Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,806
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo kamid ah xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ku qasbanaan doono inuu qeyb ka noqdo maamulada u hogaansami doona dowlada Federaalka ah ee Somalia. Sanator Qeybdiid oo kamid ahaa Wafdigii ka socday Aqalka sare ee loo diray Galmudug ayaa tilmaamay in maamulka Galmudug ay dhan waliba ka tuseen ahmiyada ay leedahay isku tanaasulka, waxa uuna carab ***** inay qabaan rajo ku aadan isku soo dhawaanshaha dowlada iyo Galmudug. Qeybdiid waxa uu sheegay in iminkaba uusan jirin kala fogaansho balse uu jiro Isfahan yari ka dhex jira dowlada iyo maamulada hase yeeshee xal degdeg ah laga gaarayo. “Anagu madaxda Galmudug waan u sheegnay sida ay waxyihiin waxaanu isla garanay in lasoo afmeero khilaafka maamulka kala dhexeeya dowlada, Galmudugna wey aqbashay” Waxa uu intaa raaciyay “Galmudug wadada ayey kusoo jirtaa waa laga war sugayaa isbedelka ay la imaan doonto weyna ku khasbanaan doontaa inay garato tanaasulka” Qeybdiid, ayaa carab ***** inay muhiim tahay in dowlada Dhexe qudheeda ay xaliso tabashooyinka maamulada, inkastoo uu tilmaamay in shirka loo qabanaayo Galmudug lagu soo afmeeri doono khilaafka maamulka dhex diisa iyo kan kala dhexeeya dowlada. Sidoo kale, Qeybdiid ayaa meesha ka saaray in mar akle uu soo laaban doono khilaafka isagoo dhanka kale sheegay in dowlada Dhexe ay isku soo dhaweyn doonto madaxda Galmudug. Docda kale, Sanator Qeybdiid ayaa sheegay in Galmudug ay qaadatay inay la midowdo Dowlada Dhexe, isla markaana dalbatay in xal loo helo tabashooyinkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiyihii ku xigeenkii hore ee Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa ku tilmaamay Amxaarada iyo Tigreyga doqomo isaga oo ku nuux nuuxsaday in ay ahaayeen guumesteyaal. Macallin waxa uu farta ku fiiqay in qarniyo ay Amxaarada iyo Tigreega oo la’isku yiraahdo “Abyssinian Stock” ahaayeen kuwo guumeysta qowmiyadaha kale ee dalka la wadaaga. Get educated on simple facts triple pinheads. The centuries old Abbysinian dynasty enslaved the Oromos, Afar, Banishangul, Gumuz, Gambela, Southern nationalities etc etc. The first time a member of the lesser communities has accessed real power & you think they will backtrack!!! — Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 21, 2018 Isaga oo dareenkiisa ku cabbiraya xiisaha ka jira Itoobiya iminka ayuu Twitter-kiisa soo dhigay farriin kulul oo uu ku bidhaaminayo cabsida haysa Amxaarada iyo Tigreega. “Waa inaad aqoon u yeelataan xaqiiqooyinka fud fudud, saddexdiina doqomaha ah. Qarniyadii boqortooyooyinka Abbysinia waxa ay guumeysteen Oromada, Canfarta, Banishangul, Gumuz, Gamblea, qabiilda Koonfurta iyo iwm. Markii ugu horreeysay ee qowmiyadaha yar yar heleen awoodda dhabta, markaa ma waxaad moodaan in ay aargoosi sameenayaan!!!”, ayuu yiri Faarax Macallin. Itoobiya waxa ay yeelatay Raisul Wasaarihii ugu horreeyey ee ka soo jeeda qowmiyadda Oromada kaddib markii uu Dr Abiy Ahmed loo magacaabay xilgaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku helnay kulan maalmo qaatay ayaa waxa uu dhexmaray Khubaro ka kala tirsan Hay’adda NISA iyo Taliska ciidamada AMISOM ee Somalia, waxaana kulanka lagu gaaray heshiis muhiim oo la xiriira wadaaga xogta sirdoonka. Kulanka oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ahaa mid looga arrinsanayay sida ugu fudud ee Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa Somalia, ayaa waxaa sidoo kale laga soo saaray go’aanno lagu wiiqi karo awoodda Al-Shabaab. Qorshaha ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa in la xoojiyo wada shaqeynta Hay’adaha Sirdoonka Somalia iyo Taliska Ciidanka AMISOM, la iskula wadaago xogta sirdoonka, sidoo kalena ay guud ahaan ciidamada labada dhinac lahaadaan iska warqab buuxa. Khubaradu waxa ay isla garteen inay muhiim tahay in howlaha lagu dhinac wado sida ugu sahlan ee loo uruurin karo xogaha dhinaca amaanka ah, iyadoo si joogta ah loo wadaagayo xogaha. Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa soo uruurisa xogaha ay ku howlgalaan ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Militariga. Sidoo kale, madaxa Sirdoonka Ciidanka AMISOM Naboth Mwesigwa, ayaa Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ka codsaday in ay xogaha muhiimka ah isla socodsiiyaan si cadowga loo wiiqo. Dhinaca kale, kulanka ayaa lagu sheegay in ay hoos u dhaceen weerarrada dhinaca Miinooyinka ah gudaha Soomaaliya kaddib markii la helay isku xir fiican oo dhinaca sirdoonka ah iyo tababarro dheeraad ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka m shaqeynayso qorshooyin dib loogu bilaabayo wada-hadallada maamulka Somaliland. Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) wuxuu markii ugu horreeysay sheegay dowladda Federaalka inay qorsheysay kulan fool ka fool ah oo ay yeeshaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi. Arrintaas waxaa ka jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland DR Sacad Cali Shire. Wuxuu sheegay wasiirku in bishii February ee sanadkan in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Farmaajo ku kulmeen Jabuuti, kadibna wadahadalka dib loo furayo. Wuxuu sheegay in wadamada gobolkani oo heshiisyo ka gaaray colaado u dhaxeeyay sanado badan ay ka duwan tahay qadiyadda Soomaaliya iyo Somaliland. Wasiirka ayaa ka hadlay waxa hortaagan in ay wada hadallo yeeshaan dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland. Sacad Cali Shire ayaa daboolka ka qaadya in bulshada caalamka uga dacwootay maamulka Puntland kaddib markii dhowaan uu booqasho ku yimid magaalada Baran ee gobolka Sanaag madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas. HALKAN KA HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-WASIIR-SACAD-22-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. MOGADISHU (HOL) - The president of Somalia’s Hirshabelle State reappointed former Hiiraan region’s governor to lead the central region, replacing the region’s current governor who held the post for just five months. Source: Hiiraan Online
  6. MOGADISHU (HOL) – Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has canceled his planned trip to New York this week as the horn of Africa nation faces political crisis pitting the central government and regional states, diplomat said. Source: Hiiraan Online
  7. Jabhadda Caarre Waxaa maanta oo sabti ahayd galinkii dambe markii ugu horreysay dagaal dhexmaray ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Jabhadda uu hogaamiyo Korneyl Caarre. Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka buuraleyda ee Hal-dhaadan oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa ku bilowday sida ay xog ku heshay PUNTLAND POST, kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar ku qaadeen garab kamid ah Jabhadda Caarre oo uu hogaamiyo Kornel Jamaal Ducaale Maxamed (Baaxad) oo ku sugnaa maalmihii udambeeyay deegaanka Hal-dhaadan ee gobolka Sanaag. Midig Korneyl Caarre, bidix Koreyl Baaxad Jabhadda Korneyl Caarre ayaa war qaraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ku sheegtay in ay dharbaaxo xanuun kulul ku dhufatay ciidamada Somaliland oo soo weeraray, aysana soo gaarin wax khasaare ah. Sidoo kale Jabhadda Korneyl Caarre ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay ka jawaabi doonaan weerarka lagu soo qaaday. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Somaliland oo looga hadlay dagaalkaas, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaaray, inkastoo aan si dhameystiran loo xaqiijin karin, sidoo kale waxaan la xaqiijin karin cidda hadda ku sugan deegaanka dagaalku ka dhacay. Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro) oo dhawaan ka hadlay garabka Jabhadda Caarre ee ku sugan deegaanka Hal-dhaadan ayaa sheegay in uusan agtooda wax weyn ka ahayn Korneyl Baaxad oo ay si fudud u soo qaban karaan, balse ay u turayaan. Jabhadda uu hogaamiyo Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo sheegtay in ay la dagaalami doonto wax ay ku sheegtay cadaalad daro ka jirta Somaliland ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaysa. Puntland oo marar badan ku eedeysay Somaliland in ay gacan saar la leedahay Al-shabaabka Galgala, ayaa dhawaan Jabhadda Korneyl Caarre saldhig ciidan ka siisay meel u dhow magaalada Qardho. PUNTLAND POST The post Dagaal dhexmaray Somaliland iyo Jabhadda Caarre appeared first on Puntland Post.
  8. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo kamid ah gollaha wakiillada baarlamaanka Somaliland ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu xukuumadda Muqdisho dusha u saaray masuuliyadda wada hadalladii labadii dhinac. Wuxuu sheegay xildhibaanku in Somaliland ay soo jeedisay in loo wada hadlo sidii laba dowladood oo siman, arrintaas ay ka dhaga fureysatay madaxtooyada Soomaaliya. Xildhibaan Axmed Diiriye oo soo hadal qaaday hakadka ku yimid wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa xusay in la isku afgartay in laga wareejiyo dalka Turkiga oo ay u arkaan mid aan dhexdhexaad ahayn. Waxaa kaloo uu iska fogeeyay in Somaliland ay shuruudo adag ku xirtay wada hadalladii Dowladda federaalka iyo Somaliland. Wada hadalladani oo dhowr jeer ka qabsoomay dalalka kala ah Turkiga, Imaaraadka iyo Jabuuti ayaa wali waxaa lagu guuleysan in ay ka soo baxaan heshiis dhammeystiran. HALKAN KA HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XILDHIBAAN-NACNAC-22-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Taliyaha booliska federaalka Jeneraal Bashiir Cabdi oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa ka warramay dhibaatooyin amni darro oo caasimadda ku soo kordhay maalmahani. Wuxuu faahfaahin ka bixiyay dadaallo uu sheegay in ciidamada ammaanku ay kaga horgayaan weerarro dilal u badan oo ka dhacayay maalmahani magaalada Muqdisho. Taliye Bashir waxaa kale uu sheegay in meel walba oo magaalada kamid ah ay joogaan Booliska, arrintaas iminka aan jirin. Waxaa uu soo hadal qaaday ammaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in laamaha ammaanku ay wadaan dadaallo iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga caasimaddani. Isagoo intaas ku daray in shacabka magaalada laga doonayo in ciidamada ay kala shaqeeyaan nabadgalyada sidii loo xaqiijin lahaa. Hadalka taliyaha booliska Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmaya xilli amaanka magaalada Muqdisho su’aallo la iska waydiinayo, kaddib markii silsilado dilal qorsheysan ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen, oo uu ugu dambeeyay mid lagu khaariyay Gabar Ardayad ah shalay subax. HALKAN KA HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/TALIYAHA-BOOLISKA-BY-CALI-AADAN-MUUMIN.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Qaraxyo isxigxigay oo ka dhashay baabuur lagu xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay isgoyska dabka waxaana gaariga qarxay lagu sheegay inuu lahaa Proff Yaxye Caamir Xaaji Ibraahim oo ah barre Soomaaliyeed, kana faallooda dhaqaalaha. Aqoonyahanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi uu ku geeriyooday walaalkiis Cumar Caamir Xaaji Ibraahim hal qof kale uu dhaawacmay. “Gaariga dabka ku qarxay, wuxuu ahaa gaarigeeyga, kursigeeyga ayaana lagu xiray qaraxa, waxaana xilligaas saarnaa walaalkeeyga oo aniga ii soo socday, Allaha u naxariistee walaalkeeyga ayaa gaariga qarxay ku geeriyooday” ayuu yiri Proff Yaxye Caamir. Dhanka kale, qaraxa labaad ayaa ka dhacay isla wadada Makka Almukarrama dhabarkeeda dambe waxaana la arkayay uuro iyo qiiq madoow oo cirka isku shareeray. Laamaha amniga dowladda ayaa wali wax faahfaahin ah ka bixin qaraxyadani magaalada Muqdisho laga maqlay. Qarxayadani ayaa noqonaya culeysyo ku sii siyaada ammaanka magaaladani, waloow taliska boolisku maanta ay sheegeen in ay wadaan howlgallo amni darrada wax lagaga qabanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Yaxye Sheekh Caamir, oo ka mid ah aqoonyahanada magaalada Muqdisho, sidoo kalena ah fallanqeeye siyaasadeed ayaa ka hadlay laba qarax oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo mid ka mid ah uu ka badbaaday. Qaraxyadan ayaa lagu kala xiray laba gaari, oo mid ka mid ah uu ku qarxay Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, halka midka labaadna uu ku qarxay dhabarka danbe ee Hoteelka Maka Al-Mukarama. Gaariga lagu qarxiyay isgoyska Debka ayaa waxaa lahaa Prof Yahya Sheikh Caamir, waxaana gaariga ku dhintay walaalkiis oo xilliggaasi gaariga watay. Prof. Yaxye ayaa hadda shaaca ka qaaday inuu ogaaday in qofka loola dan lahaa qaraxa uu ahaa isaga, ee anau ahayn walaalkiisa, balse qadarta ay qorneyd inuu walaalkiisa qaraxaas ku dhint. Yaxye Sheekh Caamir, waxa uu sidoo kale diiday inuu qaraxa ku eedeeyo kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in magaalada Muqdisho aysan kooxda Al-Shabaab kaliya wax ku dilin, sidaas darteedna aan durba Shabaab dusha loo saari karin. “Magaalada Muqdisho, waxaa wax ku dila toddoba kooxood oo kala duwan, oo Shabaab kaliya ma fuliyaan dilalka. Sidaas darteedna ma garan karo cidda dishay walaalkey” ayuu yiri Yaxye Sheekh Caamir. Hadalka Yaxye Sheekh Caamir, oo ah aqoonyahan iyo xo-ogaal siyaasadeed, ayaa bixinaya macno oo weyn oo ah in dhibka Muqdisho uusan Shabaab kaliya ahayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. MOGADISHU (HOL) – A car bomb exploded in the Somali capital late on Saturday, killing one person as the city faces a new surge in bomb attacks and assassinations largely targeting government workers and civilians, officials, witnesses say. Source: Hiiraan Online
  13. Kismaayo Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn ku dishay 18 xubnood kamid ah Al-Shabaab kadib markii ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Maraykan ah lagu weeraray Koonfurta Soomaaliya, sida maanta oo sabti ah uu sheegay taliska Maraykanka ee Afrika. Ma jiraan cid ka tirsan ciidamada Soomaalida iyo kuwa Maraykanka oo lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka, sida uu sheegay, Nate Herring, oo ah afhayeen u hadlay AFRICOM. Weerarka waxaa la qaaday Jimcihii wuxuuna ahaa wax iska caabbin kadib markii “mintidiintu ay weerar ku qaadeen sahan ama roondo ay si wadajir ah u samaynayeen Ciidamadu” markaas oo maraykanku uu kaga jawaabay “rasaas aan toos ahayn” ayuu yiri . Dagaalka ayaa ka dhacay meel 50 kilometer u jirta magaalada dekadda leh ee Kismaayo kagana beegan Waqooyi-galbeed, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska Maraykanka ee Afrika. Ciidamada Maraykanka ayaa la shaqeeya xoogagga caalamiga ah ee nabad ilaalinta iyo ciidamada dawladda soomaaliya oo dagaal kula jira Al-Shaabab. Maraykanka ayaa sanadkaan gudihiisa qaaday in ka badan 20 duqaymood oo dhanka cirka ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. It’s hard to get six siblings to agree on anything. But the family of Republican congressman Paul Gosar, who is running for re-election in a deeply conservative Arizona district, has offered a unified message to voters ... Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweyne Gaas oo Boosaaso gaaray Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweyne Gaas oo ka soo kicitimay magaalada Badhan oo uu booqasho saddex maalin ah ku joogay, waxaa Boosaaso ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Bari, kan degmada, masuuliyiin kale iyo qaar kamid ah shacabka magaaladaas. Madaxweynaha Puntland oo marii uu madaxtooyada Boosaaso gaaray la hadlay warbaahin ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta gobolka, wuxuuna safarkiisa ku macneeyay u guur galida xaalada magaalada Boosaaso. Sidoo kale Madaxweye Gaas ayaa ciidamada iyo shacabka Boosaaso faray in aan loo jixin jixin ururada Al-shabaab iyo Daacish oo dilal ka geysta Boosaaso. Cabdiwali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona Boosaaso. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo fariin u diray ciidamada iyo shacabka Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  16. United States and allied forces came under attack in Somalia, triggering an air strike which killed 18 Al-Shabaab militants, the US military said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  17. Two car bombs exploded in Somalia’s capital Mogadishu on Saturday, injuring two people, an emergency worker and a police officer said. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax gaari oo casir liqii maanta ka dhacay Isgooska Dabka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ka dhacay Isgooska debka oo gaariga loogu xiray wiil ay wada dhasheen Porf. Yaxye Sheekh Caamir kaa oo u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray. Waxaa sidoo kale ku dhintay Qarax laba ruux oo iyaguna la sheegay inay la socdeen Gaariga sida ay baahisay Idaacada VOA. Gaarigan ayaa la sheegay in xiliga uu Qarxaayay laga soo qaaday Garaash kadib cilado laga soo sameynayay, iyadoo inta la cilad bixinaayey darawalka loogu xiray Qarax uu tankiisa cuslaa. Ma cadda sida dadka qaraxa kusoo xiray baabuurka ay u awoodeen inay sidaas ku sameeyaan intii uu yaalay garaashka. Gaarigan ayaa la xaqiijiyay in Qaraxa oo ahaa nooca dhajiska loogu xiray afka hore, waxaana Qarax kadib ku baahay ololka oo saameeyay gabi ahaan gaariga. Mid kamid ah Saraakiisha Qaraxa ku baxay ayaa laga soo xigtay in Qaraxa ay ku dhaawacmen Seddex ruux oo midi ahaa Askari goobta ku sugnaa, halka labada kale ay xiliga Qaraxa marayeen wadada. Sarkaalkan ayaa sheegay in xogta ay helayaan ay muujineyso in Gaariga Qaraxa loogu soo xiray meel aan sidaa uga sii fogeyn Isgooyska Bakaaraha, balse ay wadaan baaritaano dheeri ah. Qaraxa labaad oo isna ahaa mid lagu xiray Gaari ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga Hoteel Cali Kaar oo ku yaala dhabarka danbe ee Makka Al-Mukarama. Gaariga lagu xiray Qaraxa labaad ayaa yiilay banaanka sare waxaana la xaqiijiyay inuu lahaa Sarkaal ka tirsan dowlada, balse xiliga Qaraxa ma uusan saarneyn gaariga. Qaraxaan labaad ayaan geysan khasaaro waxa uuna dhacay xili uu gaariga yiilay baakin guri hortii ah, sida aan kasoo xiganay dad goobjoogayaal ah. Qaracyadan ayaa kusoo beegmaya xili magaalada Muqdisho ay kusii kordhayan Qaraxyada iyo dilalka ay geystaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Dhinaca kale, Qarax ceynkaan ah ayaa waxaa asbuucii tagay lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsanaa BFS xili uu maraayay afafka hore ee dhismaha Tiyaatarka.
  19. Muqdisho (PP) ─ Taliska cidamada Mareykanka ee ku sugan Afrika ee AFRICOM, ayaa sheegay in 18-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen weerar ay ciidamadooda iyo kuwa Soomaaliya ka fuliyeen deegaan ku yaalla Koonfurta Soomaaliya. Afhayeenka ciidamada AFRICOM, Nate Herring ayaa sheegay inaysan kasoo gaarin dhimasho iyo dhaawac ciidanka weerarka fuliyay, iyadoo afhayeenku uu sheegay inay beegsadeen gaadiid ay la socdeen Al-shabaab, ayna halkaa khasaare ugu geysteen. “Waxaan beegsannay Jimcihii shalay gaadiid ay wateen Al-shabaab, waxaana ku dilnay 18 ka mid ah xoogaggii la socday, mana jiraan khasaare naga soo gaaray intii uu weerarku socday,” ayuu yiri Nate Herring. Sidoo kale, wuxuu sheegay in weerarkan uu ka dhacay deegaan 31-km kaga beegan dhanka waqooyi-galbeed magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxay kaloo sheegeen inay jiraan laba dagaalyahan oo ciidamada DF ay ku dileen toogasho toos ah, inkastoo aan laga bixin faahfaahin dheeri ah. Dowladda Federaalka Somalia ayaan weli wax faahfaahin ka bixin hawlgalka la sheegay in lagu dilay xubnaha ka tirsan Kooxda Al-shabaab ee ka dhacay Koonfurta Somalia, sidoo kalena kooxdu kama aysan hadlin. Xukuumadda Washington ayaa Al-shabaab la beegsatay labaatan duqeyn oo cirka ah inta lagu jiray sannadkan, kuwaasoo kooxda xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida loogu geystay khasaare fara badan. Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa horay u sheegay inay kordhin doonaan duqeymaha lala beegsado AL-shabaab, si loo hortago weerarrada ay a geysanayaan Somalia iyo dalalka kale ee Geeska Afrika, inkastoo aan weli lagu guuleysan in la xakameeyo awoodda kooxdan. Tan iyo markii Mareykanku kordhiyay weerrarada ka dhanka ah Al-shabaab ee Somalia ayaa waxaa Mareykanka looga dilay gudaha Somalia laba askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee Somaila ku sugan, si ay gacan uga siiyaan Dowladda Somalia dagaalka lagula jiro Al-shabaab. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa duqeymaha uu Mareykanku ka geysanayo Somalia waxaa looga dilay tiro hoggaamiyeyaal iyo ciidammo isugu jira oo uu ka mid ahaa Hoggaamiyihii hore ee Kooxda Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaannay C/raxmaan Abuu-Zubeyr. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo sheegay inay tiro Al-shabaab ku dileen Hawlgal ay ka fuliyeen Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo mar qura galabta ka dhacay isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, Qaraxyadan ayaa ahaa kuwo lagu soo xiray gaadiidka qarxay. Mid ka mid ah gaadiidka qarxay ayaa waxaa la sheegay inuu lahaa Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah barayaasha jaamacadaha Muqdisho, waxaana la sheegay inuu watay walaalkiis oo ku dhintay qaraxa gaariga oo si lama filaan ah uga dhacay bartamaha isgoyska Dabka. Goobjoogayaal ku sugna goobta uu qaraxan ka dhacay ayaa sheegay inay mar keliya maqleen jug xoog leh, ayna arkeen gaari nooca Land Cruiser-ka ah oo goobta ku gubanaya, waxayna sheegeen inaysan jirin khasaare kale oo uu geystay. Sidoo kale, Gaariga labaad ayaa isagana ku qarxay meel aan ka fogeyn is-goyska Dabka ee Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay wadihii gaarigaas iyo saddex qof oo kale oo shacab ah, kuwasoo marayay goobtaas. “Baabuur waddada marayay ayaa mar qura qarxay, waan argagay markii aan eegay goobta waxaan arkay gaari gubanaya iyo dhawr qof oo dhaawac qaba, kuwaasoo cararayay qaarkood,” ayuu yiri goobjooge Nuur Xuseen ku soo koobay magaciisa. Prof. Yaxye Sheekh Caamir ayaa wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada aan dalka ka bixin, wuxuuna muddo fog macallin dhaqaalaha dhiga ka ahaa qaar ka mid ah jaamacadaha dalka, lama oga in qaraxa gaarigiisa loogu xiray la doonayay in isaga lagu dilo iyo in kale. Dhanka kale, Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka ay qaraxyadu ka dhaceen, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxyadan, waxaana gaadiidka dabka la dagaalama ay dambiyeen gaadiidka qarxay oo uu dab xoog leh qabsaday. Ugu dambeyn, Qaraxyadan ayaa waxay imaanayaa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdihso ka dhacayeen dilal qorsheysan oo loo geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, inkastoo dilalaksaas loo qab-qabtay dhawr qof sida ay sheegeen saraakiisha booliiska Soomaaliya. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN ku Saabsan Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Khasaarihii ay Geysteen appeared first on Puntland Post.
  21. MOGADISHU (Caasimada Online) –Two people have been killed and two others injured when twine bomb explosions rocked Somali capital Mogadishu First explosion occurred near Olow Tower at Dabka junction, after bomb fitted into car exploded, leaving two people dead, a witness said. He says the 2nd bomb blast went off at the backside of hotel Maka Al-Mukarama in the capital. Somali police says one of the explosions in Mogadishu was aimed to kill a leading academic, Prof. Yahye Amir, but he unharmed as bomb attached into his car exploded. Amir’s driver reportedly died in the explosion. There was no immediate claims of responsibility for Saturday’s explosions in Somali capital. Somali capital has been hit by deadly suicide explosions claimed by Al Qaeda linked Al Shabaab group. Al-Shabab, which is fighting both Somalia’s fragile government and an African Union force, has been accused of indoctrinating and training youth as fighters. The group continues to control parts of southern and central Somalia and carries out bombings against high-profile targets in the capital, Mogadishu. Next month the Horn of Africa nation will mark the first anniversary of a truck bombing in Mogadishu that killed 512 people, the country’s deadliest attack. It has been blamed on al-Shabab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qaraxyo si xigxigay ay ka dhaceen Nawaaxiga saldhiga Waaberi. Qaraxa koowaad oo ahaa gaari lagu xiray walxaha qarxa, ayaa ka dhacay Isgoyska dabka, waxaana qaraxa uu ka dhex dhacay gaari landgruser ah kaasoo uu saarnaa qof watay. 10 Daqiiqo wax ka yar markii qaraxa hore laga joogo, ayaa qarax kale oo Jugtiisa meelo badan oo Muqdisho ah laga maqlay, waxa uu ka dhacay dhabarka danbe ee Hoteelka Maka Al-Mukarama. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya labadaan Qarax oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Qaraxyada oo ahaa laba gaari ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah oo ahaa saaruf uu lahaa Pro Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Somalia ahna falanqeeye. Gaariga Pro Yaxye ayaa Shabakadda Caasimadda waxa loo xaqiijiyey inuu waday walaalkiis,isla markaana uu ku geeriyooday qaraxaas. Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaarey goobta uu qaraxa ka dhacay,iyo sidoo kale Gawaarida dab-damiska,kuwaas oo demiyey labada gaari oo aad u holcayey.
  23. Magaalada Muqdisho ayaa goordhow waxaa ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa. Qaraxa ayaa ka dhacay wadadda mashquulka badan ee Makka A-mukarama ee magaaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa si gaar ah waxaa uu uga dhacay isgooyska Dabka oo ah isgooys mashquul badan. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta kuwaasi oo xiray wadada, Faah faahinta dib kala soco insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Deg Deg : Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor-dhow ka dhacay isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ma hayno wax faahfaahin oo intan dhaafsan. La soco wararkeena, oo aan cusbooneysiin doono waxyar kadib Insha Allah.
  25. MOGADISHU (Caasimada Online) — The United States military says it has carried out drone strike targeting Al-Shabaab militants in Somalia. US military said the strike killed at least 18 Al-Shabaab militants in Janaa Abdalla area, some 50km northwest of Kismayo town after U.S. and Somali troops came under attack by Al Shabaab. In a statement, U.S. Africa Command said two other militants were also killed in clash with Somali especial forces. “The US military carried out an airstrike, in a bid to participate in a “Somali partner forces-led operation against Al-Shabab, an al-Qaida-affiliated terrorist group,” said a memo obtained by Caasimada Online. The United States has carried out more than 20 airstrikes against Al-Shabab in Somalia in 2018. The special operations forces have also been rotating through the country for several years to bolster local and regional forces. There was no immediate comments from Al Shabaab over the claims. US serves as front-line advisers to a United Nations-backed government of Somalia, struggling against rebel factions across the country, particularly in rural southern Somalia. The U.S. military partners with the African Union Mission to Somalia, or AMISOM, during combined counter-terrorism operations against al Shabab training camps and terrorist leadership. The African Union has a combined contribution of roughly 22,000 personnel in Somalia. In early June, one U.S. soldier was killed and four more were wounded during an attack by Al-Shabab militants that consisted of small-arms fire and mortars near Kismayo, a town some 500km south of Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com