-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Cedar-Riverside neighborhood in downtown Minneapolis is nicknamed “Little Mogadishu” because of its Somali American population. On Somali Street, a mall rests inside a wide, blue bungalow. There, different vendors in stalls sell traditional clothes, food items, and duvets. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadaha Shell iyo ExxonMobil oo kuleh Soomaaliya xirmooyin Shidaal ayaa 30 Sano kadib billaabay bixinta kirada xirmooyinkaas, sida ay shaaca ka qadday xukuumadda Soomaaliya. Wasiir ku -igeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, Maxamed Cabdiqaadir Hilaal, ayaa sheegay in shirkadahan ay bixiyeen lacag dhan 1.7 Milyan oo dollar. Waxaa uu sheegay in lacagtaan hadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gacanta ku heyso, islamarkaana Shirkaddahaasi ay diyaar u yihiin in ay dib u soo celiyaan kaalintoodii Shidaalka Soomaaliya. “Maamulka lacagtan waxaa habraac u ah heshiiskii Kheyraaad wadaaga ee DFS Iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DF ku kala saxiixdeen magaaladda Baydhabo sanadkii tagay,” ayuu yiri Hilaal. Waa markii ugu horeysay muddo 30-sano kadib ay shirkadahan bixiyaan Ijaarka, sidda lagu sheegay qoraalka wasiir ku xigeenku soo dhigay bogagiisa xiriirka bulshadda. Hilaal ma uusan soo bandhigin cadadka guud ee kirada lagu leeyahay shirkadda, inta baaqiga ku ah marka laga jiro qadarka ay haatan bixiyeen iyo halka ay ku dhaceyso lacagtaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Sochi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-Sisi iyo Raysul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa khamiistii kulan ku yeeshay magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Waxaana aad baraha bulshada iyo warbaahintaba loogu arkayey Sawirka muujinayey kulankaasi oo uu Madaxweyne Al-Sisi uu dhoola-cadeynayo, halka Abiy Ahmed uu dhiniciisa u fadhiyo si degan. Kulankaasi ayaa imaanaya xili ay labada Mas’uul ka wada qeyb galayeen shirka Afrika iyo Ruushka, isagoona ku soo beegmaya un hal maalin kadib markii uu si adag ugu hanjabay Abiy Ahmed dowladda Masar. Abiy Ahmed ayaa shalay waxa uu ku hanjabay in dalkiisi uu abaabuli doono malaayiin ciidamo ah oo la dagaalama dalka Masar, haddii looga maarmi waayo mashruuca ay Itoobiya waddo ee biyo-xireenka. Madaxweyne Al-Sisi oo u muuqday mid iska dhego tiray hadaladii hanjabaada ahaa ee Abiy Ahmed, ayaa wuxuu yiri “Waxaan kugu hambalyeynayaa abaalmarinta Nobel Peace Prize, waxaadna tahay nin ay nabadu ka dhab tahay”. Abiy Ahmed ayaa isaguna sidoo kale wuxuu yiri “Waxaan qaadanay nabada in aan ku xalino dhibaatooyinka aan la leenahay dowladaha dariska ah iyo taageerida horumarka Afrika”. Raysul wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay ka go’antahay dhameystirka mashruucaasi biyo xireenka oo uu ugu yeeray mashruuc ‘heer sarre ah’. “Waa in la rumeysnaado inaysan jirin awood Itoobiya ka hor istaagi karta inay sameyso biyo xireeno” ayuu yiri Abiy Ahmed. Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii ay laga maarmaan noqotona dagaal, waxaan abaabuli karnaa malaayiin. Haddii ay qaar gani karaan gantaalo, qaarkale ayaa adeegsan kara bambooyin, laakiin midaasi maaha danteena”. Hadalkan Abiy Ahmed ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Masar, ayaa ku soo aadaya todobaadyo un kadib markii la shaaciyay in uu ku guuleystay bilada nabada ee ‘Nobel Peace Prize’, midaasi oo ka dhalatay isbadalkiisa siyaasadeed iyo dib ula heshiinta Ereteriya, oo muddo badan dagaal kala dhaxeeyay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ayaa shalay dad rayid ah oo la sheegay iney beeraley ahaayeen waxaa ay ku dileen deegaanka Buurane oo hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha dhexe oo kana tirsan dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Ciidamadaan oo waday howlgallo lagu baarayay miinooyin ayaa waxaa ay ku guuleysteen iney qarxiyaan mid ka mid ah miinooyinkii lagu aasay waddada, miinadadii 2-aad ayaa haleeshay ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada. Ciidama ayaana furay rasaas xoogan ka dib markii uu dhacay Qaraxa waxaana rasaastii ay ciidamadu fureen ku geeriyooday labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad beeraley ah kuwaas oo ka mid ahaa Beeraleyda deegaanka Buurane. Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanada Hirshabeelle ayaa waxaa ay dhowr jeer la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah rasaasta ay ridaan ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaartaa dadka iyo waliba xoolaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dalka Shiinaha. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayey maamulaha shirkadda CCECC ee Bariga Afrika, Guo Chongfeng iyo madaxa shirkaddaasi ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, Mr Nui Zengxiang. Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay dib u dhiska waddada dheere isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso iyo sidoo kale dhismaha waddada degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Waxa kaloo shirka lagu soo qaaday dhismaha garoonka Puntland ee ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Afhayeenka madaxtooyada maamulkaasi, Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha waddada Garoowe iyo Boosaaso la bilaaban doono bisha soo socota ee Novembar. “Madaxweynaha dowladda Puntland wuxuu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha waxay ahaayeen madaxda u qaabilsan bariga Afrika, Soomaaliya iyo howl-wadeeno ka howl-gala Puntland, Madaxweynaha ayaa marka hore bogaadiyey mashaariicda Shirkadda CCECC ee Puntland waxaana waxyaabaha laga wada-hadlay ka mid ahaa dhismaha wadada Eyl iyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo la isla soo qaaday meelaha ay marayaan iyo qorshayaasha socda”. “Sidoo kale waxaa laga wada-hadlay dayactirka lagu samaynaayo wadada Garoowe iyo Boosaaso oo dhawaan ay saamayn ku yeesheen roobabkii da’ay dayactirkeedana ay qaadatay shirkadda CCECC, waxaana la isku raacay in shirkaddu dayactirka ku bilowdo wadada bishan soo socota ee Novembar.” ayuu yiri afhayeen Jamac Yuusuf Dabaraani. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
NEWS RELEASE On UN Day, Egypt and the United Nations celebrate 74 years of successful partnerships Egypt is a founding member of the United Nations, one of the major troop-contributing countries to the UN Peacekeeping CAIRO, Egypt, October 24, 2019/ — The United Nations in Egypt and the Egyptian Ministry of Foreign Affairs, co-organized a ceremony today at the Diplomatic Club in Cairo under the theme “United for a Sustainable Future”. The annual commemoration held on October 24th celebrates everything that the UN represents and has achieved since its establishment in 1945. This year’s celebration marks the 74th anniversary of the UN Charter’s entry into force and as many years of successful partnerships between the United Nations and Egypt. Egypt is a founding member of the United Nations, one of the major troop-contributing countries to the UN Peacekeeping and has been a non-permanent member of the Security Council five times. Egypt chaired the UN Group of 77 last year in New York and this year in Rome. Egypt is also home to some 36 United Nations offices and can be considered as one of the organization’s major regional hubs. In his address during the ceremony, UN Resident Coordinator in Egypt Richard Dictus praised Egypt for its active and leading role at the international and regional levels as “a proud contributor to the United Nations and a strong multilateral partner.” He also hailed the long and constructive partnership between Egypt and the UN to solve multidimensional development challenges. “It is a partnership that highlights a united commitment to pave the way for a life of dignity and prosperity for all.” Mr. Dictus added that the focus of the UN “must be on supporting Egypt to build on its recent successes in establishing macro-economic stability and become a global example of how sustainable development can bring a nation to unprecedented levels of prosperity and well-being for all its citizens – inclusive of the marginalized, youth, women and children.” H.E Ambassador Hamdi Sanad Loza, Deputy Foreign Minister for African Affairs stated that “ Egypt has placed sustainable development at the top of the national priorities and adopted sustainable development vision 2030 that conforms with the implementation of the UN agenda 2030 as well as the African Union agenda 2063”. The ceremony was attended by senior government officials, the diplomatic community, UN and Egypt partners from international and regional organizations, academia, civil society, media, private sector, and representatives of the UN agencies, funds and programmes based in Egypt. The evening began with the screening of a video statement by UN Secretary General, António Guterres where he reiteratied the core UN principle of Leaving No One Behind stating that “at this time of turbo-charged change, the United Nations remains focused on the real problems of real people.” Guterres also announced the launch of an ambitious campaign starting January 2020 when the United Nations will hold dialogues around the world and across borders, sectors and generations to reach the global public, to listen to their hopes and fears, and to learn from their experiences. “Next year marks the Organization’s 75th anniversary. This milestone is a critical moment to shape our future, together. I invite you to join the conversation. Together, let us advance the well-being of “we the peoples”.” Guests browsed a display of publications highlighting the development efforts made throughout 2018 with national and international partners to the tune of an oriental instrumental performance. Distributed by APO Group on behalf of UN Information Centre in Cairo. SOURCE UN Information Centre in Cairo Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa waxaa caawa laga dareemaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, wixii ka dambeeyay markii rasaas lagu furay Xero Inji, oo ka mid ah meelaha uu magaalada ka degan yahay Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay weerarka gaysteen, xilli uu halkaasi ku sugnaa Sheekh Maxamed Cali Xasan, isla-markaana uu ka badbaaday. Madaxda Ahlu Sunna iyo kuwo Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad uga carooday tallaabada lagu rasaaseeyay Xero Inji. Xoogaga Ahlu Sunna ayaa waxaa caawa si weyn loogu arkayaa wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona u diyaarsan in ay ka hortaggaan weerar kale oo lagu soo qaado Xero Inji. Goor sii horreysay, xoogaga Ahlu Sunna ayaa si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Xarunta Degmada Dhuusamareeb, xilli lagu waday in Ciidamada Dowladda ay si rasmi ah ula wareegaan amniga Xarunta Degmada. Ciidamada Ahlu Sunna oo aad u fara-badan ayaa waxaa lagu arkayaa gudaha iyo dibadda ee Xarunta Degmada Dhuusamareeb, waxayna kaga hormareen Ciidamada Dowladda ee ku sugan magaalada. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu Sunna ay ku amrayn inay isaga baxaan ciidan yar oo ka tirsan kuwa Galmudug oo horey u qaabilsanaa ilaalinta amniga ee Xarunta Degmada Dhuusamareeb. Sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Xarunta Shiirkoole ayaa waxaa laga dheehan karaa in ay feejignaan badan muujinayan, waxayna xirteen wadooyinka soo gala xaruntaasi. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa wadooyinka ku gadaaman xarunta. Maxamed Xaashi Jimcaale oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ayaa yiri “Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb caawa aad ayay u kacsan tahay, goobaha ganacsiga waala xiray, meelihii ay dadka isugu imaan jireen iyana way haawanayaan. Runta markaan ku sheego magaalada waxaa laga dareemayaa saan saan dagaal.” Maxamed Xaashi ayaa yiri “Ciidamada Ahlu Sunna ayaa aad loogu arkayaa magaalada. Xerada Inji ayaa waxaa goor dhow soo saaray ciidan fara-badan oo ka tirsan Ciidamada Jugta Culus loo yaqaano. Waa ciidamadii la dagaalamay Al Shabaab, kana xoreeyay qaybo badan oo Gobolka Galgaduud ka tirsan.” Waxa uu intaa ku daray “Waxaan maqalnay in gurmad uu Ahlu Sunna uga soo socdo Magaalada Guriceel, saacadaha soo socdo ayaana la fillayaa inay soo gaaraan magaalada. Xaaladda Dhuusamareeb waa sidaasi caawa.” Nabadoon Cabdi Guure oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee reer Galmudug ayaa sheegay in caawa la argagax geliyay dadweynaha ku nool Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay ka xun yihiin in la qalqal-geliyo amnigii magaalada. “Shacabka ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb iyo waxgaradkuba aad bay uga xun yihiin falkaan ay ku kaceen Ciidamada Dowladda, hadana meesha kama marna doorkii dhaqanka, waxaana socdo waan waan lagu doonayo in xaaladda lagu qaboojiyo. Odayaasha Dhaqanka way la xiriireen labada dhinacba, amniga in la wada ilaaliyo ayaana muhiim ah.” Ayuu yiri Nabadoon Cabdi Guure. Nabadoon Guure ayaa yiri “Shacabka Dhuusamareeb oo amni u bartay ayaa caawa wajahaya xaalad cabsi ah, hal qof oo shacab ah kuma arkeysid wadooyinka, dadka guryuhuu ku wada xarooday.” Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Ahlu Sunna ay dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo kuwii ka dambeeyay rasaasta lagu weeraray Xero Inji, oo ah midda ugu weyn ee ay leeyihiin Ciidamada Ahlu Sunna. Masuuliyiinta Dowladda Somaliya iyo Madaxda Ahlu Sunna ayaan si rasmi ah uga hadlin xaaladda cakiran ee caawa ku soo korortay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
MOGADISHU (HOL) - Former Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn has denied he was aware of secret torture prisons in the country noting he could not change some human rights violations since he was an outsider in a ‘deep system’. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Warbixinta guddiga khubarada kooxda dabagalka QM ee Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in dowladda Soomaaliya ay musuq-maasuqday doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Warbixinta guddiga oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka, balse ay si gaar ah u heshay Caasimada Online, ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay laaluushtay xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si ay u doortaan musharaxii ay wadatay [Cabdicasiis Lafta-gareen]. “Xubnaha baarlamanka ayaa helay lacag u dhaxeysay 20 illaa 30 kun oo dollar midkiiba, si ay ugu codeeyaan musharaxa dowladda ay dooneysay” ayey tiri warbixinta. 82 ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ayay warbixinta sheegtay in bishii November 2018 la geeyey magaalada Muqdisho, oo midkiiba la siiyey 5,000 oo dollar oo hormaris ah, ayada oo loo ballan-qaaday lacag 20 ilaa 30 kun ah marka ay doortaan musharaxa dowladda ee Lafta-gareen. Guddiga khubarada ayaa sheegay in sidoo kale la hayo caddeymo muujinaya in sarkaal maaliyadeed oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, uu lacag boqolaal kun oo dollar ah ku wareejiyey wasiir ka tirsanaa Koonfur Galbeed, si xildhibaannada loogu qeybiyo. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 15 qof oo shacab ah lagu dilay magaalada Baydhaba, kadib markii dowladda federaalka ay xirtay musharax Mukhtaar Roobow, taasi oo dhalisay rabasho. Dilalkaasi ayay warbixinta sheegtay inay fuliyeen ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inay awood ku maquunineyso maamul goboleedyada dalka si ay madax ugu dhigto shaqsiyaad ayada ku xiran, taasi oo horseedday burburka dhowr maamul, iyo khilaafyo wiiqay awooddii mideysneyd ee lagula dagaalami lahaa Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa waxay sheegayaan in halkaas laga maqlay rasaas. Xabadaha ayaa lagu waramayaa in laga dareemay meel ku dhow hoyga uu magaaladaas ka degan yahay Sheekh Shaakir. Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir iyo Guddiga doorashada ee uu magacaabay ayaa degan dhismaha. Lama ogga cidda ridday rasaasta, wallow la sheegayo in ay ganeyn ciidamo ka tirsan dowlada federaalka. Wax khasaaro ah oo ka dhashay rasaasta oo lagu beegsaday ilaalada gurriga, illaa iyo haatan lama soo warin. Xaaladda ayaa sheegayaa in ay tahay mid kacsan, wallow ay socdaan dedaalo lagu qaboojinayo xiisadda taagan. Caasimadda Galmudug ayaa isku diyaarineysa martigelinta Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Gudoonka baarlamaanka maamulkaas. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inay baaqatay cayaartii Fiinaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee dhexmari laheyd Degmooyinka Dharkeynley iyo Waaberi. Cayaarta oo caawa ka dhaci laheyd Garoonka Eng. Yariisow ee Degmada Cabdicasiis lana filayey inuu kasoo qeybgalo Ra,isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa baaqatay kadib markii ay tagtay korontada Garoonka taasoo keentay inuu Garoonka noqdo mid mugdi ah muddo ku dhow Hal Saac. Korontada markay dib usoo noqotay ayaa lagu dhawaaqay inay cayaarta baaqatay maadaama uu Ra,isilwasaare Kheyre ka cudur daartay inuu imaado sababo Amni. Sida saraakiil ka tirsan laamaha amniga u xaqiijiyeen Caasimadda Online, waxaa laga baqay in korontada tagitaankeeda ay ku dhex jiri karto farsamo la doonayo in garoonka laga sameeyo falal amni darro oo ay fuliso Al-Shabaab. Telefishinada ayaa lagu amray inay isaga tagaan garoonka, waxaana cod baahiyaasha laga sheegay inay cayaarta baaqatay inkastoo aan la sheegin sababta. Kulankaan ayaa maalin dhaweyd loo baajiyey Ra,isulwasaare Kheyre dartiis oo safar ugu baxay Mareykanka isagoo amray inuu isaga soo xiri doono tartanka. Lama sheegin waqtiga la cayaari doono, waana markii labaad oo ay baaqato.
-
Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa goor dhaw rasaaseeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shakir Cali Xasan. Sheikh Shaakir ayaa xilliga la rasaaseeyay ku sugnaa afaafka hore madaxtooyada Galmudug ee INJI oo haatan uu ku shaqeeyo. Xarunta INJI ayaa waxaa dagan hoggaanka Sare ee Ahlu-Sunna Waljameeca, qaar ka mid ah saraakiishii Ahlu-Suun, guddigii doorashada Galmudug ee uu magacaabay Sheikh Shaakir iyo xubno kale oo siyaasad ahaan taabacsan Ahlu-Sunna. Shaakir ayaa xilliga la rasaasaynayay waxa uu taagnaa goob banaanka ka ah xarunta uu ku shaqeeyo ee INJI, halkaas oo uu ka socday dhismaha difaac ay galaan ciidamada ilaalinaya xarunta uu daganyahay ee INJI (Koolba Waardiye). Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay rasaastaas ay caawa ciidamada dowladdu ku fureen madaxa xukuumadda Galmudug, walina ma jirto labada dhinacba cid ka hadashay arintaas. Waxaana heegan la galiyay dhamaan ciidamada ka amar qaata hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, kuwaas oo ku kala sugan magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana cawa kacsan xaaladda magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Ahlu-Sunna ay ciidamo ku daabuleyso xarumaha INJI iyo dowladda hoose ee magaalada. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Sochi (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Ruushka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee haatan horyaalla labada dhinac. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo uu sheegay in uu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, isagoo xusay tiirarka ay tahay in uu ku saleysnaado xiriir kasta oo iskaashi oo Qaaradda Afrika ay la yeelanayso dalalka Caalamka. “Shirweynahani waa fursad dhab ah oo dib loogu eegi karo, laguna sii horumarin karo cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay Afrika la leedahay Ruushka iyada oo loo marayo iskaashi iyo wadashaqayn si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay’’. Madaxweynaha ayaa dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Ruushka, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ahaa iyo sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u soo nooleynta xiriirkaas. “Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Ruushka iyo inay la shaqayso Midowga Afrika si loo hubiyo in guul laga soo hooyo xiriirka labadeenna dhinac ee la xiriira dhammaan dhinacyada kala duwan”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Madashan iyo maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee goobta joogay in ay soo booqdaan Soomaaliya si ay u soo arkaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ayna u soo qiimeeyaan fursadaha maalgashi iyo khayraadka uu Alle ku mannaystay dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ruushka Mudane Vladimir Putin, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas soodhaweynta diirran iyo martiqaadka sare ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Madashan. View the full article
-
Ciidamada AMISOM ayaa maanta dad rayid ah oo la sheegay iney beeraley ahaayeen waxaa ay ku dileen deegaanka Buurane oo hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha dhexe oo kana tirsan dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Ciidamadaan oo waday howlgallo lagu baarayay miinooyin ayaa waxaa ay ku guuleysteen iney qarxiyaan mid ka mid ah miinooyinkii lagu aasay waddada, miinadadii 2-aad ayaa haleeshay ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada. Ciidama ayaana furay rasaas xoogan ka dib markii uu dhacay Qaraxa waxaana rasaastii ay ciidamadu fureen ku geeriyooday labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad beeraley ah kuwaas oo ka mid ahaa Beeraleyda deegaanka Buurane. Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanada Hirshabeelle ayaa waxaa ay dhowr jeer la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah rasaasta ay ridaan ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaartaa dadka iyo waliba xoolaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa sheegay in Agaasimayaasha guud ay yihiin keydka, Xasuusta, laf-dhabarta iyo Mashiinka Dowladdu ay ku dhaqaaqeyso. Mahdi oo Maanta ka qeyb galay shirka Agaasimayaasha guud oo Maalintiisii Saddaxaad galay, ayaa wuxuu kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan shirkan oo ay sameeyaan wada tashi, xog is weydaarsi iyo aqoon is-waydaarsi, maadaama ay yihiin waaya arag iyo Muraayaddii laga daawan halaa nidaamka iyo kala dameynta. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku celiyay in lagama maarmaan ay tahay in Agaasimayaasha guud oo bud-dhig u ah hagaha nidaamka Dowladnimo ee casriga ah, ay iska kaashadaan ka faa’iideysiga fursadaha Dowladnimo ee jira iyo sida xal looga gaari karo horumarinta Qaranka. Shirka oo ay Maanta ku soo biireen Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowlad Gobaleedyada laguna soo bandhigayo waxqabadka Dowaldda dhexe ayaa Muqdisho ka furmay October 22, 2019 waxaanu qorshuhu yahy in lasoo xiro October 26, 2019. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa laba qof oo la rumeysan yahay inay xubno ka yihiin Al-Shabaab u gacan geliyey mas’uuliyiinta dalka Kenya, waxaa sidaas qoray wargeyska Daily Nation. Labada qof oo la rumeysan yahay inay Soomaaliya u baxsadeen kadib markii ay dambiyo ka geysteen Kenya, ayaa lasoo gacan geliyey shalay, sida uu sheegay taliyaha booliska Kenya ee Waqooyi Bari, Paul Soi. Warbixinta booliska Kenya ayaa lagu sheegay in labada qof lasoo gacan geliyey qiyaastii 11-kii subaxnimo ee arbacadii, kadibna loo qaaday magaalada Gaarisa, si halkaas su’aalo loogu weydiiyo. Taliya Paul Soi ayaa sidoo kale sheegay in labada qof la helay ayaga oo wata hub, kuwaas oo lagala wareegay. Ma uusan shaacin magacyada labada qof “Weli waxaa socda baaritaano, dib ayaana warbaahinta kala hadli doonnaa” ayuu yiri. Booliska Kenya ma aysan shaacin halka Soomaaliya ka tirsan ee labadan qof laga soo qabtay iyo habka loogu soo wareejiyey. Dowladda iyo booliska Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-24102019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Nin Aroosay Maydka Gabadh Uu Jeclaa, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Qarammadda Midoobaay ayaa ka hadashay Sicir-bararka Somaliland, waxaana ay sheegtay inuu bishii September ee la soo dhaafay uu fadhiyey, inkastoo uu kor u kacay boqolkiiba 12, marka la eego celcelis ahaan halkii uu joogay sicir-bararku shantii sannadood ee la soo dhaafay. Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qarammada Midoobay (FAO) ayaa warbixin ay soo saartay Arbacadii ku sheegtay in isku beddelka sarifka lacagaha shilinka Somaliland iyo Doolarka Maraykanku ay qiimihiisu deganaa suuqyada Jamhuuriyadda Somaliland bishii September ee la soo dhaafay oo uu hoos u dhacay Boqolkiiba 8-32%. Hay’adda FAO waxay intaas ku dartay in qiimaha baddeecadaha waddaniga ah sida Galeyda cad, Masagada cas iyo Hadhuudhka cad uu qiimahoodu xasiloonaa bishii Septemeber ee sannadkan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa bogaadiyey Ra’iisul-wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo ku guulaystay doorashooyinkii toddobaaadkan ka qabsoomay dalkaas. Madaxweyne Ku-xigeenka oo ku hadlayey afka Xukuumadda JSL wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitterka. Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland wuxuu sheegay inuu u hambalyeynayo dib u doorashada Ra’iisul-wasaaraha Canada, oo uu u rajeeyey guul muddo xileedkiisa labaad ee loo doortay. Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu uga mahadceliyey dawladda Canada, taageerada ay ka geystaan mashaariicda horumarinta Somaliland oo ay Canada ku bixisay 10 Milyan oo doolar. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa sii taabogelinaya cilaaqaadka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal ee Jaarka ah. Wargeyska East African Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa weriyey in Itoobiya ay danaynayso inay inay wax ka dhoofiso, waxna kala soo degto marsadda Berbera. Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay sannad kasta dekedda Berbera kala soo degto baddeecad qiimaheedu gaadhayo 600 illaa 700 oo Milyan oo Doolar. Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa la kulmay Safiirka cusub ee Itoobiya u jooga Nairobi, Meles Alem Tikea, waxaanay falanqeeyeen sida ugu wanaagsan ee loo sii horumarin karo xidhiidhka labada dal. Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay in Itoobiya iyo Somaliland uu ka dhexeeyo cilaaqaad taariikhi ah, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan arrimaha Nabadgelyadda iyo Ganacsiga, Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Waxbarashadda. Safiirka Itoobiya u jooga Nairobi, Meles Alem Tikea ayaa sheegay inay Somaliland door weyn ka qaadatay ammanka xeebaha, isla markaana kor loo qaadayo iskaashiga ganacsiga ee dalkiisu la leeyahay. Warsidaha East African Business Week wuxuu intaas ku daray in dawladda Itoobiya ay tahay xulafada ugu muhiimsan ee Somaliland ku leedahay gobolka Geeska Afrika, waxaanay Itoobiya saami dhan Boqolkiiba 19 ku leedahay mashruuca casriyeynta dekedda Berbera oo ay ku wada jiraan dawladda Somaliland iyo Shirkadda DP World. Source
-
Boorama (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in Koox hubaysan ay jidgooyo u galeen baabuur dowladda Somaliland leedahay, iyagoona rasaas tiro badan ku furay. Baabuurkaasi ayaa waxa la soo sheegaya in uu marayay xiligii Kooxdaasi rasaasta ku furayeen inta u dhaxeysa magaalada Borama iyo Dilla, iyadoona si rasmiya loo ogeyn cida la socotay baabuurkaasi. Sida Caasimada Online loo xaqiijiyey baabuurkaasi ayaa ahaa mid dowladeed, isla markaana watay taarikada baabuurta u gaarka ah Mas’uuliyiinta dowladda Somaliland. Dowladda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, oo iyadu walaac balaadhan ka qabta amni darada deegaanadaasi, ayaa waxay Boorama u dirtay Abaanduulaha Ciidamada, Gaashaanle sarre Cabdirisaaq Sicid Bulaale. Abaanduulaha Ciidamada ayaa kulan deg deg ah la yeeshay gudida amaanka ee gobalka Awdal iyo qaar kamid ah salaadiinta goblka Awdal, wuxuuna si adag u sheegay in xukuumada Biixi aysan marnaba sii fiirsan karin xaaladaha amni darro ee ka soo cusboonaanaya deegaanada gobolka. Abaanduulaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kulamada ay la qaateen guddida nabad-galayada ay ka warsugi doonana, isagoona xusay in dowladdu rajo fiican ka qabto wada-hadal u furma kooxdaasi jidgooyada u gashay. “Waxaan u imid kormeerkaygi ciidanka ee caadiga ahaa iyo arinta nabad-galyada oo kow ka ah ee gobalka baryahanba lagu sheegayay ee gobalka, iyadoona dhacday dhacdadii foosha xun ee wadada la galay laguna rasaaseeyay baabur dawladeed” ayuu yiri Abaanduuluhu. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu kulan la yeelanay dhamaan gudidii nabadgalyada, waxa kale oo aan la kulanay odayaashii dhaqanka oo suldaanku hoggaaminaayo, ka hordhici maayo wada-hadal iyo rajo fiican yaanu qabnaa”. “Nabad-galyana waanu jecelnahay in lagu soo afjaro arin la sii eegan karana maaha, kana hor dhici maayo oo odayaashiina si weyn ayaan u balanay, raga meesha wada joogaana waanu wada garanaynaa”. Si kastaba, Falkaasi ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay deeganadaasi hoos yimaada gobolka Awdal ay ka jirto Jabhad ka soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo mudooyinkii u dambeeyayna waday dar-dar gelin iyo u diyaar garow dagaal ka dhana xukuumada Biixi, sida aanu ku baahinay xogihii hore ee aanu idin soo bandhignay. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
Popular Contributors
