Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ismail Ahmed, the founder and chairman of WorldRemit - a global digital money transfer service operating in six continents - has been named the most influential black Briton. Source: Hiiraan Online
  2. (SLT-Hargeysa)-Waddamada Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera dhinaca horumarka iyo dumuqraadiyadda ayaa aamminsan in dimuquraadiyadda Somaliland hoos u socoto, islamarkaana madaxda Somaliland laga la’yahay bisayl siyaasadeed iyo horusocod dhanka doorashooyinka ah. Ergayga gaarka ah ee Midawga Yurub oo dhawaan kulamo Hargeysa kula qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa faro madhan kala noqday dhexdhexaadinta dhinacyada oo ku muransan xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka. Xogo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegaya in warbixinta ergaygu ku celiyay dalalka Somaliland ka taageera horumarka iyo dimuqraadiyaddu ay muujisay in Somaliland hoos u socoto dhanka doorashooyinka si kasta oo ay wakhti iyo dhaqaale u galiyeen horusocodsiinta dimuqraadiyadda. Waxa la filaya in ay dhambaal ay ku midaysan yihiin dalalkani soo gaadhsiiyaan madaxweyne Biixi, islamarkaana wefti kale oo culus u soo diraan maaddaama ay farta ku godayaan xukumadda oo laga la’yahay fududaynta iyo hawl socodsiinta arrimaha doorashooyinka. Xisbiga Waddani iyo madaxweyne Biixi ayaa labadii sanno ee uu xilka yahay waxay ku muransan yihiin Komishanka taas oo noqotay caqabada koobaad ee doorashooyinka hor taaggan iyada oo ay jiraan caqabado badan oo u baahan in wax laga qabto. Mucaaradka ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in aanu doorasho diyaar u ahayn islamarkaana uu muran bilaabayo marka khilaaf dhammaadaba laakiin, madaxtooyada lafteeda ayaa ku adkaysanaysa in ay doorasho diyaar u tahay. Source
  3. Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka markale dowladda Soomaaliya ay ciidamo ka dajisay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Ciidamadan oo tiro ahaan gaaraya illaa 60 askari ayaa la sheegay inay ka mid yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadani lagu xoojinayo kuwa dowladda ee horay ugu sugnaa deegaanada maamulka Galmudug. Ammaanka Dhuusamareeb waxaa inta badan la wareegay ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Arrintan ayaa sidoo kale waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo haatan uu taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. View the full article
  4. (SLT-Paris)-Wasaarada gaashaandhiga dawlada Faransiiska ayaa qabatay munaasibad lagu xusayay Askartii reer Somaliland ee ka qayb galay kuna dhintay dagaaladii Koowaad iyo Labaad ee dunida. Iyadoo askartaasi ay u dagaalameen dawlada Faransiiska sanadihii 1914-1918 iyo sanadihii 1939-kii ilaa 1945-kii. Munaasibad lagu Xusayay Askartii reer Somaliland ee ka qayb galay dagaaladaasi ayaa shalay lagu qabtay Fagaaraha dalka jirka Dahsoon ee magaaladda Paris ee caasimada dalka Faransiiska. Taasoo ay ka soo qab galeen saraakiil ka tirsan ciidanka dalka Franch iyo qurbe jooga reer Somaliland ee degan magaaladda Paris. Calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo calanka dalka Franch ayaa la sudhay goobaha lagu qabtay xuskan. Guddoomiyaha ururka Raad-raaca taariikhda Askartii Somaliland ee u dagaalantay dalka Franch Ibraahim Yusuf Guuleed, ayaa xuskaasi ku tilmaamay kii u horeeyay ee la qabto. Ibraahim Yusuf Guuleed, oo u waramayay talefishanka qaranka Somaliland ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay taariikhda dalka Franch laga xuso Askarkii reer Somaliland ee ku dhintay dagaaladii koowaad iyo labaad ee dunida. Waxaanu yidhi “Waa markii u horaysay ee Wadada Caanka ah ee magaaladda Paris iyo taalada dal jirka Dahsoon ee dalka Franch lagu qabto munaasibad lagu xusayay Askartii Somaliland ka soo jeeday ee ku ku dhintay dagaalkii Koowaad ee Aduunka iyo dagaalkii labaad ee Aduunka. Waxaanay askartaasi u qoran yihiin wasaaradda Gaashaandhiga wadanka Franch in ay ahaayeen Askartii Somaliland ka timid ee u dagaalantay dalka Franch. Waxaanan iska kaashanay qabashada xuskan wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Franch. Waxaana loo tumayay miisiga ciidanka qaranka ee Faranch, waxa kaloo la tumayay heestii ciidanka Franch”. Ibraahim Yusuf Guuleed, ayaa wax aad u qiimo badan iyo guul ku tilmaamay qabashadda xuskaasi. “Waxaanay ahayd wax aad u qiimo badan xuskani, yididiilo ayaanay na gelisay, halkaas ayaanu ka sii wadi doonaa. Waana guul u soo hoyatay Somaliland. Waxaanan rejaynayaa in aanu casuumi doono madaxda Somaliland ka socota, oo ka yimaada dalkii”ayuu yidhi guddoomiyaha ururka Raad-raaca taariikhda Askartii Somaliland ee askartii u dagaalantay Faransiiska. Source
  5. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan soo dhoweyn ah la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka cusub ee Talyaaniga ayaa looga hadlay xoojinta xariirka qotada dheer, ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Talyaanigu ku bixiyo horumarka dalka oo ay qayb ka tahay qorshaha deynta looga cafinayo dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa 16-kii bishaan October warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Alberto Vecchi. View the full article
  6. Howlgalkan ballaarnaa, islamarkanaa ahaa mid qorsheysan ayaa lagu bartilmaameedsanayay goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Daacish oo ku yaalla deegaanada maamulka Puntlanad,iyadoo lagu khaarijiyay hoggaamiyeyaal sar sare. Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow buuraha Goolis ee Puntland ku dilay ilaa 3 hoggaamiye oo ka tirsanaa kxoxda Daacish, kuwaasi oo dhibaatooyin ku hayey shacabka, sida ay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyeen saraakiisha howlgalkaasi hoggaamineysay. Goobta howlgalkaasi uu ka dhacay ayaa khayaas ahaantii 150 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland. Marka laga soo tago khaarijinta hoggaamiyeyaashaasi dhanka kale majiraan wax khasaare ah oo uu soo gaaray shacabka mudadii uu howlgalkaasi socday,sida ay saraakiil xaqiijiyeen. Muddooyinkii dambe ayaa dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka socdaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. View the full article
  7. Dibad-baxayaal careysan oo dhagxaan tuuraya ayaa goordhow waxaa ay xireen qaar ka mid ah jidadka Muqdisho, iyaga oo gawaariga u diiday iney maraan. Darawallada BL-ka ka shaqeeya gudaha Muqdisho ayaa dhigaya dibad-baxyada iyaga oo ka cabanaya jidadka xiran ee guud ahaan caasimadda. “Canshuur ayaan bixinaa haddana jid aan marno ma leh, waan soco weynay, ee waa in gawaarida kale istaagaan”, waxaa ku qeylinayey mid ka mid ah dibad-baxayaasha. Jidadka ay xirteen waxaa ka mid ah Zoobe, midka Buulo-Xuubeey iyo qaar kale, waxaa kale oo la diiday xataa gawaarida ciidamada iney maraan, waxaana dhaca xabado. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Filish oo markii uu imaanayey balan ku qaaday inuu jidadka furo, 2 bil ayuu joogaa ilaa hadda far ma dhaqaajin. Wararkan oo faahfaahsan kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-London)-Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo Barwaaqo Sooranka ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa warbixin ay kaga hadashay xaaladda xuquuqal iisaanka ee dalalka Dunida waxay tilmaantay in Somaliland dadka wax ka sheega dawladda ama mashaariic ay mudanayaan xabsiga iyada oo aan hab sharci ah loo raacin. “Xaaladda Somalland way dhaantaa [ta Somalia] balse wuxuu weli walaac wayn ka jiraa booliiska oo aan sharcigu qaban iyo xorriyadda hadalka oo xaddidan. Dadka, oo ay ku jiraan suxufiyiinta, dhalliila hay’adaha amniga ama su’aal geliya marshuuc Qaran ee Somaliland waxa ay wajihi karaan xadhig aan loo marin sharciga,” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta dawladda Ingiriisku soo saartay. Waxa hore u jiray dad ka cabsaday in la xidho oo ka baxay dalka iyo xarumo warbaahineed oo la xidhay waxaanay bulshada Somaliland walaac ka muujinaysa in Xamar ay u baxsadaan dad ka cabsanaya in la xidho. Source
  9. (SLT-Boosaaso)-Weerar dhinaca cirka ah oo looga shakisan yahay in Maraykanku uu qaaday ayaa ka dhacay deegaanka Camayra oo 150 kilometer koonfur kaga beegan Boosaaso. Weerarkan dhacay Jimcihii shalay ayaa wararka laga helayo deegaankaasi ay sheegayaan in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee drone-ka loo yaqaano ay bartilmaameedsatay saddex nin oo deegaankaasi marayey, waxaanay dad goobjoogayaal ahi ay sheegeen in diyaaradaasi ay afar gantaal ay ku riday ragaasi. Waxaanay dadka deegaankaasi ku sugnaa ay warbaahinta u sheegeen inay maqleen gantaalada diyaaradaasi ay riday iyo diyaarad ku dul wareegaysa buuraha deegaankaasi. Saraakiisha amaanka ee maamul goboleedka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey warkaasi balse waxay ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan duqayntaasi oo ilaa hada ay ku jiraan maclumaad ururin. Balse ilaa iyo hadda ma cada cida weerarka qaaday iyo bartilmaameedka rasmiga ahi cida uu ahaa. Inkastoo weerar dhinaca cirka ah oo sanadkan ay qaaday diyaaradaha Maraykanku ay duqayn ku dileen Cabdixakiim Dhuqub oo ahaa hogaamiye ku xigeenka kooxda Daacish ee ku sugan deegaamada Puntland ee Somalia. Waxaanu Taliska Afrika ee Milatariga Maraykanku ay sheegeen in weeraradaasi dhinaca cirka ah ee ay qaadaan ama ka fuliyaan Somalia ay yihiin kuwo ay ku taageerayaan ciidamada amaanka ee dawadda Somalia iyo in aanay kooxahaasi ku kobcin dalka Somalia. Source
  10. Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay kulamo kala duwan ay ka dhaceen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug. Kulamada oo ahaa kuwa xal raadin ah ayaa waxaa garwadeen ka ahaa odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi. Intooda badan kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaraym sidii xal looga gaari lahaa xiisada siyaasadeed ee ka taagan Dhuusamareeb, taas oo ka dhalatay guddiga farsamada Galmudug. Odayaasha dhaqanka ayaa la kulmay labada dhinac, si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafkaasu, loona dhiso Galmudug oo la dhan yahay. Xaaladda Galmudg oo dhowaan galeysa doorashada ayaa cakiran, waxaana sii xoogeysanayaa khilaafka dowladda iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. View the full article
  11. (SLT-Washington)-Guddiga golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Guddiga ayaa sheegay in dowladdu ay ku fashilantay inay kala shaqeeyso howlaha la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in la xoojiyo cunaqabateynta saaran Soomaaliya, islamarkaana lagu sameeyo dib u habeyn, si looga hortago hubka sharci darrada ah ee gacanta u gala kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in cunaqabateynta dhuxusha Soomaaliya qeyb ahaan guul laga gaadhay islamarkaana aanu jirin dakhli ay ka hesho Al-Shabaab. Qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee golaha ammaanka warbixinta siiyey hadalladooda waxaa ka mid ahaa: 1-Jonathan Guy Allen (United Kingdom): “cunaqabateynta waxa loo saaray Soomaaliya waxaa ay ahayd in lagu caawiyo ee ma ahayn in wax loogu dhimo, guddiga khubarrada ahna waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo la xiriirta ka hortagga argagixisada”, waxaa kale oo uu sheegay in dowladdiisa UK ay Soomaaliya ka caawiso amaanka, waxaana uu ku baaqay in cunaqabateynta saaran Soomaaliya qeyb ahaan saarnaato, waxaase uu arrin aan la qabali karin ku tilmaamay wada shaqeyn la’aanta Guddiga ka heysata dowladda Soomaaliya. 2-Christoph Heusgen (Germany) waxaa ay dowladda Federaalka ah si xoog leh uga codsatay in ay la shaqeyso Guddiga,waxaa ay soo dhaweysay dib u eegista ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya, inkasta oo ay soo jeedisay in iyada oo loo eegayo bedqabka degaanka aan la qaadin cunaqabateynta dhinaca dhuxusha Soomaaliya. 3-Mr. Barkin (United States) waxaa uu Guddiga ka hor sheegay in dhamaan weerarradii ay fulinayaan Al-shabaab la joojiyo, waxaana uu taageeray in cunaqabateynta sii saarnaato Soomaaliya, waxaa kale oo uu yiri ” waa muhiim in la hor istaago ilaha dhaqaalaha iyo Hubka ee AL-shabaab iyo Daacish”,waxaana uu dowladda dhexe ugu baaqay la shaqeynta Guddiga,waxaa kale oo uu yidhi “Guddigu waa Indhaha iyo Dhegaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ee ay wax uga maqlaan arrimaha Soomaaliya”. Antoine Michon (France), waxaa uu ku baaqay in cunaqabateynta hubja halkeeda sii ahaato, sababtana waxaa uu ku sheegay weerarrada AL-shabaab ee sii xoogeysanaya, waxaa uu yidhi “nasiib darro AL-shabaab waxaa ay lacag ka helaan ka ganacsiga Hubka, Tubaakada,iyo ilaha kale ee ay heli karaan, lamana aqbali karo in shuruudo cusub Goluhu dejiyo si loola shaqeeyo Guddiga”. Source
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa markale saaka garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ka degay illaa diyaaradood oo siday ciidamada sida gaarka ah u tababaran Haramcad ee Kumaandooska dowladda Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadaasi oo ahaa laba horin ayaa gaaraya 60 askari, kuwaas oo laga qaaday magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadan lagu xoojinayo kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay hordhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha oo laga yaabo inuu dib ugu laabto Galmudug Shalay ayey aheyd markii 60 askari oo ka mid ah ciidamada dowladda la geeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dhaq dhaqaaqyadani ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu sii xoogeysayo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. Khilaafka ayaa ka dhashay magacaabista guddiga farsamada doorashada Galmudug oo ay ku dhawaaqday dowladda dhexe, kadibna ay ka hortimid Ahlu Sunna. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse dowladda Soomaaliya ayaa tan markii ay la wareegtay howlaha Galmudug waxa ay ciidamada badan geysay maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  13. (SLT-Addis Ababa)-Jawar Mohammed oo ah siyaasi caan ka ah dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed inuu yahay kaligii taliye dib ugu celinaya dalka Itoobiya xilliyadii hore. Siyaasigan ayaa sheegay in uu kula tartami doono doorashada ka dhacaysa dalka Itoobiya sannadka soo socoda Abiy Ahmed. Jawar oo weriyaasha kula hadlay guriga uu ka degen yahay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay qorsheeyeen inay weerar ku soo qaadaan taasna ay sababtay banaanbaxyo ka dhacay caasimada Addis Ababa iyo gobolka Oromia Arbacadii iyo Khamiistii aynu ka soo gudubnay. Hase yeeshee ciidamada amniga dalka Itoobiya ayaa beeniyay warkaas, waxayna hay’ada xuquuqda aadanaha sheegtay in ay banaanbaxyada ku dhinteen illaa 16 qof. Taliyaha Booliska Oromia ayaa sheegay in banaanbaxyada lagaga soo horjeeday ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay ku dhinteen illaa 62 qof oo rayid ah iyo shan boolis ah. “Abiy waxaa ka muuqda calaamadaha hore ee kaligii taliyanimada waxana uu isku dayayaa inuu dadka cabsi geliyo xitaa kuwa ku dhowdhow ee ka caawiyay inuu talada dalka la wareego, aaminsana fikrado ka duwan kuwiisa.”ayuu yidhi Jawar oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP. “Cabsi gelintu waa bilowga xukun kaligii taliyanimo.”ayuu sii raaciyay. Source
  14. Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Puntland loogu geystay waqooyiga M/ Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Faarax ayaa ahaa taliye ku xigeenka ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysnaa bistoolado ay toogteen marxuumka, kadibn ay si aayar ah goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa Meydka ka qaaday halkaasi. M ajiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan dilka sarkaalkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii sarkaal ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda Puntland lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-26102019-.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Guddiga ayaa sheegay in dowladdu ay ku fashilantay inay kala shaqeeyso howlaha la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in la xoojiyo cunaqabateynta saaran Soomaaliya, islamarkaana lagu sameeyo dib u habeyn, si looga hortago hubka sharci darrada ah ee gacanta u gala kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in cunaqabateynta dhuxusha Somaliya qeyb ahaan guul laga gaaray islamarkaana uusan jirin dakhli ay ka hesho Al-Shabaab. Qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee golaha ammaanka warbixinta siiyey hadalladooda waxaa ka mid ahaa: 1-Jonathan Guy Allen (United Kingdom): “cunaqabateynta waxa loo saaray Soomaaliya waxaa ay ahayd in lagu caawiyo ee ma ahayn in wax loogu dhimo, guddiga khubarrada ahna waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo la xiriirta ka hortagga argagixisada”, waxaa kale oo uu sheegay in dowladdiisa UK ay Soomaaliya ka caawiso amaanka,waxaana uu ku baaqay in cunaqabateynta saaran Soomaaliya qeyb ahaan saarnaato, waxaase uu arrin aan la qabali karin ku tilmaamay wada shaqeyn la’aanta Guddiga ka heysata dowladda Soomaaliya. 2-Christoph Heusgen (Germany) waxaa ay dowladda Federaalka ah si xoog leh uga codsatay in ay la shaqeyso Guddiga,waxaa ay soo dhaweysay dib u eegista ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya, inkasta oo ay soo jeedisay in iyada oo loo eegayo bedqabka degaanka aan la qaadin cunaqabateynta dhinaca dhuxusha Soomaaliya. 3-Mr. Barkin (United States) waxaa uu Guddiga ka hor sheegay in dhamaan weerarradii ay fulinayaan Al-shabaab la joojiyo, waxaana uu taageeray in cunaqabateynta sii saarnaato Soomaaliya, waxaa kale oo uu yiri ” waa muhiim in la hor istaago ilaha dhaqaalaha iyo Hubka ee AL-shabaab iyo Daacish”,waxaana uu dowladda dhexe ugu baaqay la shaqeynta Guddiga,waxaa kale oo uu yiri “Guddigu waa Indhaha iyo Dhegaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ee ay wax uga maqlaan arrimaha Soomaaliya”. Antoine Michon (France), waxaa uu ku baaqay in cunaqabateynta hubja halkeeda sii ahaato, sababtana waxaa uu ku sheegay weerarrada AL-shabaab ee sii xoogeysanaya, waxaa uu yiri “nasiib darro AL-shabaab waxaa ay lacag ka helaan ka ganacsiga Hubka, Tubaakada,iyo ilaha kale ee ay heli karaan, lamana aqbali karo in shuruudo cusub Goluhu dejiyo si loola shaqeeyo Guddiga”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. U.S. forces conducted an airstrike Friday against ISIS fighters in the Golis Mountains of northern Somalia, according to US military officials. Source: Hiiraan Online
  18. (CNN)A female doctor in Kenya wants female genital mutilation to be decriminalized. Source: Hiiraan Online
  19. Two people suspected of involvement in terror activities along the Kenya-Somalia border have been arrested at Liboi. Source: Hiiraan Online
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Kulamada oo ahaa kuwa xal raadin ah ayaa waxaa garwadeen ka ahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug. Ujeedada kulamadan ayaa ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa xiisada siyaasadeed ee haatan u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Alhu Sunna Waljamaaca. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay gooni gooni ula kulmeen labada dhinac, waxaana ay tilmaameen inay diyaar u yihiin inay xaliyaan khilaafkaasi. Sidoo kale waxaa lagu ballamay shirar kale, si looga wada hadlo dhismaha Galmudug. Dhinaca kale waxaa maanta Dhuusamareeb ku wajahan wafdi Xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laga soo doortay Galmudug. Xildhibaanadan oo ay ku jiraan kuwa saameyn leh ayaa sidoo kale waxa ay intooda badan ka soo horjeedaan guddiga farsamada oo ay magacowday dowladda dhexe. Xaaladda Galmudug ayaa weli ku jirta jahwareer ka dhashay ku dhawaaqista guddiga doorashada maamulkaasi oo dhaliyey khilaaf hor leh. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  21. A daylong event aimed at addressing health challenges that Somali Americans face is planned for Saturday. Source: Hiiraan Online
  22. ADDIS ABABA, Ethiopia — Weeks after receiving the Nobel Peace Prize, Prime Minister Abiy Ahmed is coming under harsh criticism over his silence in the face of protests this week that police said had resulted in the deaths of 67 people. Source: Hiiraan Online
  23. Deniga Puntland oo Walaalkii ku wareejinaya mashaariicda Imaaraadka ka wado Puntland+Beelo ku gacan saydhay Imaraadka Carabta ayaa lumiyay mid ka mid ah Beelaha ugu muhiimsan Gobolka Bari udub-dhuxaadna u ah joogitaankooda degaanada Puntland, xili laga cabsi qabo colaad sokeeye. Xiisad adag ayaa ka taagan deeganada Puntland gaar ahaan gobolka Bari intii talada la wareegay Madaxweyne DENI. Madaxwynaha ayaa u muuqda inuu cadaadis xooggan ku saaray imaaraadka inay la shaqeystaan qoyskiisa dhanka horumarinta mashaariicda, taasoo meesha ka saaraysa shirkadda ay lahaayeen ganacsato u badan Reer Bari oo ay ugu muhiimsanaayeen Beelaha Cali Saleebaan, iyadda oo walaac wayn laga muujjnayo, loona fasiran karo in ay tahay iska horkeenida qaar ka mid ah beelaha Puntland. Imaaraadka Carabta ayaa luminaya Beelaha gobolka Bari gaar ahaan Cali saleebaan oo udub dhexaad u ahaa joogitaankooda gobolka, tobankii sanno ee la soo dhaafay maadama beeshaasi gacan saar weyn la lahayd Imaaraadka, iyagga oo kala shaqeyn jiray mashaariicda horumarinta Iyo fududeyntii in mashruuca PMPF laga hirgaliyo deegaanada Puntland. Waxaa xusid mudan in laba Suldaan oo ka mid ah beelweynta Cali saleeban, si xaq darro ah loo dilay mudadii lagu jiray hirgelinta mashaariicda Imaaraadka. Wixii ka dambeeyay markii xilka loo doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, wuxuu bilaabay inuu Imaaraadka Carabta kala shaqeeyo iska horkeenida beelaha Puntland, Madaxweyne Deni ayaa si weyn u daneynaya in xubno ka mid ah qoyskiisa lagu wareejiyo mashaariicda ay horay gacanta ugu hayeen xubno ka soo jeeda beesha Cali salaleebaan. Madaxweyne Deni ayaa ka dhaadhiciyay Imaaraadka Carabta in walaalkiis oo lagu magacaabo Xasan Deni lagu wareejiyo dhamaan mashaariicda ay ka wadaan Puntland, taas bedelkeeda Madaxweynaha ayaa u balan qaaday Imaaraadka inuu qalinka ku duugi doono saxiixida dan kasta oo ay ka leeyihiin Puntland. Beelaha degan gobolada Puntland, waxaa muuqata in ay soo fahmayaan qiyaanada uu la damacsan yahiin Imaaraadka Carabtu dalka Soomaaliya, iyagga oo adeegsanaya siyaasiyiin dhaqaale doon ah. Dhinca kale, waxaa xalay ka dhacay magaalada Boosaso shir ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada beelaha Cali Saleeban. Shirkaas waxaa looga arrinsaday sida laga yeelayo duulaanka Madaxweyne Deni ee ku wajahan qaar ka mid ah beelihii wax ka dhistay Puntland Shirka waxaa ka soo baxay in loo istaago sidii wax looga qaban lahaa hogaaminta khaldan ee Madaxweyne Siciid Deni ku wado deegaanada Puntland. Hab dhaqanka cusub ee Deni iyo Imaaraadka la soo baxeen ee ah iska horkeenidda beelaha, waxa uu keeni karaa burbur ku yimaada mashruuc kala duwan oo Puntland waxtar u lahaa sida kan PMPF, iyo kuwo kale. Imaaraadka Carabta ukeedkoodu waa in ay Puntland ka dhigtaan saldhig la gala dagaalamo dowlada iyo midnimada shacabka soomaaliyeed, iyagga oo madaxda Puntland ku indho sarcaadinaya dhaqaale iyo mashaariic aan muhiimad la hayn. Qaran News