Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo caawa Khudbad ka jeediyey Xafladii ay Gudiga Doorashada Puntland ku daah furayeen Howlohooda shaqo ayuu Madaxweynuhu uga hadlay [...] Source
  2. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa caawa daah-furay qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), taasi oo lagu soo bandhigay jadwalka shaqo ee loo marayo hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sheegay in magacaabista Guddigan xilli hore iyo daah-furka qorshe-hawleedkooda ay ka turjumeyso sida ay Dowladda Puntland uga go’antahay hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland. Arrimaha Doorashada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ka hadlay, wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya uga qabsoomi karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray in aysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal. Xafladda daah-furka qorshe-hawleedka (TPEC) Masuuliyiintii ka qeybgashay waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland hadana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Faroole, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Mudane, Siciid Xasan Shire, Goleyaasha kala duwan ee Dowladda, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’addaha taageera Dimuqraadiyadda, Xafiiska Difaacaha xaquuqul Insaanka ee Puntland, Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ururada Bulshada Rayidka ah , Ururka Warbaahinta Puntland, Haween iyo dhallinyaro. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo Sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo daah-furay Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo hadal kooban ka jeediyay, Daah-furka Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa munaasabaddaasi ka shaaciyay in dowladda Puntland ay diyaarado ugu gurman doonto Bulshada ku dhaqan degaannada fog-fog ee waddooyinkii Roobabka kaga xirmeen. Hoos ka daawo muuqaalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Axmed Karaash: Diyaarado ayaan ugu gurman doona degaanada Go’doonsan appeared first on Puntland Post.
  4. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Nabaddoon Imaan Jimcaale Faarax oo ka mid ah ergadii dhawaan loo diiwaan geliyey soo xulista xulidhibaannada Galmudug ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay ka saartay liiskiisa nabaddoonada ee ku sugan magaalada dhuusamareeb. Nabadoonka ayaa ku eedeeyey wasaaraddu in ay ka dhex wado nabaddoonada musuqmaasuq midkii ay rabtana ay soo xulanayso midkii aysan rabina ay a tageyso, waxaana uu xusay in wasiirka booskii uu isagu ku jiray lagu badalay nin ka yimid qurbaha . ”Aniga magaceygu waxaa uu ku jiraa saxiixayaasha Numbarka 5-aad, liiska adduunka oo dhan ayaa heysta kuwa rasmigaa ayaan ka mid ahay, aniga oo sugaaya inaan xaroodo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa ay soo saartay liis kale oo mardhow uu soo saaray wasiirku nin oday ah oo aan qaraabo nahay oo qurba jooga Ingiriiska dagan ayuu ku soo daray aan odayna dhaqan ama siyaasad ku matala beesha, wasiirka ayaana sameeyey arrinkaas” ayuu yiri Nabadoonka. Sidoo kale Nabddoonka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in nabaddoonada dhexdooda ay ka jirto musuqmaasus iyo cadaalad darri bahsan ayna samaynayso wasaaradda arrimaha gudaha. ”Arrinkaasi waa xadgudub, waa cadaalad darri, musuqmaasuq ayaa meesha ka jira, dowladda Soomaaliya musuqa ayaan la dirireynaa ayeey tiri lakiin wixii lagu heshiiyey oo ahaa Galmudug saxiixayaasheedu in ay aasaas noqdaan aniga ayaana ahaa ninka ugu mudnaa haddii Galmudug la abaal marinaayo” ayuu sii raaciyey. Dhanka kale Nabadoon Imaan Jimcaale Faarax ayaa xusay in faragelin baahsan lagu haayo saxiixayaasha Galmudug badalka asaga lagu sameeyey uu yahay mid ka socda dowladda dhexe gaar ahaa Villa Soomalia waxaana uu yiri” Faragelin ayaa lagu hayaa sixiixayaasha Galmudug waxaa faragelin ku haayo dowladda dhexe, wasaaraddeeda arrimaha gudaha, Villa Soomaalia ayuu ka socdaa arrinta aniga la igu badalay” Ugu danbeyn Nabadoon Imaan Jimcaale Faaraxayaa carabka ku adkeeyey in ninka lagu badalay uu yahay qof laga soo saxiisay Villa Soomalia uuna saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu yiri ” Ninka aniga la igu badalay oo odayga ah waxaa uu suuqa dhexdiisa la taagan yahay anigu waxaan wataa sixiixa Madaxweynaha dadka reer Galmudug waa ogyihiin” Hoos ka daaw muuqaalka nabaddoonka
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-____-Qumanah-Wararka-14122019.mp3 View the full article
  6. Gudiga Doorashooyinka Puntland ayaa caawa daah furay qorshohooda shaqo, Xaflada Dashfurka Waxaa ka qayb galay Madaxda ugu saraysa Puntland. Qoraal kooban oo hordhac ah oo [...] Source
  7. Madaxweynaha Dowlad Puntland Saciid Cabdullaahi eni, Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cusmaan karaash iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yusuf Jabril ayaa caawa ka qayb galaya Xaflad [...] Source
  8. Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa Madaxtooyada kulan wada tashi ah kula yeeshay guddiga Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland. War ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynae Farmaajo uu guddigan ku bogaadiyey shaqooyinka ay qabteen muddadii ay magacaabnaayeen, taas oo uu ku tilmaamay inay muujinayso sida ay uga go’an tahay horay u socodsiinta isku soo dhawaanshaha labada dhinac. Madaxweynaha ayaa guddigan faray in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, kaas oo horseeda qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka xukuumadda Somaliland. Dhankooda, xubnaha guddiga qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran. Kulankan wada-tashiga ah waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo dhammaan xubnaha guddiga qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka, islamarkaana ka mid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda, ayaa sheegay inaysan Soomaaliya waqtigaan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah. Xildhibaan Jeesow ayaa ku dooday in amniga dalka uu yahay mid aan la isku haleyn karin, sidaas darteedna aysan macquul aheyn in been loo sheego shacabka Soomaaliyed. Wuxuu sheegay inuu Muqdisho baabuur uga bixi jiray kuna tagi jiray Jowhar, markii uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh, balse uusan hadda tagi karin sababo amni awgeed, isagoo sii raaciyey in xataa aan Afgooye la aadi karin. “Aniga waxaa la iga soo doortay Jowhar, markii ay doorashada socotay maalintii shan jeer ayaan baabuurkeyga ku tagi jiray Jowhar, hadda lama tagi karo xataa waxaa halis ah in la aado Afgooye” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Xildhibaan Jeesow ayaa tilmaamay inay dowladda Soomaaliya iska daa wax kale ay xitaa ku fashilmatay sugidda Amniga inta u dhaxeyso Sayidka iyo Madaxtooyada, sidaas darteedna aysan suurta gal aheyn in dadka safaf dhaadheer lasoo geliyo loona sheego inay dhaceyso doorasho qof iyo cod ah. “Albaabkii Villa Somalia ayaa la isku dilayaa oo weerar ka socdaa, sidee doorasho qof iyo cid ah ah ay dalka uga dhaceysaa, ma shacabka ayaa been loo sheegayaa.” ayuu yiri Jeesow. “Ha noqdo madaxweyne, ra’iisul wasaare, wasiir, iyo xildhibaan, qof kasta oo yiraahdaa dalkan ayaa doorasho qof iyo cod ah ka dhici kartaa, waa beenlow.” ayuu yiri xildhibaan Jeesow. Halkaan hoose ka daawo hadalka Xildhibaan Jeesow oo la hadlay taleefishinka RTN
  10. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wada tashi ah la qaatay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howl gelinta Guddigan iyo shaqooyinka ay qabteen muddadii koobneyd ee ay magacaabnaayeen ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda hor u socodsiinta qorshaha Qaran ee lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo hirgelinta jawi kalsooni iyo horumar loo dhan yahay. Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Guddigan in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, horseedana qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, si loo xaqiijiyo mabaadi’deenna wadajirka ah ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda iyo isku duubnida. Dhankooda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen muddadii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran. Kulankan wada-tashiga ah waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo dhammaan Xubnaha Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. View the full article
  11. Hindisaha Doorashada 2020 ee horyaal Baarlamaanka ayaa waxaa horay uga digay Madasha Xisbiyada Qaran iyo Xisbiga Wadajir, hadana waxaa kasoo hor jeestay Maamul Goboleedyada. Dowlada [...] Source
  12. Somali Prime Minister Hassan Ali Kheyre has met with his Qatari counterpart, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani in Doha. The two leaders discussed the bilateral relations between the two countries and strengthening cooperation in various fields. The Somali prime minister is in Qatar to attend the Doha Forum and is expected to address the forum on Sunday. He is also expected other leaders from various countries on the sidelines of the meeting. Qatari Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani opened the Doha Forum 2019 under the theme “Re-imagining Governance in a Multipolar World” at the Doha Sheraton Hotel this morning. The opening of the forum was attended by Rwandan President Paul Kagame, his Armenian counterpart, Armen Sarkissian, the president of El Salvador Nayib Bukele, Malaysian Prime Minister Dr Mahathir Mohamad, his Somalia counterpart, Hassan Ali Kheyre, among others. View the full article
  13. Boosaaso (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Cabdisamad Abwaan) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso, ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in aysan Puntland waxba ka soo gaarsiin deeqaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya. “Deeqda caalamiga ah Muqdisho ayay ku ururtaa, gacanta dowladda Federaalkayna ku jirtaa, waxaan ognahay Bakhaaro xiran oo deeq ah oo aan ka baqeyno in ay halkaa ku dhacaan oo ku expire-garoobaan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari. Abwaan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay, in ay umadda Soomaaliyeed si siman u wada-gaarsiiyaan deeqaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku xeraysan yihiin bakhaaro waaweyn oo ku yaalla magaalada Muqdisho. “Dowladda Federaalka, waxaan leenahay, deeqda aad haysaan, oo bakhaarada ku xiran, oo dadka Soomaaliyeed la idiinku dhiibay idinku ma lihidine, umadda Soomaaliyeed u soo gudbiya sida ay tahayna u gaarsiiya, maalinta Qiyaamada adduun iyo aakhiraba waa wax la idinkula xisaabtamayo” ayuu sii raaciyay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya, si adag loogula xisaabtami doono Deeqaha ay Caalamka ka soo qaadaan ee bakhaarada ugu xeraysan, xilli dadka Soomaaliyeed ka baahan yihiin.
  14. Two UN agencies said Friday some 5,087 Somali refugees have so far returned home from Yemen since it started an Assisted Spontaneous Return (ASR) program in 2017. The UN Refugee Agency(UNHCR) and the International Organization for Migration (IOM) said 39 organized departures have now taken place from Yemen to Somalia since the ASR program commenced two years ago. “IOM provides operational support to refugee return movements through chartering a boat, providing medical support upon arrival and transportation assistance to the refugees’ final destinations,” said the UN agencies. The agencies said a boat carrying 145 Somali refugees left the Port of Aden on Thursday and was due at the Port of Berbera on Friday in the latest departure. Amongst those who departed on Thursday was 20-year-old Naima who is hoping to go back to school in Somalia. “She had to stop her education 10 years ago when her father got sick. Naima was left helping her mother around the house and working in the family business,” said the UN agencies. “I hope to be able to go back to school, complete my education, study medicine, and one day become a doctor,” said Naima. According to the UN, Yemen hosts the world’s second-largest Somali refugee population, around 250,000 refugees. It is a long-standing refugee host nation and the only country in the Arabian Peninsula which is a signatory to the Refugee Convention and its protocol. But, after more than four years of conflict in Yemen — the situation for civilians, refugees, asylum seekers and migrants has deteriorated, said the UN agencies. The ASR program is facilitated by UNHCR in partnership with IOM, and in cooperation with humanitarian partners and authorities in Yemen and Somalia. According to UNHCR, refugee movements from Somalia to Yemen have been taking place since the 1980s and continued following the outbreak of civil war in Somalia. View the full article
  15. Somalia’s former President Sharif Sheikh Ahmed has met the Jubbaland regional state president Ahmed Madobe and former South West state president, Sharif Hassan Sheikh Adan, at his residence in the Kenyan capital, Nairobi. The leaders reportedly discussed the political situation in the country and the 2020/2021 elections. The leaders, who have been in Kenya for the last few weeks, have been holding meetings to discuss political re-alignment ahead of the 2020/2021 elections. However, the outcome of these meetings has not yet been revealed. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-14122019.mp3 View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiiru dawlihii hore ee wasaaradda duulista Somaliland Axmed Nuur Faahiye ayaa ka hadlay Murrashaxnimada guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE ee ku dhawaaqay Maxamuud Xaashi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Khartoum)-Fadhig maxkamadda waxaa markii hore harreeyay dibadbaxayaal taageersan Cumar Xasan Al-Bashiir kuwaas oo qeylo billaabay markii uu Garsooraha ku dhawaaqi lahaa xukunka. Waxay ku qeylinayeen in dacwadda ay tahay mid siyaasadeed, ka dibna garsooraha ayaa amray in ay ka baxaan maxkamadda gudaheeda. Markaa ka dib waxaa Al-Bashiir lagu xukumay laba sano oo xabsi ah, mana la geyn doono xabsi caadi ah, balse waxaa lagu hayn doonaa xarun dhaqan-celin. Waxaa lagu helay in uu galay dembi musuqmaasuq. Kiiskan waxaa xudun u ahaa $25 milyan oo dollar oo laga helay gurigiisa muddo yar ka dib markii xilka laga qaaday, horraantii sannadkan. Cumar xasan Al-Bashiir wuxuu sheegay in lacagta ay tahay hadiyad uu ka helay boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan dhaxal-sugaha, Amiir Maxamed Bin Salmaan. “Maxkamadda waxay dembi ku heshay Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir,” ayuu yidhi garsooraha go’aanka gaaray Al-Sadiq Cabdiraxmaan oo inta ku daray: “Maxkamadda waxay go’aansatay in ay u dirto xarun bulsho oo loogu talagalay daryeelka iyo dhaqancelinta oo laba sano lagu hayn doono.” Sababta aan xabsi caadi ah loo geyn wuxuu garsooraha maxakamadda ku sheegay in Al-Bashiir uu yahay 75 sano jir – taasna waa sabab kale oo dad badan oo reer Sudan ah ay u dareemayaan in xukun fudud lagu riday. Madaxweynihii hore ee Sudan, wuxuu xilka ku qabsaday afgembi dhacay sannadkii 1989-kii, waxaana xilka laga tuuray bishii April ee sannadkan, 2019, ka dib dibadbaxyo dhowr bilood ka socday dalkaas. Cumar xasan Al-Bashiir wuxuu sidoo kale wajahayaa eedo la xidhiidha doorkii uu ku lahaa afgembigii uu xukunka kula wareegay. Balse weli ma cadda in Al-Bashiir loo maxkamadeyn doono tacaddiyadii xuquuqda aadanaha ka dhanka ahaa ee dhacay muddadii uu xilka hayay – sida xasuuqii Darfur. Maxkamadda Caalamiga ah ee dembiyada dagaalka ayaa Al-Bashiir u raadineysa dacwad la xiriirto xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin kuwii ka dhacay Darfur. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Ilme yar oo 9 bilood jiray ayaa ku dhintay ,laba carruur ah oo kalena waa ku dhaawacmeen , kadib markii uu dab qabsaday Hoygooda oo ku yaalla xaafadda Libaaxyada ee magaaladda Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen ciidamada dab damiska Somaliland , qaybtooda magaaladda Hargeysa. war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Dab-damiska Somaliland ee Hargeysa ayaana u qornaa sidan:- Alle haw naxariistee Ilmo yar oo Sagaal BIlood Jiray ayaa ku dhintay, halka laba kalena iyagoo dhaawaca Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ka soo samatabixiyeen hoygooda oo dab ku Qabsaday xaafada Libaaxyada ee Magaalada Hargeysa. Labadii kale oo kala ahaa wiil iyo Gabadh ayaa ciidanka Dab-demisku gaadhsiiyeen Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa halkaas oo hadda lagu daawaynayo. Caruurtan yar yar ayaa waalidkood dusha kaga sii xidheen, iyadoo waliba ilmaha yar ee dhintay Lugta uu ka sii xidhnaa. Source
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Qaramada Midoobay ayaa maalinta 18-May ee Somaliland ay ugu dabaal degto maalinkii ay ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay dalka Soomaaliya, u aqoonsatay inay tahay maalin fasax. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sidaasi ku sheegay waraaq rasmi ah oo uu kala diray shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya, gudaha deegaanada Somaliland. Qaramada Midoobay ayaa maalinta 18-ka May shaqaalaheeda ugu dartay maalmaha fasax ah ee sanadka soo socda ee 2020-ka, sida lagu cadeeyay waraaqda rasmiga ah ee maalmaha fasax, midaasi oo ku taariikhaysaneed 9-Dec-2019. Waxa sidoo kale warqadaasi lagu sheegay in maalinta 18-ka May ay fasax noqon doonaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka howl-gala gudaha Somaliland oo keliya, maadama ay tahay maalinta madax-banaanideeda. Warqadan ay UNSOM shaqaalaheeda ku wargelinaysa maalmaha fasax ayaa waxa kale oo ku jirtay maalinta 26-juun, midaasi oo lagu sheegay inay fasax ahaan doonaan shaqaalaheeda Soomaaliya iyo Somaliland. UNSOM ayaa marnaba warqadeeda ku xusin in shaqaalaha uga howl-gala gudaha Puntland ay maalinkaasi 26-juun ay fasax ahaan doonaan, halka ay ku dartay UNSOM in shaqaalaha Puntland, Somaliland iyo Soomaaliya ay fasax yihiin maalinka 1-Luulyo, oo ah maalintii midnimada iyo xoriyada. Talaabadan uu Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ugu soo daray 18-ka May maalmaha fasaxa ah ee shaqaalihiisa ayaa u muuqata mid uu iskala mid uga dhigayo shaqaalaha kale ee ka howl-gala gudaha Somaliland, oo iyagu maalinkaasi hore u ahaa fasax.
  21. Answering questions from the state prosecuting attorney, Chelsey Cardilli described a family rift between her father and 25-year-old brother who disapproved of her relationship with [...] Source
  22. Maalmahan waxay dooddiisu socotaa sharciga doorashooyinka ee uu soo turxaan bixiyey Guddigii uu Baarlamaanku u saaray dib u eegista sharciga doorashooyinka. Inta badan doodda ayaa hal dhinac u socota marka laga reebo dhowr ruux oo lagu tiriyo in ay madaxweyne Farmaajo la jaal yihiin. Sharciga cusub wuxuu meesha ka saaray in cod-bixintu ay noqoto hal doorasho deegaan (single constituency), oo wuxuu soo jeedinayaa doorasho deegaan ku saleysan maamul goboleedyada haatan jira (multiple constituency), wuxuu kaloo meesha ka saaray in doorashada lagu saleeyo nidaamka matalaadda nisbada liiska xiran (Proportional Representation, PR – Closed list) oo la dooranayo Xisbiga oo keliya, Xisbi walbana loo xisaabinayo codadka guud ee uu helo, xisbiguna uu go’aaminayo liiska murashaxiinta xisbiga iyo siday ku soo baxayaan, wuxuuna soo jeediyey nidaamka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka hal-dheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka iyo liiska furan oo ah in aan loo hoggaansamin sidii liiska doorashada horteed loo dejiyey, magacyaduna u kala horreeyeeen. Wuxuu kaloo meesha ka saaray in Madaxweynaha uu ka imaanayo Xisbigii hela 50+1 xildhibaannada Baarlamaanka, taasoo khilaafsan qodobka 89aad ee Dastuurka. Doorasho toos ah mise doorasho qof iyo cod ah. Doorasho qof iyo cod ah waa in shacabku si toos ah oo xakameyn la’aan ah ugu codeeyaan ciddii ay doonaan oo si madax-bannaan ama Xisbi ka socda ee u tartamaya kuraasta Baarlamaanka. Haddiise kuraasta Baarlamaanka la sii kala suntado oo 275 ka kursi beelihii kala lahaa ay sidoodii u kala leeyihiin, muwaaddinkuna uu kala dooranayo musharraxiinta beesha oo keli ah, lama oran karo waa doorasho qof iyo cod ah, laakiin waxay noqon kartaa doorasho toos ah oo aan ahayn mid dadban. Doorashadii 2016 kii waxay ahayd mid dadban oo odayaasha dhaqanka ay soo xulayeen ergooyinka codka bixinaya, halka musharraxa u taagan kursiga Baarlamaanka uu si madax-bannaan isku soo taagayey, kursiga lagu tartamayana ay lahayd beeshii loo suntay. Laakiin sharciga dooddiisu ay haatan Baarlamaanka ka socoto waa doorasho toos ah, laakiin ma aha qof iyo cod. Keliya hannaan doorashadii 2016 kii waxaa lagu soo kordhiyey dhowr qodob oo la oran karo waa horumar iyo tallaabo horay loo qaaday, waxaana qodobbadaas ugu muhiimsan 1- In musharraxa kursiga Xildhibaanka uu Xisbi soo sharaxayo, halkaas waxaa ka baxaya musharraxii iskiis oo madax-bannaan isku soo taagayey iyo 2- In cod-bixiyaashan ay si toos ah isku diiwaan geliyaan oo aysan u baahneyn in oday dhaqan soo magacaabo, iyadoo ay cod bixiyayaashu isku diiwan gelinayaan 275 ka kursi, qofkiina uu hal kursi oo keli ah ka codayn karo. Waxay u baahan tahay in la helo nidaam diiwaan gelin ee lagu wada kalsoon yahay. Hannaanka doorashada tooska ah waa mid fudud oo haddii loo hawl galo la qaban karo ka hor inta uusan dhammaanin muddo xileedka dowladda haatan jirta. Doodaha is diiddan. Waxaa jira doodo is diiddan oo ku gadaaman sharciga doorashooyinka. Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa waxay weli olole ugu jiraan in doorashadu ka dhacdo meel kasta oo dalka ah isaga oo dalku yahay hal deegaan doorasho (Single national Constituency), in doorashada lagu saleeyo nidaamka matalaadda nisbada liiska xiran (Proportional Representation, PR – Closed list) oo la dooranayo Xisbiga oo keliya, xisbiguna yahay midka go’aaminayo liistada murashaxiinta xisbiga iyo siday ku soo baxayaan, iyo in madaxweynaha uu ka yimaado Xisbigii hela aqlabiyad fudud oo 50+1 Xildhibaan oo ah 140 Xildhibaan. Tuhunka hannaankaas laga qabo ayaa ah in Farmaajo uu is leeyahay maaddaama amniga dalka waxba laga qaban, ayna adag tahay in doorasho deegaan dalkoo idil laga hirgeliyo in duruufaha amni dartood doorashada kuraasta ugu badan lagu qabto magaalada Muqdisho, halkaasna ay ka codeeyaan waxa loogu yeero xoogagga waddaniyiinta, kuwaasoo uu horay u diyaarsaday Doodda muddo kororsiga. Waxaa jira xildhibaanno badan oo ku doodaya in aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah, sidaas-darteed Baarlamaanka haatan jira ugu yaraan muddo 2 sano ah xilka loo kordhiyo, uuna doorto guddoon baarlamaan iyo Madaxwayne cusub. Su’aasha ugu wayn ee hor-taagan dooddaas ayaa ah hawshii 4 sano lagu qaban waayey miyaa 2 sano lagu qabanayaa? Madaxwaynaha ma yeelayaa in Baarlamaanka muddada loo kordhiyo, isagana doorasho loo diro. Waxaase imaan kara dood oraneysa ha loo wada kordhiyo. Doodda ah ha la wada kororsado waxaa dilaya in aysan jirin sabab taas keeni karta. Haddi qabasho la’aanta doorashada xildhibaannada loo saariyo sababo iyo duruufo amniga la xariira, doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxaa lagu qaban karaa tiiba maalin. Maxaa haddaba lagu sababeynayaa muddo kordhinta madaxweynaha iyo guddoonka Baarlamaanka?. Haddiise madaxweynuhu uusan muddo kordhin heleynin, muxuu ka macaashayaa muddo kordhinta Baarlamaanka? Haddaba doodda muddo kordhinta ma aha mid shaqayn karta, waxaana taas ka sii daran in Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada siyaasadeed aysan marna yeeli doonin iyo beesha caalamka oo ay ku adkaan doonto in ay tageero siiiyaan dowlad aan sharciyad haysanin, dibna loogu laabanayo ku meel gaar. Doorasho toos ah. Waxaa muuqata in doodda la isku wada raaci karo ay tahay in la hirgeliyo qabashada doorasho toos ah, taasoo ka dhigan horumar lagu sameeyo doorashooyinkii 2016 ka. Lama oran karo doorasho qof iyo cod ah, maaddaama kuraasta Baarlamaanka ay yihiin kuwo horay beelo loogu sii suntay, cod-bixiyuhuna ku qasban yahay inuu qabiil u codeeyo oo uusan fursad u heli karin in qofkii uu doonayey u codeeyo. Cod-bixiyuhu weli waa xanniban yahay, laakiin wuxuu xor u yahay in uu kala doorto qabiilka. Doorashada qof iyo codka ah ee hannaanka dimoqraadiga ah cod-bixiyuhu deegaan doorasho kiisa dhaafsiisan kama codayn karo, laakiin cidii uu doono ayuu kursiga u go’aamin karaa. Maaddaama cod-bixiyaha uusan oday dhaqan soo xulaynin ee uu toos isku diiwan-gelinayo, waxaa la oran karaa cod-bixintu waa mid toos ah. Guntii iyo gebogebadii waxaa habboon in xildhibaannada Baarlamaanka ee ku doodaya muddo kordhiska in ay meel iska dhigaan damaca muddo kordhinta, sidoo kale Madaxweynahana waa in uu ka haraa hammiga uu is leeyahay xoogag waddaniyiin ha ku doortaan, doorasho is daba maris iyo ku shubasho ah aad meel marsatid. Sidoo kale Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. (GMDQ) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) in ay iska daayaan dhalanteedka ah in la qabanayo doorasho qof iyo cod ah, ee loo soo wada jeesto sidii loo qaban lahaa doorasho toos ah oo xilligeeda ku dhacda. Haddaba Haddii meel la iska dhigo damacyada waalan, lana xeeriyo danta shacabka, xasilloonida dalka iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, waxaa abuurmaya jawi looga wadashaqeyn karo sidii loo qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo is-oggol iyo isla-guddoon ku dhisan. Waxaa qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Amar maanta ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay in meel u dhaw madaxtooyada lala yimaado ilaalo marka laga reebo madaxda sare. Ilaalada mas’uuliyiinta iyo qof kasta qori ama bastoolad wadata ayaa loo ogoleen in ay ka soo gudbaan kontaroolada, Sayidka, Ceelgaabta iyo Xaawo Taako oo ah saddexda kontarool ee laga soo galo Villa Somalia. Kaliya waxaa ciidan loo ogol yahay Guddoomiyaasha Baarlamaanada iyo ku xigeenadooda, iyo taliyaasha iyo taliye xigeenada koowaad oo kaliya. Dadka uu amarkaan saameeyay waxaa kamid ah dhamaan wasiirada, xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee labada Gole iyo agaasimyaasha, taliye xigeenada labaad ee qaybaha ciidamada iyo saraakiisha kale ee dowladda. Dhowr wasiir oo maanta isku dayaya inay aadaan Villa Somalia ayaga oo wata askar ayaa dib loo soo celiyey, sida ay sheegeen. Sidoo kale waxaan la ogeyn sida uu amarkaan u saameeyay xubnaha beesha caalamka maadaama aysan wali imaanin agagaarka madaxtooyada tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii dhacay. Sidoo kale gaadiidka aan xabadda karin ee beebayaasha iyo kuwa kale ee gaashaaman ayaa saakay la dhigay dhamaan agagaarka madaxtooyada iyadoo dibadda loo soo saaray ciidamo dheeraad ah. Ciidanka ilaalada ah ee mas’uuliyiinta la socda ayaa sidoo kale loo ogoleen in ay fariistaan halka lagu reebay si ay u sugaan masuuliyiinta ay la socdaan waxaana jira cabsi xoog leh, dood iyo muran arrintaan ku saabsan. Arintaan ayaa ka dambeysay weerarkii ay Al-Shabaab habeeno ka hor ku qaadeen hoteelka SYL ee u dhaw madaxtooyada Soomaaliya.
  24. Haweeney garaacday seygeeda oo la xidhay Caroline Flack waxaa la filaya in maxkamad ay ka soo hor muuqato 23-ka Bishan December Caroline Flack oo soo jeedisa barnamijka lagu magacaabo Jasiiradda Jaceylka, ayaa lagu oogay dacwad ah xadgudub ah in ay qof garaacday ku dhex garaacid gurigeeda London ku yaalla. Booliska ayaa laga soo wacay guriga haweeneyda 40 sano jirta ah, halkaas oo ay ku wada noolayeen seygeeda oo ah nin ciyaara Teenis-ka oo lagu magacaabo Lewis Burton. Askarta booliska ah ayaa guriga tagay ka dib markii lagu wargeliyay in nin lagu xadgudbay. Ninkas dhaawac culus ma uusan garin, sida booliska ay sheegayaan. Ms Flack ayaa hortagi doonto maxkamad ku taalla London, 23-ka bishan December. xilligaas inta lag gaarayana waxay magaalada ku joogtaa damaanad lacag ah. Haweeney u hadashay adeegga gurmadka caafimaad ee degdegga ah waxay tiri: “Waxaa 12-kii bishan nalaga soo wacay guri ku yaalla Islington”, oo ah xaafad ka tirsan London. “Waxaan isla goobta ku daweynay laba qof, mid ka mid ahna waxaan u qaadnay Cisbitaalka.” Afhayeen u hadlay Caroline Flack wuxuu sheegay: “Waxaan xaqiijineynaa in booliska ay yimadeen guriga Caroline, ka dib dhacdo gaar ah oo guriga quseysa. “Waxay la shaqeyneysaa dadka ay quseyso si arrinta loo xalliyo. Wax dambe ma ka dhihi doonno arrintan sababo la xiriira sharciga aawadood”. Qaran News
  25. Vladimir Putin: 20 sano iyo 20 sawir Vladimir Putin ayaa dhawaan xusi doona 20 sano oo u hogaaminayay Ruushka, xilliyadaas oo ahaa madaxwayne ama rai’sul wasaare, waxaa soo maray dhibaatooyiin siyaasadeed iyo dhancdooyiin waawayn. Bill Clinton ayaa madaxwayne ka ahaa Mareykanka markii ugu horeysay oo Putin uu noqdo madaxweyne oo ahayd 31 december 1999-kii, xilligaas oo uu ahaa sargaal ka tirsanaa sirdoonka dalkaas ee loo garanayo KGB. Tan iyo xilligaas oo ah 20 sano, waxaa Mareykanka soo maray saddex madaxwayne, halka UK ay soo mareen shan ra’isul wasaare. Intii uu xilka hayay oo ay soo wajaheen fadeexado gudaha ah, kuwa dhanka ciyaaraha ah iyo sawiro dacaayad ahba, waxaan maanta eegeynaa sawirada qeexaya Mr Putin iyo 20 sano oo uu awoodda hayay. Vladimir Putin waxaa loo magacabay rai’sul wasaare bishii August 1999 ka hor inta usan xilka madaxwaynanimada kala wareegin Boris Yeltsin 31 December Putin ayaa ra’isul wasaare loo magacaabay markii ay Ruushka billaabeen howlgalkii labaad ee Jeejniya, bishii October 1999, ka dib weeraro lala eegtay dhismeyaal. Ciidamada Ruushka ayaa isku gedaamay caasimadii Jeejniya ee Grozny. Sannadkii 2003-dii, Qaramada Midoobay waxay magaaladaas ku tilmaamtay in burburkii ugu badnaa uu soo gaaray marka caalamka loo eego. Mr Putin ayaa u duulay Jeejniya March 2000, bilo ka dib markii howlgalka la bilaabay Muddo sannado ah, waxaa dalka Ruushka ka dhacayay weeraro ay fulinayeen kooxa mintidin ah, waxaana weeraradaas ka mid ahaa midkii 2004 lagu qaaday iskuulka Beslan oo ay ku dhinteen 330 qof oo ay intooda badan ahaayeen caruur. Mr Putin waxaa markii ugu horeysay si toos ah loo doortay bishii March 2000, muddo bilo ah gudahoodna waxaa soo wajahday dhibaato dhanka xiriirka bulshada ah. Musiibadii markabkii Gunjiska ahaa ee Kursk waxa ku dhintay 118 oo ahaa shaqaalihii saarnaa. Putin oo la kulmaya qaraabada dadkii ku dhintay musiibadii Kursk Markii uu gujiskaas quusay, bishii August 2000, Ruushka maalmo ayey ku qaadatay in uu wargeliyo ehellada dadkii ku dhintay halkaas oo ahaa dalxiisayaal. Putin iyo George W Bush oo Texas, ku kulmay 2001 Tobonkii sano ee ugu horeysay ee uu xafiiska joogay, Vladimir Putin wuxuu xiriir wanaagsan la lahaa wadamada reer galbeedka in kastoo uu dhalleeceynayay siyaasaddooda arrimaha dibadda. Putin iyo Berlusconi oo xilli xagaa ah ku sugan goob duurjoogta lagu xanaaneeyo oo ku taalla waqooyiga Moscow 2003 Boqoradda Britain Elizabeth II iyo Vladimir Putin 2003 waana markii ugu horeysay oo ay boqortooyada UK casuunto hoggaamiye Ruush ah tan iyo 1874 Ruushka ayaa marti galiyay shirkii ugu horreyay ee dalalka G8, 2006. Angela Merkel, Tony Blair, Jacques Chirac, Vladimir Putin iyo George W Bush 2006 shirkii G8 ee St Petersburg Sida ku qoran dastuurka Ruushka, Putin madaxweyne ma ahaan karo seddax xilli oo isku xiga, sidaa darteed, 2008 wuxuu noqday Ra’iisul Wasaare oo afar sane uu ahaa. Dadka qaar waxay madaxweynihii xilligaas u arkeen qof meesha isaga magacaaban oo u hayay ninkii isaga madaxda u ahaa. Mr Putin oo booqanaya ciidamo ku dhaawacmay dagaalkii Georgia iyo Ruushka Markii Georgia ay ciidamadeeda u dirtay gobolka koonfurta Ossetia 2008, Ruushka ayaa gudaha u galay Georgia. Sannadkii 2014 waxaa Ruushka ay qabsadeen gobolka Crimea ee bariga Ukraine taas oo keentay in Mareykanka iyo Yurub ay cunaqabatayn saaraan Ruushka lagana saaro xubinnimadii G8. Putin oo ku dhawaqaya qabsashadii Crimea Waa Putin oo sawir la qaadanaya dad ku sugnaa Creamia mar uu booqday 2019 Volodymyr Zelensky, Emanuel Macron, Vladimir Putin iyo Angela Merkel magaalada Paris bishii December 2019 Dagaalka Suuriya ee socday afarta sano wuxuu Putin taageero u fidiyay madaxwayne Bashar al-Assad, oo markii hore qarka u saarnaa in ay dowladiisa burburto. Go’aankii Mr Putin uu diyaaradaha iyo gawaarida gaashaaman ugu diray Suuriya ayaa badalay saaxada dagaalka ee dalkaas. Putiniyo Bashar al-Assad 2017 Ka dib guushii Donald Trump ee doorashadii Maeykanka 2016, waxay ugu dambeyn waaxda sirdonka Mareykanka sheegtay in Ruushka u farageliyay doorashada. Putin oo gacan qaadaya madaxwayne Donald Trump Sannadkii 2018, UK ayaa Ruushka ku eedeysay in ay dalkeeda gudihiisa ku sumeeysay nin horey uga tirsanaa sirdoonkii Ruushka, Sergei Skripal. Theresa May iyo Vladimir Putin oo is gacan qaadaya Xilligiisii xafiiska, madaxweynaha Ruushka waxaa loo arkay in uu dhowrayo sumcaddiisa iyo sumcadda dalkiisa. Sawirro la shaaciyay xilliyo kala duwan oo ah muddadii uu xilka hayay, waxaa loo arkay in lagu muujinayay in uu yahay nin adag oo awood leh. Putin oo sita qori ah nooca shiishka wanaagsan Putin oo Eey kula la ciyaaraya xillii uu baraf jiro 2013 Vladimir Putin oo ciyaaraya ciyaarta la ciyaao xilliga barafka Ruushka waxay sidoo kale marti galiysay ciyaarihii koobka aduunka ee 2018-kii iyo ciyaarihii Olambikada 2014. Madaxwayne Putin waxa uu door muhim ah ka ciyaaray martigalintii Koobkii aduunka 2018 Qaran News