-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo dheeraad ah ay geysay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Sida ay inoo sheegeen saraakiil ku sugan Dhuusamareeb, ciidamadan ayaa ah kuwa sida gaarka ah u tababaran, waxaana ay ka kala tageen magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo. Ciidankan ayeey DFS dooneysa iney qeyb ka ahaadaan kuwii ay horey u geysay magaaladaasi, waxaana ay sugi doonaan ammaanka. Ciidamadan la geeyey Dhuusamareeb ayaa imaanaya xilli DFS iyo Ahlu-sunna uu ka dhaxeeyo is faham darri ku aaddan dhanka doorashada Galmudug. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Shaqada, Shaqqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Puntland oo kaashaynaysa hay’adda CARE International, ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay kulan ku saabsan ka doodista hirgelinta Xeerka Sanduuqa horumarinta Dhalinyarada Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo qabatay kulan ku saabsan hirgelinta xeerka Sanduuqa Dhalinyarada appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online ) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi oo maanta si rasmi ah u furmay. Deni ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan wixii u qabsoomay muddada sagaalka bilood oo ay jirto xukuumaddiisa. Intaasi kadib guddoonka Golaha Wakiilada ayaa xildhibaanad u ogolaaday inay su’aallo weydiiyaan Madaxwweynaha, kuwaas oo la xariira xaaladda Puntland. Xildhibaan Cawil Daad oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka ayaa weydiiyey Madaxweynaha su’aal la xariirtay “dib u dhac iyo fashil” uu sheegay inuu ku yimid howlah xukuumadda oo amniga uu ku jiro. Su’aashan oo abuurtay xasarad ayaa waxaa sidoo kale xildhibaanku sheegay in xukuumadda ay u egtahay inay ku jirto maalmihii ugu dambeeyay ee muddo xileedka, isagoona xusay inay haboontay in ay baneeyaan xafiiska, si loo badbaadiyo Putland. Deni oo ka carooday su’aashaasi ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaan Daad oo uu sheegay inuu ka mid ahaa maamulkii hore ee guul dareystay, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale uu sheegay in xildhibaan Cawil looga fadhiyo cadeymo muujinaya arrinta uu ka hadlay. ” Xildhibaan Cawil waxaa looga fadhiyaa cadeynteeda inuu keeno Masaajidka layga soo qunuuday.” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland. Ugu dambeyn Madaxweyne Siciid Deni oo caro badan ay ka muuqatay wejigiis aya isaga baxay guud ahaan hoolka baarlamaanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/DENI.mp4
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabudllaahi Deni ayaa si aad u kulul uga jawaabay su’aal uu weydiiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Cawil Xassan Daad. Xildhibaanka ayaa madaxweyne Deni weydiiyay su’aal ahayd bal in uu is casilayo maadaama sida xildhibaanku sheegay ay gebi ahaanba fashilantay xukuumadda uu hoggaamiyo. Balse madaxweynaha oo xildhibaanka uga jawaabay su’aashaasi ayaa si caro badan uga falceliyay waxaana uu sheegay in xukuumaddiisu ay guul waaweyn ka gaartay arrimihii ay ballan-qaadday balse maamulkii isaga ka horreeyay oo Cawil Daad uu agaasime ku xigeen madaxtooyo ka ahaa ay arrimo badan ku fashilmeen. Hoos ka daawo su’aasha iyo jawaabta PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si dhiig-kar ah uga jawaabay su’aal la weydiiyay appeared first on Puntland Post.
-
Somali intelligence officials say an airstrike by a U.S. drone has killed three senior officers with Islamic State group-affiliated fighters in northern Somalia. Friday’s airstrike targeted their vehicle while the men were traveling in Golis, a mountainous area controlled by the group, a senior Somali intelligence official told The Associated Press. Another Somali official said among those killed was a notorious bomb expert who had been on the intelligence radar for nearly a year. The officials spoke on condition of anonymity because they were not authorized to speak to the media. The U.S. Africa Command confirmed the airstrike and said it was carried out in coordination with Somalia’s government. AFRICOM did not immediately reply to a question about how many airstrikes the U.S. has carried out in Somalia this year. View the full article
-
Around 140,000 people in Somalia have been forced to flee their homes due to flooding in the Hiraan region, including some 70,000 children, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said on Friday. The agency also warns that a further 300,000 people – including 150,000 children – in Beledweyn town and the surrounding areas of the Hiraan region of Somalia could be forced to relocate over the coming days if, as predicted by the Somalia Water and Land Information agency, the Shebelle River reaches the flooding threshold. Parts of Somalia have experienced heavy rains in recent weeks, causing the floods that OCHA warns could continue to cause harm in precaution is not taken. The agency says the floods have already damaged infrastructure and other facilities in the Horn of the African country, including markets, schools, and hospitals. It also says the increased rains will worsen a food crisis in the country. Already at least 6.3 million people, nearly half the country’s population, are affected by the situation. This includes 2.1 million people estimated to be experiencing severe food shortages between October to December 2019. OCHA appealed for aid to support response programs in Hiraan region, including the provision of food, water, temporary shelter, and health services to those affected. View the full article
-
Kacdoon lagasoo Abaabulay Baraha Bulshada ayaa wuxuu ka bilowday Magaalada Muqdisho, Kacdoonka ayaa loogasoo horjeedaa Wadooyinka xiran ee Muqdisho. Mudaharadayaasha ayaa dalbanaya in la furo [...] Source
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has called on African female soldiers to step up their peacekeeping efforts to help stabilize the Horn of Africa nation. Francisco Madeira, head of AMISOM, told female personnel in the Somali National Army (SNA) and AMISOM that women’s participation in peacekeeping was a prerequisite to peace and security. “If we empower and deploy more female peacekeepers, it will have a multiplier effect on AMISOM operations in Somalia,” Madeira said in a statement issued by the AU mission on Friday after the conclusion of the training for the female soldiers. The AMISOM human rights, protection, and gender unit organized the one-day training to sensitize female troops on the importance of gender mainstreaming in peace support operations. During the training, participants reflected on the challenges and successes and shared their experiences. They also made recommendations to promote gender mainstreaming in SNA and AMISOM. UN Security Council Resolution 2472 (2019) mandates AMISOM to increase the number of female personnel, ensure women’s participation and mainstream gender in the mission’s programs and activities. As such, the AU mission said it will continue to make progress in implementing international and African-led frameworks to promote gender equality and to empower women. Mane Ahmed, AMISOM gender officer, encouraged the participants to continue breaking through gender barriers and inspire the next generation of women peacekeepers, noting that women are critical to the success of the AU mission. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa qarxiyey miino lagu aasay, halka loo yaqaano Shabelle oo ku dhow afaafka hore waddada laga galo Madaxtooyada dhanka taalada Xaawo-Taako ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Muqdisho ayaa waxaa fashiliyey ciidamo ka tirsan kuwa Booliska. Sida aan xogta ku helnay ciidamada ayaa ka hor miinada inta aysan qarxin waddada xiray, sidoo kalena ka fogeeyey dadkii ka agdhowaa halkaasi. Waddada qaraxa lagu aasay oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa inta badan isticmaala madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale ammaanka waddadan ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo uu ku yaallo barkoontarool oo laga ilaaliyo dhismaha Villa Soomaaliya. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga ee dowladda oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa hadda si caadi ku soo laabatay, waxaana dib u furmay dhaq dhaqaaqa waddadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay rabashadaha ka socda Dalka Itoobiya, gaar ahaan Deegaanka Oromada, waxayna sheegtay inay ku rajo weyn tahay in rabashadaahaasi ay ku dhammaadan nabadgalyo iyo xasilooni. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey aragtida Xukuumadda Somaliland ee rabshadaha Itoobiya ka socda iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelan karaan ayaa ku jawaabay “Deganaasho, xasilooni iyo nabadgalyo inay ku dhammaadan rabshadaha socda ayaanu ku rajo weynahay, sababtoo ah Itoobiya waa Wadan aynu jaar nahay, oo aynu xidhiidh dhinacyo badan aynu leenahay, dabcan wax walba oo ku yimaadan saamayn bay inagu yeelanayaan, markaas waxaanu rajaaynaynaa in rabashadaha ka socda Deeganka Oromada inay nabada ku dhammaadan, waxaana aynu filaynaa inay Dawladda Itoobiya ay dadaal dheer u galayso sidii amaanka halkaas u islaaxin lahayd, deganaashana ay ugu soo celin lahayd”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa gef iyo dulmi ku tilmaamay in qoys masaakiin ah dhulkooda iyo hantidooda awood lagaga qaado, isagoo ku eedayey qoyska Madaxweynaha. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka taagan Komishanka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Taariikhda waa markii kowaad ee aynu aragno in qoys Madaxweyne ay dad masaakiin ah ay hantidooda, dhulkooda iyo guriyahooda awood ku qabsadaan, waana ayaan daro weyn in dad boqolaal ah loo awood sheegto, ta kale intii aanu Muuse Biixi xilka dalka qaban, maxaynu u arki weynay qoyskiisa oo sheeganaya ama ku doodaya hantidan, dhulkan iyo guriyahan, ay hadda qpyskiisu haystaan, waxaana leeyahay Madaxweyne qoyskaaga ka qabo dulmiga ay wadaan, haddii aad raali kala tahayna weynu arki doona”. Mar uu ka hadlaayey khilaafka Komishanka ayaa yidhi “Madaxweynuhu marka uu Cabdirashiid Riyo Raac magacaabay waxaa caddatay in aanu Doorasho diyaar u ahayn, Madaxweynuhu markii uu magacaabay inantan Komishankii hore ka tirsana waxaa caddatay in aanu Doorasho diyaar u ahayn, waxaana caddayn u ah aanu Madaxweynuhu diyaar u ahayn Doorashada in Cabdirashiid Riyo Raac uu yahay Xisbiga Kulmiye, oo waliba Xisbiga Waddani uu marar badan six un u caayey, markaas Xisbi uu caayey uma noqon karo Komishan, ta kale XIsbiyada iyo Madaxweynuhu haddii ay ka heshiiyeen Komishankii hore in la kala diro oo Komishan kale la magacaabo, waxaa uu si toos ah u jabiyey heshiiskaas uu la galay Xisbiyada, maxaa yeelay xubin ka mid ah Komishanka la kala diray ayuu dib u soo celiyey, waxaan leeyahay inantani waa inan sharaf leh ee inaad soo lugayso maaha Madaxweyne”. Mar uu ka hadlaayey Golihiisa Wakiilada iyo waxaa uga meel yaala Komishankan ayaa yidhi “Haddii aanu nahay Xildhibaanada Wakiilada, Mucaarad iyo Muxaafidba damiirkaygu uu nool yahay, oo cid kasta oo sharci sharcigu u ogolayn inuu Komishan noqdo ansixin mayno, oo codkayga ayaanu ku diidaynaa”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidammada booliska Somaliland ayaa goor-dhawayd xabsiga u taxaabay Abwaan/Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr. Xadhiga abwaan Siciid Maxamuud Gahayr waxa xaqiijiyay garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela, Ma jirto illa hadda cid xaqiijisay sababta loo xidhay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr. Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn u dhaliilayay hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi gaar ahaan waxa uu si kulul uga hadlayay muranka dhuleed ee u dhexeeya qoyska Madaxweynaha iyo ku dhawaan 600 oo qoys oo ku nool duleedka magaalada Hargeysa, isaga qoraalo ku baahinayay barta uu ku leeyahay Facebook-ga. Xukuumadda iyo ciidammada amnigu wali kama hadal xadhiga abwaan Siciid Maxamuud Gahayr. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen darawallada gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ayaa ka socda magaalada Muqdisho. Dibadbaxa oo ah mid cabasho ah ayaa waxaa dhigaya boqolaal ka mid ah darawallada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya waddooyinka Caasimada. Dadka dibadbaxaya oo ah kuwa careysan ayaa xirtay Jidad muhiim ah, sida isgoyska Zoobe iyo waddada Buula Xuubey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dhaq dhaqaaqa waddooyinkaasi ayaa hakad ku jira, waxaana dibadbaxayaashu diideen xataa in gawaarida ciidamada ay maraan halkaasi. Qaar ka mid ah darawallada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Canshuuro joogta laga qaado, hadane aysan heysan waddo ay maraan. Gaadiidleyda ayaa sidoo kale dowladda ka dalbaday inay u furto waddooyinka, haddii kale ay sii wadi doonaan banaanbaxyada ay uga soo horjeedaan jidadka xiran. Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa xiran muddo dhowr bilood oo xiriir ah, taas oo culeys ku keentay shacabka ku nool gudaha Caasimada. Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya , gaar ahaan guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cumar Filish ayaa marar badan shaaciyey in la furayo jidadka xiran, balse ma jirto illaa iyo hadda wax ka dhaqan galay go’aankaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa hadda xarunta Baarlamaanka Puntland ka furmay kalfadhigii 45-aad ee Golaha Wakiilada Puntland. Xafladda furitaanka kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, gudoonka Baarlamaanka, xildhibaano, wasiiro, issimo, culumo, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale. Khudbado kala duwan ayaa laga jeedin doona xaflada futitaanka kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo hadda bilaamatay. Kalfadhigan waxaa horyaalla dhowr ajande oo ay ka mid yihiin ansaxinta Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah iyo ansaxinta miisaaniyadda Puntland. faahfaahinta dib kala soco PUNTLAND POST The post Kalfadhigii 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmay appeared first on Puntland Post.
-
Wararka aan saaka ka heleyno magaalada Baladweyn ee caasimadda gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qeybo horleh oo magaalada ah ay biyo qariyeen. Xaafadaha aadka u daran waxaa ka mid ah Kooshin, Xaawo Taako, Buunda weyn iyo Hawlwadaag oo la sheegayo in laga qaxay, noloshana aad u liidato. “In ka badan 4 cisho ayaa xaaladan ku jirnaa, weli ma arkin maamulka Waare ee Hirshabel, oo canshuuro qaato, mana arkin dowladda federaalka ah, dhib ayaan ku jirnaa, guryihii waa ka soo qaxnay” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay mid ka mid odeyaasha Baladweyne. Dhankiisa, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo noqday mas’uulkii ugu horeeyey ee si adag uga hadla ayaa qoraal uu saaray bartiisa Facebooga ku sheegay inuu ka welwelsan yahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne. Guddoomiye Abshir Axmed oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka iyo deegaanka magaalada Beledweyne” isaga oo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ugu baaqay iney si degdeg ah uga jawaabto “Hey’adda Sida ku cad Sharci Lr.17 ee soo baxay 27/06/2016 laguna dhisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa ku waajib ku ah hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas” Guddoomiye Abshir Maxamed waxaa uu xukuumadda federaalka ah su’aalay sababta ay dhibaatadan uga jawaabi la’dahay “Haddaba, aniga oo ka mid ah wakiillada Shacabka Soomaaliyeed, waxaan isweydiinayaa sababta ay laanta fulinta ee Dawlada Federaalka iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed aysan labaduba ilaa iyo hada u qaadin tallaabo ka hortag ah iyo mid looga dabatageyo xaalada murugsan ee ka dhalatay fatahaadda Webiga Shabeelle? Ugu dambeyntii, waxaa uu Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare hadalkiisa ku soo gabagabeeyey ” Marka la eego sida ay Xukuumadda Federaalka ula falgasho arrimaha ka dhaca Dawlad Goboleedyada, waxaan shaki ku jirin in Xukuumaddu ay mudnaan weyn siiso arrimaha siyaasadda oo keliya kuwaas oo ah waajibaad ay la gaar yihiin dastuurada dawlad goboleedyada si waafaqsan Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mawqifka cusub oo Qaramada midoobay ka soo saartay cunaqabateynta hubka ee saaran Somalia+Eedayn culus oo loo jeediyey Dawlada Somalia Guddiga golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Guddiga ayaa sheegay in dowladdu ay ku fashilantay inay kala shaqeeyso howlaha la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in la xoojiyo cunaqabateynta saaran Soomaaliya, islamarkaana lagu sameeyo dib u habeyn, si looga hortago hubka sharci darrada ah ee gacanta u gala kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in cunaqabateynta dhuxusha Somaliya qeyb ahaan guul laga gaaray islamarkaana uusan jirin dakhli ay ka hesho Al-Shabaab. Qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee golaha ammaanka warbixinta siiyey hadalladooda waxaa ka mid ahaa: 1-Jonathan Guy Allen (United Kingdom): “cunaqabateynta waxa loo saaray Soomaaliya waxaa ay ahayd in lagu caawiyo ee ma ahayn in wax loogu dhimo, guddiga khubarrada ahna waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo la xiriirta ka hortagga argagixisada”, waxaa kale oo uu sheegay in dowladdiisa UK ay Soomaaliya ka caawiso amaanka,waxaana uu ku baaqay in cunaqabateynta saaran Soomaaliya qeyb ahaan saarnaato, waxaase uu arrin aan la qabali karin ku tilmaamay wada shaqeyn la’aanta Guddiga ka heysata dowladda Soomaaliya. 2-Christoph Heusgen (Germany) waxaa ay dowladda Federaalka ah si xoog leh uga codsatay in ay la shaqeyso Guddiga,waxaa ay soo dhaweysay dib u eegista ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya, inkasta oo ay soo jeedisay in iyada oo loo eegayo bedqabka degaanka aan la qaadin cunaqabateynta dhinaca dhuxusha Soomaaliya. 3-Mr. Barkin (United States) waxaa uu Guddiga ka hor sheegay in dhamaan weerarradii ay fulinayaan Al-shabaab la joojiyo, waxaana uu taageeray in cunaqabateynta sii saarnaato Soomaaliya, waxaa kale oo uu yiri ” waa muhiim in la hor istaago ilaha dhaqaalaha iyo Hubka ee AL-shabaab iyo Daacish”,waxaana uu dowladda dhexe ugu baaqay la shaqeynta Guddiga,waxaa kale oo uu yiri “Guddigu waa Indhaha iyo Dhegaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ee ay wax uga maqlaan arrimaha Soomaaliya”. Antoine Michon (France), waxaa uu ku baaqay in cunaqabateynta hubja halkeeda sii ahaato, sababtana waxaa uu ku sheegay weerarrada AL-shabaab ee sii xoogeysanaya, waxaa uu yiri “nasiib darro AL-shabaab waxaa ay lacag ka helaan ka ganacsiga Hubka, Tubaakada,iyo ilaha kale ee ay heli karaan, lamana aqbali karo in shuruudo cusub Goluhu dejiyo si loola shaqeeyo Guddiga”. Caasimada Online Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka, ayaa si aad ah uga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle ee ka taagan gudaha magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Bukhaari ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladaha dhinaca nolosha iyo barakaca ka bilowday magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay xukuumadda federaalka Soomaaliya inay ka gaabisay wax ka qabashada arrimaha bani’aadanimada ee ka taagan gobolka Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in taasi bedalkeeda dowladdu ay mashquulsan tahay arrimaha siyaasadda. Halkan hoose ka aqriso: KA HORTAGGA IYO KA JAWAABIDDA MUSIIBOOYINKA DABIICIGA AH Waxaan aad uga welwelsanahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne. Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka iyo deegaanka magaalada Beledweyne. Sida ku cad Sharci Lr.17 ee soo baxay 27/06/2016 laguna dhisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa ku waajib ku ah hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas. Hay’addu waxa ay hoos tagtaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka sida uu xeeriyay Qod.1aad (6) ee sharciga kor ku xusan. Sidoo kale, hay’addu waxa ay ku shaqaynaysaa siyaasadda ay jaangoyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.7aad ee Sharciga hay’ada lagu dhisay. Qod.99aad (e) iyo (f) ee Dastuurka KMG ah wuxuu ku waajibinayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ADEEGA GUUD ee dadka Soomaaliyeed iyada oo dejineysa qorsheyaal lagu horumarinayo Dalka isla markaasna hirgelineysa shuruucda Dalka oo uu ka mid yahay sharciga kor ku xusan. Haddaba, aniga oo ka mid ah wakiillada Shacabka Soomaaliyeed, waxaan isweydiinayaa sababta ay laanta fulinta ee Dawlada Federaalka iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed aysan labaduba ilaa iyo hada u qaadin tallaabo ka hortag ah iyo mid looga dabatageyo xaalada murugsan ee ka dhalatay fatahaadda Webiga Shabeelle? Marka la eego sida ay Xukuumadda Federaalka ula falgasho arrimaha ka dhaca Dawlad Goboleedyada, waxaan shaki ku jirin in Xukuumaddu ay mudnaan weyn siiso arrimaha siyaasadda oo keliya kuwaas oo ah waajibaad ay la gaar yihiin dastuurada dawlad goboleedyada si waafaqsan Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors
