Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Workers in Japan took Fridays off, and productivity went up 40 percent. Source: Hiiraan Online
  2. Dowladda Turkiga oo sheegtay in ay qabatay haweeney la dhalatay hoggaamiyihii ISIS Abubakar al-Baghdadi Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigtay haweeney la dhalatay hoggaamiyihii ISIS ee dhawaan Mareykanku ku dileen duleedka magaalada Idlibee dalka Suuriya Abu Bakr al-Baghdadi. Turkiga oo ay ciidamo ka joogaan Suuriya ayaa intaa ku daray in gabadha ay qabteen ay ka weyn tahay al-Baghdadi islamarkaana ay ku qabteen waqooyi-galbeed ee dalkaasi Suuriya. Haweeneydan la qabtay oo da`deeda 65 sano jir lagu sheegay ayaa laga soo qabtay hoy konteenar ka sameysay oo ay la daganeed qoyskeeda magaalada xuduudda dhacda ee Azaz islamarkaana ay gacanta ku hayaan ciidamada Turkiga. Maalmo ka hor ayuu Mareykanka ku dilay duleedka magaalada Idlib ee dalkaasi Suuriya hoggaamiyihii ISIS Abu Bakr al-Baghdadi kaas oo in badan ay baadigoobayeen. Ma cadda dambiga ay leedahay haweeneydan iminka ay Turkigu gacanta ku dhigeen marka laga reebo in ay la dhalatay Abu Bakr al-Baghdadi. Qaran News
  3. Sen. Ted Cruz (R-Texas) said Monday it was "reprehensible" that Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) was receiving death threats. Source: Hiiraan Online
  4. Cunsurigii weerarka ku qaaday masjidka oo maxkamad lasoo taagay, kana hadlay sababta ku kaliftay Waxaa maanta mar kale maxkamad lasoo taagay Philip Manshaus oo lagu eedeynayo warar argagixiso dhicisoobay oo uu ku qaaday isagoo hubeysan masjidka al-Noor ee degmada Bærum, dalka Norway. Philip Manshaus oo maxkamadda kusoo galay salaanta caanka ah ee ay adeegsadaan cunsuriyiinta ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta ku kaliftay in uu ku dhaqaaqo falkii uu geystay, waxaana ay maxkamaddu siisay afar mirir oo uu kaga hadlay arrintaasi. Waxa uu sheegay in dowladaha reer galbeedka ay ku hungoobeen in ay ilaaliyaan jiritaanka dadka caddaanka oo eysan ku dhex qasmin dadka kale ee aan u muuqaal ekeen, sidaas daraadeedna uu isaga iyo ragga la midka ah ay hubka u qaateen in ay difaacaan jiritaankooda oo uu sheegeen in uu yahay mid mugdi sii galaya marba marka ka dambeysa. ” Maadaama arrinkeena si nabadgelyo leh aan u xallisan weynay, waxaan doorbidnay in aan hubka qaadno, waxna dilno”, ayuu yiri Philib. Maxkamadda maanta oo aheyd mid gaaban oo xukunka inta ay baaristiisu socoto loogu dheereynayay ayay maxkamaddu ku xukuntay afar isbuuc oo hor leh. Ninkan oo ku hubeesnaa qori darandoori u dhaca ayaa masjidka deegaanka Bærum ee duleedka Oslo ku furay rasaas, balse waxaa hakiyay oo qoriga kula dhagay labo waayeello ah oo ka mid ah jameecada masaajidka. Baaris boolisku ku sameeyeen gurigiisa ayaa waxa ay ka heleen meydka gabar ay “walaalo” ahaayeen oo ay waalidkiis soo korsadeen taas oo kasoo jeeday asal ahaan dalka Shiinaha. Gabadhan ayaa la sheegay in uu dilay ka hor inta uusan u dhaqaaqin dhanka masjidka. Ujeedka weerarkan ayaa looga shakisan yahay fal cunsurinimo oo neceyb ajaaniibta ah, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah odayaashii qabtay. Qaran News
  5. Azerbaijan is ready to continue its support to those in need in Somalia and other countries of the region, Source: Hiiraan Online
  6. Fragile and conflict-affected states in Africa currently account for about one-third of those living in extreme poverty worldwide. These states struggle with tradeoffs between development and stabilization, t Source: Hiiraan Online
  7. Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Qatar Sheikh Mohamed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa ballan-qaaday in Qatar ay sii wadi doonto inay taageere weyn u ahaato Soomaaliya. Al-Thani ayaa sidoo kale sheegay inaysan ka gaabin doonin inay siiso kaalmooyinka lagama maarmaanka u ah qorshaha horumarinta dowladda Soomaaliya, ayada oo lala kaashanayo Bankiga Adduunka iyo QM. “Dowladda Qatar waxay dhowaan Soomaaliya siisay 25 milyan oo dollar oo caawimaad ah, si ay ugu bixiso yareynta deynta Bankiga Adduunka” ayuu yiri Al-Thani. Wasiirka arrimaha dibedda Qatar ayaa sheegay in Qatar ay sidoo kale taageeri doonto horumarka amniga Soomaaliya, barnaamijyada lagu xoojinayo dhaqaalaha, mashrcuuyada dib u heshiisiinta, iyo in shaqo loo abuuro dhallinarada. Sheikh Mohamed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa hadalkan ka sheegay kulanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee ururuka Iskaashiga Islaamka, oo Qatar ay marti-gelisay, halkaas oo uu ka jeediyey khdubaddii furitaanka. Kulanka Doha ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, wasiirka arrimaha dibedda Azerbaijan Elmar Mammadyarov, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo xubno kale. Wasiirka arrimaha dibedda Qatar, ayaa ku baaqay in lasii wado dadaallada lagu soo geba-gebeynayo dhismaha tiirka dimoqraadiyadda Soomaaliya, islamarkaana doorashada Soomaaliya ee 2021 lagu qabto waqtigeeda. “Waxaa jira caqabado badan oo weli ay Soomaaliya wajaheyso, waana inaan siinnaa dhammaan taageeradeenna si ay uga gudubto. Waxaa caqabadahan ugu weyn argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wadata” ayuu yiir. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahad celiyey Qatar inay marti-gelisay kulanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya iyo “taageerada joogtada ah ee ay siiso” Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Doha caasimada@live.com
  8. Guriceel (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Ururka Al-Shabaab ayaa soo gaaray deegaano hoos-tagga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, maalin uun ka dib markii ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Somaliya. Ciidamada Dowladda oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa Axadii bilaa dagaal kula wareegay Magaalada Guriceel, saacado yar uun ka dib markii ay isaga baxeen Xoogaga Ahlu Sunada Gobolada Dhexe. Dagaal-yahanada Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa xalay lagu arkay Deegaanada Waradhuumale iyo Dhagaxyaale ee duleedka Magaalada Guriceel. Tani ayaa timid markii ay deegaanadaasi baneeyeen Xoogaga Ahlu Sunna. Ma cadda in dagaal-yahanada Ururka Al-Shabaab ay ku wajahan yihiin Magaalada Guriceel iyo in kale. Ahlu Sunada Galmudug oo khilaaf toddobaadyadii la soo dhaafay soo jiitamaayay kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Somaliya ayaa waxaa Axadii gacanteeda ka baxay Magaalooyinka Guriceel & Matabaan. Ciidamada Dowladda ayaana bilaa dagaal kula wareegay magaalooyinkaasi. Ahlu Sunada Galmudug ayaa ahayd awood muuqato oo qaybo ka mid ah Gobolada Dhexe ka caabineysay Shabaabka hubeysan ee dagaalka kula jira Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika. Ururka Al-Shabaab ayaa laga cabsi qabaa in ay ka faa’iideystaan khilaafka xilligan Ahlu Sunada Gobolada Dhexe kala dhaxeeya Dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo kasoo baxday hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa militryga ay xad gudubyo xad dhaaf ah u geystaan dadka Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka ku yaala xaduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya. Warbixintaan oo aad u dheer laguna qoray wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay inay xad dhaaftay dambiyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee ay u geystaan ciidanka Kenya dadka Soomaaliyeed marka Al-Shabab weerar geysto. Hay’adda Human Rights Watch waxay warbixntaan ku sheegtay inay diwaan galisay in ka badan 88 kiis oo ay ciidamada Kenya geysteen. Meesha ay warbixintaan sida gaarka ah u dul istaagtay waa tuulo la yiraahdo oo ka tirsan ismaamulka Mandheera. Tuuladaan dadka ku nool waxay ku joogto u yihiin cabsi ay qabanaan ciidamada militryga Kenya ee KDF loo yaqaan kuwaasoo dila xira jir dilna u geysta dadka magaalada marka la weeraro ayagoo jidka maraya. Magaaladaan ceelashii biyaha waa laga xabaalay waxaana ay u doontaan meelo fog fog waxaana dhibaatadaas u geystay ciidamada Kenya. Mar kasta oo ay maqlaan in ciidamada gaadiidkoodu kusoo dhaw yihiin waxaa laga baxaa magaalada habeenkiina si dareen leh ayaa lagu joogaa sida ay sheegeen dadka degan. In ka badan inta ay ka qabaan Al-Shabab ayay naftooda kala baqaan ciidamada Kenya dadka Soomaaliyeed ee xaduuda degan ayaa lagu yiri warbixintaan lagu daabacay wargeyska The Washington Post ee Maraykanka kasoo baxa. Warbixintaan waxaa lagu sheegay in 8 sanno ee ay ciidamada Kenya ku sugan yihiin Soomaaliya inay aad u bartilmaameysteen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan markii ciidamadu la kulmeen weeraro Al-Shabab kaga yimiid. Ciise Axmed waxaa uu ka yimid yahay dadka degan tuuladda Ceel Kutulo la yiraahdo waxaana uu u sheegay guddiga warbixintaan diyaarshay in cabsi darteed ay qoteen godad ay ku dhuuntaan. “Waan cararnaa oo dhuumanaa mar kasta oo aan helno war sheegaya in ciidamadu soo socdaan” ayuu yiri Ciise. “Dadka halka degan waa muwaadiniin Kenyan ah haddana cabsi ka badan tan aan ka qabno Al-Shabab ayaan ciidamada Militryga ka qabnaa” ayuu sidoo kale yiri. Guddiga ka socda hay’adda Human Rights Watch waxay sheegeen inay la kulmeen shaqsiyaad inta ciidamada Kenya xireen oo lasii daayay hase ahaatee cabsi diiday darteed diiday inay ka hadlaan wixii ay la kulmeen. “Ciidamada Kenya wixii doonaan ayay sameeyaan mana jirto cid la hadasha ama na celisa” waxaa sidaas yiri nin kale oo dadka degaanka ah oo la yiraahdo Max’ed Cilmi. Max’ed waxaa uu adeer u yahay C/qaadir Cilmi oo 34 sanno jir ahaa oo ay ciidamada Kenya dileen markii miino loo dhigay kolonyadooda meel yuuladooda u dhaw. Ninkaan waxaa uu sheegay inay habeenkii ayagoo dareen qaba seexdaan. Cadaadiska ay ciidamada Kenya ku hayaan Soomaalida dhulkooda ay Kenya maamusho waxay keentay in dhalinyaro badan ay hubka qaataan ama ay ku biiraan Al-Shabab. Xoggo wargeyska aanu xiganayno ee Washington Post helay waxay muujinayaan in boqolaal dhalinyaro ah oo deganaa Kutulo ku noolaa ay carro darteed Al-Shabab ugu biireen. Sababta wargeysku waxaa uu ku sheegay inay tahay kadib markii ciidamada Kenya ay degaankaas ka xireen macalin dugsi Qur’aan maalmo kadibna meydkiisa lasoo dhigay degaan kale ee u dhaw oo la yiraahdo Caws Mudul. Meydka macalinkaas waxaa la dhigay meel waddo dhinaceed ah. Human Rights warbixintaan ay diyaarisay oo ay ku magacawday xad gudubyada bustaha ku hoos jira waxay sidoo kale ku sheegtay in ciidamada Kenya ay gacantooda willi lagu tuhmayo toboneeyo ruux oo aan willi raqdooda iyo ruuxdooda la helin. Dawlada Kenya waa ay dafirtay eeda loo soo jeediyay sida ay shaaciyeen guddiga qaran ee xaquuqda aadanaha Kenya. Haweeneyda guddigaan madaxda u ah Jedidah Waruhiu ayaa sheegtay inay jirin eeda ciidamada Kenya loo jeediyay waxaana ay intaa ku dartay inuu jirin wax xog ah oo xafiiskooda soo gaaray. Jedidah Waruhiu waxay xustay waxay ku eedeysay dadka degan tuuladda warbixintu xustay inay diideen inay la shaqeeyaan guddi baara kiiskooda oo loo diray sidoo kalena ay ka jawaabi waayeen su’aalo arrintaan laga weydiiyay. Wargeyska Washington Post waxaa uu sheegay inuu ogaaday in dawlada Kenya ay diiday inay la shaqayso guddiga xaquuqda aadanaha ee Q,M ka socday. Dawlada Maraykanka oo ciidamada Kenya ka caawiya dagaalka ay Al-Shabab kula jirto ayaa sheegay inay ka naxeen warbixintaan waxaa ay sheegeen inay baarayaan. Afhayeen u hadlay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika Desiree Frame ayaa sheegtay inay ciidamada Kenya baraan illaalinta xaquuqda aadanaha. Dadka falanqeeya arrimaha amaanka waxay aaminsan yihiin in haddii ay ciidamada Kenya sii wadaan dhibaatada ay u geysanayaan dadka shacabka ah ay cadowgooda badsanayaan waxaana ay keenaysaa in Al-Shabab ka faa’idaysto oo ay dhalinyaro badan qoraan. Dhawr mar ayay soo baxday eeda ah in ciidamada Kenya ay ku xad gudbaan dadka shacabka ee ku nool magaalooyinka xaduuda ku yaala iyo xataa gudaha Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanha-Wararka-04112019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka in ay si qaldan u fahmeen nidaamka Federaalka ee dalka lagu maamulo. Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka ay masuul ka tahay guud ahaan dalka, isagoo hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho. Waxa uu hadalkiisa si gaar ah diiradda ugu saaray madaxda Maamul goboleedyada dalka isagoo sheegay in si sharci darro ah ay ugu dhoofaan dalalka caalamka oo uu sheegay in ay kula kulmaan Madaxweyneyaal dalalka ay tagaan, isla markaana ay taasi sharci darro tahay la iskuna maxkamadey karo. “Hadda ka dib majiri doono in Madaxweyne maamul goboleed uu la kulmo Madaxweyne dal kale, isaga oo aan fasax ka heysan dowladda federaalka, sida horay u dhici jirtay waa ay iska kala kulmi jireen, iyada oo xataa dal cadow ah u safray” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maareeye. Madaxda maamul goboleedyada qaar ayuu ku eedeeyay in ay isku arkaan dal ka madax banaan Soomaaliya oo waxa ay doonaan samayn kara, sidoo kalana qaada kara go’aanno aysan la ogayn dowladda federaalka, isagoo ku goodiyay in taasi dhamaatay hadda wixii ka dambeeya. Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday khilaafka Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowadda deferaalka ayaa waxa uu sheegay in Ahlu-Sunna ay tahay Urur dalkaan wax badan u soo qabtay dowladdana kala shaqeeyay la dagaalanka argagixisada. Waxa uu sheegay in hadda lagu howlan yahay xalinta khilaafka Ahlu-Sunna iyo dowladda dhexe, isagoo ka dalbaday in ay ilaaliyaan heshiiskii ay la gashay dowladda oo ay wada ogolaayeen dhamaan madaxda Galmudug oo uu ugu horeeyay madaxweynihii maamuka. Hadalka Maareeye ayaa ku soo aadayaa xilli uu khilaaf xoog leh ka dhex jiro dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, sida Jubbaland iyo Puntland, waxaana xusid mudan in madaxda maamuladaas ay dhawr mar oo hore ay safarro ku tageen dalal ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo kuwo kale. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xil u magacowday wiil uu dhalay duqii hore ee Muqdisho AUN Eng. Cabdiraxaan Cumar Yariisow. Digreeto ka soo baxay Wasiirka Arrimah Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Yariisow loogu magacaabay Xoghaye Kowaad ergada Soomaaliya ee NEW York. Maxamed Cabdiraxmaan Yariisow ayaa warbaahinta ka soo muuqday markii aabihii duqii hore ee Muqdisho uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxii bishii July ee sanadkan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. Maxamed markii aabihiis dhintay waxaa la kulmay madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya. Maxamed waa nin dhalinyaro ah oo ku soo koray qurbaha, gaar ahaan dalka England. PUNTLAND POST The post Ina Eng. Yariisow oo xil loo magacaabay appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Ciidanka dab-demiska Somaliland ayaa sheegay in ay xoojiyeen hawlihii ay bulshada u hayeen, maadaama oo xili roobaadyada ay iman karaan arrimo bulshada dhib u gaysayn kara oo dabku ka mid yahay. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka deb-demiska qaranka ayaa lagu sheegay in maalmihii u dambeeyay heegan ay galeen ciidankaasi sidii looga taxadari lahaa Roobab Dabaylo wata oo maalmihii u dambeeyay la saadaalinayay inay ka da’ayaan guud ahaan Gobollada Somaliland. Warkaas waxa kaloo lagu sheegay in ciidanka dab-demisku ay wada shaqayn dhaw la leeyihiin Hay’adda ka hortagga Masiibooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranka, oo soo xiganaysa hay’addaha saadaasha Hawada ee Geeska Afrika iyo kuwo caalamiga ah, iyadoo saadaalahaasi sheegayaan in roobabkaasi ku soo beegan yihiin dhulka Xeebaha Somaliland. Qaar ka mida degaannada Somaliland ayay maalmihii u dambeeyay ka da’een roobab aan wax khasaare ah gaysan, iyadoo masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka Somaliland ay dadweynaha uga digeen halisaha ka dhalan kara roobabkaas. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa xafiiskeeda kulan kula yeelatay madaxa iskaashiga iyo horumarka ee safaarada Sweden ee dalka kiiniya Ms. Amra Turcinhodzic. Waxana kulankaas Wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/rashiid Ibraahin Sheekh C/raxmaan. Wasiirka wasaaradda Shqogalinta Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo kulaankaas ka dib u warrantay warbaahinta ayaa sheegtay intii uu kulankaasi socday in lagaga wada hadlay xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddanka Sweden gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee uu Sweden ka wado Somaliland iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Wasiir Hinda Gaani waxay intaas ku dartay in masuuliyiinta xafiiska iskaashiga iyo horumarinta safaaradda Sweden ee dalka Kiiniya ay qiimayn ku samaynayeen mashaariicdii kala duwanayd ee ay fulinayeen hay’adaha caalamiga ah ee ay soo mariyeen, iyadoo sheegtay in masuuliyiintaasi ay bogaadiyeen horumarka balladhan ee ay Somaliland ku tallaabsatay. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameed Ka Hadlay Amniga Gobolka Awdal, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Wasiirka warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyay in Dowlada Soomaaliya ay ogeyd in wafdigii Kenya ee ka qeybgalay caleemo-saarkii Axmed Madoobe ee Kismaayo. Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo la hadlay BBC Somali ayaa sheegay in wafdigii tagay Kismaayo ay halkaas ku tageen “ogolaanshaha dowladda Soomaaliya. Balse wasiir Maareeye ayaa yiri: “Warka uu sheegay agaasimaha guud meelo badan ayuu taabanayaa, laakiin qodobka ah diyaarad iyo madaxda Kenya ka tirsan kuma xadgudbin Soomaaliya waa war aan waxba ka jirin”. “Waa la ogyahay in dowladda Soomaaliya ay warqad soo saartay oo ay tiri diyaarad kasta oo Kenya ka imaaneysa ceddii doonta ha saarnaatee, waa in ay soo martaa Muqdisho, taas ayay wafdiga iyo diyaaradda tagtay Kismaayo ay jebiyeen,” ayuu yiri wasiirka. Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in diyaaradda sidday wafdiga aysan ahayn mid Kenya laga leeyahay oo ay ahayd mid Soomaaliya laga leeyahay, sidaas daraadeedna aysan Kenya sameyn “wax khalad ah”. ”Dadka Kenya ee jooga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwii dhawaan halkaas u tegay sidii ay ugu dabbaaldegi lahaayeen guusha doorashadii xorta iyo xalaalsha ahayd ee sida nabdoon uga qabsoontay Jubaland, waxay halkaas ku joogeen aqoonsi iyo oggolaansho ay ka heysteen dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya. “Qasab kuma aysan tegin halkaas, dowladda Soomaaliya si buuxda ayay uga warheysay”, ayuu hadalka ku sii daray Macharia Kamua oo BBC la hadlay. Diyaaradda ay Kenya sheegtay in Soomaaliya laga leeyahay, ayuu wasiirku sheegay in cidda diyaaradda saarneyd ay tahay “kuwa ay iyagu haystaan balse aysan diyaaradda ahayn. Wuxuu yiri Maareeye: “Madaxdii diyaaradda saarneyd ma jirin wax oggolaansho ah oo ay ka haysteen Soomaaliya, iyo wasaaradda arrimaha dibadda oo ay dalka ku galaan.” Wafdigii ka socday Kenya ee ka qeybgalay caleemasaarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waxaa hoggaaminayay Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya iyo Sanetar Yuusuf Xaaji oo laga soo doorto Gaarisa. Labada dal waxa u dhexeeya khilaaf muddo soo jiitamayay oo ka dhashay muranka xuduudda badda. Kisskaas oo Soomaliya ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) waxa la dhageysan doonaa bisha June ee sannadka soo socda. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay arrintaas iyo khilaafka ka dhashay wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ilalineyso xiriirka labada dal. “Arrinta badda nidaam maxkamadeed ayay ku jirtaa, maxkamadda ayaa dib u dhigtay, laakiin annaga mowqifkeennii ahaa in maxkamad lagu kala baxo waxba iskama beddelin, ma jiro wax wada hadal ah oo aan ka qeyb galeyno. Mowqifka dowladdana waa cad yahay.” Ayuu yiri wasiirka. Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau, ayaa dhankiisa sheegay in hadda, xiriirka labada dal uu wanaagsan yahay, inkastoo ay jeclaan lahaayeen in arrinta badda lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ. Xigasho: BBC Somali
  17. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Maareeye, ayaa maanta qabtay shir saxaafadeed. Maareeye ayaa kulan warbaahineedka uga hadlay xaaladaha Beledwayne iyo qodobo kale oo ku saabsan guud ahaan waddanka. Ugu horeyn, wuxuu shaaca ka qaaday in dowladdu gurmar degdeg ah gaarsiin doonto gobolada kala duwan ee waddanka. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu caalamka ugu baaqay in ay dowladda ku garab siiyaan sidii ay gargaar u gaarsiin lahayd dadkaas. Dhinaca kale, hogaanka Ahlu Sunna oo ay xukuumada federaalka is-hayaan ayuu ku waaniyey in ay joojiyaan carqaladeynta Galmudug. Mr Maareeye ayaa ku booriyey in ay qayb ka noqdaan dedaalada dib loogu dhisayo Galmudug iyo hagaajinta dowladda Soomaaliya. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Khamiis.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 9aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa: Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Maamulka Maaliyadda guud . Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Waasarada maaliyada ayaa waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim. Wasiru doowlaha ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan mudo laga soo shaqeeynayay muhiimadna u yahay dalaka . Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-sharciyeedka Maamulka Maaliyadda guud, Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibka uga aadan hindise-Sharciyeedkan. Dhinaca kale, Mowliid Xuseen Guhaad, gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sarre, ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Fataahadaha ee Golaha ayaa shaaciyey in ay isla garteen in Senator walba uu bixiyo kun Doollar. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Kulan.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xoghayaha Koowaad ee Ergayga Soomaaliya New York u Magacowday Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Cusman Eng Yariisow oo ah Wiil uu dhalay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir. Halkaan hoose ka Akhriso Magacaabista View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-04112019.mp3 View the full article