Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb-galay Meertada 74-aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Jamhuuriyadda ee ka qayb galay shirkan ay caalamka la wadaageen xaaladda dalkeenna iyo himilada shacbkeenna ee ku aaddan dib u soo celinta dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, iyagoo sidoo kale soo bandhigay mabaadi’da Dowladda iyo aragtida shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda. “Wafdiga Jahmhuuriyadda ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay ku guuleysteen in ay si cad u hordhigaan Madaxda Caalamka sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in arrinta dacwadda badda ee nagala dhexaysa dalka aan dariska nahay ee Kenya loo daayo Hay’adaha Garsooka Caalamiga ee Qaramada Midoobey.” Sidoo kale, Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda diblumaasiyadeed ee dhismaha Safaaradda Washington ee ay Dowladdu halkaas ka hirgelisay u leedahay dalkeenna iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaalkiisi Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  2. MOGADISHU (HOL) - Al-Shabaab militants Monday launched two coordinated attacks targeting an Italian convoy in Mogadishu and a U.S run military base in the country’s Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb-galay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Soomaaliya ee ka qayb galay shirkan ay caalamka la wadaageen xaaladda dalka, iyagoo sidoo kale soo bandhigay mabaadi’da Dowladda ee arrimaha Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda. “Wafdiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay ku guuleysteen in ay si cad u hordhigaan Madaxda Caalamka sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in arrinta dacwadda badda ee nagala dhexaysa dalka aan dariska nahay ee Kenya loo daayo Hay’adaha Garsooka Caalamiga ee Qaramada Midoobey.” Ayuu yiri Cabdinuur. Sidoo kale, Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda diblumaasiyadeed ee dhismaha Safaaradda Washington ee ay Dowladdu halkaas ka hirgelisay u leedahay dalkeenna iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb-galay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Jamhuuriyadda ee ka qayb galay shirkan ay caalamka la wadaageen xaaladda dalkeenna iyo himilada shacbkeenna ee ku aaddan dib u soo celinta dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, iyagoo sidoo kale soo bandhigay mabaadi’da Dowladda iyo aragtida shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda. “Wafdiga Jahmhuuriyadda ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay ku guuleysteen in ay si cad u hordhigaan Madaxda Caalamka sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in arrinta dacwadda badda ee nagala dhexaysa dalka aan dariska nahay ee Kenya loo daayo Hay’adaha Garsooka Caalamiga ee Qaramada Midoobey.” Sidoo kale, Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda diblumaasiyadeed ee dhismaha Safaaradda Washington ee ay Dowladdu halkaas ka hirgelisay u leedahay dalkeenna iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka. View the full article
  5. Kooxda Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga ciidamada Maraykanku ku leeyihiin garoonka diyaardaha Balidoogle ee gobolka Shabellada hoose. Qaraxyo culus iyo rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha saldhiga ciidanka. Warbaahinta wararka ay helayso ayaa sheegaya in ay dabley hubaysan ay gudaha u galeen saldhigga amnaankiisa aad loo ilaaliyo. Weerarkan ayaa loo adeegsaday labo gaari oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa weerarka lagu qaaday Ballidoogle oo 62km u jira magaalada Muqdisho. Weli lama xaqiijin inta uu le,eg yahay khasaaraha iyadoo weli uu socdo howlgalka. Baraha internetka Alshabab ayaa lagu qoray in Alshabaab ka dagaalamayso gudaha garoonka. Wixii soo kordha kala socda PuntlandnPost The post Breaking news: Alshabaab oo weere culus ku qaaday saldhigga ciidamada Maraykanka ee Ballidoogle appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii qaraxyada ku billowday ee maleeshiyada kooxdaas ay maanta ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose. “Subaxnimadii hore ee saaka, ciidamo gaar ah oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Al-Shabaab ayaa duullaan halyeeynimo ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Balidoogle ee ee gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka oo ku qoran luuqadda English-ka. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Garoonkaan oo ku yaalla qiyaastii 100km duleedka Waqooyiga Galbeed ee Muqdisho ayaa wuxuu hooy u yahay boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka, saraakiil ka tirsan QM, qandaraasleyaal militari iyo diyaaradaha Mareykanka. Sidoo kale waa talis iyo xarun laga maamulo howl-gallada diyaaradaha drone-ka Mareykanka ee Soomaaliya.” Al-Shabaab ayaa qoraalka ku sheegtay in kadib markii ay jabiyeen difaacyada hore ee saldhiggan ay ciidamadeeda dagaal xooggan la galeen militariga halkaas ku sugan, sida qoraalka lagu yiri. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weli uu halkaas ka socda dagaal xooggan islamarkaana ay faha-faahin dheeri ah ay soo saari doonaa saacadaha soo socda. Halkan hoose ka Aqriso Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qaraxyo oo goor dhow lagu qaaday saldhigga Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhiggaasi oo ay dagan yihiin ciidamo Mareykan ah. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in dagaal toos ah uu ka qarxay halkaasi, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa Mareykanka oo dhinac ah iyo raggii weerarka soo qaaday oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. View the full article
  8. Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada (social media) haystay madaxii hore ee amniyaatka kooxda Al-Shabaab, Cabdiwaaxid Khaliif oo loo yaqaan Ciise Tarabuun oo dowlada Kenya sheegtay in uu dalkeeda soo galay. Xalay fiidkii waxaa warsaxafadeed soo saaray Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ay ku sheegtay in Ciise Tarabuun maxkamadi ku xukuntay labo sano oo xabsi ah, uuna soo dhamaystay, lana sii daayay. Haddaba waxaa iswaydiin mudan? 1. Ciise Tarabuun markii la soo qabtay 19-kii June 2017 Wasiirka Amniga XFS wuxuu sheegay in amarkiisa lagu dilay boqolaal mas’uuliyiin dowladeed, saraakiil, askar, ganacsato iyo shacab isugu jira marka sidee labo sano kaliya loogu xukumay? 2. Goormee la go’aamiyay in sidaan loo fududeeyo xukun ciqaabeedka saraakiisha Al-Shabaab ee bixiya amarada dilalka Al-Shabaab fuliyaan, dhalinyaradii ay adeejinayeena ciqaab daran la marsiiyo? 3. Ciise Tarabuun waxaa la soo qabtay 19-kii June 2017, labo sano xabsi ah iyo labo bilood oo la socosho ahna waa soo dhamaystay sida aad sheegteen, July 2019 waa dhoofay. Marka hadii labada bilood ee dheeriga ah loo jaro maalmaha fasaxa iyo munaasabadaha ma 11 beri kaliya ayaa maxkamadayntiisu socotay? 4. Maxkamadaynta saraakiisha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee la soo qabto soo tii warbaahinta dowlada laga baahin jiray, maxaa qudbo siro ka dhigay mida Ciise Tarabuun. Hadii la xukumay, mudadiina uu dhamaystay maxaa loo shaacin waayay kahor intii aysan sheegin dowlada Kenya? Been dal laguma maamuli karo ee dowladnimada yaan la micno tirin. Dalkana cadow loo hodin! Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  9. Explosions from two car bombs are reported to have struck the US Military base at the Baledogle airfield in, Somalia. Multiple Somalian reports say Al-Qaeda affiliated Al-Shabaab fighters have carried out the attack on the base, citing pro-militia media. The airfield is around 62 miles northwest of the Somali capital of Mogadishu. Local reports say the explosions could be heard from cities miles from the airfield. They are reporting a large plume of smoke and the sound of gunfire has been observed at the site, where American troops are based. We’ll be bringing you the very latest updates, pictures, and video on this breaking news story. View the full article
  10. Wararka naga soo gaaraya deegaanka Balli-doogle ee gobolka Shabeeladaha hoose ayaa sheega in goordhow ay Al-shabaab ku weerareen labo qarax. Deegaanka oo ah saldhig militari iyo xarun u ah Mareykanka ayey Al-shabaab ku dhufteen labo qarax oo nooca gawaariga ah. Qof goobjooge ah ayaa u sheegay Goobjoog News in qaraxyada ay kala horeeyeen daqiiqado, kana dhaceen abaabka xerada, 30 daqiiqo oo xabadda socotay kadib, Al-shabaab ayaa la sheegayaa iney u carareen dhanka galbeedka. Al-shabaab ayaa marar badan weeraro xeryaha ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka ee gobolka Shabeelada hoose, laakin waa weerarkan Balli-doogle waa mid noociisa ah. Waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare dhinacyada ah, laakin weli nooma suurogelin in aan helno xog intaa ka badan. Wararkan kala soco Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ka dhacay waddada warashadaha ,gaar ahaan agagaarka kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamo Talyaani ah ka soo ambabaxay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga. Lama oga khasaaraha inta uu la egyahay, basle waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Wixii soo kordha kala soco radioshabelle.com View the full article
  12. Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu ka dhacay Qarax xooggan oo laga maqlay inta badan Degmooyinka Muqdisho. Qaraxa oo loo maleenayo inuu yahay mid ismiidaamin ah ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Talyaaniga ee ku sugan Muqdisho. Qaraxa ayaa lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Talyaaniga oo marayey meel u dhow kuliyadda Jaalle Siyaad ee Jidka Warshaha. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayo inuu gubanayo mid kamid ah Gawaaridii ay wateen Ciidamada Talyaaniga oo kamid ah Ciidamada Midowga Yurub ee Soomaaliya u joogo inay tababar siiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qaraxyo oo goor dhow lagu qaaday sadlhigga ciidamada Mareykanka ee ku yaalla garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Gaadiid laga soo buuxiyey qaraxyo ayaa la sheegay in lagu weeraray saldhiggaasi,kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Marekanka oo garab ka helaya kuwa dowladda ee ku sugan xeradaasi iyo raggii weerarka soo qaaday. Dhawaqa rasaas culus ayaa laga maqlayaa qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka. Lama oga khasaaraha inta uu la’egyahay, balse xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan. Balidoogle ayaa waxaa ku sugan saraakiil Mareykan ah oo tababarayaal ah iyo ciidamo Mareykan ah, kuwaas oo dowladda federaalka ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidanka huwanta ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose. Faah faahinta kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Dawladi waa dad iyo dal leh nidaam iyo cahdi dastuur ah oo ay isku maamulaan, isla markaasna leh xudduud ka soocda dalalka kale, oo ay maamusho xukuummad ugu adeegaysa dastuurka ay ummadu dhigatay ee ay ku heshiisay. Waxaa iyadana qof kasta oo muwaahdhin ah waajib ku ah ilaalinta sharciga, ama ha ahaado mas’uul dowladeed ama qof shacab ah. Amazon Forest ayaa dhawaan laga helay qabiilooyin cusub oo dunida kale aan weligood wax xiriir ah la yeelan, maxaa maskaxdaadu ku siinaysaa markaad maqasho qabiil cusub ayaa hadda la helay?, marka laga soo tago hab nololeedkooda, waxaa ugu horeeya ee aad ka fakaraysaa waxaa weeye sharciga ay leeyihiin sida ay u dhaqmaan iyo weliba qaab dhaqankooda kale ee ay gaarka u leeyihiin, taas waxaan ula jeednaa in dadkan ay leeyihiin nidaam nololeed oo iyaga gaar u ah oo leh xeerar inyo nidaam is maamul oo iyaga u gaar ah oo aysan dadyowga kale ee dunida shaqo ku lahayn. Marka laga hadlayo dalka Soomaaliya ayaa moodaa dadka iyo sharcigu marti isu yihiin oo aysan is fahansanayn ama aysanba is garanayn, dhibtu waxay ka imaanaysaa haddii laba qof ama shay aysan is garanayn, waxay u baahanyihiin cid is barta oo is fahansiisa, cabashada ugu badana waxay ka imaanaysaa sharciga oo waayey cid garab istaagta, malaha sidii waa ay dawladii kacaanku u laashay sharciga 1969!. Magaalooyinka Soomaaliya ayaa waxaa buux dhaafay baabuur gabowday oo tayo ahaanna liita, oo aan la marin wax baaritaan ah, taasi oo ay sii kaabtay xirfad la’aanta darawaliinta iyo waddooyinka oo aad bur bursan, tanina waxay sababtay shilal aan dhamaad lahayn iyo kaalin riix (saxmad) inta badan kugu khasbi karta inaad iskaba dhaafto kaxaynta baabuurta, waana yartahay inaad aragto booliiska waddooyinka oo kala hagaya baabuurta isku xaniban. Tusaale ahaan magaalada Hargaysa ayaa labada waddo ee halbowlaha u ah laga dhigay kuwo dhinac qur ah loo aadi karo (one way) iyadoo lagu yaraynayo kaalin riixa baabuurta,waxaadna arkaysaa hal askari oo xilliyadda rawaxaada shaqada taagan meelaha isgoysyada isagoo siiriga/firinbiga isticmaaliya si aan wax hakad ah u imaan, waxaadna moodaa inkastoo weli xanibaadu jirto haddana in shaqadu socoto, runtii waa yidiilo haddiiba aad aragtid wax shaqaynaya. Waxaa jira ciriir nafsaani ah oo qofka wax fahmi karaa dareemayo in jidadka magaalooyinka iyo baabuurtu kala badan yihiin sharcigii ilaalin lahaana meesha ka maqan yahay. Maamulka Puntland ayaa haddii aad magaalooyin dhex marto aadan inta badan arkayn wax booliiska wadooyinka ah oo shaqaynaya, waxaana la ii sheegay inay shaqeeyaan oo keliya kolka madaxdu socdaalayso ama soo degayaan, waxaana weli marti isu ah darawalka xirfad laawaha ah iyo sharciga loogu tala galay oo ah booliiska waddooyinka. Waxaa si gaar ah tiro badnaanta gaadiidka la ciir-ciiraysa magaalada xarunta ah ee Garoowe, waxaana dhacda in marar badan socodka gaadiidka ay xannibaad ama hakasho weyn oo waqti dheer qaadata ay ku timaado, oo aad ka bixi weydo, iyadoo waliba waddooyin dhowr ah la dhisay, hadana waxaan qabaa haddii la heli lahaa booliiska waddooyinka in xanibaada iyo sharci jibintu inta ka yaraan lahaaayeen. Dadka Deegaanka ayaa ii sheegay in xilligii dawlada C/raxmaan Faroole la soo taba-baray 60-meeyo nin oo ciidamda booliiska wadooyinka ah oo ay lahaayeen talis gaar ah loona kala qeybiyay gobolada, hase ahaatee ay xilligii dawladiisa ka dib aysan hawl gelin, la iima sheegin sabab cad oo ay u shaqayn waayeen, laakiin waxaa dadka qaarkiis qabaan inaysan cid daryeesha iyaga iyo qalabkoodaba aysan jirin layskana ilaaway, dadka qaarkii ayaa qaba in booliiska waddooyinka dhaqan ahaan sidii la rabay aysan u shaqayn una dhaqmin qaybna ay ka yihiin dhibta taagaan. Dhanka dambe koonfur bari ee dawlada Hoose ee magaalada Garoowe waxaa taagan laba askari booliiska waddooyinka ah iyo nin rayad ah oo gacanta ku haysta file xaashiyo ka buuxaan, waxay joojinayaan baabuurta,waxayna weydiinayaan inay bixiyeen canshuurtii dawlada hoose,waxaase xoog ii soo jiitay kolkii mid ah askarta booliisku isagoo isticmaalaya siiriga ul yarna gacanta ku haysta uu isku dayey inuu joojiyo gaari, hase ahaatee gaarigii oo xawaare sare ku socda uu dhaafay! waxaan wediiyey askariga haddii ay haystaan mooto lagu qaban karo baabuurka sharciga jebiyey laakiin ima siin wax jawaab ah waxaana ka muuqatay caro, runtii waxaan aad ugu faraxsanaa inuusan hubaysanyn askarigu, mushkiladuna waxaa weyee askariga meesha taagan waa ilaaliyihii iyo xoojiyihii qaynuunka ninka baabuurka la cararaya iyo sharcigu waa isu marti oo isma yaqaanaan. Askarigu ma haysto qalabkii uu ku qaban lahaa sharci jebiyaha,hubkiina waa iska dhigay sababtoo ah haddii uu waxyeelo gaysto waa dushiisa,oo sharciga shaqeeyaa waa qabiil,waa suurta gal haddii cidi ku dhimato in loo toogto,waxaa sidaas ku dumay sharciga oo aan haysan cid u gargaarta,waxaanu u garba duub ugu xiran yahay dad aan arag sharciga oo awood dowladeed ay si dhab ah u ilaalinayso una haysta in sharcigu magan u yahay Nabad-Doonka!. Tusaalaha kale ee iila yaabka badnaa waxaa uu ahaa inta badan Soomaaliya fiidkii waa la caweeyaa, meeshii nabadi ka jirto ,mudo dhoweyd oo aan sidaas u sii fogayn ayaa waxaa dul maray dabakaayo horteeda lagu cawaynayo nin gaari la ordaya,waxaana uu dhaawacay ilaa laba qof, waxaana isaga oo aan gadaal soo fiirin uu u cararay oo galay saldhigii ugu dhowaa saldhiga uu galayna kama ahayn ilaalinta sharciga waxaa kula cararay cabsi,waxaa yaab lahayd kolkii la ii sheegay in gaariga maalin ka hor loo gaday loona sheegay inuusan wadin,cajiib! waxaa loo gaday shalay caawana waxaa uu dusha ka maray bulsho cawaynaysay, laakiin su,aasha mar kasta aad is weydiinaysaa waxay tahay darawaliinta kale ma yihiin kuwo isaga xirfad dhaama oo sharciga ilaalinaya?. Mid kamid ah Baabuurta burbursan ee waddooyinka mara Waxaa xusid mudan inaad inta badan magaalooyinka ku arki karto baabuur aan lahayn muraayad haadyada iyo weliba tan dhexe,waxaad iyana arkaysaa baabuur burbursan oo aan loogu tala gelin inuu wadada soo fuulo, waa arrin sharciga ka soo horjeeda in gaarigu socdo muraayadahaas la’aantood iyo isaga oo burbursan, waxaa meesha ka maqan hay’adihii darawalka xirfad laawaha ah sharciga ku ilaalin lahaa, maxaa yeelay mar kasta oo booliiska waddooyinku ku joojiyaan waxay ku bari karaan qodob ka mid shuruucda u taal waddooyinka iyo gaadiidka haddiise la waayo booliiska waddooyinka sharciguna waa laalan yahay. Kol haddii la sameeyey waddooyin dhowr ah oo laami ah waxaa imaanaya meelo waddooyinka iska goynayaan,waana meelaha ugu halista badan shilalkuna inta badan ka dhacaan, waxaana inta badan baabuurta lagu kexeeyaa xawaare sare, baqdinta ugu badan waxaa weeye waa tiiyoo aysan jirin wax calaamad ah oo ku tilmaamaysa hadba xaaladda u gaarka qayb kasta oo waddada ka mid ah, sida hoobad, meel dad badan maraan, meel dugsi ah, suuq cagta ku badantahay iyo xawaaraha ku haboon meel kasta, mana kala haraan calaamadaha wadooyinka iyo booliiska taraafikada. Marka aad ka hadasho qodobo noocaan oo kale ah, ama wax uun sharciga ku saabsan waxaa laga yabaa in badan oo bulshada ka mid ahi inay kuu arkaan qof riyoonaya, waxayna aad ula yaabayaan in sharciba laga hadlo,waxaana tani dhiiri gelin kartaa in dad weynuhu si isku mid ah sharciga uga wada tagaan ”deriskaa mar ku diin mar ku dayo marna ka darrow”. Magaalooyinka waaweyn ayaa tiiba waxaa ku filaan lahaa ilaa 50 booliiska waddooyinka ah, dhalin-yaro ah aqoon sare leh, tababar fiican la siiyey mushaar joogto ahna qaata, qalabkooduna uu u dhamays tiranyahay, waxaana ay noqon lahaayeen macalimiin casharo wanaagsan siiya darawal- xumaha baabuurka iska wada ee aan weligii bidix iyo midig midna fiirin. Kaalinta maamulka dawlada Puntland ayaa ahayd inay mar walba isha ku hayso wax yaabaha aasaasiga ah, sida baaxadaha magaalooyinka ee la koraya bulshadooda iyo weliba adeegyada joogtada ah ee gaadiidku iyo waddooyinku ka mid yahiin, waxaana moodaa inay meesha ka maqantahay fahanka khatarta iyo horumarka is garab socda ee arrintani keeni karto. Dawlada Cusub ee hadda uu hogaanka u hayo Mudane Siciid C/llaahi Deni ayaan eeda loo wada xambaarin karin, maadaama hadda ay tahay mid socod barad ah oo aan weli saanta si wanaagsan u qaadin, waxaana aad rajo fiican looga muujinayaa inay shaqo muuqata la imaan doonto haba luudo e’, waxaase xilkasnimo la’aan ah in bulshada Puntland si wada jir ah u arki weydo khatarta baaxadda leh gaadiidku dad iyo deegaanba ku hayo, isla markaana ay yartahay cid xil iska saaraysa. Balse darawal ahaan iyo shacab ahaan adigu ilaalinta sharciga kaalintaadii maka qaadatay?. Xilkasnimo la,aantaada la soco qayta danbe. Abdirazak Yassin Caanogeel PUNTLAND POST The post Xilkasnimo la’aantaada: Aaway kaalintaadii?! (Q2) appeared first on Puntland Post.
  15. Dowladda Kenya ayaa la sheegayaa iney qorsheyneyso dib ugu noqoshada maxkamadda cadliga adduuka ee ICJ si y helaan ilaa May sanadka dambe. Warkan oo ay Goobjoog News ka heshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku shaqada leh kiiska badda ayaa sheegaya in Kenya ay dooneyso in 6 bilood oo kale dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda. Kenya ayaa ku andacooneysa inuu ku yaryahay waqtiga labada bil ah ee loogu daray horraantii bishan September. Bishan ayey aheyd markii ay maxkmadda 12 bil ka codsadeen laakin 2 bil la siiyey si loo dhageysto dacwada 4-ta November 2019. Xogtan oo weli ku kooban diblomaasiyiinta iyo dadka ku shaqada leh kiiskan ee labada dal ayaan ilaa hadda Soomaaliya la soo gaarsiin qoraal ka yimid ICJ oo sheegaya dalabka cusub ee Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda noo sheegtay iney diyaarisay jawaab ku haboon damaca iyo codsiga Kenya hadiiba ay warqad ka helaan ICJ, Muqdisho waxaa ay maxkamadda ICJ la wadaagi-doontaa sida Nairobi uga meermeerineyso tagista maxkamadda iyo in aaney daacad ka aheyn cudur-daaradda ay sheegeyso. Warar kale oo ay heshay Goobjoog News ayaa sheegayaa xogheyaha Qaramada Midoobey Guterres oo New York kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdigiisa uu ku cadaadiyey in kiiska badda laga soo celiyo ICJ oo lagu dhameeyo wada hadal, taasi oo muujineysa sida Kenyaanka ay ugu dadaalayaan in meel walbo ay gaaraan si looga hortago dhageysiga dacwada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya mudane Cabdi Casiis Lafta gareen iyo maamulaha Koonfurta iyo badhtamaha ee shirkadda Dahabshil Goup mudane Xassan Cabdi Cawad ayaa goobjoog ka ahaa axaddii xaflad ay shirkadda Dahabshiil ku daahfurtay dhismaha ugu quruxda badan Baydhabo, iyada oo ay labada mas’uul xariga ka jareen. Maamulka Shirkadda Dahabshiil oo arrinkaas kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dhismaha uu noqon-doono xarunta guud ee shirkada ee Baydhabo isla markaana laga heli doonno dhammaan adeegyada shirkada Dahabshil Group sida adeegyada Bahabahil Bank ee maali gelinta waaweyn iyo kuwa yaryar, sidoo kale adeegi xawaalada iyo isgaadhsiinti oo casriya sida Internetki guryaha iyo 4G sidoo kale 3G. Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed oo goobta ka hadlay ayaa shirkadda Dahabshiil uga mahadceliyey kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka ay umadda somaliyeed kusoo kordhisay gaar ahaana dowlad foboleedka Koonfur Galbeed halka gudoomiyaha baarlamaanka Cabdikadir Shariif Sheekuna Maye oo isna khudbeeyey uu ka hadlay doorka ay hoggaamineed ee Dahabshil ay ka qaadatay horumarka KGS iyo Maalgelinta ay ka bixisay iyo sida ay kor ugu qaadayso ganacsiga KGS . Ugu dambeyntii, waxaa xafladda ka hadlay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdi Casis Lafta-gareen isaga oo ugu horayn Dahabshil uga mahadceliyay inay Baydhabo ka dhistay dhismihii ugu quruxda badnaa, sidoo kale uu soo dhoweeyay adeega Microfinance ee ganacsiyada yaryar kor loogu soo qaadayo. Shirkadda Dahabshiil oo ka tirsan shirkadaha ganacsi ee ugu weyn dalka ayaa waddo isbalaarin xoogan, iyada oo mar walbo deegaannada dalka geysa adeegyo ay dadka ka faa’idaan, ugana kaaftoomaan safar dheer. Sawirrada Xarunta Dahabshiil ee Baydhabo
  17. Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa magaalada Garowe tababar uga furay laamaha garsoorka, laamaha Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan, tababarkaan ayaa casharada la qaadanayo waxaa ka mid ah hab cusub oo ay dowladda federaalka u bixin doonto warqadda dhaawac muujinta ee Rifeertada . Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa xusay warqadda dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha Booliiska inay saamayn wayn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo. Md. Axmed Cali Daahir wuxuu intaasi raaciyay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu gaystay qaab qaldan oo loo adeegsaday Warqadaha dhaawac-muujinta(Rifeetooyinka), iyadoo ay masuul ka yihiin xarumaha laga bixiyo, dhanka kale waxaa uu xusay ka dib tababarkaan in uu rajaynayo in uu wax badan ka badalo aqoonta iyo Xirfadaha Garsoorayaasha, Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan ee dalka. Xeer ilaaliyuhu wuxuu xusay in dowladda federalka ee Soomaaliya ay dhammaan xarumaha Booliiska Soomaaliya gaarsiindoonto Rifeertooyin aan waxba laga badali karin, la koobiyayn karin, islamarkaana numberaysan oo lagu qoridoono xogta dhibbanaha. Wuxuuna kula dardaarmay in looga baahanyahay Laamaha Garsoorka Puntland in ay noqdaan kuwo aamin ah,isla markaana ka madax bannaan qabyaaladda,eex iyo nin jeclaysi oo uu sheegay in ay tahay waxa dumiyay garsoorka dalka. View the full article
  18. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray xarumaha wasaarahaha Haweenka, warfaafinta iyo kalluumeysiga iyo dekadda Muqdisho, si uu ugu kuur galo hannaanka ay u socdaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan. Sedaxda wasaaradood ee Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray, ayuu ugu tegay howl-wadeenno ku jira shaqooyinka qaranka, waxa uuna ka xog wareystay xaaladda shaqo, isaga oo kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sidoo kale kormeeyay dekadda Muqdisho, ayaa Maamulka dekadda iyo taliska Booliiska dekadda ka xog wareystay shaqada, caqabadaha la soo gudboonaada iyo qorshayaasha horumarinayo dekadda, si sare loogu qaado adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u heyso. Kormeerka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khare, ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta, loogana dhabeeyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. View the full article
  19. Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa markale ergo ka mid ah kuwii wax soo doortay xildhibaanada baarlamaanka Somalia ku soo bandhigay deegaanka Bullo Fulaay oo ka tirsan gobolka Baay. Al-Shabaab ayaa tirada ergadan ku sheegtay 76 xubnood, iyadoona soo bandhigtay sawirradooda. Sidoo kale waxa ay sheegtay in Odayaashan ay ku jiraan kuwii soo doortay, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) guddoomiyihii hore ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Munaasabadda lagu soo bandhigay ergada ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Al-Shabaab oo khudbado ka jeediyey halkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii 51 ergo ah lAl-Shabaab ay ku soo bandhigtay degmada Bu’aale ee xarunta maamulka Jubaland. View the full article
  20. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya mudane Cabdi Casiis Lafta gareen iyo maamulaha Koonfurta iyo badhtamaha ee shirkadda Dahabshil Goup mudane Xassan Cabdi Cawad ayaa goobjoog ka ahaa axaddii xaflad ay shirkadda Dahabshiil ku daahfurtay dhismaha ugu quruxda badan Baydhabo, iyada oo ay labada mas’uul xariga ka jareen. Maamulka Shirkadda Dahabshiil oo arrinkaas kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dhismaha uu noqon-doono xarunta guud ee shirkada ee Baydhabo isla markaana laga heli doonno dhammaan adeegyada shirkada Dahabshil Group sida adeegyada Bahabahil Bank ee maali gelinta waaweyn iyo kuwa yaryar, sidoo kale adeegi xawaalada iyo isgaadhsiinti oo casriya sida Internetki guryaha iyo 4G sidoo kale 3G. Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed oo goobta ka hadlay ayaa shirkadda Dahabshiil uga mahadceliyey kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka ay umadda somaliyeed kusoo kordhisay gaar ahaana dowlad foboleedka Koonfur Galbeed halka gudoomiyaha baarlamaanka Cabdikadir Shariif Sheekuna Maye oo isna khudbeeyey uu ka hadlay doorka ay hoggaamineed ee Dahabshil ay ka qaadatay horumarka KGS iyo Maalgelinta ay ka bixisay iyo sida ay kor ugu qaadayso ganacsiga KGS . Ugu dambeyntii, waxaa xafladda ka hadlay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdi Casis Lafta-gareen isaga oo ugu horayn Dahabshil uga mahadceliyay inay Baydhabo ka dhistay dhismihii ugu quruxda badnaa, sidoo kale uu soo dhoweeyay adeega Microfinance ee ganacsiyada yaryar kor loogu soo qaadayo. Shirkadda Dahabshiil oo ka tirsan shirkadaha ganacsi ee ugu weyn dalka ayaa waddo isbalaarin xoogan, iyada oo mar walbo deegaannada dalka geysa adeegyo ay dadka ka faa’idaan, ugana kaaftoomaan safar dheer. Sawirrada Xarunta Dahabshiil ee Baydhabo: Source: goobjoog.com
  21. Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey Soomaalida iyo Canfarta uu ka dhacay halkaasi. Dagaaalka ayaa yimid, kadib markii koox ka tirsan Canfarta ay weerar gaadma ah ku soo qaadeen Soomaali xoolo dhaqato ah oo ku sugneyd deegaanka Alaale oo hoostaga maamulka Jigjiga. Ugu yaraan 14 Qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in deegaanka Alaale ay la wareegeen Canfarta, halkaas oo horay ugu sugnaayeen xoolo dhaqato. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo la xariira dagaalkaasi. Xaaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona xiisad u dhexeysa Soomaalida iyo Canfarta laga dareemayo halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
  22. Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xalay howlgalllo ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Howlgallada oo ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qab qabteen dad u badan dhalinyaro. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey baaritaanadaasi. Xuseen Cali Maxamed ayaa shaaciyey in howlgalladan lagu soo qab qabtay ku dhowaad 20 qof oo lala xiriirinayo falalka ammaan dari ee xilliyada habeenkii ka dhaca gudaha magaalada Boosaaso. Ammaanka Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, iyadoona cabasho ay ka soo yeeray shacabka magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-30092019-sax.mp3 View the full article