Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka taagan dood la xidhiidha go’aan lagu magacaabay guddi qiimeeya inay xilalka u qalmaan iyo in kale masuuliyiinta xilalka loo magacaabo, ka hor inta aan golaha wasiirrada la horgeyn. Guddigan ayaa waxaa wareegto ku meel mariyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Muqdisho)-Almaas Elman Cali oo ahayd gabadh dhalinyaro ah ayaa goor dhawayd lagu dhex dilay Xerada Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Xalane, oo ku taalla Magaalada Muqdisho. Gabadhan oo wadatay gaadhi nooca raaxada ah ayaa waxaa la soo sheegaya in lagu dhex dilay Xerada Ciidanka Amisom, iyadoo aan la garanayn cidda dishay. Almaas Elman ayaa waxay hore u soo noqotay Xoghayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, sidoo kalena waxay ka shaqaysaa arrimaha xuquuqul insaanka. Almaas ayaa waxaa dhalay Elman Cali oo u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda aadanaha. Booliska Soomaaliya ayaan weli ka hadlin cidda dishay gabadhan oo samafal ahayd. Source
  3. Peace activist former Somalia’s first secretary at the embassy in Kenya, Almas Elman shot dead in a heavily fortified compound in Mogadishu on Wednesday. It is not immediately clear how the killing happened but witnesses say Almas succumbed to injuries sustained from gunshot wounds while undergoing treatment at the hospital. Other sources say it was a stray bullet that hit the victim. Sister to Nobel Peace Prize nominee, Ilwad Elman she served at the Somali Embassy in Kenya between 2016 and 2017. Her younger sister Lieutenant Col Imaan Elman is a member of the Somalia National Army. Their father, Elman Ali Ahmed, a peace activist was shot dead in March 1996 in Mogadishu. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI Oo Sheegay Inay Dib U Bilaabayaan Bannaanbaxyadii Haddii Aan La Sii Dayn Mas’uuliyiinta Xisbiga Ee Xidhan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in goor dhoweyd ay xabad ku dhacday u geeriyootay Almaas Elman Cali Axmed oo la dhalatay gabadha u sharraxan billadda Nabadda Nobelka ee Elwad Elman. Almaas Elman ayaa sida la sheegay xabadi ku dhacday xilli ay ku sugneyd xarunta ay deggan yihiin Safaaradaha iyo dibloomaasiyiinta reer Galbeedka ee loo yaqaanno XALANE oo kamid ah meelaha sida weyn amnigooda loo ilaaliyo. Balse weli faahfaahin iyo xog sugan lagama soo werin cidda ka dambaysay rasaasta ay ku dhimatay Almaas iyo halka laga soo riday midna marka laga reebo in la xaqiijiyay xabad in ay u dhimatay. Almas Elman oo mar soo noqotay xoghayaha joogtada ah ee Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya haddana waxay u ol’olayn jirtay xuquuqda Haweenka. PUNTLAND POST The post Almaas Elman oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha Somalilan Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta deegaanka Darar-weyne ee duleedka magaalada Hargeysa ka daah-furay mashruuc lagu tababarayo dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban. Madaxweynaha Somaliland waxaa munaasabadaas kala qaybgalay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada Booliska, Militeriga, Badda iyo Asluubta, wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, waxayna laga jeediyeen hadallo lagu dhiirrigelinayo saraakiisha da’da yaryar ee la filayo inay halkaas kasoo aflaxaan. Qaar kamid ah saraakiisha dhinaca tababarrada u qaabilsan ciidamada Somaliland iyo saraakiisha madaxda ka ah kulliyada tababarka oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay hoggaan ahaan u galeen in la hirgeliyo mashruuc lagu carbinayo da’yarta jaamacadaha kasoo baxday ee loo carbinayo sarkaalnimada, waxaana ay shaaciyeen inay diyaariyeen dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada ee dhallinyaradaasi u baahan yihiin iyo macallimiintii laylin lahayd saraakiishaas da’ da yar. Taliyaha ciidamada militeriga Somaliland, Gen. Nuux Ismaaciil Taani, ayaa nasiib iyo hoodo gaar ah ku tilmaamay in saraakiisha cusubi dalkooda dhexdiisa ku helaan dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada, sida dugsigii Hoose, kii dhexe, kii sare, Jaamacaddii iyo kulliyaddii tababarka saraakiisha, waxaana uu dhallinyarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan tababarka ay nasiibka u heleen, una dhabar adaygaan sidii ay u dhammaysan lahaayeen. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhallinyarada cusub ee loo carbinayo saraakiisha u jeediyey khudbad la xidhiidha hawlaha sugaya, muhiimadda iyo karaamada ku jirta inuu qofku kamid noqdo ciidamada kala duwan ee dal. Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in saraakiisha cusub ee loo carbinayo saraakiilnimada ay haystaan jidkii Somaliland lagu ilaalin lahaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaad bilaabaysaan jidka ah aniga naftaydu waa inay ilaalisaa dalka iyo danihiisa oo ay khatar walba u badheedhaa qof aan taas yeelinina garaaddona ma qaato askarina ma noqdo oo waa is yeel yeel uun.” PUNTLAND POST The post Somaliland oo dhalinyaro jaamiciyiin ah u tababaraysa saraakiil ciidan appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Cismaan Kujare ayaa ka hadlay muran ka taagan xubnaha guddiga doorashooyinka qaran, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Innaa Illaahay wa inaaa ilayhu raajucuun Waxaa goor dhaweyd lagu dilay Xeendaabka Xalane Gabar Dhalinyaro ah oo Soomaali ah Elmaas Elman, Baaris ayaa socota sababta [...] Source
  9. Muqdisho (SMN) – Almaas Elman ayaa waxaa lagu dhex-dilay xeradda Xalane ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Ma cadda qaabka uu u dhacay dilkeeda, balse saraakiisha xeradda ayaa ka gaabsaday in ay tafaasiil dheeri ah bixiyaan. Marxuumadda ayaa la dhalatay Ilwaad oo ka tirsan Qaramadda Midoobay isla markaana ah madaxa Elman Peace. Qoyska Elman Cali Axmed ayaa caan ka ah gudaha Soomaaliya, waxaana ay Almaas ay ka tirsaneyd safaaradda Soomaaliya ee Kenya. View the full article
  10. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu berri 10-ka subaxnimo la kulmo madaxda xisbiyada qaran ee dalka. Mas’uuliyiin ka tirsan xibsiyada oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya inuu sidaa ay uu ku soo wargeliyey agaasimaha madaxtooyada. Lama oga ajendaha uu rabo madaxweynaha inuu kala hadlo xaisbiyada laakin tani waxaa ay imaaneysaa maalin kadib kulanka isaga oo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo labaduba ka tirsan madasha xisbiyada qaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Almaas Elman Cali Axmed oo ka tirsaneyd qoyska caanka ah ee reer Elman ayaa ku geeriyootay gudaha xraunta Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogeyaal. Almaas ayaa sida la sheegay waxaa ku dhacay xabad. Inkasta oo aysan weli ka caddeyn, haddana waxaa wararka intooda badan ay sheegayaan inay ahayd xabad wiifto ah. Almaas ayaa horey u ahayd xoghayahii koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Kenya, waxayna hadda ka tirsanryd hey’adda Elman. Almaas ayaa la dhalatay Ilwad Elman oo ka tirsan QM, iyo Iman Elman oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
  12. Xoghayahii koowaad ee hore ee safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kana tirsan hey’adda Elman ee Almaas Elman ayaa goordhow lagu dilay gudaha Xalane. Ilaa hadda lama oga sababta dhabta ah laakin wararka waxaa ay sheegayaan in xabad lagu riday gaarigeeda oo ku socday gudaha Xalane. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdifataah Ismaaciil Daahir oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga UPD, oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku eedeeyey Villa Somalia inay ka been sheegtay ajandeyaasha kulanka Farmaajo iyo madaxdii hore ee dalka. Cabdifataah Daahir oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay in Madasha Xisbiyada ay la yaabtay in Villa Somalia ay isku dayday inay beddesho ajandeyaashii la isku raacay kuna soo koobtay kaliya hal qodob oo ah, sidii dalka ugu dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta Villa Somalia. “Tani waa kalsooni xumo ka timid dhanka dowladda, xitaa ka hor inta aysan billaaban wada-hadallada. Ajandeyaashii la isku raacay waa kuwa ka baxsan doorashada.” Ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in ajandeyaasha ay ka mid yihiin, sidii ay dowladda u bixin lahayd raali-gelin shaacsan, ilaalinta sareynta sharciga, iyo khilaafka maamul goboleeyada iyo dowladda. Goor sii horeysay, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in kulanka looga hadlayo shan qodob oo kala ah. 1 – Dastuurka iyo shuruucda dalka in ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah. 2 – Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro in umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan. 3 – Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe in xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan. 4 – Gobolka Banaadir iyo dadkiisu in ay xuquuq u yeeshaan in ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka. 5 – In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa.
  14. Shirkadda Duulimaadyada Diyaaradaha ee Africa ayaa bilowday duulimaad toos ah oo ay ku tegeyso magaalada Baraawe ee gobolka Shabelaha Hoose. Diyaarad sidey mas’uuliyiin iyo rakaab ayaa gaartay magaalada xeebta ku taal ee Baraawe iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay ee duulimaad toos ah laga bilaabo labada magaalo ee Muqdisho iyo Baraawe. Maamulka Shirkadda Duulimaadyada Diyaaradaha ee Africa Airways ayaa sheegay in duulimaadyada shirkadda ay ka faa’ideysan doonaan ganacsatada,Xujeeyda,Bulshada iyo dadka qurbajoogta ah ee daneeynaya inay tagaan magaalada Baraawe Ee Xarunta Dowlad Goboleedka KoofurGalbeed. Shacabka ku nool degmada Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee maamul goboleedka Koofurgalbeed ayaa soo dhoweeyay duulimaadyadan. Duulimaadkaan ay bilawday Shirkadda Duulimaadyada Diyaaradaha Africa Airways ayaa Imaanayo xili dib u dhis uu ka socdo Degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.
  15. Muqdisho (SMN) – Ciidamo ayaa isku rasaaseeyay meel ku dhow isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho. Askarta is-xabadeysay ayaa lagu waramayaan in ay ka kala tirsanaayeen Taliska Asluubta iyo kuwa ammaanka ee halkaas ka akdhowaa. Ma cadda sababta keentay iska hor-imaadka oo ilaa iyo haatan aanan la hubin hadii ay jiraan waxyeelo ka dhashay. Xaaladda meesha ay haatan wax ka dhaceen ayaa ah mid degan, waxaana lagu waramayaa in la kala qaadey askarta. Inta badan dhacdooyinka noocaan ah ayaa waxaa laga soo wariyaa Muqdisho iyo qaar kamid ah goboladda waddanka. View the full article
  16. Q Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil w Weedhsame oo ka mid ah abwaanad dhaqanka Somaliland ayaa qoraal uu bartisa facebook soo dhigay kaga hadlay nimaadka maanta xukuumada madaxweyne biixi u wado dalka , muraanka ka dhex aloonsan xisbiga Waddani iyo xukuumada Madaxweyne Biixi “ GAR-DIID WAA ALLE DIID Dawladnimadu maaha cudud kolba cidda madaxda ahi ku meel marsato waxa ay rabto, mana aha ul lala dhaco kolba cidda loo arko inay qabto aragti ka soo horjeedda danaha siyaasiga ah ee uu hoggaanku ku sed-bursanayo. Dawladnimadu Waa talo-wadaag iyo wada-noolaansho ku salaysan xeerar iyo qawaaniin loo siman yahay oo qof kasta oo muwaadina xaqiisa siisa, isla markaana ka xakamaysa inu ku xad-gudbo dadka kale ee uu la nool yahay. Dawladnimadu waa dallad muwaadiniintu wada hadhsadaan iyo gabbood kaga gaashaaman cadaawe dibada kaga yimaada. Nin kasta oo madax ah cidda awoodda siisaa waa shacabka. Ujeedka awoodda loo siiyeyna maaha inu ku fushado danihiisa gaarka ah iyo danihiisa gurracan ee siyaasiga ah, balse waa inu ku ilaaliyo dadka dantooda, diintooda iyo dalkooda. Waxa loo siiyey awoodda inu kaga shaqeeyo wada-jirka, walaalnimada, is-weheshiga iyo is waaceensiga ummadda caleemo-saaratay. Awoodaha shacabku ku siiyo waa lagu mideeyaa ee laguma kala qaybiyo, waa loogu shaqeeyaa ee lagagama shaqaysto, dadka ayaana lagu ilaaliyaa ee iyaga la isagama ilaaliyo. Madaxnimadu maaha dantaada gaarka ah oo loo xusul-duubo, balse waa in loo halgamo taabo-gelinta danta-guud. Madaxnimadu waa ka fikirka waxa ummadaada wanaajinaya, balse maaha helitaanka waxa iyagana weydda ka dhigaya adigana waafiga kaa dhigaya ee wadiifadda aad ku taabayso. cago-juglaynta, cabudhinta, cadaadinta iyo cabsi gelinta xilka laguma haysan karo, buuqa iyo kicinta dadkana xilka laguma heli karo, haddii lagu helana laguma hanan karo. Qof kasta oo madax ahina wuxu sharaf beelaa markuu isagu sharciga ka tallaabsado, shacabkana dhegaysan waayo ee uu shafka garaaco. Maantana xayndaabka miyir-qabka hadday xukuumaddu ku soo noqon weydo, fili maayo jidkan qodaxda leh ee ay qaaday inay dadka ku sii dhiqi karayso. Xisbiyada mucaaridka ahna waxan ku baraarujinayaa inay kaalin waayeelnimo ay qaataan oo aanay shacabka dhiillo gelin. اللهم هل بلغت Source
  17. MOGADISHU (HOL) - Almaas Elman the sister of the renowned human rights activist Ilwad Elman was Wednesday afternoon shot dead near Halane compound in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa isgoyska Ex Control Afgooye gaar aahan meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Rasaas culus ayaa ka socoto agagaarka taliska Ciidanka Asluubta, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Ciidamo ka wada tirsan dowladda ay dagaallamayaan. Ciidamada dagaalamayo ayaa sheegay inay kala yihiin kuwa ka tirsan Ciidamada Asluubta iyo ciidamada ilaalada ah ee Jidka uu dhismaha ka socdo ee Ex Control Afgooye. Dagaalka ayaa socdo muddo ka badan 30 daqiiqo, waxaana la maqlayaa rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ay isku adeegsanayaan ciidamada dagaalamayo. Illaa hadda si rasmi ah looma ogo sababta keentay inuu dagaalkaas bilowdo, waxaana istaagay dhammaan isku socodka gaadiidka iyo Dadweynaha ee Isgoyska Ex Control Afgooye. Waxaa jiro khasaaro ka dhashay dagaalkaas, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online, Insha Allah
  19. Ku dhowaad hal saac waxaa Ex-control ka socday dagaal u dhexeeya ciidanka asluubta iyo kuwa ilaalo u ah shirkadda dhiseysa laamiga xiriiriya Muqdisho iyo Afgooye. Dadka deegaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in xabado maqlayaan isla markaana ay cabsi dareemayaan iyaga oo qaarkood qarka u saaran iney naftooda la baxsadaan. Dagaalkaas dhacay ayaa sababay in ganacsiyadii oo furan laga kala cararo, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa inuu sii fido. Isku socodkii dadka iyo gaadiidka ayaa gabi ahaanba istaagay waxaana sabab u ah dagaalka u dhexeeya Ciidanka Asluubta iyo kuwa ilaalada u ah shirkadda laamiga dhisaysa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya inuu halkaas ka bilowday kulan xasaasi ah oo uu dhaxeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Famaajo iyo madaxweynayaashii dalka soo maray ee Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Kulanka ayaa hadda ku bilowday qado sharaf madaxtooyada loogu sameeyey madaxweynaashii hore ee Soomaaliya. Qadada kadib ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo kulanka u dhaxeeyo seddexdaan Mas’uul. Kulanka ayaa ah mid gaar ah oo ay kaliya ka qeyb geli doonaan Labadii Madaxweyne ee dalka horey usoo maray oo matalayo Madashada xisbiyadai iyo Madaxweyne Farmaajo. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir saxaafadeed isugu yeeray Wariyeyaasha saacadda marka ay tahay 4-ta galabnimo, si loogu la faah faahiyo marka uu soo dhamaado kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashi hore. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Ajanadaha kulanka uu yahay sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah iyo sidii ay madaxdii hore ugu garab siin lahaayeen Dowladda. Balse Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Madashada xisbiyada ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qodobo badan oo looga wada hadli doono kulankaan oo kala ah: 1) Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah. 2) Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan. 3) Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan. 4) Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka. 5) In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online
  21. Muqdisho (SMN) – Waxa goor dhow ka bilowday xarunta madaxtooyada ee magaaladda Muqdisho kulan u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo iyo qaar kamid ah hogaamiyayaasha ururrada mucaaradka. Kulanka ayaa waxaa lagu lafo gurayaa xaaladda siyaasaddeed ee dalka gaar ahaan arimaha ku xeerran nooca doorasho ee dalka ka dhici kara sanad kadib iyo khilaafka dawladda dhexe iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada. Shirkan ayaa yimid kadib markii madaxweynuhu casuumaad u diray madaxdii isaga ka horeysay oo hadda ku mideysan madasha xisbiyada isla markaana aad u diidan qaabka hadda dawladdu wax u maaranayso. Waxyaabaha la filayo inay ka wada hadli doonaan waxaa kamid ah arrimaha doorashooyinka sannadka 2020-ka, sida uu bartiisa Facebook ku sheegay madaxa warfaafinta ee xafiiska madaxweynaha. “Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray xarumaha Wasaradda Warfaafinta, Haweenka , Kalluumeysiga, ganacsiga, Beeraha iyo xanaanada Xoolaha. Kormeerka ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hannaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaradaha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay ku leeyihiin tubaha Qaranka iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta. Ra’iisul Wasaaraha oo Wasaaradaha uu kormeeray ugu tagey howl-wadeenno ku jira shaqooyinka Qaranka, ayaa ka xog wareystay xaaladda shaqo, Wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu ku dhiirri geliyay howl-wadeennada Qaranka in ay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha Dastuurka Mudane ; Saalax Axmed Jaamac, ayaa Guddoomiyay shir ay Wasaaradda arrimaha Dastuurka, Gudigga la-socodka dib u eegista Dastuurka iyo Guddigga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ay la yeesheen hay’adaha Beesha Caalamka ee ku lugta leh arrimaha Dastuurka. Shirka oo ay kasoo qaybgaleen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka labada guddi, madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin ka kala socotay UNSOM, Norway, Sweden iyo Switzerland, ayaa waxaa ugu horeyn shirka furay Wasiir Saalax Axmed Jaamac isagoo ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dhameeystirka dastuurka. “Innaga ka wasaarad ahaan iyo labada guddi ee aan wada-sahqeeyno waxaan oran karnaa in boqolkiiba sideetan (80%) lagu guuleystay dhameystirka dastuurka kuwaa oo ah arrimaha u baahan farsamada qoraaleed, waxaa inoo dhiman waa arrimaha u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed oo iyagana aan ku rajo weynahay in la dhameeystiro horaanta sanadka soo socdo” ayuu yiri Wasiirka. Xubnihii matalayay Beesha Caalamka ayaa waxay bogaadiyeen waxqabadka hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka iyagoo ballanqaaday inay sii joogteyn doonaan taageerada ay ku bixyaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka. Waxay sidoo kale sheegeen in ay aaminsan yihiin seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka inay ka miro-dhalin doonaan geedi-socodka lagu dhameeystirayo dastuurka. Dhanka kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo xubno ka tirsan labada Guddi ayaa waxay sameeyeen soo jeedin ku saabsan qorshe howleedka seddexda hay’ad. Ugu dambayn, Wasiir Saalax oo soo xiray shirka ayaa beesha caalamka u mahadceliyay isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-20112019.mp3 View the full article