-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha GMDQ marwo Xaliimo Ismaaciil ayaa kulan mira dhal ah oo ku saabsan doorashada qof iyo codka ah ee 2020ka la qaadatay ku xigeenka Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay marwo Aamina J. Mohamed oo booqashao ku timid Muqdisho. Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Xog-hayaha Guud ee QM ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin kawada shaqaynta arrima doorashada qof iyo cod, helista dhaqaale lagu diiwaangeliyo codbixiyaha, sidii aay u ogolaan lahaayeen madaxda Gobolada in aay Xisbiyadu xaafiisyo ka furtaan sida ugu dhaqsiyaha, uuna u soo bixi lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan leh Sharciga Doorashooyinka, iyo sidii aay UN-ka u garab istaagi lahaayeen doorashada 2020. Waxay sidoo kale si wadajir hoosta uga xarriiqeen in haweenka Soomaaliyeed ay muhiim u tahay iney doorashada uga qeyb galaan cod-bixiye ahaan & musharraxiin intaba. Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si wadajir ah kaalin weyn uga qaata nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga marwo Xaliimo ayaa ku xigeenka xog-hayaha guud uga mahad celisay hoggaankeeda wanaagsan iyo dadaalka ay ku bixiso horumarinta sinnaanta iyo dhismaha dowladnimo loo dhan yahay. kulankaasoo ku dhamaadey guul. View the full article
-
For the first time in decades, a renaissance of the Somali state is remerging and accoridng to the World Bank the country's vibrant economy has started to see real growth. The Somali diaspora's energy, tenacity and investments are also adding value to the sacrifice and progressive steps taken by Somalia’s citizens and its leaders. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (SMN) – Webiga Jubba ayaa sameeyay fatahaad ay ka dhasheen dhibaatooyinka dhinaca nolosha ah, sidda la sheegay. Daadadka ayaa si gaar ah wuxuu u sameeyay beeraha, taas oo waxyeelo u geysatay dalaga oo ay ku tiirsan yihiin qoysas badan. Sidda laga soo xigtay dadweynaha, waxaa jirta cabsi kale oo ku saabsan in Webiga uu ku fataho degaano kale oo ay ku jirto magaaladda Baardheere. Shacabka ay haleeshay dhibaatadan ayaa ka codsaday dowladda iyo maamulka Jubbaland in uu lasoo gaaro gurmad degdeg ah. Fatahaada Webiga ayaa ka dambeysay markii rooban mahiigaan ah ay saacadihii lasoo dhaafay ka da’een gobolada Jubooyinka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Jubba.mp3 View the full article
-
Walaac ayaa ku abuurmay dad badan oo ku qanacsanaa Madaxda Qaranka iyo sida ay wax u socdaan kadib markii la arkay qoraalka Jariiradda The Nation oo soo xiganaysa Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya kaasoo sheegay kulan uu la qaatay Madaxweynaha Soomalaiya inuu kala hadlay sidii ay dowladda Soomaaliya uga laaban laheyd dacwada muranka dhinaca Badda ee Soomaaliya kala dhexeysa Kenya kasoo Maxkmadda yaala. Safiirka ayaa Jariiradda Nation u sheegay sida ay dowladda Mareykanku u dooneyso in muranka Badda ee u dhexeeya Soomalaliya iyo Kenya si hoose loogu dhameeyo, waxa uuna safiirku intaa ku daray in Madxweyne Farmaajo iyo Kenyata ay dhameeyaan khilaafka dhinaca Badda ee ay isku hayaan si meel looga soo wada jeesto dagaalka lagula jiro Alshabaab. Dadka walaacsan ayaa doonaya si ay u qancaan in Madaxda Qaranka sida Madaxweynaha ama Ra’iisul Wsaaraha ay ka hadlaan hadalka ka soo yeeray Safiirka Mareykanka ee Kenya, waxayna dadkaasi dhaliileen oo ay saluugeen naqdinta ka soo yeertay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isagu eed aaney laheyn kala dul dhacay Jariiradii Safiirka Wareysatay. Waxa arinta sii kiciyey oo shacabka walaac kusii abuuray dad badan oo isugu jira kuwo dano gaar ah ka leh arintan iyo kuwo kale oo ay daacad ka tahay oo canbaareyn iyo eed aan loo meel deyin kala dul dhacay madaxda dalka siiba Madaxweynaha oo ay ka doonayeen inuu markiiba gaashaanka u daruuro qoraalka safiirka Mareykanka oo sheegay inuu kula kulmay Magaalada Muqdisho. Marka loo dhabagalo imaatinka safiirka Mareykanka ee Kenya ee Magaalada Muqdisho iyo la kulanka Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku cadaadiyey inuu ogolaado in kiiska Badda ee yaala Maxkamadda Aduunka lagala soo laabto si labada dowladood (Somalia iyo Kenya) uga wada hadlaan si hoose, waxaa laga joogaa sedax bil waxayna ku beegneyd Jully 2019, waxaana xusid mudan in wareysiga safiirka aaney ku jirin in Madaweyne Farmaajo qorshihiisa ka ogolaaday iyo inuu ku diidey labadana. Waxaa arimahaas isku fuuqsaday oo cadeeyey mowqifka dowladda oo wax kama jiraan ku tilmaamaya hadalka Safiirka khudbaddii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeediyey bil ka hor Fadhiga Golaha Guud ee loo dhan yahay taasoo uu ku sheegay in aaney marna ogolaaneyn in si hoose muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya looga wada hadlo, waxa uuna intaa ku daray Madaxweyne Farmaajo in Soomaaliya ay ku qanacsan tahay go’aanka Maxkamadda kiisku hadda hor yaalo kaasoo la ogyahay xitaa in aanu Racfaan laheyn. Dadka waxaa dhiiga ku kacay oo madaxoodii majaha u rogey oo shaki badan ku dhaliyey Wareysiga Safiirka oo Doraad ku beegnaa, waxeyna u qaateen in kulanka Safiirka Mareykanka ee Kenya iyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wareysigu yihiin Maalmo isu dhow. Waxa shaki bax ku filan socdaalkii Horraantii bishii maarso ee sanadkan ee Adis-Ababa uu ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya ee kulanka kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, markiiba waxaa Madaxweynaha loo soo kexeeyey Kenya si ay u wada hadlaan Kenyata oo ay u xaliyaan khilaafka hareeyey labada dal, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu madashaas ku ogolaaday inuu Uhuru kala hadlayo wax walba oo ay labada dal isku hayaan oo uu xitaa tanaasul ka sameynayo wax badan marka laga reebo kiiska Badda oo hadda yaala waxa loogu yeero Maxkamadda Cadaaladda Aduunka. Marka laga yimaado is jiidjiidka siyaasiyiinta Soomaalida oo midba midka kale karkaarka doonayo inuu weydaariyo (ka saaro saaxada siyaasadda soomaaliya) waxaa marag ma doonto ah in kiiska muranka Badda ee Kenya nagala dhexeeya door fiican oo Soomaalinimo ah laga ciyaaray, masuuliyadda ugu weynna wxay hadda saaran tahay dowladda hadda shaqeysa ee uu madaxda u yahay Madxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kiiska Maxkamaddu waa gebagebo, waxaa dhiman hal dhegeysi oo ku beegan June sanadka 2020, labada wadan Soomaliya iyo Kenya kiiba waxaa Qareenadooda la dhegeysan doonaa 4 saacdood, Augustana waxaa la quuddareynayaa inuu go’aanka kama danbeysta ahi soo baxo, Gebagebadii waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed walaaca joojiya, dowlednimo ayaa idin deeqda ee iskarow kan leexada leh. Waxaa qoray: Cadinaasir Xersi Iidle. Naasirx1@gmail.com. 00252-615503978. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay qarax nooca miinada ah la eegatay cutubyo kamid ah ciidanka Burundi ee ka tirsan AMISOM. Weerarka oo khasaaraha ka dhashay aan la ogeyn ayaa ka dhacay degaanka Buurane ee ku dhow degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan falkan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Taliska Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika. Inta badan Al-Shabaab ayaa ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxay la eegataa qaraxyo noocaan ah. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/BR.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Cutubyo kamid ah ciidamada Gorgor ee dowladda federaalka ayaa laga dejiyay Dhuusamareeb, caasimada Galmudug. Diyaarad gaar ah oo ciidanka ka qaadey magaaladda Muqdisho ayaa ka dejisay xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Xoogagan oo tiradoodu lagu sheegay 60 ayaa ah ilaaladda gaarka ah ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo halkaas ku wajahan. Khayre ayaa lagu waramayaa in uu dardargelin doono dedaaladda dhismaha maamul loo dhan yahay iyo doorashooyinka. Dhinaca kale, ciidanka dowladda ayaa qaybo kamid ah magaaladda kawada dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu amniga lagu sugayo. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/AW.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-25102019.mp3 View the full article
-
At least 16 dead in anti-Abiy protests in Ethiopia: Amnesty
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Addis Ababa, Ethiopia (AFP) - At least 16 people have been killed in violence in Ethiopia this week that began with protests against Prime Minister and Nobel Peace Prize laureate Abiy Ahmed, an Amnesty International researcher said Friday. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (SMN) – Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya ayaa tababar soconayay Saddex Cisho loogu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho. Tababarkan oo ay sidoo kale ka qeyb galen Saraakiil ka socota laamaha ay hay’addu ku leedahay Gobollada Dalka ayaa waxaa lagu baranayay Casharro ku saabsan Isticmaalka qalabka iyo hababka casriga ah ee loogu adeegsado howlaha socdaalka. Agaasime ku xigeenka hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaaji Bashiir, ayaa uga horeyn uga mahadceliyay hay’adda socdaalka Adduunka (IOM), oo soo qaban qaabisay tababarkan. Mudane; Cabdullaahi Xaaji, ayaa ugu dambayn waxa uu Shahaadooyin guddoonsiiyay Saraakiisha tababarkan loo soo xiray, wuxuuna kula dardaarmay in aqoonta kororsadeen ay ku dabbaqaan shaqooyinka ay ka hayaan xarumaha hay’adda ee ay ka kala yimaadeen. Agaasime ku xigeenka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ka qeybgalayaasha faray in cilmigii ay halkan ka korodhsadeen ay uga faa’ideeyaan Saraakiisha ay xarumahooda kaga yimaaddeen ee aan tababarkan nasiibka u yeelan. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) –Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas laga dajiyey diyaarad siday ciidamo. Ciidamadaan oo gaarayo ilaa 60 Askari oo ka tirsan Ciidanka Gor-gor ee Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxay diyaarad ka qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Ciidamadaa ay yihiin ilaalada gaarka ah ee Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la filayo n uuu gaaro magaalada Dhuusamareeb. Ciidamada laga dajiyey Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo aadayo xilli Magaalada ay xalay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna kadib markii Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda uu rasaaseeyey Shiikh Shaakir iyo ilaaladiisa. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa khadka teleefanka kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda Galmudug, waxaana uu kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xaaladda Magaalada Dhuusamareeb. Xaalada magaalada ayaa saaka ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa saacadihii la soo dhaafay gashay xaalad cabsi ah oo ka dhalatay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeday, kaddib markii gelinkii dambe ee shalay rasaas laga maqlay bartamaha magaalada, taasoo ka dhacday hal qori. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa khadka teleefanka kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumadda Galmudug, waxaana uu kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xaaladda Magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Madaxa Xukuumadda Galmudug u sheegay in ay ka jawaabeen dalabkoodii ahaa in la soo xiro askartii ka dambeysay rasaastii xalay lagu furay Xero Inji, oo ka mid ah goobaha uu Madaxa Xukuumadda Galmudug ka degan yahay Magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka ayaa sheegay in rasaastaasi ay ahayd mid uu furay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya, isla-markaana ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan, hadana uu xiran yahay. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ka codsaday inaanan la argagax-gelin bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay Xoogaga Ahlu Sunna joojiyan xarumaha ay la wareegayan. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxa Xukuumadda Galmudug uu aqbalay baaqa kaga yimid Wasiir Sabriye, balse ay ka doonayan in sharciga la horkeeno, lana cadeeyo sababtii keentay in lagu soo weeraro Xero Inji. Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka carooday tallaabada lagu rasaaseeyay Xero Inji, xilli uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug, oo sidoo kale ka mid ah Masuuliyiinta Ahlu Sunna. Xoogaga Ahlu Sunna ayaa xalay lagu arkaayay wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb, wixii ka dambeeyay markii rasaasta lagu furay Xero Inji. Xero Inji ayaa sidoo kale ah xarunta ugu weyn ee ay leeyihiin Xoogaga Ahlu Sunna. Ka sokow dhaq dhaqaaqyada ciidan ee magaalada gashay waxaa barbar socday kulamo iska soo horjeeday oo lagu soo dhoweynayay Guddiyada labada dhinac ee ay kala magacaabeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug. Xaalada magaalada ayaa saaka ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
African Development Bank and Three Regional Development Banks Launch Joint Report on Livable Cities Washington, D.C. October 18, 2019 — Rapid urbanization has provided most cities in the world with opportunities to provide more sustainable, vibrant, and prosperous centers for their citizens. But they must first address challenges such as inadequate infrastructure investments, pollution and congestion, and poor urban planning, according to a new report released today. The report, Creating Livable Cities: Regional Perspectives, looks at urbanization trends across emerging and developing economies in Africa; Asia and the Pacific; Eastern Europe, Southern and Eastern Mediterranean; and Latin America and the Caribbean. It is a joint publication by four regional development banks (RDBs) operating in these regions—African Development Bank (AfDB), Asian Development Bank (ADB), European Bank for Reconstruction and Development (EBRD), and Inter-American Development Bank (IDB). “Cities offer access to key infrastructure, institutions, and services for a good quality of life,” ADB President Takehiko Nakao said. “They can be centers of innovation for a more livable future for all. But realizing that potential requires forward thinking and flexible planning, adequate capacity at the municipal level, and good governance.” Nakao took part in a launch event at the IDB headquarters today in Washington, D.C., with the presidents of the other three development banks: Mr. Akinwumi Adesina of the African Development Bank, Suma Chakrabarti of EBRD, and Luis Alberto Moreno of IDB. The world’s urban population has grown from just 750 million in 1950 (or 31% of the total population) to 4.2 billion in 2018 (55% of the total population)—a number that is estimated to reach 5.2 billion in 2030 (60% of the total population). While the majority of leading economic hubs are still in advanced economies, the center of economic activity is moving toward the developing and emerging markets, the report says. Asia and Africa will account for 90% of urban population growth between 2018 and 2050, with more than a third of this growth to happen in just three countries—the People’s Republic of China (PRC), India, and Nigeria. Although large and still dominant, megacities of more than 10 million people and national capitals are not the fastest-growing urban areas. Urban areas with fewer than 1 million residents account for 59% of the world’s urban population and are experiencing a faster growth rate across the regions, the report says. President of the African Development Bank, Akinwumi Adesina said, “We are helping to open up rural areas to development as a means of reversing migration trends. To do this, we are investing in skill upgrades, creating jobs, providing access to SME finance for young men and women. Ultimately, we need to create livable and workable cities for the younger generation.” Cities need large scale investments to develop and maintain infrastructure and services such as urban transport, water supply, sanitation, and solid waste management. In the face of rapid growth, overstretched services, skills shortages, and increased vulnerabilities to disasters are adding to cities’ environmental stress. The publication examines the types of policy interventions and approaches needed to promote competitive, inclusive, equitable, and environmentally sustainable and climate-resilient cities—four factors that taken together make cities “livable.” “RDBs play an important role in identifying, distilling, and diffusing knowledge and actions that can accelerate progress toward creating more livable cities,” the report says. Making cities more livable is one of the seven operational priorities of ADB’s Strategy 2030. ADB’s Livable Cities approach puts people and communities at the center of urban development, and promotes strengthening urban institutions through holistic and participatory urban planning and sustainable financing, and use of data and digital technologies to improve urban services to the residents. Adesina called for increased regional development bank cooperation in information sharing, shared learning from existing diagnostic tools, and a joint action plan and collective effort to help create sustainable and livable cities. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Bishii November ee sanadkii hore Hey’adda Qaramada Midoobay ayaa loo gudbiyey eedeymo ka dhan ah Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John. Warbixinta loo gudbiyey Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay qeyb ahaan aheyd mid qarsoodi ah oo kaliya lala wadaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ay ka sameysay eedeymaha ka dhanka ah Saadaq Joon. Eedeymaha loo heysto Saadaq Joon waxaa ka mid ah inuu hoggaaminayey weerarlkii lagu qaaday Guriga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Bishii December ee sanadkii 2017. Weerarka lagu qaaday guriga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lagu dilay 5 kamid ah ilaaladiisa kadib is rasaaseyn ka dhacday gudaha guriga Cabdiraxmaan oo ku yaalo meel u dhow Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. Jeremt Schulman oo ah Qareenka u doodaya Saadaq Joon ayaa sheegay inuusan ku lug laheyn weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame isla markaasna amarkaas laga soo bixiyey Taliska Dhexe ee hey’adda Nabadsugidda. Taliyihii hore Nabadsugida Cabdullaahi Sanbaloolshe oo uu qareenka Saadaq Joon sheegay inuu ka mid yahay marqaatiyaasha qiray inuusan Saadaq ku lug laheyn weerarka guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa VOA u sheegay inuusan isaga waxaas kala hadlin qareenka isla markaasna kaliya wax laga waydiiyey aqoonta uu u leeyahay Saadaq Joon mudadii ay wada shaqeenayey. Wuxuu sheegay inuusan isaga marqaati ka noqon karin wixii uu Saadaq Joon sameeyey wixii ka dambeeyey markii xilka laga qaaday. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna kamid ahaa dadkii ka qeybgalay barnaamijkaan ay sameysay VOA ayaa sheegay inuu Saadaq Joon hoggaaminayey weerarkii lagu soo qaaday isla markaasna uu isaga Albaabka Guriga soo garaacay. Wuxuu xusay inay hayaan marqaatiyaal badan oo qirayo inuu Saadaq Joon hoggaaminayey weerarkii Gurigiisa lagu qaaday. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta oo dhameystiran https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/3be26fb5-2838-451a-a983-4e3c1fb60341_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Beledwayne (SMN) – Xaalado bini’aadanimo ayaa laga soo sheegayaa qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya Sheekh Xuseen Cusmaan Cali, gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda gobolka Hiiraan, ayaa xusay in xaalado meel adag ay mareyso. Fatahaadyo horleh oo uu sameeyay webiga Shabelle ayuu cod dheer ku qeexay in ay keentay in xaaladda ay sii xumaato. Shacabka ayuu cod dheer ku qeexay in aanan lasoo gaarsiin wax gurmad ah una baahan yihiin sidiid degdeg ugu heli lahaayeen. Dowladda Federaalka ayuu ku tartarsiiyey in ay gurmad lasoo gaarto dadweynaha oo uu caddeeyay in ay baahi weyn u qabaan arrinkaas. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Xalad.mp3 View the full article
-
Kenya waxay il ka garatay in gobol dhan oo Soomaaliyeed uu guumeystihi u hadiyeeyay oo aysan cidna kula dagaalin, waxay il ka garatay in isla guumeystihii uu ciidamo ilaaliyo u keenay, waxay haddana ogtahay in kuwii xaq-darradaas ku soo garab taagnaa ay joogaan iyadoo ka filaysaa in qaybo ka mid ah biyaha badda koonfureed ee Soomaaliya ay mar kale u hadiyeeyaan!…Run ahaan Kenya waxba innagama aysan waayin. Tan iyo muddadii ay dadka Soomaaliyeed ku qaxeen dalka Kenya waxay Soomaalida aad xiriir dhow ula samaysteen guud ahaan shacabka iyo dowladda Kenya, waxayna rumaysnaayeen in labada dal ay yeelan karaan xiriir aad u qoto dheer, waxayna si kalsooni aan xudduud lahayn oo aan qarsoonayn ay hantidoodii iyo naftoodii ugu aamineen dalka Kenya. Hasa ahaatee ifafaalaha siyaasadda dowladda Kenya ee hadda muuqda wuxuu muujinayaa wax ka duwan sida ay dadka Soomaaliyeed is moodsiiyeen, waxayna Kenya u muuqataa inay raadinayso wax horay loo baray oo ah in dhul Soomaaliyeed loo boobo hadana lagu ilaaliyo!…. Waxaa hadal laga xumaado ahaa in safiirka dowladda Maraykanka u jooga dalka Kenya uu ku faano inuu la hadlay madax-weynaha Soomaaliya oo uu u sheegay in dacwadda badda Soomaaliyeed ee la boobayo laga soo celiyo maxkamadda ay taal oo lagu dhameeyo wada hadal dhex mara labada dal, waxaa taas ka sii darnaa oo hadal lagaad iyo jees-jees ah oo uu yiri labada dal waxaa ka dhexeeya wax intaas ka weyn oo ah la dagaalanka Al-SHabaab!…Al-SHabaab?!…arrintan waxay u marqaati kacaysaa tuhunkii ay wax-garadka Soomaaliyeed qabeen oo ahaa in magaca Al-SHabaab loo adeegsanayo dano kasta oo guracan oo Soomaaliya laga leeyahay!… Al-SHabaab waa magac la buunbuuniyay, waxaana hadda socda olole dagaal oo ka dhan ah oo ay shacababka Soomaaliyeed isaga celinayaan Al-SHabaab markii ay dareemeen Al-SHabaab inay ka macnayaal badantahay magacaas, waxaana meelo badan oo ka mid ah gobollada Koonfureed ee dalka kula dagaalamaya oo iska xoreeyay dad shacab ah oo is abaabulay oo aan waliba qoryo waaweyn iyo hub culus aan wadan (Macawisleey) kuwaas aan wax gacan ah ka helin dalal shisheeye iyo dowladda dalka ka jirta midna. Safiirka, Kyle McCarter, hadalka ka soo yeeray waa mid macno u samayniya tuhunka dadka Soomaaliyeed iyo wixii ay dareemayeen ee ahaa inuu gar-daro cad kula saftay dal u soo bareeray inuu ku soo xad-gudbo xuduudda Soomaaliya, waliba xilli ay Soomaaliya ku jirto xaalad adag dhankii laga eegaba, waxayna arrintan dad badan xasuusinaysaa sidii guumeystihii Ingiriirska uu dalkooda u qaybiyay isla markaasna u gobol Soomaaliyeed u raaciyaya dalka Kenya. Waxaana jira in badan oo shacabka Soomaaliyeed ah oo rumaysan in dib loogu noqday xilliyadii guumeystaha, madaxda dalkana aysan ahayn rag adag oo xilligaan qalafsan oo cadow badan uu dalkii soo haliilay ka saari karaaya, hadalka safiirkana waxay rumaysanyihiin inuu ahaa amar uu siiyay madax-weyne Farmaajo oo dad badan ay rumaysanyihiin inuu yahay nin jilicsan oo u dhega nugul awaamirta shisheeyaha isagoo waliba lagu dhaliilo inuusan shacabka u sheegin waxa ay ka wada hadlaan isaga iyo siyaasiyiinta shisheeyaha ah, laakiin sida hada Kyle McCarter uu sameeyayba waxay shacabka Soomaaliyeed xogta kulannada uu siyaasiyiinta iyo ergooyinka shisheeyaha ah uu Farmaajo la yeesho ka helaan siyaasiyiinta shisheeyaha ah!…Waxaana hadalka McCarter cadayn u yahay inay jiraan arrimo badan oo halis ah oo uu Farmaajo ka qariyay shacabka Soomaaliyeed siiba shirarkii uu la gelayay ra’iisal wazaaraha Itoobiya Abiy Axmed! SHaki la’aan waxaa ah in dadka Soomaaliyeed ay ogyihiin duulaanka lagu soo qaaday dalkooda, waxaana intaas dheer inay meel kasta oo ay joogaanba aysan dalkooda ku haleynayn madaxda ay ogyihiin ama tuhunsanyihiin in qaarkood la keensaday, qaarkood la laaluusho, qaarkoodna la cabsiiyo, waxayna si dhow ula socdaan oo indhaha ku hayaan duullaanka qaawan ee horornimmada ah ee ay dowladda Kenya ku soo qaadday xudduudda biyaha Soomaaliya, waliba inta badan shacabka waxay rumaysanyihiin in gar-darrada bareerka ah ee ay Kenya kula kacday Soomaaliya ay tahay gar-darro garab og! Isla markaasna aysan hurayn in dadku dalkooda difaacdaan! Kenya haddii ay la weyntahay la dagaallanka Al-SHabaab shacabka Soomaaliyeed waxaa taas kala weyn inay dalkooda difaacdaan naftoodana u huraan ilaalinta xudduudihiisa iyo qaranimmadiisa. Oktoobar 16, 2011, Markii ugu horeysay ee ay ciidammada Kenya ka soo tallaabeen xadka labada dal way iska cadayd in Kenya ay ku socotay shax lagu soo dhiiri geliyay, waxaana isla markiba arrintaas ku taageeray dowladda Israa’iil iyadoo sheegaysa inay Kenya ka caawin doonto difaaca dalkeeda isla markaasna gacan ka siinayso xagga gaashaan-dhigga iyo taba-barrada ciidammada! Hasa ahaatee xaqiiqda qarsoonayd waxay ahayd duulaanka ay hadda ku hayso biyaha Soomaaliyeed, joogitaankeeda Jubbada Hoosana waa qayb ka mid ah duulaankaas iyadoo qabta shaatiga AMISOM ee hadda la oran karo wuxuu noqday qayb ka mid ah gaadiidka gumeysiga iyo maqaarka ay soo huwadaan dalalka deriska ah, waxaana joogitaanka ciidammada Kenya ee gobollada Jubbada-Hoose iyo Gedo run ahaantii lagu macnayn karaa inay qabsatay gobolladaas aakhirkana ay tagayso in laga xoreeyo!… Dad badan ayaa caqligooda qaba in ciidammada Kenya ay gobolladaas u joogaan ujeeddo la xiriirta la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada laakiin xaqiiqada waxaa weeye in Kenya halkaas ay ku timid qorshe ay ka soo fekertay oo ay waliba kala soo tashatay kuwa hadda ku daba taagan ee ugu hiilinaya sidii ay u qabsan lahayd xeebta koonfureed ee dalkeenna. Marka hore dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay ogaadaan in dowladda Kenya wixii ka horeeyay heshiiskii ku sheeggii xaaraanta ahaa ee loogu magac daray Memorandum Of Understanding (MOU) ee ay la saxiixatay dowladdii ku-meel gaarka ahayd ee madax-weyne SHiik Shariif Axmed inaysan talo jirin inay wax ciidan ah oo ay leedahay ay keento ciidda Soomaaliyeed, laakiin markii la sahmiyay xeebaha koonfureed ee dalka isla markaasna ay shirkadihii sahanka sameeyay iyo Kenya isku af-garteen inay kheyraadka lagu arkay xeebahaas ay la baxaan, taasi waxay horseedday in dowladda Kenya ay 2009-kii heshiiska MOU (ama heshiis is-faham) loogu yeeray ay la saxiixato Soomaaliya si ay u hesho meel ay wax un ka bilowdo. Saxiixii heshiiskaas ka dib ayeey Kenya go’aansatay in iyadoo ka faa’idaysanaysa magaca AMISOM ay qabsato magaallada Kismaayo iyo deegaannada xudduud ahaan ku simman qaybaha badda Soomaaliyeed ee damaceedu uu yahay inay qabsato, waxaana shaki la’aan ah in Kenya aysan si quruxsan uga bixi doonin ciidda Soomaaliyeed, wana sababta aysan u jojinayn taageerrada ay u raadinayso duulaanka ay Soomaaliya ku soo qaaday. Waxaase is weydiin mudan sababta ay Kenya u diidantahay in maxkamad lagu kala baxo, waxaase loo qaadan kara in sida dad badan ay moodeen aysan ahayn inay Kenya ka baqayso qaynuun iyo in laga gar helo laakiin ujeeddadeedu ay tahay inaysan rabin inay ka baxdo gobollada ay qabsatay laakii ay hadda ku joogto magaca AMISOM!…waa sida ay runtu tahay, Kenya waxay aaminsantahay inay qabsatay dhul iyo bad Soomaaliyeed iyadoo aan qofna ka dhiman, waxayna rabtaa inay sidaas ku qabsato, laakiin Kenya ha ogaato dalka dadkii lahaa buu ka maqanyahay! Hadalka Amb. McCarter, ayaa isagna loo qaadan karaa hiilo cad oo waliba kibir doqonimo ah ay ka muuqato, hiillada noocaas ahna waa sababaha mar kasta ay ka dhashaan colaadaha dami waayay ee xudduudaha dalalka Afrika ka aloosan ee aan lahayn dhammaadka. Kyle McCarter, waxaan leeyahay Soomaaliya waxaa Al-SHabaab uga daran duulaanka ay Kenya ku soo qaaday dalkeeda adigana sida hadalkaada ka muuqata aad taageertay, mana aha arrin ay shacabka Soomaaliyeed qaadan karayaan, waxayna keenaysaa in wax badan layska weydiiyo istaraaiijiyadda siyaasadeed ee ka dambaysa hadalka McCarter!…waxayna sabab u noqonaysa colaad iyo xiiso aan horay u jirin!…Waase iga su’aalee McCarter dacwad maxkammad hor taal inuu hor joogsado muxuu sabab uga dhigayaa oo aan ahayn inuu itaal sheeganayo?!…Aduunkase itaal waa ku kala adkaan waayay!…. W.Q:Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Mr. McCarter: Soomaaliya duulaanka Kenya baa uga daran Al-SHabaab! appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Taliska Booliska magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday halkaas. Cabdullaahi Xasan Macalin, taliyaha bileyska xarunta gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in la dhameeyay xiisadii ka dhalatay dhacdadaas. Xiisadda ayaa ka dhalatay markii ay ciidamo ka tirsan dowladda rasaas ku fureen guri uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug. Mr Xasan ayaa beeniyay in ciidamo ka amar-qaata Ahlu Sunna ay la wareegeen xarunta dowladda hoose ee magaaladda Dhuusamareeb. Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa sheegay in xaaladda magaaladda ay tahay mid degan, isla markaana aysan wax kacsanaan ah oo hadda jirta. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bartamaha-Soomaaliya.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kadib dadaalo badan oo ay Maxdaxda Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta ee DFS ka samayeen dib u soo celinta xiriir ka Shirkadaha ku leh Xirmooyin Shidaal Iyo kuwo kale oo maal gashi cusub ka samaysta Wadan ka Soomaaliya ayaa waxaa lagu guulaystay in lagu qanciyo Shirkadaha lagu leeyahay Ijaar ka Xirmooyinka ay haystaan. Heshiis ku saab sanaa bixinta Ijaarka Xirmooyin Shidaal oo ay galeen Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta Iyo Shirkadaha Shell/Exxon Mobil bishii Juune ee Sanad kan ayay Shirkadahaas u soo shubeen DFS $1.7M oo ah qaybtii u horaysay ee ah Ijaar lagu lahaa Muddo ku siman 30 Sano. Maamulka Lacagtan ayaa ku salaysnaan doonto heshiiskii Kheyraad Wadaaaga ee ay kala saxiixdeen DFS Iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS sida uu bartiisa twitter ka ku shaaciyay Wasiir Ku Xigeenka Batroolka Iyo Macdanta DFS Mudane Maxamud Cabdiqaadir Hilaal. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-25102019-sax.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen is rasaaseyntii xalay ka dhacday Magaaladaas taasi oo la sheegay in wax khasaaro ah ka dhalan. Taliyaha ciidanka Booliska degmada Dhuusamareeb Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa sheegay in xaalada Magaalada Dhuusmareeb ay tahay mid degan, isla markaana wixii ka dhacay ay ahaayeen wax aan sidaasi u weyneyn lana xaliyey. Israsaaseynta xalay ka dhacday Dhusamareeb ayaa timid kadib markii Ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen Guri uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in aysan jirin ciidamo gooni ah oo la wareegay Xarumaha qaar ee Dhuusamareeb, balse sugida Amniga Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ay u xilsaaran yihiin Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhanka kale Ciidamada booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay xiray askarigii rasaasta Ku furay xarun uu Ku dugnaa madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Si kastaba Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug weli kama hadlin rasaasta xalay la sheegay in Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku fureen Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay soo geba-gabaysay dhismaha Golaha Degaanka degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Wasaaradda ayaa shalay galab soo bandhigtay liiska cusub ee Golaha Degaanka Buuhoodle oo ka kooban 25 xubnood kuwaasi oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka degmadaasi. Sidoo kale xildhibaannada Golaha Degaanka Buuhoodle ayaa isla xalay doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada kadib doorasho halkaasi ka dhacday. Guddoomiyaha degmada Buuhoodle ayaa loo doortay Shawr Cabdullaahi Maxamed halka ku xigeenkiisana loo doortay Maxamed Cali Qawdhan sida uu shaaciyay wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Hoos ka daawo muuqaalka shaacinta PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo maamul cusub u dhistay degmada Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladdaFederaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Ruushka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee haatan horyaalla labada dhinac. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo uu sheegay in uu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, isagoo xusay tiirarka ay tahay in uu ku saleysnaado xiriir kasta oo iskaashi oo Qaaradda Afrika ay la yeelanayso dalalka Caalamka. “Shirweynahani waa fursad dhab ah oo dib loogu eegi karo, laguna sii horumarin karo cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay Afrika la leedahay Ruushka iyada oo loo marayo iskaashi iyo wadashaqayn si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay’’. Madaxweynaha ayaa dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Ruushka, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ahaa iyo sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u soo nooleynta xiriirkaas. “Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Ruushka iyo inay la shaqayso Midowga Afrika si loo hubiyo in guul laga soo hooyo xiriirka labadeenna dhinac ee la xiriira dhammaan dhinacyada kala duwan”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Madashan iyo maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee goobta joogay in ay soo booqdaan Soomaaliya si ay u soo arkaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ayna u soo qiimeeyaan fursadaha maalgashi iyo khayraadka uu Alle ku mannaystay dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ruushka Mudane Vladimir Putin, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas soodhaweynta diirran iyo martiqaadka sare ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Madashan. Halkaan ka daawo khudbadda madaxweynaha oo turjuman PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Madasha iskaashiga Afrika iyo Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland kuwaasi oo kala ah : Warfaafinta, Xiriirka Dadweynaha, Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Dowladda Puntland: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.75 oo ku taariikheysan 28ka Oktoober 2019 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Khibradooda shaqo Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) loo magacaabay Afhayeenka ahna Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyadda Dowladda Puntland. 2. Waxaa Liibaan Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. 3. Waxaa Abshir Cali Qood loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Madaxtooyada Dowladda Puntland. 4. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Seed loo magacaabay Agaasimaha Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay mas’uuliyiin cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho laga joojiyay xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyadoo la marsiiyay madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Warbixinta aan helnay ayaa sheegaysa in safiirka Turkiga uu warqad cabasho ah uu u qoray guddoomiyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabashada safaaradda ayaa aheyd mid ku saleysan in mas’uuliyiintaan ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda ay safaaradda u soo doontaan fududeenta dal-ku-galka Turkiga (Visa), waxayna u qaataan si joogto ah. Ugu yaraan 15 qof oo kamid ah xukuumadda iyo baarlamaanka oo ay safaaradda dacwada ka gudbisay ayaa qofkiiba qaaday dhowr qof oo uu ku sheegay xaaskiisa. Qaarkood ayaa dhaafay 4 qof oo dumar oo ah tirada qofka muslimka ah loo ogol yahay in uu guurasdo siday ay sheegtay safaaradda Turkiga. “In kabadan 8 jeer ayey qaarkood noo keeneen hablo, waxay ku sheegeen xaaskooda midba mar ayey noo keeneen waxaan u sheegnay in aysan qabi karin intaan oo aysan diintu ogoleen” ayuu yiri masuul ka tirsan safaaradda Turkiga ee Muqdisho. “Mid kamid ah markaa weydiino magaca qofkii ugu horeeyay ama labaad oo dhameestiran ma yaqaano waxaa badan haween ay saaxiibo la yihiin xataa ma ahan qaraabadooda” ayuu yiri masuulka aan xogtaan ka soo xiganay oo ka tirsan safaaradda Turkiga. Caasimada Online waxay ka gaabsatay baahinta magacyada masuuliyiintaan oo qaarkood xilal saro ka haayo xukuumadda iyo baarlamaanka Soomaaliya waxaase xogta aan helnay ay sheegeysaa in hadda aysan sidii hore aheyn dhibaatadii ay qabeen. Arintaan ayaa sababtay in gudaha safaaradda Turkiga ee Muqdisho laga joojiyay ka bixinta fisaha Turkiga waxaana qandaraaska fisaha la siiyay shirkad gaar ah, ayada oo laga raray gudaha safaaradda Turkiga maadaama aan safaaradda laga joojin karin xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee usocda safiirka Turkiga ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors
