-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kenyan politician and former Kakamega Senator Boni Khalwale has called for the withdrawal of Kenyan troops from Somalia. In a tweet, the politician said that the troops are no longer needed in Somalia, adding that they have accomplished their mission. The Jubilee affiliated politician was responding to US President Donald Trump’s tweet on the withdrawal of troops from Syria. Khalwale said the Kenyan government should follow suit. “Our government should borrow a leaf from this. Why are our Kenyan soldiers fighting for Somalis in Somalia?” he tweeted. “After defeating 100% of the ISIS Caliphate, I largely moved our troops out of Syria. Let Syria and Assad protect the Kurds and fight Turkey for their own land. I said to my Generals, why should we be fighting for Syria,” Trump said. In March, Kenyan withdrew some of the troops from Busar is in Gedo region. The decision caused tension among residents who feared the resurgence of the militia. The call for the withdrawing of the troops from Somalia is yet to bear fruits after the government ignored the same. The remarks of the politician come at the backdrop of the maritime board row between Kenya and Somalia. The two nations are yet to agree on the board after they sought assistance from International Court of Justice. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa magaaladda Muqdisho kaga qeybgalay munaasabad lagu sagootinayey arday dhameysatay heerka koowaad ee waxbarashadda. Ardayda oo tiradoodu ay gaareyso 295 ayaa ka aflaxay 9-ka Kuliyadood ee Jaamacadda Jazeera ee Muqdisho, waana dufcadii 6aad ee ka qalin-jebisa Jaamacada oo kamida kuwa ugu tayada fiican. Madaxda ka qeybgashay ayaa waxaa ku jiray; Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoomiyaha Aqalka Sarre, Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda, Faysal Cumar Guuleed, Xildhibaano iyo marti sharaf kale. Xubnihii madasha ka hadlay ayaa hambalyo u jeediyay ardayda, iyaga oo sidoo kale bogaadiyey Bareyaashii u dhabar-adeegay in ay soo saaraan ardayda si ay dadka iyo dalka wax ugu qabtaan. Hoos ka dhageyso warka oo cod https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Fad-Joy.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa albaabada isugu dhufatay xarumo ganacsi oo ku yaala magaaladda Muqdisho. Kamil Frocis oo qaab online ah ku shaqeysa ayaa xarumo ku lahayd Soobe, Suuq Bacaad iyo wadada Maka Al Mukarama, kuwaasoo la xiray. Shirkadan ayaa howlaha ay qabato waxa uu yahay in ay lacago sarif ah isugu kala bedesho dadweynaha iyadda oo la isticmaalayo online-ka. Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ay shaqadii ka joojisay shirkado kale oo lagu kala magacaabo Hubaal Tracings iyo Kulan Investment. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda oo lagu sharaxayo sababaha keenay in albaabadda loo laabo. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Xiray.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-17102019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hague)-Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ ayaa markii labaad dib u dhigtay dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ICJ ayaa galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12 ee Sannadka 2020-ka. Sidoo kale Maxkamadda ICJ ayaa go’aankeeda ku caddeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga Maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin. Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa war qoraal ah bogiisa Facebook kusoo qoray ayaa shaaciyay in markii labaad dib loo dhigay Kiiska Badda ee Somalia iyo Kenya. Go’aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid kadib markii ay Kenya mar labaad codsatay dib u dhigista. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha gobolka Badhan ee ayaa ka warbixiyay xaaladda amni gobolka Badhan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Maxkamada ICJ ayaa galabta go’aamisay in dhegaysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigo. Warka ka soo baxay maxkamadda Cadliga Adduunka ee ICJ ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay kiiska ilaa June 8- 12, 2020 iyadoo Maxkamadda go’aankeeda ku caddaysayy in ay filayso in labada waddan u yimaadaan dhegaysiga maxkmada,Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin. Ku simaha ra’iisulwasaaraha dalka ahna ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowlada soomaaliya soo dhawayneyso go’aanka kama dambeysta ah ee ay maxkamadu qaadatay. Kenya ayaa marar badan sameysay isku dayo ay ku dooneyso in ay ku baajiso Maxkamadda iyadoo dooneysa in si hoose ay labada wadan u xaliyaan kiiska. Hoos ka daawo hadalka ra’iisul wasaaraha PUNTLAND POST The post Maxkamadda ICJ oo mar kale dib u dhigtay dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya, sida uu goor dhow xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi. Maxkamadda ICJ ayaa galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaalia iyo Kenya laga dhigo June 8-12 ee sanadka 2020. Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku caddeysey in go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah oo mar dambe aan dib loo dhigi doonin. Waxay sheegtay inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkamadda. Go’aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid kadib markii ay Kenya mar labaad codsatay dib u dhigista. Jadwalkii hore ee maxkamadda u dejisay dhageysiga dacwadda ayaa ahaa 9-ka illaa 13-ka September, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay illaa 4-ta November kadib codsi ka yimid Kenya. Si kastaba Kenya ayaa dhowr toddobaad ka hor mar kale codsatay in kiiska dib loo dhigo, taasi oo dhalisay go’aanka cusub ee galabta soo baxay. Soomaaliya ayaa labada goorba diiday in kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee maxkamadda ayaa tix-gelisat codsiga Kenya. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Magaalada Washington waxaa toddobaadkan ka socda shirar kala duwan oo ay hey’adaha IMF iyo Bangiga Aduunku ay ku casuumeen madax ka socota dalal badan oo dunida ah, oo iskugu jira kuwa saboolka ah kuwa soo koraya iyo kuwa deeqaha bixiya. Shirkaasi dalalka lagu casuumay waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo ay wufuu ka joogaan, ayada oo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre lagu wado inuu ku soo biiro. Mid ka mid ah kulamaddii ilaa iyo hadda dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay mudanayaal ka socday baarlamanada 61 dal, Halkan hoose kaga boggo Source
-
Boorama (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay ciidamo hubeysan oo tiro badan dul geysay dadweynaha ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Lughaya. Ciidankaasi oo uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka qaybta ee gobolka Awdal ayaa waxay gaareen deeganadaasi oo ay kamid yihiin; Gargaara, Osoli, Biyo kulul iyo Wadajir. Caasimada Online oo dadweynaha ku nool deegaankaasi qaarkood la xiriirtay ayaa waxay sheegen inay soo wajahday cabsi balaadhan oo ku aadan ciidankaasi, maadama oo aysan ilaa hadda garaneyn ujeedada rasmiga ah ee loo soo dul dhigay ciidankaasi. Dadweynaha deegaanka ayaa sidoo kale waxay inoo sheegen in labadii Habeen ee u dambeysay aysan si fiican u seexan, isla markaana ay baqdin badan ka qabeen ciidankaasi ay xukuumadu dul dhigtay. Warar kale oo ay Caasimada Online helayso, ayaa sidoo kale waxay sheegayan in amar ka soo baxay Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland lagu geeyay ciidamadaasi deeganadaa, kuwaasi oo ujeedkoodana lagu sheegay inuu yahay sidii ay u sugi lahaayeen amniga Beero tiro badan oo ku yaala deeganadaasi. Beerahaasi ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ku muran-sanaa labo Beelood, kuwaasi oo dhowaana ay shaqaaqo ku dhex-martay Beer ku taala deegaanka Wadajir, halkaasi oo uu ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawacba. Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid gabi ahaanba ku fashilantay xal ka gaarista xiisadaasi ka taagan deeeganadaasi, kadib markii dhowaan la isku fahmi waayay wada-hadal ay deeganadaasi ka fureen Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka wasaarada Biyaha Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Cirro ayaa 14-kii bishan warqad u diray madaxweyne Biixi, shirguddoonka baarlamaanka iyo beesha caalamka taas oo xambaarsan eedo culus oo ka dhan ah madaxweyne Biixi laguna sheegay in uu buriyay heshiiskii beesha caalamka ee lagu dhexdhexaadiyay xisbiyada. Source
-
(SLT- Johannesburg)-Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay dileen muwaadin Soomaali ah oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ganacsiyada ku leh gudaha dalkaas. Allaha u naxariistee muwaadinka Soomaaliga ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abdijibaar Abdullaahi jimcaale, waxaana lagu dilay deegaano ka fog Magalada Johannesburg oo ganacsi uu u lahaa kadib markii ay goobtiisa ganacsi ugu galeen koox budhcad ah oo hubaysan. Ganacsato kale oo Soomaali ah kuna nool dalka Koonfur Africa ayaa xaqiijisay in xalay la dilay Allaha u naxariistee Abdullaahi jimcaale, iyada oo ay xusid mudantahay sidaan oo kale in dhowr jeer loo dilay Ganacsato Soomaali ah. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, kaas oo soo dhaweyntiisa ay ka qaybqaateen masuuliyiin ay Wasiiro xukuumadiisii hore ka tirsanaa ay ka mid yihiin. Xildhibaan Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland oo qayb ka ahaa xubnihii Madaxweynihii hore ee Somaliland ku soo dhaweeyey dalka ayaa waxa uu yidhi “Saaka waxaanu soo dhaweynaynaa madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo warar been ah oo ku saabsan inuu dhintay ama uu xanuunsanayo laga baahiyey, wakaa “Waraabe ka caafimaad weyn”, markaa dadka habaarka ha laga daayo, ummaddii u ducaysayna way mahadsan yihiin, wuu caafimaad qabaa, wakaa saaka soo day,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye. Source
-
MOGADISHU (HOL) -Three people were killed separately in Mogadishu’s Waberi district Wednesday night under unclear circumstances. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa dib u eegaya qorshooyinka ah in la daadgureeyo illaa 50 bambaanooyin oo Nukliyeer ah oo muddo dheer lagu keydinayey Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Turkiga ka dib howlgalka militari ee Ankara ee waqooyiga Syria, sida lagu sheegay warbixin. Saraakiil ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda iyo tamarta Mareykanka ayaa maalma ka hor waxay ka Shireen waxa laga yeelayo 50-ka madax ee hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ka yaalla Turkiga iyo qaabka ay ula soo bixi karaan sida uu daabacay Wargeyska The New York Times ee dalka Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa biloway inay ka fakarto waxa laga sameenayo hubka Niyukleyrka ee u yaalla saldhig milateri oo ku yaalla koonfurta bari ee dalka Turkiga kadib markii laba dowladood uu soo kala dhex galay mugdi. Hubkaas Mareykanka u yaalo dalka Turkiga ayaa la sheegay inuu xayiray Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan oo diiday inuu Mareykanka la baxo hubkiisa halkaas yaalo. Xukuumadda Washington ayaa isku dayeysa sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya. Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqday mid xaqiijiyay hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ugu keydsan dalka Turkiga, taas oo ahayd sir aanan mudo la shaacinin, waxbadanna aanan laga ogeyn. Dhanka kale Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in duullaanka uu Turkiga ku qaaday xadka Suuriya uusan ahayn mid lagu qaaday “xudduuddooda”, waxa uuna intaa ku daray in Kurdiyiintu oo xulufo la ahaan jiray mareykanka aysan ahayn “malaa’ig”. Xubnaha Aqalka Wakiillada ee baarlamaanka Mareykanka oo ay ku jiraan kuwa xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanka ciidamadiisa ugala baxay dalka Suuriya. Madaxweyne Trump ayaa warbaahinta u sheegay in mareykanku uusan ahayn “booliska caalamka”. Tobannaan ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay howlgalka ay billaabeen ciidamada Turkiga, halka in ka badan 160,000 oo ruux ay ka barakaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kal-fadhigii 44-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyn-k-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta, waxaana warbixin lagaga dhegeystay xubno kamid ah golaha wasiirrada. Ugu horrayn waxa golaha warbixin la xidhiidha amniga dalka ka jeediyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ku dheeraaday xaaladda guud ee nabadgelyada dalka. Sidoo kale, waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer Lr.31-2004 oo mar kale loo ballamay ansixintiisa. Waxaanu goluhu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska. Ugu danbayn waxa golaha lagu soo bandhigay hirgelinta nidaamka wax wada lahaanshaha dawladda iyo shacabka (public private partnership) “PPP”, waxaanu goluhu u saaray guddi soo diyaarisa. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Cabdixakiin Maxamed axmed oo hogaaminaya xubno ka tirsan Guddig jogtada ah ee Baarlamanka Puntland ayaa maanta dib ugu soo Laabtay Magaalada Garowe Kadib mudda Saddex Bari oo ay safar ugu maqnaayeen waddanka Uganda. Safarka Guddoomiyaha iyo xildhibaannada weheliyay ayaa ku saabsana Tababar iyo aqoon iswaydraasi la xiriira Arrimaha Golayaasha Xeer-dejinta kaasi ay uga qeyb-galeen Magaalada Kampala ee Dalka Uganda. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Cabdixakiin Dhoobo ayaa ka warbixiyay aqoon kororsi dalka Ugandha ugusoo dhamaaday xubno ka socday Baarlamanka Puntland iyo kuwa maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. “Aqoon kororsigu wuxuu ku saabsanaa habka Baarlamanku shaqadiisa u gudanayo ama korjoogtaynta ha noqoto ama matalaadda ha noqoto iyo xiriirada Baarlamaannada kale lala yeelanayo” ayuu yiri Guddoomiye Dhoobo. Hoos ka daawo muuqalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo wefdi uu hoggaaminayo oo dib ugu laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (SMN) – Siyaasiyiinta dalka Kenya ayaa ku tartarsiiyey madaxweynaha wadankaas, Uhuru Kenyatta in uu ciidamadooda ka saaro Soomaaliya. Boni Khalwale, oo kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan Kenya horeyna u soo noqday Xildhibaan, ayaa baaqan u jeediyay Kenyatta. Waxaa uu soo jeediyay in Ciidamada difaaca Kenya ay muddo 8 Sano ah ku jiraan gudaha Soomaaliya islamarkaana sababihii ay u galeen aan wax natiijo ah laga gaarin. Ciidamada Kenya oo Soomaaliya si sharci darro ku soo galay 2011kii ayaa laba sano kaddib qeyb ka mid ah lagu daray AMISOM halka inta kale ay wali ku jiraan gudaha dalka. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa nan hagaagsaneyn waxayna ka dambeysay markii ay Nairobi jebisay amar kasoo baxay dowladda oo ku aadan socdaalka Kismaayo. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Kenyatta.mp3 View the full article
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Ilaa 3 qof oo kamid ah ganacsatada ugu caansan degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa loo xiray kiiska Cabdirashiid Janan, waxaana xarigga raggan ka dambeeyay Taliska Ciidamada nabad sugidda Jubbaland ee gobalka Gedo, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka. Dadka la xiray ayaa ka soo jeeda heybta Madaxweynaha Soomaaliya waxaana xarigooda amray taliyaha nabad sugidda Jubbaland oo lagu magacaabo Cali Xasan Deer, kuna heyb ah wasiirka amniga Jubbaland. Dadka la xiray ee 3-da qof ah ayaa 2 kamid ah waxay kala heesteen shirkado ka shaqeeya biya gelinta Beladxaawo iyo Shirkad dhismooyinka qaabilsan. Shirkadaha iyo ganacsiga ragaan kuma koobna oo kaliya Beladxaawo balse waxay caan sidoo kale ka yihiin Gedo waxaana ka shaqeeyo shirkado ay leeyihiin. Xarigga masuuliyiintaan oo si wayn looga dareemay Gedo ayaa sidoo kale waxaa ku lug leh talihii ciidamada Xoogga Soomaaliya ee gobalka Gedo, sidoo kalane mar kamid noqday Baarlamaankii 8-aad ee dalka Jamaal Xasan Faree iyo Guddoomiyaha Haweenka Beladxaawo Canab Kululi, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobalka. Ehellada dadka xiran oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay jiraan dad kale oo ku heyb ah Madaxweynaha Soomaaliya oo ku xiran degmada Doolow ee gobalka Gedo, kuwaas oo isugu jira cuqaal iyo aqoonyahaano reer Gedo ah. Guud ahaan gobalka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay aad looga dareemaya arrintaan waxaana isa soo taraya baaqa iyo qayla dhaanta dhaqanka gobalka Gedo taas oo ku saabsan in aan qabiil lagu saleynin Xarigga Wasiir Janan oo u xiran dowladda Soomaaliya. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta amaanka ee maamulka Jubbaland, waxaana noo suurta gelin xariiro aan la sameynay hay’adaha amaanka Jubbaland iyo kuwa maamulka Gedo si aan wax uga waydiino xiisada gobalka ka taagan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Gabadh Soomaali ah oo ka mid noqotay 100 haweenka BBC ee 2019-ka Jawaahir Rooble waxay noqotay gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah oo noqotay garsoore kubadda cagta ah. Jawaahir marka ay ciyaaraha dhexdhexaadineyso waxay ku labisataa dhar xijaaban. Markii ay Ingiriiska timid iyadoo 10 jir ah, waxay aragtay in kubadda cagta ay tahay xirfaddii ay ku hamineysay , taasina waxay u horseeday inay noqoto garsoore kubadda cagta ah. Hadda waxay barata climiga garsoorka kubadda cagta iyo maamulka, waxay ku rajo weyn tahay in shahaadada koowaad ee jaamacadda ay dhameyso sannadka 2020-ka. Qaran News
-
Gaalkacyo (SMN) – Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgalo kala duwan ay ka wadaan magaaladda Gaalkacyo. Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa wuxuu ka dambeeyay markii shalay xarunta gobolka Mudug qarax Miino lagula eegtay taliyihii saldhiga bartamaha. Taliyaha ayaa ka badbaaday falkaas oo ka dhex-dhacay hoygiisa. Lama soo warin wax khasaaro ah oo ka dhashay falkaas. Xoogaga maamul goboleedkaas ayaa howlgaladooda waxay sheegeen in ay ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyay weerarkaas. Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa kala maamula Puntland oo dhanka waqooyi ah iyo Galmudug oo dhanka koonfur ah. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Amni.mp3 View the full article
-
Muslimiin ku guda jiray gudashada Cumrada oo ku dhintay Shil Goobta uu shilka ka dhacay 35 qof oo ajnabi ah ayaa ku dintay afar kalana way ku dhaawacmeen shil bas oo ka dhacay meel u dhaw magaalada barakeysan ee Madiina ee dalka Sacuudiga. Baska ayaa waxa uu ku dhacay gaari ah nooca qaada xamuulka goobta lagu magacaabo xarunta al-Akhal Centre. Shilkan wuxuu dhacay shalay ,sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Rakaabka saarnaa Baska ayaa isugu jiray Carab iyo dad ka soo jeedia Aasiya oo ka soo safray magaalada Madiina kuna sii jeeday magaalada Makka halkaasi oo ay ku soo cumreysan rabeen. Ma kala cadda ilaa iyo imika dalalka ay u kala dhasheen ,balse rai’sul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay “in uu aad uga naxay” warkaasi. Barasaabka gobolka Madiina Faisal bin Salman Al Sacuud, ayaa sidoo kale ka tacsiiyeeyay geerida ka dhalatay shilkaasi. 5 qof oo ka badbaaday shilka ayaa loo qaaday isbataalka al-Hamna ee magaalada Madiina islamarkana waxay xukuumadda Sacuudiga bilawday baaritaano. Sawiro lagu daabacay warbaahinta gudaha Sacudiga ayaa muujinaya gaariga Baska oo gubtay islamarka daaqadaha ay burbureen. Wargeyska Okaz ayaa ku waramay in rakaabka Baskaasi ay gudanayeen cumrada. Qaran News
-
Popular Contributors
