Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,942
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ururka Ahlu Suna ayaa maalmahaan waxay Xiisad kala dhaxaysay Dowlada Federaalka Xiisadaasoo qarka u saarayd in Xabad la isku adeegsado. Waxaa hada muuqata in Ahlu [...] Source
  2. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir kana mid ah hoggaanka Ahlu Sunna Wal-Jameeca ayaa soo bandhigay nuqul kamid ah Heshiiskii dhex maray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyo Maamulka Ahlu Sunna. Heshiiska oo ka koobnaa dhawr qodob ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in Ahlu Sunna laga siiyo Xildhibaanada Galmudug ilaa 35 Xildhibaan halka 54-ta kalana ay soo xulayaan Odayaasha Dhaqanka. Heshiiska oo dhacay Bishii June ee Sanadkaan ayaa waxaa sidoo kale ku jiro in Ahlu Sunna iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay si wadajir ah usoo magacaabaan Guddiga Farsamada ee Doorashada Galmudug. Heshiiska ayaa waxaa ku saxiixan Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye. Waxaa muuqato in Dowladda Federaalka ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna taasoo sababtay xiisadda ka taagan Dhuusamareeb. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan magacowday guddi ka kooban 13 Xubnood oo ah kuwa Farsamada Doorashada Galmudug, waxaana taas ka hor timid Ahlu Sunna oo ku eedeysay Dowladda inay ka baxday Heshiiskii la wada galay. Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa warqad ku qorneyd luuqadda Ingiriiska u diray Beesha Caalamka, wuxuuna raaciyey heshiiska dhex maray Dowladda iyo Ahlu Sunna, wuxuuna waraaqda ku caddeeyey inay Dowladda ka baxday heshiiskii la wada galay. Halkaan hoose ka akhriso heshiiska ay Ahlu Sunna soo bandhigtay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Boosaaso (Caasimadda Online) – Waxaa laga dareemayaa magaalada Bossaaso xiisad ka dhalatay mashruuca sahay siinta ciidamada Badda Puntland, oo Imaaraadka Carabta uu maal-geliyo. Madaxweyne Deni iyo xubno ku dhow oo ka tirsan koox lagu magacaabo Aaran Jaan ayaa khilaafka qeyb weyn ka ah, waxyna doonayaan in laga wareejiyo gebi ahaanba qandaraaska sahay siinta hay’adda Puntland Development Group (PDG) oo ay leeyihiin ganacsato u badan reer Bari. Sahaysiinta ciidamada Badda Puntland waxaa maal-gelisa oo dhaqaalaha siisa Dowladda Imaraadka Carabta. Khialafka dhowrka bilood ka dhex taagan hay’adda sahaysiinta PDG iyo Imaaradka Carabta ayaa abuurtay jawi xiisad saansaan dagaal. Madaxweyne Deni iyo dadka ku dhow waxay u suxul duubayaan in hay’ad ay iyagu wataan la siiyo qandaraaska sahay siinta ciidamada Badda Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano {PMPF}. Waxaa la isku fahmi waayey dhowr asbuuc ka hor in lagu qanciyo ganacsatada reer Bari inay ka tanasulaan qandaraaska sahay siinta ciidamada Imaaradka gacanta ku hayo ee PMPF. Waxgaradka iyo odayaasha Beelaha Gobolka Bari ayaa uga digay madaxweyne Deni iyo xulufadiisa in xiisaddan ay isku rogto dagaal ay dowladda Imaraadka Carabta gadaal ka riixeyo aysan Boosaaso ka ridin. Waxay sheegeen in sababta la doonayo in qandaraaska looga qaado PDG ay tahay mid qabyaaladeysan, oo la doonayo in qanadaraaska lagu siiyo dad ku beel ah madaxweynaha. Odayaasha ka dalbaday Imaaraadka Carabta in uu joojiyo dagaalka iyo colaada uu ka dhex abuurayo deegaanka Gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay haweeney uur laheyd loogu geystay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, dilkaas oo ay fuliyeen rag burcad ah oo ku hubeysnaa bistoolado. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Korontada, waxaana la sheegay in haweeneyda ay ka dhaga adeegtay inay raggaasi u furto Dahab ay xirneyd, kadibna ay toogteen, iyagoona ka qaatay Dahabkii iyo Mobile ay wadatay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ehellada haweeneydaaasi ayaa lagu soo warramayaa in markii dambe ay meydka ka soo qaadeen halkaasi, sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo ahaa labo nin mid ka mid ah gacanta lagu soo dhigay, halka kan kalena ay weli ku raadjoogaan ciidanka ammaanka. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir oo ku aadan dhacdadaasi oo argagax ku reebtay dadka deegaanka. Muddooyinkii dambe waxaa degmooyinkii Wadajir iyo Dharkenley ka dilaacay burcad dhibaato ku heysa shacabka demooyinkaasi, waxaana la sheegay in kooxahaan oo qaati laga taagan yahay ay habeen iyo maalin ay dhac ka geystaan xaafadahaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Tiro badan oo ciyaartooy ah kana soo jeeda wadamada qaarada Afrika ayaa sanadihii laga soo gudbay si weyn ugu soo muuqanayay safafka kooxaha kubbadda cagta,iyagoo kuwa qaar horomar kala gedisan la sameeyayo naadiyadooda intii ay joogeen,balse hadafka arintan waxaa bilaagedda lahaa guddoomiyaha naadiga dowladda hoose Abuukar Maxamed Sheekh,isagoo noqday shaqsigii dalka keenay laacibiin kasoo jeeda isla qaarada. Ciyaartooyda kala duwan ayaa sanadihii lasoo dhaafay u dheelay naadiga Muqdisho City Club,inkastoo badankooda ay ugu soo ciyaareen magacii hore ee kooxda ee ahaa Banaadir Sports Club waxayna badankooda doorka wanaagsan kasoo qaateen tartamadii gudaha iyo dibadda oo ay kooxdooda kala qeyb galeen,iyagoo noqday kuwa ka tilmaaman ajaanibta kale ee lagu arkay kubbadda cagta Soomaaliya sida sheegayo guddoomiye Abuukar marka loo eego hanashada tartamada kubbadda cagta Soomaaliya. “Maxamed Marcell,isagoo kirishtan ah ayuu Soomaaliya yimid maamulka kooxdeena ayaa da’daal iyo waqti dheer ku bixiyay fahansiinta diinta Islaamka Alx maanta waa qof muslim si nabad ah ay dalkiisa ugu laabtaa waan waxyaalaha ugu waaweyn ee aan horay u qaadany” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club mudane Abuukar Maxamed Sheekh. Xariirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ku amaanay maamulka naadiga Muqdisho City Club fikradaha halbuurka leh ay kusoo kordhiyeen kubbadda cagta dalka,iyagoo wax badan ka badalay xeerka iyo sharuudaha xidigaha ajaaninbta ee ka dheelaya Soomaaliya sida uu Goobjoog markale u sheegay guddoomiyaha naadiga Muqdisho City Club mudane Abuukar Maxamed Sheekh. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Korarka Ciyaaryahanada Ajaanibta Ee Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Qodobo Ka Soo Baxay Shir Beesha HABAR-JECLO Ku Qabsatay Dalka Ingiriiska, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland ku ammaanay sida ay ciidamada ammaanka ugala shaqeeyaan arrimaha nabadgelyada, waxaanu sheegay inaanay awooda ciidamadu noqoteen wax ku ool haddii aanu shacabku la shaqaynin. Madaxweyne Biixi oo uu dhawaan Hargeysa kula kulmay Michael Horton oo ah khabiir qormooyin kala duwan ku qora majalado caan ah oo dunida ah, wuxuu sheegay inay Somaliland u baahantahay mucaawino iyo lacag dayn ah, inkasta oo uu ka digay in lacagta mucaawinada ahi ay mararka qaar arrimaha qasto. Madaxweyne Biixi ayuu Mr. Michael weydiiyay sida ay Somaliland ku gaadhay guulaha ammaan ee ay haysato, iyadoo dawladda Soomaaliya oo uu dalka Maraykanka iyo dalal kale malaayiin dollar ku maalgeliyeen ay ku fashilantay inay sugto ammaanka Muqdisho, waxaanu Madaxweyne Biixi ku jawaabay “Jawaabta ugu fudud ee su’aashaasi waxa weeye inaanu haysano kalsoonida shacabkayaga, Kalsoonidaas oo aan jirin, maanu haysaneen amniga aanu haysano. Jawaabta labaadna waxa weeye annaga ayaa arrimahayaga qabsanayna, oo jidkayaga haysana.” Madaxweyne Biixi wuxuu intaas raaciyay “Waxaan ahaa sarkaal ciidan oo caadi ah iyo ciidankayagii xoraynta, iyadoo ay jiraan kala duwanaanasho badan, haddana hal shay ayaa isku mid ah, kalsoonida adiga iyo shacabkaaga ayaa ah waxa kuu saamaxaya inaad guulaysato, haddii aanad haysan quluubtooda iyo maanka, sida badanaa loo yaqaano, waxba ma haysid, Soomaaliyana dawladu kuma naaloonayso kalsoonidan.” Madaxweyne Biixi oo ammaanaya doorka shacabka, wuxuu yidhi “Shacakayagu waa waxa uu ammaankayagu ku tiirsanyahay, waa aasaaska wax walba lagu dhisay. Haa, waxaanu haysanaa ciidan Boolis ah oo wax ku ool ah, RRU, iyo waaxda sirdoonka, laakiin waa shacabka Somaliland cidda noo sheegta waxaanu doonayno inaanu ogaano. Way yaqaanaan marka uu bulshada dhex yimaado qof laga shakisanyahay waanay soo gudbiyaan. Taas la’aanteed xataa sirdoonka ugu wanaagsan ee sida wanaagsan u qalabaysan waxay noqon lahaayeen kuwo aan waxtar lahayn. Ma jiraan wax bedelaya sirdoonka aadanaha, waana waxaanu haysano. Wadan dhan oo feejigan.” Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in dhallinyaradu yihiin kuwo u nugul Al-Shabaab, waxaanu iftiimiyay inay Somaliland doonayso inay maalgeliso waxbarashada oo ay dhallinyarada siiso fursado shaqo “Dhallinyaradu waa kuwa ugu nugul kooxaha Al Shabaab oo kale, waa inaanu awood u yeelanaa inaanu maalgelin badan ku samayno waxbarashada waana inaanu siinaa fursado ay ku shaqeeyaan.” Ayuu yidhi. Ugu dambayn wuxuu Madaxweyne Biixi qiray inay Somaliland u baahantahay mucaawino iyo dayn lacageed, “Haa, waxaanu u baanahanay caawimo iyo dayn, hase yeeshee waxaanu aqoonsanahay in caawimadani ay noqon karto mindi laba af leh, waxbay kharibi kartaa sida Imikaba Soomaaliya haysata.” Ayuu yidhi. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa guud ahaan Bulshada reer Somaliland ku booriyey inay nabadooda iyo qaranimadooda ilaashadan, waxaanu tilmaamay in Madaxweyne kasta oo la doorta uu tagi doono, balse qaranimadu muhiim tahay, waxaanu sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu dadka ilaaliyo. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waa in dadka masaakiinta ah la ilaaliyaa, waa in la takuleeya, waa in wax la siiyaa, oo wax loo tara, in la boobo maaha, dadkaas guriyahooda lagu haystaa dad baa lixdan sanno guriyahooda deganaa, Madaxweynaha sharaftiisu waxay ahayd inuu dadkiisa wax taro, balse inuu dhulkooda ku qabsado maaha”. Mar uu ka hadlaayey weerarkii ka dhacay Boorama Ayaaa yidhi “Meel walba waa laga cabanayaa, ee waxaan leeyahay ha la daayo rabshadaha, qaranimada aynu ilaalino, xabada inaga ilaaliya, oo buuqa inaga daaya, walaaltinimadeena ilaaliya, qaranimaduna waa nafteenii, Madaxweynihii yimaadaba wuu iska tagi,oo wad ama wakhtiga ayaa inaga kagayne,Muuse Biixina uu iska tagi, ee dadku dalkooda ha ogaadan” Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Waraysi Kulul Oo Lala Yeeshay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI, Halkan hoose ka DAAWO waraysiga oo dhammaystiran Source
  10. (SLT-Paris)-Laamaha Amniga Faransiiska ayaa xabsiga dhigay la tuhme loo haysto in laba nin uu toogasho ku dhaawacay iyaga oo taagnaa afaafka hore ee masaajid ku yaalla dhanka koonfur Galbeed, sida ay booliska Sheegeen. Ninkaan oo 84 jir ah ayaa rasaas ooda kaga qaaday laba nin oo da’doodu ay tahay 74 jir iyo 78 kuwaasi oo ka hortagay isku day uu ku doonayay in uu dab ku qabadsiiyo masaajidkan ku yaalla magaalada Bayonne. Dhibanayaasha dhaawaca uu soo gaadhay ayaa la dhigay cisbitaal ku yaalla Agagaarkaasi. Warsaxaafadeed ka soo baxay booliska ayaa lagu xaqiijiyay in la tuhmaha oo saarnaa gaadhi lagu qabtay meel u dhow gurigiisa isaga oo wata Qori. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa weerarkan balse wasiirka Amniga Faransiiska Mr Christophe Castaner ayaa xaqiijiyay in baadhitaano ay Wadaan. Hoggaamiyaha xisbiga midigta Marine Le Pen oo marar badan lagu eedeeyay weerarada Muslim naceybka ayaa cambaareysay falkaan. Waxay sheegtay in weerarkaan uu yahay mid ka dhan ah dhammaan qiimaha nolosha bani Aadamka. Source
  11. (SLT-Nairobi)-Khilaaf xooggan ayaa xiligaan laga dareemayaa in uu u dhaxeeyo wadamada Kenya iyo Itoobiya oo xubin ka ah dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka Igad. Arintaan ayaa la xidhiidh shaqsiyaadka noqonaya guddoomiyaha guddiga iyo madaxa fulinta ee ururka goboleedka. Igad oo la yagleelay sanadkii 1996-dii ayaa ajandaha ay ka shaqeyso waxaa ka mid ah xalinta xiisadaha siyaasada iyo mida amni ee geeska Afrika. Muranka wadamada Igad u dhaxeeya ayaa yimid 10 maalmood ka hor markii guddoomiyaha haya xilka Igad ahna ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu xilka xoghaya fulinta u magacaabay wasiirkii hore ee arimaha dibada Itoobiya Workneh Gebeyehu. Sida ku xusan warqada magacaabida oo aan helnay ayaa muujineysa in mr Workneh xafiiska uu la wareegi doono kowda bisha soo aadan ee November. Xukuumada Nairobi ayaa ku andacootay in ay sharci darro tahay arintaan maadaama maadaama mudo laba sanno iyo dhowr bilood ah ay u dhimantahay xoghaye Maxbuub Macalin oo u dhashay Kenya. Marka laga soo tago in talaabadan ay ka cadhootay Kenya ayaa hadane wadamada kale waxay saluug ka muujiyeen magacaabida mas’uulkaan oo ay sheegeen in aan loo marin shuruucda IGAD. Balse ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa sheegay in uu la tashi la sameeyay wadamada xubnaha ka ah Igad,10-kii bishan October oo hogaamiyeyaasha dalalkan ay isugu tageen xaflada furitaanka beerta midnimada oo ka dhacday magaalada Addis Ababa. Wadamada xubnaha ka ah ururkan ayaa ah sideed dal waxaana ay kala yihiin Soomaaliya Jabuuti Suudaan Eritrea Itoobiya Uganda Kenya iyo Koonfurta Suudaan. Source
  12. (SLT-Baqdaad)-Kadib markii uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku dhawaaqay geerida hoggaamiyihii kooxda Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi, ayaa waxay su’aalo badan dul hooganaya cidda la wareegi doonta hoggaaminta kooxdaasi. Waxa soo if baxaya Warbixino sheegaya in Abuubakar Al-Baqdaadi aanu aheyn mudooyinkii u dambeeyay hogaamiyaha dhabta ah ee sida tooska ah u waday howl-galadii ururka Daacish, balse uu arrimahaasi ku wareejiyay una xil saaray guddi gaar ah. Sidoo kale Waxa isasoo taraya su’aasha ah, yaa Baqdaadi dabadii ururku u dooran doonaa Hogaamiye?, iyadoona ay soo shaac baxeyso cidda badali doonta, ugana caan ee magaciisa loo adeegsado marka la dhaho yaa badali doona Baqdaadi. Ciraaq Turkman Abdullah Qardash loona yaqaano ‘Haji Abdullah al-Afri’ ayaa ah Ninka lagu wado in uu noqdo hoggaamiyaha cusub ee Daacish, wuxuuna dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada Mosoul ee waqooyiga Ciraaq. Qardash ayaa hore waxa uu Abuubakar Baqdaadi ugu magacaabay ‘Daryeelka xaaladaha Muslimiinta’ sida ay bishii August baahisay wakaalada wararka ee ururkaasi. Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan gobolka oo dalbaday in la qariyo magaciisa iyo wadanka uu ka soo jeedo ayaa Wargeyska News Week u sheegay in Qardash uu gali doono booskii Baqdaadi. Sarkaalkaasi ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in Baqdaadi uu ahaa hogaamiye sharafeed aan shaqo ku laheyn howl-galada uu fuliyo ururku, wuxuuna yiri “Baqdaadi waxa uu sameyn jiray oo kaliya doorashada Haa ama Maya, balse shaqo kuma laheyn qorsahah”. Source
  13. Stakeholders in Somalia's security sector on Sunday concluded a meeting in Mogadishu on the threat posed by Improvised Explosive Devices (IEDs). Source: Hiiraan Online
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ay sheegay in ka maamul ahaan ay ka qeyb qaadanayaan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhibaateysan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Deni ayaa ka jawaabay baaqii dowladda Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gurmadka fataahadaha Qaran oo shalay Somaliland iyo Puntland ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan, sidii loo samata bixin lahaa dadka ay sameysay fatahaada wabiga Shabelle. Madaxweyne Siciid Deni oo ugu horreyn ka tacsiyeeyey dadkii shalay ku dhintay doontii ku degtay degmada Beledweyne ayaa sheegay in Puntland dowlad iyo shacab ay dhibka iyo xanuunka la qeyb sanayaan walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan. “Puntland, Dowlad iyo Shacab ahaanba waxay la qeybsanaysaa dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadka leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba. “Waxaa lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda oo geysta khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh.” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay cid kasto oo gacan ka geysan karta gurmadka inay ka qeyb qaadato, sid deg deg loogu caawiyo dadka ku dhiban gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dowladda federaalka oo wada gurmad xoogan ayaa qeylo dhaan u dirtay hay’adaha samafalka iyo beesha caalamka, si loogu gurmado dadka ay saameeyeen fahaadaha ka jira deegaano ka kala tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo HirShabelle. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  15. Kulan Axadii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay ayaa waxaa looga hadlay sidii loo yaren lahaa isticmaalka waxyaabaha qaraxa iyo ka hortaga miinooyinka oo halis badan ay kala kulmaaan rayidka iyo ciidamada intaba. Tababar ku saabsan halista miinooyinka dhulka lagu aaso oo qaatay labo maalin ayna ka qeyb galeen saraakiil ka socotay UK iyo howlgalka AMISOM aya lagu qabtay Muqdisho. Labada dhinac ayaa sheegay in si wadajir ah ay isaga kaashan doonaan ka hortaga dhibaatooyinka ka dhasha walxaha qarxa. Ugu dambeyn saraakiisha labada dhinac aya sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii dowladda federaalka ah ay uheli laheyd ciidan awood leh oo marka ciidamada AMISOM ay kala wareegaan amniga ka shaqeeya ka hortaga miinooyinkaasi. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka sare ee Kenya u fadhiya dalka Britain ayaa sheegay in dowladdiisa ay wado qorshe Al-Shabaab looga joojinayo lacagaha ay hesho, si loo yareeyo awooda kooxdan iyo weerarada ay fuliso dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Wakiilkan ayaa sheegay in Kenya ay raadinayso taageero caalami ah, si Al-Shabaab looga hor istaago dhaqaalaha ay ku hesho sida dadban, wuxuuna tilmaaamay in saaxibada gobolka iyo kuwa caalamkaba looga baahan yahay inay qaataan doorkooda. Waxa kale uu sheegay in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka loo baahan yahay in lala socdo, sida ay ula dagaalamaan lacagaha ay hesho Al-Shabaab, isagoona intaasi ku daray in siyaabaha ay Al-Shabaab dhaqaalaha ku hesho ay qayb ka tahay canshuur ay ka qaadaan ganacsiyada ka jira gudaha Soomaaliya. Ugu dambeyn wakiilka Kenya u fadhiya UK ayaa ku baaqay in si wadajir la’isaga kaashado dagaalka Al-Shabaab oo uu sheegay inay qatar ku tahay guud ahaan gobolka. Kenya ayaa horay Qaramada Midoobay uga dalbatay in Al-Shabaab lagu daro liiska kooxaha loogu yeero argagixisada, walow taasi ay ku guul darreysatay, waxaana la sheegay in arrintaasi ay kala aheyd dano gaar ah, maadaama xiisad xoogan oo salka ku heysa muranka Badda ay kala dhexeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyey xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya oo ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM ay ka joogaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in saakay la helay Meydadka Labo ka mid ah Sideed qof oo lagu weysanaa Wabiga Shabelle, kadib markii shalay ay la rogmatay doon ay la socdeen, xilli ay u gurmanayeen shacab dhibaateysan. Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan B/weyne, waxaa la helay Meydadka Labo qof oo mid ka mid ah la sheegay inuu kamid ahaa ganacsatada deegaanka, halka Meydka kale weli la garan la yahay, sababo la xiriira wejiga oo burbur kasoo gaaray. Waxaa hadda Meydadkan loo soo wadaa dhanka B/weyne, maadaama laga soo helay tuulooyin ku dhow magaaladaasi. Waxaa socda dedaal xooggan oo ku saabsan sidii loo heli lahaa dadka lagu la’ yahay Wabiga Shabelle. “Fadlan Ka Qeybqaado Gurmadka Loo Sameynayo Shacabka B/weyne” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waare ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya guddiga gurmadka fatahaadaha oo uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Wafdigan ayaa u kuur geli doono xaaladaha ka jira magaaladaasi iyo saameynta ka dhalatay fataahadda wabiga Shabelle. Xaaladda Beledweyne ayaa aad looga deyrinayaa, waxaana sii xoogeysanaya saameynta ay magaaladan ku yeelatay fataahada. View the full article
  19. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehlada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Fatahaadda Wabiga Shabelle. Dani ayaa sheegay in ka Puntland ahaan ay diyaar u yihiin xilli walbo garab istaagga dadka dhibban, islamarkaana waajib yahay garab istaagoodda. “Puntland, Dowlad iyo Shacab ahaanba waxay la qeybsanaysaa dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadka leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba, waxaana “Waxaa lama huraan ah in laga tabaabusheysto sidii looga gaashaaman lahaa fatahaadaha soo noq-noqda oo geysta khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh” ayuu yiri madaxweyne Dani. In ka badan 15 qof ayaa ku dhimatay fatahaadda uu Wabiga Shabelle ka sameeyey magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la Idaacadda Shabelle ayaa tacsi u diray ehallada dadkii shalay ku dhintay doonti ku degtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Sheekh Xuseen ayaa sheegay in dadkaasi oo gaarayey illaa 10 qof, ayna ku jireen mas’uuliyiin ay geeridooda ku reebtay tiiraanyo xoog badan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo dadka kale ee weli maqan. Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Muxumed Caraale oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey xaaladda adag ee haatan ka taagan Beledweyne. Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dartay, islamarkaana biyuhu ay hal mitir ka sarreeyaan dhulka caadiga ah. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in aan loo kala harin gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Waxaa soo jeedinaya warka Cabdiqani Bashiir Xuseen iyo Feyruus Jeelle Xuseen. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/WARKA-SUBAX-29102019-sx.mp3 View the full article
  22. Waxaa soo kordhaya tirada dadka ku dhintay Fatahaadda Wabiga Shabelle ee uu ka sameeyey qaar ka mid ah gobollada uu dalka ka maro. Afar qof ayaa la xaqiijiyey in uu gabal dhacii shalay wabiga ka qaaday xaafadda Buunda-weyn ee B/weyne, kuwaasi oo la sheegay in ay dhinteen. Sidoo kale, deegaanno ku dhow B/weyne ayaa lasoo sheegayaa in laga helay Meydadka qaar ka mid ah dadkii shalay ay doonta kula rogmatay magaaladaasi. 24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa wadarta dadka ku dhintay Fatahaadda B/weyne waxay ku dhow yihiin 15 qof, waxaana soconaya gurmad aad u xooggan. Biyaha ayaa daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa ah kuwo aad usii xoogeysanaya, taasi oo xaaladda meesha ka jirta halis kasii dhigeysa. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan u dhexeeyey hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, kaas oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Kulanka oo ka dhacay xarunta Inji ayaa waxaa diirada lagu saaray dhacdooyinkii ugu dambeeyey iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi, si xal looga gaaro, kadibna loo sii guda gali lahaa waji labaad ee dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee dhowaan gudaha u soo galay Dhuusamareeb looga saari lahaa magaalada, looguna celi lahaa xeryihii ay ka soo baxeen, kadib shaqaaqadii lagu rasaaseeyeey madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiir Sabriye iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ay isku raaceen in ciidamadaasi dib loogu celiyo saldhigyadoodii, ammaankana lagu wareejiyo ciidamada nabad sugida. Ugu dambeyn labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan khilaafka ka dhashay guddiga farsamada maamul u dhisada Galmudug iyo sidii loo soo afjari laha, balse ma jiro weli xal rasmi ah oo laga gaaray arrintaasi. Ahlu Sunna oo ka hortimid guddigii dowladda ayaa mid kale uga dhawaaqaday Dhuusamareeb, kaasoo ay dhowaan ansixiyeen xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug, taasoo xaaladda uga sii dartay, lamana oga sida ay wax noqo doonaan. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  24. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka u safraya magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaasi oo uu tababar uga furi doono cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland. Sida qorshaysan, madaxweyne Deni ayaa kulliyadda Tababarka ciidamada degmada Qardho ee Xorgoble, waxa uu maanta tababar uga furi doona in ka badan 500 oo askari, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraaawiishta Puntland. Madaxweyne Deni ayaa inta uu magaalada Qardho joogo, waxa uu kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana wuxuu kormeer ku samayn doona goobo muhiima oo ku yaalla degmadaasi. Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa socdaalkiisi u horreeyay tan iyo markii la doortay 8-Jannaayo 2019, waxa uu ku tegi doona degmooyin ka tirsan gobollada Sanaag iyo Hayland, halkaasi oo uu kormeer ku soo samayn doono, si uu ugu kuur-galo mashaariicda ka socota degaannadaasi. Degmooyinka Dhahar iyo Badhan ayaa kamid ah meelaha uu booqan doono madaxweyne Deni, halkaasi oo uu mashaariic cusub ka dhagax-dhigi doono, islamarkaana uu kormeer ku samayn doono mashaariicda ka socota. Bulshada degmooyinkaasi, ayaa sidoo kale madaxweynuhu kulamo kala duwan la qaadan doona, isagoo ka xog-waraysan doona xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo baahiyaha ay qabaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku wajahan gobollada Sanaag iyo hayland appeared first on Puntland Post.
  25. With no menus or decor and a set price of $10 for every meal, the Africana Halal Restaurant is a wildly different concept for many Des Moines residents. Source: Hiiraan Online