-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho-Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan iskugu jiray soo dhaweyn iyo is xog wareysi waxay magaalada Muqdisho ugu sameeyeen qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Gedo ee koonfurta dalka. Guddoomiyaasha degmooyinka kala ah, Baardheere, Luuq, Dolow iyo Beled-Xaawo, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo, ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna sii joogi doonaan maalmo sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah wasiirradii ay maanta la kulmeen. Guddoomiyeyaashan ayaa dhowaan ka goostay maamulka Jubaland, kuna biiray dowladda Soomaaliya, waxaana kaidb xilalkii ka qaaday Jubaland. Mas’uuliyiinta ka tirsan xukuumadda oo ay kulankaas la qaateen guddoomiyaashu ayaa kala ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, wasiir ku xigeenka warfaafinta Aadan Isaaq Cali iyo xubno kale. Gaba-gabadii kulankaas ayaa waxaa la sheegay in wasiirrada ka socday xukuumadda iyo guddomiyaasha degmooyinka gobolka Gedo ay isla qaateen in xukuumaddu kala shaqeyso masuuliyiinta gobolkaas fududeynta iyo hirgalinta adeegyada ay u baahanyihiin degmooyinka iyo deegaanada gobolka Gedo, iyaga oo balan qaaday wasiirradu in howlaha gobolkaas ay doorkeeda ka ciyaari doonto dowladda federaalku. Gobolka Gedo oo mid ah gobolada uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland ayaa waxaa mudooyinkii danbe ka taagnaa loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka madaxweyne Axmed Madoobe. Guddoomiyaasha maanta kulanka la qaatay wasiirada ka tirsan xukuumadda ayaa waxaa horay xilalkii uga qaaday hoggaanka maamulka Jubbaland kadib markii ay ka hor yimaadeen maamulka madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna haatan si toos ah ula shaqeeyaan dowladda dhexe.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa loo diiday in uu ciidan la galo taliska Booliiska Soomaaliya ee Kumaanda Bulisiye, kaas oo u dhaw madaxtootada Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Taliye Xijaar ayaa ciidanka ilaalada madaxtooyada ee ku sugan Kantaroolada laga ilaaliyo Villa Somalia waxay u sheegeen in aysan amar u qabin in la sii daayo ciidan balse ay u ogolyihiin darwalkiisa oo kaliya si uu utago taliska Booliiska ee Kumaanda Bulisiya balse laga reebayo ciidanka kale ee Istaafka ah. Sida ay ilo-wareedyada u sheegeen Caasimada Online, Cabdi Xasan Xijaar ayaa falkaasi ka carooday islamarkaana uu dib ugu laabtay halkii uu ka yimid ilaa hadana uusan tagin taliska ee Kumaanda Bulisiya. Warar kale ayaa sheegaya in uu maanta barqadii ka galay dhina 15 May, isagoo lugeynayo. Dhinaca kale taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan ayaa xoog ku maray mid kamid ah kontaroolada madaxtooyada Soomaaliya. Taliyaha ayaa la sheegay in uu gaariga ka dagay kadibna uu ciidankii la socday ku yiri soo gudba taas oo sababtay muran cabaar socday kadibna loo fasaxay in uu la soo gudbo. Ciidanka ilaalada madaxtooyada oo ka baqay isku dhac sababi kara dhimasho, ayaan jawaab ka bixin tallaabado uu qaaday Jeneral Mahad. Wararka ayaa sheegaya in taliska madaxtooyada ay dacwad ka gudbiyeen Jeneral Mahad, iyagoo sheegay in ay ka baaqsadeen dagaal uu taliyaha diyaar u ahaa balse ay sugayaan amar kale oo arrintaan la xariira. Shalay ilaa maanta waxaa Kontaroolada madaxtooyada loo diiday in ay ka soo gudbaan wax ciidan ah waxaana taagan muran iyo doodo culus oo arintaan ka dhashay. Wasiirada, xildhibaanada iyo taliyayaasha ayaa doonaya inay ciidankooda la gudbaan, balse waxaa go’aankan la qaatay kadib markii xubno Shabaab ah oo ku hubeysan dharka ciidanka ay weerareen hotel SYL oo ku dhow Villa Somalia.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-15122019-sax.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka digay Calaf xoolaad ay Hay’adi Dalka keentay, kaasi oo Xisbigu sheegay inuu sun yahay oo la doonayo in Xoolaha Somaliland lagu dabar-gooyo. Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Dr. Axmed Cabdillaahi Cige (Shugri) oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa isagoo sharraxaya arrintaasi wuxuu yidhi “Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaheena, mar hadday xooluhu laf-dhabarta dhaqaalaheena yihiin waa in Dawladda iyo dadkuba loo foojignaado.” Dr. Shugri waxa kale oo uu sheegay “Nin Muwaadin ah ayaa soo sawiray Gaadiid oo 25 ku sheegay oo soo galay xuduudka Lowyacaddo, wuxuu sheegay in Gaadiidka ay saaran yihiin 25 koontiinar oo sida Calaf xoolaad, sida Buushiga, kaasi oo xoolo badan ku filan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ninkaasi wuxuu sheegay in Gaadiidkaa Jabuuti ka timid ee Lowyacaddo ka soo gashay inay Hay’adi wadato, qoladii Kastamkuna cashuurayaan, marka ka cashuurana waddanka ayay soo galayaan. Ninkaasi wuxuu yidhi waanu tijaabinay buushigaa, wuxuu yidhi Buushigaa Diqsiga isku taagaa wuu dhimanayaa, Ninkaasi wuxuu yidhi xoolaheena ayaa lagu wadaa oo la siinayaa, waxaana loo qabayniyaa Xoolaha jooga Lowyacaddo illaa Taleex, Hay’adduna waxay ka dhigaysaa samo-fal wanaagsan inay xoolaha siinayso..” Source
-
(SLT-London)-Dawladda Ingiriiska ayaa Dalkeeda ka Mastaafurisay Nin ay Walaalo yihiin Orodyahanka Caanka ah ee Mo Farah, kaasi oo Magaciisu yahay Axmed Faarax, sida uu qoray Wargeyska Daily Mail. Ninka la Mastaafuriyey ayaa muddo 4 sanadood iyo Badh ah ku soo qaatay Jeelka oo uu galay sannadkii 2010-kii, ka dib markii lagu eedeeyay inuu Qof Tooray ku geliyey Galbeedka Magaalada London. Ninkan oo da’diisu tahay 30 jir ayaa waajahay daruufo, waxaanu ka qoomameeyay khaladka uu sameeyay sida uu ku sheegay Waraysi uu siiyey Wargeyska Sunday Mirror “Waxaan sameeyay Khalad weyn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Laakiin, maxaa labada jeer la iigu cibaaqayaa waxa aan sameeyay..” Wargeyska Daily Mail iyo Warbaahin kale ayaa sheegay in Ninkan ay Dawladda UK kala noqotay Sharcigii dhalashada isla-markaana loo Mastaafuriyey halkii uu ku dhashay. Axmed wuxuu sheegay oo kale inaanu Walaalkii Mo Farah aanu la hadlin muddo 10 sanadood, laakiin uu la yaaban yahay in Walaalkiisa sidaa caanka u ahi uu isaga ka soo horjeedo. Source
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoquraadiyada Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo khudbad ka jeedinayey Munaasadda daah-furka Qorshe howleedka Guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa ka warbixiyey waxqabadkii wasaaradiisa mudadii ay jirtay. Xafladda oo uu kasooo qeybgalay Madaxweyne Puntland Saciid Deni ayuu Wasiirka kusoo bandhigay qorshe ay wasaaradiisa ku dooneyso in soohdimo cusub loogu sameeyo xuduudaha degmooyinka Maamulka Puntland. Wasiirka ayaa arrintaas ku tilmaamay inay tiir muhiim ah u tahay hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland iyo doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo in maamulkaas laga hirgeliyo. Wasiir Maxamed ayaa xusay in Wasaaraddu diyaarinayso Daraasad ku saabsan Hannaanka kala xadeynta degmooyinka Puntland, waxaana uu xusay in hawshaasi loo xil-saaray Sharci-yaqaan ku xeel-dheer Arrimaha Xuduudaha, si qaab cilmiyaysan loo maro Nidaamka kala Xadeynta degmooyinka oo door muhiim ah ka qaadanaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Puntland. Wasiirka ayaa Madaxweyne Deni ku wargeliyey inay wasaaradiisa shaqaaleysiisay sharci yaqaano aqoon u leh xadeynta Degmooyinka, wuxuuna sababta arrintaan loo sameenayo ku macneeyey inay tahay in degmooyin cusub ay kusoo biireen deegaanada Puntland tan iyo burburkii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayna lagama maarmaan tahay in xuduudo loo sameeyo degmooyinka cusub iyo kuwii hore u jiri jiray. Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay diyaarinayso Khariida ama Map aan ahayn Khariidadda Soomaaliya, balse sida uu sheegay u gaar ah dowladda Puntland, si loo jaan-gooyo goobaha Cod-bixinta degmooyinka. Mar uu faahfaahin ku bixinayey khriiradda cusub ee Puntland sameysaneyso ayuu sheegay inay kasoo muuqan doonaan 50 degmo ee Puntland ay ka kooban tahay maadaama uu ku dooday in khariidadaha hadda sameysan aysan arrintaas ku jirin sida uu hadalka u dhigay.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Ciidamada badda Turkiga ayaa markab laga leeyahay Israel ka qabtay kana soo eryey meel u dhow badda Qubrus, xilli ay kasii dareyso xiisadda ka taagan bada Meditareeniyaanka oo kheyraad badan oo dabiici ah oo lagu arkay. Markabka oo lagu magacaabo Bat Galim, oo uu leeyahay machadka darasaadka badda ee Israel, ayaa cilmi-baaris ka sameynayey biyaha Qubrus, isaga oo la shaqeynaya mas’uuliyiinta dalka Qubrus, sida ay sheegtay warbaahinta Israel, oo soo xigatay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Israel. Sida ay sheegeen warbixino, maraakiibta badda Turkiga ayaa la xiriiray markabka Israel kadibna weydiiyey inuu sharaxaad ka bixiyo dhaq-dhaqaayada uu halkaas ka wado, waxaana kadib ay ka dalbeen inuu ka tago aagaas badda Meditareeniyaanka ah. Dhacdan ayaa timid toddobaad kadib markii Turkey ay Libya la saxiixay heshiis ballaariyey aagga dhaqaalaha Turkiga (EEZ), islamarkaana kusoo daray dhul-badeed ay Greece sheegtay inuu ku jiro xuduuddeeda. Marka laga reebo qab-weynida qarannimo ee ku jirta dalalkan iyo kheyraadka halkaas ka buuxa, Greece iyo Turkey labaduba ma aysan xadeyn aaggood dhaqaalaha, taasi oo u ogolaaneysa inay dhul-baaxad weyn kheyraad ka raadsadaan. Qubrus, Israel iyo Masar oo xadeeyey aaggooda dhaqaalaha ayaa helay goob gaas uu ka buuxo oo sare u qaadi kara dhaqaalahooda. Heshiiska Turkey iyo Libya ayaa ka carreysiiyey dalalka Greece, Qubrus iyo Masar oo dhammaantooda sheeganaya inay xuquuq u leeyihiin gobolka gaaska uu ka buuxo. Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyey heshiiska, kuna sheegay mid “ku xadudbaya xuquuqda madax-banaani ee dal kale, islamarkaana aanu waafaqsaneyn xeerka caalamiga ah ee badda.”
-
(SLT-Iran)-Dowladda Iran ayaa fashilisay weerar labaad oo dhanka internet-ka ah muddo toddobaad gudihiis ah, waxaa sidaasi sheegay wasiirka isgaadhsiinta ee Iran. Maxammad Javad Azari-Jahromi ayaa sheegay in weerarkan lala bartilmaameedsaday nidaamka Electrooni-kada ah ee dowladda. Wasiirka wax faahfaahin kama bixin weerarkan iyo sida uu u dhacay. Arbacadii ayay ahayd markii ay Iraan ku andacootay in weerar kan la mid ah lagu soo qaaday. Bishi June ee sannadkan nidaamka hubka Iran ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday weerar dhanka internet-ka ah, sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka. Source
-
London (Caasimada Online) – Wiil la dhashay cayaaryahan Mo Farah ayaa laga soo masaafuriyey dalka UK, laguna soo celiyey Soomaaliya, kadib markii uu dhamaystay xabsi 4 sano ah oo lagu xukumay. Ahmed Farah oo 30 jir ah, ayaa waxaa horey loogu xiray weerar mindi loo adeegsaday oo sanadii 2010 ka dhacay xaafadda Southall ee galbeedka magaalada London. Kadib markii uu xabsiga kasoo baxay ayaa waxaa muddo laba sano ah daba socday Xafiiska Arrimaha Gudaha oo ugu dambeyn u masaafuriyey Somaaliya. Waxa uu hadda sheegayaa inuu doonayo inuu dib ugu soo laabto UK. Isaga oo la hadlayey wargeyska Daily Mirror kuna suga magaalada Burco ayuu yiri “Waxaan sameeyey khalad weyn, balse maxaa laba goor la iigu ciqaabayaa wixii aan sameeyey. Waxay la mid tahay ayadoo lagu yiri ‘xabsi gal, markaad ka baxdana xabsi kale gal oo ha lagu masafauriyo’” ayuu yiri. Ahmed Farah ayaa sheegay inuusan muddo 10 sano ah la hadal walaakiis Mo Farah, islamarkaana uusan wax cuqad ah u hayn, balse waxa uu is-weydiiyey in caannimada walaalkiisa ay isaga dhaawacday iyo in kale. Isaga oo ka hadayey dambiga uu galay, waxa uu sheegay in haddii uu ogaan lahaa waxa dhacaya, uu habeenkii dhacdada ay dhacday uu u fal-celin lahaa si ka duwan sidii uu sameeyey. Ahmed ayaa la xiray horaantii 2011, waxaana lasii daayey 2014, balse maadaama uusan ahayn muwaadin British ah, waxaa laga qaatay sharcigii. Ahmed ayaa waxaa mar kale la xiray bishii August ee 2016 waxaana kadib u billowday hanaan lagu masaafurinayo, ayada oo dhowaan dib loogu soo celiyey Soomaaliya. Waxa uu sheegay in hadda uu la halgamayo nolosha Afrika, kuna nool yahay saboolnimo.
-
(SLT-Hargeysa)-Shaqaalaha Dawladda Oo Digniin Adag Loo Diray, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Nabaddoon Cabdullahi Daahir Maxamed oo ka tirsan liiska saxiixayeyaasha Galmudug oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa ka sheeganaya in xoog looga saaray liiska saxiixayaasha Galmudug isaga oo ku eedeeyey musuq iyo in ay ku badaleen ehaladooda. Cabdullahi Daahir oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Waxaan ka mid ahaa saxiixayaashii Galmudug soo dhisay 2015-kii, wasiir Sabriye bishii 6-7aad waxaa uu horay noogu khudbeeyey in saxiixayaasha wax aan aheyn la keeni karin, oo Jubbaland ay sidaas ku diideen, hadda isaga iyo shaqaalihii balantii ka baxay, weliba kala rogaa oo bannaanka na dhigay, oo kuwoo aan horay ugu jirin xareysay”. Nabaddoonka oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Cadaaladdii iyo musuqii iney gacanta ku jiraan ayaa muuqato, afkooda iyo uurkooda iska laha”. Nabaddoon Daahir waxaa uu si gaar ah uga sheegtay“Aniga Guddoomiyaha degmada Dayniile Jacfar Abuukar Cali ayaa igu badaly walalalkii, waxaa uu kaashaday Yaxye Hareeri, micnaha waxaa waayey wixii loo dira yeeli maa waaye, qof wixii la rabo loo yeeriyo ayaa la rabaa, Xildhibaanno, agaasimeyaal iyo guddoomiyeyaal degmo oo shaqadii Xamar ku hayeen ka soo tagay ayaa jooga halkan, saaka odeyaasha waa la xareeyey, aniga gurigeyga ayaan joogaa”. Goobjoog News uma suurogelin xaqiijinta eedeynta loo soo jeediyey shakhsiyaadka uu nabaddoonka magacyadooda sheegay, xiriir aan la sameynaya ma suurogelin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
Ugu horeyn waxaan salaamayaa. Bahda warbaahinta guud ahaan gaar ahaan ‘ascw’. Salaam ka dib waxaan doonayaa in wax yar idhaahdo dadka qoraya ama baahinaaya. Amaanta ama jaceylka Kooxda Xamar ee uu horboodo ninka lagu sheego farmaajo. Somalida waxey ku maahmaahdaa Doqontu Xadhiga lagu xidhaayo Suxulada ayay ku sidataa, taasi waxaa maanta ka dhigan kuwa reer somaliland ee wax qora qaarkood oo ummada aynu ogayn waxii soo marey iyo dadkii ku dhintay leh Xamar ayaan u shaqo tagey ee himiladii iyo waxey umadu doonaysay hunguri ayar siistay iyo meel aan waxba jirin inoo amaanaaya! Ta kale ee ugu sii xun waxaa weeye. Mareegaha magac somaliland sheegta waxaan ku arkaaye kuwo. Mr farmaajo ugu yeedhaaya madaxweyne ,madaxweynaha somaliland ee la doortaneyna ugu ueedhaaya. Muuse?? Igama ahan dowlad difaac iyo muuse difaac balse shacabka somaliland waxaan doonayaa in ay ogaadan dadka ceynkaasi u dhaqmayaa in ay yahiin kuwo reer somaliland sheegta waliba beesha isaaqa ah. Suaashaydu waxaa weeye goormaan Xamar iyo farmaajo amaanaa? Durba somaliland iyo madaxweynaheedna dafirnaa? Maanta waa la is ogaadey dadka caynkaasi u hadlaaya ama qoraaya hala ogaado in ay yahiin ku aaminsan somaliweyn somaliland Jecel burburkeeda iyo kala tageeda! Waxase hubaal ah dadkaasi in aaney ummada reer somaliland ka leexin doonin tubteeda. Qore Tahir hussein Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayreayaa khudbad ka jeediyay madasha 19-aad ee Dooxa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Khudbadiisa uga hadlay dowrka ganacsatada ee badbaadinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka, fursadaha dalka ka jira, sharciyada ganacsiga dhiirri gelinaya ee dowladdu meel marisay iyo rejada laga qabo in Soomaaliya ay noqoto jiha ay dunidu kusoo hirato. Dowrka Ganacsatada Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxa kaliya ee bulaalay dadkana badbaadiyay uu ahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay oo hantay kalsoonida dadka. “Si muuqata ayay ganacsatada Soomaaliyeed u ahaayeen laf-dhabarta dalkeenna 30kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo keenayay badeecooyinka iyo adeegyada kale ee dalka looga baahan yahay. Xitaa markii ay adkayd in ay dadku isugu gudbaan gobol ilaa gobol, bahada ganacsigu waxa ay awoodi kareen in ay meel kasta oo dalka ah isaga gooshaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Isgaariinta Casriga Ah “Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah isgaarsiinta ugu wanaagsan qaaradda Afrika, adeeg xawaaladeed oo casri ah oo adeegyo siiya Soomaalida iyo dad aan Soomaali ahayn oo ku nool dunida dacalladeeda, Habka xaawaadalaha lacagta ee mobile-lada loo adeegsado, kaas oo bishii sameeya 155 milyan oo xawilaad ah.” Ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay Khudbaddiisa Madasha Dooxa. Dowladda iyo Dhiirri gelinta Ganacsiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda oo dadaal xooggan ku bixineysa dhiirri gelinta ganacsiga iyo ganacsatada una sahleysa maalgashiga Soomaaliya, ay saddexdii sano ee la soo dhaafay meel marisay sharciyada arrintaas la xiriira ee ay kamidka yihiin Xeerka Maamulka Maaliyadda, Sharciga Isgaarsiinta, Sharciga maalgashiga iyo Sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa, kuwaas oo dhamaan sahlaya in Soomaaliya ay noqoto meel soo jiidata maalgashadayaasha. Soomaaliya waxa ay leedahay Imkaaniyaad aad u mihiim ah, Xeebta aad ugu dheer qaaradda Afrika, Khayraad kalluun oo aan wali sidii la rabay looga faa’iideysan, beero, macaadin, shidaal , gaas iyo adeegyo kale. Ra’iisul Wasaaruhu waxaa kale oo Khudbaddiisa ku sheegay in Khayraadka Soomaaliya ceegaaga ee maalgashiga u baahan uu horseedi karo in dhaqaalaha Soomaaliya uu si dhaqso ah u kobco, taas oo hagaajineysa xaaladda nololeed ee dadka hadii si wanaagsan looga faa’iideystana ay suugal noqoneyso Xaqiijinta amniga cuntada oo joogto ah, Abuurista fursado shaqo oo aad u badan, horumarka ganacsiga heer qaran iyo caalamkaba iyo Uruurinta dakhli badan iyo kordhinta wax soosaarka gudaha. Soomaaliya: jihada cusub ee dunidu ku soo hiraneyso Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay noqoto jiho cusub oo dunidu ku soo hiraneyso sanadaha soo socda, maalgashadeyaashuna aysan ka qeyb qaadan oo kaliya dib-u-dhiska Soomaaliya, balse ay sidoo kale ka faa’iideystaan kheyraadka iyo imkaaniyaadka dalkeenna, Soomaaliyana ay kaalinteedii saxda ahayd ka ciyaari doontaa gobolka iyo dunidaba intiisa kale. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Ilmo yar oo lagu sheegay inuu jiro sagaal bilood ayaa xalay ku dhintay dab xoogan oo qabsaday hoyga ay ka dagan yihiin magaalada Hargeysa ee xaafada Libaaxyada, sida uu sheegay Taliska ciidamada Dab-damiska Somaliland. Ilmahan yar ee dabkaasi ku dhintay, ayaa waxa hoyga kula jiray labo kale oo ay ciidamada dab-damisku soo samatabixiyeen iyagoo dhaawaca, iyagoona geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad. Saddexdan caruur ah ee midkood ku naf waayey dabkaasi, ayaa waxa uu waalidkood guriga kaga xiray dusha, halka uu wiilka yar ee sagaalka bilood jirra uu isaguna lugta ka xidhnaa, sida lagu sheegay war qoraal oo ka soo baxay Taliska ciidamada dab-damiska Somaliland. Hoos ka aqriso qoraalka ay dhacdadaasi ay ka soo saareen Ciidamada dab-damisku: “Alle ha u naxariistee ilmo yar oo sagaal bilood jiray ayaa ku dhintay, halka laba kalena iyagoo dhaawaca ciidanka dab-demiska Hargeysa ka soo samatabixiyeen hoygooda oo dab ku qabsaday xaafada libaaxyada ee magaalada Hargeysa. labadii kale oo kala ahaa wiil iyo gabadh ayaa ciidanka dab-demisku gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada hargeysa halkaas oo hadda lagu daawaynayo. caruurtan yar yar ayaa waalidkood dusha kaga sii xidheen, iyadoo waliba ilmaha yar ee dhintay lugta uu ka sii xidhnaa”.
