-
Content Count
212,135 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ay bilaawday qorshe mushaarka looga dhimayo shaqaalaha ku meel gaarka ah ee dowladda Soomaaliya. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa, in wasiirka maaliyadda uu dalbaday in 20% laga jaro shaqaalaha, waxayna arrintaasi ay muran xoogan ka dhax dhalisay golaha wasiirada. Arintaan ayaa bisha October lagu billaabi doonaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta soomaaliya oo ah kuwa ugu badan ee wasaaradaha dowladda. Wasiirada warfaafinta soomaaliya, gaar ahaan wasiirka iyo wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay in arintaan ay isku khilaafeen islamarkaana aad looga dareemayo gudaha wasaaradda. Lama oga sababta keentay in mushaarka shaqaalaha aan rayidka aheyn looga jarayo mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Shaqaalaha ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya oo aan ka yareyn 2 kun ayaan qaadan mushaar ku filan, waxaana gunno ahaan loo siiyaa lacag u dhaxeyso, 150$ ilaa 300$ oo dollar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Qaranka, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kadib wareysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA. Ugu horreyn waxa uu sheegay in weeraradii ugu dambeeyey ee ay fulisay Al-Shabaab ay u muuqdaan kuwa ay uga faa’iideysaneyso khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka. “Markasto oo uu jiro khilaaf siyaasadeed Kooxda Al-Shabaab waa ay ka faa’iideysataa.” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weerarkii maanta lagu qaaday saldhigga Balidoogle uu muujinayo inay xoogeysaneyo awooda Al-Shabaab. “Shabaab in maanta ay ku dhiiraadaan Balidoogle oo ciidamo si adag loo tababaray oo Danab ay joogaan inay weerar ku qaadaan waxaan isleeyahay waxay ka tarjumeysaa in awooda Al-Shabaab ay xoogeysaneyso la dagaalankii lala dagaalamayeyna Al-Shabaab ay dowladdu uga weecatay dhinaca siyaasadda.” ayuu markale yiri wasiirkii hore ee amniga. Dhanka kale wuxuu dowladdu ugu baaqay inay la timaado qorshe cad oo ay ku wajaheyso dagaalka Al-Shabaab, ama ay wadahadal la gasho, si loo heshiiyo. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe Al-Shabaab ay kordhisay weerareeda oo ay ugu dambeeyeen labo weerar oo ay maanta ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho iyo garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Shacabka Soomaaliyed dal iyo dibadba waxaa murug iyo walbahaar ku haya maqnaanshaha qorshe ku habboon xilliga kala-guurka 2020, islamarkaana fursad usiiya in ay codkooda siiyaan Xisbiga ay u arkayaan in uu ka jawaabayo baahiyahooda, waxaana jirta kala duwanaansho aragtiyaha siyaasadda ee ka dhaxeysa dowlad gobolleedyada iyo dowladda dhexe ee federaalka, iyadoo lawada ogsoon yahay duruufaha siyaasaddeed, amni, iyo dhaqaaleba, waxaa waajib dastuuri ah in lahelo shuruucda qeexeysa nimaadka kala-guurka xilliyada inta aysan dhammaan muddo-xilleedka hoggaanka talada haya. Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in bulsho weynta Soomaaliyed iyo daneeyeyaasha arrimaha siyaasadda Soomaaliya in ay dul-istaagaan qormadan kooban ee aan ku tilmaamayno qorshaha ku habboon xilliga kala-guurka 2020-ka, annagoo kawarhayna caqabadaha geedi-socodka qaran-dhiska dalka iyo wacyiga siyaasadda dalka, waxaan halkan ku gudanaynaa waajibaadka naga saaran ilaalinta jiritaanka qarannimada dalka, waxaan soo jeedinaynaa, habka ugu fudud ee ku habboon ee looga gudbi karo HALISTA kala-guurka 2020-ka ee foodda nagu soo haysa. Nidaamka Matalaadda Wadarta Isu-dheellitiran ee liiska D/Gobolleedyada Xiran. Habka doorashada ee loogu magac-daray (Propotional Represention Closed-List State-Constituency. (PR CL SC) ama Nidaamka Matalaadda Wadarta Isu-dheellitiran ee liiska Dowlad Gobolleedyada xiran,. hannaankan ayaa macnihiisu yahay in waddanka oo dhan laga dhigo 7 deegaan doorasho oo kala ah, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, Puntland, Somaliland iyo Gobolka Banaadir, (7 State – Constituency) taas oo ka dhigan in deegaan doorashooyinka dalka ay noqonayaan wadar kala xiran, deegaan walba ee loo qoondeeyo in ka badan hal kursi, ayaa noqonaysa deegaan doorasho ay xisbiyadu ku tartamayaan.Dadka isu diiwaangaliyay in ay codadkooda dhiibtaan si ay u doortaan Xisbiga ay doonaan, Nidaamka (PR CL SC) qofka cod bixiyaha ah ma dooranayo Musharax ee wuxuu dooranayaa Xisbi kaliya, waxaa kaloo Xisbiyada laga doonayaa in ay soo gudbiyaan xafiiska doorashada Dowlad Gobolleedyada liiska Musharaxiinta Xildhibaannada Federaalka Xisbiga oo ay ku dhan yihiin saami-qaybsiga beelaha ku dhaqan deegaan doorashada (Dowlad Gobolleedka) ay ka tartamayaan, islamarkaana ilaalinaya qoondada 30% ee dumarka ay ku leeyihiin matalaadda. Dowlad Gobolleedyada ayaa samaynaya xafiiska doorashada Federaalka ee dowlad gobolleedyada, iyagoo kaashanaya Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran, GMDQ iyo Xafiiska doorashada Federaalka ee Dowlad gobolleedyada ayaa si wada jir ah u maamulaya hannaanka doorashada Federaalka ee ka dhacaysa dowlad gobolleedyada, Xisbiyada doonaya in ay ka qaybgalaan doorashada Federaalka ee lagu qabanayo dowlad gobolleedyada, ayaa iska diiwaangalinaya xafiiska doorashada Federaalka ee deegaannada dowlad goboleedyada, islamarkaana buuxinaya shuruudaha diiwaangalinta Xisbiyada D/Gobolleedyada, guddiga Doorashada D/G iyo GMDQ ayaa shacabka ku dhaqan deegaannada dowlad gobolleedyada u diyaarinayaa in ay ka qaybgalaan doorashada federaalka ah ee ka qabsoomeysa deegaannadooda waxaana la diiwaangalinayaa dhammaan shacabka ku dhaqan goobaha ay suurtagal ka tahay in ay ka qabsoonto doorashada federaalka ah ee ka midka ah deegaannada dowlad . goboleedyada, sida qaadashada kaararka codbixinta, barashada habka codbixinta, fahamka waraaqaha codbixinta iyo dhowrista anshaxa safka codbixinta. FG: Qorshaha wacyigalinta & diyaargarowga AMNIGA doorashooyinka Federaalka ee D/Gobolleedyada waxaa siwadajir ah u samaynaya D/Gobolleedyada iyo GMDQ. Marka dowlad gobolleed walba oo ay doorashada dhacdo oo dadka codadkooda dhiibtaan, waxaa la xisaabinayaan guud ahaan tirada codadka dadku dhiibteen ee ansaxay inta ay noqoto, Xisbi walba codadka uu helay waxaa laga doonayaa in ay gaaraan codad ka kabadan (threshold) 7% guud ahaan tirada codadka ay dadku dhiibteen si ay uga mid noqdaan Xisbayada ka qaybgalaysa saami qaybsiga xubnaha Baarlamaanka Federaalka dowlad- gobolleed walba, tirada deegaan doorashada wadarta ah ee dalka waxaa ay noqonaysaa 7 dowlad-gobolleed ee dalka oo kala xiran isla markaana midkiiba lagu tartamayo tirada kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee halkaas taalla. Dowlad gobolleedka Galmudug 36 Kursi (Xildh Federal) iyo 8 Senator (Aqalka sarre) kooban beelaha dega Galmudug si dheelitiran, waxaa tusaale ahaan ku tartamay doorashada 7 Xisbi ee buuxiyay shuruudaha ka qayb qaadashada doorashada Galmudug (bixinta qidmada diiwaangalinta iyo isku-dheellitirnaanta liiska musharaxiinta Xildhibaanada beelaha Galmudug) tirada dadka dhiibatay codka guud ahaan Galmudug waxaa ay noqotay 90,000 cod, Xisbiyada guuleystay waxaa ay noqdeen 5 Xisbi, waxaana Doorashada looga adkaaday 2 xisbi ee aanan helin codad ku filan oo udhigma 7% codadka guud ee 90,000 codka ah ee reer Galmudug dhiibteen. Habka loogu baddelo codadka 5-ta Xisbi ay heleen tiro u dhiganta kuraasta Baarlamaanka ay ku guuleysteen ayaa ah, in dhammaan codadka guud oo ay dadku dhiibteen ee ansaxay lagu salleeyo qoondada tirada kuraasta ee Xisbi walba uu helayo ayaa u dhiganta tirada codadka Xisbi walbaa helay, iyadoo lagu jaan-goynayo habka saamiga qaybsiga loogu magac daray (Sainte Lague) tirinta codka ayaa lagu kala saarayaa xisbiyada guuleystay codad ka badan 7% iyo xisbiyada heli waayay tirada codadkooda 7% ee ka haray saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Federaalka. Marka aan isticmaalno habka xisaabta qaybinta kuraasta ee Saint Lague waxaa 7-da Xisbi ee ku tartamay doorashada Galmudug ku soo guuleystay 5-ta Xisbi ee helay in kabadan 7% codadka guud, waxaana ka haray doorashada 2-da Xisbi ee helay (4,815+4,815 = 9,630) cod kana yar 7% ayaanan ka qaybgaleyn saami qaybsiga kuraasta Xubnaha Baarlamaanka, qaabka qaybinta saamiga Xubnaha wuxuu noqonaya habka (Sainte Lague) ee tirada kisiga tixan ah ayaa loo qaybinayaa codadka (90,000-9,630) = 80,370 cod ee 5-ta Xisbi guuleystay ayaa loogu qaybinayaa saami u dhiganta codadka ay ka heleen 36-ka Xubnaha Baarlamaanka Federaalka iyo 8 Xubin ee Aqalka Sarre ee Galmudug ka imaanaysa, kuraasta ay saami ahaan u kala helayaan Xisbi walbaa ayaa noqonaysa sida hoos ku qoran, Xisbi walba magacyada ku qoran 2 liis (Liiska Xildhibaannada iyo Liiska Senoterada) uu la yimid ayaa noqonaya Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, tirada kuraasta ay Xisbiyadu ku guuleysteen waxaa laga bilaabayaa tirada 1-aad ee liiska illaa laga gaaro 36-aad ee tixda Musharaxiinta Xildhibaannada iyo liiska Senoterada 1,aad ilaa 8,aad oo kala ah liiska xubnaha Baarlamaanka iyo Aqalka Sarre ee deegaankaas loo cayimay, haddii Xisbi uu helaa 4 kursi oo kaliya waxaa lasiinayaa 4-taas kursi 4-ta qof ee ugu horreysa liiska Xisbigu soo gudbiyay ka hor inta aysan dhicin tartanka doorashada. (habka xisasbts ee jaan-goynta saami qaybsiga ku salaysan Sainte Lague ma noqonayo boqolleyda rasmiga ah ee fadhiya, waxana rajaynaynaa in qoraallo kale aan ku sharaxno) Gobollada Waqooyi (Somaliland) Shacabka kunool Gobollada Waqooyi waxaa ay iyana xaq u leeyihiin in ay doortaan Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ku matalaya in doortaan si lamid ah bulshada Soomaaliyed ee ku dhaqan deegaannada Dowladda Federaalka kataliso, iyadoo lawada ogsoon yahay xaqiiqda ka jirta Gobollada Waqooyi ayna suurtagal ka ahayn in lagu qabto doorasho federaal ah oo weliba raali ka yihiin maamulka u dhisan Gobolladaas, waxaa laga maarmaan ah in la helo xal kumeel gaar ah isla markaana fursad u siinaya siyaasiyiinta doonaysa in ay u tartamaan xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliland. Xalka kalaguurka ah ee ugu habboon ayaa ah hab lagu dimoqraadiyadeynayo hannaanka matalaadda beelaha kasoo jeeda deegaannadaas, iyadoo la tixraacayo habki doorashada ergada ee 2016-kii loo asteeyay isla markaan ka duwan qaabka doorashada beelaha ku dhisan ayaa loo badelayaa isku-dhafka dhammaan ergada beelaha iyo xubnaha u tartamaya xubnaha kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. wakiillada shabacka deegaannada Waqooyi (Somaliland) ayaa ah 47 xildhibaan iyo 11 Senoter isu-dheellitiran beelaha kunool gobolladaas, waxaana doortay ergo gaaraysa 2,397 ruux, ergadan kasocota beelaha deggan Somaliland ayaa noqon kara hal deegaan doorasho. (tirada Ergada 2,397 waxaa lagu salleeyay doorashadi dadban ee 2016, wadarta 2,397 waxay ka timid 58 wakiilada labada gole lagu dhufta 51 Ergo oo noqonaysa 2,397 ama (58 x 51 = 2,397). Ergada 2,397 qof ayaa noqonaya shacabka u codeynaya 58 Xubin ee matalaysa beelaha deegaannadaas, isla markaana lagu salaynayo nidaamka Matalaadda Saami-qaybsiga Wadarta ah ee ku dhisan Liiska Xiran, iyo Musharaxiinta kasoo jeeda deegaannadaas ayaa ku tartamaya magac Xisbi waxaana loo tartamayaa si wadar ah, shuruudaha ka qaybgalka tartan doorashada waxaa ugu muhiimsan isu-dheellitirka beelaha kasoo jeedaha deegaannada Soomaaliland iyo bixinta qidmadda diiwaangalinta musharaxiinta xubnaha Baarlamaanka ee Matalaysa Soomaaliland. Xisbi walbaa waxaa laga doonayaa in uu la yimaado 47 qof ee u taagan doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah, iyo 11 qof ee utaagan Musharaxnimada Senatorada, isla markaana ay ku dhan yihiin qoondada dumarka iyo isu-dheellitirka beelaha, marka ay xisbiyada buuxiyaan shurudaha loo asteeyay waxaa ay ka qayb galayaan doorashada, waxaana xisbiyada kala dooranaya 2,397 ergo ee hore usoo dooratay xubnahaas hannaankii kala guurka 2016-ka. Gobolka Banaadir Sida ku cad qoondadii sanaddii 2016-ka waxaa Gobolka Banaadir lagu qabtay doorashada ergooyinka 7 Xubnood kaliya, balse waxaa adag in wakiilada Somaliland iyo Muqdisho loo sameeyo qorshe doorasho lamid ah habka Doorashada Dowlad Gobolleedyada kale loo sameeyay, maadaama ay kayar yihiin tirada ergada kala dooranaysa Xisbiyadooda, waxaa ay qasab ka dhigaysaa in iyaga lagu dhexdarayaa doorashada matalaadda Soomaaliland. Isku darka ergooyinka dooranaya Xildhabaannada iyo Musharaxiinta Xildhibaannada ayaa noqonaya wadarta guud sida hoos ku qoran, 357 ergo Banaadiri ah lagu daray 2397 ergo Soomaaliland ah wadarta guud ee ergada ayaa noqonaysa 2754 (357+2397=2754), Xubnaha Musharaxiinta Baarlamaanka Federaalka ayaa kala ah, 47 Musharax Somaliland ah, 7 Musharax Banaadir ah, wadarta guud 54 Musharax, (47+7=54), ergooyinkan isku daran ayaa si wada jir ah u kala dooranayo Xisbiyada tartamaya si lamid ah hanaanka doorashada Federaalka ee Dowlad Gobolleedyada ka dhacaysa. Gunaanad Soomaaliya waxaa doorasho qof iyo cod ah ugu dambeysay sanaddii 1968-dii, waana muddo laga joogo 51 sannadood, waxaa kaloo xusid mudan in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin dhalinyaro badankooda dhalatay wixi kadanbeeyay sideetameeyadii islamarkaana aanan weligood fursad ay uga qaybgalaan doorasho dalka ka dhacdo, iyo nidaam dowli fadhiya oo ay ka helaan qibrad dhaxalgal u noqota. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in lagu baraarugo fahamka iyo barashada shuruucda aas aaska u ah dhismaha qarannimada oo ay ugu horreyso sharciga doorashooyinka, si loo helo garaad ku mideysan yagleelidda ha’adaha dastuuriga ah isla markaana loo maray wado dimoqraaddi ah si bulsho weynta Soomaaliyeed ay u hesho faham dhammeystiran kuna dhisan ku dhaqanka shuruucda dalkeenna u taalla, waxaan soo jiidinaynaa isla markaana ku adkeynaynaa siyaasiyiinta u dhuun-duleesha arrimaha siyaasadda qaranka ee doonaysa in ay ka mid noqoshadaan maamulada dalka ka jira illaa heer qaran in ay si taxadar leh u darsaan shuruucda aas-aaska u ah dhismaha qaran dimoqraaddi ah oo bulshada Soomaaliyeed mahadiso isla markaana u siman tahay talada dalkeeda. Sidaas darraadeed waxaan go’aansannay in aan halkan kusoo bandhigno Nidaamka Matalaadda Wadarta Isu-dheellitiran ee liiska Dowlad Gobolleedyada xiran, (Propotional Represention Closed-List State-Constituency) nidaamkan oo noqon kara bilawga hanaanka dimoqraadiyeynta Dowlad Gobolleedyada ee gundhiga u ah Federaalleynta dalka, si loo helo xal caqabadaha ku gaadaaman ismariwaaga siyaasaddaha isdiidan ee u dhaxeysa Dowlad Gobolleedyada iyo Dowladda dhexe ee dalka, isla markaana u noqda heshiis siyaasaddeed kuboon xilliga kala-guurka 2020-ka, Waddankana u horseeda deganaansho siyaasadeed iyo hannaan ku yimid wadar-ogol iyo isla-guddoomin geeddi socodka kala-guurka ah. Mahadsanid W/Q: C/risaaq Sh Muxudiin Wasiirki Hore ee Wasaaradda Macdanta & Petroolka Soomaaliya. Mohedin@mail.com
-
Dagaallamayaasha Al-Shabaab ayaa shalay aroortii weerar ku qaaday saldhig ay ciidammada Mareykanka ku tababaraan militariga sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ee Baledogle. Xaqiiqda ah in Al-shabaab ay maareeysay in laba weerar ay la eegatay ajaaniib, maalin gudaheed, waxay muujineysaa awooddooda adkeysiga leh, 13 sano ka dib markii ay aasaasantay. Waxay muujineysaa sida ay u wada shaqeeyaan xoogaggeeda iyo isku xirnaanta adag ee shabakadda sirdoonkeeda. Weerarka saldhigga tababarada ee Mareykanka ee garoonka Baledogle waxay ceeb ku noqon doontaa Ameerikaanka, oo xoojiyay weerarada drones-ka ee ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii uu xilka madaxweynaha qabtay Donald Trump. Militariga Mareykanka waxay sidoo kale kaalin firfircoon ku leeyihiin ciidamada dhulka ee Soomaaliya, tababaridda ciidanka gaarka ah ee loo garanayo Danab, iyo ka qeybgalka howlgallada gaarka ah – markasta waa kuwo sir ah. Al-Shabab waxay u muuqdaan kuwo ay isugu tageen dhinacyo badan, laga billaabo Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika illaa Reer Galbeedka iyo ciidamo gaar ah oo ajaaniib ah, iyo ciidanka badan ee Soomaalida ah. Kooxda waxay fulisaa wax dhaafsiisan weerro ay la eegato xarumaha kuwa ay cadowga u aragto. Waxay soo rogtaan ganaaxyo, waxay qaadaan canshuur, xitaa meelaha ay dowladda maamusho. Waxay sameysaa adeegyo garsoor oo dhaqangala – xitaa haddi ay yihiin kuwa arxan daro ah – kuwaas oo aad ugu badan meelaha aysan maamulin marka loo eego dadka ku hoos nool amarkooda. Waa awood maamul oo muhiim u muuqata, taas oo ay u badan tahay in ay sii socoto illaa dowladda iyo xulafadeeda ay la imaanayaan qaab wax ku ool ah oo shaqeynaya kana duwan sida hadda. War qoraal ah oo uu soo saaray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto wuxuu ku bogaadiyay militariga Soomaaliya “sida ay u feejigan yihiin iyo jawaabta degdegga ah ee ay ka bixiyeen”. “Weerarka wuxuu markale muujinayaan in Al-Shabaab ay ka soo horjeedo horumarka nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya,” ayuu yiri. Al-Shabab waxay qoraal ay soo saartay ku sheegtay “ka dib markii aan ka gudubnay dufeyska culus ee saldhigga, waxay mujaahediinta galeen dhismaha militari oo dagaal culus aan kula galnay”. Kooxda ayaa sidoo kale weerar qarax ah la eegatay kolonyo ciidamo Taliyaani ah oo ku sugan Muqdisho. Wasaaradda Difaaca ee Taliyaaniga waxay sheegtay in qasaare uusan ka soo gaarin weerarka. Waxaa qortay Mary Harper, Tafatiraha wararka ee BBC World Service
-
AMNESTY INTERNATIONAL WAR SAXAAFADEED Waxaa reeban in la daabaco ka hor 00:01 GMT ee 1-da Oktoobar 2019 Milateriga Maraykanka oo si weyn isaga indha-tiray dadka rayidka ah ee ku dhinta duqeymihiisa Soomaaliya Caddeymo horleh ayaa muujinaya in saddex nin oo duqeyn lagu beegsaday ay ahaayeen beeraley rayid ah oo aanay ahayn “argagixiso” Milateriga Maraykanka ayaa iska indha-tiray xaaladda qoysaska dadkooda la laayay Amnesty International ayaa ilaa hadda diiwaangelisay in ka badan dhowr iyo labaatan qof oo rayid ah kuwaasoo ay waxyeello kasoo gaartay dagaalka qarsoodiga ah ee ay wado dowladda Maraykanka Baaritaan ay samaysay hay’adda Amnesty International ayaa muujinaya in saddex nin oo milateriga Maraykanka uu duqeyn ku dilay bishii Maarso iyagoo loo beegsaday inay yihiin “argagixisada Al-Shabaab” ay ahaayeen beeraley rayid ah, isla markaana aanay jirin caddeyn muujinaysa inay wax xiriir ah la lahaayeen ururkaasi. Hay’adda ayaa sidoo kale ogaatay in inkastoo bishii Mey ciidamada Maraykanka lagu wargeliyay in si khalad ah ay u go’aansadeen in ugu yaraan mid kamid ah raggaasi uu dagaalyahan ahaa, uu haddana taliska milateriga Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ku guuldaraystay inuu la xiriiro ehelada ninkaasi si ay baaritaan ugu sameeya dilkiisa. Saddexda nin ee la dilay ayaa wadar ahaan ka tegay 19 carruur ah. “Waa arin aad u xun in taliska AFRICOM uu u muuqdo mid aan ka warqabin cidda ku dhimanaysa ama ku dhaawacmaysa dagaalka qarsoodiga ah ee uu ka wado Soomaaliya. Waxaa se ka sii daran in taliska aanu samayn qaab ay qoysaska dhibaatadu gaartay kula xiriiri karaan, isla markaana uu ku guuldaraystay inuu la xiriiro qoysaska dadkoodu waxyeellada gaartay kadib markii su’aal la geliyay sheegashada milateriga ee ku aaddan sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri Cabdillaahi Xasan oo ah cilmi-baaraha Amnesty International u qaabilsan Soomaaliya. “Tani ayaa qeyb ka ah kiisaska badan ee uu milateriga Maraykanka ugu suntayo qeyb ballaaran oo kamid ah bulshada Soomaalida inay yihiin “argagixiso”. Wax tixgelin ah lama siiyo dhibbanayaasha rayidka ah ama xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin qoysaska laga dhintay.” Ayuu hadalkiisa raaciyay. Duqeyn ka dhacday deegaanka Cabdow Dibile Abaare saddexdii ilaa afartii galabnimo ee 18-kii Maarso 2019, duqeyn uu Maraykanka fuliyay ayaa lala helay gaari nooca Toyota Surf ah oo marayay meel u dhaw deegaanka Cabdow Dibile oo qiyaastii 5 kilomitir u jirta magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Saddex nin oo gaariga saarnaa ayaa ahaa beeraley shaqadooda ka laabanayay una socday guryahooda oo ku kala yaalla Muqdisho, Leego iyo Yaaq Bariwayne oo ka tirsan Shabeellaha hoose. Duqeynta ayaa gebi ahaanba burburisay gaariga, waxaana isla goobtaasi ku dhintay darawalka waday oo ahaa Cabdiqaadir Nuur Ibraahim (46 jir) iyo Ibraahim Maxamed Xiirey (30 jir) oo la socday. Nin ay saaxiib dhaw ahaayeen Cabdiqaadir Nuur Ibraahim ayaa subixii xigay booqday goobta, isagoo tilmaamay waxa uu halkaa ku arkay: “Gebi ahaanba waxaa googo’ay jirka Cabdiqaadir balse waan aqoonsaday….. wejiga ayuu ka gubtay….. waxaan sidoo kale aqoonsaday saacaddiisa oo ka laalaaday qeybta hore ee gaariga.” Haweeney aragtay goobta uu weerarka ka dhacay ayaa Amnesty International u sheegtay in Cabdiqaadir Nuur Ibraahim iyo Ibraahim Maxamed Xiirey ay “labaduba aad u gubteen, jirdkooduna cad-cad u googo’ay.” Nin saddexaad oo gaariga la saarnaa oo ay isku aabbo yihiin Cabdiqaadir laguna magacaabo Mahad Nuur Ibraahim (46 jir) ayaa si xun ugu gubtay weerarka, waxaana uu qiyaastii saddex todobaad kadib ku geeriyooday cisbital ku yaal Muqdisho. Diiwaanka dhakhtarka oo ay aragtay Amnesty International ayaa muujinaya inuu wadnaha joogsaday kadib markii uu gubtay in ka badan kala bar jirkiisa. Ma jirto wax caddeyn ah in taliska AFRICOM uu iskudayay inuu ninkaasi la xiriiro ka hor inta aanu dhiman. War saxaafadeed uu taliska AFRICOM soo saaray 19-kii Maarso ayaa lagu sheegay in raggaasi ay ahaayeen “saddex argagixiso,” iyadoo aan lagu muujin wax caddeyn ah. Waxaa sidoo kale lagu sheegay war saxaafadeedka in taliska AFRICOM “uu ka war hayo warar sheegaya in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay.” Isla markaana uu eegi doono macluumaadka muhiimka ah ee ku aaddan weerarkaasi. Haseyeeshee bishii Mey, weriye u shaqeeysa wargeyska Foreign Policy ayaa taliska AFRICOM u bandhigay caddeyn muujinaysa in Ibraahim Maxamed Xiirey uu ahaa qof rayid ah, waxaana uu u raaciyay telefoonnada ehelkiisa. Balse ilaa hadda talisku lama aanu xiriirin dadkaasi. Bishii Agoosto, Amnesty International ayaa macluumaad dheeraad ah oo ku aaddan kiiskaasi la wadaagtay AFRICOM, balse taliska ayaa ku adkeystay sheegashadiisa ah in saddexda nin ay “argagixiso” ahaayeen, waxaana uu yiri: “Duqeyntaasi waxaa lagu beegsaday xubno hoose ee Al-Shabaab ee ku sugan Shabeellaha hoose si niyadda looga jebiyo ka hor duulaanka ay qaadayeen ciidamada Soomaaliya…. Si gaar ahna, xogta la ururiyay ka hor iyo kadib weerarka ayaa muujinaysa in dhammaan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka ay ahaayeen xubnaha Al-Shabaab ama kuwo xiriir la leh.” Taliska ma aanu bixin wax caddeyn ah oo ku aaddan sheegashadiisa, mana uusan sheegin inuu baaritaan dheeraad ah ku samaynayo weerarkaasi. Ilaa iyo haddana taliska AFRICOM ma aanu bedelin go’aankiisa ku aaddan kiiskaaskii ay u bandhigtay hay’adda Amnesty International. Amnesty International ayaa weerarkii 18-ka Maarso ka waraysatay 11 qof oo si fool ka fool ah iyo qaabab kaleba ay ula xiriirtay, waxaana ka mid ah xubnaha qoysaska ragga la dilay, dadkii tegay goobta uu weerarka ka dhacay, shaqaale ka tirsan shirkadda Hormuud oo uu ka shaqeyn jiray mid kamid ah ragga dhintay. Hay’adda ayaa sidoo kale qiimeyn ku samaysay wararka warbaahinta, war saxaafadeedka dowladda Maraykanka, diiwaanka iibsiga gaariga, kaararka aqoonsiga rasmiga ah, diiwaanka dhakhtarka, muuqaallo caddeyn ah oo laga soo qaaday goobta uu weerarka ka dhacay iyo dhaawacyada soo gaaray dhibbanayaasha. Dhammaan dadka ay la hadashay hay’adda ayaa ku adkeysanayay in raggu aanay ka tirsanayn Al-Shabaab. Sidoo kale, ururka ayaan ehellada ragga la dilay ka horjoogsan inay aastaan meydadka, maadaama Al-Shabaab ay iyadu duugto dagaalyahannadeeda laga laayo. Qaabka uu taliska AFRICOM uga hadlay weerarka iyo qoraallada ay is dhaafsadeen Amnesty International ayaa su’aalo badan gelinaya habka xog ururinta iyo beegsiga dadka uu ku tilmaamay inay “xiriir la leeyihiin” Al-Shabaab, taasoo meel ka dhac ku noqon karta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada. Ugu yaraan dhowr iyo laabatan qof oo rayid ah oo la dilay ama la dhaawacay Ilaa iyo haatan, Amnesty International waxay diiwaangelisay lix kiis oo la rumaysan yahay in duqeymaha cirka ee Maraykanka ay sababeen khasaaro soo gaaray dadka rayidka ah – waxaa ku dhintay 17 qof, halka dhaawacana uu yahay sideed kale. 20-kii Maarso ee sanadkan, warbixin xasaasi ah oo ay hay’addu ka diyaarisay Dagaalka qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya, ayaa lagu daabacay caddeymo badan oo ka dhan ah sheegashooyinka soo laalaabtay ee uu taliska AFRICOM ilaa xilligaasi ku sheegi jiray in weerarradiisa Soomaaliya aanay ka dhalan “wax khasaara ah oo soo gaaray rayidka.” Laba todobaad kadibna, 5-tii Abriil taliska AFRICOM ayaa qiray inuu markii ugu horreeysay dad rayid ah ku waxyeelleeyay Soomaaliya, isagoo sheegay in hawsha ay qabatay Amnesty International ay ku dhalisay inuu dib-u-eegis ku sameeyo xogta weerarradiisa. Lix bilood kadibna, talisku ma aanu soo bandhigin macluumaad ku aaddan halka ay marayso dib-u-eegistaasi. Duqeymaha uu Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya ayaa sare u kacay horraantii 2017, kadib markii uu madaxweyne Trump saxiixay amar madaxweyne oo uu ku shaaciyay in koonfurta dalka ay tahay “deegaan ay colaadi ka taagan tahay”. Wixii markaa ka dambeeyayna, taliska AFRICOM waxa uu adeegsaday diyaaradaha bilaa duuliyaha ah iyo kuwa uu duuliyaha saaran yahay kuwaasoo ugu yaraan 131 duqeyn ka fuliyay gudaha Soomaaliya. Weerarka ka dhacay Cabdow Dibile ayaa kamid ah 50 duqeyn oo uu milateriga Maraykanka qirtay inuu ka fuliyay Soomaaliya sanadkan oo keliya (ilaa bartamaha Sebtembar). Duqeymahan ayaa ka badan guud ahaan kuwii dhacay sanadkii 2018 oo ahaa 47, iyo sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay 2017 oo ahaa 34 duqeyn. “Waa arrin kale oo cadaallad darro weyn ah – saddex nin oo rayid ah ayaa si xanuun badan u dhintay, iyadoo qoysaskooduna isweydiinayaan sababta uu milateriga Maraykanka u beegsaday oo uu dilay. Weerarkaasi waxa uu sidoo kale noqon karaa mid sharci darro ah, isla markaana su’aal gelin kata sida taliska AFRICOM uu ugu heellan yahay inuu fuliyo waajibaadka ka saaran sharciga caalamka,” ayuu yiri Brian Castner, oo ah lataliye sare oo Amnesty International u qaabilsan hubka iyo hawgallada milateri. Waxa uu hadalkiisa raaciyay “Dowladda Maraykanka waa inay xaaqiijiso in baaritaan xooggan oo madax bannaan lagu sameeyo dhammaan eedeymaha lagu kalsoonaan karo ee ku aaddan khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah, iyadoo lala xisaabtamayo kuwa mas’uulka ka ah, magdhawna la siinayo dhibbanayaasha iyo dadka ka badbaaday weerarradaasi. Waxa ay ku billaabi kartaa inay samayso hannaan ay Soomaalida si badqabta ugu sheegi karaan khasaaraha rayidka ka soo gaara hawlgallada milateriga Maraykanka.” Xog ku wajahan weriyayaasha Fadlan hoos ka eeg macluumaad dheeraad ah iyo falanqeyn ku aaddan baaritaankan. Faahfaahin dheeraad ah waxaa laga heli karaa warbixintii Maarso 2019 ay Amnesty International ka diyaarisay, Dagaalka qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya: Khasaaraha rayidka ka soo gaara duqeymaha ka dhaca Shabeellaha hoose Dukumiinti shaac baxsan **************************************** Wixii faahfaahin dheeraad ah ama haddii aad doonayso waraysi ku saabsan warbixintan, fadlan la xiriir: Xafiiska warfaafinta Amnesty International ee London, UK: +44 20 7413 5566 email: press@amnesty.org twitter: @amnestypress MACLUUMAAD DHEERAAD AH IYO FALANQEYN ABDOW DIBILE, 18 MAARSO 2019 Xilli casar ah 18-kii Maarso 2019, duqeyn uu Maraykanka fuliyay ayaa haleeshay gaari ay saarnaayeen saddex nin oo rayid ah oo marayay deegaanka Cabdow Dibile oo qiyaastii 5 kilomitir u jira magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Ragga gaariga saarnaa ayaa kala ahaa: Ibraahim Maxamed Xiirey oo ahaa 30 jir beeraley ah, Cabdiqaadir Nuur Ibraahim oo ahaa 46 jir beeraley ah kana shaqeyn jiray shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud iyo nin ay isku aabbo yihiin oo lagu magacaabo Mahad Nuur Ibraahim oo 46 jir beeraley ahaa. Duqeynta ayaa burburisay gaariga, waxaana isla goobta ku naf waayay Cabdiqaadir Nuur Ibraahim iyo Ibraahim Maxamed Xiirey. Mahad Nuur Ibraahim ayaa si xun ugu gubtay duqeynta waxaana loo qaaday cisbital ku yaal magaalada Muqdisho oo uu markii dambe ku dhintay. Taliska AFRICOM ayaa qirtay mas’uuliyadda weerarka, waxaana uu ku tilmaamay ragga dhintay “argagixiso” iyo “xubno daraja hoose ah oo ka tirsan Al-Shabaab”. Waraysiyo iyo caddeymo kale oo ay ururisay Amnesty International ayaa muujinaya in saddexda nin ee gaariga saarnaa ay ahaayeen rayid oo aanay ka tirsanayn Al-Shabaab. Baaritaanka ay Amnesty International ku samaysay duqeyntan ayaa waxa ay ku waraysatay 11 qof oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan qoysaska ragga la dilay, shaqaalaha shirkadda Hormuud iyo saddex qof oo tegay goobta uu weerarka ka dhacay. Hay’adda ayaa sidoo kale qiimeyn ku samaysay wararka warbaahinta, war saxaafadeedka dowladda Maraykanka, diiwaanka dhakhtarka, diiwaanka iibsiga gaariga, kaararka aqoonsiga rasmiga ah, sawirro dayax gacmeedka lagu qaaday, muuqaallo caddeyn ah oo laga soo qaaday goobta uu weerarka ka dhacay iyo dhaawacyada soo gaaray dhibbanayaasha. Ururka Al-Shabaab ayaa ka taliya inta badan deegaannada Shabeellaha hoose oo ay ku jiraan tuulooyinka ku dhaw deegaanka Cabdow Dibile, inkastoo bilihii dambe ay ciidamada dowladda Soomaaliya dib u qabsadeen qeybo muhiim ah sida deegaannada Sabiid, Bariire iyo Awdheegle. Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Amnesty International, inkastoo dagaalyahannada Al-Shabaab ay yimaadaan deegaannada ku dhaw Cabdow Dibile, hadda saldhig joogta ah kuma ay laha deegaankaasi. 18-kii Maarso 2019, Cabdiqaadir Nuur Ibraahim, walaalkii Mahad Nuur Ibraahim iyo Ibraahim Maxamed Xiirey ayaa gaari cad oo Toyota Surf ah kasoo qaaday tuulada Muuri ee gobolka Shabeellaha hoose iyagoo ku socday deegaanka Cabdow Dibile. Sida caadiga ahba, waxa ay maalintaa booqdeen beerahooda ku yaal meel u dhaw tuulada Muuri, waxaana ay dib ugu soo laabanayeen guryahooda oo ku kala yaal Muqdisho, Leego iyo Yaaq Bariwayne. Abaare 3-dii ilaa 4-tii galabnimo, gaarigooda oo qiyaastii 750 mitir dhanka waqooyi uga beegnaa deegaanka Cabdow Dibile ayaa waxaa ku dhacay gantaal laga soo riday diyaarad Maraykanku leeyahay. Nin saaxiib la ahaa Cabdiqaadir Nuur Ibraahim oo Muqdisho ku nool ayaa Amnesty International u sheegay in isla habeenka uu weerarka dhacay uu qof ay qaraabo yihiin Cabdiqaadir kusoo wargeliyay geeridiisa. Subixii xigay ayaa ninkaasi saaxiibka la ahaa Cabdiqaadir waxa uu ka tegay Muqdisho isagoo u safray deegaanka Cabdow Dibile. Abaare 8-dii aroornimo ayuu gaaray deegaanka, waxaana uu halkaa kula kulmay Mahad Nuur Ibraahim oo si xun ugu gubtay weerarka balse nool, gaarina loogu wado cisbitaalka. Amnesty International ayaa sidoo kale aragtay sawirro laga qaaday dhaawacaasi. Mahad Nuur Ibraahim ayaa saaxiibka u sheegay inay saddexdooda ay kasoo tageen beerahooda u dhaw tuulada Muuri markii la duqeeyay gaarigooda. Intaa kadibna Mahad Nuur Ibraahim waxaa loo qaaday cisbitalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo qiyaastii 30 kilomitir meesha u jiray. “Mahad waxa uu markii dambe u dhintay dhaawaciisa, isagoo ku geeriyooday cisbitaalka Muqdisho,” ayuu saaxibkaasi u sheegay Amnesty International. Sida ku cad diiwaanka dhakhtarka oo ay aragtay Amnesty International, Mahad Nuur Ibraahim ayaa geeriyooday 6-dii Abriil 2019. Diiwaanka ayaa lagu sheegay in sababta uu u dhintay ay ahayd wadnaha oo istaagay kadib markii uu in ka badan kala bar jirkiisa gubtay. Saaxiibkaasi ayaa Amnesty International u sharraxay sida ay u ekeyd goobta ay duqeyntu ka dhacday markii uu halkaasi gaaray, iyo sida uu ku kala gartay meydadka labada ah ee meesha yaalay. Markii uu goobta gaaray, waxa uu arkay meydka Ibraahim Maxamed Xiirey oo inta cad-cad u googo’ay burburka gaariga ag yaalla kadib markii ay gudaha gaariga kasoo saareen dadka deegaanka. Amnesty International ayaa aragtay sawirro u muuqday inay muujinayaan madaxa Ibraahim oo gubtay iyo qeybta hore ee jirkiisa. Ninkaasi iyo ehellada Cabdiqaadir Nuur Ibraahim iyo Ibraahim Maxamed Xiirey ayaa labada meyd ku aasay Cabdow Dibile Talaadadii 19-ka Maarso. Oday ka tirsan beesha Wadalaan Gorgaate, qaraabo fogna la ah Cabdiqaadir iyo Mahad Nuur Ibraahim ayaa sheegay in qoysaska raggaasi aanay wax taageero ah ka helin dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka kadib markii la dilay raggaasi. “Ma jirto cid raaligelin na siisay ama nagala hadashay geerida raggaasi. Ka qoys ahaan waan isu tagnay markii ay raggaasi dhinteen, balse wax taageero ah uma aan awoodin qoysaskooda. Alle ayaan ku dhaafnay. Ma garanayno waxa dhacay ama sababta loo dilay, waxaa dhici karta in lagu khaldamay. Waxaan rabnaa inaan cadaalad helno, lana taageero qoysaska ay ka baxeen.” Cabdiqaadir Nuur Ibraahim waxa uu dhalay sideed carruur ah. Waxa uu lahaa matoor korontada siiya tuulada Leego ee ka tirsan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, beerna waxa uu ku lahaa meel u dhaw Muuri oo Afgooye ka tirsan. Sidoo kale waxa uu ahaa madaxa xafiiska Hormuud ee Leego. Mahad Nuur Ibraahim waxa uu ka tegay afar carruur ah. Ibraahim Maxamed Xiirey waxa uu ka dhintay todobo carruur ah. Beerta waxaa u dheeraa inuu qalabka beeraha ka kireyn jiray dadka, iyo raashin uu u kala safrin jiray Muqdisho iyo Muuri. Ibraahim Maxamed Xiirey ayaa markii hore qoyskiisu deganaa tuulada Muuri, balse shan sano ka hor ayuu u qaxay Muqdisho maadaama ay deegaanka ku dagaallameen beelaha Biyamaal iyo Habargidir. Amnesty International ayaa waraysatay xubnaha qoyska, deriska iyo asxaabta ay wada shaqeyn jireen saddexda nin, dhammaantoodna waxa ay si adag u sheegeen in raggaasi aanay wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab. Dhammaan 11-ka qof ee ay waraysatay Amnesty International ayaa ku adkeystay in saddexda nin ay rayid ahaayeen. “Al-Shabaab ma uusan ahayn” ayuu sheegay qof qaraabo la ah Mahad Nuur Ibraahim, oo intaa raaciyay “Waxa uu lahaa gaari xamuul ah oo uu dhuxusha ku geeyo Muqdisho. Ururka Al-Shabaab ayaa mamnuucay ka ganacsiga dhuxusha ee Leego iyo Shabeellaha hoose, labadii sano ee la soo dhaafayna waxba badan ma uusan qaban jirin. Waxa uu doonnayay in walaalkii uu la maalgashto beeraha oo ay is caawiyaan, balse labaduba waxaa la dilay iyagoo beeraha kasoo laabtay.” Oday ka tirsan beesha Habargidir, qaraabana la ah Ibraahim Maxamed Xiirey ayaa xoojiyay qodobkaasi: “Waxaan qof kasta ka hor caddeyn karaa in Ibraahim uu ahaa nin rayid ah oo uusan Al-Shabaab ka tirsaneyn”. Waxaa ku waafaqay qof kale oo ay qaraabo yihiin: “Shacab ayuu ahaa, kama tirsanayn Al-Shabaab. Haddii uu ururkaasi ka tirsanaan lahaa kama uusan carareen dagaalkii u dhexeeyay Biyamaal iyo Habargidir. Barakacayaal ayaan ku ahayn Muqdisho, waxaana na caawin jiray Ibraahim. Ma garanayo sababta loo beegsaday. Gardarro cad ayay ahayd.” Sida uu sheegay qof ka tirsan shaqaalaha Hormuud oo u warramay Amnesty International iyo weliba eheladda Cabdiqaadir Nuur Ibraahim, waxa uu shirkaddaasi u shaqeynayay muddo ka badan toban sano, xubinna kama uusan ahayn Al-Shabaab. Dadka yaqaanay raggaasi ayaa su’aal geliyay sababta loo laayay. “Garan maayo sababta loo beegsaday gaariga Abdiqaadir, balse waxaan filayaa inuu khalad dhacay,” ayuu yiri qof ay saaxiib ahaayeen. “Saddexda qof ee gaarigaasi lagu dilay waxa ay ahaayeen beeraley ee ma aysan ahayn Al-Shabaab”. Marka laga soo tago waraysiyada, waxaa jira caddeymo kale oo muujinaya in ragga la laayay ay rayid ahaayeen. Ururka Al-Shabaab u lama uusan dhaqmin raggaasi inay ka tirsanaayeen. Qoysaska raggaasi lagama horjoogsan inay qaataan meydadka, cisbitaalna geystaan kan dhaawaca noqday. Caddeymo ay Amnesty International ku ururisay baaritaannada ay ka samayso Soomaaliya ayaa si joogta ah u muujinaya in Al-Shabaab ay qaataan oo ay duugaan dagaalyahannada laga laayo, ka hor inta aanay dadka deegaanka u oggolaan inay ku laabtaan goobta uu weerarka ka dhacay. Waxaa intaa dheer in dhaawaca Mahad Nuur Ibraahim loo qaaday cisbitaalka Digfeer ee Muqdisho, halkaasi oo ay dowladda maamusho si fududna ay ciidamadeeda su’aalo u weydiin kareen una xiri kareen ninkaasi dhaawaca ahaa. War saxaafadeed la daabacay 19-kii Maarso 2019 ayaa taliska AFRICOM waxa uu ku sheegay in maalintii ka horreysay ee 18-kii Maarso 2019 ay ciidamada Maraykanka fuliyeen duqeyn “lagu taageerayo dedaalka ay dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu jirto inay ku wiiqdo Al-Shabaabka ku sugan deegaanka Awdheegle” ee gobolka Shabeellaha hoose. Taliska ayaa sheegay in qiimeyntiisa ay muujinayso in saddex “argagixiso ah” lagu dilay duqeyntaas. Waxaa se war saxaafadeedka lagu xaqiijiyay “waxaan ognahay warar sheegaya in khasaaro uu dadka rayidka ah kasoo gaaray duqeynta. Sida aan samayno marka ay wararka noocaasi na soo gaaraanba, taliska AFRICOM waxa uu dib u eegis ku samayn doonaa dhammaan xogta ku aaddan weerarkaasi, oo ay kamid tahay macluumaadka muhiimka ah ee ay na siiyaan dhinacyada saddexaad.” Sida ay qortay warbaahinta, taliska AFRICOM waxaa bishii Mey 2019 la siiyay telefoonnada ay kala xiriiri karaan qoyska Ibraahim Maxamed Xiirey. Amnesty International ayaa fahansan in qoyskaasi aanay la soo xiriirin cid ka tirsan dowladda Maraykanka oo kala hadashay weerarka lagu dilay wiilkooda. Amnesty International ayaa 29-kii Agoosto 2019 warqad faahfaahinaysa eedeymaha ah in saddexda nin ee weerarka lagu dilay ay rayid ahaayeen u dirtay taliska AFRICOM si ay jawaab uga hesho. Taliska ayaa soo jawaabay 18-kii Sebtembar 2019, waxaana uu yiri: “Taliska AFRICOM oo kaashanaya dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa duqeyn bartilmaameed sax ah lagu hagay ka fulisay goobta iyo xilliga warqadan lagu xusay. Duqeynta waxaa lala beegsaday xubno daraja hoose ah oo ka tirsan Al-Shabaab si loo niyad jebiyo ururkaasi ka hor duulaanka ay qaadayeen ciidamada Soomaaliya. Inagoo raacnay hannaanka adag ee noo degsan, waxaan go’aansannay in taliska AFRICOM uusan sababin khasaaraha shacabka gaaray ee la sheegay inuu dhacay 18-kii Maarso 2019. Si gaar ahna, xogta la ururiyay ka hor iyo kadib duqeynta waxa ay muujinaysaa in dhammaan dadka halkaa lagu dilay ama lagu dhaawacay ay ka tirsanaayeen ama xiriir la lahaayeen Al-Shabaab. Ma jirto xog cusub ama dheeraad ah oo khilaafsan macluumaadkaasi.” Jawaabta taliska ayaa sidoo kale lagu yiri: “Ilaa iyo maanta, sheegashada soo gaartay taliska AFRICOM ayaa ah in darawalka gaariga oo keliya uu ahaa qof rayid ah, halka aanay jirin xog sheegaysa in labada qof ee kale ee gaariga saarnaa ay rayid ahaayeen. Iyadoo lagu salaynayo qaababka aan sharraxnay iyo xog sirdoon oo dhinacyo badan laga helay, ayaa taliska AFRICOM waxa uu si macquul ah ku go’aamiyay in gaariga iyo dadkii saarnaa ay Al-Shabaab ahaayeen ayna si muuqata u taageereen hawlgallada ururkaasi.” Amnesty International ayaa sidoo kale 20-kii Sebtembar warqad taa lamid ah u dirtay dowladda Soomaaliya. Waqtiga la daabacayay warbixintan, ma jirin wax jawaab ah oo naga soo gaartay dowladda. Caddeymaha ay kor ku sheegtay Amnesty International ayaa muujinaya in si kasta oo uu ula jeedkeedu ahaaba ay ciidamada Maraykanka ku guuldaraysteen inay qaadaan tallaabooyinka muhiimka u ah xaqiijinta inay beegsadaan dagaalyahanno si toos ah ugu lug leh colaadda ee aanay bartilmaameedsan dadka rayidka ah. Si khilaafsan qiimeynta uu sameeyay taliska AFRICOM, waxaa jirta caddeymo xooggan oo tilmaamaya in dadka dhintay ay ahaayeen rayid si sharci darro ah lagu laayay. In la qaadi waayo tallaabooyinka muhiimka u ah xaqiijinta in bartilaameedka uu yahay mid milateri ayaa qudheedu meel ka dhac ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, waxaana ay horseedi kartaa weerarro aan kala sooc lahayn. Weerarrada aan kala sooca lahayn ee ay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan dadka rayidka ah ayaa qeyb ka noqon kara dembiyada dagaalka. Tilmaanta uu u adeegsaday taliska AFRICOM dadka lagu laayay weerarkan ee ah “xubno ka tirsan ama xiriir la leh Al-Shabaab” ayaa walaaceeda leh. Sida faahfaahsan ee ay Amnesty International ku sheegtay warbixinteedii Maarso 2019, Dagaalka qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya: Khasaaraha rayidka ka soo gaara duqeymaha ka dhaca Shabeellaha hoose milateriga Maraykanka ayaa umuuqda inuu qaab feker ballaaran ku dhisan ku salaynayo bartilmaameedkiisa. Sida ay sheegtay hay’adda Laanqeyrta Cas, waa inaan shakhsiyaadka looga shakiyay inay ka tirsan yihiin xooggaga hubaysan loo beegsan iyadoo lagu salaynayo “qiyaasta ah inay xiriir la leeyihiin ururkaasi, xiriirka qoyska, ama qaababka kale ee horseedi kara khaladaadka, meel u deyid la’aanta ama xadgudubka.” Jawaabta uu taliska AFRICOM siiyay Amnesty International ayaa tilmaamaysa in ciidamada Maraykanka ay suuragal tahay inay raggaasi ku bartilmaameedsadeen qaab aan waafaqsaneyn sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada. Waxaa sii dheer walaaca ay Amnesty International ka qabto qaabka aan loo meeldayin ee raggaasi lagu beegsaday iyadoo la qiyaasayo inay xubin ka yihiin Al-Shabaab tilmaanta ah in lagu bartilmaameedsaday fekerka aan caddeyn ee ah inay “xiriir” la leeyihiin ururkaasi. Waaxda gaashaandhigga Maraykanka oo mar hore ka jawaabaysay codsi uga yimid Amnesty International oo ah inay sharraxdo qaabka ay ku go’aamiso cidda xiriirka la leh Al-Shabaab ayaa sheegtay in taasi ay “caqabad ku noqonayso hannaanka sirdoon ee aan xogta ku helno”. Marka la eego waxyaabaha lagu ogaaday baaritaannada ay Amnesty International ku samaysay kiisas hore, waxaan cabsi ka qabnaa in kalmadda “xiriir la leh Al-Shabaab” ay milateriga Maraykanka u adeegsan karaan inay ku tilmaamaan dhammaan ragga gaaray da’da ciidanka ee sida nasiib darrada ah ugu sugan deegaannada ay joogaan dagaalyahannada lagu tuhmo inay Al-Shabaab yihiin marka uu duqeymaha fulinayo Maraykanka. Falalka noocaasi ah ayaa noqonaya kuwo sharciga khilaafsan, kana dhigan in la beegsanayo dad rayid ah oo aan si toos ah uga qeyb qaadaneyn colaadda. Marka laga hadlayo colaadaha hubaysan ee aan caalamiga ahayn, keliya shakhsiyaaska sida tooska ah uga qeyb qaadanaya dagaalka ayaa si sharci ah loo beegsan karaa. Waxaa mamnuuc ah oo dembi dagaal noqonaya in si toos ah loo weerarro dadka rayidka ah am shakhsiyaadka rayidka ah ee aan sida tooska ah ugu lugta lahayn colaadda. Falanqeyn sharci oo dheeraad ah, gaar ahaan waxyaabaha ka midka ah in si toos ah looga qeyb qaato colaadda ayaa waxaa laga heli karaa cutubka afaraad ee warbixinta Dagaalka qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa jirta caddeyn xooggan oo su’aal lagu gelin karo “qaababka faahfaahsan” iyo “xogta sirdoon ee dhinacyada badan leh” ee uu milateriga Maraykanka u adeegsaday duqeyntan. War saxaafadeedka uu taliska AFRICOM soo saaray maalinta xigtay weerarka ayaa lagu sheegay in lagu dilay saddex qof. Balse xilligaasi dhimashadu waxay ahayd laba qof oo keliya, halks qofka saddexaadna uu qabay dhaawac culus oo markii dambe la geeyay cisbitalka Digfeer. Maraykanku ma uusan sixin khaladkaasi. Waxaa intaa dheer in haddii Maraykanka uu hubay in Mahad Nuur Ibraahim uu ka tirsanaa Al-Shabaab, ay jirtay fursad wanaagsan oo ay ku qaban kareen cisbitaalka lagu dawaynayay. Maadaama xogta Maraykanka uu baahiyay duqeynta kadib aysan si sax ah u sheegin tirada dadka dhintay iyo halka uu ku sugnaa dhibbanaha saddexaad, waxaa shaki la gelin karaa tayada xogtaas iyo ilaa xad inta la aamini karo in Maraykanka uu si sax ah u aqoonsado ama u kala saaro xubnaha Al-Shabaab. Dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay xaqiijiyaan in baaritaan xooggan oo madax bannaan lagu sameeyo duqeyntan. Waa in sidoo kale ay xaqiijiyaan in cid kasta oo ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada lagula xisaabtamo, isla markaana magdhaw la siiyo qoysaska dhibbanayaasha iyo in la hirgeliyo hannaan waxtar leh oo lagu xaqiijinayo in si badqabta ay dadka u sheegi karaan khasaaraha rayidka kasoo gaara hawlagallada milateri. Unsubscribe Qaran News
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Qeybo kamid ah Xaafadaha dalka Kenya ayaa waxaa ka bilowday howlgal culus oo lagu baadi goobayo Ciise Tarabuun oo ahaa madaxii amniyaadka Al-Shabaab kaasoo laga sii daayey Xabsi ku yaal Magaalada Muqdisho iyadoo ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inuu yahay muwaadin dhameystay Xukunkiisa. Baaritaanada lagu raadinayo Ciise Tarabuun ayaa wuxuu si rasmi ah uga bilowday Magaalooyinka Nairobi iyo Gaarisa sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladd Kenya. Waxaa Baaritaan lagu raadinayo Ciise Tarabuun laga bilaabay Wadada isku xirta Gaarisa iyo Nairobi, waxaana mid mid loo baarayaa gawaarida halkaas isticmaaleyso. Dowladda Kenya ayaa shaacisay in dalkeeda uu 24-kii bishan soo galay Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay horey u sheegtay inuu ahaa madaxii amniyaatka kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho. War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo looga hadlayay arrinta Ciise Tarabuun ayaa lagu sheegay in ninkaas uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhameystay xukun maxkamadeed. Wasiir ku-xigeenka warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Aadan Isaaq Cali, ayaa sheegay in sanadkii 2017-kii oo Cabdiwaaxid loo xiray eedo la xiriira argagixisnimo ay dacwaddiisa qaadday maxkamadda ku shaqada leh ee Ciidammada qalabka sida, oo markii ay kiiskiisa baartay ku xukuntay 2 sano oo xabsi ah. Caasimada Online Xaafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
On July 22, 2019, a report by the New York Times published a stunning new revelation of two rival Gulf states trading guns, cash, and profit in Puntland. The report states that United Arab Emirates and Qatar Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-Shabelle-30092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa baasaboorka diblomaasiga kala noqotay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, sida ay ogaatay Caasimada Online. Mas’uuliyiinta ay ay dowladda ka kansashay ee Jubbaland ayaa waxaa ku jira wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale oo xiriir dhow la leh Axmed Madoobe. Tirada xubnaha baasaboorka lagala noqday ayaa lagu warramay inay tahay 8 mas’uul. Wararka qaar ayaa sheegaya xubnaha ay dowladda baasaboorkooda baabi’isay uu ka mid ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Tallaabadaan oo kamid ah waxyaabaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Axmed Madoobe ayaa si xooli ah u socotay tan iyo markii ay dowladda ay amartay inay Diyaradaha Kismaayo u socdo soo maraan Magaalada Muqdisho. Xiriirka Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland ayaa xumaaday kadib markii uu Axmed Madoobe magaalada Kismaayo ku qabtaday doorasho aysan raali ka aheyn dowladda dhexe ee Soomaaliya. Tan iyo markii uu khilaafka labada dhinac bilowday, dowladda dhexe ayaa qaaday dhawr tallaabo oo ay ku cadaadineyso maamulkaas. Tallaabooyinka ay qaaday ayaa waxaa kamid ah in la joojiyey duulimaadyadii tooska u tagi jiray Kismaayo iyo 3 Maalin oo guud ahaan la joojiyey duulimaadyadii tagi jiray Magaaladaas. Sidoo kale waxaa la xiray Wasiirkii Amniga Dowladda Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan. Cadaadiska Dowladda ayaa sababay inay baaqato Xaflad Caleema saar ah oo uu Axmed Madoobe ku qabsan rabay Magaalada Kismaayo kadib markii ay Dowladda xayirtay madaxdii kasoo qeyb geli laheyd Xafladaas oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheek Axmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay shir heer caalami ah oo Talaadada batito ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho markii ugu horeysay ka furmaya 1-da bisha nasoo aadan ee October, waxuuna socon doonaa ilaa 2-da October oo ku beegan maalinta Arbacada. War-saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ay soo dhawaynayso shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya, oo horay loogu qaban jiray qaar ka mid ah dalalka reer Yurub, waxaana lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda in ay ka qeyb galayaan wakiillo ka socda in ka badan 50 dowladood. “Shirkaan, oo soconaya muddada labada maalmood ah, waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda, Cadaaladda, ku qabashada shirka ee magaalada Muqdisho, wuxuu tusaale cad u yahay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulaha wax ku oolka ah uga soo hoysay siyaasadda arrimaha dibadda iyo horumarada kala duwan ee ay ku tallaabsatay” ayaa lagu yiri. Warka caawa kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay sii laba jibaarto dadaalada lagu hormarinayo dadka iyo dalka Soomaaliya, waxayna ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed in ay qayb libaax ka qaataan xasilinta iyo dib u dhiska dalkooda hooyo”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Taliska ciidamada Maraykanka Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM oo war kasoo saaray weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Ballidogle ayaa sheegay in wax khasaare ah uusan kasoo gaarin ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ee ku sugnaa saldhigga. Talisku waxa uu sheegay in ay gaysteen labo duqaymood, isla markaana ay ku dileen toban ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, sidoo kalana ay ku burburiyeen duqeyntaas mid ka mid ah gaadiidka Al-Shabaab. Dhanka kale Al-Shabaab oo iyaguna war kasoo saaray weerarkii ay saakay ku qaadeen saldhigga Ballidoogle ayaa sheegay in ay weerarkaas ku dileen askar badan. Al-Shabaab ayaa warkooda ku sheegtay in weerarkaas oo ku bilawday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan 100 askari, in kastoo tiradaas ay sheegteen aysan u kala saarin Soomaali iyo Ameerikaan oo ku wada sugnaa saldhigga, hadana waxaa warka Al-Shabaab beeniyay saraakiisha dowladda iyo Taliska AFRICOM ee Mareykanka. Sidoo kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta Danab ee ku sugan saldhigii maanta la weeraray ee Ballidooge Gaashaanle Cabdiraxmaan Cumar Warsame Jeeni-qaar oo la warbaahinta ayaa sheegay in ay laayeen dhamaan Shabaab-kii weerarka ku qaaday. Waxa uu sheegay in lagu soo war galiyay weerarka kaga soo wajahan Al-Shabaab, isla markaana ay ubdiyaar garoobeen ciidamadu, wax khasaare ah uusan kasoo gaarin dhankooda. Dhamaan dagaalyahanadii soo weeraray saldhigga ayuu sheegay in ay ku laayeen banaanka xerada, inkastoo uu san sheegin taliyuhu inta ay dhameed tiradooda. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay munaasabad madaxda qaranka looga mahad celiyay xulashadooda duqa cusub ee Muqdisho, ayaa bulshada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay garab istaagaan guddoomiyaha gobalka Banaadir, si uu uga shaqeeyo horumarinta caasimadda dalka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in taageerada iyo la shaqeynta bulshada ee guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ay ka qayb qaadaneyso sugidda amniga iyo horumarinta gobalka Banaadir oo ah astaanta qaranimada iyo xarunta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) loogu aaminay hoggaaminta bulshada caasimadda, si dowladnimadu u xoogeysato, uuna isugu keeno dadka, xaquuqdoodana u ilaaliyo. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in madaxda qaranku ay guddoomiyaha ku garab istaageyso gudashada mas’uuliyadda culus ee ka saaran horumarinta caasimadda dalka oo ay ku noolyihiin malaayiin Soomaaliyeed oo dhaqan u leh isku heynta bulshada iyo ilaalinta qarannimada. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay warqad ay soo saartay Wasaaarada warfaafinta DF Soomaaliya, taasi oo ay ku bayaanineysay kiiska Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan ‘Ciise Tarabuun’. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inay shaki badan abuureyso sida ay wasaarada cadaalada Soomaaliya ay ugu aamustay bayaaninta kiiskaasi, midaasi oo badalkeeda ay war ka soo saartay Wasaarada Warfaafintu. Hoos ka aqriso qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo Xildhibaan Fiqi oo uu bartiisa Facebook soo dhigay: “Warka wasaaradda warfaafinta iyo kan wasiirka Amniga oo ka wada tirsan xukuumadda isla xisaabtanka neceb waxaa u dhexeeya farqi weyn. Sida wasiirka amnigu u sharxayo ninka uu ku tilmaamay madaxa amniyaadka Muqdisho isla markaana caddeeyey halisnimadiisa iyo warqadda wasaaradda Warfaafinta oo hawshii hey’adaha cadaaladda aad moodo in ay faraha la gashey, waxaa ka muuqda isku dhexyaaca hey’adaha dawladda iyo faham-darrada kaalimaha ay kala leeyihiin. Eedaysane waxaa lagu fasixi karaa ayadoo la raacayo sharciga dalka loona marayo hey’adaha cadaaladda dalka u qaabilsan. maxkamadaynta eedaysane, xukunkiisa, sii dayntiisa iyo bixinta mugdi kasta oo kiiska eedaysanahaas la xiriira waxaa caddaynteeda looga fadhiyaa hey’adaha cadaaladda boos kuma lahan wasaaradda Warfaafintu kiis la xiriira cadaalad. Warqadda wasaaradda warfaafintu waxay sii calwisay shakigii la qabey meeshii ay uga Dan laheyd In ay daweyso, laguma qanci karo warqadaas aan macnaha weyn laheyn ee degdegta lagu soo saaray, hey’adaha cadaalada ayaa looga fadhiyaa kala cadeynta ninkii wasiirka amnigu ku tilmaamay madaxa amniyaadka qaabka sharciga ah ee lagu daayey ee aan waxba looga soo qaadin qayladhaantii iyo bishaaradii uu wasiirka Amnigu ugu bishaareeyey shacabka soo qabashadii madaxa amniyaadka MUQDISHO”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa ka hadashay weerar qarax loo adeegsaday oo maanta lagu qaadey ciidamada u dhashay dalkaasi gudaha magaaladda Muqdisho. War qoraal ah oo wasaaradda kasoo baxay ayaa lagu xaqiijiyay inuusan jirin wax khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, oo ciidamada Talyaaniga kasoo gaarey qaraxii maanta lagula eegtay nawaaxiga xarunta Jaalle Siyaad ee magaaladda Muqdisho. Ciidamadan kasoo jeeda Talyaaniga ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Yurub ee tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya. Qarax ayaa lagu beegsaday kolonyo ay wateen, waxaana burbur uu soo gaarey mid kamid ah baabuurtooda gaashaaman, sida ay sheegeen dad goobjoogiyaal ahaa. Wararka laga helayo illaha caafimaadka ayaa sheegaya in hal ruux oo rayid ah uu ku dhintay, dhowr kalene oo askar ay ku jiraan inay ku dhaawacmeen qaraxa. Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xilli maalinta berry ah lagu wada in Muqdisho uu ka furmo shir heer caalami ah, oo ay ka qeybgali doonaan madaxda qaranka, maamul goboleedyada iyo wafuud ka socota beesha caalamka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habenn-30092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa billaabay in ay dib u eegis ku sameeyaan shaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa gobalka Banaadir. Caasimada Online, ayaa ogaatay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa amaanka ay isku raaceen in dib loo eego feelasha iyo qaabka ay ku soo shaqa galeen in ka badan 8,000 oo qof, kuwaas oo isugu jira shaqaalaha dowladda hoose iyo kuwa rayidka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Waxyaabaha ugu wayn ee dib u eegista lagu sameyn doono ayaa waxaa kamid ah damaanada, hadii ay jiraan shaqooyin kale oo ay qabtaan shaqaalaha iyo shaqooyinkii hore ka hor inta aysan dowladda ku soo biirin. Arrintaan ayaa bilooyin ka hor waxaa bilaabay hay’adaha amaanka, balse waxaa la sheegay in hada mar kale la qorsheeyay in la sii wado shaqada baarista iyo hubinta shaqaalaha dowladda. In dib u eegis lagu sameeyo shaqaalaha dowladda oo dhan waxaa sabab u ah weerarkii ay Al-Shabaab ka fuliyeen aqalka dowladda hoose oo saameen weyn dalka ku yeeshay. Weerarkaasi ayaa waxaa fuliyey gabar ka mid ah shaqaalaha dowladda. Qorshaha ayaa ah in la nadiifiyo shaqaalaha dowladda, lagana saaro dhammaan dadka la tuhmayo ama uu soo galo xiriir Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com