-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah er WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si kulul uga hadlay mas’uuliyiin ka tirsan xisbigiisa oo xukuumadda xisbiga u taxaabtay. Guddoomiye Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook waxa uu ku yidhi “Umadda reer Somaliland waxa aan u xaqiijinayaa in goor dhaweyd sifo sharci darro ah oo aan wax cudur daar ah lahayn lagu xidhay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI, sida ugu adag ayaan u cambaareynayaa, waana in si degdeg ah xorriyadoodii loogu soo celiyaa. Shacabka dareenkiisa xadhig iyo cabudhin toona laguma joojin karo. Waa inoo aroorta iyo Xarunta Dhexe.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhawaan safar ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, xili uu ku howlanaa dhismaha Galmudug. Wasiirka ayaa la kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wakiilada ee Koonfur Galbeed, waxayna kawada hadleen arrimo xasaasi ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wasiirka uu halkaasi ku tagay amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya oo la siiyay isaga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed kaas oo ah in si deg deg ah doorasho looga qabto Baydhabo. Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Koonfur Galbeed ayaa ah mid ku saabsan Golaha Wakiilada oo waqtigooda uu ku egyahay 31/12/2019, waxaana ka hor loo baahan yahay Xildhibaanadii badali lahaa kuwa hada jooga. Wasiir Sabriye iyo Madaxweyne Lafta Gareen ayaa la filayaa in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhismaha Golaha Baarlamaanka ka hor sanadka cusub, waxaana dhawaan lagu dhawaaqi doonaa goorta iyo sida loo qabanayo doorashada Xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed. Dhamaadka bishii December ee sanadkii 2015-kii ayey aheyd markii lagu dhawaaqay Baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed waxaana la filayaa in hada ay bilaabato qorshaha sameynta Baarlamaan cusub. Qorshahan doorashada ayaa imanaya ayada oo warbixinta guddiga khuburada QM ee Soomaaliya ay shaaca ka qaaday fadeexad la xiriirta sida dowladda federaalka u iibsatay doorashadiilagu doorta Lafta-gareen, oo codka halkii xildhibaanba lagu iibsaday 30 kun oo dollar. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Xiisad siyaasadeed ayaa caawa ka aloosan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kadib markii ciidamada Booliisku ay xabsiga u taxaabeen mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI. Booliiska ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigeen Xog-hayaha Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen Cabdi iyo Af-hayeenka xisbiga Barkhad Jaamac Batuun, sidoo kale ciidanka ayaa ku hareeraysan xarunta xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa. Xiisadda siyaasadeed ayaa ka dambaysay hadal uu maanta warbaahinta ka jeediyay guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ( Cirro), kaasi oo taageerayaasha xisbiga ee ku sugan Hargeysa ugu baaqay in ay maalinta berriya dibad-baxyo sameeyaan. Taliyaha Booliiska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi ayaa saacado kadib hadalka guddoomiyaha, waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin, in taageerayaasha Xisbiga waddani ay maalinta berriya dibad-baxyo ka sameeyaan magaalada Hargeysa. Xaaladda ayaa caawa kacsan, waxaana sida la sheegayo arrinta uga sii daray xarigga mas’uuliyiinta ka tisran Xisbiga Waddani oo laga cabsi qabo in ay ka dhashaan muddaharaadyo rabshada wata. PUNTLAND POST The post Somaliland: Xiisad ka dhalatay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani oo xabsiga la dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa-(Caasimada Online) – Kadib markii Xukuumada Somaliland ay caawa ciidamo badan dul dhigtay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa waxay ciidamadaas goor dhaw xabsiga u taxaabeen xubno ka tirsan Xisbigaas. Xog-hayaha guud ee xisbiga Khadar Xuseen Cabd iyo Afhayeenka Barkhad Jamac Batun ayey ciidamada Somaliland caawa xabsiga dhigeen, kadib ciidamo tiro badan oo caawa hareerayay xarunta xisbiga Waddani, waxayna talaabooyinkaan xukuumaddu uga hortagaysaa banaan bax ka dhan ah oo berri ka dhici lahaa xarunta Xisbiga. Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku xaqiijiyey xarigga loo geystay labadaas masuul waxuuna ku yiri qoraalkiisa, “Xoghayhii guud ee Xisbiga WADANI Khadar Abdi oo hadda Xabsiga loo taxaabay, Afhayeenkii Xisbiga Barkhad Jamac Batun oo saacad ka hor isna la qafaashay. Aadbaanu u canbaaraynaynaa, waxaanay muujinaysaa kelitalisnimo, jujuub laguma baajin karo dareenka shacabka.” Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa maanta taageerayaasha xisbigiisa ee gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay maalinta Barri ah iskugu yimaadaan xarunta Xisbiga, si halkaasi uga dhigaan banaan bax ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi. Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Sareeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa ka hadlay Banaanbaxa ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi oo uu ku baaqay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro. Taliyaha Booliska ayaa si weyn uga horyimid banaanbaxaasi, isagoona sheegay in aanay aqbali doonin inuu berri ka dhaco banaanbax xarunta xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa. Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamo boolisku ay ka hor tagi doonaan banaanbaxaasi, isla markaana ay ku adkaan doonan sharciga, waa sida uu hadalka u dhigaye. Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Sareeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu yiri “Anigoo daba socda hadalkii uu maanta uu jeediyey gudoomiyaha xisbiga Waddani ee uu ku baaqayey in ummadda reer Somaliland ay isugu yimaadaan meel goob ah, waxaan sheegay in aanu sharciga ku adkaan doono hadii alle yidhaahdo. “Marka dad la isugu yeedhayo, wali lama arag mudaharaad Somaliland ka dhacay oo inta badan najaxay, mid walba dhib iyo hawl ayaa ka timaada. Marka la isugu yeedhayo ee ummadd la doonayo in la kiciyo sharcibay leedahay, mudaharaadku sharci buu leeyahay, waxaynu nahay dal sharci leh, waxaan sharci lahayna yeeli mayno. Wuxuuna intaas kusii daray “Madaharaad aan sharci lahayni inuu dhaco ama inta ay umaddi soo ururto oo waxay doonto samayso ma yeelayno, dadku way wanaagsan yihiin, laakiin in xunbaa dhex socoto, ujeedooyinkii la isugu yeedhay ee guracnaana way dhex socdaan”. Taliyaha ayaa soo hadal qaadin ciidamo faro badan oo caawa lagu hareereyay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, inkasta oo uu carabka ku adkeeyay in ciidamadu ay ka hortagi doonaan mudaharaadkaasi, taasi oo u muuqata mida ka dambeysa talaabada ciidamada badan loogu soo rogay Xarunta xisbiga Waddani. Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay xukuumada Biixi ciidamo ku soo rogtay xarunta Waddani, taasi oo ay ku macneeyeen mid laga hor istaagayo shacabka xuquuq uu dastuurku u jideeyay. Waxay sidoo kale Mas’uuliyiintaasi xukuumada Muuse Biixi uga digtay inay qalalaase ka abuuraan gudaha magaalada Hargeysa, iyagoona sii xoojiyay baaqii guddoomiye Ciro ee isku baxa berrito. Xukuumada Biixi ayaa isku soo baxaasi uu ku baaqay Ciro si weyn uga biyo diidan, taasi oo sababtay in caawa ay ciidamo tiro badan dul dhigto xarunta xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa. caasimada@live.com
-
HE the Deputy Prime Minister and Minister of State for Defence Affairs Dr Khalid bin Mohamed al-Attiyah met the Prime Minister of Somalia Hassan Ali Khaire, in Doha on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Xoghayaha Guud & Af-hayeenka Xisbiga Waddani oo La Xidhay Wararka hadda na soo gaadhaya ayaa tibaaxaya in xabsiga loo taxaabay Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi Iyo Af-hayeenka Xisbiga Barkhad Jaamac batuun . Xadhigga Xoghaye Khadar & Af-hayeen Barkhad ayaa waxaa noo xaqiijiyay mas’uul ka tirsan xisbiga Waddani oo nala soo xidhiidhay.ku darsoo weli Xukuumadu wali kama hadal xadhiga mas’uuliyiintan Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Wararka aanu helayno hadda ayaa waxa ay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay Xoghayihii guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi. Xadhigga Xoghaye Khadar waxa noo xaqiijiyay mas’uul ka tirsan xisbiga WADDANI Waa mas’uulkii labaad ee ka tirsan xisbiga WADDANI oo ay ciidammada boolisku xabsiga u taxaabaan, waxa isaga goor-dhawayd la xidhay afhayeenkii guud ee xisbiga. Xukuumaddu wali kama hadal xadhiga mas’uuliyiintan Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ee ka dhashay dagaal Ciidamada Shabaab ay ku qaadeen Ciidamo ku sugan deegaanka Calamada iyo Lafoole ee wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Shabaab dagaal saf ballaaran ay ku qaadeen ciidamada fariisinka ku leh Calamada iyo Lafoole, xilli halkaasi uu ka socdo dhismaha wadada laamiga ah. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegay dagaalkaasi in lagu dilay Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Booliska oo Saldhigooda uu yahay deegaanka Lafoole. Saraakiisha waxa ay sheegeen markii xabada ay ka bilaabatay deegaanka Calamada iyagana inay ku bilaabatay xabad, islamarkaana si adag isaga difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna ka dileen laba ruux. Dagaalka ka dhacay deegaanka Calamada lama oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay, balse Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa u baxsaday dhanka goofafka. Ciidamo ka baxay deegaanka Ceelasha biyaha ayaa mar dambe oo dagaalkii uu istaagay waxa ay gurmad ahaan u tageen deegaanka Calamada, xilli Shabaabkii weerarka soo qaaday ay goobtaasi ka tageen. Dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa mareysa inta u dhaxeysa deeganada Calamada iyo Lafoole, halkaasi oo ay joogaan Ciidamada Haramcad loo yaqaan ee Booliska ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wararka hadda na soo gaadhaya ayaa sheegay inay Ciidanka Booliska magaalada Hargeysa ay xabsiga dhigeen Afhayeenkii Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun oo isagu saacado ka hor war-baahinta kula haddlay Guriga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI. Xadhiga Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa waxa noo xaqiijiyey qaar kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, waxaanay sheegaan in ciidanku Boolisku ay xabsiga u taxabeen afhayeen Barkhad Jaamac Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa ka hore intii aan la xidhin war-baahinta la hadlay isagoo sheegay in aanay waxba iska bedelin baaqii Guddoomiye Cirro ee ahaa in berri taageerayaashiisu isugu yimaaddaan xarunta xisbiga,Waxa kale oo uu sheegay in xarunta xisbiga ay yimaaddeen ciidamo ka dhan ah qorshaha xisbiga ee berri. Si kastaba ahaatee waxa goordhaweyd ay ciidanka boolisku xabsiga u taxabeen afhayeenkii xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun, kaasi oo hadda ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ciidamo fara badan dul dhigtay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku leeyahay magaalada Hargeysa. Xukuumada Biixi ayaa goordhoweyd oo caawa ah ciidamo tiro badan ku hareeraysay xarunta xisbiga Waddani, taasi oo ay uga hor tageyso banaan bax ka dhan ah xukuumadiisi oo berri ka dhici lahaa xaruntaasi. Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa maanta taageerayaasha xisbigiisa ee gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay maalinta Barri ah iskugu yimaadaan xarunta Xisbiga, si halkaasi uga dhigaan banaan bax ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi. Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay xukuumada Biixi ciidamo ku soo rogtay xarunta Waddani, taasi oo ay ku macneeyeen mid laga hor istaagayo shacabka xuquuq uu dastuurku u jideeyay. Waxay sidoo kale Mas’uuliyiintaasi xukuumada Muuse Biixi uga digtay inay qalalaase ka abuuraan gudaha magaalada Hargeysa, iyagoona sii xoojiyay baaqii guddoomiye Ciro ee isku baxa berrito. Xukuumada Biixi ayaa isku soo baxaasi uu ku baaqay Ciro si weyn uga biyo diidan, taasi oo sababtay in caawa ay ciidamo tiro badan dul dhigto xarunta xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Afhayeenka xisbiga Waddani Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa ayaa saxaafadda u sheegay in aanay waxba iska bedelin baaqa Guddoomiye Cirro ee ah in berri taageerayaashiisu isugu yimaaddaan xarunta xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in xarunta xisbiga ay yimaaddeen ciidamo ka dhan ah qorshaha xisbiga ee berri. Taliyaha booliska ayaa sheegay in aanay ogolayn isu soo baxa guddoomiyaha Waddani ku dhawaaqay Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka shabellaha hoose ayaa ku sugan degmada Owdheegle kuwaas oo dhamaan u guur gelaya sidii looga wada shaqeyn lahaa Arimaha Dib-udhiska iyo Bilic soo celinta degmada Awdheegle. Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimadka, Maxamed Saciid Cabdulaahi oo kamid ah wafdiga ayaa isaga oo ku sugan degmada Awdheegle, waxa uu Radio Shabeelle uga warbixiyay ujeedka ugu weyn ay maanta u tageen degmadas oo dhawaan laga saray Al-Shabaab. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Wareysi-wasiir-kuxigeenka-wasarada-caafimaadka-somaliya.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-17112019.mp3 View the full article
-
Marka wadamada qaarkood xaalad cakirnaan dhanka siyaasadda ah ay la soo gudboonaato, waxaa lagu baxsadaa dadaalka waxgaradkiisa ama caqli & tanaasul ka yimaada kuwa talada haya ama koox is-xilqaanta, waxaa intaas sii dheer kalimad waqtigeeda la yiraahdo oo afka mid ka mid ah hogaamiyaasha dalkaas ka soo baxda. Kalimadda “thuma wallaahi” ee todobaadkii la soo dhaafay uu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran, madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sh. Axmed ka dib markii uu ka soo noqdey safar mashaqo badan ay u mareen asaga iyo wafdi uu hogaaminayey oo naftoodu halis ku gashey si gargaar ay u wadeen magaalada Beledweyne u gaarsiiyaan, kalimadaas waxaa loo aqoonsanayaa tii dalka badbaadisay, miyirkana u soo celisay kuwii Dhaqanka kalitalisnimada is lahaa dalkaan ka hirgaliya iyo kuwii u sacaba u tumayey oo Soomaali iyo shisheeyaba lahaa. Qodobka 96-aad ee dastuurka dalka wuxuu ka hadlayaa dhaarta madaxweynuhu marayo marka loo doorto xilkaas taasoo uu ku dhawaaqayo sidatan “Waxaan ku dhaaranayaa magaca ilaahey inaan xilkayga u gudanayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ay ku jirto, dhowrana dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla”. Marka madaxweynuhu dastuurka iyo shuruucda dalka ee uu ku dhaartey ilaalintooda uu ku xadgubdo, wuxuu luminayaa heybaddii iyo astaantii madaxweynenimo, wuxuu la mid noqonayaa saddexdii qolo ee madaxweyne Shariif uu tilmaamay ee sharcigooda gacmaha ku watey umaddana laga hor wareejiyey, xaalku marka halkaas uu gaaro in “thuma wallaahi waan bixinaynaa haddii aysan joojin waxa ay wadaan oo ku xadgubka dastuurka iyo shuruucda dalka ah” ay timaado waa Badbaado daleed iyo samatabixin umadeed, iyo sidoo kale u hiilin dastuurka iyo shuruucda dalka oo ah waxa dawladnimada lagu yahay. Thuma wallaahi waxey soo gabagabaynaysaa “Muddo kororsigii ka guuxayey madaxyada reer Villa Somalia, dhaqankii kalitalisnimada, ku xadgudubka dastuurka, inaan doorasho ku dhicin waqtigeedii…iyo…..iyo….. waxyaale kale” sidaas awgeed kalimadaas waxaa loo aqoonsanayaa tii badbaadisay mustaqbalka jiilashada Soomaaliyeed. W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga wadajir ayaa sheegay in xilligaan ay walwal iyo cabsi ka qabaan inay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho loo dhan yahay. Waxaa uu sheegay in walwalkaas uu ku yimid in waqti yar ay dowladda Soomaaliya madaxdeeda uu u haray, hadadna aysan muuqan qorsho ay ay madaxda dowladda u dejiyeen doorashada soo socota. “Waxaan qabnaa walwal doorasho, waayo waqti sanad iyo waxyar ah ayaa u harsan madaxda dowladda welina lama wadaagin dadka Soomaaliyeed sida ay doorashada ku dhici karto noomana muuqato in qof iyo cod dalka ka dhacdo ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Isaga oo la hadlayay idaacadda VOA-da, ayuu Cabdiraxmaan sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya uu qorshahoodu yahay inay sameeyeen mudo kororsi, taasina ay u keentay walwalka dhinaca doorashada ah oo ay qabaan. Waxa dhanka kale uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka inay joojiyaan dagaalka siyaasadeed oo ay ku haayaan siyaasiyiinta ka aragti duwan iyo maamul Goboleedyada oo kala dhaxeeya talada dalka, loona baahan yahay in madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada labada Aqal ay ka wada tashadaan qaabka ay u dhici laheyd doorashada. Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli siyaasiyiin badan oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee soomaaliya ay Madaxda Dowladda ku eedeeyeen inay qorsheynayaan mudo kororsi. Hoos ka dhageyso codka Cabdiraxmaan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/Cod-Cabdiraxmaan-Cabdi-shakuur.mp3 caasimada@live.com
