-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo qaar kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, kulanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxay aqoonyahanadu aragtidooda ka dhiiban doonaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay ee dastuurka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalaaysha waxa uuna sharaxay ujeeddada iyo hannaanka shirku u socon doono. Sidoo kale, Maxamed Gaagaab oo kamid ah xubin ka tirsan Gudigga La-socodka ee dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhaweeyay shirka isaga oo ka warbixiyay howlihii badnaa ee la soo qabtay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay. Wasiir Ku-Xigeenka Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in aqoonyahanada shirka lagu casuumay ay hortaallo howlo adag oo ah inay aragtiyadooda ka dhiibtaan arrimaha dalka ee masiiriga ah. Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan shirkan idin kala soo qaybgalo oo ka doodno aayaha dambe ee Soomaaliya, sida aad ogtihiin dastuurka inta ugu badan dib-u-eegis ayaa lagu sameeyay waxaana dooneynaa inaad taladiina ka dhiibataan; aqoonyahanada waxay kamid yihiin dadka ugu muhiimsan bulshada sidaa awgeed waxaan idinkaga fadhinaa inaad aqoontiina ku kordhisaan howlaha aan wadno”. Ugu dambayn, aqoonyahanada ka qaybgalaysa shirka ayaa waxaa lala waadagay nuqul kamid ah qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay iyagoo bilaabay inay ka talo bixiyaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa soo saaray amar deg deg ah, kadib kormeer uu ku tagay garoonka kubadda cagta ee Naadiga Muqdisho City Club ee dowladda Hoose. Filish ayaa amaray in inta ka dhiman bishan November looga guuro dhulkii Munishiibiyada ay laheyd, isagoo ka dalbaday shacanka degan in illaa 1-da bisha soo socota ay uga baxaan dhulkaasi oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay guddoomiyuhu inuu uga mahadcelinayo dadkaasi muddadii ay hayeen dhulkaasi, hadana ay u soo baahatay dowladda hoose “Meelo dad u dhisan ayaa jirta oo naloo sheegay oo ah Garoonkii Basketball-ka iyo Baarkii Minishiibiyada, waxaa u qabaneynaa dadka degan inay nagu soo wareejiyaan illaa 1-da bisha December ee soo socota, waxaa rajeynayaa mar haddii mulkiyada nala sheeganeyn inay nagu daahin, waa u mahadcelineynaa nagama heysan waa noo hayeen”ayuu yiri guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Amarkan oo ah mid deg deg ah oo shalay uun soo baxay ayaa waxaa cabasho ka muujinayo dadka degan qeybo ka mid ah dhulkii ay laheyd Kooxda Minishibiiyada, kuwaas oo sheegay in aysan ku filneyn waqti ahaan muddada loo qabtay, iyadoona horay aan loogu soo wargelin, ka hor booqashada guddoomiye Cumar Filish. Dhulalka danta guud ee ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkan dib u soo ceshaneysay dowladda Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo hadalka Cumar Finish
-
Korneyl Aadan Axmed Xirsi oo loo yaqaano Rufle, kana mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa eedeyn culus u jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland. Rufle ayaa ku eedeeyey Maxamuud Sayid Aadan in isagoo kaashanaya ciidamada Kenya uu dhibaato ka wada gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka shaqeynayo iska hor keenka beelaha dega gobolka Gedo iyo hurinta colaadaha ka jira gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Cod-Cadaani.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysnaa oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka ku yaalla Xeebta ee dalkaasi. Weerarka oo dhabo gal ahaa ayaa waxaa lagu dilay labo Haween ah oo ka mid ahaa shaqaalaha Jaamacadda Ukunda ee magaalada Mombasa, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey weerarka ay dadkaasi la socdeen gaari ay leedahay Jaamacadda oo ay saarnaayeen shaqaale, arday iyo ciidamo Boolis ah oo ilaalo ka hayey gaarigaasi, balse ay la kulmeen weerar gaadmo ahaa oo lagu soo qaaday. Taliyaha Booliska gobolka xeebta oo ka hadlay dhacdadab ayaa sheegay inay ku raad joogaan dableydii ka dambeysay weerarkaasi oo goobta isaga baxsaday. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ragga weerarka fuliyey ay ku dhuumaaleysanayaan dhulka Keymaha, balse ay ka daba tagi doonaan Ammaanka gobolka Waqooyi Bari ayaa ah mid halis ah, waxaana waddooyinka gobolkaasi weeraro ka fulisa Al-Shabaab oo inta badan beegsata gawaarida isaga kala goosha deegaanada dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Muddooyinkii dambe weerarada Al-Shabaab ee gobolka ayaa ahaa kuwa xoogan, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa ciidanka Kenya ay ka howlgala halkaasi.
-
(SLT- Norway)-Sirdoonka Ingiriiska ayaa ku boorinaya Norway inay joojiyaan la shaqeynta Kenya, halka ay dhinac kalena taageerayaan dowladda Soomaaliya, si ay uga faa’iideystaan shidaalka Soomaaliya, waxaa sidaas qoray Wargeys Africa Intelligence. Wargeyska ayaa sheegay in diblomaasiyiin Norwegian ah ay dhowaan la kulmeen sirdoonka Britain ee MI6, kuwaas oo ku booriyey in Oslo ay joojiso siyaasada laba wajiilenimada ah ee ay uga faa’iideysanayso muranka ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka xuduudda badda. Britain ayaa ka mid ah dhowr dal oo reer galbeed ah oo taageersan Soomaaliya, marka ay noqoto muranka badda, sida ay qortay warbaahinta lagu daabaco qoraalalada cilmiga ku dhisan ee The Conversation ee dalka Australia. The Conversation ayaa sidoo kale sheegay in Norway ay taageereyso Soomaaliya sababo la xirdhiidha in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu haysto dhalashada Norway, iyo xaqiiqda ah in Kenya ay hore u caydhisay shirkadda shidaalka Norway ee Statoil. Hase yeeshee African Intelligence ayaa leh “Norway waxay ciyaareysa siyaasad laba dhinac ah.” Wargeyska ayaa ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay kasoo xigtay in dowladda Norway ay shaqaaleysay shirkadda ka shaqeysa amniga badaha ee Drum Cussac, si ay ula taliso dowladda Kenya. Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in heshiiska is-fahamka ee ay galeen Somalia iyo Kenya, kaasi oo uu saxeexay wasiirkii iskaashiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur, balse uu diiday baarlamanka Soomaaliya, uu haa mid uu soo diyaariyey danjirihii geeriyooday ee Norway Hans Wilhelm Longva. Source
-
War ka soo baxay dowladda oo lagu daabacay wakaaladda wararka Sonna ayaa lagu sheegay howlgal ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose in lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab. Bartilmaameedka howlgalkaasi oo ay sida wadajir ah u fuliyeen ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka ayaa ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo ku sugnaa deegaanada howdka, sida lagu sheegay warbixinta. Sidoo kale war-qoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah,mudadii uu socday howlgalkaasi, balse khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. “Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab,tani ayaa hoos u dhigaysa awoodii kooxda, iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa,waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah”. sidaasina waxaa sheegay saraakiisha ciidamada howlgalkaasi hoggaaminaysay. Dhinaca kale war ka soo baxay Al-Shabab oo ay kaga hadleen duqeyntaasi ayaa waxa ay ku sheegeen in lagu dilay nin ganacsade caan ka ahaa halkaasi. Al-Shabaab ayaa magaca ninkaasi ku soo koobtay Ismaaciil, waxaana ay sheegtay inuu ku sugnaa deegaankja Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose. Maalmihii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada ka socda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article
-
Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Kulanka oo ah mid wadajir ah ayaa waxaa ajandayaasha ka mid ah akhrinta 1-aad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka 2020-ka xisaab xirka Miisaaniyadda 2018-kii Sidoo kale xildhibaanada labada gole warbixin guud ka dhageysan doono guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, taas oo la xariirta safarkii uu dhowaan ku tegay magaalada Addis Ababa ee Caasilmada dalka Itoobiya Waa kulankii ugu horreeyey oo ay si wadajir ah u yeelanayaan xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka, tan iyo markii la xaliyey khilaafkii xooganaa ee u dhexeeyey. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeelayanaya gudaha magaalada Muqdisho. Kulanka oo ah mid ballaaran oo qeyb ka ah Kalfadhiga lixaad ayaa waxaa xildhibaanada labada aqal ay uga arrinsan doonaan qodobo muhiim ah Ajandayaasha kulankan ayaa waxaa ka mid ah akhrinta 1-aad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2020-ka oo ay dood adag ka yeelan doonaan labada dhinac. Sidoo kale xildhibaanada labada gole ayaa lagu lagu wargaliyay in ajandayaasha kulanka wadajirka ah ee maanta uu qeyb ka yahay xisaab xirka miisaaniyadda 2018-kii. Wararka ayaa intaasi ku daraya in goluhu ay warbixin guud ka dhageysan doonaan guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, taas oo la xariirta safarkii uu dhowaan ku tegay magaalada Addis Ababa ee Caasilmada dalka Itoobiya Waa kulankii ugu horreeyey oo ay si wadajir ah u yeelanayaan xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka, tan iyo markii la xaliyey khilaafkii xooganaa ee u dhexeeyey.
-
Quarry miners in Mandera East have obtained orders stopping the government from harassing them while carrying out their business. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-20112019.mp3 View the full article
-
(SLT-Iran)-Shacabka Iiraan ayaa dhigay dibadbaxyo lagu taageerayo dowlada oo ka dhacay saddexda gobol ee ugu waaweyn kaasi oo lagaga soo horjeedo banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay maalmihii la soo dhaafay magaalooyinka dalkaas. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii xukuumada Tehraan ay boqolkiiba konton ay kordhisay qiimaha Gaas-ka oo cadho xooggan ku abuurtay dadweynaha. Dibadbaxyada oo dhacay shalay ayaa kumanaan ruux waxay iskugu soo baxeen gobolada Azerbaijan Zanjan Chaharmahal iyo Bakhtiari, oo Jiho ahaan dhaca waqooyi galbeed iyo koonfur galbeed ee dalka Iiraan. Shaqsiyaadka soo qaban qaabiyay banaanbaxa ayaa sheegay in ay aqbalayaan in dowlada lagaga cawdo si nabad ah, balse ay ka soo horjeedaan dibadbax kasta oo wax u dhimaya Qaranimada. Maalmo ka hor ayey aheyd markii hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayatulaahi Cali Khumeyni uu wacad ku maray in si adag loola macaamili doono dibadbaxayaasha burburinaya Hantida Iiraan. Wuxuu dhanka kale ku eedeeyay wadamada cadowga ku ah in ay dabada ka riixayaan banaanbaxa iyagoo adeegsanaya dad dabadhilif u ah waa sida uu hadalka u Dhigay. Xoghayaha arimaha Dibada Mareykanka Mike Pompeo oo ka hadlay rabshadaha ka taagan Iiraan ayaa sheegay in Washington ay soo dhaweyneyso mudaaharaadka looga soo horjeedo Dowlada Iiraan. Source
-
(SLT-Washington)-Patrick Carlineo, oo ah muwaaddin Mareykan ah islamarkaana hore dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar oo ka mid ah Baarlamaanka Mareykanka ayaa lagu helay dambi la xidhiidha in uu dil ug hanjabay Xildhibaan Mareykan ah. Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Newyork ee dalka Mareykanka James Kennedy, ayaa sheegay in xorriyadda hadalka ay sharci tahay haddana ayna ku jirin wax u dhimidda Xildhibaannada Mareykanka oo waliba dil loogu hanjabo. Patrick Carlineo oo 55 jir ah ayaa Ilhaan Cumar dil ugu hanjabay Bishii March ee sannadkan isaga oo xilligaas ku eedeeyay inay argagixiso tahay isaga oo diinteeda iyo dhalashadeeda ku saleynayay. Sonya Zoghlin, oo ah Qareenka u doodaya ayaa sheegay in wakiilka qofka uu ka yahay uu muujiyay aragtidiisa iyo fikirka uu siinayo dastuurka Mareykanka. Maxkamadda dhegeysatay kiiska ayaa sheegtay in Patrick Carlineo lagu helay dambiga islamarkaana xukunkiisa kama dambeysta ah uu dhacayo 14ka February sannadka soo socda. Source
-
Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka SONNA. Bartilmaameedka howlgalkaasi oo ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Mareykanka ayaa ahaa, saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Alshabaab,kuwaasi oo ku dhuumalaysanayey degaannada howdka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose . War-qoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa, ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah,mudadii uu socday howlgalkaasi,balse khasaare lagu gaarsiiyay malayshiyaadka Alshabaab. “Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi horjooge ka tirsanaa koxda Alshabaab,tani ayaa hoos u dhigaysa awoodii argagixisada,iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa,waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah” sidaasi waxa yiri saraakiil ciidan oo ay soo xigatay SONNA. Saraakiisha ayaa sidoo kale ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada,ilaa waddanka looga saaro Alshabaab,si dalka loogu soo celiyo nabad iyo xasilooni waarta. PUNTLAND POST The post Shabeellahada Hoose: Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay hawlgal qorshaysan appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo xalay dib ugu soo laabtay dalka kadib safarro shaqo uu ku maqnaa wadamada Faransiiska, Belgium iyo Qatar, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safarkiisa oo guul kusoo dhamaaday waxuu ka billaawday Faransiiska, waxaana magaalada Paris kusoo dhaweeyay madaxweynaha Faransiiska. Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay kulanka sanadlaha ah Madasha Nabadda Paris, ayaa dhanka kale booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Paris, waxuuna ballan qaaday in dowladdu dayactir iyo horumarin ku sameyneyso dhismaha safaaradda iyo hoyga safiirka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu Paris u joogay ka qayb galka kulanka madasha, waxuu kulamo doceedyo la qaatay, wasiirrada arrimaha dibadda Faransiiska Nederlands, Ruusha iyo Finland , iyo xoghayaha arrimaha dibadda Sweden. Dhammaan mas’uuliyiinta uu kulamada la qaatay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay xoojinta xariirka dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya, arrimaha deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray dib-u-habeynta dowladdu ay dalka ka waddo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Paris kula kulmay madaxweynaha bangiga horumarinta Islaamka, Dr. Bandar Hajjar iyo Xog-hayaha guud ee weriyaasha aan Xuduuda la hayn… Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Faransiiska uga sii safray Belgium waxuuna magaalada Brussels kulamo kula qaatay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah iyo madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub oo ay ka wada hadleen xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Mudane Xasan Cali Khayre oo safarkiisa oo qaatay 10 maalin kusoo gebagebeeyay Qatar, ayaa amiirka Qatar, Amiir Tamim bin Hamad Al Than, Dooxa kula qaatay kulan looga hadlayey xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safaradiisi dibadda appeared first on Puntland Post.
-
CEO of money transfer service speak exclusively to African Business Review on why his company means more to him than just making money. Source: Hiiraan Online
-
Xuutiyiinta Yeman oo qabsaday saddex markab oo mid Sacuudigu leeyahay Maleeshiyada Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa shaaciyey in ay dhanka koonfureed ee Badda Cas “ku qabteen saddex markab oo midkood Sacuudigu leeyahay lana yidhaa Raabiq”. Telefishanka Al-Masiirah ee Xuutiyiinta ayaa tilmaanay in dagaalyahannada kooxdaasi ay Saddexdaa Markab ku qabteen meel 3 Mayl u jirta jasiiradda Cuqbaan, markii ay soo galeen biyaha Yemen iyaga oo aan wax ogaysiis ah bixin”. Telefishanku wuxu intaa ku daray in “dhegaha ay ka furaysteen shaqaalaha markaabiistaasi ilaalada xeebuhu tahay badheedh cad oo lagu jabinayo xeerarka caalamiga ah iyo ku xad gudub madaxbannaanida Yemen.” Dadka Maraakiibta saaran ayaa waxay ka koobanyihiin 16 qof oo labo ka mid ah ay u dhasheen Dalka Koofurta Kuuriya, halka inta kale aan la sheegin waddamada ay ka soo jeedaan. Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Koofurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in muwaaddiniinteeda ay badqabaan islamarkaana ku jiraan gacanta kooxaha Xuutiyiinta ah. Huwanta Sucuudigu hogaamiyo ayaa iyaguna mar hore xaqiijiyey in “Xuutiyiintu Badda Cas ku af-duubeen markab jiidayey agabka saliidda ka qoda badda oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed”. Wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa iyaduna ka soo xigatay af-hayeenka xulufadaas, Turki Al-Maaliki, inu yidhi “ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta ayaa galabnimadii Axaddii dhanka koonfureed ee Badda Cas ku af-duubay markab”. Xuutiyiinta Yeman ayaa ku andacooday in Doomahaan ay ku xadgudbeen biyaha Dalka Yemen ,lana geeyay Magaalada Xudeyda. Qaran News
-
Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ku saabsan dhameystirka Dastuurka KMG ah kaas oo ay layeelatay aqoonyahanadda Soomaaliyeed. Kullankaas wadatashiga ah ayaa socday muddo labo cisho ah waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dhameystirka Dastuurka iyo sidoo kale qodobadda u baahan wax ka badalka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuur Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo soo xiray kullanka wadatashiga ahaa ayaa sheegay in aqoonta dadka Soomaaliyeed loo baahan yahay gaar ahaan dadka Waxbarashadoodu heerka sare tahay. “Waxaan u baahanahay aqoonka ku jirta Aqoonyahanada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan maxaa yeelay waxaa ku jira wax badan oo aan dhexdeena laga heleyn sidoo kale faa’iido badan ugu jirto dadka Soomaaliyeed” sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo soo geba-gabaysay shir ku Saabsan dhameystirka Dastuurka KMG appeared first on Puntland Post.
-
London (Caasimada Online) – Sirdoonka Britain ayaa ku boorinaya Norway inay joojiyaan la shaqeynta Kenya, halka ay dhinac kalena taageerayaan dowladda Soomaaliya, si ay uga faa’iideystaan shidaalka Soomaaliya, waxaa sidaas qoray Wargeys Africa Intelligence. Wargeyska ayaa sheegay in diblomaasiyiin Norwegian ah ay dhowaan la kulmeen sirdoonka Britain ee MI6, kuwaas oo ku booriyey in Oslo ay joojiso siyaasadeeda laba wajiilenimada ah ee ay uga faa’iideysanayso muranka ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka xuduudda badda. Britain ayaa ka mid ah dhowr dal oo reer galbeed ah oo taageersan Soomaaliya, marka ay noqoto muranka badda, sida ay qortay warbaahinta lagu daabaco qoraalalda cilmiga ku dhisan ee The Conversation ee dalka Australia. The Conversation ayaa sidoo kale sheegay in Norway ay taageereyso Soomaaliya sababo la xiriira in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu haysto dhalashada Norway, iyo xaqiiqda ah in Kenya ay horey u cayrisay shirkadda shidaalka Norway ee Statoil. Hase yeeshee African Intelligence ayaa leh “Norway waxay cayaareysa siyaasad laba dhinac ah.” Wargeyska ayaa ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay kasoo xigtay in dowladda Norway ay shaqaaleysay shirkadda ka shaqeysa amniga badaha ee Drum Cussac, si ay ula taliso dowladda Kenya. Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in heshiiska is-fahamka ee ay galeen Somalia iyo Kenya, kaasi oo uu saxiixay wasiirkii iskaashiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur, balse uu diiday baarlamanka Soomaaliya, uu haa mid uu soo diyaariyey danjirihii geeriyooday ee Norway Hans Wilhelm Longva. Oraahyadii ugu caansanaa muranka ugu badana dhaliyeen ee laga diiwaan geliyey Siyaad Barre
-
Sheeko Kale: Furii Baan Baadhayaa Cabdisalaam Yaasiin Juxaa ayaa goor habeen ah meel iftiin ah oo xaafaddiisa ahayd bilaaabay in uu baadh baadho. Ciiddii ayuu faraa la galay oo kolba dhinac u rogay. Dadkii jaarka ahaa ayaa u yimi. Waxay ku yidhaadeen, “Juxaa, maxaa kaa lumay ee aad baadhaysaa?” “Furihii guriga ayaa iga lumay,” ayuu u celiyay. Ka dibana jaarkii ayaa bilaabay in ay furihii ciidda kala baadhaan. Markii ay in xilli ah baadhayeen, ayay ciiddii waxba ka waayeen. Mid ka mid ah jaarkii ayaa Juxa weydiiyay, ‘Halkee furuhu kaaga lumay?” “Guriga gudihii ayuu,” ayuu u celiaya Juxa. “Haddaa maxaad halkan u baadhaysaa,” ayuu weydiyay jaarki. “Halkani iftiin ayay leedahay,” ayuu u celiyay Juaxaa!!! Cabdisalaam Yaasiin Juxaa ayaa goor habeen ah meel iftiin ah oo xaafaddiisa ahayd bilaaabay in uu baadh baadho. Ciiddii ayuu faraa la galay oo kolba dhinac u rogay. Dadkii jaarka ahaa ayaa u yimi. Waxay ku yidhaadeen, “Juxaa, maxaa kaa lumay ee aad baadhaysaa?” “Furihii guriga ayaa iga lumay,” ayuu u celiyay. Ka dibana jaarkii ayaa bilaabay in ay furihii ciidda kala baadhaan. Markii ay in xilli ah baadhayeen, ayay ciiddii waxba ka waayeen. Mid ka mid ah jaarkii ayaa Juxa weydiiyay, ‘Halkee furuhu kaaga lumay?” “Guriga gudihii ayuu,” ayuu u celiaya Juxa. “Haddaa maxaad halkan u baadhaysaa,” ayuu weydiyay jaarki. “Halkani iftiin ayay leedahay,” ayuu u celiyay Juaxaa!!! Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay sameysay wax uu ugu yeeray “dayacaad dambi ah.” Caynte ayaa tixraaceeyey mashruuc biyo-xireen ah oo uu Talyaaniga ugu talo-galay Soomaaliya, kaasi oo baaqday kadib markii dowladda Soomaaliya ay soo dalban weyday. Wargeyska La República ee Talyaaniga ayaa dhowaan qoray warbixin, ay soo xigatay Caasimada Online, oo uu ku sheegay in lacag 6 milyan oo dollar ah oo loogu talo-galay in lagu dhiso biyo xireeno ka hortagi karay fatahaadda webiga Shabelle uu ka sameeyey qeybo ka mid ah maamulka HirShabelle dib loo celiyey markii dowladda Soomaaliya ay soo gubin weysay soo-jeedinta mashruuca. Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Haddaad maqasho dayacaad dambi ah “criminal negligence” meel kale ha u raadin. Fatahaadaha Beledweyne ka dhacay waa laga waaban karay haddii dowladdu dhug u yeelan laheyd mashruucan.” Ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray “balse dhisamaha biyo xireenka waxaa uga muhiimsanaaday carqaladeynta deegaanno xasilloon.” Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa goor sii horreysay oo maanta ah qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay gudbisay soo jeedinta mashruuca. “Dowladda federaalka iyo Talyaaniga waxay wada-xaajood la lahaayeen suurta-galnimada ah inay nala siiyo taageero looga hortagi fatahaadaha. Soo-jeedinta mashruuca waxaa loo gudbiyey dowladda Talyaaniga si ay u eegto, wada-hadalkana weli waa socdaa. Lama ansixin, lamana saxiixin wax mashruuc ah illaa hadda.” Ayuu wasiirka ku yiri qoraalkiisa.
