Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,001
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in la filayo in saacadaha soo socda xukuumadu ay sii dayso Masuuliyiinta xisbiga Waddani ee Xidhan. Waxaanay ilo wareedadaasi ay intaa ku darayaan in Xafiiska Xeer-ilaainta Gobolku ay saaka u qortay Maxkamada Gobolka qoraal ay ku sheegayaan in aanay wax dacwad ah u haysan masuuliyiinta xisbiga Waddani ee xidhan oo ay ka mid yihiin Xoghayaha guud iyo Afhayeenka xisbigaasi sidaa darteedna xoriyadooda dib loogu soo celiyo. Sidoo kale arintan ayaa ku soo beegmaysa ama ka dhalatay kadib markii guddi is-xilqaantay oo ay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka aqbashay ergo ay isku xilqaameen ay ula tageen arinta sii daynta masuuliyiintaasi, sidaa darteenda la filayo in saacadaha soo socda ooda laga qaado masuuliyiinta mudada todobaadka ku dhaw sharci darada u xidhnaa. Source
  2. (SLT-China)-Wasaaradda arrimaha dibedda China ayaa Isniintii u yeedhay safiirka Mareykanka Terry Branstad, si ay cabasho uga muujiso sharci uu ansixiyey Congress-ka Mareykanka oo lagu magacaabo Sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Dimoqraadiyadda Hong Kong. Wasaaradda ayaa sheegtay in sharcigaas uu la macno yahay faro-gelin lagu sameeyey arrimaha gudaha ee China. Qoraal ay wasaaradda ku daabacday website-keeda ayey ku sheegtay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Zheng Zeguang uu ku cadaadiyey dowladda Mareykanka “inay saxdo qaladaadkeeda, islamarkaana joojiso faro-gelinta arrimaha Hong Kong iyo China.” Dibad-baxayaal kasoo horjeeda dowladda ayaa muddo lix bilood ah banaanbaxyo ka waday waddooyinka Hong Kong, xilli ay jiraan rabshado sii kordhaya iyo cabsi laga qabo in China ay sare u qaadi doonto jawaabta ay ka bixineyso qaadacaadda dowladda. Dibad-baxayaasha ayaa ka cadheysan wax ay u arkaan inay tahay faro-gelin ay China ku sameyneyso xoriyadihii loo ballan-qaaday Hong Kong markii ay Britain dib ugu wareejisay China sanaddii 1997. Source
  3. The Puntland emergency response committee has started meetings in Garowe, the headquarters of the Nugal region on Tuesday. The successive meeting discussed how to respond to floods affecting thousands of people in the regional state, according to the officials who spoke to Radio Shabelle via phone. The Minister of Public Works of Puntland, the chairman of the committee, Bashir Ahmed confirmed the meeting in an exclusive interview given to Radio Shabelle in Mogadishu. View the full article
  4. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in deegaanka Waqa-dariya oo dhinac berri kaga beegan magaalada uu goordhoweyd oo maanta ah ka dhacay dagaal. Dagaalkaasi oo sababay khaasaro iskugu jira dhaawac iyo dhimashaba, ayaa waxa uu u dhaxeeyay labo beelood oo wada daga deegaankaasi, kuwaasi oo isku mari waayey macdano laga qoto buuro deegaankaasi ku yaala. Waxaana dagaalkaasi ku naf waayey ilaa hadda inta naloo xaqiijiyey Saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale, kuwaasi oo ay haleeshay rasaasta meel deyga laheyn ee labada dhinac isku fureen. Wararka aan helayno ayaa intaasi waxay ku sii darayaan in weli deegaanka Waqa-dariya laga maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan Maleeshiyaadka labada Beel, oo iyagu ku muransan macdanta laga soo saaro deegaankaasi. Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Amniga iyo Xukuumada Somaliland oo ku aadan dagaalkan maanta deegaankaasi hoos yimaada Ceerigaabo ku dhex-maraya labada Beel.
  5. HARGEISA (HOL) - A committee of elders in Somaliland said Tuesday it had successfully mediated the release of Waddani party officials who were arrested last week following planned protests in Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  6. The Minister of Foreign Affairs and International Co-operation, Ahmed Issa Awad, met with his Saudi counterpart Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah, in Jeddah, Saudi Arabia. The two officials discussed efforts to strengthen bilateral relations and joint cooperation on all sides and ways to achieve the interests between Mogadishu and Riyadh. They also discussed regional and international issues of mutual interest and the importance of continued consultation between the two countries. View the full article
  7. Roob xooganaa oo shalay galinkii danbe ilaa waabarigii ka da’ayey gudaha iyo hareeraha caasimadda Muqdisho, ayaa waxaa uu ka geystay saameyn badan oo isugu jirta mid nafeed iyo weliba burbur soo gaaray guryo iyo waddooyinka qaar ee magaalada. Inta la xaqiijiyey ilaa 2 ruux ayaa ku geeriyootay laba kala waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii daad xoogan uu ku qaaday Laami yaraha Zoope ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir, ka dib markii ar is ku dayeen Mooto ay wateen in ay Laamiga uga gudbaan, ayaa waxaa ku yimid daad xoogan kaas oo qaaday ka dibna sababay in ay geeriyoodaan. Sidoo hal ruux ayaa ku geeriyooday 2 kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo ka dib markii uu ku soo dumay dhisma qadiimi ah oo ay laheyd wasaaradda arrimaha guda dalka oo ay deegaan sanaayeen intii dalka uu burbursanaa kuna taalla degmada Boondheere ee goblaka Banaadir. Dhinaca kale Roobabka ayaa saameyn badan waxaa ay ku yeesheen dadka Barakacaaasha kuwaas oo deegaansanaya gudaha iyo daafaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaana soo gaara Khasaare kale duwan mar waliba oo ay roobab da’aan maadaama aysan heysan guryo ay ka galaan qaboogiyo iyo daadka ka dhasha biyaha Roobka uu dhigo. Dhanka kale, roobabka ayaa khasaare xoogan waxaa ay u geysteen dhismaha wadada Shaqaalaha taas oo roobka uu dumiyey inta ugu badan, wadada oo dhawaan la dhisay ayaa waxaa ay is ku badashay boholo waaweyn oo Roobka uu ka qoday wadada. Ugu danbeyn xubno ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo hoggaaminaayey guddoomiye Cumar Maxamuud Cumar Filish iyo ku xigeenadiisa, ayaa gobalka waxaa ay habeenimadii xalay ku sameeyeen kormeer ay ugu suura galyeen saameenta uu yeeshay roobka ayagoona booday degmmooyinka uu gobalka ka kooban yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Waqadariya oo dhinaca Waqooyi Beri ka xiga magaalada Ceerigaabo. Dadka kale ayaa ku dhaawacmay dagaalka welina xabbada ayaa socota sida ay ii sheegeen dad ku sugan Ceerigaabo oo aan la xidhiidhay. Dagaalkan ayaa ka dhashay kadib markii Malleeshiyaadku isku qabteen Dahab iyo macdano kale oo laga qoto buurta. Waqadariya, waa deegaan hodan ku ah Dahabka iyo macdanaha kale, sannadadii u danbaysayna dad is urursaday oo aan xukuumadda Somaliland ogolaansho ka haysan ayaa macdanta ka gurta. Xukuumadda Somaliland weli wax war ah kama soo saarin dagaalka maanta dhacay. Source
  9. Maayir ku-xigeenka Hargeysa ayaa sheegay in madaxweyne Biixi, yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee dhul uu gaar u leeyahay ka dhigga dan guud, halkan hoose ka Daawo Source
  10. Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn u xoojiyey amniga magaalada Dhuusamameeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Saraakiisha ciidamada isku dhafka oo howlgallo cusub bilaabay ayaa sheegay in ujeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen inay u diyaar garoobeen howlaha doorashooyinka ee la filayo in dhowaan lagu qabto halkaasi. Dhinaca kale waxaa Dhuusamareeb ka socda kulamo iska so horjeedo oo looga arrinsanayo xaaladda Galmudug, gaar ahaan doorashada maamulkaasi. Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay guddiga farsamada uu shaaciyey jadwalka doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulka Galmudug. View the full article
  11. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qoysas hor leh ay isaga hayaameen degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Qoysaskaan oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 900 oo qoys ayaa waxa ay ka barakaceen roobab mahiigaan ah oo ka da’ay degmadaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in haatan xaalad adag ay ku heysato duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose. Ugu dambeyn qoysaskaan ayaa ka dalbaday Koonfur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya in lala soo gaaro gurmad degdeg ah. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay warar shalay ilaa maanta aad looga hadal hayey baraha bulshada oo ku saabsanaa inay dal-ku-gal u diiday macaallimiin Masaari ah oo wax ka dhiga qaar ak mid ah iskuulada Puntland. Wararkan ayaa waxaa la socday sawirro screenshot ah oo muujinayey wax lagu sheegay inuu yahay website-ka hayadda socdaalka oo ay ka muuqato diidmada Visa-ha ee macallimiinta Masaarida, oo wax ka dhiga iskuullo ku yaalla Qardho, Galkacyo iyo Burtinle. “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxay si cad u beenineysaa wararka la soo dhigay qaar ka mid ah baraha Bulshada ee sheegaya in Macalimiin masaari ah loo diidey in ay soo galaan dalka ama joogaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda. “Sidoo kale Hay’addu waxay caddeyneysaa in Xogta iyo sawirada la baahiyeyba ay yihiin kuwa been abuur ah oo aan Sal iyo raad toona laheyn.” Lama yaqaan cidda faafisay wararkan oo aad u qabsaday baraha bulshada, hase yeeshee maamulka Puntland wax eedeyn ah oo ku saabsan Visa la diiday uma jeedin dowladda dhexe. Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa horey waxaa u dhex-maray khilaaf la xiriira waxbarashada, ayada oo Puntland ay mar dowladda ku eedeysay inay shahaado u diiday arday reer Puntland ah oo u socday jaamacado dibedda ah.
  13. Guddiga gurmadka degdega ah ee maamulka Puntland ayaa maanta kulamo ka bilaabay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Kulamada oo ah kuwa is daba joog ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa sida loogu gurman karo dadka ay saameeyeen roobabkii ka da’ay maamulkaasi. Wasiirkaw wasaaradda howlaha guud iyo guriyeeynta Puntland, ahna guddomiyaha guddigaasi, Axmed Bashiir Muuse oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey kulamadaasi iyo waxyaabihii looga hadlay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cccccc.mp3 View the full article
  14. Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay dhigiisa Sacuudiga Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah, magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen dadaallada lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ee dhinacyada oo dhan iyo siyaabaha lagu gaari karo danaha u dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinac ah iyo ahmiyada ay leedahay sii wadida wadatashiga labada dowladood. Halkan hoose ka daawo Sawirada: View the full article
  15. Waxaa inta badan xirmay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay Caasimadda. Inta badan jidadka ayaa waxaa jaray daadadkii ka dhashay roobabkaasi oo da’ayey shalay gelinkii dambe illaa maanta. Sidoo kale waxaa maanta shaqeyneynin gaadiidka loo yaqaano BL-ka ee dadweynaha iyo mootooyinka Bajaajta, maadaama ay jidadku xirmeen. Dhinaca kale roobabkaan ayaa waxaa ay saameyn daran ku yeesheen dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska danta yare e ku dhaqan gobolka Banaadir. Qaar ka mid ah dadkaani oo Shabelle ay la hadashay ayaa sheegay inay heysanin hoy, islamarkaana ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Xaaladda guud ee magaalada ayaa ah mid kala xiran, iyadoo biyo badan ay daadsan yihiin xaafadaha iyo waddooyinka magaalada Muqdisho. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-26112019-webka.mp3 View the full article
  17. Riyadh (Caasimada Online) ― Kadib dhimashadii General Abdul-Aziz al-Fagham, oo ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee boqor Salmaan Bin Abdul-Aziz, ayaa waxa isasoo taraya warbixino ku aadan qaabkii uu u dhacay dilkiisu. Al-Fagham ayaa waxa la sheegayaa in uusan ku dhiman rasaas ka dhacday gudaha magaalada Jeddah, kadib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Mamdouh al-Ali xili uu ku sugnaa gurigiisa, sida hore loo sheegay. Xog cusub ayaa sheegeysay in lagu dhex dilay gudaha qasri lagu magacaabo ‘Qasriga Nabada’, sida ay qortay majaladda Al-khaleej. Waxa sidoo kale soo shaac baxaysa in Al-Fagham uu isku dayey in uu dilo Maxamed bin Salmaan, kadib markii uu ka gudbay xayn-daabka hore ee ammaan ee Bin Salmaan, taasi oo markii dambe sababtay in ay isku dhacaan ciidamada kooxda loo yaqaan ‘Blackwater’, oo ah koox Mareykan ah oo ka shaqeysa ammaanka Bin Salman, isla markaana sumcad xun. Al-Fagham iyo Mamdouh al-Ali ayaa la sheegayaa in ay xiligaasi dileen ciidamada Blackwater ee amaanka u qaabilsan amiirka Boqortooyada, iyaga iyo 11 askari oo kale. Calooshood u shaqeystayaasha Blackwater ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ku guuleystay fashilinta dilka bin Salman, kadib markii ay dileen Al-Fagham iyo al-Ali, isla markaana ay dhaawaceen saraakiishii kale ee qorshahaasi kula jirtay, sida uu qoray wargeyska Al-khaleej. “Amiirkii Boqortooyada wax dhibaato ah kama soo gaarin isku deygaasi dil, laakiin dhawaaqa rasaasta ayaa ugu filnaa ka cabsiin” ayaa laga soo xogtay qof dhacdadan xog ogaal u ahaa. Warbixintan cusub ee ku aadan dilka General Abdul-Aziz al-Fagham ayaa shaki badan galinaysa sax ahaanshaha qaabka rasmiga ah ee loo dilay, xili ay soo baxayaan warbixino kale oo ku aadan qaabka loo dilay Al-Fagham. Wakaaladda wararka Sacuudiga ee Saudi Press Agency ayaa 30-kii September sheegtay in al-Fagham uu dilay nin ay saaxiibo ahaayeen oo muran uu kala dhaxeeyey, xilli uu ku sugnaa gurigiisa magaalada Jeddah. Waxay sidoo kale sheegtay in qof kale oo Sacuudi ah iyo shaqaale u dhashay dalka Philippines lagu dhaawacay. Sida ay tiri warbixinta wakaaladda, qofkii dilay Al-Fagham iyo waxaa kadib dilay ciidamada ammaanka oo kusoo baxay dhacdadan, ayada oo shan askari ay ku dhaawacmeen dhacdadan. Tan iyo wixii markaas ka dambeeyey waxaa jiray shaki badan oo ku saabsan warka dowladda, ayada oo dad badan ay ku adkaatay inay rumeystaan.
  18. Cabdullaahi ayaa hadda dhaawaciisu yaallaa isbitaalka Digfeer ee Muqdisho Agaasimihii Maamulka Maaliyadda xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Cali Guure ayaa sabtidii la dhaafay 23 November 2019 dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa. Agaasime Cabdullaahi ayaa gaarigiisa dhaqmo u geystay Geerash ku yaalla aaga Via Roma ee magaalada Muqisho, kadibna waxaa loogu xiray qarax (Bom). Cabdullaahi Abuukar Cali Guure ayaa qaraxaas ku waayey mid kamid ah labadiisa lugood, wuxuuna hadda dhaawaciisu yaallaa Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana loo qaadi doonaa maalmaha soo socda dalka Turkiga, sida ay ogaatay PUNTLAND POST. Sidoo kale PUNTLAND POST ayaa ogaatay in falkan loo xiray labo nin oo ka mid ah ragii ka shaqeynayey Geerashka. Qaraxa uu dhaawaca culus ka soo gaaray Agaasimihii Maamulka Maaliyadda xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Qaranka waxaa og Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Balse waxaa la yaab noqotay markii ay qaraxan khasaaraha geystay qariyeen warbaahinta gudaha oo ilaa iyo hadda aan sheegin. Waxaa xusid mudan maalinta qaraxan dhacay 23 November 2019, in uu magaalada Muqdisho ka dhacay qarax kale oo gaari lagu xiray, kaas oo isaga la baahiyey. Bishan November horaanteedii Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin ayaa kulan qarsoodi ah magaalada Muqdisho kula qaatay agaasimeyaasha iyo tafaftireyaasha warbaahinta madaxa bannaan, wuxuuna kala hadlay sida aan xogta ku helnay in aysan baahin wararka mucaaradka, qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ayaa inta badan ka gaabsata in ay ka hadasho ama wax laga weydiiyo arrimaha dalka ka socda. © PUNTLAND POST The post Muqdisho: Qarax Agaasime ku dhaawacmay oo la qariyey appeared first on Puntland Post.