-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka gaashaandhiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ,ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi ay hoggaaminayso Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta iyo isku dhacyada hubaysan Virginia Gamba. Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweynta wafdigaasi ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahin ka bixyay ujeedka imaatinka wafdigan iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen. Inta uu joogo wafdigan waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala hadli doonaan howlaha ay u yimaadeen Soomaaliya. View the full article
-
Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyn ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta gaartay diyaarad sidday gargaar banii’aadnimo. Diyaaradda oo ay saarnaayeen inta badan bustooyin iyo baco ayaa goor sii horeysay ka degtay magaalada Baladweyn, ee caasimadda Hiiraan. Dhinaca kale, guddigii uu magacaabay ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa la sheegayaa iney tageen magaalada Baladweyn, laakin ilaa hadda wax hadal ah kama soo bixin. Waxaa jira meelo go’doonsan oo ka inta badan xaafadda Hawl-wadaag, Buundaweyn, Xaawo Taako iyo Kooshin, qoysas boqolaal ayaa la’a meel ay ka baxaanb. Waxaa joogsaday dhammaan isu socodka gaadiidka, ma jiro wax ganacsi ah, ganacsi yaryar iyo mid weyn, waxaa xiran dhammaan dukaamadii iyo suuqyada sida khudaarta iyo xoolaha. Isu Socodka Gaadiidka: Waxaa istaagay dhammaan isu socodkii gaadiidka, gaariga keliya ee ka dhaq-dhaqaaqa gudaha magaalada waa Cagaf-cagaf. Odeyaal qaar oo ka hadlay arrinta gurmad ee ay dowladda federaalka ah guddi u saartay waxaa ayaa Goobjoog News in sanadkii hore ay dhacday dhibaato middan la mid ah iyada oo taasi laga jawaabayo dowladda federaalka ah waxaa ay bixisay $1 milyan, Shiinaha $1 mliyan, gobolka Banaadir oo $100,000 ahaa iyo baarlamaanka 2-badiisa aqal oo mid $50, 000 bixiyey. “Lacagtii loogu talo-galay dadka waxaa jeebka ku shubtay maamulka Hirshabelle, mana arkin” ayey raaciyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-In ka badan 100 Askari oo ahaa malleeshiyo Beeleed ku sugnaa magaalada Buuhoode ayaa ku biiray ciidamada Millateriga Somaliland. Ciidamaan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa munaasabad soo dhawayn ah loogu sameeyay gudaha magaalada Buuhoodle. Ciidamadan reer Buuhoodle ee ku biiray Millateriga Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland dhawaan gole deegaan u samaysay magaalada Buuhoodle. Magaalada Buuhoodle waxa hore u joogay Ciidamo Millateri ah oo ka mid ah Kuwa Somaliland. Source
-
War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay qarax kula eegteen deegaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa miino ayey Al-Shabaab sheegtay inay ku dishay illaa 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Milatariga Soomaaliya, kuna dhaawacday mid kale. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar madaafiic loo adeegsaday Al-Shabaab ay ku qaadeay deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay la beegsatay saldhigyo ciidamada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Ma shaacin Al-Shabaab khasaaraha weerarkaasi, balse waxa ay sheegtay in madaafiicda qaarkood ay ku hoobteen saldhigyada ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaankaasi. Inta badan Al-Shabaab oo ku xoogan Jubbada Hoose ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa deegaanada gobolkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-27102019-sx.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay muranka xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka, xubin la sheegay in uu Madaxweynuhu ku soo celiyay safarka uu hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ku tagay magaalada Muqdisho iyo arrinta kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Idlib (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas werinaya warbaahinta Mareykanka. Militariga Mareykanka weli si rasmi ah uguma dhowaaqin geerida Al-Baghdadi, hase yeeshee madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xalay ku yiri “Wax aad u weyn ayaa dhacay goor dhow.” Waxyar kadib qoraalkaas, ayaa Aqalka Cad waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in madaxweyne Trump uu war weyn shaaca ka qaadi doono 9-ka subaxnimo ee axadda, xilliga saacadda bari ee Mareykanka. Militariga Mareykanka ayaa habeenkii sabtida ee xalay gobolka Idlib ee dalka Syria ka fuliyey howl-gal qorsheysan oo lagu beegsaday Al-Baghdadi. Howl-galka ayaa waxaa toddobaad ka hor ansixiyey madaxweyne Donald Trump. Waa kuma? Magaciisa dhabta ah ayaa lagu sheegay Ibraahim Awad Al-Badri, kaasoo sanadkii 1971-dii ku dhashay meel ku dhow Samarra oo dhacda waqoyga Baghdad. Wararka waxay sheegayaan in uu sheekh ka ahaa masaajid ku yaalla Samarra xilligii Mareykanka uu ku duulayay Ciraaq ee 2003-dii. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir ahaa xilligii maamulkii Saddam Xuseen. Qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir noqtay muddo afar sano ah oo uu ku xirnaa saldhigga Bucca, oo ah xero ciidamada Mareykanka ay leeyihiin oo ku taalla Woqooyiga Ciraaq. Xeradaas waxaa lagu xiri jiray hogaamiyayaasha ururka Al-Qacidda ee dalka Ciraaq. Markaasi ka dib, wuxuu soo baxay asagoo ah hogaamiye ka tirsan Al-Qaciddada Ciraaq, ka dibna kooxdiisii ayaa la aaminsan yahay inay noqotay ururka la baxay Dowladda Islaamka, sanadkii 2010-kii. Bishii October ee 2011-kii, Mareykanka wuxuu Baqdaadi ku daray diiwaanka argagixisada. Markii ugu dambeysay oo uu shaashadaha kasoo muuqdo waxay ahayd horaantii sanadkan 2019-kii. Kahor, markaan waxaa ugu dambeysay 2014-kii. Sanadkii 2014-kii ayaa waxa uu magaaladda Mosul kaga dhawaaqay aas-aasitaanka Dowladda Islaamka oo ka howlgaleysa qaybo kamida Suuriya iyo Ciraaq. Meelo kale oo dunida Carabta ah ayey kusii baaheen. Wuxuu Mareykanka balanqaaday $25 milyan oo dollar oo abaalmarin ah ooo uu siiyo qofkii nolol ama geeri ku keena Baqdaadi. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Ilo-wareedyo ku sugan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Iiraan ayaa maanta oo Axad ah sheegay in la aaminsan yahay in hoggaamiyaha ururka Dowladda Islaamka ee Daacish Abuubakar Albaghdaadi lagu dilay howlgal Milatari oo uu Mareykanku fuliyay oo ka dhacay Suuriya. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan jeedinay hadal uu arrintan ugu talo-galay. Sarkaal Mareykanka ah oo magaciisa in la qariyo dalbaday ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Baghdaadi lagu bartilmaameedsaday howlgal xilli habeen ah dhacay, hase yeeshee ma aanu xaqiijin in weerarkaasi uu guuleystay iyo in kale. Hoggaamiyaha mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee fadhigoodu yahay Idlib oo ku taalla waqooyi galbeed Suuriya ayaa sheegay, in la rumeysan yahay in hoggaamiyaha Daacish lagu qaarajiyay weerar la qaaday habeen barkii, weerarkaasi waxaa ka qeyb qaatay diyuuradaha Helicobterka iyo kuwa dagaalka, waxaana lagu qaaday tuulada la yiraahdo Barisha oo ku dhow soohdinta Suriya uu Turkiga la wadaago. Duulaanka cirka ah waxaa barbar socday iska hor imaad dhulka ah. TV-ga dowladda Ciraaq ayaa maanta sheegay in uu baahin doono muuqaallo laga duubay weerarka la aaminsan yahay in Albaghdaadi lagu dilay ee Suuriya ka dhacay Tv-ga Ciraaq oo soo xiganaya khabiir arrimaha kooxaha argagixisada ayaa sheegay in sirdoonka Ciraaq uu kaalin ka geystay jaan-goynta goobta uu Albaghdaadi ku sugnaa. Labo ilo-wareed oo Ciraaq ah iyo laba sarkaal oo Iiraan u dhashay ayaa sheegay in dilka hogaamiyaha ururka Dowladda islaamka looga xaqiijiyay gudaha Suuriya. Sarkaalka Iiraan u dhashay ayaa sheegay in Masuuliyiin Suuriyaan ah oo xog sugan haya ay Iiraan soo gaarsiiyeen warka la xiriira dilka Albaghdaadi. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Daacish oo la sheegay in lagu dilay dalka Suuriya appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta meel mariyey labada Madaxweyne ku xigeen ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Golaha wakiilada Jubbaland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad, Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne ku-xigeenka labaad, Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) oo markale xilalkaasi loo magacaabay. Guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ansax yihiin Madaxweyne ku xigeenada, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya ay gudan karaan shaqooyinkooda. Sayid Aadan iyo Lugadheere ayaa ah garbaha, Axmed Madoobe oo dib loogu doortay hoggaanka Jubbaland, walow dowladda dhexe ay ka hortimid doorashadiisa. Arrintan ayaa ka dhigan inuu wax isbedal ah ka dhicin Jubbaland, marka loo fiiriyo saddexda qof ee ugu sarreysa maamulkaasi oo markale ku soo laabtay kuraasta. Caqabadaha ugu weyn ee hortaagan Axmed Madoobe ayaa ah khilaafka kala dhexeeya dowladda iyo sidii loo aqoonsan lahaa maamulkiisa. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Furitaankii Kalfadhigii 45-aad ee Baarlamaanka Puntland Golaha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta dood adag ka yeeshay ansixinta Ajandaha kalfadhigooda 45-aad ee furmay Sabtidii shalay. Xildhibaannada Baarlamanka, ayaa doodii maanta si weyn ugu kala qeybsamay ansixinta Ajandaha, kadib markii qaarkood soo jeediyeen in qodoba ku jira laga saaro ka hor inta aan la ansixin, halk xubno kalena ay ku doodeen in sidiisa lagu ansixiyo. Sidoo kale, mudanayaal ka tirsan golaha ayaa dhankooda soo jeediyay in qodoba cusub lagu daro Ajandaha ka hor inta aan la ansixin, waxaana taasi keentay in maanta la isku mari waayo ansixinta Ajandaha. Ugu dambeyntii, Golaha ayaa go’aamiyay in maalinta berri dib la isugu soo laabto, si loo ansixiyo Ajandaha muranka dhaliyay ee maanta la isku fahmi-waayay. Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa shalay ku furmay waji kulul, iyadoo Madaxweyne Deni si caro leh uga jawaabay su’aal la weydiyey, isla markaana uu ka baxay hoolka Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Ansixinta Ajandaha Kalfadhiga Baarlamanka Puntland oo dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka hadlay dibadbaxyo uu sheegay in maanta ay ka socdaan wadama badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in cabashooyinka dibadbaxayaashaasi u jeedka ay kala duwan yihiin, balse ay isaga mid yihiin in shacabku xaqiisa dhacsado. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliya in ay jabiyaan wax uu ugu yeeray darbiga cabsida, islamarkaana ay isugu soo baxaan abaabul nabadeed. Halkan hoose ka akhriso: Caasimado badan oo dunida ah waxaa maanta ka oogan dibad baxyo ay shacabka xaqooda ku dhacsanayaan. Dalalka Lebanon, Iraq, Chile, Ecuador, Indonesia, Haiti, Hong Kong, Spain, iyo Bolivia ayaa waxaa bilihii ina dhaafay gilgilay dibad baxyo cabashooyin kala duwan, laakiin ujeedo isku mid ah leh. Dibad baxyo looga gadoodsan yahay kordhinta sicirka tikidhada tareennada dhulka hoostiisa mara ee dalka Chile ayaa xukuumadda ku qasbay in ay go’aakaas ka laabato, sidoo kale ayaa shacabka dalka Ecuador ku qasbeen dowladdu in ay ka laabato kordhinta sicirka shidaalka. Dalka Lebanon ayaa mudaaharaadyo shacabku isugu soo baxay lagu dalbaday in ay xukuumaddu joojiso canshuur lagu soo rogay ku hadalka WhatsApp-ka, laakiin dalabka shacabka ayaa isku beddaly in ku takrifalka hantida shacabka iyo awood qaybsiga firqo diineedka ku dhosan ee dalka la haray wax laga guuro. Dalka Iraq ayaa dalabyo kuwaa la mid ah shacabku dibad baxyo waa weyn isugu soo baxeen, iyagoo dareenkooda ku cabbiray in ay ka daaleen hanti boobka, musuqa siyaasiyiinta iyo weliba awood qaybsida firqo diineedka ku dhisan. Hong Kong ayaa iyadu shacabkeedu ku qasbeen maamulka dalkaas in ay ka laabtaan sharci muwaadiniinta Hong Kong ee danbiga gala loogu gacan gelinayo dalka Shiinaha, iyagoo ku doodaya in dalka Shiinaha ay danbi ka tahay ra’yiga siyaasada iyo xoriyadda fikirka. Barcelona ayey shacabku fariimo baraha bulshada isku dhaafsanayeen, iyagoo leh maxaa naga hortaagan sida ay shacabka Hong Kong faleen, waxayna isugu soo baxeen dibad baxyo ay kaga falcelinayaan hoggaamiyaasha Gobolka hodanka ah ee Catalonia oo xabsiga la dhigay. Dalka Bolivia ayaa shacabku isugu soo baxay mudaaharaadyo looga soo horjeedo doorasho lagu shubtay oo uu ku guulastay Evo Morales oo haatan soo rogay xukun degdeg ah, laakiin weli dibad baxyadii way socdaan. Dalka Haiti ayaa waxaa weli ka socda dibadbaxyo looga soo horjeedo shidaal la’aan ba’an oo dalkaas ka taagan, kuwaas markii danbe u xuubsiibtay dalabyo xuquuq siyaasadeed iyo dib u habeyn dhaqaale lagu doonayo. Indooniisiya iyo Kashmiir ayaa waxaa iyaguna ka socda dibadbaxyo. Cabashooyinka dibad baxyaasha ayaa kala duwan, laakiin waxay isaga mid yihiin in shacabku xaqiisa dhacsado, iyagoo ka faa’iidaya xiriirka baraha bulshada. Dibad baxayada qaarkood boqolaal ruux ayaa ku dhintay, kuwaasoo geerida ka doorbiday silica iyo si xun u noolaasho darxumo ah. Muwaadinka waajib ayaa dalkaasi ka saaran, xuquuqna waa ku leeyahay. Isku dheellitirka xaqa iyo waajibka waa masuuliyadda saaran Dowladda. Haddiise ay gabto ama ku gabood fasho waa in wakiillada shacabka ay kula xisaabtamaan. Haddii ay wakiilladu ku guul darreystaan masuuliyaddooda, shacabku waa in uu xaqiisa dhacsadaa. Ma jiro xal debadda ka imaanaya ama samada ka soo degaya. Dadka iyagaa laga rabaa in ay dareenkooda muujiyaan, xaqoodana abaabul iyo dibax bax nabadeed ku dhacsadaan. Nolosha Soomaaliya ka jirta, gaar ahaan caasimadda ma aha mid la qaadan karo, sida keli ah ee ay shacabku uga xoroobi karaan cabsida argagexisada iyo cadaadiska dowladda waa in ay jebiyaan derbiga cabsida oo abaabul nabadeed la isugu soo baxaa si noloshan dayaca iyo darxumida ah loo beddelo. Dhallinyaradu way karaan arrinkaas ee dadaal iyo waqti geliya, doodo iyo aragti is dhaafsada. Gabyaa reer Tuunis ah ayaa laga sheegay in uu yiri “Haddii shacabku uu goosto in uu nolaado, qaddarka ayaa ku qasban in uu ajiibo” oo macnaheedu yahay awoodda iyo rabitaanka shacabka ayaa isbeddelka samayn kara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Gaadiidka BL-ka iyo Bajaajta oo lagu xiray wadada KM4 Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad oo xiriir ah ka socda dibad-bax lagu dalbanayo in la furo jidadka xiran. Gaadiidleyda Bajaajta iyo basaska BL-ka ayaa ka cabanaya jidadka xiran iyo canshuur saa’id oo laga qaado, iyagoo maamulka gobolka Banaadir ka codsaday in jidadka loo furo, sida ugu dhaqsaha badan. Dibad-baxyaasha ayaa maanta gaadiid ku gooyey wadada KM4, halka shalay ay ka dhigeen KM5 ilaa Buulo-xuubey. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray qaar ka mid ah wariyeyaal ku sugnaa goobta dibadbaxu ka dhacayey, waxaana wararka qaar sheegayaan in loo geystay jirdil. Gaadiidleyda cabanaya ayaa xusay in howl maalmeedkooda uu ku soo koobmay hal dhinac magaalada ah, dhinaca kalana aan loo gudbi karin. Qaar ka mid ah jidadka Muqdisho waxaa ku xiray jawaano ciid ah iyo ganjeelo, waxaana magaaladu noqotay laba qeyb oo ay adag tahay in la isaga kala gudbo. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo markii uu imaanayey balan ku qaaday inuu jidadka furo, ayaa wali fulin balantaas. PUNTLAND POST The post Dibad-bax maalintii labaad ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Hoggaamiyihii kooxda Daacish ayaa la sheegayaa in lagu dilay weerar ciidammada mareykanku Ku beegsadeen oo ka dhacay Idlib, dalka Suuriya. Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrameysa in madaxweyne Trump uu toddobaadkii hore oggolaaday weerarka lagu dilay Albaqdaadi. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twittrer soo dhigay qoraal odhanaya “wax aad u weyn ayaa dhacay” Aqalka cad ayaa sheegay in Trump uu goor dhow hadal jeedin doono, isagoo ku dhawaaqi doona dilka hoggaamiyihii daacish. Source
-
Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Mareykanka iyo kuwa caalamka qaarkood ayaa waxaa uu Mareykanka duqeyn ka dhacday gudaha dalka Suuriya uu ku dilay hoggaamiyaha ururka ISIS ama loo yaqaan Daacish Abu Bakr al-Baghdadi. Warkan ayaa waxaa laga xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka kaas oo magaciisa qariyay, balse sheegay in uu warkani jiro, ayna sugayaan xaqiiqada dhabta ah. Sidoo kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitterka waxa uu suoo qoray in “wax aad u weyn ayaa hadda dhacay”, taas oo loo fasiran karo in uu yahay warka ku saabsan dilka al-Baghdadi. Abu Bakr al-Baghdadi, hogaamiyaha kooxda ISIS ama Daacis ee Khilaafada Islaamka Suuriya iyo Ciraaq ayaa horay usa soo muuqday cajal uu soo duubay kaas oo sannadkii 2017 Mareykanku sheegay in uu dhintay. Markii ugu horreysay oo uu cajal kasoo muuqday ayay aheyd magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, sannadkii 2014-ka xilligaas oo kooxda ISIS ay ugu awoodda badneyd. al-Baqdaadi oo magaciisa runta ah yahay Ibrahim Awwad Ibrahim al-Badri ayaa waxaa uu ku dhashay sannadkii 1971 magaalada Samarra ee dalka Ciraaq, waxaana uu kasoo jeedaa sida uu sheegtay qoys qabiil ahaan kasoo jeeda nabi Muxammad NNKH. Warkan ayaanan lala soo bandhigin xaqiiqooyin, sida sawir iyo wax la mid ah. Qaran News
-
(SLT-Ankara)-Safiirka dalka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu cabasho u gudbiyay xafiiska ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo aqallada baarlamaanka isaga oo ka cabanaya masuuliyiin iyo xildhibaanno Soomaaliya ah oo maalin walba ka doonaya Fiiseyaal Turkiga lagu tagayo kuwaas oo ay si musuqmaasuq ah uga iibinayaan dad si sharci darro ah ku tagaya dalka Turkiga. Sida ay ku warrantay warbaahinta Somaliguardian waxa uu cabashadiisa ku sheegay danjiruhu xildhibaannada iyo masuuliyiinta xukumadda qaarkood in ay xasaaskooda ama ehelkooda ka dhigaan dad ay lacag qaali ah kaga iibinayaan fiiseyaasha ay u sameeyaan. “Qaarkood waxay noo keeneen sideed dumar ah oo kala duwan sideed wakhti oo kala duwan iyaga oo ku andacoonaya waa xaaskaygii, waxaanu u sheegnay in aanay Diintu ogolayn afar xaas wax ka badan,” sidaas ayuu ku xusay cabashadiisa safiirku sida ay warisay Somaliguardian. Cabashada ayaa lagu xusay ilaa 15 xildhibaan iyo masuuliyiin kale oo dawladda Somalia ka tirsan waxaana la sheegay in dadka dal ku galka loo samaynaya yihiin dad ku sii jeeda Yurub iyaga oo sii maraya Turkiga. Arrintan ayaa sababtay in safaaradda Turkigu shirkad gaar ah ku wareejiso soo saarista fiisaha si ay uga baxaan meesha madaxda culayska saaraya safaaradda. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha guurtida Somaliland ayaa saaka ansixiyay wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyay xeerka nidaamka garsoorka oo maalintii shalay baaqday. Xildhibaanada saaka fadhiga ka soo xaadiray ayaa waxa ay ahaayeen 55 Xildhibaan Waxa ogolaaday 47 xildhibaan Waxa diiday 6 Xildhibaan Laba Xildhibaana way ka aamuseen Xeerkaasi ayaa sidaasi ku ansaxa Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku guuldaraystay olole ay ku doonayeen in qof ka soo jeeda Djibouti ama Soomaaliya loo magacaabo xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD. Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa wuxuu watay in Dr. Cabdisalaan Hadliye oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan mabda’a federaalka loo magacaabo xoghayaha fulinta ee IGAD, halka uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isna watay in jagadaas loo magacaabo siyaasi ka soo jeeda Djibouti oo uu soo xulay. Hase yeeshee Raysalwasaaraha Itoobiya oo hadda haya guddoonka urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu xilkaas u magacaabay Dr. Workeneh Gebeyuhu oo hore u ahaa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, waxaana halkaas ku soo afjarmay dedaaladii Madaxweyne Geele iyo Madaxweyne Farmaajo. Dr. Workeneh ayaa wuxuu xilka kala wareegayaa Maxbuub Macalin oo ka soo jeeda dalka Kenya. Waxa kale oo ay warar diblomaasiyadeed sheegayaan in uu Dr. Abiye guddoonka IGAD ku wareejin doono Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata oo si aan toos ahayn la iskula gartay shir madaxda IGAD ay Addis Ababa ku yeesheen inuu qabto guddoonka kursiga IGAD ee wareega. Wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu qoray in Djibouti ay dareemayso in IGAD ay 11 kii sannadood ee u dambeeyay isku wareejinayeen Kenya iyo Itoobiya, waxaanu dalka Djibouti ku cabanayaa in Itoobiya iyo Kenya ay iska bahaysteen dalalka kale ee gobalka siyaasad ahaan oo ay la wareegeen maamulka IGAD. Djibouti iyo Kenya ayaa waxa soo dhex galay khilaaf ku saabsan kursiga golaha ammaanka ee Afrika oo ay si weyn ugu tartameen iyadoo Kenya heshay kalsoonida Midowga Afrika. Soomaaliya iyo Kenya ayaa iyaguna waxa ay isku seeganyihiin xuduudka badda iyadoo ay maxkamadda caalamiga ah taalo dacwad u dhaxaysa labadaas dal. Dadka falanqeeya siyaasadda gobalka Geeska Afrika ayaa saadaalinaya in khilaaf soo kala dhex geli doono madaxda IGAD, haddii aanu Raysalwasaaraha Itoobiya ku guulaysan dedaalo uu doonayo inuu ku dejiyo xiisadan, waxaanu dhawaan Dr. Abiye socdaal ku tagay dalka Djibouti si uu u dejiyo dareenka Madaxweyne Geele ka qaatay arrinta IGAD. Source
-
Labadii todobaad ee ugu dambeysay waxaa soo fatahay webiga Jubba kaas oo mara deegaanno ka mid ah Gedo iyo Labada Jubba. Fatahaadda darteed qoysas badan ayaa ka barakacay gurihii ay deganaayeen. waxaana baa’abay dhamaan dalagyadii ka baxayey beeraha waraabka ah ee deegaannadaasi. Degmooyinka ugu daran ee fatahaaddu saameysay waxaa ka mid ah: Luuq, Buur-dhuubo iyo Baardheere oo Gedo ah iyo Jubbada dhexe oo Saakow, Bu’aale iyo Jilib laga dayrinayo halka Jubbada hoose ayaa dhibaatooyin ka jiraan Jammaame, Kamsuuma, Baarsanguuni iyo Goobweyn. Ilaa hadda dowladda federaalka ah kama hadlin dhibaatada ka jirto deegaanadaas, waxaa ayna dadkaasi codsanayaan in laga soo gaaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa saaka markale dhigay dibadbax looga soo horjeedo jidadka xiray ee magaalada Muqdisho. Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn, sida tan Makka Al-Mukarrama ayaa ka cabanaya jidadka laga xiray iyo lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay. Sidoo kale dibadbaxayaasha oo careysan ayaa hakad galiyey dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim u ah shacabka. Gaadiidleyda ayaa dalbanaya in loo furo dhammaan waddooyinka, si ay uga shaqeystaan gudaha magaalada Muqdisho. Inta badan waddooyinka Caasimada ayaa sababa amni u xiran muddo dhowr bilood ah, taas oo culeys ku keentay nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Waa maalintii labaad oo xiriir ah oo darawallada gaadiidka BL-ka ay dhigayaan banaanbax, mana jirto weli jawaab laga bixiyey cabashadooda.
-
Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn waxaa uu sheegayaa in biyihii Webiga Shabeelle ay weli ku socdaan xaafadaha magaalada. Waxaa jira meelo go’doonsan oo ka inta badan xaafadda Hawl-wadaag, Buundaweyn, Xaawo Taako iyo Kooshin, qoysas boqolaal ayaa la’a meel ay ka baxaanb. Waxaa joogsaday dhammaan isu socodka gaadiidka, ma jiro wax ganacsi ah, ganacsi yaryar iyo mid weyn, waxaa xiran dhammaan dukaamadii iyo suuqyada sida khudaarta iyo xoolaha. Isu Socodka Gaadiidka: Waxaa istaagay dhammaan isu socodkii gaadiidka, gaariga keliya ee ka dhaq-dhaqaaqa gudaha magaalada waa Cagaf-cagaf. Odeyaal qaar oo ka hadlay arrinta gurmad ee ay dowladda federaalka ah guddi u saartay waxaa ayaa Goobjoog News in sanadkii hore ay dhacday dhibaato middan la mid ah iyada oo taasi laga jawaabayo dowladda federaalka ah waxaa ay bixisay $1 milyan, Shiinaha $1 mliyan, gobolka Banaadir oo $100,000 ahaa iyo baarlamaanka 2-badiisa aqal oo mid $50, 000 bixiyey. “Lacagtii loogu talo-galay dadka waxaa jeebka ku shubtay maamulka Hirshabelle, mana arkin” ayey raaciyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
