-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Darar-weyne)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta deegaanka Darar-weyne ee duleedka magaalada Hargeysa ka daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu tabobarayo dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban. Munaasibadda lagu furayo tabobarkan oo ka dhacday kulliyadda tabobarka saraakiisha ee Cabdilaahi Askar, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada Booliska, Militeriga, Badda iyo Asluubta, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, waxana laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo saraakiisha da’da yaryar ee la filayo inay halkaas kasoo aflaxaan oo qaybo ka mid ahi yihiin ardaydii dhawaan ka baxday Barnaamujka shaqo qaran ee dhinaca ciidamada u baydhay. Qaar kamid ah saraakiisha dhinaca Tabobarrada u qaabilsan ciidamada qaranka iyo saraakiisha madaxda ka ah kulliyada tabobarka oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay hoggaan ahaan u galeen in dalka laga hirgeliyo mashruuc lagu carbinayo da’yarta jaamacadaha kasoo baxday ee loo carbinayo sarkaalnimada, waxana ay shaaciyeen inay diyaariyeen dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada ee dhallinyaradaasi u baahan yihiin iyo macallimiintii laylin lahayd saraakiishaas da’ da yar. Taliyaha ciidamada militeriga Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ugu horrayn madaxweynaha uga mahadnaqay fikirka uu curintiisa leeyahay ee lagu carbiyey dhallinyaradii Barnaamujka Shaqo qaran ee qaybo kamid ahi haatan ku jiraan saraakiisha la laylinayo, waxana uu dhallinyarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan tabobarka ay nasiibka u heleen, una dhabar adaygaan sidii ay u dhammaysan lahaayeen. Taliyuhu waxa uu nasiib iyo hoodo gaar ah ku tilmaamay in saraakiisha cusubi dalkooda dhexdiisa ku helaan dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada, sida dugsigii Hoose, kii dhexe, kii sare, Jaamacaddii iyo kulliyaddii tababarka saraakiishaba. Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa isaguna dhankiisa guul qaranku gaadhay ku tilmaamay in dhallinyaro aqoon leh oo jaamiciyiin ahi kusoo biireen ciidamada kala duwan ee qaranka, islamarkaana dalkooda gudihiisa loogu carbinayo Sarkaalnimo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhallinyarada cusub ee loo carbinayo saraakiisha u jeediyey khudbad dheer oo la xidhiidha hawlaha sugaya, muhiimadda iyo karaamada ku jirta inuu qofku kamid noqdo ciidamada kala duwan ee qaranka. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in saraakiisha cusub ee loo carbinayo saraakiishu ay haystaan jidkii qaranka lagu ilaalin lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaad bilaabaysaan jidka ah aniga naftaydu waa inay ilaalisaa qaranka iyo danihiisa oo ay khatar walba u badheedhaa qof aan taas yeelinina garaaddona ma qaato askarina ma noqdo oo waa is yeel yeel uun.” Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu kormeer ku sameeyey goobaha hurdada, cuntada iyo waxbarashada ee loo diyaariyey saraakiisha dhallinyarada ah ee loo carbinayo saraakiisha iyo xarun loo dhisay dhallinyarada shaqo qaran oo aaggaas ku taalla. Wa bilaahi Tawfiiq Source
-
Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gudoomiyay shir ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay la yeesheen hay’adaha Beesha Caalamka ee ku lugta leh arrimaha dastuurka. Shirka oo ay kasoo qaybgaleen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka labada guddi, madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin ka kala socotay UNSOM, Norway, Sweden iyo Switzerland, ayaa waxaa ugu horeyn shirka furay Wasiir Saalax Axmed Jaamac isagoo ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dhameeystirka dastuurka. “Innaga ka wasaarad ahaan iyo labada guddi ee aan wada-sahqeeyno waxaan oran karnaa in boqolkiiba sideetan (80%) lagu guuleystay dhameystirka dastuurka kuwaa oo ah arrimaha u baahan farsamada qoraaleed, waxaa inoo dhiman waa arrimaha u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed oo iyagana aan ku rajo weynahay in la dhameeystiro horaanta sanadka soo socdo” ayuu yiri Wasiirka. Xubnihii mataleyay beesha caalamka ayaa waxay bogaadiyeen waxqabadka hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka iyagoo ballanqaaday inay sii joogteyn doonaan taageerada ay ku bixyaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka. Waxay sidoo kale sheegeen in ay aaminsan yihiin seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka inay ka miro-dhalin doonaan geedi-socodka lagu dhameeystirayo dastuurka. Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo xubno ka tirsan labada guddi ayaa waxay sameeyeen soo jeedin ku saabsan qorshe howleedka seddexda hay’ad. Ugu dambayn, Wasiir Saalax oo soo xiray shirka ayaa beesha caalamka u mahadceliyay isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka. PUNTLAND POST The post Shir u dhaxeeyay hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka iyo Beesha Caalamaka oo Muqdisho ka dhacay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in goor dhow ay magaalada Muqdisho ku kulmaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Hase yeeshee Villa Somalia iyo Madasha Xisbiyada Qaran ayaa siyaabo kala duwan u kala dhigay ajendaha shirka, ayada oo ay muuqato in midba sida uu jecel yahay uu dhigaya ajendaha shirka. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirka looga hadlayo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri:- “Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah.” Hase yeeshee xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan Madasha, oo la ogyahay inay kasoo horjeedaan doorasho qof iyo cod ah, ayaa sheegay in aysan ka mid ah ajendaha, wuxuuna facebook kusoo qorat shan qodob oo ooga hadlayo shirka, kuwaas oo kala ah:- Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah. Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan. Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan. Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka. In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo ka mid ah Ergada dhex-dhexaadinta ka dhex wada Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dedaalada isu soo dhawaynta ah ee ay wadaan inay ku dhammadaan is afgarad. Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali, oo uu Geeska Afrika weydiiyay halka ay arrimuhu u marayaan, wuxuu si kooban u sheegay inuu rajo ku qabo in arrimaha dalka ka taagtaagani ku dhammaadaan is afgarad buuxa, “Dabcan maanta (shalay), anigu maan joogin,laakiin waxaanu leenahay Afhayeen, waxaana noo Afhayeen ah Faysal Cali Waraabe, oo runtii isaga ayaa noo hadlay, halkay wax noo marayaana ka hadlay, ILLAAHAY xaqa iyo khayrka mar walba ha ina waafajiyo, waxaanu rajaynaynaa in arimahan taagani khayr iyo is afgarad inoogu dhammaadan.” Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu yidhi “ Qadiyadan Komishanka ka taagan arin khusaysa maaha labada xisbi ee mucaaradka ah waa arin qaran oo u baahan in qaranka oo dhami uu arko oo daafaco sharciga, sharciga ayaanu daafacaynaa, waa tii sida fiican ay inoogu socotay waatii shaydaanku inaga soo dhex galay shalay, shaydaanka ayaynu naaraynaa,cumaamadii odaynimadaan qaatay oo tii xisbinimada halkan ayaan yara dhigtay, wasirka daakhiliga waanu u tagnay aniga iyo odayaasha madaxweynayaashii hore iyo qolada ka socota Akadamiyada, ururadii bulshaduna waa ay nagu jiraan, waxaanu doonaynaa inana qolada Waddanina aanu ka raaridno inay joojiyaan isku soo baxa oo sharcigu uu siinaayo, dawladuna ay soo dayso cidii la xidhay ee xisbiga ahaa, markaas Waddani waanu ka helnay tobankii saaka [shalay] ayaanu la balanay ( doraad) madashiina waa ay noo yimaadeen hadana wasiirka arimaha gudaha ayaanu ku soconaa insha allaah waa uu naga ogolaan doonaa, ergada madaxweynaana jin iyo jaanba waanu isugu tagaynaa.” Source
-
A Somali intelligence official says a U.S. drone strike has killed a senior officer with the al-Shabab extremist group. The official says the unidentified officer had maintained links with foreign extremist groups with the aim of coordinating future attacks. The official spoke on condition of anonymity because he was not authorized to speak to reporters. Residents said the officer’s vehicle was struck Tuesday outside the al-Shabab-held town of Kunya Barow in southern Somalia’s Lower Shabelle region. The U.S. military in a statement confirms the strike and says the al-Shabab member had direct ties to al-Qaida. The U.S. says the strike was carried out in coordination with Somalia’s government. A United Nations expert report released this month says al-Shabab remains a potent regional threat and now makes its own explosives. View the full article
-
A Somali intelligence official says a U.S. drone strike has killed a senior officer with the al-Shabab extremist group. Source: Hiiraan Online
-
Haya’dda xuquuqda Aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa shaacisay in ciidamada Amniga dowladda Iran ay dileen in ka badan 100 qof, oo qeyb ka ahaa dibad-baxyo ka dhan aha dowladda dalkaasi. Tiradaaas ayaa afar jeer ka badan dadkii ku dhintay dibad-baxyo kale oo xooggan oo dalkaas ka dhacay laba sano ka hor. Cilmi-baaraha Amnesty ee dalka Iran, Raha Bahreini ayaa sheegtay in Amnesty ay go’aamisay tirada dhimashadaas ayada oo soo xiganeysa goobjoogeyaal. Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in dibad-baxyada lagu dilay dhowr qof, oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda. Dibad-baxyada oo billowday Jimcihii ayaa kusii fidaya dhowr magaalo oo dalkaas ka mid ah. Dowladda Iran ma aysan sii deyn warbixin rasmi ah oo ku saabsan tirada dadka ku dhintay kuwa ku dhaawcamay dibad-baxyada, iyo sidoo kale tirada dadka la xiray. PUNTLAND POST The post Amnesty oo shaacisay in ciidamada dowladda Iran ay dileen in ka badan 100 qof oo rayid ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa goor dhow shaaciyey ajandaha shirka Madaxwenaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in ajandaha ugu muhiimsan ee shirka maanta uu yahay doorashada soo socota ee 2020-ka. Agaasimaha ayaa tilmaamay in shirkan looga arrinsan doono sidii xukuumadda iyo madasha xisbiyada Qaran ay uga wada shaqeyn lahaayeen hanaan doorasho oo hufan, islamarkaana ah qof iyo cod, si ay dadweynugu u doortaan madaxda soo socota. “Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah.” ayuu yiri, Cabdinuur Maxamed Axmed. Shirkan oo horay loo sii shaaciyey, kadib dalab ka yimid dowladda federaalka ayaa furmi doono saacadaha soo socda, waaana mid xasaasi ah oo isha lagu wada hayo. Sidoo kale waxaa muddada uu socda shirka lagu soo qaadi dooaa arrimo ku aadan xiisada u dhexeysa dowladda iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka, si xal looga gaaro khilaafkaasi. Lama saadaalin karo natiijada iyo sida ay wax noqon doonaan, balse wuxuu kulankaani ku soo aadaya iyadoo haatan xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho.
-
Waxaa maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ka dhacaya kulan ay markii ugu horeysay si wadajir ah isugu imaanayaan mas’uuliyiinka ka tirsan madasha xisbiga qaran iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Kulanka ayaa dhacaya kadib kulankii gogol-xaarka ahaa ee 14-kii bishan dhexmaray madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo Fahad Yaasin Xaaji oo ah taliyaha NISA iyo siyaasi qeyb ka ah Nabad iyo Nolol. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ajendaha kulanka uu ku kooban yahay doorashada 2020. Cabdinuur Maxamed oo arrinkan ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaa kulanka xoogga lagu saarayaa uun doorashada 2020-ka sidii ay waqtigeeda ugu dhici laheyd isla markaana u noqon laheyd qof iyo codkiisa” isaga oo intaasi raaciyey in sidoo kale wadartashi iyo wada shaqeyn laga hadli doono. Villa Somalia iyo madasha xisbiyada qaran waxaa dhowaan ka dhexjiray qas iyo kala shakis iyada oo xukuumadda federaalka ah ay cadaadis saartay kooxdan mucaaradka ah sida safarro ay ku tagi lahaayeen Jubbaland iyo Hiiraan taasi oo keentay in madasha ay dacwo geysay maxkamadda. Dhankooda, si aragtidooda loo helo, Goobjoog News waxaa ay isku deyday iney xiriir la sameyso madasha xisbiyada qaran kuwaas oo ka jawaabi waayey dhammaan xiriirkeenna sabab la’aan. Kulanka ayaa waxaa dhici karto in sidoo kale lagu qaado ismari waaga ka dhex jira laanta fulinta ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada iyo arrimo kale oo dastuurka uu ka mid yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray xarumaha Wasaradda Warfaafinta, Haweenka , Kalluumeysiga, ganacsiga, Beeraha iyo xanaanada Xoolaha. Kormeerka ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hannaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaradaha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay ku leeyihiin tubaha Qaranka iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Khayre. Ra’iisul Wasaaraha oo Wasaaradaha uu kormeeray ugu tagey howl-wadeenno ku jira shaqooyinka dowladda, ayaa ka xog wareystay xaaladda shaqo,Wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu ku dhiirri geliyay howl-wadeennada Qaranka in ay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta Nidaamka dowladnimo ee dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan heshiiskii ay dhowaan Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen gudaha magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya. Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay inuu walaac xoogan ka abo heshiiskaasi iyo kulankii dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uhuru Kenyatta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ah ee Soomaliya aysan weli soo bandhigin rasmiyan waxa uu ku qotomo heshiiskaasi oo lagu soo aadiyey, xilli labada dal ay u dhexeyso xiisad ka dhalatay muranka Badda ee labada dowladood. Sakariye ayaa intaasi ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan heshiiskaasi iyo waxyaabihii ka soo baxay kulanka labada dhinac. “Waxaan maqleynay in kulanka looga hadlay xiriirka labada dal iyo in Viisaha loo fasaxay,waxaas waa wixii horay looga hadli jiray waaye Viisana kama rabno ee dowladda dadka ha u cadeyso wixii rasmi ah oo ay ka wada hadleen labada Madaxweyne.” ayuu yiri, Xildhibaan Sakariye oo ka mid ah golaha shacabka. Ugu dambeyn waxa uu uga digay madaxda sae ee Villa Soomaaliya in aysan ku dhicin dabin uu sheegay inay damacsan tahay Kenya, wuxuuna ka dalbaday inay runta iyo xaaladda jirto la wadaagaan guud ahaan Ummadda Soomaliyeed. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis Diplumaasiyeed oo lagu sheegay xoojinta xiriirka labada dal ay ku yeesheen Madaxweynayaasha labada dal gudaha magaalada Caasimada ah ee Nairobi.
-
Guddoomiye Cirro Oo Xilal Cusub Magacaabay Source
-
Maanta oo Arbaco ah waxaa aad u deggan xaaladda deegaanno badan oo kamid ah Somaliland, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dibadbaxyo rabashado watay. Wararka maanta aan heleyno waxay sheegayaan in xaaladdu deggan tahay, islamarkaana xisbiga Wadani oo taageerayaashiisu banaanbaxayeen loogu baaqay iney dibadbaxyada joojiyaan. Cabdilaahi Geel Jire oo ah Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta Xisbiga Wadani ayaa sheegay in ay maanta baajiyeen dibadbaxyo ay dhigi lahaayeen taageerayaashooda. Waxaa jiray wadahadallo ay yeesheen hoggaanka xisbiyada UCID, Wadani iyo xubno ka socday xukuumadda Biixi, taasi oo keentay in maanta xaaladdu degto. Xukuumadda ayaa xabsiga dhigtay mas’uuliyiin sare oo xisbiga Wadani ah, sidoo kalena waxa ay la wareegtay xarumo xisbiga Wadani ku lahaa deegaannada Somaliland qaarkood. Waxaa jira rasaas ay fureen ciidanka Booliiska Somaliland oo waxyeello u geysatay dad shacab ah, islamarkaana ka mid ah taageerayaasha Wadani. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ku saabsan dhameystirka Dastuurka KMG ah kaas oo ay layeelatay aqoonyahanadda Soomaaliyeed. Kullankaas wadatashiga ah ayaa socday muddo labo cisho ah waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dhameystirka Dastuurka iyo sidoo kale qodobadda u baahan wax ka badalka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuur Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo soo xiray kullanka wadatashiga ahaa ayaa sheegay in aqoonta dadka Soomaaliyeed loo baahan yahay gaar ahaan dadka Waxbarashadoodu heerka sare tahay. “Waxaan u baahanahay aqoonka ku jirta Aqoonyahanada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan maxaa yeelay waxaa ku jira wax badan oo aan dhexdeena laga heleyn sidoo kale faa’iido badan ugu jirto dadka Soomaaliyeed” sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya. Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda ayaa dadaal badan ugu jirta sidii ay u soo dhameystiri laheyd Dastuurka KMG ah kaas oo hadda meel wanaagsan maraya. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Howlgalka ayaa ahaa mid lagu baarayey gaadiidka, sidoo kalena looga fiiqayey bacaha madow oo horey magaaladaasi looga mamnuucay. Waxaa la arkayey ciidanka Booliiska oo gaadiidka leh miraayadaha madow ula baxaya meel gees ah, kadibna ka fiiqaya bacaha. Saraakiisha ammaanka Dhuusamareeb weli howlgalkaasi faah faahin kama aanay bixin, hase ahaatee wuxuu qeyb ka yahay howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda deegaannada Galmudug. Dhowaan ayaa magaalada Dhuusamareeb waxaa laga mamnuucay in lagu dhexsito hubka sharci darrada ah iyo sidoo kale in gaadiidka lagu arko bacaha madow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa hadda isugu tagay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah kuwaas oo leh kulan lagu horkeenayo miisaaniyadda qaranka ee 2020-ka. Kulankan oo noociisa ah waa markii ugu horeysay ee labada dhinac ay kulan mideysan ka yeeshaan miisaaniyadda qaranka. Wararku waxaa ay sheegayaan in arrintan ay timid kadib heshiis ay hoggaanka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ku gaareen in hal meel ka dhaco akhrinta iyo ansixinta miisaaniyadda taasi oo soo afjartay khilaaf horay u jiray. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa lagu wadaa inuu baarlamaanka federaalka ah oo mideysan ka hor akhriyo miisaaniyadda 2020 oo gaareysa $469.5 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta madaxtooyada uu ka dhoco shir muhiim ah oo u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo madasha xisbiyada Qaran ee dalka. Shirka oo horay loo sii iclaamiyey, kadib dalab ka yimid dowladda federaalka ayaa furmi doono Duhuradii, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen, ilo ku dhow Villa Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu dhexmari doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Khayre iyo Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan si weyn isku haya. Dowladda federaalka ayaa laga filayaa inay raalli gelin ka bixiso falkii dhowaan lagula ka kacay labada Madaxweyne oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Sida aan xogta ku helnay shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xiisada labada dhinac, doorashooyinka soo socda, xaaladda Galmudug iyo arrimo kale. Sidoo kale wararku waxay intaasi ku darayaan in shirka lagu soo qaadi doono culeyska heysta shacabka Muqdisho, gaar ahaan jidadka xiran oo weli dhibaato ay ka jirto. Lama oga natiijada ka soo bixin doonto shirkan oo lagu soo aadiyey, xilli xaaladda siyaasadeed dalka ay tahay mid kacsan, kadib xayiraadii lagu sameeyey, Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif oo xisbigiisu dacwad geeyey maxkamadda sare.
