-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xaalada Baledweyne ayaa kasii saraysa , Shacabka Deegaankana wali ma aysan helin kaalmadii ay u baahnaayeen, Dowlada Federaalka ayaa lagu eedeeyey inay ka gaabiyeen ka [...] Source
-
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Soomaliya ayaa maanta xukun ku riday gudoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo xubno kale. Dhageysiga kiiska gudoomiyaha aya a muddooyinkii dambe wuxuu ka socday maxkamadda ciidamada, kadib markii Gudoomiyihii hore degmada Maxaas lagu soo eedeeyay in uu wax ka ogaa qarax gaarigiisa loogu xiray gudoomiye Ku xigeenkii amniga degmadaasi, qaraxaasi oo uu ku dhintay. Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun ku riday Cali Axmed Guure (Qoyane) oo maqane ah laguna eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheekh Cilmi Cawaale gudoomiyihii hore ee degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in. Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Somaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda Ciidamada qalabka sida saaka ay riday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Maxamed Muuse Diiriye ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa Mr. Stuard Brown. Kulankaas ayaa ku saabsanaa xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee wasaaradda warfaafinta iyo xafiiskaas, hirgelinta xeerka saxaafadda Somaliland oo meel gabo-gabo ah maraya, taageerida kulliyadda Saxaafadda ee jaamacadda Hargeysa iyo illaalinta xorriyadda saxaafadda Somaliland, waxaana kulankaas wasiirka ku wehelinaayay qaar ka mida agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta. Mr. Stuard Brown, madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa oo halkaas ka hadlay ayaa masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta ku amaanay kaalinta ay kaga jirto dhamaystirka xeerka saxaafadda Somaliland iyo miisaaniyadda ay wasaaradda warfaafintu u qoondoondaysay kulliyada Saxaafadda labada sanno ee soo socda oo dhan, taas oo (Konton kun oo dollar ah), waxaanu sheegay in arrintaasi kaalin ka qaadan doonto kobcinta aqoonta saxafiyiinta Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigtay laba ka mid ah dablaydii habeen hore salaadii subax weerartay saldhiga degmada Borama ee gobalka Awdal. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Dablaydan ayaa markii ay hawlgalka fuliyeen waxa ay qaarkood u talaabeen xuduudka Itoobiya ka dib markii ay hawlgal ay ku raad joogaan fuliyeen ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana dawladda Itoobiya ay qabatay laba ka mid ah kooxda hubaysan ee u talowday, ka dib markii ay dawladda Somaliland ku wargelisay Itoobiya inay kooxdaasi u talowday xuduudkooda. Sida uu warkani sheegay dawladda Somaliland ayaa isla shalayba ka codsatay Itoobiya inay u soo gacangeliso labada xubnood ee ay qabatay. Kooxdan oo uu hawlgalkooda sheegtay Suldaan Wabar, ayaa waxa ay fuliyeen hawlgal kooban oo aan sababin wax khasaare ah, waana hawlgalkii u horeeyay ee ay fuliyeen tan iyo intii uu Madaxweyne Biixi qabtay talada Somaliland sannadkii 2017. Source
-
Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xukuno kala geddisan ku riday saddex eedaysane oo loo heysto in ay ka dambeeyeen qarax bishii April ee sanadkan lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Rashiid Cusmaan Cabdi. C/raxmaan Sheekh Cilmi Cawaale oo ahaa guddoomiyihii hore degmada Maxaas islamarkaana ku eedaysan in uu ku lug lahaa dilka guddoomiye kuxigeenkiisa Rashiid Cusmaan Cabdi ayaa maxkamaddu ku ridday xukun xabsi daa’in. Sidoo kale Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sida waxay dil toogasho ku xukuntay eedaysane maqane ah Cali Axmed Guure Qoyane lagu eedeeyay in uu qeyb-kahaa kiiska islamarkaana ka tirsan yahay Al-Shabaab. Waxaa kale oo maxkamaddu dil toogasho ku ridday eedaysane Nuur Ibraahim Mahad Alle oo isna sida maxkamaddu sheeegtay lagu helay in uu ahaa ninkii goobta keenay qaraxii uu ku dhintay guddoomiye kuxigeenkii Maxaas. Maxkamadda ayaa sheegatay in ciddii aan ku qanacsanayn xukunka uu u furan yahay racfaan. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Muqdisho: Maxkamada Ciidamada oo xukuntay guddoomihii hore ee degmada Maxaas iyo eedaysanayaal kale appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ka hadlay xaalada nabadgalyo ee dalka, waxaanu soo jeediyey in awooda la saaro sidii xaalada nabadgalyo ee dalka loo sugi lahaa, loona ilaalin lahaa, xilli doraad weerar ka dhacay Magaalada Boorama. Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Nabadgalyada oo la ilaaliya, waa waajib ina wada saaran, imaankii iyo amaankiina amaankii ayaa la horeeysiyey, waana hubaal in haddii amaanku meesha ka baxo in aanay Waxbarasho, Ganacsi iyo wax walba meesha ka baxayaan, markaas amaanka guud ee dalka ha la sugo, oo awooda la saaro sidii loo ilaalin lahaa, colaad iyo dagaalna faa’iido ay leeyihiin ma jiraan”. Mar uu ka hadlaayey xaalada Gobolada Barri ayaa yidhi “Xaalada Gobolada hadda wey roon yihiin, meel wacana hadda hawshu wey noo maraysaa, waxaana raynaynaa inshaha allaah inay wax walba si fiican noogu dhammadaan”. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo xalay ku hoyday Qardho ayaa kulamo ka bilaabay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda amniga iyo arrimo kale. Deni ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddiga amniga Qardho, waxaana Madaxweynaha ay uga warbixiyeen horumarada laga sameeyey amniga iyo xaaladda guud ee gobolka. Sidoo kale mas’uuliyiinta Qardho oo kulanka qeyb ka ahaan ayaa waxay Madaxweynaha uga warrameen hormarka ballaaran ee ka socda degmadaasi. Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey muhiimada kulankaasi iyo socdaalka Deni oo la filayo in deegaano kale uu ku gaaro, kuwaas oo ka tirsan maamulkaasi “Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha, waxay uga xog-warameen xaaladda guud ee Gobolka Karkaar iyo kan Degmada, Saraakiisha Laamaha Amnigu waxay ka warbixiyeec n sida xaaladda Amni ay u wanaagsantahay, horumarada laga sameeyay dhinaca Amniga, Masuuliyiinta heer Degmo waxay ka warbixiyeen hormarka balaaran ee ka socda degmada Qardho.” ayuu yiri Dabaraani. Madaxweynaha Puntland oo shalay gaaray Qardho ayaa ujeedkiisu ahaa inuu xariga ka jaro dugsiga tababarka ciidamada ee Xorgoble oo dib u dhis lagu sameeyay, kaas oo uu shalay si rasmi ah u furay, Deni oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa sheegay in Puntland ay muhiimada 1-aad siinayso dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaan dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhig ciidamada Booliska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Dhadajabuuko oo u dhow Libooya. Ugu yaraan illa saddex qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Maxaabiis ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka qofka kale ay aheyd Haweeney ka agdhaweyd goobta. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi iyo khaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday mas’uuliyiin hore oo ka tirsan maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Cali Axmed Guure (Qoyane) iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheikh Cilmi Cawaale gudoomiyihii hore ee degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in. Dhammaantood waxaa loo heystaa Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas Rashiid Cusmaan Cabdi qaraax oo degmada ka dhacay 19/04/2019ka. View the full article
-
(SLT-Washington)-Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa xalay cod aqlabiyad leh si rasmi ah xasuuq ugu aqoonsaday, dil-wadareedki ay Imbaraatooriyaddii Cusmaaniyiinta u geystay Armeeniyiinti ku nooleyd Anatoliya oo hadda dhulka loo yaqaano Turkey. Ilaa iyo 405 mudane ayaa haa ugu codeysay, halka 11 kaliyah ay ka aamuseen ama diidday. Waxana tallaabadan loo arkaa mid uu goluhu jawaab ugu dirayo Turkiga oo ku dhawaad hal qarni diidanaa in wixii ku dhacay dadki reer Armenia ayna aheyn xasuuq. Inkasta oo ay madaxweynayaal hore oo Mareykan ah ay dikreetooyin ku aqoonsadeen in uu xasuuq ku dhacay dadka reer Armenia, hadana waxay noqotay markii ugu horreysay oo uu Koongareeska Mareykanka si aqlabiyad leh u aqoonsado. Lama oga inuu Golaha Senetka ku waafaqi doono iyo in kale. Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa markiiba cambaareeyay tallaabadan, ku tilmaamay go’aan ceeb ah oo aanan sinnaba ugu cuntamin shacabka iyo dowladda Turkiga. Wuxuu intaasi ku daray in qaraarka Koongareeska uu yahay mid ay dowladda Turkiga kaga aar-gudanayaan duullaanka ay Ankara ku qaadday waqooyiga Suuriya. Taariikhyahannada ayaa sheegaya in ku dhawaad 1 milyan iyo 500 oo kun oo Armeeniyiin ah ay ku dhinteen gacanta Khilaafadi hore ee Islaamka ee Cusmaaniyiinta inti u dhaxeysay 1915-ki ilaa 1923. Turkiga ayaa ku andacooda in dadkaasi ay ka mid ahaayeen malaayiinti ku dhimatay dagaalki 1-aad ee dunida, sidoo kalana ay intooda badani ku dhinteen gacanta ciidamadi Ruushka ee qeybta ka ahaa dagaalki 1-aad ee dunida. Source
-
Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo horay u ahaa wasiirkii amniga Soomaaliya aayaa eedeyn culus u jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya. Cabdirisaaq oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dowladda ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira deegaanada maamulka HirShabelle. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda looga fadhiyo inay deg deg gurmad ku gaarsiiso dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolka Hiiraan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/cos-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-30102019-ww.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar. Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane, Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar. “Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha, waxay uga xog-warameen xaaladda guud ee Gobolka Karkaar iyo kan Degmada, Saraakiisha Laamaha Amnigu waxay ka warbixiyeen sida xaaladda Amni ay u wanaagsantahay, horumarada laga sameeyay dhinaca Amniga, Masuuliyiinta heer Degmo waxay ka warbixiyeen hormarka balaaran ee ka socda degmada Qardho ” Ayuu yiri Afhayeen Jaamac Dabaraani. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La qaatay Guddiga Amniga Ee Gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun adag ku riday eedeysanayaal uu ku jiro guddoomihii hore degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Cawaale. Kiiskan oo muddo soo jiitamayey ayaa ku qotomay qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga ee degmadaasi, marxuum Rashiid Cusmaan Cabdi, kaas oo dhacay 19/04/2019-ka. Maxkamadda ciidamada ayaa Cali Axmed Guure (Qoyane) oo maqane ah laguna Eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ku wada xukuntay dil toogasho ah, halka guddoomihii Maxaas, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Cawaale lagu xukumay xabsi daa’in. Sidoo kale maxkamadda ayaa intii ay socotay dacwadda loo heystay raggan soo bandhigtay caddeymo iyo codad la duubay oo muujinaya inay ku lug lahaayee qaraxa lagu dilay mas’uulkaasi. Eedeysanayaashan la xukumay ayaa heysta fursad kale oo ay ku qaadan karaan Rafcaan, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida Soomaliya Waa markii ugu horreysay oo kiis noocaan ah ay qaado maxkamadda ciidamada, laguna helo dambi dil ah mas’uul sare oo si hoore xiriir ula lahaa kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Booliska deegaanka Oromada ayaa sheegay rabshadihi toddobaadki hore ka dhacay dalka Itoobiya oo ay dad badan ku dhinteen dadki ku lug lahaa oo gaadhaya 359 qof in xabsiga loo taxaabay. Taliyaha Booliska Oromada Jeneraal Kafyalew Teferra oo BBC u warramay wuxuu sheegay xaaladda deegaanka Oromada oo ay rabshadaha ugu badan ee dalka Itoobiya ay ka dhaceen inuu hadda xasiloon yahay. Tirada rasmiga ah ee dadka rabshadaha ku dhintayna sida ay boolisku xaqiijiyeen waa 67 qof, Axadda wixii ka dambeeyeyna wax rashado ah ma dhicin ayuu yidhi. Wuxuuna Jeneral Tafari uu sheegay inta ay rabshaduhu socdeen in kaniisado iyo masaajidba dhibaata loo geystay oo qaarkood la gubay. Taliyaha Booliska wuxuu intaasi ku daray 80% (54 qof) dadka rabshadahaasi ku dhintay ay ahaayeen kuwa ku dhintay gacan qaad ka dhex dhacay kooxa iska soo horjeeda oo mudaharaadyo dhigayey. Hase yeeshee, rabshadaha si siyaasadeysan ku billawday marki dambana qaab diimeed iisu beddelay lama dhihi karo “koox hebla waxaa saa gaaray iyo koox hebla intaasa ka dhimatay, balse rabshaduhu markay diin iisu beddeleen labada diimood ee Kirishtanka iyo Muslimkaba ay dad ka dhinteen” ayuu yidhi. Ilaa iyo hadda xogta aan haynana magaalada Adaama waxaa lagu gubay hal masaajid, laba kaniisadood oo meel ka baxsan magaalada ku yaallana waa la gubay ayuu yidhi. Taliyaha oo ka hadlayey rabshadaha dhawaan ka dhacay qayb ka mid ah ee deegaanka Oromada inuu booliska uu ka gaabiyey inuu wax ka qabto iyada oo sida oo kalana lagu eedeeyo rabshadaha iney dhexdhexaad ka ahaayeen wuxuu yidhi: “Booliska deegaanka Oromada si uu rabshadaha uu uga hortago ilaa iyo naf ayuu u huray” isaga oo tilmaamay dadaalka ay booliska u galeen xakameynta rabshadahaasi. Hase yeeshaee, dadka mudaharaadyada isugu soo baxay oo aad u badnaa meelaha qaar waxay ka awood bateen askarti rabshadaha iney ka hortagaan loo howl geliyey ayuu yiri. Source
-
(SLT-Riyadh)-Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa bishan dhexdeedii booqasho rasmiya ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, si uu dar-dar gelin cusub ugu sameeyo xidhiidhka labada dhinac. Putin ayaa waxa si weyn garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay oo qaabilay Amiirka Abu Dubia, ahna dhaxal-sugaha, Mohammed bin Zayed, iyadoona loo sii galbiyay dhanka madaxtooyada dalkaasi. Bin Zayed iyo Putin ayaa wada-hadalo dheer waxay ka yeeshen sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo weliba maalgashiga. Booqashadaasi uu Putin ku tagay dalkaasi ayaa noqoneysa booqashadiisi labaad ee tan iyo 2007 uu ku tagay dalkaasi, iyagoona kulamo badan wada yeeshay, isla markaana hore ugu wadaxidhiidhi jirey khadka taleefanka. Waxayna booqashadaasi kaga gadisantahay kuwii hore in Madaxweyne Putin uu socdaal Khaliijka ah uu ku soo maray dalka Sacuudiga, isagoona xiligaasi dowladda Sacuudiga la soo saxeexday heshiisyo muhiim ah oo dhanka iskaashiga ah. Madaxweyne Putin ayaa u muuqda mid aad u daneynaya dalalka Khaliijka gaar ahaan wadamada Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo iyagu waqti xaadirkan saaxiib dhow la ah hoggaamiyaha Mareykanka Donald Trump. Sida ay sheegayaan khabiiro daraaseeya arrimaha siyaasada, dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xaqiiqsan in saaxiibtinimada Trump ay wax badan seejisay, isla markaana la gaadhay waqtigii ay dhinaca saari lahaayeen hoggaamiyaha dalka Ruushka. Wadamadaasi ayaa sidoo kale waxa la sheegaya in cabsi baahsan ka qabaan wada-hadalka uu Mareykanku la furayo dowladda Iiraan, oo keeni karta isku soo dhowaansho Mareykanka iyo Iiraan ah, midaasi oo sababi karta in hoos u dhac weyn ku yimaado xidhiidhkii dowladahaasi Khaliijka iyo Mareykanka. Booqashooyinka Putin ee Khaliijka ayaa khabiirada qaar ku micneeyen mid dhabar jab ku ah xidhiidhka Trump iyo dowladda Mareykanka ee sida dhow ula howl-gala dowladahaasi, isla markaana shaki badan abuuri karta. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Millatariga Maraykanka ay dileen qofkii lagu waday inuu bedelo hoggaanka ururka IS kadib markii hoggaamiyihii ururkaas Abubakar Baqdadi la diley. Donald Trump ayaa boggiisa twitterka ku soo daabacay; ”Waxaa goordhow la ii xaqiijiyay in qofkii bedeli lahaa Abu Bakar Baqdadi ay dileen ciidamada Maraykanka.” Inkastoo aanu magacaabin Donald Trump qofka uu sheegay in la khaarijiyay ayaa hase ahaatee shalay warar soo baxayay waxa ay sheegayeen in la diley afhayeenkii ururka IS Abu al-Hassan al-Muhajir oo xil sare ka hayay ururka IS. Axadii aynu ka soo gudubnay ayuu Madaxweynaha Maraykanka Trump sheegay in howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Maraykanka lagu diley hoggaamiyihii ururka IS Abu Bakar Baqdadi. Sarkaal sare oo u hadlay wasaarada arrimaha dibada Maraykanka ayaa sheegay in al-Muhajir lagu diley howlgal kale oo gaar ah. Sidoo kale mas’uul u hadlay maleeshiyada Kurdishka ee YPG ayaa sheegay Axadii in al-Muhajir lagu diley howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ururka Kurdiyiinta iyo ciidamada Maraykanka Waqooyiga Suuriya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga aya noqotay dowladdii ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqii Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee u gurmashada dadka ay sameeyeen fatahaadaha xoogan ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa qoraal ka soo baxay waxa ay uga hadashay saameynta ka dhalatay fatahaadaha wabiyada Shabelle iyo Jubba, kuwaas oo ay ku barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed. Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in ugu horreyn ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay fahadahaasi, islamarkaana ay aad uga xun tahay dhibaatadaasi. Sidoo kale waxa ay wasaaradddi sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso gurmadka loo fidinayo dadka barakacayaasha ee ku dhibaateysan magaalooyinka ay ka mid tahay degmada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxibada dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraada dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreyso dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo Turkiga lagu xasuustaa gurmadkii uu dadka Soomaaliyeed u fidiyey sanadkii 2011-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar xoogan oo saameysay dadka iyo duunyada. Hadalka hadda ka soo baxay Turkiga ayaa waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo xaaladdii ugu darneyd ee fatahaada ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan HirShabelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The Ethiopian government will unveil new foreign relations policy soon, substituting the existing policy which has been in place for 24 years ago, a spokesperson for the Ethiopian Ministry of Foreign affairs said. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in dowrkoodi ay ka qaataan sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu ku saameeyeen Hiiraan Gedo iyo daadadka ka dhashey roobabka ka da’ay gobalka Baay. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in xubnaha Dowladda ay mushaharaadkooda qeyb ahaan ay u jaraan,si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkaasi Soomaaliyeed oo dhibaataysan. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa sheegay in loo baahanyahay in si isku mid ah loogu gurmado dadkaasi,sida ganacsatada wax haysata,culimaa’udiinka iyo qurba joogta Soomaaliyeed intuba. Fatahaadaha webiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa saameyn xooggan ku yeeshey dad badan,waxaa jira khasaare naf iyo maal oo ay ugu darantahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaa soo wehliya fatahaadda webiga Jubba ee Gedo iyo daadadkii ka dhashey roobabkii ka da’ay gobalka Baay. Waxaa soconaya dadaalo xooggan oo dowladda Soomaaliya iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ay ugu gurmanayaan sidii dadkaasi Soomaaliyeed loo garab istaagi lahaa. Guddigii ay dowladda Soomaaliya u magacowday howlahaasi gurmadka ayaa wada dadaalo ku aadan sidii samafal deg deg ah loo gaar siin lahaa dadkaasi,iyadoo magaalada Baladweyne dhawaan dowladdu ay gar gaar gaarsiisay. The post Madaxweyne Farmaajo oo mas’uuliyiinta dowladda ugu baaqay in ay mushaharkooda u jaraan caawinta dadka Fatahaaduhu saameeyeen appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
