-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay rabashadaha maalmihii udambeeyay ka socday gudaha dalka Itoobiya. Somaliland ayaa sheegtay inay rajo fiican ka qabto in rabshadahaasi ku soo af-meermaan degenaan iyo jawi nabdoon, kuwaasi oo maalmihii udambeeyay ka dhacayey deegaanka Oromada ee Itoobiya. Yaasiin Faratoon, Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo arrinkaasi ka hadlayay, ayaa waxa uu sheegay in rabshadahaaasi saameyn ku yeelan karaan Somaliland, maadama ay xad ahaan jaar yihiin. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Deganaasho, xasilooni iyo nabadgalyo inay ku dhammaadan rabshadaha socda ayaanu ku rajo weynahay, sababtoo ah Itoobiya waa Wadan aynu jaar nahay, oo aynu xidhiidh dhinacyo badan aynu leenahay”. “Wax walba oo ku yimaadan dabcan saamayn bay inagu yeelanayaan, markaas waxaanu rajaaynaynaa in rabashadaha ka socda Deeganka Oromada inay nabada ku dhammaadan”. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waxa aynu filaynaa inay Dawladda Itoobiya ay dadaal dheer u galayso sidii amaanka halkaas u islaaxin lahayd, deganaashana ay ugu soo celin lahayd”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Somaliland can’t wait for recognition to address monopolies
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
SOMALILAND CAN’T WAIT FOR RECOGNITION TO ADDRESS MONOPOLIES By Michael Rubin Somaliland is an unlikely success. Somali dictator Siad Barre’s genocidal wrath destroyed more than 80 percent of Hargeisa, Somaliland’s capital city, and leveled other towns. And yet, despite a lack of formal international recognition or external assistance, it has reconstructed its cities and built a communications infrastructure that rivals any country in Africa if not beyond. Berbera port In contrast, Somalia receives generous assistance from traditional donors like the United States, European Union and World Bank. Between 1991 and 2011, Somalia received more than $50 billion in aid. Excluding humanitarian and security assistance, development aid from the traditional donors alone is considerably is above $1 billion annually. Increasingly—and with less transparency—from Turkey and Qatar. In one day in November 2018 when both the European Union and World Bank approved new aid totaling $250 million for Somalia, intended mainly for budgetary support. New aid in that one day is more than the entire annual budget of Somaliland, which is raised through taxation. The impact of foreign aid on people’s lives in Somalia has been limited, however, due both to corruption and poor absorptive capacity. While a significant portion of donor funds goes directly into government coffers, Somalia has failed to distribute it equitably throughout the country. By sheer necessity, therefore, Somaliland has established a taxation system, which has built capacity and created a more sustainable economy not dependent on continued assistance from the donor community. Somaliland’s economic stewardship is generally good. It spends about two-thirds of its budget on maintain peace and security, given the general volatility in that region, and on governance. The remainder is spent on basic services like health and education. There is little excess available for development. Although the United Kingdom, Norway, Denmark, the Netherlands, and Germany do provide some additional development assistance and have created a Somaliland Development Fund, albeit at $15 million per year, this remains several orders of magnitude below what Somalia receives. While it is easy for Somaliland to compare itself favorably to Somalia, such a comparison should not be reason to stop reform within Somaliland. Somaliland’s businessmen have done well not only in bringing clan leaders to the table for peace talks when the rest of Somalia descended into chaos, but also for their efforts to seek not subsistence, but first world standards. That is certainly the case with Somaliland’s two large cell phone companies, Telesom and Somtel, which maintain not only a cell phone system that competes globally in terms of quality and technology, but also established a financial system to enable a virtually cashless economy for which many developed countries strive. Somaliland’s business climate also increasingly attracts multinational firms. Coca Cola maintains its second-largest African bottling plant in the country. Somalia, despite the privileges that come from international recognition, has been unable to attract significant private investment. While Turkey brags about its investment in Mogadishu’s airport and port, the Emirati investment in the Port of Berbera and Berbera’s airport is more sustainable and, from a commercial standpoint, wise. Berbera already serves a lucrative trade corridor to Ethiopia, and the conversion of its airport to a logistical cargo hub could bring both Emirati investors and Somaliland tens of millions of dollars in profits and fees. As corruption hobbles Djibouti and China leverages its investment to undercut Djibouti’s traditional even playing field, Somaliland could fill the gap in importer-of-record trade. Still, as important as private enterprise has been to Somaliland, a lack of regulation and consolidation of monopoly control can undermine the progress already made. Competition must be the bedrock of free markets. When any company or interest grows too powerful, it can be tempted to shut out upstarts, not with quality of product but rather with control over financial infrastructure. Somaliland still lacks modern banking which can offer loans for small businesses as well as startups at more competitive rates. The absence of completive banking system, especially conventional banks, has been attributed to opposition from religious groups as well as from the locally dominant banks. On one hand, the fact that the conventional banking sector is well-established in almost all Muslim countries would suggest that those countries have found a way to combine the principles of conventional and Islamic banking. On the other hand, should monopolies effectively leverage clerics to shut out a more modern banking sector, it will do harm to longer-term prospects for Somaliland, even if it might be to the short-term economic interest of some major firms. A lack of government regulation and consolidation of the finance sector within just a few companies also puts the entire population’s holding at risk should any business investment among those owning the banks fail. Modern banks must be transparent; privately-owned companies are opaque. Those monopolistic tendencies go beyond the banking sector. While some companies gained their monopoly status through business prowess and provision of much-needed services, their current suppression of competitors undercuts job prospects for Somalilanders. High unemployment among young men has already led to an uptick in crime, although nothing compared to what occurs in Mogadishu. Idle youth also provide openings for outside extremists to try to radicalize disaffected youth. Somaliland is not now in danger, but its success may be tarnished if Somalilanders blame their problems only on the lack of international recognition—something which will likely come sooner rather than later as Somalia falls farther behind and teeters on the brink of chaos. If Somaliland is to take the next step and position itself not only to be Africa’s newest state but also among its more sustainable and prosperous ones, its political and commercial leadership must together address the need for basic regulation on financial services and set a framework for fair competition which encourages greater innovation and broader economic growth. Michael Rubin __________ Michael Rubin is a resident scholar at the American Enterprise Institute in Washington, DC. Qaran News -
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar__Qubanaha-26102019.mp3 View the full article
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay dowladda Soomaaliya sii wadista wada-shaqeyn la’aanteeda ku aadan Guddiga Khubarada QM ee Soomaaliya (UN Monitoring Group), taasi oo ay ku qeexday arrin dhibaato leh. Isaga oo Golaha Ammaanka uga warbixinaya xaaladda Soomaaliya, ayaa la-taliyaha siyaasadda ee howl-galka Mareykanka ee QM, Michael Barkin waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto inay Soomaaliya ku dhiiri-geliso inay guddigan la shaqeyso, islamarkaana aysan arrintan ka aamusi doonin. “Diidmada dowladda federaalka, ee ah inay la shaqeyso Guddiga Khuburada iyo inay taageerto shaqada guddiga, waa arrin dhibaato leh” ayuu yiri Barkin. Barkin ayaa sheegay in guddigan uu yahay araga iyo dhagaha ku sugan Soomaaliya iyo gobolka ee caalamka ula socda waxa ka dhacaya gudaha dalka. “Iskama indha-tiri doonno, umana ogolaan doono dowladda federaalka ah dadaalka ay waddo ee ay ku curyaamineyso shaqada guddiga khuburada” ayuu yiri Barkin, oo shaaca ka qaada in arrintan ay la qabaan dalalka Britain iyo Germany. Wakiilka dowladda Britain ee QM, Jonathan Guy Allen ayaa sidoo kale muujiyey walaac la mid ah kan Barkin, isaga oo sheegay in wada-shaqeyn la’aanta dowladda Soomaaliya ay tahay mid “aan la aqbali krin.” Dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay diiday inay guddiga la shaqeyso, ayada oo rumeysan inaysan dhex-dhexaad ahayn, hase yeeshee dalalka caalamka ayaa rumeysan in dowladda ay diidan tahay in lala xisaabtamo. Guddiga ayaa sanadihii uu jiray soo saaray warbixinno si weyn u dhalleeceeyay dowladda Soomaaliya ee hadda jirta iyo kuwii ka horeeyey, sida fashil amni, musuq-maasuq iyo siyaasad xumo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah odayaasha dhaqanka gobalka Baay ee Koonfur albeed Soomaaliya ayaa sheegay in loo diiday tagitaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay. Nabadoonkaan oo ka tirsan waxgaradkii ka qaybgalay caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa loo diiday in uu tago Baydhabo waxaana ka hor istaagay ciidamada booliiska Koonfur Galbeed. Nabadoonkaan oo lagu magacaabo Gama’diid ayaa sheegay in qoyskiisa ay ku nool yihiin Baydhabo islamarkaana ay ciidamada ammaanka ka celiyeen in uu galo magaaladaasi kadib markii diyaaradii uu ka soo raacay Kismaayo ay ka soo dejisay Muqdisho. Sidoo kale nabadoonkaan ayaa sheegay in duulimaadyada Baydhaba aada u sheegeen in lagu wargeliyay in aysan soo qaadi karin nabadoonka oo hadda ku sugan Muqdisho sababtuna loogu sheegay ka qaybgalka caleema-saarkii Axmed Madoobe. Degaanada maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaa ku xiran dad ka badan 15 qof oo loo heesto in ay mucaaradeen dowladda Soomaaliya. Weriyaasha, ururada u dooda xuquuqda hadalka iyo siyaasiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay soo bandhigayay qayla dhaan ku aadan in Baydhaba ay ka jirto caburin iyo xadgudubyo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga heer Qaran ee kala qeyb galay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo ku qabsoomtay magaalada Sochi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay Hoggaanka dalka Ruushka ee marti-gelinayey Madasha, Madaxda Afrika iyo Maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee ka soo qeyb galay guulaha la taaban karo ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Qaaradda Afrika ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb xooggan uga noqdaan dadaallada dib-u-kabashada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha goob joogga ku ahaa Madasha Sochi muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isu furfurnaanta maalgashi, maadaama hayaan hor u socod iyo horumar ah ay ku tallaabsadeen inta badan dalalka Qaaradda Afrika, taas oo xoojinaysa isku duubnida iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa iyo karaamada shucuubta Qaaradda. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ay si buuxda u hirgalaan qodobbada iskaashi ee ka soo baxay war-muriyeedka Madasha Dhaqaale ee Sochi, isagoona soo bandhigay sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu diyaarsan yihiin ka faaiideysiga fursadaha maalgashi iyo horumarineed ee lagu jaangooyey Madashaas. View the full article
-
Riyadh (Caasimada Online) ― Dowladda Sacuudiga ayaa ku biirtay xiisada adag ee ka dhex aloosan Itoobiya iyo Masar, iyadoona dhinac la noqotay dowladda Itoobiya, sida uu sheegay Mohamed Hafez. Mohamed Hafez, oo ah Injineer khabiir ku ah biyo xireenada, ayaa waxa uu markii u horeysay shaaca ka qaaday in Dowladda Sacuudigu ay gacan weyn ku leedahay dhiska biyo-xireenka ay rabto inay sameyso dowladda Itoobiya. Hafez oo u warameyay wargeyska Al Khaleej, ayaa waxa uu si cad u sheegay in dowladda Sacuudigu ay talaabooyin badan u qaaday sidii ay dhinaca uga qaban laheyd dowladda Masar, isla markaana ay biyo-xireenkaasi uga faa’iideysan laheyd. Injineerka ayaa waxa kale oo uu sheegay in madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al-Bashiir uu dowladda Riyadh u ansixiyay helitaanka dhul milyan hektar ah oo ku yaala gobolka wabiga Niil. Waxa sidoo kale uu xaqiijiyey in dowladii Suudaan ee uu hogaaminayay madaxweyne Al-Bashiir, inay shirkado Sacuudigu uu leeyahay oo gaar loo leeyahay ay u ansixiyeen dhul dhan Hal milyan oo hektar, kaasi oo ku yaala bariga wabigaasi. Mohamed ayaa waxa kale oo uu bidhaamiyay in dowladda Sacuudigu ay rabto in keyd weyn ka sameysato sanadkii biyo xireenkaasi, kaasi oo si joogta ahna u geyn doonta dhulka Boqortooyada, iyadoo la sii marinayo Suudaan. “Dhulka beeraha ee Sacuudigu si weyn ayey uga faa’iidaysan doonaan dhammaystirka dhismaha biyo-xireenka, iyagoona buuxin doona kaydadkooda” ayuu yiri Mohamed Hafez. Wuxuuna intaas kusii daray “Biyaha ka yimaada dhinaca biyo-xireenka ayaa waxa lagu ridi doonaa sanadka oo dhan keydka, iyadoona si joogto ah loo geyn doonaa dhulka Boqortooyada”. Hadalka Khabiirkani, ayaa waxa uu muujinaya in dowladda Sacuudigu ay dhabarka u jeedisay dowladda Masar oo saaxiib dhow la aheyd, isla markaana ay Itoobiya ku taageerayso dagaal ka dhan ah Masar, haddii laga maarsami waayo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Mudane Cali Gacal Casir oo u warramay Shabelle ayaa ka horyimid kulan maanta qaar ka mid ah xildhibaanada maamulkaasi ay ku ansixiyeen guddiga uu dhowaan soo magacaabay, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Ugu horreyn guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa sharci darro ku tilmaamay meel marinta guddigaasi. Sidoo kale wuxuu wareysigan guddoomiyuhu ku sheegay in madaxa xukuumadda Galmudug uusan shiri karin xildhibaanada, islamarkaana tallaabadii uu maanta qaaday ay ka hor imaaneyso Dastuurka u yalla maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in xildhibaanada Galmudug uu ka dhacay waqtigii shaqada, islamarkaan aysan awood u laheyn inay go’aano soo saaraan. Ugu dambeyn guddoomiye Casir ayaa ku baaqay in la tageero guddiga doorashada oo ay ku dhawaaqday dowladda federaalka , si loo dhiso maamul lo dhan yahay. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Wareysi-Gudoomiyaha-barlamanka-galmudug-Cali-Gacal-Casir.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in khatar amni ay ka soo wajahantahay ciidamada lagu daabulayo magaalada Dhuusamareeb, isla markaasna ay beenowday sheegayashii dowladda ee aheyd in ay heshiis la saxiixatay Ahlu-Sunna Waljamaaca. “Waxaan walaac xoog leh ka muujineynaa ciidanka ay dowladda federaalka ah ku daabulayso magaalada Dhuusamareeb. Saansaan colaadeed oo keeni karta dagaal deegaanka ka dhaca ayaa muuqata, taas oo burinaysa sheegashadii dowladda ee ahayd in ay dib u heshisiin deegaanka ka hirgelisay iyo in ay Ahlusunna heshiis la gaartay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in ay ku baaqayaan in khilaafka lagu dhameeyo wadahadal, isla markaana ay dhawaan deegaanka u tagayaan sidii loo xalin lahaa xiisadda, “Waxaan ku baaqeynaa in waanwaan iyo wadahal lagu xalliyo khilaafka, lana mideeyo labada hannaan doorasho. Waan ku baxaynaa deegaanka si colaad loo baajiyo”. Ugu dambeyntii C/Raxmaan C/Shakuur ayaa qoraalkiisa digniin ugu diray saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee lagu daabulay magaalada Dhuusamareeb, isagoo ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharciga u yaalla dalka ogaadana in la isku daba galayo hadii ay gaystaan dambiyo dagaal, isla markaana ay gartaan waajibkooda oo ah la dagaalanka Al-Shabaab. “Waxaan ugu digaynaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee dagaalka lagu gubayo in ay sharciga iyo dastuurka ixtiraamaan, waajibkooda la dagalaanka Al-Shabaab aan laga weecin, bannaankana ka joogaaan loolanka siyaasadeed, ogaadaanna in masuuliyadda danbiga dagaal la isku debagelayo. Waxaan ugu baaqaynaa ganacsatada ku hawlan colaada hurinta in ay arrinkaas ka waantoobaan”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-26-102019.mp3 View the full article
-
Somaliland: Three “reporters” Run Back To Their Paymasters In Mogadishu According to a certain website claiming to be a Somaliland “website”, which in reality is paid for and supported with funds from the weak federal entity in Mogadishu, three of their “reporters” have fled to there, because “they feel unable to practice their “profession” in Somaliland”. In other words, these “reporters” have been unable to spread their propaganda on behalf of their paymasters in Mogadishu and had to return there. They are not by any stretch of the imagination, professional journalists. Nothing new in that. We, in Somaliland, are aware of the daily campaign against our country by the weak federal entity being guarded in the 4km around villa Somalia. The creation of Twitter bots, attempts to pay off legitimate Somaliland journalists and websites is a daily occurrence. This is all part of the economic, diplomatic, political, and information warfare against Somaliland. One must understand that when your argument is weak, you tend to resort to lies, fake news and other nefarious activities. It gets you nowhere. As the Somali saying goes “Beeni raad ma leh”, ( A lie has no basis). Somaliland will keep marching on, and these three youngsters will realize that taking few dollars to disparage your homeland is the road to ruin. Ali Mohamed Abokor ruraledcomm@yahoo.co.uk Qaran News
-
Xildhibaanada Golaha Shacab Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalafadhiga lixaad kulankii afaraad,kaasi oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha mudane Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulankooda maanta waxay kaga hadleen fatahaadda uu wabiga shabeelle ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo sidoo kale daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobolka Baay,kaasi oo sababay in dad shacab ah ka barakacaan deegaano ka tirsan degmada Bardaalle ee Gobolka Baay. Xildhibaan Farxiya Muumin Cali ayaa mudanayaasha ka hor sheegtay dhibaatooyinka dadka shacab ah ka soo gaaray Fatahaadda iyo daadadka ka dhashay roobabka ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Baay,waxayna ku baaqday in si deg deg ah dadkaasi loogu gurmado. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in golaha shacabka ay mas’uuliyad gaar ah ka saran tahay in dadkaas loo gurmado. Dhinaca kale, Xildhibaan Nuur Siidow Baaba ayaa golaha horgeeyay warbixin ku saabsan xaaladaha deegaan doorashadiisa oo ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose. Ugu dambeyn,Guddoomiayaha Guddiga Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee gobolka shacabka xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa golaha u faah faahiyay akhrinta 2-aad ee wax ka bedelka sharciga furdooyinka oo uu guddiga wax ka bedel ku sameeyay. Xildhibaanada golaha shacabka qaar ka mid ah ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay wax ka bedelka sharcigan lagu sameeyay,waxaana guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka mudane Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey oo kulanka soo xiray uu u mahad celiyay xildhibaanada aragtiyadooda oo uu sheegay in guddiga looga baahan yahay inay tixgeliyaan fikradaha xilhibaanadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya lagu dilay toddobkaan illaa 67 qof, intii ay socdaan banaabax looga soo horjeedo Ra’isul wasaaraha dalkaas oo ka dhacay caasimadda Addis Ababa iyo Magaalooyin kale. Saraakiil ka tirsan booliiska oo u waramay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyay in dabadabaxyada rabshadaha watay ee maalmahaan ka socday dhulka Oramada ay ku naf waayeen ilaa 67 ruux, iyadoo ay rabshadaahii maanta madaxa la galeen maalintii seddaxaad. Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in 5 laga dilay, waxayna intaas ku dareen 13 kamid ah dadka la dilay in lagu dilay rasaas halka inta kalana ay ku dhinteen rabshadaha iyo dhagxaantii la isku tuurayey. Rabshadahan oo markii hore ku bilawday eedaymo uu jawar Mohammed usoo jeediyay dawlada Abiy Ahmed ayaa haatan isubadalay iskudhac qoomiyadeed iyo meelaha qaar mid diimeed. Booliska ayaa gacanta ku dhigay 68-qof oo lala xariirinayo kicinta shaqaaqoyinkii ka dhacay caasimadda ismaamulka Oromada ee Adama, duqa magaalada Adama oo warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in dadka la qabtay looga shakisan yahay dilalkii,boobkii iyo goobihii cibaadada ee lagubay. Jawar Maxamed oo ah ninka sababta u ahaa in ay qarxaan rabshadaha hareeyay deegaanada ismaamulka Oramiya ee dalka Itoobiya oo la hadlay Reuters waxa uu eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Abiy Ahmed oo uu ku tilmaamay kaligii taliye. Jawar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa. Jawar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey. Gaar ahaanna Jawar waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa caasimada@live.com
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa sheegay in markii uu xilka ka qabtay uu Maamulkiisu boqolkiiba inta badan la wareegay Maamulidda Bariga Gobolka Sanaag iyo Buuhoodle. Madaxweyne Deni oo Maanta hor-tagay Golaha Wakiillada isla-markaana ka jawaabay su’aalo ay Xildhibaannadu waydiiyeen ayaa sheegay in Maamulkiisu wax badan qabtay muddadii koobnayd ee uu xilka hayey, waxbqabadyadaana ay ka mid tahay in Maamulkiisu si wanaagsan uga dhaqan-galay Buuhoodle. Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Muddadii aan xilka haynay, dhulka Sanaag waxa Gacanta Puntland soo gashay %99 ka mid ah, marka laga reebo Yubbe iyo inyar oo la mid ah. Waxa Maanta Wasaaradihii Puntland oo dhami joogaan Magaalada Buuhoodle oo markii aanu Xilka Nimid uu khalkhal amni ka jiray iyo Gacan ku haynta Dawladda oo maqnayd..” Sanaag-bari iyo Buuhoodle ayaa waxay Juquraafi ahaan ku jiraan khariiradda Somaliland, laakiin waxa Mulkiyaddooda sheegata Puntland oo ka mid ah Soomaaliya. Somaliland iyo Soomaaliya oo Puntland ka mid tahay ayaa leh Xuduud Caalami ah. Source
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa ka hadlay culimadii dhawaan ka hadlay ka qeybgalka Deni uu ka qeybgalay Xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe. Faroole oo ka hadlayay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta ka furmay Magaalada Garoowe ayaa weerar culus ku qaaday culimada Puntland iyo odayaasha dhaqanka Waxaa uu sheegay inaanay ka yeeli doonin inay Masaajida ka soo farmuuqaan siyaasiyiinta, haddii kalena inay iyana farta ku fiiqayaan, isla-markaana ay iska celin doonaan. “Culumada Waxaan leeyahay hadfaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta, midka siyaasadda soo qaata, laakiin idin ka yeeli mayno in aad masaajidada dadka faraha kaga fiiq fiiqdaan, idinkana waa la’idinku fiiqayaa waana iska kiin celinayna anba sheekh baan ahay ima harawsan kartaan.” Ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud. Faroole ayaa uga digay culimada inay soo farageliyaan siyaadda Dalka, gaar ahaan tan Puntland, isagoo ku hanjabay haddii ay joojin waayaan inay taggi doonto in iyagana la dhaliilo. Wuxuu ku baaqay in la iska qabto dad uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Puntland, wuxuuna kula taliyey in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Shcabka Puntland. Wuxuu ugu baaqay inay ilaashadaan jiritaanka Maamulkooda si hormar loo gaarsiiyo Senator Faroole oo horey u soo noqday Madaxweynaha Puntland ayaa dadka reer Puntland kula taliyay in si wadajira loo ilaaliyo midnimada shacabka Puntland iyo jiritaanka maamulka ay leeyihiin. Waa markii ugu horeysay oo Senotarka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan uu weerar afka ah ku qaado Culumada Soomaaliyeed, ee sida joogtada ahi kaga hadasho arrimaha siyaasadda ee dalka. Magaalada Garoowe ayaa waxaaka socdo olole looga soo horjeedo maamulka Deni, waxaana lagu eedeeyey Dowladda Soomaaliya inay iyada ka dambeyso. Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ka dhashay buuq kadib markii XIldhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu tiriyo inuu xiriir la leeyahay Nabad iyo Nolol uu su,aal adag waydiiyey Saciid Deni taasoo keentay inuu madaxweynaha isaga baxo fadhiga Baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah oo xukuumaddu u dhistay guddida qandaraasyada qaranka iyo hay’adda U diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka. Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray dhismaha loo bineeyey guddida qandaraasyada qaranka, Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah iyo bakhaar keydka Raashinka loogu talo galay oo loo dhisay hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka., Madaxweynuhu wuxuu kormeeray dhismayaasha cusub iyo Bakhaarka keydka Raashinka ee loo dhisay hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka qaranka, kadibna waxa uu xidhigga ka jaray dhismayaashaas xukuumaddu hirgelisay. Qaran News
-
(SLT-Jigjiga)-Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cismaan ayaa sheegay in halganka ay ku jiraan aanu aheyn mid qabiil kaliya u daneynaya ama u adeegaya, isaga oo intaa ku daray in magaca Ogaden ka tanaasulayaan haddii maslaxad loo arko. Isaga oo khudbad u jeedinayay Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayuu ka dalbaday inay keenaan magac kasta oo ay u arkaan in uu ka wanaagsan yahay kan hadda ee ”ONLF” ”Annaga dan gaar ah iyo ujeedo gaar ah oo aan ka leenahay magacan ONLF ama ”Ogaden” ma jiro, dagaalka aan ku jirno waa in la helo xuquuqda ay Umadda deegaanka leedahay ee qabiil gaar ah iyo qolo gaar ah oo aan u adeegeyno ma jirto, Odayaashii ayaad tihiin adinka ayaa leydinka rabaa in aad keentaan magac kan dhaama haddii uu jiro oo aad heysaan, sidaa in aad noo fahantaan ayaan rabnaa” ayuu yidhi Maxamed Cumar Cismaan. Magaca ONLF ayeey dad badani u arkaan in uu yahay mid u taagan qabiil gaar ah inkastoo mas’uuliyiinta sar sare ee Ururka sheegeen in uu yahay mid u taaggan xoreynta iyo inay xuquuqdooda hellaan dadka ku dhaqan deegaanka Ismaamulka Soomaalida. Ururkan ayaa hore heshiis xabad joojin ah ula saxeexday dowladda Itoobiya oo muddo dheer ay dagaal kula jireen iyaga sheegay in halgankooda u badalay mid nabadeed. Source
-
Popular Contributors
