-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Dhammaadkii bishii Maarij ee la soo dhaafay waxa dalka Masar bookhasho rasmi ah ku tagay wefti uu hoggaaminayay wasiir ku xigeenkii arrimaha didbadda Liibaan Yuusuf Cismaan oo madaxweynuhu markii dambe xilkaasi ka bedelay. Weftiga Somaliland oo bookhasho rasmi ah ka helay dawladda Masar waxay kulamo la qaateen masuuliyiin sarsare oo ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda gaashaandhigga iyo saraakiil sarsare oo militari waxaana bookhasho lagu geeyay marin biyoodka muhiimka ah ee gacanka Suways. Xukuumadda Masaaridu arrintan waxba kama odhan laakiin, warbaahinta Arab21 oo arrintan warbixin ka qortay ayaa tilmaantay in ay u muuqato in Masar Somaliland meeqaamkeeda kor u qaadayso si ay cadaadis ugu saarto Itoobiya oo ay ku muransan yihiin dhaamka biyaha Webiga Niilka. Amb Baahir Al-Duwayni oo ah xeel dheere xidhiidhka caalamiga ah ayaa warbaahinta Arab21 u sheegay in aanay bookhashada Somaliland ee Masar kaliya ku koobnayn marti qaad ka yimid wasaaradda arrimaha dibadda laakiin, ay tahay arrin ay soo dhiraan dhiriyeen waaxda Sirdoonka ama laamaha ammaanka. Waxa uu sheegay in arrintan loo arki karo cadaadis Qaahira ku doonayso in ay dawladda Itoobiya kula gaadho heshiis labada dhinac ee Addis Ababa iyo Qaahir ba qanciya. Waxa uu sheegay in kor u qaadista meeqaamka Somaliland ee Masar fursad weyn u yahay masuuliyiinta Somaliland maaddaama Masar xilligan hayso xilka hoggaamiyaha Midawga Afrika taasna ay guuldarro u noqonayso dawladda Itoobiya. Amb Baahir Al-Duwayni oo tilmaamaya in aanay arrintani siyaasad ka madhayn wuxuu sheegay in socdaalka weftiga Somaliland yimid laba todobaad kadib markii wefti sare oo Imaaraad ahi joogeen dalka Masar. Cilmi baadhe kale oo ka tirsan Machad Darsa siyaasadda Afrika oo fadhigiisu yahay Masar ayaa Arab21 u sheegay in dawladda Itoobiya la odhan karo way aqoonsan tahay Somaliland marka la eego sida ay ula macaamilayso oo ay ka mid yihiin mashaariicda wada jirka ah ee dekedda Berbera ka mid tahay sidaas awgeedna ay noqonayso Masar in ay meeqaamka Somaliland kor u qaaddo si ay ugula gorgortami karto Itoobiya. Waxa kale oo uu sheegay in ay Masar doonayso in ay dib u soo celiso saamaynteedii gobolka oo ay lumisay, islamarkaana arrimaha xilligan taaggan ee ay ka mid yihiin isbedellada ka dhacay Itoobiya oo qalalaase gudaha ah horseeday, isbedelka Sudan iyo gaabiska Dhaamka Itoobiya ku yimid ay u sahlayaan in ay culays saarto Itoobiya si ay heshiis labada dhanba maslaxad u ah uga gaadhaan xafiiltankooda. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Tobankii bishan April madaxweyne xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi ismaaciil (Saylici) oo hoggaaminayo wasiirro dhawr ah oo xukuumadda ka tirsan ayaa dhagax dhigay mashruuc lagu tilmaamay maalgashigii ugu weyna ee Somaliland laga hirgelinayo oo ah warshad sifaynaysa Saliidda Qaydhiin. Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada Berbera ama gobolka Saaxil oo munaasibadda ka hadlayay waxay si weyn ugu faaneen in warshaddani tahay mashruuca ugu weyn iyaga oo qaarkood gaadhsiiyay in ay Afrikaba meelo kooban arrintan oo kale ka hirgashay. Hase ahaatee su’aalo waaweyn ayaa ka taaggan jiritaanka shrkaddan; su’aalaha taaggan ayaa kala ah in shirkadda laga leeyahay Singapore iyo in laga leeyahay Shiinaha maaddaama la sheegay in laba shirkadood oo la kala yidhaahdo Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD (SNSSEC) iyo China Power. Waxa kale oo la is waydiinaya in ay yihiin shirkado jira. Waxa kale oo aan la ogayn shidaalka Qaydhiin ee ay sifaynayaan midka uu yahay. Warbaahinta Somalilandchronicle oo baadhitaan xeeldheer ku samaysay jiritaanka shirkadahan ayaa warbixin dheer oo Af Ingiriisi ah oo ay arrintan ka qortay ku sheegtay in aanay jirin xog laga hayo jiritaanka shirkadahan marka laga reebo shirkad ku magac dhaw Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD oo magaceedu yahay Singapore New Silk Energy PTE. LTD taas oo la aasaasay sanadkii 2018 laakiin, aan la aqoon meelo ay ka soo shaqaysay. Masuul shirkadda u hadlay oo ka hadlayay munaasibadda dhagax dhigga ayaa sheegay in shirkaddani shaqadan bilawday sanadkii 2017. Waxa kale oo uu sheegay in mashruucani bilaw u yahay isku xidhnaanta Somaliland iyo Singapore laakiin, waxa jira arrimo kale oo mashruuca la xidhiidhinaya Shiinaha oo ay ka mid yihiin in mashruuca ay qayb ka tahay in 300 oo dhallinyaro ah lagu soo tababari doono Shiinaha kuwaas oo madaxweyne xigeenku sheegay in ay noqon doonaan kuwa ku jira mashruuca Shaqo Qaran. Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ka hadlay su’aalaha la iska waydiinayo mashruucan ayaa u muuqda in aanay wax aqoon ah u lahayn shirkadda iyo shidaalka la sifaynaya halka uu ka imanayo. Agaasimaha guud ee Bandhiga Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo oo u holladay in uu madmadowga ka saaro mashruucan ayaa ku tilmaamay kii ugu weyna Somaliland oo ay daba socdaan warshado farsameeya hadhaaga shidaalka la sifeeyo iyo caagadaha sharaabka sidoo kalena ay barbar socoto shirkad weyn oo laydh oo wada hadal kula jirta shirkadaha laydhka Somaliland si laydh jaban ay u helaan warshaduhu. Mr Carwo wuxuu intaasi raaciyay shidaalka uu noqon doono kan lagu sifaynayo warshadda Berbera laga dhisayo waxaanu ka hadlay in shidaalka Itoobiya laga helay qayb ka yahay “ Waa hubaal, inagu dekeddii baynu leenahay Itoobiya deked ma leh marka haddii sifaynteenu shaqayso wayxaabaha ay lacagta intaa leeg galinayaan maaha oo kaliya in ay ku fillaato Somaliland ee waa in Somaliland wax sii dhoofiso. Had iyo jeer iskuma xidhna dawladduhu iyaga oo aan baadrool haysan ayaa halkii ay baadrool saafiya ka soo qaadan lahaayeen ayay baadrool qaydhiin soo qaataan markaas ayaa warshaddaadii dib ugu sifaynaysa si aad adigu dadkaaga shaqo ugu hesho. Inagu shidaalka oo saafi ah ayaynu keenaynay ee waxaynu keenayna shidaalka oo qaydhin oo aynu inagu dib u sifayno oo aynu dib u iibino oo waddamada jaarkeena oo dhan loo dhoofiyo shidaalkii lagu sifeeyay halkan,” Sidaas ayuu yidhi Agaasime Axmed Xasan Carwo. Hase ahaatee wasiirka maalgashida Somaliland Maxamed Axmed Cawad oo BBC-da uga warramay arrintan ayaa sheegay in shidaalka warshaddu sifayn doonta yahay kan la rajaynayo in Somaliland laga helo “Saddex shirkadood ayaa shidaal baadhis ka wada Somaliland dhammaantoodna rajo ayaa laga qabaa in ay shidaal heli doonaan,” ayuu yidhi wasiir Cawad. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland oo meel muhiim ah ku taalla rajo laga qabo in shidaallo meelo kale laga keenay lagu sifeeyo “Maaddaama oon meel dhexe ku naallo waa meel la keeni karo shidaallada Bari iyo Galbeed ka soo baxa ka dibna lagu sifayn karo oo Afrika oo dhan halkaas laga gaadhsiin karo,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku. Wasiirku waxa aanu meesha ka saarin rajada laga qabo in Itoobiya noqoto meelaha suuqa u noqonaya warshadda laakiin, sida laga warqabo shidaalka laga helay gobolka Soomaalida Itoobiya waxa laga xidhaya dhuumaha qaada dekedda Jabuuti si halkaasi looga dhoofiyo. Somaliland ayaa marar hore soo hadal qaadday in ay uga dhawdahay dekedaha kale oo dhan laakiin, ma muuqdo qorshe arrintaasi wax lagaga bedelayo. Xukuumadda Somaliland ayaa hore heshiisyo mashaariic waaweyn ah u gashay kuwaas oo aan la garanayn meesha ay ku dambeeyeen. Waxa heshiisyada ka mid ah Bangi Shiine ah oo lala galay in uu hal Bilyan oo dollar ku maalgashanayo Somaliland laakiin, loo malaynayo in uu ahaa bangi aan jirin. Waxa kale oo jirta shirkad Ustareeliyan ah oo xukuumadda Somaliland kula heshiisay in ay samaynayso mashruuc weyn oo uumi baxa biyaha badda lagaga dhallinayo milix kaas oo ay xukuumaddu kula heshiisay in ay dhul ilaa 200km oo isku wareega ah ka hirgeliyaan muddo 25 sanno ah laakiin, ay u muuqato in aanay shirkaddaasi ahayn wax jira baadhis lagu sameeyay awgeed. Tuhunnada ka dhashay heshiisyadan awgeed waxa wasiirka maalgashiga Somaliland la waydiiyay waxa uu mashaariicda hore ee aan hirgelin kaga duwan yahay kan cusub “Walaal kuwii hore waxay ahaan jireen isfaham shirkado lala galay oo warbaahinta gaaray, balse kan waa heshiis, waana la dhagax dhigay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Cawad. Masuuliyiinta Somaliland ee arrintan ka hadlay ayaa u muuqda kuwa aan xog badan ka hayn qorshaha mashruucan iyo cidda ay tahay shirkadda loo dhagax dhigay. Waxa ay sidoo kale su’aali ka taaggan tahay suuro galnimada shirkad aan la ogayn mashaariic hore oo ay soo fulisay sida ay u haysan karto lacagta badan ee ku baxaysa mashruucan. Shirkadda hore ugula heshiisay Somaliland soo saarista Milixda ayaa la ogaaday in aanay haysan lacag ay mashruuca ku maalgaliso haddana ay raadinayso dad saami ku yeesha oo mashruuca maalgaliya taas oo u muuqatay in ay kaliya hayaan fikradda raadinayaana cid maalgalisa. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Doorashada Guud ee Barlamaanka ayaa Axaddii todobaadkan ka qabsoontay Dalka Finland, waxaana doorashadaas ku soo baxay Xisbiga talada dalkaas haya ee SDP oo Kursi hal-dheeri ah kaga guuleystay Xisbiga cunsuriga ah ee dhinaca bidix oo lagu yaqaanno in afkaartiisu ka soo horjeeddo Dadka soo-galootiga ah, balse natiijo fiican ka gaadhay doorashada. Guddoomiyaha Xisbiga SDP, Antti Rinne, ayaa noqonaya Raysal wasaaraha cusub ee dalkaas, isagoo lagu yaqaanno siyaasad furfuran oo xisbigiisu sumcad iyo taageero badan kaga helay shacabka dalkaas. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Finland Marwo Saamiya X Muuse oo Xubin ka ah Xisbiga SDP oo u wakiishay inay ka mid noqoto muraaqibiintii Xisbiga uga qayb-galay doorashada maalintii Axaddii ku qabsoontay dalkaas, waxa ay ka hadashay muhiimadda siyaasadeed ee Somaliland ugu jirta guusha Xisbsigeedu ka gaadhay doorashada. Danjire Saamiya Muuse waxa kale oo ay Xubin ka mid ahayd 500 ergay oo shirweynaha 45aad ee Xisbiga SDP oo cod aqlabiyad ah ugu doortay inuu siyaasaddiisa hoggaamiyo raysalwasaaraha cusub ee dalkaas Antti Rinne oo ay xidhiidh aad u dhow leeyihiin safiirka Somaliland ee dalkaas. Saamiye Muuse oo ka mid ahayd Muraaqibiinta Xisbiga SDP ee Doorashada Finland ayaa waxay tidhi, “Waxaanu ku guulaysannay doorashada Baarlamaanka Finland oo xisbigaygu ku soo baxay, waxaana noqday raysalwasaaraha cusub ee Finland guddoomiyaha xisbigayaga SDP mudane Antti Rinne. Runtiina Guul weyn bay u tahay Somaliland,” Sidaas waxa tidhi danjire Saamiya Muuse oo u warrantay warbaahinta Somalilandpost.net. “Waxa sharaf weyn ii ahayd inaan ka mid ahaa 500 qof ee ahaa ergooyinka shirweynaha 45aad ee Xisbiga SDP uu ku doortay Guddoomiyaha xisbiga mudane Antti Rinne,” ayay tidhi. Marwo Saamiya Muuse waxa ay faahfaahin ka bixiyey kulamo ay xaflad xisbigeedu ugu dabbaal-degayey guusha doorashada fursad ugu heshay inay la yeelato madaxda ugu sarreysa Xisbiga SDP, kuwaas oo ay xustay muhiimadda ay u leedahay danaha Qaran ee ay ugu xil-saaran tahay dibloomasiyadda siyaasadda dibadda Somaliland. Kulanka Saamiyada Muuse iyo Madaxda Xisbiga SDP “Waxa sharaf weyn ii ahayd xalay inaan kulan fiican wada-qaadannay mudane Tero Shemeikka oo ah xoghayaha Arrimaha Caalamiga ah ee Xisbiga SDP iyo Xogahaya Guud ee ururka Socialist International Organization oo ka soo qayb-galay Doorashada Baarlamaanka Finland oo dhacday 14-kii April,” Sidaas ayay tidhi Danjire Saamiya Muuse. Waxa kale oo ay sheegtay in iyada oo hoggaaminaysa Qurbejoogta Somaliland ee dalkaas ay kulan la qaateen mid ka mid ah Xildhibaannada guulaystay ee Xisbiga SDP, waxaanay tidhi, “Waxa xalay (habeen hore) sharaf weyn noo ahayd qurbejoogta Finland in Hussein Al-Taee oo ku guulaystay xildhibaanimada baarlamaanka Finland oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq, oo waliba ka tirsan xisbiga SDP ahna la taliyaha Ururka Xalinta Khilaafaadka ee CMI oo ah ururka madaxweynihii hore ee Finland, Martti Ahtissaa.” “Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland runtii waxay noo tahay guul aad u weyn oo ku timi dedaal badan iyo Juhdi badan oo aanu samaynay,” Sidaas ayay tidhi Marwo Saamiya Xaaji Muuse oo xustay inay kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto sidii ay xisbiga ay ka tirsan tahay ee doorashada ku guulaystay ugu dhaadhicin lahayd qadiyadda Somaliland ee dhinacyada ictiraaf raadinta, siyaasadda iyo taageero dhaqaale oo dalkaasi ka geysto horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland. Source
-
(SLT-Washington)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa horraantii bishii saddexaad ee sanandkan soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale. Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aanay waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda. “Kiisaska la xidhiidha muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale, ama wasiir arrimo dibadeed ah waxa ka dhalanaya su’aalo adag oo la xidhiidha sharciyada caalamiga ah, wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni gooni u eegi doonta”. Ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in digniintan aanay quseyn muwaaddiniinta u dhashay Mareykanka ee u shaqa taga dalal kale, balse aan ku lugta lahayn go’aannada siyaasadeed. “Haddii muwaaddiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arrimaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaaddiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaaddinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Saameynta ka dhalan karto arrinta ayaa la sheegay inay taaban karto madaxda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha haddii uu damco inuu tago Mareykanka, maadaama uu heysto dhalasha Mareykan ah. “Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayey sii raacisay dowladda Mareykanka. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto baasaboorka Mareykanka. “Saameynta ka dhalan karta way cadahay, tusaale ahaana madaxweynaha Soomaaliya waa nin Mareykanka oo dhalashda dalkaas heysta, isaga ma ahan qof la taliye ama shaqo kale haya, wuxuu noqonaya qof isu soo sharraxay xil siyaasadeed, ku guuleystay, kuna dhaartay in madaxweyne dal kale yahay, madaxweynaha xasaanad diblomaasiyadeed ma yeelan karo, haddii uu tago Mareykanka dacwad ayaa lagu soo oogi karaa, muwaaddiniinta Mareykankana maxkamad ayay soo taagi karaan madaxweynaha Soomaaliya oo haddii lagu helana la xidhi karo”. Sidaas waxaa BBC-da u sheegay Ciid Badal oo ah diblomaasi hore. Source
-
(SLT-Burco)-Ciidanka amniga magaaladda Burco ayaa xalay xabsiga u taxaabay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudaba la raadinayey. Sida wararku sheegayaan waaranka qabashada wariye Coldoona ayaa diyaar ahaa,isla markaana waxa lagu qabtay magaaladda, inkastoo isku dayey inuu ciidanka ka baxsado ugu dambayn waa la qabtay. Coldoon ayaa marar badan sheegay in lala maagan yahay in la xidho, waxaanu waayadii u dambeeyey ku sugnaa deegaana Soomaalida Itoobiya oo uu cabsi awgeed halkaasi u joogay. Sida wararka aanu ka helayno ciidanka amniga ayaa sheegaya inuu baryahan dambe hadal iyo qoraal ka dhan ah xukuumada ku weerari jirey, isla markaana bartiisa baraha bulshada uu ku leeyahay ku qori jirey taliska Muuse Biixi, taas oo xukuumaduna ay dhibsatay sababna u ah xadhigiisa sida ilo wareedka ka helayo xukuumaddu sheegayaan. Source
-
(SLT-Washington)-Ivanka Trump ayaa xaqiijisay in ay diiday qabashada xilka madaxa bangiga aduunka ka dib markii uu aabaheed u soo bandhigay. Toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii Donald Trump uu u sheegay wargayska The Atlantic in uu gabadhiisa waydiiyay inay doonayso xilka ugu sareeya ee Bangiga aduunka “sababtoo ah waxa ay ku wanaagsan tahay xisaabta “.ayuu yidhi. Markii la waydiiyay ayaa waxa uu sheegay madaxwayne Trump in ay u sheegtay”in ay ku faraxsan tahay shaqada ay imika hayso ee la taliyaha aqalka cad. Ivanka Trump ayaa ku lug lahayd soo xulista madaxa bangiga aduunka oo loo soo xulay dhaqaalayahanka u dhashay Mareykanka David Malpass. Mrs Ivanka oo la hadashay wakaalada wararka ee AP xilli ay safar ku joogtay Ivory Coast, ayaa waxay sheegtay in aabaheed uu u soo bandhigay shaqadaasi “uuna su’aal ahaan u waydiiyay “, balse ay diiday codsigaasi. Waxa ay intaa ku dartay in Mr Malpass uu qaban karo “shaqo wanaagsan”. Mar wax laga waydiiyay in madaxwaynaha uu u soo bandhigay shaqooyiin kale oo muhim ah waxa ay ku jawaabtay “taasi waa mid sir ah oo inaga dhaxeysa aniga iyo isaga. Wareysigii ugu dambeeyay ee uu bixiyay Mr Trump ayuu ku sheegay in dhowr xil oo muhim ah oo uu ka mid yahay xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay uu la damcay gabadhiisa sababtoo ah buu yiri “waxaan rumaysanahay in ay leedahay dublamaasiyad dabiici ah”. Balse waxa uu sheegay in looga digay in uu soo magacaabo sababtoo ah”waxay igu dhaheen waa eex, iyada oo aysan jirin wax eex ah”.. Ivanka Trump ayaa imika booqasho ku maraysa qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika halkaasi oo ay u ololeynayso hormarinta dumarka. Source
-
Tan iyo shalay waxaa Muqdisho ka socdey Abaabulo iska soo horjeeda oo lagu Abaabulayay Mudaharaad iyo Ciidamadii ka hortagi lahaa Mudaharaadka. Goor dhaweyd waxaa bilowdey [...] Source
-
(SLT-Birmingham)-Maxkamadda magaalada Brimingham ee dalkaasi waxaa la soo taagay Eedeysane lagu magacaabo Abul Khaya, kaasi oo loo haysto dilkii Marxuum la oran jirey Bile Siyaad. Eedeysanaha oo 41 jir ah ayaa la sheegay inuu Tooreey la dhacay Marxumka bishii November 3-dii ee sannadkii hore, kadib markii uu dhex maray muran Lacageed oo dhamaa 50 Giniga Ingiriiska ee Pound Marxumka ayaa la sheegay in Tooreey looga dhuftay Madaxa, isla markaana uu markii dambe uu u geeriyooday dhaawacii la gaarsiiyey. Garsooraha Maxkamadda Birimingham Crown Court, Robert Price ayaa ku dhawaaqay in Eedeysanaha dilka geystay lagu xukumay Xabsi Daa’in, waxaana laga yaabaa in la sii daayo, kadib marka uu dhamaysto xabsi gaaraya 22 sanno iyo 6 bilood Source
-
(SLT-Berlin)-Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay ka dib markii gaadhi Bas ah oo siday uu shil galay. Baska oo siday dalxiisayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa ku rogmaday Madeira. 27 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka oo ka dhacay meel u dhaw magaalada Caniço. Darawalkii waday gaadhiga Baska ayaa la sheegay in uu koontaroolku ka lumay ka dib na uu waddada ka baxay. “Ma hayo erayo aan ku cabiro waxa dhacay,ma qiyaasi karo dhibaatada dadkan soo gaartay,” waxaa sidaasi sheegay duqa deegaankaasi Filipe Sousa. Dhamaan dalxiisayaashii saarnaa gaadhiga Baska ah ayaa u dhashay dalka Jarmalka, balse waxaa ka mid noqon kara dad maxali ah. 11 ka mid dadkii ku dhintay shilkaasi ayaa ahaa rag halka 17 ay dumar ahaayeen. Baska ayaa la sheegay in uu siday 55 qof, darawalkii iyo dadkii hagayay dalxiisayaasha. Goobta uu shilka ka dhacay ayaa la xiray islamarkana dhaawacyada ayaa isbataalada loo qaaday. Source
-
(SLT-Khartoum)-Golaha Millatariga ee haya Talada dalkaasi waxay xidheen 2 nin oo la dhashay Madaxweynihii tallada laga qaaday ee Cumar Xasan Albashiir. Afhayeenka Golahaasi, Shamsudiin Kabashi ayaa sheegay in la xidhay Cabdillaahi Xasan Albashiir iyo Cabaas Xasan Albashiir, iyadoo ay socdaan hawlgalo lagu soo qabanayo Hoggaamiyayaasha iyo dadka aadka ugu dhawaa Dowladii Albashiir. Tallaabadan ayaa timid, iyadoo ilo-wareedyo sheegeen in Cumar Xasan Albashiir loo gudbiyey Xabsiga Kobar ee ku yaalla Waqooyiga magaalladda Khartuum. Dhinaca kale, Ururka Mucaaradka ee Xirfadleyda Suudaan ee SPA ee abaabulay Dibadbaxyada ka dhaca dalkaasi waxay ku baaqeen in la dhigo Dibadbaxyo si Golaha Milliteriga loogu cadaadiyo inay Talada dalka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah. Dowladaha Reer Galbeedka waxay taageereen Codsiga Dibadbaxyadda ee Dowlad Rayid ah, haalka Ururka Midowga Afrika ay muddo 15 maalmood u qabteen Golaha haya talada Suudaan inay xilka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladdii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi oo kamid ah siyaasiyiinta taageera dowladda Soomaaliya ayaa si cajiib ah kaga hadlay qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho. Cali Maxamed Geedi,ayaa sheegay in Al Shabaab ay kaliya ka dambeeyaan qaraxyada ismiidaaminta ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho, balse waxii kasoo haraa inay yihiin kuwo dad kale ay abaabulaan. Wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ay wajiyo badan yihiin, isagoo taasi kala jeeday in Al Shabaab kaliya aysan ka dambeyn dilalka iyo qaraxyada ka dhacayay Muqdisho. Waxaa uu Cali Geeddi sheegay in weerarradaas aysan kaliya ka dambeyn Al-shabaab sidoo kalena ay ku lug leeyihiin dad dano gaar ah leh oo ka horjeeda dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Al-shabaab lagu yaqaanno weerarrada ismiidaaminta ah maaddaama ay iyagu dhimasha uun u soo baxaan, laakiin gaadiidka la dhigo goobaha ganacsiga ayuu sheegay in dano kale laga leeyahay. Waxaa kale oo uu sheegay in qaraxyada ka dhaca Muqdisho ee ka dhasha qaraxyada lagu xiro Gawaarida gaarka loo leeyahay ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed oo aysan Al-shabaab shaqo ku lahayn. Hadalka Cali Geedi ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay labo qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shir wadatashi oo ay Muqdisho isugu yimaadeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa laga soo saarey qodobo muhiim ah Waxaa Ka Mid aH: Waxa ay Masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga ah waxa ayaa isla meel-dhigay talaabooyinka hoos ku xusan: 1.Waxa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) kulankan wadatashiga ah waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah. 2.Waxa ay bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ku sameysay muddadan kooban iyo howlaha qabsoomey. 3.Waxa ay isla garteen in dib loo soo celiyo dhulalkii iyo xarumahii hore ee Boostada Qaranka ay ku lahayd caasimadda iyo dowlad-goboleedyada dalka. 4.Waxa ay isla qaateen in la hirgeliyo isticmaalka Astaamaha Internetka ee heerka labaad ee u gaarka ah Hay’adaha dowladeed ee Dowlad-goboleedyada ee lagu soo bandhigey shirka, laga sii shaqeeyo qaabkii loo wadaagi lahaa iyo howlaha ku xeeran. 5.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo furitaanka xafiis u gaar ah howlgelinta astaanta heerka labaad ee internetka, gaar ahaan dhinaca tababarka iyo qalabeynta. 6.Wasaaradaha heer dawlad-goboleed waxaa awood loo siin doonaa inay baro internet uga sameeyaan astaanta heerka labaad ee u gaarka ah dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha heer dawlad-goboleed. 7.In tabashada Maamul Goboleedyada Qod. 10-aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee khuseysa xubnaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka wax ka beddelkiisa loo maro si waafaqsan shuruucda dalka. 8.In wasaaradaha Dowlad-goboleedyada ay soo gudbiyaan talooyinkooda ku aaddan Siyaasada Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada (National ICT Policy and Strategy) si ay u noqoto siyaasad ka tarjunta baahida dalka oo dhan, talooyinkooda oo qorana ay soo diraan muddo 45 cisho ah gudahood oo ku eg 19ka Maajo 2019. 9.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo kordhinta awoodda internetka si ugu sahlanaato gudashada waajibaadkooda. 10.In Bankiga Adduunka laga codsado in muddo kordhin loo sameeyo waqtiga Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta Qaranka oo kaalmo siiya wasaaradda federaalka iyo dawlad-goboleedyada haddii ay suurtogal tahay; haddii kalena la codsado soo dadajinta hirgelinta wajiga 3-aad ee Mashruuca. 11.In laga wada shaqeeyo qorshaha dib-u-soo nooleynta iyo baahinta Boostada Qaranka. 12.In dawlad-goboleed kasta ay bixiso illaa 100 sanduuq boosto oo la siinayo wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee heer dawlad-goboleed si baahinta adeegga boostada looga hirgeliyo dawlad-goboleedyada. 13.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyadu ka qeyb qaataan diyaarinta astaamaha boostada ee degmooyinka (post codes) si magaalooyinka dalka oo dhan loogu sameeyo astaan boosto. Waxaa la isku raacay in laga wada-qeyb qaato howlaha tirkoobyada iyo cilmibaarista la xiriira arrimaha Isgaarsiinta iyo tiknolojiyada ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ka hirgelinayso dalka. In Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada ay la wadaagaan warbixino ku saabsan howlaha iyo baahiyaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee dowlad goboleedyada si loo diyaarin karo warbixin heer qaran ah. in la daraaseeyo baahiyaha tababar ee dhinaca tiknolojiyadda ee shaqaalaha wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee heer dowlad-goboleed. Shirka kan xigaa waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ugu dambeyntii waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah In la sameeyo xarun lagu soo arruuriyo waxqabadka wasaaraddaha Dowlad goboleedyada laguna soo daabaco Wargeyska Casri ee Wasaaradda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Pyongyang)-Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee magaceeda loo soo gaabiyo KCNA ayaa faahfaahin kooban bixisay, balse waxay sheegtay in hubkan cusub ay ku xiran yihiin “madaxyo gantaallo oo awood badan”. Arrintan ayaa noqonaysa markii koobaad ee si rasmi ah loo shaaciyo gantaal la tijaabiyay tan iyo markii uu is afgarad la’aan ku dhammaaday wadahadalkii ay yeesheen hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo hoggaamiyaha Maraykanka Donald Trump. Kuuriyada Waqooyi ayaa sidan oo kale samaysay sannadkii hore, dadka arrimahan indhaindheeyana waxay u arkaan in ay tahay isku day ay Kuuriyada Waqooyi ku doonayso in ay caddaadis ku saarto Maraykanka. Toddobaadkii hore Kim wuxuu sheegay in Trump looga baahan yahay in uu “wanaajiyo qaabka uu arrinta u wajahayo” si ay wadahadalladu u sii socdaan, ka dib markii uu isfaham la’aan ku soo dhamaaday shirkii ay bishii Feebaraayo yeesheen. Maxay Kuuriyada Waqooyi sheegtay? Sida ay ku warrantay wakaalada wararka ee KCNA tijaabadan u dambaysay waxaa kormeeray oo indhihiisa kula socday hoggaamiye Kim laftirkiisa. Hubkan ayaa ahaa “nooc gaar ah oo la hagi karo” sida ay ku warrantay KCNA, waxayna intaas ku sii dartay in tijaabadan “lagu sameeyay noocyo kala duwan oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo kala duwan”. Kim wuxuu sheegay in horumarkani uu yahay “mid miisaan u soo kordhinaya awoodda difaaca ciidanka umadda”. Faahfaahin kale lagama bixin, oo xataa lama sheegin in uu gantaal ahaa. Balse erayga xeeladaysi oo loo isticmaalay hubkan la tijaabiyay ayaa tilmaamaysa in uu yahay hub riddo gaaban, isla markaasna uusan u muuqan in uu yahay gantaallada riddada dheer ee afka qalaad lagu yiraahdo ballistic, kuwaas oo Maraykanku u arko in ay halis ku yihiin. Sawirro dhanka saterlaytka ah oo laga qaaday goobka ugu wayn ee hubka nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi ayaa muujiyay in dhaqdhaqaaq ka jiray, kuwaas oo tilmaamay in dalku uu shucaac u badalayo shidaalka bambada loo adeegsado. Sannadkii horana hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in uu dalkiisu joojinayo tijaabinta gantaallada qaaradaha isaga kala goosha, maadaama oo la “hubiyay” awooda nukliyeerka ee Pyongyang. Dalkaas ayaa sheegtay in uu sameeyay bam nukliyeer oo yar kaas oo galaya gantaallada riddada dheer iyo gantaallada kale ee ballistic loo yaqaanno ee u muuqda in uu gaari karo gudaha dalka Maraykanka. Ankit Panda oo ka faalooda arrimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ku dhawaaqiddan cusub ay dabo socoto dhoolatuska ay ciidammada Maraykanka iyo kuwa Kuuriyada Koonfureed wada samaynayaan, wuxuuna ku tilmaamay aarsi. Source
-
Puntland is a state twenty years old with people as old as the Pharaohs of Ancient Egypt, but have no strategic plan towards Somalia or how to deal with the rest of Somalia. An Amazing story to tell, you would say. Puntland successive governments had never thought of its urgent need and constitutional mandate to work out a permanent state strategic plan good for the thinking and operations of every Puntlander in Somalia and worldwide to follow and keep in mind for generations to come: be it a member of the Federal Institutions or Puntland officials attached to a foreign or international entities or an individual living or working in a global village. It is really a common sense to do so if she cares about the well-being and progress of the state, her people and position in Somalia and beyond. Do the federal officials and MPs representing Puntland in Mogadishu have a strategic plan to follow on Somalia and Puntland issues? How does Puntland government expect them to operate, under which guidelines other than the constitutions and their individual gut feelings do they carry out their mission, tasks and responsibilities? “Sending Puntland Representatives to Mogadishu without a plan of action, thinking or guidelines is like sending Puntland Football Team to Mogadishu without a coach”, to use my friend Abdi’s football analogy. “It is like sending a team of untrained Puntland camel boys to play ball in Mogadishu”. Moreover, Puntland State is also a mother having kids there, who has properties and interests in other regional states of Somalia. How would our representatives in Mogadishu, Kismayo, Baydhaba and Dusa-Mareb takle with issues of common and Puntland interest? What are the Puntland channels of communication with those supposed to be looking after her interests in those regions? Is Puntland operating blindly in the dark, or she has no idea of what I am talking about? On the internal affairs, you would say, there is nothing wrong with Puntland State except it is caught up and locked in bad governance that prevents her from moving foward in building strong state institutions, not to mention about her playing a leading role in Somalia’s reconstruction efforts. That is good as long as you think that good governance includes elimination of corruption and changing the permanent perception by some of its constituent regions that it is a state dominated by a few privileged clans, doing away its persisting vulnerability to insecurity and lack of economic expansion and business investment, low and poor quality of education and skills training, absence of constructive engagement with the leaders of fedgling Federal Government. Reasonable Puntlanders are OK with this thinking. But, is that all Puntland State and her people could do to build a bright future for her next generations? I would say with confidence that Puntland State is frozen in time and space. Let me give you some examples. Puntland Government has the same salary scale for its personnel as we started 20 years ago. Puntland Government uses the same clan/regional power-sharing arrangements for the selection of members of the House of Representatives as we launched it 20 years ago. Puntland Government fell back to rely on clan militia forces for its security, which we had moved away 20 years ago. 20 years ago Puntland had an independent judiciary, independent parliament, independent auditor-general and independent accountant-general. None of above Puntland institutions of government are independent today. It is a big deal and alarming facts to ignore. This is a critical factor, among many, that Puntland President has absolute executive powers in the absence of checks and balance (Madax-ka-Nool). What to do about the situation? Good question! Let us debate objectively without any attempt to spin. Let me start with my take of things here with a by-line from Garowe. First of all, let us find out areas we can begin work right away: 1. To fight corruption and maintain law and order, restore the independence of those institutions cited above. 2. Have a competent, transparent and independent public service commission right away. 3. Establish state strategic advisory board or commission that act as government think tank or experts on working out strategic plan for Puntland. 4. Puntland regional clan power-sharing arrangements for indirect selection/election had hit dead-end. Let us begin democratization process right away, starting.with local elections first. 5. Streamline state departments to eliminate redundancy, duplications and inefficiency. Make a smaller government by cutting down cumbersome bureaucracy. 6. Know that the Finance and security sectors are the Achelles Heels of Puntland State. The current Administration of President Said Abdullahi Deni is on the spot and hot seat to deliver on his election promises to avoid the bad legacy of his predecessor. People of Puntland have no alternative but to rise up against corruption and mal-administration of their public affairs. They have to meet the challenges of the moment. Finally, it was said by others before us, who too had been there that people get the leaders they deserve. This insight and wisdom is still true as it was then. People may give their leaders initially the benefit of the doubt, but not a free hand to a politician to do whatever he wishes to without making sure that he or she must be held accountable to the people individually and collectively. One good thing about the people of Puntland is that they never give a 2nd chance to their leader, let alone a bad one. If President Said Abdullahi Deni wants to come back to power in Puntland, he could so by popular vote through democratization process starting right now. By Ismail Haji Warsame Former Chief of Staff Puntland State of Somalia The post PUNTLAND REPRESENTIVES ARE FOOTBALL TEAM WITHOUT COACH appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa saaka isgoysyada magaalada Muqdisho lagu daadiyey ciidamo booliis ah oo afka ka xiran, kuwaas oo aad u hubeysan. Arrintan ayaa imaaneysa xilli la filayo in uu magaalada ka dhacdo dibad-bax weyn oo la sheegay in lagu cabirayo cabashooyin badan. Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka digay banaan baxyo la hadal hayay inay ka dhacaan magaalada Muqdisho, kaasoo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale culimo iyo shakhsiyaad taageera dowladda ayaa iyagana ka digay dibad-baxan aan la ogeyn cidda abaabuleysa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saaka caadi ah dhaqdhaqaaqa dadweynaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ay adeegsanayaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Balse ciidamada dowladda ayaa feejignaan muujinaya, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka hortagaan banaanbaxyo la hadal hayay maalmihii ugu dambeeyay inay ka dhacaan magaalada Muqdisho. Cabsi Xoogan ayaa xalay la geliyay qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho, waxaana dadka ay aamisanaayeen inay maanta dhacayaan banaanbaxyo laga digayay maalmihii ugu dambeeyay inay ka dhacayaan magaalada Muqdisho. Gaadiidka qaar ee Bajaajta ay kamid tahay ayaa dhalinyaradii waday waxay sameeyeen shaqo joojin, iyaga oo ka baqayay inuu saameeyo banaanbaxa la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa ku daadisay waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo laga baqayo in banaanbaxyada ay noqdeen kuwo lamid ah midkii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho. Taliska ciidamada Booliska iyo maamulka degmada Howlwadaag ayaa wali xabsiga ku haya 45 Bajaajlayaal ahaa oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan kuwaasi oo kamid ahaa dadkii banaanbaxyada ka dhigayay magaalada Muqdisho. Waxaana gacanta dowladda ka maqan askarigii uu ka bilowday banaanbixii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo wali aysan cadaalad helin wiilkii dhalinyarada ahaa iyo abtigiis. Dowladda ayaa xalay soo fariisisay TV-ga qaranka Culumaaudiin iyo siyaasiyiin taageero, kuwaasi oo ka horjeeday in shacabka Muqdisho ay dareenkooda ku muujiyaan banaanbaxyo nabdoon. Cabsi weyn ayaa wali ka jirta magaalada Muqdisho, iyadoo laga baqayo in banaanbax magaalada dhan is qabsada uu ka dhaco caasimada Soomaaliya, balse Jawiga ayaa hadda ah mid degen. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kulan u dhexeeya dowladda hoose ee degmada Garoowe iyo dadweynaha ku nool caasimadda oo su’aalo lagu weydiinyay mas’uuliyiinta degmada, ayaa xalay ka qabsoomay hoteelka New Rays ee magaalada Garoowe. Kulankan ayaa waxa ka soo qeyb-galay, maamulka degmada Garoowe, xildhibaannada golaha degaanka, mas’uuliyiinta hay’adda KAALO oo taageeraysay barnaamijkan, aqoon-yahanno, waxgarad, culimo ganacsato iyo dadweyne isaga yimid xaafadaha magaalada Garoowe. Su’aalaha ay kulanka dadweynuhu ku weydiinayeen mas’uuliyiinta degmada Garoowe, ayaa la xiriiray isla’xisaabtanka iyo daah-furnaanta qorshaha iyo miisaaniyadda ay dowladda hoose u diyaarisay horumarinta caasimadda Garoowe. Ugu horrayn, Cabdiraxmaan Bin-Diiriye oo ka tirsan xildhibaannada golaha degaanka Garoowe, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka kulanka, isagoo sheegay in hindisahan ka dhashay kalfahdigii 26 aad ee u soo xirmay golaha degaanka, si dadweynaha caasimadda fursad loogu siiyo in ay su’aalo weydiiyan mas’uuliyiinta degmada, islamarkaana ra’yigooda ku darsadaan qorshaha horumarinta caasimadda. Nuur Shire Cismaan oo isna ku hadlayey magaca hay’adda KAALO oo taageeraysay barnaamijkan, ayaa sheegay in kulankan uu yahay kii ugu horreeyay oo noociisa ee lagu qabto guud ahaan Soomaaliya, maadaama su’aalo lagu weydiinayo mas’uuliyiin dowladeed oo u diyaarsan isla’xisaabtan iyo daah-furnaan. Sidoo kale, maamulka dowladda hoose ayuu ku ammaanay in ay hormuud u yihiin dowladaha hoose ee ka jira magaalooyinka Soomaaliya, islamarkaan ay dhiirri-gelin iyo tusaale u yihiin isla’xisaabtanka iyo daah-furnaanta hay’adaha kale ee dowladda Puntland. Dhankooda mas’uuliyiinta degmada Garoowe ayaa si faahfaahsan dadweynaha ugu soo bandhigay waxqabadkoodii mudada ay xilka hayeen, qorshaha wakhtigan u diyaarsan iyo miisaaniyadda u qoondaysan ee ku baxaysa horumarinta caasimadda. Ugu dambeyntii duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda hoose ayaa kulanka lagu weydiiyay su’aalo ku saabsan horumarinta caasimadda ee dhinacyada amniga, bilicda&nadaafadda, dhismaha waddooyinka, arrimaha bulshada, qorshaha nidaaminta magaalada, habka maamulka lacagaha, shaqaaleysiinta iyo arrimo kale oo la xiriira shaqadooda. Duqa iyo mas’uuliyiintii kale ee degmada ayaana si furan oo faahfaahsan uga jawaabayey su’aalaha, iyagoo dhinaca kale talooyin ku aaddan horumarinta degmada ka dhegaysanayey dadweynaha, ballana-qaaday in ay qorshaha ku darsan doonaan talooyinka muhiimka ah ee loo jeediyay. halkaan ka eeg sawirrada PUNTLAND POST The post Isla’xisaabtan: Kulanka dadweynaha iyo dowladda hoose ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Burco (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay xabsiga dhigeen Wariye C/maalik Muuse Coldoon. Ciidamada ayaa qabtay Cabdi Maalik xili la sheegay inuu gaarigiisa ku dhex watay bartamaha magaalada Burco, waxaana la ogeyn waxyaabaha ka dambeeya xariga wariyaha oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada. Qaar kamid ah xubno ka tirsan ehelkiisa ayaa xaqiijiyay in ciidamada booliska ee Somaliland ay xabsiga dhigeen wariye C/maalik, waxaana ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida loola dhaqmi doono. Booliska gobolka Togdheer ayaa horey u sheegay in ciidamada Somaliland ay hayeen Waaran kasoo baxay maxkamada magaalada Hargeysa kaasi oo lagu faray inay xeraan Wariye C/Maalik Muuse. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay hadal-heyn ku aadan in Ciidamada Booliska Somaliland ay baadi goobayaan Wariyaha oo dhawan kasoo laabtay qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Warbixino uu kasoo diyaariyey. Ma ahan markii ugu horeysay oo Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ay ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga dhigaan,waxana horay u jirtay in Maxkamada Magalada Hargeysa ay xukun ku riday. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Wariyaha Maanta loo wareejiyay magaalada Hargeysa, si halkaasi loogu maxkamadeeyo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Togdheer oo ku aadan xariga Wariyaha, balse waxaa socda dadaalo ehelkiisa ay sameynayaan. Caasimada Online Xafiiska Smaliland Caasimada@live.com
-
Ciidamo aad u hubeeysan oo katirsan kuwa Booliska ayaa saakay la soo dhigay wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. Wadooyinka Makka Al Mukarama wadnaha iyo sodonka ayaa lagu arkayaa ciidamadaan oo aad u hubeeysan oo wata gaadiidka dagaalka. Ciidamadaan ayaa si feejigan uula socdo dhaq dhaqaaqa dadka xili maanta laga cabsi qabo in ay dibad baxyo dhacaan. Qaar kamid ah wadooyinkaasi oo aan soo maray majirin xanibaad isku socodka gaadiidka iyo dadka marka laga reebo wadooyinkii hore xirnaa oo wali sidoodii u xiran. Baraha bulshada ayaa waxaa ka soconayay iclaaminta dibadbaxyo looga soo horjeedo dowlada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamo aad u hubeeysan oo lagu soo daadiyay wadooyinka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku guul dareestay in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Caasimada Online ayaa ogaatay in isku daygii ugu dambeeyay ee Xildhibaan Mahad Salaad uu ahaa dhowr maalmood ka hor, waxaana ka hortaagan Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug. Xubno Xildhibaano ah oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaaf ka dhashay awoodii maamul ee Dowladdii Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ku wajahneed dhismaha Galmudug ay sabab u tahay in Mahad Salaad uu tagi waayo Dhuusamareeb. Ahlusunna ayaa u aragta in cadaadis badan uu saaray Maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo kaa shanayay mas’uuliyiin uu ugu waynaa Xildhibaan Mahad Salaad oo markaas wasiir ahaa, sidoo kalane saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheekh Maxamuud. Macalim Maxamuud oo ah hogaamiyaha Maamulka Ahlusunna iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo dhowr jeer la fariistay Mahad Salaad xiligaasi ayaa isku fahmi waayay arrimo la xariira Ahlusunna, waxaana markaasi bilaawday colaad oo taagan ilaa xiligaan. Qaar kamid ah dhalinyarada degaanka gaar ahaan kuwa aad uga agdhow Mahad Salaad ayaa Caasimada Online u sheegay in Xildhibaanka uu u cadeeyay in muran uu kala dhaxeeyo Macalim Maxamuud iyo Sheekh Shaakir. Mahad Salaad oo maalmihii dambe bilaabay kulamo wadatashi ah uu la qaadanayo dhalinyarada iyo Odayaasha ayaa wajahaya Cadaadis adag. Kulamada uu wado ayaa u muuqda kuwa uu ku doonayo in uu dib ugu soo laabto Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu hada bilaabay Shirar wadatashi ah oo arintaasi ku aadan. Mahad Salaad waa Xildhibaan degaanka ah, waana xaalad aan wanaagsaneen in degaanka laga hor istaago balse waxaa jira kulamo aan wayneen oo ay wadaan Ganacsato ku heeb ah iyagoo doonaya in ay xaliyaa Khilaafka u dhaxeeya Macalim Maxamuud iyo Xildhihaab Mahad Salaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Dool oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, kaasi oo la ceyriyey markii uu taageeray in Soomaaliya ay xiriir la yeelato Israel, ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka cararay isaga oo naftiisa u baqaya. Wareysi uu siiyey wargeyska Times of Israel ayuu ku sheegay in weli uu aaminsan yahay xiriir dhex mara Soomaaliya iyo Israel, wuxuuna dalbaday in dowladda Soomaaliya ay cudur-daar ka bixiso cayrintiisa. “Waxaan aad u taageerayaa in dalkayga uu xiriir diblomaasiyadeed la yeesho Israel. Waxaan ogahay in dad badan ay sidoo kale arrintan ila qabaan. Waxay sidoo oo kale is-weydiinayaan waxa ay waqti badan u qaadatay” ayuu Cabdullaahi Dool ku yiri wareysiga uu siiyey wargeyska kasoo baxa Israel. Wareysigan ayaa sida la sheegay lagu qaaday WhatsApp iyo Email ayada oo aan la sheegin halka uu joogo Cabdullaahi Dool, sababo amni dartood. “Israel waxay saameyn weyn ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri Cabdullaahi Dool, oo ahaan jiray agaasimada wasaaradda arrimaha dibedda. “Waxaan rumeysanahay in xiriir lala yeesho Israel ay dan u tahay labada dal. Mid ka mid ah sababaha aan u doonayo in xiriir uu na dhex-maro anaga iyo Israel ayaa ah inay naga caawin karto la-dagaalanka argagixisada” ayuu yiri Cabdullaahi Dool. “Waxay ahayd arrin soo daahday. Aas-aaska xiriir diblomaasi oo dhex mara labada dhinac, cidna dhib uma gaysanayso, balse waxay sare u qaadaysaa nabadda iyo wada-shaqeynta” ayuu yiri Cabdullaahi Dool. “Waxaan rumeysanahay in Israel ay naga caawin karto dhameynta rabshdaha dalkeena ka socda, Israel waxay noo furi kartaa albaabo badan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay dunida. Waxaan aaminsanahay in xiriir aan la yeelano Israel ay ahayd in mar hore la aas-aaso” ayuu yiri. Soomaaliya iyo Israel weligood xiriir ma yeelan. Villa Somalia ayaa markii la eryey Cabdullaahi Dool sheegtay inay Sooomaaliya iyo Israel uusan marnaba xiriir dhex-mari doonin inta Israel ay haysato dhulka Falastiiniyiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Mareykanka oo soo saaray go’aan uu Farmaajo ku weyn karo dhalashadiisa USA Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halis ugu jiro inuu waayo Dhalashada dhanka Mareykanka kadib go’aan xasaasi ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay amar xasaasi ah oo ku socdo muwaadiniinta dalkaas u dhashay ee wadamada kale ka hayo xilalka Siyaasadeed ee saameynta leh. Amarka kasoo baxay Wasaaradda ayaa ah mid lagu caddeynayo Shuruucda dalkaas u taal, waxayna wasaaradda sheegtay inay macquul tahay in qofkaas lumiyo Dhalashada dalka Mareykanka. Amarkaan ayaa qabanaya muwaadiniinta Mareykanka ee u tartamay ama loo dhaariyey xilal kale oo ay ka qabtaan Wadamo kale. Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaamatay In muwaadiniinteeda ay u tartamaan xilal wadamo kale ay tahay mid sharci darro ah oo aan marnaba waafaqsaneyn shuruucda u taal dalka Mareykanka. “ Sharciyo Caalami ah ayaa ka dhallan doono arrimaha la xidhiidha Dadka Mareykanka u dhashay ee waqtigaan madaxweynaha ka ah dal kale ama hayo xil Wasiir Arrimo debadeed, waxayna taas keeni doontaa Su’aalo adag, waxayna Wasaaradda Arrimaha Debadda Mareykanka u eegi doontaa si gooni ah” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay Wasaaradda oo lagu daabacay Bogga rasmiga ah. Sharcigaan ayaan qaban doonin muwadiniinta u dhashay Mareykanka ee Shaqooyinka u raadsado wadamada kale sida ay sheegtay Wasaaradda balse dadka uu sharcigaan qabanayo ayaa ah kuwa xilalka siyaasadeed ee saameynta leh ka qabto wadamo kale. “Haddii muwaadiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arramaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaadiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaadinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Ayaa la raaciyay. Dadka uu Sharcigaan qabanayo waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo heysto Dhalashada dalka Mareykanka waana hoggaamiyaha talada u hayo Soomaaliya. Arrintaan ayaa qaban doonta Madaxweyne Farmaajo haddii uu doonayo inuu tago dalka Mareykanka maadaama uu heysto Dhalashada Dalka Mareykanka. “Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayay sii raacisay dowladda Mareykanka. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxaa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto basaboorka Mareykanka. Madaxweynaha ayaa dhawr kulan oo ka dhacay Mareykanka wuxuu u diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inkastoo ay madaxtooyada ku doodeyso inuu madaxweynaha ku mashquulsanaa shaqooyin kale. Qaran News
-
Kampala (Caasimadda Online) – Uganda waxay ka baaran degeysa in magangelyo ay siiso madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Suudaan, Cumar Al Bashiir, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Uganda Henry Okello Oryem. Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Barlamaanka Uganda ee magaalladda Kampala waxa uu tilmaamay inuu Al-bashiir door muhiim ah ku lahaa Heshiiskii Nabadda ee la kala dhex dhigay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dalka Koonfurta Suudaan. Waxaa uu sheegay in Al Bashiir uu kaalin weyn ka qaatay nabadeynta dalka deriska la ah ee South Sudan. “Haddii laga codsado inay magangelyo u fidiyaan Al Bashiir, waa arrin u baahan inay eegaan hoggaanka ugu sarreyso dalka” ayaa laga soo xigtay xilli uu u warramayay wakaaladda wararka ee AFP. Wasiirka wuxuu ugu baaqay hoggaanka militariga Suudaan inay qaddariyaan codsiga shacabka isla markaasna ay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah. Dhinaca kale, Henry Okelllo Oryem waxa uu ku celceliyey inay dowladda Ugandha si dhow indhaha ugu hayaan Xaalladaha dalka Suudaan, isla markaana ay muhiim tahay in si nabad ah lagula kala wareego xilka, iyadoo la xushmeeynayo Rabitaanka Shacabka Suudaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Fadeexad: Mashruuc & Wershad Saylaci dhagaxdhigay Dhowaan oo La Sheegay Inay Sifeynayso Shidaalka oo Noqotay Mid Bug ah Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaa uu 10kii bishan April, ka dhagax-dhigay magaalada Berbera warshed uu sheegay in ay sifeynayso shidaalka qaydhin oo Somaliland la keeni doono. Saylici iyo mas’uuliyiintii kale ee la socdayba waxay ku tilmaameen mashruucan, kii ugu ballaadhnaa ee abid laga fuliyo Somaliland. Shirkadda mashruucan ballaadhan fulineysa oo la yidhaahdo “Singapore New Silk Energy PTE LTD” ayaa cimrigoodu uu dhan yahay hal sano, iyadoo laga aas-aasay dalka Singapore bishii March ee 2018kii. Lama yaqaanno meel ay shirkaddani horey shaqo uga soo qabatay. Wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland, ayaa sannadkii hore heshiis hal bilyan oo doollar ah la gashay baanki ay sheegtay in laga leeyahay dalka China, balse markii dambe noqday Bangi aan jirin. Hoos ka daalaco Macluumaadka Shirkada Saylaci:- Qaran News