-
Content Count
213,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
OVER 300,000 people have been displaced due to drought and conflict in Somalia so far this year. The Norwegian Refugee Council (NRC) said insecurity is making it virtually impossible for humanitarians to provide aid in rural areas and is resulting in vulnerable people moving to overcrowded camps in urban areas for assistance. “The crushing effect of drought has stripped rural communities of their crops, livestock and water sources, while armed conflict closes in on their homes. We are now likely to see 2.1 million Somali people suffering from hunger by December and into 2020,” said Victor Moses, Country Director for NRC. “This population needs aid. But when insecurity restricts us from delivering it, many people are forced to leave conflict-hit areas to seek it out.” A total of 302,000 people were displaced between January and September this year according to the UNHCR and NRC-led Protection Return and Monitoring Network (PRMN). Conflict and insecurity accounted for more than half of all displacements (158,000) while drought (126,000) caused extreme hardship for many. ‘Flooding’ and ‘other factors’ were cited as drivers of displacement for more than 20,000 others. The lethal combination of conflict and drought has resulted in displaced mothers like Faduma Abdinor Mohamed (39) struggling to feed their families. “There’s no harvest from the farms. My children lost their father because of conflict, and we don’t have a farm or any livestock. The children lack education and food. I’m a woman, I have no opportunity to help my children. I have no job opportunities,” she said. The PRMN recorded the highest number of displacements in July with almost 52,000 people arriving at overcrowded camps and settlements looking for food (39 per cent), livelihoods (19 per cent) and shelter (18 per cent). The period coincided with the end of a very poor harvest season and steep increase in the price of staple cereal grains. According to the UN, the southern Gu season harvests were the worst recorded since 1995. Furthermore, Somalia is home to some 35,000 registered refugees and asylum seekers mainly from Ethiopia and war-torn Yemen, and an additional 38,000 Somali refugees that have returned from Yemen since March 2015. “Somali people that fled the country for protection elsewhere are now coming back to find themselves in a desperate situation. Armed conflict restricts opportunities, the impact of drought is severely affecting livelihoods and more often than not, people end up relying on aid to survive,” Moses added. This year’s UN humanitarian aid appeal for Somalia has requested $1.08 billion for humanitarian programmes in 2019, marking it one of the largest crises in the world. Only 62 per cent of the appeal is funded and is unlikely to meet the target by the end of the year. NRC is urging donors and governments to increase emergency aid for the Somalia crisis, reiterating that an already disastrous humanitarian situation risks deteriorating even further if needs aren’t met.
-
Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda. Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaabo kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha 29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee hore. August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) , waxa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada barista hey’adaha Amniga. Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay gacanta ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), Cabdi Qani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimada. Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaabo kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha 29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee hore. August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) , waxa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada barista hey’adaha Amniga. Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay gacanta ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016.
-
Xildhibaanka cusub Faysal Cumar Geesdiir Nabaddoonada iyo isinka Beesha uu ka soo jeedo Xildhibaan Mahad Maxamed Warsame oo iska casilay xubinnimada Baarlamanka Puntland ayaa soo xulay xildhibaan cusub oo lagu beddelay booskiisa. Xildhibaanka cusub oo lagu magacaabo Faysal Cumar Geesdiir ayaa ka loo soo gudbiyay Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, kadib markii uu soo saxiixay isinka Beeshiisu, waxaana laga dhegaystay khudbad ku saabsan taariikh-nololeedkiisa, iyadoo markii dambe ay ansixiyeen mudanayaasha Baarlamanku, islamarkaana halkaasi lagu dhaariyay. Xildhibaanka booskan banneeyay, Mahad Maxamed Warsame oo laga soo doorto gobolka Bari, ayaa qoraal uu isagoo dalka ka maqan u soo diray Guddoonka Baarlamanka Puntland, wuxu isaga casilay xubinnimada Golaha, iyadoo isla saakaba lagu beddelay xildhibaan Faysal Cumar Geesdiir. Dhinaca kale, mudanayaasha Baarlamanka Puntland oo ku jiray kalfadhigooda 45-aad ayaa saaka warbixino kala duwan ka dhegaysanaya guddiyo-hoosaadyada Golaha, kuwaasi oo ka warbixinaya hawlaha ay u xil saran yihiin iyo kormeero ay ku sameeyeen gobollada. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay xildhibaan cusub appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Dilka ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Nuur Ibraahim, kaas oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in maruuxmka ay toogasho ku dileen labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bistoolado. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Lama oga sababta loo dilay Nabadoonkaasi, welina ma jiro wax hadal ah oo uu maamulka deegaanka ka soo saaray dhacdadaasi. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka Booliska dalka Kenya, Hillary Mutyambai ayaa shaaciyey xog cusub oo ku aadan, halka lagu farsameeyo qaraxyada Al-Shabaab, gaar ahaan nooca miinooyinka ee lala bartilmaameedsado ciidamada dalkaasi. Hillary oo soo xiganaya saraakiisha sirdoonka Kenya ayaa sheegay in qaraxyada miinada ah ee Al-Shabaab lagu sameeyo degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kadibna loo gudbiyo deegaanada dhaca xadka Soomaaliya iyo kenya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in qaraxyadaasi oo ah kuwo diyaarsan ay Al-Shabaab habab kala duwan ku galiyaan gudaha Kenya, si loogu geeyo dagaalyahannadooda ku sugan deegaanada dhaca sohdinta labada dal. Ugu dambeyn taliyaha Booliska Kenya ayaa sheegay in mar weliba ay ka hortagi doonaan weerarada Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iydoo muddooyinkii dambe kooxda Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fuliso Kenya, gaar ahaan qaraxyada ay la bartilmaameedsado ciidamada Booliska ee ka howlgala xuduudka dheer ee dalalka Soomaaliya iyo Keyna. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda FLY DUBAI Ka Cabatay Madaarka Hargaysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wararka ka imaanaya dowlad goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliaya ayaa sheegaya in saaka ay ka jirto xaalad colaad kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah ay la wareegeen gacan ku heynta Guriceel iyo Dhuusamareeb. “Ciidamo isugu jira xoogga dalka qeybta 21-aad, kuwoo gaar ah oo Danab ah iyo NISA ayaa saaka la wareegay Guriceel, waxaana hadda dadka la hadlaya taliyeyaasha”, ayuu sheegay weriyaha Goobjoog News ee maamulkaasi. Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in kooxda Ahlu-sunna ay isaga baxday Guriceel haatanna ay joogaan duuleedka magaalada. Dhinaca kale, magaalada xarunta ah ee Dhuusamareeb, ciidamo ka socda dowladda federaalka ah ayaa iyaguna la wareegay saldhigga magaalada halkaasi oo ay horay u heysteen Ahlu-sunna. Wadaadada ayaa isugu uruuray ciidan iyo madaxba deegaanka Inji ee gudaha magaalada Dhuusamareeb, waxaa ay wadaan shirar iyo wadatashi ku aadan talaabada xigta. Afhayeenka Ahlu-sunna oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Sabriye uu qasay xaaladda, isla markaana uu rabo inuu buriyo dhammaan heshiisyadii la galay iyaga oo sheegay iney ka rajo qabaan inuu howsha galo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Safiirka dalka UK u fadhiya Somalia, Ambassador Ben Fender ayaa sheegay in saxaafadd madaxbanaani ay lafdhabar u tahay bulsho xor ah, waxaanu tilmaamay in Saxaafada Somalia iyo Somaliland ay cadaadis iyo xadgudubyo ay la kumaan. Safiirka oo shalay la kulmay suxufiyiin u ololayaynaya sidii arimahaasi loo joojin lahaa oo ku sugan Somalia, ayaa muuqaal uu galiyey barta uu ku leeyahay twitter-ka isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi Safiirku “Maanta waa maalin gaar ah, marka ay dadku isku yimaadaan si ay usoo afjaraan dambiyada ka dhanka ah saxaafada. Waxaan la kulmay qaar ka mid ah Suxufiyiinta Soomaalida si aan u muujino midnimo iyo taageero. Somalia waa meel ka mid ah meelaha ugu adag in aad suxufi ka noqoto, tobankii sanadood ee u dambeeyey in ka badan 50 Suxufi ayaa la dilay, waxaana ugu dambaysay Hodan Naaleeye oo dadka dhiirigalisa iyo Maxamed Salad Cumar oo ku dhintay weerarkii ka dhacay Kismaayo bishii July ee sanadkii hore,” ayuu yidhi Safiirka Dawladda Ingiriiska u fadhiya Somalia, Ben Fender. Source
-
(SLT-Mali)-Ugu yaraan 53 Askari iyo hal qof oo shicib ah ayaa lagu dilay weerar argagixiso oo lagu qaaday ciidamada Milatariga ee dalka Mali, sida ay sheegtay dawadda dalkaasi. Kooxaha gurmadka ayaa helay maydadka dadkaasi la laayey iyo toban kale oo badbaaday, waxaana dawladedu ay sheegtay in weerarkaasi uu ka dhacay waqooyi-bari ee dalkaasi, sida uu ku dhawaaqay afhayeenka dawada Yaya Sangare oo warbaahinta la hadlay. Dawladu waxay weerarkaasi ku tilmaantay mid argagixiso, waxaanay ugu baaqeen qaranku inuu ka guulaysan doono weerarka, dalkuna uu ahaan doono mid nabad iyo is-dhexgal bulsheed ay ka jirto. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa ee lagu laayo milatari intaa leeg sanadadan. Waxaana falkani uu daba socday weeraro dhawr ah oo lagu qaaday badhtamaha Mali bishii September oo ay ku dhinteen 38 Askari oo kale. Inta badan waxa weerarada dalkaasi ka geysta koox gooni u goosad ah iyo Maleeshiyaad xidhiidh la leh Al-Qacida oo iyagu bartilmaameedsada goobaha ay milatarigu kaga sugan yihiin dalkaasi ku yaala Galbeedka Afrika. Source
-
Saddexda xukmane Maxkamadda Derejada kowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka xukunno kala duwan ku ridday, saddex eedaysane oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gudaha magaalada Muqdisho. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) iyo Cabdiqani Cali Maxamuud Cali (Buneyste), ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaaba kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, halka Cali Muxiyadiin Abshir (Cali Kuulow) lagu eedeeyay in uu kaydin jiray agabka loo adeegsado qaraxyada, isaga gabaad ka dhigan jiray harqaan lagu talo maryaha duugga ah. Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aamiyay in Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) lagu wada xukumo min 15-sano oo xabsi ciidan ah, halka Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) lagu xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Derejada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Guddoomiye Shuute ayaa sidoo kale sheegay in saddexda eedaysane ay mudda 30-cisha gudood ah ku dalban karaan, in ay Rafcaan ka qaataan xukunka. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukunno kala duwan ridday appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay ku hoyday Beledweyne ayaa ka hadlay xaaladda nololeed ee ka taagan magaaladaasi. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa ku booriyey guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan u gurmashada walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto, sidii loo caawin lahaa dadkaasi oo ku guryo beelay fatahaadihii ku dhuftay Beledweyne. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-mahad-madaxweynaha-.mp3 View the full article
-
(SLT-Liibiya)-Dowladaha Talyaaniga iyo Liibiya ayaa dib boorka uga jafay Sabtidii shalay heshiis hore ay u gaadheen laba dhinac oo lagaga hortagayo socdaalka sharci-darrada. Heshiiska oo loo yaqaan The MoU, ayaa Talyaaniga la saxeexday bishii Febraayo ee sanadkii 2017-dii dowlada caalamka aqoonsan yahay ee uu hoggaamiyo ra’isul wasaare Fayaz Al-Saraaj. Labada wadan ayaa isku raacay in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan ka hortagga tahriibka iyo falalka budhcadnimada ah ee ka dhaca xeebaha iyo dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga. Inkastoo hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay walaac ka muujiyeen tacadiyada muhaajiriinta ay kala kulmayaan Liibiya ayaa hadane labada waxay ku dhiiradeen in ay meel mariyaan Heshiiskaan. Talyaaniga ayaa ka taageeri doono ciidanka ilaalada xeebaha Liibiya tababarida ciidanka badda qalabeynta iyo in ay ka qeyb qaataan xarumo loogu talagalay in lagu xanaaneeyo dadka muhaajiriinta Afrika. Source
-
(SLT- Tal Abyad)-Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay qarax weyn oo gilgilay magaalada Tal Abyad, ee ku taal waqooyiga Suuriya ee ay gacanta ku hayaan ciidammada Turkiga, mas’uuiyiinta Turkiga ayaa sidaas sheegay. Wasaaradda Gaashaandhigga ee waddanka Turkiga ayaa waxa ay sheegtay in ugu 20 qof oo kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen. Ciidammada Turkiga iyo fallaagada ay badhitaaraan ayaa bishii la soo dhaafay waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Tal Abyad iyo magaalooyin kale oo ku yaalla xadka kuwaas oo ay ka saareen ciidammada Kurdiyiinta, kaddib markii ciidammada Mareykanka oo ilaalinayay Kurdiyiinta ay meesha iskaga baxeen. Dagaalyahannada gacansaarka la leh Turkiga iyo dad rayid ah ayaa ku jiray dadka ku dhintay weerrarkii Sabtida, sida ay sheegayso hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay UK. Source
-
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xilkq ka qaaday agaasimayaashii Radio Muqdisho, Telefishinka Qaranka ee SNTV iyo wakaaladda Wararka SONNA. Dikreetada ka soo baxday xafiiska wasiirka Warfaafinta oo xilka looga qaaday agaasimihii Radio Radio Cadifitaax Daahir Jeyte, waxaa agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho loogu magacaabay Yaxye Cali Faarax. Agaasimihii Telefishinka Qaranka SNTV Liibaan Cabdi Cali oo xilka laga qaaday, ayaa isna lagu beddelay Faarax Salaad Dharaar. Halka agaasimaha wakaaladda Wararka SONNA loo magacaabay Cali Cabdulqaadir Cali (Cali Maykal). Wasiirka ayaa sidoo kale magacaabay agaasimayaal cusub oo ay ku jiraan, agaasimaha Madbacadda Qaranka, agaasimaha Fanka iyo Suugaanta wasaaradda Warfaafinta iyo agaasime-waaxeedka Maamulka iyo Maaliyadda ee Golaha Murtida iyo Madadaalada. Hoos ka akhriso dikreedada Wasiirka PUNTLAND POST The post Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo xilka ka qaaday agaasimayaashii Warbaahinta dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb. Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah ciidamada dowladda ayaa gudaha u galay Guriceel, kadib iska hor imaad kooban oo ay la galeen ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya uu gaaray degmada Guriceel, halkaasina uu ka wado kulamo xasaasi ah. Dhinaca kale ciidamada Ahlu Sunna ayaa goor dhow isaga baxay degmada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug. Guddoomiyaha xaafadda Horseed ee degmadaasi ayaa Shabelle u sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen xarumihii Ahlu Sunna. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/war-deg-deg-ah-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-03112019-sx.mp3 View the full article
-
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka oo Axad la wareegay gacan-ku haynta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen malayshiyaad taabacsan ururka Ahlusunna oo horay u joogay degmadaasi. Is-rasaasayn Xooggan ayaa la soo weriyay in xalay laga maqlay gudaha magaalada Guriceel, taasi oo dhexmaraysay ciidanka dowladda iyo kooxda Ahlusunna, ka hor inta aysan si buuxda ula wareegin militariga dowladda Federaalka. Dhammaan xarumihii ay degmada kaga sugnaayeen malayshiyaadka Ahlusunna ayaa la xaqiijiyay in ay saaka gacanta ku hayaan ciidamada dowladda, gaar ahaanna qeybta 21-aad ee Xoogga dalka oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Nabadsugida. Xaaladda Guriceel ayaa la soo sheegaya in ay deggantahay, inkastoo dadka degaanku ay ka cabsi qabaan in mar kale ay dib ugu soo laabtaan malayshiyaadkii Ahlusunna, islamarkaana dagaal ka qarxo halkaasi. Sidoo kale, Ciidamada dowladda ayaa shalay la wareegay degmada Matabaan, kadib markii ay ka saareen ciidamo ka tirsan Ahlusunna oo horay gacanta ku hayay. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo 24-saac gudahood laba degmo kala wareegay malayshiyaadka Ahlusunna appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow ay isaga baxeen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in Ahlu Sunna ay faarujisay dhammaan xarumihii ay kaga sugneyd degmadaasi oo saldhig u aheyd. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegay in ciidamada Milatariga dowladda iyo kuwa nabad sugida Soomaaliya ay si nabad ah kula wareegeen xarumaha ay baneeyeen ciidamadaasi. Lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, balse saaka aroortii hore ayey aheyd markii ciidamada dowladda ay qabsadeen degmada Guriceel, kadib iska hor imaad kooban oo ay la galeen ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca. Guddoomiyaha xaafadda Horseed ee degmada Dhuusamareeb oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey dhaq dhaqaaqyada laga dareemayo magaaladaasi oo uu sheegay in ay xoog ku qabsatay dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuuxuu sheegay in amarkan uu bixiyey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanada dowlad goboleedka Galmudug. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/cf.mp3
-
Mid kamid ah xildhibaannada Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in uu iska casilay xubinimada Baarlamanka. Xildhibaan Mahad Maxamed Warsame oo laga soo doorto gobolka Bari, ayaa qoraal uu u diray Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland,wuxuu ku shaaciyay in uu duruufo isaga u gaar ah isaga casilay xubinimada Golaha, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin duruufahaasi. Booska uu xildhibaanku iska casilay, ayaa beddelkiisa in ay soo xulaan laga sugaya nabaddoonada iyo isinka Beeshiisa, kuwaasi oo xubinta cusub u gudbin doona Golaha Wakiilada, si ay u ansixiyaan. PUNTLAND POST The post Xildhibaan iska casilay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ciidamada Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ay la wareegeen gacan ku heynta Guriceel. Ilo deegaanka ah ayaaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ciidamadu ay gabi ahaan la wareegeen xarumaha muhiimka ah ee degmadaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xalay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac uu ka dhacay halkaasi, kadibna ciidamada Ahlu Sunna ay isaga baxeen xarumihii ay kaga sugnaayeen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Guddoomiyaha magaaladaasi, Cabadullaahi Maxamed Barre oo u warramay VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto wixii dhibaato ah ee ka dhasha dhaq dhaqaaqyadaasi. Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan barakac uu ka bilowday Guriceel oo uu sheegay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay aheyd mid ka naalooneysay nabad gelyo. Dhinaca kale wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye uu haatan ku sugan yahay Guriceel, islamarkaana uu kulamo xasaasi ah ka wado halkaasi. Sabriye oo shalay ciidamo galbinayey isaga iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku dagaalameen Matabaan ayaan weli ka hadlin iska hor imaadka ka dhacay degmada Guriceel. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal xoogan uu ka qarxo halkaasi, maadaama labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo Milatari ka wadaan halkaasi.
