Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,942
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ugu dambeeyey ee aan ka helnay magaalada Baladweyn ee xarunta Hiiraan ayaa sheegaya in la helay 4 meyd ah halka tiro intaasi la egna la la’yahay. Shariif Xasan Ganey oo ganacsade, Guleed ibraahim ahaa guddomiyaha dhalinyarada degmada Shibis, Deqow Cabdi Cariif isna waxaa uu ahaa madaxa waaxda fayadhowrka Beledweyne iyo Sharma’arke Khaliif oo agaasimihii/xoghayihii xafiiska duqa magaalada dhamaan waa la helay meydadkooda Dhanka kale waxaa la la’yahay, oo aan nolol iyo geeri lagu heyn Cabdi Keynan- darawalkii duqa magaalada, Dahabo Xasan- lataliyihii haweenka ee madaxweyne Waare, Macalin Nuur Alaale iyo darawalkii doonta. Waxaa socdo baadi-goobka arrinkan la xiriira, waxaana gacan ka geysanaya hey’ado ay ku jiraan, AMISOM, UNDP iyo ICRC. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Hoggaanka ururka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa saacadihii la soo dhaafay ku kulmay magaalada Dhuusamareeb. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka iyo sidii loo xoojin lahaa, si wadajir ah. Sidoo kale labada dhinac ayaa isku raacay in ciidanka Milatariga laga saaro magaalada, laguna wareejiyey ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee horay u joogay halkaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe xiisad u dhexeysa Ahlu Sunna iyo dowladda ay ka taagneyd magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay saameynta ku yeelatay Fatahaadaha Wabiyada Shabelle iyo Jubba. Madaxweynaha oo kulan la qaatay qaar ka tirsan xildhibaanada, Wasiirada, Culumada iyo Ganacsatada ayaa ugu baaqay inay lacago isugu daraan dadkaas dhibaatada soo gaartay. Wuxuu Golaha Baarlamaanka ugu baaqay inay isugu imaadaan kulan deg deg ah si ay lacago uga jaraan mushaarka ay qaataan uguna caawiyaan dadka dhibban. Sidoo kale Ganacsatada, Culumada iyo Diyaasbarada ayuu ka codsaday inay lacago dhiibaan taasoo u fududeyn doonto Dowladda Soomaaliya inay lacago badan u aruuriso dadka ku barakacay fatahaadaha. “Xukuumadda iyada ha bilowdo inay mushaarka iska jarto, Meeshaan waxaa fadhiyo dad xildhibaano ah, in iyaga laftirkooda loo tago oo kulan la qabto Berri ama Berri dambe si iyagana mushaarkooda uga jaraan lacagihii loogu deeqi lahaa dadkaas dhibaateysan, idinkaa yaqaan waxa loo baahan yahay” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. “Ganacsatada kama rabno inay Percentage bixiyaan, iyagaa noogu jeeb weyn, waxaan ka rabnaa inay geeyaan wax walba oo ay hayaan, Culimada laftirkooda ma jeeb yara, haddii aan intaas isku geyno oo si hufnaan ah u bixino waxaan aaminsanahay in dad badan ay aaminayaan sida aan wax u wadno oo ay wax badan ku darsanayaan” ayuu sii raaciyey. Baaqaha Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadayo xilli ay fatahaadaha Wabiga ay saameyn xoog leh ku yeelatay Magaalada Beledweyne iyo Magaalooyin kale oo ku yaalo dalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo hadalka Madaxweyne Farmaajo
  4. Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Qardho ee gobolka Bari. Siciid Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey xubnaha maamulka Qardho iyo dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi. Ujeedka socdaalka Madaxweyne Deni ayaa ah mid la xariira qiimeynta xaaladaha ka jira magaaladaasi, gaar ahaan dhinaca nabad galyada. Ugu dambeyn Madaxweynaha oo la hadlay dadkii soo dhoweeyey ayaa sheegay in la xoojin doono amniga, islamarkaana ciidamo cusub la geyn doono halkaasi. View the full article
  5. NAIROBI (HOL) - Civil aviation authorities in Kenya have launched investigations into a local airliner which has in the last three weeks suffered two accidents triggering fears among passengers. Source: Hiiraan Online
  6. (SLT-Ciraaq)-Ciidammada ammaanka Ciraaq ayaa xalay dilay ugu yaraan 14 qof kadib weerar ay ku qaadeen dibad-baxayaal ku sugnaa magaalada Karbala. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in boqolaal kale la dhaawacay, ayada oo banaan-baxyada ka dhanka ah dowladda ay galeen maalintii shanaad oo xidhiidh ah. Dibad-baxayaasha ayaa jebiyey bandow cusub kadib markii mas’uuliyiinta Ciraaq ay shacabka amreen inay iskugu bixi karin waddooyinka, laga billaabo saqda dhexe illaa 6 subaxnimo. Saddex qof oo kale ayaa Isniintii lagu dilay, ayada oo boqolaal lagu dhaawacay isku dhac dhex maray booliska iyo dibad-baxayaasha. Tallaabo baarlamanka uu qaaday oo lagu ansixiyey sharci joojinaya mudnaanta iyo lacagaha gunnada ah ee la siiyo siyaasiyiinta sare, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaan waxba ka tarin inuu dejiyo dibad-baxayaasha. Ardayda iyo dibad-baxayaasha kale ayaa ka carreysan musuq-maasuq lagu eedeeyey dowladda, kobac la’aanta dhaqaalaha iyo adeeg xumada dowladda, inkasta oo Iraq ay qani ku tahay saliidda. Warreegii ugu dambeeyey ee dibad-baxyada ee Baqdaad iyo magaalooyinka kale ee Ciraq ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 86 qof tan iyo Jimcihii. Tiradan ayaa ku kordheysa ku dhowaad 150 qof oo kale oo la dilay horaantii bishan. Source
  7. BELEDWEYNE (HOL) - Rescue efforts to recover bodies of eight people who went missing when a boat they were in Monday capsized in Beletweyne have not borne fruit as only two bodies were recovered. Source: Hiiraan Online
  8. Dilka ayaa yimid kadib markii laba nin oo hubaysan ay dhac u gaysteen haweenaydaan oo ay ka qaateen Taleefoonkeedii, kadibna ay ku amreen inay bixiso dahab u xirnaa. Haweenayda ayaa la sheegay inay diiday dahabka in laga furto, waxaana ay la murantay raggii hubaysnaa, iyadoo intaasi kadib xabad ay ku dhufteen dahabkiina ay ka furteen. Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Korontada ee Degmada Wadajir, waxaana wararka ay sheegayaan inay baxsadeen dableydii falkaasi gaysatay. Ragga dilay haweenaydaan oo la sheegay inay xaamilo aheyd ayaa ahaa labo , sida ay ku warrameen dadka deegaanka. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ku soo badanayey kooxo hubeysan oo dhac u geysanaya dadka shacabka ah. View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta gudoomiyey Shirka guddida golaha wasiirada ee maamul daadejinta (IMC Meeting) shirkaas oo seddexdii biloodba hal mar qabsooma ujeedadiisuna la xidhiidho sidii warbiximo loogu kala qaadan lahaa waxyaabihii qabsoomay mudadaasi. Sidoo kale waxa lagaga hadlay balaadhinta mashruuca dawladaha hoose ee gobolada bariga iyo hirgelinta mashruuca JPLG oo bilaami doona horaanta bisha 11aad iyadoo la gaadhsiin doono degmooyinka Ceerigaabo, laascaanood iyo caynaba. Ugu danbayntiina waxa lagu lafo-guray kulankaasi mashaariicda horumarineed ee sannadkan ugu jira degmooyinkii uu mashruucani hore uga hirgalay iyo qorsheyaasha cusub. Source
  10. Sawir hore Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan maalinta Jamhuuriyadda dalka Turkiga waxa uu u diray dhiggiisa dalkaas Rajab Dayib Erdogan Madaxweyne farmaajo ayaa ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Turkiga horumarka ay ku tallaabsadeen tan iyo sannadkii 1923-dii markaas oo dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Turkiya. “Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa farxad ii ah inaan idiinku hambalyeeyo adiga, shacabka iyo dowladda Turkiga munaasabadda Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga ee 29 ka Oktoober” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda uu leeyahay xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, isagoona uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed. “Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu gaaray heer aad u sarreeya oo ku dhisan is-aaminid, is-ixtiraamid iyo dhaqan qoto dheer oo saxiibtinimo oo ay leeyihiin labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah” ayuu mar kale yiri madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan, shacabkiisa iyo Madaxda dalkaas caafimaad, farxad joogta ah iyo horumar waara. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Erdogan appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cismaan Maxamed(Bulqaas) oo ka mid golaha wakiillada Somaliland ee laga soo doorto Sanaag Bari ayaa si weyn u dhaliilay Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Washington, D.C ee dalka Marekanka ayaa la kulmay madaxweyne ku-xigeenka bangiga Adduunka,Havez Ghanem. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay taageerada uu bangiga adduunku siiyo Soomaaliya, gaar ahaana mashruuca Ilaalinta Bulshada iyo shaqo abuurka. Mashruuca Ilaalinta Bulshada oo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uu ku taageerayo bangiga adduunka , ayaa sannadkan gaaraya 200,000 (labo boqol oo kun) oo qoys, waxaana lagu wadaa inay ka faa’iideystaan 1.2 milyan oo bulshada nugul ah, wuxuu si gaar ah diiradda u saaraya qoysaska reer miyiga ah iyo kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha. “Kullankeenna wuxuu ahaa mid miro-dhal ah, bangiga adduunka waxaan uga mahadceliyay taageerada uu siiyo dalkeenna, waxaan si gaar ah uga codsaday sidii uu ku sii socon lahaa tan iyo inta dalka deymaha laga cafinayo isku filnaasho dhaqaalana aan ka gaareyno, mashruuca Ilaalinta Bulshada kaas oo taageero dhaqaale ay ku helayaan qoysaska nugul iyo kuwa miyiga ku nool” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray ” Madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka wuxuu ballanqaaday sii soco-shada mashruucan,wuxuu caddeeyay sannad dheeraad ah inay ku dari doonaan.” Dhinaca kale, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada wuxuu ka qeybgalay kullan heer wasiirro oo ay ka qeybgaleen ku dhowaad saddex boqol oo wakiillo caalamka ka socday ah oo looga hadlay daryeelka bulshada iyo shaqo abuurka, kullan dooddeedka ayuu wasiirka ku soo bandhigay dadaallada ay dowladda wado iyo sida ay xilligan uga go’antahay in si furan dalka loogu soo dhaweeyo maalgashadayaasha. Muddada uu dalka Marekanka ku suganyahay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaa uu kullamo la qaadan doonaa mas’uuliyiin dalkaas iyo deeq bixiyayaasha oo shaqo abuurka iyo taageerada bulshada uu kula hadli doono. PUNTLAND POST The post Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Washington kula kulmay Madaxda Bangiga Adduunka appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka waxbarashada Somaliland ayaa ka hadlay go’aan dhawaan soo saartay maxkamadda sare iyo 4 jaamacadood loo gaar yeelay in waxbarashada caafimaadka bixiyaan, wasiirka waxa ka codhooday su’aal warbaahintu ka waydiisay arrimahan Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad cabsi ah ayaa ka taagan guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho, waxaana la fasaxay dhamaan shaqaalihii dowladda iyo ururka haweenka halkaas ka shaqeynayey kadib qarax la sheegay in la doonayo in lala beegsado. Waxaa sidoo kale la fasaxay shaqaalihii is-xilqaan ee ka shaqeynayey tiyaatarka qaranka oo ka ag dhow guriga hooyooyinka. Saraakiil ciidan oo ku sugan xarumahan ayaa Caasimada Online ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyey digniin amni oo ah in weerar qarax ah ku soo socdo guriga hooyooyinka. Digniintan ayaa la sheegay inay ka timid xafiiska amniga ee Villa Somalia. Waxaa hadda dibada loo soo saaray ciidamo boolis iyo koofiya cas ah oo aad u adkeeyey amniga. Wali ma jiro war rasmi ah oo dowlada kasoo baxay oo arrintan ku saabsan. Guriga hooyooyinka ayaa waxaa degan ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Waxa ay sidoo kale xarun u tahay ururka shaqaalaha rayidka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u kabashada Soomaaliya. Sweden waxa ay kamid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa October 16, 2019warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Staffan Tillander oo bedelay safiirkii hore ee Sweden, Andreas von Uexküll. View the full article
  16. Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa maanta xukun jeedal ah ku fulisay nin ay sheegtay inuu kufsi ka geystay deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Sh/Hoose. Al-Shabaab ayaa magaca ninkaasi ku sheegtay Xuseen Xeefow Xasan, waxaa la sheegay inuu kufsi kula kacay gabar ka mid ah dadka deegaanka. Ninkan oo aan hore guur u soo marin ayey maxkamaddu ku xukuntay boqol garbaash iyo hal sano oo musaafurin ah. Fagaaraha uu ka dhacay xukunka waxaa ku sugnaa xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa xukuno kala duwan ka fulisa deegaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  17. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u kabashada Soomaaliya. War-saxaafadeed kulan kadib ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu amaanay doorka dowladda Sweden ay ka qaadato horumarinta dalka Soomaaliya “Sweden waxa ay kamid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Sweden appeared first on Puntland Post.
  18. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa maanta soo saartay fariin digniin ah oo ku socota shacabka ku dhaqan deegaanada dhaca xeebaha maamulkaasi. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in gobollada bari ee Puntland ay ku soo wajahan yihiin roobab iyo dabeylo xoogan. Wasaaradda oo fariimo taleefanadooda ugu dirtay shacabka ayaa ugu baaqday in ay ka fogaadaana xeebaha, si looga baaqsado waxyeelo ka dhalata dabeylahaasi. “Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan xeebaha Puntland,gaar ahaan gobolada Bari in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool leeyihiin sida ay sheegeen qolayaha saadaasha hawada, hadaba taxaddar badan hala qaato.” ayaa lagu yiri farriimaha loo diray dadka. Si kastaba ha’ahaatee Puntland, gaar ahaan deegaanada ku teedsan dhinaca xeebta ayaa waxaa marar badan ku dhuftay dabeylo geystay khasaare kala duwan. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-29102019-SAx.mp3 View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Qoy Ka Cabanaya Maayirka Hargeysa Oo Farriin U Diray Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Weftigii xukuumadda Somaliland ee Arrinta Nabadeynta ah u joogay degaanka Wada-jir ee gobolka Selal, ayaa guda-galay hawsha bilawga nabadaynta qaar ka mida bulshada degaankaas oo ay dhawaan shaqaaqo dhex martay. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ah guddoomiyaha weftigaas ayaa shalay hadal uu ka jeediyay kulan la isku soo hor fadhiisayay bulshadii shaqaaqadaasi dhex martay, wuxuu ku sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay soo af-jarida dhibaatada degaankaas ka taagan. Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha, Caafimaadka, Wasiir kuxixgeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar ka mida waxgaradka degaankaas oo halkaas ka hadlay ayaa bulshadaas walaalaha ah u soo jeediyay inay kaalintooda ka qaataan dedaalka ay xukuumaddu wado ee ku saabsan nabadeynta bulshada degaannadaas wada dega. dhaawaca oo ciidanka Booliska ka soo gaadhay weerarkaas ay kooxda dablayda ahi ku soo qaadeen. Guddoomiyaha gobolka Selal Mawliid Maxamed Nuur, ayaa masuuliyiintaas xukuumadda kubogaadiyey tallaabada nabadeynta ah ee ay u yimaadeen degaanka Wada-jir, waxaanu sheegay in maamul ahaan ka shaqayn doonaan sidii ay u fuli lahaayeen wixii go’aanno ah ee ka soo baxa nabadaynta bulshada. Source
  22. Sida ay odorasayaan Howlwadeenada Hawada iyo Cilimalada Waxaa Xeebaha Puntland lagayaabaa iney kusoo Wajahantahay Duufaan xoogan oo Waxyeelo uvgeysan karta Duunyo iyo Dadba. Wasaarada Arimaha [...] Source
  23. Garoowe (Caasimada Online ) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa maanta soo saartay digniin deg deg ah oo ku socota dadka degan dhanka xeebaha oo la sheegay inay ku soo wajahan yihiin roobab iyo dabeylo xoogan. Wasaaradda oo fariimo digniin ah dadka ugu dirtay taleefanadooda ayaa ugu baaqday in ay ka fogaadaana xeebaha iyo meelaha togaga ah, si looga baaqsado waxyeelo ka dhalata duufaanadaasi laga cabsi qabo inay ku dhuftaan bariga maamulkaasi. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in meelaha ugu daran ay yihiin gobollada, Sanaag, Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar ee hoostaga maamulka Puntland. Sida ay sheegtay wasaaraddu waxa ay digniintan timid, kadib markii qolayaha saadaasha hawada ay soo saareen wargelin ah in laga fogaado deegaanadaasi. “Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan xeebaha Puntland,gaar ahaan gobolada Bari sida, Sanaag, Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool leeyihiin sida ay sheegeen qolayaha saadaasha hawada, hadaba taxaddar badan hala qaato.” ayaa lagu yiri farriimaha loo diray dadka. Ma’ahan markii ugu horreysay oo Puntland ay digniin ka soo saarto xeebaha maamulkaasi oo marar badan ay ku dhufteen dabeylo dhaliyey khasaare xoogan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com