-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cadeysay in Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo ku magac dheer Ciise Tarabuun uu yahay mawaadin soo dhameystay xukun maxkamadeed. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka View the full article
-
Saudi Arabia has not yet responded to Houthi claim 500 of its forces were killed or wounded in cross-border attack. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay nin lagu magacaabo Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi, oo ku magac dheer Ciise Tarabuun, kaas oo booliska dalka Kenya ay shaaciyeen inuu gudaha u galay dalka Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in Ciise Tarabuun uu ahaa madaxii amniyaatka kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho ayada oo wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale uu 19-kii June shaaca ka qaaday in laga soo qabtay suuqa Bakaaraha. War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo looga hadlayay arrinta Ciise Tarabuun ayaa lagu sheegay in ninkaas uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhameystay xukun maxkamadeed. Wasiir ku-xigeenka warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Aadan Isaaq Cali, ayaa sheegay in sanadkii 2017-kii oo Cabdiwaaxid loo xiray eedo la xiriira argagixisnimo ay dacwaddiisa qaadday maxkamadda ku shaqada leh ee Ciidammada qalabka sida, oo markii ay kiiskiisa baartay ku xukuntay 2 sano oo xabsi ah. “Cabdiwaaxid, ayaa markii uu dhammeystay xabsigii ay maxkamadda military-gu ku xukuntay la sii daayay sida sharcigu qabo, Waxaana sii dayntiisa in muddo ah kadib lala socday dhaq dhaqaaqiisa iyo xaaladaha.” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq. “Dowladda Soomaaliya, waxay si cad u muujinaysaa in Cabdiwaaxid uu yahay muwaadin maray xukum ciqaabeed xabsi laba sano ah, oo ay ku xukuntay maxkamadda militariga Soomaaliya”ayaa lagu yiri war caawa kasoo baxay dowladda. Warka wasaaradda ayaa waafaqsan kii goor sii horreysay oo maanta ay Caasimada Online ku shaacisay habkii Ciise lagu sii daayey iyo sida uu uga dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Halkan ka aqriso xogtaas. Hoos ka arag warqadda kasoo baxday dowladda Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi, oo ku magac dheeraa Ciise Tarabuun uu yahay muwaadin dhameystay xukun maxkamadeed. Dowladda federalku waxay beenisay in ninkani uu haatan ku lug leeyahay arrimo Argigixiso ama uu katirsan yahay kooxda Alshbaab. Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Ciise Tarbuun oo ahaa madixii amniyaadka Alshabaab ee gobolka Banaadir uu ku sugan dalkeeda. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeeda. The post Dowladd federalka oo ka hadashay sarkaal Shabaab ahaan jiray oo kenya laga baadi goobayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta hooyga uu ka daganyahay magaalada Muqdisho waxa ay ku booqdeen madaxweynihii iyaga ka horeeyay ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed. Kulan saacado qaatay oo ay ku yeesheen seddaxdaas madaxweyne guriga Cali Mahdi ayaa waxaa la sheegay in ay uga hadleen xaaladda guud ee dalka iyo xayiraadii dhawaan garoonka diyaarada Aadan-Cadde loogu geystay Shariif Sheikh Axmed, xili uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo oo uu uga qeyb gali lahaa caleemo saarka madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa kulankaas walina lama shaacin wax kasoo baxay oo ay si wada jir ah u soo saareen seddaxdaas masuul. Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday kulamo kala duwan oo looga hadlaayay xaaladda Siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo ay wadeen siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, waxeyna kulamaan xoogeysteen wixii ka dambeeyay xayiraadii lagula kacay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shalay shaacisay in dalkeeda uu 24-kii bishan soo galay Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay horey u sheegtay inuu ahaa madaxii amniyaatka kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho. Warka Kenya ayaa la-yaab noqday sababtoo ah Ciise Tarabuun waxaa lagu ogaa gacanta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayada oo wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale uu 19-kii June shaaca ka qaaday in Ciise Tarabuun laga soo qabtay suuqa Bakaaraha, uuna gacanta ugu jiro dowladda Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciise Tarabuun uu garoonka diyaaradha Muqdisho ka dhoofay 24-kii bishan oo ahayd talaadadii, weliba ayada oo dowladda Soomaaliya ay ogtahay. Caasimada Online ayaa ogaatay in Ciise Tarabuun ay dowladda sii daysay kadib markii sida lagu waayey wax caddeymo ah oo la xiriirinayey inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Sida ay sheegeen xubno ka tirsan dowladda oo la hadlay Caasimada Online, markii Ciise Tarabuun lagu waayey Shabaabnimo ayaa waxaa xabsi laba sano ah loogu xukumay inuu mar xubin ka ahaa kooxdii Xisbul Islaam ee burburtay, xabsigaasi oo uu Ciise dhameystay kadibna la sii daayey. Ka hor inta uusan Muqdisho ka dhoofin talaadadii, ayaa Ciise Tarabuun waxa ay ehelkiisa ay hay’adaha cadaaladda u geeyeen ticket-ka uu ku baxayay, baasaboorkiisa iyo xog la xiriirta halka uu u socdo iyo sababta, taasna markii ay ku qanceen waxa hay’adaha cadaaladdu u fasaxeen inuu safri karo. Markii uu garoonka Muqdisho ka dhoofayey talaadaddii, ayaa waxaa halkaas ku qabtay saraakiisha nabad-sugidda Soomaaliya, hase yeeshee waxa uu tusay warqaddii ay hay’adaha cadaaladda ku fasaxeen, taasi oo laga aqbalay looguna ogolaaday inuu dhoofo. Xubno ka mid ah ehelkiisa ayaa sheegay in Ciise dalka ka dhoofiyeen, si aan loogu arkin inuu khatar ku yahay amniga, maadaama dhowr mar la xiray. Ciise ayaa la sheegay in sidan oo kale mar ay xirtay dowladda kadibna lasii daayey. Si kastaba, sii deynta Ciise ayaa abuureyso su’aal yaab leh oo ah “Sidee nin dowladda ay ku sheegtay in darajadiisu ahayd madaxa sirdoonka Al-Shabaab ee Muqdisho, loogu weyn karaa xitaa inuu xubin ka ahaa kooxdaas? Sidee sirdoon sidan u qaldan isugu haleyn kartaa dowladda, waa su’aalo jawaabtooda laga sugayo dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nairobi (SMN) – Kenya ayaa tan iyo sanadkii 2000 si sharci darro ah u sheeganaysay qeyb katirsan xuduud badeedka dalka Soomaaliya, oo laga helay khayraad aad u ballaaran oo shidaalka kamid yahay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Adduunka [ICJ], iyadoo lagu wadaa in kiiskan ay dhageysato bisha soo socota horaanteeda. Kenya ayaa isticmaashay wado kasta oo kiiskan ku baajin karto, waxaana ay codsiyo u gudbisay Midowga Africa iyo hay’ado caalami ah, iyadoo doonaysa in meel kas baxan Maxkamadda lagu dhameeyo. Laakiin, dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa arinkaas kasoo horjeysatay, iyadoo Madaxweyne Farmaajo dhawaan ka sheegay Shirka 74-aad ee Qaramada Midoobey inaysan wax wadahadal ah kala galeynin Kenya arinta ku saabsan dhul-badeedka Soomaaliya. Dowlado badan oo ugu horeyso Faransiiska ayaa la saftay Kenya, iyadoo Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron mar uu booqasho ku tagey Kenya bishii Maarso ee sanadkan sheegay inay shirkado shidaal oo laga leeyahay dalkiisa ay Kenya la galeen heshiisyo dhanka shidaal soo-saarista ah. Waxay Kenya u aragtay balan-qaadka Faransiiska mid ay ku gaari karto hamigeeda qaldan ee ah inay boobto xuduud badeedka Soomaaliya, waxaana ay ciidamado gaysay goobaha laga helay shidaalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaarahaha Haweenka, warfaafinta iyo kalluumeysiga iyo dekadda Muqdisho, si uu ugu kuur galo hannaanka ay u socdaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan. Sedaxda wasaaradood ee Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray, ayuu ugu tegay howl-wadeenno ku jira shaqooyinka qaranka, waxa uuna ka xog wareystay xaaladda shaqo, isaga oo kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sidoo kale kormeeyay dekadda Muqdisho, ayaa Maamulka dekadda iyo taliska Booliiska dekadda ka xog wareystay shaqada, caqabadaha la soo gudboonaada iyo qorshayaasha horumarinayo dekadda, si sare loogu qaado adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u heyso. Kormeerka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khare, ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta, loogana dhabeeyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeeen-29092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa dhawaan xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington. Waxaa tan iyo furitaankii Xarunta Cusub ee Safaaradda Soomaaliya soo badanayey hadallada is khilaafsan ee kasoo yeerayo madaxda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayey Xafladda furitaanka ayaa sheegay in lacagta lagu iibiyey Safaaradda ay tahay mid ay aruurisay Dowladda Soomaaliya, isagoo ku kaftamay inay aruuriyeen lacagihii ay madaxdii hore u isticmaali jireen inay isku ridaan sida uu hadalka u dhigay, inkasta oo taas naftigeed ay madaxweynaha kusoo celineyso su’aal ah: miyaanay ahayn lacagtii dowladda tii lagu riday Jawaawi, Shariif Xasan, Xaaf? Isla waqtigaas Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay $4.3 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ku iibsatay dhismaha Safaarada cusub ee Soomaaliya ku yeelaneyso magaalada Washington. Waxa uu sheegay in lacagta lagu iibiyey dhismaha laga bixiyey Miisaaniyadda xukuumadda federaalka ah ee sanadkan 2019, gaar ahaan ku noqoshadda oo ay wasaaradu ku soo dartay, wuxuuna hadalkaas noqday mid xoogaa ka duwan hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo. Iyadoo uu jiro Khilaafkaas, ayuu haddan Wasiirka Maaliyadda Beyle sheegay hadal kale oo midkiisii hore kasoo duwan kadib wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA. Wasiir Beyle ayaa sheegay in Lacagta lagu iibiyey Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka bixisay Dowladda Qatar oo ah Dowlad saaxiib dhow la ah Dowladda Soomaaliya. Arrintaan ayaa keentay shaki badan oo ku aadan halka laga keenay lacagta lagu iibiyey Xarunta, waxaana jiro warar aan la xaqiijin oo sheegayo in qiimaha Safaaradda lagu iibiyey ay tahay 1.6 Million oo Dollarka Mareykanka ah halka Qasnadda Dowladda laga bixiyey lacag gaareyso ilaa 4.3 Million sida uu xaqiijiyey Wasiirka Maaliyadda. Haddaba halkaan hoose ka daawo khilaafka hadalada Madaxweyna iyo Wasiir Beyle Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa manta isugu yimid kulan gaar ah ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayeen xaaladda abaareed ee ku habsatay gobolka Gedo. Masuuliyiintan ayaa baaq u diray dowladda Federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka bixiya, iyagoona ka codsaday in la gar gaaro shacabka reer Gedo oo muddooyinkii la soo dhaafay ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii iyo duunyadii ku dhaqnaa halkaasi. Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal, ayaa ka dhawaajiyey in dadka daga Gobolka Gedo ay u baahan yihiin gar-gaar bani’aadannimo, maadaama ay soo food saartay xaalad aad u liidata. “Waxa ugu horreeya ee loo bahaan yahay waxa ay tahay in dadkaan ay haysto abaarta foosha xun in lala gaaro biyo dhaamin si ay u noqoto dhiig joojin, waxaana sidoo kale baaq u dirayaa Jaaliyadda Soomaliyeed u ku dhaqan dalka dibaddiisa ee ka soo jeeda Gedo in gar-gaarkan ay qayb wayn ka qaataan” ayuu yiri wasiir Hilaal. Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim, ayaa sidoo kale sheegay in ka wasaarad ahaan gacan muuqata ay ka gaysan doonaan dhibaatada ka jirta Gobolka Gedo, gaar ahaan dadka ka soo barakacay guryahooda ee ku dhibaataysan deegaanno hoos taga Gedo. “Dadkaan dhibaataysan waxay u baahan yihiin in qof kasta waxa uu awoodo in uu soo la gaaro, dadkan waxa haysata waxaa ka mid ah calool xanuun oo ceelashii biyahooda ayaa is baddalay”, ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim. Daahir Carab oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa sheegay in cod dheer ay ugu sheegayaan dowladda Soomaaliya in dadkaas ay la gaaraan gar-gaar isugu jira raashin iyo biyo dhaamin, maadaama dadku ay dhibaato haysato dadka daga deegaannada uu ka kooban yahay Gedo. Xildhibaan Carab ayaa madasha ka yiri “Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Gar-gaarka bixiya iyo cid kasta oo wax ka qaban karta dhibaatada haysata dadka daga gobolka Gedo waxaan ku baaqayaa in ay la gaaraan biyo dhaamin iyo sidoo kale raashin ay cunaan” Saddexdii sano ee la soo dhaafay gobolka Gedo waxaa kaa taagnaa Abaaro salfatay dadkii iyo duunyadii waxayna baaq u direen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ganacsatada shirkadaha iyo hay’adaha caalamiga ah iyo cid kasta oo ka jawaabi karta baaqooda.
-
Wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah burshada ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa si weyn uga deyriyay xaaladda abaaraha ka taagan gobalka Gedo iyo deegaanno dhaca dowlad gobaleedka Jubbaland. Mas’uuliyiintaan ayaana baaq u diray dowladda federaalka iyo beesha caalamka iyaga oo ugu baaqan si dhaqso ah loogu gurmado dad ay la dageen abaaraha sida weyn uga taagan xiligaan deegaanada Jubbaland. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Tamarta, Macadanta iyo Bartoolka dowladda federaalaka Maxamuud Cabduqaadir Hilaal oo madasha ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay in bulshada ku dhaqan deegaanada Jubbaland qaasatan gobbalka Gedo ay u baahan yihiin gar-gaar Bini’aadannimo maadama ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah” Waxa ugu horreeya ee loo bahaan yahay waxa ay tahay in dadkaan ay haysto abaarta foosha xun in lala gaaro biyo dhaamin si ay u noqoto dhiig joojin, waxaana sidoo kale baaq u dirayaa Jaaliyadda Soomaliyeed u ku dhaqan dalka dibaddiisa ee ka soo jeeda Gedo in gar-gaarkan ay qayb wayn ka qaataan” . Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim ayaa sidoo kale xusay ka wasaarad ahaan gacan muuqata ay ka gaysan doonaan dhibaatada ka jirta Gobolka Gedo, gaar ahaan dadka ka soo barakacay guryahooda ee ku dhibaataysan deegaanno hoos taga Gedo. “Dadkaan dhibaataysan waxay u baahan yihiin in qof kasta waxa uu awoodo in uu la soo gaaro, dadkan waxa haysata waxaa ka mid ah calool xanuun oo ceelashii biyahooda ayaa is baddalay”, ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim. Dhanka kale Daahir Carab oo ka mid ah Xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in cod dheer ay ugu sheegayaan dowladda Soomaaliya in dadkaas ay la gaaraan gar-gaar isugu jira raashin iyo biyo dhaamin, maadaama dadku ay dhibaato haysato dadka daga deegaannada uu ka kooban yahay Gedo. Baaqaan maanta Muqdisho ay ka jeediyeen xubnahaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo deegaanno hos taga golaka Gedo ay taagan yihiin abaaro baahsan kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirkii 2-aad ee golaha dhexe ee Xisbiga Waddani oo maalintii labaad kasocda magaalada burco kana qeyb galayaan inkabadan 350 xubnood ayaa lagu ansixiyay . 1 .Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Khadar Xuseen Siciid. 2. Gudoomiye xigeenka koobaad Cabdirisaaq khaliif. 3. Gudoomiye xigeenka labaad Saleebaan Ducaale Xaji Jaamac. 4.Gudoomiye xigeenka sadexaad . Keyse Cali Geedi. Iyo xubno kale oo hogaanka xisbigaasi kamid noqon doon. Waxaa sidoo kale saacadaha kooban ee shirku socday xilkii lagaga qaaday xoghayihii guud ee hore ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur cadde. Waxaa dhanka kale lagu ansixiyay xeer hoosaaadka Xisbiga oo wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mareykanka ayaa ku dhow inuu ku dhawaaqo heshiis nabadeed oo uu la galey kooxda Taliban oo doonaysa inay ciidamada Maraykanku ka baxaan dalka Afgaanistaan. Haddii heshiishkaan lagu guulaysto, Taliban ayaa laga saaridoonaa liiska kooxaha argigixisada ee ku jira diiwaanka wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka. Arrintaan waxay ahayd wada xaajood soo socday todobadii sano ee ugu dambeysay, waxayna ahaandoontaa arrin soo jiidata dareenka warbaahinta caalamka. Mareykanku ayaa waqti hore ogaaday in dagaalka Afghanistan uusan ahayn mid militari ahaan lagu guuleysan karo, Iskaba daaye wuxuu sii abuuray Argigixiso hor leh. Tan ugu muhiimsan ayaa ah, in kooxda Taliban aya si isdaba joog ah u ballaarinasay awooodeeda dhuleed, iyaga oo ka taliya dhul badan marka loo eego bilowgii dagaalkii Maraykanka ee fgaanistaan sanadkii 2001. Dagaalka Maraykanka ee Taliban waxaa kaga dhintay 4,000 askari iyo kun kale oo ahaa xulafadiisa. Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka, Mike Pompeo ayaa waji wanaagsan ka bixiyay heshiiska Taliban. Wareysi uu siiyay Daily Signal wuxuu ku cadeeyay in howsha la qabtay: “Hadaad dib u noqotid oo aad fiiriso maalmihii 9/11, ujeeddooyinka laga lahaa way iska caddayd,” ayuu yidhi. Puntland Post The post Maraykanka oo ku dhawaaqaya heshiis nabadeed uu la galay Taliban. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii laba jibaartay cadaadiska ay ku heyso Maamulka Jubbalanad, waxaana garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho lagu xayiray Agaasimayaal ka tirsan Maamulkaas. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa Galabta Garoonka lagu xayiray Agaasimayaasha Cadaaladda, Gaarsoorka, Waxbarashada iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Maamulka Jubbalanad. Agaasimayaashaan oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa doonayey inay dib ugu laabtaan Magaalada Kismaayo balse sida aan xogta ku helnay waxaa loo sheegay inaysan aadi karin Kismaayo. Diyaaradii ay raaci lahaayeen Agaasimayaasha ayaa Galabta ka tagtay, waxaana si cad loogu sheegay inaysan u safri karin Magaalada Kismaayo, waxayna arrintaan qeyb ka tahay cadaadiska lagu hayo Maamulka Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qabsaday Doorasho aysan raali ka aheyn Dowladda Dhexe. Cadaadiska lagu hayo Jubbaland ayaa sii badanayo tan iyo markii 31-kii August 2019 Garoonka Muqdisho lagu xiray Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan kaasoo lagu eedeeyey inuu galay dambiyo ka dhan ah Bini’aadanimada. Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Soomaaliya ay joojisay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Kismaayo inkastoo Shalay dib loo fasaxay, waxaana taas kasii horeysay Xayiraad la saaray Diyaaradihii tooska u tagi jiray Kismaayo oo lagu qasbay inay soo maraan Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ku tumaneyso Sharciga isla markaasna ay si qaldan u adeegsaneyso awoodda Dowladnimada, wuxuuna sheegay inuu qaadan doono go’aano culus haddii aysan Dowladda Dhexe joojin cadaadiska ay ku heyso maamulkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federalka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir oo socdaalk ku jooga Garowe, ayaa sheegay inay Puntand u yimaadaan sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dambiyada abaabulan ee Kufsigu ugu horeeyo. Xeer ilaaliyaha oo maanta kulan la qaatay laamaha garsoorka iyo Booliiska Puntland, ayaa ka dhawaajiyay in Puntland iyo Muqdisho ay yihiin meelaha waayahaan dambe aad looga sheegayay falalka kufsiga, isagoo caddeeyay in loona baahan yahay in wax la iska weydiiyo sababaha dhaliyay iyo tilaabooyinka laga qaatay. Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha guud, ayaa la filayaa inuu kormeer ku sameeyo xabsiga magaalada Garowe, halkaas oo ay ku xiran yihiin maxaabiis loo haysto dambiyo kufsiga. Puntland ayaa dhawaan dil ku riday saddex eedeeysane oo lagu helay inay kufsi iyo dil u geysteen gabadh 13 jir ahayd oo magaceedu ahaa Caa’isha Ilyaas Aadan. Falkaas oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Waxaa sidoo kale, laamaha garsoorka Puntland laga sugayaa inay cadaalda la marsiiyo dadkii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Hodan oo ahayd haweenayd Xaas ahay, oo falkaas loogu geystay Garowe. Puntland Post The post Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya oo Puntland wax ka weydiiyay kufsiyadii dhacay appeared first on Puntland Post.
-
“waxaan leeyahay nin inala degan oo carruurtiisu dalka joogto wax ha inna waydiiyo, laakiin ….. “dadka muslimiinta ahi meelkasta oo ay ku dagaalamaan dhiig ayay daadiyaan naarta ayaa lagu gallaa, waanna arrin khatar”. (SLT-Boorama)-Sheekh Maxamed Siciid (Sheekh Saaweer)oo kamida culimmida waawayn ee Somaliland ee ku dhaqan gobolka Boorama, ayaa salaadii jimcaha kaga hadlay dhibaatada qurba joogta qaarkood ay ku hayaan dalka.Islamarkaanna wuxuu Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu Golihiisa Wasiiradda ka saaro Qurba-joogta ku jirta. Sheekhu wuxuu sidoo kale farriin walaalnimo u diray dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Ceel-afweyn. Sheekh Maxamed Siciid Oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi ” Qurba joogtu waa niman dhibaato badan caruurtooda dabaday dhigteen wax magaalooyinka ka joogaa ma jiraan waa rag soo shaqa tagay hadana dalkeenna qaybo badan iyagaa ka qayb qaata nabad-galyo darrada, iyagoo dalka imanayn oo aanay carruurtoodii joogin ayay haddanna odhanayaan waxaa ha la yeello, waar waxaan leeyahay nin inala degan oo carruurtiisu dalka joogto wax ha inna waydiiyo, laakiin nin aan innala joogin oo aan dalkaba joogin? Muxuu innoogu talinayaa, xitaa waa in madaxwaynu wasiiradiisa ka saaro kuwa qurbo jooga ah maxaa yeelay ? ma naxayo oo carruurtiisiibaa maqan hadday wax dhacaana waxba kama gelin.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Siciid Sidoo kale, Sheekh Maxamed Siciid wuxuu farriin waanno iyo walaalnimo u diray dadka dirirta collaadeed ku soo noq-noqonaysa “Somaliland barwaaqo ayay ku jirtaa waad arkaysaan adduunyada waxa ka dhacaya, kuwa ku dagaalamaya ceel afwayna waa dad walaalo ah oo meel wada degan oo shaydaan ka shaqaystay, maalin kasta shan-baa dhimanaysa, lixbaa dhimanaysa way ku dhimanayaan la garan maayo, dadka muslimiinta ahi meelkasta oo ay ku dagaalamaan dhiig ayay daadiyaan naarta ayaa lagu gallaa, waanna arrin khatar. Source