Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Riyadh)-Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka diiday safiir uu u magacaabay inuu u fadhiyo Sucuudiga Mr. Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir. Warbaahinta Muqdisho ayaa baahisay in diidmada Sucuudigu la xidhiidho tuhun ay ka qabto in safiirkani xidhiidh wada shaqayneed la leeyahay dalka Qatar oo ay xiisadi ka dhaxayso Sucuudiga. Sharciga Geneva ee Diblomaasiyada ayaa dhigaya in saddex bilood gudahood safiirka aan laga guddoomin waraaqihiisa aqoonsigu ay ka dhigantahay in la diiday. Farmaajo ayaa safiirkan wuxuu magacaabay 29 May, isagoo ahaa wasiirkul dawlihii diinta iyo awqaafta, waxaanay Soomaaliya waraaqihiisa aqoonsiga gudbisay 15 June, waxaanay saddexda bilood ee xeerka Geneva dhigayaa ay ku eekayd 15 September, waxaana muuqata in Sucuudigu hoos u dhigay safiirkan ay Soomaaliya magacowday. Warbaahinta Muqdisho waxay diidmada Sucuudiga ku sababaysay xidhiidh uu safiirkani la leeyahay dalka Qatar. Source
  2. (SLT- Austria)-Shacabka Austrians ayaa maanta u dareeray doorashada Baarlamaaniga ah, iyadoo la loo badinayo in guul uu gaadho ra’isul waaarihii hore Mr Sebastian Kurz. Dowladii hore ee Isbaheysiga ayaa la kala diray bilowgii sanadkaan kadib markii lagu helay eedo Musuq Maasuq. Dad tiradoodu dhan tahay 6.4 million ayaa Axada maanta ah codbixinaya waxaana la filayaa in xarumaha codbixinta la soo xidho abaara 5-Galabnimo. Xisbiga Conservative People’s Party oo uu hoggaamiyo Sebastian Kurz ayaa la filayaa in uu ku guulaystaan kuraasta ugu badan, balse wuxuu baahnaan doonaa xisbiyada kale si loo soo dhiso dowlad Cusub. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqay in uu muddo 3 bilood ah ku sugnaado deegaan Ceel-afweyn oo uu soo walaaleeyo bulshada wada degta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Maxkamadda Rafcaanka Oo Xukun Kale Ku Ridday Weriye Coldoon oo Muddooyinka Danbe ku xidhnaa Jeelka Hargeisa Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta 3 Sannadood oo xadhig ah ku xukuntay Weriye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon. Weriye Cabdimaalik ayaa hore Maxkamadda Gobolku ugu xukuntay saddex sanadood oo Xadhig ah, laakiin waxa Rafcaan ka qaatay Looyarradiisa, laakiin Maxkamadda Rafcaanka ee ay Rafcaanka u qaateen ayaa iyaduna Maanta Maxkamadii hore ku raacday xukunkii ku ridday, waxayna Maxkamadda Rafcaankuna ku xukuntay Saddex sannadood oo Xadhig ah. Weriyahan oo muddo dhowr bilood laga joogo laga soo xidhay Magaalada Burco ayaa eedaymaha loo haysto waxa ka mid ah in Qoraallo uu ku faafiyey Bartiisa Facebook-ga. Qareennadiisa iyo ehelkiisa ayaa sheegay in xukunka dambe uu Weriyaha ku dhacay iyagoon la soo ogaysiin. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda naga soo raaya garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu hayo guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo Iimaan Cadow Kaarshe, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku sugan garoonka. Iimaan Cadow Kaarshe ayaa waxaa laga reebay diyaarad u socotay magaalada Garbahaarey oo uu garoonka ka raaci lahaa, waxaana u yimid ciidamada amniga oo siiyey warqad ay u ku qoran yihiin amaro sheegayo in laga doonayo saldhig ku yaalla garoonka. Wararka ayaa sheegaya in Iimaan Cadow hadda lagu hayo laguna wareysanayo saldhiggaas, mana cadda waxa lagu haysto ee duulimaadka loogu reebay. Iimaan Cadow Kaarshe ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo dowladda ay dagaal siyaasadeed xooggan kula jirto, waxaana ay u badan tahay in tani ay qeyb ka tahay dagaalkaas. Dowladda Soomaaliya ayaa 31-kii August 2019 waxay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabatay wasiirka amniga Jubaland, kaasi oo lagu xiray magaalada Muqdisho wuxuuna illaa iyo hadda ku jira xabsiga hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA. Go’aankii ay dowladda Soomaaliya ugu qasabtay dhammaan duulimaadyada tegaya iyo kuwa kasoo baxay Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, ayaa u sahlay in xubno badan oo ka mid ah maamulka Axmed Madoobe ay soo maraan Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Indho-indho ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ammaanay wasaaradda caafimaadka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayna ka soo qayb galeen Wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahanno, Culimaa’udiin, ururka haweenka qaranka, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, waxaana kulankan soo qaban qaabiyey Madasha U Abaal-Gud oo matasha shacabka soomaaliyeed. Shahaada sharafta ay heshay shirkadda Hormuud ayaa waxaa u gartay dadka Soomaaliyeed, waxayna noqotay shirkaddii ugu horrasay ee abaal-marin noocaan ah la siiyo, iyadoona Hormuud Telecom ku mutaysatay garab istaagga dadka Soomaaliyeed iyo u gar-gaaridda dadka dhibaataysan. Martidii sharaftii ka soo qayb gashay xafladda ayaa mid mid u dul istaagay waxqabadka muuqda ay shirkadda Hormuud u qabatay dadkeeda, waxayna dhammaantood isku raaceen in Hormuud Telecom la garab istaago mar waliba ay taageero u baahato. Batuulo Sh. Axmed Gaballe Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajisay in Hormuud Telecom ay mudan tahay in shacabkeeda ay shahaado sharaf noocaan ah u gartaan ay tahay arrin ku dayasho mudan, waxayna dhinaca kale xustay in Hormuud dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada Kenya ay tahay wax aan laga aamusi Karin. “Hormuud waa hanti Soomaaliyeed, marna kama aamusi doono in la bur buriyo Hantida Ummadda Soomaaliyeed, waa in aan garab istaagnaa markii ay inoo baahato”. Ayay tiri guddoomiyaha Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Batuula Shiikh Axmed Gaballe. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Sidoo kale madasha ka sheegay in Hormuud tahay shirkad u dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed ayna u baahan in abaal-marinno sidaan oo kale ah ay shacabkeeda u gartaan. “Shirkad Soomaaliyeed oo aan aqaanno waxa ay qabatay marqaatina ay ka yihiin shacabka Soomaaliyeed waaye Hormuud Telecom, waxaana leenahay Hambalyo mar labaad iyo mar saddexdaad” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa. Wasiiru dowlaha waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, ayaa dhinaca kale carrabka ku dhuftay in xukuumadda Soomaaliya ay marnaba raali ka noqon doonin bur-burinta lagu hayo xarumaha Isgaarsiinta Hormuud, isagoona dhinaca kale xusay in Hormuud ay tahay hanti qaran mar walbana loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed ay abaal-marin noocaan ah u gartaan dadka waxqbadkooda muuqdo sida Hormuud oo kale. Ugu dambayn Cabdixakiim Xasan Idow oo ka mid ah maamulka sare ee shirkadda Hormuud Telecom oo guddoomay shahaado sharafta ayaa xusay in garashada Shacabka soomaaliyeed shahaado noocaan ah siiyaan Hormuud ay tallaabo wanaagsan, waxa uuna u mahad celiyey dadkii u gartay shahaadadaan, iyo sidoo kale madasha U abaal-Gud oo xafladda soo qaban qaabisay. Guddoomiye Cabdixakiim Xasan ayaa dhinaca kale khubadiisa ku soo qaatay qaar ka mid ah waxqabadka shirkadda Hormuud isagoona yiri “Hormuud Telecom waxay qayb wayn ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha, waxayna sidoo kale shaqo abuur u samaysay in ka badan 30,000 Kun shaqaale ah, waxaana ganacsiyada soomaaliyeed ku maal-galinnay in ka badan 15 Million dollar.” Waa markii ugu horraysay ay dadka soomaaliyeed shahaahdo sharaf noocaan ah u gartaan shirkad ganacsi oo ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, taas oo lagu abaal-mariyey kaalinta muuqata ay ka gaysatay garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyo u hiillinta dadka tabaalaysan ay xil iska saartay shirkadda Hormuud Telecom. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ku eedeeyay inuu ku kacay Musuqmaasuq baahsan. Xildhibaanka oo Maanta hadal ka jeediyey Xarunta Golaha Guurtida Somaliland oo Mudaneyaashu kaga doodayeen Xaaladda Adeegyada Caafimaadka ee Dalka ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Wasiirkii caafimaadka ayaa laba Fooq oo dhaadheer dhisanaya, oo aan la odhanayn halkeed ka keentay Lacagtan ? innagu waxaynu nahay Guurti, waxaynu aragno ayaynu tilmaamaynaa..” Xildhibaanku wuxuu farriin u diray Madaxweynaha “Madaxweynaha waxaanu leenahay Madaxweyne Goobtaa wax ka qabo, waxaanad tidhaahdaa dhakhaatiirta waxa Mushaharka laga siinayaa Cashuurta Dadka laga soo qaado ee Qof buka oo Lacag laga qaadayaa ma jirto oo Bilaash Dadka ku siiya, waynu karaynaaye Daawadaa la iibsanayo ee aqallada laga dhisanayo Dadka hala siiyo…” ayuu yidhi. Dhinaca kale, ka Sakow hadalka xildhibaanka waxa jira Mudaneyaal kale oo aad uga dayriyey Adeegyada Xarumaha Caafimaad ee Dawladdu maamusho, waxaana xildhibaano badan oo hadlay isku raaceen in Cisbitaalka guud ee Hargeysa aan lagu tilmaami karin inuu yahay Cisbitaal Dawladeed. Halkan hoose ka DAAWO https://youtu.be/PTgt52P0UHM https://www.youtube.com/watch?v=PTgt52P0UHM Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta 3 Sannadood oo xadhig ah ku xukuntay Weriye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon. Weriye Cabdimaalik ayaa hore Maxkamadda Gobolku ugu xukuntay saddex sanadood oo Xadhig ah, laakiin waxa Rafcaan ka qaatay Looyarradiisa, laakiin Maxkamadda Rafcaanka ee ay Rafcaanka u qaateen ayaa iyaduna Maanta Maxkamadii hore ku raacday xukunkii ku ridday, waxayna Maxkamadda Rafcaankuna ku xukuntay Saddex sannadood oo Xadhig ah. Weriyahan oo muddo dhowr bilood laga joogo laga soo xidhay Magaalada Burco ayaa eedaymaha loo haysto waxa ka mid ah in Qoraallo uu ku faafiyey Facebook uu ku aflagaadeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qareennadiisa iyo ehelkiisa ayaa sheegay in xukunka dambe uu Weriyaha ku dhacay iyagoon la soo ogaysiin. Source
  10. Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Libaax Ibraahin iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayaa ku booriyay Hay’adda ku shaqada leh biyaha iyo qof walba oo Soomaali ah inay ka qayb qaataan wax ka qabashada xaaladda abaareed ay ku sugan yihiin bulshada ku dhaqan gobolka Gedo. Roob yarida labadi xilli ee lasoo dhaafay ayaa sababtay in abaaro ba’an ay ka dhacaan deegann ka tirsan maamul goboleedka jubaland, waxaana Maalmahii la soo dhaafay qaylo dhaan xooggan ka soo yeeraysay gobolka Gedo oo ay haatan ka jiraan biyo yari iyo baad la’aan, ka dib markii ay gureen warihii biyaha. Waxaa soo kordhaya dad barakacayaal ah oo soo beegsanaya xerooyin ku yaalla dagmada Bardheere iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka gedo, kuwaas oo u baahan in lala gaaro gar gaar degdeg ah. Xildhibaanno iyo Wasiiro heer Federaal ah ayaa shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada muqdisho kaga codsaday dowladda Soomaaliya iyo jaaliyadaha ka soo jeeda gobolka Gedo in ay wax ka qabtaan xaaladda culus ee ka taagan deegaannadaasi. Gobolka gedo ayaa ka mid gobolada ugu baaxadda wayn ee dalkeenna Soomaaliya,waxaana sidoo kale uu xuduud la leeyahay dalalka Itoobiya iyo Kenya, hase yeeshe waxaa isu kaashaday abaaro xiriir ah iyo qalalaase kooxaha nabad diidka ka wadaan deegaanada qaar ee gobolkaasi. View the full article
  11. Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan halkaasi. Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa sheegay inay wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga waddada isku xirta magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee gobolkaasi, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen weerar iyo qaraxyo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in deegaanka Gololey ee duleedka Balcad ay ku dileen ruux Miino ku aasayey halkaas, islamarkaana ciidanku ay ay toogteen. Wararka ayaa sidoo kale intaasi waxaa ku darayaan in Ninkas la dilay uu ku hubeysnaa Bistoolad. Waddada u dhexeysa Jowhar iyo Balcadayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miinooyin ah iyo weeraro toos ah,waxaana Mas’uuliyadoodda sheegatay Al-Shabaab. View the full article
  12. Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya qarax maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xilli ay marayeen qeybo ka mid ah Heliwaa ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi oo marayey nawaaxiga isgoyska Soos ee magaaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM, kaas oo uu burbur xoogan soo gaaray. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib ciidamadu ay fureen rasaas aan loo meel dayin, taas oo waxyeelo ay ka soo gaartay dad rayid ah oo ka agdhowaa halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ciidanka AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi, iyagoona muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqa isgoyska Soos ee magaalada Muqdisho Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata mas’uuliyadda weerarada lagu qaado ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, inkastoo aysan weli ka hadlin qaraxaasi. View the full article
  13. Dowladda Kenya ayaa faafisay magaca & sawirka Sarkaal ay sheegtay inuu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaasi oo Warbaahinta Kenya ay sheegeen inuu galay gudaha dalkaasi. Booliska Kenya ayaa baahiyay sawirka sarkaalkaasi & magaciisa, waxaana ay ka codsadeen Bulshada inay u soo sheegaan qofkii meel ku arka Sarkaalkaasi oo ay Kenya aaminsan tahay in gudaha dalkeeda uu soo galay. Sarkaalka Kenya ay baahisay sawirkiisa ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Waaxid Ciise Khaliif Cabdi (Ciise Tarabuun) oo xilli dowladda Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigtay, waxa uu ninkaan ahaan jiray madaxii amniyaadka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay hawlgal Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen Muqdisho. Dowladda Kenya ayaa ka feejigan inay Al Shabaab dalkeeda ka fuliso weeraro qorsheysan iyo qaraxyo kerni kara in shacabkoodu waayaan kalsoonida amniga iyo Ciidamada dalkaasi. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-29092019-sx.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Gudaha Soomaaliya iyo qaar ka tirsan wadamada Geeska Africa ayaa soo bandhigtay Magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey weerarkii ay kooxdaan dhawaan ku qaaday Saldhig ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Ceel Saliini. Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa faafisay Wareysi laga duubay Ninkaan weerarka is qarxinta ah ku daah furay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Ceelsaliini. Wareysiga oo ahaa mid aad u dheer isla markaasna uu dagaalyahankaan kaga hadlayey xaaladihii uu soo maray intii uu Al-Shabaab ka tirsanaa iyo dardaaran uu sheegay inuu u reebayo dadka ka dambeeyo ayuu ku sheegay magaciisa inuu yahay Abshir Yuusuf Cali oo Al-Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay Salaaxudiin . Wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Shanta Caleemood, sidoo kalana wuxuu xusay inuu ku dhashay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose. Kooxda AL-Shabaab ayaa horey usoo bandhigtay Sawirada dagaalkii ay ku qaaday Ceel Saliini, waxaana sheegtay inay ku dishay ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa iyadana sheegtay inay iska difaacday weerarkaas isla markaasna ay dishay tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Dowladda federalka Soomaaliya gaar ahaan xafiiskeeda xeer ilaalinta ayaa maanta magaalada Garowe tababar ugu furay laamaha garsoorka, laamaha Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan, iyadoo la fahansiinayay hab cusub oo ay dowladda federalku u bixindoonto warqada dhaawac muujinta ee Rifeertada. Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay warqada dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha booliiska inay saameyn weyn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo. Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu geystay qaab qaldan oo loo adeegsaday Rifeetooyinka, iyadoo ay masuul ka yihiin xarumaha laga bixiyo. Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in dowladda federalka sannadka ugu horeeya ay dhammaan xarumaha booliiska Soomaaliya gaarsiindoonto Rifeertooyin aan waxba laga badeli karin, la koobiyayn karin islamarkaana numberaysan oo lagu qoridoono xogta dhibbanaha. Halkaan ka daawo. Muuqaalka The post Dowladda federalka Soomaaliya oo Garowe tababar ugu furtay laamaha garsoorka iyo Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Waxaa maalintii shalay oo ku beegneyd Sabti 28.09.2019 ka dhacday magaalada Muscat ee Caasimada Dalka Cumaan Xaflad aad u balaaran oo kulmisay Isimo,Aqoonyahano,Waxgarad iyo Shacbi [...] Source
  18. Jeddah (Caasimada Online) – Jabhadda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay nolosha ku qabteen kumanaan ka tirsan Ciidanka Sacuudiga, kaddib weerar xooggan ay ku qaadeen goob ku dhow xuduuda labada dal. Afhayeen u hadlay Xutiyiinta ayaa BBC-da u sheegay in 3 guuto oo ka tirsan ciidamada Sacduudiga ay is dhiibeen. Waxa uu sheegay in kumanaan ciidan la qabtay qaarkalana la dilay, hase yeeshee saraakisha Sacudiga weli ma aysan xaqiijin sheegashada Xutiyiinta. ”Howlgalkan ayaa ahaa kii ugu weynaa oo nooociisa ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Xutiyiinta iyo xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo”, ayuu yiri afhayeenka. Gaashaanle Yahiya Sarea ayaa sheegay in ciidamada Sacuudiga uu soo gaaray ”khasaare nafeed iyo mid hubka ah ahba”. ”Dhamaan ciidamada la qabtay ayaa waxay ka soo muuqan doonaan Telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan Xutiyiinta”, ayuu yiri Yahiya Sarea. Xutiyiinta ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen Weerarradii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee 14-kii bishii Sebteembar lagu qaaday xarumaha saliidda ee Sacuudiga. Haseyeeshee waddamada baritaara Sacuudiga ee Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa weerardaasi ku eedeeyay inay ka dambeysay Iran, balse Iran ayaa beenisay eedeymahaasi. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  19. Somali Government says it has fully lifted the travel restriction imposed on Kismayo, the interim seat of Jubaland and alerted airlines to start flights to the southern port city. The Somali Civil Aviation Authority said Saturday in a Notice to Airman has last week ordered all airlines to file in a notice 24 hours before departures to Kismayo. The order came a day after ex-President Sheikh Sharif was barred from boarding a plane to Kismayo September 22 ahead of the newly elected Jubaland leader Ahmed Madobe. Jubbaland Government, however, postponed the inauguration from September 26 but did not indicate a new date. This comes amid a political rift between Mogadishu and Madobe. View the full article
  20. Somali National Army (SNA) killed a senior al-Shabab commander in an operation in Lower Shabelle region in southwestern Somalia, officials said on Sunday. Military officials who spoke the State-owned media said the Somali forces killed Hassan Abshir Jibril in bombardment on al-Shabaab base on the outskirts of Dhegle town. According to the officials, heavily armed al-Shabaab fighters have been regrouping themselves outside of the town during the bombing. Somali National News Agency (SONNA) reported that twenty al-Shabaab fighters including their leader were neutralized by the Somali army in coordination with AMISOM. The slain Jibril was said to be responsible for al-Shabaab’s several attacks on Janale and Barire towns of Lower Shabelle region. Al-Shabab did not comment on the latest incident which targeted its fighters. Recently Somali forces have killed dozens of al-Shabaab in raids on the group’s bases. Somali forces backed by African Union Mission in Somalia intensified operations on al-Shabaab in central and southern Somalia, conducting consecutive offensives to drive the militants out of these regions. View the full article
  21. Burco(SL-T):Xoghayah Warfaafinta Xisbiga Ucud Yuusuf Kayse Ayaa Dhaliilo Culus U Jeediyay Xukuumada Somaliland Source