Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda federaalka ah ayaa maanta guddi gurmad ah u saartay fatahaadaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobalaka Hiiraan, halkaas oo Wabiga Shabeelle uu ka geystay fatahaado saameeyay inta badan ee magaalada. Guddigaan oo ka kooban 9 xubnoon ayaa waxaa lagu magacaabay kulan ay is kugu yimaadeen wasiirada xukuumadda federaalka, waxaana guddiigaan guddoomiye u ah wasiirka gargaarka xukuumadda federaalka Xamse Siciid. Guddigaan ayaa waxaa ku jira dhowr wasiir oo ka tirsan Xukuumadda federaalka ah, waxaana la filaayaa in ay gaaraan dhawaan Baladweyne si ay u soo qiimeeyaan xaalada fatahaadda ee uu geystay Wabiga Shabeelle. Waxaana kamid xubna la magacaabay. 1-Fowsiyo Abiikar Nuur,, Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya 2-Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, Wasiirka Amniga 3-Fowsiyo Maxamed Sheekh, Wasiirka korontada iyo biyaha 4-Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha 5-Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Waxbarashada 6-Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya 7-Maxamed Cabdi xayir Maareye, Wasiirka Warfaafinta 8-Isaaq Maxamed Maxamuud wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo gudoomiyaha guddiga 9-Xamze Siciid Xamze Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in khilaaf u dhaxeeya maamulka gobalka Banaadir iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya ay sabab u aheyd korantadii dantay habeeno ka hor, xili ay billaaban rabtay ciyaarta kama dambeesta ah ee degmooyinka gobalka Banaadir. Ciyaartaan oo u dhaxeysay degmooyinka Waabari iyo Dharkenlay ayaa inta aysan billaaban ka hor, waxaa baxday korontada waxayna maqneed muddo dhan hal saac ugu yaraan iyadoo markii dambe lagu dhawaaqay in ciyaarta la baajiyay. Xog aan helnay ayaa sheegaysa in wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ay amar ku bixisay in la damiyo korontada garoonka, waxayna toos u wacday madaxdii korontada iyo maamulka garoonka Injineer Yariisow Stadium. Garoonka ayaa waxaa gacanta ku haya shaqaale wasaaradda ay mushahar siiso. Xogta kale ee aan helnay ayaa sheegaysa in garoonka aysan imaanin wasiir Khadiijo iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo labadooda ku marti qaadnaa islamarkaana ay aheyd in ay goob joog ka noqdaan. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in wasiir Khadiijo ay ra’iisul wasaaraha uga digtay tagitaanka garoonka iyadoo kuwar gelisay in uu ka jiro qal qal amni oo aan la isku haleyn karin. Markii ay baxday korontadii garoonka ayaa ciidamada amniga si deg deg ah waxay garoonka uga saareen guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish waxaana la geeyay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ka agdhawaa garoonka, muddo kadibna waxaa guddoomiyaha soo wacay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka dalbaday in uu baajiyo ciyaarta. Khadiija ayaa la sheegay inay ka xun tahay in wasaaradda aan kaalin laga siin qabashada tartankan. Guddoomiyeyaashii ka horeeyey Filish ayaa wasaaradda kaalin ka siin jiray cayaarahan, hase yeeshee Filish ayaa taas meesha ka saaray, taasi oo ka carreysiisay Khadiija. Maanta waxaa khilaafka cadeysay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya kadib markii xafiiska wasiir Khadiijo laga soo saaray warsaxaafadeed lagu dalbanayo in la soo celiyo wadashaqeyntii gobalka iyo wasaaradda. Waxaa muuqata in khilaafka laba qof u dhaxeeya uu halis geliyay amaanka dad ka badan 10 kun oo qof oo ah shacabka gobalka Banaadir kuwaas oo maalintii iska sii xaadiriyay garoonka si ay ciyaarta udaawadaan. Wali lama sheegin xiliga ay qabsoomi doonto balse waxaa muuqata khilaafka labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka. Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada, waxa uuna ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la’aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  4. Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Odowaa ayaa maanta wuxuu Magaalada Muqdisho ku qabtay Shir jaraa’id oo uga hadlay Xaalada kasoo dareysa ee Magaalada Dhuusamareeb. Odowaa wuxuu [...] Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Buuq Iyo Sawaxan Hadheeyay Fadhigii Saaka Ee Golaha Guurtida Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (ST-Hargeysa)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa si kooban uga hadlay Cabashooyinka Dadweynuhu ka qabaan Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa, cabashooyinkaasi oo la xidhiidha dhinacyada Adeegyada Bulshada oo aad loogu cannaanto inay ka gaabiyeen, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=VsnPnbSMU88&feature=youtu.be Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka. Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada, waxa uuna ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la’aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.
  8. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo Ka Warramay Qaabkii Uu Uga Badbaaday Ciidammada Booliska Oo Uu Sheegay Inay Soo Weerareen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo saaka furay Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland ayaa wuxuu la kulmay hadalada caadiga ka ah Baraha Bulshada ee internetka kadib markii [...] Source
  10. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda, ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu saaka si xushmad-darro ah ula dhaqmay mudanayaasha Golaha wakiilada, kadib markii uu ka carooday su’aal uu weydiiyay kamid kamid ah xildhibaannada. Cawil Xassan Daad oo kamid ahaa xildhibaannadii shirka jaraa’id qabtay ayaa yiri” madaxweynaha waxaan weydiiyay su’aal, runtii xildhibaanno badana way safnaayeen oo waxay rabeen in ay su’aalo weydiiyaan madaxweynaha, su’aashayduna waxay ku salaysaneyd xaqiiqda dhabta ah ee waddanka ka jirta”. “Sidaad dhegaysanayseen, wuxuu iiga dhex-hanjabay Baarlamanka dhexdiisa, anigu hanjabi mayo sidiisa oo kale, balse Dastuurkan ugu hanjabayaa, haddii Alle idmo jawaabtana isaguu ka helayaa. Madaxweynaha anigu wax ceeb iyo sharaf dhac ah ma oron, nin oday saaxiibkay ah ayuu aha. Waad u jeedeen si caro leh ayuu hoolkii uga baxay. Madaxweynaha shalay baan dooranay biyo u kaban mayno in aan xilka ka qaadno haddii uu Dastuurka jebiyo” ayuu sii raaciyay xildhibaan Daad. Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore ayaa isna yiri” madaxweynuhu markii uu noo imaanayey, qori caaraddiis kuma imaan, cod buu ku yimid, isagoo shacab ah ayuu soo galay Baarlamanka isagoo madaxweyne ah ayuu noqday.” Sidoo kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab ayaa isna yiri” maahayn madaxweynuhu in uu xildhibaannada u hanjabo, uma hanjabin hal xildhibaan ee wuxuu u hanjabay lixdan iyo lixda xildhibaan oo Golaha Baarlamanka dhexdiisa uga hanjabay, taasina xaq maaha.” Hadalka xildhibaanada ayaa ku soo beegmay wax yar, kadib markii madaxweyne Deni uu si carol eh uga jawaabay su’aashii xildhibaanka, islamarkaana uu deg deg hoolka Baarlamanka uga baxay. Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee xildhibaanada PUNTLAND POST The post Xildhibaan Cawil Daad: Biyo u kaban-mayno in aan xilka ka qaadno madaxweyne deni appeared first on Puntland Post.
  11. Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ansixiyey guddiga doorashada maamulkaasi oo uu dhowaan magacaabay Sheekh Maxamed Shaakir. Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxa ay ka shaqeyn doonaan arrimaha doorashada la filayo inay ka dhacdo maamulkaasi. Guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in cod aqlabiyad leh lagu meel mariyey guddigaasi, iyadoona kulanka ay soo xaadireen 111 Xildhibaan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Dhuusamareeb uu ku sugan yahay guddigii ay ku magacowday dowladda dhexe, waxaana ay u muuqataa in khilaafka uu sii xoogeysanayo. View the full article
  12. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug hor geeyay Guddigii uu dhawaan Magacaabay ee doorashooyinka. Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa toddobaadkii hore magacaabay Guddiga Doorashooyinka, habeen ka dib markii uu fashil ku soo dhammaaday kulan uu Magaalada Dhuusamareeb kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye. 110 xildhibaan ayaa ogolaatay in uu Sharci Yahay Gudigga Farsamo ee uu Magacaabey Sh Shaakir waxaana Diiday 3 xubnood, Sidaas waxaa Ku dhawaaqey Guddoonka Shir Gudoominayay Kulankan . Guddiga uu Sheekh Maxamed Shaakir uu magacaabay ayaa waxay dooran doonaan guddoon, iyaga oo bilaabi doono soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug. Sheekh Shaakir ayaa u mahad celiyay Xubnahan Baarlamaanka Galmudug ee Taabacsan Ahlusunna waxaana uu Tilmaamey in ay Ka soo Baxeen Shaqo Culus oo looga Fadhiyay. Tallaabada lagu ansixyay Guddigan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Magaalada Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug, ee ay soo magacawcay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale Beledweyne uu fatahaad uu ka sameeyey wabiga Shabelle ee mara magaaladaasi. Daadad xoogan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay la tageen illaa labo caruur ah oo ku geeriyooday fatahaadii u dambeysay ee uu sameeyey wabiga. Sidoo kale inta badan dadka shacabka ah ayaa isaga barakacay Beledwweyne, halka kuwa kalana ay weli ku go’doonsan yihiin halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey sida ay haatan xaaladdu tahay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/dsd.mp3 View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka hadlay shaqada xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed Bukhaari ayaa ka hadlay fatahaada wabiga Shabelle iyo xaaladaha adag ee ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Abshir Bukhaari ayaa sheegay inuu walaacsan tahay saameynta ka dhalatay fatahadaasi, wuxuuna ugu baaqay dowladda dhexe iyo HirShabelle inay gurmad u sameeyaan dadkaasi. Halkan hoose ka akhriso: KA HORTAGGA IYO KA JAWAABIDDA MUSIIBOOYINKA DABIICIGA AH Waxaan aad uga welwelsanahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne. Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka iyo deegaanka magaalada Beledweyne. Sida ku cad Sharci Lr.17 ee soo baxay 27/06/2016 laguna dhisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa ku waajib ku ah hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas. Hay’addu waxa ay hoos tagtaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka sida uu xeeriyay Qod.1aad (6) ee sharciga kor ku xusan. Sidoo kale, hay’addu waxa ay ku shaqaynaysaa siyaasadda ay jaangoyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.7aad ee Sharciga hay’ada lagu dhisay. Qod.99aad (e) iyo (f) ee Dastuurka KMG ah wuxuu ku waajibinayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ADEEGA GUUD ee dadka Soomaaliyeed iyada oo dejineysa qorsheyaal lagu horumarinayo Dalka isla markaasna hirgelineysa shuruucda Dalka oo uu ka mid yahay sharciga kor ku xusan. Haddaba, aniga oo ka mid ah wakiillada Shacabka Soomaaliyeed, waxaan isweydiinayaa sababta ay laanta fulinta ee Dawlada Federaalka iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed aysan labaduba ilaa iyo hada u qaadin tallaabo ka hortag ah iyo mid looga dabatageyo xaalada murugsan ee ka dhalatay fatahaadda Webiga Shabeelle? Marka la eego sida ay Xukuumadda Federaalka ula falgasho arrimaha ka dhaca Dawlad Goboleedyada, waxaan shaki ku jirin in Xukuumaddu ay mudnaan weyn siiso arrimaha siyaasadda oo keliya kuwaas oo ah waajibaad ay la gaar yihiin dastuurada dawlad goboleedyada si waafaqsan Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah. View the full article
  16. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) oo maanta ka qeybgalay furitaanka Kalfadhiga 45-aad ee baarlammaanka maamulkaasi ayaa mid ka mid ah golaha wakiiladu wuxuu weydiiyay su’aal uu buuq ka dhashay oo ku aadaneyd in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa looga baahan yahay in ay is casilaan, maadaama xildhibaanku uu sheegay inay fashilmeen waajibaadka shaqo ee loo igmaday xukuumada oo hadda sagaal bil jirsatay. Madaxweyne Deni oo ka caroodau su’aasha xildhibaankaasi ayaa si caro leh ugu jawaabay, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay cadeymo. Halkan hoose ka dhageyso su’aasha iyo jawaabta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/cc.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-26102019-sx.mp3 View the full article
  18. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi oo maanta si rasmi ah u furmay. Intaasi kadib guddoonka Golaha Wakiilada ayaa xildhibaanada u ogolaaday inay su’aallo weydiiyaan Madaxwweynaha. Xildhibaan Cawil Daad oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka ayaa weydiiyey Madaxweynaha su’aal kulul oo la xadhiidha dib u dhac iyo fashil uu sheegay inuu ku yimid howlaha xukuumaddiisa. Deni oo ka cadhooday su’aashaasi ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaanka oo uu sheegay inuu ka mid ahaa maamulkii hore ee guul-dareystay. Ugu dambeyn Madaxweyne Siciid Deni ayaa guud ahaan hoolka baarlamaanka iskaga baxay, weliba isaga oo aad u cadheysan, Halakn hoose ka DAAWO Source
  19. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey iney iska indha torden Xaalada ay ku sugan tahay Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan oo Wabigu kusoo fatahmey. Shacabka [...] Source
  20. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo khudbad u jeediyay kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa ka warbixiyay wixii qabsoomay xukuumaddiisa mudadii u dhexaysay labada kalfadhi Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku faahfaahiyay arrimaha uga qabsoomay dhinacyada; amniga, dhaqaalaha, taabba-gelinta garsoorka, nidaaminta shaqooyinka wasaaradaha, mushahaar-siinta shaqaalaha dowladda, arrimaha bulshada, tayeynta hay’adaha dowladda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, maalgeshiga iyo ganacsiga. Madaxweynaha ayaa markii uu khudbaddiisa dhammaystay, waxaa su’aal weydiiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka, iyadoo madaxweynuhu su’aashaasi uga jawaabay si kulul, islamarkaana uu deg deg ah uga baxay hoolka Golaha Wakiilada, xilli ay saf ugu jireen xildhibaanno badan oo su’aalo qaba. Hoos ka daawo khudbadda madaxweynaha oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka warbixiyay arrimaha u qabsoomay xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
  21. Deegaan dhowra oo ka tirsan Gobolka Galgaduud waxaa saaka ka yimid Ciidan hubeysan oo ka tirsan Ciidamada iyo taageerayaasha Ahlu Suna Wal-jameeca kuwasoo soo galay [...] Source
  22. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa maanta waxa uu su’aallo uga jawaabay xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaasi. Su’aalaha la weydiinayey ayaa u badnaa amniga iyo sidoo kale dhanka dhaqaalaha, waxaana jiray xildhibaanno weydiiyey madaxweynaha su’aallo kulul. Dani oo aad uga carooday su’aalaha qaar ayaa sheegay in mudadii uu xilkan hayey sameeyay isbedallo amni, dhaqaale iyo horumar. Wuxuu sheegay in wax badan uu ka qabtay amni darradii ka jirtay magaalada Boosaaso, dhaqaalaha Puntland uu sidoo kale meel wanaagsan joogo. Deegaanno ka maqnaa gacanta Puntland ayuu sheegay in lagu soo celiyey wax ka yar Sideed Bil, isaga oo dhanka kale sheegay in si joogto ah uu maamulkiisa u bixiyey mushaarka shaqaalaha dowladda. Dani ayaa ugu dambeyn sheegay inaanu ahayn shaqsi shaqadiisa loogu goodiyo, islamarkaana ay jiraan xildhibaanno doonaya iney maamulka la wareegaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com