-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa isaga oo ku sugan magaalada London waxa uu ka hadlay sababta uu xisbiga Wadajir uga mid noqon waaye madasha xisbiyada. Waxa uu sheegay in iyaga mar walba ay doonayeen oo kaliya sidii lagu gaari lahaa doorasho in la qabto, welina diyaar u yihiin in xisbiyada kale ay kala shaqeeyaan. C/raxmaan ayaa tilmaamay in markii hore uusan qabin aragti ah in hoggaan ama guddoomiye loo sameeyo madasha xisbiyada maadaama ay kala aragti duwan yihiin xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka dhisan. “Xisbiga ayaa go’aansaday in aan laga midnoqon xilligan, doodaha madallada la xiriirana dadku isku aragti kama ahan, laakiin Hal hadaf oo aan wadaleenahay waxa waaye in doorshada xilligeeda la qabto in laga wadashaqeeyo, maadaama madasha ay ahayd mid Hal xisbi aan la noqoneyn in laga wadashaqeeyo doorashada sidii ay ku dhici lahayd….annagu maba aaminsaneyn in hoggaan la sameeyo, kaliya xiriiriye la sameeyo, annaga ulajeedkeennu wuxuu ahaa sidii doorasho ku dhici lahayn, waxaana diyaar u nahay inaan la shaqeynno inta doorashada ay dhacayso” ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur. Xisbiga Wadajir ayaa kamid ah xisbiyada ugu waaweyn ee dalka ka dhisan, waana xisbi siyaasadeed ay ku mideysan yihiin kumanaan qof oo Soomaaliyeed, ayna ku jiraan siyaasiyiin dalka aad looga yaqaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiin ka socota Turkiga iyo Soomaaliya ayaa Jimcihii ku kulmay magaalada Muqdisho, si ay uga wada hadlaan arrimo muhiim ah oo quseeya labada dal. Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Fawsiya Maxamed Sheekh ayaa xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Turkiga ee Muqdisho Mehmet Yilmaz. Ajandaha kulanka ayaa ahaa daadadkii ka dhacay Soomaaliya bishii hore taas oo sababtay in ka badan 370,000 oo qof ayaa barokacay, oo u badan carruur. Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo xigatay sarkaalka Soomaaliga ah oo weydiisanaya taageerada Turkiga ee ah “ka hortagga fatahaadaha soo noqnoqda ee webiyada, kuwaas oo ay adag tahay in wax laga qabto oo dhibaato weyn u gaysata bulshada.” Yilmaz oo dhanka turkiga ayaa dhankiisa ballan qaaday taageero dheeri ah oo la siiyo Soomaaliya maaddaama waddankiisu uu ku deeqay Geeska Afrika tan iyo sanadkii 2011. Ilaa iyo sanadkii 2011, Hay’adda Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga (TIKA) waxay ka qeyb qaadatay in ka badan 150 mashruuc oo ay ka fuliyeen Soomaaliya kuwaas oo isugu jira gargaarka bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed. Kulankan ayaa yimid maalin kadib markii Qaramada Midoobay ay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in $ 18.7 milyan oo isku darka ah laga sii daayay Sanduuqa Waxqabadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF) iyo Sanduuqa Banii-aadamnimada Soomaaliya (SHF) si kor loogu qaado kaalmada badbaadinta nolosha oo keliya. nus milyan dad ah oo ay saameeyeen fatahaadaha Soomaaliya. QM ayaa ka digaya halista nafaqo darada iyo cudurada ka dillaaca sida duumada iyo shuban biyoodka oo wali walaac ka qaba degsiimooyin badan oo ay daadadku saameeyeen. View the full article
-
The UN Security Council on Friday renewed for another year the partial lifting of the arms embargo on Somalia and added a ban on chemicals used for making improvised explosive devices. The 15-member council voted 12-0 in favor of Resolution 2498 that enabled the decisions, with China, Russia, and Equatorial Guinea abstaining. Until Nov. 15, 2020, the arms embargo on Somalia shall not apply to deliveries of weapons and military equipment “intended solely for the development of the Somali National Security Forces or Somalia security sector institutions,” the resolution said. However, deliveries of some heavy weapons require advance approval by the council’s committee monitoring the embargo enforcement, and deliveries of some lighter weapons need prior notification to the committee. The resolution reaffirmed the longstanding exception to the arms embargo for the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the European Union Training Mission (EUTM) in Somalia as well as humanitarian operations. A new ban was imposed on certain chemicals used by militants, including al-Qaida-linked group al-Shabaab, to make improvised explosive devices, forbidding their sales to Somalia if evidence shows that they will be used for that purpose. Deliveries of such chemicals “more generally” need prior notification to the monitoring committee. The resolution also reaffirmed its decision regarding the ban on charcoal trades with Somali, a key source of funds for al-Shabaab. In January 1992, the Security Council introduced an open-ended arms embargo on Somalia over the ongoing conflict and deteriorating humanitarian situation. In February 2007, the council limited the embargo to non-state actors, allowing arms supplies to Somali government forces. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - The UN Security Council has extended the arms embargo on Somalia in addition to extending the term of the Panel of Experts until December 15, 2020. Source: Hiiraan Online
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi. Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen deegaanka Muuri ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ujeedka dhaq dhaqaaqyadan ayaa ah sidii looga hortagi lahaa weerarada dhaba galka ah ee ay fuliso Al-Shabaab. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari oo iska soo horjeedo haatan laga dareemayo halkaasi. View the full article
-
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in guddiga doorashada Puntland la horgeeyo baarlamaanka maamulkaasi, oo shaqadii ugu horreysay qabanaya kadib doorashadii guddoomiye Cabdirashiid. Xildhibaannada ayaa codka u qaadi doona guddigan si loo meelmariyo, waxaana guddiga TPEC haddii ay kalsoonida ka helaan baarlamaanka Puntland horyaalla shaqooyin culus. Kulanka maanta waxaa shir guddoomin doona, guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland, C/rashiid Yuusuf Jibriil. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wixii ka dambeeyey xil ka qaadistii Cabdixakiin Maxamed Dhoobo Daareed aanay qaban shaqooyinkii rasmiga ahaa, marka laga reebo doorashada guddoomiyaha cusub. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan looga hadlaayo xisaab xirka Miisaaniyadda sanadkii tegey ee 2018-kii. Golaha Shacabka ayaa maanta waxaa horyaalla Ajandayaal dhowr ah kuwaasi oo kala ah inay akhrinta koowaad marsiiyaan Xisaab xirka Miisaniyadda sanadkii tegay iyo akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Daawada. Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan kulanka maanta, si ay mudanayaasha warbixino uga siiyaan xisaab xirka miisanad sanadeedka 2018-ka iyo Hindise sharciyeedka Daawada. Source: goobjoog.com
-
Waxgaradka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa ka digay in mar kale dagaal uu ka dhaco magaaladaasi, iyaga oo baaq u diray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani. Waxa ay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in ciidamo badan lagu soo daabulo magaalada Boosaaso, waxaana ay sheegeen in dowlad goboleedka Puntland ay ugu baaqayaan joojinta ciidamadan aadka u badan.; Waxgaradkan oo la kulmay saraakiil ciidan ayaa dhanka kale sheegay iney ka xumaadeen dagaalkii dhexmaray ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad hubeysan, kaasi oo ka dhacay magaalada Boosaaso. Sababta dagaalkan ayeey sheegeen iney tahay arrimo ku aaddan is faham la’aan iyo in la suurad xumeynayo dowladnimada waa sida ay hadalka u dhigeen. Ugu dambeyn, waxgaradkan ayaa sheegay in xukuumadda Dani lagula xisaabtami doono dhib walbo oo ka dhaca Boosaaso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa daboolka ka qaaday in madaxweyne Biixi u soo gudbiyay warqadda muddo kordhin loo samaynayo Golaha Wakiillada Somaliland. Waxa uu sheegay in loo xilsaaray guddi qiimaysa muddada loogu dari karo xilka Golaha wakiillada, islamarkaana waxa loo ballamay Maalinta Isniinta oo la filayo in wakhtiga ay guddidu soo jeediso loo kordhiyo Golaha Wakiillada. Golaha Wakiillada waxa la doortay 2005 muddo shan sanno ah oo ku eekayd 2010 laakiin, ilaa hadda waxa ay xilka ku fadhiyaan muddo kordhino isdaba joog ah oo ay u sameeyaan Guurtida oo iyaga laftoodu isu kordhiya maaddaama markasta muddo xileedkoodou ku eeg yahay sanad kadib marka doorashada Wakiilladu dhacdo. Goleyaasha degaanka ayaa sidoo kale wakhtigu ku dhammaaday waxaanay ku shaqeeyaan iyada oo aan wax muddo kordhin ah loo samayn. Ilaa hadda lama qiyaasi karo wakhtiga doorasho ku dhici karto maaddaama khilaaf culus ka taaggan yahay arrimaha doorashooyinka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakiir Warsame oo u warramayey TV-ga Universal ayaa ka hadlay sababtii uu xisbiga Wadajir uga mid noqon waayey Madasha Xisbiyada Qaran ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sabata ku sheegay in markii hore ay soo jeediyeen in Madasha aysan yeelan hoggaan, kaliyana ay sameysato xiriiriye, balse ay hadda yeelatay hoggaamiye, taasina ay ku diideen, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay in Madasha ay kala mideysan yihiin in laga wada shaqeeyo sidii u dhici laheyd doorasho lagu qbato waqtiga oo u dhacda si xor iyo xalaal ah. “Aragtida xisbiga ayaa go’aansaday in aan hadda laga mid noqon, doodaha madalada la xiriira dadka isku aragti kama ahan, hal hadaf ayaa wada leenahay in doorasho xilligeeda la qabto in laga wada shaqeeyo, maadaama madasha aheyd madal dadka aysan hal xisbi la noqoneyn, qof walba madaxtinimadiisa, damaciisa iyo howlihiisa uu leeyahay in laga wada shaqeeyo doorashada sidii ku dhici laheyd, oo garoonka ciyaarta loo wada geli lahaa ayaa hada anaga noogu muhiimsan maba aaminsaneyn in hoggaan la sameeyo, in xiriiriye la sameeyo ayaa ujeedkeena ahaa.”ayuu yiri CCC Shakuur. Ugu dambeyn wuxuu aad u cambaareeyey xayiraadii la’isku dayey in dhowaan lagu sameeyo Madaxweynayaashii hore ee dalka, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya inay ilaaliso, islamarkaana ay dhowrto Dastuurka iyo shuruucda dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bishan Muqdisho looga dhawaaqay Madal cusub oo ay ku mideysan yihiin inta badan hoggaanka Xisbiyada, waxaana guddoomiye loogu doortay Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa jimcihii waxaa uu sanad horleh ku daray qaadista qeyb ka mid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyada oo sanadkan lagu kordhiyey xayiraad la saaray waxyaabaha kiimikooyinka ee loo adeegsaday sameynta waxyaabaha qarxa. 15-ka xubnood ee golaha ee codeeyey 12 waxaa ay ogolaadeen in cunaqabateynta la kordhiyo halka Shiinaha, Russia iyo Equatorial Guinea ay diidayaan, waxaa ay socon doontaa ilaa Nofembar 15, 2020 “Waxaa laga reebay arrimaha loogu talagay kaliya horumarinta Ciidamada Qaranka Soomaaliya ama hay’adaha waaxda amniga ee Soomaaliya,” qaraarka ayaa lagu yiri. Si kastaba ha noqotee, keenidda qaar ka mid ah hubka culus waxay u baahan tahay oggolaansho hore guddiga guddiga ee kormeeraya dhaqan-galinta cunaqabateynta, iyo keenidda qaar ka mid ah hubka fudud waxay u baahan yihiin ogaysiis hore guddiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa sannadkii 2018kii waxay xabsiga dhigtay Cabdillaahi Maxamuud Yuusuf oo loo yaqaanno (Abu Hatim, Mad Mullah and Puntlandersteni) oo ah ninka u qaabilsan ururka Daacish Diiwaangalinta iyo soo xerogalinta dadka ku soo biiraya ururka ee heer caalami. Warbixin uu soo saarey horraantii bishan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ninka lagu xidhay Somaliland uu u safray 12 dal oo Afrika iyo Bariga Dhexe ah, kuwaasi oo ay ku jiraan dalalka Koonfur Afrika, Sucuudiga, Ciraaq, Kenya, Libya iyo Suudaan. Macluumaadka ay Somaliland ka heshay ninkan markii ay xidhay waxaa ka mid ah: Qorshaha Fiditaanka Ururka Daacish ee Bariga Afrika (overall strategy of ISIL for expansion in East Africa) – sida lagu sheegay warbixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Suxufi Khaalid Foodhaadhi Source
-
Wasiirka wasaaradda cadaalada Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimaha Garsoorka dalka, gaar ahaan maxkamadaha. Ugu horreyn wasiirka ayaa ugu baaqay dadka shacabka inaysan u cadaalad doonan Al-Shabaab, islamarkaan ay ku kalsoonaadaabn hay’adaha garsoorka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay wadaan qorshayaal guud oo lagu hormarinayo hay’adaha garsoorka dalka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Cod-Jaamac-1.mp3 View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Warsidaha The Indian Ocean ayaa qoray warbixin uu ku sheegay in Dawladda Kenya ay cilaaqaad diblomaasiyadeed kula yeelanayso Somaliland. Warsidahaas oo warkiisa ciwaan uga dhigay “Nairobi oo xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelanaysa Hargeysa.” The Indian Ocean waxa uu sheegay in xidhiidhka murugsan ee Nairobi iyo Muqdisho ee ka dhashay muranka dhinaca soohdimaha Badda, uu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ka cadheysiiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maadaama oo uu martiqaad u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Booqashada madaxweyne Muuse Biixi uu dhawaan ku tagayo Kenya, ayaa noqon doonta tii u horreysay ee uu ku tago dalkaas, tan iyo markii la doortay November 2017kii, waxaanu Warsiduhu ku sifeeyey inay sii dhaawici doonto cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya. Xildhibaanno iyo siyaasiyiinta Kenyan ah ayaa hore ugu majeertay Somaliland horumarka iyo xasiloonida ay ku naaloonayso, waxaanay ku boorriyaan dawladdooda inay xidhiidh la yeelato Somaliland oo ay ku tilmaameen dal nabdoon oo wax lala qabsan karo. Dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya oo aan qarsan colaadda ay u hayso Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaqan ka dhigatay inay cambaareyso dalalka Martiqaadyada rasmiga ah u fidiya Madaxda JSL. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wefti ka socda dawladda Faderaalka Itoobiya iyo dawlad deegaanka Soomaalida ee dalkaas, oo ka qayb-geli doona carwo caafimaad oo magaalada Hargeysa maanta ka furmi doonta, ayaa dalka soo gaadhay. Sida uu Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA u sheegay Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo ah xidhiidhiyaha cudurrada faafa ee xudduudaha iyo fayo-dhawka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland. Weftigan ka socda dalka Itoobiya oo ka soo kicitimay magaalada Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxana magaalo xudeedka Togwajaale ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland. Maalinta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa inuu caasimadda Hargeysa ka furmo carwo ku saabsan arrimaha caafimaadka, taas oo ay qabanayso Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, oo ay ka soo qayb-geli doonaan bahda caafimaadka Somaliland iyo kuwa caalami ahiba. Source
-
(SLT-Nairobi)-Wefti ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qaybgalay shir weyne lagaga hadlayey “mustaqbalka caasimadaha Adduunka” oo lagu qabtay Magaalo xeebeedda Mombasa ee dalka Kenya, oo ay ka soo qaybgaleen Madax ka socotay 46 dal oo Afrikaan ahi. Siday Werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xigatay warbixin uu Wargeyska East African Business Week, ka qoray shirweynahaas oo ay madaxdii ka qaygashay ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Mr. Obasanjo iyo Ra’iisul-wasaarihii hore ee Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, waxaana Shirkaas lagu falanqeeyey sidii hannaan wax ku ool ah wax looga qaban lahaa magaaleynta sii kordheysa iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka Afrika u baahan yihiin. Kulankaas waxa ka qaybgalay Ku-Xigeenka Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Sharmaarke Geelle iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah Mubaarig Cabdilaahi. Mubaarig Cabdilaahi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa Wargeyska East African Business Week, u sheegay in Somaliland ay tahay dal raadinaya aqoonsi, isla markaana danihiisa ku maamulaya iyadoo aanay ciddi ka caawinaynin, waxaaanu xusay inay shirkan ka kasbanayaan waayo-aragnimo ku wajahan sida dalalka kale ee ka qaybgalayaa u maareeyeen horumarinta magaalooyinkooda waaweyn iyo adeegyada darruuriga ah ee ay shacbiga u qabtaan. Waxa kaloo, Agaasime Mubaarig Cabdilaahi caddeeyey inay Magaalooyinka Hargeysa iyo Berberi ay xilligan soo jiiteen maalgashadeyaasha caalamiga ah, waxaannu tilmaamay in maalgashadeyaasha shisheeye ay Somaliland ka heli karaan nabadgelyo iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah inay dhaqaale geliyaan JSL. Shirweynahaas oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Brenthurst Foundation ayaa si rasmi ah loogu martiqaaday Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
(SLT- Belgium)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kordhiyay mudada Cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya, kadib markii ay kulan ku yeesheen Magaalada New Your ee dalka Mareykanka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dood dheer, kadib kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya muddo sannad ah, waxaana arrintaas ay aheyd mid cod loo qaaday. Safiirka dalka Belgium Marc Pecsteen de Buytswerve oo ah Guddoomiyaha Guddiga Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa 25-ka Bisha Octoober Golaha siiyay warbixin guud, waxaana isla kulanka lagaga dooday qaraar ay soo gudbisay dowladda UK oo ah qalin-hayaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka. Dowladaha Ruushka, Shiinaha iyo dalka Equatorial Guinea ayaa ka aamusay Qararka lagu kordhinayay cunaqabateynta hubka Soomaaliy, iyagoona ku eedeeyay inay cunaqabateynta ku jiraan waxyaabo xadgudub ku ah xuquuqda. Bishii la soo dhaafay ayaa Kulankii Golaha Ammaanka waxaa si kulul loogu cambaareeyay dowladda Federaalka sida aanay ula shaqeyn Golaha Khubarada Qaramada Midoobey ee UN Monitoring Group. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay muddo kordhin hor leh u sameeyey cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya, kadib codeyn ka dhacday magaalada New York ee dalka Mareykanka. Qaraarkan oo ay soo gudbisay dowladda UK ayaa lagu daray in muddo hal sano ah ay cunaqabateynta sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo lagu daray waxyaabo cusub. Natiijada cod bixinta ayaa ku soo dhammaatay 12 cod iyo 0, taas oo ay si aad ah uga xumaatay dowladda Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle oo ka hadlay muddada cusub ee lagu kordhiyey cunaqabateyna hubka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay aad xun yihiin tallaabada ay qaadeen golaha ammaanka, isagoo sheegay in loo baahnaa in Soomaalga oo dagaal kula jirta Al-Shabaab laga qafiifiyo cunaqabateynta. Dhinaca kale waxaa codeynta la sameeyey ka aamusay dalalka Ruushka, China iyo Equatorial Guinea, kuwaas oo sheegay in waxyaabo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha uu ku jiro cunaqabateynta. Waxaa kale qodobada cunaqabateynta cusub ka mid ah ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya oo 8-dii sano ee ugu dambeysay ka mid aheyd, taas oo la sheegay in dhaqaale badan ka hesho kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. Go’aankan ayaa ku soo aadayaa, iyadoo la filayo in dhowaan guud ahaan dalka laga saaro ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, amnigana lagu wareejiyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo sanadihii u dambeeyey lagu sameeyey qalabeyn iyo dib u dhis ballaaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Dacwad oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa furay baadhitaan lagu sameynayo Rudy Giuliani, oo ah qareen shakhsiga ee madaxweyne Donald Trump, waxaa sidaas werisay warbaahinta Bloomberg. Dacwad oogayaasha ayaa baadhaya suurta-galnimada ah in Giuliani uu sameeyey xadgudubyo maaliyadeed iyo inuu ku guul-darreystay inuu isku diiwaan geliyo inuu yahay wakiil shisheeye. Giuliani oo ah duqii hore ee magaalada New York ayaa ah shakhsi muhiim u ah baadhitaanka xil ka-xayuubinta ee lagu samaynayo madaxweyne Donald Trump. Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa baadhaya in Giuliani uu kaalin ku lahaa ku cadaadinta madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu baaro kuwa kasoo horjeeda Trump. Mimi Rocah, oo horey u ahayd dacwad oogaha federalak Mareykanka ee degmada Koonfureed ee New York, ayaa Bloomberg u sheegaty inay la yaabi doonin in Giuliani si rasmi ah dacwad loogu soo oogo. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa shaaaca ka qaaday inta uu xilka haayo in hay’addaha Sirdoonka dowladda Federaalka ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo doonayay inuu is qarxiyo. Duqa Muqdisho oo ku sugan dalka Koonfur Afrika, isla markanaa la hadlaayay Jaaliyadda Soomaaliya ee dalkaas ayaa sheegay in qaraxii uu ku dhintay Guddoomiyihii gobolka Eng. Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa Gobolka Banaadir uu fuliyay Agaasime kamid ahaa maamulka Gobolka, hayeeshee haatan la qabtay mid kale oo damacsanaa inuu Is qarxiyo. Isaga oo sii hadlaayay Cumar Finish ayuu tilmaamay in Agaasimaha la qabtay uu qirtay inuu doonayay in uu is qarxiyo, hayeeshee arrintaas ay ka hortageen ciidanka amniga dowladda. Sidoo kale Cumar Finish ma shaacin maga Agaasimaha la qabtay, kaasi oo haatan ay gacanta ay ku hayaan laamaha amniga. Si kastaba 24-ka Bishii July ee sanadkan ayaa waxaa Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ka dhacay Qarax ismiidaamin ahaa, waxaana ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka Allaha u naxariistee Eng. Yariisow, Guddoomiyeyaal degmo, Agaasimayaal dhowr ah iyo xubno kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir. Source
-
(SLT-New York)-Maalintii arbacadii ee toddobaadkii hore waxaa ka dhacday Hoolka Kuliyada qaynuunka ee jaamacada Harvard ee dalka Maraykanka arrin soo jiidatay warbaahinta caalamka, ka dib markii 100 arday ay ka dareereen hoolka markii uu soo galay qunsulka Israa’iil u fadhiya New York, kaasi oo khudbad u jeedin lahaa ardayda. Qunsulkan oo Lagu magacaabo Dani Dayan, markii uu bilaabay khudbadiisa ayaa 100 arday oo kuliyada qanuunka dhigtaa waxay ka dareereen hoolka iyagoo la soo baxay hal-ku-dhigyo ay ku qornaayeen ” Degaamada Yuhuud ka dhisteen Dhulka Falastiin waa dambi dagaal”. Ardaydan oo aamusan ayaa dhabarka u jeediyay qunsulka ka dibna hoolkaba iskaaga baxay Khudbada uu qunsulku ka jeedin lahaa hoolka Jaamacadda ayaa la xidhiidhay sharcinimada degaamada Yuhuudu ka dhisteen dhulka Falastiniyiinta, hase yeeshee wuxuu khudbad u jeediyay kuraas madhan, wuxuuna ka kulmay yax yax iyo wajigabax. Muuqaal laga duubay dhacdadaasi oo lagu baahiyay baraha bulshadda ayaa dadku aad u soo dhaweeyeen iyagoo geesiyaal ku tilmaamay ardaydii ku mudaharaaday qunsulka iyo degaamaynta Yuhuudu ay ka wadaan dhulka falastiyiinta. Qunsulka Israa’iil ee New York Dani Dayan wuxuu hore u hoggaaminayay koox yuhuud ah oo dhaqdhaqaaqda xuquuqda yuhuuda la dajiyay degaamada Falastiyiinta. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya uga wakiil noqonaya Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey. Munaasabad kooban oo loo sameeyay danjiraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka qeybgalay diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Itoobiya, iyo xubno ka tirsan madaxtooyada dalka Itoobiya. Danjiraha cusub ee dowlada Soomaaliya wakiilka uga noqonaya dalka Ethiopia ee warqadaha aqoonsiga laga guddoomay ayaa waxa uu hore u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobolleedka Puntland. Source
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo deegaanka Af-Urur ee gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada ayaa timid, kadib markii shalay ciidamada Puntland iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku dagaalameen halkaasi. Labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiisha ciidanka Puntland ee ka howlgala Af-Urur ayaa sheegay inay dileen illaa shan ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ay dhaawaceen tiro intaasi ka badan. Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi iyo dagaalka xigay ay ku dishay 3 askari, kuna dhaawacday 6 kale, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana howlgallo iyo dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. View the full article
