Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Bar Twitter oo la sheegay in ay leedahay Alaa Saalax oo ah gabadh reer Suudaan ah oo ka mid aheyd dadkii horkacayay dibadbaxyada galaaftay madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay erey ay dad badan dhibsadeen. Waxay sheegtay in xaaladda Suudaan aysan la mid aheyn midda ka taagan dalka Soomaaliya. “Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu soo gaaray Khartuum, booqasho lagu tilmaamay dhexdhexaadinta dibadbaxyaasha Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha militariga. Suudaan ma ahan sida Soomaaliya,” ayay tiri Alaa Saalax. X Lama xaqiijin karo bartan in ay Alaa Saalax leedahay balse dad badan ayaa si kala duwan uga falceliyay farriinta lagu qoray. Qaar kamid ah dadka Soomaalida ee adeegsada baraha bulshada ayaa ka carooday qoraalka Alaa Saalax oo ay ku sheegeen mid aanan habooneyn isla markaasna shacabka deggan labada dal ay yihiin dad walaalo ah. Waxay ay sheegeen in Soomaalida ay qaddariyaan shacabka reer Suudaan oo aysan ku jeesjeesin. Qaran News
  2. Is-beddelka cimilada waxa uu caqabad ku yahay nabadeynta Soomaaliya, sababtoo ah abaaraha iyo daadadka waxa ay xoojiyaan mintidiinta, islamarkaana wiiqaan dowladda, waxaa sidaas sheegtay warbixin cusub oo lasoo saaray Arbacadii. Machadka Daraasaadka Nabadda Caalamka ee Stockholm, ee loo soo gaabiyo SIPRI, ayaa sheegay in 30 sano oo dagaallo ah – oo ay ku darsantay abaar sii kordhaysa –ay caqabado halis ah ku yihiin xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM. UNSOM waxay Soomaaliya joogtay tan iyo sanaddii 2013, ayada oo ka caawineysa dowladda sida ugu wanaagsan ee nabad loo heli karo, ha noqoto hub ka dhigista dagaal-yahanada ama isu keenista bulshooyinka is-diidan. “Waxa iigu yaabka badnaa ayaa ahaa, saameynta is-beddelka cimilada uu ku leeyahay shaqo kasta oo ka mid ah jadwalka UNSOM” waxaa sidaas Reuters u sheegay Florian Krampe oo warbixinta wax ka qoray. “is-beddelka waxa uu culeys weyn ku yahay shaqada UNSOM ee nabadda iyo amni soo dabaalista iyo sidoo kale dadaallada ay ku aas-aaseyso maamul shaqeeya iyo hannaan cadaaladeed.” Ayuu yiri Florian Krampe. Waxa uu sheegay in dadka ka cararaya saameynta is-beddelada cimilada, sida abaaraha iyo daadadka, ay u baylahan yihiin in ay qortaan kooxaha mintidiinta. Xerooyinka dadka ku bataan ayaa noqdo meel ay Al-Shabaab ka qortaan dagaal-yahannada, islamarkaana waxaa ka dhaca dagaallo ka dhasha kheyraadka la isku qabsado, ayuu yiri. Waxa uu sidoo kale sheegay in mintidiinta ay xasaradaha ka dhashay is-beddelka cimilada u adeegsadaan inay ku helaan sharciyad. Sida ay sheegtay QM, 2.5 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa waxaa guryahooda ka barakiciyey abaaro iyo amni darro, sanadihii dhowaa. In badan oo ayaga ka mid ah ayaa hadda halis ugu jira macluul. Warbixinta machadka SIPRI waxay sheegtay in dagaallada sii kordhaya ee u dhaxeeya lo’leyda iyo beeraleyda ee ku saleysan biyaha iyo dhulka ay caqabad ku noqotay UNSOM, halka dadka qaxaya ay u bayalahn yihiin in Al-Shabaab ay qorato. “Is-beddelka cimilada waxay kaalin ka qaadatay kororka dadka barakacaya ee u guuraya magaalooyinka waa weyn, sida Muqdisho, waxayna hadda ku nool yihiin xerooyin aad u liita” ayay tiri warbixinta. “Xerooyinka waxay noqdeen goobo ay ka dhacaan falal dambiyeedyo sida dadka sida sharci-darrada ah looga ganacsado, ka faa’iideysashada caruurta iyo sidoo kale goobo ay Shabaab ka qortaan dagaal-yahanno” ayay tiri warbiixnta. Cilmi-baarista ayaa sidoo kale sheegtay in barakaca ay UNSOM ku weysay odayaashii deegaanka ee xalin jiray dagaallada, taasi oo meesha ka saartay hanaan maamul deegaan oo jiray. Warbixinta ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay baratay sida looga faa’iideysto musiibooyinka dabiiciga ah, ayaga oo caawinaya dhibanayaasha islamarkaana sharciyad u yeelaya awooddooda. “Al-Shabaab waxay ururiyaan cunno iyo lacag la keeno xarumahooda tabarucaadda, si ay gargaar u siiyaan dadka dhibaatada ay gaartay” ayey tiri warbixinta. Cilmi-baarista ayaa intaas ku dartay “So noq-noqoshada abaaraha, daadadka iyo macluusha ee sii kordhaya waxay Al-Shabaab u gacan gelisay fursad ay isugu muujiyaan inay yihiin kuwa dadka u gar-gaara.” UNSOM ayaa sheegtay inay si aad ah ugu raacsan tahay warbixinta, hase yeeshee waxa ay muran ka keentay aaminsanaanta cilmi-baarayaasha ee ah in deeq bixiyayaasha caalamka aysan ka warhayn saameynta bulsho ee weyn ee ka dhashay dhibaaatooyinka degaan. REUTERS + VOA
  3. Image captionAxlaam waxay ka mid ahayd dadkii hormuudka u ahaa mudaharaadyadii xilka looga tuuray Cumar Al-Bashiir Axlaam Khidir waxaa wiilkeeda sanadkii 2013-kii lagu dilay dibadbaxyo nabadeed oo looga soo horjeeday dowladda Suudaan. Maalintii gurigeeda laga qaaday naxashkii uu ku jiray meydka wiilkeeda ayey wacad ku martay inay u istaagi doonto sidii ay caddaalad ugu heli lahayd. Bishii Dicember ee sanadkii 2018-kii, isla markii uu curtay kacdoonkii looga soo horjeeday madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, Axlaam waxay noqotay mid ka mid ah mudaharaadeyaashii ugu caansanaa ee hoggaaminayay dibadbaxyada, waxayna xiriir aad u adag la yeelatay dhalinyarada bannaanbaxa ku sameyneysay waddooyinka. Waxay ka mid ahayd mudaharaadeyaal ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniga, waxaana “loo garaacay si arxan darro ah”. Barnaamijka BBC-da ee 100 haween ah ayaa la kulmay Axlaam, waxayna ka sheekeysay sidii ay kacdoonka uga qeyb gashay iyo farxadda ay hadda dareemeyso. Ma jirto cid ilaa hadda lagula xisaabtamay dilka Axlaam wiilkeeda “Markii naxashka uu ku jiray meydka wiilkeyga laga saaray albaabka gurigeyga, waxaan ku dhawaaqay dagaal ballaaran. Waxaan ballan ka qaaday wiilkeyga, inta aan meydkiisa loo qaadin qabrigii lagu aasayay, waxaana ku idhi: “Xazaa, waxaan Alle ugu dhaartay inaan inta aan noolahay u dagaallami doono xuquuqdaada. Waxaa ballan igu ah inaan ama xaqaaga helo ama anigana aan u dhinto sidaada oo kale”, ayey tidhi Axlaam. Inkastoo ay laamaha amniga mamnuuceen qabanqaabada mudaharaadyada iyo ka qeyb qaadashadoodaba, Axlaam way diidday inay salka dhulka dhigto “ilaa inta ay kasoo dhicineyso caddaaladda ka maqan wiilkeeda”. “Waxaan ku adkeystay inaan dagaalka sii wado, sababtoo ah Suudaan ma aha meel uu hal ruux leeyahay, waa waddan u dhaxeeya dhammaan shacabka Suudaan, oo xuquuq siman ay ku wada leeyihiin”, ayey tidhi. Waxay si weyn u muujisay taageerada ay dhalinyarada u heysay, khudbado badan ayeyna uga jeedisay dibadbaxyada bartamahooda. “Markii aan arko dhalinyarada ku mudaharaadeysay waddooyinka waan ku farxi jiray waana ka murugoon jiray, waxa aan niyadda ku dhisan jirayna waxay ahayd in dhalinyaro badan ay u heellanaayeen inay xuquuqdooda raadsadaan, laakiin dhinaca kalena waxaan ka baqayay inay ku dhacaan wixii ku dhacay dhalinyaradii la laayay 2013-kii, oo wiilkeyga uu ka mid ahaa”. Hase yeeshee, waxay sheegtay in aysan wax dan ah ka lahayn arrimaha siyaasadeed ee dalkaas. Kadib afgambigii Al-Bashiir Cumar Al-Bashiir waxaa la afgambiyay bishii April Cumar Xasan Al-Bashiir waxaa ugu dambeyn xilka laga tuuray bishii Apriil ee sanadkan 2019-ka, ka dib markii uu madaxweyne waddankaas ka ahaa 30 sano. Waxaa meesha ka baxay dhammaan hoggaankii milatariga ee gacanta ku hayay xukuumaddii lagu eedeynayay inay ahayd “kali taliska”. Haddaba sidey dareentay Axlaam markii kacdoonka ay qeybta ka ahayd lagu afgambiyay hoggaamiyihii muddada dheer waddankeeda xukumayay, wiilkeedana uu ku dhintay dibadbaxa looga soo horjeeday? “Ma aqaanno wax aan dareenkeyga ku qeexo markii xilka laga tuuray Al-Bashiir. Aad baan ugu farxay waayo waxaan ku hilmaamay murugadii i heysay oo dhan. Waxaan dareemay in ballantii aan ka qaaday wiilkeyga Xazaa ay ii hirgashay, wacadkiina aan kasoo baxay”, ayey tidhi Axlaam. Heshiiskii laga gaaray qalalaasaha Mudaharaadyada Suudaan ayaa markii ugu horreysay ka billowday cabasho ay shacabka ka muujinayeen sicir barar Shacabkii waddooyinka ku mudaharaadayay ayaa diiday inay soo afjaraan dibadbaxyada, xitaa markii uu meesha ka baxay Al-Bashiir, waxayna dalbanayeen in maamulka lagu wareejiyo xukuumad rayid ah. Hase yeeshee, waxaa ugu dambeyn qalalaasaha lasoo gunaanaday ka dib markii heshiis laga gaaray arrimihii la isku hayay. Maamulka dalkaas ayaa lagu wareejiyay guddi isku dhaf ah oo isugu jira wakiillo ka kala socda shacabka iyo milatariga, ilaa inta laga gaarao xilliga doorasho loo dhanyahay laga qabanayo. Madaxweynihii hore oo xabsiga loo taxaabay ayaa isagana wajahaya maxkamadeyn salka ku heysa dacwado noocyo badan leh. Qaran News
  4. Dib u eegistii uu William Barr ku sameeyay baaritaanka uu waday Muller ayaa isu baddashay baaritaan ku saabsan faldambiyeed Waaxda caddaaladda ee dalka Mareykanka ayaa billowday baaritaan dhinaca dambiga ah oo lagu sameynayo baaritaankii uu waday wakiilkii hore ee khaaska ahaa Robert Mueller. Bishii May ayaa la billaabay dib u eegis lagu sameynayay baaritaankaas ku saabsanaa suurtagalnimada in faragalin lagu sameeyay doorashadii Mareykanka ka dhacday sanadkii 2016-kii. Hase ahaatee, in baaritaanka hadda loo baddalo mid dhinaca dambiga ah waxay ka dhigan tahay in loo baahnaan doono markhaatiyaal iyo macluumaad. Madaxweyne Trump ayaa marar badan baaritaankan ku tilmaamay “arrin la siyaasadeeyay oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo isaga”. Baaritaanka lagu sameynayay Faragalintii la tuhmay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee 2016-kii laguma ogaanin wax dambiyo ah oo muujinaya in xiriir uu ka dhaxeeyay madaxweyne Trump iyo Moscow. Laakiin lama caddeynin in madaxweynuhu uu ku xad gudbay caddaaladda iyo in kale. Warka ku saabsan in qaabka faldambiyeedyada loo baarayo arrintan ayaa markii ugu horreysay lagu soo daabacay wargeyska New York Times. Wargeyska ayaa sheegay in wali aysan kala caddeyn dambiyada ay suurtagalka tahay in laga helo baaritaankaas. Maxay tahay sababta loo baaray warbixintii Mueller? Dib u eegista warbixinta oo la billaabay bishii May ayaa socotay ilaa hadda. Waxaa gacanta ku hayay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr waxaana howsheeda waday dacwad oogaha guud ee federaalka John Durham. Mr Durham ayaa loo howlgaliyay inuu go’aan kasoo saaro sharci ahaanshaha xogta laga aruuriyay ol’olihii madaxweyne Trump ee doorashadii dhacday 2016-kii. Waa nin si weyn loo qaddariyo oo horay u sameeyay baaritaanno la xiriira wakiillada hay’adda FBI-da iyo dambiyada la maleego. Wuxuu sidoo kale baaritaanno kusoo sameeyay muuqaallo laga duubay su’aalo weydiinta ay sameeyaan saraakiisha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Madaxweyne Trump ayaa marar badan cambaareeyay baaritaankan Bishii April, Mr Barr ayaa xubno ka tirsan aqalka wakiillada ee Congress-ka u sheegay inuu aaminsan yahay in “la basaasay” ol’olihii Trump ee doorashadii 2016-kii, wuxuuna intaas ku daray: “Su’aashu waxay ka taagan tahay in si ku talagal ah waddada loogu banneeyay arrintaas iyo inkale. Aniguna ma dhahayo ku talagal looma sameynin sidaas laakiin waa inaan caddeeyo”. Dadka qaar ayaa Mr Barr ku eedeeyay inuu dib u eegis ku sameeyo baaritaanka, iyagoo sheegay in uu tallaabadaas qaaday isagoo danaha madaxweynaha ka hormarinaya danaha caddaaladda. Xuquuqda Sawirka @RepJerryNadler@REPJERRYNADLER Balse Madaxweyne Trump ayaa sheegay in isagu uusan Mr Barr ku amrin inuu dib u eegista ku sameeyo warbixinta laga soo saaray baaritaanka, Inkastoo uu yiri: “Waxaan aad ugu faraxsanahay tallaabada uu qaaday xeer ilaaliyaheenna, wuxuu sameeyay arrin aad u fiican”. Maxaynaan ogeyn hadda? Ilaa hadda, waaxda caddaaladdu ma aysan caddeynin nooca uu yahay dambiga laga baarayo warbixinta. Sidoo kale ma cadda sababta baaritaankan hadda loo billaabay, ama waxa horseeday toona. Inkastoo ay waaxda caddaaladda qudheeda u xilsaartay Robert Mueller inuu baaritaan ku sameeyo faragalinta lagu sameeyay doorashadii 2016-kii, haddana baaritaankan faldambiyeedka ah wuxuu ka dhiganyahay in waaxdu ay hadda iyada lafteeda sameyneyso baaritaanka. Maxay tahay warbixinta Mueller? Xogta lagu aruuriyay warbixinta Mueller oo ka kooban 448 bog ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax dambi ah oo ka muuqda xiriirka la sheegay inuu dhex maray ol’olihii Trump iyo xukuumadda Moscow, 2016-kii. Hase yeeshee, waxaa warbixintaas lagu sharraxay 10 dhacdo oo ku saabsan suurtagalnimada in Mr Trump uu isku dayay faragalinta hannaanka baaritaanka. Mueller ayaa sheegay in madaxweynuhu uu kasoo horjeeday in baaritaan lagu sameeyo Waxaa kale oo warbixinta lagu qeexay in Ruushka uu faragaliyay habsami u socodkii doorashada Mareykanka ka dhacday 2016-kii. Faragalintaas waxaa lagu sameeyay dhinaca baraha bulshada iyo sidoo kale in sirdoonka milatariga Ruushka ay jabsadeen kumbuyuutarradii xisbiga Dimuqraaddiga, sida ay warbixinta Mueller sheegtay. Qaran News
  5. Kenya waxay il ka garatay in gobol dhan oo Soomaaliyeed uu guumeystihi u hadiyeeyay oo aysan cidna kula dagaalin, waxay il ka garatay in isla guumeystihii uu ciidamo ilaaliyo u keenay, waxay haddana ogtahay in kuwii xaq-darradaas ku soo garab taagnaa ay joogaan iyadoo ka filaysaa in qaybo ka mid ah biyaha badda koonfureed ee Soomaaliya ay mar kale u hadiyeeyaan!…Run ahaan Kenya waxba innagama aysan waayin. Tan iyo muddadii ay dadka Soomaaliyeed ku qaxeen dalka Kenya waxay Soomaalida aad xiriir dhow ula samaysteen guud ahaan shacabka iyo dowladda Kenya, waxayna rumaysnaayeen in labada dal ay yeelan karaan xiriir aad u qoto dheer, waxayna si kalsooni aan xudduud lahayn oo aan qarsoonayn ay hantidoodii iyo naftoodii ugu aamineen dalka Kenya. Hasa ahaatee ifafaalaha siyaasadda dowladda Kenya ee hadda muuqda wuxuu muujinayaa wax ka duwan sida ay dadka Soomaaliyeed is moodsiiyeen, waxayna Kenya u muuqataa inay raadinayso wax horay loo baray oo ah in dhul Soomaaliyeed loo boobo hadana lagu ilaaliyo!…. Waxaa hadal laga xumaado ahaa in safiirka dowladda Maraykanka u jooga dalka Kenya uu ku faano inuu la hadlay madax-weynaha Soomaaliya oo uu u sheegay in dacwadda badda Soomaaliyeed ee la boobayo laga soo celiyo maxkamadda ay taal oo lagu dhameeyo wada hadal dhex mara labada dal, waxaa taas ka sii darnaa oo hadal lagaad iyo jees-jees ah oo uu yiri labada dal waxaa ka dhexeeya wax intaas ka weyn oo ah la dagaalanka Al-SHabaab!…Al-SHabaab?!…arrintan waxay u marqaati kacaysaa tuhunkii ay wax-garadka Soomaaliyeed qabeen oo ahaa in magaca Al-SHabaab loo adeegsanayo dano kasta oo guracan oo Soomaaliya laga leeyahay!… Al-SHabaab waa magac la buunbuuniyay, waxaana hadda socda olole dagaal oo ka dhan ah oo ay shacababka Soomaaliyeed isaga celinayaan Al-SHabaab markii ay dareemeen Al-SHabaab inay ka macnayaal badantahay magacaas, waxaana meelo badan oo ka mid ah gobollada Koonfureed ee dalka kula dagaalamaya oo iska xoreeyay dad shacab ah oo is abaabulay oo aan waliba qoryo waaweyn iyo hub culus aan wadan (Macawisleey) kuwaas aan wax gacan ah ka helin dalal shisheeye iyo dowladda dalka ka jirta midna. Safiirka, Kyle McCarter, hadalka ka soo yeeray waa mid macno u samayniya tuhunka dadka Soomaaliyeed iyo wixii ay dareemayeen ee ahaa inuu gar-daro cad kula saftay dal u soo bareeray inuu ku soo xad-gudbo xuduudda Soomaaliya, waliba xilli ay Soomaaliya ku jirto xaalad adag dhankii laga eegaba, waxayna arrintan dad badan xasuusinaysaa sidii guumeystihii Ingiriirska uu dalkooda u qaybiyay isla markaasna u gobol Soomaaliyeed u raaciyaya dalka Kenya. Waxaana jira in badan oo shacabka Soomaaliyeed ah oo rumaysan in dib loogu noqday xilliyadii guumeystaha, madaxda dalkana aysan ahayn rag adag oo xilligaan qalafsan oo cadow badan uu dalkii soo haliilay ka saari karaaya, hadalka safiirkana waxay rumaysanyihiin inuu ahaa amar uu siiyay madax-weyne Farmaajo oo dad badan ay rumaysanyihiin inuu yahay nin jilicsan oo u dhega nugul awaamirta shisheeyaha isagoo waliba lagu dhaliilo inuusan shacabka u sheegin waxa ay ka wada hadlaan isaga iyo siyaasiyiinta shisheeyaha ah, laakiin sida hada Kyle McCarter uu sameeyayba waxay shacabka Soomaaliyeed xogta kulannada uu siyaasiyiinta iyo ergooyinka shisheeyaha ah uu Farmaajo la yeesho ka helaan siyaasiyiinta shisheeyaha ah!…Waxaana hadalka McCarter cadayn u yahay inay jiraan arrimo badan oo halis ah oo uu Farmaajo ka qariyay shacabka Soomaaliyeed siiba shirarkii uu la gelayay ra’iisal wazaaraha Itoobiya Abiy Axmed! SHaki la’aan waxaa ah in dadka Soomaaliyeed ay ogyihiin duulaanka lagu soo qaaday dalkooda, waxaana intaas dheer inay meel kasta oo ay joogaanba aysan dalkooda ku haleynayn madaxda ay ogyihiin ama tuhunsanyihiin in qaarkood la keensaday, qaarkood la laaluusho, qaarkoodna la cabsiiyo, waxayna si dhow ula socdaan oo indhaha ku hayaan duullaanka qaawan ee horornimmada ah ee ay dowladda Kenya ku soo qaadday xudduudda biyaha Soomaaliya, waliba inta badan shacabka waxay rumaysanyihiin in gar-darrada bareerka ah ee ay Kenya kula kacday Soomaaliya ay tahay gar-darro garab og! Isla markaasna aysan hurayn in dadku dalkooda difaacdaan! Kenya haddii ay la weyntahay la dagaallanka Al-SHabaab shacabka Soomaaliyeed waxaa taas kala weyn inay dalkooda difaacdaan naftoodana u huraan ilaalinta xudduudihiisa iyo qaranimmadiisa. Oktoobar 16, 2011, Markii ugu horeysay ee ay ciidammada Kenya ka soo tallaabeen xadka labada dal way iska cadayd in Kenya ay ku socotay shax lagu soo dhiiri geliyay, waxaana isla markiba arrintaas ku taageeray dowladda Israa’iil iyadoo sheegaysa inay Kenya ka caawin doonto difaaca dalkeeda isla markaasna gacan ka siinayso xagga gaashaan-dhigga iyo taba-barrada ciidammada! Hasa ahaatee xaqiiqda qarsoonayd waxay ahayd duulaanka ay hadda ku hayso biyaha Soomaaliyeed, joogitaankeeda Jubbada Hoosana waa qayb ka mid ah duulaankaas iyadoo qabta shaatiga AMISOM ee hadda la oran karo wuxuu noqday qayb ka mid ah gaadiidka gumeysiga iyo maqaarka ay soo huwadaan dalalka deriska ah, waxaana joogitaanka ciidammada Kenya ee gobollada Jubbada-Hoose iyo Gedo run ahaantii lagu macnayn karaa inay qabsatay gobolladaas aakhirkana ay tagayso in laga xoreeyo!… Dad badan ayaa caqligooda qaba in ciidammada Kenya ay gobolladaas u joogaan ujeeddo la xiriirta la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada laakiin xaqiiqada waxaa weeye in Kenya halkaas ay ku timid qorshe ay ka soo fekertay oo ay waliba kala soo tashatay kuwa hadda ku daba taagan ee ugu hiilinaya sidii ay u qabsan lahayd xeebta koonfureed ee dalkeenna. Marka hore dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay ogaadaan in dowladda Kenya wixii ka horeeyay heshiiskii ku sheeggii xaaraanta ahaa ee loogu magac daray Memorandum Of Understanding (MOU) ee ay la saxiixatay dowladdii ku-meel gaarka ahayd ee madax-weyne SHiik Shariif Axmed inaysan talo jirin inay wax ciidan ah oo ay leedahay ay keento ciidda Soomaaliyeed, laakiin markii la sahmiyay xeebaha koonfureed ee dalka isla markaasna ay shirkadihii sahanka sameeyay iyo Kenya isku af-garteen inay kheyraadka lagu arkay xeebahaas ay la baxaan, taasi waxay horseedday in dowladda Kenya ay 2009-kii heshiiska MOU (ama heshiis is-faham) loogu yeeray ay la saxiixato Soomaaliya si ay u hesho meel ay wax un ka bilowdo. Saxiixii heshiiskaas ka dib ayeey Kenya go’aansatay in iyadoo ka faa’idaysanaysa magaca AMISOM ay qabsato magaallada Kismaayo iyo deegaannada xudduud ahaan ku simman qaybaha badda Soomaaliyeed ee damaceedu uu yahay inay qabsato, waxaana shaki la’aan ah in Kenya aysan si quruxsan uga bixi doonin ciidda Soomaaliyeed, wana sababta aysan u jojinayn taageerrada ay u raadinayso duulaanka ay Soomaaliya ku soo qaaday. Waxaase is weydiin mudan sababta ay Kenya u diidantahay in maxkamad lagu kala baxo, waxaase loo qaadan kara in sida dad badan ay moodeen aysan ahayn inay Kenya ka baqayso qaynuun iyo in laga gar helo laakiin ujeeddadeedu ay tahay inaysan rabin inay ka baxdo gobollada ay qabsatay laakii ay hadda ku joogto magaca AMISOM!…waa sida ay runtu tahay, Kenya waxay aaminsantahay inay qabsatay dhul iyo bad Soomaaliyeed iyadoo aan qofna ka dhiman, waxayna rabtaa inay sidaas ku qabsato, laakiin Kenya ha ogaato dalka dadkii lahaa buu ka maqanyahay! Hadalka Amb. McCarter, ayaa isagna loo qaadan karaa hiilo cad oo waliba kibir doqonimo ah ay ka muuqato, hiillada noocaas ahna waa sababaha mar kasta ay ka dhashaan colaadaha dami waayay ee xudduudaha dalalka Afrika ka aloosan ee aan lahayn dhammaadka. Kyle McCarter, waxaan leeyahay Soomaaliya waxaa Al-SHabaab uga daran duulaanka ay Kenya ku soo qaaday dalkeeda adigana sida hadalkaada ka muuqata aad taageertay, mana aha arrin ay shacabka Soomaaliyeed qaadan karayaan, waxayna keenaysaa in wax badan layska weydiiyo istaraaiijiyadda siyaasadeed ee ka dambaysa hadalka McCarter!…waxayna sabab u noqonaysa colaad iyo xiiso aan horay u jirin!…Waase iga su’aalee McCarter dacwad maxkammad hor taal inuu hor joogsado muxuu sabab uga dhigayaa oo aan ahayn inuu itaal sheeganayo?!…Aduunkase itaal waa ku kala adkaan waayay!…. W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Koox hubaysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dishay Taliye ku-xigeenkii ciidamada ilaalada wadooyinka ee Puntland. Maxamed Faarax oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada wadooyinka ee Puntland ayaa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay dilka loo geystay taliyaha. Koox bistoolado ku hubaysan ayaa dishay taliye Maxamed Faarax, waxaana u suura gashay in dilka kasib ay goobta is kaga baxsadaan. Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta magaalada Gaalkacyo iyo Booliska gaarka ah ee Puntland ayaa baaritaano ka dhan ah ragii dilka geystay ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mudooyinkii dambe dilal ka geysanayay kooxo aan heybtooda la garanayn, kuwaas oo lagu beegsanayay taliyaasha ciidamada iyo mas’uuliyiinta sar sare, iyadoo inta badan mas’uuliyadda dilalkaas ay dusha u riteen dagaalayaasha Al-Shabaab. Caasimada Online Xaafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  7. Ismail Ahmed, the founder and chairman of WorldRemit has been named the most influential black Briton. The Powerlist, now in its 13th year, has released its 2020 list of the most influential 100ople of African and African Caribbean heritage across all industries. Topping this list is Ismail Ahmed, CEO and founder of payment platform WorldRemit. In an interview with the BBC, Ahmed shared his story. “I’ve always remained positive in the face of challenge as a migrant (…) if you take those challenges and are passionate about what you want to do, you’re more likely to succeed.” Ahmed grew up during the 80s in Somaliland during the civil war. He left in 1988 on a journey that took over a month before he arrived in London. During his first summer in the UK he went strawberry picking and held down several jobs in order to send money to his family back in East Africa. It was at this point that he realised the number of hurdles and challenges that come with sending international payments. “I was determined to find a better way and I set up WorldRemit in 2010 with the mission of making it easier and faster for migrants to send money home,” said Ahmed. Following this he joined the UN and put together a business plan for WorldRemit. FinTech Magazine Qaran News
  8. During the past few years, there has been an exploration boom of hydrocarbon resources in the Eastern part of the black continent of Africa which is considered as the new frontier region of oil and gas in the world Source: Hiiraan Online
  9. Climate change is hampering peacebuilding in Somalia as droughts and floods strengthen the hand of militants and weaken the power of government, a report said on Wednesday. The Stockholm International Peace Research Institute (SIPRI) said three decades of conflict – coupled with increasingly severe droughts – were posing serious challenges to the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). UNSOM has been in the country n since 2013 to advise government on how best to cement peace, be it disarming fighters or bringing rival communities together. “What surprised me most was the impact that climate change has on pretty much every element of UNSOM’s mandate,” report co-author Florian Krampe told the Thomson Reuters Foundation. “Climate change deeply burdens UNSOM in its work to provide peace and security, and also in its efforts to establish functioning governance and judicial systems.” Climate crises He said people escaping weather crises were vulnerable to recruitment by militants, crowded camps became hot beds for traffickers and more fights erupted over resources. Militants also exploited climate crises to win legitimacy, he added. The overthrow of President Siad Barre in 1991 plunged Somalia into almost three decades of violent turmoil – first at the hands of clan warlords then Islamist militants, Al-Shabaab, which wants to topple Somalia’s central government. The insurgents, who are allied with al-Qaeda, were driven out of the capital Mogadishu in 2011. They have now lost nearly all their territory but continue to carry out attacks. Add climate problems to the political instability and ever-present threat of violence, and a lasting peace becomes elusive. Horn of Africa Climate change is taking a toll right across the Horn of Africa, with increasingly erratic weather and low rainfall common in Kenya, Somalia, Uganda and Ethiopia. The recurring dry spells destroy crops and pastures, pushing millions of people to the brink of extreme hunger. According to the UN, more than 2.5 million people in Somalia have been forced from their homes by drought and insecurity in recent years; many are now at risk of starvation. The report said rising conflict between cattle herders and farmers over water and land was a challenge for UNSOM, while people on the move were vulnerable to recruitment by Al-Shabaab. “Climate impacts have contributed to an increase in the number of IDPs (internally displaced people) that moved to urban areas, such as Mogadishu, and who are living in improvised camps,” said the report. “These camps have become hotspots for criminal activities such as human trafficking and child exploitation, and a recruitment ground for Al-Shabaab.” A pickup in migration has also robbed UNSOM of the elders who typically mediate conflicts, leaving a gap in local governance, researchers added. The report found Al-Shabaab had learned to take advantage of natural disasters by helping victims and legitimising its power. “Al-Shabaab collects food and money through its distribution centres, to provide disaster relief to those affected,” it said. “The increasingly cyclical occurrence of drought, flood and famine assures Al Shabaab the opportunity to showcase its position as a relief provider.” UNSOM said it “broadly” agreed with the report, but disputed researchers’ belief there was a lack of donor awareness about the heavy social impact of environmental problems. By: Thomson Reuters Foundation
  10. MOGADISHU (Reuters) – Royal Dutch Shell and Exxon Mobil have paid $1.7 million to Somalia to lease offshore blocks for 30 years, the country’s state news agency reported on Friday. “Shell/Exxon Mobil have paid $1.7 million to Somalia as the preliminary rent for 30 years,” SONNA reported. Shell and Exxon Mobil had a joint venture on five offshore blocks in Somalia prior to the toppling of dictator Mohamed Siad Barre in the early 1990s. The country has been mired in insecurity since Barre left and is battling Islamist group al Shabaab that frequently carries out bombings in the capital Mogadishu and elsewhere in the country. In June, the oil ministry announced that the two companies were looking to return to Somalia ahead of an oil block bid round later this year. Source: Reuters
  11. Shirkadda SAFA Company ayaa daah-furtay ganacsi ka kooban goob-nasasho, makhaayad cunto, xarun laga dukaamaysto iyo kaalin lagu iibiyo shidaal tayo sare leh, kuwaasi oo ay shirkaddu ka hirgelisay duleedka bari ee caasimadda Garoowe. Munaasabadda furitaanka xarumahan ay hirgelisay shirkadda SAFA Company, waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland oo uu hoggaaminayey wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, ganacsato, culimaa’udiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Shirkadda SAFA Company oo Garoowe ka daah-furtay xarumo ganacsi oo hormarsan appeared first on Puntland Post.
  12. Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo olole siyaasadeed oo xooggan. Ololahaan oo ay wadaan xildhibaano daacad u ah Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa doonayo inay xilka ka qaadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Kulanka Baarlamaanka Puntland ee Berri dhici doono ayaa la filayaa in la hor geeyo mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Kooxda Aaran Jaan ayaa doonayo inay meesha ka saaraan Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana Maanta fashil kusoo dhamaaday kulan dhex maray Madaxweyne Deni iyo Guddoomiye Cabdixakiin. Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyey Xarunta Baarlamaanka Puntland oo Berri ay ku kulmi doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa codsaday in ciidamada laga qaado Xarunta si berri uu kulanka u dhaco, waxayna wararka sheegayaan in ciidamadii halkaas la geeyey laga qaaday. Magaalada Garoowe waxaa Caawa ka socdo olole siyaasadeed oo aad u xooggan, waxaana socdo kulamo iska soo horjeedo, waxayna Kooxda Aaran jaan go,aan ku gaartay in xilka laga qaado guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay is khilaafeen. Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  13. A jury has found Abdulahi Hasan Sharif guilty on all five counts of attempted murder, after a three-week trial that was in part defined by what wasn’t discussed. Source: Hiiraan Online
  14. Magaalada Xamar waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay xabsiga ugu weyn adduunka waayoo waxaa ku xayiran dad tiradoodu ka badan tahay 3,500,000 (seddax malyan iyo bar) oo laga qaaday wax alla wixii xurriyad ay lahaayeen kaddib markii magaalada la kala xiray oo jidadki la mari lahaa la waayay. Dadka ku nool magaalada oo seddax u dhig laba dhig tahay danyar fuqara ah oo halgan aan kala go’o lahayn ugu jira si ay u helaan nolol maalmeedkooda oo aad cariiri ugu jira. JIDADKA MALA FURI DOONAA? Sida ay arrimuhu u socdaan ma muuqato ifafaalo lagu furaayo jidadka xaniban…waxaa la yiraa lo’oda goi rabta dibi kaliyey dhashaa..waxayna dadka ka faallooda arrimaha Somaliya qabaan inay ka daran soo socoto kaddib markii la soo rogay XUKUN DEG-DEG AH (EMERGENCY) lagu dhawaaqay lana mamnuucay inaan shirar iyo kulamo lagu qaban Karin horteela iyo meelaha la isugu yimaado. Aaween siyaasiyiintii? Siyaasiyiijnti laga sugaayay inay tallaabadaan dowladdu qaaday ka hadlaan waxay ku mashquuleen arrimo KHUSEEYA HAL GOBOL oo ay u arkeen qashaqashaad ay dowladda ku xumeyn karaan iyagana loo diiday waxay xaq u lahaayeen lagana xaaraantimeeyay inay kulmo iyo shirar ay qabtaan..maxay sugaayaan oo u dhiman? Goormaa xukun deg-deg ah dal lagu soo rogi karaa? Sidey Farmaajo iyo Kheyre ku sharciyey karaan tallaabo noocaas ah? Aaway baarlamaanki? WASIIR MAAREEYE Dad badan ayaa aaminsan in Wasiir Maareeye uu yahay DAMIIN (oo ah qofka waxbarashadu ku adag tahay) aan waxba ka kororsan waayihi uu soo maray, wuxuuna weli ku sugan yahay dugsiga ilinkiisa asagoon kala aqoon meesha uu joogo ma Wasaradi Warfaafintaa mase waa meel kale!!! Waryaa saxaafad iyo howsheeda ka hadli kara…bal halla weydiiyo Wasiir Maareeye inuu qeexo saxaafad waxa ay u taagan tahay. Waxaan gaarnay heer warbaahinti loo diido inay ka qayb gasho shirarka Golaha Shacabka ama ay hesho fasax ay uga soo tebin karto wixi ay ku arkaan meesha. Waa maxay waxa ay dowladu qarineyso oo ka horjooga warbaahinta xurta ah inay war ka soo tebiso barlamaanka. Madaxweyne Trump waa masu’uulka ugu neceb Warbaahinta mar kastana u gefa laakin awood uma laha inuu ka mamnuuco Aqalka Cad waayoo xurriyada saxsaafada ayaa ka weyn shucuurta iyo neceybka ay qabaan dadka isqarihaaya oo aan rabin in ceebahooda dadka la gaarsiiyo. Trump wuxuu la macaamilaa hal TV oo ah Fox News, inta kalena waa cadawgiisa, siiba CNN..laakin melena kama xayiri karyo mana u diidi karo inay war ka soo tebiyaan. Haddaba, waxaan u sheegeynaa dowladda ay hogaanka u hayaan Farmaajo iyo Kheyre in aysan awood u lahayn inay xayirto ama ka joojiso warbaahinta madaxa-bannaan tebinta wararaka la xariira fadhiyada Barlamaanka, Golaha Wasiirada iyo weliba Villa Somaliya ku dar meel kasta ee dalka ka mida. Tani waa arrin ka weyn rabitaanka Madaxda Dowladda waayo waa xaq dustuuri ah aysan cidina inkiri karin. W/Q: Axmad Calasow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Boosaaso (Caasimadda Online) – Imaaraadka Carabta ayaa lumiyay mid ka mid ah Beelaha ugu muhiimsan Gobolka Bari udub-dhuxaadna u ah joogitaankooda degaanada Puntland, xili laga cabsi qabo colaad sokeeye. Xiisad adag ayaa ka taagan deeganada Puntland gaar ahaan gobolka Bari intii talada la wareegay Madaxweyne DENI. Madaxwynaha ayaa u muuqda inuu cadaadis xooggan ku saaray imaaraadka inay la shaqeystaan qoyskiisa dhanka horumarinta mashaariicda, taasoo meesha ka saaraysa shirkadda ay lahaayeen ganacsato u badan Reer Bari oo ay ugu muhiimsanaayeen Beelaha Cali Saleebaan, iyadda oo walaac wayn laga muujjnayo, loona fasiran karo in ay tahay iska horkeenida qaar ka mid ah beelaha Puntland. Imaaraadka Carabta ayaa luminaya Beelaha gobolka Bari gaar ahaan Cali saleebaan oo udub dhexaad u ahaa joogitaankooda gobolka, tobankii sanno ee la soo dhaafay maadama beeshaasi gacan saar weyn la lahayd Imaaraadka, iyagga oo kala shaqeyn jiray mashaariicda horumarinta Iyo fududeyntii in mashruuca PMPF laga hirgaliyo deegaanada Puntland. Waxaa xusid mudan in laba Suldaan oo ka mid ah beelweynta Cali saleeban, si xaq darro ah loo dilay mudadii lagu jiray hirgelinta mashaariicda Imaaraadka. Wixii ka dambeeyay markii xilka loo doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, wuxuu bilaabay inuu Imaaraadka Carabta kala shaqeeyo iska horkeenida beelaha Puntland, Madaxweyne Deni ayaa si weyn u daneynaya in xubno ka mid ah qoyskiisa lagu wareejiyo mashaariicda ay horay gacanta ugu hayeen xubno ka soo jeeda beesha Cali salaleebaan. Madaxweyne Deni ayaa ka dhaadhiciyay Imaaraadka Carabta in walaalkiis oo lagu magacaabo Xasan Deni lagu wareejiyo dhamaan mashaariicda ay ka wadaan Puntland, taas bedelkeeda Madaxweynaha ayaa u balan qaaday Imaaraadka inuu qalinka ku duugi doono saxiixida dan kasta oo ay ka leeyihiin Puntland. Beelaha degan gobolada Puntland, waxaa muuqata in ay soo fahmayaan qiyaanada uu la damacsan yahiin Imaaraadka Carabtu dalka Soomaaliya, iyagga oo adeegsanaya siyaasiyiin dhaqaale doon ah. Dhinca kale, waxaa xalay ka dhacay magaalada Boosaso shir ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada beelaha Cali Saleeban. Shirkaas waxaa looga arrinsaday sida laga yeelayo duulaanka Madaxweyne Deni ee ku wajahan qaar ka mid ah beelihii wax ka dhistay Puntland Shirka waxaa ka soo baxay in loo istaago sidii wax looga qaban lahaa hogaaminta khaldan ee Madaxweyne Siciid Deni ku wado deegaanada Puntland. Hab dhaqanka cusub ee Deni iyo Imaaraadka la soo baxeen ee ah iska horkeenidda beelaha, waxa uu keeni karaa burbur ku yimaada mashruuc kala duwan oo Puntland waxtar u lahaa sida kan PMPF, iyo kuwo kale. Imaaraadka Carabta ukeedkoodu waa in ay Puntland ka dhigtaan saldhig la gala dagaalamo dowlada iyo midnimada shacabka soomaaliyeed, iyagga oo madaxda Puntland ku indho sarcaadinaya dhaqaale iyo mashaariic aan muhiimad la hayn. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  16. Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb lagu doortay guddoonka farsamada doorashada dowlad goboleedka Galmudug. Cabdinasir Geelle ayaa noqday guddoomiyaha guddiga farsamada halka Axmed Caafi loo doortay ku-xigeenkiisa. Guddigan waa midka ay horay u magacawday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka laakin waxaa jiro guddi uu isna magacaabay wasiirka 1aad ee Galmudug Sheekh Shaakir. Siyaasad ahaan Dhuusamareeb ma degana, oo waxaa dhaqdhaqaaqyo wada ciidamo kala duwan ee Ahlu sunna iyo kuwa kale ee dowladda federaalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Camaara (Caasimadda Online) – Diyaarado dagaal oo aan la ogayn dalka laga leeyahay ayaa Weerar Cirka ah ku qaadey saldhigyo Al-Shabaab iyo Daacish ay ku leeyihiin degaano hoos yimaado degmada Iskushuban ee gobolka Bari. Saraakiil ka tirsan Ciidanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish. Duqeynta ayaa ka dhacday nawaaxiga tuulada Cameyra oo ay ku sugan yihiin Daacishta ku sugan degaanada maamulka Puntland. Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka ay weeraradan ka dhaceen ayaa sheegay in diyaarado ay gantaalo ku duqeeyeen saldhig ay leeyihiin ururka Daacishta Soomaaliya. Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa inta badan ka fuliya weerarada cirka ah oo inta badan lala beegsado goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya. ma jiro wax war ah oo ku saabsan qasaaraha ka dhashay duqeyntan iyo cidda sida rasmiga ah u fulisay. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-25102019.mp3 View the full article
  19. Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa ay had iyo jeer ahayd mid ay kor ka maamullaan koox yar oo kooban oo awoodda ku helay qabiil ahaan ama fursaddo ka helay ..... Source: Hiiraan Online
  20. Dhuusamareeb (SMN) – Waxgarad ayaa wuxuu ku baaqay in loo hogaan-samo qorshaha xukuumadda federaalka ee degaanadda Galmudug. Indheer-garadka oo u waramay idaacadda Shabelle ayaa xusay in loo baahan yahay in dowladda lagu taageero dedaalada ay wado. Cuqaasha ayaa waxay soo jeediyeen in doorashadda ay ku dhacdo hanaan sahlaya in uu soo baxo madaxweyne ka jawaaba baahiyaha dadka. Hadalka waxgaradka ayaa kusoo aadaya iyadda oo magaalada Dhuusamareeb looga diyaar-garoobayo qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Galmudug-1.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan waxay ka wadaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad. Saraakiisha ayaa sheegay in ujeedka howlgaladan ay tahay xaqiijinta nabad-gelyadda maadaama falal liddi ku ah amniga ay ka dhacaan. Howlgaladda ayaa waxaa lagu baarayaa gaadiidka dadweynaha, kuwa xamuulka iyo waliba shacabka, sidda ay xaqiijiyeen wararka. Al-Shabaab ayaa horey dhowr jeer waxay ciidamadda dowladda iyo kolanyo ay la socdaan mas’uuliyiin waxay ku beegsatay jidkaas. View the full article
  22. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa Galabta ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Galmudug iyo kuxigeenkiisa, guddigaas oo ah kii ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay guddoomiye u doorteen Cabdinaasir Geelle Cilmi halka kuxigeen u doorteen Axmed Caafi oo kamid ah Xubnaha Guddiga. Dhinaca kale Guddiga kale ee Maamul u sameynta Galmudug ee uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ayaa iyana la filayaa inay guddoon Cusub doortaan. Xaalada magaalada ayaa ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  23. FILE- In this Sept. 13, 2018, file photo Jeff Bezos, Amazon founder and CEO, speaks at The Economic Club of Washington’s Milestone Celebration in Washington. Amazon, which has faced political and economic pressure to raise pay for thousands of employees, is boosting its minimum wage for all U.S. workers to $15 per hour starting next month and said it will push for an increase in the federally mandated minimum wage, which now stands at $7.25 per hour. “We listened to our critics, thought hard about what we wanted to do, and decided we want to lead,” said Bezos. (AP Photo/Cliff Owen, File) Aas-aasaha shirkadda Mareykanka ee AMAZON Jeff Bezos ayaa hoos uga soo dhacay kaalinta koowaad ee liiska dadka ugu taajirsan dunida, kadib markii uu hoos-u-dhac ku yimid ganacsigiisa bilooyinkii u dambeeyay. Hoos-u-dhacan ayaa sababay in xisaabka lacageed ee Bezoz ay hoos ugu dhacdo 103,9 bilyan oo dollar, halka ay horau ugu joogtay 1073,9 bilyan oo dollar. Iminka waxaa kaalinta koowaad ka galay liiskan ninka isagana taajirka ah ee leh shirkadda Microsoft Bill Gates kaas oo ay iminka xisaabtiisa lacageed mareyso 105,7 bilyan oo dollar. Liiskan dadka taajiriinta ah ayaa waxaa sannad walba soo saara shirkadda Forbes ee ka faalloota arrimaha noocaan ah. Qaran News
  24. The African Union in Somalia (AMISOM) on Thursday, conducted training for female personnel in the Somali National Army (SNA) and AMISOM, to raise awareness of women's participation in peace and security. Source: Hiiraan Online