Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaan in badan is weydiiyey asalka kelmeda Mudane. Waa maxay sababta ragga xilka haya loogu yeero mudane? Halkee beyna kelmadani ka soo jeedaa asal ahaan? Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan mar uu la hadlayay Idaacadda Kulmiye ayaa waxa uu ka hadlay sida uu arko hadalkii Sheekh Shariif uu ku sheegay in dowladda laga saarayo Xamar. Cabdiqaasin Salaad ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed uu ahaa mid laga haboonaa. “Hadalkaas ma qumana Madaxweyne horena inuu sidaas u hadlo ma haboona, hadii qalad dowladdu gasho waxuu dalku leeyahay baarlamaan iyo gole sare oo aan beel gaar ah lagu sheegi karin, iyaga ayaana laga rabaa inay la xisaabtamaan dowladda, mana fiicnayn in madaxweyne hore uu dowladda u dhaarto oo uu yiraahdo saasbaan yeelayaa mana haboona in lagu hadlo wax dalka oo dhan dhibaato u keeni kara” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiqaasin. Mar uu ka hadlay in dalka ay doorasho ka dhici karto waqtiga loo asteeyay ayuu sheegay inuu aad ugu rajo weynyahay inay dalka doorasho ka dhici karto. “Madaxdii horay u soo maamushay dalka aadbay u dadaaleen haatana dadaal ayaa ii muuqda, doorasho inay dalka ka dhacdana waa lagama maarmaan waana qabaa inay dhici doonto, arinta doorashada labada gole ee baarlamaanka dalka ayey u taalaa”ayuu yiri Cabdiqaasin Mar wax laga weydiiyay in Xukuumaddu ay baarlamaankii gacanta ku dhigtay sidoo kalena ay caburinayso, ayuu Cabdiqaasin ku jawaabay, “Xukuumaddi ayaa baarlamaankii dalka gacanta ku dhigtay hadal quman maaha, boqolaal qof oo Soomaali ah oo umadda u shaqeya oo Kitaab gacanta u galiyay ayaa qolo gaar ah u shaqeyneysa wax la sheego iyo wax la qaadan karo midna maaha, iyaga ayeyna u taalaa oo u dhaartay inay dalkooda iyo dadkooda u shaqeynayaa”. Cabdiqaasin Salaad mar uu ka hadlay dagaalka ay ciidamada dowladdu kula jiraan Al-Shabaab ayaa waxa uu yiri, “Had iyo jeer waxaan aragnaa ciidanka dowladda oo dagaal kula jira Shabaab, waxayna Al-Shabaab faa’iido ugu jirtaa inay Ilaahey ka baqaan ay iska daayaan dadka ay baabi’inayaan iyo waxa ay qarxinayaan, dhow goor ayaan fariinteyda u diray Shabaab xaqdaro ayey dadka ku leynayaan, hadda waxaan leeyahay qofkii qof dila isagoo xaqdarro ku dilaya waxa uu la mid yahay isaga oo dadka dhan dilay, ha akhristeen Qur’aanka”. Ugu dambeyntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa sheegay in mar walba uu usoo duceeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay inay is cafiyaan oo tafaraaruqa iska daayaan gacmahana is qabsadaan. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Kuwait on Saturday reiterated calling for the respect of the sovereignty and political independence and unity of Somalia. Source: Hiiraan Online
  4. The last remains of 157 people killed aboard an Ethiopian Airlines plane in March were interred at the crash site this week, farmers and families told Reuters, but some relatives were upset they had been unable to take part in the ceremony. Source: Hiiraan Online
  5. The UN and other Somalia’s partners say the recent decision by Kenya and Somalia to normalise their relations will help the region to concentrate on security challenges in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Amar la sheegay in uu ka soo baxay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa ka bilaawday inta ugu badan degmooyinka gobalka Banaadir, kaas oo ah mid lacag looga aruurinayo guryaha iyo ganacsiga magaalada Muqdisho. Lacagta laga qaadayo xaafadaha ayaa u dhaxeysa $5 ilaa $15 dollar waxayna gurayaha isugu jiraan 3 heer oo kale Dabaq, Fillo iyo Jiingad. Sidoo kale goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qoray lacag u dhaxeysa $10 ilaa $25 iyadoo ay kala leeyihiin heerar kala sareyn ah. Lacagtaan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid loogu gurmanayo dadka ku saamoobay fatahaadaha wabiyada iyo gobalada qaar oo roob biya dhigay, balse waxaa la yaab ku noqotay shacabka Muqdisho in aysan lacagtaan aheyn sadaqo iyo qofkii awooda balse ay tahay amar, waxaana qofkii bixin waayo uu ku muteysan doonaa ganaax lacageed oo dhan hal milyan oo Shilin Soomaali ah. Masuul ka tirsan degmooyinka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in degmo walba laga rabo lacag dhan $150,000, si loogu caawiyo dadka ka barakacay magaalooyin badan oo Soomaaliya kamid ah. Qaar badan oo kamid ah shacabka Muqdisho ayaa noo sheegay in aysan lacagtu aheyn sadaqo iyo in qoysaska laga qaado wixii la go’a balse ay tahay amar qabanaya qoys walba hadii uu diidana uu ku mutaysan karo ganaax lacageed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Urur kasoo horjeeda Islaamka oo kitaabo quraana ku gubay magaalada Kristiansand ee dalka Norway Dibadbax uu soo abaabulay ururka “Stop Islamisation of Norway” ee loo soo gaabiyay SIAN islamarkaana kasoo horjeeda in Islaamku ku faafo dalka Norway kaas oo maanta ka dhacay barxadda Øvre Torv ee magaalo-xeebeedka Kristiansand ee dalka Norway ayay waxa ay ku gubeen kitaabo qur`aan ah. Kooxdan oo maalmahanba abaabuleysay dibedbaxan ayaa waxa ay horay u sheegeen in ay goobta ku gubi doonaan kitaabka qur`aanka, arrinkaas oo uu boolsiku uga digay in ay ku dhaqaaqaan. Kooxdan oo dhagaha ka fureysatay digniinta booliska ayaa waxaa ay goobta ku gubeen sida ay ballanqaadeen kitaabo qur`aan ah oo uu boolisku la tacaalay in uu damiyo. ” – Mar haddii dhagaha laga fureystay digniinteenni aheyd in aan wax dab ah goobta la keeni karin, waxaa waajibkayagu yahay in aan la xisaabtanno ururka SIAN ee dibedbaxaan soo abaabulay”, ayuu yiri madaxa booliska Agder politidistrikt, Mr. Sjustøl. Dhacdada dabka kadib, booliska ayaa soo gunaanadau dibedbaxa. Uurukan Islaamka naceb ee loo soo gaabiyay SIAN ayaa waxaa looga dhawaaqay dalka Norway sannadkii 2008-dii, balse waxa ay wararku sheegayaan in abaabulkiisu uu socday ilaa iyo sanadka 2000. Qaran News
  8. Nin madow ah oo dil ku xukunnaa oo dilkiisa la hakiyay kadib markii ay howshiisu galeen dad caan ah Rodney Reed (51-jir) ayaa isbuuca dambe la dili lahaa kadib markii lagu eedeeyay dilka iyo kufsiga gabar caddan ah oo markaas jirtay 19-sano, islamarkaana lagu magacaabay Stacey Stites taas oo lagu dilay 23 sano ka hor gobolka Texas ee dalka Mareykanka. Bil ka bacdi dilkeeda oo dhacay sannadkii 1996-dii ayaa waxaa loo soo qabtay Rodney kadib markii DNA la qaaday laga helay shahwadiisa, waxaana uu sheegi jiray marwalba in uu isagu dilin gabadha balse ay kulmeen oo ay galmo ay raalli isaga wada ahaayeena sameeyeen. Kiiska ninkan oo in mudo ah soo jiitamayay ayaa bilooyinkii u dambeeyay hawada isku shareeray ayaa waxaa soo faro-geliyay dad caan ah kuwaas oo isugu jiray fannaaniin, ciyaartoy iyo waliba siyaasiyiin. Waxa ay dowladda ka dalbadeen in dib loo eego xukunkan dilka ah ee Rodney, dalabkaas oo ay dowladdu ugu dambeyn aqbashay. Xubnaha kiiska sida dhow u galay ayaa waxaa ka mid ah gabadha caanka ah ee lagu magacaabo Kim Kardashian iyo waliba fannaanadda Rihanna. Dilkiisa ayaa la laalay, lamana sheegin xilliga lagu qaadi doono. Qaran News
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa warqad ay ku qorantahay dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn Amisom ee ku sugan gobolka Gedo u gudbisey wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayada oo sidookale safiiro ka tirsan beesha caalamka copy la siiyey. Warqadan oo ka soo baxday xafiiska wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Gaani Jaamac, ayaa lagu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom ay faragelin qaawan ku hayaan Maamulada iyo taliska ciidamada ee degmooyinka Luuq,Doolow iyo Baladxaawo ee gobolka Gedo. Qoraal laga soo turjmay warqadda oo lagu baahiyay bogga Facebook ee madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in bishan Novermber 4-teedii ay ciidamo Itoobiyaan ah oo uu hogaaminayo taliye ku xigeenka sirdoonka Militariga Itoobiya, ay kaxeysteen gudoomiyayaasha saddexda degmo iyo gudoomiye kuxigeenka gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland iyo lataliye sare oo katirsan wasaarada Amniga Jubbaland, kuwaas oo loo qaadey magaalada Nazret ee gudaha dalka Itoobiya. Inta aan la qaadin ka hor waxaa saddex maalmood si isdaba jooog ah masuuliyiintaas ugu soo dhaceyey hanjabaadyo iyo cabsi galin ku aadan fulinta rabitaanka ciidamada Itoobiya oo ay isticaamleysay Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Isla markii la qaadey masuuliyintaas waxaa ka bilowdey degmooyinkaasi kala furfurida ciidanka iyo maamulka halkaas kajirey, taas oo fursad weyn u noqoneysa Alshabaab keeni kartana inay dib u qabsadaan deegaanadii laga xoreeyey 11 sano kahor, dhinaca kale duminta taliska ciidan ee halkaas ka jira ayaa sababi kara in ciidamadaasi ay isu bedelaan Maleeshiyo beeleed aan maamul hoostagin ayaa lagu yiri waraaqda. Kadib markii la qaadey ee lageeyey magaalada Nazret waxaa lagu amrey inay sameeyaan 4tan qodob ee hoos ku xusan:- 1- In Taliska ciidamada Jubbaland ee sadexda degmo ( Luuq, Doolow iyo Baladxaawo ) ay ku wareejiyaan Dowlada federaalka Soomaaliya. 2- In maamulada sadexda degmo ku dhawaaqaan inay ka baxeen ama ka go’een maamulka Jubbaland. 3- Inay ku dhawaaqaan in doorashadii Jubbaland ka dhacdey ee Baarlamaaanka iyo madaxweynaha ay ahayd waxbo kamajiraan. 4- In ay qabtaan nidaam doorasho kale oo lagu dooranayo Baarlamaan iyo Madaxweyne. Qodobadaan oo si qasab ah lagu soo ogoleysiiyey masuuliyiintii la qafaashey laguna amrey fulinta qodobadaas sida ugu dhakhsaha badan, taas oo keentey in saraakiil ka socota DFS ay kasoo degaan Doolow si ay howlahaas u dardargaliyaan. Warqadan ayaa waxaa lagu sheegay inaysan maangal ku ahayn anshaxa iyo qawaaniinta caalamka iyo sharciyadda Amisomba, in wadan kamid ah wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uu fududeeyo wadahadal sharci darro ah oo dhexmara gudoomiyayaal laga magacaabey Dowlad goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya, inkasta oo aan waraaqda lagu magac dhabin kulankaas waxaa la sheegay saraakiishii DFS dhankeeda ka socotey inuu hormuud u ahaa Cabdullaahi Kulane (Jiiska ) oo si dadban kuxigeen ugu ah Fahad Yaasiin oo ah taliyaha Nabadsugida Soomaaliya oo ay isku haybna yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo 6 sarkaal oo kale. Warqada ayaa lagu soo gabogabeeyey in arrimaha gobolkaas kasocda dhamaantood ay ka danbeyso DFS ayada oo isticmaaleysa ciidamo shisheeya ugana dan leh xaqiijinta hadafkeeda doorashada 2020/2021 taas oo aan suuro gal noqon karin. Gunaanadka warqada dacwada ah ayaa beesha caalamka iyo daneeyayaasha Soomaaliyaba loogu baaqey, inay si dhow ula socdaan faragelinta qaawan ee ciidanka Itoobiya iyo in DFS ay dalkeedii iyo dakeedii u isticmaaleyso ciidamo shisheeye oo kutumanaya dastuurkii dalka isla markaana burburinaya haykalkii dowladnimo ee halkaas ka jirey. Waxaa lagusoo afmeeray waraaqda in cawaaqib xumada halkaas ka dhalata ay DFS dusha saaran doonto masuulna ka noqon doonto natiijada dhaqdhaqaaqyadeeda dastuurka dalka baalmarsan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dadaallada gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed. Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey xubnaha guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka. Dhankooda, xubno heer Dowlad Goboleed ah oo ka socday is-xilqaameyaasha howlaha gurmadka Puntland oo kulankan hadallo ka jeediyey ayaa soo bandhigay dareenka walaaltinimo iyo midka taakuleyneed ee bulshada deegannada Puntland ay u muujiyeen walaalahooda ay wax-yeelleeyeen fatahaaduhu. Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ayaa la wadaagay guddiyadan is-xilqaameyaasha ah warbixin ku saabsan dadaallada dowladdu ay horseedday ee lagu wajahay musiibadan, xaaladda dadka deegannada iyo qorsheyaal heer Qaran ah oo xal waara loogu sameynayo arrimaha fatahaadaha wabiyada.
  11. Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait ayaa mar kale ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed ee Soomaaliya, kadib kulan ay qayb ka ahayd oo golaha Ammaanku ka yeeshay xaaladda Soomaaliya kaasi oo ka dhacay New-York. La taliye Nawaf Al-Ahmed oo ka mid ah ergada joogtada ah ee dowladda Kuwait u fadhida Qaramada midoobay mar uu ka hadlayay shalay kulanka ayaa ku baaqay in la dardargaliyo taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee dowladda Soomaaliya, si dib loogu dhiso hay’adaha dowladda loona xaqiijiyo Amniga iyo xasiloonida dalka . Ergayga dowladda Kuwait ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaallada wax ku oolka ah ee ay wado dowladda Soomaaliya, si dalka loogu diyaariyo Qabsoomidda doorashooyin guud sanadka 2020-2021. Source: goobjoog.com
  12. Dhagaysiga dacwada muran-badeedka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya ayaa mar kale lagu balamay bisha lixaad sanadka 2020. Kenya waxay ku doodaysaa in xadkeedu uu barbarro la yahay loolka (dhulbaraha = 0). Taasi oo u suurtogalinaysa Kenya inay sheegato dhul-badeed baaxad leh, horayna u siisay ruqsadii ama shatiyadi baaritaanka macdanta iyo shidaalka shirkado shidaal sida Anadarko Petroleum (USA), Eni (Italy), iyo Statoil (Norwey). Somaliya waxay ku doodaysaa in xadka u fidsan yahay dhanka koonfur-Bari kuna dhararsan xadkeeda dhulka ay la wadaagto Kenya. Soomaliya iyo Kenya inta la ogyahay waxay ahaayeen daris, muran-badeedka u dhaxeeya wuxuu ku beegmay xili soo saar shidaal ka biloowday badwaynta hindiya gaar ahaan Tanzania iyo Mozampique. Dhul badeedka, ciida iyo dhagaxa Soomaliya waxay la mid yihiin sida kuwa Mozambique iyo Tanzania, halkaa oo lagu guulaystay in laga soo saaro tiro aad u badan oo gaaska dabiiciga ah. Horumarka dhanka shidaalka ay sameeyeen Tanzania iyo Mosampique oo ay weheliso xilligii lagu balansanaa in xadaynta iyo astaamaynta xadadka badda Soomaliya iyo Kenya u gudbiyaan Qaramada Midoobay. Kenya oo taas ka faa,iidaysanaysa waxay xadkeeda u fidisay dhanka bariga iyadoo gudaha u gashay biyaha Soomaliya, isla markaana gudoonsiisay shatiyo shirkadaha shidaalka baara. Sidoo kale, sanadkii 2013, Dawlada Soomaaliya oo Iyana aragtay horumarka Tanzania iyo Mosampique, waxay dib ugu yeertay shirkadihii shidaalka ee shatiyada ama ruqsada ay siisay dawladii hore. Nasiibdarro, dawlada kuma guulaysan inay shirkadaha soo noqdaan. Hayeeshee, dawladu waxay masuuliyada shidaal barista u wakiilatay oo dalaal ka noqday shirkada SOMA Oil & Gas. Shirkadan waxay ku dhaqaaqday sahan iyo daraasad inay ku samayso badwaynta Hindiya iyada u xilsaartay hawshaasi shirkada Spectrum Geo. Markii hore, aagga sahan iyo cilmi barista shidaal waxaa loo qorsheeyay inuu ahaado Raaskambooni Ilaa Raascasayr. Nasiibdaro, markii dambe sahanka shidaalka wuxuu ku soo ururay Raaskambooni Ilaa Hobyo, kadib markii dawlada Puntland diiday in degaankeeda biyaha laga hirgaliyo cilmi baaris shidaal. Taasi oo dib u dhac ku noqotay degaanada Puntland, hayeeshee dib u dhigtay muran badeed cusub oo ka dhex dilaaca Soomaliya iyo Yeman. Bishii Siddeedaad, 2014 ayeey Soomaliya u gudbisay maxkamada aduunka dacwad ka dhan ah Kenya oo la xiriira muran-xadeedka badda. Maxkamadu waxay diiradda saartay laba arrin. Qoraal isfaham ee dhexmaray labada wadan iyo nuxurka qoraalkaa isfahamka. Dawladda Soomaliya waxay ka hortimid sharciyadda ama ansixinta qoraalka isafgarasho. Nasiibdaro, maxkamadu waxay go,aansatay in heshiiska afgarasho uu yahay mid sharci ah. Sidoo kale maxkamaddu waxay ku diiday Kenya nuxurka isafgarasho, una iftiimisay inaysan muuqan wax labada waddan ku heshiiyeen. Waxaa la yaab leh heshiiska isafgarasho inaysan qorin laba wadanba. Heshiiska waxaa qoray oo ka soo shaqeeyay dawlada Norwey oo qayb ka aha gargaarka horumarinta xaga sharciga ee dawladaha soo koraya. Muranka xad-badeedka ma aha wax ku cusub dunida, waxaana lagu xaliyaa laba dariiq. Heshiis guud oo dhexmara wadamada muransan, kaas oo sal u noqda xuduud badeedka iyo ka faaiidaysiga khayraadka laga heli karo inta ku haraysan xadka. Kenya waxay doorbiday inay jidkaan marto. Hayeeshee Somaiya way ku gacan sayrtay. Maxkamada caalamiga inay go,aamiso, caalamaysana xad-badeedka qaybiya labada wadan iyada oo tibaaxaysa shuruucda qaramada midoobay ee badaha. Soomaliya sidan ayeey doorbiday. Sida muuqata, waxay u badan tahay in maxkamada caalamiga go,aan ka gaari doonto xadbadeedka labada dal. Go,aanka maxkamada calamiga ah wuxuu noqon doonaa kama dambayn, waajib, iyo qasab hirgalintiisa. Go,aanka maxkamada ka dib, waxaa suurtagal ah in arinta muran badeedka isku bedesho dirir siyaasadeed lagana dhaxlo isku dhac iyo colaad joogtaa ah. Sidoo kale waxaa mugdi gali kara mustaqbalka hawsha sahanka iyo baaritaanka shidaalka laga damacsanyahay in laga hirgaliyo xad-badeedka labada dal. Waxaa is waydiin mudan qorshaha dawlada Somaliya maadaama ay ku soo wajahan yihiin mawjado siyaasadeed oo culculus. Maxkamadu waxay go,aan kama dambays ah ka gaari doontaa cida hantinaysa aagga lagu qiyaasay 42,000 kilo meter laba jibaaran, laguna tuhunsanyahay kayd shidaal oo farabadan. Arimahan oo idil waxay jiho horleh u rogayaan xirrirka labada dal. Waxaa la gaaray xilligii la eegi lahaa caqabadaha, najiijada ama cawaaqibta laga filan karo go,aanka maxkamadda. Asalka Muran-Badeedka Somaliya Iyo Kenya. Aagga lagu muransanyahay waxaa lagu qiyaasay 42,000 Km laba jibaaran, taasoo u qaybsami karta qiyaastii ilaa 15 xirmo (blocks). Cabbir ahaan xirmoyinka Soomaliya waa 5,000 Km laba jibaaran (udhigma 1,235,527 Acres /halkii xirmo), runtiina waa mid ka balaaran xirmooyinka caadiga ah. Ceelka badda laga qodo cabbir ahaan inta badan waa 80 Acre ugu yaraan, ugu badnaana 640 acre. Fogaanta u dhaxayn karta ceelasha badda laga qodo qiyaastii waa 0.7-1.5 Km. Halkii xirmo waxaa laga qodi karaa ilaa 1,400 ceel ugu yaraan. Ceelka shidaalka wax laga macaashi karaa ama uu wax soo saarkiisa socon karaa 30 ilaa 50 sanadood. Xirmooyinka shidaal ee badda cabbir ahaan way kala duwanyihiin. Wadankan Maraykanka cabbir ahaan waa 23 Km labajibaaran (5,680 acres) xirmadii. Dunida qaarkeed waa ilaa 150 Km labajibaaran (37,066 acres) xeebaha, iyo 750 km labajibaaran (185,330 acres) biyaha fog ama moolka. Caqabadaha Sharciga Iyo Hawlaha Soo Saarida Shidaalka Go,aanka maxkamada ka dib, muran-badeedku ma aha mid dhamaan doona. Waxaa dhici karta in go,aanku sababo in Kenya biyo badeedkeedu yaraado, sidaa darteed, maraakiibteeda ay uga baahan karaan ruqsad Soomaaliya iyo Tanzania. Intaa waxaa dheer cabsi hor leh in muran-badeed cusub ka dhex qarxo Kenya iyo Tanzania, Mozambique iyo Tanzania. Dhanka Soomaalya, waqtigan xaadirka ah ma jiro muran-badeed u dhaxeeya Somaliya iyo Yemen, ama Somaliya iyo Jabuuti. Hadii sahan iyo yididiilo shidaal bilaabato waxaa dhici kara inuu muran-badeed horleh dilaaco. Caqabado badan ayaa marwalba la socda shidaalka laga soo saaro xadka u dhaxeeye laba wadan. Halkaas oo inbadan ka dhacaan dagaalo dhibaato badan reebay sida goobta shidaalka laga soo saaro ee lagu magacaabo “Rumaila Field” oo ku taal Koonfurta Ciraaq, 32 Km u jirta xadka Kuwait. Sidaan la socono shidaalku waa dareere iyo neef ama gaas mana aha shay fadhiya waxuu dhaqdhaqaaqiisa ku xiran yahay caadiska iyo heerkulka aaga uu ku kaydsan yahay. Kuwait waxay qoteen dhulkooda dhanka xadka ciraaq haseyeeshee shidaalka ay soo saarayeen wuxuu ka soo dareerayay inta badan ama ka imanayay Ciraaq. Halkaas waxaa ka dhashay colaad iyo iska horimaad xoogan. Waan ka dharagsanahay arintan raadka ay reebatay. Kenya xaq uma laha inay qoddo shidaalna ka soo saarto biyaha Soomaliya. Laakiin hadii Kenya qotaan biyahooda kana soo saaraan shidaal kasoo ka qulqulay dhanka Somaliya, shidaalkaa wuxuu noqanayaa mid ay iyagu leeyihiin. Inta badan, kaydka shidaalka wuxuu ku fidsan yahay xuduudaha, wadan walbana dhankiisa ayuu ka soo saartaa, taas oo marar badan dhalisa muran, isku dhac iyo dagaal. Sidaa darteed, waddamada dariska ah waxay ku heshiiyaan inay si wada jir ah u hawlgalaan ugana faa,iidaystaan khayraadka ku dherersan xadkooda. Gunaanad Iyo Talo Bixin Dacwada muran-badeedka wali waxay taagan tahay bartii Sanadkii 2014. Go,annka maxkamada wuxuu noqon karaa siddex xal midkood, mid u go,aamiya Soomaalya, mid u go,aamiya Kenya, ama in maxkamadu ay calaamayso xadbadeedka rasmiga ah ee labada dal. Waxaa xusid mudan in maxkamada caalamiga ah aysan go,aan ka gaari Karin arimaha shidaalka iyo khayraadka ku fidsan xadka labada dal iyo sidii loo soo saari lahaa. Kenya baddeeda waxaaa ka socda sahan iyo daraasaad xoogan ay wadaan shirkado shidaal. Xadka labada dal khayraadka ku jira wuxuu la midyahay weel biya ah oo labada dal dhinacyada ka joogaan. Kenya hadeey isticalaan tuubo (straw) waxaa hubaal ah weelka biyaha oo idil inay la baxayaan. Xadka dhanka Soomaaliya khayraadkii ku jiray wuxuu noqanayaa mid gura hadaan xilli hore laga faaiidaysan. Dhulka badeedka lagu muransanyahay wuxuu u dhigmaa in ka yar 1% guud ahaan badda Somaliya. Arintan waxay dabooshay hawlaha ka baaxad wayn ee sahanka iyo barista ka socda wadanka intiisa kale. Sharciga shidaalka wadanka waxaa maalgaliyay deeq bixiyayaasha waxaana qoray qareeno degaankoodu yahay Yurub. Sida aan hubno sharcigan waxa ka buuxa dildilaac badan, ka dhibaato badanaan kara warqadii isfahamka ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, diyaarisay dawlada Norway. Sharciga shidaalka wuxuu quseeyaa wadanka oo idli halka warqada isfahamka ay ku egtahay xadka Soomaliya iyo Kenya. Daraasaadka xilligan socda wuxuu salka ku hayaa oo kaliya xulashada bartii la qodi lahaa ama wax laga baari lahaa. Kadib, waxaa la qodayaa ceel ama dhowr sahmin ah (Appraisal Well) oo lagu darsayo walxaha Meesha ku jira iyo sifahooda. Waa in la arkaa lana cadeeya waxa meeshaa ku jira inay yihiin dareere (liquid/oil) ama gaas. Intaa waxaa dheer, waa in kaydka meeshaa ku jira uu ganacsi gali karo, la ogyahay bartii laga dhoofin lahaa iyo suuqii la gayn lahaa. Intaa kadib ayaa la oran karaa wadanku wuxuu leeyahay kayd shidaal oo la hubo (prove reserve). Sidaa darteed, maanta lama hubo in wadanku leeyahay kayd shidaal oo ganacsi gali-kara. Wadanku malaha hay’ado iyo xarumo lagu barto culuunta shidaalka. Maadaama ay jirto yididiilo fiican waxaa haboon in la diyaariyo dhalintii hawshan balaadhan qaban lahayd mustaqbalka. Hadii lagu guul-daraysto arintan, waxaa marar badan dhici doona wixii ka dhacay Dooxada Dharoor (Dharoor valley). W/Q: Dr. Ahmed Ali Yusuf Dr. Ahmed Ali Yusuf is a Senior Reservoir advisor, working in Houston, TX. Specialize reservoir management, reserve estimate, field development, reservoir modelling, production forecast, and production optimization. His professional background includes major oil and gas operators, oil field service companies and in academia. In addition, he is a licensed engineer in state of Texas, he fulfils roles of Consultant, Reservoir Engineer, Petroleum Engineer, Production Optimization Engineer, and well Stimulation Expert. Dr. Yusuf obtained: B.S industrial Engineering from Mikkeli University of Applied Sciences in Finland, M.S. in Offshore Oil & Gas Technology from Alborg University, Denmark, M.S. in Petroleum Engineering from West Virginia University, USA, and Ph.D. in Petroleum Engineering from West Virginia University, USA.
  13. If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. U.S. Embassy Addis Ababa, Ethiopia PRESS RELEASE U.S. International Development Finance Corporation (DFC) Visits Ethiopia to Discuss New Program to Advance Financing Solutions DFC has more resources to mobilize private sector capital to address development challenges and advance U.S. foreign policy in priority regions such as Sub-Saharan Africa ADDIS ABABA, Ethiopia, November 15, 2019/ — Adam Boehler, Chief Executive Officer of the U.S. International Development Finance Corporation (DFC), visited Ethiopia November 13-14 to promote U.S. investment in Ethiopia and strengthen relationships with key partners in support of mutual development goals. The visit marks Boehler’s first official travel to Ethiopia as CEO of the DFC, a new U.S. Government agency that combines and modernizes the Overseas Private Investment Corporation (OPIC) and USAID’s Development Credit Authority (DCA). Equipped with a more than doubled investment cap of $60 billion and new financial tools, DFC has more resources to mobilize private sector capital to address development challenges and advance U.S. foreign policy in priority regions such as Sub-Saharan Africa. Boehler met with President Sahle -Work Zewdie, Prime Minister Abiy Ahmed, National Bank of Ethiopia Governor Dr. Yinager Desse, Minister of Finance Ahmed Shide, Minister of Water, Irrigation and Energy Dr. Sileshi Bekele and leaders from the private sector, to discuss DFC’s approach to mobilize private capital to invest in projects that create jobs and opportunity in emerging markets. “We are prepared to make multi-billion-dollar investments in Ethiopia and its people,” CEO Adam Boehler said. “This collaboration is an opportunity for Ethiopia and the United States to strengthen our relationship around the shared goal of economic growth and prosperity.” Distributed by APO Group on behalf of U.S. Embassy Addis Ababa, Ethiopia. SOURCE U.S. Embassy Addis Ababa, Ethiopia Qaran News
  14. Wafti Balaadhan oo ka socda Dalka Holland, gaar ahaan Safaarada u fadhida Nairobi, ayaa booqasho ku yimmi Dekeda caalamiga ah ee Berbera waxana halkaa kusoo dhoweeyey Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamahuuriyada Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo kusoo wareejiyey qaybaha dekeddu ka kooban tahay, isla markaana u bandhigay baahiyaha ay qabto dekedu si ay uga caawiyan, maadaama oo ay waftiga xubno ka ahaayeen masuuliyiin ka socota Dekeda Caalamiga ah ee Rotterdam, oo ah Deked ugu weyn wadamada Yurub. Waftiga ka socda Dalka Holland iyo Maamulka sare ee Dekeda Berbera ayaa is-faham ku dhexmaray gudaha dekeda Berbera, isfaham kasoo daaranaa xidhiidh dhexmara Dekeda Caalamiga ah ee Berbera iyo Dekeda ugu weyn ugu-na saxmada badan ee Dekedaha Yurub ee Europoort Rotterdam. Waxanu Maareeyaha Dekedu ka dalbaday inay ka caawiyaan dekeda Berbera qalab ahaan iyo aqoon ahaan, isla markaana shaqaale uu soo tabobaraan dekeda Berbera oo hada u guurtay mid caalamiya, waxa iyaguna geestooda ay balaan-qaadeen inay soo celinayaan xidhiidh waqti fog ka dhexeeyey Dekeda Berbera iyo Rotterdam, isla markaana ay dekeda usoo tabobari doonaan shaqaale, sidoo kalena ka caawin doonaan qalabyo iyo baahiyaha kale ay qabto, waxanu kulankaasi kusoo dhamaaday jawi degen iyo is afgaraad. Geesta kale, waxa Dekeda Berbera booqasho ku tagay Wafti balaadhan oo ka socda dawlada Ingiriiska gaar ahaana Wasaarada arrimaha dibeda ee dalkaas, qaybta deeqaha caalamiga ah bixisa, kuwasoo iyagguna mudooyinkii u dambeeyey dawlada Somaliland kala shaqaynaayey horumarinta mashaariico kala duwan, sidoo kalena la filayo in ay ay Somaliland la bilaban mashaarico kale, sannaadka soo socda ee 2020-ka. Waftiga ka socda dawlada Ingiriiska ayaa si weyn ugu bogay horumarka balaadhan ee dekeda Berbera ku talaabsatay sannooyinkii u dambeeyey, iyo koritaanka ay samaysay waxanay sheegeen in ay Dekedu tahay mid soo jiidanaysaa indhahooda, xagga nidaamka shaqo, qalabka yaala iyo weliba xaga nadaafada oo ay tahay goob nadiifa. Qaran News
  15. Gaadiidkooda Waday Shixnadaha Gurmadka ah ee Reer Puntland ay usoo direen Walaalohooda Reer Hiiraan oo mudo Sadex maalmood ah ay Maleeshiyo Reer Galmudug ahi ay [...] Source
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-ok.mp3 View the full article
  17. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Degmooyinka Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow oo horay uu uga arrimi jiray maamulka Jubbaland ayaa maanta loo diiday inuu gudaha u galo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan. Maxamuud Sayid Aadan ayaa sida uu sheegay doonayay inuu soo xaliyo khalalaase dhanka maamulka ah oo ka jira magaalooyinkaas, kadib markii la xiray guddoomiyaashi Jubbaland uga arrimi jiray. Si kastaba ciidamada halkaas ku sugan oo badankood dowladda Soomaaliya ku biiray ayaa diiday inuu soo galo madaxweyne ku xigeenka. Dowladda federaalka ayaa horay u shir qooshay guddoomiyaashii degmooyinka Luuq, Doolow iyo Baled-Xaawo, kadib markii shir wada tashi ah la iskugu yeeray magaalo ku taalla gudaha dalka Itoobiya, waxayna guddoomiyaasha la xiray ee degmooyinkaas ka amar qaada jireen wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo hadda u xiran dowladda federaalka. Shirkii khamiis laha ahaa ee golaha wasiirrada Jubbaland oo looga hadlay arinta guddoomiyaasha ay dowladdu xiratay ee degmooyinkaas ayey Jubbaland eedeymo badan ugu jeedisay ciidanka Itoobiya oo sida ay sheegeen loo adeegsaday qabashada masuuliyiintaas. Sidoo kale Jubbaland ayaa warqad ay uga dacwoonayso ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo waxay u dirtay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. Dhinaca kale, magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo maanta waxaa markii ugu horeysay ka bilaawday diiwaan galinta qeybaha kala duwan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Saraakiil ka socotay dowladda federaalka Soomaaliya oo maalmo ka hor tagay Beled-Xaawo ayaa galinkii dambe ee maanta ku dhawaaqay inay soo gaba gabeeyeen wajiga koowaad ee diiwaan galinta qeybaha kala duwan ee ciidamo ay dowladdu ka qoranayso degmadaas. Saraakiisha ayaa sheegay in si nabad galiyo ah ay ugu soo dhamaatay diiwaan galinta wajiga koowaad ee ciidamadaas, isla markaana ay maalmaha soo socda bilaabi doonaan diiwaan galinta wajiga labaad ee ciidanka degmada Beled-Xaawo. Sidoo kale xubnaha ka socda dowladda federaalka ee diiwaan galinta ciidamada ka wada degmada Bele-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in maalmaha nasoo aadan ay gaari doonaan degmooyinka Luuq iyo Doolow ee isla gobolka Gedo, si halkaas ay uga bilaabaan diiwaan galinta ciidamada qalabka sida ee ay dowladdu ka qoranayso gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Beled-Xaawo caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyey qodobadii ay isku raaceen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, 14-kii November. Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal, la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nayroobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas. Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ayaa heshiiska labada dhinac ku qeexay “talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka deris wanaagga labada dal.” “Waxaan bogaadineynaa dadaalka shakhsi ee ay sameeyeen labada madaxweynaha si ay u hormariyaan xiriirka Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaan qiimeyneynaa faa’iida labada dhinac ah ee Soomaaliya ugu jirta xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska la ah, taasi oo gacan ka gaysaneysa baraaraha dadkeeda, islamarkaana saameyn wanaagsan ku leh amniga iyo horumarkii guud ee Geeska Afrika.” Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa sheegay inay hadda sugayaan in la fuliyo tallaabooyinkii ay isku raaceen labada madaxweyne, si sare loogu qaado xiriirka Kenya iyo Somalia. Xubnaha sida wadajirka ah usoo saaray qoraalkan ayaa kala ah: AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, UNSOM, iyo Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Taliska Booliska ayaa soo bandhigay laba ruux oo lagu eedeeyay in ay weerareen bar ay ciidanka dowladda ku leeyihiin degmada Dayniile. Shaqsiyaadkan ayaa waxaa la sheegayaa in ay xalay weerar ku ekeeyeen kontaroolka isla markaana la qabtay xili ay isku dayayeen in ay baxsadeen. Mid kamid ah ragga lasoo bandhigay ayaa waxaa mid kamida lugahiisa ka muuqatay dhaawac kasoo gaarey iska hor-imaadka. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegaya in raggaan cadaaladda lasoo taagi doono. Dhawaan ayay ahayd markii ciidamadda ammaanka ay sidaan oo kale gacanta ku dhigay labo ruux oo dil u geystay Askari ka tirsan Ciidamada Soomaaliya. View the full article
  20. Xil Cabdiraxmaan Dheere Oo Ka Hadlay In Ay Lacag Ku Ansixiyeen Komishanka Cusub, halkan hoose ka Daawo Source
  21. Xildhibaan Nacnac oo sheegay in wasiirka warfaafintu dhaafay wakhtigii sharciga ahaa ee lagu ansixin lahaa, halkan hoose ka Daawo Source
  22. Milatariga Israel ayaa sheegay in duqeyn diyaaradeed oo hor leh ay ka geysteen magaalada Gaza laba maalmood kadib markii lagu dhawaaqay xabad Joojin labada Dhinac. Taliska milatariga ayaa sheegay in ayna duqeyn bartilmaameedyada ururka Islaamic Jihaad, balse ay beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen garabka hubeysan ee Xamaas. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka garabka xamaas ee ku aadan Duqeyntan. Warbaahinta gudaha ayaa tabisay in laba ruux ay ku dhinteen oo mid ka mid ah uu ahaa nin 40 jir ah walow wararka ay isoo Tarayaan. Xaalada magaalada Gaza ayaa cakirneyd maalmihii la soo dhaafay tan iyo markii Israel duqeyn ay ku dishay Bahaa Abu al-Ata oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee ururka Islaamic Jihaad. Duqeymaha Israel ay ka geysatay magaalada Gaza maalmihii ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay 32 ruux oo rayid Ahaa. Source