Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Kismaayo loogu geystay gudaha magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Axmed Buula Ibrahim, kaas oo ahaa gudoomiyihii xaafadda Via Afmadow, magaalada kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland. Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online in mas’uulkaasi ay toogasho ku dileen kooxo ku hubeysnaa Bistoolado oo durba goobta isaga baxsaday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu dilku ka dhacay ay gaaareen door dambe saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo howlgallo lagu baadi goobayo raggii fuliyey dilka ka bilaabay xaafadda Via Afmadow ee degmada kismaayo. Illaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay toogashadaasi, balse baaritaanada ayaa lagu soo warramayaa in weli ay ka socdaan gudaha degmadaasi. Xaaladda ammaana ee magaallo Xeebeedka Kismaayo ayaa muddooyinkii la soo dgaafay aad u xumaa iyadoo ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay nabadoono caanka ah deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar Tamin Bin Hamad AlThan Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u akra dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo la kulmay Amiirka Qatar appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Gaza)-Millatariga Israa’iil ayaa tacadi xooggan u geystay qaar ka mid ah saxafiyiinta Falastiin oo dibadbax nabadeed ka waday daanta Galbeed Axadii shalay. Arintaan ayaa timid kadib markii saxafiyiinta ay ka xumaadeen rasaas toos ah oo lagu furay wariye Mucaad Amarneh kaasi oo ku waayay Ishiisa Midig. Wariye Mucaad ayaa ishiisa ku waayay xilli uu duubayay isku dhac xooggan oo dhax-maray maalintii Jimcaha ciidanka amniga Israa’iil iyo dhalinyarada ku magaalada Surif. Goob-joogayaal diiday in magacooda la xuso ayaa wakaalada wararka Falastiin ee Wafa u sheegay in ciidanka Israa’iil ay rasaas toos ah iyo sunta dadka ka Ilmeysiisa u adeegsadeen saxafiyiin iskugu soo baxay wadada laga galo degmada Bethlehem gaar ahaan dhanka waqooyi. Millatariga Israa’iil ayaa dhanka kale jidh-dil xooggan u geystay qaar ka mid ah saxafiyiintan waxaana la sheegay in la burburiyay agabka ay ku shaqeysanayeen gaar ahaan Camerada lagu duubo Muuqaalada. Source
  4. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u akra dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-18112019-sax.mp3 View the full article
  6. (SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku eedeeyay dowladda Iiraan in ay ka dambeyso dhibaatooyinka ka taagan magaalada Gaza. Qoraal uu ku soo qoray boggiisa uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu Pompeo, ku eedeeyay xukuumada Tehraan in dagaalyahanada Islaamic Jihaad ay u adeegsaneyso xasaradaha gobolka iyo weeraro ka dhan ah Israa’iil. Iiraan ma rabto nabad ka dhacda gobolka bariga dhexe ma rabaan nabada iyo hormarka Falastiin. Mr Pompeo ayaa dhanka kale sheegay in Mareykanka uu wadi doono ka hadalka iyo digniinta Iiraan ah in ay halis ku tahay amniga. Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa hadalkiisa ku soo koobay in Washington ay wadi doonto cadaadiska Iiraan illaa inta ay ka aqbaleyso in miiska wadahadalka. Bishii May ee sannadkii hore ee 2018-ka ayaa madaxweyne Trump uu ka baxay heshiiskii wadamada quwadaha ay la galeen Iiraan sannadkii 2015-Kii. Source
  7. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi waare oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Munaasabad Casho Sharaf ah ugu sameeyay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan Wafuud kala duwan oo ka kala socdayPuntland, dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Wafdi ka Socday bulshada iyo ganacsatada magaalada Nairobi oo uu hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Madaxweyne Waare ayaa u Mahad Celiyay gudigaan Isxilqaamayaasha ah iyo dadka Soomaaliyeed oo Si hagar la’aanta ah ee ay ugu soo gurmaday dadka Reer Beledweyne oo ay saameeysay Fatahaadii Webiga Shabeelle. Munaasabadaan Casho Sharafta ahayd Waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Cusmaan Barre, Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Marwo Canab Axmed Ciise, qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, Xubnaha labada Gole ee DG Hirshabeelle, maamulka Gobolka Hiiraan, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Beledweyne. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo la kulmay Is-xilqaamayaashii Gurmadka Fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo weli ku sugan magaalada Dooxa ayaa kulan gaar ah kula qaatay Amiirka dalka Qatar, Tamim Bin Hamad Al Than. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa arrimaha looga hadlay ka mid ah xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo labada shacab. Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsatay seddexdii sano ee la soo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u arka dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud. Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka. Kulankan uu Ra’iisul wasaare Khayre la qaatay Tamim Bin Hamad Al Than ayaa ku soo aadaya, xilli uu dhowaan dalka Faransiiska uga soo qeyb galay shirka Nabadda Paris oo looga hadlay caqabadaha guud ee ka jira daafaha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. HARGEISA (HOL) - Security forces have taken over the headquarters of the Somaliland opposition party Waddani and closed all roads leading to the premises following planned protests set for today. Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Hargeysa)-Saaka salaaddii subax ayay ciidamo aad u tiro badani la wareegeen Xarunta Guud ee Xisbiga WADDANI. Xalay saqbadhkii tobannaan lowdh oo dhagax ayaa ciidamadu ku rogeen waddooyinka Xarunta laga soo galo. Ciidamo aan xaddi lahayn baa lagu soo dubaalayaa deegaanka Xarunta Xisbiga. Shaqaalihii Xarunta ayaa xoog iyo qori caaraddii loogu diiday in ay xafiiska tagaan sida ay sheegayaan masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI. Somalilandtoday kala soco wixii ka soo kordha Source
  11. The Middle East’s flagship aerospace expo, famous for record-smashing deals, opened with an underwhelming first day Sunday — a possible indicator of the growing challenges facing the global aviation industry. Source: Hiiraan Online
  12. Libya and Somalia are the most dangerous places on earth for 2020, according to a new map designed for travellers that alerts them to risks abroad. Source: Hiiraan Online
  13. Libya and Somalia are the most dangerous places on earth for 2020, according to a new map designed for travellers that alerts them to risks abroad. Source: Hiiraan Online
  14. Members of Ethiopia's Sidama ethnic group are expected to vote Wednesday to form a breakaway regional state -- a milestone that risks further destabilising the country ahead of next year's national elections. Source: Hiiraan Online
  15. Extension restricts country’s ability ‘to acquire weapons necessary to defeat terrorists,’ says national security adviser Source: Hiiraan Online
  16. Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani on Sunday received a message from Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo on bilateral relations and means to develop them, the Qatari royal court said in a statement. Source: Hiiraan Online
  17. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u akra dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka. Source: goobjoog.com
  18. Xog-culus:Ilhaan Cumar oo $150,000 siisay Ninka caddaan ah oo xidhiidh ka dhexeeyo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa lacag ku dhow 150,000 oo dollar oo kale siisay shirkadda uu leeyahay Tim Mynett oo ah ninka caddaanka ah ee la tuhunsan yahay inuu xiriirka kala dhaxeeyo, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Post. Ololaha Ilhaan ayaa shirkadda Mynett uu leeyahay ee E Street Group u dusisay $146,712.63, sida ku cad diiwaankeeda lacagta ololaha. Lacagtan ayaa lagu sheegay in shirkadda Mynett loo siiyey xayeysiin online ah, la-talin lacag ururin iyo soo saaris muuqaallo, oo ay samaysay Ilhaan. Markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan in Ilhaan iyo Mynett ay xiriir jaceyl leeyihiin, ayaa waxaa ka hor ay Ilhaan siisay shirkadda Mynett lacag dhan 223,000 oo dollar, taasi oo tirada lacagta guud ee ay siisay ka dhigeysa 370,000 oo dollar. Dadka kasoo horjeeda Ilhaan ayaa ku dooday in lacaghaan ay sharci darro yihiin islamarkaana Ilhaan u siineyso Tim Mynett xiriirka kala dhaxeeya dartiis. Si kastaba hay’adda federaalka ee qaabilsan inay arrintan baarto ayaa sheegtay inaysan sidaas sameyn karin illaa guddiga qaabilsan uu amro in la baaro. Ilhaan iyo Mynett ayaa horey u beeniyey inay xiriir leeyihiin inkasta oo sawirro qarsoodi ah oo laga qaaday ay sidaas muujinayaan. Ilhaan ayaa bishii October waxay maxkamadda Hennepin County ee Minnesota ka codsatay in laga furo ninkeeda Axmed Xirsi, ayada oo sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin. Furiinkaas ayaa si rasmi ah loo dhameystiray 5-tii November. Qaran News
  19. Tahriibayaal lacag ay xadeen ku aaday safar Yurub ah oo jab iyo faquuq ka qaaday, dibna ugu laabtay dalkooda Inta badan muhaajiriinta ka soo jeeda Galbeedka Afrika ee ku guul dareystay inay gaaraan Yurub ayaa dalkoodii hooyo ku soo laabto, balse waxay noqon kartaa soo noqosho aad u qaraar. Dalka Sierra Leone, muhaajirinta soo laabta ayaa waxaa diida oo caqabad ku noqdo qaraabadood iyo saaxibbadood, oo waxaa loo arkaa inay yihiin dad guul darreystay, sababtooda qaar badan oo ka mid ah ayaa waxay lacagta ay ku tahriibaan ka xadaan qoysaskooda. Fatmata marka ay xusuusato lixdii bilood oo ay xaas la addoonsado u ahayd nin reer miyi ahaa oo u dhashay qomiyadda Tuareg kaasi oo ka qafaashay saxaraha. ”Waxaa logu magacaabi jiray Axmed. Waxaa uu ahaa nin aad u xoog badan,” ayay tiri. ”Waxa uu igu yiri waxaad tahay addoon weliba madow ah, waxaadna ka timaaddeen cadaabta.’ Waxaa kaloo uu igu yiri marka aad haysato addoon, waxaad ku sameyn kartaa waxa aad rabto. Isaga kaligii ma ahan oo mararka qaar saaxibadii ayuu u yeerayaa oo ku dhahayaa, ‘Waad dhadhamin kartaan wax kastoo yaalla gurigeyga.’ Maalinkasta way i jirdilayeen oo waxay rabaan ayay iga sameysanayeen.” Fatmata, oo 28, sano jir ah ayay bilow u ahayd dhibaatadaasi. Waxaa u suuro gashay inay ka baxsato gacanta Axmed balse nasiib darro waxay gacanta u gashay dadka wax tahriibiya ama magafe kuwaasi oo geeyay xaruun iyaga gaar u ah oo ay hayaan muhaajiriinta ku taamaaya inay mar uun Yurub gaaraan. Ka dib markii iyada iyo muhaajirintii kale ay ka baxsadeen xaruntii lagfu hayay,Fatmata, way niyad jabtay waxayna go’aansatay inay soo afmeerto riyadeedii ahayd inay Yurub ka sameysato nolol cusub. Bishii Diseemabar ee sannadkii hore ayay dib ugu soo laabatay magaalada Freetown iyadoo dalkeeda ka maqnayd ku dhowaad muddo laba sanadood ah balse nasiib darro ma aysan helin soo dhaweyntii ay ka sugeysay qoyskeeda oo ay dib ula midowday. Haatan iyadoo xilligii ay dalkeeda hooyo dib ugu soo laabatay laga joogo muddo sannad ah, Fatmata ma aysan la kulmin hooyadeed iyo gabadhii ay dhashay oo haatan siddeed sano jir ah. ”Aad ayaan ugu faraxsanaa markii aan soo laabanayay”, ayay tiri ”Balse maba wanaagsanayn inaan soo laabto.” Markii ay soo laabatay, waxay telefoonka ka wacday aabeheed. Balse jaawaabtii uu siiyay ayaa ka nixisay.” Waxa uu igu yiri, ‘Xitaa ma ahayn inaad dalka dib ugu soo laabato oo waxay ahayd inaad ku dhimato halkii aad aadday, sababtoo ah wax faa’iido ah lamadaan soo noqon.”’ Markaa ka dib, waxay tiri ”Ma lihi wadnihii aan hooyaday ku soo arki lahaa”. Fatmata Laakiinse qoyskeeda kuma aysan diidin oo kaliya inay noqotay qof guul dareystay, waxaa sidoo kale lagu haystaa lacagtii ay ku kharash gareysay safarkeedii tahriibka. Waxay xadday 25 milyan oo leone taasi oo qiyaas ahaan u dhiganta 2,600 oo doolar waa lacag ahaan aaduma badna balse eedadeed waxay u ahayd hanti aad u badan. Waxaa lacagta loogu dhiibay inay ku soo iibiso dhar ganacsi loogu talagalay oo eedadeed ayaa aad u aamini jirtay Fatmata. Sheekooyinka noocaan ah ayaa waxay ku dhacaan qoysas badan oo reer Sierra Leonean ah. Jamilatu Dhanka kale Jamilatu waxay ka mid tahay gabdhaha tahriibay oo lacagaha ka xaday qoysaskooda waa siddeed iyo labaan sano jiro oo ay Fatmata iskala baxsadeen xaruntii magafeyasha ee Algeria, Waxayna qolka hooyadeed ka xadday lacag dhan $3,500 oo doolar balse lacagtaasi xitaa hooyadeed ma lahayn oo waxaa shirkad ku ahaa xaafado badan oo dariska ah. Ka dib markii ay Jamilatu tahriibtay dadkii lacagta lahaa oo careysan waxay qabsadeen hooyadeed iyagoo ugu goodiyay inay dilayaan haddii ay lacata soo celin weyso. Waxaa khasab ku noqotay inay magaalada Freetown ka soo cararto oo ay u soo haajirto Bo. ”Hooyaday ma dooneyso inay ila hadasho lacagtii aan xaday awgeed”, ayay tiri Jamilatu. ”Sidaa darteed tan iyo markii soo laabaty maan arag hooyadey. Waxaan rabaa inaan iyado arko sababtoo ah muddo laba sannadood ah ma arkin”. Jamilatu iyo hooyadeed Waxaan booqday guriga hooyadeed Maryatu oo ku yaalla Bo, wadahadal dheer oo na dhexmaray kaddib waxay ii shegtay iney dooneyso markale iney aragto gabadheeda Jamilatu, maadaamaa ay dhibaata badan la kulantay. Jamilatu waxay toos ugu noqotay magaalada Freetown. “Maanta waxaan ahay haweeneyda dunida ugu faraxsan maxaa yeelay,” ayey sheegtay. Balse uma eko qof faraxsan. Waxayna hooyadeed u sheegtay iney iyada iyo gabdheeda Jamilatu ay guri ku wada noolaaneyn ilaa ay gabdheeda bixiso deynti ay iyada darteed u gashay. Sideey ku suuragaleysaa Jamilatu si l amid ah Fatmata shaqa ma hayso labadooduba waxay taageera ka helaan hay’ad u qaabilsan ka hortagga tahriibka. Sheku Bangura laftiisa wuxuu ka mid yahay dadka tahriibka ka soo laabtay wuxuuna u ololeeyaa iney dowladda Sierra Leon ay wax u qabato dadka wakhti xaadirkan tahriibka ka soo noqday ee dalkooda hooyo ku soo laabtay. Wuxuu soo dhaweeyaa dadka tahriibka ka soo noqda, wuxuuna garab ka siiyaa haddii ay booliska wax dhibah kala kulmaan isla-markaana la talin dhinaca maskaxda uu siiyo. sheku Bangura Alimamy oo 21 jir ah wuxuu ka mid yahay dadka saxaraha muddo seddex sana ah dhibaata kala soo kulmay. Wuxuuna Alimamy sheegay laba wiil oo ay tahriibka ku wada jireen oo ay saaxibba ahaayeen iney tahriibka ugu dhinteen harraad. Alimamy Alimamy laftiisa aad buu uga niyad jabay safarkiisa tahriibka ee natiija la’aanta ku soo dhammaaday. “Waddanka ayaan ku soo laabtay, wax aan meesha ku hayo, waxaan la mid ahay un qof hadda billow ah oo kale.” ayuu yiri. “Halka aan anigu ku noolaa waxay la mid ahayd cadaab oo kale. Farxad ma dareemayo. dadki aan la noolaana waxay ii arkayeen inaan bani aadamba ahayn.” Seddex qof oo ka mid ah dadka tahriibka ka soo laabtay ayaa ka qayb qaadanaya “wacyigelinta bulshada”. Waxayna marweliba waddooyinka u soo baxaan iyaga oo boorar tahriibka ay kaga soo horjeedaan wato. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta ma jirto xili ay Muqdisho ka amni wanaagsan tahay markii loo eego 10kii sano ee ugu dambeysay waxaana sii xogeysanaya guulaha ay gaareen ciidamada amniga Soomaaliya. Ciidamada amaanka oo ka kooban Booliis iyo NISA ayaa ku guuleestay in magaalada ay ka joojiyaan weerarada Al-Shabaab ee qaraxyada iyo dagaalka isugu jiray, islamarkaana lagu beegsan jiray xafiisyada dowladda iyo hoteelada magaalada Muqdisho. Sidoo kale ciidanka ayaa ku guuleestay in ay joojiyaan weeraradii ay fulin jireen kooxihii gaadiidka watay ee dadka ku hor jari jiray, iyadoo hadda sidoo kale guulo waa wayn ay ka gaarayaan ka daba tagga dilalka qorsheysan oo ay Muqdisho ka geestaan Al-Shabaab. Todobaadkii la soo dhaafay, ciidamada amaanka waxay nolasha ku soo qabteen 4 dagaalame oo Al-Shabaab ah, kuwaas oo gacanta kula jiray dilal iyo weeraro ay qaadeen halka ay sidoo kale dileen hal dagaalame oo Al-Shabaab ah. Ciidamada amaanka ayaa Wadajir ku qabtay laba dhagar qabe oo dilay Allah ha u naxariistii Askari ka tirsanaa Ciidamada amaanka. Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa toogasho ku dilay dhagar qabe Al-Shabaab ah oo isla todobaadkaan dil u geestay Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya waxa uuna falkaasi ka dhacay Xaafadda SII SII ee magaalada Muqdisho. Talaabadii ugu dambeysay oo ay qaadeen ciidamada amaanka ayaa aheyd kadib markii habeen hore ay nolasha ku qabteen laba dagaalame oo Al-Shabaab ah kuwaas oo weerar ku soo qaaday xarunta degmada Deyniile ee gobalka Banaadir, waxaana soo bandhigay saraakiisha amaanka Soomaaliya. Muqdisho ayaa in kabadan 100 maalmood ku jirta daganaansho amni iyo dareen soo kabasho ah markii loo eego bilo ka hor. Maxaa sababay in Al-Shabaab looga adkaado Muqdisho Magaalada Muqdisho muddo badan qaraxyo kama dhicin, gaar ahaan kuwii lagu weerari jiray xarumaha Dowladda iyo kuwii kale ee baabuurta looga xiri jiray saraakiisha Dowladda ka tirsan iyo kuwa kale oo shaqaale hey’adeed ahaa, sidoo kalana waxaa la yareeyey dilalkii ka dhici jiray Magaalada. Waxaa si weydiin mudan sababta keentay in la wiiqo awooddii ay Al-Shabaab ku laheyd Magaalada Muqdisho, Caasimadda Online ayaa ogaatay in sababta ugu weyn ee arrintaas keentay ay tahay in dhammaan Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir la siiyey qalab dhameystiran oo ka saaciday in saldhig kasta uu sugo amniga dagmadiisa. Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay in dhamaaan Taliyaasha Booliska Saldhigyada loo sheegay in cid kasta lagula xisaabtami doono amniga, iyadoo degmo kasta loo qoray ciidamo dhar cad sirdoon ah oo howgalo ka sameeyo degmooyinka. Waxaa la dilay oo qaarna la xiray kuwii Al-Shabaab u qaabilsanaa inay Gawaarida dadka ugu xiraan waxyaabaha Qaraxo, waxaana ugu dambeysay kuwii lagu beegsaday Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kadib markii la helay xog ku saabsan sida ay u shaqeeyaan iyo halka ay saldhig ka dhigtaan. Inkastoo magaalada ay galeyso xaalad amni ah hadane waxay dadweynaha cabasho ka qabaan wadooyinka xiran oo dhanka kale sababay hoos u dhac dhaqaale oo aad u balaaran, hase yeeshee xirnaanshaha waddooyinka ayaa loo arkaa mid ka mid ah sababaha amniga u wanaagsanaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Washington DC (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa lacag ku dhow 150,000 oo dollar oo kale siisay shirkadda uu leeyahay Tim Mynett oo ah ninka caddaanka ah ee la tuhunsan yahay inuu xiriirka kala dhaxeeyo, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Post. Ololaha Ilhaan ayaa shirkadda Mynett uu leeyahay ee E Street Group u dusisay $146,712.63, sida ku cad diiwaankeeda lacagta ololaha. Lacagtan ayaa lagu sheegay in shirkadda Mynett loo siiyey xayeysiin online ah, la-talin lacag ururin iyo soo saaris muuqaallo, oo ay samaysay Ilhaan. Markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan in Ilhaan iyo Mynett ay xiriir jaceyl leeyihiin, ayaa waxaa ka hor ay Ilhaan siisay shirkadda Mynett lacag dhan 223,000 oo dollar, taasi oo tirada lacagta guud ee ay siisay ka dhigeysa 370,000 oo dollar. Dadka kasoo horjeeda Ilhaan ayaa ku dooday in lacaghaan ay sharci darro yihiin islamarkaana Ilhaan u siineyso Tim Mynett xiriirka kala dhaxeeya dartiis. Si kastaba hay’adda federaalka ee qaabilsan inay arrintan baarto ayaa sheegtay inaysan sidaas sameyn karin illaa guddiga qaabilsan uu amro in la baaro. Ilhaan iyo Mynett ayaa horey u beeniyey inay xiriir leeyihiin inkasta oo sawirro qarsoodi ah oo laga qaaday ay sidaas muujinayaan. Ilhaan ayaa bishii October waxay maxkamadda Hennepin County ee Minnesota ka codsatay in laga furo ninkeeda Axmed Xirsi, ayada oo sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin. Furiinkaas ayaa si rasmi ah loo dhameystiray 5-tii November. caasimada@line.com
  22. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia said Sunday it is opposed to the UN Security Council’s decision to extend an arms embargo on the country. In a statement, National Security Adviser Abdisaid Mohamed Ali said the arms sanctions were “restricting Somalia’s ability to acquire weapons necessary to defeat terrorists.” Ali said Somali is planning to revamp its armed forces to better fight Somali-based al-Qaeda affiliated al-Shabaab militants, so the sanctions need to be lifted. He added that some of Somalia’s “friends” were not interested in supporting the people of Somalia and equipping the country’s troops but creating further sanctions. The UN on Friday passed a resolution extending a more than decade-long arms embargo on Somalia by one year, saying the move was aimed at preventing al-Shabaab from acquiring arms, chemicals and bomb-making components. A panel of experts from the UN said recent investigations had shown that al-Shabaab was manufacturing explosives locally, unlike in the past, where they relied on expertise and materials from outside Somalia. Russia, China and Equatorial Guinea are against the extension of the arms embargo. Somalia’s Permanent Representative to the UN Abukar Osman has also criticized the arms embargo, telling local media that it is outdated and “falls short of taking into account Somalia’s positive new reality on the ground.” Source: Anadolu Agency
  23. Wararka ka imanaaya magaalada Hargeisa ayaa tibaaxaya in saacadihii ugu danbeeyey ee maanta uu khalkhal iyo cabsi xoogani la soo daristay maamulka midowga Qabaa’ilka Jeegaanta [...] Source
  24. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/BAr-Qumanha-warka-17112019-sax.mp3 View the full article