-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Inkastoo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu wajahayo kacdoon u muuqda mid laga soo abaabulay meelo ka baxsan Puntland ayaa hadane waxaan qarsoomi karin waxqabad muuqdo oo ku kooban muddo 9 bil ah oo uu maamulkiisa shaqeynayo. Waxyaabaha ugu waa-weyn ee la taaban karo ee uu hergiliyay maamulka Deni waxaa kamid ah. Waxaa hoos u dhacay dilalkii iyo qaraxyadii ka dhici jiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari kadib markii ay Booliiska iyo ciidamada amaanka kordhiyeen dedaalada sugidda amniga. In hoos u dhac weyn laga dareemayo amni darradii ka jirtay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug gaar ahaan dhinaca waqooyi ee hoostagta maamulka Puntland kadib markii halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah oo xaafadaha dagay iyo wadooyinka. In markii uu xilka qabtay ilaa maanta ay bil walba shaqaalaha dowladda Puntland mushaarkooda qaataan. In la dhisay xeryo ciidanka lagu tabaro iyo in la baariyay xeraha ciidanka Keydka Puntland. In la durjiyay dagaalamayaashii Daacish ee Buuraha Ga-gala iyo kuwii kale ee ku sugnaa degaanada kale ee Puntland In ciidamada Puntland ay dib ugu laabteen degaano ku yaala xuduuda Somaliland iyo Puntland oo markii hore ay ka soo baxeen ciidamada mamulka kadib markii ay ka-cawdeen mushaar la’aan. In uu maamulkiisa hagaajiyay dhibaatooyin maamul xumo oo ka jiray gudaha Puntland waxaana hadda soo hagaagaya hogaanka iyo shaqada guud ee maamulka. Maxaa looga soo horjeestay Madaxweyne Deni. Saddexda waxyaabood ee ugu waa weyn sababaha keenay in Madaxweynaha Puntland ay ku kacaan qaar kamid ah Baarlamaanka iyo odayaasha waxaana kamid ah waxyaabaha uu sababsaday Deni. Xukuumadda Soomaaliya oo dooneysa in ay jahwareer siyaasadeed ka abuurto maamulada Puntland iyo Jubaland oo ah labada maamul ee kaliya oo maanta ka badbaaday gelidda gacanta dowladda oo lagu eedeeyay caburin iyo cadaadiska maamulada kale. In uu joojiyay siyaasiin iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka oo saami siyaasadeed ku lahaa Xukuumadda Puntland iyo shaqooyinka kale ee maamulka Iyo beelaha qaar ee Puntland ay si caadi ahba u mucaaradaan beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne Deni oo 10-kii sanaba mar qabta xukunka. Maxaa la gudboon shacabka Puntland. Ceeb ma ahan iyo dambi in la dhaliilo ama la mucaarado Xukuumad iyo hogaanka degaanka balse Puntland maanta waa degaanka kaliya ee dhulka Soomaaliya ee heesta maamul leh hey’ado dhisan iyo xasiiloni amni kana xor Al-Shabaab iyo argigixisada kale, sidaas darteed shacabka Puntland waxaa la gudboon in ay ka fikiraan aayaha maamulkooda iyo mustaqbalka jiritaanka Puntland. W/Q: Axmed Xuseen Guuleed Boosaaso, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waa kuma Abuu Bakar Al-Baqdaadi hoggaamiyihii IS ee la dilay? Abuu Bakar Al-Baqdaadi, hoggaamiyaha kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee Daacish oo in dhawaale ahaa nin aad loo doondoonayay caalamka oo dhan ayaa xalay lagu dilay hawlgal milatari oo Mareykanka uu ka fuliyay woqooyi galbeed Suuriya. Al-Baqdaadi oo la baxay “Khaliif Ibraahim” ayaa tan iyo muddo haatan laga joogo shan sano, waxaa raadinayay Mareykanka oo madaxiisa dul dhigay 25 milyan oo doolar. Xilligii ay kooxdiisa Daacish ugu awoodda badnayd, waxa ay maamuli jirtay dhul aad u ballaaran oo gaaraya ilaa 88,000 km2. Dhulkaasi ayaa ka billaabanayay galbeedka Suuriya kuna dhammaanayay bariga Ciraaq. Kooxdaasi oo dhibaato badan u geysatay qiyaastii siddeed milyan oo qof, ayaa waxa ay balaayiin doolar ka heli jirtay canshuurta ay ka qaado saliidda dalalka Suuriya iyo Ciraaq, dadka ay qafaalato iyo handadaadda shacabka. Balse inkasta oo ay qaab ahaan burburtay, hoggaamiyeyaasheedana la laayay, haddana kooxdani ayay ka go’nayd in ay dagaallanto. Ilaa haatanna, lama hayo ciidamo tayo leh oo ka dhisan waddamada Suuriya iyo Ciraaq oo cirib tiri karaya kooxdaasi. Abuu Bakar Al-Baqdaadi oo magaciisa saxda ah uu yahay Ibraahim Cawad Ibraahim Al-Badri ayaa sanadkii 1971 ku dhashay magaalada Samaara oo ku taal bartamaha dalka Ciraaq. Waxa uu ka soo jeedaa qoys Carbeed oo Sunni ah oo sheegtay in uu ku abtirsado qabiilka Qureyshta ee uu ka dhashtay Nabi Muxammad (NNKH). Markii uu da’da yaraa waxay qaraabadiisa ugu yeeri jireen “kii rumeeyay” sababtoo ah, wuxuu wakhtigiisa ku qaadan jiray masaajidda oo uu ku baran jiray Quraanka, wuxuuna sidoo kale ciqaabi jiray sida la sheegay dadka diida in ay u hoggaansamaan shareecada Islaamka. Ka dib markii uu bogay waxbarashadiisa dugsiga sare, wuxuu u wareegay magaalada Baqdaad. Waxaa uu shahaadada labaad ee jaamacadda ku qaatay cilmiga Diinta Islaamka, ka dibna waxa uu shahaadada PhD-ga ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ee Baqdaad, sida lagu sheegay taariikh noolaleed ay faafiyeen taageerayaashiisa. Xilligii uu ardayga ahaa, waxa uu degnaa meel u dhow masjid ay ku tukadaan dadka Sunniga ahi oo ku yaal magaalada Baqdaad, gaar ahaanna degmada Tobchi. Waxaa la sheegaa in uu ahaa nin deggan oo aan hadal badnayn, wuxuuna Kubadda Cagta u ciyaari jiray koox u dheesha masaajidkaasi uu ku taxnaa. Abuu Bakar Al-Baqdaadi ayaa la rumeysan yahay in muddadaasi uu qaatay afkaarta kooxaha salaafiyiinta iyo kuwa jihaad doonka ahi. ‘Jaamacadda Jihaadiyiinta’ Ka dib duullaankii Mareykanka uu sanadkii 2003-dii ku qaaday dowladdii madaxweyne Sadaam Xuseen, Al-Baqdaadi ayaa lagu soo waramayaa in uu gacan ka geystay aasaaska koox Islaami ah oo lagu magacaabo Jaysh Ahlu-Sunnah wal-Jameeca oo weerar ku qaaday ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda. Wuxuu xilligaasi noqday madaxa golaha fulinta Shareecada Islaamka. Horraantii sanadkii 2004, Al-Baqdaadi waxaa magaalada Faluuja ku qabtay oo xabsiga dhigay ciidamada Mareykanka, waxaana la geeyay xabsi ku yaal xerada ciidamada ee Bucca ee koonfurta dalkaasi. Xabsigaasi ayaa markii dambe noqday waxa haatan loogu yeero “jaamacadda” hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee kooxda Daacish, waxaana maxaabiistii halkaasi ku jiray ay noqdeen kuwo dhammaantood qaatay afkaarta kooxaha xagjirka ahi, waxaana ay yeesheen shabakad hoose iyo xiriir. Al-Baqdaadi ayaa la sheegayaa in uu Iimaan u ahaa maxaabiistaasi, isla markaana uu diinta bari jiray, waxaana mararka qaar maamulka xabsigaasi uu ka caawin jiray dhexdhexaadinta khilaafaadka. Mareykanka ayaa u arkayay in aan sidaasi u halis badnayn, waxaana toban bilood ka dib laga sii daayay xabsiga. Dib-u-dhiskii Al-Qaacidda ee Ciraaq. Ka dib markii xabsiga laga sii daayay ayaa la rumeysan yahay in Al-Baqdaadi uu xiriir la yeeshay Al-Qaaciddada Ciraaq oo uu markaasi hogaaminayay Abuu Muscab Al-Zarqaawi uu u dhashay dalka Urdun. Al-Qaaciddada Ciraaq ayaa noqotay cudud xooggan oo dagaal la gashay ciidamadii Mareykanka. Horraantii sanadkii 2006, Al-Qaaciddada Ciraaq ayaa aasaastay shabakad Islaami ah oo lagu magacaabo golaha shuurada mujaahiddiinta, taasi oo kooxdii Al-Baqdaadi ay ku biirtay. Dabayaaqadii sanadkaasi ayaa kooxdaasi waxay baddashay magaceeda ka dib markii uu Mareykanka duqeymo ku dilay Al-Zarqaawi, waxa ayna la baxday Dowladda Islaamka ee Ciraaq. Al-Baqdaadi waxa uu noqday madaxa guddiyada fulinta shareecada Islaamka, ka dibna wuxuu ka mid noqday golaha Shuurada ee kooxdaasi. Sanadkii 2010, markii ciidamada Mareykanka ay dileen hoggaamiyihii kooxdaasi Abuu Cumar Al-Baqdaadi iyo ku xigeenkiisii Abuu Ayuub Al-Masri ayaa Al-Baqdaadi wuxuu la wareegay hoggaanka kooxdaasi. Waxa uu la wareegay xukunka koox taliyeyaasha Mareykanku ay xilligaasi u arkayeen in ay sii burbureyso. Balse waxa ay markiiba taageero ka heshay saraakiishii hore ee mukhaabaraadka maamulkii Saadaam Xuseen oo ka mid ahaa maxaabiistii ku jirtay xabsiga Bucca. ‘Khaliif Ibraahim’ Billowgii sanadkii 2013, waxa ay kooxdaasi gudaha Ciraaq ka geysatay dhawr weerar. Waxa ay sidoo kale ku biirtay kacdoonkii ka dhanka ahaa madaxweynaha dalka Suuriya Bashar Al-Asad. Sidoo kale waxay kooxdaasi gudaha Suuriya u dirtay dagaalyahanno qeyb weyn ka qaatay dhismaha jabhadda Al-nusra oo xiriir la lahayd urur weynaha Al-Qaacidda. Bishii Abriil, Al-Baqdaadi ayaa waxa uu ku dhawaaqay midowga ciidammadiisa ku sugan Ciraaq iyo Suuriya iyo weliba inuu sameeyay “Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam” (Isis/Isil). Hoggaamiyeyaasha ururrada Al-Nusra iyo Al-Qaacidda ayaa tallaabadaasi ku gacanseyray, hasayeeshee dagaalyahanno daacad u ah Al-Baqdaadi ayaa ka soo goostay Al-Nusra, waxa ayna gacan ka siiyeen in Daacish ay Suuriya ka sii jirto. Dhammaadkii sanadkii 2013, Daacish ayaa waxa ay diiradda u wareejisay waddanka Ciraaq, waxa ayna khilaaf siyaasadeed ka dhex abuurtay dowladda ay Shiicada hoggaamiso iyo bulshada carbeed ee sunniyiinta ah ee laga tirada badan yahay. Daacish oo kaashanaysa qabaa’illo iyo dad daacad u ahaa madaxweyne Sadaam Xuseen ayaa waxa ay la wareegeen magaalada Faluujah. Bishii Juun 2014, dhowr boqol oo maleeshiyaadka Daacish ah ayaa waxa ay la wareegeen magaalada Mowsil, iyagoo halkaasi ka saaray milateriga waddanka Ciraaq, kaddibna waxa ay u ruqaansadeen magaalada Baqdaad, halkaasi waxa ay ku laayeen dadkii ka soo horjeeday, waxa ayna ku goodiyeen in ay cirib tiri doonaan inta badan qowmiyadaha dalkaasi ee haysta diimaha laga tirada badan yahay. Dhammaadkii bishaasi, ka dib markii ay si buuxdo gacanta ugu dhigeen magaalooyin badan oo Ciraaq ah, ayaa Daacish waxa ay ku dhawaaqday in ay sameysay “Dowlad Islaami ah” taas oo dadka Shareecada Alle ku xukumi doonta. Waxa ay madax u doorteen Baqdaadi oo ay u bixiyeen “Khaliif Ibraahim” waxa ayna dalbadeen in Muslimiinta dunida oo dhan ay adeecaan. Shan maalmood ka dib waxaa soo baxay muuqaal muujinaya Al-Baqdaadi oo khudba ka jeedinaya masaajidka Al-Nusri ee magaalada Mowsil, waana markii ugu horreysay oo la arko muuqaalkiisa. Khudbaddaasi ayuu Al-Baqdaadi ugu baaqay muslimiinta in ay usoo haajiraan dhulka ay kooxdiisa maamusho, si buu yiri weerar loogu qaado dadka aan muslimiinta ahayn. Kumannaan qof oo ajaaniib ah ayaa hadalkiisa u hoggaansamay, waxayna ku yaaceen waddamada Suuriya iyo Ciraaq. Bilo ka dib Mareykanka ayaa abaabulay isbahaysi ka dhan ah kooxdaasi waxaana bartilmaameedyada kooxdaasi lagu qaaday duqeymo xooggan. Duqeymahaasi ayaa billowday ka dib markii kooxda Daacish ay kurka ka goysay dhawr la haysteyaal ah oo u dhashay waddamada reer galbeedka. Daacish oo laga adkaaday Balse shanti sano ee xigtay ayaa kooxdaasi laga saaray dhul badan oo ay maamuli jirtay. Colaaddii ka billaabatay labadaasi dal ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof, waxaana ku barakacay malaayiin kale. Burbur badan ayaa sidoo kale ka dhashay. Bishii Juun ee saandkii 2017, xilli ciidamada dalka Ciraaq ay dagaal xooggan kula jireen mintidiinta Daacish ayaa saraakiil ka tirsan kuwa Ruushka waxay sheegeen in ay suurtagal tahay in Al-Baqdaadi lagu dilay meel u dhow magaalada Raqa oo ahayd xarunta Daacish. Balse bishii Sebteembar ee sanadkaasi ayay kooxdaasi shaacisay cod laga soo duubay Al-Baqdaadi oo taageerayaashiisa ugu baaqay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray cadowga. Tan iyo xilligaasi kooxdiisa Daacish ayaa sii burbureysay, waxaana dhul badan ka qabsaday ciidamada waddaamda Ciraaq iyo Suuriya oo gacan ka helaya dowlado shisheeye iyo maleeshiyaad daacad ah oo ay ka mid yihiin Kurdiyiinta Suuriya. Waxaase xalay hawlgal qorsheysan Al-Baqdaadi ku dilay ciidamada Mareykanka sida uu sheegay madaxweyne Trump oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka. Qaran News
-
Shir sanadeedkii Bankiga Adduunka iyo Sanduuqa Maaliyadda Caalamka (IMF) ayaa October 14 ilaa 20, 2019 lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Shirkaas waxaa Soomaaliya uga qeybgalay wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana laysku wareystay xaaladda dibuhabeynta dhaqaalaha Soomaaliyeed iyo dadaallada deyn cafinta. Dhinaca kale, shirku wuxuu ku soo beegmay xilli is-afgaranwaa ka dhashay warbixin uu Hantidhowrka Guud ka soo saarey maamulka maaliyadda dowladda Federalka Soomaaliya ee 2018. Daah-furnaanta (transparency) maamulka maaliyadda dowladda wuxuu ka mid yahay shuruudaha horudhaca u ah deyn cafinta. Sida muuqata, Soomaaliya waxay ku dhawdahay inay ka aflaxdo marxaladda 1aad “decision point” ee deyn cafinta, walow haddana looga baahan yahay inay kolka hore bixiso haraaga deynta raagtay (debt arrears) ee hay’addaha maaliyadda caalamka oo shardi u ah ka gudubka marxaladdaas. Horaantii Octoobar 2019, ayaa dowladda Norway ballanqaaday in Soomaaliya ay u hormarin doonto lacag ay iskaga bixiso haraaga deynta hay’adda IDA ee Bankiga Adduunka. Sidoo kale, dowladda Ingiriiska ayaa iyana ballanqaaday bixinta deynta Bankiga Horumarinta Afrika. Kristalina Georgieva oo ah Madaxa cusub ee hay’adda IMFta ayaa tiri “Waxaan u xaqiijiyey Ra’iisul-wasaaraha [Khayre] taageeradda buuxda ee IMFta ee dadaallada lagu sugayo deyn cafinta Soomaaliya, oo ay ku jirto ka shaqeynta xubinimada Sanduuqa si loo helo ilo dhaqaale oo lagu bixiyo deynta IMFta iyo kharashyada hawsha deyn cafinta” (IMF Press Release 19/10/2019). Dowladda Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Boqortooyada Qadar ayaa iyagana ballanqaaday inay bixin doonaan 150 malyan doolar oo qayb ka aha deynta IMFta ku leedahay Soomaaliya oo dhan ilaa 330 malyan doolar (Reuters 20/10/2019). Hase yeeshee, warbaahinta qaarkeed ayaa shaacisay in dalka laga lunsaday lacag dhan 18 malyan doolar, kadib markii warbixinta hantidhowrka ay u gacangashay warbaahinta, inta aan faahfaahin rasmi ah laga bixin (Washington Examiner – 21/10/2019). Shaki kuma jiro, in nidaam hantidhowr xoogan uu yahay aalad muhiim u ah hubinta hantida guud iyo daahfurnaanta wada xisaabtanka, haddana in la soo bandhigo natiijadii baarista inta aan lala wadaagin hay’addihii la baarayay waxay farxadgelisay kuwa neceb horumarka dalka. Haddaba, su’aasha waxay tahay: Maxay warbixinta hantidhowrka kaga duwan tahay tii hay’adda “Transparency International?” Hay’adda “Transparency International” warbixinteedu, waxay ku saleysneed mala’awaal macluumaad maaliyadeed, halka baarista hantidhowrku ay xaqiiqo laga helay xisaabaadka Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ku fadhido. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqda in wadashaqeyn la’aan ay gundhig u tahay dood xisaabeedka Hintidhowraha Guud iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, taas oo ka halis badan maamul xumo dhaqaale. Hantidhowrka Guud, oo barlamaanka iyo dowladdaba siiya qiimeyn-madaxbanaan, ayaa warbaahinta u faahfaahiyay warbixintii la xiriirtay baaristii maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya ee 2018. Mudane Maxamed Maxamuud Cali Afgoye ayaa beeniyay warka ay shaaciyeen warbaahinta, oo ah in la xaday lacag dhan 18 malyan doolar ah, (VOA – 10/10/2019). Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay u taal bankiga lacag ka badan inta ka muuqata baarista hantidhowrka qaranka, taas oo xaqiijineysa in wax lumay aysan jirin (Youtube – 10/10/2019). Hase yeeshee, hadalkaas waxaa ka dhashay su’aal ah: Sidee Wasaaradda Maaliyadda u maamuli kartaa hanti aan ka muuqan xisaabta “Treasury General” ee Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guudna loo baalmari karaa? Mudane Maxamed Xuseen Amin oo ka mid ah khubaradda bankiyada Soomaaliyeed ayaa aaminsan in “xisaab gaar ah ay dowladda ku yeelan karto bankiga dhexe, taas oo door ka qaadata maareynta hantida xukuumada ay ka hesho dunida dacaladeeda.” Hase ahaatee, waxaa qariib ah in maaliyadaas aysan ka muuqan macluumaadka maaliyadeed ee ay soo saartay Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, oo ah halka uu hantidhowrku ka helay xisaabaha uu baaray iskuna halleyey inay yihiin kuwo dhammaystiran. Taas waxay muujineysaa in Wasaaradda Maaliyadda iyo waaxyadeeda maamula hantida dibedda ka timaad aysan la lahayn xogwadaag iyo wada xisaabtan toona xafiisyadda Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhowrka, taas oo dalka u horseedi karta khatar maamul xumo! Waxaa nasiib darro ah, in iyadoo xukuumadda hirgelisay hab maamul maaliyadeed casri ah, ay xisaabaadka Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe iyo Hintidhowrka Guud ku jiraan farqi macluumaad. Si natiijooyinka hantidhowrka ay uga dhashaan isbedelo wanaagsan, waxaa muhiim ah in la hirgeliyo qaabka ugu haboon ee looga hortegi karo caadooyinka maamul-xumada maaliyadda iyadoo shaqaalaha lagu carbinayo isla shaqeyn joogta ah, si loo helo maamul maaliyadeed huffan. Sidoo kale, waxaa muhiim ah in dowladda ay aasaasto hababka loo yaqaan “Peer Review Mechanism,” si dib loogu eego hay’ad kasta inay leedahay hab waafaqsan qaanuunka xogwadaaga macluumaadka maaliyadda dowladda. Waxaa iyana muhiim ah, in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya si dhaqso leh u ansixiyo hindiso sharciyeedka hantidhowrka ee in muddo ah horyaalay, si loo xaqiijiyo madaxbanaanidda hay’adda. Dib u dhaca sharciga hantidhowrka wuxuu gacan ka geysanayaa koboca musuqmaasuqa. Sida keliya ee dadweynuhu u aamini karaan in dowladdu ay dhab ka tahay ololaha la dagaalanka musuqmaasuqa, waa ayadoo si taxadar leh madaxtooyadda u magacawdaa guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo khiyaanada. Ugu dambeyntii waxaa muuqata in Soomaaliya ay noqotay qaran wada xisaabtami kara, taas oo ah wax dalal badan oo ka tirsan dunida soo koreysa ay la’yihiin. Waxaase muhiim ah, in warbaahinta iyo dadweynahaba ay helaan macluumaadka baarista hantidhowrka waqti munaasab ah, iyadoo islamarkaas la soo bandhigayo habka loo hirgelin doono tallooyinka hantidhowrka. W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qassim Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Xoghayaha Tamarta ee Mareykanka Rick Perry ayaa Sabtidii sheegay in ay wada-hadallo la leeyihiin Saudi Arabia, kuwaas oo ku saabsan in dalkaas uu yeesho barnaamijka Nukliyeer ah. Dowladda Sacuudiga oo kamid ah dowladaha ugu sareeyo adduunka ee dhoofiyo Saliida ayaa sheegtay inay dooneyso isticmaalka awoodda Nikliyeerka si ay u ballaariso noocyada kala duwan ee tamarta dalkaas laga adeegsado. Waxay dooneysaa inay horay usii waddo barnaamij Nukliyeer oo buuxa oo ay ku jirto soo saarista iyo kobcinta Uraaniyaamka ee shidaalka. Si shirkadaha Mareykanka ay ugu tartamaan mashruuca Saudi Arabia, Riyadh waxay caadiyan u baahnaan doontaa inay Washington la saxiixato heshiis ku saabsan adeegsiga nabdoon ee teknolojiyadda Nukliyeerka. Wadahadalada labada Dowladood ee arrintaan ayaa aheyd mid aad u adag maadaama Sacuudiga aysan dooneyn inay saxiixdo heshiis meesha ka saarayo suurtagalnimada kobcinta yuuraaniyamka ama in dib loo isticmaalo Shidaalka la isticmaalay maadaama labadaas wado ay yihiin kuwa loo maro sameynta Bam Nukliyeer ah. “Boqortooyada iyo hoggaanka boqortooyada Sacuudiga waxay heli doonaan waddo ay Mareykanka kula saxiixdaan 1,2,3 heshiis” ayuu yiri Perry. Isaga oo ka hadlaya kulan ka dhacay Abu Dhabi, Perry wuxuu raaciyay in Mareykanku uu sameynayo wax walba oo ay ku heli karaan saliid diyaarsan oo caalami ah. “Waxaan nahay soosaarka koowaad ee saliida iyo gaaska adduunka, annagu uma jeedno inaan u isticmaalno hub ahaan. Waxaan rabnaa inaan ka dhigno mid meel kasta laga heli karo laguna tartami, ”Perry ayaa sidaas yidhi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay si adag uga hortimid guulo uu madaxweynaha Puntland ka hor sheegay xildhibaanada golaha wakiilada. Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay guulihii uu Deni ka sheegtay dagaalka kala dhaxeeya, isla markaan uu ku shaaciyay in 99% ay gacanta ku hayaan deegaanada gobolka Sanaag barri. Cabdirisaaq Cali Cabdi ‘Saalax’, Wasiirka cadaalada Somaliland ayaa hadalkaasi ku sheegay mid uu Madaxweynaha Puntland uu iskaga maslaxayey xildhibaanada golaha wakiilada maamulkiisa, oo uu sheegay in xil ka xayuubin ku sameyn rabeen. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inaysan jirin wasaarad qudha oo ka howl-gasha deeganada uu Madaxweyne Deni sheegay inay ka howl-galaan dhamaan wasaaradaha maamulka Puntland. “Nin Oday ah oo Xildhibaannadiisii maamuus ka xayuubin saarayaan oo raba inuu isaga fur-furo ayaan Anigu u arkay (hadalka madaxweyne Deni)” ayuu yiri Wasiirka cadaalada Somaliland. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waynu iska wada war qabnaaye gobolka Sanaag meel ka mid ah oo Maamulka Puntland xafiis ku leeyahay ma jirto”. Madaxweynaha Puntland, ayaa maanta mar uu hortagay golaha wakiilada Puntland ayaa waxa uu sheegay in markii uu xilka la wareegay inta u badan deegaanada bariga gobolka Sanaag iyo Buuhoodle uu 99% kala soo wareegay Somaliland, isla markaana wasaaradaha maamulkiisu ay ka howl-galaan gudaha Buuhoodle. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan. “Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.” Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa uuna si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo, isaga oo adkeeyey go’aan adayga iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso. Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Maxamuud. Source: goobjoog.com
-
The Battle in Kismayo: Reconciliation vs Reoccupation By Adam Muse Jibrilil The story about the quick paceof the Tyrant, General Siyad Barre escaping from his Castle, Vila-Somalia, in 1991 to Kismayo city and then to Kenya proceeding towards Nigeria, where he lastly died isolated and lonely is a story that highlightson two important facts:First, that the destiny of any dictator ends in thesame tragedy, secondly, the failed state of Somalia that he made it ruinand left behind its ashes can’t be rebuilt without long andpainstaking concerted efforts ofthe grassroot fora true nationwide reconciliation process.Dependablecriteria forsuccessful reconciliation endeavors ought to be conformable withthe following principles and approaches: Principlesand approaches: In the developing countries in general and today’s Somalia in particular a distinguished leadershiparmedwith visionand sensible message based onstrong attachment to the cause of peace and state building and whose ability and sense of responsibility goes with high standard ofmorality remains absolute necessity needed for successful reconciliation endeavors.Such aleadership should have deep conviction and knowledge that the failed state of Somalia can’t be reassembledby using the same methods and instruments that led to the destruction of its preceding. Rebuilding a failed State requires conversance of the causes and effects that led to its demise.The alternative tothe methods of forcing, starving and imposinginstructions from above and from abroad lie in agenuine home-made reconciliation and forgiveness. Bottom-up approach should be taken as the basicmeasure contrary to excessive up-bottom schemesthatunderminesthe trust anddestroys consensus-based compromises.Dependence on foreign countries in the process of reconciliation and state building is anegation of the basic norms of national identityand sovereignty. However,with good faith, the International Community guided by the values of Liberalism and humanism can support, but their assistance can be helpfulonly when the internal politicalforces are mature,united and operative.Genuine National Reconciliation endeavors should depend on local resources, both on material and mental levels. Internally functioning extreme radical forces, such as Political Islam should be dealt notby means of military force only but with political means as well,such efforts can be made effective only when thepeace forces are ina position of purposeful union and determination. These are some main principles and approaches among others that arepertinent tothe cause ofpeace and state building mission in thepost-civil war situations in particular.However, thekey question is to what way these principles and approaches are being applied in the current conflict between the Federal Government and the Regional States.In this regard, one should take in to full-account that theheartof the conflict lies in the differences of the twoopposite concepts: Authoritarianismand egalitarianism in relation to the approaches thathave recently beenpursuedby the two opposite sidesin the Kismayo conflict. In this regard, the Jubaland’s process was seen as necessarily not perfect but certainly a better choice against the re-occupation attempts by the Federalauthorities. On the other hand, one should keep in mind that this is a transitional processand the five Regional States have the same cause and purposeas theyneedto build democracy with functionalFederalismwhere the people in the regional states becomethe real makersof that Federalism and realize they are the owners of their destiny when Bottom-up approach is entirely absent and cooperation with Federal became unbearable. That is why theother regional states see the process in Kismayoas agleam of hopeemerging through thefar edge of the tunnel where a new thinking and new approach to the conflict resolution in Somalia is lighting through which the road to realization of democratic new-Somaliaiscoming nearer and closer. Unfortunately, the gap between the Federal government and the Regional States continueto widen and further deteriorating as a result of the conflict between Reconciliation and reoccupation positions. As a final point, the simplistic and misleading question on where Somalilandstands regardingthe ‘Somali crisis’ in general and whether Somaliland is part of the problem or a lighton the road tosolution. On this regard,I would like to display the fact that the Somaliland argument is simple and clear, and goes saying, show me a new thinking and new approach to the issue of conflict resolution, where the hope beginsthat a peaceful and democratic Somalia is within the scope of possibility,the pointwhereIwould be able toshow you where Somaliland stands?. Adam M. Jibril can be reached by email: adamjibril@hotmail.com Tel.00252634426175 Qaran News
-
MOGADISHU (HOL) - Up to 6.3 million Somalis will be facing acute food shortage by December, the Food and Agriculture Organisation (FAO) has warned calling for scaled up donor support to avert suffering. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanha-27102019.mp3 View the full article
-
Garowe (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo aan ku sugan madaxtooyada Soomaaliya iyo midda Garoowe ee Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka abaabuleen kacdoon ka dhan ah madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi, siyaasiin, ganacsato iyo odayaal dhaqan oo dhamaantood ka soo jeeda goballada Mudug iyo Bari ee Puntland ay magaalada Muqdisho kula kulmeen masuuliyiin ka tirsan Villa Somalia. Masuuliyiintaan ayaa lagala hadlay arrimo quseeya xaaladda Puntland iyo sidii loo mucaaradi lahaa madaxweynaha talada haaya ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay Villa Somalia sheegtay in uu la shaqeyn waayay dowladda. Sidoo kale masuuliyiintaan ayaa noo sheegay xubnaha la kulmay saraakiisha Villa Somalia ee dowladda dhexe ay xubnaha Puntland kala hadleen in kacdoonka lagu saleeyo tabashada shacabka Puntland, waxaana loo balan qaaday xilal iyo lacago. Waxyaabaha doorka ay saareen oo ka jira degaanada Puntland waxaa kamid ah lacag maamulka Puntland is hortaagay taas oo ka timid Xukuumadda Soomaaliya kuna socotay dhismaha wado muhiim ah oo Puntland ku taala, heshiiyo lala galay Imaaraadka iyo in maamulkiisa lagu eedeyo waxqabad la’aan. Masuuliyiinta ka socda Puntland ee yimid Muqdisho lana kulmay madaxda Villa Somalia waxaa kamid ah Xildhibaan Cawil Daad oo shalay su’aal adag weydiiyay Madaxweyne Deni, odayaal dhaqan iyo ganacsato reer Puntland ah kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda Mudug iyo Bari oo ah 2-da gobal ee maanta diidan hogaanka Puntland. Saciid Deni ayaa la sheegay inuu aad ugu dhow yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo maxdaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo labadaba aysan isku wanaagsaneyn Villa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian. Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland. Kulanka kadib Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka iyo arrimihii looga wadahadlay, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in safiirka ay tahay markiisii labaad oo uu yimaado Puntland, waxaa uu xusay in booqashadiisu ay kusoo beegmayso xilli Puntland isu diyaarinayso maalgashi iyo kobocdhaqaale. “Maanta waxaa nagu soo booqday magaalada Garoowe safiirka dalka shiinaha ee Soomaaliya oo xaruntiisu tahay Muqdisho, runtii waa markii labaad oo uu yimaado Garoowe, waan uga mahadcelinayaa safiirka booqashadiisa, isagoo metelaya dalka Shiinaha oo xiriir dheer oo taariikhiya la leh dalka Soomaaliya, guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland” “Waan ku faraxsanahay booqashadiisa ku salaysnayd inaan isdhaafsano aaraa iyo aragti, Puntland oo marayso heerka horumarinta dhaqaalaha inuu soo booqdo, iyadoo ay joogaan shirkado shiinays ah oo dalka horena u maalgeliyey, haddana maalgelin kaleeto ka samayndoona haddii Alle idmo, shirkadahaas oo runtii u caansan tahay shirkadda CCECC oo dhistay garoonka Diyaaradaha Boosaaso, hadana mashaariic kale ka fulindoonta dalka, waan ku faraxsanahay imaanshihiisa waanna uga mahadcelinayaa, waana soo dhoweynayaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Safiirka shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland markiisii labaad, waxaana uu bogaadiyey iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee Puntland iyo dalkiisa, “Waa markii labaad ee aan imaado Puntland oo aan soo dhigo cagahayga dhulkan aadka u quruxda badan, waxaa sahashey tan saaxiib tinimada wanaagsan ee na-dhexmartay, ujeedada socdaalkaygu waxa ay ahayd inaan dardargelino saaxiiib tinimada ka dhexaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo shiinaha, inaan wax ka ogaano fursadaha ganacsi ama maalgashi ee ka jira Puntland iyo inaan dhiirigelino iskaashiga maalgashi ee ka dhexeeya labada dhinac”. “Sanadkan horaantiisii Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Deni wuxuu soo boogday gobolka Zhejiaing, labada dhinac waxay ka wadahadleen qodobo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta saaxiibtinimada qotada dheer ee labada dhinac, waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Deni iyo Dowladda Puntland dedaalka ay ku bixiyeen sidii ay u horumarin lahaayeen xidhiidhka saxiibtinimo ee Puntland iyo shiinaha”Ayuu yiri Safiirka shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayna soo magacowday Dowladda Soomaaliya ayaa doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeenka, waxaana loo diiday in ay iska dhex doortaan xoghayaha Guddiga, diidmadan ayaa ka timid dhanka Wasaarada arrimaha Gudaha. Seddex qof oo kamid ah Guddiga ayaa muujiyay in ay shaqadooda u madaxbanaan yihiin laga soo bilaabo markii la magacaabay, balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Eng. Cabdi Maxamed Sabri ayaa ku qanciyay guddiga in aysan u madaxbaaneyn, islamarkaana xogheynta Guddigu uu noqon doono Yaxye Cali Hareeri oo ka socda dhanka wasaarada, sidoo kalena qaraabo dhaw la ah Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Xubnaha Guddiga oo markii horaba badankood ahaa dhalinyaro taageersan siyaasada madaxda dowladda ayaa u muuqda guddi aan awood u laheyn in uu soo dhiso maamul loo dhanyahay oo la marsiiyo sifo sharci. Inta badan Murashixiinta iyo saamileeyda siyaasada Galmudug ayaa horay uga horyimid xubnaha guddigan, dhanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa iyana sameeystay Guddi kale oo doorasho, kadib markii ay sheegeen in dowladdu uga baxday hwshiis-yadii hore. Magaalada Dhuusomareeb ayaa xiligaan waxaa ka socda dhiilo colaadeed iyo doorasho garab u raran. Dhismaha Maamulka Galmudug ee xiligaan ayaa tusaale u ah damaca iyo nuuca doorasho ee ay sameeyn doonaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre marka lagaaro doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021. Warqadii lagu magacabay guddigan ayaa lagu cadeeyay xogheynta Guddiga. Hoos ka arag
-
Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe kusoo dhoweeyey wefdi balaaran oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay safiirka qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire Mr James Swan ayaa kulan ka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta. Deni ayaa tilmaamay in ay ka wada-hadleen safiirka arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, waxaana uu uga mahadceliyey hay’addaha Qaramada Mudiibey shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan dalka, gaar ahaan Puntland oo uu xusay Madaxweynuhu in shaqooyinkaasi ay muddo dheer soo socden. Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan ayaa dhankiisa bogadiyey horumarka balaadhan ee ay Puntland ka gaartay dhan walba. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland diyaar u tahay ka qayb qaadashada geeddi socodka siyaasadda, Amni, iyo Dhaqaalaha dalka, heeganna mar-walba u tahay ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan. “Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.” Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa uuna si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo, isaga oo adkeeyey go’aan adayga iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso. Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamuud. View the full article
-
Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay wefdi balaaran oo uu hogaaminayey Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian. Deni ayaa sheegay in safiirka ay tahay markiisii labaad oo uu yimaado Puntland, waxaa uu xusay in booqashadiisu ay kusoo beegmayso xilli Puntland isu diyaarinayso maalgashi iyo kobocdhaqaale. Mr Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland markiisii labaad, waxaana uu bogaadiyey iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee Puntland iyo dalkiisa. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Hbeen-27102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo Villa Somalia ay sheegtay inuu qeyb ka yahay “dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan. “Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.” Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa uuna si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo, isaga oo adkeeyey go’aan adayga iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso. Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamuud.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donal Tramp ayaa ka hadlay dil uu sheegay in ay u geeysteen hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee ISIS. Trump ayaa hadalkiisu ahaa ; “Xalay dowladda Mareykanku waxay caddaaladda hor keentay hoggaahimihii argagixisada adduunka Abuubkar Albaqdadi waa dhintay. Wuxuu ahaa ninkii aasaasay hoggaankana u ahaa ISIS. Ururka argagixiso ee ugu naxariista daran uguna dhibaatada badan dunida oo dhan. Dowladda Mareykanku waxay baadigoobeysay Baqdaadi sannado badan. In la qabto ama la dilo baqdaadi waxay ahayd ahmiyadda qaranka tan ugu sarreysa ee maamulkeyga. Ciidamada hawlgallada gaarka ah ee Mareykanka ayaa fuliyey hawlgal qatar ah, geesinnimo leh xilli habeen ah woqooyi-galbeed ee Siiriya waana ku guuleysteen hawlgalkooda. Ciidamada mareykanku waxay ahaayeen kuwo aad u tababaran oo aad u taxaddaray, ma jiro askari ku geeriyooday hawlgalka, halka dagaalyahanno badan oo la socday baqdaadi lala dilay. Wuxuu dhintay kaddib markii markii uu waayey si uu ku baxsado. Dhismihii ay ku jireen hadda ciidamada ayaa gacanta ku haya waxayna noqdeen kuwo isdhiiba ama la toogtay oo la dilay. 11 carruur ah ayaa laga soosaaray guriga waana kuwo aan wax dhaawaca ah qabin. Qofka kaliya ee haray waa baqdaadi oo ku jiray god wuxuuna kusii jiiday 3 ka mid ah carruurtiisa wuxuuna ku qasbay inay la dhintaan, wuxuu gaaray halka ugu dambeysa tubbada iyadoo eeyaheennu eryadeen, wuxuu xirtay jaakaddiisa qaraxa isagoo isdilay iyo saddex carruurtiisa ah. Jirkiisa waxaa jarjaray qaraxa waxaana ku dumay godka laakiin tijaabooyin laga qaaday jirkiisa ayaa caddeynaya inuu isaga yahay. Burcadkaas isku-dayey inuu cabsi geliyo dadka wuxuu ku dhammeystay waqtigiisa ugu dambeeyey cabsi iyo argagax oo ay badeen ciidamada mareykanku. Waxaan dhismaha ku sugneyn qiyaastii 2 saacadood kaddibna markii lagu guuleystay hawlgalka waxaan goobta ka qaadannay qalab aad casri u ah iyo xogo quseeya asalka ISIS iyo qorsheyaasha mustaqbalka. Geerida baqdaadi waxay muujineysaa dabagalka aan kala go’a lahayn ee mareykanku ku bixiyo hoggaamiyaasha argagixisada iyo mas’uuliyadda naga saaran u adkeysiga sidii aan gebi ahaanba u baab’in lahayn ISIS iyo ururrada kale ee argagixisada ah. Hadafkeennu waa mid aad u fog. Sida aad ogtihiin bishii hore waxaan ku dhawaaqnay inaan dilay dhawaan Hamza Bin-Ladin, wiilkii ugu dhibka badanaa ee Osama Bin-Ladin kaasoo waxyaabo aad u xun dadka ku sheegi jiray, dalkeenna iyo adduunka. Wuxuu qeyb ka ahaa Al-Qaadidda, Argagaxiye, Cabburiye iyo dila dadka aan waxba galabsan, uma seexan doono si nabad ah isagoo og inaan dhammaantood ciribtiri doonno. Bahalladaan aadka u xun nagama baxsan doonaan kamana baxsan doonaan maxkamadda Alle. Baqdaadi muddo dheer ayuu baxsad ahaa, waqti dheer oo ka horreysay intii aanan xafiiska la wareegin. Laakiin amarkeyga ka taliyaha ciidanka mareykanka ahaan waxaan tirtirnay qaliifadiisa boqolkiiba boqol bishii Maarso sannadkan. Dhacdada maanta waa mid kale oo na xasuusineysaa inaan sii wadno dabagalka argagixisada hartay ee ISIS illaa aan soo afjarno. Waxaa sidoo kale jidkaas maraya ururrada kale ee argagixisada ah. Baqdaadi iyo kuwa fashilmay ee la shaqeeya oo aan war ka hayn qatarta ay ku jiraan oo mararka qaarna ah kuwo aad u foolxun oo cabsanaya dadkana dila laakiin waxay dileen dad aad u badan, waxay dileen muwaaddiniin mareykan ah oo aan waxba galabsan, james folen, Istiifan Saglof, Bitar Kaasig, iyo Kele Muler oo ahaa dilal aad u foolxun. Dilkii la baahiyey ee duuliyihii Jordan. Wiil aad u cajiib ah ayaa la hadlay boqorka jirdan wey ogaayeen dhammaan weyna jeclaayeen in nolosha lagu gubo isagoo xero yar ku jira, daldalladii Libiya ee kirishtaanka loo geystay ejebti iyo sidoo kale iyo dilwadareedkii yisiidiyiinta. ISIS waxay noqonayaan kuwa laga ciribtiro taariiqda adduunka. Waxay gesteen dilal badan oo dunida oo dhan laga daawaday waana dhaqankii iyo rabitaankii Abuubakar Al-baqdaadi. Waa wax uu ku faanayey wuxuu ahaa nin aad u xun oo xanuunsan laakiin hadda waa na dhaafay. Baqdaadi wuxuu ahaa xaasid dhib badan wuxuuna u dhintay sidaas si la mid ah isagoo fuley ah, cararaya oo oynaya. Weerarkan wuxuu ahaa mid aad looga shaqeeyey wuxuuna dhici karay oo kaliya markii wadashaqeyn laga helay dalalka qaar iyo dad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa meeshii ugu sarreeyay gaartay caburinta weriyaasha iyo warbaahinta halkii markii hore ay tabasho qabeen siyaasiinta iyo shacabka gobalka Banaadir iyo kuwa Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana laga digayaa halista arintaasi ka dhalan karta. Waxaa shaki kaa gelaya nuuca dowladda maanta ka jirta Soomaaliya markii aad eegto heerka caburinta iyo jirdilka lagula kacayo dadka ka aragti duwan madaxda dowladda Soomaaliya. Dowladda ayaa sameysay talaabooyinkii ugu dambeeyay ee aamusinta warbaahinta kadib markii maanta oo kaliya ay xarag iyo jirdil isugu dartay ilaa 5 weriye oo ka shaqeeya 3 xarun warbaahinta oo ku yaala magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa hore shirarka looga joojiyay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo iyadoo ay xabsiyada la dhigay boqolaal dad ah oo ka aragti duwan madaxda dowladda Soomaaliya. Dad badan ayaa ka digayaa halis ka dhalin karta caburinta weriyaasha iyo dadweynaha waxaana muuqda in kacdoon toos ah uu ka bilaaban karo Muqdisho. Cabashada waxa kaliya ma ahan weriyaasha iyo siyaasiinta balse waxaa qaba caruur iyo ciroole dadka ku nool Muqdisho. Wadayaasha gaadiidka BL-ka ayaa maalintii labaad dhigay maanta banaanbax waxaana qaarkood loo geestay Jirdil iyo xarig. Wadayaasha ayaa sheegayay in ay iska iibiyeen gaadiidka Tax-ga iyo gaadiidka kale ee raaxada kadib markii ay waayeen goobo ay maraan, arintaasi waxay horseeday dhaqaalo la’aan iyo bur burka qoysas badan. Weriyaasha, siyaasiinta iyo shacabka Muqdisho iyo Baydhao ayaa ah bulshada kaliya ee maanta uu saaran yahay culeeska caburinta waxaana meesha ka baxday xuquuqdii halka taas oo dalka u horseedi karta kacdoon dadweyne. W/Q: Maxamed Cali Gacal Muqdisho, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Popular Contributors
