Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia’s Minister of Air Transport and Civil Aviation, Mohamed Abdullahi Salad (Oomaar), who spoke to the SONNA [Somali National News Agency] while he is in Canada, said he had reached an important agreement with officials from the government of Oman on the sidelines of International Civil Aviation Organization (ICAO) conference. Minister of Oromar accompanied by the Director of the Somali Civil Aviation Authority Ahmed Moalim has reached a Memorandum of Understanding with the delegation of the Oman International Aviation Authority and agreed upon bilateral aviation and civil aviation cooperation between the two countries. The agreement coincides with the International Conference on the International Aviation Organization (ICAO) in Montreal, Canada, which has entered into the second phase of the first and second elections of the permanent member states for the next 3 years. Somalia was represented at the conference by HE Mohamed Abdullahi Salad (Omaar) Minister of Air Transport and Civil Aviation. The Minister and his delegation held separate meetings with some of the international delegation after the vote, discussing a number of issues. and to strengthen cooperation and relations with Somalia in these countries. The delegates that the Minister met, include some from Germany, Saudi Arabia, Turkey, South Africa, Qatar, Malaysia, and the regional aviation organizations of the Arab League (ACAO) and the AFCAC. The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia, Ambassador Mahamat Saleh Annadif has congratulated the Federal Government of Somalia. The biggest achievement is that Somalia is now officially in control of its airspace, more than 25 years since the collapse, thanks to efforts by the Federal Government of Somalia. View the full article
  2. Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta shirkii golaha dhexe ku ansixiyay xubno ka tirsan xisbigaasi. Xubnaha la ansixiyay oo u mahadceliyay xubnaha golaha dhexe. Waxaana ka mid ah xubnaha la ansixiyay: • Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guddoomiye xigeenka 1-aad • Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac Guddoomiye xigeenka 1-aad • Kayse Cali Geeddi guddoomiye xigeenka 3-aad • Khadar Xuseen Cabdi Xoghayaha guud Source
  3. Madaxweyne Farmaajo wuxuu yiri lacagtii lagu ridi jiray Raysal wasaarayaasha Ayaan ku iibiney Aqalka Safaarada Soomaaliya ee Maraykanka, Waa arin Macquul ah laakiin Madaxweynuhu muxuu [...] Source
  4. (SLT-Burco)-Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ayaa ansixiyay Muddo sannad ah din loo dhigay shirweynaha xisbigaasi waxaanay codayntu u dhacday sida tan: Waxa fadhiya 345 xubnood Waxa ogolaaday 341 xubnood Ma jirto cid diiday Waxa ka aamusay 4 xubnood Source
  5. Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Baydhabo ayaa sheegaya in maamulka madaxweyne Cabdi Casis Lafta-gareen uu bilaabay cadaadis iyo ficillo ka dhan xuriyatul qowlka. Todobaadkan gudihiisa waxaa la xiray dad aad u tira badan, waxaa kale oo la mamnuucay shirarka iyo in xisbiyada siyaasadda ka howl-galaan Koonfur galbeed. Cabdiqaadir Barre Macalin oo ahaa weriye madaxbannaan oo horay uga soo shaqeeyey Radio Baydhabo, Barkulan, Koonfur Galbeed TV iyo meelo kale ayaa la xiray, ilaa hadda lama sababta. Liibaan Ibraahim Amiin oo ah wakiilka hey’adda Posos ayaa ka mid ah dadka todobaadkan la xiray, hey’adiisa waa NGO. Xasan Macalin Isaaq oo horay u ahaa guddoomiyaha ku-xigeenka maaliyadda ee gobolka Bay ayaa isna la xiray arrimo aan la garaneyn. Mustaf Ibraahim oo isna ahaa guddoomiye ku-xigeenka Baydhabo ayaa ka mid ah dadka u xiran maamulka Koonfur Galbeed. Dhanka kale, waxaa la mamnuucay shirarka aaney ka warqabin maamulka ee ka dhacaya gudaha maamulka Koonfur Galbeed, Waxaa kale oo la mamnuucay xafiisyada xisbiyada ay ka furan lahaayeen gudaha maamulka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa falkaasi cambaareeyey isaga oo bartiisa Twitterka soo dhigay “Waa wax laga xummado sida loola dhaqmay saxaafadda Baydhabo. Dambiga kaliya ay galeen waa iney gaarsiyeen dadweynaha Soomaaliyeed war run ah oo dhacay ee tolow dadkii warramayne waa sidee xaalkooda. Allow Alle! Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. MOGADISHU (HOL) - At least two civilians were injured when an AMISOM convoy was hit by a landmine in SOS area in Mogadishu’s Hilwaa district. Source: Hiiraan Online
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka ee Somaliland ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay dacwadda loo heysto, Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse (Coldoon) oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa ee xarunta mamulkaasi. Maxkamadda racfaanka ayaa tan gobolka Maroodi-Jeex ku raacday xukunkii saddexda sano iyo lixda bilood ee ay horay ugu riday Coldoon. Wararka ayaa sheegaya fadhiga maxkamadda uusan joogin wax Qareen ah oo difaacayey, Wariye Coldoon, taas oo ay walaac xoogan ka muujiyeen qoyskiisa. Cabdimaalik oo xabsiga ku jira in ka badan 6 bilood ayaa loo heystaa eedeymo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland iyo Dusiga Abaarso oo ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa. Dhowaan Qareenkiisa ayaa is casilay, isaga oo sheegay in Soomaaliland uusan ka jirin sharci madax banaan. Xarigga Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse (Coldoon) ayaa waxaa si aad ah u cambaareeyey dad badan, kuwaas oo ku dhaliilay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. (SLT-Burco)-Shirkii goalaha dhexe ee xisbiga WADDANI oo hadda si toos ah uga socda magaalada Burco ayaa waxa xilka laga qaaday xoghayihii guud ee hore Maxamed Cabdillaahi Uurcadde. Xilka qaadista Maxamed Cabdillaahi Uurcadde waxa ay ku timid soo jeedin ka timid guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo guddiga fulinta ee xisbiga. Golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ayaa hadda codayn u qaaday xil ka qaadista Uurcadde waxaanay u dhacday codaynto sida tan: waxa fadhiya shirka 352 xubnood waxa ogolaaday 344 xubnood waxa diiday 4 xubnood waxa ka aamusay 6 xubnood Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar) oo la Hadley warbaahinta isagoo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in heshiis muhiim ah ay la galeen madax ka socotay dalka Cumaan,kuwaasi oo qeyb ka ahaa shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO). Wasiir Oomaar oo uu wehliyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Waxay Heshiis is afgarad ah la galeen wafdiga Hay’ada Duulista Hawada ee Saldanada Cumaan,waxayna isku afgarteen isku socodka duulimaadyada Labada dal iyo Horumarinta Arrimaha duulimaadka rayidka (Civil Avation) ee labada dal. Heshiiskaasi ayaa wuxuu bar bar socday Shirkii uga socday wadamada adduunka ee xubnaha ka ah Hay’adda Duulista Hawada ee Caalamka (ICAO) Magaalada Monterial ee Dalka Canada,kaasi oo galay wejigiisii labaad oo ah doorashada qeybaha 1aad iyo 2aad wadamada xubinta ka noqonaya guddiga joogtada ah ee 3da sano ee soo socota. Soomaaliya waxaa shirkaais u matalayay mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) iyo wafdigiisa ayaa markii ay codeyntu dhamaatay ka dib waxa ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen qaar kamid ah wafuudii dowladaha caalamka uga qeybgashey shirkaasi Caalamiga ah,isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya dalalkaasi. Wafuudda uu la kulmay Wasiir Oomaar ayaa waxaa ay kala yihiin Wadamada Germany, Saudi Arabia, Turkey, South Africa, Qatar, Malaysia iyo Urur goboleedyada Duulista Hawada ee Jaamacada Carabta (ACAO) iyo kan Africa ee AFCAC. Shirkan oo ahmiyad gaar ah u leh Dawladda Federaalka Soomaaliya ayey Mas’uuliyiinta Dawladaha Caalamka waxay bogaadiyeen sida Hufnaanta leh oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u hanatay Maamulidda Hawadeeda,taasi oo ay ku mutaysatay in ay Madaxda Dawladaha bogaadin u muujiyaan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir Oomaar iyo dadkii kala shaqeeyey ee Wasaaradiisa,oo dadaalkooda aan hagarta laheyn lagu gaarey Guusha maanta la hantay. Guusha ugu weyn ayaa ah in Soomaaliya ay hataan si rasmi ah u maamuleyso hawadeeda,muddo ka badan 25 sano kadib,tan iyo burburkii,taasi oo ku timid dadaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyay xeerka xisbiga waxaanay codayntu u dhacday sida tan: xubnaha fadhiyay 352 xubnood xubnaha ogolaaday 338 xubnood xubnaha diiday 8 xubnood xubnaha ka aamusay 6 xubnood Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayna ka soo qayb galeen Wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahanno, Culimaa’udiin, ururka haweenka qaranka, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, waxaana kulankan soo qaban qaabiyey Madasha U Abaal-Gud oo matasha shacabka soomaaliyeed. Shahaada sharafta ay heshay shirkadda Hormuud ayaa waxaa u gartay dadka Soomaaliyeed, waxayna noqotay shirkaddii ugu horrasay ee abaal-marin noocaan ah la siiyo, iyadoona Hormuud Telecom ku mutaysatay garab istaagga dadka Soomaaliyeed iyo u gar-gaaridda dadka dhibaataysan. Martidii sharaftii ka soo qayb gashay xafladda ayaa mid mid u dul istaagay waxqabadka muuqda ay shirkadda Hormuud u qabatay dadkeeda, waxayna dhammaantood isku raaceen in Hormuud Telecom la garab istaago mar waliba ay taageero u baahato. Batuulo Sh. Axmed Gaballe Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajisay in Hormuud Telecom ay mudan tahay in shacabkeeda ay shahaado sharaf noocaan ah u gartaan ay tahay arrin ku dayasho mudan, waxayna dhinaca kale xustay in Hormuud dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada Kenya ay tahay wax aan laga aamusi Karin. “Hormuud waa hanti Soomaaliyeed, marna kama aamusi doono in la bur buriyo Hantida Ummadda Soomaaliyeed, waa in aan garab istaagnaa markii ay inoo baahato”. Ayay tiri guddoomiyaha Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Batuula Shiikh Axmed Gaballe. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Sidoo kale madasha ka sheegay in Hormuud tahay shirkad u dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed ayna u baahan in abaal-marinno sidaan oo kale ah ay shacabkeeda u gartaan. “Shirkad Soomaaliyeed oo aan aqaanno waxa ay qabatay marqaatina ay ka yihiin shacabka Soomaaliyeed waaye Hormuud Telecom, waxaana leenahay Hambalyo mar labaad iyo mar saddexdaad” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa. Wasiiru dowlaha waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, ayaa dhinaca kale carrabka ku dhuftay in xukuumadda Soomaaliya ay marnaba raali ka noqon doonin bur-burinta lagu hayo xarumaha Isgaarsiinta Hormuud, isagoona dhinaca kale xusay in Hormuud ay tahay hanti qaran mar walbana loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed ay abaal-marin noocaan ah u gartaan dadka waxqbadkooda muuqdo sida Hormuud oo kale. Ugu dambayn Cabdixakiim Xasan Idow oo ka mid ah maamulka sare ee shirkadda Hormuud Telecom oo guddoomay shahaado sharafta ayaa xusay in garashada Shacabka soomaaliyeed shahaado noocaan ah siiyaan Hormuud ay tallaabo wanaagsan, waxa uuna u mahad celiyey dadkii u gartay shahaadadaan, iyo sidoo kale madasha U abaal-Gud oo xafladda soo qaban qaabisay. Guddoomiye Cabdixakiim Xasan ayaa dhinaca kale khubadiisa ku soo qaatay qaar ka mid ah waxqabadka shirkadda Hormuud isagoona yiri “Hormuud Telecom waxay qayb wayn ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha, waxayna sidoo kale shaqo abuur u samaysay in ka badan 30,000 Kun shaqaale ah, waxaana ganacsiyada soomaaliyeed ku maal-galinnay in ka badan 15 Million dollar.” Waa markii ugu horraysay ay dadka soomaaliyeed shahaahdo sharaf noocaan ah u gartaan shirkad ganacsi oo ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, taas oo lagu abaal-mariyey kaalinta muuqata ay ka gaysatay garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyo u hiillinta dadka tabaalaysan ay xil iska saartay shirkadda Hormuud Telecom.
  12. Recently, the Minister of Security of the Federal Government of Somalia said that they arrested Abdiwahid Khalif Abdi, who was the head of al-Shabaab in [...] Source
  13. (SLT-Burco)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Shirka maanta waxa maanta fadhiya 352 xubnood oo golah dhex ah sida uu sheegay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga WADDANI Cismaan Afgaab oo furay shirka. Guddoomiye Cismaan Afgaab ayaa waxa kale oo uu sheegay in shirka maanta lagaga hadli doono arrimo ay ka mid tahay: 1) xil ka qaadis ay soo jeedisay guddiga fulinta ee xisbiga WADDANI 2) ansixinta xubno cusub Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Mudo dhowaad ayaa Wasiirka Amniga Dowlada Federaalka wuxuu sheegay in ay gacanta ku dhigeen Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo ay sheegeen inuu ahaa Madaxa Amniyaadka Al-shabaab [...] Source
  15. Wararka naga soo gaaraya agagaarka xaafadda SOS ee degmada Heliwaa ayaa sheegaya in goordhow halkaasi qarax lagula eegtay kolonyo ciidamada AMISOM ah oo jidka marayey. Ciidamada AMISOM ee miinada lala eegtay ayaa rasaas furay dadkii goobta ku sugnaa si aan kala sooc laheyn. Lama oga khasaaraha ka dhashay goobta, laakin dib ayaan idiin soo dheegi-doonnaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Africa ee AMISOM goor dhow lagula eegtay magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi, xilli ay marayeen agagaarka isgoyska Soos degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka wateen ciidamadaasim kaas oo uu burbur xoogan soo gaaray. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan, taas oo ay ka dhalatay waxyeelo u badan dhaawac. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana dib u furmay dhaq dhaqaaqa waddada uu qaraxu ka dhacay. Inta badan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa qaraxyo lagu weeraray, xilliyada ay marayaan xaafadaha Soos iyo Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdihso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa fiidnimadii hore ee xalay Duqeyn ku dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Duqeyntan oo ay Ciidammadu ka fuliyeen duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay Ciidammada Xoogga Dalka ka war heleen inay goobtaas isku urursadeen Al-Shabaab ah oo doonayey iney weeraro kusoo qaadaan degmada Awdheegle . Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey Radio Muqdisho in duqeyntan lagu qaarijiyey ilaa 20 waxaana uu ka mid ah ku xigeenka Horjoogaha Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil oo magaciisa afgarashada uu yahay (Xasan Jiiroow). Horjooge Xasan Jiiroow oo caawa ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo af jareen waxa uu hogaaminayey weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab horey ugu qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Janaale iyo Bariire oo gobolka Shabeelada Hoose ka tirsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanka ay soo wajahday “khatar aan horay loo arag” ayadoo uu isa soo tarayo cadaadiska uga imaanaya dhanka xisbiga dimuquraadiga ah oo wada baadhitaan lagu doonayo in xilka looga tuuro. Muuqaal uu ku faafiyey bartiisa twitter-ka, ayaa Trump wuxuu ku sheegay in xisbiga Dimuquraadigu ay u soo dhigteen “xurriyadiisa asaasiga” ah, asagoo tilmaamay in sababta ay u bartilmaameedanayaan ay tahay in uu u halgamayo dadka Maraykanka ah. Golaha wakiillada ee uu ku xooggan yahay xisbiga Dimuquraadigu, ayaa bilaabay tallaabooyin su’aalo lagu waydiinayo Trump kaddib markii ay soo bexeen eedaymo sheegaya in uu awooddiisa ku takri falay. Trump ayaa beeniyey eedaymahaas loo jeediyey, asagoo sheegay in dadka ka soo horjeeda ay wadaan ol’ole asaga ka dhan ah si ay u gaaraan danahooda gaarka ah. Trump ayaa lagu tuhunsan yahay in dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelinsky uu cadaadis ku saaray in uu sameeyo baadhitaan lagu xaqiijinay in Joe Biden uu Trump kula tartami doon doorashooyinka madaxtinimada. Madaxda guddiyada saddexda ah ee Golaka Wakiillada ayaa amar ku siiyey Xooghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo in uu soo gudbiyo qoraallada xidhiidhka la leh kiiskaan. Dhanka kale, Trump ayaa sheegay in Joe Biden, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii maamulkii Barack Obama, uu Garyaqaanka Guud ee Ukraine cadaadis ku saaray in uu is casilo sannadkii 2016 si Joe Biden uu u ilaashado sharikad uu wiilkiisa Hunter Biden uu ka shaqaynayey. Basle Trump ma soo bandhigin wax caddayn ah oo arrintaas ku saabsan. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in ay adag tahay in madaxweyne Trump xilka laga tuuro xataa haddii golaha wakiilladdu ay tallaabadan taageeraan, waayo xisbiga Jamhuuriga ayaa aqlabiyad ku leh golaha Senate-ka. Source
  19. (SLT-London)-Markab watay calanka dalka Britain, kaas oo bishii July ay qabsatay dawladda Iran ayaa Sabtidii shalay ku xidhay dekedda dalka Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta. Warkan waxa laga soo xigtay dhowr warfidiyeen iyo website ururiya wararka maraakiibta. Markabkan oo lagu magacaabo Stena Impero, kaas oo lagu hayey deegaanka Bandar Cabbaas ee dalka Iran, in ka badan labo bilood, ayaa bilaabay inuu ka dhaqaaqo dalkaas Jimcihii dorraad, isago oo gaaray Dubai Sabtidii shalay. Erik Hanell oo ah agaasimaha shirkadda leh markabkan ayaa warfidiyeenka u sheegay in shaqaalaha markabka la soo daayey ay nabdoon yihiin, niyadooduna ay wanaagsan tahay. Waxa uu intaas ku daray in shaqaalaha loo diyaariyey sidii ay qosaskoodii dib ugu noqon lahaayeen. Source
  20. (SLT-Yemen)-Dhaqdhaqaaqa xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in weeraro ay ku qaadeen gobolka Najran ee dhaca koonfur-galbeed ee dalka Sacuudiga, noloshana ku hayaan kumanaan askari oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Sacuudiga. War saxaafadeed ka soo baxay kooxda Xuutiyiinta ayaa dhanka kale lagu sheegay in saddax korneyl oo ka tirsan millatariga Sacuudiga lagu dilay weerarka kaasi oo socday mudo Badan. Afhayeenka Xuutiyiinta Yaxye Saree ayaa ku dhawaaqay in Xuutiyiinta ay meel qarsoodi ah ku hayaan ciidanka ay soo qafaasheen iyo boqolaal gaadhi oo kuwa Dagaalka. Dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa diyaaradaha aan cidna wadin ee loo yaqaan Drone-ka oo ay mudooyinkii la soo dhaafay xuutiyiinta u adeegsanayeen weerarada ay ku qaadayaan gudaha Sacuudiga. Afhayeenka dagaalyahanada Yemen ayaa dhanka kale tilmaamay in Xuutiyiinta ay u fududahay in weeraro ay ka geestaan dalka Sacuudiga, inta Xukuumada Riyaad ay wado duulaanka ka dhanka ah shacabka Yemen. Marka laga soo tago sheegashada xuutiyiinta ayaa ilaa iyo hada waxaa jirin jawaab ka soo baxday dowlada Sacuudiga.5 Source
  21. The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) member states have failed to agree to endorse protocol on transhumance. Source: Hiiraan Online
  22. Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markii todobaadkii hore ay xayiraad saartay. Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Aadan Isaaq Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladdu fasaxday duulimaadyadii rayidka ahaa, kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo sida uu yiri. “Kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo dowladda Federaalka waxay fasaxday duulimaadyadii rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Warfaafinta. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-soofesane-.mp3 m View the full article
  23. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen nawaaxiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno isugu jira saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in duqeyntaasi ay la beegsadeen xarun ay isku uruursanayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, si ay u qaadaan weeraro ka dhan ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in duqeyntaasi lagu dilay ku dhowaad 20-tan ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar sare. Xubnaha la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu ka mid yahay Xasan Abshir Jibriil oo ahaa hoggaamiye ku xigeenka qeybta Jabhadda loo yaqaano ee ka tirsan Al-Shabaab. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladdiyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howlgallada ka socda G/Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. View the full article
  24. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar) oo la Hadley Wakaaladda(SONNA) isagoo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in heshiis muhiim ah ay la galeen madax ka socotay dalka Cumaan,kuwaasi oo qeyb ka ahaa shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO). Wasiir Oomaar oo uu wehliyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Waxay Heshiis is afgarad ah la galeen wafdiga Hay’ada Duulista Hawada ee Saldanada Cumaan,waxayna isku afgarteen isku socodka duulimaadyada Labada dal iyo Horumarinta Arrimaha duulimaadka rayidka (Civil Avation) ee labada dal. Heshiiskaasi ayaa wuxuu bar bar socday Shirkii uga socday wadamada adduunka ee xubnaha ka ah Hay’adda Duulista Hawada ee Caalamka (ICAO) Magaalada Monterial ee Dalka Canada,kaasi oo galay wejigiisii labaad oo ah doorashada qeybaha 1aad iyo 2aad wadamada xubinta ka noqonaya guddiga joogtada ah ee 3da sano ee soo socota. Soomaaliya waxaa shirkaais u matalayay mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) iyo wafdigiisa ayaa markii ay codeyntu dhamaatay ka dib waxa ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen qaar kamid ah wafuudii dowladaha caalamka uga qeybgashey shirkaasi Caalamiga ah,isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya dalalkaasi. Wafuudda uu la kulmay Wasiir Oomaar ayaa waxaa ay kala yihiin Wadamada Germany, Saudi Arabia, Turkey, South Africa, Qatar, Malaysia iyo Urur goboleedyada Duulista Hawada ee Jaamacada Carabta (ACAO) iyo kan Africa ee AFCAC. Shirkan oo ahmiyad gaar ah u leh Dawladda Federaalka Soomaaliya ayey Mas’uuliyiinta Dawladaha Caalamka waxay bogaadiyeen sida Hufnaanta leh oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u hanatay Maamulidda Hawadeeda,taasi oo ay ku mutaysatay in ay Madaxda Dawladaha bogaadin u muujiyaan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir Oomaar iyo dadkii kala shaqeeyey ee Wasaaradiisa,oo dadaalkooda aan hagarta laheyn lagu gaarey Guusha maanta la hantay. Guusha ugu weyn ayaa ah in Soomaaliya ay hataan si rasmi ah u maamuleyso hawadeeda,muddo ka badan 25 sano kadib,tan iyo burburkii,taasi oo ku timid dadaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  25. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-29092019.mp3 View the full article