Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,970
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, ayaa sheegay in Puntland ay ku adagtahay in ay dowlado shisheeye heshiisyo maal-gelin ah la gasho, maadaama aan Puntland caalamka laga aqoonsaneyn. Balse, wuxuu sheegay in weli Puntland ay haysato fursado kale, si ay u soo jiidatao Maalgeshiga caalamiga ah, isagoo xusay in xukuumaddiisu ay heshiisyo dhinaca maalgeshiga ah la geli doonto shirkado shisheeye oo sida uu sheegay ka waaweyn dowlaha qaar kood. “ Haddii ay adkaatay waxa la yiraahdo Bilateral-ka ( in dowlado aan heshiis la galno) yaan heshiis lageli karnaa? Shirkado Ayaan heshiis la geli karnaa. Adduunka waxaa jira shirkado dowladaha ka waaweyn” ayuu yiri Deni. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay leedahay khayraad fara badan ,sidaasi darteedna khayraadkaasi looga faa’idaysan karo, in heshiisyo lala galo shirkadaha Maalgeshiga Caalamiga ah, si labada dhinacba uga faa’idaan. Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in Puntland heshiisyo la gelayso shirkado Maalgeshi oo aan dowladda Federaalka soo marin appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti ayaa ka hadlay sida ay xukuumadda Somaliland u aragto dhex-dhexaanimada Madaxweynaha Jabuuti ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. SANAA, Yemen — Hundreds are protesting in Yemen's remote island of Socotra in the Gulf of Aden near Somalia, demanding the United Arab Emirates withdraw from the island and from the Saudi-led coalition fighting the Houthi rebels. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Mudane Cumar Faaruuq Warfaa, kuna wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, masuuliyiin ka socda laamaha amaanka iyo saraakiil kale. Weftigan oo ujeeddada safarkoodu ahaa inay qaranka Somaliland soo gaadhsiiyaan tacsida taliyihii ciidamada Booliska Somaliland, sarreeye Gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka timid madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar). Kulankan oo ay maaxweyne ku xigeenka ku wehelinayeen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Guddoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex Khadar Baabuur Cumar. Wasiiru-Dawladaha Madaxtooyada ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cumar Faaruuq Warfaa iyo Weftiga uu hoggaaminayey waxay Maanta kulan la yeesheen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa kulankaa ka dib waxay Madaxweyne ku-xigeenka si wada jir ah u qabteen Shir-saxaafadeed. Wasiiru-Dawladaha Madaxtooyada ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cumar Faaruuq Warfaa oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu nahay Wefti ka socda Dawlad deegaanka Soomaalida, ujeeddada socdaalkayaguna waxa weeyaan inaanu ka Tacsiyadaynayo Taliyihii Ciidammada Booliska Somaliland ee Geeriyooday, Annaga oo Tacsidaa ka sidna Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar iyo dhammaan Shacabka ku dhaqan deegaanka Soomaalida. Waxaanu halkan u nimid inaanu Dawladda Somaliland u Tacsiyayno oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne ku-xigeenka..” Source
  5. wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland ayaa maanta Garoowe ku qabatayKulan ku saabsan ka doodista iyo kala tashiga bulshada ee arrimaha Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa ka qeyb-galay wasiiru-dowlaha wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland Maxamed Rooble Cabdi, agaasimaha Waaxda Dastuurka ee wasaaradda,Yuusuf Ibraahim Saalax, aqoonyahanno, dhalinyaro, haween iyo bulshada qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulanka oo mudda laba maalmood ah socon doona ayaa lagu soo bandhigi doona la tashiyo ku aaddan dib u-eegista qodobada 50-54-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, cutubyadaasi oo ka hadlaya awoodaha qeybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland, Maxamed Cabdi Rooble Ilyaas oo daah-furay kulanka ayaa sheegay in laba qodob oo waaweyn kulanka looga doodi doono, kuwaasi oo kala ah; sida Dastuurku u kala qeexayo awoodaha dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale qeybsiga khayraadka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed. Wasiirka ayaa sheegay in labadaasi qodob ay xuddun u yihiin khilaafka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, islamarkaana haddii aan laga heshiin uusan dhammaystirmi Karin Dastuurka KMG ee Soomaaliya. Wasiira ayaa ka qeyb-galayaasha kulanka, waxa uu ku boorriyay in ay maskaxdooda si fiican u tuujiyaan, ayna soo bandhigaan fikirka iyo aragtiyaha ay ka qabaan cutubyada horyaalla ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya, si talo wax ku ool ah uga soo baxdo. PUNTLAND POST The post Wasaarada Cadaaladda Puntland oo Garoowe ka daah-furtay kulan ku saabsan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. As deadly flooding wreaks havoc in East Africa, Edmontonians with relatives living there — including some who have died or been displaced in the disaster — are looking for ways to help. Source: Hiiraan Online
  7. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ugu Magacaabey Ahlusunna Macalin Nuur Cilimi Cabdulle ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan xilligaan ka jirin degmada, isla markaana amniga guud ee Magaalada uu yahay mid wanaagsan. Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb oo shir jaraa’id ku qabtay hayga uu Dhuusamareeb ka daganyahey ayaa sheegey in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeya Dowlada Faderaalka Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in uusan aqbaleyn in ay xabad ka dhacdo Magaalda Dhuusamareeb,waxaa kale oo uu been abuur ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in magaalada cakirantahay. Guddoomiye Nuur ayaa sheegay in amaanka Magaalada Dhuusamareeb ay sugayaan Ciidamada isku dhafka ah dowladda Federaalkana mas’uul ka tahay amaanka Magaalada DHuusamareeb. Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Shaabka Magaalada Dhuusamareeb iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan looga baahan yahay in Dowladda Soomaaliya kala Shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Photo-news:Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo shir deg- deg ah hadda isugu yeedhay Xubnaha Fulinta Xisbiga Qaran News
  9. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la filayo inuu isku soo taago xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah kasoo saaray xiisadda ka dhex taagan Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdikariin oo horey usoo noqday madaxweynaha Galmudug ayaa Dowladda iyo Ahlu Sunna ugu baaqay inay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, waxii is faham la,aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal. Cabdikariin ayaa Ahlu Sunna ugu baaqay inay ilaashato xushmaddii ay ku laheyd dadka Galgaduud iyo halgankii ay soo gashay isla markaasna ay qeyb ka noqoto dowladnimada Soomaaliya. Dowladda ayuu si gaar ah ugu baaqay inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna laguna tixgeliyo dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas. Halkaan hoose ka akhriso baaqa Cabdikariin BAAQ NABADEED Waxaan shaki ku jirin in colaad iyo is faham la,aan ay ka soo daaleen deegaanada Galmudug oo aysan u baahneyn colaad iyo dagaalo kale oo dhiig ku daato. Colaadaha iyo is fahamdarida soo noqnoqday ee deegaanadaasna ay ka reebeen dadka reer Galmudug asaagooda dowlad gobaleedyada kale ee ku naaloonaya nabad, xasilooni iyo horumar dhan kasta ah. waxaana ayaan dari ah in ayadoo lagu guda jiro geedi socodka maamul dhisidda Galmudug in xasarado iyo guluf colaadeed ay halkaas ka soo if baxaan kana aloosmaan. Haddaba waxaan ugu baaqayaa labada dhinac ee Dowladda iyo Ahlu sunaba arimaha soo socda: In labada dhinac ay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, waxii is faham la,aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal. Dowladda waxaan si gaar ah ugu baaqayaa inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna, tixgalisana dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas. 3 . Ururka Ahlu sunna waxaan ugu baaqayaa inaysan dib u cunin halgankoodii iyo xushmadii ay bulshada Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba u hayeen, ayna garwaaqsadaan in ay lagama maarmaan tahay inay ku milmaan nidaamka dowladnimo, oo aysan marnaba suurta gal aheyn is feer socodka nidaam dowladeed iyo urur hubeysan, waayo waa waxaan isla jaan qaadi karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaaleynta ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan Galmudug ayaa sheegay in maamulka Ahlusunna ay doonayaan in ay fashiliyaan dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loona baahan yahay in shacabka Galmudug ay u tashtaan deegaanka. Wasiirka oo bulshada ku nool magaalada Guriceel la hadlaayey ayaa xusay in dhaqanka madaxda iyo ciidanka Ahlusunna ay tahay mid dib u noqoshaa oo dhaawaceysa hadakii iyo hanaankii la rabey in lagu dhiso Galmudug waxaana uu yiri” Dhaqanka markan Ahlusunna Waljamaaca ka muuqdaa waa dib u noqosho, waxaan leenahay walaalayaaloow ha bariiqanina jidfiican ayaan ku taagneen ha sababinina adinkoo waxyar laba farood ku raadinaaya inaad Galmudug fashilisaan fariinta aan idiin waday intaas ayuu nuxurkeedu ahaa”. Sidoo kale wasiir Sabriye oo hadalkiisa sii wato ayaa xuusay in dowladda federaalka ay wado diyaarna u tahay in lagu noqdo wadadadii lagu wada shaqeynayey, wasiirka ayaana ka digay in wax aan macno laheyn lagu dumiyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudud waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Waxaan ka shaqeyneynaa in Ahlusunna wanaaggii aan wax kuwada bilownay lagu wada noqdo ayaan ka shaqeyneynaa la fariisano tabashooyinkooda guddi iyo xildhibaanno dowlad gobaleed waxaa ay noqdaanba, madhama guddi hala igu daro iyo xoogaa xildhibaannaa hala isiiyo qiima astaahila maahan Galmudug ha lagu kala tago”. Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ayaa ka hadlay in khilaafka ay Ahlsunna wadaan ay dhaawac weyn ku tahay caasimaddii dowlad gobaledka ee Dhuusamareeb, Magaalo madaxdii Dhuusamareeb dadkii deegaanka waa ku dhaawac, Galmudug waa ku dhaawac , magaca culimanimada waa ku dhaawac waxaan aadeynaa in la yiraahdo Dhuusamareeb Buuh waad noo yeerteen markii hore oo waad fiicneedeen , lakiin meesha aad wax ku wadaan waan idiin kaga guurneynaa ee adinku dhagaha ku raareysta”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose. Lafta Gareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolkaasi. Ujeedka safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay inuu la xariiro u kuur galida xaaladaha dhanka nolosha iyo amniga ee magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu durbo kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo qeybaha bulshada iyo maamulka uu ka bilaabay halkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  12. Nabaddoonada iyo isinka beesha uu ka soo jeedo Xildhibaan, Mahad Maxamed Warsame oo iska casilay xubinnimada Baarlamanka Puntland ayaa soo xulay xildhibaan cusub oo lagu beddelay booskiisa. Xildhibaanka cusub oo lagu magacaabo, Feysal Cumar Geesdiir ayaa ka loo soo gudbiyay guddoonka golaha wakiilada Puntland, kadib markii uu soo saxiixay isinka beeshiisu, waxaana laga dhegaystay khudbad ku saabsan taariikh-nololeedkiisa, iyadoo markii dambe ay ansixiyeen mudanayaasha Baarlamanka, kadibna la dhaariyey Xildhibaanka booskan banneeyay, Mahad Maxamed oo laga soo doorto gobolka Bari, ayaa qoraal uu isagoo dalka ka maqan u soo diray guddoonka Baarlamanka Puntland, wuxu isaga casilay xubinnimada golaha, iyadoo isla saakaba lagu beddelay xildhibaan Geesdiir. View the full article
  13. “Haddii wax akhrintu tahay cuntada maskaxda, akhriso buuggaagta.” Marka aan jaamacadda joogo, weertaas waxaan u isticmaalaa in aan ku dhiirrigeliyo ardaydayda jecel akhrinta buugta si ay u sameeyaan horumar dhanka aqoonta ah. Si la mida, bahda akhriska jecel, iyagana waxaan kula talinayaa in bishan Nofembar ay liiska buug akhrintooda ay ku darsadaan tobankan buug: BECOMING by Michelle Obama Waa buug ka sheekeynaya taariikh nololeedka Michelle; yaraanteedii iyo dhallinyarannimadeedii. Waa buug ay ku kaydisay xusuusteeda jacayl. Waxaa aad ii soojiitay cutubka siddeedaad oo ku saabsan isbarashada Obama iyo Michelle. Mar waa iyada oo jaamacadlay ah; marna waa iyada oo saaxiibkeed Obama “mentor” u ah. PRIDE AND PREJUDICE by Jane Austen Buuggan waxaan ku xusuustaa in uu ka mid yahay buuggaagta ugu caansan ee suugaanta Ingiriiska. Waa buug ku saabsan jacayl, waxaan aad uga helay hadalka furfurashada Jane Austen, “waxaa dhab ah dumarkoo idilna isku raacsan yahay in ninka dhallinyarada ah ee bishii hela mushahar fiican in uu u baahan yahay guur/xaas.” MEET CUTE by Helena Hunting Waa buug ka sheekeynaya jacayl ku bilowday ardaynnimo, dabadeed ku dhammaaday khiyaano. Kailyn iyo Daxon si lamafilaan ah ayay isku bartayn. Isku fasal ayay ahaayeen. Ka gadaal waxaa dhex maray jacayl markii dambe beenowbay. NORTH OF DAWN by Nuruddin Farah North of Dawn waa buug xiiso badan. Wuxuu dhigayaa sheeko naxdin leh oo isugu jirta jacayl, daacadnimo iyo tallan haybeed qaran. I AM MALALA by Malala Yousafzai, Christina Lamb Waxaa ku qoran taariikh nololeedkeeda, Malala Yousafzai. Iyo safarkeedii dheeraa-ka soo bilow Pakistan ilaa Ingiriiska. Waa buug qoraya halganka nolosha, waxbarasho, diin iyo argagax. Waa sheeko dhab ah. SIRTA GUUSHA by Xasan Mudane Waa buug ka sheekeynaya guul iyo guuldarro. Wuxuu sahminaya macnaha dhabta ah ee guusha. Waa buug ay ku kaydsan yihiin sheekooyiin macquul ah, oo ku saabsan taariikh nololeedka shakhsiyaad ka guul gaaray ganacsi. WHY NATIONS FAIL by Daron Acemogle iyo James A Robinson Waa buug cajiib ah! Wuxuu sahminaya sababta keentay in dalalku fashilmaan. Waa buug soo bandhigaya doodda ah, in bini’aadamku u baahan yahay hay’ado xoog badan oo ku dhiirriggeliya waxsoosaarkooda dhaqaale. INTRODUCTION TO AFRICAN POLITICS by Alex Thomson Buuggan innaba caadi ma aha! Wuxuu ku dulwareeganayaa saddex fekradood oo lafdhabar u ah fahamka siyaasadda Afrika, waxayna kala yihiin: Dowladnimo, ururada rayidka iyo farogelinta shisheeyaha. Waa buug ka hadlaya mowduucyada hay’adaha dowliga, eesha gumeysiga, dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo-doonka, dowrka ururada rayidka, gumeysiga ka dib afgambiyadii militari, fekerka Maaksiisimka iwm. THE TREASON OF THE INTELLECTUALS by Julien Benda Waa buug ka sheekeynaya khiyaanada indheergaradka uu ka galo bushadiisa. Waa kuma indheergarad? Marka la eego Benda, indheergaradku waa qofka runta ku gabya, garabna u noqda dhibbanaha ama kooxda dulman. Waa buug cajiib ah! Oo wax iska weyddiinaya dowrka indheergaradka, waajibaadka saaran iwm. IDENTITY by Francis Fukuyama Waa buuggii ugu dambeeyay ee uu qoray. Wuxuu diiradda ku saaray hab dhaqanka bini’aadamka iyo waxa dhiirrigeliya marka la joogo siyaasadda. Waa buug sharxaya fashilka fekerka libaraalka iyo dimuqoraaddiga, ee ku aaddan haqabtirka baahida bini’aadamka. WQ: Hassan Mudane, Bare Jaamacadeed Source: goobjoog.com
  14. Ismaaciil Maxamed Warsame Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada dowladda, Ismaaciil Maxamed Warsame Oo Safar ugu Maqnaa dalka Dibaddiisa, ayaa Maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir, ayaa sheegay in uu safar caafimaad ku tegay waddanka Hindiya, balse markii dambe uu halkaasi kula soo kulmay maalgashadayaal doonaya in ay maal-geshiyo kala duwan ka sameeyaan gudaha Puntland, isagoo xusay in kulankoodu guul ku soo dhammaaday. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland oo ka warbixiyay safar uu ku tegay dalka dibaddiisa appeared first on Puntland Post.
  15. Xaashi C/raxmaan oo ah Aabaha dhalay Basro 18 jir ah, kuna nool degmada Buulo-Barude ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay kufsi iyo jirdil gabadhiisa loogu geystay degmadaasi. Aabe Xaashi oo la soo xariiray Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in nin ka mid ah dadka deegaanka uu si arxan darro ah kufsi iyo jirdil uu isugu daray gabadhiisa. Sidoo kale Aabahani Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay soo faragelisa arrintan, islamarkaana kiiska ninkaasi loo soo wareejiyo Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Cod-1-cabdiqani.mp3 View the full article
  16. Bu’aale (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Buale ayaa sheegaya in weerar cirka ah lagu diley saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Duqeynta ayaa ka dhacday xarun tababar ama aqoon korarsi lagu siinayay xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Saraakiil iyo dagaalamayaal la socotay. Mas’uuliyiinta ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugnaa goobta la wareeray waxaa kamjd ah Sheekh Xuseen Filow oo ahaan jirey Guddoomiyihii Al-Shabaab ee Jubooyinka waxaana la soo sheegayaa in uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi. Sidoo ksle wararka ayaa sheegaya in uu weerrarkaas ku geeriyooday Daahir Gacmey oo ah hogaamiyaha Al-Shabaab ee Jubooyinka halka warar kale ay sheegayaan in uusan geeriyoonin balse uu qabo dhaawac culus oo weerarkaas ka soo gaaray. Dhinaca kale, weerar kale oo kadhacey deegaan u dhaxeeya Degmada Jilib iyo Deegaanka Xaramka ayaa la sheegey in lagu burburiyey tabaneeyo gaari oo Al-Shabaab horey uga qabsatey dagaalo ay lagashey ciidamada Kenya, kuwa Ethiopia iyo ciidanka Soomaaliya. Gawaaridan ayaa la sheegey Al-Shabaab in ay qorsheyneysey in ay weeraro argigixiso u adeegsato ayadoo iska dhigeysa nabad ilaalinta Soomaaliya ama ciidamada Milateriga Soomaaliya. Wararka Jubbooyinka ka imaanayo ayaa sidoo kale soo sheegayo in duqeyntaas ka dhacday Juboyinka uu ku dhintay Adan Geedi oo loo yaqaano Abu Xudeyfa oo ah Amiirka guud Gaashaandhiga Al-Shabaab oo kamid ah ma’suuliyiintii la joogtay gaadiidka la bur buriyay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay xiisada u dhexeysa dowladda iyo Ahlu Sunna ee ka taagan Galmudug. Sabriye ayaa sheegay in xukuumaddu ay diyaar u tahay in hoggaanka Ahlu Sunna kala hadasho tabashooyinka ay qabaan, si xal looga gaaro. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan waxa socda ay dib u dhigi karaan geedi socodka dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/333.mp3 View the full article
  18. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda. Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaabo kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha 29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee hore. August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) , waxa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada barista hey’adaha Amniga. Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay gacanta ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016. Goobjoog News Source: goobjoog.com