-
Content Count
214,001 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka laga helayo gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey degmada Afgooye ee gobolkaasi. Wabiga ayaa ku fatahay deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada magaaladaasi, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa halkaasi gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ugu horreeyo guddoomiye, Ibaraahim Aadan Cali (Najax). Guddoomiyaha ayaa sheegay inay haatan wadaan gurmad loo fidinayo dadka ku guryo beelay dadkaasi. Maalmihii la soo dhaafay wabiga Shabelle oo qararka jabsaday ayaa fatahaado ka sameynayey deegaano ka kala tirsan maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle. View the full article
-
War ka soo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland. Qoraalkan ayaa ugu horreyn waxaa lagu sheegay in beesha caalamku ay si xoogan uga walaacsan tahay xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee haatan ka jira magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulkaasi. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in xubnaha dalalka caalamka ay si aad ah uga xun yihiin muddada labada sano ah ee loo kordhiyey labada gole ee Somaliland. Warbixinta ka soo baxday beesha caalamka ayaa waxa sidoo kale looga digay dibdhac uu ku yimaado doorashooyinka baarlamaanka iyo mida deegaanka ee maamulkaasi. ”Waxaan ka walaacsanahay dib u dhaca doorashooyinka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Somaliland in ay si weyn u wiiqaan sumcadda dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo heerka caalamiga ah. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahay xariga u muuqda mid aan sharciga ku dhisneyn iyo xayiraadaha kordhaya ee xorriyadda hadalka.” ayaa lagu yiri warbixinta. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in looga baahay xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda in la ixtiraamo heshiiskii labada dhinac ee la gaaray bishii Luulyo ee sanadkaana 2019-ka, si loo qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca deegaanada maamulka Somaliland. View the full article
-
Roobab ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe iyo wabiga oo fatahay ayaa horseed u noqday inay go’aan waddooyin xiriiriya degmooyinka Jowhar, Balcad iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi. Arrintan ayaa waxa ay sababtay inaysan dadka isku gudbin, ganacsigii iyo noloshii kale ee caadiga ahaana hakad uu ku yimaad. Mid ka mid ah dadka deegaanadaasi oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in halka waddo ee hadda furan ay tahay Badda, taas oo halisteeda leh. Roobab dhowaanahaan ka da’ayey gobolka Shabeelaha Dhexe iyo wabiga oo qararka jabsaday ayaa saameyn ku yeeshay isku socodkii dadka iyo gaadiidka. Dhanka kale dad badan ayaa ka barakacay guryahooda, si aysan biyuhu noloshooda u galaafan. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka HirShabelle ayaa magacaabay dhowaan guddiyo ka shaqeeya gurmadka loo fidinayo dadkaasi, hase’ahaatee weli waxaa moodaa inaysan joogsan qeylo dhaanta ka soo yeereysa bulshadaasi dhiban. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-27112019.mp3 View the full article
-
Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa walaac weyn ka muujisay muddo kororsigii ay dhawaan sameysteen labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland Qoraal ay wada jir u soo saareen Qaramada Midoobay, Urur gobolleedka IGAD, Midowga Yurub, Ingiriiska, Mareykanka, Jarmalka, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, Netherlands, Finland, France, Italy, Greece iyo Switzerland ayaa lagu sheegay walaaca ay qabaan dalalka Somaliland ka taageera horumarka iyo dimuqraadiyadda ee ku saabsan dib u dhaca doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka. Beesha Caalamka ayaa xustay in sida kaliya ay ku sii wada shaqeyn karaan Somaliland ay tahay in doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka lagu qabto wakhtigii horey loogu ballamay ee sanadka soo socda 2020-ka. Beesha Caalamka ayaa xustay in uusan jirin dal dimuqraaddi ah oo golayaashiisa Wakiiladda ay muddo intaas la’eg doorsho la’aan ku fadhiyaan kuraasta. Waxay Beesha Caalamku ugu baaqday Somaliland in ay dhisto Guddi doorasho oo qabta doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, ayna qeyb ka yihiin dhammaan jilayaasha siyaasadda Somaliland. Sidoo kale Beesha caalamku waxay walaac weyn ka muujiyeen xariga sii kordhaya iyo xadidida xorriyatul qawlka ee Somaliland. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo walaac weyn ka muujisay xaaladda Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyeyn Wasiir ku xigeenka Dekedaha, Guddoomiye ku xigeenka RugtaGganacsiga iyo Xubno ka socday mashruuca lagu magacaabo GEEL , ayaa maanta magaalada Muqdisho ka Daah-furay mashruuca dhoofinta Mooska. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka dowladda Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid oo ka hadlay munaasabadda Daah-furka dhoofinta Mooska oo ka qabsoontay dekedda Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in shaqadan ay qeyb ka tahay qorshaha ay Dowladdu ku dhiiri-gelineyso wax soo saarka dalka. Mudane Ciid, ayaa Beeraleyda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kordhiyaan wax soo saarkooda, si uu dalku u gaaro isku filnaasho dhanka cuntada ah oo dhameystiran. Intii lagu gudo jiray munaasabaddan, ayaa dekedda Muqdisho waxaa laga dhoofiyay Laba Konteenar oo horudhac ah oo ay hubinta tayadoodu iska kaashadeen Wasaaradda Beeraha, Shirkadda GEEL Project iyo ganacsato Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Beeraha, kaas oo si tijaabo ah loogu diray dalka Sacuudi Carabiya. Mooska oo ka mida dalagyada ka soo baxa dalka, ayaa Soomaaliya laga dhoofin jiray 30 Sano ka hor, waxaana soo celinta iib-geyntiisa lagu tilmaamay mid faa’iida weyn u ah dhaqaalaha guud ahan waddanka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo dib u bilowday Dhoofinta Mooska appeared first on Puntland Post.
-
Beesha caaalamku waxay walaac ka qabtaa hannaanka dimuqraadiyaddeed ee Somaliland. Waxay sheegeen inay dhaleecaynayaan xadhiga sii badanaya ee xoriyatul qowlka, muddo kordhintii Guurtida iyo goleyaasha deegaanka Somaliland ee sharci la’aanta ku shaqeynaaya. “Somaliland Waxay ku xadgudbtay nidaamka dimuqraadiyadda iyada oo goloyasheeda qaarna ay ku fadhiyaan Igmasho La.aan. Waxaa loogu baqayo inay dib ugu Soo noqdaan xayndaabka dimuqraadiyadda iyo sharciga .. waxaanay ka muujiyeen walaac S/Land Waa kuwan waddamada iyo ururada saxeexay”Beesha Caalamka. Halkan hoose ka akhriso *United Nations, IGAD, European Union, United States of America, Germany, United Kingdom, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, The Netherlands, Finland, France, Italy, Greece, Switzerlanh https://eeas.europa.eu/delegations/somalia/71087/joint-statement-delays-somaliland-parliamentary-and-local-council-elections_en Source
-
Somaliland released Khadar Hussein Abdi Secretary of Waddani party and Barkhad Jama Hersi spokesperson of Waddani Party from the prison on Tuesday. The President of Somaliland Muse Bihi Abdi has Ordered the release of detained opposition leaders After meeting with a committee of businesspersons and religious leaders to mediate the political parties. The council chairman Mohamed Ahmed Farah said in a media conference the elders, acting on their own accord met with President Muse Bihi and Waddani leader Abdirahman Irro separately. “The president accepted our plea to release the officials of Waddani party and ordered the security officials to release them,” Farah said. On 17th November 2019, the Police in Somaliland arrested Khadar Hussein Abdi, the secretary-general of Waddani, and the spokesperson of the party, Barkhad Jama Batun. Earlier that day the leadership of the party called its supporters to gather at the party’s headquarters to “receive information.” The Police Commissioner, Mohamed Adan Saqandhi, called the announcement illegal and said they will prevent such gathering to happen. View the full article
-
The Somali Immigration department has denied media reports that the Egyptian education mission teachers operating in the Puntland region state were blacklisted and denied visas to enter back the country. In a brief Facebook post, the aviation authority stated that the personal information and photos circulated on the media were fake and incorrect. Officials from the immigration department based in the North-Eastern state also denied the media reports on Tuesday. The reports accused the agency of blacklisting and denying the Egyptian teachers entry to the country in a bid to go back to their respective teaching posts in Qardho, Galkayo, and Burtinle. There are several foreign staff mainly teachers working at various institutions in Somalia. View the full article
-
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulan wadajir ah. Kulankaan oo ah mid muhiim ah ayaa Ajandihiisu yahay meel-marinta habraaca ansaxinta dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid KMG ah oo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo kadibna afti loo qaado, si uu u noqdo mid rasmi ah. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta dib ugu laabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, gaar ahaan dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay. Sabriye oo xubno ka tirsan dowladda iyo saraakiil ay ku soo dhoweysay halkaasi ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda gali doono doorashada maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan u hakan doonin Ahlu Sunna oo hoggaankeedu ay si weyn uga soo horjeedaan dhaq dhaqaaqyada dowladda ee dhismaha Galmudug. Wasiirka ayaa sheegay in waqti badan uu kaga baxay Dhuusamareeb, islamarkaana loo baahan yahay in laga gudbo caqabadaha haatan ka jira magaaladaasi. Lama oga sida uu xaalku noqon doono, iyadoona hoggaanka Ahlu Sunna ay dhaq dhaqaqyo siyaasadeed iyo abaabul ka dhan ah dowladda ay ka wadaan halkaasi. Doorashada Galmudug oo isugu jirta mida madaxweynaha iyo baarlamaanka ayaa lagu wadaa in la qabto bishada December ee soo socoto, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu shaaciyey guddiga ay dowladdu u saartay dhismaha Galmudug.
-
JOINT STATEMENT ON DELAYS TO SOMALILAND PARLIAMENTARY AND LOCAL COUNCIL ELECTIONS Brussels, 27/11/2019 – 07:55, UNIQUE ID: 191127_10 Joint Statements We, the undersigned regional and international partners* of Somaliland, recall the significant agreement between political parties in July 2019 which recognised the “critical importance of holding the long due Parliamentary and Local Council Elections” and “agreed to hold the elections as soon as they will be politically and technically possible”. We are concerned that events have significantly undermined these commitments to the detriment of Somaliland’s democratic credentials and international standing. Likewise, we are deeply concerned by instances of seemingly arbitrary detentions and by increased restrictions on freedom of expression. We are especially concerned by the decision of the Guurti to extend both House of Representatives and Guurti’s mandates to January 2022 and January 2023 respectively. Both Houses, established to represent the women and men of Somaliland, have been sitting for a period much too long by any democratic standards. Local councils have been operating without a democratic mandate since April 2019. We therefore call on the government and all political actors to reaffirm, through both words and deeds, the long-standing culture of mutual agreement, consensus and compromise, to find a way through this current impasse in order for both parliamentary and local elections to take place without any further delay, well before the end of the calendar year 2020. As long-standing partners for the progress of Somaliland during the last 25 years, we praise the ongoing local mediation efforts and underline that for us to support the electoral process, it must promote political inclusiveness and the full respect of the law. As a solid foundation of such a process, there needs to be an Electoral Commission that inspires broad trust from all political actors as well as from the citizens of Somaliland. Only strong, democratically elected institutions can deliver the development outcomes that the people of Somaliland deserve. This is also what we as partners expect from our cooperation with Somaliland. *United Nations, IGAD, European Union, United States of America, Germany, United Kingdom, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, The Netherlands, Finland, France, Italy, Greece, Switzerland Qaran News
-
HARGEISA (HOL) - The UN and other members of the international community have expressed concern over the delayed elections in Somaliland following a decision by the Parliament to extend its terms between two and three years. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xubnaha beesha caalamka ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Somaliland, gaar ahaan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka ee maamulkaasi. War ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay is gaar ah uga walaacsan tahay mudda kordhinta loo sameeyey labada gole. “Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay go’aanka Guurtida ee muddo kordhinta loogu sameeyay labada gole.” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxay beesha caalamku intaasi ku dartay ”Waxaan ka walaacsanahay dib u dhaca doorashooyinka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Somaliland in ay si weyn u wiiqeen sumcadda dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo heerka caalamiga ah. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahay xariga u muuqda mid aan sharciga ku dhisneyn iyo xayiraadaha kordhaya ee xorriyadda hadalka.” Dhinaca kale warbixinta ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la ixtiraamo heshiiskii xisbiyada iyo xukuumadda ee bishii Luulyo 2019-ka, si loo qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca maamulka Somaliland. Waxa kaloo beesha caalamku sheegtay inay walaacsan tahay caburinta lagu hayo siyaasiyiinta iyo wariyeyaasha ka howlaga deegaanada maamulkaasi. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday xukuumadda iyo xisbiyada siyaasadeed inay ka shaqeeyaan degenaashaha iyo xaqiijinta doorashooyinka guud ee Somaliland.
-
Maanta baarlamaanka ee Soomaaliya labadiisa aqal waxaa loo qeybinayaa waxka bedelka sharaciga doorashooyinka iyo warbixinta guddiga ee sharcigan. Waxaana markii ugu horeysay la ogaan-doonaa sida ay noqon doonto nidaamka doorashada 2020-ka iyo sida ay ku taliyeen guddiga. Sharciga doorashada waxaa ay golaha wasiirada ansixiyeen May 2, 2019, waxaana golaha shacabka la horkeenay 22 May halka ay guddiga maanta warbixinta keenay ay saareen 21 july 2019. Xildhibaan Cabdirasaq Maxamed ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in guddiga sameeyeen ilaa 64 kulan oo ah dowlad goboleedyada, xisbiyada iyo bulshada rayidka ah. Dhanka kale waxaa kale oo la meelmarin-doonaa habraaca anisixinta dib u eegista dastuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Duulaanka Itoobiya ee Gedo wuxuu macnaynayaa ujeeddada iyada iyo Kenya ay u joogaan Soomaaliya! Jubbaland waa cabatay!…OO yaaba is gaaray?!… wali waxaan garan la’nahay waxa laynaga maagay, talada iyo fikirkeenana waxay ku soo urureen qaab aad moodayso inaan wada qarweyno!…waa hadlaynaa, khalad baan arkaynaa, laakiin ma saxayno! Waxaan sheegaynaa talo kuma dhaqmayno!… Maxaa innagu dhacay?!…Baddeenii baa Kenya iska sheeganaysaa oo maalin kasta niman aanan annaga dooran oo aanan keensan oo siday ku yimaadeen aan ognahay u yeer-yeeranaysaa oo talo meel la dhiganaysaa oo qaybo dalkeenii ah nin u saxiixayaa! Waase haddii aan sidaas u dulownay!…Maxaa ina aamusiiyay?! Golihii-Shacabka baa loo iibiyay oo loo gaday niman la doonayo in qallinkooda laynoo adeegsado!…niman aan rumaysnayn wixii aan dhiganay ama aan ku heshiinay (Dastuurkii) sidee bay wakiil inoogu yihiin?!… Ummad waxaynu nahay xor ah! Waxaan marar badan ku celceliyay Awoowayaasheen waxay u dagaalameen oo u dhinteen GOBANIMMADEENNA laakiin annagu oraah baan ku difaaci la’nnahay dhaxalkii ay awoowayaasheen inoo dhaafeen!! Waxay innagu soo simmeen dal xor ah oo dowlad ah laakiin maanta waa kaalinteenii siiba dadka dhallin-yarada ah! Ololaha colaadeed ee ciidammada Itoobiya ka wadaan gobolka Gedo waa mid ka dhashay heshiisyada huursan ee dadka laga qariyay, markaan sidaas leeyahay malaha runtaan ka baqayaayee wax qarsoonba ma jiraan!… maamulka Jubbaland hiil buu u baahnyahay waxaana muuqata Abiy Axmed iyo Farmaajo heshiiska ay galeen inuu yahay midka horseeday xad gudubka ay ciidammada Itoobiya ku soo galeen gobolka Gedo, ee maamulka Jubbland ee Soomaaliyeed!…Arrintan ma aha sida dad badan ay moodayaan mid Jubbaland ku ekaan doonta, laakiin waa mid soconaysa oo aan joogsanayn gaaraysana dhammaan gobollada Puntland, Somaliland, waana midda Galmudug lagu qabsan doono aakhirka, waxaana in dadka Soomaaliyeed inay fahmaan ay tahay in Koonfur-Galbeed iyo Hirshabeelle ay yihiin sal-dhigyo ciidamo Itoobiyaan oo ka amar qaata si toos ah madaxda sida aan kor ku soo xusay talada dalka loogu dhiibay. Markii ugu horeysay 1996-kii ayeey ciidammada Itoobiya ku soo xad gudbeen xuduudda iyo ciidda Soomaaliyeed, iyagoo ku marmarsoonaya inay ku raad joogaan argagixiso Soomaaliya gudaheeda kaga soo duushay, duulaankaas oo runtii ahaa mid dhibaato ma hadho ah ugu tagay dadka Soomaaliyeed ee gobolkaas ku dhaqan ayaa waxaa Itoobiya ku taageeray Qarammada Midoobay (QM), iyagoo sabab uga dhigay inay Itoobiya xaq u leedahay inay is difaacdo!…waxaase nasiib daro ahayd in cabashadii dadkii shacabka ahaa ee gobolkaas aan cidina uga garaabin, iyadoo waliba ciidammada Itoobiya ay geysteen tacadiyo xagga bini aadanimmada ah oo ay laayeen dad badan oo shacab ah oo waxba galabsan, isla markaasna ay dhac iyo boob badan ka geysteen magaalooyinka Baled-Xaawo iyo Luuq! Waxaana jiray warar soo baxay oo sheegayay in ciidammadaas ay kula kaceen shacabka xad gudubyo ay ka mid ahaayeen inay dadka xilliyada habeenimmada ah guryaha ugu dhaceen oo ay halkaas ka geysteen kufsi baahsan isla markaasna qoriga caaraddiisa ku qaateen waxayaabo qiimaha leh sida lacagta, dahabka iyo electronics-ka. Dacwadii Jubbaland wali James Swan waa ka jawaabi la’yahay, maxaad sababta u malaynaysaa?! SHaki la’aan Jubbaland marka la fiiriyo doorashadii ka dhacday waxay u dhaqantay sidii uu dastuurka qorayay, waxayna ku adkaysatay inay iyada is maamusho si madax bannaani buuxda ah oo xuquuqda uu dastuurka siiyay dowlad-goboleeddada waafaqsan, khaladaadkii ka dhacay doorashadii la qabtay waxaa abuuray oo si ku talo gal ah u sameeyay madaxweyne Farmaajo oo ku talo galkiisu ahaa in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu xukunka ka tuuro xataa haddii ay ku kacayso dadka shacabka ah dhiiggooda, waxaana middaas cadayn u ah sida uu ula dhaqmay maamulkaas dastuuriga ah, haddii ay tahay inuu ka garab dhisay madaxweynayaal kale ama ciidamo Itoobiyaan ah ha ku dalbado! Waxaase Alle mahaddiis ah in dad-weynaha Jubbaland ay midnimo muujiyeen ammaankoodana adkaysteen! Waxaase ayaan daro kale noqotay in colaaddii Farmaajo aysan halkaas ku dhammaan oo ciidamo Itoobiyaan ku soo hoggaamiyay Jubbaland, waxaana la xirxiray maamulkii Gedo ka jiray ee Jubbaland, waxaana jira dhibaatooyin soo gaaray dadka shacabka oo qaarkood deegaanadoodii ka bar-kacay, sidaasoo kale waxaa jira khasaaro kala duwan oo naf iyo moodba isugu jira inkastoo aan la heli karin warar sugan oo la xiriira wax-yeelada ciidammada Itoobiyaanka ay ka geysteen deegaannadaas ay soo galeen. Arrimahaas oo dhan aduunka isagoo u jeedo ayuu ka aamusanyahay, laakiin Farmaajo Kenya ayuu heshiis la galay aduunka oo dhan baa u hambalyeeyay!…Yaa Salaam!!.. Waa arrimahaan waxa la doonayo in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan!… Maxaa duulaankaan gar-darrada ah ee lagu soo qaaday dal xor ah, oo waliba xubin ka ah Qarammada Midoobay, dunida uga aamustay?! Waa midda la doonayo dadka Soomaaliyeed inay qaadaa-dhigaan macneeyaan, siiba dhallin-yarrada wax-baratay waa inay falanqeeyaan, fasiraad u helaan, waxa ay ka fahmaanna ay dad-weynaha ku war geliyaan, war-baahinta uga sharaxaan!…Waxaase Alle mahaddii ah, ugu dambeyn 10 casho ka dib cabashadii Jubbaland in Madashii Xisbiyada ay ka dhiidhiyeen duulaanka ama faro-gelinta guumeysigu ka dambeeyo ee ay Itoobiyo ku hayso Soomaaliya, waxaase loo baahanyahay in guddomiyaha Madasha Xisbiyada SHiikh SHariif Axmed uu qoraal rasmi ah oo mowqifkooda ah uu u gudbiyo safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho, isla markaasna uu ogeysiin siiyo xafiiska Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta. Wakiilka xafiiska Qarammada Midoobay, James Swan, wuxuu ka aamusay oo uusan wali wax jawaab ah ka bixin cabashadii ay gudbisay dowlad-goboleedka Jubbaland November14, 2019, taasoo ay kaga cabanaysay duullaanka Itoobiya ay ku soo qaaday gobolka Gedo, ee Jubbaland. Jawaab la’aanta Swan waxay noqon kartaa inuu ogyahay in ciidammada Itoobiya ay fasax ama codsi ka yimid dowladda federaal-ka ah (Farmaajo) ay ku soo galeen gobolka Gedo, sababtaas awgeedna uu u arko inay sharci ku joogaan… waana sababta ugu muhiimsan ee uu cudur daarka ka dhigan karo, laakiin taasi ma noqonayso cudur daar ku filan dhaqanka ciidammada Itoobiya iyo waxyaabaha ay ka sameeyeen gobolkaas oo runtii xad-gudub ku ah qaranimmada Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ah. Itoobiya iyadoo ciidamadeeda ay ka mid yihiin hawl-galka AMISOM in ciidamo kale ay dalka Soomaaliya soo geliso, oo waliba ay burburiyaan dowlad-goboleed ka tirsan dowladda federaal-ka, waxay meel-ka dhac ku tahay qaranimmada Soomaaliya!… Xataa ciidamo ka tirsan AMISOM qaynuun ahaan ma dhex geli karaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlad-goboleeddada iyo federaal-ka, waayo xilkooda kama mid ah… Jawaab la’aanta wakiilka QM James Swan, ayaa dhinaca kale waxay qayb ka tahay qorshayaasha iyo barnaamijyada ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ka leedahay Soomaaliya laguna ilaaliyo ciidammada AMISOM, si gaar ahaaneedna Itoobiya. Madasha Xixbiyada yeey wakiil ka yihiin?!…Burhaantiina muujiya!…Hala arko Waxaa Madasha Xisbiyada hor yaala hawlo adag, xubno badan oo iyaga ka mid ah ayaa fari ku godantahay oo dhibaatooyinka jira qaarkood loo haystaa inay lug ku lahaayeen, hasa yeeshee haddii ay maanta wax saxayaan wax tarkooda waa loo baahanyahay, arrimaha ugu muhiimsan waxay tahay in dad-weynaha iyo midnimadooda ay raadiyaan, inay dad-weynaha xogta dhibaatooyinka uu dalka wajahayo ay la socodsiiyaan oo ku baraarujiyaan!… Itoobiya iyo Kenya, hawlaha ay ka wadaan dadlka gudihiisa u turjumi karaan shacabka, dal kasta oo faraha kula jira arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya waa inay u fasiri karaan shacabka biyo dhaca siyaasaddiisa ku wajahan Soomaaliya!…dhammaan talaabooyinkaas waxay sare u soo qaadi karaan lixo jeclaha ay dad-weynaha u qabaan dalkooda, waxayna soo dhoweynaysaa midnimmada ummadda. Xaaladdu waxay maanta maraysaa meel aad khatar u ah, dalku ma laha Gole-Shacb, mana laha hay’ad kale oo la xisaabtamaysa Golaha-Fulinta, sidaas aawgeed xisbiyada mucaaradka ah waxay ku soo beegmeen xilli munaasab ah waa haddii ay gartaan kaalinta u banaanee!…shaki yuusan idinka gelin Golaha-Shacabka waxaa iibsaday waxa loogu yeero Beesha Caalamka, waayo lacagta xildhibaannadii ummadda u dhaartay lagu laaluushay ama lagu gatay waxaa bixiyay dalal shisheeye ah!…si dalka u u noqdo mid aan la kala xigin, danta laga leeyahayna laga qunsado iyadoo aysan jirin cid dantiisa ilaalinaysa!…Marka Xisbyada mucaaradka waa ay dadaaleen, wayna ahayd inay ka hadlaan xad-gudubka Itoobiya! Waxaa loo haystaa shakhsiyaad iskood isaga socda oo aan lahayn dad ay wakiil ka yihiin, waxaana fiicnaan lahayd inay qabtaan isu soo baxyo (Rallies) iyo kulano ay dadka kula hadlayaan, iyo waliba inay abaabulaan bannaan baxyo dad-weyne oo ay ku diidayaan fara-gelinta shisheeyaha; Itoobiya, Kenya, Maraykan, Ingiriis…iyo ku xad-xgudubyada xudduudaha Badda iyo Beriga ee ay wadaan Itoobiya iyo Kenya?!… Duulaanka Itoobiya iyo sheegashada badda Soomaaliyeed ee Kenya, Sal-dhigyada ciidammada shisheeyaha ah ee gobollada laga dhisay iyo hawl-galka AMISOM intuba waa mid waana isku ujeeddo!…laakiin shacabka?!…shacabka?!…waa la halmaamay, dowlad la hadasho ma leh, dowlad wax uga baahan ma leh (koleey cod ku tahay) xiriirkii iyaga iyo siyaasiyiinta dalka waa la kala gooyay, sidaas aawadeed siyaasadda dalka kaalin kuma leh…waxaana shaxdaas dhigay oo jeexay waxa loogu yeero Beesha Caalamka!…. Balse ka feker, kulankii uu soo qabanqaabiyay Kyle McCarter safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya ee dhex maray Farmaajo iyo Uhuru November 14, 2019, ka dib maxay Kenya ugu yeertay madaxweynaha Jubbaland?!…Madasha Xisbiyada maxay arrintaas kaga tashatay?!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Duulaanka Itoobiya ee Gedo wuxuu cadayn u yahay danaha guumeysigu ka leeyahay Soomaaliya! appeared first on Puntland Post.
-
Ilo’ wareedyo muhiima, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu bisha soo socota December, socdaalkii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay uu ku tegi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Madaxweyne Deni oo haatan ku sugan magaalada Dubai ee xarunta Ganacsiga waddanka Imaaraatiga, halkaasina u jooga arrimo la xiriira Qandaraaska shirkadda PDG oo qaabilsan Adeega iyo Saadka ciidanka PMPF, ayaa sida la filayo maalmaha soo socda dib ugu soo laabanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Ka hor intaan madaxweynaha Puntland u dhoofin waddanka Imaraadka Carabta, ayaa la xaqiijiyay in ay khadka Taleefonka ku wad-hadleen Deni iyo Farmaajo, islamarkaana ay isla garteen in madaxweyne Deni uu bisha soo socota ee December Muqdisho yimaado, si looga wada-hadlo arrimaha ay ku muransan yihiin dowladda Puntland iyo Villa Somalia. Balse, weli xog sugan lagama hayo qodobada ugu muhiimsan oo miiska u saran labada dhinac ee Puntland iyo dowladda Federaalka, marka laga reebo qaar kamid ah dadka siyaasadda odorosa oo sheegaya in doorashada 2020/2021 ay kamid noqon doonto qodobada laga wada-hadli doono. PUNTLAND POST The post XOG: Deni oo socdaalkii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay ku tegi doona magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga so gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey dhinaca degmada Afgooye ee gobolkaasi. Wabiga ayaa ku soo fatahay xaafadaha Baalguri iyo Damaley, iyadoona dadka deegaanku ay haatan bilaabeen inay ka barakacaan halkaasi. Fatahaada ayaa timid, kadib daadad ka dhashay roobab xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa durbo tegay xaafadaha uu ku soo fatahay Wabiga Shabelle. Najax ayaa sheegay inay haatan wadaan gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadkaasi oo hadda ku dhibaateysan duleedka degmada Afgooye. Sidoo kale wuxu ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo dowladda federaalka inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadkaasi, si loo badbaadiyo noloshooda. Xaaladda ayaa haatan ka sii dareyso, welina gurmad mahelin qoysaska dhibaateysan.
-
Popular Contributors
