-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta gudaha ee Talyaaniga ayaa shaacisay xog la xariirta Silvia Romano oo u dhalatay dalkaasi, taas oo sanadkii hore kooxda Al-Shabaab ay ka soo afduubatay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Silvia oo 24 jir ah, islamarkaana ka shaqeyneysay arrimaha Bani’aadanimada ayaa warbaahintu warisay in loo soo wareejiyey dhinaca koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku hayaan xooggaga Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay warbaahinta maxaliga ah sheegtay in haweeneydaasi oo muddo gacanka ugu jirta Al-Shabaab sabab amni looga soo weeciyey gobolka Jubbada Hoose. Dowladda Talyaaniga oo markale ka hadashay afduubka haweeneydan ayaa tilmaamtay inay ku dadaali doono sidii ay u soo furan laheyd, waxaana ay ka dalbatay dowladaha saaxibada la ah ee ku xoogan Geeska Afrika inay taageero ku siiyaan tallaabadaasi. Sidoo kale waxa ay dowladdu beenisay inay bixin doonto lacag madax furasho ah oo la siiyo Al-Shabaab, basle waxa ay sheegtay inay qaadi doonto howlgal Milatari. Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo kooban ay ka joogaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, inkastoo aysan ciidamadaasi ka howlgalin deegaanada Koonfur Galbeed oo la sheegay in lagu hayo haweeneydaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa cirka isku sii shareeraya isku dhaca xisbiga siyaasiga ah ee Wadani iyo maamulka Somaliland oo socday todobaad. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada amniga ee taliyaha booliska Soomaaliland Janeraal Saqadhi ay la wareegeen Xarumaha Xisbiga WADANI ee Berbera iyo Ceerigaabo. Khilaafka xisbiga siyaasiga ah ee Wadani iyo maamulka Somaliland ayaa sii xoogeysanaya, waa saacado uun kadib markii la xiray mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga. Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Booliska Soomaaliland ay awood kula wareegeen Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADANI. Habeenkii Isniintu soo galaysay ee 17 November 2019, waxa booliiska Somaliland xireen laba hoggaamiye oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo ah xogahayaha guud iyo Barkhad Jaamac Batuun, af-hayeenkii xisbiga, ayaa la xiray. 18 November 2019, waxa booliisku ay xireen xaruntii guud ee Telefiishanka Horn Cable, iyaga oo sidoo kale xabsiga u taxaabay tafitarihii telefiishanka Cabdiqaadir Cusmaan (Coday). Dhankeeda, xarunta xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa canbaaraysay xariga siyaasiyiinta mucaaradka Ah Iyo suxufiyiinta Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Ammaanka ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa xalay ilaa saala hawlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo kadib dil isla xalay magaalada loogu geystay taliyihii nabad sugidda gobolka Mudug ee Puntland Kornel Xaashi Aadan Cilmi. Baarista ayaa lagu waramayaa in weli socoto, waxaana la sheegay in tiro dad ah loo qabtay, laakin saxaafadda lalama wadaagin wax macluumaad ah oo arrintaas la xiriira. Dhinaca kale Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo, isagoo maanta kormeeraya saldhigyada ciidamda Booliska ee magaaladaas, lana kulmaya saraakiisha Booliska ee dhinacyada Puntland iyo Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada ammaanka ayaa sheegaya in ay soo qabanyaan ciddii ka dambeysay dil xalay magaalada Afgooye ee Shabeellada hoose loogu geystay Nuur Faarax Nuur (Nuur Xawaad) oo ahaa iskuwdaha maaliyadda ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed. Laamaha ammaanka ee gobolka ayaa sheegaya in dilkaasi aaney ka dambeyn xarakada Al-shabaab balse la garanayo cidda geysatay. Afhayeen u hadlkay ciidamada ayaa sheegaya in iyagu ka ciidan ahaan garanayaan cidda ka dambeysay isla markaana cadaaladda la horkeenayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo diiday in la xayiro Telefishanka Horn Cable TV War-saxaafadeed: Xayiraad diidis iyo Rumaan Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku diiday in la xayiro Telefishanka Horn Cable TV, oo ay xukuumadda Somaliland saaka horgaysay qoraal ay kaga dalbanayso Xayiradaas. Maxkamadda Gobolka Maroodijeex waxay saaka toddoba cisho oo Rumaan ah u jartay Wariye C/qaadir Cismaan Casayr (Coday), oo ay xukuumaddu sifo sharci darro ah ku xidhay, iyadoo Amartay in la hor keeno Maxakamadda Eeda loo haysto oo dhamaystiran Ururka SOLJA waxa uu mar walba ku kalsoon yahay in uu cadaaladda u maro furdaaminta Wariyayaasha iyo hay’addaha warbaahinta ee sharci darrada lagu xidhayo, isagoo u arka Xukuumaddu inay xagal daacinayso ku dhaqanka sharciga iyo Heshiisyada la gaadho. Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay joojiso talaabada ay mar walba ku qaadayso Warbaahinta isla markaanna Ixtiraanto nidaamka sharciga ah ee Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafaddu dhigayaan. Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa wariyayaasha iyo Mulkiilayaasha hay’addaha warbaahinta inay ilaaliyaan sharciga isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imanaya oo ay ku mutaysan karaan Ciqaab. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka SOLJA Source
-
(SLT-Berbera)-Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa gacanta ku dhigay doomo u socday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kaas oo ay leedahay dowladda Koofurta Kuuriya. Saddex doon oo ku sii jeeday maagalada Berbera ayaa ciidamada Xuutiyiinta ka qabteen xeebaha dalka Yeman meel 15km u jirta. Waxaa ay ka koobanyihiin 16 qof oo laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Koofurta Kuuriya halka inta kale aan la sheegin waddamada ay ka soo jeedaan. Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Koofurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in muwaaddiniinteeda ay badqabaan islamarkaana ku jiraan gacanta kooxaha Xuutiyiinta ah. Doomaha ayaa ka baxay gobolka Jizaan ee dalka Sucuudi Carabiya, lamana sheegin waxa saraan hayeeshee waxaa ay u gacan galeen ciidamada Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yeman. Maxamed Cali Al Xuuti oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in doomaha ay ku xadgudbeen biyaha dalka Yeman, lana geeyay magaalada Xudeyda. Waxaa uu sidoo kale Maxamed sheegay in ay gacanta ku dhigeen doon ka diiwaangashan dalka Sucuudiga hayeeshee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor ee gobolka Baay, Ibraahim Maxamed Nuur (Shik-Shigow) ayaa lagu soo warramayaa inuu isku dhiibay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib markii uu shalay la dagaalamay ciidamada daraawiishta maamulkaasi iyo kuwa dowladda Itooobiya. Wararka ayaa sheegaya in xal laga gaaray khilaafkii dhinac maamulka ee ka taagnaa degmadaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen waxgaradka deegaanka. Guddoomiyaha iyo ciidamadii uu watay ayaa isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed, isagoona ugu dambeyn aqbalay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub. Xiisadan ayaa sababtay dagaal shalay ka dhacay degmada Diinsoor, kaas oo ay ku dhinteen illaa 7 qof oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo la qabto munaasabadda xil wareejinta ee maamulka cusub ee magaaladaasi. Maalmihii dambe Diinsoor xaaladeedu waxa ay aheyd mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaq magaaladaasi sameeyey xiisada dhexeysan maamulka cusub iyo guddoomiyihii hore ee degmada, Ibraahim Shikh-Shigow oo ka horyimid xilka qaadistii lagu sameeyey. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)-Mareykanka ayaa dalkiisa ka mamnuucay mudane ka tirsan golaha aqalka sare ee Kenya u matala ismaamulka Busia oo lagu magacaabo Amow Wako oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdabamarin intii uu hayay Talada. Warsaxaafadeed ka soo baxay xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo isniintii shalay lagu xaqiijiyay in mr Wako lagu soo rogay xanibaad dhanka Safarka. Arintaan ayaa dhanka kale saameyn doonta xaaska mas’uulkan Kenyan ka ah oo lagu magacaabo Flora Ngaira iyo wiilkeeda Julius. Amos Wako, ayaa lagu helay in uu galay danbiyo xadid ah intii uu ahaa xeer ilaaliyaha guud ee wadanka Kenya. Ugu danbeyn Mareykanka ayaa balanqaaday in dowladda Kenya uu ka taageeri doono dagaalka lagula jiro musuq maasuqa iyo wax Isdabamarinta. Source
-
(SLT-Ankara)-Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ugu baaqay dowladda Jarmalka inay u soo gacan galiso hoggaamiyaha maleeshiyada Kurdida ee la magac baxday SDF oo ka dagaalanta dalka Suuriya. Arintaan ayaa timid toddobaadyo kadib markii millatariga Turkiga uu duulaan ku qaaday gobolka Idlib ee dhaca waqooyiga Suuriya si ay uga sifeyso maleeshiyada Kooxdaan. Waxaan si deg deg ah uga codsaneynaa in Jarmalka in uu soo masaafuriyo hogaamiyaha YPG Farxat Cabdi Saahin oo loo yaqaan Mazloum Kobani Abdi. Mr Cavusoglu ayaa hadalkaan ka sheegay kadib kulan looga hadlayay dhanka Miisaaniyada oo baarlamaanka Turkiga ku yeesheen Isniintii shalay magaalada Ankara. Baaqaan ayaa ku soo aadaya iyadoo warbaahinta Turkiga ay heshay warar sheegaya in hogaamiyaha SDF uu u safri doono wadamada Mareykanka iyo Jarmalka. Source
-
(SLT-China)-Dowladda Shiinaha ayaa digniin adag u jeedisay wadamada Mareykanka iyo Ingariiska oo ay ku eedeysay in faragalin ay ku hayaan siyaasada Hong Kong oo ay ka jirto xasarad dhanka Siyaasada bilihii la soo Dhaafay. Safiirka Shiinaha u matalada UK, Liu Xiaoming oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada London ayaa tilmaamay in Shiinaha uusan aqbali doonin faragalinta wadamadan ay ku hayaan arimaha siyaasada shiinaha gaar ahaan maamulka Hong Kong. Mr Liu ayaa intaa ku daray in wadamada reer galbeedka qaar ay si cad u taageerayaan rabshadaha ka jira Hong Kong ayna tahay wax aysan u dulqaadan doonin xukuumada Beijing. Tan iyo bishii June ayaa dibadbaxyo xoogan waxaa dhigayay shacabka iyadoo ay ku eedeeyeen maamulka Hong Kong siyaasad ahaan uu hoos tago dowlada Shiinaha. Source
-
Shirka ka tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha Dalka oo u dhaxeeya Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare iyo maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa Xalay lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Garoowe. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare Wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya, Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Xil-dhibaannada maamul Goboleedyada. Ujeeddada kulanka ayaa ahaa dhageysiga talooyinka maamul GoboleedyadaxXubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku aaddan hidise sharciyadeedka shirkadaha, kaas oo horyaalla Golaha Aqalka sare ee Dalka. Gaba-gabada Shirka Wada-tashiga ee u dhaxeeyay maamul Goboleedyada Dalka, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya Gaalkacyo ayaa sheegaya in saaka ciidamada ammaanka Puntland ay howlgallo ka wadaan Waqooyiga magaaladaasi, kadib markii xalay lagu dilay taliyihii ciidanka sirdoonka ee dowlad goboleedka Puntland u qaabilsanaa gobolka Mudug. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyey dilka marxuumkaasi oo lagu magacaabi jiray, Xaashi Cilmi Geelle. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkan, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana ay sheegtay inay goobta si nabad ah uga baxsadeen ragii fuliyey. Gaalkacyo waxaa maalimihii la soo dhaafay koonfur iyo waqooyi ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorsheysan. View the full article
-
(SLT-Mudug)- Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowladda Gobolleedka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in laba dhalinyaro ah ka danbeeyeen dilkii xalay Gaalkacyo loogu geystay Taliyihii Sirdoonka iyo Nabad-sugida gobolka Mudug Col Xaanshi Aadan Cilmi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in labadan qof markii ay dilka fuliyeen kaddib ay baacsadeen rag dhalinyaro ah oo la shaqeeya maamulka, laakiin nasiib darro mid ka mid ah dhalinyaradii baacsatay la dhaawacay. Wararkii ugu dambeeyey ee saaka Gaalkacyo aan ka heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka Puntland ay wadaan howlgallo kala duwan oo saraakiil ka tirsan Puntland ay sheegeen in ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas. Taliyaha ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa xaafad lagu magacaabo Suuq Barwaaqo oo ku taalla Waqooyiga Gaalkacyo, waxana dilka taliyaha ka hadlay maamulka Gobolka Mudug ee Puntland. Gaalkacyo waxaa sidan oo kale dhowr jeer oo hore lagu dilay saraakiil ka tirsan dowlad gobolleedka Puntland waxaa inta badan dilalka noocan ah sheegtay kooxaha ka soo horjeeda dowladda. Source
-
Agaasimaha guud ee Horn Cable TV, Maxamed Cabdi Ilig ayaa ka hadlay xarig labo Wariye oo ka tirsan TV-gaasi loogu geystay magaalada Hergeysa ee xarunta maamulkaasi. Ugu horreyn agaasimaha ayaa cambaareeyey falkaasi, wuxuuna sheegay in sifo sharci darro ay ku xiran yihiin Wariyeyaashaasi,sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland, gaar ahaan Booliska inay si de deg ah ku sii daayaan Saxafiyiintaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/ttt.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay la wareegeen labo xarun oo uu xisbiga mucaaradka Wadani ku lahaa gudaha magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo ee hoostaga maamulkaasi. Labadaasi xarun ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliska oo saaka aroortii hore lagu soo daadiyey magaalooyinkaasi. Wararka ayaa sheegaya in amarka lagula wareegay xarumahaasi uu bixiyey taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi, kaasoo sheegay in xukuumadu ay talaabo ka qaadi doonto dadka hor kacaya dibabaxyada uu ku baaqay Guddoomiye Cirro. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay markale isku dhacaan taageerayaasha xisbiga Wadani iyo ciidanka Booliska ee saaka la wareegay xarumaha xisbigaasi ee ku yaalla gudaha magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo. Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa sii xoogeysaneysa, taasoo daba socota murankii ka taagan guddiga cusub ee komishanka, ee ay dhowaan ansixiyeen golaha wakiilada. Shalay ayey aheyd markii rabshado xoogan ay ka dhaceen xarunta dhexe ee xisbiga Wadani oo ku taalla Hargeysa, kadib markii ay xoog ku galeen taageerayaasha iyo hoggaanka xisbigaasi oo uu ugu horreeyey guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
-
Turkey is a nation which is football-mad. When it comes to passion for football, Turkish fans are among the most committed. Turkish football is watched all over the world from coffee shops in London to, now, across Somalia. Somalis, like Turks, are crazy for football. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa saaka howlgallo ka wada gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgallada ayaa yimid, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dilay Nabadoon ka mid ahaa Ergadii wax ka soo xushay baarlamaanka Soomaaliya. Saraakiisha hoggaamineysa baaritaanadan ayaa sheegay inay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyey dilkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xumaanayey ammaanka degmada Afgooye oo laaba weeraro iyo dilal ay ka geystaan dagaalyahannada Al-Shabaab. View the full article
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho ay xalay ciidamada amnigu ay ku dileen nin ku hubeysnaa Bistoolad oo ku sugnaa degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Ciidamada Booliska ee ka howlgala xaafadda Seybiyaano ayaa ka shakiyey ruuxaasi oo dhalinyaro ahaa, waxaana ay ku amreen inuu istaago, balse uu isku dayay inuu ka baxsado, taas oo sababtay in la dhaawaco Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkaasi isagoo dhaawac ah uu dhexgal gaari rakaab ah oo ay uga daba tageen ciidamada, kadibna ay ku dileen halkaasi. Ma jiro weli war faah faahsan oo saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Dhowaan ayey aheyd markii degmooyinka Wadajir iyo Dayniile laga soo qabtay rag hubeysan oo weerar iyo toogasho ka kala geystay degmooyinkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-19112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka taliyihii sirdoonka Puntland ee gobolka Mudug, Xaashi Cilmi Geelle , kaas oo xalay fiidkii hore lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda lagu khaariyey taliyahaasi. “Mujaahidiinta ayaa howlgal ka dhacay magaalada Gaalkacyo ku khaarijiyay Xaashi Cilmi Geelle oo ahaa madaxii Ashahaadda ladirirka maamulka Ridada Puntland ee gobolka Mudug.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in kooxdii fulisay dilka ay si nabad ah uga tageen halkaasi. Taliyaha ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa meel aan sidaas uga fogayn guriga uu ka deganaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Goobjogayaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in xilliga la dilayay Marxuumka uu isku diyaarinayay inuu aado masaajid u dhawaa, maadaama la isku diyaarinayay salaadda Makhrib oo xilligaas la gelayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nadifa Mohamed FRSL, born 1981, is a Somali-British novelist. She featured on Granta magazine’s list of "Best of Young British Novelists" in 2013 Source: Hiiraan Online
