Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-17112019.mp3 View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Sarkaal Somaliland Ahaa Oo Puntland Isku Dhiibay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Golaha guurtida Somaliland ayaa Guddi ka kooban 29 Xubnood u saaray ka soo talo-bixinta mudoo kordhin mar kale loo samaynayo Golaha wakillada Somaliland, ka dib markii ay dib u dhacday doorashadii lagu soo dooran lahaa Xildhibaanno cusub. Xildhibaanada ayaa saaka loo akhriyay qoraalka mMdaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kaga dalbaday inay muddo kordhin u sameeyaan Golaha wakiillada Somaliland, waxaana markaa ka dib cod lagu meel mariyay guddiga loo saaray inay arrintaa ka soo talo-bixiyaan. Guddiga ayaa ka kooban 25 Xildhibaan, Shir-guddoonka oo ka kooban 3 xubnood iyo Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida, waxaana la siiyey muddo ay arrintaa ku soo eegaan, kuna soo gudbiyaan Taladooda. Halkan Hoose ka Akhri Magacyada 25 Xildhibaan Ee Guddiga ah. Source
  4. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa ICRC ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya Mr Juerg Eglin. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland. “Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u sheegay Madaxda Hayádda ICRC in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka yimaada iyo sidii looga jawaabi lahaa sida ay u kala muhimsanyihiin” Ayuu yiri Jaamac Dabaraani, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kulanka Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash iyo Madaxa Hayádda laanqayrta cas ee ICRC Mr Juerg Eglin waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa ICRC ee Puntland Emmanuel Lippolis, iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hayádda ICRC ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliye sare oo ka tirsan dowladda Kuwait ayaa si aad ah uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarada ay sameysay, isagoona ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka inay muujiyaan midnimo, wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal. Nawaf Al-Ahmad, oo ah la taliyaha wafdiga Kuwait ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulo wax ka ool ah ay gaartay Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in la taageero, si looga mira dhaliyo dadaalada xoogan ee hadda socda. Ergayga dowladda Kuwait ayaa sidoo kale bogaadiyay qorshaha ay wado dowladda Soomaaliya ee qabsoomidda doorashooyin guud sanadka 2020-ka illaa 2021-ka. Sidoo kale Mr Nawaf ayaa ka dalbaday xubnaha dalalka beesha caalamka in aysan ku xadgudnin madaxbanaanida dhuleed iyo mida siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in laga taageero xasilinta guud ahaan Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey inuu soo dhoweynayo muddo kordhinta lagu sameeyey cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay markale ku dareen muddo hal sano ah. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso dhibaatooyin kala duwan oo qaarkood ay ku hayaan dowlado shisheeye oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Dagaalyahanno la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la wareegay deegaanka Gacan-Maroodi ee gobolka Sanaag. Xubnahan ayaa kasoo degay Buuraha Calmadow, waxaana la tilmaamay in halkaasi ay kala wareegeen maleeshiyaad qabiil oo markii horeba deegaanka joogay. Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, waxaa durba halkaasi ka bilaabatay cabasi aad u xooggan, waxaana laga baqayaa in ciidanka Somaliland iyo Al-shabaab halkaasi dagaal ku dhexmaro. Tiro ahaan inta la egyihiin dagaallamayaashan lama oga, balse dadka qaar ayaa bilaabay iney isaga cararaan deegaanka Gacan-Maroodi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo guddoonka gudiga shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd hubinta iyo dhageysiga waxqabadka wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland ayaa caawa ka qabsoomey hoolka shirarka ee madaxtooyada Jubbaland ee magaalada kismaayo. Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib dhageysiga warbixinta agaasimaayaasha uga mahadceliyey kuna dhiiri galiyey shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ballan qaadey in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada dowladu shacabka gaarsiiso loo xallin doono sida ugu dhakhsaha badan. Madaxweynaha ayaa si adag uga digey in agaasimayaashu ku dhex milmaan siyaasadda maadaama aysan shaqadoodu ahayn siyaasad ee ay tahay inay adeegyada dowlada gaarsiiyaan shacabka. Kulankan ayaa hordhac u ahaa kulan balaaran oo dhamaan wasaaradaha looga dhageysan doono waxqabadkooda, kaas oo ay kasoo qeybgali doonaan Wasiirada, kuxigeenada, agaasimayaasha iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradaha halkaas oo ay si daahfuran ugu soo bandhigi doonaan waxyaabaha u qabsoomey wasaarad kasta iyo caqabadaha jira. Source: goobjoog.com
  8. Shacabka Puntland gudo iyo Dibadba waakiwa u horeeya ee u Gurmadka Walaalohooda Doomaaliyeed markay gargaar deg deg ah u baahdaan. Inta badan Deegaanada Puntland waxaa [...] Source
  9. Warar dheerad ah ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhawac kaas oo ka dhacay deegaanka Balihowd ee duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Rag hubeysan ayaa rasaas waxa ay ku fureen dhallinyaro goob ku wada sugnaa, waxaana halkaasi ku dhintay Hal qof, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Maleeshiyaadkii falkasi ka dambeeyey ayaa la sheegay in goobta ay isaga baxsadeen, iyadoo arrintan lala xiriirinayo aano qabiil. Arrintan weli wax war ah kama aanay soo saarin maamulka Balihowd iyo sidoo kale kan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa ku warramaya in saaka dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo hubeysan ay gudaha u galeen deegaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga degmada Yubbe ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in guud ahaan Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad deegaanka ah oo isaga baxay halkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in dagaalyahannada Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaq cusub ka bilaabeen halkaasi, una jiheysteen dhanka degmada Yubbe oo qiyaastii 50 KM bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ee gaaray deegaanka Gacan-Maroodi ay ka yimaadeen dhanka buuraha Calmadow ee gobolkaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, iydoona laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama gobolka laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo. Deegaanada ay xiisadu ka taagan tahay waxaa horay ugu dagaalamay ciidamada maamullada Somaliland iyo kuwa Puntland, kuwaas oo weli isku hor fadhiya deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Taliyaha Qeybta 9-aad ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka, Sanaag S/ Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo waryesi siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa xaqiijiyay in malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay qabsadeen degaanka Gacan-maroodi oo ka tirsan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag. Taliyaha ayaa sheegay, in malayshiyaad tiradooda lagu qiyaasay 70 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab ay dhufaysyo ka samaysteen degaanka Gacan-maroodi oo dhanka waqooyi kaga beegan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag. Gen Canshuur, ayaa Somaliland ay ku eedeeyay in ay xiriir hoose la leedahay dagaal-yahannada Al-shabaab ee halkaasi qabsadaay, isagoo xusay in ay xoojinayaan ciidamada Somaliland ee ku sugan Yubbe, kadib markii culays ka soo fuulay dhinaca Puntland. Taliyaha ayaa ku hanjabay, in ay jawaab adag siin doonaan dagaallamayaasha Al-shabaab iyo Somaliland oo sida uu tilmaamay is-garabsanaya. Hoos ka daawo wareysiga taliyaha PUNTLAND POST The post Puntland oo xaqiijisay in Al-shabaab qabsatay degaanka Gacan-maroodi ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  12. Somali President, Mohamed Farmajo held meeting with a committee involved in fundraising for the victims of the recent flood response that affected some parts of the country. The head of state was briefed by the members including businessmen, religious leaders, and volunteers on the ongoing efforts to provide assistance to the most affected families mainly those displaced by the natural disaster. The President thanked the response by the Somali diaspora community led by Sheikh Mohamed Abdi Umal who arrived in the country to handover their contributions to the government. A representative from the regional states was also part of the meeting held at Villa Somalia residence on Saturday evening. An emergency committee put in place by the office of the Prime Minister following the flash flooding which is composed of cabinet members and regional state officials are still involved in the distribution of humanitarian assistance to most affected areas. An estimated 200,000 people were affected by the flooding caused by the overflow of River Jubba and Shabelle following torrential rains that were registered across the country. View the full article
  13. Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo iminka booqasho ku jooga Degmada Ceelwaaq ayaa wuxuu la kulmay Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Amisom. Madaxweyne Xigeenka ayaa [...] Source
  14. Kuwait ayaa la sheegayaa iney golaha ammaanka ee qaramada midoobey ka hor cadeysan iney muhiim tahay in la taageero madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Arrintan waxaa kulanka golaha ammaanka ka sheegay Nawaf Al-Axmad oo ka tirsan xubnaha dalka Kuwait u matalada UNka. Axmed waxaa uu golaha ugu baaqaday sidoo kale iney sii wadaan taageerada siyaasadeed iyo midda kale ee ay siiyaan dowladda federaalka ah. Ergayga Kuwait waxaa uu dowladda federaalka ah ku ammaanay iney diyaarineyso xaalad dalka ugu dhici karto doorasho 2020-2021 iyo iney ka adkaato dhammaan caqabadaha dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee arrinkaasi ka hor iman karo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Maxamed Abuukar Cabdi wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowlahaha hoose ee Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyey howlgallada ka socda deegaanada maamulkaasi. Wasiirka oo la hadlay Shabelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey howlgallada waddo furista ee ay haatan ciidamada huwanta ay ka wadaan gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka shaqeyn doonaan sidii isbedal dhab ah loogu sameyn lahaa amniga deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) uu ku dhawaaqay howlgallo cusub oo waddo furis ah, kadib socdaal uu ku tegay magaalada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-Mcabdiqani-salad-.mp3 View the full article
  16. Daawo;”Waan Ogahay inaan Dhimanaayo Waxaan Ka Murugoonaya Caruuta iyo Hooyaday Oo aan Masuul Ka ahaa Oo Cidla aan Kaga Tagayo Wax aduuna iyo Hantina Lahayn” Source
  17. Wararka ka imaanaya degaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi ay qabsadeen dagaallamayaal ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab. Malayshiyaadka oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 70 dagaalllame ayaa sida la sheegayo ka soo degay buuraleyda Calmadow ee gobolkaasi Sanaag waxaana ay gacanta ku dhigeen degaanka istiraatiijiga ee Gacan-Maroodi oo muhiim u ah isku xirka gobolka. Wararku waxay sheegayaan in dagaallamayaasha oo aad u hubaysan ay dhufaysyo ka samaysteen aga’gaarka waddo hawlbowle ah oo halkaasi ku taalla islamarkaana laga cabsi qabo in ay weerar ku qaadaan degmada Yubbe. Maalmo ka hor malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday degaanka Af-Urur ee gobolka Bari halkaasi oo dagaal culus ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka difaaca Puntland haddana Al-shabaab ayaa dib looga riixay degaankaasi. Degmada Yubbe oo qiyaastii 50 km dhanka bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada Somaliland inkastoo ciidamada Puntland ay dhinaca bari ka fadhiyaan. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Al-shabaab ee qabsaday degaanka Gacan-maroodi ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay kulan gaar ah la qaatay agaasimeyaasha wasaaradaha maamulkaasi ayaa uga digay inay ku dhex milmaan siyaasadda dalka. Axmed Madoobe ayaa agaasimeyaasha u sheegay in shaqadoodu aysan ahayn siyaasad, kaliyana looga baahan yahay inay adeegyada maamulka gaarsiiyaan shacabka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay agaasimeyaasha, isagoo ku dhiiri galiyey shaqada ballaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta wasaaradaha kala duwan ee maamulkaasi, si loo helo iskaashi buuxa oo u dhexeeya dhammaan mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in wax badan laga qaban doono dhibaatooyinka hadda ka jira maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab. Digniinta Axmed Madoobe ayaa ku soo aadeysa, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya maamul Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ka dhashay doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  19. Waxaan si shakhsi ah, oo aan nacayb qoffeed iyo mid qabiiltoona ku jirin, kaga codsanayaa in aad Somaliland, sii’sato xubinimadaada KDQ. waayo adiga oo is casila waxay soo afjari kartaa khilaafkan ka dhashay magacabistaada, waxaanay isu soo dhaweyn kartaa guud ahaan ummadda iyo gaar ahaan xisbiyada qaranka ee ku kala fogaaday magacaabistaada KDQ! Waxa codsigaygani ka turjumayaa in qofka iyo Somaliland, Somaliland weyntahay! Maanta oo kale geesiga ayaa tanaasula ummaddiisana kala furta! Ee minfadlakum ummaddaada u tanaasul oo xal u noqo is’mariwaagan ka dhashay magacabistaada! Hadaad dadkaaga u tanaasusho waxaan Allah kaga baryayaa wax ka wanaagsan xubin koomishan iyo in ummaddaadu kugu aqoonsato go’aankaga geesi qaran! Xalkuba wuxu ku jiraa adoo yidhaahda anigu sabab u noqon maayo ama magac xumo igu raaci mayso in doorashooyinka Somaliland dib ugu dhacaan in aan xubin ka sii ahaado KDQ ee waan iska casilay anoo ummadda u tudhaaya! Hadii Allah ku garansiiyo mahadsanid hadii ay ku adkaatana nasiibkeen. Source
  20. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dadaallada gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed. Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey xubnaha guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey lakulankooda, waxa uuna la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka. Dhankooda, xubno heer Dowlad Goboleed ah oo ka socday is-xilqaameyaasha howlaha gurmadka Puntland oo kulankan hadallo ka jeediyey ayaa soo bandhigay dareenka walaaltinimo iyo midka taakuleyneed ee bulshada deegannada Puntland ay u muujiyeen walaalahooda ay wax-yeelleeyeen fatahaaduhu. Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ayaa la wadaagay guddiyadan is-xilqaameyaasha ah warbixin ku saabsan dadaallada dowladdu ay horseedday ee lagu wajahay musiibadan, xaaladda dadka deegannada iyo qorsheyaal heer Qaran ah oo xal waara loogu sameynayo arrimaha fatahaadaha wabiyada. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay guddiga Culimaa’idiinka ee Gurmadka Fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta kulan caadi aheyn ka yeeshay ansixinta oddoroska miisaaniyada sanadeedka 2020-ka. Kulankaasi oo uu shir gudoominayay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa golaha hor keenay miisaaniyad sanadeedkaasi, kaasi oo cadadkiisu dhanaa 2,751,304,880,098 oo shilin, taasi oo 18% ka badan tahay miisaaniyad sanadeedkii 2019-ka. Miisaaniyaddan cusub ee golaha la horkeenay ayaa waxay si gaar ah diiradda u saareysay nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland. Madaxtooyada Somaliland ayaa kulankaasi ka soo saartay war-saxaafadeed u dhigna sidan “Kal-fadhigii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka. Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad, ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka. Oddoroska Miisaaniyadda cusub, ayaa diiradda saari doonta nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka deegaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Meelaha la oddorasayo inay miisaaniyadda cusubi ka iman doonto, ayaa waxa kamid ah cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo iyadu halbawle iyo saldhig u ah Aas-aaska dawlad-nimada, waxana ay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee horumarka Somaliland (SNDPII), islamarkaana waxa ay ka turjumaysaa Barnaamuj-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE iyo ballamihii uu ku galay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 2017-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dood iyo falanqayn dheer kaddiba waxa uu cod geliyey Ansixinta oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kalfadhiga ku sugnaa, iyada oo aanay jirin cid ka aamustay iyo cid diidday midna. Miisaaniyaddan ay maanta oddoroskeeda ansixiyeen golaha wasiirradu, ayaa ah tii 29-aad ee uu yeesho qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sannadba sannadka ka dambeeya sii kordhaysay, waxana ay u gudbaysaa golaha wakiillada Somaliland oo ka gudan doona waajibaadkooda Dastuuriga ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo gudoonka gudiga shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd hubinta iyo dhageysiga waxqabadka wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland ayaa caawa ka qabsoomey hoolka shirarka ee madaxtooyada Jubbaland ee magaalada kismaayo. Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib dhegaysiga warbixinta agaasimaayaasha uga mahadceliyey kuna dhiiri galiyey shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ballan qaadey in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada dowladu shacabka gaarsiiso loo xallin doono sida ugu dhakhsaha badan. Madaxweynaha ayaa si adag uga digey in agaasimayaashu ku dhex milmaan siyaasadda maadaama aysan shaqadoodu ahayn siyaasad ee ay tahay inay adeegyada dowlada gaarsiiyaan shacabka. Kulankan ayaa hordhac u ahaa kulan balaaran oo dhamaan wasaaradaha looga dhegaysan doono waxqabadkooda, kaas oo ay kasoo qeybgali doonaan Wasiirada, kuxigeenada, agaasimayaasha iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradaha halkaas oo ay si daahfuran ugu soo bandhigi doonaan waxyaabaha u qabsoomey wasaarad kasta iyo caqabadaha jira. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo si adag uga digay agaasimayaasha wasaaradaha Jubaland in ay siyaasadda ku milmaan appeared first on Puntland Post.
  23. Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait ayaa mar kale ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed ee Soomaaliya, kadib kulan ay qayb ka ahayd oo golaha Ammaanku ka yeeshay xaaladda Soomaaliya kaasi oo ka dhacay New-York. La taliye Nawaf Al-Ahmed oo ka mid ah ergada joogtada ah ee dowladda Kuwait u fadhida Qaramada midoobay mar uu ka hadlayay shalay kulanka ayaa ku baaqay in la dardargaliyo taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee dowladda Soomaaliya, si dib loogu dhiso hay’adaha dowladda loona xaqiijiyo Amniga iyo xasiloonida dalka . Ergayga dowladda Kuwait ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaallada wax ku oolka ah ee ay wado dowladda Soomaaliya, si dalka loogu diyaariyo Qabsoomidda doorashooyin guud sanadka 2020-2021. PUNTLAND POST The post Dowladda Kuwait oo ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida Soomaaliya appeared first on Puntland Post.