Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Staurt Brown, Wakiilka Xafiiska Dowladda UK ee Somaliland ayaa markii u horeysay ka deyriyay xaaladaha ay deegaanada Somaliland kaga howl-galaan suxufiyiinta madaxa banaani. Brown ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay caadeysatay xadhiga suxufiyiinta madaxa banaan ee ka howl-gala deegaanadeed, taasi oo wiiqeysa awoodii xoriyatul qowlka ee warbaahinta. Wakiilka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inay wax adag tahay ama halis ah in gudaha Somaliland uu ka howl-galo, isla markaana ka shaqeeyo suxufigu. Wakiilka xafiiska Dowladda UK ee Somaliland, Staurt Brown ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna ku yiri “In aad suxufi halkan (Somaliland) ka ahaataa waa arrin adag”. “Xadhigguna wuxuu ka noqday wax la caadaystay gudaha Somaliland” ayuu sii raaciyay Staurt Brown, Wakiilka Xafiiska Dowladda UK ee Somaliland. Wuxuuna ku soo gaba-gabeeyay hadalkiisa “Hay’addo badan oo warbaahineed ayaan lahayn tayo tifaftirnimo, hab-dhaqanka suxufi ee liita ayaana wiiqaya xirfadda (warbaahinnimo)”. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa inta badan waxa lagu eedeyaa mid si ula kac ah u beegsata suxufiyiinta madaxa banaan ee ka howl-gala deegaanadeeda, kuwaasi oo si sharciga baal marasan xabsiyada ugu gurta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. The European Union (EU) and its partners have not refunded Kenya a coin for its troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia in the three months to September, latest Treasury statistics show. The Treasury estimates show that Kenya will, in the year starting July, be demanding Sh5 billion -the least reimbursement from the EU compared to the past five years. The budget for the African Union Mission in Somalia (Amisom) is set to fall further in subsequent years with the gradual withdrawal from the Horn of Africa country. The 28-nation EU, the largest contributor of funds to the Amisom through the African Peace Facility, in April pledged to continue supporting the mission’s programmes and activities in financial year 2019/20. The funds cater for allowances for the Amisom troops and police, international and local civilian staff salaries, operational costs of their offices, among others. Over 4,000 Kenyan soldiers are part of the Amisom presently headed by Ethiopia’s Lt Gen Tigabu Yilma Wondimhunegn. The international community pays $1,028 (Sh103,728) for each soldier per month. Their respective governments then deduct about $200 (Sh20,180) for administrative costs, meaning the soldiers take home about $800 (Sh80,722). The soldiers receive the funds through the Kenyan government. In the past, delay in reimbursement of the money has been linked to the UN’s insistence on proper verification of Kenya’s claims. In October 2011, the country formally sent 4,660 soldiers to Somalia after incessant attacks and kidnapping by Al-Shabaab militants within its territory. A year later, the UN Security Council gave Kenya the green light to join African Union Mission to Somalia (Amisom), a decision that meant the Treasury would not bear the full costs of the incursion. Source: Business Daily Africa
  3. Muqdisho (Caasimada Online ) – Iyadoo mudooyinkii dambe Warbaahinta qaar iyo mucaaradka dowladda ay baahinayeen warar ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay cayrisay qareenadii difaacayay Soomaaliya ee gacanta ku hayay kiiska badda, ayaa waxaa dowladda ka soo baxday jawaab ku aadan hadal heyntaas. Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi oo ka hadlay arinkaas ayaa sheegay in aysan jirin loo yarro la eryay, isla markaana looyarrada hadda gacanta ku haya kiiska badda ay yihiin kuwii lagu bilaabay. Inta badan dadkii ka hadlayay arinta looyarrada la ceyriyay ayaa ku hal qabsanaayay gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Muna Sharmaan, taas oo ka mid aheyd qareenada Soomaaliya ee lagu bilaabay difaaca kiiska badda Soomaaliya, taas oo ay sheegayeen in ay ceyrisay dowladda federaalka. Danjire Cali Saciid Fiqi oo ka jawaabayay arinta gabadhaas iyo looyarada kale ayaa yiri, “Muna Sharmaan waa gabar Soomaaliyeed kiiska maalintii uu soo bilaawday ilaa goor dhaw ayey ku jirtay, muddo laga joogo 4 bilood ayey lasoo xariirtay Madaxweynaha, waxayna ku tiri waan ka cudur daaranayaa sii wadidda kiiskaan, waxaan shaqo ka helay Bank Aduunka sidaas ayaana lagu fasaxay, marka Muna waxay naga istaahishaa in loo abaal gudo in laga faafiyo waala ceyriyana ceebay nagu tahay”. Mar uu ka hadalayay looyarrada kale ayuu yiri Danjire Fiqi, “Tan la leeyahay looyarro cusub ayey dowladdu qoratay waa been, waa kuwii maalintii ugu horeysay ee 2014-kii aan kiiskaan u qoranay, waana kuwii soo qoray dacwadda, waxa dhimana waa dhageysi oo kaliya wax dambe oo la qoraayo ma jiraan, fadhigii ugu dambeeyay ee Maxkadda ayaa looga dhawaaqay, marka umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay arinta Maxkamadda ee la siyaasadeynaayo yeysan idin niyad jabin go’aanka oo kaliya ayaa noo dhiman kaas oo lagu dhawaaqi doono 8 ilaa 12-ka June ee sanadka soo socda ee 2020-ka”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdiaho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa albaabada isugu dhiftay xarun la sheegay in lagu sameyn jiray Dukumintiyada been abuurka ah, taas oo ku taalay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho. Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in xabsiga ay u taxaabeen dadkii ka shaqeysanayay xaruntaas in kasta aan la shaacin tirada dadka lagu qabtay falkaas. Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-alle oo goobta tagay ayaa sheegay in xaruntaas lagu sameyn jiray Dukumintiyada been abuurka ah, sida warqadda dhalashada iyo sugnaanta ee laga bixiyo xarunta dowladda hoose ee Xamar. Isaga oo goobta kula hadalay warbaahinta ayuu sheegay in ay jiraan xarumo kale oo suuqaasd madow ku shaqeeya, balse uu maamulka gobolku daba gal ku sameyn doono cidii lagu qabtana sharciga la hor keeni doono. Halkaan ka dhageyso Codka: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/Maamulka-gobolka-Banaadir-oo-xiray-xarun-lagu-sameynayay-ducomentiyo-been-abu.mp3 Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-21102019.mp3 View the full article
  6. Kacaankii Soomaaliya waxaa uu dhacay October 21, 1969-kii, waxaa hor-kacayey Jaalle Mohamed Siyaad Barre iyo Golaha sare ee Kacaanka, Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke. Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah ilaaladiisa October 15, 1969, Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka, 5 Maalin kadib dilka madaxweynaha waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Siyaad iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21- sano. Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikhyo badan ayaa noo sheegay in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen. Cali Berdura waxaa uu yiri”Haa, waxaa jirtay inay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidlo ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo markii dambee gacantooda ku sababsaday….Siyaad Barre waa i xiray, xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday, Kacaan-diid ayaan ahaa Adeer…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer”. Waxaa habeenkaas xabsiga la dhigay Madax badan oo ay ugu horeeyaan Madaxdii hore ee SYL( Sheekh Mukhtaar oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Madaxweynihii hore Aden Cadde) iyo rag kale, Golihii Wasiirada, Xildhibaano iyo qaar Xukunkii SYL waxaa lagu xiray Beerta Sheekh Za’id ee Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose. Waxaa La Mamnuucay Axsaabta, isu soo baxyada iyo xitaa shirarka gaar ah, waxaana dalka lagu soo rogay Nidaam adag oo dadka xakameeyo. Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ah ayey uga faa’ideysteen saraakiishii dalka inqilaabka ka dhigtay, sida uu Barnaamijkan u sheegay Fanaanka Caanka ah ee Axmed Naaji Sacad. Axmed Naaji ayaa nooga sheekeeyay wixii dhacay habeenkii dalka Kacaanka ka curtay ee October 21, 1969-kii, Naji Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isaga gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan Istuudiyaasha Radio Muqdishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad, habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah. Marka hore Kacaanka waxaa uu la wareegay Radio Muqdishu kadibna Baarlamaanka qaranka iyo Xildhibaanada oo la dhihi jiray xiligaas Dipitaalayaal. Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac habeenka Kacaanka ayaa lagu soo garaacay guriga, Waxaana loo waday dhanka idaacadda, inta uu waddada sii socday, Saraakiishii wadday iyo kuwa wadada jooga waxay la isku afgaranaayey waa Qurac, Qansax iyo erayo kale oo la mid ah. Markii la geeyay idaacadda Axmed Naaji waxaa uu halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo iyagan hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali Suglle, halkaas ayaa loogu sheegay dhamaantood in uu Kacaan dalka dhashay, loona baahan yahay in ay dadka wacyi galiyaan. Fanaaniinta ayaa halkaas ku qoray Heestii ugu horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay Sameeyeen Cali Sugulle iyo Axmed Naaji, waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday, Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii” Heestaah oo ay xifdinayeen ilaa 6-da subaxnimo xiligaas oo Idaacadda soo gali jirtay, waxaa kaloo uu noo sheegay in Habeenkaas xitaa la soo afduubay wadaadkii Quraanka ku furi jiray Idaacadda ee Sheekh Maxamed halka Wariye lagu magacaabo Cabdullahi uu warka ku furay Idaacadda subaxdaas. Idaacadda halkii laga dhihi jiray”Halkani waa Radio Muqdishu Codka Jamhuuriyadda, Waxaa lagu badalay halkani waa Radio Muqdishu Codka Umadda Soomaaliyeed”. Waxyaabaha lagu amray Wariyaasha waxaa ka mid ahaa in maalintaas aanay shaqaalaha dowladda shaqo u soo bixi Karin, Waxaa kaloo Idaacadda laga sheegay in Police aanu socon Karin waddada oo Ciidanka Militariga kaliya socon karaan. Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda. Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda. Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka. Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale. Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay. Hadaba Maxaa Lagu Xasuustaa Jaalle Siyaad: September 1970: Maxamed Siyaad Barre Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta. October 20, 1970: Jaalle Siyaad Barre ayaa sheegay in Soomaaliya noqotay Socialist State. May 5, 1971: Siyaad Barre waxaa uu xiray raggii ugu sareeyay Kacaanka sida General Salad Gabeyre oo ahaa ku xigeenka Maxamed Siyaad iyo aabihii Kacaanka, Waxaa kaloo la xiray General Maxamed Ainanshe, Labada nin waxaa laga saaray Golaha sare ee Kacaanka, waxaa sidoo kale laga dhigay dhamaan garaadihii ay heysteen markii dambana waxaa labadooda lagu toogtay Scoula Polisaia”. January 21, 1971: Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga. Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 qof oo ah xeeldheerayaal Afafka ah iyo labo lataliye, Muddo 22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey Buugaagta Dugsiga dhexe xarfaha higgaadda Af-Soomaaligu oo ka kooban 5 Shaqal iyo 21 Shibbane. Ololihii Hor-umarinta reer Miyiga, waa tilaabo kale uu Siyaad Barre iyo maamulkiisa ku guuleysteen in Macaliinta xiliga fasaxa loo diro miyiga si dadka wax u baraan, waxaa kaloo laga faa’ideystay ardayda, Fanaaniinta iyo cid kasta oo aqoon leh, Barnaamijkan oo guuleystay waxaa uu dadka baray in ay wax qori karaan, waxaa uu sidoo kale hoos u dhigay Umminimada. 1974: Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda sanadkii 1974-tii, isla sanadkaan Waxaa uu Madaxweyne Barre uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika, Shirka Madaxeedka Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Muqdishu. January 11, 1975 Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa soo saaray Xeerla Qoyska(New Family Law) kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid go’aankiisa 23 January 1975. Golihii sare ee Kacaanka, Waxaa 1976-dii ayaa isku badalay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku dayey in ay is waafijiyaan Diinta dalka oo Islaam aheyd iyo aragtidan Shuuciyadda iyo hantiwadaaga. July 1977: Waxaa uu dagaal dhex maray dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay. April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. May 1988, Dad badan ayaa lagu dilay magaalada Hargeisa, reer Hargeisa waxaa ay ugu yeeraan Xasuuq, dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dhibkaas, ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. May 15, 1990: Rag lagu qiyaasay 114 qof oo isgu jira Culimaa’udiin, Ganacsato iyo Siyaasiyiin oo loo yaqaanay (Manifesto Group) ayaa Maxamed Siyaad u soo jeediyay in xilka isaga dago taas oo ku gacan seyray. Maxamed Siyaad Waxaa la dhihi jiray Guulwade, Jaalle Siyaad iyo ereyo kale oo ku tusinaya in uu dadka sareeyo, dadka waxaa looga dhigay in uu yahay aabaha guusha, Waxaa uu jeclaa in aabo u noqdo hor-umar kasta oo dalka ka dhacaya, dhismo kasta oo maanta dalka waxtar u leh dhismayaal dowladeed, Dekado iyo Airportiyo, Jidad, isbitaalo, Jaamacado, Warshado, afka la qoro, wax walba isagaa ayaa bilaabay isla markaana dhameeyay. Ugu Dambeyntii Jaalle Maxamed Siyaad Waxaa uu dalka isaga baxay January 27, 1991-kiikadib markii Caasimadda Muqdisho kala wareegeen Jabhaddii USC, Barre waxaa uu Magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Nageiria halkaas uu ku sugnaa ilaa uu ka geeriyooday January 2, 1995 magaalada Lagos ee dalka Nigeria. Xigasho: Goobjoog News
  7. (SLT-Buuhoodle)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Oo La Soo Dhaweeyey Buuhoodle, halkan hoose ka Daawo Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa war ka soo saaray doon xalay ku dagtay xeebaha magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ee xoogga dalka. Ciidamadaas ayaa badankood badda laga soo badbaadiyay, balse afar ka mid ah ayaa weli la’yahay. Al-Shabaab ayaa sheegay in iyagu ay ku qaadeen weerar badgal ah, kadib markii ay ka war heleen in doontaas ay ka soo baxday magaalada Muqdisho kuna jeedo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose. “Xarakada ayaa weerar badda gunteeda ah ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan DF xilli ay doon ku safrayeen, waxaa noo suurta gashay in baasuukayaal aan lahelno doonta, taas oo sababtay in ay rogmato” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay maleeshiyada Al-Shabaab. Wararka ayaa intaas ku daraya in doontan degtay lagu weeraray inta u dhaxaysa deegaanka Jaziira iyo magaalada Marka. Doonta oo dagtay saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa la sheegay in laga badbaadiyay ilaa 13 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October iyo taliya militeriga Soomaaliya ee aaga degmada Marka. Ilaa afar askari oo ka tirsanaa ciidamada ay la degtay doonta, 20 qori oo AK 47 ah, labo BKM (Dabajeex) iyo doontii ayaa lagu waayay badda, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/Hoose iyo saraakiisha ciidanka oo ku aadan in meel lagu sheego labadaas askari nolol iyo geeri toona. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Nairobi (Caasimadda Online) – Midowga Yurub ayaa mar kale dib u dhigay magdhow la siin lahaa Ciidamada Kenya ee qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya. Midowga Yurub iyo deeq bixiyaasha kale ayaa dib u dhigay magdhowga Ciidamada Kenya muddo seddex bilood ah kuwaas oo dagaal kula jiro Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Soomaaliya. Lacagtaan ay dib u dhigeen Midowga Yurub iyo deeq bixiyaasha kale ayaa la sheegay inay Dowladda Kenya codsaneysay illaa Bishii July sida laga soo xigtay Hantidhowrka guud ee dalka Kenya. Lacagtaan oo Magdhow ahaan loo siinayo Dowladda Kenya ayaa ah waxyeelada ciidamadeeda kasoo gaaray dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Lacagtaan ayaa gaareyso ilaa 48 kun oo Dollarka Mareykanka ah, waana khasaarihii Ciidamada Kenya kasoo gaaray dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan mudadii Shanta sano aheyd oo ay ku sugnaayeen Soomaaliya. Midowga Yurub ayaa horey uga shakiyey tirada ay Dowladda Kenya sheegtay inay kaga dhinteen howlgalka AMISOM, waana sababta ugu weyn ee keentay inay dib u dhacaan lacagahaan magdhowga ah. Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu sheegay ilaa 4 kun oo Askari oo inta badan ku sugan deegaanada uu ka taliyo Maamulka Jubbalanad ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. 28-ka waddan ee Midowga Yurub, oo ah kuwa ugu badan ee lacagaha ku deeqo AMISOM iyada oo loo marayo Xarunta Nabadda ee Afrika, ayaa bishii Abriil ballan qaaday inay sii wadi doonto taageeridda barnaamijyada howlgalka iyo howlaha sanadka maaliyadeed ee 2019/20. Miisaaniyadda howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa lagu wadaa inay hoos u dhacdo sannadaha soo socda iyadoo si tartiib tartiib ah Ciidamada AMISOM looga saarayo dalkaan dhaco Geeska Africa. Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa Bishii mushaar ahaan loo siiyaa illaa $1,028, waxayna Dowlahooda ka jartaan 200 oo Dollar taasoo ka dhigan in Askari kasta uu helo 800 oo Dollar oo nadiif ah. Ciidamada Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu wareejiyo guud ahaan Amniga Soomaaliya maadaama uu qorshaha yahay in Ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya sanadka 2021. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 84 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Wuxuu xeeriyey: Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, waxayna kala yihiin: B. Wasiiru-Dowleyaal: 1. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. 2. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha. 3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. 4. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. T. Wasiir Ku-xigeeno : 1. Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta 2. Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 3. Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada. 4. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMAAD View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-21-10-2019-SX.mp3 View the full article
  12. (SLT-Canada)-Doorashooyinka guud ayaa ka dhacaya dalka Canada maanta, iyadoo ra’yiga laga qaaday dadweynaha ay muujinayaan in ra’iisul wasaare Justin Trudeau uu wajahayo loolan adag. Codadka ra’yiga ee doorashada ka hor ayaa muujiyey in Ra’iisul Wasaaraha talada haya Justin Trudeau oo hoggaamiya Xisbiga Afkaartiisu Furan tahay ee Liberal-ka iyo hoggaamiyaha xibsiga muxaafidka Andrew Scheer ay aad isugu dhow yihiin. Caafimaadka iyo is-beddelka cimilada, shaqooyinka iyo arrimaha qaxootiga ayaa ka mid ah qodobada ay aadka u danaynayaan shacabka ee codadkooda ay ku salleynayaan. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland oo dood adag ka yeeshay xaalada dalka ayaa eedaymo culus u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is alarmed by the decision of Puntland Regional State of Somalia to bring criminal charges against journalist Ahmed Sheikh Mohamed (Tallman). Following his arrest on 17 October by Puntland Police, Ahmed Sheikh Mohamed, former managing director of Radio Daljir, appeared in Nugal Regional court to face criminal charges under Somalia’s Penal Code in retaliation of a news report by Radio Daljir regarding a prisoner who died after Puntland police tortured the prisoner, according to journalists and family members. Ahmed is accused of defaming the police, endangering security and undermining the authorities of law enforcement. The lawyers representing Ahmed Sheikh had requested the time to review the charges as they were only given the charge sheet in the courtroom. In a brief court session, the presiding judge postponed the preliminary hearing to Thursday, 24 October 2019. But the judge refused an application to release the journalist on bail. On 28 September 2019, Puntland’s Supreme Military Court had dropped a case against Ahmed Sheikh Mohamed and apologised about its “misguided and intimidating” notice of summoning to him. On 2 October, Ahmed was again summoned at Crimes Investigations Department of Puntland Police in Garowe where he was again interrogated. “Media freedom is serious under attack in Puntland and journalist Ahmed Sheikh Mohamed found himself in the dock on trumped-up charges accused of defamation or endangering national security or undermining the government and the authorities. Puntland authorities must provide a fair and transparent legal process. We call on the local court to drop the charges against Ahmed Sheikh Mohamed immediately and allow him to work without fear of reprisal,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. Former managing director of Radio Daljir, Ahmed Sheikh Mohamed (Tall Man) NUSOJ says Somalia’s regional administrations have recently emerged as the chief culprits of media freedom oppression. Puntland and Southwest State routinely summon, arrest, and intimidate journalists in an effort to simply silence their reporting as their journalistic work is regarded by the local authorities as “offensive” or “criminal” to the regional administration. “It’s time for an end to this heightened oppression. We cannot hope to make freedom of expression a truly protected human right in Somalia without an end to judicial intimidation of journalism and attacks on media freedom,” stressed Osman. The union is further alarmed by the increased use of Somalia’s old, outdated and draconian criminal law to punish independent journalists. NUSOJ once again calls for the urgent review of criminal law to de-criminalise freedom of expression. ENDS View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay kulan ay la qaateen wafti ka socda beesha caalamka, muran ka taagan xubnaha guddiga doorashooyinka cusub iyo qabsoomida doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Mombasa)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay u isticmaali doonto dekeda Lamu inay ka dhoofiso shidaalka gobolka Turkana, inkastoo uu hore u sheegay in dawaddiisu ay samayn doonto qorshayaal lagu dhisayo kaabayaasha shidaalku u baahan yahay iyo Warshad sifaysa shidaalka. Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wakhti xaadirkan sheegay in shidaalka Kenya la dhoofin doono isaga oo qaydhin, taas oo macnaheedu tahay inaan wakhtigan waxba uga qorshaysnayn dalkiisu inuu dhiso meelo lagu sifeeyo shidaalka. “Lamu waxay noqno doontaa meesha ugu baaadhan ee dekeda ugu cusub xeebaha Bariga Afrika, waxaana bilaabmay hawlaha iyo dedaalada dhoofinta shidaalka iyo marinka maraakiibta shidaalka qaadaysa,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Kenya Mr Kenyatta oo ka khudbadaynayey maalinta qaran ee loo yaqaano Mashujaa oo lagu dabaal dagayey Mombasa. “Waa inaynu taageerna suuqa weyn ee ganacsiga oo aynu filayno inuu soo jiito maalgashadaa iskaga kaa yimaada aduunka oo dhan oo dhaqaale farabadan iyo shaqo abuur tiro badan ay dadkeenu ka heli doonaan.” Ayuu yidhi Madaxweynaha daka Kenya, waxaanu intaasi ku daray in dakada Lamu ay wadato yididiilooyin ah inay isku xidho Koonfurta Sudan, Ethiopia iyo iyadoo la dhisi doono jidad waaweyn oo dalalkaasi Kenya ku xidha. Source
  17. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa uu ku magacaabay Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 84 oo kuna taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, wasiiru-dowleyaal iyo wasiir ku-xigeeno cusub kuwaas oo ku soo biiraya Xukuumaddiisa. Xeerkaan uu soo saaray Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni laguna magacaabay wasiiru-dowlayaasha iyo wasiir ku -xigeenada ayaa lagu yri. Madaxweynaha markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad. markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Wuxuu xeeriyey: Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda DPuntland, waxayna kala yihiin: Wasiiru-Dowleyaal: Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Wasiir Ku-xigeeno : Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Mahadaay (Caasimadda Online) – Qaar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta howlgal qorsheysan ku dilay Guddoomiye gobol oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladiisa. Howlgalkaan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe. Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in ay ciidamadu ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo amiirkii Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada Dhexe. Kabtan Cali Yuusuf Macallin oo ah Taliyaha Ururka 65-aad, guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalkaas uu u dhacay sidii loo qorsheeyey. Wuxuu sheegay inay dileen Guddoomiyihii deegaankaas u qabiilsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Shariif Maxamed Abuukar iyo dagaalmayaal kale. Taliyaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka uu si gaar ah u fuliyay howlgalkaas, kaddib markii uu weerar ku qaaday saldhigga deegaankaas ay ku lahaayeen Al-Shabaab, isagoo halkaas ku dilay madaxii ugu sareeyay iyo dagaalamayaal kale, halka uu weerarkaas ku dhaawacay kuwo kale. Ilaa hadda ma jiro illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada Taliye Kabtan Cali Yuusuf Macallin, sidoo kalana welina weerarkaan ma aysan ka hadlin Al-Shabaab. Maalmihii dambe Ciidamada Dowladda ayaa waday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, waxayna ku guuleysteen inay Al-Shabaab kala wareegaan goobo badan oo ay horey ugu sugnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah gaar ahaan Milatariga ayaa barqanimadii maanta waxaa uu wiil dhalinyaro ah uu ku toogtay degmada Ceelbaraf ee gobalka Shabeellaha Dhexe ee hoos timaada dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Wiil dhalinyada ah ee lagu dilay Ceelbaraf ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhalinta sida aadka ah looga yaqaano uguna firfircoon dhalinyarada deegaanka, waxaana lagu magacaabi jiray Cabaas Axmed Kaneeco. Sidoo kale wiilka ayaa la sheegay in uu dalawal u ahaa Aabihii oo ka mid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaano degmada Ceelbaraf iyo deegaanada kala duwan ee gobalka Shabeelaha dhexe ee Hirshabeelle. Dhanka kale waxaan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidama Milatariga oo uu ka tirsanaa Askariga dilka u geystay marxuum Cabaas Axmed Kaneeco, shacabka ayaana siweyn u hadal haaya dilka dhacay. Ciidamada dowladda federaalka ah qeybahooda kala duwan ee Booliska iyo Militariga ayaa marar badan waxaa ay dilal u geysteen dad shacab ah, waxaana jirin dadaal lagu joojinaayo ama lagu xakamaynaayo dilalka nuucaas ah oo mar waliba ay wajahaan shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi KULMIYE ayaanu wada ahayn isagoo Guddoomiye ku-xigeen ah isago Guddoomiye ah iyo isagoo aan labada midna ahayn. Waligii arrin KULMIYE dhexdiisa uu ka doonay kamuu tanasuulin ilaa wax kale loogu badalay. Madaxweyne ku-xigeen inuu u noqdo Siilaanyo ayuu doonay, 2 sanno markii la baryaayay ee la laha laba Nin oo Isaaq ahi iskuma xigi karaan waxa lagaga fur furay in la siiyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga oo aanay cidna kula tartamin. Waa halkay ku kala gureen Mujaahid Ibaraahim Dhego-wayne iyo Maxamed Kaahin oo Abti iyo saxiib isku dhaw aha . Muuse Biixi ayaa Axmed Siilaanyo ku xujeeyay in Beesha East Burco Clan shirka Golaha dhexe dhammaantod u codayso waliba Maxamed Kaahina farta ugu hortaago iyagoo wakhtigaas aan isku wacnayn oo xurguf adagi ka dhaxaysay (Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi ) Dhego-wayne sidaa ayuu ku hadhay. Shirkii Burco ee Murashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka lagu doranaayay Muuse Biixi Hargaysa ayuu hadana ku hadhay laba casho markii shirku dib u dhacay ayaa Muuse Biixi la yidhi maxaad rabtaa, “ilaa Siilaanyo warqad iigu qoro inuu 40-casho gudahood doorashada kadib amma ha helo amma hawaaye Xisbiga KULMIYE igu wareejinaayo ilaa uu taas sameeyo ma imanaayo. ” Duhur cad ayaa loo saxeeyay waanu la wareegay 40-kii casho kadib . Markii Axmed Siilaanyo Madaxweyne noqday amar ayuu soo saaray odhanaaya “Madaxda madaxtooyada soo gasha Askarta ilaalada u ah qoryo yaanay la soo galin, Madaxtooyada ayaa ka masuul ah ammaankooda markay yimadaan. Madaxda waxa kamid ah Guddoomiyaha Guurtida, Guddoomiyaha Wakiilada , Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo Guddoomiyaasha Axsaabta Mucaaridka ah . Marka UDUB iyo UCID ayaa aha .” Muuse Biixi gashaanka ayuu dalabkii Siilaanyo ku dhuftay golaaftan hanjabaad iyo fariimo way inoo tahay ahna Madaxweyne Siilaanyo ayuu gaadhsiiyay. Ergada ayaa galaa baxday. Markii loo tagay ee la yidhi Guddoomiye adiga kugu gaar maha amarka Siilaanyo. Wuxuu yidhi ” Waar dhagaysta Siilaanyo meesha anaa saaray Wallahay yeeli maayo in East Burco Clan Xukunkii iyo awoodi iyo Madaxtinimadi qaadato oo la jeesato oo isagu (Siilaanyo ) intuu intaas oo Ciidan ah isku wareejiyo Ana Askartayda lay diido ilaa qolka aan kula shiraayo ayaan la galayaa “. Tiisi ayay noqotay . Maanta waa Madaxweyne arrinku siduu ahaa inuu ka badalo ayay ahayd waayo Dulqaadka iyo tanaasulka xitaa Xaaskaga iyo Ciyaalkaga ayaad ku dhiqi karta oo hadad ku kanaato Rerkaaga ayaa ku dumaaya, ma muuqato kolay anigu ma arko adiguse akhriste mooyi inay taasi ku muuqato.. Marka qolada Mucaaridka ah ee Koomoishan iyo arrimahaas Beesha Caalamka rajaynaysa inay Muuse Bixii ka badasho way iska ciyaarayaan. 2-Sanno ayaa ku lumay 9 Xubnood ayaanu rabnaa 2 sanno kadib ayay 7 Xubnood noqtay oo tii Muuse Biixi ku adkaystay ahayd, Maantana 2 sanno oo kale ayaynu Riyo Raac iyo Gabadha uu soo celiyay ku murana. Hadhowna ay ta Muuse Biixi noqotaa ? Khuuro kale ha la keeno. M. Biixi ma tanaasulo waanu ku caano maalaye. Tusan. Muniir Axmed Cigaal Source
  21. Boorama (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in qof meyd ah laga helay badhtamaha seeraha magaaladaasi. Ninkan Meydka ah oo aan weli si rasmiya ah aan loo aqoonsan wajigiisa iyo magaciisa ayaa waxa jidhkiisa laga dheehan karayey gubad baahsan oo ka soo gaaray dab, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah laamaha amnigu. Ciidamada Dambi baarista oo gaaray goobtaasi meydka laga helay ayaa waxay ka bilaabaan baaritaan, kadib baaris dheer waxay meydkaasi u qaadeen qolka qaboojiyaha ee meydka lagu keydiyo ee Isbitaalka weyn ee magaalada Boorama. Caasimada Online oo la xiriirtay Taliye ku xigeenka qeybta booliska ee gobolka Awdal, Gaashaanle sarre Maxamuud Raran ayaa waxa uu inoo sheegay in uu dib ka bixin doono faah-faahin dhameystiran kadib marka la soo af-meero baarista, isagoona xusay in xogta meydkan ay ciidamada soo gaarsiisay gabadh keenta caanaha magaalada Boorama. Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu inoo sheegay in Ninkan meydka ah uu u dhintay gubad ka soo gaaray dab xoogan, balse ilaa hadda aysan si rasmi ah u xaqiijin in la gubay ama isagu is-gubay, isagoona hoosta ka xariiqay in baaristu socoto oo uusan ka hor dhaceyn. Wixii kasoo kordha kiiskan isha ku hay oo kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-In Ka Badan 600 Oo Qoys Oo Sheegay Inay Dhul Ka Qaadayo Qoyska Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source