Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xannuunka loo yaqaano ‘Kuududiyaha’ oo dhawaan ka dillaacay Magaalada Burco ayaa u gudbay isla-markaana ka dillaacay Magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar ee Somaliland. Dr. Cali Cabdi Maxamed, Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Caynaba ayaa xaqiijiyey in Xanuunkani uu Dad badan ku soo ritay Magaalada Burco, qaarkoodna ay Cisbitaalka u jiifaan Xanuunkaasi. Agaasimaha cisbitaalka Caynabo oo Maanta u warramay Telefiishanka HCTV ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xanuunka Kuududiyuhu wuxuu ku soo horreeyay Gobolka Togdheer, waxa jira Dad badan oo Caynabo ugu soo dhacay, sidaasi darted waxaan Dadka u sheegayaa inaan Xanuunkan waxba lagaga qaban karin Daawo dhaqameedka, sidaasi darteed ay Dadku u eertaan Cisbitaallada, waxaanan Caddaynayaa in Xanuunkani ku faafayo isku socodka Dadka, Caynabana ay Dad badan u jiifaan..” Xanuunkan ayaa dhakhaatiirtu sheegaan inay sababto Kaneecado, wuxuuna Dadka kaga dhacaa Xaglaha ama laabatooyinka jidhka, taasi oo keenaysa in Qofku jiifka ka kici waayo. Source
  2. At least 72,000 people have been displaced by flooding in Belet Weyne town and other surrounding villages in central Somalia as Shabelle River levels continue to rise, the UN humanitarian agency said on Tuesday. The UN Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said it has teamed up with local authorities to scale up humanitarian response noting that lack of shelter and emergency latrines is a major concern. “If the river continues to rise and surpass the highrisk level, motorized boats will be required to reach people in isolated locations,” OCHA warned in its latest update on flooding in Somalia. “There are currently four boats in the area, but more will be required. The local authorities have issued appeal for urgent humanitarian assistance with the situation expected to deteriorate,” it said. Food security experts have warned that the floods, which have made some roads impassable and cut thousands off from aid, could reverse many of the humanitarian gains made in central and southern Somalia in the recent past. The UN agency said all villages in the north of Belet Weyne town have been affected and humanitarian partners are yet to establish the number of people displaced in these areas. It said the situation is further compounded by flooding from an outburst of minor tributaries in Belet Weyne, which has caused damage to farmland in villages such as Hawo Taako. “Riverine communities have been asked to vacate their homes to higher ground with immediate effect. The rains will continue in the next seven days and river levels will continue to rise, further worsening the flood situation,” it said. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdirashiid Xasan Nuur oo loo yaqaan Janan isla markaasna ahaa wasiirkii Amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa loo diiday inuu la kulmo qaar ka tirsan Odayaasha iyo Nabadoonada Beeshiisa oo Muqdisho u imaaday inay arrintaas xal u helaan. Odayaal ka tirsan Beesha uu kasoo jeedo Wasiir Janan oo muddo badan Muqdisho u joogay sidii ay xal ugu heli lahaayeen arrintiisa ayaa sheegay in Xariga Wasiir Janan uu yahay mid afduub ah isla markaasna ay qaar ka tirsan xeer ilaaliyaasha u sheegeen inuu si xaq darro ah u xiran yahay iyagana ay mar hore diideen dacwadiisa. Odayaasha oo Axaddii dib ugu laabtay Magaalada Doolow ee Gobolka Gado oo ay markii hore ka imaadeen ayaa sheegay inaysan u suurtagelin inay helaan madaxda Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’ado Kiiska Janan mudadii ay ku sugnaayen Muqdisho. Qaar ka tirsan Odayaasha oo saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in loo diiday inay arkaan Wasiirka si ay xaaladiisa u ogaadaan, sidoo kalana waxay sheegeen in loo diiday qareenadii u doodi lahaa taasoo ay ku tilmaameen inay tahay mid aan waafaqsaneyn sharciga iyo Dasuurka dalka u yaalo. “ Qaraabada Wasiirka waa loo diiday inay booqdaan, Sidoo kale qareenadiisa waa loo diiday, Ma helo daryeel Caafimaad, wax walba waa loo diiday” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha la hadlay Saxaafadda ee dib ugu laabtay Magaalada Doolow. Xeer ilaalinta ayaa Wasiir Janan kusoo oogtay dacwad ku saabsan dilal loo geystay dad rayid ah oo ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo oo uu wasiirka deegaan ahaan kasoo jeedo. Wasiirka oo dhawaan lasoo taagay maxkamad ayaan wax faahfaahin ah laga helin marka laga reebo muuqaal kooban oo uu Telefishinka qaranka kasoo duubay. Wasiirka ayaa xiran muddo ka badan 2 Bilood, waxaana 1-dii Bishii September laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde markaas oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya. Buule Aadan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gado ayaa Wasiir Janan kala soo muuqday Maxkamadda. Illaa hadda lama shaacin waqtiga ay dhici doonto wajiga labaad ee dhageysiga Dacwadda labadaan Mas’uul. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland (TPEC), ayaa maanta xafiiskooda kulan kula qaatay, xubno ka tirsan siyaasiyiinta Puntland oo qaarkood hore xilal uga soo qabteen Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Af-hayeenka guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland, Cabdinuur Sheikh Maxamed Isxaaq oo markii kulankaasi dhammaaday saxaafadda uga warbixiyay, ayaa sheegay in guddigu siyaasiyiinta ay la kulmeen ay u bandhigeen hawlaha u qabsoomay iyo qorshayaasha u degsan, si loo hirgeliyo barnaamijka xisbiyada badan ee loo xilsaaray. Waxa kale oo uu sheegay, in siyaasiyiintu ay talooyin la xiriira hirgelinta barmaamijka xisbiyada badan, ay la wadaageen guddiga, islamarkaana ay talooyinkaasi u arkaan kuma muhiima u ah shaqada guddiga, isagoo uga mahadceliyay siyaasiyiinta ra’yigooda ay ku biiriyeen. Halkaan ka daawo hadalka Af-hayeenka Dhinaca kale, Dr Cali Xaaji Warsame oo kamid ahaa siyaasiyiinta la kulmay guddiga, ayaa sheegay in ay talo ka siiyeen sida Puntland uga gudbi karto doorashada ku salaysan nidaamka Qabaliga ah, loogana hirgelin karo hannaanka xisbiyada badan. Siyaasi Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa isna sheegay in sida ay guddiga wax u wadaan ay ka muuqato xubno ay ka go’antahay in ay Puntland gaarsiiyaan nidaamka xisbiyada badan, si qof kasta codkiisa wax ugu doorto. Sidoo kale, wasiirkii hore Arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa tilmaamay in shaqada guddigu ay guulaysan doonto, haddii xukuumadda Puntland ay la timaado ka go’naansho, maadaama shacabku wakhtigan ay diyaar u yihiin in ay codkooda wax ku doortaan. Hoos ka daawo hadalka siyaasiyiinta PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo la kulmay siyaasiyiinta Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Fiqi Cabdinaasir Maxamuud mire oo kamid ah isimada waaweyn ee Puntland, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Fiqiga waxa duleedka magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland isimo, waxgarad, aqoonyahanno, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda Garoowe. Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda soo dhaweynta Fiqiga ayaa yiri “ Fiqi soo dhawoow baan ku leenahay, gacmo furan baan kugu soo dhaweynaynaa, dadka kuu soo baxay waad aragtaa farxadda iyo rayraynta ka muuqata”. “Aad baan ugu faraxsanahay in aad noo timid oo aan kugu soo dhaweyno caasimadda, waxaan rajaynaynaa in aad bulshada qeybaheeda kala duwana aad la kulmi doontid,. Dadkaan dadkaagii weeye dowlad, xukuumad,labadii gole, shacabkii, haween dhalinyaro waa dhan yihiin” ayuu sii raaciyay wasiirka. Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlaamanka dowladda Puntland, Cabdicasiis Cabdulahi Cismaan oo isna ka hadlay soo dhaweynta fiqiga ayaa isna yiri “ waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay oo sharaf weyn noo ah, in aan fiqiga ku soo dhaweyno caasimadda Puntland ee Garoowe, annagoo aan u kala harin dhammaan golayaasha dowladda iyo shacabweynihii caasimadda Puntland ee Garoowe”. Ugu dambeyntii, Fiqi Cabdinaasir Maxamuud mire oo hadalka qaatay ayaa u mahadceliyay dhammaan bulshadii soo dhaweysay waxaana uu ku baaqay in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka dalka, gaar ahaanna caasimadda Garoowe. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Fiqi Cabdinaasir Maxamuud mire oo si diirran loogu soo dhaweeyay caasimadda Puntland ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Nairobi)-Waxaa soo xooggaysanaya tuhunka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay islamarkaana raali ka ahayd in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), kadib sir uu shaaca ka qaaday safiirka Maryekanka u fadhiya Kenya. Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho, kuna cadaadiyey madaxweyne Farmaajo in kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ). “Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay iskugu yimaadaan miiska wada-hadalka” ayuu yidhi Kyle McCarter. “Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.” Ayuu yidhi safiirka. Siyaasiyiinta mucaaradka iyo aqoonyahannada qaar ayaa rumeysan in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in kiiska dib loo dhigo, balse dowladda Soomaaliya way diiday inay eedeymhaas ka jawaabto. Sidoo kale, dolwadda Soomaaliya ma ay shaacin safarka safiirka Mareykanka Kyle McCarter ee Muqdisho, lagamana war-hayn ka hor wareysigan uu bixiyey. Source
  7. Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa weli Qaramada Midoobay ku riixeyso in Kooxda Al-Shabaab loo aqoonsado inay yihiin urur argagixiso, laguna darro qaraarka 1267, arrintaas oo Soomaaliya ay kasoo horjeeddo. Agaasimaha Dambi baarista Kenya George Kinoti ayaa sheegay in Al-Shabaab oo lagu daro ururka Argagixisada ay keeneyso in laga hortago inay argagixisada ku faafto bariga Africa. “Kenya waxay sii wadeysaa inay ku riixdo Al-Shabaab in loogu yeero urur argagixiso,” ayuu ka sheegay George shirka 88-aad ee Internapool oo lagu qabtay dalka Chile. Kulanku ayaa waxaa isugu imaaday saraakiisha fulinta sharciga ee adduunka oo dhan si loo taageero dadaalada Qaran iyo kuwa heer Gobol ee lagula dagaallamayo Argagixisannimada iyo dambiyada abaabulan. Kenya ayaa u gudbisay soo jeedin Qaramada Midoobay (UN) in kooxda Soomaaliya lagu xuso koox argaggixiso ah iyadoo sheegtay in tallaabadani ay xoogga saari doonto sidii loola dagaallami lahaa xagjiriinta. Qaramada Midoobay ayaa diiday qaraarkaas, sidoo kalana waxaa si cad uga hor timaaday Dowladda Mareykanka oo sheegtay in go’aankaas uu yahay mid dadka shacabka ah saameyn ku yeelanayo. Dowladda Kenya ayaan weli quusan, waxayna dadaalkeeda ugu badan ku bixineysaa sidii uu u fuli lahaa rabitaankeeda. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Maxamed Cusmaan oo arrintan fasiray ayaa sheegaya in qaraarkan ay Kenya soo-jeedisay uu leeyahay ujeedooyin kale oo ka baxsan la-dagaalanka Al-Shabaab. Abuukar waxaa uu intaasi ku daray in qaraarka 1267 uu saameyn ku yeelan doono arrimaha banii’aadnimada, gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab. Waxaa kale oo la sheegayaa in haddii Al-Shabaab lagu dari lahaa liiska argigixisada caalamiga ay sidoo kale ka saameyn laheyd Soomaaliya arrimaha siyaasadda, horumarinta iyo ammaanka. “Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Ramaax Oo Si Kulul Uga Hadlay Xiisadda Deegaanada Degmada Lughaya Iyo Muranka Ka Taagan Komishanka Doorashooyinka, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=tSPUAL25Zxg Source
  9. Ugu yaraan 72,000 oo qof ayaa ku barakacay fatahaad ka dhacday magaalada BeledWeyne iyo tuulooyin kale oo ku hareereysan bartamaha Soomaaliya iyadoo heerka wabiga Shabelle uu sii kordhayo, hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa sidaasi sheegtay maanta oo Talaadado ah. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay inay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta maxalliga ah si looga jawaabo dhibaatada bani’aadamnimada iyadoo la hoy la’aanta dadka soo barakacay iyo musqulo degdeg ahi ay tahay walaac weyn ee jira. “Haddii fatahaadda wabiga gaarto heerkii ugu sareeyay, waxaa loo baahnaan doonaa doomaha in lala gaaro dadka ku nool meelaha go’doonsan,” OCHA ayaa sidaasi sheegtay. Saraakiisha Hay’adda ayaa ka digaya in daadadka, kuwaas oo qaar ka dhigay wadooyin kuwa aan la mari karin isla markaana kumanaan ka go’doomiyay gargaarka bini’aadanimo in la gaarsiiyo. Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dhammaan tuulooyinka ku yaalla waqooyiga magaalada Beladweyne ay saameeyeen biyaha fatahaadda wabiga Shabelle, islamarkaana la jirto cabsi laga qabo inay xanuuno kala duwan ay ka dhashaan. “Bulshada webiyada waxaa laga codsaday inay guryahooda ugaga baxaan dhul sare si deg deg ah. Roobabka ayaa sii socon doona toddobada maalmood ee soo socda heerarka wabiguna wuu sii socon doonaa, taasoo sii xumaynaysa xaaladda fatahaada,” ayay OCHA tiri. View the full article
  10. Waxa Dalka Ruushka si rasmi ah uga bilaabanaya Shirweyne dhex maraya Dalka Ruushka iyo Qaarada Afrika oo ay ka qayb galayaan madax gaadhaysa Konton Madaxweyne iyo Raiisalwasaarayaal qaarada Afrika ka socda. Qaarada Afrika iyo gaar ahaan Geeska Afrika ayay Dantiisa ku jirtaa inaanuu noqon mandiqad cid gaar ah ama quwad gaar ahi ay isa siiso oo ay ku amar ku taaglayso, waxaanad moodaa in imika la soo gaadhay xiligii ay Qaarada Afrika ay iskaashi dhaqaale iyo nid Nabadgelyo la yeellan lahayd cid kastoo danaynaysa oo uu Ruushku ka mid yahay. Dhawaan ayay ahayd mar aan booqday dalkaas oo aan kula kulmay Madax badan oo Afrikaan ah iyo masuuliyiin kale, waxaana lagu sii qorshaynayay arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay Shirkan weyn ee imika dhex maraya Qaarada Afrika iyo Ruushka. Masuulyiinta halkan hoose ku jira ee aan waagaas la kulmay waxa ka mid ahaa: H.E Sergey Valeryevich Aksyonov The Head and Prime Minister of the Republic of Crimea. H.E Léonard She Okitundu Lundula Minister of Foreign Affairs and International Cooperation and one of the Vice Prime Ministers of the Democratic Republic of the Congo. Senateur Kabana Fataki Amiral. Member of the upper house of the Parliament Major General (rtd) Mike N. Santo Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary of the Republic of Zimbabwe to the Russian Federation. H,E Kabineh Kallon, Minister of Transport and Aviation of the Republic of Sierra Leone. Guul ayaan u Rejaynayaa xidhiidhka weyn ee u bilowday Qaarada Afrika iyo Dalweynaha Ruushka. Source
  11. Agaasimihii hore ee Radio Daljir , Axmed Sheikh Maxamed Tallman, ayaa goor dhowayd oo maanta ah dib u helay xoriyadiisii , kadib muddo todobaad ku dhow oo uu ku xirmaa Garowe. Weriye Tallman oo bartiisa Facebook soo dhigay muuqaal kooban, ayaa raali gelin buuxda wuxuu ka bixiyay fal dambiyeedkii lagusoo eedeeyay, isagoo sheegay dowladdu inay ka gar leedahay. Tallmaan wuxuu sheegay wararkii idaacaddiisa laga siidaayay in la ogaaday in aysan wadanin cadeymo ku filan islamarkaana aanay ku haboonayn in la baahiyo ama lagu tilmaami karay been abuur ah. Kadib markii uu la tashaday qareenadiisa, ayuu sheegay inuu go’aansaday inuu dowladda Puntland ka raali geliyo qaladkaas dhacay, si gaar ah wuxuu u raali galiyay taliye Gen, Muxidiin Axmed Muuse. Wuxuu caddeeyay sababtii uu isaga casilayay agaasimihii Daljir in ay ahayd saamaynta ka dhalatay wararkii idaacaddu baahisay, isagoo sheegay inuu ahaa agaasime kursiga lagula fadhiyay. Siidaynta Tallman, ayaa kusoo beegantay, iyadoo maalinta berrito ah loo balansanaa in la dhegaysto dacwada loo haystay. HALKAAN KA DAAWO PUNTLAND POST The post Weriye Tallman oo xoriyadiisii dib u helay, raali- galina ka bixiyay eedeymihii loo haystay appeared first on Puntland Post.
  12. Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka HirShabelle ayaa manta howlgallo kooban ka sameeyey inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa miino baaris ah ayaa ciidamadu waxa ka fuliyeen waddada isku xirta labadaasi magaallo oo ay inta badan weeraro ka fuliso Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ayaa sidoo kale Shabelle in baaritaanadu ay sii socon doonaan inta laga xaqiijinayo amniga waddadaasi oo muhiim u ah isku socodka deegaanada HirShabelle. Al-Shabaab ayaa marar badan waddadan ka fulisay weeraro qorsheysan oo qaarkood lagu dilay mas’uulyihiin sar sare oo ka tirsanaa maamulkaasi. View the full article
  13. Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda ayaa daahfuray adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda Xarunta Jaamacadda Ummadda qaybteeda Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in adeegyadan ay yihiin kuwo bilow ah oo asaas u ah horumarinta Jaamacadda laguna dul dhisi doono mustaqbalka adeegyo kale oo ka horumarsan. Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ka *****nta balanqaadkii uu u sameeyey Jaamacadda Ummadda, waxaa uuna qiray in adeegyadan ay baahi weyn u qabtey Jaamacadda. Munaasabadda daahfurka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay ardeyda, Macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Caabudwaaq, Gudoomiyaha Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, Senator Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex), Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, Maareeyaha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta ee Wasaaradda, Ganacsato iyo Maamulka Degmada. Adeegyadan lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda ee Jaamacadda ayaa waxaa ka mid ah soo gelinta khad Internet ah oo ay isticmaali karaan Maamulka, Macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda, Dhisimaha Shabakadda Gudaha (Network) ee Jaamacadda waxaa sidoo kale qayb ka ah 39 Laptops, Computers iyo Printers cusub oo tayo sare leh. Hirgelinta adeegyadan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Maktabakad Elektroonik ah (Digital Library) oo ay ku jiraan Buugaag, Casharo maqal iyo Muuqaal ah & maqaalo cilmi ah iyo tababaro loo samayn doono Shaqaalaha Teknoolojiyadda Jaamacadda, iyadda oo xoogga la saarayo sidii loo abuuri lahaa koox hawlwadeenno ah oo ku filan horumarinta iyo maamulka agabka lagu wareejiyey Jaamacadda. View the full article
  14. Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in dowladdu ay wado qorshe ballaaran oo ka dhan ah xarakada Al-Shabaab. Xagaa ayaa sheegay in la xoojin doono howlgallada ciidamada dowladda ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, si Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay heystaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la tayeeyo ciidanka Xoogga dalka, lagana war qabo markasti, si ay u helaan dhiiro gelin joogta ah. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan gobollo badan oo ay weli ku xoogan yihiin Al-Shabaab. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-22102019-sx.mp3 View the full article
  16. Innaga oo ka ambaqaadeyna kaalinta warfaafinta ee xoojinta iyo dhiirigelinta daahfurnaanta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda, waxaan su’aalo ka keenay lacagahii taallooyinka iyo guud ahaan Barnaamijka Isxilqaan iyada oo la xiriirtay 14 mas’uul. Sida uu leeyahay Abuukaate Ciise oo ka tirsan xeer yaqaannada dalka, sharciga waxaa uu qabaa haddii la waayo kaalinta dimoqoraadiyadda dadban ee mataaladda iyo baarlamaanka ama warbaahinta, xataa muwaadinka caadiga ah waa inuu dawco gudbiyo si uu u ogaado qarash baxay. Baaristeenna waxaan ka bilowday maamulka gobolka Banaadir oo mas’uul ka ah gobolka taallooyiinka laga taagay, kadib markuu qaban waayey telefanka, uuna ka jawaabi waayey fariimaheenna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) oo isaga goobjoog ka ahaa xafladdii xariga looga jaray taallooyinka ayaan markii dambe helnay mid ka mid ah guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir, oo codsaday in magaciisa aan la xusin, guddoomiyaha waxaa uu sheegay in maalin uu ra’isul wasaare Xasan Kheyre ka sheegay shir uu la lahaa maamulkooda xilligii AUN Eng. Yariisow in taallooyinkii taariikhiga ahaa la soo celinayo, madaxtooyadana u saartay guddi uu ku jiro S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo xilligaasi ahaa taliyiha ciidanka Asluubta laakin August sanadkan uu Kheyre u magacaabay maareeyaha wakaaladda hormarinta dhismaha Soomaaliyeed. Bashiir Goobe telefanka ma qaban, kamana soo jawaabin fariimihii aan u dirnay. Mas’uuliyiinta aan la xiriirnay waxaa ka mid ahaa wasiirkii hore warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Dowladda Federaalka mudane Daahir Maxamuud Geelle oo xilkaasi hayey sanad iyo bar, Mr. Geelle oo ay aheyd in lagala tashto ama hormuud ka noqdo wixii dhaqan iyo dalxiis ah waxa uu sheegay in wasaaradiisa aaney waxbo kala socon qorshaha, lacagta iyo wax ku saabsan taallooyinka. Dhankiisa, mid ka mid ah agaasimayaasha xilligan ugu sareeya xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre ahna qofka keliya ee wax laga weydiin karo lana socda dhaq-dhaqaaqiisa, laakin magaciisa codsaday in la qariyo, ayaa sheegay in xafiiskooda iyo guud ahaan wasaaradaha xukuumadda federaalka ah aaney shaqo ku laheyn arrintan taallooyinka, oo ay khuseyso uun xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Fulinta waa ku jiri karaan wasiirro, laakin waa guddi ahaan ee uu madaxweynaha magacaabay ee shaqada guud xukuumadda qeyb kama ahan”. Ra’isul wasaare Kheyre ilaa hadda kama hadlin taallooyinka xataa kuma soo qaadan baraha bulshada uu leeyahay sida Facebook iyo Twitter. Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta ee Villa Somalia oo arrintan ka hadlay ayaa iska fogeeyey in xafiiska madaxweynaha uu maaliyad ahaan maamulay taallooyinka iyo guud ahaan mashruuca isxilqaan “ Xafiiskan shaqo kuma laha maamulka maaliyadda ee taallooyin ama isxilqaan, oo guddi ayaa jiro oo ra’isul wasaare ku xigeenka horkacayo, wasaarado badan oo maaliyadda ugu horeysana ku jiraan, madaxweyne Farmaajo keliya waxaa uu ku leeyahay Korjoogteyn”. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa mashruuca isxilqaan, una matala Villa Somalia, codsadayna in aan la xusin, oo isna aan la xiriirnay waxaa uu nagu leexiyey wasaaradda maaliyadda iyo wasiir Beyle, isaga oo sheegay in iyada uun wax laga weydiin karo lacagaha iyo cidda bixisay, isaga oo shaki geliyey helista faahfaahinta lacagta qoondada Tallooyinka. Dhanka wasaaradda maaliyadda, kadib markii uu wasiirkeeda maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle qaban waayey telefanka, kana jawaabi waayey fariimaha WhatsApp ayaan wacnay Cabdullaahi Sheekh Cali (Qolocow) oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda. Qaloocow ayaa isna iska fogeeyey inuu wax ka ogyahay lacagta taallooyinka, isaga oo intaasi raaciyey inuu mas’uul ka yahay qeybta canshuur uruurinta, wixii dakhli baxana ha la weydiiyo wasiirka iyo wasiiru dowlaha “ Aniga dakhli uruurun igula xisaabtan, isoo weydiisa maxaa loo qaadi waayey, yaa canshuur la baxsaday” ayuu hadalkiis ku soo koobay Cabdullaahi Sheekh Cali (Qolocow). Waxaa xigay, xiriir aan la sameynay wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee DF Maxamuud Xayir Ibraahim, salaan kadib waxaan u sheegnay ujeedka aan u wacnay, markaas kadib waxaa uu ku hadlay hadal aan la fahmi karin, waana nagu damiyey telefanka. Dr. Maxamud Maxamed Culusow oo horay u soo noqday agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa noo sheegay in taalooyinka ay maamulayeen guddi qarsoon oo warbixin u celisa uu madaxweyne Farmaajo, waxaa su’aal ka keenay sababta loo la’yahay cid warbixin buuxda ka bixisa, isaga oo dhaliilay aragtida xun ee dowladda ee kala horeynsiinta hawlaha qaranka. Hey’adaha baaristeenna soo dhoweeyey waxaa ka mid ahaa hanti-dhowaraha qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo isaga iyo xafiiskiisa nagu bogaadiyeen shaqadan, laakin arrintan ku saabsan lacagaha aan dabagalka ku heyno ee taallooyinka waxaa uu sheegay in xogtooda aanu heynin xiiligan, isaga oo sidoo kale nagu dhiirigeliyey in aan raadinno cidda ay khuseyso ee isxilqaan iyo wasaaradaha ku shaqada leh. Haddaba, baaristaankan la xiriira taalooyinka intii aan wadnay, natiijada in kasta oo aanan helin tirada lacagta ku baxday, waxaa sheekooyinkii na dhexmaray mas’uuliyiinka kala dhexbaxnay, noona soo baxay dhowr dul-duleel oo khatar ah: (1). In mashruucan taallooyinka iyo guud ahaan is xilqaan aaney shaqo ku laheyn gobolka Banaadir iyo wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska. (2). In ra’isul wasaarr Kheyre isna aanu raalli ka aheyn sida madaxtooyada u maamushay mashruucan (3). Mashruucan waxaa toos u maamulo guddi uu magaacay, korjoogtenna ku leeyahay madaxweynaha Farmaajo (4). Mashruucan waxaa taageero dalalka caalami ah, ganacsato Soomaaliyeed iyo mashaariic ay bixiyaan hey’ado dowli ah. (5). Guddiga howlahan wado waxaa ay leeyihiin sanduuq qaran iyo miisaaniyad furan, oo ka baxsan miisaaniyadda qaranka ee ay baarlamaanka ansixiyaan (6). Sanduuqan looma sameeyo xisaabxir, baarlamaanka lama socdo, waxaa isla og Farmaajo iyo Beyle. (7). Wasiir Beyle waxaa uu iskala weyn yahay la xisaabtan, kamana cabsado Baarlamaanka, hanti-dhowaraha qaranka iyo shacabkaba. Ugu dambeyntii, maxaa la gudboon golaha shacabka ee BF: Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xil. Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo isna arrintan ka hadlay ayaa sheegaya in aaney jirin wax rasmi ah oo soo gaaray golaha shacabka. “Procedure ayuu leehaya golaha shacabka, guddoonka ayaa la soo mariyaa, kadibna guddiga, laakin ilaa hadda ma helin wax arrinkaas la xiriira”. Mar aan sii weydiiney, arrintan oo kale maxaa laga yeelayaa waxaa uu yiri “Waa qasab in nala hor keeno Dhaq-dhaqaaq xisaabeed (transaction) kasta oo laamaha dowladda federaalka ah sameeyaan, haddii ay miisaaniyadda ku jirtay oo la kala wareejiyey ama meel kale laga keenay”. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye Xigasho: Goobjoog News
  17. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta waxaa uu magacaabay labadiisa ku-xigeen, ayadoo maalmahaan ay ka socotay magaalada Kismaayo la tashiyada ku aadan arritaan iyo cidda loo magacaabi doono. Madaxweynaha ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada waxaa uu ku magacaabay labada Madaxweyne ku-xeen ee dowlad gobaleedka Jubbaland, kuwaas oo la shaqeyn doona Madaxweynaha afarta sano ee soo aadan. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu magacaabista labadiisa ku-xigeen uu kala tashtay guddoonka golaha shari dajinta Jubbaland, sida qoraalka lagu sheegay Maxamuud Sayid Aadan ayaa mar kale ku soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad,Halka Cabduqaadir Xaaji Maxamuud oo loo yaqaanno luga dheere loo magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee dowlad gobaleedka Jubbaland. Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa soo xoogaysanaya tuhunka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay islamarkaana raali ka ahayd in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), kadib sir uu shaaca ka qaaday safiirka Maryekanka u fadhiya Kenya. Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho, kuna cadaadiyey madaxweyne Farmaajo in kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda. “Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka” ayuu yiri Kyle McCarter. “Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.” Ayuu yiri safiirka. Kyle McCarter ayaa sheegay inuu Farmaajo iyo Uhuru u sheegay in caqabadda ugu weyn ee labada dal haysata ay tahay in laga adkaado Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale yiri “Madaxweyne Kenyatta waxa uu sameynayaa wax kasta oo uu awoodo, waana si wadi doonnaa dadaalladeena, si arrintan loo xaliyo.” Safiirka Mareykanka ma sheegin in madaxweyne Farmaajo aqbalay codsigiisa ah in kiiska lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda iyo in kale, hase yeeshee arrintan waxay muujineysaa inay wax ka jiri karaan walaacyadii la qabay. Xeerarka Maxkamadda ICJ ayaa dhigaya in kiisna aan dib loo dhigi karin haddii aysan labada dhinac isla ogolaan, balse dowladda Soomaaliya way diiday inay ka jawaabto sababta kiiska dib loogu dhigay laba goor haddii aysan ogolaan. Sidoo kale, dolwadda Soomaaliya ma aysan shaacin safarka safiirka Mareykanka Kyle McCarter ee Muqdisho, lagamana war-hayn ka hor wareysigan uu bixiyey. Dhibaatada ugu weyn iyo walaaca shacabka Soomaaliyeed ka haysta kiiska badda ayaa inta badan ah aamusnaanta iyo hufnaan la’aanta dowladda Soomaaliya, ayaga oo inta badan isku halleeyaa ilo-wareedyada dibedda ah, oo markii ay shaaciyaan arrimaha ay qarineyo dowladda Soomaaliya, ay kadib dowladda banaanka timaado. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  19. Dalka Rwanda ayaa noqday waddankii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee dhaqan geliya xayiraad dhammaystiran oo ka dhan ah isticmaalka iyo ka ganacsiga caagadaha ama wax loo yaqaano Balaastiiga. Ganacsadayaasha ayaa lasiiyay seddex bilood si ay uga saaraan kaydkooda oo ay u helaan waxyaabo u bedela, halka wershadaha soo saara balaastigga ay haystaan muddo kama-dambays ah oo laba sano ah. Sharcigaan oo lasoo saaray markii ugu horeysay sanadkii 2008, ayaa loo arkaa inuu muhiim u yahay dagaalka ka dhanka ah nabaad-guurka deegaanka. Cidii sharcigaan fulin weyda waxay mutaysan kartaa ganaaxyo culus iyo in ganacsatada shatiga lagala noqdo. “Dhab ahaantii waxaan waayi doonnaa macaamiil badan oo ku tiirsanaa caagagga-isticmaalkooda, laakiin waxaan sidoo kale heli doonnaa macaamiillo cusub oo adeegsada balaastigga aan la beddeli karin,” ayuu sheegay madaxa shirkada soo saarta balaastiiga, Wormlas Habamungu. PUNTLAND POST The post Dalka Rwanda oo laga mamnuucay isticmaalka caagadaha appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa eedaymo culus u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka Daawo Source
  21. Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Kyle McCarter ayaa sheegay in uu safar ku yimid caasimadda Muqdisho, kalana hadlay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu dacwada badda ka soo celiyo maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ. Kyle McCarter oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska afka dheer ee Daily Naition ayaa wax laga weydiiyo xalka Kiiska badda, waxaa uuna yiri “Waa in si dhaqso ah wax looga qabto, waxaan ka shaqeyney in madaxweyneyaasha Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Kenyatta isugu yimaadaan miiska wada hadalka. Safiirka Mareykanka ee Kenya oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan tagay Muqdisho si aan ula hadlo madaxweyne Farmaajo, waxaan u sheegay in kiiska badda ka qaado maxkamadda. Waxaan u sheegay Farmajo and Kenyatta in caqabadda ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al-shabaab, taasina ay tahay jidka keliya ee looga faa’ideysan karo badda”. Maxkamadda ICJ ayaa lagu wadaa iney dhageysato dacwada Soomaaliya iyo Kenya June sanadka dambe, waxaana la leeyahay waa balantii ugu dambeysay. Cadaadiska Kenya ayaa ah mid ay ku dooneyso in madaxweynaha Soomaaliya uu kiiska ka soo qaado maxkmadda, muranka lagu dhameeyo wada ahadal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay sii wadidoonto dadaalkeeda ku aadan in Golaha ammaanka Qaramada Midoobay uu Alshabaab u aqoonsado inay yihiin urur argagixiso. Agaasimaha dambi baarista Kenya, George Kinoti, ayaa sheegay in ay qaadayaan tilaabo kasta, si looga hortago faafida argaggixisada bariga Afrika. Kinoti ayaa hadalkaan ka jeediyay kalfadhiga 88-aad Golaha Guud ee booliska caalamiga ah ee Interpol, fadhigaas oo looga hadlayay dadaalada qaran iyo kuwa heer gobol ee lagula dagaallamayo argagixisannimada iyo dambiyada abaabulan. Dowladda Kenya ayaa laba toddobaad ka hor weydiistay Mareykanka inuu ku caddeeyo al-Shabaab inay tahay kooxda argagixiso. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii August, 29 keedii laalay qaraar Kenya ay ku doonaysay in ururka al-Shabab ee Soomaliya loo aqoonsado urur argagixiso oo la mid ah Al-Qaacida iyo ISIS. Qaraarkan ay goluhu diideen ayay qaadashadiisu ka dhalan kartaa in deegaannada uu ururku joogo aan kaalmo bani’aadanimo la geyn karin, xilli roob yaraan iyo barakacba uu ka jiro qeybo Somaaliya ka mid ah. Dalalka Mareykanka iyo France oo ka tirsan xubnaha joogtada ah ee golaha oo ay weheliyaan Belgium, Germany, Kuwait, iyo Boland ayaa dhammaantood is hortaagay qaraarkaasi. PUNTLAND POST The post Kenya: Waxaan qaadaynaa tilaabo kasta oo Alshabab loogu aqoonsanayo Argigixiso appeared first on Puntland Post.