Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,011
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug si rasmi ah uga bilabaatay howlaha doorashada Maamulka Galmudug oo ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inaysan u hakan doonin khilaafka kala dhaxeeyo Maamulka Ahlu Sunna. Guddiga Farsamada Maamul dhisidda Galmudug ayaa guda galay howshii ugu horeysay ee bilowga u ah soo xulidda xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, iyagoo la kulmay odayaasha dhaqanka ee saxiixayo Xildhibaanada cusub ee uu yaalan doono maamulkaas. Guddiga Farsamada iyo Odayaasha leh saxiixa xildhibaanada Galmudug ayaa Maanta ku kulmay Dhuusamareeb, waxayna ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa geeddi socodka dhismaha Galmudug. Maalinta Sabtida ee soo socoto ayaa la filayaa in la xareeyo odayaasha dhaqanka, waxayna guddiga iyo odayaasha ka wada shaqeyn doonaan howsha soo xulidda Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo noqon doono 89. Xildhibaanada Maamulkaas ayaa waxaa loo qeybsan doonaan sida uu qabo dastuurka Galmudug ee ah hab qeybsiga Beelaha, waxaana la raaci doonaa habkii markii hore loo soo xulay xildhibaanada waqtigooda dhamaaday. Todobaadkan ayay aheyd markii Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug uu ku dhawaaqay jadwalka doorashada Galmudug, iyadoo la filayo in geeddi socodka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug la soo gabagabeeyo dhammaadka bisha December ee soo socota. Maamulka Ahlu Sunna ayaa qaadacay tallaabadaan ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna iska diiday 15 Xildhibaan oo ay u ogolaatay Dowladda Dhexe, waxayna Ahlu Sunna go’aan ku gaartay inaysan qaadan doonin tiro ka yar middii lagula heshiiyey ee aheyd 35 Xildhibaan.
  2. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya Benfender ku qaabiley hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee [...] Source
  3. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada. Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka. Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka soo qeyb galaya shirkan. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijineysa siyaasaddeeda ku aaddan Gobolka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale ee Gobolka. View the full article
  4. Dalka Eritrea ayaa qoraal uu maanta oo khamiis ah soo saaray waxaa uu ku eedeeyey dalka Qatar in Dooxa ay dalkooda ka waddo kicin dadweyne iyo kharbudaad dhinac walbo ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea waxaa ay leedahay Qatar markii ay ku guuldareysatay dhibaatadii ay ka soo wadday dhanka bariga Suudaan ayey gudaha dalka ka bilowday fulinta 10 qodob oo kharbudaad iyo dhibaato ah. Qodobada ay Eritrea ku eedeysay maamulka Tamiim waxaa ka mid ah : Abuuris fitno xagga diinta ah, kicin dadweyne gaar ahaan dhalinyarada, abuurista amni darro iyo degenaanshiyo la’aan dalka ah iyada oo la shirqoolayo, lana dilayo dad muhiim ah. Waxaa kale oo ka mid ah; Mideynta mucaaradka Eritrea, in hanti siiso jamciyaad dhibaato wada, kicinta muslimiinta Eritrea, in dadka dalkaasi loo kala qeybiyo isir kala sooc, boorinta dibad baxyo ka dhan ah dowladda, faafinta daacayadaha in Eritrea ay ka dhacaan arrimo ka dhan xuquuqul insaanka iyo weliba tababarka kooxo dil geysta. April sanadkan ayey Eritrea sheegtay arrimo la mid ah qodobadan ay ku heysato dalka Qatar, laakin waxaa muuqato in maamulka Tamiim sii wado. Dalka Qatar oo hoy u ah kooxo badan oo Islaamiyiin ah waxaa xiriirka u jaray dalal badan oo Khaliijka iyo Carabta kala ah, waxaana lagu eedeeyey in maamlgelin iyo gabbaad siiyo argigixisada. Labada dal waxaa ay xiriir soke la leeyahay maamulka hadda jooga Villa Somalia, waxaan la ogeyn in dhexdhexaadin uga bannaan tahay iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday xilliga kama dambeysta ah oo ay ku dhawaaqi doonto ololaheeda ay ku baadi goobeyso kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Kursigan oo ah mid ay leedahay Afrika, gaar ahana dalalka Bari, ayaa waxaa isku haysta Jabuuti iyo Kenya. Midowga Afrika ayaa horey u taageeray musharaxnimada Kenya, hase yeehee Jabuuti ayaa ku gacan seertay, kuna adkeystay inay tartameyso. Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in iyadoo cuskaneysa xeerarka Midowga Afrika ay rajo fiican ka leedahay kursiga Golaha Ammaanka ee waqtigiisu yahay 2021-2022 sida lagu sheegay war saxaafadeedka kasoo baxay ergada joogtada ah ee Jabuuti ee QM. 5-ta Bisha December ee sanadkaan ayey Howlgalka Jabuuti ee Qaramada Midoobey sheegtay inay soo sharixi doono musharaxooda ku matali doono booskaas. Dowladda Jabuuti ayaa Caalamka ka codsatay in lagu taageero sidii ay u heli laheyd kursigaas oo uu tartan adag kala dhaxeeyo dowladda Kenya oo iyadana dadaalkii ugu dambeeyey ku bixineyso inay kaga guuleysato Jabuuti. Jabuuti ayaa sheegtay inay wax badan kaga qeyb qaadan karto xaaladaha ka jiro Caalamka maadaama ay sheegtay ay aqoon iyo qibrad fiican ka heysato Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Midowga Afrika. War saxaafadeedka Jabuuti ayaa lagu dhex sheegay howlaha ay qabatay, waxaana ka mid ah dadaalladeeda nabad dhlinta Soomaaliya sida howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka tahay iyo shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee laba jeer qabatay. Dowladda Somaliya ayaa xilli hore shaacisay inay taageersan tahay dowladda Jabuuti ayna ku garab taagan tahay sidii ay ku heli laheyd Kursigaasi. Kenya oo dhankeeda damac wayn uu kaga jiro helitaanka Kursigaan ayaa iyadana galaangal xoog leh waxa ay ka wadaa dalalka Afrika si ay taageero uga hesho.
  6. Loolan Adag Oo Ka Dhashay Boos Tartan Loo Gelayay Dalada Sonyo. Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo ka mid ah ururrada Bulashada Rayidka ah ee Somaliland waxa dhawaan ka bannaanaaday jagada xilka Agaasimaha Fulinta, waxaana sidii caadiga ahayd ay dalladdu naadisay cid kasta oo danaynaysa buuxinta booskaasi. Sida ku cad bayaan ay dalladdu soo saartay waxa booskan bannaanaaday soo codsaday ku dhawaad 150 qof oo dhallinyaro ah waxaana ugu dambayn imtixaanka u fadhiistay xubnihii ku soo baxay short List-ga. Sida uu dhigayo sharciga shaqaale-qorista ee dalladdu waxa imtixaanka shaqaalaha la doonayo qaada koox isugu jirta xubno ka socda BOD-ka SONYO, sarkaal ka tirsan wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada iyo xubno kale, taasoo keenta in SONYO lagu majeerto ururrada dalka ee sida caddaalada ah loogu soo baxo shaqo-qoristeeeda waligeedna aan hore loogu arag wax muran ah iyo is qabsi toona. Afar xubnood ayaa ugu dambayn isugu soo hadhay imtixaan afeedkii ugu dambeeyey (Interview) waxaanay kala ahaayeen Cabdixamiid Maxamed Cumar, Sharmaarke Ismaaciil Idiris, Cabdalle Quulle Xasan iyo Saxardiid Maxamed Cismaan. Waxaana dhibco sare ku soo baxay oo mansabkan ku guulaystayCabdixamiid Maxamed Cumar. Markii uu muwaadinkaasi lagu magacaabo Cabdixamiid ku guulaystay jagada loo tartamay waxa sidii sharciga ahayd ku dhawaaqay oo soo saaray kooxdii Imtixaanka qaaday, waxaanay Wasaaradda Shaqo-galinta oo qayb ka ahayd guddida imtixaanka qaadday ay soo saareen Bishan 22-keedii qoraal uu ku saxeexan yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mudane Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan. Warqaddaasi oo uu ku socodsiiyay Guddoomiyaha SONYO, Cabdixamiid Maxamed Cumar (Ninka Shaqada ku guulaystay), Golaha sare ee SONYO, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiirka Shaqo-galinta A/Bulshada iyo Qoyska. Warqadddaasi oo Agaasimuhu ku caddeeyey Shaacinta Guulaystaha Xilka Agaasimaha SONYO Gudoomiyaha Dalada dhalinyarada ee somaliland ayaa warqad uu ku sheegayo in imitixaanka lagu kala guulaystay soo saaray wuxuuna sheegay in agaasimaha fulinta ee dalada dhalinyarada ee sonya loo doortay cabdixamiid M. Omar Ku Dhawaaqista agaasimaha cusub ee dalada dhalinyarada sonyo ayaa waxa warqad ka soo saaray wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland taas oo uu ku sheegayo in dib loo dhigo tartanka lagu shaaciyay agaasimaha fulinta dalada sonyo isla markaana aanay iyagu ogalayn waxaana taasi muujisay in wasiirka dabada laga riixayo isla markaana dhanka xukuumada cadaadis lagaga waddo Wasiirka Ciyaaraha oo shaqadii dhalinyarta la fadhiistay ayaa waxa uu soo dhex-galay tartanka xalaasha ah ee dalada ka dhex dhacay taasna waxa sababay masuuliyiin madaxtooyada ka socday oo laga guulaystay isla markaana watay masuulka guulaystay kii ku xigay taas oo sababtay in dhanka wasiirka ciyaaraha laga soo wareego Wasiirka ciyaaraha ayaa warqada diidista soo saaray 26.11.2019 taas oo ka hor imanaysa xiligii wasaarada shaqo gelinta qoyska iyo arrimaha bulshada ogaysiinta siisay 22.11.2019 Ugu danbayn gudoomiyaha dalada sonyo ayaa wasiirka ciyaaraha ka soo daba saaray warqad sheegaysa in imitixaankii loogu tartamayay agaasimaha fulinta dalada sonyo lagu guulaystay isla markaana aan wax hada hadhay jirin agaasimaha fulinta ee dalada dhalinyarada ee sonyo uu yahay Cabdixamiid M. Omar. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Hoose Ee Degmada Berbera Oo Ka Hadashay Xadhiga Guddoomiyaha WADDANI Ee Gobolka Saaxil, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Xogahayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa Si Weyn U Dhaliilay Madaxweyne Muuse Biixi, kana warramay qisooyin murugo leh oo ku soo arkay xabsiga Mandheera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s Health Minister Dr. Fawzia Abikar has been awarded this year’s prestigious Minerva Award for her contribution as a role model in ‘promoting positive values and knowledge’. Source: Hiiraan Online
  10. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegayo in qaar ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland ay maxaabiis kala baxeen xarunta Maxkamadda Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Maamulkaas. Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug ee dowladda Puntland, G/sare Jaamac Maxamed Axmed, ayaa sheegay inay ciidamada xoog kusoo galeen gudaha maxkamadda isla markaasna ay xoog kula baxeen laba maxbuus oo markaas xukun lagu riday kadib markii lagu helay fal dambiyeedka lagu soo eedeeyey ee ah inay iibiyaan khamriga. Mid kamid ah ciidamadii weerarka kusoo qaaday Xarunta Maxkamadda ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana ciidamada weerarka soo qaaday u suurtagashay inay wataan maxaabiistii la xukumay sida uu xaqiijiyey Taliya G/sare Jaamac Maxamed Axmed. Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Booliiska gobolka Mudug ay ka shaqeyn la’ yihiin, ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka oo uu ku eedeeyay in ay qeyb- ka yihiin Khamriga iyo daroogada la soo geliy gudaha magaalada Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi. Waxaa kale oo uu caddeeyay in uu dacwad ka dhana ciidanka Daraawiishta u gudbiyay Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Yuusuf, si wax looga qabto dhibaatada ay Gaalkacyo ka wadaan ciidanka Daraawiishta sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa xaqiijiyey in Maanta ay ciidamada Booliska Gobolka Mudug u suurtagashay inay gacanta kusoo dhigaan illaa 1500 dhalo oo khamri kadib howlgal laga sameeyey gudaha Magaalada Gaalkacyo.
  11. Taariikhdu waa marag, Maktabadaha xasuustiyo, Maankay ku kayd tahay. Maxaa kala socotaa Mudug iyo mahadhooyinkii kacaanka ee bilowgii 80-aadkii? Waxaa ka warramaya ex. Xildhibaan Sanyare [...] Source
  12. Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay baaritaan ku sameyneyso kiis ku aadan musuqmaasuq oo ka dhacay Balidoogle. Xafiiska xeer-ilaalinta xeer-beegtadda milatariga ayaa shaaca ka qaadey. in saraakiisha eeda ku jira loo haysto lunsasho qalab iyo dayacaad shaqo. Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha maxkamadda ciidamadda, ayaa tilmaamay in baaritaanka kadib la maxkamadeyn doono taliyeyaasha la eedeeyay. Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili isbedelkii afaraad lagu sameeyay Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab oo saraakiisha ay ka tirsan yihiin. Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ay gaareen hogaanka cusub iyo waliba Guddi ka socda Maxkamadda Ciidamadda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Balidoogle.mp3 View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay qoraal uu dhawaan saaray oo muran badan dhaliyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal kasoo baxay Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kaddib amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ilaa Amar-dambe lagu joojiyey qorista Shaqaale Cusub oo ay qaadaneyso Dowladda Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo ku taariikheysnaa 24-ka bishan November laguna socodsiiyay dhammaan hey’addaha dowladda ayaa lagu wargeliyay in aan la qori karin illaa amar dambe shaqaalaha isku bedelka ee ka yimaada Hey’addaha iyo wasaaradaha ee leh qoondo miisaaniyadeed iyo kuwa aanan laheyn intaba. Sidoo kale Go’aankaan oo ah mid kumeel gaar ah ayaa Hay’adaha Dowladda iyo Wasaaradaha waxaa lagula socod siiyey in dib loogu soo sheegi doono xilliga ay munaasibka noqoto in dib loo bilaabi karo qorista Shaqaalaha. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa socday tirakoob ku socday shaqaalaha Hey’addaha dowladda, taasoo ah markii labaad oo dowladdu ku sameyso diiwaan gelin shaqaalaha rayidka ee wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda. Go’aankaan kasoo baxay Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay ansixiyeen miisaaniyadda sanadka 2020 oo gaareysa $459.5 Milyan.
  15. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in degaanka Weydow ee duledka Muqdisho ay ku dishay askari ka tirsan ciidanka dowladda. Askariga oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Yare ayaa kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee Injineerada ku howlan dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in kooxaha hubeysan ay meesha ka baxsadeen ayna horey u sii qaateen qoriga askariga. Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga uu iska caabin sameeyay, wallow aan lasoo sheegin hadii ay khasaaro dhalisay rasaastiisa. Inta badan dilalka noocaan ah ayaa ka dhaca gudaha iyo daafaha Muqdisho, waxaana markii lasoo wariyo gaara goobtaas laamaha ammaanka oo baara. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha Ciidammada Booliska Iyo Maayirka Hargeysa Oo Kulan La Qaatay Golaha Wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-28112019.mp3 View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Afhayeenka Guud ee Xisbiga WADDANI ayaa magac cusub u bixiyay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Baaq Culus U Diray Xukuumadda Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Balli-doogle (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaalya, xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida iyo saraakiil baarayaal ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa xerada tababarka ciidamada gaarka ah ee Danab ee Bali-Doogle. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute iyo saraakiishaan kale ay u tegay halkaas baaritaan lagu sameynayo agab ciidan oo la wayay. Agabkan ayaa waxaa in la waayey soo sheegay saraakiisha cidiamada, mana cadda illa aiyo hadda cidda ka dambeysay. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ayaa shaaca ka qaaday natiijada baaritaanka agabkan la xaday iyo maxkamadaynta ay ka dhici doonto xerada dhexdeeda, waxaana uu sheegay in Bali-doogle uu joogayo qof dambi la’aan ah, hadii kalana Muqdisho loo qaadayo qof Xukuman. Dhinaca kale, is-beddel xagga dhismaha iyo hoggaanka lagu sameeyay ciidamada Danab ee ku jira Saldhigga Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose. Xeer Illaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in uu bilawday isla xisaabtan oo marnaba aan leysku deyn doonin in la dayaco Agabka Ciidamada, isla markaana Ciidamada Danab aan laga fileyn wixii halkaasi ka dhacay. Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa sheegay dayacaada halkaasi ka dhacday in la isugula xisaabtami doono.
  21. Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka Somaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa ku eedeyey Madaxweyne Farmaajo inuu garab maray nidaamka awood qaybsiga beelaha. Soomaaliya laga soo [...] Source