Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 14 Bishaan heshiis kula saxiixday Magaalada Nairobi Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Heshiiska labada madaxweyne ku dhex maray Magaalada Nairobi, waxaa ka mid ahaa qodob sheegayey in Todobaad gudihiisa lagu fasaxo duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho lana joojiyo marista Wajeer oo ah mid dhibaato ku ah dadka kasoo safro Muqdisho. Asbuuc kadib heshiiskii labada madaxweyne ay kala saxiixdeen weli ma uusan dhaqangelin, waxaana sababta lagu sheegay inaysan weli Dowladda Kenya waraaq fasax ah u gudbin Hay’adda Duulimaadka Hawada Kenya ee KCAA. Gilbert Kibe oo ah Agaasimaha hey’adaas ayaa xusay inaysan jirin waraaq fasax ah oo uga timid dowladiisa iyagana aysan awood u laheyn inay fasaxaan amar la’aan. ” Mar jirto waraaq fasax ah oo illaa hadda aan helnay, diyaaradaha weli kuma wargelin inay sameeyaan duulimaadyo toos ah sababtoo ah weli ma helin amarkaas” ayuu yiri Gilbert Kibe Wuxuu sheegay in hey’adda KCAA ay diyaar u tahay inay si deg deg ah u fasaxdo duulimaadyada toos ah ee Nairobi iyo Muqdisho haddii uu amarkaas kasoo baxo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Dowladda Kenya ayaa dhawr jeer oo hore ka baxday heshiisyo ku aadan in la fasaxo duulimaadyada toos ah ee Nairobi iyo Muqdisho, waxaana xusid mudan in hadda ay xayiraadii ugu dambeysay ay socoto muddo lix bil ah. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin sababta loo fulin la’yahay heshiiskii ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.
  2. (SLT- Port Elizabeth)-Kooxo Budhcad koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Mahad Badal oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee shaqo. Mahad ayaa markii la weeraray ku sugnaa meel aan ka fogeen goobtiisa Shaqada oo ku taalla Xaafada Motherwell ee magaalada Port Elizabeth waxaana iyagu goobta ka baxsaday budhcadkii dilka gaystay. Source
  3. (SLT-Ottawa)-Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian ayaa waxaa uu mar kale ka soo dhexmuuqday Golah Wasiirada dalka Canada ee uu shaaciyay Justin Trudeau. Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa shaaciyay liiska 36 Wasiir oo 18 ka mid ah ay haween yihiin, waxaana uu isbeddel dhinaca wasaaradaha ah ku sameeyay qaar ka mid ah wasiiradii ku jiray golihii hore. Axmed Xuseen oo ahaa Wasiirka Socdaalka iyo Soo Galootiga ee Canada ayaa hadda laga dhigay Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Dhallinyarada, waxaana uu ka mid yahay tiro wasiirro ah oo dowladdii hore ku jiray islamarkaana nasiib u yeeshay in ay soo laabtaan. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland, ayaa laga dhigay Ra’isalwasaare Ku-xigeen iyo wasiirka isku xidhka gobolada Canada. Soomaalida Canada ayaa sheegaya in Axmed inkasta oo ay la rabeen waasaradiisii hore haddana midda loo dhiibay ay iyaga muhiim u tahay maaddaama Soomaalida laga qaato carruurta, dhallinyaraduna dilal kala kulmaan dalka Canada isaguna uu yahay qof fahmaya dhaqanka Soomaalida. Golaha Wasiirrada oo isla xalay la dhaariyay ayaa waxaa ay yihiin kuwa xukuumaddoodu ayna heysan aqlabiyadda dalka Canada. Source
  4. (SLT-Sri Lanka)-Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra’isul wasaaraha cusub ee dalkaasi. Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo lagu wado in Khamiista xilka loo dhaariyo, ayaa xilka qabanay iyada oo xilka ka dagayo Tanil Rajapaksa oo xisbigiisa si weyn looga guuleystay doorashadi toddobaadki hore dalkaasi ka dhcday. Afhayeen xukumadda cusub u hadlay wuxuu sheegay Mahinda oo laba wareeg oo hore madaxweyne soo noqday ayaa isaga laftiisa walaalkii ka yar u dhaarinaya Ra’isal wasaaranimo. Labada nin ee walaalaha ah ayaa ah kuwo door weyn ku lahaa soo afjaridda dagaalki sokeeya oo ku dhawaad 20 sanno ka socday dalkaasi oo soo gabagaboobay 10 sanno ka hor oo ay dowladda Sri Lanka kula jirtay maleeshiyada Timil. Madaxweynaha cusub ee loo doortay Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra’isal wasaaraha dalkaasi. Mahinda ayaana sida oo kale la filayaa Khamiista in xilka Ra’isal wasaaranimada loo dhaariyo. Source
  5. When 24-year-old Abdirizak Warsame came home from prison over the summer, his family welcomed him with his favorite foods and long talks with the siblings he hadn't seen in three years.... Source: Hiiraan Online
  6. Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa sheegay in ay 9 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dileen, qarax ay kula eegteen gobolka Shabeellada Hoose. Qoraal ka soo baxay Al-shabaab, ayay ku sheegeen in qaraxaasi ay ciidanka kula eegteen, degaanka Muuri oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Qaraxa ayaa haleelay gaari nooca loo yaqaan Taaw-ga, oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ee lagu taba-baro saldhiga Turkiga ee magaalada Muqdisho, sida ay Al-shabaab sheegtay. Al-shabaab waxay sheegeen in 9 askari ku dhinteen 6 kalena ku dhaawacmeen weerarkaasi, inkastoo dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli dhankeeda wax war ah ka soo saarin. Sidoo kale, dadka degaanka Muuri ayaa laga soo xigtay in qarax culus halkaasi lagula eegtay ciidanka dowladda Federaalka, balse aysan ogayn khasaaraha gaaray. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo qarax culus la eegatay ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka SHabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Muqdisho)-Taliyaha ciidammada booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay gal dacwadeed ka fureen laanta dambi baadhista ee Muqdisho si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo dilka loo geystay marxuumad Almas Elman Ali. Cabdi Xasan ayaa sheegay in khubarro iyo saraakiil aqoon durugsan u leh baadhitaannada noocan ah loo diri doono. Almaas ayaa shalay gelinkii dambe lagu dhex dilay xarunta Xalane oo ah goob amaankeeda aad loo ilaaliyo kuna badanyihiin reer galbeedka sidoo kalana ah taliska ugu weyn ee AMISOM. Almaas markii la dilayay waxaa ay ka soo baxday shir ay Midowga Yurub ku qabteen xerada Xalane, waxaana ay dooneysay in ay dib ugu laabato magaalada Nairobi oo ay degantahay. Dilkeeda ayaa hadal heyn badan ka dhex abuuray bulshada waxaana su’aasha ugu weyn ee la is weydiinayo tahay cidda Almaas Elman ku dhex-toogatay xerada Xalane ee aan ilaa hadda lahayn. Booliska Soomaaliya ayaa sii daayay sawirqaade Siciid Fadhaye iyo waardiyii gaadhiga ay la socotay oo muddo lagu xidhay saldhigga Booliska ee garoonka Muqdisho. Source
  8. Muqdisho (SMN) – Warar ka laga helayo Deegaanka Muuri oo u dhaw Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Saaka Dadku ay ku Waa Bariisteen Arin Fajac iyo Argagax ku abuurtay kadib markii Halkaasi lagu arkay Labo Nin oo qudha loo dheereeyay ama Qoorta laga Jaray Meydadkooda. Xaalad Cabsi ah ayaa durba dadka soo foodsaartay. Warar Illo ku sugan halkaasi ay soo Wariyeen ayaa sheegaya in Labadaasi Ruux mid Gaari lagala Dagay Midna meesha la keenay Halkaasina isku mar lagu bireeyay. Ilaa iyo Hada lama oga Cida Sidaas samaysay oo Ragaan nolasha u qoonsatay Waxaa kale oo aan la ogayn Cid alaale iyo cid ay yihiin Marxuumiiinta Maydadkooda la helay. Deegaanka Muuro oo Afgooye u dhaw inta badan Alshabaab ayaa weeraro kusoo qaada iyo isla degmada Afgooye. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal saaka ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho. Iska hor-imaadka ayaa yimid markii dabley la rumeysan yahay in ay Al-Shabaab ka tirsan yihiin weerareen fariisin ciidan. Fariisinka oo ku yaala degaanka Siinka Dheer ayaa waxaaa lagu baaraa gaadiidka soo galaya magaala madaxda dalka. Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in laysku adeegsaday hub cusub, isla markaana ay jirto dhimasho iyo dhaawac. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka Soomaaliya iyo dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab. Shalay ayey ahayd markii duleedka Muqdisho ay isku xabadeeyeen ciidamadda dowladda dhexdooda taas oo dhalisay waxyeelo. View the full article
  10. Canada (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau, ayaa wuxuu Axmed Xuseen, u magacaabay wasiirka Horumarinta Bulshadda. Xuseen ayaa wuxuu horey u hayey jagadda Wasiirka Arrimaha Socdaalka, xilkaas oo la sheegay in uu aad uga soo dhalaalay. Jaaliayadda Soomaaliyeed ee waddankaas ayaa ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo dhiibay Axmed oo Xildhibaan ah. Mr Axmed Xuseen ayaa dalka Canada ku galay qaxooti ahaan, waxaana la sheegayaa in uu qaxootiga Afrika albaabada u furay inta uu xilka haye. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-21112019.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay Madaxtooyadda kula kulmay qaar kamid ah culimadda Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaalada dalka iyo doorka culimada kaga aadan dagaalka ka dhanka xoogaga Al-Shabaab. Farmaajo ayaa ku booriyey culimadda in ay qaataan kaalin wanaagsan marka ay timaado amniga, nabadda iyo dib u dhigiska. Culimadda ayaa waxay balanqaadeen in ay kaalin fiican cayaari doonan, waxayna tilmaameen in ay dowladda ku garab taaganyihiin dedaaladda ay wado. Shirkaan gaar ah ayaa kusoo aadayaa xili mudada xileedka dowladan uu kaga harsan yahay sanad iyo bilooyin ayna ku mashquulsan tahay fulinta balamadeeda. View the full article
  13. Kaamjaroon (Caasimadda Online)- Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu dagaal ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka JUBBADA hoose. Deeganada ay ciidamada la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Kaamjaroon iyo Buulaxaaji oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, sida ay goob joogayaal Sheegeen. Ciidanka Jubbaland waxa ay sheegeen in ay fariisimo ay ka sameysteen degaanada ay ka baxeen Ururka Al-Shabaab, islamarkaana hadda ay ka waddaan howlgallo. Ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay howlgallo ka wadeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose. Saraakiil katirsan taliska qeybta 43-aad iyo ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab oo howlgalka ka qeyb-qaadanayay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadu ay weli deegaannadaas ku sugan yihiin,iyaga oo aan la kulmin iska cabin xoogan. Waxaa ay sidoo kale sheegeen in howlgalka uu noqon doono mid sii socda ilaa iyo inta deegaannada kale ee Jubbooyinka kaga sugan yihiin laga saaro Ururka Al-Shabaab. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan degaanada ay sheegeen Ciidanka dowladda in ay iskaga baxeen Al-Shabaab kadib dagaal lagu soo qaaday.
  14. Ilhan Omar penned a letter urging the judge sentencing the man who threatened her to show compassion Source: Hiiraan Online
  15. The economic and political influence of the United Arab Emirates (UAE) has been noticeably growing in the post-Tigray People’s Liberation Front (TPLF) Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah. Guddoomiyaha oo wareysi siisay BBC-da ayaa sheegtay in waxa kaliya ee hadda ka hortaagan in guda galaan hanaanka ay ku dhaceyso doorasho qof iyo cod ah ay tahay in barlamaanka uu meel mariyo sharciga doorashada. Waxay sheegtay in haddii sidaas ay dhacdo ay guddiga diyaar u yihiin in bisha Maarso ee sanadka cusub bilaabaan diiwaangelinta cod bixiyeyaasha doorashada qofka iyo codka ah. “Dastuurka kumeel gaarka ahaa waa jiraa, sharciga gudidga doorashada uu ku shaqeynayay waa jiraa, waxaa naga maqan sharciga doorashooyinka oo barlamaanka horyaalla, oo noo madalsan in aan helno bisha Diseemabr, tallaabada xigta waxaa waaye in aan sameyno diiwaangelinta”, ayay tiri Xaliimo Yarey. Somaliland waa gooni. Waxaa jira goobo ay maamusho Al-Shabaab oo dad badan ay ku sugan yihiin, hase yeeshee Xaliimo Yarey ayaa sheegtay qaabka ay doorashada uga dhici doonto dhulka ay maamulaan Al Shabaab iyo Somaliland lagu qeexi doono sharciga doorashada oo haatan horyaalla baarlamaanka. Siyaasiyiinta xisbiyada mucaaradka iyo madax maamul goboleedyada ayaa ku cadaadinaya dowladda inay shaaciso nooca doorashada ee dalka ka dhaceysa, islamarkaana soo bandhigto qorshaha lagu hir-gelinayo.
  17. Prime Minister Justin Trudeau has unveiled a reconfigured cabinet that has been expanded with the intent of addressing pressing issues raised during last month’s federal election. With additional emphasis on middle class and regional prosperity and a new approach to representation Source: Hiiraan Online
  18. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Somali police have held a meeting to discuss ways and strategies to provide adequate security for the upcoming one-person-one-vote elections. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay inay shaqada dib ugu fasaxday labo hay’adood oo ka shaqeeya Warbaahinta, kuwaas oo horay Wasaaraddu uga joojisay howlihii shaqo ee ay ka wadeen dalka. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa sharaxay qaabkii ay ku timid in hay’adahaan shaqada loo ogolaado mar kale, maadaama kal hore laga joojiyay. “Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-11-2019-ka waxaa Wasaaraddu ay dib u fasaxday oo ay dib ugu ogolaatay inay wadanka ka shaqeeyaan labo hay’adood oo lagu kala magacaabo Media INK iyo Perspective media oo shaqada la xiiriirta saxaafadda iyo communication-ka ay Wasaaraddu ka joojisay 12-kii bishan kadib markii ay ku guul dareysteen inay raacaan habraacii ay Wasaaraddu u dajisay dhamaan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha wacyigelinta, saxaafadda iyo communication-ka si loo hubiyo in dhamaantood ay waafaqsanyihiin siyaasadda ay Golaha Wasiirada ansixiyeen ee wacyigelinta Qaranka iyo siyaasadda horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed oo iyana ay Golaha Wasiiradu ansixiyeen Cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in labada hay’adood ay buuxiyeen sharuudihii looga baahnaa, isla markaana ay keentay in markale dib loogu ogolaado inay ka howlgalaan gudaha dalka. “Hadaba labada hay’adood markii si buuxda ugu hogaansameen dhamaan sharuudihi laga rabayna ay buuxiyeen, Wasaaradda waxa ay dib ugu ogolaatay inay shaqadooda qabsadaan, kana shaqeeyaan horumarinta saxaafadda iyo wacyigelinta, waxaan runtii anigoo ku hadlaya magaca Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo guud ahaan Wasaaradda waxaan rabaa inaan u mahadcelino dalalka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha wacyigelinta iyo saxaafadda shaqada wanaagsan ee ay wadanka ka hayaan, iyo dadaalka ay ku garab taaganyihiin Wasaaradda shaqadeeda,”
  20. Warbixin ka koobnayd in ka badan 160 bog, oo ay diyaariyeen khubaro Qaramada Midoobeey u qaabilsan arrimaha cunna-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa looga hadlay diiwaan gelinta ciidamada Soomaaliya. Waxaa arrintaa lagu tilmamay tallaabo muujineysa in Ciidamada Xoogga Soomaaliya ay AMISOM kala wareegi karaan howlaha nabadgelyada dalka marka la gaaro 2021-ka. Qaybta nabadgelyada Sida lagu qoray warbixin loo gudbiyay Golaha Amniga oo ay diyaariyeen Khubarada qaabilsan cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, waxaa lagu eegay hir gelinta qorshaha ku meel gaadhka Soomaaliya ee la qaatay April 2018, kaas oo ku talagalku yahay in masuuliyadda nabadgelyada lagala wareego AMISOM oo lagu wareejiyo ciidamada nabadgelyada Soomaaliya marka la gaaro 2021, arintaas oo ku beegmi doonta bixitaanka AMISOM. Waxa intaa dheer in qiimeynta howlgalka gobolka ee AMISOM ee la sameeyay muddadii u dhexeysay March 2018 illaa January 2019, in laguna ogaaday in ay jireen 20,000 oo askarta dawlad goboleedyada ah oo aan hoos tagin taliska dawlada federaalka ah iyo dhismeyaasheeda. Warbixintii AMISOM waxa kale oo ay sheegtay in inkasta oo xoogag gobolku ay qaateen tabobarro hadana aanu mushaharka si joogto ah loo siinin oo aanay haysan qalab iyo gaadiidka asaasiga ah. In ciidamada maamul goboleedyada ay qeyb ka noqdaan Hannaanka Qaran ee Nabad Gelyada, wuxuu muhiim u noqon doonaa suuro gelinta bixitaanka AMISOM ee la qorsheeyey. Khubaradu waxay haatan qiimaynayaan in ay suurto gal noqon karto bixitaanka AMISOM ee la filayo 2021. Sida ku taal qoraalada ay gudida u soo bandhigtay dawlada Federaalka ahi waxay dhamays tirtay wejigii koobaad ee diiwaan gelinta ciidanka dabayaaqadii March 2019, taas oo ah tallaabo togan oo xagga nabadgelyada loo qaaday. La taliyaha madaxweyne Farmajo ee dhanka Amnig, Cabdisiciid Muue Cali oo la hadlay BBC Somalu aya yiri: “Sidaad ogtahay ciidamada waxaa loo diiwaangeliyay si casri ah, akoonkooda waa la yaqaanaa, qoriga ay sitaan waa la calaamadeeyay waana la diiwaan geliyay”. Khubaradu waxay derseen diiwaan gelinta saddex qaybood oo ka mid ah ciidanka qaybta 60-aad (Baydhabo), Qaybta 12-ka April (Mudisho), iyo Xerada Janaraal Gordon (Muqdisho), waxaanay is barbar dhigeen qoraallada diiwaan gelinta ee soo gaadhay SEMG oo uu ka muuqdo mushaharka kuwii la diiwaan geliyey illaa February 2019. Lafa gurka arimahaasi wuxu muujiyey in wax ka yar kala badh askarta saddexdaa qaybood (315 ka mid ah 672) la diiwaan geliyey intii hawshaasi socotay. Qaybta 60 (Baydhabo) Bishii March ee sannadkii 2018-kii, taliye ku xigeenka qaybta 60-aad ee ciidanka Soomaaliya ee Baydhabo ayaa siiyey SEMG diiwaan uu ku yaal sida hubka loogu qabiyo iyo lambarka askar tiradoodu tahay 277 askari. Tiradaas 277 askari ee qaybta 60-aad waxa loo qaybiyey hub 53 keliya oo noqonaysa shan meeloodow meel. Askarta ciidanka ayaa ku jiray diiwaanka bishii February 2019. Waxa markaa ay u muuqataa in shan meeloodow afar ka mid ah askarta qaybta 60-aad, waxa la ogaaday in aanay ku jirin diiwaanka oo aanay ka tirsanayn ciidanka. In ay tahay goosasho, dhimasho, dhaawac ama wax kalee ilaa laatan lama helin wax suurto gal ah oo muujinaya sababta xukuumada federaalka Soomaaliya taagero u siin wayday gudida. Qaybta 12-ka April (Muqdisho) 7 August 2018, waxa SEMG la siiyey muunayo laga qaaday qoraallada mushaharka la siiyay Ciidamada Xoogga Dalka, oo ku taariikhaysnaa 2017, oo ay ku jiraan magacyada iyo lambarka 384 askari oo ka tirsan qaybo kala duwan ee ciidanka qaybta 12-a April ee fadhigeedu yahay Muqdisho oo ay ka mid yihiin Birjeex iyo Danab iyo guutada 2-aad iyo 4-aad . Illaa 60 ka mid ah khubaradu waxay garteen in 262 askari oo qiyaastii saddex meeloodow laba wadarta guud ah oo magacyadooda iyo kaararkooda aqoonsigu ku jireen qoraalada lacag bixinta ee ku taariikhaysa February 2019. Lafa gurku waxa uu sidoo kale iftiimiyey farqi weyn oo u dhexeeya askarta la diiwaan geliyey iyo kuwa qoran: Wadarta guud ee saraakiisa (saajin ilaa birigeediyer) oo ay ku jiraan kuwa ku qoran qoraallada 2017 waa 171. 156 ka mid ahi waxay ku jiraan qoraallada mushaarka lagu bixiyey oo markaa ay ka noqonayaan 91 boqolkiiba. 213 ka mid ah askarta qaybta 12-ka April oo darajadoodu gaar tahay ayaa lagu qoray diiwaankii 2017. 106 ka mid ah waxay ku jireen diiwaanka 2019 oo ka dhigan wax ka yar boqolkiiba 50. Xerada Janaraal Gordon (Muqdisho) Warqad ku taariikhaysan 17 May 2018, ayaa la taliyaha ciidamada Soomaaliya ku muujiyey 17 askri oo aan la diiwaan gelin oo kuwo tabobar ku jira loo qoray ay ku jireen xerada Janaraal Gordon. Gudidu maysan helin wax barbar dhigan askarta diiwaan gashan ee ku jira diiwaanka mushaharka lagu bixiyo ee ku taariikhaysan February 2019. Deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ee Guutada Danab ay qabsadeen Sida ay sheegtay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxay dejisay “siyaasado looga guuleysanayo Al-Shabaab dalka oo dhanna ay kula wareegeyso”. La taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweyne Farmaajo wuxuu yiri: “Siyaasaddu waxa ay tahay, dowladaha na taageera waxay badankooda nagu taageersan yihiin la dagaallanka Al-Shabaab iyo in ay raban in dowlad Soomaaliyeed ay soo noqoto. Tiina waxay tahay in dowladda ay waajibaadkeeda ay gudaneyso.” Laga bilaabo May ilaa August sannadkan 2019, AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka, waxay weerar ku qabsadeen tuulooyin istaraataji ah oo ku yaal Shabeellaha Hoose oo ay haysteen Al-Shabaab. Hawl galada nabadgeyo waxaa si buuxda loogu qabsaday tuulooyinka Bariirre, Sabiid, Caanoole iyo Awdheegle oo dhamaantood 50km u jira Muqdisho. Hawlgalladaas waxay matalayeen horumar muuqda oo lagu xajiijinayo nabadgelyada Muqdisho maadaama meelaha la qabsaday ay ahaayeen meelo laga soo galo oo uu soo maro gaadiidka Al-Shabaab u adeegsato daadgureynta dagaalyahannadeeda iyo walxaha qarxa ee Muqdisho lagu wado. Hase yeeshee 14-kii August ee sannadkan, Al-Shabaab waxay qaadeen weerarro abaabulan oo ay la beegsadeen Awdheegle, iyagoo adeegsanaya saddex gaadhi oo walxaha qarxa lagu rakibay, madaafiic iyo askar. Weerarkaa waxa dib u celiyey AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya laakiin saldhigaasi halis ayuu ku jiraa sababta oo ah Al-Shabaab ayaa jooga magaalada u dhaw ee Mubaarak halkaas oo hore loogu aqoonsaday in ay tahay goob lagu soo rakibo walxaha qarxa iyo gaadiidka lagu soo rakibo ee gala Muqdisho. “Ciidamada waxay la dagaallamayaa cadow, shacabka iyo dowladda halis ku ah”, ayuu yiri Cabdisiciid oo madaxweynaha la taliye u ah. Wuxuu hadalka ku daray: “Ujeedada ciidan loo hubeynaayo ma ahan in cid kale lagu dhibaateeyo ee waxaa weeyaan in dalka iyo qarannimada iyo sharafta dadka Soomaalida ah lagu difaco. Ciidanku hadeynaan hubeysnayn oo qalabeysnayn, markaa waxaa la noqonayaa laba ciidan oo isku hub wata. Marka ma ahan nidhaamka caalamiga ah ee dowladnimada”. Guusha mustaqbalka fog ee hawlgallada nabadgelyada Shabeelaha Hoose wuxu ku xidhnaan doonaa kartida dawlada federaalka ay ku samayn karto ciidamo halkaa jilibka ku aasta, iyo in maamul iyo adeega bulshada oo dadka halkaa degan loo fidiyo. Ciidamada Ahlu Sunna ee lagu daray Ciidamada dowladda federaalka Todobaadkii ugu dambeeyey bishii June ee sannadkan 2019, dawladda federaalku waxay shaacisay in koox wayn oo ka tirsan Ahlu Sunna Wal Jamaaca – oo ah Suufiyada taageerada ka helayay Itoobiya oo la aasaasay 1991 isla markaana ah quwad adag oo ka hortagi karta Al-Shabaab – lagu darayo Ciidamada Amniga ee Federaalka. In Ahlu Sunna Wal Jamaaca lagu daro ciidamada federaalku waxay matalaysaa talaabo muhiim ah oo xoogga Soomaaliya kagala wareegi karaan AMISOM masuuliyadda amniga dalka. Guushaas waxay ku xirantahay sida dawlada federaalku u aqbasho dalabka kooxdaas ku doonayso in awoodda mamulka wax laga siiyo iyo dhaqaalaha, iyada oo aan waxba loo dhimin kartida Ahlu Sunna Wal Jamaaca kaga hortagi karto Al-Shabaab ama aan la faquuqin kooxaha kale ee siyaasadeed ee Galmudug. Qorshaha ku meel gaadhka ee ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya 16-kii February 2019-kii, taliyeyaasha milatari ee AMISOM waxay isla meel dhigeen arrimaha hawl gallada sida loo fulinayo iyada oo la raacayo xeerka hawl gallada ee 2018-2021, kaas oo la ansixiyey 26 November 2018-kii, isla markaana uu aqbalay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, 9 February 2019-kii. Sida uu dhigayo xeerka hawlgallada, AMISOM waxay wadi doontaa bixitaankeeda iyo ku wareejinta masuuliyada ciidamada Soomaaliya mudadaa la cayimay: Akademi milatarioo Muqdisho ku taala ayaa lagu wareejiyey Ciidamada dawlada federaalka ah 28 February 2019. Illaa 500 oo ah ciidamada Burundi oo halkaasi fadhiisin u ahayd ayaa meel kale loo raray. 200 oo ka mid ah waxa la geeyey Maslax oo 20km dhanka bari ka xigta Muqdisho iyo 300 oo Jowhar la geeyey iyo saldhigyada hawlgallada jiida hore ee qaybta 5-aad. Bishii February 2019, qiyaastii 1,000 ciidamada Burundi ah oo fadhigoodu ahaa Hirshabeelle ayaa bilaabay bixitaankoodii qorshaysnaa taas oo waafaqsan shuruudaha ku yaalla faqrada 5-aad ee qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2431 (2018), bixitaankaa waxa la dhamaystiray 5 April 2019. Isha: BBC Somali
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan ayaa ku baraarugsaneen halis weyn oo ka jirta magaalada Muqdisho, taas oo kala heysata ciidamada amaanka iyo wadayaasha gaadiidka gobalka Banaadir. Halistaan ayaa ah mid ka jirta baraha Kontaroolka ee ciidamada ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, waxaana dayacaad lagu eedeeyay masuuliyiinta amniga madaxda ka ah iyo madaxda qaranka. Halista jirta oo ay ogaatay Caasimada Online ayaa ah in ciidamada gaadiidka baara ee ku sugan baraha kontaroolka aysan badanaa laheyn goobo ay ka galaan qoraxda iyo roobka kadibna ay hoos ka raadiyaan meel aysan arki karin gaadiidka markii uu dhaafana ay rasaas ka daba ridaan. “Waxaan soo dhaafay ciidan laamiga dhinac midig ka taagnaa, anigoo laamiga ka leh dhanka bidix, goobtana uma oolin calaamad lagu garto in ay tahay rug ciidan waxaana layga soo daba riday dhowr rasaas ah sida gaari soo fakaday, markii aan u laabtay oo aan u sheegay in aysan joogin waxuu ii tilmaamay in uu hoos ka raadiyay jiingad seedka kale ee laamiga gees ka ah (dhinaca Qorrax kaa soo bax) waxaana u sheegay in aysan sax aheyn laakiin igama yeelin maalin walbana waa dhacdaa sidaan” ayuu yiri masuul ka tirsan shaqaalaha dowladda Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Sidoo kale markii uu roob da’ayo ayaa ciidamada waxay ka tagaan dhanka ay aheyd in ay istaagaan si ay u baaraan gaadiidka magaalada soo galaya, iyagoo tago dhinaca kale ee laamiga mararka qaarna aad uga fogaada waxayna arintaasi sababtaa in gaadiidka orad ku dhaafaan oo rasaas laga daba rido. Xiliyada ugu daran waa duhuradii iyo barqadii xiliga qorrax soo baxeyso oo ay wejiga aad uga qabato ciidamada jidadka taagan. Sidoo kale xiliyada roobka ayaa sidaan oo kale waxay ka dhacdaa Muqdisho waxaana markaas iska hor yimaada ciidan dhafarsan iyo wadayaal gaadiidka aan si fiican u aqoonin waana xiliyada ugu daran oo ay kiisaskaan ka dhacaan Muqdisho. Odayaasha iyo wadayaasha gaadiidka Muqdisho ayaa dowladda ka dalbaday in ay ciidamada u dhisto goobo ay ka galaan qorrax iyo roobka si ay u shaqadooda u wataan shacabkana aysan halis ugu imaanin dhibaatada jirta.
  22. Dowladda Soomaaliya ayaa gal-dacwadeed ka furtay dilkii Muqdisho loogu geystay Almaas Elman. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed oo goor-dambe oo caawa hadlay ayaa sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan laanta CID ay furtay gal-dacwadeed ay ka qeybgali doonaan saraakiil badan oo khibrad u leh baarista noocaan oo kale ah. Gen. Cabdi Xasan ayaa intaas ku daray in wixii ka soo baxa kiiskaas ay la wadaagi doonaan ummadda Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Dhanka kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tacsi u diray ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Almaas Elman. Allaha u naxariistee Almaas Elman ayaa maanta galinkii dambe gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho xabad ku dhacday ugu geeriyootay. Almaas oo la sheegay in ay la shaqeyneysay xafiiska xiriirka iyo isgaarsiinta ee Midowga Yurub waxaa xabadu ku dhacday xilli ay saarneyd gaarigeeda oo marayay wadada isku xirta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho. Marxuumad: Almaas Elman Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay ciidamada AMISOM oo gacanta ku haya amniga xerada Xalane ee lagu toogtay Almaas Elman. Almaas xiliga xabadu ku dhacday waxaa gaariga la saarnaa Said Fadhaye oo ah Wariye madax bannaan, wuxuuna daqiiqado kadib bartiisa Fecebook-ga ku soo qoray in uu ka badbaaday weerar lagu soo qaaday isaga iyo Almaas oo uu sheegay in ay dhabtiisa ku geeriyootay. Said Fadhaye iyo darawalkii gaariga waday ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, saacado ka dibna waa la siidaayey. Almaas Elman ayey walaalo ahaayeen Ilwad Elman oo ah gabar u ololeysa nabadda, sanadkana ku jirtay dadkii loo sharaxay abaalmarinta Nabadda ee Noble Peace Price. Qoyska Almaas ayaa ka shaqeynta arrimaha xuquuqda aadanaha iyo nabadda ka dhaxlay Aabahooda Elman Cali Axmed oo sanadkii 1996-dii lagu dilay magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Gal-dacwadeed laga furay dilkii Almaas Elman appeared first on Puntland Post.