Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Marka (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee saddex askari oo ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya oo ku dhintay qarax miino oo loo dhigay ayaa meydadkooda laga soo qaadi la’yahay duleedka magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose. Askartaan oo saarnaa gaari Nooho ah ayaa ka soo baxay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose, waxaana lagu qarxiyay degaan lagu magacaabo Kili Caafimaad oo ku dhow degaanka No 60 ee gobalka Shabeellada Hoose. Ehellada askartaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay ku hanjabeen in ay weerari doonaan dadkii soo doono meydadka askartaasi oo ay sheegeen in ay weli yaalaan halkii ay ku dhinteen. “Meydadka 2 kamid ah gaariga banaankiisa ayey ku soo dhaceen, halka midka kalane uu ku jiro gudaha gaariga oo bur buray Al-shabaab-na waa diideen in aan soo qaadano” ayuu Caasimada Online u sheegay qof kamid ah ehellada askartaasi. “Dowladda Soomaaliya waan u sheegnay in ay naga caawiyaan sidii aan usoo qaadan laheyn meydka wiilasheyna laakiin ilaa hadda jawaab kama helin waxaana dhalinyaradu geeriyoodeen Axaddii” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka aan la hadalnay. Waalidiinta askarta ka tirsanaa ciidamada milateriga Soomaaliya ee meydkooda yaalo duleedka Marka ayaa aad uga niyad jabsan taageero la’aanta dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen waxaana degaankaasi uu yahay meel aan Al-Shabaab ku xooganeyn oo ay si caadi ah u maraan ciidamada dowladda Soomaaliya balse ay Al-Shabaab weeraro gaadmo ah ku soo qaadaan waqtiyada qaar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Maxaad ka ogtahay Eygii loo adeegsaday dilka Al Baghdadi iyo Bin Laden Lahaanshaha sawirkaSFGATEImage captionEeyadan noocan oo kale ah ayaa qiimo badan ka jooga caalamka Waxaa maalma kahor la dilay hogaamiyihii kooxda ISIS, Abubakr Al Baghdadi oo ay ciidamada Mareykanka ku weerareen deegaan ku yaala waqooyiga dalka Suuriya. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Al Baqdaadi uu ku cararay god dhulka hoostiisa ku yaala, ka dib markii ciidamada ay gudaha usoo galeen gurigii uu deganaa. Al Baqdaadi ayaa horay u kaxeysaty saddex caruur ah oo dhintay markii uu is qarxiyay. “Wuxuu tegay halkii ugu dambeesay ee godka, waxaana eryanayay eeyga, wuxuu qaraxiyay jaakadii uu xirnaa, waxaana halkaas sidoo kale ku dhintay saddexdii caruur iyo isaga, jirkiisa waxaa gogooyay qaraxa,” ayuu yiri Trump oo fahfaahinayay qaabkii uu u dhintay Al Baqdaadi. Eeyga ka qeyb qaatay hawlgalka ee dhaawcmay ayaa ah nooc ka mid ah eeyda lagu magacaabo K-9, kaas oo markii uu dhaawacmay ay dib ula soo noqdeen ciidanka Mareykanka. Muxuu yahay eeyga loo adeegsaday howlgalka? Eeygan oo lagu magacaabo Cairo ayaa ah xayawaan u tababaran sida ciidamada kumaandoosta, wuxuuna awood u leeyahay in uu uriyo qaraxyada iyo waxyaabo kale. Ciidamada Mareykanka ayaa eeygan u adeegsaday weerarkii ay ku dileen hogaamiyaha kooxda la baxday Khilafada Islaamka, Al Baqdaadi. Waa nooc ka mid ah eeyda loo adeegsaday hawlgalkii ciidanka Mareykanka ee loo yaqaano Belgian Malinois. Ron Aiello, oo ah sarkaal hawlgab ah, horayna uga tirsanaa ciidamada badda ee Mareykanka, haatanna madax ka ah shirkad carbisa eeyda dagaalka loo adeegsado ayaa wargeyska the New York times u sheegay in K-9 ay yihiin laba nooc oo kala ah German shepherd iyo Belgian Malinois, kuwaas oo inta badan loo adeegsado hawlgalada ammaanka ee ay qaadaan ciidamada militariga. Eeyadan noocan oo kale ah ayaa waxaa loo adeegsadaa hawlgalada ammaanka Eeydan ayuu sheegay in ay yihiin kuwa awood u leh in ay uriyaan qaraxyada, kana qeyb qaadan karaan hawlgalada sida ciidanka kumaandoosta ah oo kale. “Haddii ay ciidanka Mareykanka qaadayaan hawlgal, waxay u baahan yihiin eey urin kara qaraxyada, sidoo kalena wax iska dhicin kara.” Ayuu yiri Mr Aiello. Eeyda noocan oo kale ah ayaa heysta tababar heer sare ah, waana kuwa fulin kara weerarro, sidoo kalena qofka ku dili kara daqiiqado. Sanadihii dambe waxaa aad looga deyrinayay tirada eeyda u tababaran qaabka ciidamada gaarka ah, kuwaas oo la sheegay in ay aad u yar yihiin, si weynna loogu baahan yahay, maadaama dunida ay kusoo bateen weerarada ay qaadaan kooxaha lagu tilmaamo argagixisada. Donald Trump ayaa ka hadlay eeyga loo adeegsaday howlgalka wuxuuna sheegay in yy qabtay “shaqo culus oo ah qabashada iyo dilka hoggamiyaha Abu Bakar Al Baqdaadi”. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @realDonaldTrump Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @realDonaldTrump Qiimaha mid ka mid ah eeyda noocan oo aan tababarneyn ayaa lagu sheegaa in uu ka badan yahay 25 kun oo doolar, waxaanna ku rakiban qalab militari oo kala duwan oo ay ka mid yihiin jaakado ka celiya biyaha, leyrarka iyo kaamerooyinka sahlaya in qofka hagayo uu la socdo hawlgalka ay sameynayaan. Wargeyska The Bloomberg ayaa kusoo warramay in mid ka mid ah eeyda K-9 ee aad u tababaran, qalabkiisana uu u dhameystiran yahay uu qiimahiisa gaarayo 283 kun oo doolar. Eeyga loo yaqaano Cairo Eeydan ayuu Mr Aiello sheegay in marka si wanaagsan loo tababaro ay ban’iaadamka kaga wanaagsan yihiin xagga ammaanka ee urinta walxa qarxa iyo qalabka casriga ah ee loo farsameeyo in ay ogaadaan qaraxyada iyo waxyaabaha amni darrida keeni kara. “Anagu ma sameyn karno waxa eeydaas ay sameynayaan”, ayuu yiri Aiello, oo 1966-dii qeyb ka ahaa askar Amerikaan ah oo la geeyay dalka Vietnam, kuwaas oo watay eeyda dagaalka. Waxaa kale oo uu sheegay in eeydan ay sidoo kale u tababaran yihiin in ay badbaadiyaan nafsadda qofka ban’aadamka. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uu shaqo wanaagsan qabtay eeyga lagu magacaabo Cairo ee ka qeyb qaatay dilkii hogaamiyaha kooxda IS. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama oo hadlay bilo ka dib dilkii hogaamiyihii Al Qaacida Osama Bin Laden, ayaa sheegay in uu doonayo in uu la kulmo eeygii ka qeyb galay hawlgalkii lagu dilay dilka Osama Bin Laden, kaas oo markii dambe uu la kulmay. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in magaalada muqdisho ay ka jirto dhibaatooyin badan oo aan la mahdin, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto. Cumar Filish oo aan hadalkaan ka dhihin meel fagaaro ah ayaa dhowr qof oo siyaabo kala duwan ula kulantay oo ay ku jiraan odoyaal u qiray in uu wajahayo culeysyo ka weyn wixii uu filiyay markii loo magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho. Caqabadda ugu weyn waxa uu sheegay in uu kala kulmayo xubno ka tirsan xukuumadda iyo hay’adaha ammaanka, dhibaatooyinkaas ayuu sheegay in ay ku rideen niyad jab iyo rajo xumo sida ay noo xaqiijiyeen dadkii la kulmay Cumar Filish. “Dhibka aad ku qabtaan booliiska, shacabka oo dhana ay ku qabaan, weriyaashana ay ku qabaan ayaa anna ku qabaa waliba isku mid ayaa ka nahay” ayuu ku yiri qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada muqdisho oo la kulmay duqa muqdisho. “Waxaan isku dayay inaa kow wax ka qabto dhibaatada shacabka si aan u abuuro xiriirka shacabka iyo ciidamada lagana wadashaqeeyo amaanka laakiin waa laga horyimid waliba dagaal ayaa laygula galay dad sare ayaana ku jira kuwa igula dagaalay” ayuu yiri Cumar Maxamuud Maxamed Filish. Cumar Filish ayaa odayaasha u sheegay in dhibka uusan ku qaban oo kaliya saraakiisha ciidamada booliiska balse uu wajahayo dagaal kale oo culus kaas oo saameen ku leh shaqadiisa iyo masuuliyadii loo idmaday. “Kaliya saraakiisha ma ahan dhibka aan qabno hadii aa nahay gobalka ee waxaa dhib intaas ka weyn aan kala kulmeynaa masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, waana ka dhaqaaqi la’nahay” ayuu yiri Cumar Filish oo la hadlay qaar kamid ah odayaasha Muqdisho. Hadalka Cumar Filish ayaa imanaya ayada oo uu sii xumaanayo xiriirka kala dhaxeeya booliska, waxaana dhowaan ay isku dhaceen taliye ku-xigeenka koowaad ee booliiska Cusmaan Kaniif. Halka ka aqri xogtaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Dubai (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa bishan dhexdeedii booqasho rasmiya ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, si uu dar-dar gelin cusub ugu sameeyo xiriirka labada dhinac. Putin ayaa waxa si weyn garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay oo qaabilay Amiirka Abu Dubia, ahna dhaxal-sugaha, Mohammed bin Zayed, iyadoona loo sii galbiyay dhanka madaxtooyada dalkaasi. Bin Zayed iyo Putin ayaa wada-hadalo dheer waxay ka yeeshen sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo weliba maalgashiga. Booqashadaasi uu Putin ku tagay dalkaasi ayaa noqoneysa booqashadiisi labaad ee tan iyo 2007 uu ku tagay dalkaasi, iyagoona kulamo badan wada yeeshay, isla markaana hore ugu wadaxiriiri jirey khadka taleefanka. Waxayna booqashadaasi kaga gadisantahay kuwii hore in Madaxweyne Putin uu socdaal Khaliijka ah uu ku soo maray dalka Sacuudiga, isagoona xiligaasi dowladda Sacuudiga la soo saxeexday heshiisyo muhiim ah oo dhanka iskaashiga ah. Madaxweyne Putin ayaa u muuqda mid aad u daneynaya dalalka Khaliijka gaar ahaan wadamada Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo iyagu waqti xaadirkan saaxiib dhow la ah hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump. Sida ay sheegayaan khabiiro daraaseeya arrimaha siyaasada, dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xaqiiqsan in saaxiibtinimada Trump ay wax badan seejisay, isla markaana la gaadhay waqtigii ay dhinaca saari lahaayeen hogaamiyaha dalka Ruushka. Wadamadaasi ayaa sidoo kale waxa la sheegaya in cabsi baahsan ka qabaan wada-hadalka uu Mareykanku la furayo dowladda Iiraan, oo keeni karta isku soo dhowaansho Mareykanka iyo Iiraan ah, midaasi oo sababi karta in hoos u dhac weyn ku yimaado xiriirkii dowladahaasi Khaliijka iyo Mareykanka. Booqashooyinka Putin ee Khaliijka ayaa khabiirada qaar ku micneeyen mid dhabar jab ku ah xiriirka Trump iyo dowladda Mareykanka ee sida dhow ula howl-gala dowladahaasi, isla markaana shaki badan abuuri karta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  5. Beledweyne (Caasimada Online) – Tobaneeyo kamid ah maxaabiista magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo ay ka dhaxleen fatahaadda wabiga Shabeelle ee mara magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka hiiraan. Maxaabiistaan ayaa shalay waxaa xabsiyada ugu galay biyo xoog leh kuwaas oo la sheegay in ay baabi’iyeen inta badan xabsiga dhexe ee Beladweyne iyadoo si dhib yar looga badbaadiyay maxaabiistii xabsiga ku jirtay, sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka. “Aniga waxaa iiga xiran walaalkeey maalmahaan dhan waxaan u sheegeynay saraakiisha ciidamada in wiilasha meesha laga saaro laakiin waana diideen haddane waxaa qaaday biyihii oo si dhib leh looga soo badbaadiyay” ayey tiri haweeney ka tirsan dadka ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Maxaabiista ayaa hadda lagu hayaa saldhig ay dagan yihiin ciidamada booliiska Soomaaliya oo ku yaalo gobalka Hiiraan. Magaalada ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka jiro dhibaatooyin ballaaran oo ka dhashay fatahaadda wabiga Shabeelle kuwaas oo saameeyay guud ahaan dadkii ku noolaa magaalada oo isugu jira nuucyada bulshada ka kooban tahay. Sidoo kale fatahaaduhu ma saameeniin oo kaliya xabsigii Beladweyne balse waxay sidoo kale galeen xaruntii gobalka iyo xarumo kale oo muhiiim ah oo ka tirsan Beladweyne. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.ocm
  6. PRESS RELEASE Somali refugees return home from Yemen in latest UNHCR-facilitated departure With Yemen experiencing prolonged conflict and civilians facing life-threatening conditions, the situation for refugees, asylum seekers and migrants in the country has deteriorated significantly GENEVA, Switzerland, October 29, 2019/ — More than 4,800 Somali refugees have now returned home from Yemen since UNHCR, the UN Refugee Agency, commenced an Assisted Spontaneous Return (ASR) programme in 2017. In the latest departure, a boat carrying 114 Somali refugees left the Port of Aden on Monday and arrived at the Port of Berbera in Somalia today. With Yemen experiencing prolonged conflict and civilians facing life-threatening conditions, the situation for refugees, asylum seekers and migrants in the country has deteriorated significantly. In addition to the dangers posed by ongoing hostilities many refugees are now encountering increased hardship, lack access to basic services and struggle to cover basic needs and sustain themselves given limited work and economic opportunities. UNHCR and humanitarian partners also face significant challenges in ensuring safety, humanitarian assistance and access to essential life-saving services for refugees and asylum-seekers in the country. Some of the refugees returning home in yesterday’s ASR movement told UNHCR they were optimistic about a new life in Somalia and were hopeful that they will be able to secure their livelihoods by starting businesses. One father told UNHCR field staff that he aims to open a small business once home and provide a better life for his four children, including his one-year-old daughter who was the youngest passenger on the boat. As a long-standing refugee host nation and the only country in the Arabian Peninsula which is signatory to the Refugee Convention and its Additional Protocol, Yemen hosts the world’s second largest Somali refugee population, some 250,000 people. Refugee movements from Somalia to Yemen have been taking place since the 1980s. They continued following the outbreak of civil war in Somalia, with many fleeing generalized violence and individualized fear of persecution in addition to the consequences of drought and a lack of livelihood opportunities. “An increasing number of Somali refugees have been approaching us for help to return home. After years of life in exile, the decision to return is a difficult one to make but given prevailing conflict, insecurity and deteriorating humanitarian conditions in Yemen many tell us they are ready to go back and are hopeful about the future,” said Gwendoline Mensah, UNHCR’s Assistant Representative in Yemen. Thirty-seven organized departures have now taken place from Yemen to Somalia since the ASR programme commenced two years ago. The program is facilitated by UNHCR in cooperation with humanitarian partners and authorities in Yemen and Somalia. Those returning home are assisted by UNHCR and partners, including the International Organization for Migration (IOM). They are helped with documentation, transportation and financial support in Yemen to facilitate the journey, as well as return and reintegration assistance in Somalia. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
  7. PRESS RELEASE South Sudan and Egypt sign Landmark Cooperation Agreement at South Sudan Oil & Power 2019 The country will launch its first ever licensing agreement in the first quarter of 2020 regarding 13 blocks onshore open for tender JUBA, South Sudan, October 29, 2019/ — South Sudan and Egypt sign a Memorandum of Understanding regarding cooperation in the field of downstream oil and gas, during the 2019 South Sudan Oil & Power Conference; the country will launch its first ever licensing agreement in the first quarter of 2020 regarding 13 blocks onshore open for tender; with opening keynotes from H.E. First Vice-President Taban Deng Gai and H.E. Awow Daniel Chuang, Minister of Petroleum, at the annual conference focused on finance and investment. As a testimony to South Sudan’s growing attractiveness as an investment destination, South Sudan Oil & Power (SSOP) 2019 was host to delegations and officials from Kenya, Ethiopia, Egypt, Somalia, Norway, United States and South Africa. During his opening keynote, H.E. Minister of Petroleum of South Sudan, Daniel Awow Chuang, expressed the country’s vision in the oil and gas sector, amid increased production numbers: “The oil production in South Sudan has reached 178 000 barrels per day. We hope to reach 250 000 barrels per day in the near future. We are successfully reaching target thanks to extensive support from our partners and neighboring countries”. Minister Chuang emphasized on the importance of its cooperation with Sudan, with whom a historic peace agreement was signed last September. Several initiatives were highlighted by H.E. Chuang as well as H.E. First Vice President of South Sudan, Taban Deng Gai, showing the country’s efforts to significantly increase oil production. Last week, Sudd Petroleum Operating Company announced it would resume oil production at the end of the year. With a capacity of 80,000 barrels per day, the oilfields have been shut down since 2016. South Africa’s Strategic Fuel Fund, which signed an exploration and production sharing agreement in May 2019, announced it would launch an aerial surveying campaign of its block B2 in December. SSOP 2019 saw the signing of a Memorandum of Understanding between the South Sudanese government and Egypt’s state oil company Egyptian National Petroleum Corporation (EGPC) regarding regional cooperation in the field of downstream oil and gas. This comes a few weeks after Egyptian President Al-Sisi called upon Egyptian exploration and production companies to increase participation in African countries and urged service companies to invest in South Sudan. Egypt boasted a strong participation at the event, with several companies and delegations present including the EGPC, Petrojet, Petrogas, Al Khorayef, Drexel Oilfied Equipment, among others. South Sudan announced it would launch its first ever licensing round in the first quarter of 2020, putting up 13 onshore blocks for tender. Numerous international exploration and production companies have already demonstrated their interest in South Sudan’s oil and gas potential. Distributed by APO Group on behalf of Africa Oil & Power Conference. SOURCE Africa Oil & Power Conference Qaran News
  8. United Nations (UN), African Union (AU) and the United Kingdom (UK) have agreed to work on means to end the use of Improvised Explosive Devices (IED) in Somalia. Following a two-day meeting this week which attended by Stakeholders in Somalia’s security sector, the sides highlighted the need to build the capacity of Somali security forces to combat the use of IEDs. The meeting was supported by the African Union Mission in Somalia (AMISOM), the UN Mine Action Service (UNMAS) and the British Army. Participants during the seminar discussed issues relating to pre-deployment and in-mission training of AMISOM troops and their counterpart Somali security forces, dismantling the IED network within Somalia, and disposal of explosives, among others. They also highlighted the importance of improving the capacity of the Somali security forces to take over from AMISOM in mitigating the IED threat, which will, in turn, facilitate the handover of security responsibilities by AMISOM in line with Somalia Transition Plan. Lt. Col. Bob Slay, the acting Commander of the British Forces in Somalia stated that the IED environment in Somalia is complex and evolving. He suggested response mechanisms must therefore evolve and adapt faster to address the threat posed by IEDs in Somalia. The Deputy Force Commander for AMISOM in-charge of Support and Logistics, Maj. Gen. George Owinow noted that mitigating the threat posed by IEDs required continuous training of Somali security forces and AMISOM personnel. “The best weapon against IEDs is a well-trained soldier who practices correct drills, and maintains a conscious awareness of the environment,” noted Maj Gen Owinow. View the full article
  9. Turkey on Tuesday offered condolences to Somalia after heavy flood capsized a boat in Shabelle River city of Beledweyne, killing 15 people on Monday. “We are deeply saddened by the tragic loss of life and extensive damage caused by the heavy flooding in the city of Beledweyne in Somalia,” Turkish Foreign Ministry said in a statement. “We share the grief of the friendly and brotherly Somali people, wish Allah’s mercy upon those who lost their lives and extend our condolences to their families,” the statement added. Some 72,000 families became homeless due to the flood caused by heavy rains in the Hiran region for 5 days. During the rainy season in Somalia, occasional boat disasters occur in the rivers. Source: Anadolu Agency
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isaga baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee ay dhowaan sameysteen xisbiyada mucaaradka ee kasoo horjeeda xukuumadda federaalka, sida uu xubin ka tirsan u xaqiijiyey Caasimada Online. Go’aanka Xisbiga Wadajir ayaa yimid saacado kadib markii caawa ay soo shaac baxday in xisbiyada ay isku raaceen in hoggaanka Madasha loo doorto madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran. Si kastaba, Xisbiga Wadajir ayaa la sheegay inuu kasoo horjeeday islamarkaana diidanaa in hoggaan loo sameeyo xisbiyada, kadibna markii la qaadan waayey talada ay soo jeediyeen ay go’aansadeen inay banaanka ka istaagaan. Xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Wadajir oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay inay soo jeediyeen in la doorto isku-xire (Coordinator), islamarkaana aysan habbooneyn in guddoomiye ay yeeshaan maadaama aysan jirin mabda’ guud iyo siyaasad ay xisbiyada ku mideysan yihiin. Qaar ka mid ah xildhibaanada xisbiga UPD oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in dhowr maalmood ay isku dayayeen inay Cabdiraxmaan ku qanciyaan inuusan ka bixin isbahaysiga, balse uu ka diiday. Kulankii ugu dambeeyey ee la isku fahmi waayey ayaa dhacay shalay. Waxay sheegeen in Cabdiraxmaan uu doonayey in isaga guddoomiye loo doorto, haddii aysan taasi dhaceynna aanba la yeelan guddoomiye, labadaas markii ay dhici weysana uu qaatay go’aanka uu kaga baxay Madasha. Si kastaba, xubnaha Wadajir waxay sheegeen in taasi aysan jirin, balse waxa la isku qabtay tahay farsamo iyo qaabka loo wajahayo midnimada Xisbiyada, taasi oo sheegeen in meel qaldan lagu wado. Xildhibaanada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in maqnaanshaha Xisbiga Wadajir kaliya aysan wax badan soo kordhin doonin, maadaama dhammaan xisbiyada waa weyn ee dalka ay ku jiraan Madasha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar-Qumanaha-29102019.mp3 View the full article
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi oo maanta booqasho ku yimi Magaaladda Qardho ayaa Xariga ka jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble oo lagu sameeyay dib u dhis iyo dayactir dhameystiran. Madaxweynaha ayaa markii uu saagaray Xarunta Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble wuxuu Salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada halkaasi ku sugan, kadibna wuxuu ka qeybgalay Xafladda Xarig Jarka Dugsigan Ciidamada lagu tababarayo oo uu isagu maanta si rasmi ah u furay. Madaxweyne Deni oo ka hadlay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble wuxuu sheegay in Dowladda Puntland ay muhiimada koowaad siinayso dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada si loo helo Ciidan tirsan oo tayeysan. Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble ayaa ka mid ah xarumo lagu tababarayo Ciidamada Dowladda Puntland oo loo qorsheeyay in laga hirgeliyo Sanaag, Ceyn iyo Mudug. Sidoo kale qorshahaasi waxaa dhinac socda diwaangelinta casriga ah ee Ciidamada oo dhowaan la bilaabay. Xafladda Xarig Jarka Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Wasiiro ka tirsan Dowladda, La taliyeyaal dhinaca Amniga ah oo uu ku jiro Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, Saraakiil Ciidan oo uu hogaaminayo Taliyaha Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, Aqoonyahano, Hogaan dhaqan, Culimo, Haween iyo boqolaal ka mid ah Ciidamadii ugu horeeyay ee Tababarka ku qaadanaya xaruntan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo tababar u furay in ka badan 500 oo askari appeared first on Puntland Post.
  13. Turkey on Tuesday offered condolences to Somalia after heavy flood capsized a boat in Shabelle River city of Beledweyne, killing 15 people on Monday. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Loolan muddo toddobaadyo ah u dhaxeeyay xisbiyada u midoobay xukuumadda talada haysa, kuna saabtaan hoggaanka Madashii ay dhisteen, ayaa ugu dambeyn soo geba-geboobay, sida ay ogaatay Caasimada online. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ay isku raaceen cidda hoggaamineysa kadib tanaasul ay sameeyeen qaarkood. Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed oo haatan ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa la sheegay in loo tanaasulay, islamarkaana maalinta axadda ah loo dooran doono guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran. Qorshahaan ay xisbiyadu ku dooranayaan hoggaanka ay ku mideysanyihiin ayaa muddo soo jiitamayay, kadib markii la isku fahmi waayay cidda loo dooranayo iyo qaabka loo samaynayo madasha, iyadoo hoggaanka xisbiyada qaarna ay soo jeediyeen in aan la dooran guddoomiye ee la sameeyo oo kaliya xariiriye. Hoggaamiyaasha seddaxda xisbi ee kala ah UDP, Wadajir iyo Himilo Qaran ayaa ku loolamayay qabashada guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran. Ilo xog ogaal u ah arintaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in haatan ay madaxda xisbiyadaas u tanaasuleen madaxweyne Sheikh Shariif, isla markaana ay doonayaan in laga dhigo guddoomiyaha Madasha ku mudeysanyihiin dhamaan xisbiyada mucaaradka ah ee dalka. Maalmaha nasoo aadan ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu qabanayaa munaasabad looga dhawaaqi doono madashaas isbaheysiga ah, isla markaana uu guddoomiyaha ka noqa doono Shariif Sheikh Axmed hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dhismaheeda la isku raacay kadib xiisaddii ka dhalatay duulimaadkii Sheekh Shariif ee dowladda hor-istaagtay inuu ku tago Kismaayo, taasi oo aad uga carreysiisay xisbiyada dalka. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Dubai (Caasimadda Online) – Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa laga cabsi qabaa inay wajahdo masiibo dhaqaale, iyadoona loogu baaqay inay qaado talaabo deg deg ah oo ka dhan ah arrinkaasi. Xuseen Sajwani oo ah ganacsade weyn oo Imaaraati ah, isla markaana ah aasaasaha iyo gudoomiyaha shirkada Damac Properties, ayaa si adag u sheegay in loo baahan yahay in laga hortago musiibadaasi dhaqaale. Ganacsadahan ayaa sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan tahay in la qaado talaabo deg deg ah oo ka dhan ah sababaha musiibadaasi dhaqaale horseedi karta oo ah mid la xiriirta dib u dhiska xad dhaafka ah. Sajwani oo wareysi gaar siiyay wakaalada Bloomberg, ayaa waxa uu soo jeediyay arrin ah in la hakiyo dhamaan mashaariicda dhismaha Dubia muddo dhan hal ama labo sanno, si looga bad-baado musiibada dhaqaale ee arrinkaas. “Hadda waxa aanu taaganahay kala badhka dariiqa, ama waa in aan wax ka qabanaa mushkiladaa, ama waa in aan fiirsanaa musiibada” ayuu yiri Xuseen Sajwani. Sajwani aya sidoo kale waxa uu sheegay in iska dhego tirida arrintaasi ay horseedi karto dhaawac dhaqaale oo ku yimaada bangiyada maxaliga ah ee ka howl-gala waddankaasi gudihiisa. Isagoona si cad u bidhaamiyay in burburkaasi dhaqaale uu ka dhalanayo ‘haddii dhismayaashu ay sii faro bataan oo xadka ka baxaan, weliba kuwa guryaha iyo hoteladu, inay sababi doonaan hoos u dhac qiimaha kirada iyo dakhliga soo gala dalka Imaaraadka, taasi oo ku keeni karta dalkaasi burbur dhaqaale oo xoogan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in dowrkoodi ay ka qaataan sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu ku saameeyeen Hiiraan Gedo iyo daadadka ka dhashey roobabka ka da’ay gobalka Baay. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in xubnaha Dowladda ay mushaharaadkooda qeyb ahaan ay u jaraan,si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkaasi Soomaaliyeed oo dhibaataysan. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in loo baahanyahay in si isku mid ah loogu gurmado dadkaasi,sida ganacsatada wax haysata,culimaa’udiinka iyo qurba joogta Soomaaliyeed intuba. Fatahaadaha webiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa saameyn xooggan ku yeeshey dad badan,waxaa jira khasaare naf iyo maal oo ay ugu darantahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaa soo wehliya fatahaadda webiga Jubba ee Gedo iyo daadadkii ka dhashey roobabkii ka da’ay gobalka Baay. Waxaa soconaya dadaalo xooggan oo dowladda Soomaaliya iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ay ugu gurmanayaan sidii dadkaasi Soomaaliyeed loo garab istaagi lahaa. Guddigii ay dowladda Soomaaliya u magacowday howlahaasi gurmadka ayaa wada dadaalo ku aadan sidii samafal deg deg ah loo gaar siin lahaa dadkaasi,iyadoo magaalada Baladweyne dhawaan dowladdu ay gar gaar gaarsiisay. View the full article
  17. MOGADISHU (HOL) - The Food and Agriculture Organisation (FAO) has warned of impending cyclone this week expected to hit parts of Puntland Somaliland. Source: Hiiraan Online
  18. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa maamulka Ahlu-Sunna ku biiray tabaneeyo dhalinyaro ah kuwaas oo ka tirsanaa xer ama culumo kutubta diinta lagu baro degaano ka tirsan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirasn baarlamaanka Galmudug. Masuuliyiintaan ayaa Caasimada Online u sheegay in dhalinyaradaan aysan ka imaan oo kaliya Dhuusamareeb iyo Guriceel balse ay qaarkood ka yimaadeen degmooyin kale oo ka tirsan Galgaduud, Hiiraan iyo Mudug, waxaana lagu sheegay dariiqada suufiyada gaar ahaan qaadiriyada oo ah kuwa ugu badan ee maamulkaasi ka tirsan. Dhalinyarada ayaa qaarkood lagu sheegay in ay ahaayeen maleeshiyaad hub heesta sidoo kalane kutubta raacda maadaama degaanka uu ka jiraan dagaalo sokeeye ama bulshada Soomaaliyeed kuwooda reer guuraaga la sheego in ay yihiin dad hubeysan. “Dhalinyaro ku dhow 80-100 qof ayaa maalmihii la soo dhaafay soo galay degaanka waxaana dhalinyaradaan ay doonayaan in ay ku biiraan ciidamada taabacsan Ahlu-Sunna waxayna u badan yihiin xer” ayuu yiri masuulkaan aan la hadalnay oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug. “Odayaasha iyaga ayaa u wacday xertooda markii Muqdisho laga keenay diyaarado ciidamo ah hubna dadka waa heestaan Gobalada Dhexe waa qof iyo qori” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanka aan la hadalnay oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay yihiin mutadawaciin waxayna aaminsan yihiin ayuu yiri in jihaad ay galayaan ayada qaarkood la sheegay in ay ka qayb galeen dagaalo badan oo ay hore Ahlu-Sunna ula gashay Al-Shabaab. Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyada uu sii xumaanayo khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Ahlu-Sunna. Dowladda Soomaaliya ayaa boqolaal ciidan ka qaaday Muqdisho kuwaas oo la geeyay degaanka waxayna arintaasi abuurtay xiisad dagaal oo dhinacyada u dhaxeyso. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-29102019.mp3 View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa markii ugu ka hadlay muuqaal qabsaday baraha bulshada gaar ahaan Facebook oo ahaa dhacdo dhex-martay isaga iyo ciidammada nabad-galyadda wadooyinka. Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa qoraal uu arrinta kaga hadlayo waxa uu ku yidhi “Dhacdada muuqaalkan facebooka dhex wareegaysaa maanta maaha, shalayna maaha balse waa maalintii Sabtidii. Askariga waxaanu isu maan-dhaafnaynay arrin aan u arkayey inay gef igu tahay, waayo gaadhigayga oo barxad”parking” yaalla ayuu igu yidhi ka qaad Madaxweynihii baa soo marayee. Anna waxan ku idhi “madaxweynuhu jidadka ayuu maraa balse halkan parking ah lama maro oo sabab aan uga qaadaa ma jirto.” Dabadeena furaha ayuu iga qaatay inu i xidhayana waa iigu hanjabay. Hadalkii baa naga taagtaagmay balse dadweynihii meesha joogay ayaa na soo dhex galay arrintiina halkaas bay ku dhammaatay. Dadweynahaas na dhex galayna cissi iyo karaamaan u hayaa, waanan u mahad celinayaa. Allaha ilaaliyo iyaga iyo ummadeena oo dhanba. Warka kale ee aan arkayo ee leh “Weedhsame waa waa la xidhayna” waa war aan sugnayn oo sal iyo raad toona lahayn. Waqti xaadirkana ma xidhni, waase la i xidhi karaa haddii aan xad-gudub iyo gef sameeyo oo qofna sharciga kama sarreeyo, in dadku u sinnaado sharciguna waa waxa aanu hadh iyo habeen rabno ee aanu xukuumad kasta ku dhaliilayno. Ciidamada dirayska sidaa xurmo iyo qaddarin bay ka mudan yihiin Aniga iyo qof kasta oo shacabka Somaaliland ka mid ahba. Ciidanku Waxay habeen oo dhan dhaxanta u taagan yihiin, dharaar oo idilna milicda heeggan ugu yihiin, waa sugida ammaanka iyo ilaalinta nolosha shacabkooda, iyaga oo aan adduun iyo xoolo badan aanay ku helin. Sidoo kale, shacabkuna xaq waxay u leeyihiin in aan la bah-dilin, la handadin, loo cago-jugleyn, xuquuqdooda muwaadinnimana aan meel lagaga dhicin, sharafkoodana la dhawro.” Source
  21. (SLT-Qaahira)-Xufulafada Mareykanka ee dunida, gaar ahaan wadamada carbeed ee Bariga Dhexe ayaa ugu yeedhay dilkii maalintii Axaddii ee Hoggaamiyihii ururka Daacish Abubakar Al-baqdaadi, dharbaaxo weyn oo ku dhacday argagixisada, laakiin ay Daacish weli tahay halis argagixiso oo taagan. Hadaba, sida carabta iyo dalalka Bariga Dhexe ay uga jawaabeen, Halkan hoose ka DAAWO Source