Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Aan ku bilaabo’e hogaamiyaha maamulka Puntland: Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi lasocday, ayaa bishan Abriil 15-keedii kulan dalka Imaaratka kula qaatay madaxda shirkadda DP-World, oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada: Sultan Ahmed Bin Sulayem. Waxaa kulanka looga wada hadlay sidii shirkadda Fly Dubai duulimaadyo uga sameyn lahayd garoomada Puntland. Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulankey la qaateen “Madaxweynaha” Puntland, uu yahay “Mid muhiimad gaara u leh”, ayna soo dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan “Toos isugu xirka” Puntland iyo Imaaraadka. Dhinaca kale; Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday, inay dedejin doonto dhammaan hawlaha la xiriira dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas, ee lagu horumarinaayo xiriirka ganacsi, wada-dhalasho, siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka. Waayaabe! Dowladda Imaaraadka Carabta soow ma aha dowladan xiriirka xumi uu dal ahaan inagala dhexeeyo, oo illaa UN-ta iyo Jaamacada Carabta aan ku dacweeyney? Heshiis-kusheegaa eey la gashay maamulada Somaliland, iyo Puntland-na, soow baarlamaanka Soomaaliya sharci-darro kuma tilmaamin, walibana “Dalka” kama mamnuucin Shirkadda DP World? Yaab! Sideedaba maadada taariikhda (History) Aduunka muhiimad gaar ah ayey uleedahay, maxaa yeelay dhaqankii, iyo dhacdooyinkii hore, waxaa looga qiyaasqaataa, ama lagusii odorosaa waxa dhicikara mustaqbalka, sidaa daraadeed dhaqankan foosha xune maamulka Puntland, ma aha wax cusub, ee waa dhaqan soojireen ah, waxa kaliya ee isbadalayey waa hogaamiyeyaasha maamulka. Waxa kaliga ee maamulka Puntland, iyo Dowlada dhexe kuheshiin karaan, waa in dowlada dhexe uyeesho maamulka Puntland sida uu rabo, oo ah marna ineey dowlada dhexe katirsanaato, markeey doontana udhaqanto sidii dalka Soomaaliya ka madax bannaan, iyadoon kudhawaaqin, ama kabasiidarane, dowlada dhaxoo dhan la hoosgeeyo maamulka Puntland, sida mararka qaar dowladihii hore ugu dhicijirtay. Akhristoow mudo laga joogo kudhawaad 5-sano (Monday 21 July 2014) ayaan maamul-Beeleedyada ka qoray maqaal ciwaankiisu ahaa: Maamul-beeleedyadu waa siriqda Soomaali loosii milqay. Dabcan sida maqaalkaba aad ka dheehankarto, xilligaa maamul-Beeleedyadu intan weey ka badnaayeen, balse waxaan waxba iska badalin, danihii uu kalahaa cadowgii federal/fadaro-Aalka shirkii Mbagathi, ugu soodhiibay hogaamiye-kooxeedyadii xilligaa, taasoo aheyd, in lahelo Soomaaliya oo lakala qeybiyey, ama lakala googooyay (Balkanization of Somalia), taasoo aan dib unoqon dal mideeysanoo, doowlad xoogna leh, iyo waliba hal wadoo loogu hagaagikaro. Kasooqaadashadii Melez Zenawi-gii Itoobiya qandaraaska Federal/Fadaro-Aalka, oo xilligaa madaxweynenimo looga badashay, fulintiisii xiligaa, iyo udoodidiisa markastaba, waxaa hormood ka ahaa, hadana ka ah siyaasiyiin kasoo wada jeeda maamulka Puntland. Macquul ma aha maamul katirsan dal, inuu xiriir dibadeed layeesho dalkale, oo dalkii maamulkaa kadirsanaa eey isku kacsan yihiin. Bal kawaran, hadii maamul (State) Mareeykanka ah, xiriir toos ah lasameeyo wadamada Mareeykanku isku kacsan yihiin, sida: Iiraan, Kuuba iyo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo heer dal wali dhibka kadhexeeya aan wax xal ah lagagarin? Jawaabtu waa: Wax dhicikara maaha. Waxa maamulka Puntland sameeynayo, ma aha wax caadi ah. Waa foowdo. Waxeey fadeexo kutahay siyaasada arimaha dibada ee dalkeena Soomaaliya. Waxa madaxda maamulka Puntland sameeynayaana waa khaa’inul-wadannimo (Treason). Nasiibdarrase! Waxeey maamulka Puntland iyo madaxdiisaba taaganyihiin, hadaan sikastoo fool xun, oo fadeexo qaranka ummada Soomaaliyeed ku ah u dhaqanno, maxeey dowladan dhexee dalkoo dhan gacanta ugu jirin inaga qaadikartaa? Waxeey sidoo kale taagan yihiin: Soow Somaliland kama caqli, iyo farsamo badinin, mar hadii markaan doonana aan udhaqmeeyno, dowlad kamadax bannaan Soomaaliya, innagoon arintaa kudhawaaqin, dhanka kalana, markaan doono kudhexjirna Soomaaliya. Waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, maxaa dowlada dhexe uladagaashey Xaaf iyo maamulka Gal-Mudug, markii Xaaf “isaga qaraab tagay” Imaaraatka, kadib markuu kaligii maamulkii Gal-Mudug boorsada isagasii qaatay, mar hadii maanta waxa maamulka Puntland sameeynayo, dowlada dhexe isaga aamusan tahay? Illeen wuxu waa lama maamuloo dowlada dhexe kawada tirsan, ficilka eey sameeyeenna waa isku mide, maxeey tahay farqiga ka muuqda ficilka doowlada dhexe, oo midna si dhab ah uga fal-celisay, illaa uu ka gilgilmay jiritaankii maamulka Gal-Mudug, kaasoo illaa maanta uu kasoo kaban la’yahay, halka dhaqanka maamulka Puntland, ee kaa Gal-Mudug la midka ahna, dowlada dhex wali uga falcelin sidii uu mudnaa, waliba iyadoo wasiirka arimaha dibadee dowlada dhexe, uu deegaan ahaan kasoojeedo maamulka Puntland? Gabagabo iyo gunaaanad Waxa Maamulka Puntland sameeynayo ma aha wax caalamka kadhaca, ma aha wax uu ogolyahay nidaamka Federaalka/Fadaro-Aalka. Ma aha wax midnimada, iyo isku duubnida dalka u adeegaya. Waa foowdo cad, oo aan cidi inkiri karin. Waa dhaqankii hogaamiye-Kooxeedyada Itoobiya midkii eey rabtaba uyeeran jirtay, una isticmaali jirtay danaheeda guracan, ee ka dhanka ah dalkeena hooyo ee Soomaaliya. Waa qas iyo qalalaaso loogu dhiiranayo oo kaliya, maadaama dowlada dhexe aan dalkoo dhan gacanta ugu jirin. Dowlada dhexe waa ineey arintan foosha xun si aan kala har laheyn uga dhiidhisaa, sideey hore uga dhiidhiseyba markii maamullada qaar hore ugu dhaqaaqeen. Waa dhaqan hadii dowlada dhexe ogolaato, sidii dowladihii ka horeeyey u ogolaan jireenba, dhigidoona meeshii dowladihiii hore uu dhigay. Mahadsanidiin Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed abdulkadirphd@hotmail.com, Minnesota-USA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa maanta ka hadashay halkii ay ku dambeeyen dacwadihii musuq ee loo haystay Wasiiradii hore ee Gaashaandhiga Axmed Xawar iyo Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo. Xeer ilaalinta guud ayaa sidoo kale sheegtay in Hanti-dhawrka guud ee Somaliland ay dib ugu celisay dacwadihii musuq ee loo haystay Wasiiradii hore ee Xukuumada Muuse Biixi. Kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud Mowliid Cabdi Maax, oo arrimahaas ka hadlaya ayaa sheegay in aan ilaa hadda lahayn Mas’uuliyiin u xidhnaa arimo musuq-maasuq oo maxkamaduhu kusii daayeen damaanad. “Waxaanu doonaynaa runtii inaanu maanta halkan kaga hadalno caqabad balaadhan oo naga haysata maxkamadaha, maxkamadan gobalka Maroodi-jeex waxa jiray eedaysanayaal loo haystay inay ku tagri-faleen hanti qaran, oo ay dhaceen baanka Berbera oo muddo dheer ay dacwadoodu socotay oo marka horena ay maxkamaduhu damaanad ka qaadeen ilaa maxkamada sare, kiiskii markuu dhaqaaqi waayeyna in guddoomiyha gobalka Maroodi-jeex uu dammaanadii kala noqday, dhinicii eedaysanayaashu waxay dureen gudoomiyaha waxaana loo wareejiyay garsoore Idirs Maxamed Maxamuud, anagu xafiis ahaan markii kiiskaas aanu si fiican u dhaqaajinay ee aanu cadaymihii markhaatiyadii, faylalkii aanu maxkamada hordhignay ayaa markii la arkay inay dacwadaasi soo gabo-gaboobayso oo cadaymaha aanu maxkamada keenayna la arkay inay yihiin kuwo xoog badan in nimankii damaanad laga qaado, taas oo aanu anagu dareen ahaan qabno inay yihiin niman lagala ordaayo falkaas ay galeen, maadaama oo ay hanti faro-badan oo si cad looga dhacay bangiga Berbera oo uu dhibane ka yahay bangiga dhaxe, kuwaas oo isugu jiray shaqaale bangiga ah iyo niman sariflayaal ah oo ay leeyihiin gacan saar”. ayuu yiri Mowliid Maax. Kuxigeenka Xeer ilaaliyaha guud ayaa sidoo kale sheegay in xeerka musuq-maasuqu aanu u ogolaaneyn in la damiinto qofka ku eedaysan arrimo musuq, oo aan loo iibin karin xariga, xitaa kama faa’iideysan karo cafis Madaxweyne haddii uu xukun ku dhaco. “Waxay noqotay inay maxkamadii si badheedh ah damaanad looga qaado, waajibaadkayaga ayuun baanu ka gudanaynaa waana waajib in ay maxkamaduhu ilaaliyaan sharciga waana ruuxdii sharciga, waxa nasiib daro ah maxkamadii sharciga ilaalin lahaa inay ku tuntaan sharcigii. Bangigiina waa uu nala dul taagan yahay waxaanu na leeyahay maxay sidani u dhacday, markaas waa jaah-wareer na haysta. Caqabad weyn ayaa naga haysata, damaanadaas way jirtaa oo waxa ugu danbeeyay kii madbacada oo ay damaanad maxkamaduhu ku sii daayeen, dacwad soconaysaana haba yaraatee ma jirto waxa la la’yahay kii damiintay, maxbuuskii lama hayo jaah-wareer ayaa naga haysta” ayuu yiri Mowliid Cabdi Maax. Wuxuuna intaa kusii daray Kuxigeenka Xeer ilaaliyuhu “Nimankan lacagta ay ku eedeysan-yihiin ma xadi ayay leedahay boqol kun oo milyan oo Somaliland ah ayay ku eedaysan yihiin”. Ugu dambayntii Mowliid Maax ayaa ka hadlay halka ay ku dambeysay eedihii musuq ee loo haystay qaar kamid ah Wasiiradii uu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday, wuxuuna yiri “Runtii faylkaasi waxa uu ubaahnaa cadaymo dheeraad ah waxaana lagu celiyay hanti-dhawrka guud, wixii ka dhimana maadaama oo uu baadhis dheer galaayo, waxa uu ku maqan yahay dhanka hanti-dhawrka guud”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Kooxaha reer Ingiriis ee Liverpool iyo Tottenham ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League, waxayna ku biireen Barcelona iyo Ajax. Tottenham ayaa ku soo baxday sharciga goolasha, kadib markii ay Manchester City garoonkeeda Etihad uga badisay 4-3, halka lugtii hore ay Tottenham ku soo adkaatay 2-1, waxayna wadarta goolasha labada kulan noqdeen 5-5. Kulanka Manchester City iyo Tottenham ayaa ahaa mid xiiso badan, waxaana 21 daqiiqo ee ugu horeeyay la dhaliyay 5 gool, halka wakhtigii dheeriga ee lagu daray dhaceen labo farxadood iyo labo murugo, Manchester City ayaa u dabaal degtay gool Offside ahaa, balse daqiiqad ayaa la diiday, waxayna marka kale farxad u dabaal degtay Tottenham. Tottenham oo markii labaad timi taariikhda afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League ayaa ku aaday kooxda Ajax. Dhanka kale Liverpool ayaa si sahlan uga soo baxday afar dhamaadka tartankan, kadib markii ay FC Porto oo ay marti u ahayd uga adkaatay 3-1, waxayna wadarta labada kulan ku soo baxday 6-1. Liverpool oo sanadkii labaad oo xiriira siddeed dhamaadka tartankan ku reebtay FC Porto ayaa ku aaday Barcelona. PUNTLAND POST The post Liverpool iyo Tottenham oo u soo baxay afar dhamaadka koobka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
  4. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko ayaa ka hadlay dibad baxyo bari laga cabsi qabo in uu ka dhaco Muqdisho. Dibad baxaasi ayaa waxaa soo ababulaya siyaasiin la sheegay in ay mucaaradka ku yihiin dowlada Soomaaliya. Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in dibad baxyo kasta oo rabshado wato lagu hor istaagi doono. Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in dibad baxyo ay ka dhacaan Muqdisho. Ugu dambeeyntii Dowlada Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo amniga Muqdisho sugaya Puntland Post The post Taliska Booliska oo ka digay dibad baxyo ka dhaco Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  5. Wararka ka imaanaya Xaafada Kaabo Godey qeybta degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas caawa lagu laayay dad Qaraabe Soke ahaa Sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal kooxo la socday gaari kuwa Raaxadda ah ayaa fuliyay dilka,waxaana la sheegay in rasaas ay ku fureen xili fadhiyeen afafka hore ee guriga. Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay 5,ruux,waxaa sidoo kale dhaawacyo culus ay soo gaareen 4-kale kuwaasi oo la dhigay isbitaalka Madiina. Magacayadda dadka ku dhintay weerarka ayaa kala ah Maxamed Cabdi maxamed Maxamed saciid muuse Cabdi Xasan ibraahim Cismaan Xasan iidow Maxamed Cumar Axmed Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dadka lagu dilay weerarka iyo kuwa dhaawaca ah intooda badan ay yihiin kuwo Qaraabo soke ah oo hal qoys ka soo wada jeeda. Si rasmi ah looma oga falkaasi waxa sababay laamaha amaanka ayaana goobta gaaray oo baaritaano wada. Puntland Post The post 5 qof oo qaraabo ah oo caawa lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa caawa rasaas ooda kaga qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa guri ku yaalla agagaarka Suuqa Kaawo Godey qeybta xigta Degmada Dharkiinley. Goobjoogayaal ayaa ku waramay inay arkeen koox hubeysan oo ka degatay gaari nuuca raaxada ah, intaasi kadibna ay rasaas ku fureen guri dad shacab ah ay deganaayeen. Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in tacshiiradan ay ku geeriyoodeen ilaa 5 ruux oo isku qoys ahaa, ayada oo lix qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Waxaa kaloo naloo xaqiijiyay dadkan la beegsaday inay ehel yihiin Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluuneysiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arrintan salka ku heyso aanooyin qabiil, balse lama xaqiijin karo. Ragii ka dambeeyay falkaas Caawa ka dhacay Xaafada Kaawo Godey ayaa waxaa la sheegay in ay ku baxsadeen gaari nooca raaxada ah oo wateen. Ciidamada ammaanka oo tagay goobta ayaa bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan raggii falkan ka dambeeyay oo baxsad ah. Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa laga dareemayaa aagga uu falkan ka dhacay, bacdamaa dadka deegaanka ay muujinayaan baqdin badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Amnesty International spokespeople are available for interview Responding to news that former Sudan president Omar Al-Bashir is being detained in Kober prison in Khartoum, Joan Nyanyuki, Amnesty International’s Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes, said: “Omar Al-Bashir stands accused of crimes against humanity, war crimes and genocide, and must be immediately handed over to the International Criminal Court (ICC) for due process to be followed. His case must not be hurriedly tried in Sudan’s notoriously dysfunctional legal system. Justice must be served. “An ICC trial is not only vital for the victims of the atrocious crimes that led to his indictment but must constitute a first step in ensuring justice and accountability in the country. Sudan must take urgent steps to rebuild its justice sector but, in the meantime, the only way victims of his alleged crimes will see progress towards justice are if Bashir faces a fair trial at the ICC”. Meanwhile the authorities in Sudan must ensure that Al-Bashir, along with all other people arrested and detained since the military coup, are protected from torture and other ill-treatment that have been typical of imprisonment in Sudan. “More than a decade after the first arrest warrant was issued against him in 2009, the time has come for Al-Bashir to face justice at the ICC,” said Joan Nyanyuki. The ICC has issued two arrest warrants for Al-Bashir on the basis that there are reasonable grounds to believe that, along with war crimes and crimes against humanity including murder, extermination and rape, he has committed genocide against the Fur, Massalit and Zaghawa ethnic groups. Amnesty International has cautioned countries against sabotaging justice for victims of the war crimes, crimes against humanity and genocide that Al-Bashir is accused of by offering him asylum. Qaran News
  8. DECOMENTRY: waa sidee xaalada FGM ee Puntland, barnaamijkaan waxaa iska kaashaday idaacada Horseed Media iyo hay'ada badbaadada caruurta ee SaveTheChildren , waxaana soo jeedinaya barnaamijkaan [...] Source
  9. Nairobi (Caasimadda Onlin) – Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Nairobi ka socdo qaban qaabada kulan ay halkaas ku yeelanayaan Madaxda Maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland kaasoo looga hadli doono arrimo xasaasi ah. Madaxweynayaasha maamuladaas oo aan xiriir ffiican la laheyn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday kulankaas ay la yeelanayaan Beesha Caalamka waxayna cabasho ka yihiin inaysan helin lacagaha Mashaariicda ee Dowladda Soomaaliya loo soo mariyo. Deni, Xaaf iyo Axmed Madoobe ayaa doonayo inay Beesha Caalamka si rasmi ah ugu sheegaan in hadda kadib aan wax lacag iyo mashaariic ah aan loo soo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya taas badalkeedana iyaga si toos ah loola macaamilo. Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Shalay gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, Sidoo kale waxaa maalmo ka hor isna halkaas tagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana la filayaa inuu dhawaan halkaas soo gaaro Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hadda ku sugan dalka Imaaraadka Carabta. Sida ay Caasimadda Online ogaatay Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland in wadajir magaalada Nairobi kula kulmi doonaaan wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo kala hadlaya barnaamijka la macaamilka gaarka oo Beesha Caalamka dib u soo cusbooneysiisay in maamul goboleedyada si gaar ah uga taageerto barnaamijka Horumarinta iyo arrimaha bani’aadaminada. Waxaa weli taagan Khilaafkii xoogaana ee u dhaxeeyey Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo kasoo bilowday go’aanka ay Dowladda Dhexe ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex galay Dowladaha Khaliijka. Tan iyo markaas waxaa hakad la geliyay barnaamijyadii mashaariicda horumarineed ee Beesha Caalamka soo marsiin jireen dowladda Federaalka, waxaana muddo la hadal hayay in Beesha Caalamka ay qorsheyneyso sidii ay dib ugu soo celin laheyd barnaamijka macaamilka gaarka ah ee Maamulada iyo dowladda Federaalka ay si isku mid ah uga taageereyso mashaariicda horumarineed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku fashilmay kulan uu doonayey inuu Madaxda Maamul Goboleedyada isugu keeno Magaalada Muqdisho, waxayna madaxda Maamulada xujo ka dhigeyn in marka hore loo soo fasaxo Miisaaniyadda laga xajiray markii uu Khilaafka bilowday. Wixii kasoo baxo kulankaas waxaad kala socon doontaa Caasimadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Somaliland: Senior Foreign Minister Adviser In Russia Moscow,(Qaran news)-The former Somaliland Deputy foreign minister, Kaysar Mohamed Abdillahi arrived in Moscow today. The former deputy minister who still works as a consultant to the ministry was received with high level protocol in Russia by members of the Putin administration. It is not clear whether the visit by the former Somaliland deputy foreign minister is a private and personal one, or whether he is being sent as an unofficial envoy by the administration of President Muse Bihi Abdi. However, according to informed sources, the visit has some roots in the desire by the Russian government to acquire a Marine base in and around the port of Zeila in Somaliland. The former Soviet Union was responsible for building one of the longest runway in Africa at Berbera airport during the union between Somaliland and the defunct Somali Democratic Republic, and it is no secret the Russia has a strong desire to have a presence in the Red Sea and the Gulf of Mandeb. With the United States, France, China and Japan currently with bases in Djibouti, the United Arab Emirates in Assab, Eritrea and Turkey in Somalia, Russia would like to join the UAE in establishing a presence in Somaliland. Qaran News
  11. Taliska Booliska gobolka Banaadibanaadir ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Qaraxan ayaa la sheegay in ay ku [...] Source
  12. (SLT-Peru)-Madaxweynihii hore ee dalka Peru Alan García ayaa geeriyooday ka dib markii uu istoogtay xilli ay booliksa tageen gurigiisa, si ay ugu soo xidhaan eedeymo musuqmaasuq ah oo loo jeediyay. Mr García ayaa markii hore loola cararay cisbitaalka magaalada caasimadda ah ee Lima. Dhimashadiisa waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Peru ee hadda xilka haya, Martín Vizcarra. Dadweyne taageerayaashiisa ah ayaa isugu tagay afaafka hore ee cisbitaalka la geeyay waxaana is hor taagay booliska oo is abaabulay. Mr García ayaa lagu eedeeyay inuu lacago laaluush ah ka qaatay shirkad dhismaha ka shaqeysa oo laga leyahay dalka Brazil, inkastoo uu horay u beeniyay sheegashadaas. Saraakiil ka tirsan booliska ayaa loogu diray inay soo xidhaan, si loogu sameeyo baadhitaanno la xidhiidha eedeymahaas. Wasiirka arrimaha gudaha Carlos Morán ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay booliska tageen gurigiisa, uu Mr García ka codsaday inuu telefoon dirsado, ka dibna uu galay qol, albaabkana uu soo xidhay. Daqiiqado ka dib, waxaa la maqlay dhawaaq rasaas, ayuu yidhi Mr Morán. Booliska ayaa xoog ku furay albaabka waxayna arkeen Mr García oo ku fadhiya kursi, madaxana ay uga taallo xabad. Alan García ayaa horay laba jeer madaxweyne uga soo noqday dalka Peru. Markii hore waxa uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1985-kii ilaa 1990-kii, isagoo mar kale dalkaas xukumayay intii u dhaxeysay 2006-dii ilaa 2011-kii. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Warbixin Xiiso leh Oo Laga Diyaariyay Siyaasiyiin Mucaarid Adag Ku Ahaa Madaxweyne Siilanyo, Muuse Biixi Qaab Qabyaaladaysan Uga Aamusay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Wiirka arrimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Diyaaraha aan la aqoonsan ee walxaha ku daadiyey Deegaano ka tirsan Degmada Salaxlay, waxaanu sheegay in xukuumad ahaan ay arintan baadhitaan ku samaynayaan, balse aanay marnaba raali ka ahayn in lagu soo xad gudbo Badda, Hawadda iyo Dhulka Somaliland. Wiirka arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ee Berbera iyo roobabka curtay, waxaanu ugu horeyn uu ku jawaabay isagoo ka jawaabay diyaaradahan walxaha daadiyey iyo waxaa Xukuumad ahaan uga meel yaala “Dawladdu marnaba raali kama ah, cid cadaw ah, ama cid kasta oo dalkeeda iyo dadkeeba ku soo xad gudba, Dawladduna diyaar uma ah cid cadaw ah oo diyaarado wata ama hub iyo wax kale ku soo daadiya dalkeena, Dawlad iyo Shacabna raali kama nihin in xadkeena lagu soo xad gudbo, wixii aynu ka qaban karnaan waa laga qabanayaa, arimahan oo kalena dalka hore wey uga dhac-dhaceen, diyaaradahan cid wadaa iyo ujeedada laga leeyahayna lama fahansana, laakiin Dawlad ahaan arintan waanu hubinaynaa, oo waanu baadhaynaa siday wax u dhaceen, marka ay wax dhacaana waa la buun-buuniyaa, laakiin diyaaradahani haddii ay ka yimaadan Wadamada Jaarka, iyo haddii ay ka yimaadan baddahaba, marnaba raali kama nihin in Baddeena, Dhulkeena iyo Hawadeenaba lagu soo xad gudbo,”. Mar uu ka hadlaayey Socdaalka Madaxweynaha ayaa yidhi “Anigu waxaan ka mid ahaa Dadkii Madaxweynaha u raacay Magaalada Berbera, Mashaariico badana waanu furnay maanta (shalay), horumarkaas ka socda Berbera waa horumar inoo soo kordhay, oo faa’iido badan u leh dalkeena iyo dadkeenaba, oo Dekaddeena oo ah halkay wax inooga soo degaan horumar weyn baa la gaadhsiiyey, aad iyo aadna waanu ugu faraxsan nahay, qaabka ay hadda u shaqeeyso iyo dawladdu waxay mar kasta diyaar u tahay inay dalka horumar balaadhan oo dhan kasta ah gaadhsiiso iyo inay shaqo abuur sameeyso” Source
  15. Wasiir Qaran mise wasiir doonaya in uu hubiyo burburka systemkii waxbarashada Soomaliya ugu tayada badnaa, ugu fiicnaa looguna kalsoonida badnaa soomali oo dhan, kaas oo [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay ciidamo loogu talo galay ka hortaga rabshadaha iyo banaanbaxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa tababar kusoo qaatay dalka Jabuuti, waxaana maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, iyadoo loo diyaarinayo inay ka hortagaan rabshado iyo banaanbaxyo ka dhaca magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa qeyb ka ah ciidamada booliska ee la doonayo inay ka hortagaan rabshado ka dhaca magaalada Muqdisho. Masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka amniga, taliyaha ciidamada booliska, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale ayaa goobjoog ka ahaa munaasabada lagu soo bandhigayay. Masuuliyiinta amaanka ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ku biiri doonaan ciidamada sugaya amaanka caasimada Soomaaliya, walow aysan tiro ahaan badneyn, haddana waxaa qorshaha uu yahay in la geeyo isgoysyada qaar ee magaalada Muqdisho. Arinta soo bandhiga ciidamadaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo maalmahaan la hadal hayay banaanbax xoogan oo la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasi oo walwal badan ku beeray dowladda Soomaaliya. Waxaa ka digay banaanbaxyadaan siyaasiyiin badan oo dowladda Soomaaliya ay dhaqaalo ku bixisay inay difaacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 15-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday maqaayad ku taalla agagaarka saldhigga booliiska degmada Waaberi. Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Somalia, Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo la hadashay warbaahinta qaraxa kaddib ayaa sheegtay in khasaaraha qaraxa ee ay iyagu xaqiijiyeen uu yahay afar dhimasho ah iyo shan dhaawac ah. Balse, Goobjoogayaal hadlay warbaahinta ayaa iyaguna sheegay inay arkeen dhimashada shan ruux, sidoo kalena mas’uuliyiinta gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Aamin Ambulance ayaa sheegay in dhaawacyada ay qaadeen ay ka badan yihiin 15-qof. Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii galabta ka dhacay isgoyska Dabka, iyadoo afhayeen u hadlay kooxda uu sheegay inay si gaar ah ula beegsadeen goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Dowladda FS, ayna tiro dhawr ah ku dileen. Sidoo kale, Ciidamada Dowladda Somalia oo soo gaaray halka uu Qaraxu ka dhacay ayaa cidna u qaban qaraxa, mana jirto ciidammo goobta galay sida looga bartay Al-shabaab marka ay qaraxyada ku weeraraan goobaha ay bartilmaameedsadaan. Dhanka kale, Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay qaraxyo la beegsadaan goobo ay shacabku ku badan yihiin, waxaana qaraxaan uu ka mid noqonayaa tiro qaraxyo ah oo dhawaanahan ka dhacayay Xamar. Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu dhacay saacado kaddib markii Qarax kale oo sababay burbur hantiyeed uu isla maanta ka dhacay waddada aadka u mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama, taasoo ah mid ay inta badan is-ticmaalaan madaxda dowladda iyo ciidamada AMISOM. PUNTLAND POST The post Faahfaahin Khasaarihii ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Dabka ee Xamar appeared first on Puntland Post.
  18. The Minister for the Somali Ministry of Education, Culture and Higher Education, Mr Abdullahi Godah Barre has criticised Puntland for not allowing its students to take the “National Examination” under umbrella organisations. In a statement broadcast on the Somali National Television, Godah said that the Ministry will not recognise any other examination administered by Puntland State. The Minister said that he had thought “ solution has been found to areas of disagreement between Puntland Ministry of Education and the Somali Federal Ministry of Education.” What is unprecedented under the current Somali federal administration headed by President Mohamed Abdullahi Farmaajo is the policy the Ministry of Education has adopted to aggressively promote what it views as National Examinations in a country with multiple examinations boards and with no a national curriculum. Early 1990s Unesco introduced a Somali primary school curriculum under its former PEER programme. The curriculum was partly based on pre-1991 national curriculum. The Unesco-produced curriculum was also taught at refugee camps for Somali refugees. However, post-1991 Somali regions have adopted curricula promoted by NGOs keen on replacing Somali as the medium of instruction. The Ministry recognises examinations administered by “umbrella organisations “  In 2007 when a former Minister of Education for the Transitional Federal Government paid a visit to several Mogadishu schools, he was surprised to learn five schools he visited were following different curricula from Saudi Arabia, Sudan, UAE, Qatar and Egypt. A country with no an inclusive national army cannot have a national curriculum. Puntland has private schools and many poorly funded government schools. Mr Godah’s intervention damages the trust and cooperation between the Federal Government and the Puntland State when he argues his Ministry has the imprimatur not to recognise any other examination not set in and approved by Mogadishu. There is a question mark over how the Somali Federal Government can fairly distribute scholarships provided by friendly countries if it considers Mogadishu-mandated curriculum as the genuine one for the whole country. The Federal Government has a duty not to undermine educational institutions that have been functioning in Puntland before the formation of the Transitional National Government and subsequent federal governments. Liban Ahmad libahm@gmail.com The post Somalia Has No a National Curriculum appeared first on Puntland Post.
  19. Somaliland: Waddani “Adminstration Has Failed To Deal With Inflation” Hargeisa, (Qaran news)-The Waddani party’s spokesperson, Barkhad Jama Batun, has severely criticized the administration of President Muse Bihi of being unable to deal with the rampant inflation in the country, the continuing decline in the value of the Somaliland shilling and the brazen profiteering of Somaliland’s commercial market. Barkhad Jama Batun stated in his statement, the administration has failed to address the hurdles hindering the holding of parliamentary and local elections in Somaliland and declared that “Kulmiye doesn’t want to see elections in Somaliland, because it knows it will lose control of the House of Representatives, and all the local councils” According the Waddani party spokesperson, Barkhad Jama Batun, “my party will never accept the conducting of any elections by the National Elections Commission (NEC), as it is currently constituted. Their mandate expires before December, 2019, their malfeasance in the 2017 presidential elections is well documented, so we will not have that happen again”. Finally, the Waddani spokesperson accused the President of being “busy with litigation about land, farms and other personal assets” rather than governing the country and recognizing that for “good or bad, he is the President of the country and not a “dilaal” engaged in business deals”. Qaran News
  20. 1 Sano iyo Badh Ka-dib, Madaxweyne Muuse Ballanqaadkiisii oo Aan Midho Dhalin Iyo Mahadhooyinkii Laga Dhexlay! Hal Sano iyo badh ayaa ka soo wareegtay markii hoggaanka dalka uu Majaraha u qabtay Madaxweyne Muuse Biixi, Mudadaasi uu xilka hayey waxaa laga filaayey inuu iska qurxiyo Sawirka ay bixinayso Xukuumadiisu, Si kasta oo ay tahayba, Marba marka ka-sii danbeysa waxaa abuurmaaya Gal-daloollo hor leh oo ifinaaya, In dhammaan Ballamihii uu Madaxweyne Muuse ku soo galay doorashadii ama ku hantiyayba hoggaanka dalka , Aysan u muuqan karin kuwo hir-galaaya. Dowladdu waxay Hal Sano iyo Badhkii la soo dhaafay u Muuqataa mid sii luminaysa Shacbiyadda dhamaan Dadweynaha siiba kuwii fartooda iyagu eeday. Waxayna dib u cunaysaa Sharaftii Iyo Sumcaddii ay Abuureen Xukuumaddii ka horeeyey. Hadaba Marka la eego : Sida xaalku yahay,Waxaa jira Caqabado badan oo la soo gudboonaaday Mudadaasi ay jirtay Dowladda Madaxweyne Muuse Biixi. 1. Madaxweynuhu wuxuu si aan gabasho lahayn u beegsaday qaar ka midda Tageerayaashii Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasiyiinta ka aragti duwan. Iyada oo uu qaarkood kula kacay falal isugu jira Xadhig, Xil ka-qaadis, Cabbudhin, Xannibaad Iyo Magac-dilid. Taasoo Xad-gudub ku ah xorriyadda hadalka, Dimuquraadiyadda iyo Sareynta sharciga ee dastuurkeenu kafaalo qaaday.waana sababta Ay dad badan qabaan.: Xisbiga Kulmiye inaanu gaadhaynba Sanadaha Madaxweyne Muuse xilka hayo, marka eegto, falalka Madaxweynaha iyo qaar ka midda Golihiisa wasiirada, kuwaasi oo tageerada Dowladda Iyo Tii-xisbigaba luminaaya. 2. Madaxweynuhu wuxuu dagaal qaawan ku qaaday Shacabka Gobolada Bariga ku dhaqan. isla-markaana khudbadihiisa iyo kuwa qaar ka midda golihiisuba ay jeediyaan; Waxaa ka buuxda markasta qaladaad fara-badan: waxaana jirta kalsoonida darri shacabku ka qaadeen Ereyadda iyo Hadallada la isticmaalo, waxayna dadka qaarkood dhawaaqyadaasi ku tilmaameen kuwo aan la qaadan Karin. 3. Madaxweyne Muuse Biixi ilaa hada wax- isbedel ah kumuu sameyn sanad iyo dheeraad Isku shaandhayn uu wakhtiyo kala duwan soo saaray, kamana muuqato Sansaan muujinaysa inuu dheeliga ka Biiyo xukuumadiisa isla-markaana kuraasta muhiimka ah uu ka saaro gacanta masuuliyiinta ka soo jeeda deegaankiisa. taasi oo weli u muuqata mid dhinac ka Raran. 4. Madaxweynaha ilaa iminka lagama hayo, sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan qabsoomaddii doorashada Somaliland, taasi oo sababtay in ay joojiyaan xisbiyada Mucaaradku xidhiidhkii wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeyay iyaga iyo komishanka doorashooyinka. Khilaafkaasi wuxuu hakad geliyay meel-marinta waqtigii doorashooyinka, shuruucdiisii muhiim u ahayd, saami qabsigii iyo hawlihii doorashooyinka oo dhan. 5. Madaxweynaha ilaa Maanta waxaa laga la, yahay Fulinta Qodobadii Heshiiskii lala galay Siyaasiga Prof, Cali Khaliif, Taasi oo dhalisay in Profesorku Magaalada Hargeysa kaga dhex-baadho ciddii heshiiskaasi fulinteedda lahayd! : “Dhawaqaasi wax-weyn Ayuu iftiimiyey” In heshiiskaaasi dhabarka loo jeediyo, haddana Midnimo Somaliland Ayeynu Uunsiga u shidaynaa. 6. Madaxweyne Muuse Biixi: Ayaa awooddii ka qaaday Golaha Wasiiradiisa ee uu soo magacaabay, isagoo ku war-geliyey inaanay qaadi-Karin talaabo aanu ogayn isla makaana xadi go’an ayuu dajiyey lacagaha ay ka saari karaan Baanka. Taasina waxay caqabad ku noqotay wasiiradiisa iyo wax qabadkii laga filaayey inay awood u helaan. 7. Madaxweynaha Golihiisa Xukuumadda Ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin siyaasiyiinta aan saameynta badan ku lahayn Goboladda ay ka soo jeedaan. Waxaasoo dhan waxa ka sii daran oo uu guul-daro weyn iyaduna noqotay habka Cadaaladda ee Qoondada Mashaariicda Horumarinta Goboladda Somaliland gaar ahaana qaybaha Goboladda Bariga loogu talo-galay oo aad u yar , madaama ay yihiin kuwa ugu baaxadda weyn dalka. 8. Madaxweynuhu wuxuu dagaal aan loo meel-dayin ku qaaday Ganacsade : Axmed Cismaan Geelle; isagoo la saftay dowlad cadow ku ah Somaliland ,isla-markaana hantidisii awood dowladeed ku haysata, Marka aad eegto dhaliisha odayaashii dhaqanka jeediyeen iyo jawaabtii Afhayeenka Madaxweynuhu siiyay , Waxaad arkaysaa mikrafoon deg dega iyo in markasta aan la dhegaysan Cabashada shacabka iyo helidda Garnaqsi muddeysan.,Waana qodobada ay liig ku tahay xukuumadani. sidaa dardeed ficiladeedu noqdaan kuwo quluubta umadda aan isu soo jeedinayn. Ugu danbeyntii: Waxaan sugnaaba waa Seddexda sano ee inagu soo fool leh , Waxa u hagaaga iyo waxa ay ka habsaanto dowladda Madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi uu Majaraha u hayo. gunaanadka hadalkeyga waxaan kula talinayaa Madaxweynaha in uu ka faa’iideysto mudada kooban ee maamulkiisa u hadhay. Adan Yusuf Cilmi adanyusuf@hotmail.com Qaran News
  21. Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halis ugu jiro inuu waayo Dhalashada dhanka Mareykanka kadib go’aan xasaasi ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay amar xasaasi ah oo ku socdo muwaadiniinta dalkaas u dhashay ee wadamada kale ka hayo xilalka Siyaasadeed ee saameynta leh. Amarka kasoo baxay Wasaaradda ayaa ah mid lagu caddeynayo Shuruucda dalkaas u taal, waxayna wasaaradda sheegtay inay macquul tahay in qofkaas lumiyo Dhalashada dalka Mareykanka. Amarkaan ayaa qabanayo muwaadiniinta Mareykanka ee u tartamay ama loo dhaariyey xilal kale oo ay ka qabtaan Wadamo kale. Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaamatay In muwaadiniinteeda ay u tartamaan xilal wadamo kale ay tahay mid sharci darro ah oo aan marnaba waafaqsaneyn shuruucda u taal dalka Mareykanka. “ Sharciyo Caalami ah ayaa ka dhallan doono arrimaha la xiriira Dadka Mareykanka u dhashay ee waqtigaan madaxweynaha ka ah dal kale ama hayo xil Wasiir Arrimo debadeed, waxayna taas keeni doontaa Su’aalo adag, waxayna Wasaaradda Arrimaha Debadda Mareykanka u eegi doontaa si gooni ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda oo lagu daabacay Bogga rasmiga ah. Sharcigaan ayaan qaban doonin muwadiniinta u dhashay Mareykanka ee Shaqooyinka u raadsado wadamada kale sida ay sheegtay Wasaaradda balse dadka uu sharcigaan qabanayo ayaa ah kuwa xilalka siyaasadeed ee saameynta leh ka qabto wadamo kale. “Haddii muwaadiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arramaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaadiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaadinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Ayaa la raaciyay. Dadka uu Sharcigaan qabanayo waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo heysto Dhalashada dalka Mareykanka waana hoggaamiyaha talada u hayo Soomaaliya. Arrintaan ayaa qaban doonto Madaxweyne Farmaajo haddii uu doonayo inuu tago dalka Mareykanka maadaama uu heysto Dhalashada Dalka Mareykanka. “Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayay sii raacisay dowladda Mareykanka. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxaa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto basaboorka Mareykanka. Madaxweynaha ayaa dhawr kulan oo ka dhacay Mareykanka wuxuu u diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inkastoo ay madaxtooyada ku doodeyso inuu madaxweynaha ku mashquulsanaa shaqooyin kale. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  22. Waxaa qoray Ex-Wasiir Juxa Wasiir Godaxow, Puntland waa pre-federal state dhisan in kabadan 20 sano oo leh manhaj, imtixaan iyo siyaasad waxbarasho oo dhisan waqti [...] Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Duleedka Magaalada Laascaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. At least four people were killed and five others injured when a vehicle parked at Dabka junction in Mogadishu exploded on Wednesday, police and witnesses said. Zakia Hussein, a deputy police commander said that the vehicle loaded with an improvised explosive device (VBIED) detonated outside a restaurant near Wabari police station in the restive capital. “An VBIED Harrier vehicle parked at Dabka Junction went off; so far we can confirm four dead and five wounded. We offer our condolences to the victims. We once again ask the public to be vigilant and report any suspicious activities and vehicles to police via our 991 hotlines,” Zakia said. Witnesses reported the blast saying it was so huge noting that the injured were rushed to the hospital. “I heard a huge blast and saw black smoke billowing above the scene. The blast destroyed auto-rickshaws travelling nearby,” witness Hani Abdi told Xinhua. The attack came hours after bomb explosive fitted into a car exploded at Maka Al Mukarama road in Mogadishu earlier on Wednesday. No group has claimed responsibility for the latest attack in Mogadishu but extremist group, al-Shabab which is fighting to overthrow the government, usually stages such deadly attacks in the Horn of Africa nation. The move comes while Mogadishu is on high alert as police forces blocked the main roads of the capital to prevent possible attacks by the militants. Somali national army (SNA) backed by African Union Mission in Somalia (Amisom) drove al-Shabab militants out of Mogadishu, but the terror group is still capable of conducting attacks, targeting government installations, hotels, restaurants and public places. View the full article