-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New York (SMN) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan, oo golaha ammaanka siiyey warbixin ku saabsan xaalada dalka, ayaa ka hadlay khilaafka gaamuray ee u dhexeeya dowladda federaalka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka qaarkood iyo siyaasiyiinta mucaaradka. “Waxaan dib u cusbooneysiinayaa baaqayga ku wajahan hogaamiyaasha dalka, si ay u soo nooleeyaan wadahadalkooda una fuliyaan ballanqaadyadoodii ku aadanaa xallinta khilaafka siyaasadeed, iyadoo loo marayo hab tanaasul ah iyo danaha dadka Soomaaliyeed,” ayaa ku yiri warbixinta. Waxa uu sheegay, in si loogu guuleysto ajanadaha Soomaaliya ee 2020 ee doorasho, ay qasab tahay inuu yimaado tanaasul siyaasadeed. “Madaxda Soomaalida waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqaan sidii looga gudbi lahaa is-mari waaga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la eegayo danta qaranka,” ayuu xusay Swan. Doorashadda Soomaaliya ee 2020/21 ayaa lagu wadaa in ay noqoto qof iyo cod, waxaana xukuumadda ay dhowr jeer ku celcelisay in ay ka go’an tahay hirgelinta coddeynta oo shacabka fursad u siineysa in ay doortaan hogaankooda. View the full article
-
With Somalia scheduled to hold “one-person, one-vote” elections next year, leaders must act now to break the “stalemate” between the central government and federal member states, the top UN official in the country told the Security Council on Thursday. The election will mark just the third time that Somalia has had universal suffrage since independence in 1960. UN Special Representative James Swan underscored the need to forge political consensus to realize what he described as the “ambitious agenda for 2020”. “This will entail dialogue and compromise between the central government and Federal Member States; between the executive and legislature; between current office-holders and those now out of power; and between elite leaders and those community elders, civil society organizations, women’s and youth groups who give voice to so many Somalis”, he said. “After more than a year without effective cooperation between the Central Government and key Federal Member States, this situation has become an obstacle to achieving important national priorities. Somalia’s leaders must act urgently to break this stalemate between the Center and the Federal Member States in the interest of the nation.” Critical next steps Mr. Swan, head of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), further highlighted the need for Parliament to pass the electoral code and adopt amendments to the political parties’ law before the end of this year. “Any delay in this timeline puts the 2020 electoral calendar at risk,” he warned. UN partner the African Union (AU) praised “commendable steps” towards reconciliation, including a meeting between Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo and two of his predecessors held in the capital, Mogadishu, on Wednesday. Francisco Caetano José Madeira, head of the AU Mission in Somalia (AMISOM), acknowledged that while critical next steps towards the election are needed, there has been progress in reviewing the electoral bill over the past three months. “We also witnessed the recent positive steps in the appointment of the National Electoral Security Task Force, the development of the draft concept note on the security for voter registration, and the provisionally approved list of voter registration sites,” said Mr. Caetano, who also is the Special Representative of the Chairperson of the AU Commission for the country. ‘Pivotal’ year ahead for Somalia and partners Somalia last held one-person, one-vote elections in March 1969. That October, the government was overthrown in a bloodless military coup. Parliamentary and presidential elections took place in late 2016 and early 2017 through a system of indirect suffrage. Halima Ismail Ibrahim, chair of the National Independent Electoral Commission, said this clan-based power-sharing model was a temporary measure to support preparations towards one-person, one-vote. “The process was compromised by extensive vote buying. There was a lot of corruption in that process, limited participation of women in the two houses, and complete exclusion of marginalized and minority groups,” she told ambassadors. Despite ongoing insecurity, fragile institutions and other challenges, the 2020 election will be a “massive improvement” over the previous system, according to Osman Moallirn, Executive Director of Somalia Youth Development Network. “A proportional representation system of this time, even if limited by the many challenges, will open up the political space and overcome many vested and corrupt interests in the status quo”, he said. The forthcoming election is expected to cost $53 million, according to Ms. Ibrahim, the electoral commission chair. She described 2020 as “a pivotal year” for Somalis, who have been denied the right to political participation for five decades. She added that it also will mark a milestone for the international community, which has worked to promote democracy and good governance in her country. “However, this is a milestone which can only be realized when the Somali leaders and the international community show a commitment to one-person, one-vote election to take place in 2020-21”, Ms. Ibrahim stated.
-
Dawladda Ingiriiska Ayaa Walaac Xoogan Ka Muujisay Xadhiga Xukuumaddu Kula Kacday Siyaasiyiinta Mucaaradka Ah, Waxaana Ay Dawladda Somaliland Usoo Jeedisay Inay Dacwad Kusoo Oogto Ama Si Dhakhso Ah Xorriyadooda Ugu Soo Celiso. Sidoo Kalena Dawladda Ingiriiska Ayaa Xisbiyasda Siyaasadda Ugu Baaqay Inay Dib U Bilaabaan WadaHadaladii Doorashooyinka, Si Ay u Qabsoonto Doorashada Wakiilada Iyo Deegaanka, Islamarkaana Aan Dib U Dhac Danbe Ugu Imaan. Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska Ee Somaliland Ayaa Sidaas Ku Sheegay Qoraal Uu Soo Dhigay Bartiisa Twitter-ka. Source
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM), yesterday commenced preliminary investigations into the heart-wrenching and unfortunate death of Ms. Almaas Elman Ali Ahmed, former Somali Diplomat and Peace Activist who was hit by a bullet at 14.34 hrs on November 20, 2019, at the Halane Base camp in Mogadishu. The deceased had contracted the services of a private transport company for a meeting within the Base camp. They were traveling to the Aden Abdulle International Airport after the meeting when she was hit by a bullet. There were a total of 3 people in the vehicle – a driver, a non-injured passenger and the deceased who was in the back seat behind the driver in a right-hand soft-skin vehicle. The bullet pierced the rear passenger window of the vehicle and injured Ms. Elman who was pronounced dead on arrival at the AMISOM Level II hospital. AMISOM immediately constituted a Board of inquiry, which has already visited the scene of the incident and interviewed the driver and some identified eyewitnesses. Pending a final report, preliminary investigations indicate Ms. Elman was hit by a stray bullet, especially as no firearm discharge was reported within the Base camp at the time of the incident. The Base camp in the past has recorded similar incidents of stray bullets. AMISOM will work jointly with the FGS, Somali security forces and other agencies to fully investigate the incident. The findings will be shared with the public. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in Almaas Elman ay ku dhex-geeriyootay xarunta Xalane. Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay AMISOM, Almaas ayaa u dhimatay xabad haleeshay gaari ay saarneyd oo marayey wadada isku xirta Xalane iyo madaarka Aadan Cadde. Bayaanka ayaa lagu xusay in laba kale oo uu ku jiro darawalka oo la saarnaa gaariga aysan waxyeelo kasoo gaarin dhacdada oo ay xuseen in ay baaritaano ku sameyn doonan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay caddeeyeen in ay kala shaqeyn doonan baaritaanka kiiskan oo taliska Boolisku caddeyeen in ay khuburo caalami ah ka qeyb-qaadan doonan. Marxuumad Almaas oo geerideeda lasoo wariyey 20-kii bishaan November ayaa ahayd sarkaal dhanka warbaahinta u qaabilsan ururka Midowga Yurub una ololeysa nabadda. Xalane oo fariisin u ah qaar kamid ah howlgalada diblumaasiyadeed ee wadamada caalamka ayaa ah meel ammaankeeda aad loo adkeeyo maadaama ay ku badan yihiin shisheeyaha. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saartay qaban qaabada iyo qabsoomidda muxaadarada uu Sheekh Maxamed Cabdi Umul ku qabanayo magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa waxaa ka mid ah wasiirka diinta iyo awqaafta, wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliska Booliska. Muxaadaro oo la filayey inuu Sheekha maanta ku qabto garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow ayaa dib loogu dhigay kadib codsi ka yimid booliska Soomaaliya. Muxaadarada ayaa hadda laga dhigay galabta Axadda ah ee 24-ka November, 2019, kadib markii ay booliiska ay sheegeen inay u baahan yihiin waqti dheeri ah oo ay ku diyaariyaan sugidda amniga garoonka, ayaga oo maanta ku mashquulsanaa aaska Marxuumad Almaas Elman. Muxaadaradan ayaa waxaa hareeyey dood kadib markii qaar ka mid ah culimadda suufiyadda ee ku sugan Muqdisho ayaa kasoo horjeestay muxaadarada Sheekha, waxaana ay ugu baaqeen dowladda in ay joojiso. Sheekh Soomow oo ah afhayeenka golaha culimada Soomaaliyeed uu ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho. Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad iyo culumo kale oo ka tirsan hey’adda oo shir jaraa’id xalay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-22112019.mp3 View the full article
-
James Swan, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo shalay galinkii dambe khudbad ka jeedinayay kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay kaga hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrinta Somaliland gaar ahaana xorriyadda iyo wada hadalka Soomaaliya. “Iyada oo la filayo in doorashada Baarlamaanku ay ka dhacdo Somaliland 2020-ka, waxa muhiim ah in xorriyaadka siyaasadeed iyo xuquuqal insaanka la ixtiraamo,” Sidaas ayuu yidhi Mr James Swan. Ergayga Unta waxa uu intaasi ku daray ahmiyadda wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland “Marka la eego xidhiidhka Somaliland, waxaanu xukumaddaha Muqdisho iyo Hargeysa labadaba ku boorinayna in ay xoogga saaraanaahida dadweynaha, kuna qaabilaan maskax furan dadaallada lagu dhiirigelinayo Wada hadallada oo dib u bilaama,” Sidaas ayuu yidhi Mr James Swan. Hadalka Danjiraha UN ayaa imanaya iyada oo ay xidhan yihiin xoghayaha guud iyo afhayeenka guud ee xisbiga Waddani iyo dadyow kale oo loo xidhay arrimo siyaasadeed. sida oo kale telefishanka Horn Cable ayaa wajahaya xayiraad xukumaddu la maaggan tahay waxaana dhawaan Somaliland iskaga cararay wariyeyaasha iyo masuuliyiinta shabakadda Hadhwanaag oo ka baxsaday xadhig loo gaysto. Source
-
Dacwad oogaha ugu sarreeya Israel ayaa ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu kusoo oogay dacwado la xiriira laaluush, khiyaameyn iyo kaslooni lumin. Dacwadahan ayaa waxa ay xuduntoodu tahay eedeymo ku saabsan in ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa ay qaateen dhayman, sigaar iyo khamro qiimahooda dhan yahay 260,000 oo dollar iyo hadiyado kale oo ay ku bedesheen ayaga oo fulinaya dano siyaasadeed. Netanyahu ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu faro-gelin ku sameeyey hay’adaha sharci dejinta dalka, isaga oo matalaya laba shirkad oo warbaahineed, taasi oo uu dhaafsaday in warar wanaagsan laga baahiyo. Waa markii ugu horreysay taariikhda Israel oo ra’iisul wasaare xafiiska fadhiya lagu soo oogo dacwado la xiriira eedeymo dambiyeed. Netanyahu oo Israel hoggaaminayey 13 sano ayaa baaritaanka ka dhanka ah ku qeexay “isku day afgambi.” Source
-
Internet la’aan ka jirta Iran oo looga dan leeyahay in lagu caburiyo dibad-baxayaasha kasoo horjeeda dowladda ayaa galay maalintii lixaad, ayada oo mas’uuliyiinta ay si tartiib tartiib ah usoo celinayaan. Kooxda fadhigeedu yahay London ee Internet-ka la socota ee NetBlocks ayaa sheegtay in internet la’aanta guud ee ka jirta Iran ay hadda u muuqato inay kasoo reeneyso kadib 113 saac oo xiriir ah. Kooxdan ayaa sheegtay in illaa iyo hadda lasoo celiyey 15% internet-ka dalka. Isaga oo la hadlayey weriyayaasha, ayaa ayaa xoghahaya golaha sare ee Internet-ka Iran, Abolhassan Firouzabadi waxa uu sheegay in ay dhowaan go’aan buuxa ka qaadan doonaan in internet-ka lasoo wada celinayo iyo in kale. Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in sababta ay Internet-ka u jareen ay tahay inay ka hortagaan in mucaaradka ay online-ka kula xiriiraan islamarkaana ku kaciyaan dibad-baxayaasha. Internet la’aanta ayaa dhaawac xooggan gaarsiisay dhaqaalaha Iran oo markii horeba ay waxyeelo kasoo gaartay cuanqabateenada Mareykanka. Source
-
Taliska guud ee ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa markii u horraysay war ka soo saaray dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay Almaas Elman Cali Axmed. Taliska ciidamada AMISOM waxay sheegeen inay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilka Almaas oo ka dhacay xerada Xalane xilli ay ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. “Baabuurka waxay ku saarnaayeen 3 qof, labadii qof ee kale waxbo ma gaarin, Almaas Elman iyadoo dhaawac ah waxay ku geeriyootay Isbitaalka AMISOM” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay howlgalka AMISOM. Waxaa sidoo kale war saxaafadeedka lagu sheegay in AMISOM ay baarayaal u dirtay goobta lagu dilay gabadha isla markaasna ay wareysteen darawalkii baabuurka iyo dad goobjoogayaal ah. “Baaritaanno horu dhac ah ayaa muujinayaa in Almaas Elman ay ku dhacday rasaas habow ah, wax rasaas ah oo laga riday xerada dhexdeeda ma jirin xilligii uu dilka dhacayay, waxaa jiro jiray dhacdooyin dhowr ah oo ku saabsan rasaas habow ah oo horey ugu soo dhacay xerada” ayaa lagu yiri hadalka kasoo baxay AMISOM. AMISOM waxay sidoo kale sheegtay in si wadajir ah ciidammada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo ha’yadaha kale ay si buuxda uga shaqeyn doonaan baaritaanka ku aadan dilkii loo geystay Almaas Elman. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo war ka soo saaray dilkii ALmaas Elman appeared first on Puntland Post.
-
Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladan Muqdisho. Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirta ayaa ka timid Dalka Talyaaniga, taas oo loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Deyrta saameeyeen, iyadoo gar-gaarkaasina lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dadka dhibaateysan. Talyaaniga ayaa ka mid ah Waddamada Caalamka ee ka qeyb qaadanaya gurmadka loo fidinayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Talyaaniga oo Muqdisho keentay gar-gaar loogu tala galay Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen appeared first on Puntland Post.
-
Diyaarad weyn oo sidda gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku saameeyeen ayaa goordhaw soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Gargaarkan waxaa uu taas uga yimid dowladda Talyaaniga waxaana uu noqonayaa gurmadkii ugu horeeyay ee dowlad Yurub ah ay toos ugu wareejiso dowladda Soomaaliyeed. Waxaa ay weli dhibaato ka jirtaa arrimaha fatahaadda gaar ahaan dadka ku dhaqan Baladweyn.ee gobalka Hiiraan iyo deegaanno dhaca gobalka dariska la ah ee Shabeellaha Dhaxe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mareykanka ayaa ka walaacsan isku dayga Shiinaha ee la xiriira inuu saameyn ku yeesho doorashada madaxweynenimo ee ka dhacaya Taiwan, sidaasi waxaa laga soo xigtay sarkaal sare oo Mareykan ah oo manta oo Jimco ah ku sugan Jasiiraddaasi . Sarkaalkaasi ayaa sheegay in Shiinaha uu sare u qaaday cadaadiska jasiiradda iskeed ugu dhawaaqday mamulkeeda oo dooneysa in bisha Janaayo ee sanadka soo socda ay qabato dorashoyin madaxtinimo. Hadalkaan ayaa yimid maalmo kadib markii Taiwan ay ku dhaleeceysay Shiinaha inay wadaan isku day ku saabsan faragalinta geedi socodka dimoqraadiyadda,gaar ahaan mudada lagu guda jiro doorashada 11-ka Janaayo ee sanadka soo socda. Jasiiradda Taiwan oo ah maamul iskiis isu xukuma,ayaa dalka Shiinuhu wuxuu u arkaa in ay tahay gobol ka mid ah dalweynaha Shiinaha,inkasta oo ay heleen taageero iyo tixgelin heer sare ah oo ay u muujiyeen dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo kuwo kale. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo walaac ka muujiyay saameynta Shiinaha ee doorashooyinka Taiwan appeared first on Puntland Post.
-
Luuq (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland kadib markii Dowladda Soomaaliya ay bilowday inay Gobolka Gado kala wareegto maamulka Axmed Madoobe. Maxamed Cabdullahi Gardhuub guddoomiyaha degmada Luuq oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in uusan hoostagin maamulka Jubbaland oo marka horeyba u soo magacaabay xilka uu hayo haatan. Guddoomiye Gardhuub ayaa shaaca ka qaaday in inta laga helayo maamul Jubbaland oo loo dhanyahay, lana aqoonsanyahay ka hor ay hoostagayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumadda soomaaliya. Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Luuq ayaa kamid ahaa guddoomiyeyaashii loo ka xeeyay dalka itoobiya, mar wax laga weydiiyay diidmadiisa ku aaddan Jubbaland ay la xiriirto safarkii loogu qaaday Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in meeshii ay rabaan u safri karaan, islamarkaana aan lagu cadaadinin in ay ka soo horjeestaan maamulka Jubbaland. Khilaafkii ugu xumaa ayaa haatan waxaa uu u dhexeeyaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, waxayna arrintaas kusoo aadeysaa xilli Shalay uu Axmed Madoobe sheegay inaysan indhaha ka laaban doonin waxa ka socdo Gedo wixii hadda ka dambeeyo. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timaaday doorashadii dhawaan dib loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana jiro qorsho ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay doorasho ku qabato Gobolka Gedo.
-
Muqdisho (SMN) – Xili maanta lagu wado in garoonka kubada cagta lagu qabto muxaadro ciwaan looga dhigay Muubooyinka iyo sida looga hortagi karo ee uu dhawaan iclaamiyay Sheekh Maxamed Umul ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay dhalisay hadal-heyn bulshada dhexdeeda ah. Hadalheynta ayaa ka dambeysay markii Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo ka digay in laga qeyb galo muxaadaro la filayo in maanta lagu qabto Muqdisho. Sheekh Soomow ayaa eedeen ujeediyay dhigiisa Umul. Dhinaca kale, Imaam Cumar Macalin Abshir, oo kamid ah waxgaradka Soomaliyeed oo ku baaqay inaan la siyaasadeeynin muxaadarada uu iclaamiyay Sheikh Maxamed Umul. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Umul.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Somalia, Xaliimo Ismaaciil iyo guddoomiyaha bulshada Rayidka Cusmaan Macallin iyo xubno kale ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii Qudbadahooda ka horjeediyay kulanka golaha Ammaanka. Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo-Yarey ayaa faahfaahin ka bixisay Arimaha hadashay doorashada iyo waxa u qorsheysan guddigooda, iyadoo xustay inay dadaal badan gelinayaan sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah. Dhinaciisa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia James Swan ayaa u sheegay golaha Ammaanka in hiigsiga ajendaha 2020 uu u baahnaan doono heshiis siyaasadeed iyo isfaham guud. “Muhiimadu waa in Baarlamanka Soomaaliya uu meel mariyaa sharciga doorashada iyo meel-marinta wax ka badalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhamaadka Disembar si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada” ayuu yiri James Swan. Mr James Waxaa uu sidookale soo hadal qaaday in Soomaaliya horumar ay ka gaartay deyn-cafinta, qorshaha cusub ee horumarinta Qaran, iyo dib u soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladan Muqdisho. Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirta ayaa ka timid Dalka Talyaaniga, taas oo loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Deyrta saameeyeen, iyadoo gar-gaarkaasina lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dadka dhibaateysan. Guddiga gurmadka Fatahaadaha ayaa garoonka Muqdisho kula wareegay deeqdaan ka timid dowladda talyaaniga, waxaana ay sheegeen in dhawaan la gaarsiin doono Magaalooyinka ay dhibaatadu ka dhacday oo Beledweyne ugu weyn tahay. Talyaaniga ayaa ka mid ah Waddamada Caalamka ee ka qeyb qaadanaya gurmadka loo fidinayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
-
Muqdisho (SMN) – Alle ha u naxariistee, Almaas Elman, oo ah gabar ka shaqeysa arrimaha samafalka, ayaa lagu wadaa in lagu aaso Muqdisho. Marxuumadda ayaa 20-kii bishaan November ay xabad ku dishay wadada isku xirta xarunta Xalane iyo madaarka diyaaradaha caalamiga ah, Aadan Cadde. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan aaska oo la sheegayo in uu heer sarre noqonayo. Laamaha ammaanka ayaa tilmaamay in ay baaritaano ku wadaan qaabka ay wax u dhaceen, lama soo warin hadii shaqsiyaad loo xir-xiray. Xukuumadda ayaa shaaca ka qaadey in ay cadaaladda marsiin doonto cid kasta oo ay ku cadaato in ay ku lug lahayd geerida marxuumad Almaas. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa War kasoo saaray dilkii gudaha Xalane oo loogu geystay Almaas Elman Axmed oo aheyd diblomaasi hore iyo ruux u dhaqdhaqaaqa nabada Soomaaliya. AMISOM Waxa ay xaqiijisay in xabad ay ku dhacday Almaas xilli ay kasoo baxday Shir ay uga qeyb gashay Xalane, islamarkaana ay dooneysay in ay aado garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ay saarneyd kursiga dambe ee gaariga , Darawalkii iyo ruuxii kale ee la socdayna aysan waxba gaarin. “AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay si buuxda ugu baaraan geerida naxdinta laheyd ee ku timid Marwo Almaas Elman Cali Axmed, oo ku dhacday rasaas 20-kii November ka dhacday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay AMISOM. Dilka loo geystay Almaas Elman ayaa shaki badan abuurtay, waxaana la is waydiinayaa sida ay u dhacday in lagu dilo Xarunta Xalane oo ah meel aad loo adkeeyo ammaankeeda. Marxuumada ayaa la filayaa in Maanta lagu aaso Magaalada Muqdisho, waxaana duugisteeda kasoo qeybgeli doono madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socdo Beesha Caalamka.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-22112019-sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Odayaasha Dhaqanka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay codsadeen in wax laga qabto amni darro kusoo korortay qaybo kamida gobolka. Cuqaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay talaabo qaadaan. Wax-garadka ayaa cod dheer ku dalbaday in gobolka lagu soo celiyo Gaashaanle Sarre Xasan Jaamici oo ay sheegeen in uu wax badan ka bedelay amniga gobolka. Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa isugu darsan tahay weeraro ka dhan ah ciidanka oo ay geysanayaan Al-Shabaab iyo burcad dhac u geysaneysay shacabka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Xasan-Jaamici.mp3 View the full article
-
Awoowe soomaaliya oo u geeriyooday jidh-dil loogu geystay Minneapolis+Booliska oo wiil 23-jir ah u soo xidhay Awoowe soomaaliyeed oo 75 jir ahaa islamarkaana lagu magacaabay Shirwac Hassan Jibril ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar uu ku qaaday wiil madow ah kadib markii ay ku dhex murmeen bas ka dhex shaqeeya magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA. Leroy Davis-Miles oo 23 jir ah ayay boolisku u soo qabteen fal-dambiyeedkan uu ku baxay awoowe Shirwac kaas oo dhacay labo isbuuc ka hor, waxaana ay wararku sheegayaan in awoowe Shirwac uu soo fuulay bas ay saarnaayeen dhallinyaro uu ka mid ahaa Leroy kuwaas oo ku dhex qeylinayay baska, markii uu ka codsaday in ay buuqa yareeyaana la hujuumay. Awoowe Shirwax markii uu baska uga dagay halka loo yaqaan Chicago-Lake Transit Center, ayay dhallinyaradu ka daba dageen, waxaana wiilka iminka la soo xiray uu wajiga feer kaga dal-dalay awoowe shirwac kaas oo dhulka durba ku dhacay. Leroy ayaa asxaabtiisa xabadka-xabadka u saaray kadib markii uu feer dhulka la dhigay awoowe Shirwac, waxaana asxaabta qaar ay markaasi bilaabeen in ay baartaan jeebabka awoowe Shirwax ka hor inta aysan goobta ka baxsan. Awoowe Shirwax oo isbitaalka Hennepin County Medical Center loola cararay ayaa maalmo kadib ku geeriyooday halkaasi, waxaana ay boolisku sheegeen in uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dhanka madaxa iyo maskaxda. Booliska ayaa sheegay in ninka ay u hayaan fal-dambiyeedkan lasoo taagi doono maxkamad, iyagoona la kaashan doona Hennepin County Attorney’s Office. Awoowe Shirwac ayaa ifka kaga tagay 8 xarruur ah iyo 7 uu awoowe u ahaa, waxaana lagu sheegay xilliga la weeraray uu ka yimid dhanka masjidka oo uu kusoo tukaday mid ka mid ah salaadaha. Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in ay jiraan xiisado horay ugu dhexeeyay soomaalida iyo madowga Mareykanka ah ee magaalada Minneapolis, waxaana booliska oo dhowr jeer oo hore kala dhex galay ku wargeliyay soomaalida in ay ka leexdaan madowga Ameerikaanka ah. Qaran News
