Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dar es Salaam (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday wadamada Nordic in maalgeshi ay ku sameeyaan dalxiiska iyo kheyraadka dabiiciga ee dalka Soomaaliya. Baaqan ayaa waxaa jeediyey wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo ka qeybgalay Shirka 18aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic oo ku qabsoomay Magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, socdayna maalmaha 7-8 November. Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic ayaa ah madal sanadeed si furan ay labada dhinac u doodaan. Kulanka oo loogaga hadlay habka xoojinta nabadda, ammaanka, ganacsiga iyo maalgeshiga ayaa waxaa ka qeybgalay 29 dowladood oo Afrikaan ah iyo wadamada Nordic sida Norway, Sweden, Denmark iyo Finland. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caaamiga ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay wadamada Nordic dano wadaag istiraatiijiyadeed oo ku qotanta dalxiiska iyo maalgeshiga. Cawad ayaasheegay in Soomaaliya uu yahay dal dihan oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga, kaluumaysiga, dhul beereed bacrisan iyo xoolo, waxa uuna tilmaamay in ka faa’ideysiga kheyraadkaasi uu soo afjari karo shaqa-la’aanta iyo colaadda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  2. Two Somali-American women who won local elections this week are calling for full participation of women in Somalia's politics, peace and development efforts. Source: Hiiraan Online
  3. Xafiiska Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cusmaan Karaash ayaa been abuur ku tilmaamey Warar ay sheegeen in laga baahiyey Madaxweyne Xigeenka. Waxaa la baahiyey in Madaxweyne [...] Source
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeybgalay Shirka 18aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic oo ku qabsoomay Magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, socdayna maalmaha 7-8 November. Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic ayaa ah madal sanadeed si furan ay labada dhinac u doodaan. Kulanka oo loogaga hadlay habka xoojinta nabadda, ammaanka, ganacsiga iyo maalgeshiga ayaa waxaa ka qeybgalay 29 dowladood oo Afrikaan ah iyo wadamada Nordic sida Norway, Sweden, Denmark iyo Finland. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caaamiga ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay wadamada Nordic dano wadaag istiraatiijiyadeed oo ku qotanta dalxiiska iyo maalgeshiga, isagoo sheegay in Soomaaliya uu yahay dal dihan oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga, kaluumaysiga, dhul beereed bacrisan iyo xoolo , waxa uuna tilmaamay in ka faa’ideysiga kheyraadkaasi uu soo afjari karo shaqa-la’aanta iyo colaadda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Maal-geshi ugu baaqday dalalka NORDIC appeared first on Puntland Post.
  5. Warbixintii Burco ee Kudduudiyaha Kuduudiyaha waxa afka qalaad loo yaqaanaa CHIKUNGUNYA VIRUS Xannuunka CHIKUNGUNYA; waa xannuun ku dhici kara qofkasta yar iyo waynba, waa xannuun la ogaaday inuu jiro sanadkii 1953 gaar ahaan qaaradda Africa, waa xannuun inta badan sababa Garaac isgoysyadda ah, Xumad, Madax xannuun iyo xaalado kala duwan oo uu qofku dareemo iyadoo ay bogsashadiisu ku xidhan tahay caafimaad kii hore ee qofka. Waa xannuun ay Maanta burco iyo inta u dhawiba u ildaran tahay kaas oo hoos u dhigay isu socodkii iyo shaqooyinkii caadiga ahaa ee socday kadib markii uu dad badan fadhiisiyey. Xannuunkan waa markii labaad ee Burco lagu arkay waxaanna inta badan sabab u ah isku socodka bulshada iyo qaniinyadda kaneecadda. Xannuunkani waa mid ku sii Fidaya Burco, waanna mid iskii iskaga taga marka laga reebbo saamaynta iyo xusuusta uu kaaga tagayo qofka uu ku dhaco, Maadaama Burco tahay magaalo balaadhan dad badanina soo dhexmaraan waxa ay markasta La kullantaa xannuunadda dalka ku cusub taasna waxa yarayn kara dawladda oo qorshe ka yeellata dadka xuduudaha ka tallaabaya iyo hubinta caafimaadkooda. Burco waa magaalo maanta la Nool Xannuunka kuduudiyaha una Baahan gurmad iyo gargaar deg-deg ah oo dawlad iyo shacaba u dhexeeya, Xannuunkan kuduudiyuhu waa xannuun ka jira caalamka iyo Afrika ba waanna xanuun inta badan ay sabab u noqdaan Kaneecadda iyo Roobabka kala duwan ee ay ka dhashaan cayayaanku. Kuduudiyuhu Waa xannuun aan Joogto loogu dhiman marka laga reebo qadarta Alle oo uu sabab u noqdo mooyaane, Wuxuunna Burco Hayay saddexdii bilood ee u dambeeyay iyadoo la sheegay in ay u dhinteen Hooyooyin Uur leh iyo dadkale oo waaweyni qaarna imika la ildaran yihiin. Inta badan xannuunkani wuxuu aad u haleelaa dadka kale ee xannuunadda kale qaba isagoo xaalad adag galiya, tusaale haddii aad tahay hooyo Uur leh waxa khasab ah in Dhakhtarku kugala taliyo in lagu qalo si ilmaha yar ama hooyadda loo kala bad-baadiyo ka dib markii la arkay Hooyooyin dhalay Ilmo yar oo mayda. Xannuunkan ” Chikungunya” waa xannuun burco 10kii qofba 8 ka midi uu haleeyay ama uu qaaday markaa, waxaanna sabab u ah Iskugudbinta Kaneecadda. Xannuunkan markii ugu horeysay waxa lagu arkay Degmo ka mida waddanka Tanzania, oo la idhaa Nawala. Calaamadaha Xanuunkan 1. Xumad aad u badan 2. Muruqyo xanuun 3. Xubno xannuun, 4. Madax xannuun 5. Calool, xanuun. 6. Jidh xannuun. Xalka Xannuunka Xannuunkani Dawo toosa oo jirta ma jirto marka laga reebo qaadashadda irbadaha Xumada iyo Xannuunka, waanna xannuun iskii iskaga taga. 1. Ka hortagga Talaalka. 2. Ka fagawga meelaha kaneecadda leh ama ay jiraan dad qabaa. 3. Kiniinka Xumad jabinta 4. Qaadashadda Dhar aan khafiif ahayn oo jiq kugu ah. 5. Tallooyinka dhakhtarka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka maxaa la Gudboon? 1. Diyaarinta Kooxaha badbaadinta dadka qaba Kuduudiyaha. 2. Baaqyo iyo tallo bixin joogtaa 3. Cisbitaallo iyo waadhadh u gaar ah xannuunkan 4. Shaqaale u tababaran oo qalabaysan. 5. Iskaashi hay’adaha caafimaadka ka dhexeeya oo ay si degdega ugu baaqaan ka hortagiisa iyo badbaadinta dadkaba Sida WHO. 6. Talaalkiisa oo la raadiyo ka dibna bilaash laga dhigo. Burco Gurmadbay rabtaa.. Dr. Kaafi ayaan si gaara ugu mahadnaqayaa oo xog dheer ila wadaagay. Allaw ka hay inta aannu wali gaadhi Aamin. Farxaanmxd@gmail.com Rakad Mxd Sulta Qaran News
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ciidamadii gaarayey illaa labada boqol ee askari ee ku sugnaa Beledxaawo ee dhowaan uga goostay dhanka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xaqiijiyey inay jirto in ay ciidamo ka tirsanaa maamulka Jubbaland, oo ka tagay Beledxaawo islamarkaana aaday Luuq, balse sheegay “inaysan ahayn wax weyn.” Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay idaacadda BBC-da ayaa yiri “Horta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa jooga hal ciidan, oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah, oo ka tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq, iyaguna waxay u tageen ciidankoodii kale oo jooga Luuq, wax dhib ah oo ka taaganna ma jiro, mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la’aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga tagaan xarumahoodii. Maxamuud Sayid Aadan ayaa intaas ku daray “ma aha wax weyn ama sida ay idaacaduhu u dhigayaan, meel ay ka baxsadeen iyo cid ay u baxsadeen midna ma jirto.” Caasimada Online ayaa og in ciidamada goostay ay dhabarjab weyn ku yihiin Jubaland, islamarkaana ay gacan ka gaysanayaan qorshaha ay dowladda federaalka kua wada qabsaneyso gobolka Gedo, islamarkaana uga goyneyso gacan ku haynta maamulka Jubaland. Goosashadan ciidamadan ayaa waxaa gacan ka geestay saraakiisha Itoobiya oo qeyb ka ah qorshaha gobolka Gedo si rasmi ah loogu hoos gaynayo dowladda federaalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  7. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-08112019-OK-SAX.mp3 View the full article
  8. Washington (Caasimada Online) – Sacuudiga ayaa mar labaad wajahaya eedeymo ah inay basaasiin ku abuurtay barta ay bulshadu ku kulanto ee Twitter, si ay u hesho xogo iyo macluumaad ku aadan muhaajiriin badan oo dhalasho ahaan dalkeeda ka soo jeeda. Basaasiinta lagu eedeynayo Sacuudiga ayaa waxay si toos ah u beegsanayeen dadka sida gaarka ugu soo horjeeda dowladda Boqortooyada Sacuudiga iyo dhaxal sugaha dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan. Eedeymahan ka dhanka ah Sacuudiga, ayaa waxa si toos ah ugu soo jeediyay Waaxda cadaalada Mareykanka, taasi oo si cad ugu eedeysay qaar kamid shaqaalihii hore uga tirsanaan jiray Twitter inay dadka u basaasan boqortooyada Sacuudiga. Basaasiintaasi ayaa mid kamid ah waxa soo shaac baxday in uu hore ula kulmay boqorka Sacuudiga iyo dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, midaasi oo sii xoojisay tuhunka wada-shaqeyneed ee kooxdaasi iyo boqortooyada. Dhinaca kale, Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI ayaa iyaduna daabacday sawirada tuhmanayaashan Sacuudiyaanka ah ee lagu eedeynayo inay u basaasayeen boqortooyada Sacuudiga. Shabakada FBI-da ayaa shalay oo Khamiis aheyd waxay si rasmiya u soo bandhigtay sawirada iyo faah-faahinta qaar kamid ah Ragaasi lagu eedeynayo Basaasnimada, waxaan si gaar ah uga dhex muuqday muwaadiniin u dhashay Sucuudiga oo lagu magacaabo Axmed al-Mutairi iyo Ali al-Zubara. Xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ayaa isaguna waxa uu sidoo kale sheegay in Xogaha Basaasiintaasi xadeen ay kamid ahaayeen Cinwaano email, Lambaro telefoon iyo cinwaano IP, kuwaasi oo ay lahaayen dad si aad ah uga soo horjeeda, isla markaana dhaleeceeya dowladda Sacuudiga. “Xogta la xaday waxaa ku jiray cinwaanno email, lambarro taleefanno ah iyo cinwaanno IP-ga ah, kuwaasi oo ay lahaayeen kuwa dhaleeceeya dowladda Sacuudiga,” ayuu yiri Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanku Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
  9. Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Maanta ka dhacay kulan weyn oo loogu duceenayey dadkii lagu xasuuqay Magaalada Baydhabo xilligii Doorashada Maamulkaas ee la xiray Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Boqolaal Qof ayaa isugu imaaday barxad ku taal Magaalada Baydhabo, waxaana halkaas lagu qabtay kulan duco ah iyadoo la qalay 5 Neef oo Geel. Kulanka oo uu soo qaban qaabiyey Xisbiga Amni iyo Cadaalad oo uu guddoomiye u yahay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo hadda u xiran Dowladda ayaa lagu dalbaday inay cadaalad helaan qoyskii laga dilay dadkii ka banaanbaxayey xariga Roobow ee lagu laayey Magaalada Baydhabo. Dadka isku soo baxay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen ereyo loogu duceenayey dadkii Baydhabo lagu dilay, sidoo kalana waxay ku baaqayeen in lasoo daayo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaan ah ayaa 13 December sanadkii 2018 waxay Magaalada Baydhabo ku laayeen dad farabadan oo banaanbax dhigayey kuwaas oo kasoo horjeeday xariga Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharixiintii ugu cadcadaa doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo oo ay afduubatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  10. The Somali government commended the assistance provided by the State of Qatar to those affected by floods that hit large parts of the country, following the generous directives Source: Hiiraan Online
  11. Taajirka isu arka inuu Trump kaga adkaan karo doorashada soo socota Taajirka ganacsadaha ah, Michael Bloomberg ayaa si adag uga fakaraya in uu ka qeybgalo tartanka loogu loollamayo qofka xisbiga Dimuquraadiga ku matali lahaa doorashada soo socota. Maayarkii hore ee magaalada New York wuxuu walwal ka qabaa in musharrixiinta hadda taagan midkoodna uusan ka guuleysan karinDonald Trump, sida laga soo xigtay lataliyihiisa. Ninkan oo 77-sano jirka ah waxaa la filaya in isbuucan uu warqad u diro Hordhaca doorashada madaxweynaha ee Dimuquraadiga ee Alabama. Illaa 17 musharrax oo Dimuquraadi ah ayaa doonaya in foodda ay daraan madaxweyne Trump. Madaxweyne ku xigeenkii hore, Joe Biden, Elizabeth Warren iyo Bernie Sanders waa kuwa ugu cadcad hadda. Afti dhowaan la uruuriyay waxaa lagu sheegay in Warren iyo Sanders – oo labada loo arko in dhanka bidix ay u janjeeraan, marka loo eego Biden – ay suuragal tahay in Trump uu dhulka ku jiido haddii midkoodna uu noqdo musharraxa madaxweyne ee Dimuquraadiga. Illaa iyo hadda, seddax musharrax oo Jamhuuriga ka tirsan ayaa sheegay in Trump ay kula loollamayaan cidda xisbiga mataleysa doorashada soo socota. Laakiin wax aan suuragal ahayn ayay u muuqataa in Trump ay cidna ka qaadi karto kursiga uu ku matalo Jamhuuriga. Muxuu sheegay lataliyaha Bloomberg? War qoraal ah ayuu Howard Wolfson ku yiri: “Hadda waxaan u baahannahay in shaqada aan soo afjarno aanna xaqiijino in Trump afka ciida loo daro. “Laakiin Mike si joogto ah ayuu uga walaacsan yahay in musharrixiinta hadda is daba ordaya aysan wax fursad ah u haysan in ay ka guuleystaan Trump. “Iyadoo la qiimeynayo guulihiisa uu gaaray, hoggaaminta iyo awoodda uu u leeyahay mideynta dadka iyo isbedelka, Mike wuxuu awood buuxda u yeelan doonaa in uu hardan adag la galo Trump uuna dhulka ku jiido,” ayuu yiri Wolfson. Madaxweyne Trump oo 73 sano jir ah, illaa iyo hadda kama hadlin arrintaas. Taajir ka soo jeeda New York oo madaxweyne ah? Illaa iyo hadda, tallaabadan waa sida dhibic biyo ah oo badda lagu daray, balse waa mid muhiim ah. Kaalinta maayarkii hore ee New York, ee Balaayiinka dollar haysta, waxay sii xoojineysaa loollanka loogu jiro qofka matalaya xisbiga Dimuquraadiga. Siyaasiga ku soo dhowaan kara Bloomberg ee aragtida dhexe ku saabsan waa Joe Biden – laakiin ololihiisa wuxuu u muuqdaa in uu sii liicayo. Ma ahan markii ugu horreysay ee uu ninkan u hanqal taago doorashada madaxweynaha, inkastoo marka ugu dambeyso uu ka haro. Laakiin, xilliyadii hore isaga ayaa iskii uga hari jiray isagoo aaminsanaa in shacabka Mareykanka aysan u codeyneynin taajir ka soo jeeda new York. Laakiin walaacaas hadda wuu dhammaaday. Waa kuma Michael Bloomberg? Mr Bloomberg waxay hantidiisa ka badan tahay $52 bilyan oo dollar sida ay qortay barta arrimaha taajiriinta ka hadasha ee Forbes. Taas waxay boqolkiiba 17% ka badan tahay lacagta Trump oo gaareysa $3.1 bilyan oo dollar. Mr Bloomberg wuxuu Wall Street u qaabilsanaa arrimaha Bangiyada kaas oo maalgelinta daabacaadda boqor ku noqday, arrintaas oo dhistay magaciisa. Waa deeq-bixiye tabarrucay malayiin dollar oo waxbarasho, caafimaad iyo arrimo kale lagu malgeliyay. Saaxiibbo hadda isku xumaaday: Michael Bloomberg iyo Donald Trump Asal ahaan wuxuu ahaa Dimuquraadi, balse wuxuu ku biiray Jamhuuriga si uu doorashadii maayarka New York ugu guuleysto, sannadkii 2001-dii. Wuxuu maayar noqday seddax doorasho oo isku xigay, illaa tan iyo 2012-kii, wuxuuna dib ugu noqday Dimuquradiga sannadkii la soo dhaafay. Waxaa loo arkaa in uu yahay Dimuquraadi qunyar socod ah oo ka hadla isbedelka cimilada in ay arrin muhiim ah tahay, laakiin horraantii sannadkan wuxuu beeniyay in musharrax cadcad uu yahay. Bloomberg wuxuu dhaqaale ku taageeraa ururka u ololeeya xakameynta hubka ee Everytown, kaas oo sannadkii 2014-kii uu maalgeliyay. Kooxda iyo Mr Bloomberg, waxay door weyn ka qaateen doorashadii Dimuquraadiga ay sida weyn ugu guuleysteen ee gobolka Virginia, horraantii sibuucan. Ururka kale ee u dooda in qof kasta uu qori lahaado ee NRA oo xarrun u ah Virginia, waxay $2.5 milyan oo dolllar ku bixiyeen doorashadii gobolka ka dhacday. Qaran News
  12. Beledwayne (SMN) – Deeqdaan oo loogu talogalay in ka badan 500 oo qoys ayaa isugu jirtay cunto, maro-kaneecooyin iyo agab kale. Magaalooyinka Dhuusamareeb, Matabaan iyo Guriceel ayaa si gaar ah looga soo uruuriyey deeqda oo la gaarsiiyey magaaladda Beledwayne. Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], murashax u taagan xilka madaxtinimadda Galmudug ayaa bixiyey xadiga ugu badan ee tabarucaadan. Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaran ee Galmudug, Yuusuf Xasan Ciyow, ayaa u mahadnaqay dadka deeqdaan ay timid. Si gaar ah wuxuu ugu mahadceliyay Qoor-qoor, kaasoo uu sheegay in uu bedel wanaagsan ka siiyo halka uu ka bixiyey lacagtaas. Kaalmadan ayaa waxay kaabeysaa mid kale oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay maanta ka dejisay xarunta gobolka Hiiraan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Qof.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) ayaa yeeshay taliye cusub oo boolis ah, Augustine Magnus Kailie, oo ka soo jeeda Sierra Leone, kaasoo Arbacadii soo gaaray magaalada Muqdisho si u bilaabo shaqada. Taliyahan cusub ayaa ku hogaaminaya ciidamada booliska ee AMSOM inay qabtaan howsha loo xilsaaray ee ah tababarida, kormeerida iyo talo-siinta ciidamada booliska Soomaaliyeed, ayna taageeraan dadaalada xasilinta oo qeyb ka ah qorshaha xilliga kala guurka Somalia. AMISOM waxay hirgelinaysaa qorshaha waqtiga kala-guurka, iyadoo howlgalka ay wadaan ay si tartiib-tartiib ah ay masuuliyadda amaanka ugu wareejinayaan ciidamada amaanka ee Somalia, ka dibna dalka ay uga baxaan sanadka 2021-ka. Wakiilka gaarka ee gudoomiyaha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya danjire Francisco Madeira, ayaa khamiistii waxa uu la kulmay hogaanka cusub ee boolisks AMISOM, waxa uuna ugu hambalyeeyey xilka loo soo magacaabay. “Waxaa halkan inuu taalla shaqo badan oo ay tahay in la qabto, waa inaan gacan ka geysanaa dib u dhiska hay’ada booliska Soomaaliya oo aan hubinaa in adeeg tayo leh loo sameeyey dadka shacabka.” Ayuu yiri Ambassador Madeira oo sidoo kale ah madaxa AMISOM. Augustine Magnus Kailie, taliyaha cusub ee booliska AMISOM, waxa uu dhankiisa xusay in magacaabistiisan ay tahay fursad uu uga jawaabayo taageerada beesha caalamka ay siiyeen Sierra Leone, ka dib dagaalo-sokeeye oo socday intii u dhexeysay 1991 ilaa 2002. “Aad baan ugu faraxsan inaan dib u celiyo taageeradii Sierra Leone ka heshay beesha caalamka waqtigii dagaalka sokeeye ay ku jirtay. Gacanta ay na siiyeen waxay aheyd mid wax weyn ka tartay hanaanka nabadeena.” Taliyahan cusub waxa uu badelay Brigade General Anand Pillay oo ka soo jeeda Koonfur Afrika, kaasoo Somalia ka tagay bishii November 2017. Taliyaha cusub waxa uu leeyahay khibrad 30 sanno ah oo uu kaga soo shaqeeyey booliska dalka Sierra Leonean. View the full article
  14. Iranian forces shot down a drone belonging to a foreign country on Friday, state news agency IRNA reported, quoting an Iranian official. Source: Hiiraan Online
  15. A three-judge bench presiding over the Kenya-Somalia maritime border dispute has said it’s unable to render its decision owing to the recent Judiciary budget cut. Justices Kanyi Kimondo, Robert Limo and Anthony Mrima were to deliver their judgement yesterday on whether Kenya should withdraw from the maritime dispute with Somalia at the Hague-based International Court of Justice. But in a notice addressed to advocates involved in the case, the deputy registrar of the Constitutional and Human Rights division, said the judgement will be delivered on notice. The budget cut has made it infeasible for the judges who are stationed in different places to convene and write the judgement. “Take notice that the above judgement which was to be delivered by a three-judge bench yesterday will now be delivered on notice. Parties will be notified of the new judgement date through their advocates once directions are given. We regret the inconvenience caused,” the notice read. Treasury slashed Judiciary’s budget by Sh3 billion last month, citing revenue shortfalls and need to raise funds for President Uhuru Kenyatta’s Big Four agenda. The Judiciary had requested Sh31.2 billion, but Parliament allocated it Sh14.5 billion, which Treasury slashed to Sh11.5 billion. The maritime case is among many others countrywide that have stalled owing to the budget cuts. The case was filed by human rights crusader Kiriro wa Ngugi. Through lawyer Kibe Mungai, Kiriro and 19 others had contended that Kenya’s participation in the maritime dispute before the ICJ was unlawful on grounds that the delegation of sovereign powers of the people to the Executive through the AG is limited and does not include engaging in actions that may alter Kenya’s territory and territorial waters without reference to the people through a referendum. They protested that the Attorney General, the Foreign Affairs Cabinet Secretary and the Kenya International Boundaries Office should not be allowed to “meekly escort Kenya into an international judicial slaughterhouse.” But AG Kihara Kariuki has since rejected the pleas by Kiriro wa Ngugi that Kenya should withdraw from the maritime dispute at the ICJ. Kariuki, CS Foreign Affairs Monica Juma and the Kenya International Boundaries Office told the court yesterday that they had taken steps calculated solely at protect Kenya’s territorial integrity and political independence. Source: The Star
  16. Beledwayne (SMN) – Laba diyaaradood oo gargaar sida ayaa gaarey magaaladda Beled-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Gargaarkaan ayaa lagu wadaa in faa’iideystaan bulshada tabaaleysan ee ay saameysay fatahaadda Wabiga Shabeelle. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in gurmadka illaa iyo haatan ka fidiyey la fidiyey uusan ku filneyn dadka. Dowladda ayuu ku booriyey in ay laba jibaarto dedaaladeeda gurmadka si bulshada dhiban uga faa’ideystaan. Beesha Caalamka ayaa kaalin muuqata ka cayaareysa gargaarka oo maalinba maalinta ka dambeysa si xowli ah isu soo taraya. View the full article
  17. A former FBI translator charged with altering transcripts after his own voice was caught on intercepts with terrorism suspects is expected to enter a guilty plea. Source: Hiiraan Online
  18. I recently went on a culinary trip to taste camel produce-meat and milk. My curiosity took me to a restaurant dubbed Kulan Cuisine and Coffee along Kaunda Street in Nairobi’s CBD. Owned by a family of Kenyan-Somalis, Kulan which translates to ‘place to eat’ has two locations. The first one situated in Eastleigh offers a wider range of Somali cuisine compared to the second eatery in the CBD. Source: Hiiraan Online
  19. Shirkadda Twitter ayaa hawada ka saartay akoonno ay Twitter ku leeyihii koox mucaarad ku ah dowladda Iiraan oo ku sugan waddanka Mareykanka iyo taageerayaashooda, kadib markii lagu eedeeyey in ay ku xad-gudbeen shuruucda shirkadda Twitter-ka. Cinwaan uu barta Twitter-ka ku lahaa ururka the Organization of Iranian American Communities oo loo soo gaabiyo OIAC oo ah hay’ad taageerta waxay ugu yeerto “halganka isbadalka dimuqraadiyadda” ayaa la xiray Arbacadii. Akoonkan ayaa waxaa ku tixnaa in ka badan lix kun oo qof. OIAC ayaa ka war heshay in bartoodii Twitter-ka la xiray xilli ay ku guda jireen kulan ay soo agaasintay hay’addu oo ka socday xafiiska golaha senate-ka ee Dirkson ee magaalada Washington, kaasi oo looga hadlaayay waxa ay hay’aadu ugu yeertay “kororka caburinta gudaha iyo gardarrada gobolka ee Tehran.” Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Ted Cruz iyo John Boozman oo ah laba senetaor oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Alex Arzabak oo ka tirsan xubnaha OIAC oo la hadlay laanta Persian eeVOA ayaa sheegay in kooxdooda warbaahinta bulshada u qaabilsan ay ka war heshay in akoonkooda guud ee ururka la xiray xilli ay damacsanaayeen in ay faafiyaan warbixinnada la xiriira kulankaasi. Arbazak ayaa sheegay in ay tahay markii u horreysay ee ay shirkadda Twitter xirto akoonka guud ee OIAC. Arzabak iyo laba haween ah oo kale oo iyana akoonadooda Twitter-ka la xiray ayaa sheegay inaan loo sii sheegin in akoonnadooda la xiri doono iyo iney ku xadgudbeen sharciyada guud ee shirkadda Twitter-ka. PUNTLAND POST The post Shirkadda Twitter oo xirtay akoonno ay leeyihiin koox mucaarad ku ah dowladda Iiraan appeared first on Puntland Post.
  20. Stuttgart (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku gacan seertay guulihii ka dhankaa ahaa Mareykanka ee uu amiirka Al-Shabab Axmed Cumar Abu Cubeydah ku sheegtay muuqaal socday 52 daqiiqo oo uu dhowaan soo duubay. Taliye ku-xigeenka howl-gallada ee taliska Mareykanka ee Africa AFRCOM, Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay in guulihii uu Abu Cubeydah ka sheegtay weerarkii ay dagaal-yahanada kooxda ku qaadeen saldhigga Ballidoogle aysan waxba ka jirin, balse taal beddelkeeda jab weyn lagu gaarsiiyey Al-Shabaab. Castellanos oo warbixin ku qoray shabakadda Military Times, ayaa sheegay in weerarkii dhacay 30-kii September lagu wada dilay dhammaan 15-kii dagaal-yahan ee Shabaabka ahaa ee soo qaaday, kadib markii ay ka hor-tageen ciidmadii Mareykanka ee ilaalada ka ahaa saldhigga. “Waxay lumiyeen noloshooda, hubkooda iyo qalabkooda.” Ayuu yiri Castellanos. “Saddex baabuur oo walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa qeyb ka ahaa weerarka fashilmay, laba ayagaa is qarxiyey inta aysan saldhigga soo gaarin halna waxaa haleelay gantaal lala beegsaday.” Ayuu yiri. Waxa uu sheegay in waxa kaliya ee Mareykanka gaaray ay ahayd hal askari oo miyir doorsamay kadib markii uu ka naxay jugta qaraxa “Tani waa sababta aysan argagixisada u baahin wax muuqaallo ama sawirro ah oo ay ku caddeyn karaan borobogaankooda inay khasaare gaarsiyeen Mareykanka, sababtoo ah ma jiro wax khasaare ah.” Ayuu yiri Brig. Gen. Miguel Castellanos. “Ururada argagixisada waxay inta badan beenta iyo akhbaartan aan saxneyn u baahiyaan si ay u xoojiyaan qorshahooda wax burburinta ku dhisan, uguna dhiiri-geliyaan dagaalyahanada ay qoranayaan. Si gaar ah, tani waxay inta badan dhacdaa marka khasaaraha uu ayaga ku badan yahay, uuna gabalkooda sii dhacayo. Tani waa xaaladda iminka ee Al-Shabaab.” Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay in Al-Shabaab “ay sii wadi doonto inay been baahiso, balse xaqiiqda dhulka ka jirta ay taas ka duwan tahay.” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com