Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay sagootinta wejiga 1-aad ee Gurmadka Puntland ee walaalaha Beledweyne. Sagootinta Gurmadka reer Putland ee walaalaha Beledweyne ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Wakiillada, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, dhallinyarada qaybta ka ahayd Gurmadkaasi, samafalayaal iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay munaasabad kooban oo lagu dhiirigelinaayey dhallinyarada iyo masuuliyiinta dedaalka, wakhtiga iyo damqashada u muujiyey walaalahooda Soomaaliyeed ee reer Beledweyne, soona ururiyey Gurmadka wejiga koowaad ee maanta la sagootiyey ayaa mahadbalaadhan usoo jeediyey dhallintaasi iyo samafalayaasha reer Puntland ee shancisho aan ka hadhsan dedaalkaasi, waxaana uu ka tacsiyeeyey khasaaraha naf iyo maalbaleh ee ka dhashay fatahaada webiga Shabeelle. “Waxaan halkan isugu nimi inaan u dirno Gurmadkii ugu horeeyey ee Puntland ay ku kaalmaynayso walaalahooda reer Beledweyne. Ugu horayn tacsi ayaynu u diraynaa walaalaheen, waxaan uga tacsiyaynaynaa intii kaga-baxday Naf iyo Hantiba, waxaan goosanay Puntland, shacab iyo dowladba sidii caadadu ahaan jirtey Gurmad deg-deg ah inaan u fidino walaalaheen, labadan baabuur ee alaabtu saaran tahay waa intii ugu horaysey waa dedaalkii dhallinta, waxgaradka iyo shacabka Garoowe oo iskaashaday, FAANOOLE FARI KAMA QODNA Puntland waa wadaysaa”. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dedaalka, dhiiranaanta damqashada iyo gurmadka ay u horseedeen dhallinta reer Puntland ummadda Soomaaliyeed ee ku aadan u gurmashada shacabka reer Beledweyne. “Dhallinyarada runtii dedaalka, dhiiranaanta iyo shaqada ay qabteen ee ay u horseedeen reer Puntland walaalahooda dhibaataysan in gacani ka gadho aad baan ugu mahadcelinayaa, waxaan leeyahay laba qodob raaciya, ta-koowaad tahriibta oo aad ka wacyi-gelisaan dhallinyarada idinkoo guri walba garaacaya, MAGEFE waa inaynu cidhibtirnaa, qodobka labaad waxaad isku baraarujisaan AMNIGA si aan isaga si fayno sharwadayaasha iyo wax-kasta oo amni daro inoo keenaya” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Puntland oo wejigii kowaad ee gurmadka u dirtay Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Diyaarad ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ayaa dhowaan khatar weyn ku gashay garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, sida uu shaaciyay Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga Waddani, Nuuradiin Diini ayaa sheegay in diyaarada Fly Dubai duulimaadkeedi 661 ee 20-bishii dhamaatey ‘October’ ay khatar ku gashay garoonka Hargeysa kadib markii ay warbixin qaldan siiyeen mas’uulyiinta hagta diyaaradaha ee madaarka Cigaal. Nuuradiin Diini ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in diyaaradaasi ay khatar u gashay inay ku burburto madaarka Hargeysa, iyadoo ay saarnaayeen dad ku dhow 100-qof oo rakaab ahi. Xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga Waddani oo arrimahaasi ka hadlayey ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in xukuumada Muuse Biixi ay isku daydey in falkaasi ay qariso, wuxuuna yiri “Waxaan dooneynaa in halkan aan idinku soo gudbino dhacdooyin aad iyo aad u fool-xun ama ceeb ah guud ahaan qaranka Jamhuuriyada Somaliland khatarna ku ah, nafo badana ay u gu’i gaadheen, hanti badana ay ku burburi gaadhay oo la qarinayey in aan sheegno”. “Dhacdadaas oo ah labaatankii bishii aynu soo dhaafnay ee October oo aheyd maalin Axad ah, Cigaal waxa ka dhacay diyaarad Fly Dubai oo fly-keedu ahaa 661, Nooceedu ahaana B737, in ay khatar gashay oo halkaasi ay ku bur-buri gaadhay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Diyaaradaasi waxa saarna dad ku dhow 100 qof, waxayna aheyd sababta khatartaa keentay in cidii fadhiday Tower-ka ee hageysa diyaaradahaasi ay siiyeen hawo qaldan oo diyaaradaasi ku dagi kareyn”. “Diyaaradaasi Fly Dubai qiimaheedu lacag ku dhow 100-Milyan oo dollar ayey aheyd, ayna Somaliland iyo Hargeysa ku aamintay. Boqolkaa qof iyo lacagta 100M si fudud oo shaqaale xumo ah ayey halkaasi (madaarka Cigaal) ugu bur-buri gaadheen”. Xoghayaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in Madaxweyne Biixi uu shaqada ka cayriyo mareeyaha hay’adda duulista, isla markaana uu soo celiyo shaqaalihii ka howl-galayay garoonka Hargeysa oo ku dhawaa afartameeyo qof oo xukuumadu hore uga cayrisay shaqada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Musfate Cagjar ayaa wafti wasiirro ah Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Dad badan oo kasoo jeeda degaanadda aan Baarlamanka ku metelo ayaa marar badan ii yimaadda ama telefoono iisoo dira iyaga oo ka cabanaya in adeegyadii [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu 21 June ee sanadkaan 2019 talo fiican oo Maanta natiijadeeda loo jeedo siiyey Ururka Ahlu Sunna Wal-Jameeca oo hadda lagala wareegay inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen Gobolada Dhexe. Cabdiraxmaan ayaa waqtigaas oo ay Ahlu Sunna ballanta kaga baxday madaxweyne Xaaf kula taliyey inay aayahooda ka taliyaan in ay tabar hayaan oo aysan taladu seegin. Wuxuu u sheegay in Nabad iyo Nolol aysan Nabad iyo Nolol midna ka dooneyn Galmudug oo aysan yeeli doonin in doorasho lagu qabto deegaan ay cid kale ka taliso oo aan iyaga hoos tegin. Taladaas uu Siiyey Cabdiraxmaan ururka Ahlu Sunna ayaa Maanta waxay u muuqataa inaysan qaadan maadaama ay gacmahooda ka baxday talada oo si xoog ah lagala wareegay deegaanadii ay kaga sugnaayeen Galgaduud. Taladaan ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa barashada Bulshada, waxayna dadka intooda badan ku tilmaameen Cabdiraxmaan inuu yahay siyaasi meel fog wax ka arko si fiicana u yaqaan dhaqamada Dowladda uu hoggaamiyaha u yahay Madaxweyne Farmaajo. Halkaan hoose ka akhriso Talalada uu Cabdiraxmaan 32 June siiyey Ahlu Sunna Heshiiska Jabuuti ay ku gaareen Galmudug iyo Ahlu Sunna in la meelmariyo qodobadiisana lagu adkaysto ayaa lagu balamaya. Madaxweyne Xaaf in badan ayey Villa Somalia isku dayday in ay heshiis gooni la gasho wax kastana way u gaareen, laakiin in uu heshiiska iyo wadajirka Galmudug dhowro ayuu wax kasta ka doorbiday. Villa Somalia waxay isku deyaysaa in ay Ahlu Sunna miiska u saarto wixii uu shalay Xaaf ka diiday, iyadoo ujeedku yahay in labada dhinac la kala dilo, sharciyadii iyo wadajirkii Galmudugna cirka lagu laalo, si in loo taliyo u fududaato. Haddii madaxda Ahlu Sunna ay balantii kaga baxaan oo ay dhabarka ka wareemaan madaxweyne Xaaf, waxaan shaki ku jirin in ay mar aan dheerayn ka shalaayi doonaan. Waxaa Ahlu Sunna kula talinayaa in inta ay tabarta hayaan aysan taladu seegin, sababtoo ah qolada Nabad iyo Nolol la baxday Galmudug N&N toona ka dooni mayaan, mana yeeli doonaan in doorasho lagu qabto deegaan ay cid kale ka taliso oo aan iyaga hoos tegin. Madaxweyne Xaaf waa nin labadii maamul ee Cadaado iyo Dhuusamareeb kala fadhiyey mideeyey, tanaasul kastana sameeyey, wax kastana u huray, sharaf iyo dadnimana ku difaacay, iskana diiday wax kasta oo heshiiskii Jabuuti iyo midnimada Galmudug wax u dhimaya. Reer Galmudug way tashan doonaan, wadooyin badana way u furan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, ayaa sheegay in Puntland ay ku adagtahay in ay dowlado shisheeye heshiisyo maal-gelin ah la gasho, maadaama aan Puntland caalamka laga aqoonsaneyn. Balse, wuxuu sheegay in weli Puntland ay haysato fursado kale, si ay u soo jiidatao Maalgeshiga caalamiga ah, isagoo xusay in xukuumaddiisu ay heshiisyo dhinaca maalgeshiga ah la geli doonto shirkado shisheeye oo sida uu sheegay ka waaweyn dowlaha qaar kood. “ Haddii ay adkaatay waxa la yiraahdo Bilateral-ka ( in dowlado aan heshiis la galno) yaan heshiis lageli karnaa? Shirkado Ayaan heshiis la geli karnaa. Adduunka waxaa jira shirkado dowladaha ka waaweyn” ayuu yiri Deni. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay leedahay khayraad fara badan ,sidaasi darteedna khayraadkaasi looga faa’idaysan karo, in heshiisyo lala galo shirkadaha Maalgeshiga Caalamiga ah, si labada dhinacba uga faa’idaan. Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in Puntland heshiisyo la gelayso shirkado Maalgeshi oo aan dowladda Federaalka soo marin appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti ayaa ka hadlay sida ay xukuumadda Somaliland u aragto dhex-dhexaanimada Madaxweynaha Jabuuti ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. SANAA, Yemen — Hundreds are protesting in Yemen's remote island of Socotra in the Gulf of Aden near Somalia, demanding the United Arab Emirates withdraw from the island and from the Saudi-led coalition fighting the Houthi rebels. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Mudane Cumar Faaruuq Warfaa, kuna wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, masuuliyiin ka socda laamaha amaanka iyo saraakiil kale. Weftigan oo ujeeddada safarkoodu ahaa inay qaranka Somaliland soo gaadhsiiyaan tacsida taliyihii ciidamada Booliska Somaliland, sarreeye Gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka timid madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar). Kulankan oo ay maaxweyne ku xigeenka ku wehelinayeen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Guddoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex Khadar Baabuur Cumar. Wasiiru-Dawladaha Madaxtooyada ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cumar Faaruuq Warfaa iyo Weftiga uu hoggaaminayey waxay Maanta kulan la yeesheen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa kulankaa ka dib waxay Madaxweyne ku-xigeenka si wada jir ah u qabteen Shir-saxaafadeed. Wasiiru-Dawladaha Madaxtooyada ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cumar Faaruuq Warfaa oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu nahay Wefti ka socda Dawlad deegaanka Soomaalida, ujeeddada socdaalkayaguna waxa weeyaan inaanu ka Tacsiyadaynayo Taliyihii Ciidammada Booliska Somaliland ee Geeriyooday, Annaga oo Tacsidaa ka sidna Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar iyo dhammaan Shacabka ku dhaqan deegaanka Soomaalida. Waxaanu halkan u nimid inaanu Dawladda Somaliland u Tacsiyayno oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne ku-xigeenka..” Source
  10. wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland ayaa maanta Garoowe ku qabatayKulan ku saabsan ka doodista iyo kala tashiga bulshada ee arrimaha Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa ka qeyb-galay wasiiru-dowlaha wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland Maxamed Rooble Cabdi, agaasimaha Waaxda Dastuurka ee wasaaradda,Yuusuf Ibraahim Saalax, aqoonyahanno, dhalinyaro, haween iyo bulshada qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulanka oo mudda laba maalmood ah socon doona ayaa lagu soo bandhigi doona la tashiyo ku aaddan dib u-eegista qodobada 50-54-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, cutubyadaasi oo ka hadlaya awoodaha qeybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland, Maxamed Cabdi Rooble Ilyaas oo daah-furay kulanka ayaa sheegay in laba qodob oo waaweyn kulanka looga doodi doono, kuwaasi oo kala ah; sida Dastuurku u kala qeexayo awoodaha dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale qeybsiga khayraadka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed. Wasiirka ayaa sheegay in labadaasi qodob ay xuddun u yihiin khilaafka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, islamarkaana haddii aan laga heshiin uusan dhammaystirmi Karin Dastuurka KMG ee Soomaaliya. Wasiira ayaa ka qeyb-galayaasha kulanka, waxa uu ku boorriyay in ay maskaxdooda si fiican u tuujiyaan, ayna soo bandhigaan fikirka iyo aragtiyaha ay ka qabaan cutubyada horyaalla ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya, si talo wax ku ool ah uga soo baxdo. PUNTLAND POST The post Wasaarada Cadaaladda Puntland oo Garoowe ka daah-furtay kulan ku saabsan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  11. As deadly flooding wreaks havoc in East Africa, Edmontonians with relatives living there — including some who have died or been displaced in the disaster — are looking for ways to help. Source: Hiiraan Online
  12. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ugu Magacaabey Ahlusunna Macalin Nuur Cilimi Cabdulle ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan xilligaan ka jirin degmada, isla markaana amniga guud ee Magaalada uu yahay mid wanaagsan. Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb oo shir jaraa’id ku qabtay hayga uu Dhuusamareeb ka daganyahey ayaa sheegey in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeya Dowlada Faderaalka Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in uusan aqbaleyn in ay xabad ka dhacdo Magaalda Dhuusamareeb,waxaa kale oo uu been abuur ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in magaalada cakirantahay. Guddoomiye Nuur ayaa sheegay in amaanka Magaalada Dhuusamareeb ay sugayaan Ciidamada isku dhafka ah dowladda Federaalkana mas’uul ka tahay amaanka Magaalada DHuusamareeb. Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Shaabka Magaalada Dhuusamareeb iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan looga baahan yahay in Dowladda Soomaaliya kala Shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Photo-news:Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo shir deg- deg ah hadda isugu yeedhay Xubnaha Fulinta Xisbiga Qaran News
  14. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la filayo inuu isku soo taago xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah kasoo saaray xiisadda ka dhex taagan Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdikariin oo horey usoo noqday madaxweynaha Galmudug ayaa Dowladda iyo Ahlu Sunna ugu baaqay inay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, waxii is faham la,aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal. Cabdikariin ayaa Ahlu Sunna ugu baaqay inay ilaashato xushmaddii ay ku laheyd dadka Galgaduud iyo halgankii ay soo gashay isla markaasna ay qeyb ka noqoto dowladnimada Soomaaliya. Dowladda ayuu si gaar ah ugu baaqay inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna laguna tixgeliyo dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas. Halkaan hoose ka akhriso baaqa Cabdikariin BAAQ NABADEED Waxaan shaki ku jirin in colaad iyo is faham la,aan ay ka soo daaleen deegaanada Galmudug oo aysan u baahneyn colaad iyo dagaalo kale oo dhiig ku daato. Colaadaha iyo is fahamdarida soo noqnoqday ee deegaanadaasna ay ka reebeen dadka reer Galmudug asaagooda dowlad gobaleedyada kale ee ku naaloonaya nabad, xasilooni iyo horumar dhan kasta ah. waxaana ayaan dari ah in ayadoo lagu guda jiro geedi socodka maamul dhisidda Galmudug in xasarado iyo guluf colaadeed ay halkaas ka soo if baxaan kana aloosmaan. Haddaba waxaan ugu baaqayaa labada dhinac ee Dowladda iyo Ahlu sunaba arimaha soo socda: In labada dhinac ay joojiyaan gulufka colaadeed iyo gacan ka hadalka, waxii is faham la,aan ahna lagu xaliyo is faham iyo wadahal. Dowladda waxaan si gaar ah ugu baaqayaa inay ixtiraamto haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay la gashay culumada Ahlu sunna, tixgalisana dowrkii ay ku lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo difaaca deeganadaas. 3 . Ururka Ahlu sunna waxaan ugu baaqayaa inaysan dib u cunin halgankoodii iyo xushmadii ay bulshada Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba u hayeen, ayna garwaaqsadaan in ay lagama maarmaan tahay inay ku milmaan nidaamka dowladnimo, oo aysan marnaba suurta gal aheyn is feer socodka nidaam dowladeed iyo urur hubeysan, waayo waa waxaan isla jaan qaadi karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaaleynta ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan Galmudug ayaa sheegay in maamulka Ahlusunna ay doonayaan in ay fashiliyaan dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loona baahan yahay in shacabka Galmudug ay u tashtaan deegaanka. Wasiirka oo bulshada ku nool magaalada Guriceel la hadlaayey ayaa xusay in dhaqanka madaxda iyo ciidanka Ahlusunna ay tahay mid dib u noqoshaa oo dhaawaceysa hadakii iyo hanaankii la rabey in lagu dhiso Galmudug waxaana uu yiri” Dhaqanka markan Ahlusunna Waljamaaca ka muuqdaa waa dib u noqosho, waxaan leenahay walaalayaaloow ha bariiqanina jidfiican ayaan ku taagneen ha sababinina adinkoo waxyar laba farood ku raadinaaya inaad Galmudug fashilisaan fariinta aan idiin waday intaas ayuu nuxurkeedu ahaa”. Sidoo kale wasiir Sabriye oo hadalkiisa sii wato ayaa xuusay in dowladda federaalka ay wado diyaarna u tahay in lagu noqdo wadadadii lagu wada shaqeynayey, wasiirka ayaana ka digay in wax aan macno laheyn lagu dumiyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudud waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Waxaan ka shaqeyneynaa in Ahlusunna wanaaggii aan wax kuwada bilownay lagu wada noqdo ayaan ka shaqeyneynaa la fariisano tabashooyinkooda guddi iyo xildhibaanno dowlad gobaleed waxaa ay noqdaanba, madhama guddi hala igu daro iyo xoogaa xildhibaannaa hala isiiyo qiima astaahila maahan Galmudug ha lagu kala tago”. Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ayaa ka hadlay in khilaafka ay Ahlsunna wadaan ay dhaawac weyn ku tahay caasimaddii dowlad gobaledka ee Dhuusamareeb, Magaalo madaxdii Dhuusamareeb dadkii deegaanka waa ku dhaawac, Galmudug waa ku dhaawac , magaca culimanimada waa ku dhaawac waxaan aadeynaa in la yiraahdo Dhuusamareeb Buuh waad noo yeerteen markii hore oo waad fiicneedeen , lakiin meesha aad wax ku wadaan waan idiin kaga guurneynaa ee adinku dhagaha ku raareysta”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose. Lafta Gareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolkaasi. Ujeedka safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay inuu la xariiro u kuur galida xaaladaha dhanka nolosha iyo amniga ee magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu durbo kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo qeybaha bulshada iyo maamulka uu ka bilaabay halkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  17. Nabaddoonada iyo isinka beesha uu ka soo jeedo Xildhibaan, Mahad Maxamed Warsame oo iska casilay xubinnimada Baarlamanka Puntland ayaa soo xulay xildhibaan cusub oo lagu beddelay booskiisa. Xildhibaanka cusub oo lagu magacaabo, Feysal Cumar Geesdiir ayaa ka loo soo gudbiyay guddoonka golaha wakiilada Puntland, kadib markii uu soo saxiixay isinka beeshiisu, waxaana laga dhegaystay khudbad ku saabsan taariikh-nololeedkiisa, iyadoo markii dambe ay ansixiyeen mudanayaasha Baarlamanka, kadibna la dhaariyey Xildhibaanka booskan banneeyay, Mahad Maxamed oo laga soo doorto gobolka Bari, ayaa qoraal uu isagoo dalka ka maqan u soo diray guddoonka Baarlamanka Puntland, wuxu isaga casilay xubinnimada golaha, iyadoo isla saakaba lagu beddelay xildhibaan Geesdiir. View the full article
  18. “Haddii wax akhrintu tahay cuntada maskaxda, akhriso buuggaagta.” Marka aan jaamacadda joogo, weertaas waxaan u isticmaalaa in aan ku dhiirrigeliyo ardaydayda jecel akhrinta buugta si ay u sameeyaan horumar dhanka aqoonta ah. Si la mida, bahda akhriska jecel, iyagana waxaan kula talinayaa in bishan Nofembar ay liiska buug akhrintooda ay ku darsadaan tobankan buug: BECOMING by Michelle Obama Waa buug ka sheekeynaya taariikh nololeedka Michelle; yaraanteedii iyo dhallinyarannimadeedii. Waa buug ay ku kaydisay xusuusteeda jacayl. Waxaa aad ii soojiitay cutubka siddeedaad oo ku saabsan isbarashada Obama iyo Michelle. Mar waa iyada oo jaamacadlay ah; marna waa iyada oo saaxiibkeed Obama “mentor” u ah. PRIDE AND PREJUDICE by Jane Austen Buuggan waxaan ku xusuustaa in uu ka mid yahay buuggaagta ugu caansan ee suugaanta Ingiriiska. Waa buug ku saabsan jacayl, waxaan aad uga helay hadalka furfurashada Jane Austen, “waxaa dhab ah dumarkoo idilna isku raacsan yahay in ninka dhallinyarada ah ee bishii hela mushahar fiican in uu u baahan yahay guur/xaas.” MEET CUTE by Helena Hunting Waa buug ka sheekeynaya jacayl ku bilowday ardaynnimo, dabadeed ku dhammaaday khiyaano. Kailyn iyo Daxon si lamafilaan ah ayay isku bartayn. Isku fasal ayay ahaayeen. Ka gadaal waxaa dhex maray jacayl markii dambe beenowbay. NORTH OF DAWN by Nuruddin Farah North of Dawn waa buug xiiso badan. Wuxuu dhigayaa sheeko naxdin leh oo isugu jirta jacayl, daacadnimo iyo tallan haybeed qaran. I AM MALALA by Malala Yousafzai, Christina Lamb Waxaa ku qoran taariikh nololeedkeeda, Malala Yousafzai. Iyo safarkeedii dheeraa-ka soo bilow Pakistan ilaa Ingiriiska. Waa buug qoraya halganka nolosha, waxbarasho, diin iyo argagax. Waa sheeko dhab ah. SIRTA GUUSHA by Xasan Mudane Waa buug ka sheekeynaya guul iyo guuldarro. Wuxuu sahminaya macnaha dhabta ah ee guusha. Waa buug ay ku kaydsan yihiin sheekooyiin macquul ah, oo ku saabsan taariikh nololeedka shakhsiyaad ka guul gaaray ganacsi. WHY NATIONS FAIL by Daron Acemogle iyo James A Robinson Waa buug cajiib ah! Wuxuu sahminaya sababta keentay in dalalku fashilmaan. Waa buug soo bandhigaya doodda ah, in bini’aadamku u baahan yahay hay’ado xoog badan oo ku dhiirriggeliya waxsoosaarkooda dhaqaale. INTRODUCTION TO AFRICAN POLITICS by Alex Thomson Buuggan innaba caadi ma aha! Wuxuu ku dulwareeganayaa saddex fekradood oo lafdhabar u ah fahamka siyaasadda Afrika, waxayna kala yihiin: Dowladnimo, ururada rayidka iyo farogelinta shisheeyaha. Waa buug ka hadlaya mowduucyada hay’adaha dowliga, eesha gumeysiga, dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo-doonka, dowrka ururada rayidka, gumeysiga ka dib afgambiyadii militari, fekerka Maaksiisimka iwm. THE TREASON OF THE INTELLECTUALS by Julien Benda Waa buug ka sheekeynaya khiyaanada indheergaradka uu ka galo bushadiisa. Waa kuma indheergarad? Marka la eego Benda, indheergaradku waa qofka runta ku gabya, garabna u noqda dhibbanaha ama kooxda dulman. Waa buug cajiib ah! Oo wax iska weyddiinaya dowrka indheergaradka, waajibaadka saaran iwm. IDENTITY by Francis Fukuyama Waa buuggii ugu dambeeyay ee uu qoray. Wuxuu diiradda ku saaray hab dhaqanka bini’aadamka iyo waxa dhiirrigeliya marka la joogo siyaasadda. Waa buug sharxaya fashilka fekerka libaraalka iyo dimuqoraaddiga, ee ku aaddan haqabtirka baahida bini’aadamka. WQ: Hassan Mudane, Bare Jaamacadeed Source: goobjoog.com