-
Content Count
213,970 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka amniga HirShabelle, C/qaadir Aadan Jeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Jeelle ayaa kulamo looga hadlayo amniga ka bilaabay halkaas, isagoona la qaatay saraakiisha Booliska HirShabelle ee ku sugan degmadaasi. Sidoo kale wasiirka ayaa la kulmay qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, wuxuuna ka xog wareystay xaaladaha dhanka nolosha ee ka jirta halkaasi. Buulo-Burte ayaa waxaa maalmihii dambe ka jiray dhibaatooyin dhinaca amniga ah, iyadoona qeylo dhaan xoogan ay ka soo yeereysay shacabka magaaladaasi. View the full article
-
Madaxweynaha ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo la hadlay warbaahinta ayaa baaq muhiim ah u diray dhaliyarada ku sugan maamulkaasi. Karaash ayaa ka dalbaday dhalinyarada inay ka shaqeeyaan horumarinta amniga iyi sidoo kale ka hortaga Tahriibka oo ka mid ah dhibaatooyinka heysta Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in dhalinyaradu ayaa kaalin firfircoon ka qaataan dib u dhiska dalkooda. Halkan hoose ka dhagey Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Karaash.mp3 View the full article
-
Khasaare ka dhashay roobab mahiiggaana oo ka da’ay Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Daadad ku rogmaday degaanka Towfiiq Roobab mahiiggaan ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay degaanno ka tirsan Puntland, ayaa la soo sheegayaa in ay meelaha qaarkood khasaare ka gaysteen. Dadka Degaanka Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa soo sheegay, in roobabka dayrta ee halkaasi ka da’ay 24-kii saac ee la soo dhaafay, ay daadad xooggan ka sameeyeen degaanka, islamarkaana ay xool badan kala tageen qoysas reer guuraaya. Sidoo kale, Sawiro laga soo qaaday degaanka Towfiiq oo la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya ari bakhtiya oo dul sabbaynaya biyaha roobka ee ku soo rogmay degaankaasi. Roobabka mahiiggaanka ah, ayaa tan iyo habeen hore ka da’yay degaanno ka tirsan gobollada Bari, Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag, gaar ahaanna dhulka xeebaha eek u teedsan badweynta Hindiya iyo badda Cas. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay roobab mahiiggaana oo ka da’ay Puntland appeared first on Puntland Post. -
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaarado dagaal ka geysteen deegaanno ka mid ah gobollada Baay iyo Jubbada Dhexe. Diyaarado dagaal ayaa Labo gantaal ku dhuftay saldhig la sheegay in Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Buulo-fulay ee gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Duqeyntan waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidamada sida gaarga u tababaran ee DFS iyo Al-shabaab, lamana oga khasaaraha halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay. Dhanka kale, diyaarado dagaal ayaa la sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Duqeyntan ayaa lala eegtay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, kaasi oo lagu magacaabayey Macalin Ibraahim Abuu Xamsa, ahaana madaxii isku xirka Al-qaacida iyo Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkaasi uu dhintay, lamana hayo faah faahinno intaan ka badan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo soo gaaraya Buulo-Burte ayaa ku warramaya in xalay askar ka tirsanaa ciidanka dowladda, lagu dilay duleedka degmadaasi, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Askarta la dilay oo labo ahaa, islamarkaana ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay ilaalo ka hayeen Ceel Biyood laga qodayo duleedka magaalada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dilka askartaasi ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladda ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyey dhacdadaasi, islamarkaana ay haatan baaritaano xoogan ka wadaan qeybo ka mid ah Buulo-Burte. Ammaanka degmadan ayaa mudddooyinkii dambe ahaa mid aad looga deyrinayey, waxaana weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulinayey dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhankooda gobolka ka wada howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Milatari oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay heystaan. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-04112019-sx.mp3 View the full article
-
Waxaa soo kordhaya xilligan khilaafka maamul ee ka taagan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, kadib markii dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle u magacawday degmadaasi guddoomiye cusub. Waxgaradka ku sugan degmada Buulo-burde oo warbaahinta la hadlay waxa ay ka horyimaadeen magacaabista guddoomiyahaasi. Waxay sheegeen in ay sugayeen oo kaliya in guddoomiyaha cusub ku yimaado doorasho gole deegaan, inta ka horreysana howsha uu sii hayo ku simaha guddoomiyaha degmadaasi. “Annaga waxa aan yeeleyno ma ahan in gole deegaan oo aan la dhisin guddoomiye la magacaabo, wasiirka arrintaasi wuu ku fashilmay, waxaana u sheegeynaa in haddii aan nahay waxgaradka Buulo-burde aan aqbali doonin guddoomiyaha cusub ee naloo soo magacaabay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkii waxrbaahinta la hadlay. Sida ay waxgaradkan sheegeen, waxay u baahan yihiin dhismaha gole deegaan, kadibna lasoo doorto guddoomiyaha degmadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa taliye cusub u magacowday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay shalay kala wareegtay ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo in muddo ah ka talinayey degmadaasi. Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa taliyaha degmadaasi u magacaabay Zakariye Cali oo ka mid ah saraakiisha dhalinyarada ee dhowaan dowladda geysay deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Sarkaalkan ayaa isaga iyo ciidamo uu wato shalay aroortii hore waxa ay ciidamada Ahlu Sunna kala wareegeen degmada Guriceel, kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya ururkaasi iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan madaxa xukuumaadda Galmudug oo dhankiisa ka hadlay xiisadahani ayaa si kale u dhigay arrinta, wuxuuna beeniyey in Ahlu Sunna lagala wareegay degmooyinka Matabaan iyo Guriceel, isagoo sheegay inay si wadajir ah halkaas uga howlgalaan ciidamada isku dhafka ah ee la sameeyey, sida uu hadalka u dhigay. Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse waxaa marba marka ka dambeysa ka sii daraya xiisada labada dhinac oo ka dhalatay magacaabista guddiga farsamada doorashada ee maamulka Galmudug. Xaaladda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa saaka degan, kadib shaqaaqado labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay magaalooyinkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
kulanka waxa uu ka dhacay xaruunta Taliska Booliska degmada Guriceel, waxaana isugu yimid saraakiisha ciiqamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan bulshada magaaladaasi. Kulankaan sidoo kale waxa goobjoogka ahaay masuuliyiin ka socotay maamulka degmada, madaxda Garsoorka degmada, culumada deegaanka iyo shacabka magaalada. Kulanka waxa looga hadlay xoojinta midnimada ,wadajirka iyo nabada deegaanka iyo sidii shacabka iyo dowladu isaga kaashanlahaayeen xaqiijinta amaanka degmada. Masuuliyiinta iyo bulshada degmada Guriceel ee madasha ka hadlay ayaa balan qaaday in ay si dhow ula shaqeynayaa ciidamada qalabka sida ee ka shaqeynaya amaanka magaalada. PUNTLAND POST The post Saraakiisha ciidamada dowlada Federaalka oo kulan u qabtay bulshada Guriceel appeared first on Puntland Post.
-
Ola Salem was, by all accounts, fearless. As a teenager, she stood up to the managers of an amusement park after she was not allowed on rides because she was wearing a head scarf. She worked out at a boxing gym and was considered a fierce protector at the domestic violence shelter where she volunteered. She went skydiving. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa walaac ka muujiyey xad gudubyo uu sheegay in si isdaba joog ah lagu hayo Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka koonfur Galbeed kaasoo ka socdo Magaalada Baydhabo. Xisbiga ayaa sheegay in Maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen si cabsi gelin ku hayaan Shacabka reer Koonfur Galbeed isla markaasna taasl oo marayo xad gudubyo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatul Qowlka. Xisbiga wuxuu cod dheer ku cambaareeyey habdhaqanka qalafsan ee lagula kacaayo bulsha weynta koonfur Galbeed iyo xariga iyo xukunka cadaalada ka fog ee lala beegsanayo dadka fakar ahaan kaduwan maamulka Lafta gareen. Hadalka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa kusoo aadayo Xilli Magaalada Baydhabo lagu xiray ku dhawaad 60 qof oo fikir ahaan kasoo horjeedo Maamulka Koonfur Galbeed. Dadka la xiray oo isugu jiro Saxafiyiin iyo Odayaal dhaqmayeedyo ayaa waxaa ugu magac weyn: 1= Maalaq Kaskay. 2=Liiban Ibrahim Amin 3= Abdiqaadir Bare Macalin. 4= Hassan Macalin Isaaq. Halkaan hoose ka akhriso Cambaareynta kasoo baxday Xisbiga Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Mevlut Cavusoglu’s remarks come at Organization of Islamic Cooperation (OIC) Somalia Contact Group meeting in Doha Source: Hiiraan Online
-
Kuwait has expressed its determination to hold a donor conference to back education in Somalia next year, Assistant Foreign Minister for International Organizations Affairs Ambassador Nasser Al-Hayen said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa hadda waxaa hakad ku jira qabashada ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka gobalka Banaadir, taas oo baaqatay 24-kii bishaan kadib markii korontada laga jaray garoonka Eng Yariisow oo ay kuwada sugnaayeen kumanaan shacab ah iyo kooxaha degmooyinka Dharkeynley iyo Waabari oo ciyaartaasi ku balansanaa. Qabashada Ciyaartaan ayaa u xayiran khilaaf culus oo u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in aad uu usii xoogeestay Khilaafka Wasiirka iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir kaas oo gaaray in guddoomiye Cumar Filish loogu hanjabo in xilka laga qaadi doono. “Hadii aadan wax ka badalin wadashaqeynta gobalka iyo wasaaradda waxaa halkaan keeni doonaa guddoomiye la shaqeyn kara xukuumadda iyo wasaaradda” ayaa lagu yiri Cumar Filish sida uu noo sheegay mid kamid ah masuuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya. “Wasiir Khadiija waxay madaxda qaranka u sheegtay in aysan qabsoomi karin ciyaarta degmooyinka ilaa laga heshiiyo gobalkana ogolaado in uu la shaqeeyo wasaaradda waana laga aqbalay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka aan la hadalnay oo ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa u muuqda in uu wajahayo jahwareer xoog leh kaas oo curyaamiyay shaqadii uu qaban lahaa, iyadoo ay arintaan muujineyso heerka uu gaarsiisan yahay u madaxbanaani la’aanta dhanka shaqada ee guddoomiyaha gobalka maadaama ay ciyaaraha hada socda yihiin tartan heer gobal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Bay ayaa sheegaya in duqeyn iyo weerar toos ah xalay lagu qaaday xero ciidan oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buula-fulaay oo hoos taga degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay. Laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa la sheegay in xerada ay ku dhufteen ilaa labo gantaal, waxaana ka daatay diyaaradahaas ciidamo kumaandoos ah oo xoog ku galay xarunta la weeraray ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen Buula-fulaay. Saraakiil ka tirsan Danab ayaa noo sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan xarunta, waxaana wali la xaqiiji karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay goobta, maadaama ay tahay xilli habeen ah. Dhanka kale isla xalay duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxay sheegeen saraakiishu in lagu dilay isku xirihii Ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, kaas oo magaciisa lagu sheegay Macalin Ibraahim Abuu Xamza. Saraakiisha noo warantay waxa ay sheegeen in Abuu Xamza la bartilmaameedsaday xilli uu la socday kolonyo gaadiid ah oo ka baxday degmada Jilib, iyagoo sheegay in saraakiil kale ay ku wehliyeen safarka, balse ay xaqiijiyeen oo kaliya geerida madaxii xiriirka ee Al-Qaacida iyo Al-Shabaab. Shaacinta dilka madaxii xiriirka ee Ururradaas ayaa ku soo beeg maysa iyadoo xalay Jubbada Dhexe ay ka dhaceen duqeymo la sheegay in lagu beeg saday saraakiil Shabaab ah, waxaana xusid mudan in Jubbada Dhexe ay waayihii dambe duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha reer Galbeedka u noqotay bar tilmaameed gaar ah. Duqeymahaan is daba jooga ah ee ka dhacaya Jubbada Dhexe ayaa ku soo aadaya iyadoo sir-doonka dowladda Kenya uu shaaciyay in qaraxyada ugu badan ay Al-Shabaab ku farsameeyaan magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muuqata in madasha xisbiyada dalka ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ay dhinacyadu waafajiyeen nidaamka nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya oo 4.5. Dad badan ayaa arintaan u fasirtay in madasha ay ka tarjumeyso qaabka hogaaminta Soomaaliya ay mari doonaan hadii ay ku guuleestaan doorashooyinka Soomaaliya ee bilaawga 2021-ka. Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday hogaamiyaha madasha waxa uuna sidaas ku fadhiyaa kursiga madaxweynaha markii laga hadlayo hoggaanka madasha. Sidoo kale Prof Mohamed Abdi Mohamed Gaandi, ayaa laga dhigay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee madasha waxa uuna sidaas ku fadhiya kursiga Ra’iisul Wasaaraha. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa madasha ka noqday guddoomiye ku xigeenka labaad ee waxa uuna sidaas ku joogaa kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan hoggaanka madasha. Madasha xisbiyada oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa durba waxaa la dareemayaa saameenteeda siyaasadeed waxaana magaalada ka socda kulamo ay wadaan hogaamiyaasha madasha. Sidoo kale shacabka gobalka Banaadir iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haaya madashaan waxayna isugu jiraan kuwa taageersan iyo kuwa dhaliilsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Turkey ayaa axaddii sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay caawimaadda Turkey, si loo xaqiijiyo inay hesho xasilooni siyaasadeed islamarkaana dib loogu qaabeeyo ciidamada amniga qaranka, si ay taasi u abuurto jawi ogolaan doona horumar dhaqaale. Mevlut Cavusoglu ayaa hadalka ka sheegay kulanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Urur Iskaashiga Islaamka oo ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar. “Waa waajib saaran umadda [Islaamka], si ay uga gargaaraan dhibka Soomaaliya” ayuu yiri Cavusoglu, oo intaas ku daray in loo baahan yahay in is-faham la gaaro si loo xaqiijiyo nabadda Soomaaliya, islamarkaana khilaafyada dhinac la iska dhigo. Cavusoglu ayaa sheegay in loo baahan yahay wada-shaqeyn si sare loogu qaado maqaamka Soomaaliya ee caalamka. “Soomaaliya waxay u baahan tahay caawimaadeenna si loo xaqiijiyo xasilooni siyaasadeed, dib loogu qaabeeyo ciidamada amniga qaranka, islamarkaana loo abuuro jawi ogolaan doona horumar dhaqaale.” Ayuu yiri. Cavusoglu ayaa sheegay in Turkey ay qeyb qaadatay dhammaan hindisooyinka caalamiga ah ee Soomaaliya, si dalka loo taageero. “Waxaan fududeynaa, oo aan dhex-dhexaadinaa wada-xaajoodyada Soomaaliya iyo Somaliland,” ayuu yiri isaga oo intaas ku daray in doorashada dhaceysa 2020 ay noqon doonta mid saameyn weyn ku yeelan doonta mustaqbalka Soomaaliya. Turkey ayaa ah dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya, ka sokowna taageeradiisa, waa dalka kaliya illaa hadda taageero muuqata oo la taaban kara siiya Soomaalida, ayada oo dhammaan dalalka kale ee caalamka ay taageeradooda tahay mid af un ku kooban ama aan soo dhaafin madaxda xukuna haysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
