Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,942
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo kan Shacabka Puntland wuxuu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday waxyeelada ka dhalatay Fatahaadda Webiga Shabeelle, wuxuuna illaahay uga baryay inuu Jannatul Fardowsa geeyo, eheladoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo. Puntland, Dowlad iyo Shacab ahaanba waxay la qeybsanaysaa dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadk leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba, waxaana la garab taaganahay taageero iyo gurmad ay waajib tahay inaan bixinno. Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ugu baaqay cidkastoo gacan ka geysan karta in la sameeyo waxkasta oo suuragal ah si dadkaasi ay u helaan caawimaad bani’aadanimo oo deg deg ah. Waxaa sidoo kale lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda oo geysta khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay u gurmanayso dadka fatahaaduhu saameeyeen appeared first on Puntland Post.
  2. Dubai needs to halt all new home construction for one or two years to avert an economic disaster brought on by continued oversupply, according to one of its biggest builders. Source: Hiiraan Online
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay inay wax kaalin ah ku lahayd go’aanka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu xoghayaha guud ee ururka IGAD ugu magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda dalkiisa Workneh Gebeyehu. Go’aankan ayaa ka carreysiiyey dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, oo doonayey inay helaan xilkan, maadaama Itoobiya ay hayso guddoomiyenimada ururka oo ah Abiy, halka Kenya uu kasoo jeedo xoghayaha guud ee xilka ka degaya Maxbuub Macallin. Diblomaasiyiin ayaa laga soo xigtay in tallaabadan ay ku heshiiyeen Kenya iyo Itoobiya, si ay isku weydaarsadaan labada xil ee ugu sarreeya ururka, ayada oo la filayo in xilka guddoomiye ee Abiy uu la wareego Uhuru Kenyatta. Si kastaba, diblomaasi Kenyan ah ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Kenya aysan waxba ka ogeyn go’aanka lagu magacaabay Workneh Gebeyehu, islamarkaana uu yahay mid si shaqsi ah uu u qaatay Abiy Ahmed. “Waxaan rumeysannahay in magacaabista xoghayaha guud ee wanaagsaneyd in la sugo ilaa shir madaxeedka ururka oo laga wada tasho” ayuu yiri diblomaasiga Kenyanka ah. Waxa uu sheegay in go’aanka ay dalalka ee ururka u arki karaan mid muujinaya in Itoobiya aysan dooneyn in cid kale ay wax ku yeelato hoggaanka ururka, taasna aysan sax ahayd. Itoobiya ayaa xilka guddoomiyenimo ee ururka haysay tan iyo sanaddii 2010, halka Kenya ay haysay xilka xoghayaha guud, tan iyo sanaddii 2008. Soomaaliya weligeed ma aysan qaban mid ka mid ah labada xil ee sare ee ururka, waxaana madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dadaal u galay in la siiyo xilka xoghayaha guud, balse waxaa muuqata in Abiy Ahmed uu ku takri-falay awooddiisa hoggaamineed. Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadal arrintan, hase yeeshee waxaa waddaa dadaallo ay qeyb ka tahay Jabuuti, oo xilalka ururka looga dhigayo kuwa wareegga oo dhammaan dalalka xubnaha ah ay u siman yihiin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  4. Refugees came to rebuild their lives, and rebuilt a town in turn. One Mainer who tracked this former mill town’s yearslong transformation found herself transformed: The native debunked her own biases about the newcomers. Source: Hiiraan Online
  5. EDMONTON - The City of Edmonton has named its Youth Poet Laureate for 2019/2020. Source: Hiiraan Online
  6. SABATTUS (WGME) – Two people are dead, and three others hurt, after a horrific crash in Sabattus Source: Hiiraan Online
  7. Ninka bedelaya Abuu Bakar Al-Baqdaadi iyo dalka uu ka soo jeedo oo la ogaaday Kadib markii uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku dhawaaqay geerida hogaamiyihii kooxda Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi, ayaa waxay su’aalo badan dul hooganaya cida la wareegi doonta hogaaminta kooxdaasi. Waxa soo if baxaya Warbixino sheegaya in Abuubakar Al-Baqdaadi uusan aheyn mudooyinkii u dambeeyay hogaamiyaha dhabta ah ee sida tooska ah u waday howl-galadii ururka Daacish, balse uu arrimahaasi ku wareejiyay una xil saaray guddi gaar ah. Sidoo kale Waxa isasoo taraya su’aasha ah, yaa Baqdaadi dabadii ururku u dooran doonaa Hogaamiye?, iyadoona ay soo shaac baxeyso cidda badali doonta, ugana caan ee magaciisa loo adeegsado marka la dhaho yaa badali doona Baqdaadi. Ciraaq Turkman Abdullah Qardash loona yaqaano ‘Haji Abdullah al-Afri’ ayaa ah Ninka lagu wado in uu noqdo hogaamiyaha cusub ee Daacish, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada Mosoul ee waqooyiga Ciraaq. Qardash ayaa hore waxa uu Abuubakar Baqdaadi ugu magacaabay ‘Daryeelka xaaladaha Muslimiinta’ sida ay bishii August baahisay wakaalada wararka ee ururkaasi. Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan gobolka oo dalbaday in la qariyo magaciisa iyo wadanka uu ka soo jeedo ayaa Wargeyska News Week u sheegay in Qardash uu gali doono booskii Baqdaadi. Sarkaalkaasi ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in Baqdaadi uu ahaa hogaamiye sharafeed aan shaqo ku laheyn howl-galada uu fuliyo ururku, wuxuuna yiri “Baqdaadi waxa uu sameyn jiray oo kaliya doorashada Haa ama Maya, balse shaqo kuma laheyn qorsahah”. Qaran News
  8. Kampala (Caasimada Online) – Wiil sheegay inuu dhalay madaxweynihii hore ee Uganda, Idi Amin Dada, oo muddo la baadigoobayay, ayaa laga helay Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska sida uu qoray New Vision ee kasoo baxcay Kampala. Sheekh Cabdullaahi Idi Amin, oo haatan qof weyn ah, ayaa waxaa aqoonsaday ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaas oo kolkii dambe baray Xildhibaano reer Uganda ah oo dhowaan booqday Soomaaliya. Mudaneyaasha oo todobaadkan lagu soo dhaweeyay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa kormeero ku kala bixiyey saldhigyadda muhiimka ah oo ay xoogagan ka joogan dalka. Sharci dejiyeyaasha iyo Cabdullaahi ayaa ku kulmay degaanka Carbiska ee duleedka magaala madaxda Soomaaliya, halkaas oo ciidamada Uganda ku leeyihiin xero iyo Isbitaal. Wafdiga Xildhibaanada ayaa waxaa hogaaminaya Col Charles Okello Engola, oo ah Wasiiru Dowlaha Difaaca Uganda, kaasoo kamid ah xubnaha ay la kulmay Cabdullaahi ee sawirada la galay. Waa kuma Cabdullaahi Idi Amin? Sidda laga soo xigtay warbaahinta, Cabdullaahi ayaa haatan ah xubin ka tirsan Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya gaar ahaan milatariga ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose. Hooyadii oo Soomaali ah, kana soo jeeda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyo aabihii reer Uganda ah, ayaa wada dhalay laba caruur oo uu Cabdullaahi kamid yahay. Dhowr su’aal ayaa soo ifbaxaya kadib arrintan, waxaana kamida qaabka ay markii hore ku kulmeen, sidda ay isku waayeen kuna lumay Cabdullaahi iyo hadii la hayo shaqsiga kale. Sidoo kale ma cadda in sheegashada Cabdullaahi ee ah inuu dhalay madaxweyne Idi Amin lagu xaqiijiyey dheecaanka DNA iyo in kale. “Waligey ma aanan arkin qoyskeya ku nool Uganda,” ayuu yiri Aamiin, kaasoo wareysi siiyay wargeyska afka dheer New Vision ee kasoo baxa magaaladda Kampala. Cabdullaahi oo haatan leh xaas iyo caruur ayaa waxaa la fahansan yahay in loo jeediyay in loo duuliyo Uganda si uu halkaas ugu qaato inta uga hartay noloshiisa. Engola, oo farxad ka muujiyey helitaanka, ayaa u balanqaadey in uu ku xiri doono reerkiisa oo uu kamid yahay Jeneraal Taban Amin oo ah Agaasimaha Hay’adda Amniga Gudaha Uganda. Madaxweyne Idi Amin Dada, oo dadka qaarkii yaqaanaan “Dilaagga Uganda” kaasoo geeriyooday sanadka markii uu ahaa 2003-dii ayaa wuxuu xafiiska joogay intii u dhaxeysay 1971 illaa iyo 1979. Isha: New Vision + Garowe Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Senatorada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo jeediyay baaq ku aadan shariciga xaqsiinta siyaasiyiinta oo uu maanta ansixiyay golaha Aqalka Sare. Muuse Suudi ayaa sheegay in aysan xiligaan haboonayn in la meel mariyo sharcigaas oo sida uu sheegay sad bursi badan uu ka muuqdo. Waxa uu ku tilmaamay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee uu sharcigaan xaqsiinayo in ay la mid yihiin Hooyo iyo Aabe ilmahooda oo baahi banaanka la jooga raashinkii guriga kula xarooday. Senatorka ayaa ka digay in sharciga xaqsiinta siyaasiga oo xiligaan uusan dalka tabar dhaqaale u laheyn uu sidaan ku dhaqan galo. Sharciga xaqsiinta siyaasiyiinta ayaa u ogolaanaya xildhibaanada hada shaqeeya iyo madaxda kale ee dalka markii uu dhamaado waqtigooda xil heynta in ay helaan guno iyo mushaar joogto ah, waxaana walaac badan laga qabaa sida ay ku suurta galayso, maadaama uu dalku la daalaa dhacayo duruufo dhaqaale iyo deymo caalami ah. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa horay u ansixiyay sharcigan, si lamid ah golaha Aqalka Sare ayaa maanta meel mariyay, waxa uuna sugayaa oo kaliya saxiix Madaxweyne. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Idlib (Caasimadda Online) – Kadib markii uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku dhawaaqay geerida hogaamiyihii kooxda Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi, ayaa waxay su’aalo badan dul hooganaya cida la wareegi doonta hogaaminta kooxdaasi. Waxa soo if baxaya Warbixino sheegaya in Abuubakar Al-Baqdaadi uusan aheyn mudooyinkii u dambeeyay hogaamiyaha dhabta ah ee sida tooska ah u waday howl-galadii ururka Daacish, balse uu arrimahaasi ku wareejiyay una xil saaray guddi gaar ah. Sidoo kale Waxa isasoo taraya su’aasha ah, yaa Baqdaadi dabadii ururku u dooran doonaa Hogaamiye?, iyadoona ay soo shaac baxeyso cidda badali doonta, ugana caan ee magaciisa loo adeegsado marka la dhaho yaa badali doona Baqdaadi. Ciraaq Turkman Abdullah Qardash loona yaqaano ‘Haji Abdullah al-Afri’ ayaa ah Ninka lagu wado in uu noqdo hogaamiyaha cusub ee Daacish, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada Mosoul ee waqooyiga Ciraaq. Qardash ayaa hore waxa uu Abuubakar Baqdaadi ugu magacaabay ‘Daryeelka xaaladaha Muslimiinta’ sida ay bishii August baahisay wakaalada wararka ee ururkaasi. Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan gobolka oo dalbaday in la qariyo magaciisa iyo wadanka uu ka soo jeedo ayaa Wargeyska News Week u sheegay in Qardash uu gali doono booskii Baqdaadi. Sarkaalkaasi ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in Baqdaadi uu ahaa hogaamiye sharafeed aan shaqo ku laheyn howl-galada uu fuliyo ururku, wuxuuna yiri “Baqdaadi waxa uu sameyn jiray oo kaliya doorashada Haa ama Maya, balse shaqo kuma laheyn qorsahah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  11. Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa habeenkii xalay ahaa kulan ku yeshay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye iyo hoggaanka sare ee Ahlu-sunna Waljameeca. Waxyaabaha kulankan looga hadlay waxaa ugu horreeyey arrimaha ammaanka iyo sidii ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna ugu laaban lahaayeen xerooyinkooda, maadaama dhowaan ay magaalada soo buux dhaafiyeen. Sidoo kale, wararka aynu helnay ayaa sheegay in laga wadahadlay arrimaha ku aaddan Labada guddi ee dowladda iyo Ahlu-sunna soo kala magacaabeen. Ugu dambeyn, Labadan dhinac ayaa isku raacay in ciidamada lagu celiyo xerooyinkooda, sidoo kalena amniga magaalada looga dambeeyo Nabad sugidda. Horey waxaa jiray kulamo ay u wada yeesheen wasiirka arrimaha gudaha iyo hoggaanka Ahlu-sunna, kulamadaasina wax natiijo ah kama aanay soo bixin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Ugu horeyn waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa dhamaan walaalaha reer Beledweyn oo isugu jira asxaab qaali ah, walaalo, masaakiin birma geedo ah, ganacsato iyo inta ay saameynta taban ku yeelatey fatahaada webiga Shabelle ee magaalada Beledweyn. Waxaan rabaa inaan halkaan kusoo bandhigo aragtideyda ku aadan dhibaatanaha biniaadamnimo ee ka jirta magaalada Beledweyn. Run ahaantii, waa wax aad looga murugoodo ineynu sanad kasta marka la gaaro waqtigaan oo kle ka baroorano musiibo fatahaad oo aafo weyn gaarsiineysa walaalo nagu qaali ah iyo magaalo maqaankeeda sida Beledweyn oo kale ah. Beledweyn waa magaalo dhaqaale iyo ganacsi taas oo ay u dheertahay goobta straatiijiga ah ee ay dhacdo marka loo eego muhiimada ay u leedahay isku xirka ganacsiga iyo isu socodka gobolada waqooyi iyo koonfur ee dalka. Intaas waxaa sii dheer, in magaalada ay hoy u tahay indheer garad aad u badan kuwaas oo qeybo kala duwan iyo heerarka kala gelisan ee horumarka dalka udub dhexaad u ah. Ka shaqsi ahaan, weli maan tegin magaalada beledweyn hase ahaatee waxaan aqaan asxaab fara badan oo ka yimid beledweyn oo aynu bah wadaag ku aheyn waxbarashada iyo shaqada. Waxaan sidoo kale ogahay in ardada iyo aqoonyahana ugu badan ee maanta Muqdisho wax ku barta iney u badan yihiin kuwo ka yimid Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, qiyaasteyda keliya waxaa ka badan kuwa magaalada Muqdisho ku dhashey. Si la mid ah waxey aad ugu xoogan yihiin ganacsiga iyo saameynta siyaasada ee dalka guud ahaan. Haddaba, iyadoo ay magaalada dalka uga dhigantahay xajmiga aan kore kusoo xusey iyo weliba kuwo kale aan halkaan kusoo koobi karin, maxaa keeney in hal dhibaato ay soo noqnoqoto sanad weliba? Waxeynu sanadkasta ka sheekeynaa xubno muhiim ah oo aynu ku weyney dhibaatada webiga aawadeed, adduun qiima badan inooga fadhiya oo ku weyno, caqabad dhanka dhaqaalaha dalka oo idil ah taas oo ka dhalata saameynta ay fatahaada ku yeelato isu socodka gobolada dalka iyo hakad ku yimaada suuqgeynta waxsoosaarka magaalada. Maxaa keeney in magaalada ay awoodi weyso iney qiimeyn ku sameyso aafooyinka dabiiciga ah qorsheysana hababka ugu haboon ee loo xakameyn karo dib usoo noqnoqodka dhibaato aan cidina u aaba yeeleyn. Waxey magaalada leedahay maamul u dhisan u addeegista dadka reer Baladweyn. Waxaa ugu horeeya ee looga baahan yahay ayaa ah badbaadinta nolosha iyo hantida dadka magaalada, iyo horumarintooda. Si la mid ah, waxaa jira maamulka Hirshabeelle oo loo doortey u khidmeynta dadka Hirshabelle oo ay koow ka tahay magaalada ugu weyn ee labada gobol ee uu maamulka ka arimiyo. Waxa ay dadka gobolka siyaabo kala duwan u bixiyaan canshuurta iyadoo hadafka koowaad uu yahay in lagu maalgeliyo mashaariicda horumarineed iyo maamul ee danta guud. Intaas waxaa sii dheer, kaalmaha bani’aadanimo ee sida joogtada ah loogu deeqo maamulka iyo horumarinta nolosha dadka reer Hirshabelle iyo magaalooyinka ka hoos dhisan. Marka ay soo ifbaxaan xaalada deg deg ah sida tan hada taagan, waxaa jira gargaar loo fidiyo dhibanayaasha ayadoo laga falcelinayo musiibada. Deeqahan waxey isugu jiraan kuwo ay bixiyaan deeq bixiyayaal caalami ah, dowlada dhexe, ganacsato Soomaaliyeed, bulsho weynta Soomaaliyeed, iyo gurba joog. Marka aad qiimeysid, waxaa kuu soo baxaya in dhaqaalaha malaayiinta doolar ah uu si weyn ugu filan yahay in Beledweyn loo sameyo water bank awood u leh xakameynta biyaha webiga ama ugu yaraan hirgelinta wadiiqo kumeel gaar oo lagu yareyn karo saameynta fatahaada xilliyadaan oo kale. Suaasha waxey tahay, maxaa qaldan? Isma lihi dhalinta iyo aqoonyahanada aan arkey garaadkooda inta uu gaarsiisan yahay ayaan ku buraarugsaneyn dhibaatada. Sidoo kale isma lihi, reer Hiiraan oo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda looga yaqaano hormuudka umadda ayaa caqligooda keeni waayey iney u fekeraan aayaha magaaladaas qiimaha badan. Hase ahaatee, waxan shalaay ka qabi doonin inaan soo bandhigo in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo faaiido ku qaba dhibaatada nuucaan oo kale ah. Waxaan aaminsanahay in musiibadda maanta taagan aysan aheyn mid dhabiici ah laakiin ay tahay mid gacan ku sameys ah taasi oo ay si dahsoon u warshadeeyaan shaqsiyaad gaar ah oo ka macaasha. Kuwani waxey noqon karaan: 1- Shaqsiyaad caadeystey iney jeebkooda ku buuxsadaan taageerada maaliyadeed xilliyadan loogu gargaaro umada dhibaatadu saameyso kuwaas oo u baqaya danahooda gaarka ah hadii xal waara loo helo musiibadan aan ciddina u aaba yeeleyn. 2- Maamul heshiis ku ah boobka iyi dhaca hantida umada ayagoo ka taajiraya qidmadii dadka ay u bixiyeen maareynta baahiyaha bulsho. Waxey lunsadaan wixii keyd maaliyadeed iyo mid maadi ay bulshada leedahay xisaabna ugama uguma jirto u gogol xaarida musiibooyinka bulsha. Sababta ugu weyn ayaa ah in marka horeba aysan kula galkooda aheyn kobcinta bulshada waxeyna arkaan in dhibaato kastoo dhacda uu xigi doono gargaar ayaga ka madaxbanaan. 3- Maqnaashaha xubin madax banaan oo la xisaabtanta kuwa aan kore kusoo sheegney oo ay ugu horeyso dowlada dhexe. Waxaa habooneyd in maamulka fahmi waayey inuu dejiyo siyaasad caqli gal ah oo musiibadan looga baaqsan karey lagula xisaabtamo dhibka iyo aafada. Xalka muxuu ku jiraa? Xal ka ugu fiican waa midka ka yimaada gudaha cida ay dhibaatadu heysato. Si kale hadaan u dhigo, wuxuu xalku dhexyaalaa bulshada reer Beledweyn oo ay ugu horeeyaan dhalinyarada, ganacsatada, odoyaasha, iyo aqoonyahanada. Beledweyn uma baahna Bulsho bil ka hor qorsheysa halka ay uga baxsan lahaayeen fatahaad soo socota. Uma baahna Beledweyn xildoon iyo madax saacadaha soo aadan isku soo sawirta dhibanayaal aan Alle mooyee cid kale u maqneyn. Waxey u baahan tahay bulsho dhibaatada gacmo wada jir uga gaashaanta. Waxey u baahan yihiin iney wixii gargaar ah ee soo gaara ay si xikmadeysan u maamulaan kana fekeraan sida ugu haboon ee ay u baajin karaan musiibo tan la mid ah oo sanad kadib laga soo sheego isla Beledweyn. Hirshabelle, gaar ahaan reer Beledweyn, waxaa u wanaagsan iney u kacaan qorsheynta xal waara si ay u muujiyaan waxa ay awoodaan iney qabsadaan iyadoon cidna u daba fariisan. Gebagebadii, waxaan bogaadinayaa dadaal kasta oo loogu gargaarayo walaalaha ku dhibaateysan #Beledweyn waxaana Alle uga baryayaa in uu ka yasiro. W/Q: Dr. Abshir Yonis Muse abshiryonis@kdis.ac.kr AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in fatahaad hor leh saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu ka geystay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Fatahaada cusub oo uu sameeyey Wabiga ayaa laga cabsi qabaa in ay goyso waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, maadaama ay biyuhu ku soo dhowaadeen deegaano iyo beero ku yaalla hareeraha waddadaasi. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in wabigu ku fatahay deegaano hor leh oo hoos yimaada degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana ka bilowday halkaasi barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka. Deegaanada uu wabiga Shabelle saameeyey ayaa waxaa ka mid ah Buurfuule, Buulo Sabuun, Muriyaale, Lama-Waab, Xudur Ciise iyo Kulmis Weyne. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Beledweyne ayaa sheegaya in la helay meydka mid ka mid ah dadkii ay shalay doonida kula degtay magaaladaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen shacabka iyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Meydka la helay oo qof rag ah ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Shariif Xasan Ganeey, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada degmada Beledweyne, waxaana meydkiisa laga helay duleedka magaaladaasi. Illaa iyo hadda waxaa maqan oo la la’yahay 10 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa doonta degtay, sida ay shaaciyeen kooxaha ku howlan gurmadka. Halkan hoose ka aqriso magacyada dadka la’yahay: 1-Sharmarke Khaliif Hassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne 2-Dahabo Axmed Hassan lataliyaha sare ee arimaha haweenka madaxweynaha Hirshabelle 3-Khaliif Hassan Agaasimaha Xafiiska duqa Baladweyne 4-Deeqow Abdi Cariif Agaasimaha waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne 5-Gulled ibraahin IT dowlada Hoose Baladweyne 6-Abdi Keynan (Abdi kuus) Darawalka duqa Baladweyne 7-Macalin Nuur Ganacsatade 8-Ahmed Ali Osmaan (Ahmed Ganey) Ganacsade 9-Muscab Xuseen muuto darawal doonida rogmatay 10- Wiil school Sheikh maxamed macalin F4 ka haa oo Magaciisa lahayn Xaaladda Beledweyne ayaa ah mid aad u adag, waxaana biyuhu dhulka ay ka sarreeyaan hal mitir, sida uu sheegay guddoomiye Cali Muxumed Caraale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Cllr. Amina Ali Of Tower Hamlets Unsuccessful In Labour Parliament Selection Momentum-backed Apsana Begum was chosen by local members in the London seat of Poplar and Limehouse as their next parliamentary candidate today. The local party vice-chair, who is also on Labour’s London regional board and Momentum’s national coordinating group, will replace sitting MP Jim Fitzpatrick. Begum won against Tower Hamlets councillor Amina Ali, who is also a member of Momentum but was considered to be the ‘soft left’ candidate in the selection contest. LGBT+ Labour co-chair and Progress activist Heather Peto had been shortlisted but withdrew from the race due to health complications relating to a drug shortage for a rare illness. The selection meeting on Sunday, October 27th, was described by attendees as “chaotic” because the venue booked was too small and unable to accommodate everyone who turn up to vote. Doors were supposed to open at 4pm, but voting did not start until 7pm – after hundreds of members had queued outside for hours. The police were called and were present at the meeting. Ultimately, it was reported that 513 members cast votes, though LabourList was told that many more had initially tried to attend but left after waiting while logistics were organised. Begum was born and raised Tower Hamlets, and was until recently the local party secretary. She is firmly on the Labour left and was perceived to be the Labour leadership’s preferred candidate. Begum was endorsed by John McDonnell as well as Momentum. But during the campaign critics highlighted social media posts shared by Begum referencing “Zionist masters” and “Zionist propaganda”. It is not clear whether Cllr. Amina Ali will challenge the result or consider running as an independent. The latter scenario seems highly unlikely, but, the rejection of an extremely qualified candidate because she was deemed “soft left” doesn’t auger well for the Labour party in a national election against the Conservative party. Qarannews Qaran News
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar____Qubnaha-28102019.mp3 View the full article
  16. Wasiiru-dowlaha Cabdifitaax Ashkir Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wasiiru-dowle u magacaabay wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska loogu magacaabay, Cabdifataax Nuur Axmed (Ashkir) Mudane Ashkir ayaa xilkan hore u soo qabtay, xilligii xukuumaddi madaxweyne Gaas, sidoo kale wuxuu soo noqday agaasimihii guud ee Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Cabdifataax Ashkir oo mar kale loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Khubarada kooxda QM ee daba-galka Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa shaaca ka qaaday in maamul goboleedyada Soomaaliya ay dalka Itoobiya ka heleen hub sharci-darro ah, xilli Soomaaliya ay weli qeyb ahaan saaran tahay xayiraad hub. Warbixinta guddiga ee sanadda 2019, oo ay si gaar ah u heshay Caasimada Online ayaa shaaca ka qaadday in guddiga uu helay dokumentiyo caddeynaya in shirkadda Metals and Engineering Corporation (MetEC) oo ay leedahay dowladda Itoobiya ay hub iyo rasaas badan siisay dhammaan maamul goboleedyada Soomaaliya. Gudidga ayaa sheegay in arirntan aysan ahayn sanadkan oo kale, balse ay soo socotay tobankii sano ee tagay. Guddiga ayaa sheegaya in inkasta jumladda 11-aad ee qaraarka 2111 ay dalalka caalamka u ogolaanayso inay hub siin karaan haya’daha amniga Soomaaliya ee ka baxsan dowladda federaalka, haddana ay qasab tahay in marka hore ay ogolaansho ka helaan guddiga. Dowladda Itoobiya marnaba ma weydiisan ogolaansho, ayey tiri warbixinta. Dhinaca kale, guddiga ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya inay inta badan u hoggaansantay shuruudihii qeyb ahaan looga qaaday xayiraadda hubka, inkasta oo ay jirto marar ay ku guul darreysatay. “Shan ka mid ah toddoba goor oo dowladda ay guddiga soo ogeysiisay hub ay keensaneyso, waxay buuxiyeen shuruudihii golaha ammaanka” ayaa lagu yiri warbiixnta guddiga oo ay aragtay Caaismada Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Madaxweyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Hiiraan, Bakool iyo Gedo. Wasiirrada Xukuumadda ee Xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhacday musiibadani, qorsheyaasha haatan socda, caqabadaha jira iyo xaaladahii ugu dambeeyey ee dadka iyo duunyada degaanaddaas. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan, waxa uuna ugu baaqay culimada, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan ururrada bulshadda rayidka ah in ay wada jir ugu kacaan carruurta, haweenka, waayeelka iyo muwaadiniinta dhibaataysan oo badankood dhirta saran yihiin, halka muwaadiniinta ilaa haatan la samata bixiyeyna ay gurmad cunto, biyo iyo hooy deg-deg ah u baahan yihiin. Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Shaqaalaha Dowladda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dakhlileyda ah in qeyb ka mid ah mushaharkooda ay u qoondeeyaan walaalaheenna ay soo gaartay dhibaatada baaxadda leh, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta mugga leh ee ay ilaa haatan ka qaateen hawlaha gurmadka. Culimada iyo ganacstada qeybta ka ahaa kulanka ayaa talooyin, iyo aragti-celin ka dhiibtay warbixinta ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, waxaana wadajir la isula qaatay in la ballaariyo abaabulka isku-tashiga shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee lagu wajahayo dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, Culimada iyo mataleyaasha ganacsatada ayaa si wada jir ah Alle ugu baryey muwaadiniinta ku shahiiday fatahaadahan, waxa ayna tacsi u direen qoysaskooda, asxaabtooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka Fatahaaduhu saameeyeen appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (SMN) – Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Hiiraan, Bakool iyo Gedo. Wasiirrada Xukuumadda ee Xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhacday musiibadani, qorsheyaasha haatan socda, caqabadaha jira iyo xaaladahii ugu dambeeyey ee dadka iyo duunyada degaanaddaas. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan, waxa uuna ugu baaqay culimada, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan ururrada bulshadda rayidka ah in ay wada jir ugu kacaan carruurta, haweenka, waayeelka iyo muwaadiniinta dhibaataysan oo badankood dhirta saran yihiin, halka muwaadiniinta ilaa haatan la samata bixiyeyna ay gurmad cunto, biyo iyo hooy deg-deg ah u baahan yihiin. Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Shaqaalaha Dowladda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dakhlileyda ah in qeyb ka mid ah mushaharkooda ay u qoondeeyaan walaalaheenna ay soo gaartay dhibaatada baaxadda leh, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta mugga leh ee ay ilaa haatan ka qaateen hawlaha gurmadka. Culimada iyo ganacstada qeybta ka ahaa kulanka ayaa talooyin, iyo aragti-celin ka dhiibtay warbixinta ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, waxaana wadajir la isula qaatay in la ballaariyo abaabulka isku-tashiga shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee lagu wajahayo dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, Culimada iyo mataleyaasha ganacsatada ayaa si wada jir ah Alle ugu baryey muwaadiniinta ku shahiiday fatahaadahan, waxa ayna tacsi u direen qoysaskooda, asxaabtooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane; Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee Qaramada midoobay, u qaabishan Carruurta iyo khilaafaadka Hubeysan, Virginia Gamba de Potgieter. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo Ergayga ayaa looga hadlay sidii kooxaha Argagaxisada looga hor istaagi lahaa Askareynta Carruurta, si loo badbaadiyo mustaqbalkooda. Virginia Gamba, oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay soo dhoweynta loo sameeyay ayaa bogaadisay dedaallada Dowladda ee ku aaddan dib-u-habeynta Ciidanka oo qeyb ka qaadatay sare u qaadidda ilaalinta xaquuqda Carruuta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa Virginia Gamba u caddeeyay in Dowladdu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay noqoto Dal nabad ah, guulo wax ku ool ahna laga gaaray tallaabooyinka loo qaaday xasilinta Dalka, arrinaas oo horseedeysa in Carruunta iyo dhammaan Bulshadu ay helaan nabad waarta. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Golaha Aqalka Sare BFS ayaa Maanta ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 6aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa: 1. Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka(Batroolka) 2.Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada. Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Wasiirka Batroolka XFS Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa marsiiyay Golaha Aqalka Sare Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka). Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa 28,Oktoobar 2019 ayaa si rasmi ugu gudbiyay Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka) guddiga Kheeyraadka Qaranka,kaabayaasha dhaqaalha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare si waafaqsan si waaafaqsan Qodobka 45aad ee (1) ee xeer-hosadka Aqalka Sare. Ajanadaha 2aad ayaa ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Dowladda. Kulanka waxaa soo xaadiray 32 Senatar, Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada. Ugu danbeeyn Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ku dhawaaqay natiijada codeeynta oo u dhacday sid tan; Tirad Ogaalatay 20, senatar, Tirada diiday 10 ,Senatar , Tirada ka amuusay 1, Senatar. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 5-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa Maanta loogu dooday Ajendayaal kala duwan. Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane; Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muuddey, oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanadda golaha ay guddoonka usoo gudbiyeen Mooshin ama soo jeedin la rabay in kulanka maanta ee golaha loogaga doodo kaasoo ku saabsan soo xaadirista Xildhibaanada ee kulamada golaha sidaa daraadeedna maadaamaa golaha kalfadhigan ay hor yaalaan howlo fara badan ajendahaas dib loo dhigay fadhiga kan xigana looga doodi doono . Guddiga maaliyadda,miisaaniyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Golaha hor keenay Akhrinta labaad ee wax ka beddalka sharciga iibka Qaranka ,waxaana golaha ka hor jeediyay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji. Sidoo kale wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Engineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta 1-aad ee Heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanadda Maalgashiga darafyada badan oo ay wasaaraddiisu soo diyaarisay. Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa su’aalo ku saabsan Heshiiska kamid noqoshada Hay’adda damaanada Maalgashiga darafyada badan weydiiyay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo kulanka joogay. Dhinaca kale Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa golaha hor geeyay warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Degmada Berdaale ee gobolka baay oo ay ku rogmadeen daadad xoog leh oo ka dhashay roobab deegaanadaasi ka da’ay qasaaraha ay geysteen,isagoo ku baaqay in si deg deg ah dadkaasi loogu gurmado. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dad saaka ay dooni kula qalibantay Magaaladda baladweyne ,waxana uu sheegay in goluhu guddi u magacaabaayo dhibaatooyinka fatahaada wabiga iyo daadadkaba ka geysteen deegaanadda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyay Sharciga Istaatiskikada ama Tirakoobka Qaranka,waxaa ka dib markii cod la geliyay ka dib codka haa ku ogolaatay 137-xildhibaan sedax ayaa ka aamustay mana jirin tira diiday,waxaana sidaasi sheegay guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka soo xiray. View the full article