-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-19112019-sax.mp3 View the full article
-
The World Health Organization (WHO) said Tuesday it is seeking additional support of 1.38 million U.S. dollars to further scale up and sustain its current surge operations in the flood-affected districts of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Safaaradda Soomaaliya ee Naiorbi ayaa waxaa ka taagan khilaaf xoogan oo u dhaxeeya xoghayaha safaarada Xabiib Maxamed Cigaal iyo safiir ku-xigeenka ahna qunsulka Danjire Aways Amiin Sheekh, taasi oo saamayn xoogan ku yeelatay howlaha safaarada. Khilaafka ayaa yimid kadib markii xoghaye Xabiib uu marar badan ku hadlay magaca safiir ku-xigeenka iyo qunsulka safaarada Soomaaliya ee Kenya, oo uusan lahayn cinwaan ahaan darajadaas, sida ay sheegeen qaar ka mid ah howl-wadeenada safaaradda. Xabiib ayaa ka mid ahaa gacan yarayaasha Maxamed C/llaahi Farmaajo xiligii uu abaabulka xoogan ka waday Farmaajo dalka Kenya, 2015-ilaa 2016, inta uusan noqon madaxweynaha Soomaaliya, markii la magacaabay Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka mid noqday howlwadeenada Villa Somalia. Hase yeeshee khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo agaasimaha Villa Somalia ayaa sababtay loo soo magacaabo safaaradda Soomaaliya ee Kenya. Inta badan khilaafka Xabiib iyo danjire Aweys ayaa salka ku haya awoodda, ayada oo Aweys uu dareemayo in Xabiib uu shaqadiisa uu faraha kula jiro. Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaan weli soo faro-gelin khilaafkan si uu xaliyo. Dhinaca kale waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in la baddalayo Safiir ku-xigeenka safaarada Soomaaliya ee kenya danjire Aways, loona badali doono usbuucyada soo socda dalka Ciraq. Haddii taas ay dhacdo waxay ka dhigan tahay in loolanka labada dhinac uu ku adkaaday Xabiib. Waxaana lagu warramayaa inuu adeegsaday saameyntiisa iyo ku dhowaanhihiisa madaxweyne Farmaajo. W/Q: Wariyeena Magaalada Nairobi Cabdixakiin Cilmi Xasan
-
Communities already hit by war and drought face fresh disaster as 370,000 are forced from homes. Ciraa Farah Ali was asleep when she heard the flood. It was dark, and the 45-year-old mother of seven.... Source: Hiiraan Online
-
Waxaan daawanayeysuaalo dhawr ah oo la xiriira miisaaniyadda Dowladda, si gaar ah kharashaadka dowladda kuwaas oo Baarlamaanka cusub ee Puntland, 2019, ay ku weydiiyeen Wasiirka Maaliyadda Puntland. Weydiimaha Baarlamaanka oo ahaa kuwa aad u xasaasi ah, ayaa ugu dambeyn wasiirku ku cududaartay inuusan xog badan ka hayn habka miisaaniyaddu u dagsantahay iyo qoondeynteeda ba, sidaa awgeed uu codsanayo in baarlamaanku sannadkaan ay u ansixiyaan habka ay tahay, wixii sannadkaan ka dambeeyana lagula xisaabtamo, sidaas ayeyna baarlamaanku ku ansxiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2019. Laga soo bilaabo maalintaas waxaan bilaabay inaan u kuurgalo galo habraaca Miisaaniyadda Dowladda iyo guud ahaan Maammulka Maaliyadda Dowladda Puntland. Inkastoo aanan wali soo afmeerin xog-baaristaan oo aan qorsheynayo inay noqoto mid aad u faahfaahsan, haddana maadaama sannadkii 2019 u gebogabo yahay, ayna hadda hortaallo Baarlamaanka ka doodidda iyo ansixinta miisaaniyaddia 2020, waxaan jecclaystay inaan bulshada iyo Baarlamaanka ba la wadaago xog kooban oo la xiriirta miisaaniyadda Dowladda iyo maammulka maaliyadda dowladda taas u baahan in lagu baraarugsanaado, si gaar ah Golaha Baarlamaanka ka hor inta aysan meelmarin Miisaaniyadda 2020. Xogtaan waxay ka koobantahay saddex qodob, oo mudan si gaar ah in diiradda loo saaro, waxna la iska weydiiyo. Inta aaana faahfaahin qodobadaan, waxaan qeexayaa laba arrimoodoo muhiim ah: Xogtaan aan taxliiliyey waxay ku salaysantahay Miisaaniyadda ay meelmariyeen baarlaamaankuoo ahayd sagaal bilood (Apr—Dec, 2019), maadaama 3dii bilood ee hore lagu shaqeynayey miisaaniyad ku meelgaar ah, dhammaan xogta aan warbixinta ku xusayna iyada ayaan kasoo xigtay. Qiyaasta ku talagalka Miisaaniyadda guud ee dakhliga iyo kharashaadka dowladda waa iskudheellitinaayeen mana jirin kala badnaansho. Oddoroska dakhliga guud wuxuu ahaa $14.78 million bishii [$133.02 million, sagaalka bilood], taas oo $6.05 Million ka mid ah ay tahay dakhliga gudaha kasoo xarooda, $8.15 million waan dakhliga dibadda ka yimaada halka $583 kun ay tahay dakhliga ka yimaada dowladaha hoose ee 7 degmo. Ma jirto dakhli kabitaan ama taageero ah oo laga filayey inuu ka ymaado DOWLADdA DHEXE sida ku cad kulagalka Miisaaniyadda 2019. Habka loo dajiyey miisaaniyadda, waxaa lagu dhisay tixraaca miisaaniyaddii hore (Incremental budgeting). Kharashaadka dowladda waa mid ay buunbuunin ka muuqato si loogu jaangooyo dakhliga, waana habka ka qiyaas-qaadashada kharshaadka (Expenditures Approach). Hadda ba waa kuwaan afarta qodob aan isdul taagay, kuwaas oo ah qofkasta oo akhriya uu suaalo iska weydiin doono hannaanka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland (Puntland Public Finance Management). Qodobka 1aad: Iskudheellitirnaan la’aanta qoondada kharashaadka miisaaniyadda iyo madaxyadeeda: Qiyaasta kutalagalka dakhligasagaalka bilood [April—Dec) ee ka soo xarooda gudaha waa $54.45 million, qiyaasta kharashaadka joogtada ah ee sagaalkaas biloodna wuxuu ku jaango’an yahay cadadka dakhliga. Haddaba $48.98 millionka mid ah waxaa loo qoondeeyey kharashaadka mushaarka iyo gunnooyinka shaqaalaha, adeegyada iyo alaabta, iyo kharashaadka kale. Tan ayaa ka dhigan in 89.9% dakhiga laga soo xareeyo shacabka loo qoondeeyey inay u baxdo kharash ahaan, halka 11% ($5.56 million) loo qoondeeyey in dib loogu celiyo si loogu fuliyo adeegyada iyo barnaamijyada dowladda ay bulshada u qabato!. Dhanka kale, Wasaaradaha khuseeya ila dhaqaalaha sida Xannaanada Xoolaha, Beeraha, Ganacsiga, Kalluumeysiga, dalxiiska, Dekedaha iyo Garoomada wax qoondo ah kuma lahan qoondada bulshada lagu celinayo—qoondada 11% ee aan kor ku xusay. Islasidoo kale arrimaha bulshada sida Dhallinyarada, haweenka, dhaqanka iyo cyaaraha wax qoondo miisaaniyadeed ah kuma lahan dakhliga kasoo xarooda gudaha. Dhammaan fulinta siyaasadaha iyo adeegyada la xiriira qeybaha kor ku xusan waxaa laga sugaa oo ay ku tiirsanyihiin taageerada iyo mashaariicda hay’adaha. Qiyaasta miisaaniyadda kharaashaadka joogtada ah ee Hay’adaha Dowladdu waxay ahayd $6.05 Miillion bishii, taas 41.3% ka mid ah loo qoondeeyey Madaxtooyada iyo Wasaaradda Maaliyadda, halka inta soo hartay loo qoondeeyey in ka badan 40 hay’adood ee dowladda, Gunnooyinka kale ee baxsan gunnooyinka mushaaraadka iyo kuwa aan lacagta ahayn ee loo asteeyey Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxtooyada waa $653, 430(9-ka bilood), waana qoondo ka badan miisnaaiyadda kharashaadka joogtada ahee Wasaaradaha Caddaaladda iyo Xannaanada Xoolaha, Hantidhawrka iyo Garyaqaabnka Guud taas oo isku ah $575,000sagaalka bilood. Kharashaadka miisaaniyadeed ee loo qoondeeyey safarrada dibadda iyo gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda waa $70,000 bishii, waana in 50% ka badan kharashaadka miisaaniyadeed ee loo qoondeeyey safarrada dibadda iyo gudaha ee dhammaan Wasaaradaha kale ee dowladda Puntland taas oo ah $35,700 bishiii. Dhanka kale, kharashaadka kutalogalka ee loo qoondeeyey martigelinta Madaxtooyada iyo Wasaaradda Maaliyadda waa $112,625 bishii waana in 16% ka badan kharashaadka guud ee loo qoondeeyey Garsoorka Puntland. Kharashaadka loo qoondeyey daabacaadda iyo xayeysiinta ee Wasaaradda Maaliyadda waa $40,000 bishii taas ka sarraysa miisaaniyadda kharashaadka Xafiiska Hantidhawrka Guud $30,200 bishii. Xafiiska Hantidhawrka guud waxaa diiwaanka shaqaalaha Dowladda ugu jira shaqaale ka badan 40 qof! Qodobka 2aad: Miisaaniyadda waxaa ku jira tuhun badan: Kharashaadka miisaaniyadda ee u qoondaysan Taliska Ciidanka Daraawiishta waa $1.39 Million bishii, taas ka dhigaysa ha’adda labaad ee ugu badan qoondada kharashaadka marka laga yimaado Wasaaradda Maaliyadda. Iyadoo Taliska Ciidanka Daraawiishtu helaan qoondo sarraysa, haddana waxaa inta badan soo noqnoqta gadoodka ciidamada iyo cabashada la xiriirta xuquuqahooda. Tani waxay shaki iyo suaal galinaysaa halka ay ku baxdo kharashadka miisaaniyadeed ee Taliskaan. Waxaa dakhliga guud dowladda ku jira $8.155 Million bishii kaas oo ah dakhliga ka yimaada dibadda. Dakhligaan waxa uu isugu jira deeqaha laga helo hay’adaha caalamiga ah iyo bangiga adduunka. Sida ku cad, qiyaasta kharashaadka dowladda, dakhligaan wuxuu si guud ugu xisaabsan yahay kharashaadka guud, kumana jiro xisaabta kharashaadka joogtada ah. Sidaa awgeed dakhligaan si toos ah uma soo maro bangigag dowladda. Sidoo kale ma jirto warbixin si rasmi ah u qeexaysa cadadka deeqaha caalamka ee soo gala Puntland. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayey ahayd inuu soo saaro warbixinno rasmi ah. Qodobka 3aad: Habshaqeedka hay’adaha Maaliyadda: Maammulka maaliyadda dowliga ah wuxuu ka kooban yahay hay’ado awood ahaan kala madax bannaan balse ay ka dhxayso wadashaqeyn. Hay’adahaas ayaa kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dowladda, Xisaabiyaha Guud iyo Xafiiska Hantidhawrka Guud. Si buuxda ayey u dhisanyihiin Hay’adaha Maammulka Maaliyadda Dowliga (HMMD) ah ee Putnland, balse shaqo ahaan hay’adahaani iskuma dheellitirna, gaabis shaqo oo baahsan ayaana ka jira qaar ka mid ah HMMD. Xafiiska Hantidharka Guud (XHG) iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud waa labada hay’adood ay ka muuqato gaabis shaqo, aadna ay u wiiqantay awoodaha labadaan xafiis. Sida ku cad Xeerka Hantidhawrka Guud, Xeer Lam 15, 27/09/200, Xafiiska Hantidharka Guud (XHG), waa Hay’ad madaxbannaan oo u xilsaaran baaritaanka, la socodka iyo dabagalka dhammaan dhaqdhaqaaqa dakhliga, kharashaadka iyo mashaariicda dowladda iyo Hay’adaha caalamiga ah. Hantidhawrka Guud waxaa waajib ku ah inuu soo saaro warbixin sannadleh ah. Muddo 18 sano ah oo uu jiray XHG ee Puntland, shacab weynaha Puntland wali waayoaragnimo uma yeelan inay helaan oo ay soo gaarto warbixinno uu soo gudbiyey xafiiksu taas oo ku aaddan sida loo maareeyey deeqaha, mashaariicda iyo miisaaniyadda Dowladda. Marka aad waraysato khubarada dhaqaalaha iyo dadka xog-ogaalka ahwaxay xusayaan dibdhaca ugu weyn ee haysta XHG ay tahay tabaryari dhaqaale, oo uusan xafiisku helin miisaaniyad ku filan si uu ugu madaxbannaanaado hawlihiisa shaqo. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Puntland ayaa sidoo kale ah Xisaabiyaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, taas oo ka dhigan in nidaamka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland uusan lahayn Xisaabiye Guud oo ka madaxbannaan maammulka Wasaaradda Maaliyadda. Tani waa arrin baalmarsan hufnaanta iyo daahfurnaanta hannaanka maaliyadda dowliga ah ee caalamiga ah. Waxayna meesha ka saaraysaa in la helo xisaabcelin hufan. Bangiga adduunka waxa uu Puntland ka waday laba mashruuc—Capacity Injection Project iyo Somalia PFM Capacity Building. Mashaariicdaan ayaa ah dib u habeynta maaliyadda iyo Waxaana sannadkii uu Bangiga Adduunku Puntland ku siiyaa dhaqaalae gaaraya $11 million, sidaas oo ay tahay wali waxaa la adeegsadaa hab waraaqaha (Manual paper), walina Puntland si buuxda loogama dhaqangelin in dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee dakhliga iyo kharashaadka ay u dhacaan hab aaladeed (Electronic System). Mashaariicdaan oo wakhtigoodii gebogebo yahay, haddaba sidee loo maareeyey mashaariicdaa? Waa weydiin dib ugu soo laabanaysa Hay’adda Sharci-dejinta, Xafiisyada Hantidhawrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud iyo Deeq bixiyahay; Bangigaga Adduunka. Marka aad daraasayso hannaanka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland iyo qoondeynta miisaaniyadda dowladda, waxaa kusoo baxaya arrimahaan: iskudheellitirnaan baahsan ee qoondaynta miisaaniyadda, iyadoo ay jiraan kharaashaad tiro badan oo laga maarmi karo ama la yarayn karo. Waxaa jira tuhunno siyaadin kara xaddiga musuqmaasuq iyo daahfurnaan la’aan baahsan oo aysan shacabku xog badan ka hayn maammulka maaliyadda dowliga ah. Waxaa muuqata inaysan dhammeystirnayn shuruucdii maammulka maaliyadda dowliaga ah (PFM laws) si loo maareeyo siyaasadda maaliyadeed ee dowladda. Inkastoo oddoroska miisaaniyaddu leedahay koror iyo isdhin, sidoo kale qna qiyaasta miisaaniyadda kutalagalka ah ee sannadlaha ay kordhi karto, haddana wali waxaan si rasmi ah u shaac bixin xisaabcelin rasmi ah, ayna maqantahay hufnaantii uu u shaqeyn lahaa Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Inkastoo baarlamaanka hadda jooga ay tallaabo wanaagsan qaadeen kalfadhiggoodii ugu horreeyey, haddana waxaan laga fursnayn in Golaha Baarlamaanku iyo Xukuumadduba ay awoodda saaraan sidii wax badan looga sixi lahaa hannaanka maaliyadeed ee Puntland, ayna si rasmi ah uga doodaan xisaabcelintii misaaniyaddi 2019 iyo sidoo kale habka ay u dagsantahay miisaaniyadda ka hor inta aysan ansixin Miisaaniyadda 2020. Gunaanadkii, daahfurnaanta, dabagalka iyo islaxisaabtanku waa tallaabooyin muhiim hannaanka dowladnimo ee tayeysa, waana arrin ay danta Puntland ku jirto in wax la iska weydiiyo hannaanka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland. Inkasta oo ay le’egtahay misaaniyadda dowladdu, ha yaraato ama ha badnaato, waxaa lagama maarmaan ah in beekhaaminta iyo qoondaynta miisaaniyaddu ay ka tarjunto baahida dhabta ah. Inkastoo aanan dhammeystirin daraasad ballaaran aan ka aruurinayey hannaanka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland taas oo ku qotonta saddexdaan qodob, haddana waxaan jeclaystay inaan xogtaan si hordhac ah ula wadaago bulshada, Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka Puntland, si wax la isaga weydiiyo, waxna loo saxo. Mahadsanid. Faarax Bashiir Cismaan Puntland, Soomaaliya Fosman.official@gmail.ocm The post Faallo: Ma la joogaa xilligii dib loo Eegi lahaa Maammulka Maaliyadda Dowliga ah Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo caawa dib ugu soo laabtay dalka kadib safarradii shaqo ee wadamada Faransiiska, Belgium iyo Qatar, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safarkiisa oo guul kusoo dhamaaday waxuu ka billaawday Faransiiska, waxaana magaalada Paris kusoo dhaweeyay madaxweynaha Faransiiska. Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay kulanka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa dhanka kale booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Paris, waxuuna ballan qaaday in dowladdu dayactir iyo horumarin ku sameyneyso dhismaha safaaradda iyo hoyga safiirka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu Paris u joogay ka qayb galka kulanka madasha, waxuu kulamo doceedyo la qaatay, wasiirrada arrimaha dibadda Faransiiska, The Netherlands, Ruushka iyo Filand, iyo xoghayaha arrimaha dibadda Sweden. Dhammaan mas’uuliyiinta uu kulamada la qaatay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay xoojinta xariirka dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya, arrimaha deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray dib-u-habeynta dowladdu ay dalka ka waddo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Paris kula kulmay madaxweynaha bangiga horumarinta Islaamka, Dr. Bandar Hajjar iyo xoghayaha guud ee wariyaasha aan xuduudda laheyn. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Faransiiska uga sii safray Belgium waxuuna magaalada Brussels kulamo kula qaatay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah iyo madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurub oo ay ka wada hadleen xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Mudane Xasan Cali Khayre oo safarkiisa oo qaatay 10 maalin kusoo gebagebeeyay Qatar, ayaa amiirka Qatar, Amiir Tamim bin Hamad Al Than, Dooxa kula qaatay kulan looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. View the full article
-
The UN and other Somalia’s partners on Saturday said the recent decision by Kenya and Somalia to normalise their relations will help the region to concentrate on security challenges in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa weerar afka ah ku qaadday madax maamul goboleedyada dalka, oo ay sheegtay in inay caqabad ku yihiin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in madax goboleedyada ay diideen in xisbi siyaasadeedyada dalka ay diideen inay xarumo ka furtaan maamul goboleedyada, si aysan u dhicin doooasho qof iyo cod ah. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in sababta ay madax goboleeyada “u dooneyn inay dhacdo doorasho dadku codeynayaan ay tahay inay ayaga soo xulaan xildhibaanada cusub.” “Madaxweynaha waxa uu rabaa, in marka la gaaro doorashada uu dhaho reer hebel kaas hala iiga keeno balse waxay iloobeen in markii bari uu baarlamaanka weyn tago inuusan aqoon oo balanta uu uga baxayo” ayey tiri Xaliimo Yarey. Hadalkeeda ayey sii raacisay, “Anigu siyaasad dambe marabo, xildhibaan, wasiir iyo xil dambe ma rabo, meel ayaan fadhiisanaa, gabdhaha ayaan wax barayaa, waa idiin sheegee idin kama qarinayo”. Mar la hadalaysay madaxda hadda dalka ka talisa ayey tiri, “Dowladeena waxaan ka sugeynaa inay xisbigii keento hadey doorasho rabto”.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Soomaaliya ayaa waxaa uu faah faahin kooban ka bixiyay weerar dhinaca cirka oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose. Weerarkan oo ay iska kaashadeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Deegaanka Kuunyo Barrow. General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow), Taliyaha Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in duqayntaasi lagu qaarajiyay Sarkaalkii Ururka Al Shabaab ugu magacawnaa Deegaanka Kuunyo Barrow. Taliyaha oo la hadlay Radio SNA oo ku hadla afka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay hawlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan in ay suurta-gashay in lagu qaarajiyo Sheekh Cabdisalaan, kaasoo Shabaabka ugu magacawnaa sida uu yiri Kuunyo Barrow. Taliyaha ayaa wuxuu iftiimiyay in qorshuhu ahaa in hawlgalka lagu qaarajiyo Sheekh Cabdisalaan iyo ilaaladiisa, balse ay suurta-gashay in horjoogaha oo keliya lagu dilo. General Bogmadow ayaa ku waramaya in ay socdaan hawlgalo maleeshiyada Ururka Al Shabaab looga sifeynayo Gobolka Shabellaha Hoose. Dhanka kale Ururka Al Shabaab ayaa qoraal ay ku baahiyeen barraha Internet-yada ee afkooda ku hadla waxay ku sheegeen in duqayntaasi uu ku dhintay nin ganacsade ah, oo magaciisa ay ku soo koobeen Ismaaciil. Shabaabka ayaa waxay qoraalkan ku muujiyeen inaanay jirin cid kale oo waxyeelo ka soo gaartay duqayntaasi. Diyaaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Mareykanka ayaa waxay dalka ka wadaan duqaymo lagu bartilmaameedsanayo Ururada Al Shabaab iyo Daacish.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdilaahi Geel-jire, Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa xaqiijiyey in Guddoomiye Ciro laga qaaday ilaaladiisi gaarka aheyd. Geel-jire ayaa sheegay in talaabada Guddoomiye Cirro looga qaaday ilaaladiisi ay ka dambeeyen Mas’uuliyiinta sarre ee Xukuumada Muuse Biixi. Waxa sidoo kale uu sheegay Geel-jire in xisbigu uu baajiyey maanta banaanbaxyo ay taageerayaashiisu ay ka dhigi lahaayeen magaalada Hargeysa, maadama ay wada-hadalo bilowdeen. Cabdilaahi Geel-jire ayaa si cad u sheegay in banaanbaxyada gobolada kale ee Somaliland uu sidiisi u socon doono, isagoona si weyn u cambaareeyay talaabooyinka ka dhanka ah ee ay qaaday xukuumadu. Geel-jire ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si adag u cambaareeyay xariga ay xukuumada Muuse Biixi kula kacday Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Amarka ilaalada looga qaaday Guddoomiye Ciro ayaa waxa uu sii xoojin karaa xiisada ka dhex aloosan Waddani iyo Xukuumada, midaasi oo sababi karta rabshado kale oo hor leh inay ka dhacaan gudaha Somaliland, inkasta oo ay bilowdeen wada-hadalo lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Cadaalada Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta ka furay magaaladda Muqdisho shir ku saabsan ladagaalanka iyo ka hortaga fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata. Waxaa Shirkaan ka soo qayb galay dhammaan maamul goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir, wasaaradaha ay quseyso sida wasaarada amniga, cadaalada, warfaafinta, iyo xubno ka socda beesha caalamka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-19112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta shaaca ka qaaday in lagu dhawaaqi doono xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin madaxda ugu sarreysa ee hataan heysa talada dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka hadlaayay furitaanka kulanka Muqdisho Tech Summit ayaa sheegay in uu soo socdo Xisbiga weyn ee Madaxda dowladda dowladda, kaasi oo kamid noqonaya Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira. Waxaa uu sheegay in Dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska iloobaan wixii horay u dhacay, laakin ay ka fikiraan waxa soo socda ee doorashooyinka iyo Mustaqbka Soomaaliya. Isaga oo ku hadlayay Magaca Xukuumadda Soomaliya ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, taas oo dalka ka dhacdo sanadka 2021. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameystiri doono sharciga doorashada iyo xisbiyada. “Waa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka fikiraan maxaa soo socda sidee doorweyn ay uga qaadan karaan doorashooyinka soo socda oo aad u soo saari kartaan qof dhalinyaro ah, dowladda Somalia waxaa ay diyaar u tahay qabashada dooorashada ayuu yiri”RW Kuxigeenka dalka. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) in wadanka ay xilligaan ka jiraan Xisbiyo badan sidaasi daraadeedna uu soo socdo Xisbiga weyn oo ay ku midoobayaan Madaxda ugu sareysa dowladda fedetaalka.
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Maleeshiyada Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa shaaciyey in ay dhanka koonfureed ee Badda Cas “ku qabteen saddex markab oo midkood Sacuudigu leeyahay lana yidhaa Raabiq”. Telefishanka Al-Masiirah ee Xuutiyiinta ayaa tilmaanay in dagaalyahannada kooxdaasi ay Saddexdaa Markab ku qabteen meel 3 Mayl u jirta jasiiradda Cuqbaan, markii ay soo galeen biyaha Yemen iyaga oo aan wax ogaysiis ah bixin”. Telefishanku wuxu intaa ku daray in “dhegaha ay ka furaysteen shaqaalaha markaabiistaasi ilaalada xeebuhu tahay badheedh cad oo lagu jabinayo xeerarka caalamiga ah iyo ku xad gudub madaxbannaanida Yemen.” Dadka Maraakiibta saaran ayaa waxay ka koobanyihiin 16 qof oo labo ka mid ah ay u dhasheen Dalka Koofurta Kuuriya, halka inta kale aan la sheegin waddamada ay ka soo jeedaan. Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Koofurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in muwaaddiniinteeda ay badqabaan islamarkaana ku jiraan gacanta kooxaha Xuutiyiinta ah. Huwanta Sucuudigu hogaamiyo ayaa iyaguna mar hore xaqiijiyey in “Xuutiyiintu Badda Cas ku af-duubeen markab jiidayey agabka saliidda ka qoda badda oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed”. Wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa iyaduna ka soo xigatay af-hayeenka xulufadaas, Turki Al-Maaliki, inu yidhi “ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta ayaa galabnimadii Axaddii dhanka koonfureed ee Badda Cas ku af-duubay markab”. Xuutiyiinta Yeman ayaa ku andacooday in Doomahaan ay ku xadgudbeen biyaha Dalka Yemen ,lana geeyay Magaalada Xudeyda.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa beeniyey in Soomaaliya aysan gudbin soo-jeedinta mashruuc Talyaaniga uu maal-gelin lahaa oo ku kacayey lix milyan oo dollar. Wargeyska La República ee Talyaaniga ayaa dhowaan qoray warbixin, ay soo xigatay Caasimada Online, oo uu ku sheegay in lacagta oo loogu talo-galay in lagu dhiso biyo xireeno ka hortagi karay fatahaadda webiga Shabelle uu ka sameeyey qeybo ka mid ah mamaulka HirShabelle dib loo celiyey markii dowladda Soomaaliya ay soo gubin weysay soo-jeedinta mashruuca. Warbixinta La República ayaa dhalisay in qaar ka mid ah shacabka ay eedeeyn u jeediyaan xukuumadda, halka qaarkoodna ay sheegeen in habacsanaantaas ay horseedday fatahaaddii dhowaan uu webiga Shabelle ka sameeyey magaalada Beledweyne. Hase yeeshee wasiir Jamaal oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay gudbisay soo jeedinta mashruuca. “Dowladda federaalka iyo Talyaaniga waxay wada-xaajood la lahaayeen suurta-galnimada ah inay nala siiyo taageero looga hortagi fatahaadaha. Soo-jeedinta mashruuca waxaa loo gudbiyey dowladda Talyaaniga si ay u eegto, wada-hadalkana weli waa socdaa. Lama ansixin, lamana saxiixin wax mashruuc ah illaa hadda.” Ayuu wasiirka ku yiri qoraalkiisa. caasimada@live.com
-
The Somaliland police forces have seized Wadani party centers in Berbera and Erigavo towns amid crackdown on the opposition figures. Members of the party’s leadership have been arrested in separate spots on Monday, which has escalated political tensions in Somaliland. The arrests came after the party’s chairman, Abdirahman Irro has called for a rally against the current administration led by Muse Bihi Abdi, accusing him of delaying parliament vote. Meanwhile, the chairman of UCID party, Feysal Ali Warabe, who spoke to the media in Hargeisa, said there are ongoing efforts to open talks between Irro and the government. Over the past two days, tensions in Somaliland have been brewing, as a result of a recent call by opposition leader Abdirahman Irro to stage large protests to demand timely polls. View the full article
-
(SLT-Afghanistan)-Kooxda Taliban ayaa sii deysay la haystayaal reer galbeed ah oo muddo dheer ay heysteen, iyagoo fulinaya heshiis ku aaddan maxaabiis is-weydaarsi, waxana dhankooda ay filayaan in loo soo daayo seddex ka mid ah saraakiishooda sar sare. Ilo wareedyo ku dhow kooxdaasi ayaa sheegey in dadka ay sii deysay Taliban ay kala yihiin Kevin King oo Mareykan ah iyo Timothy Weeks oo Australian ah, kuwaas oo xurriyaddooda loogu soo celiyay gobolka koonfurta ku yaalla ee Zabul. King iyo Weeks oo labaduba ah macallimiin wax ka dhiga jaamacadda American University ee Kabul ayaa la qafaashay bishii August ee sanadkii 2016, xilli ay ku sugnaayeen bannaanka xarunta jaamacadda. Sii deynta labadaasi xubnood ayaa timid saacado un ka dib markii saddex sarkaal oo Talibaan ka tirsan loo duuliyay dalka Qatar, arrintaasi oo qeyb ka ah heshiis maxaabiis is dhaafsi ah. Seddexda sarkaal ee loo duuliyay Qatar ayaa waxay kala yihiin Anas Xaqani, Haji Mali Khan iyo Xafiz Rashid, kuwaas oo dowladda Afghanistan ay soo xidhay sannadkii 2014. Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay toddobaadkii la soo dhaafay qorshaha maxaabiis is dhaafsiga, si ay arrintaasi u fududeyso wada hadallo toos ah oo lala yeesho kooxda Taliban. Source
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo maanta warbaahinta ugu warramayey M/ Muqdisho ayaa ka hadlay doorashooyinka la filayo inay dhacaan sanadka 2020- illaa 2021-ka Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dolwaddu ay diyaar garowday qabashada doorashooyinkaasi oo ah kuwa la wada sugayo. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay door ku yeeshaan doorashooyinkaasi, si u helaan fursado muhiim ah. Ugu dambeyn wuxuu tilaamay in madaxda dowladda ay dhowaan soo bandhigi doonaan xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin, si ugula tartamaan axsaabta kale ee dalka. View the full article
