-
Content Count
213,970 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Buulo-Burte ayaa sheegaya in xiisad salka ku heysa maamulka ay ka jirto degmadaasi, kadib markii uu guddoomiye cusub u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Buulo-Burte ayaa ka horyimid magacaabista guuddoomiyaha cusub, waxaana ay ku eedeeyeen wasiir Caadle inuu iska hor keenayo bulshada ku dhaqan degmadaasi. Sidoo kale Odayaashan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay magacaabista guddoomiyaha cusub, iyadoo horay mid kale ku sime loogu magacaabay Buulo-Burte, tan iyo inta laga soo dhisayo golaha deegaanka degmadaasi. ‘Annaga cidda aan aqoosannahay oo aan la shaqeyneyno waa ku-simaha guddoomiye ilaa laga soo dhisayo Golaha deegaanka degmada, Wasiirka isaga ayaa laga rabaa halka uu ka ariminayo kan danbe ee uu hadda soo magacaabay.” ayey yiraahdeen odayaasha. Ugu dameyn waxa ay madaxda sare ee HirShabelle iyo dowladda federaalka ugu baaqeen inay soo faragaliyaan arrintaasi, si loo xaliyo khilaafka ka taagan halkaasi. Buulo-Burte ayaa in muddo ah ku jirta xaalad jahwareer oo dhinaca maamulka ah, taas oo cuuryaamisay horumkarka degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Tacsi Jaaliyada reer Somaliland ee Greater Manchester UK. Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Greater Manchester UK, Mudane Axmed Cali Dheere isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Jaaliyada reer Somaliland ee Greater Manchester UK, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Taliyihii ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, wuxuu ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisii iyo eheladiisii iyo dhamaan shacabweynaha reer Somaliland, Ilaahayna inuu Marxuunka qabriga u nuuro oo naxariistii Janatu Fardowsa ka waraabiyo, Aamiin. Inaalilaahi Wa Inaa ILayhi Raajacuun. Fuad Fartaag Afhayeenka Jaaliyada SL ee Greater Manchester UK Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Markii aan xalay ama 1dii Nofemeber 2019ka aan maqlay geerida waxa aan la xidhiidhay dhawr qof. Ciyaaryahan Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa ii xaqiijiyay geerida Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland. Meel aan ka fogeyn International Hospital ayaan ku sugnaa. Hoonka gawaadhida ciidanka ee dhiillada tebinaya ayaan u maqlayay si xooggan. Waxa i saaqay dareen caloolyow ah. Waajibna way ahayd’e dhambaal tacsi ah ayaan ku faafiyay baraha bulshada. Xilliga iyo goobta aaska waxa baahiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland. Caweysnimadii xalay, waxa aan wacay Maxamed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo aan qoys ahaan uga tacsiyadeeday geerida, wuxuu ii sheegay in ay isla wakhtigii geerida ku xigay bilaabeen qoditaanka xabaasha, halkaasna ay joogaan. Xilli ku beegan 11:30 barqannimo ayaan gaadhay xaafadda Shacabka oo uu guriga marxuunku ku yaallay, hal xafiis oo wasaaradda waxbarashada ah ayaan hawl kooban u galay, waanan ka laabtay. Intii aan taas ku jiray ayay soo dhaqaaqeen gaadiidkii gelbinayay marxuunku. Jidka waxa taagnaa ciidan kala hagaya moodharrada tirada badan ee godkiisa rasmiga ah u gelbinaya Marxuun Cabdillaahi Fadal Iimaan Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland. Markii aan gaadhiga u imi, waxa aan doonay inaan baabuurta ka raaco marinka u dhexeeya Wasaaradda Beeraha iyo Emperial Hotel, laakiin jidku wuu buuxay. Gadaal ayaan u noqday, aniga oo dooxa iyo beerta Xorriyada ka dhacay. Axmed-Gurey ayaan uga gudbay Galbeedka Istaadyoonka. Waddada Half London ayaan taayirka la helay. Markii aan buurta fuulay ee aan Isgoyska Badhka marayo ayaan la kulmay jid-xidhan iyo baabuur tax ah. Baabuurta shacabku waa ay wada istaageen, hareeraha marinka waxa taagnaa bulsho isugu jirta dhallinyaro, haween iyo da’ yar ducada ku gelbinaya. Ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo kala hagayay gaadiidka ayaa hannaanka socodka wanaajiyay. Waddada Siinaay ayan u leexday, aniga oo jidcadde shaagga ku hubsaday, saa waa baabuur buurta koraysa oo fara-badan, rabana inay hal marin wada maraan. Kuwo soo kala maray suqduudyo kala gaar ah ayaa bar qudha ku kulmay. Ciidankii nabadgelyada waddooyinka ayaa haddana kala hagay. Waxa ceeryoon ahaa barxadda baabuurta ee Masaajidka, waxaanan u dhaafnay dhanka xabaasha. Meelaha aan carrabaabay waxa gaadhiga ila saarnaan kara qof toos u garanaya. Waa aan dul istaagay, waana ay dhammayd, luxudkana waa la duway. Wax yar kaddib ayuu soo istaagay dhoolligi (ambulance), ciidan heellan ayaa hagar li’i u dejiyay. Markaa aan arkay meydka marxuunka oo naxashka saaran ku duuban maro guduudan ayaan qof ahaan sida ugu weyn u duceeyay. Gaadiidka booliska ayaa ku xigay, waxa isla daqiiqado ku soo istaagay gawaadhi ay saarnaayeen Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenno hore, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Guurtida, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Saraakiisha ciidamada qaranka, Xisbiyada qaranka, wasiirro, duqa caasimadda iyo ku-xigeenno, xildhibbaannada baarlamaanka, golaha degaanka, suxufiyiinta, ganacsatada iyo kumannaan iyo kumannaan iyo kumannaan. Geesta aad ka laabtaba labeentii bulshada ayaa joogtay. Dhammaan dadku waxa ay ka marag fureen in marxuunku ahaa daljire qarankiisa u adeega, qof hawlkar ah, qof soo maray heerarka kala geddisan ee ciidanka: baadhe, taliye saldhig, hoggaanka hawl-gelinta iyo Taliyaha Booliska oo uu ahaa tan iyo 2012ka. Waxa lagu suntay qof shakhsiyad wanaagsan oo lafihiisa gobannimadu buuxday. Aadame suubban ayaa lagu asteeyay, bashar soo-dhaweyn iyo dadnimo leh ayuu ahaa. Qof sikhi ah oo wixii arrin iyo adduun looga baahdo hura ayuu ahaa inta awooddiisa ah. Mar waayeel iyo guurti buu ahaa, waxa uu ka qayb qaadan jiray xalka dad badan oo wax kala tabanaya. Inta uu hawl halkeeda ku maareeyay ee aan warbaahinta soo gaadhin ayaa badnayd. Qof ahaan waxa aan ogaa isaga oo kormeer 04:00 habeennimo ku sameeya saldhigyada gaar ahaan kuwo aan ku xidhnaa. Raggii markaas ka maqnaa shaqadooda waxa uu ka qaadayay tallaabo sharci ah. Waxa ay ku baaqeen in la saamaxo haddiiba wax la kala tirsado, waayo shaqada ciidanku waa mid culus. Waxa la isla gartay in dan qaran lagu kala aragti duwanaan karo, bal se aanay jirin wax gaar ah oo qof iyo qofaf u dhexeeyaa. Dhammaantood waxa ay Eebbe ka baryeen in uu godka u nuuro, in uu qoyskiisa Samir iyo iimaan ka siiyo iyo in la yahay ergo Alle uga tuugaya marxuunka dembi-dhaaf. Waddada biyaha oo lahayd geed-gaab iyo dhijaano biyo ah cagaf ayaa la sii geliyay. Taasi waxa ay sababtay in boodh iyo uuro kacdo, qaybo ka mid ahna waa la rusheeyay. X Sarreeye Gaas Marxuun Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa lagu sagootiyay aas qaran iyo duco qaayo leh, maalin Soo-roga (Sabti) ah 2dii Nofember 2019ka ayuu luxudka kowsaday. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo. Siciid Maxamuud Gahayr Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-03112019.mp3 View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda Galmudug ahna mas’uulka ugu sarreeya Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku adkeystay inaysan jirin magaalo ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya oo ururka Ahlu-Sunna laga qabsaday. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen Guriceel iyo Matabaan, sidoo kalena ciidamadii Ahlu-Sunna ay isaga baxeen magaalada Dhuusomareeb. Hase yeeshee, Sheekh Shaakir oo wareysi siiyey idaacadda BBC ayaa qaab kale u dhigay ciidamada magaalooyinkaas galay, wuxuuna sheegay in ciidamada shalay ilaa maanta la wareegay magaalooyinkaasi ku tilaamay ciidamadii dowladda dhexe iyo kuwa Ahlu Sunna ee dhawaan la isku daray. “Ma jirto magaalo gobollada dhexe ah oo la qabsaday. Deegaannadaasi uma baahna in dadkii xoreeyay haddana la niyaysto in laga xoreeyo. Marka, arrintaasina wadahadal ayay ku jirtaa,” ayuu yiri Sheekh Shaakir, oo aan faah-faahin ka bixin waxa uu yahay wada-hadalkaas. “Ciidamada aad maqleyso waa ciidamadii aan isku darnay, ee maamulkii Ahlu Sunna wal-jameeca ciidamadiisa iyo ciidamadii dowladda weeye ciidamada adeegaya ee shaqeynaya. Marka, degmooyinkii sidii bey u shaqeynayaan, booliskii lagu tala galay sidii buu u shaqeynayaa, nabad sugiddii, ciidamo 400 ah baa lagu talagalay in ay ammaanka sugaan caasimadda Dhuusamareeb amnigeeda ciidamadii gacanta ku hayay ayaa gacanta ku haya,” yuu yiri. Sheekh Shaakir ayaa sheegay inuu jiro hadda xiriir u socda madaxda dowladda iyo ururka Ahlu-Sunna, oo lagu dhameynayo xiisadda, waxaana uu intaas ku daray inaanu dooneyn in hal xabbad ay dhacdo, islamarkaana dhaawac iyo dhimashada xitaa hal qof ay ka dhacdo gobollada dhexe. Ciidamada dowladda Federaalka ayaa shalay oo Sabti ahayd si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Guriceel, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad taabacsan ururka Ahlu Sunna, ayada oo ciidamada Ahlu-Sunna ay maanta ka baxeen Dhuusomareeb. Sheekh Shaakir ayaa sheegay in uu hataan socdo wadahadal lagu xallinayo khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in ay haatan ka arrinsanayaan sidii loo mideyn lahaa guddiyo ay kala magacaabeen iyaga iyo dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
The Turkish foreign minister on Sunday said Somalia needs Turkey’s help to ensure political stability, to restructure national security forces and to create an environment that will allow economic development. Mevlut Cavusoglu’s remarks came at the Organization of Islamic Cooperation (OIC) Somalia Contact Group meeting in Doha. “It is primarily the duty of the Ummah to relieve the suffering of Somalia,” Cavusoglu said, adding that a consensus should be built to ensure peace in Somalia leaving differences aside. Cavusoglu said cooperation was needed to raise Somalia’s position in the world. “Somalia needs our help to ensure political stability, to restructure national security forces and to create an environment that will allow economic development.” Cavusoglu said Turkey has participated in all international initiatives in Somalia to support the country. “We offer a facilitating and mediating role in the negotiations between Somalia and Somaliland,” he said and added that the elections to be held in 2020 would constitute a turning point for the future of Somalia. Cavusoglu was later received by Emir of Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al Thani. “We thank Qatar for their support to Turkey’s Operation Peace Spring,” Cavusoglu wrote on Twitter following their meeting. Turkey launched Operation Peace Spring on Oct. 9 to eliminate all terrorist groups from northeastern Syria and create a safe zone along the border, thereby paving the way for the voluntary return of Syrian refugees. Writing by Sibel Morrow for Anadolu Agency
-
(SLT-Hargeysa)-Sweden Oo Laga Taageeray Go’aanka Guddoomiye Cirro, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shiikh Maxamuud Shibli oo ka tirsan Culimada Soomaalida ayaa ka hadlay taalooyinkii dhawaan dib looga taagay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho iyo waxa ay ka qabto Shareecada Islaamka. Shiikh Shibli ayaa sheegay in shareecada islaamka aysan meelna uga qorneyn in taalooyin la sameeyo magac kasta haloo yeelo ama maamuus maqaam. “Si kooban Shareecada Islaamka ma qabto in taalooyin la dhiso magac kasta haloo yeelo, ama maamuus maqaam ” ayuu yiri. Shiikha ayaa sheegay in taalooyinka loo xaaraantinimeeyey iyadoo laga cabsanayo inay ka dhalato fidnimo iyo fasaad sidaasna uu Rasuulka ku amray in la burburiyo taalo kasta oo la arko. Shiikh Shibli oo ka hadlayey waxa ay shareecada ka qabto in lacag lagu bixiyo dhimsha taalooyinka ayaa sheegay inay qalad tahay. Wuxuu caddeeyey inaysan macna laheyn taallo meel la suray, dadkuna ay wax ku noqon karaan in damiirkooda la dhiso, tarabiyadooda la toosiyo. Wuxuu ku tilmaamay in lacag aysan u qalmin lagu bixiyey dhismaha taalooyinka taas badalkeedana ay aheyd in dadka la dhiso. Ugu dambeyntii wuxuu tilmaamay inaysan jirin si ay ku banaan tahay taalooyinkaas. Hadalkaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay Dowladda Soomaaliya lacago malaayiin Dollar ah ku bixisay dib u habeynta taalooyinkii loo sameeyey halgamayaashii dalka soo maray. Halkaan hoose ka daawo hadalka Shiikha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo horey usoo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay inay Ahlu Sunna sabab u aheyd hormaru la’aanta ka taagan deegaanada Galmudug isagoo taas sabab uga dhigay isfaham la’aan kala dhexeysay Federaalka oo aan hal Dowlad ku koobnayn. Yuusuf Garaad ayaa sheegay inay Ahlu Sunna garan weysay inay libinteeda ka dhigto mid ka wada dhaxeyso dadka deegaanka iyadana ay hoggaan u noqoto. Wuxuu Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay sugto amniga deegaanada ay kala wareegtay Ahlu Sunna isagoo ku baaqay inaan loo darsan Ahlu Sunna. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo qoray Yuusuf Garaad Ahlu Sunna isfaham la’aan kala dhexeysay Federaalka oo aan hal Dowlad ku koobnayn ayaa wiiqday horumarka degaanka iyo Dowladnimada Galmudug. Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba waan kula kulmay Hoggaamiyayaashooda iyo soddomeeyada ugu sarreysa ASWJ keli ahaantay iyo marar aan mas’uuliyiin kale oo maslaxad daneynayay aan wada soconnay. Ilaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasiir Juxa annaga oo wada soconna iyo annaga oo laba laba ama saddex saddex ahba wadahadal waan la galnay, Madaxtooyada gudaheeda iyo dibaddeedaba, mararka qaar lagu gaaray saq Dhexe. Halkaan ugama hadlayo ASWJ waxa ay qabteen ama ay mudan yihiin. Ugamana hadlayo dhaliilahooda. Hadda isbeddel kasta oo degaankaas ka dhacaya laba ayaa aniga iigulu muhiimsan. In aan dhiig ku daadan marka isbeddelku dhacayo iyo waliba ka dib isbeddelka dartiis. Dhanaca kale, Ahlu Sunna cidina kuma wehlin ka saaridda degaanka iyo ka daafaca Shabaab. Iyagu garan waaye tab ay libintooda uga dhigaan mid dadka degaanku uu wada leeyahay iyaguna ay horseed ka yihiin. Laakiin, Dowladda Federaalka oo hadda Galmudug toos ula wareegtay iyada ayay mas’uuliyaddu saaran tahay. Kama hadlayo doorasho iyo siyaasad. Waxaan ka hadlayaa amni iyo Daafaca degaanka. Yaan loo darsan Ahlu Sunna. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The Turkish foreign minister on Nov. 3 said Somalia needs Turkey's help to ensure political stability, to restructure national security forces and to create an environment that will allow economic development. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Madax ka socotay Bangiga Adduunka oo dalka u yimid dhammeystirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan gabo-gabo maraya. Kulankan oo ay qeyb ka ahayd qado sharafeed Madaxweynuhu uu u fidiyey Madaxda ka socotay Bankiga Adduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Dhanka Bangiga Adduunka waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Bangiga Adduunka ee Arrimaha Afrika Mudane Hafez Ghanem, Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hayadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta Dhaqaalaha Marwo Jumake Jagun-Doknmu, Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika Mudane Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Puteri Watson. View the full article
-
The mother of Mahad Abdirahman Rajis appealed to Fahmo Ahmed Nur, the Deputy Minister of Planning, Investment and Economic Development of the Federal Government of Somalia, to facilitate the release of Mahdi who has been in jail in Mogadishu. Mahdi, who belongs to the family of the late lawyer and Banadiri political activist, Mohamed Rajis, sought to claim his entitlement to inherit a property of Mohamed Rajis. Mahdi’s mother recorded a video message shared on Facebook platform. “I ask for you to secure the freedom of my son. He has hypertension” the mother said. Fahmo A. Nur was married to Rajis Fahmo was married to the Mohamed Rajis before he passed away. Property disputes get resolved at courts. The use of the social media to publicise the property dispute of a family and the alleged role of a Deputy Minister have yet to be addressed by the authorities of Banadir region. Fahmo has not commented on the allegation that she arrested Mahdi. “The Federal Government should investigate the allegation that Fahmo has misused her authority” said a relative of Mahdi. © Puntland Post Monthly, 2019 Click here to download a full webzine The post A Somali Deputy Minister Embroiled in Property Dispute appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim oo dalka soo gaaray maanta, xarigana ka jaray xafiiska cusub ee Bangiga adduunka oo Muqdisho laga furay. Kulanka oo ay ka qayb gashay agaasime gobaleedka IFC ee Afrika, Ms Jumoke Jagun-Dokonmu ayaa looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha deyn cafinta dalka, barta go’aanka ee Febraayo 2020 iyo shaqo abuurka dhallinyarada. Shirka kadib Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka ayaa si wadajir ah uga war bixiyay kulanka. Xafiz Ghanim ayaa kulanka ka caddeeyay inuu ku farxsanyahay in booqashadiisa ay ka tarjumeyso sida bangiga aduunka ay uga go’antahay taageerada Soomaaliya, shaqada wanaagsan ee dowladdu qabatay iyo hagaajinta lagu sameeyay hay’adaha dhaqaalaha dalka, waxuuna madaxda dowladda uga mahad celiyay hoggaanka wanaagsan. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in ay xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada loogu jiro gaarista barta go’aanka ee Febaraayo. Xafiz Ghanim ayaa shirka uu Ra’iisul Wasaaraha la yeeshay kadib waxa uu xafiiska madaxweynaha si wadajir ah ugula shiray madaxweynaha jamhuuriyadda, mudane Maxamed Cabduullahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Madaxweynaha oo bogaadiyey dadaalka xukumadda ee dayn cafinta iyo horumarinta hannaanka maamulka maaliyada, ayaa bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Dowladda federaalka Soomaaliya oo dadaal xooggan gelisay qorshaha deyn cafinta, ayaa ku guuleysatay in buuxda looga soo baxo dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1, SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah lasoo gaarsiiyo SMP4. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-03112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim oo dalka soo gaaray maanta, xarigana ka jaray xafiiska cusub ee Bangiga adduunka oo Muqdisho laga furay. Kulanka oo ay ka qayb gashay agaasime gobaleedka IFC ee Afrika, Ms Jumoke Jagun-Dokonmu ayaa looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha deyn cafinta dalka, barta go’aanka ee Febraayo 2020 iyo shaqo abuurka dhallinyarada. Xafiz Ghanim ayaa kulanka ka caddeeyay inuu ku farxsanyahay in booqashadiisa ay ka tarjumeyso sida bangiga aduunka ay uga go’antahay taageerada Soomaaliya, shaqada wanaagsan ee dowladdu qabatay iyo hagaajinta lagu sameeyay hay’adaha dhaqaalaha dalka, waxuuna madaxda dowladda uga mahad celiyay hoggaanka wanaagsan. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in ay xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada loogu jiro gaarista barta go’aanka ee Febaraayo. Xafiz Ghanim ayaa shirka uu Ra’iisul Wasaaraha la yeeshay kadib waxa uu xafiiska madaxweynaha si wadajir ah ugula shiray madaxweynaha jamhuuriyadda, mudane Maxamed Cabduullahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Madaxweynaha oo bogaadiyey dadaalka xukumadda ee dayn cafinta iyo horumarinta hannaanka maamulka maaliyada, ayaa bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Dowladda federaalka Soomaaliya oo dadaal xooggan gelisay qorshaha deyn cafinta, ayaa ku guuleysatay in buuxda looga soo baxo dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1, SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah lasoo gaarsiiyo SMP4.
-
Ergo ka kala socota Somaliland iyo Soomaaliya ayaa kulan kooban oo wada hadaladii ku saabsan ku yeeshay dalka Djibouti. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Kulankan ayaa sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilahani, wuxuu dalka Djibouti ku qabsoomay 18 Oktoobar, waxaana dhinaca Somaliland uga qayb galay Wasiirka arrimaha dibadda Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Marwo Edna Aden Ismaaciil, halka ay dhinaca Soomaaliya uga qayb galeen ergo uu horkacayo xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo guddoomiye u ah guddi uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Sida ay xogahani sheegeen, ma jirto wax natiijo ah oo kulankaas ka soo baxday, marka laga reebo in la isku afgartay in loo diyaar garoobo in wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho dib u bilaabmaan. Laakiin ma jirto wax wakhti ah oo loo qabtay in wada hadaladaasi dib u bilaabmaan. Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa bishii September socdaalo kala duwan ku tagay dalka Djibouti, iyadoo ay markaas soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Geele doonayo inuu dib u bilaabo wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho oo ay dalkiisa ku kulmaan labada madaxweyne, waxaana la dareemi karaa inay Biixi iyo Farmaajo raali ka noqdeen inay dib u furan wada hadalada. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee nagasoo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in ay bilowdeen saan saan nabadeed iyo baaqyo isa soo taraya, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka ka dhex aloosan dawladda dhexe iyo Ahlu-sunna iyo xiisadda ka taagan Gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel. Madaxa Ahlu-sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay warbaahinta, gaar ahaan laanta Afka-Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in la soo afjaro khilaafka iyo xiisadda ka dhex taagan Ahlu-sunna iyo Dawladda dhexe , waxa uu xusay Sheekh Shaakir in Ahlu-sunna aysan diyaar u ahayn in dagaal wiil kaga dhinto ama kaga dhaawacmo. Shiikh Shaakir ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay qaaday tallaabo aysan marnaba ka fileyn inay ku dhaqaaqi doonto . Wuxuu sheegay inay tahay in dhiigga iyo xoogga lagu bixiyo sidii Al-Shabaab looga xureyn lahaa dhulalka ay ka joogaan Gobolada Dhexe. Qaar ka tirsan Culimada ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxa ay ugu baaqeen maamulka Galmudug,Ahlu-sunna iyo kan Dawladda Dhexe in ay soo afjaro tabashooyinka ay kala tirsanayaan iyagoo u danayna shacabka Soomaaliyeed. Xaaladda magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan ayaa deggan kadib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ilaa shalay ka socday. Wararka aynu ka helanayno ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay gacanta ku hayaan magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel iyadoo maleeshiyaadkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay dhinac uga baxeen. Magaalada Guriceel, ciidamada dawladda ayaa gacanta ku haya saldhiggii booliiska ee magaaladaasi oo ay saaka la wareegeen kadib markii xalay ay maleeshiyada Ahlu Sunna ka baxeen. Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in magaalada ay ku wada sugan yihiin ciidanka iyo mas’uuliyiinta dawladda federaalka iyo weliba kuwa Ahlu Sunna Wal Jamaaca, xaaladduna ay deggan tahay. Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa dawladda federaalka ku eedaynayey inay ka baxday heshiiskii lala gaaray, iyadoo dhinaca kalena dawladdu ay sheegtay inaysan ka bixin. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay sagootinta wejiga 1-aad ee Gurmadka Puntland ee walaalaha Beledweyne. Sagootinta Gurmadka reer Putland ee walaalaha Beledweyne ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Wakiillada, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, dhallinyarada qaybta ka ahayd Gurmadkaasi, samafalayaal iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay munaasabad kooban oo lagu dhiirigelinaayey dhallinyarada iyo masuuliyiinta dedaalka, wakhtiga iyo damqashada u muujiyey walaalahooda Soomaaliyeed ee reer Beledweyne, soona ururiyey Gurmadka wejiga koowaad ee maanta la sagootiyey ayaa mahadbalaadhan usoo jeediyey dhallintaasi iyo samafalayaasha reer Puntland ee shancisho aan ka hadhsan dedaalkaasi, waxaana uu ka tacsiyeeyey khasaaraha naf iyo maalbaleh ee ka dhashay fatahaada webiga Shabeelle. “Waxaan halkan isugu nimi inaan u dirno Gurmadkii ugu horeeyey ee Puntland ay ku kaalmaynayso walaalahooda reer Beledweyne. Ugu horayn tacsi ayaynu u diraynaa walaalaheen, waxaan uga tacsiyaynaynaa intii kaga-baxday Naf iyo Hantiba, waxaan goosanay Puntland, shacab iyo dowladba sidii caadadu ahaan jirtey Gurmad deg-deg ah inaan u fidino walaalaheen, labadan baabuur ee alaabtu saaran tahay waa intii ugu horaysey waa dedaalkii dhallinta, waxgaradka iyo shacabka Garoowe oo iskaashaday, FAANOOLE FARI KAMA QODNA Puntland waa wadaysaa”. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dedaalka, dhiiranaanta damqashada iyo gurmadka ay u horseedeen dhallinta reer Puntland ummadda Soomaaliyeed ee ku aadan u gurmashada shacabka reer Beledweyne. “Dhallinyarada runtii dedaalka, dhiiranaanta iyo shaqada ay qabteen ee ay u horseedeen reer Puntland walaalahooda dhibaataysan in gacani ka gadho aad baan ugu mahadcelinayaa, waxaan leeyahay laba qodob raaciya, ta-koowaad tahriibta oo aad ka wacyi-gelisaan dhallinyarada idinkoo guri walba garaacaya, MAGEFE waa inaynu cidhibtirnaa, qodobka labaad waxaad isku baraarujisaan AMNIGA si aan isaga si fayno sharwadayaasha iyo wax-kasta oo amni daro inoo keenaya” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Puntland oo wejigii kowaad ee gurmadka u dirtay Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Diyaarad ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ayaa dhowaan khatar weyn ku gashay garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, sida uu shaaciyay Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga Waddani, Nuuradiin Diini ayaa sheegay in diyaarada Fly Dubai duulimaadkeedi 661 ee 20-bishii dhamaatey ‘October’ ay khatar ku gashay garoonka Hargeysa kadib markii ay warbixin qaldan siiyeen mas’uulyiinta hagta diyaaradaha ee madaarka Cigaal. Nuuradiin Diini ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in diyaaradaasi ay khatar u gashay inay ku burburto madaarka Hargeysa, iyadoo ay saarnaayeen dad ku dhow 100-qof oo rakaab ahi. Xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga Waddani oo arrimahaasi ka hadlayey ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in xukuumada Muuse Biixi ay isku daydey in falkaasi ay qariso, wuxuuna yiri “Waxaan dooneynaa in halkan aan idinku soo gudbino dhacdooyin aad iyo aad u fool-xun ama ceeb ah guud ahaan qaranka Jamhuuriyada Somaliland khatarna ku ah, nafo badana ay u gu’i gaadheen, hanti badana ay ku burburi gaadhay oo la qarinayey in aan sheegno”. “Dhacdadaas oo ah labaatankii bishii aynu soo dhaafnay ee October oo aheyd maalin Axad ah, Cigaal waxa ka dhacay diyaarad Fly Dubai oo fly-keedu ahaa 661, Nooceedu ahaana B737, in ay khatar gashay oo halkaasi ay ku bur-buri gaadhay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Diyaaradaasi waxa saarna dad ku dhow 100 qof, waxayna aheyd sababta khatartaa keentay in cidii fadhiday Tower-ka ee hageysa diyaaradahaasi ay siiyeen hawo qaldan oo diyaaradaasi ku dagi kareyn”. “Diyaaradaasi Fly Dubai qiimaheedu lacag ku dhow 100-Milyan oo dollar ayey aheyd, ayna Somaliland iyo Hargeysa ku aamintay. Boqolkaa qof iyo lacagta 100M si fudud oo shaqaale xumo ah ayey halkaasi (madaarka Cigaal) ugu bur-buri gaadheen”. Xoghayaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in Madaxweyne Biixi uu shaqada ka cayriyo mareeyaha hay’adda duulista, isla markaana uu soo celiyo shaqaalihii ka howl-galayay garoonka Hargeysa oo ku dhawaa afartameeyo qof oo xukuumadu hore uga cayrisay shaqada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu 21 June ee sanadkaan 2019 talo fiican oo Maanta natiijadeeda loo jeedo siiyey Ururka Ahlu Sunna Wal-Jameeca oo hadda lagala wareegay inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen Gobolada Dhexe. Cabdiraxmaan ayaa waqtigaas oo ay Ahlu Sunna ballanta kaga baxday madaxweyne Xaaf kula taliyey inay aayahooda ka taliyaan in ay tabar hayaan oo aysan taladu seegin. Wuxuu u sheegay in Nabad iyo Nolol aysan Nabad iyo Nolol midna ka dooneyn Galmudug oo aysan yeeli doonin in doorasho lagu qabto deegaan ay cid kale ka taliso oo aan iyaga hoos tegin. Taladaas uu Siiyey Cabdiraxmaan ururka Ahlu Sunna ayaa Maanta waxay u muuqataa inaysan qaadan maadaama ay gacmahooda ka baxday talada oo si xoog ah lagala wareegay deegaanadii ay kaga sugnaayeen Galgaduud. Taladaan ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa barashada Bulshada, waxayna dadka intooda badan ku tilmaameen Cabdiraxmaan inuu yahay siyaasi meel fog wax ka arko si fiicana u yaqaan dhaqamada Dowladda uu hoggaamiyaha u yahay Madaxweyne Farmaajo. Halkaan hoose ka akhriso Talalada uu Cabdiraxmaan 32 June siiyey Ahlu Sunna Heshiiska Jabuuti ay ku gaareen Galmudug iyo Ahlu Sunna in la meelmariyo qodobadiisana lagu adkaysto ayaa lagu balamaya. Madaxweyne Xaaf in badan ayey Villa Somalia isku dayday in ay heshiis gooni la gasho wax kastana way u gaareen, laakiin in uu heshiiska iyo wadajirka Galmudug dhowro ayuu wax kasta ka doorbiday. Villa Somalia waxay isku deyaysaa in ay Ahlu Sunna miiska u saarto wixii uu shalay Xaaf ka diiday, iyadoo ujeedku yahay in labada dhinac la kala dilo, sharciyadii iyo wadajirkii Galmudugna cirka lagu laalo, si in loo taliyo u fududaato. Haddii madaxda Ahlu Sunna ay balantii kaga baxaan oo ay dhabarka ka wareemaan madaxweyne Xaaf, waxaan shaki ku jirin in ay mar aan dheerayn ka shalaayi doonaan. Waxaa Ahlu Sunna kula talinayaa in inta ay tabarta hayaan aysan taladu seegin, sababtoo ah qolada Nabad iyo Nolol la baxday Galmudug N&N toona ka dooni mayaan, mana yeeli doonaan in doorasho lagu qabto deegaan ay cid kale ka taliso oo aan iyaga hoos tegin. Madaxweyne Xaaf waa nin labadii maamul ee Cadaado iyo Dhuusamareeb kala fadhiyey mideeyey, tanaasul kastana sameeyey, wax kastana u huray, sharaf iyo dadnimana ku difaacay, iskana diiday wax kasta oo heshiiskii Jabuuti iyo midnimada Galmudug wax u dhimaya. Reer Galmudug way tashan doonaan, wadooyin badana way u furan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
