaytii, xisbiyadu waxay aaminsan yihiin in xasilooni siyaasadeed ay horseedi karto xasilooni amni iyo in laga adkaado kooxaha argagaxisada ah. Sidaas aawgeed waxaa hoggaanka dalka looga baahan yahay in uu wax ka bedelo hab-dhaqankiisa siyaasadeed ee aan ku salaysneen wadada-tashiga kuna bedelo dib-u-heshiin, wadatashi iyo talo wadaag dhexmarta dowladda dhexe, xisbiyada siyaasadeed iyo dowlad goboleedyada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiin reer Somaliland ah oo ka tirsan xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa wali sababo aan la garanayn ugu sugan magaalada Muqdsiho ee caasimada Soomaaliya kadib markii ay Bishii hore tageen Magaaladaasi. Siyaasiyiintan ayaa hore waxay uga soo shaqeeyeen Dowladihii Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo, oo ay ka qabteen xilal sar-sare, kadibna waxay ku biireen xisbiga hadda talada haye ee Kulmiye, oo xilal wasiir ku-xigeeno ka qabtay xukuumadii Siilaanyo. Siyaasiyiinta reer KULMIYE ee Xamar ku sugan ayaa kala ah: Xasan Daahir Dhimbiil oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Axmed Keyse Guray oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo weliba Khadar Axmed Diiriye oo isagna ahaa Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland. Xogta aan helnay, ayaa waxay sheegaysa in Siyaasiyiintan oo muddoba Xamar ku sugnaa ay wataan ajande qarsoon oo aan illaa imika la ogayn waxa ay la xidhiidho iyada oo aan sidoo kale la ogayn in ay safarkoodan ku matalaan Xisbiga ay ka tirsanaayeen ee KULMIYE ee uu Guddoomiyaha u yahay Madaxweyne Biixi, ayada oo aan la ogeyn xaqiiqda sahankooda. illaa imika lama oga waxa ay dawladda Soomaaliya kala hadleen iyada oo warar hoose sheegayaan in ay kulamo la yeesheen xukuumadda Muqdisho. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa hore warbaahinta ugu sheegay inay yihiin siyaasiyiin shaqo doontay, oo aan xisbiga ka mid ahayn. Si kastaba ha ahaatee weli ma jirto meel ay ka sheegen in Xisbiga Kulmiye ay kaga baxeen iyo mabda’dii dalka ay xilalka ka soo qabteen toona, mana jirto meel xisbiga KULMIYE laftiisu ku sheegay in uu xisbiga ka caydhiyey masuuliyiintaas. Xisbiga Kulmiye ayaa markii ololaha uu ugu jiray doorashada madaxtinimada Somaliland ku eedeyn jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI in uu yahay Soomaaliweyn oo siyaasiyiintoodu tagaan Xamar, maantase waxa soo if-baxeysa in Xisbul Xaakimka Kulmiye uu isagu laftigiisa siyaasiyiintiisa u dirsado Muqdisho. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-27032019.mp3 View the full article
-
(SLT-Sool)-Saacadihii ugu danbeeyay waxaa lagu soo waramayaa in qeybo ka mid gobollada bari ee Somaliland ay da’een roobabkii xilliga Gu’ga wakhti xaalad abaareed iyo biyo la’aan xooggani haysay goboladaasi. Deegaamada ay roobabku ka curteen waxa ka mid ah deegaamo ku yaalla Gobolka Sool oo ka mid ah gobolada Biyo la’aanta ugu darani ka jirtay muddooyinkii ugu dambeeyey waxaanay roobabkaasi ahaayeen kuwo lagu qabawsaday oo biyo dhig fiican kaga tagay dhulkii uu ku hooray. Dhinaca dalkaasi Soomaaliya waxa iyana roobabka Gu’ga laga soo sheegayaa in ay ka da’een sida Gobolada Baay, Sh/hoose, Sh/dhexe, Mudug iyo qeybo ka mid ah Galgaduud sida ay warbaahinta u sheegeen dadka ku dhaqan deegaannadan. Hore waxa Toddobaadkii hore ay roobab koobani uga da’een deegaamo ka tirsan Gobolka Gabiley ee Somaliland. Roobabkan oo bilow ah si weynna dadku sugayeen ayaa ku soo beegmaya iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay abaaro ka jireen qeybo ka mid ah gobollada dalka Somaliland. Source
-
Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah Maxamed Cali Cabdi Cali, Maxamed Cismaan Camaleey, Cabdifitaax Cali Cabdullaahi, Axmed Cabdi Rooble iyo Maxamed Cumar Diini sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Waxa ay shantan eedeysane isticmaalayeen farsamooyin ay isugu ekeysiinayaan in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay canshuur qaadis balse waxa ay ahaayeen burcad dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, 05-01-2019 ayaa la soo xiray dhammaan eedeysanayaasha, waxaa lagu wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna xafiiska codsaday 13-01-2019 in eedeysanayaasha la geeyo xabsiga dhexe gar-sug ahaan. Muddo ayay ku qaadatay Xafiiska baarista kiiskan, waxa ayna 12-03-2019 codsadeen xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda, iyadoo laba cisha kadib loo ballamay maxkamadeynta 1- s/le X Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- S/a/le Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi 4- Axmed Cabdi Rooble 5-Maxamed Cumar Diini. Xafiiska ayaa horkeenay Maxkamadda Caddeymo ay kamid yihiin Booono been abuur ah, sedax qoray AK, RPG, Bistoolad. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in raggan aysan kaliya ahayn burcad balse ay dadaal kasta ku bixiyeen dhacca dad-weynaha, waxa uu ka hor sheegay garsoorka in dambiga ay galeen ay ku dareen kala geynta shacabka iyo dowladda maadama ay sameysteen boono been abuur ah taasi oo kalifi kartay dadweynaha iyo dowladda in lagu kala fogeeyo, waxa uu ka codsaday garsoorayaahsa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Side in la mariyo ciqaab adag oo tusaale u noqota kuwa kale in aysan ku dhiiran farsamooyin nuucaas oo kala ah. Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan loo naxariisto lana mariyo ciqaab dishibliin oo aysan maxkamadda ku fogeyn xukunka. Doodda dhinacyada dacwadda oo waqti badan qaadatay caddeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo qiraalka eedeysanayaasha kadib ayay ugu dambeyn go’aan ka gaartay Maxkamadda Darajada koowaad eedeysanayaasha, waxa ayna kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah. Eedeysanayaahsa aya heysta fursad ay ku dalban karaa Rafcaan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rag u badan Dhallinyaro oo Wata ama saaran Mootooyinka labada Luguud leh ayaa wareegaya suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho, waxa ay u wada socdaan laba laba, waxa ay inta badan sitaan hubka fudud sida Bistoolad iyo Tooreey. Midkood Mootada ayuu kaxeynayaa, waxa uu u dhoweynayaa qofka ay rabaan in ay qalab ama lacag ka qaataan kan kalana waa hubeysan yahay oo qofka ayuu weerarayaa si ay uga qaadaan wixii hanta ah ee qofku haysto. Tuugadaasi waxa ay dadweynaha dhacayaan iyaga oo aan wax cabsi iyo welwel ah ka qabin in la dabagalo ama islamarkaasba la qabto, inta bada waxa ay dhaca ka geystaan meelaha mashquulka ah waxa ayna weeraraan dadka aan iska jirin ama ku mashquulsan wax kale. Waxyaabaha ay qaadanayaan waxa kamid ah taleefanada Smartiga ah ee qaaliga ah, lacagta, dahabka dumarku xiran yihiin iyo wixii kale ee alaab ah, astaamaha ugu horreeya ee lagu garan karo waxa kamid ah dhar badan oo waaweyn ayay sitaan, waxaana ayna Mootooyinka u saaran yihiin laba laba qof. Degmooyinka ay dhibaatooyinkaana kadhacayaan waxa kamid ah ugu badan Hodon, Howlwadaag, Yaaqshiid iyo Xamarweyne, dhallinyarada dadka kkudhacda mootadan Fekon ama laba lugaaleyda iyo kuw kaxeeya ee kushaqeysta ayaan lakala garan Karin sidaas awgeed waxa ay dhowaan Saldhigayada qaarkood sheegeen in ay joojiyeen adeegsiga Mootadaas balse taasi waxba kama beddelin dhibtadaas. Sidee uga feejignaan kartaa? Marka aad lugeyneyso taxadar oo aad isu aruuri, qalabka aad sidato haku qaadin gacanta ama meel looga jeedi karo, geli jeebabka haddii ay suuragal tahay sababtuna waa in tuugada wax dhaceysaa ay agtaada marayaan ayna raadinayaan qof gacanta kusida alaab qaali ah Mobayl oo kale sidaas awgeed inta aadan kabixin guriga ama goobaha kale ee shaqada hub in dhammaan qalabka aad sidataa uu kuugu jiro meel xafidan. Dad hareerahaaga jooga ayay tuugadu kamid tahay, dadweynaha caadiga ahna waxba kama qaban karaan sidaas daraadeed mar walba ku tasho in tuugadu isha la soo raacayaan waxyaabaha aad gacanta ku sitado. Xilliyada Tuugadu wadaan falalka dhaca iyo Boobka dadweynaha Subaxa hore laga billaabo 8:00am-12:00am, gelinka dambi laga billaabo 6:00-9:00pm, xilliyadaas si gaar ah uga feejignow tuugadan oo kusocoto Mootada Fekon, Bajaaj mararka qaarna lugeynaya, inta badan waxa ay u socdaan lababa qof oo is caawinayaa si ay wax u dhacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ee kala ah HIMILO QARAN, Ilays, UPD iyo Wadajir, ayaa qoraal wadajir ah kasoo saaray xaaladda amni ee Muqdisho iyo ciidamada gadooday. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Xisbiyada qaranka ee kala ah HIMILO QARAN, Ilays, UPD iyo Wadajir shir deg-dega oo ay isugu yimaadeen, kuna falanqeeyeen xaaladda amni darro dalka guud ahaan, gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyo ciidamada soo faarujiyey aagagii ay ka howl-galayeen arrimo la xiriira daryeel la’aan ay ka cabanayaan, waxey ka soo saareen war murtiyeedkaan: Xisbiyadu waxay walaac xooggan ka muujinayaan amniga dalka oo sii xumaanaya Xilliba xilliga ka danbeeya, iyadoo qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ay u muuqdaan kuwa si joogta ah u dhacaya, taasoo ay ugu wacan tahay dowladda oo aan weli sameyn qorshe iyo istiraatiijiyad amni qaran, heshiis la’aan siyaasadeed iyo kasbasho la’aan kasloonida shacabka. Wada shaqeyn la’aan ka dhaxeysa ciidamada amniga qaranka iyo kuwa AMISOM, taasoo keentay in aan wax dagaal ah lagu qaadin cadawga Al-Shabaab iyo Daacish labadii sano ee la soo dhaafay. Xisbiyadu waxay aaminsan yihiin in ciidamada qaranku yihiin laf-dhabarta amniga dalka, una taagan yihiin difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka, sidaas awgeed waxay mudan yihiin in la xushmeeyo, lana ilaaliyo xuquuqdooda loona dhameystiro agabyada ciidan ee ay u baahan yihiin. Hadaba xisbiyadu iyagoo aragtidaas ka duulaya, mas’uuliyadna iska saaraya waqtiga xasaasiga ah iyo xaaladda adag ee dalku marayo waxey u kuur galeen sababta keentay in ciidamada xoogga dalku ay ka soo baxaan qeybo ka mid ah labada shabeelle, qaar kalane ay ku dhawaaqeen in ay soo baxayaan maalmaha soo socdo haddii aan cabashadooda wax laga qaban, waxaa xisbiyada u soo baxday in ay sabab u tahay gadoodka ciidamada:- a. Maamul xumo ka jirto diiwaan gelinta, tiro-koobka iyo xuquuq siinta ciidamada, taasoo keentay in ciidamo hal goob wada jooga qeybna la siiyo, qeybta kalena aan la siin xuquuqdooda. b. Daryeel la’aan heysata ciidamada xilliga ay gudanayaan waajibaadkooda qaran. c. Hadallo aan haboonayn oo ka soo baxay madaxda qaranka qaarkood kuwaasoo dhaawacay mooralka iyo niyadda ciidamada qaranka. Sidaas awgeed, xisbiyadu markii ay qiimeeyeen cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii gadoodka ciidamadu uu sii socdo iyo saamaynta uu ku yeelan karo amniga dalka oo markii horeba aan hagaagsanayn waxey soo jeedinayaan qodobada soo socdo:- In si deg-dega loo siiyo ciidamada qaranka noocyadooda kala duwan xuquuqdooda mushaar, raashin iyo iidaan oo dhamaystiran, ciidamaduna ay gudashada waajibaadoodka qaran sii laba jibaaraan. In hannaanka diiwan-gelinta ciidamadu uu naqdo mid hufan, daahfuran, cadaalad ah, mudnaantana siinaya ciidamada shaqada ku jira, isla markaana loogu tagayo ciidamada goobaha ay ku sugan yihiin. In xukuumadu ay la timaado qorshe iyo istiraatiijiyad amni qaran oo dhab ah oo lagula dagaalamayo kooxaha argagaxisada ah, iyo mid lagu sugayo amniga caasimadda. In madaxda iyo mas’uuliyiinta qaranku ka ilaaliyaan ciidamada qaranka hadalada aan ku haboonayn ee dhaawaci kara mooralkooda. In madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidama qalabka sida, sida uu qabo dastuuriga JFS qodobkiisa 90, xarafkiisa (B) uu si gaar ah u ilaaliyo xuquuqda, tabashada iyo horumarinta ciidamada qalabka sida. Xisbiyadu waxey caddaynayaan mowqifkooda ku aadan in ay taageersan yihiin in ciidamada qaranka si sax ah loo diiwaan-geliyo loona tiro koobo iyadoo laga ilaaliyo is daba-marin iyo musuq maasuq. Waxaan beesha Caalamka uga mahadcelinaynaa dadaalka ay shacabka iyo Dawladda Soomaaliya la garab taagan tahey, waxaanse xusuusinaynaa in taageeradu aysan noqon ku dhafsi (rubber stamp) xayeysiin siyaasadeed loo adeegsado. Ugu danbaytii, xisbiyadu waxay aaminsan yihiin in xasilooni siyaasadeed ay horseedi karto xasilooni amni iyo in laga adkaado kooxaha argagaxisada ah. Sidaas aawgeed waxaa hoggaanka dalka looga baahan yahay in uu wax ka bedelo hab-dhaqankiisa siyaasadeed ee aan ku salaysneen wadada-tashiga kuna bedelo dib-u-heshiin, wadatashi iyo talo wadaag dhexmarta dowladda dhexe, xisbiyada siyaasadeed iyo dowlad goboleedyada dalka. WABILLAAHI TAWFIIQ
-
Kenya plans to shutter the world’s largest refugee camp, home to nearly a quarter of a million people, in the next few months, according to an internal UN document seen by AFP Tuesday. The three-decade-old Dadaab camp in north-eastern Kenya, which shelters mostly Somalis, would be closed by the end of August under the Kenyan plan, it said. A United Nations refugee agency (UNHCR) document dated February 28 said the Kenyan government had sent a note verbale informing it of “plans to close the Dadaab camps within a six-month period”. The note, which was dated February 19, asked UNHCR “to expedite the relocation of the refugees and asylum-seekers residing therein.” In the document, the UNHCR said it was committed to working with the government on voluntary repatriation to countries of origin, relocating refugees to other parts of Kenya and resettlement to third countries. An aid worker in Dadaab, speaking on condition of anonymity, confirmed to AFP that all international organisations were aware of a plan to close the camp, but the “government is keeping it low profile.” Dadaab is home to some 230,000 people, the vast majority of them Somalis who fled across the border following the outbreak of civil war in 1991. Many have lived there ever since. In mid-2016 there were 320,000 residents. In May 2016 the government unilaterally decided to close the camp, saying it was a terrorist training ground for Shabaab Islamist militants based in Somalia. Tens of thousands of refugees returned to Somalia under a repatriation package. However, many encountered drought, hunger and dire conditions in a country where five million lack enough food and where African and Somali forces are still fighting Al-Qaeda-aligned Shabaab militants. Amnesty International said it had documented government officials threatening refugees and telling them they had to leave, “raising serious questions about whether returns were voluntary.” Then in February 2017 Kenya’s High Court ruled the plan to close the camp was unconstitutional, violated Kenya’s international obligations and amounted to the persecution of refugees. The court also said the forced repatriation violated the 1951 United Nations Convention on refugees. Since sending troops into neighbouring Somalia in 2011, Kenya has come under repeated attack from Al-Qaeda-linked Shabaab militants. The government has presented Dadaab as a security risk, saying Somali Islamists inside the camp planned the Shabaab attacks at Nairobi’s Westgate shopping mall in 2013 and the Garissa University attack in 2015, though it has not provided evidence. The latest effort to shut it comes shortly after the January 15 attack on the Dusit Hotel and office complex in Nairobi that left 21 dead. At least 12 suspects were arrested in Dadaab in connection with the attack. View the full article
-
A detachment of nine Individual Police Officers (IPOs) from the African Union Mission in Somalia (AMISOM), have been deployed in Dhobley in the Lower Jubba region, to embark on capacity building activities. The AU police officers who are specialists in different fields will work alongside Jubbaland State Police Force, to train local police and expand their presence in the region. “The reason for coming to Dhobley, is to deploy the first detachment of 9 Individual Police Officers from AMISOM, who will assist the local police in Dhobley in developing their capacity. We are going to do this through mentoring, training and support in infrastructural development,” Rex Dundun, the AMISOM Police Chief of Staff, who is also the Acting AMISOM Police Commissioner said on the arrival of the Individual Police Officers in Dhobley yesterday. The deployment of AMISOM Police to Dhobley is in fulfilment of the UN Security Council Resolution 2431(2018), which calls for a reduction of uniformed personnel and increased presence of the AU Police in the country, to support the expansion and maintenance of law and order; as security responsibilities transition to the Somali security forces. Dhobley and the rest of Lower Jubba region is secured by the Kenya Defence Forces under AMISOM. “We are aware of the tremendous responsibility the Kenya Defence Forces of AMISOM have, in securing Dhobley and ensuring that the area is safe. Now is the time to build the local police capacity, so that they can now take charge of the internal security of Dhobley and its environs,” stated DCP Dundun who had accompanied the IPOs. He added that AMISOM may also deploy a contingent of Formed Police Unit in the town, to assist in joint security operations. The AU Police Officers will be in Dhobley for the next one year, during which they will bolster the capacity and develop substantial police presence in the entire Lower Jubba region. “We would like our forces to get quality world-class training from this collaboration with AMISOM. Most especially, we hope to learn skills and benefit from the experience and expertise of AMISOM police officers,” Col. Haybe Ahmed Abdullahi, the police commander in Dhobley said. The Individual Police Officers expressed keen interest in embarking on their duties. “You know the work of the police is to protect the life and property. So, we have come to cooperate with our brothers in the Somali Police Force, to secure the lives of the populations” said SP Muhangi Edison, the team leader of the IPOs. DSP Tolulope Ipimmisho, another Individual Police Officer conveyed optimism about the future of the Somali Police Force in general. “We will work hand in hand with them, mentor them and help them restore peace and order,” she asserted. View the full article
-
Dhoobley (Caasimadda Online) – Waxaa xalay la gubey xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay duqeynta, waxaase burburay Dhismihii shirkadda & dhammaan Agabkii isgaarsiineed ee ay ku shaqeyneysay xaruntu oo ka koobnaa Dhismo, BTS, Links, Motors iyo agabkii kale ee site-ka yiilay. Waxaa sidoo kale waxyeelo xoogan soo gaartay Taawarrada labada ah ee halkaa kadhisnaa iyo Taawarrada shirkado kale oo dhanka Isgaarsiinta ah. Waxaana hadda hawada ka maqan isgaarsiintii Dhoobley, Jaldeys, Diif iyo 7 Site oo ka tirsan magaalada Dhoobley & Tuulooyinka hoos yimaada, waxaana hawada ka maqan dhammaan shirkadihii Isgaarsiinta ee halkaas ka howlgeli jiray kadib markii ay saameyn ku yeelatay duqeynta Ciidamada Kenya. Ciidanka Kenya waxay Sal dhigga ugu weyn Gobollada Jubbooyinka ku leeyihiin Tuulada Taabta oo ka tirsan isla Degmada Afmadow, una dhow Xarunta la gubey ee shirkadda Hormuud. Arbacadii lasoo dhaaafay oo ku beegan March 20, ayaa ciidanka kenya oo isticmaalaya Helicopters Gunship waxay duqeeyeen Xarunta Shirkadda Hormuud ee Xiiso-Uguur oo ka tirsan Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo, taasoo ka dhigan in muddoo usbuuc ah ay ciidanka kenya ay fuliyeen duqeyntii 2aad. Ujeeddada ay ciidanka kenya ka leeyihiin Burburinta xarumaha isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay isgaarsiin la’aan dhigaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee xudduudda u dhow sida: Dhoobley, Beledxaawo & Ceelwaaq. Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda hormuud oo kala ah: Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo kawada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Cabsi xoogan iyo hadal heyn dhanka amaanka ayaa ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoo dadka ay hadal hayaan xaaladaha dhanka amaanka ee Muqdisho. Fariimo digniino ah ayaa aad loo hadal hayaa kuwaasi oo lagu sheegay in gaadiid ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ay soo galeen magaalada Muqdisho, taasi oo cabsida dhanka amaanka ah dhalisay. Qoraalka digniinada ah ee aad loo hadal haya ayaa waxaa bixiyay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan amaanka UNDSS, walow warar soo baxaya ay sheegayaan in digniinaha ay ahaayeen kuwo hore loo baahiyay, waxaana la sheegay in afar gaari oo qaarkood ay yihiin kuwo waaweyn ay soo galeen magaalada Muqdisho. Digniinta ayaa lagu sheegay inay suuragal tahay in lagu beegsado Hoteelo iyo goobo ay dadweynaha ku kulmaan, waxaana laga digay in meelaha qaar laga fogaado. Weeraradan ayaa dhici kara Arbacadda Maanta ah illaa Sabti, sida warbixinta lagu sheegay, waxaana ku jira Baabuurta Qaraxyadda ah mid Xamuul ah oo sida Qarax Tankiisu wayn yahay. Dhawaan inta aan la weerarin xarunta wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha waxaa hay’adaha sirdoonka reer Galbeedka ay soo saareen digniino dhanka amaanka ah, iyadoo aan wax laga qaban. Cabsi xoogan ayaa soo wajahay shacabka magaalada Muqdisho oo dhibaatada ugu badan ay kasoo gaarto weerarada iyo qaraxyada Al SHabaab ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed oo saaka u socdaalay gobolada Bari iyo Karkaar ayaa haatan gaaray magaaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray magaalada Qardho waxaa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada xubno ka tirsan golayaasha dowladda oo halkaasi uga sii horreeyay iyo dadweyne isaga yimid xaafadaha degmadaasi Qardho. Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee madaxweynuhu uga baxo caasimadda Garoowe tan iyo markii la doortay ayuu ugu kuur-gelayaa xaaladda ka jirta gobolada Bari iyo Karkaar gaar ahaanna magaalada Boosaaso oo waayadan dambe aan amnigeedu fiicneyn. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa saaka ku dhawaaqay in saddex degmo oo Puntland ka tirsan si tijaabo ah doorasho qof iyo cod ah looga samayn doono dhammaadka sannadkan 2019. Wasiirka ayaa sheegay in saddex degmo si tijaabo ah looga qaban doono doorashada golayaasha degaanka oo loogu tartami doono habka qof iyo cod balse ma uusan magacaabin degmooyinka qorshaysan. Mudane Dhabancad ayaa sheegay in haddii tijaabadaasi guulaysato dhammaan degmooyinka Puntland sannadka soo socda laga qaban doono doorashooyinka golayaasha degaanka oo loogu tartami doono nidaamka qof iyo cod. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan-bulsho oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Dhabancad oo sheegay in sannadkan degmooyin ka tirsan Puntland laga qaban doono doorasho qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Michael Rubin, oo ah aqoonyahan Maraykan ah oo madax ka ah machadka American Enterprise Institutute dhawaana socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa safiirka Maraykanka ee Soomaalida danjire Donald Yamamoto ku canaantay sida uu uga gaabiyay inuu Somaliland socdaal ku yimaado, iyadoo ay xaaladeeda nabadgelyo tahay mid sugan oo ammaan ah. Mrichael oo baahiyay qormo dheer oo uu kaga hadlay qorsheyaasha Maraykanka ee ku waajahan Soomaaliya, wuxuu sheegay inuu dhawaan socdaal ku tagay magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Borama iyadoo aanay ciddi ilaalinaya. Wuxuu nasiib darro ka xun markab sii degaya ku tilmaamay go’aamada sida ula kaca ah loogu curdo duubayo baahiyaha nolosha si ay hoos ugu sii dhacaan, “Nasiib darro.” Ayuu yidhi “Waxay u muuqataa inay tahay siyaasadda Ambassador Yamamoto. Sidii diblomaasiyiintii hore ee Maraykanka ahaa ee loo asteeyay xafiiska Soomaaliya, weli cagta muu dhigin gobalka. Arrinta ammaanku maaha cudur daar. Waxaan dhawaan booqday Hargeysa, Berbera iyo Borama oo aan degenaa hoteelada caadig aah islamarkaana dhex socday iyadoo aanay ilaalo ila socon.” Wuxuu Mr. Michael intaas raaciyay inaanu danjire Yamamto oo keliya diidanayn inuu xidhiidh dhex maro ciidamada ammaanka Somaliland iyo ciidamada Maraykanka ee saldhiga ku leh Djibouti, laakiin ay sidoo kale safaaradda Maraykanka ee Soomaalidu diidantahay in xidhiidh dhex maro Somaliland iyo saldhiga Maraykanka ee Djibouti, “Yamamato oo keliya ma diidana inuu taageero gaadhsiiyo Somaliland si ay u sii wado inay isaga difaacdo Al Shabaab, laakiin wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya waxay ka soo horjeedaan inuu xidhiidh dhex maro ciidamada Maraykanka ee Djibouti jooga iyo wasaaradda difaaca Somaliland iyo ciidanka ilaalada xeebaha.” Ayuu yidhi. Wuxuu sheegay in 1% ka mid ah lacagta Maraykanku uu ku bixiyo Muqdisho oo uu siiyo ciidamada ammaanka Somaliland ay wax weyn u tari lahayd ciidamada ammaanka Somaliland “Wax qiimo ah kuma qaadanayso Maraykanka inuu xafiis uga asteeyo saldhiga Maraykanak ee Djibouti si joogto ah ula xidhiidhaa ciidamada Somaliland. 1% ka mid ah inta uu Muqdisho u qoondeeyay, ayaa ciidamada Somaliland wax u tari kara iyadoo hadaba hawlgao guulo ah gaadheen oo lagula dagaalamo Budhcadeeda, Alshabaabna loo diidayo inay cagaha soo dhigaan deegaanka, laguna joojinayo tahriibinta hubka sharcid arada ah.” Wuxuu dawladda Maraykanka ugu baaqay inay door ka ciyaarto wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo ilaa hadda Turkiga gacantiisa ku kooban, waxaanu u soo jeediyay inay ergay gaar ah u magacowdo qorshahaas wada hadalada, waxaanu uga digay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mr. Mike Pompeo in haddii uu dusha ka daawado arrimaha ay malaayiin dollar ku qaadan doonto Maraykanka qas iyo jaho wareerna ka bilaabi doono deegaano imika nabdoon. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Saddex bilood ayaa laga joogaa markii ay dawladda Soomaaliya caydhisay ergaygii Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, welina Qaramada Midoobay waxay u muuqataa inay ka war-wareegayso inay danjire cusub u soo magacowdo. 2 January ayay dawladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay caydhisay ergaygaas, ka dib markii uu dawladda Soomaaliya u jeediyay eedaymo islamarkaana weydiiyay su’aalo ku saabsan xuquuqal insaanka markii ay Soomaaliya xidhay Sheekh Mukhtaar Roobow. 12 toddobaad amaba 84 maalmood ayaa laga joogaa tan iyo markaas ay Soomaaliya ergayga caydhisay, inkastoo ay Qaramada Midoobay aqbashay oo ay bedeshay danjiraheedii, haddana waxa soo baxday qorshe siyaasadeed oo ay dad badani saadaalinayeen oo ah inaanay Qaramada Midoobay soo magacaabi doonin ergay cusub balse uu shaqadii ergayga ay Soomaaliya caydhisay sii qaban doono ku xigeenka ergaygaas hore. Sidoo kale halkii laga sugayay inay Qaramada Midoobay soo magacowdo ergayga cusub, waxa ay ergay cusub u soo magacowday gobalka Geeska Afrika, waxaanay dad badani su’aalo aan jawaabtooda la helin iska weydiinayaan shaqada ergayga cusub. Source
-
The international partners on Tuesday welcomed reforms in Somalia’s security sector to help flush out the al-Shabab militant group. The partners from the United Nations, African Union, European Union, Britain, and the United States welcomed the initiative by Prime Minister Hassan Ali Khaire to brief them on reforms in the security sector and the government’s plans to continue to improve security. “We believe the full implementation of these reforms will contribute to stability and prosperity for the Somali people and the wider region,” the partners said in a joint statement issued in Mogadishu. They called on the stakeholders to support and coordinate collective efforts to help the government and people of Somalia achieve security, economic and political reforms through an inclusive dialogue process. “We are encouraged by the determination of the Federal Government of Somalia to implement necessary security, economic and political reforms, and we underline our support for this work,” they said. The partners said they looked forward to the important decisions in the context of continued support to African Union Mission in Somalia as it transfers security responsibilities to Somali-owned security. The AU mission is supporting the transition through the priority tasks including securing main supply routes, securing key population centers, mentor and assist Somali security forces, both military and police, in close collaboration with UN Assistance Mission in Somalia. View the full article