Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,970
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - Three Al-Shabaab militants appeared in a military court in Mogadishu Sunday to face charges of membership to the outlawed group and deploying bombs targeting government and AMISOM forces. Source: Hiiraan Online
  2. Maxamed Axmed Yaasiin xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya. Xeer ilaaliyaha ayaa boggaadiyey guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyey ee ay ciidamada huwanta ka fuliyeen deegaanada Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan dhibaatooyinka daryeel la’aan ah oo heysata ciidamada, balse ay wax ka qaban doonaan Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay kordhiyeen dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollad Jubbooyinka. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-03112019-sx.mp3 View the full article
  4. Guriceel (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyey waxaa ay Ahlu sunna ka qabsatay degmooyinka Matabaan(Hiiraan) iyo Guriceel(Galgaduud), arrintan oo khasaare nafeed ay ka dhalatay. Maxaa ka dhalan kara? Su’aashaasi waxaa ay Idaacadda Goobjoog hordhigtay agaasimaha machadka Hiraal Xussein Sheikh Maxamuud isaga oo sheegay in talaabbadan dowladda ay dhaawac u geysan doonto hannaanka dhismaha maamulka dowlad goboleedka Galmudug. “ Maamulka dhismaya ee Galmudug ma noqon doono mid ay ku wada jiraan saamileyda oo dhan, mana heli-doono sharciyad haddii aan Ahlu-sunna qeyb ka noqon” ayuu intaasi raaciyey. Waxaa kale oo uu qabaa agaasime Xuseen in Al-shabaab ay naf ku soo laaban-doonto, oo khatar iman doonto, isaga oo ka hadlayana waxaa uu yiri “Ahlu sunna waa kooxda keliya ee iska dhicisay kooxda Al-shabaab, la’aantood waxaa ay Al-shabaab gaari lahaayeen ilaa waqooyoga sida Berbera iyo Hargeisa” isaga oo ku dooday in Al-shabaab heli-doonaan fursad aaney abidkood ku riyoon, wax badanna iska badli-doonaan qorshihii ladagaalanka argixisada Ugu dambeyntii, agaasimaha Hiraal Xuseen Sheekh waxaa uu Goobjoog News u sheegay in ujeedka dowladda ka leedahay qabashada magaalooyinka Ahlu-sunna uu yahay qorshe la xiriira dowladda kadibna marka ay soo laabtaan ciidamada halkaasi loo daabulay, istaagtana lacagta la xiriirta doorashada ay Ahlu-sunna heli-doonto waxa rabto, dib u soo laaban-doonto awoodeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Dowladda Soomaaliya ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyey waxaa ay Ahlu sunna ka qabsatay degmooyinka Matabaan(Hiiraan) iyo Guriceel(Galgaduud), arrintan oo khasaare nafeed ay ka dhalatay. Maxaa ka dhalan kara? Su’aashaasi waxaa ay Goobjoog News hordhigtay agaasimaha machadka Hiraal Xussein Sheikh Maxamuud isaga oo sheegay in talaabbadan dowladda ay dhaawac u geysan doonto hannaanka dhismaha maamulka dowlad goboleedka Galmudug. “ Maamulka dhismaya ee Galmudug ma noqon doono mid ay ku wada jiraan saamileyda oo dhan, mana heli-doono sharciyad haddii aan Ahlu-sunna qeyb ka noqon” ayuu intaasi raaciyey. Waxaa kale oo uu qabaa agaasime Xuseen in Al-shabaab ay naf ku soo laaban-doonto, oo khatar iman doonto, isaga oo ka hadlayana waxaa uu yiri “Ahlu sunna waa kooxda keliya ee iska dhicisay kooxda Al-shabaab, la’aantood waxaa ay Al-shabaab gaari lahaayeen ilaa waqooyoga sida Berbera iyo Hargeisa” isaga oo ku dooday in Al-shabaab heli-doonaan fursad aaney abidkood ku riyoon, wax badanna iska badli-doonaan qorshihii ladagaalanka argixisada Ugu dambeyntii, agaasimaha Hiraal Xuseen Sheekh waxaa uu Goobjoog News u sheegay in ujeedka dowladda ka leedahay qabashada magaalooyinka Ahlu-sunna uu yahay qorshe la xiriira dowladda kadibna marka ay soo laabtaan ciidamada halkaasi loo daabulay, istaagtana lacagta la xiriirta doorashada ay Ahlu-sunna heli-doonto waxa rabto, dib u soo laaban-doonto awoodeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa diiday xeerka Macdanta Somaliland oo ay guluhu ansixinayeen. Fadhigan lagu ansixinyay xeerka ayaa waxa ka soo qayb galay 52 Xildhibaan Waxa ogolaaday 22 Xildhibaan waxa ka soo hor jeestay 28 Xildhibaan waxa ka aamusay 2 Xildhibaan waxa sidaasi ku jabay Xeerkii macdanta somaliland ee num 88/2019 Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shir degdeg ah isugu yeedhay hoggaanka xisbiga. Ma jiro faahfaahin ka soo baxday shirka laakiin sawirrada shirka oo lagu faafiyay baraha bulshada ee xisbiga ayaa lagu Yidhi “Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo shir deg- deg ah hadda isugu yeedhay Xubnaha Fulinta Xisbiga Waddani” Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Ergo ka kala socota Somaliland iyo Soomaaliya ayaa kulan kooban oo wada hadaladii ku saabsan ku yeeshay dalka Djibouti. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Kulankan ayaa sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilahani, wuxuu dalka Djibouti ku qabsoomay 18 Oktoobar, waxaana dhinaca Somaliland uga qayb galay Wasiirka arrimaha dibadda Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Marwo Edna Aden Ismaaciil, halka ay dhinaca Soomaaliya uga qayb galeen ergo uu horkacayo xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo guddoomiye u ah guddi uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Sida ay xogahani sheegeen, ma jirto wax natiijo ah oo kulankaas ka soo baxday, marka laga reebo in la isku afgartay in loo diyaar garoobo in wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho dib u bilaabmaan. Laakiin ma jirto wax wakhti ah oo loo qabtay in wada hadaladaasi dib u bilaabmaan. Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa bishii September socdaalo kala duwan ku tagay dalka Djibouti, iyadoo ay markaas soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Geele doonayo inuu dib u bilaabo wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho oo ay dalkiisa ku kulmaan labada madaxweyne, waxaana la dareemi karaa inay Biixi iyo Farmaajo raali ka noqdeen inay dib u furan wada hadalada. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa sheegay in Saxaafadda dalku ay haysato madax-bannaani iyo xoriyad ay hawlaheeda ku gudato oo dheer tahay dalal badan oo caalamka ka tirsan. Wasiir Ku-xigeenku wuxuu sidaasi ka sheegay mar uu shalay ka furay Magaalada Hargeysashir shir laba maalmood ah daneeyeyaasha Saxaafaddu ku falanqeynayeen sidii loo daryeeli lahaa, loona horumarin lahaa xoriyaadka warbaahinta JSL. “Waxaynu maanta isku waafaqsan nahay oo shirkani kulamadii hore kaga duwan yahay inaan dhammaanteen isla qirsan nahay in xoriyadda Saxaafadda Somaliland ay tahay mid ka xoog badan xoriyadda ay haystaan dalal badan oo laga yaabo inay ku faanaan inay yihiin kuwa hoggaaminaya dimuqraadiyadda iyo madax-bannaanida Saxaafadda,”ayuu yidhi Wasiir Cabdinaasir Cumar Jaamac. Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintu wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la maalgashado Hay’adaha Warbaahinta dalka, si ay uga maarmi karaan wixii akhlaaqiyaadka Saxaafadda wax u dhimaya. Waxa kaloo uu tilmaamay in kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda Suxufiyiintu ay tahay arrin ahmiyadeeda leh oo u baahan in wadajir looga shaqeeyo. Wasiirku wuxuu iftiimiyey in Wasaaradda Warfaafinta ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Hay’adaha warbaahinta iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaanu xusay inay Wasaaraddu dhaqaale ku kabtay kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa, waxaanu caddeeyey inay qayb ka tahay siyaasadda xukuumadda ee la xidhiidha gacan siinta Saxaafadda. Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa sheegay in sannadkan sii galbanaya ee 2019ka ay diiwaangeliyeen 28 kiis oo ah khaladaad iskugu jira gefaf ay Saxaafaddu gashay iyo qaar ay masuuliyiin xukuumadda ka tirsani ka galeen suxufiyiinta, waxaanu shaaciyey in kiisaskaas lagu furdaamiyey wadahadal iyo isqancin. Guddoomiyuhu waxa kaloo uu qiray in aanay jirin cid xiligan u xidhan arrin saxaafadeed marka laga reebo hal kiis oo uu xaqiijiyey in xukun Maxkamadeed ka soo baxay. Source
  10. Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in maamulka iyo ciidamada Ahlu sunna ay weli joogaan qeybo ka mid ah magaalada. ilo ku sugan magaalada ayaa u sheegay Goobjoog News uu u sheegay in culimada joogaan INJI oo aheyd Madaxtooyadii ee Galmudug, wasaaradda waxbarashada iyo agagaaraha Isbitaalka Xanaano ee magaalada Dhuusamareeb, ciidamada ayaana kawada dhaqdhaqaaqyo goobaaas. Sidoo kale Ciidamada Ahlusunna ayaa horay u soo baxay deegaanada Matabaan oo gobalka Hiiraan ah, Guriceel iyo deegaanka Ceeldheer oo gobalka Galgaduud ah, waxaana jira cabsi shacabku ay ka muujinaayaan in lagu dhex dagaalamo madaama magaalada ay kuwada sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ahlusunna iyo madaxdooda. Is eedeyn ayaa socotay maamlmahan, Ahlu sunna waxaa ay dowladda federaalka ku eedeysay in ay uga baxday heshiis ay la galeen oo ku aadan dhismaha iyo saamiga ay ku yeelanayaan maamulka cusub ee Galamudug, oo dhismihiisa uu ka socdo magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale wasiirka wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Ahlusunna ay hortaagan tahay dhismaha Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Xidlhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay xaalada dalka, waxaanu baaq u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Dalkii maanta meel xun buu marayaa, waxaad mooda inay xaaladii nabadgalyo faraha ka sii baxayso, gaar ahaan Goboladii darafyada, waxaynu ognahay in Barriga jabhad ka dilaacday, halka Galbeedkana jabhadi ka dilaacday, markaas in nabadgalyada dalka xooga la saaro waa mid daruuriya, Madaxweyne haddii tabashooyinka jira ee la tirsanayo aad wax ka qabato, Suldaan iyo Askari jabhadeenaya ma jirayaan, Madaxweyne in badan bay Beelaha darafyada Somaliland tabashooyin qabeen, waxay ahayd in mar horeba tabashooyinkaas aad wax ka qabato, waxay ahayd inaad daacad ka noqoto saami-qaybsiga, oo waliba aad adigu u badheedho in Doorashada saami-qaybsi lagu galo, si Beelaha darafyadu waxay tirsanayaan ay u helaan, sidaas darteed Madaxweyne waxaa muuqata inay Somaliland darafyada ka soo yaraanayso, ee wax badan ka bedel nidaamkaaga siyaasadeed, oo kalsoonidii shacabka soo celi” Dhinaca kale Xildhibaankan ayaa ALLE uga baryey inuu u naariisto janadiina ka waraabiyo Taliyihii Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Imaan, oo shalay lagu aasay magaalada Hargeysa Samir iyo imaana uu ka siiyo dhammaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed Galmudug, gaar ahaan xiisada Ahlu Sunna iyo dowladda. Ugu horreyn wuxuu ka hadlay xiisada Ahlu Sunna ee ka taagan Matabaan iyo Guriceel, isagoona su’aal ka keenay, sida ay xukuumadda ku gaari karto u jeedooyinka siyaasadeed ee Gamudug, iyadoo adeegsaneyso awood ciidan. Sidoo kale wuxuu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre u soo jeediyey labo qodob oo kala ah:1- in dagaalka Al-Shabaab ay ula heshiiyo Ahlu Sunna, si Galmudug looga xoreeyo guud ahaan kooxdaasi iyo 2- in aan dhiig loo daadin kursiga Galmudug ee la dhiso maamul ay ku qanacsan yihiin labada goboled ee Galgaduud iyo Mudug. Halkan hoose ka aqriso: GALMUDUG XAL AAN XABAD AHAYN HA LALA BAADI GOOBO! 48 saacadood ee lasoo dhaafay degmooyinka Guriceel iyo Matabaan waxaa ka jiray hardan ciidan oo u dhaxeeyay Ahlu Sunna iyo ciidamada dowlada. Intii dhimatay Allaha u naxariisto. Inta dhaawaca ahna Allaha u booga dhayo. Aamiin. Sida muuqata labadaas magaalo hada gacanta dowlada ayay ku jiraan lkn waxaa iswaydiin mudan awood ciidan Xukuumadu maku gaari kartaa ujeedooyinka siyaasadeed ee ay Galmudug ka leedahay. Maxaase la gudboon Ahlu Sunna? Inta aan ka warqabo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada labo ujeedo ayuu ka leeyahay Galmudug kuwaas oo kala ah: deegaanada Galmudug ee uu kasoo jeedo oo Al-Shabaab laga xoreeyo iyo Madaxweyne doorashada 2020 kala shaqeeya in Galmudug loo doorto. Ku ceebayn maayo oo waa wax uu ku fakari karo qof kasta oo deegaankiisa ka fakaraya ama damac siyaasadeed leh. Lkn waxaan xasuusinayaa labo kale: Tan koobaad: Al-Shabaab dad isku uur ah ayaa iska xorayn kara, nimankii yaqaanayna waa kuwa aad siyaasada Galmudug isku haysaan ee kala heshii siyaasada. Wiilkii beri garabkaaga istaagi lahaana adigu maanta god ha u hoynin. Tan labaad: Galmudug kursi dhiig leh laguma dhaqi karo ee si mida hore aad uga miro dhaliso magac iyo maamuusna uga tagto dadka Galmudug wadar ogol maamul ha loogu dhiso. Ahlu Sunna waliba si gaar Macalin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir waxaan leeyahay siyaasadu maanta kaliya maahan, dadka iyo deegaankana wax badan ayaad soo tarteen dadkuna maanta dowladnimo ayay u hanqal taagayaan sax iyo qalad waxay rabaan ha aaminsanaadeen ee adinku maanta u tanaasula una ogolaada dowladnimada ay hayaanka u yihiin, si beri hadii wax qaldamaan odoyaal marjac ah oo loo soo laabto aad u noqotaan. Dhalinyaradii dadka, deegaanka iyo diinta soo difaacayna beri ayaa looga baahi badanyahay ee maanta dabka yaan lagu shubin. Mahadsanidiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. MOGADISHU (HOL) - Information Minister Mohamed Abdi Mareye has moved out directors of the state media agencies bringing new teams. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kulan la qaatay taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka, Richard Clark ayaa kala hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Khayre & Clark ayaa kulankooda diirada lagu saaray, sidii loo laba jibaari lahaa howlgallada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale labada mas’uul ayaa go’aan ku gaaray in la’iska kaashado haatan wixii ka dambeeya, sidii dagaalyahannada Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka. Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimo la xariira iskaashiga ammaanka ee ee dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka, howlgallada isku dhafka ah iyo dib u habeynta ciiidamada Xoogga dalka oo la filayo in dhowaan amniga au kala wareegaan AMISOM. “Sidii Al-shabaab looga saari lahaa dhulalka ay ka maamulaan Soomaaliya, Mareykankuna waa uu nagu taageeray, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay iskaashigeenna amaanka, howlgallada isku dhafka ah IYO dib u habeynta Ciiidanka amaanka Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana duqeymo ka dhan uu ka fuliyaa gudaha dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Isbedel ayaa lagu sameeyay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Somaliya kadib digreeto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Warfaafinta. Agaasimihii Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali ayaa xilkaasi laga qaaday, waxaana loo dhiibay Faarax Salaad Dharaar. Agaasimihii Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xilkii laga qaaday, iyada oo xilkaas loo Magacaabey Cali C/qaadir (Cali Maykal). Sidoo kale Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Fitaax Daahir Jeyte ayaa xilkii laga qaaday, waxaana xilkaas loo Magacaabey Yaxye Cali Faarax.
  16. Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Maleeshoyaadka Ahlu Suna ay laba u kala jabeen. Dagaalka ay Xukuumada Federaalku ku qaadey [...] Source
  17. Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo xalay warbaahinta kula hadlay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa kooxda Ahlusunna uga digay in ay fashiliyaan dadaallada loogu jiro dib u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug. “Waxa aan arkeyno maanta ma ahan Ahlusuna sidii aan ku soo wada bilownay, kama turjumeyso arrimihiisa masiiriga ahaa ee aan go’aanka ka gaarnay, Umadda Galmudug u sheegnay, waa dib u noqosho Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, waxaa leenahay walaalaheena ha bariiqanina jid fiican ayaa ku taagneyn, ha sababina idinkoo mid yar idin gaar ah meel ciriiri ah ku jirta labadaan farood ku raadinaya in aad Galmudug fashilisaan” ayuu yiri wasiirka. “Magaala-madaxnimadii Dhuusamareeb waa ku dhaawac, dadkii degaanka Dhuusamareeb waa ku dhaawac, Galmudug waa ku dhaawac. Magaca culimanimada iyo dadka culimada ah hoggaanka laga rabo iyo sida laga rabo umaddooda in ay runta iyo xaqiiqada ugu dhaweeyaan hal mid oo kamid ah ma anfacayo” ayuu sii raaciyay wasiir Cabdi Maxamed Sabriye. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay, xilli ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya la wareegeen gacan-ku haynta degmooyinka Matabaan iyo Guriceel ee Hiiraan iyo Galgaduud, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen malayshiyaad taabacsan Ahlusunna, iyadoo ay weli aloosantahay xiisad u dhexaysa labad dhinac. Hoos ka daawo muuqaalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo digniin adag u jeedisay kooxda Ahlusunna appeared first on Puntland Post.
  18. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa si kulul uga hadlay xiisada sii xoogeysaneysa ee u dhexeysa Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiir Sabriye ayaa hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca uga digay in ay ka horyimaadaan dadallada ay wado dowladda, islamarkaana ay fashiliyaan qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso Galmudug oo mid ah. Sidoo kale Sabriye ayaa sheegay in haatan waxa socda aysan ka tarjumeynin heshiiskii iyo ballamihii ay wada galeen labada dhinac, isagoona xusay in arrintani ay dib u dhigi karto geedi socodka loogu jiro dhismaha maamulka Galmudug. “Waxa aan arkeyno maanta ma ahan Ahlusuna sidii aan ku soo wada bilownay, kama turjumeyso arrimihiisa masiiriga ahaa ee aan go’aanka ka gaarnay, Umadda Galmudug u sheegnay, waa dib u noqosho Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, waxaa leenahay walaalaheena ha bariiqanina jid fiican ayaa ku taagneyn, ha sababina idinkoo mid yar idin gaar ah meel ciriiri ah ku jirta labadaan farood ku raadinaya in aad Galmudug fashilisaan.”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa wata ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in horumar laga gaaro arrimaha Galmudug, lana dhiso maamul loo dhan yahay, si looga gudbo khilaafaadka hareeyey, tan iyo markii la dhisay maamulkaasi. Dhawaqa ka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay haatan jiraan xiisado u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo ka taagan gobolka Galgaduud, kadib markii dowladda ay si buuxda ula wareegtay degmada Guriceel iyo sidoo kale qeybo ka mid ah magaalada Dhuusamareeb ee xaruta Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  19. OVER 300,000 people have been displaced due to drought and conflict in Somalia so far this year. The Norwegian Refugee Council (NRC) said insecurity is making it virtually impossible for humanitarians to provide aid in rural areas and is resulting in vulnerable people moving to overcrowded camps in urban areas for assistance. “The crushing effect of drought has stripped rural communities of their crops, livestock and water sources, while armed conflict closes in on their homes. We are now likely to see 2.1 million Somali people suffering from hunger by December and into 2020,” said Victor Moses, Country Director for NRC. “This population needs aid. But when insecurity restricts us from delivering it, many people are forced to leave conflict-hit areas to seek it out.” A total of 302,000 people were displaced between January and September this year according to the UNHCR and NRC-led Protection Return and Monitoring Network (PRMN). Conflict and insecurity accounted for more than half of all displacements (158,000) while drought (126,000) caused extreme hardship for many. ‘Flooding’ and ‘other factors’ were cited as drivers of displacement for more than 20,000 others. The lethal combination of conflict and drought has resulted in displaced mothers like Faduma Abdinor Mohamed (39) struggling to feed their families. “There’s no harvest from the farms. My children lost their father because of conflict, and we don’t have a farm or any livestock. The children lack education and food. I’m a woman, I have no opportunity to help my children. I have no job opportunities,” she said. The PRMN recorded the highest number of displacements in July with almost 52,000 people arriving at overcrowded camps and settlements looking for food (39 per cent), livelihoods (19 per cent) and shelter (18 per cent). The period coincided with the end of a very poor harvest season and steep increase in the price of staple cereal grains. According to the UN, the southern Gu season harvests were the worst recorded since 1995. Furthermore, Somalia is home to some 35,000 registered refugees and asylum seekers mainly from Ethiopia and war-torn Yemen, and an additional 38,000 Somali refugees that have returned from Yemen since March 2015. “Somali people that fled the country for protection elsewhere are now coming back to find themselves in a desperate situation. Armed conflict restricts opportunities, the impact of drought is severely affecting livelihoods and more often than not, people end up relying on aid to survive,” Moses added. This year’s UN humanitarian aid appeal for Somalia has requested $1.08 billion for humanitarian programmes in 2019, marking it one of the largest crises in the world. Only 62 per cent of the appeal is funded and is unlikely to meet the target by the end of the year. NRC is urging donors and governments to increase emergency aid for the Somalia crisis, reiterating that an already disastrous humanitarian situation risks deteriorating even further if needs aren’t met.
  20. Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si kulul uga hadlay Dagaalka ka dhex aloosan Dowlada Federaalka iyo Ahlu Suna wuxuuna ugu baaqay Ciidamada iney joojiyaan [...] Source
  21. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda. Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaabo kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha 29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee hore. August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) , waxa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada barista hey’adaha Amniga. Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay gacanta ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), Cabdi Qani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimada. Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaabo kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha 29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee hore. August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) , waxa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada barista hey’adaha Amniga. Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay gacanta ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016.
  23. Xildhibaanka cusub Faysal Cumar Geesdiir Nabaddoonada iyo isinka Beesha uu ka soo jeedo Xildhibaan Mahad Maxamed Warsame oo iska casilay xubinnimada Baarlamanka Puntland ayaa soo xulay xildhibaan cusub oo lagu beddelay booskiisa. Xildhibaanka cusub oo lagu magacaabo Faysal Cumar Geesdiir ayaa ka loo soo gudbiyay Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, kadib markii uu soo saxiixay isinka Beeshiisu, waxaana laga dhegaystay khudbad ku saabsan taariikh-nololeedkiisa, iyadoo markii dambe ay ansixiyeen mudanayaasha Baarlamanku, islamarkaana halkaasi lagu dhaariyay. Xildhibaanka booskan banneeyay, Mahad Maxamed Warsame oo laga soo doorto gobolka Bari, ayaa qoraal uu isagoo dalka ka maqan u soo diray Guddoonka Baarlamanka Puntland, wuxu isaga casilay xubinnimada Golaha, iyadoo isla saakaba lagu beddelay xildhibaan Faysal Cumar Geesdiir. Dhinaca kale, mudanayaasha Baarlamanka Puntland oo ku jiray kalfadhigooda 45-aad ayaa saaka warbixino kala duwan ka dhegaysanaya guddiyo-hoosaadyada Golaha, kuwaasi oo ka warbixinaya hawlaha ay u xil saran yihiin iyo kormeero ay ku sameeyeen gobollada. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay xildhibaan cusub appeared first on Puntland Post.
  24. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Dilka ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Nuur Ibraahim, kaas oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in maruuxmka ay toogasho ku dileen labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bistoolado. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Lama oga sababta loo dilay Nabadoonkaasi, welina ma jiro wax hadal ah oo uu maamulka deegaanka ka soo saaray dhacdadaasi. View the full article