Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa Sabtida maanta shaaciyay habraaca iyo shuruudaha doorashada oo sida qorshaysan la qaban doono Khamiista soo socota. Sida ku qoran habraaca guddiga, musharrax kasta waxaa laga doonaya in uu soo gudbiyo qoraal codsiya iyo laba sawir oo uu ku soo lifaaqay nuqul kamid ah taariikh-nololeedkiisa, si loo diiwaan-geliyo, looguna aqoonsado musharrax u tartamaya doorashada guddoomiyaha Baarlamanka. Diiwaan-gelinta musharrixiinta, ayaa ka bilaabanaysa maalinta berriya oo ku beegan 10-ka bishan November, waxaana ay socon doontaa mudda saddex maalmood ah, iyadoo ku eg 13-ka bisha oo ku began maalinta Arbacada ah. Guddigu waxay sheegeen in musharrax kasta laga saxiixi doono warqad caddaynaysa in uu aqbali doono natiijada doorashada, iyadoo qofkii saxiixi waaya loo aqoonsan doono in uu ka tanaasulay tartanka doorashada. Hoos ka daalaco habraaca iyo shuruudaha oo dhan PUNTLAND POST The post Habraaca doorashada guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  2. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay si qarsoodi ah ciidamo dheeraad ah uga qoraneyso waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaar ka mid ah Talafishinnada oo uu sheegay inay mucaarad yihiin ay buun-buuniyeen wararkaasi. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay la xisaabtami doonaan dadka ka soo horjeeda horumarka Punland iyo kuwa faafinaya wararka lidiga ku ah maamulkaasi. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wafdi Wasiiro ah oo ka socda dowladda Itoobiya ay Maalinta Berri ah booqasho ku imaan doonaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wafdigan ka socda Itoobiya ee imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa ka kooban ku dhawaad 10 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Ujeedada ay Wasiiradaan Muqdisho u imaanayaan ayaa lagu sheegay inay tahay ka shaqaynt fulinta iyo dardar-gelinta waxyaabihii labada dal ku heshiiyeen sanadkii hore, kaddib booqashadii uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed. Booqashadii bishii June ee sanadkii 2018 uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxay isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo qeyb ka yahay is dhexgal labada bulsho. Qodobka 7-aad ee Heshiiska labada dal oo ahaa kan ugu culus oo muran ka dhex dhaliyay Bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ahaa in 4 dekadood ay maalgashato Itoobiya iyo dhismaha laami isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiiradaan ayaa kulamo Muqdisho kula qaadan doono Wasiirada Soomaaliya, waxaana la isla meel dhigi doonaa fulinta Heshiiskii ay wada saxiixdeen Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Farmaajo. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin wafdigan Berri imaanayo Magaalada Muqdisho, waxaana la dareemayaa qabanqaabo lagu soo dhaweenayo oo ay wadaan qaar ka tirsan Wasiirada Xukuumadda xasan Cali Kheyre . Heshiiskii ay kala saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dood badan ka dhex dhaliyey Shacabka Soomaaliyeed, w axaana durba soo baxday in Itoobiya lagu wareejinayo 4 Dekad oo ku taal Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Dhoobo Daareed, oo saacadihii la soo dhaafay gaaray gobolka Sanaag ayaa kulamo looga horjeedo Madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Cabdullaahi (Deni) ka bilaabay gudaha gobolkaasi. Kulamadan ayaa yimid, kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Puntland khamiistii la soo dhaafay ay xil ka qaadis ku sameeyeen Dhoobo Daareed. Sidoo kale kulamada oo ahaa kuwa isdaba joog ah ayaa waxaa qeyb galay odayaasha dhaqanka ee gobolka Sanaag. Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay kilankaasi ayaa sheegay in aysan ka sii mid ahaan doonin Puntland, kana fakiri doonaan tallaabada xigta. Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa ah mid kacsan, kadib markii ay xiisado hor leh ka dhasheen xil ka qaadistii lagu sameeyey, Cabdixakiin Dhoobo Daareed. View the full article
  5. Taliyihii ciidamada Ahlu Sunna ee Guriceel, C/laahi Daahir Rooble iyo askar uu wato ayaa saacadihii la soo dhaafay ku biiray kuwa dowladda ee ka howlgala deegaanada Galmudug. Tirada ciidamadan oo la shaacin iyo sarkaalka wata ayaa lagu soo dhoweeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wararka qaar ayaa sheegaya in tabashada askartaasi ay qanciyeen saraakiisha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan ay taagan tahay xiisad xoogan oo u dhexeysa iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, taas oo ka dhalatay dhismaha Galmudug oo mid ah. View the full article
  6. Safiirada dalalka Qatar iyo Turkiga ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Wafdigaan oo uu qeyb ka yahay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Eng Cabdi Xasan Canshuur ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay madaxda HirShabelle. Ujeedada safarka labada safiir ayaa ah mid la xariira u kuur gelida xaaladaha bani’aadanimo ee ka taagan magaaladaasi. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la qaataan mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulka HirShabelle ee ku sugan halkaasi. Xaaladda Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid aad looga deyrinayey, iyadoo inta badan ay isaga barakaceen dadkii ku noolaa xaafadaha degmadaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  7. Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu horay u magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya ayaa weli wada gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka. Xubnaha guddiga oo aan ka mid aheyn shaqaalaha dowladda ee maanta la fasaxay ayaa sheegay in sidii loogu talagalay ay ku socdaan howlaha gurmadka. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in saacadaha soo socda laba diyaaradood oo gargaar sida ay u diri doonaan degmada Bardaale ee gobolka Baay. Fatahaada wabiyada Shabelle iyo Jubba ayaa saameyn daran ku yeelatay qoysas badan, kadib markii ay daadad ku dhufteen xaafadihii ay deegaansanayeen. View the full article
  8. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KoonfGalbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanata gaaray degmada Bardaale ee gobolka Baay. Madaxweynaha oo ay la socdaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan K/Galbeed,waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay maamulka Bardaale iyo shacabka degmadaasi. Booqashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadka ka dhashay fatahaadda View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-09112019-web.mp3 View the full article
  10. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Kadib markii Baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidamo ka qoratay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa waxaa arrintaas ka hadlay maamulka Gobolkaas. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in dowladda ay Ciidamo ka qorotay Gobolka Mudug ee dhinaca dowlad Goboleedka Puntland. “Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug. Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay qaar kamid ah telefishinno uu ku tilmaamay mucaarad ay sii buun-buuniyeen warkaasi, isagoo xusay in ay la xisaabtami doonaan warbaahinta “caadaysatay wararka been-abuurka ah.” Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Axmed in dadka wararka beenta faafiyay ay lacag ka doonayan Dowladda Federaalka, haye eshee ay arrintaas ku fashilmeen waa sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur ayuu tilmaamay in wax xiriir ah uusan ka dhexeeyn Maamulka Gobolka Mudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax ciidan ah oo deegaanadaas laga qoray. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in dowladda Federaalka aysan Ciidamo ka qori Karin deegaanada Gobolka ilaa iyo inta laga xalinayo Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda. “Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu mar kale yiri. Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in xukuumadda federaalka aysan ciidamo ka qoran karin gobolka Mudug ilaa Puntland iyo Villa Somalia ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay ku mursansan yihiin. Xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe oo markii horeba xumaa, ayaa laga rajo qabay inuu is-beddel wanaagsan ku yimaado kadib markii uu talada qabtay madaxweyne Saciid Deni, hase yeeshee waa sii xumaaday. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  11. Floods have killed at least 25 people and injured 47 others as heavy rains continue to wreak havoc in Somalia, the World Health Organization (WHO) said. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) -Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa sheegay in la hubeeyey kooxda la magac baxday Xoogaga Wadaniyiinta ee uu sameeyey Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Mahad Salaad oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa tilmaamay in maalin dhoweyd degmo uu booqanayey guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish lagu qabtay 8 dhalinyaro ah oo hubeysan, markii la xirayna la sheegay inay ka tirsan yihiin Xooggaga Wadaniyiinta, kadibna la sii daayey, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in aan xilligan loo baahneyn maleeshiyaad, islamarkaana ay Soomaaliya leedahay ciidamo amni oo sifo sharci ah ku howl gala. Halkan hoose ka aqriso. Soomaaliya uma baahna GUULWADEYAAL Madaxweyne Farmaajo leeyahay oo sidii Al-Shabaab dadka madaxa jabiya! Xoogaga Wadaniyiinta Gobolka Banaadir ee Madaxweyne Farmaajo uu leeyahay gudaha dalka iyo dibedahaba waa lagu baahinayaa waxa ay leeyihiin garab hubaysan oo Bastoolado inta loo qaybiyay magaalada lagu sii dhex daayay! Maalin dhawayd degmo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo Gudoomiyaha Gobolka booqasho ku tagay waxa la ii sheegay meeshii bulshada uu kula kulmayay in lagu qabtay 8 dhalinyaradaas ka mid ah oo Bastoolado ku hubaysan, markii ciidamada amnigu qabteen kadibna inta la soo wacay loo sheegay in ay ka tirsanyihiin Xoogaga Wadaniyiinta laguna amray in ay si degdeg ah u sii daayaan!. Haddaba waxaa in la isweydiiyo mudan in maleeshiyaad hubaysan magaalada lagu sii dhex daayo micnaha ay dowladnimada u leedahay yaa noo sheegi kara? Madaxweynaha waxaan leenahay, Soomaaliya ciidamo amni oo sifo sharci ah ku howl gala, shuruucda dalka iyo xuquuqda shacabkana ilaaliya ayay u baahantahay ee GUULWADEYAAL Madaxweyne Farmaajo leeyahay oo sidii Al-Shabaab dadka madaxa jabiya uma baahna! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Warar aan ka helnay Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa Puntlandi.com u Xaqiijiyey in jirdil loo geystay Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Gedo oo maalmo ka hor [...] Source
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo gaaray gobolka Sanaag ayaa waxa uu bilowday kulamo ka dhan ah Madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Cabdullaahi (Deni). Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay ka dhasheen xil ka qaadistii guuddoomiyaha oo Khamiistii la soo dhaafay 49 xildhibaan ay kalsoonidii kala noqdeen, kadib kulan ay xubnaha baarlamaanka Puntland ku yeesheen magaalada Garoowe. Sidoo kale waxaa kulamada ka qeyb galaya waxgaradka gobolka Sanaag iyo inta badan xubanaha beesha uu ka soo jeedo Dhoobo Daareed oo ku xoogan halkaasi. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan ka sii mid ahaan doonin Puntland, kana fakiri doonaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, maadaama guddoomiyihii matalyey, xoog ah xilka looga qaaday, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale waxaa qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sanaag ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigeen boqolaal shacab ah, kuwaas oo looga soo horjeedo tallaabadii xil ka looga qaaday guddoomiye Dhoobo Daareed. Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa 2 maalin ee la soo dhaafay aheyd mid kacsan, kadib markii xil ka guddoomiyenimo lagala noqday, Dhoobo Daareed oo ay is qabteen Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi (Deni). Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  15. The Somali government commended the assistance provided by the State of Qatar to those affected by floods that hit large parts of the country, following the generous directives of Amir HH Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani to launch an airlift for flood relief in the Federal Republic of Somalia. Somali Federal Minister of Humanitarian Affairs and Disaster Management, Hamza Said Hamza, praised the repeated relief initiatives undertaken by Qatar for the benefit of Somali citizens. He expressed his deep thanks and appreciation to Amir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. The Somali Federal Minister said that the Qatari aid was timely because citizens in the affected areas of Somalia suffered the most, pointing out that this assistance would ease the suffering. Deputy Special Representative of the Secretary-General, Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia, Adam Abdelmoula expressed his thanks to Qatar for its generous contribution to the humanitarian efforts in Somalia. The second batch of humanitarian aid provided by Qatar, through the Qatar Fund for Development in coordination with the Standing Committee for Rescue and Relief Works and Humanitarian Aids for Afflicted Areas in botherly and friendly Countries, arrived on Thursday in Mogadishu, accompanied by a team from the Qatari International Search and Rescue Group (Lekhwiya). The total assistance reached about 88 tonnes of medical and relief materials. View the full article
  16. Floods have killed at least 25 people and injured 47 others as heavy rains continue to wreak havoc in Somalia, the World Health Organization (WHO) said. The WHO said the heavy rains pounding several parts of Somalia have displaced more than 270,000 people, destroying livelihoods and infrastructure in the country. “Heavy rains have led to the displacement of over 270,000 people, including 25 deaths and 47 injured,” WHO Somalia said in a tweet. “In this devastating situation, WHO Somalia is providing life-saving emergency health interventions,” it added. The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) has reported that more than 547,000 people have been affected by the floods. The UN humanitarian agency said the water levels in the Shabelle river have increased, reaching and exceeding the maximum holding capacity in Beledweyne town, which resulted in the displacement of 232,000 people. Most riverine areas along the Juba and Shabelle rivers across Hirshabelle, Jubaland and southwest states have been inundated. The rainfall forecast for the coming week shows an increase in many parts of Somalia, according to the Somalia Water and Land Information Management, managed by the Food and Agriculture Organization of the United Nations. As a result, the current high river levels in Shabelle and flash flooding are expected to continue in the coming week. View the full article
  17. Minister of Foreign Affairs and International Cooperation H.E. Amb. Ahmed Isse Awad attended the 18th African-Nordic Foreign Ministers’ meeting held in Dar es Salaam, Tanzania, which lasted from 7 to 8 November. The Africa-Nordic Foreign Ministers’ Meeting is an important annual forum for informal and open-minded discussions between Africa and the Nordic countries. The meeting, which discussed ways to promote peace, security, trade, and investment, was attended by some 29 African countries and Nordic countries such as Norway, Sweden, Denmark, and Finland. The Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation called on Nordic countries for strategic partnership in tourism and investment, saying that Somalia is a virgin country rich in natural resources, fisheries, fertile agricultural lands as well as livestock, noting that benefiting from this wealth will end unemployment and violence. View the full article
  18. Axmed Muuse Nuur Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland, Axmed Muuse Nuur oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa si adag u beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ka qoratay degaanno ka tirsan gobolkaasi Mudug. Guddoomiyaha ayaa sheegay in warkaasi ay faafiyeen dad lacag ka doonaya Villa Somalia, balse sida uu sheegay ay ku fashilmeen, maadaama aysan soo bandhigin ciidan iyo hub la wareejiyay midna. Sidoo kale, wuxu tilmaamay in qaar kamid ah telefishinno oo ku tilmaamay mucaarad ay sii buun-buuniyeen warkaasi, isagoo xusay in ay la xisaabtami doonaan warbaahinta caadaysatay wararka been-abuurka ah. “Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur mar uu ka jawaabayey su’aashaasi. Wuxuu intaasi raaciyay in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in wixii heer Federaal ee looga baahdo gobolka Mudug ay tahay in loo soo maro dowladda Puntland. “Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu mar kale yiri. Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Federaalka aysan ciidamo ka qoran Karin gobolka Mudug ilaa Puntland iyo Villa Somalia ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay ku mursansan yihiin. Dhinaca kale, dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in aysan aaminsaneyn nidaamka Federaalka ee lagu doortay, taasi beddelkeedana ay door-bidayso in dalka loo maamulo nidaam tuulo-tuulo iyo degmo-degmo ah. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland: Guddoomiyaha gobolka Mudug oo si adag u beeniyay in Villa Somalia ciidamo ka qoratay gobolkaasi appeared first on Puntland Post.
  19. A year has elapsed since Somtel sold shares to the public at an event in Mogadishu. The telecommunications company of Dahabshiil Group went down in Somali business history as the first company to publicly sell shares. This will remain a competitive edge of Somtel’s until other companies follow suit. Raising an equity capital is one of the ways a company takes advantage of growth opportunities in a saturated market. The decision to sell shares reflects realisation that Somalia-based conglomerates can no longer practise cronyism when selling equity. For a company to sell shares it has to ensure interested investors in any part of the country can buy shares. The business ecosystem of Somalia makes such a goal difficult to attain. Somalia does not have a Stock Exchange. For investors to buy shares in a given sector they will need to make informed decisions. Types of shares sold and for what price are as a useful decision-making tool as dividends companies pay and the number of shareholders. Somali businesses have entered a new phase. Companies selling equity will have to make disclosures. Ranging from how the company is run to the economic case for raising a capital from the public. Wealth creation cannot by itself be a sound reason for increasing the number of shareholders. If investors can buy shares they should be able to sell their shares if the need arises. The practice of holding a ceremony to publicise selling of shares to investors paves the way for the setting up of brokerages through which retail investors can buy or sell shares. Chairman of Dahabshiil Group Saamiga (meaning the share in Somali) is a Puntland Post initiative to promote the creation of Somalia-based brokerages. It will follow the trend of selling shares.Saamiga aims to eventually become a brokerage. It will collaborate with business economists, commercial lawyers, accountants to help investors make sense of the wealth creation opportunities that buying shares in Somalia-based companies may provide. © Puntland Post Monthly, 2019 Click here to download a full webzine The post How Can Somalia-based Companies Sell Equity? appeared first on Puntland Post.
  20. MOGADISHU (HOL) - Former Ethiopian Foreign Minister Dr Workneh Gebeyehu ascended to the helm of leadership at the regional bloc IGAD Thursday effectively sealing off hopes of long alienated members top on the list-Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil wiil dhaliyaro ah wade ka ahaa Mooto Bajaaj xalay loogu geystay agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Dilkan ayaa waxaa fuliyey askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaas oo ay isla markiiba ay gacanta ku dhigeen ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa barkoontarool oo ku taalla halkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Ismaaciil Maxamed Saciid, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa meesha uu dilku ka dhacay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga oo ku aadan dilka loo geystay wiilkaasi dhalinyarada ahaa. Sidoo kale waxa dilkan si aad u cambeereeyey ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta, waxaana ay dowladda ugu baaqeen in si deg deg ah cadaalada loo marsiiyo askarigii ka dambeeyey dilka wiilkooda. Ma’ahan markii ugu horreysay oo uu askari ka tirsan ciidamada dowladda dil u geysto mid ka mid ah wadayaasha Mooto Bajaajta ka shaqeysa Muqdisho, kuwaas oo inta badan dhibaato xoogan kala kulma ciidamada dowladda ee ku sugan Caasimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Bardaale oo ay dhowaan ka dhaceen fatahaado. Madaxweynaha oo ay la socdaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamulka Dowlad Goboleedka K/Gabeed,waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay maamulka ,degmada Bardaale iyo shacabka ku dhaqan halkaasai. Booqashada Madaxweynaha K/Galbeed ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadka ka dhashay fatahaadda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Bardaale appeared first on Puntland Post.