-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa looga dhawaaqay jabhad cusub oo la sheegay in ay dagaal la geli doonto Somaliland. Jabhaddan ayaa loogu magac daray SSC, waxaana la sheegay in ay la dagaallami doonaan ciidamada Somaliland ee ku sugan gobollada Sool iyo Sanaag. Maxamed Axmed Cali, hoggaamiyaha jabhaddan ayaa sheegay in ay hiigsanayaan dhisidda ciidan ay ku mideysan yihiin dadka deegaanka, lana dagaallama cid walba oo kusoo xadgudubta. Jabhaddan ayuu sheegay iney u taagan tahay dib u xoreynta gobollada Sool iyo Sanaag, waa sida uu hadalka u dhigaye. Hoggaamiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in jabhaddooda ay si wanaagsan ula dhaqmi doonto beelaha deriska la ah Sool iyo Sanaag. Horey waxaa Somaliland uga jiray jabhado diiddan nidaamka maamul ee xukuumadda Biixi, kuwaasi oo dagaallo la galay ciidamada Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Gedo oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey kulamo isaga iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolkaasi ay magaalada Muqdisho kula yeesheen madaxda dowladda Soomaaliya. Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in kulamadaasi looga hadlay xaaladda gobolka, gaar ahaan sidii looga saari lahaa dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda dowladda federaalka ay kala hadleen sidii mashaariic hormarineed looga fulin lahaa gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-wiilo.mp3 View the full article
-
Xaalad dega’naan ah ayaa Isniinta maanta ka jirta magaalada Beirut ee caasimadda waddanka Lubnaan, kadib markii ciidamada Amnigu ay Sunta dadka ka ilmaysa iyo toobooyinka biyaha xooggan sayriya ku kala eryeen dibad-baxayaal caraysan oo mudaharaad ka sameeyay Afaafka hore ee xarunta Baarlamanka dalkaasi. Dibad-baxayaasha ayaa si weyn uga caraysan hannaanka loo maamulo dhaqaalaha Waddanka Lubnaan, waxaana ay xisbiga talada haya ee dalkaasi ku eedeeyeen in uu musuq maasuq ay dhaqaalaha dowladda, taasin ay keentay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii waddankaasi. Sarakiisha Amniga magaalada Beirut ayaa warbaahinta u sheegay in ay kala eryeen, kooxo qaswadayaal ah oo rabashado ka sameeyay Baarlamanka hortiisa, balse hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa laga soo xigtay in ilaa 50 ruux ay ku dhaawacmeen , kadib markii Booliisku suntan dadka ka ilmaysa iyo tuubooyin biya-xooggan sayrinaya ku furay dibad-baxayaal rayid ah. Sidoo kale, balse hay’adda Laanqeyrta Cas waxay xaqiijisay in isbitaalka la dhigay ilaa 20 ruux oo kamid ahaa dibad-baxayaasha, kuwaasi oo qaarkood ku miyir-doorsoomay isku dhacyada Booliiska iyo dibad-baxayaasha, halka qaar kalena ay neefsan waayeen. PUNTLAND POST The post Ilaa 50 ruux oo kud dhaawacmay isku dhacyo Booliiska Lubnaan iyo Dibad-baxayaal rayid ah appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka howlgallo ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada ayaa yimid, kadib markii xalay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliska bartamaha ee magaaladaasi. Saraakiisha amniga oo aan la xariirnay ayaa sheegay inay baaritaanadan ay ka warbixin marka ay soo gabagabeeyaan howlgallada socda. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkii xalay ku dhaawacmay illaa saddex qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada Puntland, halka qofka kale uu ahaa shacab. Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhowaad illaa 100 qof, inkastoo dadkaasi intooda dib loo sii daayey. Dhowaan aya la filayaa in doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaasi. View the full article
-
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa lagu wadaa inuu maanta hortago golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada golaha ayaa warbixin guud ka dhageysan doono wasiirka, sidoo kalena su’aalo ka weyn diin doono howlaha wasaaraddaasi. Su’aalaha ugu badan ayaa ku saab-sanaan doono arrimaha ciidamada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Kulankaan oo qeyb ka ah Kalfadhiga lixaad ee golaha shacabka ayaa lagu wadaa inuu furmo saacadaha soo socda ee maanta. Maalmihii la soo dhaafay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waday su’aalo weydiinta wasiirada xukuumadda Xasan Cali Khayre, waxaan shalay golaha hortagay wasiirka wasaaradda warfaafinta, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye). View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-161219.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday saldhigga Booliska waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Axmed Muuse Nuur aya sheegay in weerarkaasi uu dhaawac fudud uu ka soo gaaray hal qof, islamarkaana uusan jirin khasaare kale oo uu geystay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weerarka uusan aheyn mid argagixiso, islamarkaana ay ka dambeeyeen dad doonayey inay qal-qal galiyaan amniga, sida uu hadalka u dhigay. “Wallaahi, hadda arrintan dhacday, ma aha Argagixisadii noocaa uma shaqeeyaan, waxaan isleeyahay, waa dad khalkhalinaya Amniga magaalada, meel kale kama imaan maaha Argagixisada farsamadeedu noocaas, wax iskama tuuraane waxbay bi’iyaan ay hubaan.” ayuu yiri Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay socdaan baaritaano, islamarkaana gacanta lagu soo dhigi raggii ka dambeeyey falkaasi. Dableydii weerarka geysatay oo aan la garaneyn heybtooda iyo inta ay taradoodu dhameed ayaa goobta iskaga baxsaday. Muddooyinkii la soo dhaafay xaaladda Gaakacyo ee koonfur iyo waqooyi ayaa aheyd mid degan, waxaana baaritaano ka waday ciidamada isku dhafka ee ku sugan halkaasi.
-
Madaxweynaha Waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku goodiyay in uu gebi ahaanba xiri doono laba saldhig militari oo Turkey-ga ku yaalla kuwaas oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka ka dib markii ay Washington ku hanjabtay in ay cunnaqabateyn ku soo rogayso Ankara sabab la xariirta hubka uu Turkigu ka soo iibsanayo Ruushka. Madaxweyne Erdogan ayaa marka ay xaalad siyaasadeed ka dhex aloosanto dalkiisa iyo waddanka Maraykanka waxa uu caadiyan ku hanjabaa in uu albaabada u laabi doono labadaasi saldhig ay isticmaalaan Ciidamada Maraykanka. Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa saldhigga militari ee Incirlik u isticmaala duqeymaha ay ku qaadaan kooxda la magac-baxday ISIS ee gudaha dalka Suuriya. Saldhigga kale ee Kurecik ayaa martigeliya raadaar weyn oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga NATO. Wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa todobaadkii hore soo qaaday suurtagalnimada in la xiro labadan saldhig isaga oo ka jawaabayay hanjabaadda Mareykanka ee cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo Ankara. Dowadda Turkey ayaa Jimcadii la soo dhaafay u yeertay safiirka Mareykanka ee dalkaasi ka dib markii aqalka sare ee Senate-ka Mareykanku ansixiyey sharci ay horey usoo gudbiyeen aqalka hoose ee Wakiilada kaasi oo xasuuq loogu aqqoonsanayo dilkii 1915 loo gaystay Armeeniyiint. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Erdogan oo ku goodiyay in uu xiri doono Saldhigyada Mareykanka ee Turkey appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Isu-duwihii hore ee kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa bartiisa twitter soo dhigay email uu u diray wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, oo uu Bankiga Dhexe ku weydiistay in lacag shan milyan oo dollar ah lagu shubo account gaar ah. Email-kan ku taariikheysan bishii March ee 2019 ayaa loo diray guddoomiye ku xigeenka Bankiga Dhexe, wuxuuna u qornaa sida:- “Dear Maryam, “Subax wanaagsan. Sida aan ka wada-hadalnay, waxaan kaa codsanayaa inaad si deg deg ah u qaaddo tallaabooyinka soo socda. 1. Laba milyan oo dollar ka wareeji lacagta Sacuudiga 2. Hormuud waxay 2.5 milyan oo dollar keeni doontaa kowda bisha April, 2019. 3. Nus milyan waxaa laga soo wareejin doonaa STA (Faadumo ayaan kala hadlay inay sameyso sidaas). “Lacagahan marka la isku darto waa shan milyan oo dollar. Fadlan ku wareeji akoonka AMNIGA, waxaa loo isticmaali doonaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira amniga”. Jay Bahadur ayaa u muuqday inuu dhalleeceynayey hanaanka maaliyadda dowladda, wuxuuna yiri “Astaan muujineysa horumarka DF ka samaysay hanaanka maaliyadda. Emailkan ahaa March 2019, oo uu wasiirka maaliyadda ku dalbanayo in akoon hoosaad loogu wareejiyo 5 milyan oo dollar, isaga oo kaliya sidaas ku samaynay wicitaan taleefon oo loo diray Bankiga Dhexe.” Bahadur ayaa goor dambe sharxay inuusan ula jeedin inuu wasiirka ku dhalleeceynayo musuq-maasuq, balse uu tilmaamayey kaliya arrin uu hanti-dhowraha qoranka walaac ka muujiyey. Beyleh oo arrintan ka jawaabaya ayaa sheegaya in tani ay tahay “si wax xun u fasir ceeb ah” oo laga sameeyey email sharci ah, si loogu wiiqo dadaalalda deyn-cafinta Soomaaliya. “Waa murugo in kuwa markasta wax mucaarada ay doonayaan inay hor-istaagaan taageerada caalamiga ah ee deyn-cafinta Soomaaliya ayaga oo samaynaya si wax u tarjun ceeb ah, oo ay u adeegsanayaan emailo sharci ah oo gaar ah oo ay ku heleen si sharci-darro ah. Habkeena maaliyadda waa mid adag, oo cad oo horumarsan, islamarkaana sii hormaraya maalin kasta. Waxaa naga go’aan is-beddel.” Ayuu yiri wasiir Beyleh.
-
On December 6, Tropical Storm Pawan hit the coast of Somalia, bringing strong winds, and heavy rains to the Puntland district. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka socday hubin kale oo la marinayo shaqaalaha dowladda ee dib loo diiwaan gelinayo, balse middan waa nooc ka duwan kuwii hore, sida ay ogaatay Caasimada Online. Kadib qaraxii lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir shaqaalaha dowladda waxay mareen dhowr heer oo hubin iyo dib u diiwaan gelin ah, waxaana ka mid ahaa in qofka shaqaalaha ah ee la diiwan gelianayo la weydiiyo su’aalo hubin ah islamarkaana uu la yimaado damiin buuxo oo loo raacan karo wixii dhib ah uu geesto. Sida aan xogta ku helnay, waxaa hadda lagu soo kordhiyay hab cusub oo inta badan shaqaalaha dowladda walaac ka muujiyeen iyo kalsooni darro amni. Diiwaan gelintaan loogu yeeray heerka saddexaad ee hubinta shaqaalaha dowladda ayaa ah, in qofka shaqaalaha ah gurigiisa la geeyo geeyo koox ciidaamda amniga kamid ah oo degmada uu degan yahay ku qoran, kuwaas oo aan aheyn ciidan la arko ama la yaqaano waana sababta keentay cabsida shaqaalaha. “Dhalinyaro ku labisan dharka shacabka balse ka tirsan ciidamada amniga, ayaad geynee guriga waxay soo qorayaan qoyskaaga iyo tilmaamta guriga, hadii aad habeenada qaar soo dhaxdo waxaad geyneysaa halka aad ku soo dhaxdo” ayuu yiri masuul ka tirsan shaqaalaha dowladda Soomaaliya. Sababta walaaca keentay ayaa lagu sheegay in ciidanka shaqadaas qaabilsan oo ka tirsan hay’adaha ammaanka aysan aheyn ciidan habraac sax ah soo maray kalsooni weyna aan lagu qabi karin. Qorshaha ayaa la sheegay inay dowladda ka damacsan tahay in lagu xaqiijiyo ogaanshaha haddii shaqaalaha dowladda ay sameeyaan xiriiro ay ka iman karto halis amni, sida xiriirada Al-Shabaab, oo horey shaqaale dowladeed ugu adeegsatay weeraro ay fulisay.
-
Earnings from exports to Somalia slipped to a five-year low in September 2019 amid erratic production and long-standing maritime territorial dispute, provisional trade statistics show. Source: Hiiraan Online
-
Minister for Labor and Social Affairs seeks Turkey’s assistance to help Somalia realize its potential in agriculture Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Nabadoonkii labaad oo ka tirsan saxiixe-yaasha Galmudug ayaa waxaa laga saaray liiska Odayaasha Dhaqanka, ee lagu wado inay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug. Iyadoo dorraad liiska Odayaasha Dhaqanka laga saaray Nabadoon Imaan Jimcaale Faarax ayaa waxaa shalayna liiska iska dhex waayay Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed, oo sidoo kale ka mid ahaa saxiixe-yaashii Galmudug. Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed oo toddobaadkii hore loo xaqiijiyay amaba loo diiwaangeliyay in uu ka mid noqonayo soo xulayaasha Xildhibaanada cusub ayaa ka war helay in laga saaray liiska. Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Waxaan ka mid ahaa saxiixe-yaashii Galmudug soo dhisay 2015-kii, waxaana la’iga saaray liiska saxiixe-yaasha, waxaad ogeydeen in maalintii dhaweyd ee odayaasha lagu xareynaayay Magaalada Dhuusamareeb, aan ka mid ahaa kuwii la xareeeyay.” Waxaa uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye uu ku eedeeyay in wixii ay Jubbaland ku diideen ay hadda ku hayaan dhismaha maamulka cusub ee Galmudug. “Wasiir Sabriye 6dii iyo 7dii bishan wuxuu noogu khudbadeeyay in saxiixe-yaasha wax aan ahayn la keeni karin, maxaa yeelay wuxuu sheegay in taasi ay ku diideen Jubbaland. Tii ayayna maanta ka wadaan Galmudug.” Ayuu yiri Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed. Waxa kaloo uu yiri “Wasiirka iyo shaqaalaha la keenay Magaalada Dhuusamareeb ballanta ayay nooga baxeen, weliba kala rogaa bannaanka na dhigay, iyagoo hadda xareeyay kuwo aan horey ugu jirin liiska.” Nabadoonka oo caro laga dhadhansan karay ayaa wuxuu yiri “Cadaaladdii waxay ku bedeleen musuq ay gacanta kula jiraan, afkooda iyo uurkooda isma laha.” Nabadoon Cabdullaahi Daahir ayaa waxaa lagu soo bedelay nin kale oo ay isu beel yihiin, kaasoo sida uu sheegay ay dowladda u aragtay inuu yahay mid ka shaqayn kara danaheeda, oo aan danta dadka reer Galmudug wadin. Xilli Magaalada Dhuusamareeb ay ka socoto soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa dhanka kale isa soo taraaya qaylo dhaanta ka soo yeeraysa Odayaasha Dhaqanka. Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa waxay marar badan ku celceliyeen inay Dowladda Somaliya ka doonayaan inay joojiso fara-gelinta ay ku hayso dhismaha maamulka cusub. Musuq maasuqa hareeyay bilowga Doorashada Galmudug ayaa si aan qarsoodi lahayn uga muuqata Magaalada Dhuusmaareeb, waxaana taasi lagu macneeyay mid ay dowladda isaga qafiifinayso loolanka adag ee kaga imaanaya Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka. Mucaaradka ayaa daneynaya in ay taageereyaal ku yeeshaan Baarlamaanka xigga ee Galmudug.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay go’aanka ay Villa Somalia soo saartay ee xeendaabka madaxtooyada loogu diiday inay wax ciidamo ama ilaalo ah la galaan mas’uuliyiinta dowladda. Fiqi oo qoraal soo dhigay facebook, ayaa sheegay in Villa Somalia oo “horey u kala xirtay shacabka ay hadda kala xirtay hay’adihii dowladda.” Hoos ka aqri qoraalka Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la xayiray dhammaan wadooyinka agmara ama soo gala madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaa laga mamnuucay ilaalada la socota mas’uuliyiinta dawladda, xildhibaanada iyo saraakiisha ciidamada intooda badan. Ciidamadu si aan usluubaysnayn ayey ula dhaqmayaan mas’uuliyiinta dawladda, waxaana la yaab leh In ciidamada booliska dareeskooda ciddii wadata aysanba carriga ka soo ag-dhowaan karin. Hey’adaha dawladda ee agagaarka madaxtooyada ku yaalla waxba kalama socdaan amarkaas soo boodada ah, mana jirto cid fasiraad ka bixisay waxa loola Jeedo, marka laga reebo askarta qaarkood ay la xun tahay waxa ay samaynayaan oo ku dhahaya kor ayey arrintu ka socotaa! Madaxweyne Farmaajo saddexdii sano ee uu talada dalka hayey waxa la kala xiray isku socodkii Magaalada MUQDISHO, sanadkii u danbeeyeyna waxaa bilowdey kala xirista isu socodka hey’adihii dawladda.. Hey’adda golaha shacabku kuma sii shaqayn karto xaaladdu hadda sida ay tahey haddii degdeg wax looga bedelin! Suurtagalna ma ahan madaxweynaha In ay isaga qaldanto mas’uuliyiintii hey’adaha dawladda iyo kooxda alshabaab, mana ahan madaxweynuhu inuu ka naf-jecleysto umadda inteeda asagoo madaxtooyada dhexdeeda loogu keenayo cabashada umadda iyo tan mas’uuliyiinta dawladda.
-
Luuq (Caasimada Online) – Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa tan iyo Jimcihii waxay ku jirtaa xaalad go’doomin ah, oo ay ku soo rogtay Al Shabaab, iyadoo degmadaasi laga dareemay karkarka kuleelka ee ka dhashay xaaladaasi go’doominta ah. Go’doominta ayaa waxay timid, ka dib markii Ururka Al Shabaab uu u yeeray lix ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Luuq, balse uu Maamulka Degmada ka war helay, isla-markaana uu odayaasha ugu goodiyay inaanay ku soo laaban doonin Luuq, haddii ay ka jawaabaan dalabka uga yimid Al Shabaab. Shabaabka oo tallaabadaasi ka carooday ayaa cunaqabateen deg deg ah ku soo rogay Degmada Luuq, iyagoona ganacsatada ku wargeliyay inaanay wax ganacsi ah keeni karin degmadaasi, ciddii keentaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan. Aadan Faarax oo ka mid ah waxgaradka Degmada Luuq ayaa faah faahiyay sababta ay Shabaabka ugu yeereen Odayaasha Dhaqanka iyo waxa ay ka doonayaanba, wuxuuna yiri “Al Shabaab waxay muddooyinkanba waday Ugaasyo ay u samayneysay beelaha. Marka beesha odayaashaan ka soo jeedo ayay hadda u samayneysay Ugaas, sidaasi daraadeed ayaana odayaasha loogu yeeray.” Aadan Faarax ayaa yiri “Al Shabaab waxay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Xasan Gaalshireedle/Mareexaan ka dooneysay inay yimaadaan Deegaanka Golweyn oo 35 u jira Degmada Luuq, oo ah meesha Ugaaska cusub loogu samaynayo Beesha Gaalshireedle, hadafkooduna wuxuu yahay inay odayaasha taageeraan Ugaaska cusub, waa intaas inta ay Al Shabaab ka dooneysay.” Aadan Faarax ayaa daboolka ka qaaday in uu socdo dadaalo ay garwadeenka ka yihiin ganacsatada Degmada Luuq, si degmadaasi laga saaro go’doominta ay ku hayso Al Shabaab. “Hadda waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in go’doominta looga saaro Degmada Luuq, ganacsatada ayaana hormuud u ah. Ganacsatada waxay maalintii Sabtida la kulmeen Maamulka Degmada Luuq, wayna dareensiiyeen caqabadda ka dhalatay go’doominta lagu hayo magaaladaan, waxayna ka dalbadeen inay iska fasaxaan odayaasha, si go’doominta looga saaro magaalada, ganacsiguna uu u noqdo mid caadi ah, wayna ka aqbaleen.” Ayuu yiri Aadan Faaarax. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri “Axadii shalay waxaa is raacay guddi ka tirsan ganacsatada Luuq iyo Odayaashii Dhaqanka ee Al Shabaab u yeertay, waxayna ku maqan yihiin Deegaanka Golweyn. Ganacsatada waxay rabaan inay Al Shabaab ku qanciyaan in loo soo fasaxay odayaashii ay doonayeen, degmadana ay uga qaadaan amarka ay duldhigeen.” Aadan Faarax ayaa wuxuu ammaanay doorka ganacsatada Degmada Luuq, haddii degamdaasi laga dareemay dhibaatada ka dhalatay go’doominta sida uu yiri ka jirtay saddexdii cisho ee ugu dambeysay. “Shacabka way ku farxeen dadaalada ay wadaan ganacsatada, maadaama magaalada oo dhan laga dareemay caqabadda ka dhalatay go’doominta saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka jirtay, waxaana rajeynaya in dadaalkooda uu guuleysto.” Ayuu yiri Aadan Faarax.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag uga digay Calaf xoolaad oo uu sheegay inay sumeysan-yihiin, isla markaana la soo galiyay gudaha deegaanada Somaliland. Waddani ayaa sheegay in calafkaasi xoolaha laga soo galiyay dhinaca xuduuda ee u dhaxeysa Somaliland iyo Jabuuti ee Lowyacaddo, wuxuuna xusay in loogu tala galay in loo qeybiyo dadka xoolo dhaqatada ee deeganadaasi. Dr. Axmed Cabdilaahi Cige, Xoghayaha xanaanada xoolaha ee xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa arrintaasi si adag uga hadlay, isagoona ku tilmaamay calafkaasi mid sumeysan oo lagu dabar goynayo xoolaha Somaliland. Xoghaye Axmed ayaa sheegay in calafkaasi xoolaha ee sida Buushiga ah, uu dhan yahay 25-koontiira, isla markaana Hay’adda wadataa aysan uga dan laheyn macaawino, wuxuuna yiri “Nin Muwaadin ah ayaa soo sawiray Gaadiid oo 25 ku sheegay oo soo galay xuduudka Lowyacaddo, wuxuu sheegay in Gaadiidka ay saaran yihiin 25 koontiinar oo sida Calaf xoolaad, sida Buushiga, kaasi oo xoolo badan ku filan”. “Ninkaasi wuxuu sheegay in Gaadiidkaa Jabuuti ka timid ee Lowyacaddo ka soo gashay inay Hay’adi wadato, qoladii Kastamkuna cashuurayaan, marka ka cashuurana waddanka ayay soo galayaan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Ninkaasina wuxuu yidhi waanu tijaabinay buushigaa, wuxuu yidhi Buushigaa Diqsiga isku taagaa wuu dhimanayaa, Ninkaasi wuxuu yidhi xoolaheena ayaa lagu wadaa oo la siinayaa, waxaana loo qabayniyaa Xoolaha jooga Lowyacaddo illaa Taleex, Hay’adduna waxay ka dhigaysaa samo-fal wanaagsan inay xoolaha siinayso”. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaarada xanaanada xoolaha ee Somaliland, oo ku aadan calafka xoolaha ee uu Waddani sheegay in uu sumeysan-yahay, isla markaana Somaliland laga soo galiyay xuduuda ay la wadaagto Jabuuti.
-
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur, oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxyo bumbooyin ah oo Caawa lagu weeraray Saldhiga bartamaha magaalada Gaalkacyo. Guddooomiyaha ayaa sheegay, in fiidnimadii Caawa laba bumbo lagu soo tuuray gudaha Saldhiga bartamaha Gaalkacyo, kuwaasi oo sida uu sheegay aan wax khasaare naf iyo maal midna geysan, marka laga reebo nin dhalinyaro ah oo dhaawac fudud ka soo gaaray firiro ay qaraxyadu sameeyeen, xilli uu marayay bannaanka Saldhiga. Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay, in qaraxyada lagu wareeraray saldhiga bartamaha Gaalkacyo aysan ahayn kuwa argagixiso, balse ay ku tuhmayaan in ay yihiin kuwa siyaasadeysan oo lagu khal-khalinayo Amniga magaalada, si xaalad-abuur loogu sameeyo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin cid loo qabtay falkaasi. “Wallaahi, hadda arrintan dhacday, ma aha Argagixisadii noocaa uma shaqeeyaan, waxaan isleeyahay, waa dad khalkhalinaya Amniga magaalada, meel kale kama imaan maaha Argagixisada farsamadeedu noocaas, wax iskama tuuraane waxbay bi’iyaan ay hubaan.” Ayuu yiri Guddoomiyaha. Hoos ka daawo wareysiga Guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Puntland: Qaraxyada lagu weeraray Saldhiga Gaalkacyo ma ahayn kuwa Argagixiso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-Qumanha-waraka-15122019.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo-(Caasimada Online)-Koox hubaysan ayaa caawa fiidkii weerar ku qaaday saldhig ciiddan oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyaga oo u adeegsaday weerarkaas bambo gacmeedyo iyo rasaas toos ah. Weerarkan oo socday daqiiqado kooban, ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidanka booliska Puntland iyo dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka saldhiga la weeraray. Dableyda weerarka geysatay oo ilaa hadda aan la garaneyn heybtooda iyo inta ay taradoodu dhameed ayaa goobta iskaga baxsaday. Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarkaas caawa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana socda howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii geystay weerarkaas. Ciidamada ammaanka Puntland ee ka howlgala waqooyiga Gaalkacyo ayaa caawa xiray waddooyinka muhiimka ah ee soo gala saldhiga, iyadoo aad loo adkeeyey dhamaan amaanka xarumaha maamulka ee ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa mararka qaar magaalada Gaalkacyo ka geysta dilal qorsheysan, kuwaas oo ay horay ka sheega jireen mas’uuliyadooda, balse weerarkaan ayeysan sheegay wali.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba Daareed, oo sidoo kale dhawaan lagala noqday xasaanadii xildhibaannimo, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Dhooba Daareed ayaa la dejiyay hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho kadib 24 saac uu daganaa hotel Paradise oo ku yaalla meel u dhaw Airport-ka Muqdisho. Qorshaha socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya isaga iyo siyaasiin kale oo degaanada Puntland xilal kala duwan uga soo qabtay maamulkaasi. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Dhooba Daareed uu abaabulayo dhismaha maamul gobaleed la yiraahdo Maakhir State oo ka shaqeyn doona goballada Sool iyo Sanaag, waxaana abaabulka arintaan wax ka wada madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Cameey oo hadda ah safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya. Toddobaadkii tegay Camey iyo Dhoob Daareed ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay ergeyga Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland Olgar Bekar, kaasi oo la rumeysan yahay inay dhaqaale maamulka lagu dhiso weydiisteen. Cabdixakiin Dhooba Daareed, ayaa dhow jeer lagu eedeeyay in uu gacan saar la leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana uu doonayo kala qaybinta Puntland.
