Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-16112019-Sx.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen laba nin oo la sheegay in ay falal amni-darro ka gaysteen Magaalada Muqdisho. Labadan nin ayaa ka mid ahaa Shabaab hubeysan oo xalay soo weeraray bar kontorool, oo laga ilaaliyo amniga Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir. Goobta Ciidamada Dowladda ay ku soo bandhigeen labadaasi nin ayaa waxaa Warbaahinta kula hadlay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in raggaasi ay horgayn doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si ay sharciga u waafajiso. Raggan lagu eedeeyay inay xaalad abuur ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mid ka mid ah la soo bandhigay isagoo dhaawac ka qaba lugta midig. Arbacadii ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu qabtay laba nin oo kale oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ka dib markii ay Degmada Wadajir ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa faah-faahin ka bixisay kulan habeen hore Muqdisho ku dhex-maray hoggaamiyaha madashaad iyo taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ah xubin sare oo ka tirsan Madasha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku faah-faahiyey kulankaas. Hoos ka aqriso qoraalkaas oo dhameystiran. Kulanka Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin, ku dhexmaray hoyga Sheekh Shariif habeenimadii Jimcuhu soo galayey wuxuu ka danbeeyey codsi ka yimid dhanka Md. Fahad Yaasiin. Kulankaas waxaa si hordhac loogu soo qaadey dhacdooyinkii dastuurka iyo shuruucda dalka hareer-marsanaa ee lagula kacey madaxdii hore ee dalka oo ah madaxda madasha xisbiyada qaran todobaadyadii la soo gudbey oo uu muujiyey Fahad Yaasiin sida uu uga xun yahey, iyo soo gudbinta codsi uu ka wadey Madaxweyne Farmaajo oo ku saabsan kulan dhexmara madaxda madasha iyo Md. Farmaajo maalmaha soo socda. Madasha Xisbiyada Qaran waxey mabda’ ahaan aaminsan tahey in wadada ugu wanaagsan ee lagu xallin karo ismarin-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira heer kasta oo uu yahey ay tahey wadahadal dhab ah, kaasoo ay madaxda Villa Soomaaliya ka dhega-adaygayeen sanadihii ay talada joogeen, dhegehana ka fureysteen dhammaan dhawaaqyadii kala duwanaa ee waxgaradka Soomaaliyeed siyaabaha kala duwan uga soo baxayey. Shakki weyn ayaa laga muujinayaa dhabnimada wadahadal dhexmara madasha xisbiyada qaran iyo madaxda Villa Soomaaliya ka dib hadalkii aflagaadada ahaa ee Md. Farmaajo uu ka yiri magaalada Nairobi, iyo in wadahadalkani ka yahey taatiko ay culeysyada jira isaga yaraynayaan, ayna rabaan oo kaliya in beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed ay tusiyaan igu sawirta kulanka iyo qosolka Farmaajo oo labada dhinac ay ka kala fadhiyaan labadii madaxweyne ee asaga ka horeysay. Madasha xisbiyada qaran waxey sii wadaysaa hawlihii siyaasadeed oo ay hormuudka u aheyd, waxna kama bedeli doono wadadii ay ku socotey kulamo maaweelo ah oo looga gol leeyahay igu sawirtii sanadka 2019, balse hawlaheeda way sii laba laxaadin doontaa illaa laga gaarayo ujeedooyinka ay u taagan tahey oo ah ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla, qabashada doorasho daahfiran oo hanaankeeda la isku waafaqey sanadka 2020/2021, ilaalinta nidaamka federaalnimada iyo ilaalinta xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta.
  4. Sawirada hoos ka daawo Garoowe: 16 November 2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka [...] Source
  5. Mucaarid Xumaha Maantu Waa Muxaafid Xumihii Shalay: W/Q Cabdiraxmaan Cadami Inta badan ma dhacdo umaddu sida ay u dhantay in ay isku aragti ka noqoto ama si u wada aragto arrimaha siyaasadda iyo sida ugu habboon ee dalka lagu maamuli karo; nidaamka iyo waddada loo marayo kobcinta dhaqaalaha, dhismaha kaabeyaasha, hagaajinta adeegyada bulshada, maamul wanaagga, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo nooca xidhiidhka lala yeelanayo dawladaha gobolka iyo kuwa caalamka. Waddannada dimuqraadiga ah aragtiyaha dadweynaha ee iska soo horjeeda waxa ku metela xisbiyo siyaasadeed oo mid kastaaba u taaggan yahay mabaa’di iyo barmaamijyo u gaar ah oo uu dalka ku hoggaamin doono haddii uu doorashada ku guulaysto. Xisbigu haddii se uu guuldarraysto saaxadda kama baxo ee wuxuu qaata doorkiisa mucaaradnimo si uu xukunka ugu ilaaliyo xukumadda ka dhalatay xisbigii guulaystay iyo in uu isu habeeyo sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashooyinka dambe. Si kastaba ha ahaatee Somaliland wasiirrada iyo madaxda kale ee Qaranka waxa laga soo xulaa taageerayaasha xisbiga laakiin, mararka qaarkood waxa lagu soo daraa rag si uun malaha loo tixgeliyay. Haddaba inkasta oo masuuliyiinta Qaranka ee la magacaabayo looga baahan yahay in ay buuxiyaan shuruudo aan la dhaafi Karin sida: waxbarasho heer jaamacadeed, waayo aragnimo, karti, daacadnimo iwm, haddana madaxweyneyaashii JSL ee kala dambeeyay waxay xilal muhiim ah u magacaabeen rag aan u qalmin oo aqoontooda waxbarasho aad u hoosayso, maamulka dawladnimadana aan wax badan kala socon. Masuulkan oo kale aqoontiisa gaaban wuxuu ku kabaa guulwadayn iyo raalli gelinta madaxweynaha si uu kalsoonidiisa u kasbado, waxa lagu gartaa muxaafidnimo dheeraad ah iyo ka badbadin, marka uu hadlayo wuxuu aad u buunbuuniya waxqabadka xukuumadda wuxuuna ku celceliya ammaanta iyo magaca madaxweynaha, inta uu xafiiskiisa joogu waxa ka badan inta uu ku maqan yahay madaxtooyada si uu u soo dhego-dhegeeyo bal in uu madaxweynuhu soo wado wax isku shaandhayn ah ama in uu maqlo hadal haynta cid la damacsan yahay in shaqada laga eryo. Dadka wuxuu ugu neceb yahay kuwa dawladda dhalliila ama madaxweynaha wax ka sheega, wuxuu la yaaba dadweynaha ka cabanaya tayada adeegyada bulshada, caddaaladda, shaqo la’aanta IWM. Doodaha golaha Wasiirrada waxba kuma soo kordhiyo wuxuu se taageera hadba dhinaca madaxweynuhu u janjeedho. Bal haddaba u fiirso sida uu u dhaqmo marka xilka laga qaado:- hore ayaynu u soo sheegnay oo ma laha aqoon ama xirfad uu ku shaqo tago, kuma jiri jirin hawlo ganacsi oo uu dib ugu laabto, noloshiisii hore ee caadiga ahaydna lama qabsan karo, sidaa daraadeed maalmo yar kadib waxa la arkaa isaga oo dhalliilo tiro badan ka sheegaya xukuumaddii uu ka tirsanaa ee uu sida indho la’aanta ah u difaaci jiray. Waa muxaafid xumihii shalay oo maantana mucaarid ah. Idho adayga iyo sida uu dhalliilaha xukumadda u tilmaamayo waxa u dheer hanjabaado, goolaaftan iyo hadallo aflagaaddo ah oo uu ku weerarayo maamulka iyo saaxiibadiisii ay wada shaqayn jireen. Wuxuu isu caleemo saara in uu yahay afhayeenka beesha uu ka soo jeedo isaga oo kicinaya dareenka reerka wuxuu tilmaama in ay dulman yihiin oo aanay maamulka dawladda ka helin saamigii ay xaqa ugu lahaayeen. Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News
  6. Somalia's National Independent Electoral Commission (NIEC) has announced plans to register millions of Somalis to participate in what would be the country's first popular elections in more than a half-century. Source: Hiiraan Online
  7. Maleeshiyada Galmudug ayaa meel u dhow Bandiiradley oo Gaalkacyo u jirta 10 km waxay ku haystaan maalintii sadexaad Gurmadka Reer Puntland usoo direen Reer Baledweyne. [...] Source
  8. Somalia's president says his government is under constant pressure to choose from among three rival Persian Gulf countries - Saudi Arabia, United Arab Emirates, and Qatar. Source: Hiiraan Online
  9. President Mohamed Abdullahi Farmajo of the Federal Republic of Somalia met in the Kenyan capital with Attorney-General, Dr. Ali bin Fetais Al Marri, who is on a visit to Nairobi. Source: Hiiraan Online
  10. President Mohamed Abdullahi Farmajo of the Federal Republic of Somalia met in the Kenyan capital with Attorney-General, Dr. Ali bin Fetais Al Marri, who is on a visit to Nairobi. Source: Hiiraan Online
  11. Kenya and Somalia have agreed to restore bilateral agreements that would allow free movement of people, a move that signals a possible thaw in relations. Source: Hiiraan Online
  12. Dhagaysiga dacwada muran-badeedka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya ayaa mar kale lagu balamay bisha lixaad sanadka 2020. Kenya waxay ku doodaysaa in xadkeedu uu barbarro la yahay loolka (dhulbaraha = 0). Source: Hiiraan Online
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay talaabooyinkii ka dhanka ahaa Madaxweynayaashii hore ee dalka, ee muddooyinkii u dambeeyay ay qaadeysay dowladda federaalka Soomaaliya. Muuse Biixi ayaa sheegay in Farmaajo oo aan xukumin Villa Somalia uu rabo in uu xayiraado saaro socdaalada Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh. Biixi ayaa talaabooyinkaasi ay dowladda Farmaajo ugu xanibeyso garoonka diyaaradaha madaxweynayaashii hore ee dalka ku micneeyay kuwa aan xataa dhaqan Siyaasadeed iyo Soomaaliyeedba aan shaqo ku laheyn. Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay weeraro ay dowladda Farmaajo ay ku qaaday Somaliland, markii ay xilka la wareegtay iyo ilaa haddaba, kuwaasi oo uu ku sheegay inay ku curyaaminaysay horumarka iyo kobaca dhaqaale ee Somaliland. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Farmaajo ku eedeyay in uu dhaqaalaha caalamku uu ku taageero dowladda Soomaaliya uu u adeegsado burburinta maamulada ka jira dalka, gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda. “Maanta Kismaayo dagaalbaa ka socda Xamar dagaalbaa ka socda oo dowladda Farmaajo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay maalin walba way xirtaa waad arkeysaa halka la maraayo iyo Qaraxa ka taagan” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Wuxuuna intaas kusii daray “Puntland maanta waad arkeysaan dhibkaas oo dhan waxaa wadda dowladda Farmaajo laakiin wali way ku jirtaa tababar oo waxay kusoo wajahan tahay Somaliland”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Wasiir Dhabancad Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo maalmihii la soo dhaafay gadood ka sameeyay gudaha magaalada Boosaaso, balse markii dambe xal laga gaaray cabashadii ay qabeen. Wasiirka ayaa sheegay, in ciidanka gadoodka sameeyay markii ay galeen magaalada Boosaaso ay isku dhaceen ciidan kale oo booliis ah, halkaasina uu ka dhashay khasaare kala duwan, laakiin aysan dhibaato kale ka gaysan gudaha magaalada Boosaaso mudadii ay ku sugnaayeen. Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay, in mas’uuliyiinta dowladda Puntland oo kaashanaya odoyaasha dhaqanka iyo culimada ay ku guulaysteen in xal laga gaaro cabashooyinkii ay qabeen ciidanka dowladda ee gadoodka sameeyay, islamarkaana maanta dib loogu soo celiyay fariisimihii ay hore ugu sugnaayeen. Wasiirka ayaa u mahadceliyay odayaasha dhaqanka iyo culimaa’uddiinka magaalada Boosaaso oo sida uu sheegay door aad muhiima ka qaatay xal u helidda tabashooyinkii sababay in ay gadood sameeyaan ciidanka. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo shaacisay in xal rasmiya laga gaaray ciidamo gadood ka sameeyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  15. Boorama (Caasimada Online) ― Warar aanu helayno ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland iyo kuwa Jabhada Wabar uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Degmo-Laqas ee galbeedka magaalada Boorama. Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii Ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Jabhada Wabar oo ku sugnaa deegaankaasi, kuwaasi oo ay kala kulmeen iska caabin xoog leh. Wararka aanu helayno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in is-rasaaseyn muddo socotay kadib ay qaar kamid ah ciidamada Jabhada Wabar ay u baxsadeen dhinaca xuduudka Itoobiya, halka saddex kamid ah ciidankaasina ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay saddex dhalinyaro oo ay ku dhaawaceen iska hor-imaadkaasi, kadib markii ay ka firxadeen ciidamadii kale ee iska caabinta kuwada jireen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad deegaanka ah. “Ma jirin wax Jabhad la yidhaahdo oo deegaankan deganaa, balse waxa maalmihii u dambeeyay aanu arkeynay dhalinyaro hubeysan oo aan deegaanka hore uga tirsaneyn” ayuu sidoo kale yiri Oday kamid ah dadka deegaanka oo ay la hadashay Caasimada Online. Somaliland ayaa u muuqata mid quus ka taagan wada-hadal ay la furto Jabhada Wabar, kadib markii uu hogaamiyaha Jabhdaasi, Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar uu sheegay inuusan marnaba waxba ka sugeyn hogaamiyaha ugu sareeya Somaliland ee Muuse Biixi, maadama uu qarka u saaran yahay in uu kala dareeriyo beelihii Hargeysa. Xukuumada Somaliland ayaa iyadu dadaal badan ku bixinaysa sidii ay xoog iyo xeeladba ay u burburin laheyd Jabhadaha ka dilaacay degaanadeeda, iyadoona shalay ku guuleysatay inay soo xero galiso Jabhada ‘Xoreynta Awdal’ oo dhowaan si weyn ugu hanjabtay xukuumada Muuse Biixi, kuna dhawaaqday dagaal ka dhan ah. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
  16. The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Hassan Ali Khaire and his delegation have arrived in Doha, Qatar. The PM and his delegation will meet with the government officials Qatar to discuss strengthening bilateral relations and cooperation in the security and economy The Prime Minister has returned from a working trip to France, where he attended the Paris peace Forum and held meetings with some EU leaders in Brussels, Belgium on debt relief. View the full article
  17. Reports from Lower Shabelle region indicate that fighting broke out between Somali military and Al-Shabaab militants on Saturday. The first attack, which began with heavy weapons and artillery fire took place in the area of El Salini, which is largely controlled by Somali government forces. Local sources said there had been long-hours clashes between the two sides. There was another battle between the government forces and Al-Shabaab, which flared up in Awdheegle vicinity after militants attacked a military outpost, according to the sources. Al-Shabaab has claimed victory in the clashes, and there has been no word from government officials about the attacks. The situation is now calm, and the battlefield is in the control of Somali military View the full article
  18. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE iyo Wafdi uu hogaaminayo. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyey Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE booqashada uu ku yimi Puntland, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in miro dhalka kulankan uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya. “Wuxuu ahaa kulan muddo badan qaatay oo dhinacyo kala duwan oo arrimaha Soomaaliya iyo dhinacyada ay Dowladda UK kaga taageerto Soomaaliya Guud ahaan iyo Gaar ahaan Puntlandba taabanayey. Waxaana rajeynayaa in miro dhalkiisana uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha intaba, waana uga mahadcelinayaa kulankii quruxda badnaa ee maanta na dhexmaray” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi. Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen sidii Doorashada Soomaaliya ugu dhici laheyd wakhtigeeda. “Waxaan yeelanay wada hadal miro dhal ah sida Madaxweynuhu sheegay, wuxuuna ku saabsana Iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo UK, Xiriirkaasi oo ah mid qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, sida Horumarka dhaqaalaha , Shaqo abuurka, Gargaarka Baniáadanimo, Iskaashiga dhanka Siyaasada iyo arrimo kale oo badan.” Sidoo kale waxaan wada hadalo miro dhal ah ka yeelanay , sida ay muhiim u yihiin Doorashooyin ku qabsoomada xiligooda sanadka danbe, iyo in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu heshiiyo hanaanka Doorashada, aysana ka dib dhicin dhammaadka sanadkan iyo inaan hubino in dib loo soo celiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah”. Ugu danbeyn Danjiraha Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender OBE ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu ku soo laabto Puntland, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guud ahaan Dowladda Puntland soo dhoweynta iyo qaabilaada wanaagsan. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Boosaaso (Caasimadda Online) – Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa xal ka gaaray xiisadii ka taagnayd magaalada Boosaaso ee u dhaxeysay madaxda shirkadda PDG iyo xukuumadda madaxweyne Dani. Kulamo ay saacadihii ugu dambeeyey isimada gobolka Bari la yeesheen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, madaxda shirkadda PDG iyo saraakiishii hogaaminayey ciidamadii Carmo ka yimid ayaa ugu dambeyn is fahan laga gaaray xiisaddi ka taagneed Boosaaso maalmihii lasoo dhaafay. Arrinta ugu weyn ee laysku afgartay ayaa ah in ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo ay dib u laabaan iyo sidoo kale in wada hadal lagu dhameeyo khliaafka sababay madaxda shirkadda iyo xukuumaddu ay is qabtaan, kadibna ciidamo u abaabulan qaab beeleed ay gudaha u galaan magaalada. Sabtida maanta ayaa lagu wadaa in ciidamadii maalmo ka hor gudaha u galay magaalada Boosaaso ay dib ugu laabtaan deegaanka Carmo ee isla gobolka Bari. Ciidamadaas oo isugu jira kuwo ka socda Daraawiish Puntland iyo maleeshiyo beeleed waxaa maanta Boosaaso ka raaci doona isimada dhaqanka gobolka Bari iyo masuuliyiin kale, si aysan isugu dhicin ciidamada ku sugan inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Carmo, iyadoo la sheegay in wixii markaas ka dambeeya loo fadhiisa doono xalka kama dambeysta ah ee arintaas. Halkaan ka daawo Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo loo ogolaaday banaanbax ay Muqdisho ku qaban rabaan Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  20. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya. Dagaalka koowaad oo ku bilowday weerar ay qaadeen dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Saliini ee gbolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaal socday saacado badan oo labada dhinac uu ku dhexmaray halkaasi. Dhinaca kale agagaarka degmada Awdheegle ayaa waxaa ka dhacay dagaal kale oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kaas oo isna muddo qaatay. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalladaasi ayaa guulo ka sheegatay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda oo ku aadan weeraradaasi. Xaaladda ayaa hadda mid degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya. View the full article
  21. Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta is hortaag lagu sameeyey Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo doonayey inuu gudaha u galo degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Ciidamada Xoogga dalka ayaa la sheegay inay u diideen inuu u soo gudbo qeybta ay ka maamulaan degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in haatan Sayid Aadan uu ku sugan yahay xero ciidanka Kenya ay ku leeyihiin halkaasi. Korneyl Axmed Maxamuud Mire oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka warbixiyey xiisada ka taagan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cc.mp3 View the full article
  22. Baarlamaanka Puntland ayaa saaka yeeshay fadhigoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen guddoomiyaha cusub. Waxayna codka ansixinta geliyeen guddiga kumeel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland. Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shir Guddoomiyay kulanka ay yeesheen Xildhibaanada. Xildhibaanada ayaana ansixiyay Guddiga doorashooyinka waxayna ka dalbadeen in ay dardargaliyaan shaqooyinka loo idmaday. Baarlamaanka Puntland ayaa wajahaya Khalalaase Siyaasadeed tan iyo markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo. View the full article
  23. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Xijaar ayaa maanta sameeyey magacaabis cusub, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Xijaar ayaa magacaabay taliyeyaasha cidamada Akadeemiyada, saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Laanta Miina Baarista. Hoos ka Akhrio Magacyada. 1- Gaashaanle Sare Cabdikariin xuseen Mcalin TaliyahaAkadeemiyada Gen.kaahiye 2- Gaashaanle Cabdifitaax Bashiir Cali Taliyaha Saldhigga Airpor-ka 3- Gaashaanle Asad Cabddalla Saciid Taliyaha Laanta Miina Baarista. Sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faray xubnaha la magacaabay in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo ogmaday. Tan iyo markii la magacaabay Taliye Xijaar ayaa waxa uu isbedal ballaaran ku waday taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. View the full article
  24. Baarlamaanka Oo Maanta Ka Muquurtay Inay Ansixiyaan Wasiirka Warfaafinta Somaliland, halkan hoose Ka Daawo Source