-
Content Count
214,001 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-27112019.mp3 View the full article
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Djabuuti ee dalka Jabuuti. Waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kala hadleen doorashooyinka lagu waddo in ay ka dhacaan Soomaaliya Sanadka 2021-ka. Sheekh Shariif ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayay la kulanka Madaxweyne Geelle waxaana uu u qornaa siddaan: Waxaan soo gaarnay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, iyada oo aan kulan gaar ah la qaadannay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb Aadan Xasan Aadan. Waxaa kulanka igu wehliyay Xoghayaha arrimaha dibadda Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Danjire Cabdirisaaq Shoolle oo kamid ah xubnaha sare ee Xisbiga. Waxaan ka wada hadalnay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka innaga oo warbixinna ka siinnay aragtida Himilo Qaran ee dhismaha dowladnimada iyo doorashada la filayo 2020/2021. Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti madax iyo shacab waxaan uga mahad celinaynaa markasta doorkooda muuqda ee dib u dhiskii dowladnimadii naga burburtay.
-
Dhuusamareeb , Sunday November 24, 2019: The Federation of Somali Journalists FESOJ, in cooperation with the Free Press Unlimited under the project of Our Right to Know supported by the EU organized one-day symposium on Council of Peace at Hotel Badar in Dhuusamareeb city, Galmudug State focusing on the safety and protection of journalists ahead of Galmudug elections. The program Council of Peace is titled “Strengthening security agencies and media relations for the safety of journalists, access of information, freedom of expression and media freedom in Somalia” The aim of the meeting was institute confidence-building mechanisms and professional journalistic processes to facilitate dialogue between the security agencies and media, fostering greater understanding and eliminate distrust and mutual suspicion in order to promote and create an environment conducive to freedom of media and safety of journalists during elections. The symposium discussed how understanding could be established between all stakeholders that is the media and security agencies, which allow and facilitate each part conduct its duties, while at the same time any party not to be challenge to the other. The meeting attracted considerable number of journalists working in Dhuusamareeb city, Moalim Nur Elmi Abdulle , Governor and Mayor of Dhuusamareeb City, Abshir Abdi Shiikhow, Minister of Constitution of Galmudug State, Mohamed Nur Diini, Deputy Minister of Energy and Water, Colonel Abdullahi Hassan Ali , Dhuusamareeb Police Commander, Mahad Khalif Rooble and Farah Warsame Jama (Garas), Senior officials of the Somali Custodial Forces. It was a follow up to a similar meeting held last year in 2018 and was also a direct follow-up to the implementation of a priority identified by stakeholders on the safety of journalists so that lines of dialogue can be opened and agreement between media, security agencies as well key state institutions with a common strategy to deal with the safety and security of journalists. During the debate and discussions, the participants were taken through the main topics on how to communicate with the media, operational safety procedures when dealing with the journalists and freedom of expression, and how security forces can ensure that journalists can access the information they need to pass to the public. In his opening remarks, the second deputy President of FESOJ Abdifatah Hassan Farah said its fundamental human rights to ask for, and receive information held by the public organizations and government bodies, its therefore imperative that the security agencies allow journalists to carry out their work freely by providing information that the public needs to know. All the officials who attended the meeting noted that there are challenges facing the Somali media; and they are prepared to work with the Somali journalists. They have also called the journalists to avoid transmitting fake news that some of the journalists rush to. Journalists got an opportunity to interact and ask direct questions regarding their safety and security with the police officers and other government officials attended the meeting, particularly on the daily challenges they come across during news gathering in the city or outskirts of Dhuusamareeb city. The security forces have replied to all the significant questions that have been raised. “In elections, journalists face challenges so this symposium has come an important period as Galmudug prepares for elections, and we want the media to get collaborations from all parties” Mohamed Ibrahim Moalimuu FESOJ Secretary General said. In conclusion, all the parties attending in the meeting has agreed to work together, with the view everything in terms of the rules each party operates on. The meeting was closed by the second deputy President of FESOJ Abdifatah Hassan Farah who thanked the participants for their frank discussion of key issues affecting media freedom and access to information. Since the relationship between the media and security agencies, including those in the law enforcement and intelligence services, has always been a delicate one in Somalia and often characterized by frequent clashes, arising from a somewhat startling inability of either side to fully appreciate the role of the other in society, In conclusion it was agreed that such meetings should be continued to lead for real cooperation and both sides should come up and establish a taskforce for further dialogues.
-
Hoggaamiyaha xisbiga UCID ee mucaaradka ah ee Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha maamulka Soomaaliya ee Jubaland Mudane Axmed Madoobe. Kulankan ka dhacay caasimadda Kenya ee Nayroobi ayaa lagu sheegay in lagaga wada hadlay arrimo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya iyo Somaliland. Faysal ayaa hore taageero ugu muujiyay Axmed Madoobe markii xukumadda Farmaajo culayska siyaasadeed ku haysay Jubaland waxaana kulanka ku weheliyay Maxamed Aadan Ilkacase agaasimihii hore ee wasaaradda shaqo gelinta Somaliland oo ka qayb galay caleemo saarkii Axmed Madoobe. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta wadajir u yeesheen labada Aqal ee Baarlamanka oo ahaa shirkoodii saddexaaad ayaa lagu qeybiyey Sharciga Doorashada ee ay soo diyaariyeen Guddi uu sameeyay Guddoonka Baarlamaanka, kaasoo ka duwan sharcigii hore ee Golaha Wasiirada ansixiyeen, kana yimid Madaxtooyada Soomaaliya. Sharcigan cusub ayaa ka bedelay kii Golaha Wasiirada iyo Madaxtooyada ee loo gudbiyey Baarlamaanka, waxaana isbedel ku sameeyay Guddiga baarlamaanka oo tegay dhammaan maamul Goboleedyada dalka, isla markaana la-tashiyo la sameeay xisbiyada siyaasadda iyo qeybaha Bulshada. Kulanka wadajirka ee labada Aqal ee Baarlamanka wuxuu ku furmay 186 Mudane, iyadoo ajenduhu uu ahaa: Habraaca Ansixinta Dib u eegista Dastuurka Kumeelgaarka, kadibna waxaa la qeybiyey Xeerka Doorashada oo si weyn ay uga horjeedo Madaxtooyada Soomaaliya. Warbixinta oo ka koobneyd lix bog ayaa waxaa ku lifaaqneyd sharciga doorashooyinka oo loo qeybiyay Xildhibaanada, iyadoo lagu sameeyay wax ka bedel badan qaabkii ay Xukuumadda u soo diyaarisay ee aan waafaqsaneyn Dastuurka. Sidoo kale warbixinta Guddiga ayaa waxaa ku jirtay la tashiyo uu ka soo sameeyay dowlad goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dhammaan warbixinta ku cadaa natiijada kulamada Guddiga soo waday ee la xiriiray la tashiyada sharcigan. Qodobada Guddiga wax ka bedelka ku sameeyay ayaa ahaa inuu meesha ka saaray hannaanka doorashada ee nidaamka Metelaada isu dheeli tiran ee Liiska xiran (Proportional representation closed list), kaasoo ahaa mid dhaliyay doodo kala duwan, gaar ahaan sida la isku waafajin karo awood qeybsiga 4.5. Sidoo kale Guddiga ayaa qaatay Nidaamka Aqlabiyada badan (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka. Nidaamkan cusub ayaa laga hor akhriyay Golaha inkastoo aan laga doodin oo wali howshiisa ay socoto, waxaana xildhibaanada lagu wargeliyey inay laba cisho isha soo mariyaan si sharcigaan looga doodo. Guddoonka labada aqal ayaa u midoobay inay ka hortagaan sharciga Doorashada ee ay wadato Madaxtooyada, waxaana la xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo aanu raali ka ahayn sida ay u socoto shaqada labada Aqal xilligan. Halkaan hoose ka akhriso Qoraalka Guddiga oo dhameystiran
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay isbedel la sheegay inuu ku yimid xidhiidhkii kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya, isla markaana ay Xukuumadooda ay walaac qabto. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa sheegtay inaysan waxba iska badalin xidhiidhka Somaliland kala dhaxeeya dowladda Itoobiya, midaasi oo ay ku beeninayso warbixin dhowaan uu daabacay Wargeysa ka soo baxa Itoobiya. Wargeyskaasi ayaa sheegay in Somaliland ay aad uga walaacsantahay isbedelka uu siyaasadii dowladda Itoobiya ka sameeyey Raysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, oo arrintaasi ka hadlayey ayaa warbixinta wargeyskaasi ku tilmaamay mid aan xaqiiqda ku saleysneen oo malo awaal ah. “Hadalkaasi markii aanu baadhnay siduu ku soo baxay waxay iska ahayd si sheeko ah oo aan ujeedo ahayn wax si rasmiya uga baxay wasaaradda oo uga waramayey may ahayn wax kala fogaansho ah iyo wax ka bedelmay xidhiidhkii hore ee fiicnaa ee Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeyey ma jirto” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Faratoon. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Cid iska indho tiri karta jiriteenka Somaliland ma jirto, dadka ka shakiyey shirarkii madaxweynaha Soomaaliya, ka Eritrea iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya ku shiri jireen ee u qaatay inay khatar ku tahay Somaliland waxba kama jiraan, waayo ee gobolka saddexdaas dal uun maaha oo dalal kale ku yaalla”. Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in dowladda Itoobiya kala laabatay wakiilkeedii Hargeysa, taasi oo uu sheegay in uu Safiirka Itoobiya ee Hargeysa uu gaadhay da’dii howl-gabka, isla markaana ay dowladda Itoobiya badelkiisa diyaarineyso.
-
Garneylada Booliisku soo bandhigay Taliska Qeybta Booliiska gobolka Bari, ayaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ku soo bandhigay, hubka garneylada gacanta laga tuuro oo ciidanka Booliisku ay ka soo qabteen gudaha magaalada. Taliyaha Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka warbixiyay hubka ay soo bandhigeen, ayaa sheegay in hawlgallo ciidanka Booliisku ka sameeyeen xaafadaha Boosaaso, ay u suura-geshay in ay soo qabtaan garneyladan gacanta laga tuuro ah, kuwaasi oo kooxihii sitay ay ka carareen. Taliyaha ayaa tilmaamay, in kooxo argagixiso ah oo hubkan ku qarinayey xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso, ay bannaanka u soo saareen, dabadeedna luuqya cidlo ah uga carareen, kadib markii ay ogaadeen in ciidanku baaritaan ku wadaan guryaha magaalada. Sidoo kale, Taliyaha ayaa warbaahinta u soo bandhigay dad loo soo qa-qabtay dhac iyo furasho ay gudaha Boosaaso ka wadeen, gaar ahaanna dhalinyaro ku eedaysan in ay habeenkii dhac u gaysan jireen shacabka magaalada Boosaaso. Dadka ku eedaysan dhaca iyo furashada dadweynaha ayaa qaarkood lagu soo qabtay Khamro iyo maandooriyaal kale oo ay adeegsan jireen, waxaana taliyuhu sheegay in dhowaan sharciga la hor-geyn doono. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Booliiska gobolka Bari oo soo bandhigay Hub ay ka soo qabteen gudaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ayaa kulan la yeeshay Guddigii hore ee doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo muddo-xileedkoodu dhamaanayo bishan. Sidaana waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo Maanta ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay guddidii hore ee komishanka doorashooyinka qaranka oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka, waxaana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax. Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha Guurtida & wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ayey ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii Madaxtooyada. Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, waxaana ay tilmaameen in shaqadii ay soo qabteen ahayd masuuliyaddii loo igmaday iyo waajibaad qaran oo ay u guteen si Dastuuri ah.” Source
-
Muqdisho (Caasimadda online) – Kulankii wadajirka ahaa oo ay maanta yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana ay goobjooga ka ahaayeen 186 Xildhibaan iyo Senator, ayaa waxaa loogu qeybiyey Sharciga doorashooyinka. Sharcigaan ayaa waxaa dhawaan soo geba-gabeeyey diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka,guddigaas oo ka koobnaa 15 Xubnood oo laga soo xulay xildhibaannada Golaha Shacabka. Dhanka kale Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista dastuurka ee labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo kulankaan ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan caqabado hor taagan dib u eegista Dastuurka. Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Khilaafka ka dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada uu caqabad ku noqday shaqadii dib u eegista Dastuurka. Cabdi Qeybdiid ayaa ku sheegay qodobada soo socdo inay caqabad ku noqdeen dib u eegista Dastuurka oo aan weli sidii loogu talagalay aan looga doodin: Khilaafka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada la tashiga bulshada Soomaaliyeed oo uusan wada gaarin wadatashiga dastuurka Arimaha Maaliyada ee ku shaqeeyo Guddiga oo aan la helin. Mudo xileedka baarlamaanka 10aad oo mudo xileedkiisa siidhamaanayo iyo shaqooyinka horyaaha oo badan Ugu dambeyntii Cabdi Qeybdiid ayaa xusay inay jiraan caqabado uu ka gudbay guddiga uu madaxda u yahay, wuxuuna tusaale ahaan usoo qaatay xalkii laga gaaray khilaafka u dhaxeeyey labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
-
The UK has called on China to give UN observers “immediate and unfettered access” to detention camps where up to a million Uighur Muslims are being held. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta deeq mucaawino ah kala wareegay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya. Deeqdan oo isugu jirtay raashin, teendhooyin iyo alaabe kale ayuu guddiimiyuhu kula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in gargaarkan la gaarsiin doono dadka ay saameeyeen roobabkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degmooyinka Banaadir. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee garoonka, isagoo tilmaamay in nadaafad darro ay ka jirto, waxna uu ka qaban doono maamulkiisa. View the full article
-
Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta loo qeybiyay sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay dhowaan soo gabagabeeyeen diyaarintiisa Guddi KMG ah oo ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. Kulanka wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay maanta yeesheen ayaa lagu qeybiyay nuqulada sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay horay u soo gudbisay Xukuumadda, balse wax ka bedel ay ku soo sameeyeen sharcigaas Guddi ka kooban 15 Xildhibaan oo 3-dii bil ee la soo dhaafay ku howlanaa diyaarinta sharcigaas. Baarlamaanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu guda galo dooda sharcigan, iyadoo ay Xildhibaanada ku soo akhrisan doonaan muddo labo cisho, kaddibna ay ka doodi doonaan, si ugu dambeyn loo meel mariyo. Kulankii maanta ee wadajirka ay u yeesheen Golaha Shacabka ayaa waxaa ka soo qeyb galay illaa 186 Xildhibaan iyo Senator, waxaana ka dhex muuqday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa dhowaan sheegay in sharciga doorashooyinka ay ansixin doonaan horaanta bisha December. Beesha Caalamka ayaa ku cadaadineysa dowladda Federaalka in kama dambeys dhamaadka sanadkan la soo saaro sharciga doorashooyinka, si sanadka 2020 uu dalka ugu diyaar garoobo doorashooyin. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujisay kulan ay abaabushay Kenya oo Nairobi ku dhex maray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo hoggaamiyaha ONLF Cabdiraxmaan Mahdi Madey, waxaa sidaas qoray wargeyska Addis Standard. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah u agaasimay, fududeeyey, islamarkaana lacag ku bixiyey Machadka Rift Valley ee Kenya. Xiisadda Jubaland iyo Itoobiya ayaa sare usii kaceysay wixii ka dambeeyey bishii August, ka hor doorashadii Axmed Madoobe, markaasi oo mas’uulinta Jubaland ay diideen inay garoonka Kismaayo ka degto diyaarad ay saarnaayeen agab iyo ciidamo Itoobiyan ah. Jubaland ayaa sidoo kale toddobaad ka hor cabasho ka muujisay faro-gelin xoogan oo ciidamada Itoobiya ay ka wadaan gobolka Gedo, ayaga oo taageeraya madaxweyne Farmaajo. Hoggaamiyaha ONLF, Cabdiraxmaan Mahdi Madey ayaa bishii August, ka hor inta aan xilkan loo dooran waxa uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uga digay faro-gelinta Jubaland. “Kismaayo waxay ku taalla goob muhiim ah. Hadii halkaas isbeddel uu ka dhacana waxay saameyn doontaa waddanka oo dhan. Waxaan aaminsanahay in Axmed Madoobe uu shaqo wanaagsan qabtay. Mana hubo in haddii dad kale ay meesha yimaadaan uu amniga sidan sii ahaan doono. Waxaan ka baqayaa haddii aynan ka fiirsan faro-gelinta halkaas, inay saameyn doonto gobolka oo dhan, sababtoo ah waxaa jira ciidan cadow ku ah Itoobiya, oo Axmed Madoobe uu hadda la dagaalayo.” Lama yaqaan ujeedka iyo waxa looga hadlaya kulanka kulanka Nairobi ee Axmed Madoobe iyo Cabdiraxmaan Mahdi, sida uu qoray Addis Standard. Dhinaca kale, sarkala sare oo ku dhow madaxweyne Axmed Madoobe ayaa beeniyey inuu wax kulan ah ka dhaay Nairobi. “Joogitaanka hogaamiyayaasha Jubaland iyo ONLF ee Nairobi waa mid isku aaday oo kaliya. Ma jiro wax kulan ah oo dhacay, haddii ay kulmaanna waxay noqon doontaa kaliya inay isa salaamaan.” Ayuu yiri.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Cunaqabateynta saaran magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose muddo ka badan 3 bil ayaa sababtay in dhalinyaro badan ay kuwaayaan shaqadooda kadib markii shirkadihii ganacsiga iyo xarumaha kalaba ay bixin waayeen mushaarka shaqaalaha. Ugu yaraan 200 oo qof oo ah dhalinyaro ka kooban dumar iyo rag ayaa shaqada laga fasaxay intii u dhaxeysay 23-kii August ilaa 23-ka bishaan kadib markii shirkadaha ay sheegeen in aysan awoodin bixinta mushaarka. Dadka shaqada laga eryay ayaa 20 qof oo kamid ah waxay ka tirsanaayeen hal Shirkad halka inta kalane ay u badanyihiin shaqaale ka tirsan Shirkadaha Duulimaadka, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii aan la hadalnay. “Shirkadda Maandeeq Airline oo kaliya ayaa fasaxday 20 qof oo midka ugu yar qaadan jiray 200 dollar waxaana midkiiba ku hoos noolaa 5-7 qof” ayuu yiri Shaafi Raabi Kaahin oo ah guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo baaritaan ku sameeyay khasaaraha ka dhashay cunaqabateynta saaran magaalada. “Haddii shaqada laga eryay 200 oo qof midkiina biili jiray qoys ka kooban ugu yaraan 5 qof waxay halis soo wajahday ugu yaraan kun qof” ayuu yiri Shaafi Raabi Kaahin oo warbaahinta Muqdisho la hadlay. Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa kale Travel agency-ga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ku adkaatay bixinta mushaarka shaqaalaha maadaama ay istaagtay shaqadii Kismaayo ee duulimaadka. Madaxda Shirkadaha ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay u garaawdo dadka dhibaataysan islamarkaana wadahadal lagu xaliyo dhibaatooyinka taagan. Rugta Ganacsiga Jubbland ayaa 2-da Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya u gudbisay cabasho ka dhan Xukuumadda Soomaaliya, taas oo ku saabsan cunaqateynta saaran magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose. Cunaqabteynta saaran Kismaayo ayaa kusoo koobantay kaliya shacabka, ayada oo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu siduu doono uga duulo Kismaayo, isaga oo toddobaadkan tagay Nairobi, ayada oo aysan jirin wax ay ka qaban karto dowladda.
-
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha XFS, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyey. Sabriye ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato hoggaanka Ahlu Sunna oo weli tabasho ka muujinaya hanaanka dowladda ee maamul dhisida Galmudug. Sidoo kale wuxuu wasiirku la kulmi doonaa guddiga farsamada oo dhowaan shaaciyey jadwalka doorashada ee dowlad goboleedka Galmudug. Dhinaca kale waxaa magaalada Dhuusamareeb laga mamnuucay in lagu qabto shirarka siyaasadeed ee looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Amar ka soo baxay laamaha amniga ee degmadaasi oo lagu wargaliyey milkilayaasha hoteelada ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeya aan hoteeladooda lagu qaban karin shirar aysan ogeyn saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda Dhexe. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Guddiga uu golaha shacabka BF u saaray sharciga doorashada ayaa la yimid model cusub oo doorasho iyaga oo meesha ka saaray hannaanka doorashada nidaamka matelaadda isu dheelitiran ee liiska xiran, taa badalkeeda keenay Nidaamka Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka. Qodobada Xiisaha badan waxaa ka mid ah: Waxa ay dhamaan dhinacyada kala duwana ee aan la kullanay walwal ka muujiyeen nidaamka doorasho ee ku dhisan ergooyinka ee lagu soo galay doorashooyinkii 2016 ayagoo ku sababeenaya amni darrada jirta inay tiro kooban ahaayeen ayna horseedi karaan musuqmaasuq. Waxa ay dhinacyada kala duwan intooda badan walaac ka muujiyeen gaar ahaan qaybaha kala duwan ee dowlad goboleedyada in hannaanka doorashada nidaamka matelaadda isu dheelitiran ee liiska xiran (proportional representation closed list) uusan ahayn mid ku haboon marxaladda dalka marayo uusanna ka hirgeli karin Dalka. Waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqeen in hanaankan dhalin karo lumitaanka miisaanka awood qaybsiga ee horay ummadda Soomaaliyeed ugu heshiisay, waxay kaloo ay farta ku fiiqeen iney adag tahay qabsoomidda doorasho qof-iyo-cod ah xilligan. Dhammaan Dowlad Gobolleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadeed waxay si wadajir ah u sheegeen in doorashada ku dhacdo waqtigii loogu talagalay. Dhinacyada aan la kulanay dhammaantood waxay soo jeediyeen in doorashada qof iyo cod aysan hirgelin karin ayadoon la diyaarin qodobadan hoos ku xusan: Dhameystirka Dastuurka; Midnimadda dhammaan dalka oo idil; Diyaarinta Sharciga Jinsiyadaha; Muwaadiniinta Soomaaliyeed tirakoob rasmi ah loo sameeyo; Sugidda xuduudaha degmooyinka iyo gobollada dalka. Nooca Doorashada ee Guddiga soo-jeediyey: Guddigu wuxuu si wada jir ah isugu raacay in nidaamka (modelka) doorashooyinka ee dalka ku habboon yahay. Nidaamka Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka. Astaamaha Nidaamka Aqlabiyadda Nidaamkan Aqlabiyadda hal kii kursi ah (Single-Member Popularity – SMP). Marka loo eego nidaamyada kale waa midka ugu sahlan wuxuuna leeyahay astamahan hoos ku xusan; Halkii kursiba gaarkiis ayaa loogu tartamayaa, Sida magaciisa ka muuqata FPTP. codeynta koowaad ayaana lagu kala baxayaa, Murashixii u codbadan ayaa kursiga ku guuleysanaya. Codbixiyuhu hal murashax ayuu ka dooranayaa liistada Murashaxiinta ee kursiga. In la xaqiijiyo dheellitiranka saamiqaybsiga. matalaadda Bulshada ee golayaasha Baarlamaanka; In ay dhacdo doorasho ku salaysan xisbiyo. In dadwaynaha deegaanka degan ay u siman yihiin u codeynta murashaxiinta. In codbixiyayaasha wax dooranayaa ka iman karaan deegaanka goobta doorashada ee heer gobol ama dawlad goboleed ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
