Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxa magaalada Badhan ka taagan kacdoon ay dadweynaha deegaankaasi kaga soo hor jeedaan maamulka Puntland , waxana magaalada ka dhacay mudaharaad balaadhan oo lagaga soo hor jeedo tacadiyo gudaha Puntland loogu gaysto dad ka soo jeeda deegaanka, waxna a sidoo kale dadkaasi qaarkood aad uga gadoodeen xil ka qaadista lagu sameeyay gudoomiyihii Barlamaanka Puntland . Xalay ayaa dagaal ka dhacay xarunta barlamaanka ee Puntland iyada oo halkaasi ay ku hirdamayaan ciidamadii ilaalada baralamaanka iyo kuwo ku soo duulay oo raba in ay la wareegaan kuwaasi oo toos uga amar qaadanaaya Dini Qaran News
  2. Dad badan ayaa aaminsan in ololaha ka socday maalmahaan Gudaha Baarlamaanka Puntland inuusan ku ekayn oo qura Gudoomiye Dhoobo oo ay jiraan koox Xildhibaano ah [...] Source
  3. Garoowe (Caasimadda Online) –Kadib markii Maanta Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed ayaa waxaa la Magacaabey guddi ka Shaqeyn doona doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland. Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntland Abuukaate Cabdi Casiis ayaa Magacaabey Guddi ka kooban 7 Xubnood,kuwaas oo lagu amray in mudo kooban ay ku qabtaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka. Sidoo kale waxaa uu fadhigii Maanta ee Baarlamaanka ka sheegay in doorashada Gudodomiyaha Baarlmaanka ay dhici doonto Khamiista oo socota oo taariikhdu ku began tahay 14- November Sanadka 2019. Gudodomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed weli kama hadlin xilka qaadista ay Maanta ku sameeyeen Xildhibaannada Puntland, iyada oo Maanta deegaannada Puntland si weyn looga dareemayo Go’aanka Xildhibaannada. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  4. Kadib markii saaka Xilka laga qaaday Gudoomiye Dhoobo Daareed wuxuu Baarlamaanka Puntland gudo galay Wadadii ay ku dooran lahaayeen Gudoomiye Cusub. Waxaa la magacaabay Gudoøiga [...] Source
  5. Since the transfer of power from former president Hassan Sheikh Mohamoud to Mohamed Abdullahi Farmajo, Somalia has effectively slided back to a more disartuculated affairs [...] Source
  6. Kadib Arinta Xalay dhacday waxay soo dadajisay In uu Gudoomiye CabdiXakiin Dhoobo uu xilkiisa waayo. Codka kalsoonida ayaa saaka loo qaadey Gudoomiyaha, Waxaana laga qaadey [...] Source
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Degmada Yaaqshiid ayaa sheegayo inuu qarax ka badbaaday wiil uu dhalay mid kamid ah Culumada ugu caansan Magaalada Muqdisho. Wiilka Qaraxa ka badbaaday ayaa waxaa dhalay Sheekh Muuse Cawagweyne oo hadal jeedin u sameeyo xubnaha kasoo goosta Kooxda Al-Shabaab. Waa markii labaad oo uu wiilkiisa ka badbaado isku day khaarijin, isaga oo aaney waxyeelo daran kasoo gaarin falka loo maleegay. “Qarax miino oo gaariga lagu rakibay buu ahaa, laakiin waxba kuma noqon, ALLE mahadii,” Ayuu u sheegay qaar kamid ah warbaahinada Muqdisho. Mas’uuliyiinta ayaa ku waramaya in ay baaritaano ku bilaabeen dhacdooyinkaan, wallow illaa iyo hadda aan cidna loosoo qaban. Qaraxyadda loo adeegsado Miinooyinka ayay Al-Shabaab kordhisay adeegsigooda bilihii u dambeeyay markii ku fashilmeen qaadista howlgalo waaweyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Warbaahinta Puntlandi.com ayaa ogaatay in lagula taliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka CabdiXakiin Dhoobo Daareed inuu iscasilo. Siyaasiyiin aad ugu dhow Gudoomiyaha ayaa kula taliyey inuu iscasilo kadib [...] Source
  9. When the former Puntland Parliamentary Speaker, Abdihakim Mohammed Ahmed, had given MPs one-week recess earlier this week, the decision was interpreted as a plot to prevent a motion again the Speaker. The violence that engulfed parts of Garowe last night when Parliamentary Security Guards clashed with a contingent of soldiers ordered to take over security of the premises had rendered the recess null and void. This morning Puntland Parliament MPs convened to vote on the motion to replace the Parliamentary Speaker. Former Puntland Parliamentary Speaker 49 MPs have voted to replace the Speaker; 4 MPs have abstained. Observers reckon Puntland Government was the driving force behind the motion. “MPs who voted for the motion cited violation of the constitution and parliamentary regulations by the former Speaker” reports Puntland Post correspondent. Efforts to reconcile Puntland President, Said A. Deni and the former Speaker have not succeeded. The unprecedented removal of a Puntland Parliamentary Speaker paves the way for executive control of Puntland Parliament: a massive reversal for Puntland political processes. Puntland Parliament has appointed a committee to organise the election of a new Speaker. © Puntland Post Monthly, 2019 The post Deni Secures Executive Control of Puntland Parliament appeared first on Puntland Post.
  10. Garowe (SMN) – Xildhibaanadda baarlamaanka Puntland ayaa xilka ka qaadey afhayeenkii golahaasi, Cabdixakiim Dhooba Daareed. Fadhi gaar ah oo ay ku yeesheen magaaladda Garowe ayay ugu coddeyeen, waxaana ogolaatay xilka ka xayuubinta 49aad mudane. Sidda uu shaaciyey gudoonka, waxaa ka aamustay 4. Tiradda guud ee kulanka xaadirtay ayaa ahaa 53 Xildhibaan. Dhooba Daareed ayaa illaa iyo haatan ka hadlin xilka ka qaadista, wallow uu horey uga dhawaajiyey in uu u aqbali doono natiijo kasta. Xilka ka qaadista ayaa imaaneysa xili maalmihii u dambeeyay uu taagnaa khilaaf culus oo u dhaxeeyay Dhooba Daareed iyo madaxweyne Deni. View the full article
  11. GAROWE (HOL) - MPs in Puntland have voted to remove the state assembly speaker from office in a vote cast Thursday morning. Source: Hiiraan Online
  12. Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, ayaa waxay sheegayaan in xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad goboleedka Puntland xilka ka qaadeen guddoomiyahoodii, C/xakiin Dhoobo Daareed, kadib mooshin ay ka keeneen. 53 Mudane ayaa soo xaadirtay kulanka maanta, waxaana shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Puntland. 49 Mudane ayaa u codeeyey in xafiiska uu baneeyo guddoomiye Dhoobo Daareed, halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen. Mudanayaasha baarlamaanka Puntland qaarkood ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha ay xilka ka qaadeen in uu sameeyey xad-gudub dhanka Dastuurka ah, islamarkaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyey ciidamo beeleed waa sida ay hadalka u dhigeene. Dagaal ay ku dhinteen Saddex qof ayaa xalay ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland, kaasi oo u dhaxeeyey ciidamo Booliis ah oo uu hoggaaminayey taliyaha Booliiska Puntlan iyo sidoo kale ciidan la sheegay in xaruntaasi uu geeyey guddoomiyaha baarlamaanka Puntland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo qaban-qaabin doona doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland. Guddiga ayaa ka shaqeyn doona diiwaan-gelinta musharrixiinta u tartamaya doorashada guddoomiyaha iyo sidoo kale socod-siinta dhammaan hawlaha doorashada guddoomiyaha cusub. Ku simaha guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyay in doorashada la qorsheeyay in ay dhacdo 14-ka bishan November oo ku beegan Khamiista todobaadka soo socda. Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed ayey saaka xilka ka qaadeen mudanayaasha Baarlamanka kadib markii ay ku eedeeyeen Dastuur jebin iyo in uu ku xad-gudbay Xeer-hoosaadka Baarlamanka. Kulanka oo ay fadhiyeen 53 mudane ayaa 49 xubnood oo kamid ah u codeeyeen xilka qaadista guddoomiyaha, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay, waxaana sidaasi xilka looga qaaday guddoomiye Dhoobo. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo guddi u magacaabay doorashada guddoomiyaha golaha appeared first on Puntland Post.
  14. Xaaladda magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa saaka deggan kadib markii xalay isku dhaceen ciidamo ilaalo u ah baarlamaanka iyo kuwa madaxtooyada ah. Dagaal muddo socday oo ay ku dhinteen ilaa 3 qof kadib waxaa la sheegayaa in hadda ay xarunta la wareegeen ciidamo ka tirsan booliiska Puntland. Cabdi Xakiim Dhoobe Daareed a oo ah afhayeenka golaha wakiilada Puntland oo arrintan ka hadlay ayaa yiri “ Xukuumadda ayaa isoo weerartay…ma jirto wax aan madaxweynaha ogeyn oo la fulin karo, falkaas ciidanka fuliyay xoog bey damceen inay xarunta kula wareegaan, ilaaladana waa iska caabiyeen”. Dhinaca kale, warar kale ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada oo ka badan 30 xubin ay guddoomiyaha ka gudbiyeen mooshin, arrintaas oo iyadana qeyb ka ah cadaadiska. Ilaa hadda ma jirto war ka soo baxay dowladda federaalka ah oo la xiriira xasiloonni daraha ka socota Puntland, oo ka tirsan goobaha ugu xasilan maamul, amni iyo siyaasad ahaa ee JFS. Ma fiicno xiriirka madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Villa Somalia, waxaan la ogeyn sida ay dowladda federaalka ah ugu lug leedahay arrimaha ka socda Puntland. Wararkan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Mudanayaasha Baarlamanka Puntland oo saaka kulan ku yeeshay xarunta golaha wakiilada ee caasimadda Garoowe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed). Kulanka oo ay fadhiyeen 53 mudane ayaa 49 xubnood oo kamid ah u codeeyeen xilka qaadista guddoomiyaha, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay, waxaana sidaasi xilka looga qaaday guddoomiye Dhoobo Daareed. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ku xigeenka koowaad ee xeer-dejinta oo qabtay soo jeedinta, ayaa carabka ku adkeeyay in Mooshinka uu maray hanaanka saxda ah ee loogu talogalay. 44 xildhibaan ayaa mooshinka ka guydbiyey Dhoobo Daareed, kuwaas oo guddoomiyaha ku eedeeyay arrimo badan oo xasaasi ah oo horseedi karay xil ka xayuubin. Waxaa eedeymaha ka mid ahaa; in uu xarunta golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada, sida ay qoraalka u dhigeen. Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen “in uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka, in lala soo galo hub iyo ciidan, in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.” Xildhibaannada ayaa sidoo kale xusay in guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn. Dhooba Daareed, oo la doortey 4-ta bishii July ee sanadkan 2019. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  16. Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland oo saaka kulan ku yeeshay xarunta golaha wakiilada ee caasimadda Garoowe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Kulanka oo ay fadhiyeen 53 mudane ayaa 49 xubnood oo kamid ah u codeeyeen xilka qaadista guddoomiyaha, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay, waxaana sidaasi xilka looga qaaday guddoomiye Dhoobo. 44 mudane oo ka tirsan Baarlamanka ayaa xalay mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay guddoomiyaha, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu ku kacay falal jebinaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka. Mooshinka oo sida la sheegay ay dabada ka riixaysay xukuumadda ayaa soo bilowday kadib markii la xallin-waayay khifaal ba’an oo in mudda ah u dhexeeyay madaxweyne Deni iyo guddoomiye Dhoobo. Balse, xildhibaannada mooshinka keenay ayaa xilka qaadista guddoomiyaha u cuskaday in uu jebiyay qodoba kamid ah Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii Baarlamanka Puntland oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga Soomaaliya, Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa si adag uga hadlay xirnaashaha jidadka Muqdisho oo dhibaato ay ku qaban shacabka ku dhaqan gudaha Caasimadda. Cabdicasiis Xildhibaan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho u xiran yihiin arrimo ganacsi, islamarkaana aysan aheyn arrimo amni, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in shirkadda sameysa dhagaxyada lagu gooyo jidadka ay shirko ku yihiin wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Ras’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. “Wadooyinka Muqdisho waxey u xiran yihiin arrimo Ganacsi, ma ahan arrimo amni, shirkadda sameysa ee ka ganacsatada Dhagaxyada lagu gooyo Jidadka Muqdisho waxaa leh wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Isloow, waxaa shirko kula ah Ra’isul Wasaare Kheyre, waxey kamid yihiin askarta bil walba 500$ ilaa 700$ ayaa mushaar ahaan loogu bixiyaa,” Afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga Soomaaliya, Cabdicasiis Xildhibaan. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in loo turo shacabka, lagana qaado culeyska dhinaca waddooyinka ee saaran muddo dhowr bilood oo xiriir ah, wuuxuna tilmaamay in amni aan lagu sugi karin dhagax meel yaal ee loo baahan yahay qorshayaal kale. Caasimada Online oo xiriir la sameysay xafiisyada Kheyre iyo Ducaale, si ay arrintan wax uga weydiiso, weli wax jawaab ah kama aysan helin, waxaana idinla soo socodsiin doonaa marka ugu horreysay ee ay jawaab na siiyaan. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo aysan weli dowladdu ka jawaabin cabashada dadweynaha ee la xariirta waddooyinka xiran iyo dhibaatooyinka xoogan ee ka jira. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Xarakadda Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda dilkii gudoomiye ku xigeenkii gobolka Shabeellaha Hoose. Cumar Maxamuud Cali ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaarey weerarki bambaano oo lagu ekeeyay hoygiisa magaaladda Afgooye. Al-Shabaab oo war qoraal soo saartay ayaa tilmaamtay in duulaanku ahaa mid ay u qorsheysay kuna guuleystay qaabka ay u gulisay. Cumar Carabey ayaa ahaa gudoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshadda gobolkaas hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Al-Shabaab-1.mp3 View the full article
  19. Garowe (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal salka ku haya xiisad siyaasadeed oo ka dhacay Garowe, caasimadda Puntland. Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay gudaha xarunta baarlamaanka, halkaas oo cutubyo kamid ah ciidanka ay isku xabadeeyeen. Taliska Booliska ayaa sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka uu geeyay dhismaha maleyshiyaad isaga daacad u ah. Dhankiisa, afhayeenka Golaha Wakiiladda Puntland, Dhooba Daareed, oo beeniyay ayaa Madaxtooyadda ku eedeeyay shaqaadadii dhacday. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaase la dareemayaa saan-saan colaadeed oo ka dhalatay dagaalkii xalay. Xiisaddan ayaa imaaneysa xili la sheegayo in uu jiro Mooshin xilka ka qaadis ah oo laga gudbiyey Cabdixakiim Dhooba Daareed. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Dhooba-Daareed.mp3 View the full article
  20. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Garoowe wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson. Kulanka uu Madaxweynuhu kula qaatay xafiiskiisa safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Deni ayaa ugu horayn Safiirka kusoo dhaweeyey Puntland, waxa uu uga mahadceliyey doorkii dowladda Iswiidhan ku lahayd dib u dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan horumarada kala duwan ee ay dalka ka geysteen. Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarineed ee dalka Iswiidhan ka wadaan dalka iyo wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac. Dhinaca kale safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaan-shihiisa Puntland, waxa uu tilmaamay in ay sharaf u tahay markii ugu horeysey inuu la kulmo Deni. Safiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo dalkiisa, gaar ahaan Puntland ka dhexayso xidhiidh wanaagsan oo dhanka siyaasadda ah, isla mar’ahaantaana uu rajaynayo in la sii xoojiyo. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Waxaa sii kordhaya dadaalada loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaadaha webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo roobab ka da’ay gobolka bay,iyadoo gargaar ay gaarsiinayso dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa qeybaha bulshada Soomaaliyeed. Ilaa 10 Xildhibaan oo ka tirasan Galaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed isaaq Cusmaan (Fanax) oo howlo gurmad ah ujooga Degmada Bardaale ee gobalka Baay ayaa sheegey in Dowlada Federaalka Soomaaliya,Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed, Hay’adaha Samafalka iyo Ciidanka AMISOM dhamaan toodi ayaa dadaalo ballaaran ka Sameeyeen gurmadka roobabka Degmada Bardaale,balse Xil. Fanax ayaa sheegey in weli dhanka diyaaradaha dhib Culus uu ka jiro Maadaama waddooyin roobabka ay gooyeen. Xildhibaan Fanax ayaa ugu Baaqay Qeybaha Kala Duwan Bulshada Ganacsatada Soomaliyeed in ay ka Qeyb Qaatan Dadaalada Gurmadka ah ee loogu Gurmanaayo Dadka Khasaaraha Ka soo Gaartay roobabkii Bardaale, kaasi oo Waxyeelo u Geystay Dadka & Duunyadda Ku dhaqan Deegaanada Koonfur Galbeed Gaar ahaan Degmadaasi Bardaale. Guddiga gurmadka ayaa shaaca ka qaaday in ay dardargelin doonan shaqadooda ayna gaarsiin doonan goobaha looga baahan yahay gargaarka. Tani ayaa imaaneysa xilli dadweynaha ay codsanayaan gargaar kale. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/FGA.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-07112019-okay.mp3 View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxay dil xalay ka dhacay degmada Kaxda ee magaaladda Muqdisho. Dabley ayaa meel ku dhow hoygiisa waxay ku toogatay Maxamed Axmed Macalow, oo u dhintay dhaawac soo gaarey. Marxuumka oo xaaskiisa ay isla falkaas ku dhaawacantay ayaa waxaa la sheegayaa in uu ahaa ganacsade caan ah. Ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda falkan oo laamaha ammaanka aysan wali war kasoo saarin. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Dil.mp3 View the full article
  24. Khartoum says the satellite, which was launched by China, will conduct research for military as well civilian purposes. Source: Hiiraan Online
  25. UN agencies are scaling up disaster relief efforts to help Somalis who are being affected by severe flooding in many regions across the country. Source: Hiiraan Online