Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada Galmudug, gaar ahaan xareynta odayaasha soo xulaya xubnaha cusub ee baarlamaanka. Wararka ayaa sheegaya in guddiga farsamada ee maamul dhisida Galmudug uu wado dadaallo xoogan oo lagu dardar gelinayo doorashada, kadib markii heshiis dhab ah laga gaaray khilaafkii xooganaa ee u dhexeeyey dowladda iyo Ahlu Sunna Waljamaaca. Doorashadaan ayaa marar badan dib u dhacday, waxaana maanta oo ay ku beegan tahay 17-ka December la filayey in la qabto doorashada Madaxweynaha, sida ku cad jadwalkii ugu dambeeyey ee guddiga farsamada, inkastoo uu isbedal ku yimid jadwalkaasi. Dib u dhac kasta oo ku yimaada howlaha Galmudug ayaa waxa uu sii foogeynayaa dadaallada loogu jiro dhismaha maamul loo dhan yahay. Dhinaca kale, Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka xisbiga Himilo Qaran oo ka hadlay dib u dhacaan ayaa sheegay in tani ay muujineyso, sida ay dowladda Soomaaliya muddo 8 bilood ah doorasho uga sameyn la’dahay maamulka Galmudug. Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay sida ay dowladdu ugu guuleysan karto inay qabato doorasho qof iyo cod ah 2020-ka, maadaama ay hadda ka harsan tahay 10 bilood. “Maanta 17-ka December waxaa ku beegan tahay maalintii ay dowladda sheegtey in Madaxweyne loo dooranaayo Galmudug, xitaa weli Baarlamaanka lama sameyn, hadaba su’aasha meesha taalo waxay tahay hadiiba ay dowlada 8 bilood ay Galmudug doorasho ka sameyn la’ dahay sidee 10 bilood oo ka hartey doorashada guud ee 2020/2021 qof iyo cod u qabaneysaa dowladda?” ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare. Galmudug oo uu waqti badan kaga baxay dowladda dhexe ayaa hadda xaaladeeda waxa ay tahay mid ku jirta marxalad kala guur ah, waxaana socda qorshihii ugu dambeeyey ee doorashada xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.
  2. Waxaa isniintii magaalada Muqdisho gurigiisa lagala baxay oo ilaa hadda xiran Yuusuf Xasan Mursal oo ahaa guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee amniga iyo cadaaladda. Xisbiga oo ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee dalka waxaa uu hoggaamiyahooda Mukhtaar Roobow u xiran yahay isla Villa Somalia tan December 2018. Wararka ayaa sheegaya in la xiray abaarihii 12:30 duhurnimo, laguna xiray guriga xisbiga oo ku dhex yaalla Villa Somalia. Yuusuf waxaa ay ciidamadu kaxeeyeen iyada oo aaney wadan warqad qabasho ah, waa la afduubay, gurigiisa ayaana laga waday, waa arrin sharci darro ah” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah Xogheyaha arrimha gudaha iyo xiriirka gobol ee xisbiga. Qoraal ka soo baxay xisbiga amniga iyo cadaaladda oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa lagu sheegay in madaxii xisbiga ay afduubteen NISA, kana dambeeyaan Saadaq John, ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo. Waxaa xusid mudan in Mukhtaar Roobow oo ah hoogaamiyaha ay xisbiga ay dowladda Soomaaliya soo xirtay 15-kii December 2018 iyaga oo Baydhabo ku dilay 15 taageerayaashiisa ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in maanta oo Talaado ah lagu wado iney DFS kala qaaddo maleeshiyaadkii dhowaan ku dagaallamay deegaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa kaalin mug leh ka qaadanaya nabadeynta deegaannadaasi, waxaana la kala dhexgalay dhinacyadii is hayey. Wararka ayaa sidoo kale intaa ku daraya in la isku keenay waxgaradka Labada dhinac si looga wada shaqeeyo nabadeynta deegaannadan. Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, Jeneraal C/xamiid oo ay la socdaan saraakiil ka tirsan taliska 21-aad ayaa ku sugan deegaannadaasi, waxaana ay korjoogteyn doonaan heerka dib u heshiisiinta iyo ilaalinta amniga. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ayaa haatan kulan xasaasi ah la leh madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in diirada lagu saarayo xalinta khilaafka xoogan ee u dhexeeya dowladda iyo Jubbaland. Ujeedka safarka James Swan ayaa ah sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa labada dhinac, loona dhameyn lahaa khilaafkii ka dhashay doorashadii maamulkaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona inta badan la xiray, ciidamana la soo dhoobay waddooyinka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Lama oga natiijada ka soo bixi doonta kulankaan oo ku soo aadaya, iyadoo uu shalay madaxweynaha Jubbaland uu dib ugu laabtay gudaha magaaladaasi, kadib markii uu ka soo laabtay safar qaatay muddo hal todobaad ah oo uu ku joogay dalka Kenya. Xiisada dowladda iyo Jubbaland ayaa sii xoogeysatay, iyadoona xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo ku biiray dowladda ay ku sugan yihiin Muqdisho, kuwaas oo ka wada kulamo siyaasadeed.
  5. MOGADISHU (HOL) - A US airstrike hit Al-Shabaab targets in Middle Jubba Monday, the US Africa Command (AFRICOM) has said. Source: Hiiraan Online
  6. Idris Wesonga left his rented house in Mumias town on November 11, 2019 in search for a job that would see him get paid in US dollars. Source: Hiiraan Online
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka maamulka Puntland oo soo saaray Warsaxaafadeed cusub ayaa shaaciyey shuruudaha iyo habraaca loo marayo diiwaan-gelinta ururada siyaasadeed ee maamulkaasi. Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in is-diiwaan gelintu ay bilaabatay 15-kii bishan, kuna ekaan doonto illaa 15-ka March ee sanadka soo socda 2020-ka. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in urur kasta laga rabo liiska aas aasayaasha, xeerka u dagsan iyo inuu bixiyo 3500 oo Dollar-ka Mareykanka, taas oo aan celis laheyn. Warka ka soo baxay guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in shuruudaha laga doonayo ururada ay ka mid yihiin: in urur kasta lix ka mid ah gobollada Puntland uu ku leeyahay ugu yaraan 300 oo taageeraayaal ah, kuwaas oo buuxiyey shuruudaha cod-bixinta iyo sidoo kale in ay reeban yihiin ururada ama xisbiyada leh muuqaalka qabiil ama ciidan. Dhowaan ayuu si rasmi ah Madaxweyne Deni uu daah-furay qorshe howleedka guddiga doorashooyinka Puntland, kaas oo shalay codsiga is-diiwan gelinta ka guddoomay ururkii ugu horreeyey ee qaata formka. Puntland waa maamulkii ugu horreeyey ee ka aas aas-ma Soomaaliya, waxaana tan iyo intii jirtay horumar ka sameysay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
  8. The federal country is on the verge of launching a licensing round that could be transformative for the country—if IOCs are convinced by improvements to the security situation Source: Hiiraan Online
  9. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhibaatada fatahaadda ay u geysatay qoysaska Soomaaliyeed gaar ahaan caruurta. Labadii bil ee la soo dhaafay, hey’adaha gargaarka waxaa ay sheegayaan in ay biyaha barakiciyeen in ka badan 240,000, dhibaato ku dhacday dalaga iyo xoolaha, kuwaas oo u baahan gargaar iyo gacan qabad. Dhanka kale, waxaa ay dhibaato gaar ah soo gaartay caruurta, muddada barakaca waxaa meesha ka baxay iskuuladdii waxbarasho, waxaa ay biyo galeen garoomada iyo dhammaan goobihii ay tagi jireen. Waxaa ay wararku intaas ku darayaan in dhibaato ay ka soo gaareen cudurada ka dhashay biyo baxada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage oo ka hor hadlayey golaha shacabka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay mararka qaar tacdiyo kala duwan ka geystaan deegaanada ay ka howlgalaan ee koonfurta iyo bartamaha dalka. Odowaa ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka ugu daran ay ka jiraan gobolka Gedo, kuwaas oo uu ku eedeeyey ciidamada Kenya ee jooga gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya inay il gaar ah u yeeshaan arrintaais, si wax looga qabto. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-1-wiilo.mp3 View the full article
  11. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa shaaciyay Hannaanka iyo Habraaca loo marayo is-diiwaan-gelinta ururada siyaasadeed ee Puntland. Guddiga ayaa sheegay, in qabashada codsiyada diiwaan-gelinta, ay socon doonto mudda saddex bilood ah laga soo bilaabo 15-kii bishan December 2019 ilaa 15-ka March 2020-ka, wakhtigaasi oo ay ku egtahay diiwan-gelinta ururada Siyaasadda. Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in Urur kasta oo doonaya in loo diiwaan-geliyo urur-siyaasadeed uu codsigiisa soo raaciyo lifaaqa ay ku jiraan 10 nuqul oo xeerka ururka ah, liiska magacyada as’aasayaasha ururka oo lagu soo daabacay nootaayo sharciyaysan iyo caddayn maqal iyo muuqaal ah oo muujinaysa goortii iyo goobtii lagu as’aasay ururkaasi. Lifaaqa la soo raacinayo codsiga diiwaan-gelinta, waxa sidoo kale la doonayaa in ay ku jiraan; magacyada guddiga fulinta ururka, qaab-dhismeedka ururka ay weheliyaan calaamadaha iyo hal-k-dheggiisa, cinwaanka ururka oo dhammaystiran iyo in uu bixiyo deebaaji dhan $3500 Dollar oo aan celis lahayn. Dhinaca kale, guddiga ayaa shaaciyay in mudada u dhexaysa 16-March 2020 ilaa 31-march 2020, ay hubin ku samayn doonaan dhammaan urur-siyaasadeedyada soo gudbiyay codsiga diiwaan-gelinta, si loo xaqiijiyo in ay buuxiyeen shuruudaha. Shuruudaha waxa kamid ah; in urur kasta 6 kamid ah 9-ka gobol ee Puntland, uu ku leeyahay ugu yaraan 300 oo taageeraayaal buuxiyay shuruudaha cod-bixinta iyo sidoo kale in ay reebban yihiin ururada ama xisbiyada leh muuqaalka qabiil ama ciidan. Habraacan ayaa ku soo beegmay, xilli shalay ururkii ugu horreeyay uu soo gudbistay codsiga ah in la diiwaan-geliyo, islamarkaana guddigu ay siiyeen formka Habraaca, kaasi oo haddii uu buuxiyo loo diiwaan-gelin doono urur-siyaasadeed dhammaystiran. Halkaan hoose ka akhrriso Habraaca guddiga PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo shaaciyay Habraaca Diiwan-gelinta ururada Siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe. Duqeynta oo lala beegsaday deegaanka Dujumma oo 6Km u jira degmada Bu’aale ayaa waxaa fuliyey ciidamada Mareykanka oo kaashanaya saaxiibadooda Soomaaliya Sidoo kale AFRICOM ayaa shaacisay in weerarkaasi dhinaca cirka ah lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa. Warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntaan aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah. Mareykanka ayaa sanadkaan 2019-ka xoojiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sidoo kale ciidamada huwanta ay ballaariyeen dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay welo ku xoogan yihiin dagaalyahannada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.
  13. Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya howlgalka saaxiibada Mareykanka ayaa fuliyey duqeyn xagga cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab meel u dhow deegaanka Dujumma oo qiyaastii 6 Km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe. Saraakiisha howlgalkaasi hoggaaminaysay ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay weerarkaasi. Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah intii uu socday howlgalkaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. View the full article
  14. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka kala tirsan labada dowladood ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si daaha looga rogo fursaado dhaqaale xooggan oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyed. Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Geneva u jooga ka qayb galka Madasha Qaxootiga adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga gaar ahaan isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaac View the full article
  15. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa saaka weerar xooggan ku qaaday Kantaroolka galbeed ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe sida laga soo xigtay goobjoogayaal. Weerarka oo dhacay goor hore oo saaka ah ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho oo soo gaaray askar ku sugneyed kantaroolkaasi inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah. Warar kala duwan oo halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamadii kantaroolka joogay lagu dilay weerarkii saaka balse weli saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta degmada Balcad kama aysan hadlin khasaaraha. Todobaadkii hore Al-shabaab ayaa weerar sidaan oo kale ku qaaday Xerada ciidanka Hiilweyne oo ku dhow degmada Balcad halkaasi oo ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad shacab ah. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar ka gaystay kantaroolka galbeed ee degmada Balcad appeared first on Puntland Post.
  16. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka lagu qaaday fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa fuliyey dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex maray labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa saddex qof oo labo askar ahaayeen, midna uu ahaa qof shacab ah. Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaasi iyo dagaalka xigay ayaa guulo ka sheegatay, sida ay ku baahisay boggageeda Internet-ka. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya. Xaaladda haatan degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-17122019.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar khasaaro geystay oo saaka ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen barkoontarool oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo raggii weerarka soo qaaday. Ugu yaraan illaa saddex qof oo labo ka mid ah ay askar ahaayeen ayaa ku dhintay weerarka, halka qof ka kale uu ahaa shacab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa ka hadashay weerarkaasi, waxaana ay sheegtay inay ku dishay ugu yaraan saddex askari, iyadoo intaasi ku dartay inay ka soo furatay laba qoray iyo booshashkooda, sida ay hadalka u dhigtay. “Mujaahidiinta ayaa saaka weerar kula jarmaaday degmada Balcad, howlgalka oo ahaa mid qorshaysan waxaa lagu dilay 3 katirsan murtadiinta laba qori oo booshashkoodana waa lagasoo qaniimeystay.” sidaasi ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen duleedka degmada Balcad. Inta badan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoona ku dishay mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa maanta ka hadlay go’aamadii ay guddiga dhex-dhexaadinta khilaafkii doorashooyinka uu ka soo saaray xal ka gaarida xiisadii kala dhaxeysay Muuse Biixi. Guddidii dhex-dhexaadinta Xisbiyda mucaaridka ah iyo Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa shalay shaaciyey 3-qodob oo xal kama dambeysa ah lagaga gaarayo khilaafka baahsan ee Xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo ku hadlayey afka labada xisbi ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu ka sheegay in labada xisbi mucaarid ay si wada-jir ah u aqbaleen go’aamadii ay shalay soo saareen guddidaasi. Waddani iyo Ucid ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay inay aqbaleen saddexda qodob ee ay soo jeediyeen Guddigii dhex-dhexaadineysay mucaaridka iyo Biixi, isla markaana ay ka tanaasuleen eedihii ay hore ugu jeediyeen komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland. Labada xisbi ayaa sheegay inay door bideen in go’aankaasi aqbalaan, isla markaana meesha ka saaraan tabashadii hore ee ay ka qabeen Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland, iyagoo eegaya midnimada umadda iyo geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland. Go’aamadii ay shalay soo saareen Guddidii dhex-dhexaadinta Xisbiyda mucaaridka ah iyo Muuse Biixi ayaa waxa kamid ahaa in dib loo soo celiyo Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland ee wakhtigoodii dhamaaday, iyadoona la kala dirayo Komishankan cusub ee muranka badan dhaliyay. Waxa sidoo kale guddigaasi uu shalay soo jeediyeen inay xisbiyada Mucaaridka ah ay ixtiraamaan, isla markaana ay ku kalsoonaadaan dhamaan Xukuumada Muuse Biixi, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Maxkamadda Sare, midaasi oo ay maanta aqbaleen xisbiyada mucaaridku. Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu si weyn uga soo horjeeday Komishankii doorashooyin ee uu wakhtigiisu ka dhamaaday, kaasi oo uu hore kala laabtay kalsoonidii, balse uu hadda shaaciyay in komishankaasi ay la shaqeyn doonaan, haddii dib loo soo celiyo. Ilaa iyo hada lama oga sida ay ku dhaqan gali doonto in dib loo soo celiyo Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland, oo iyagu xilkii ku wareejiyay Komishanka cusub ee doorashooyinka, oo dhowaan loo dhaariyey xilkaasi.
  20. Qatar’s foreign minister said recent talks had broken a protracted stalemate with Saudi Arabia and that Doha would study demands by its Gulf rivals but not turn its back on ally Turkey. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Subax walba boqolaal qof ayaa Basaska ciidanka Milatariga Soomaaliya lagu geeyaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida ay ogaatay Caasimada Online. Kalsooni darrada amni ee dalka ka jirta ayaa sabab u noqotay in ay Xukuumadda weyso qof ay aaminto waxaana hada soo baxay qorshe cusub oo shalay iyo maanta ka socda Muqdisho. Sidii ay Caasimada Online hore u baahisay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ka socda tirakoobka shaqaalaha. Shaqaalaha ayaa si caadi ah u tagi jiray xafiiska Kheyre waxaana lagu baari jiray Xafiiskiisa Banaankiisa oo kaliya balse hada waxaa la bilaabay qorshe kale. Shaqaalaha Wasaaradaha ee ku qoran diiwaan gelinta ayaa lagu amray in ay subaxdii ka hor 8:00 am isugu yimaadaan xafiiska shaqaalaha rayidka oo ku yaalla guriga hooyooyinka, waxaana halkaasi looga qaadaa Basaska Milateriga iyagoo aad loogu baarayo hooyooyinka ka hor inta aysan gelin Basaska. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in qofkii loo waco ee soo xaadiri waayo aroortii hore si hubin amni uu u maro ka hor inta aan la geynin xafiiska Kheyre ay xukuumadda ka tashan doonto liiska shaqaalahana laga saari doono. Dalka waxa uu u muuqdaa in ay ka dhamaatay kalsoonidii amniga oo la la’yahay 5 qof oo meel kuwada nool oo is aaminta, markii laga hadlayo xafiisyada dowladana kuma sii jirto waxaana sii dhamaanaya kalsoonidii yareed ee jirtay ee dhanka amaanka.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xildhibaano ka tirsanaa baarlanmaankii hore maamulka Jubbaland ay maalmihii la soo dhaafay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xildhibaanadan oo tiradoodu ay gaareyso 40 mudane ayaa dacwo ka ah madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Xubnahaan ayaa ka cabanaya in madaxweyne Axmed Madoobe uusan muddo ku siman 35 bilood, oo ah seddax sano, aysan ka helin xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulkiisa, sida mushaahkoodii iyo xuquuqihii kale ee xildhibaanku lahaa. Xildhibaanadaas ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Senetorada laga soo doortay deegaanada maamulka Jubbaland, kuwaas oo ay u gudbiyeen warqad ay uga dacwoonayaan Axmed Madoobe. Qaar ka mid ah xildhibaanadaas ayaa Caasimada Online u sheegay in dacwadooda ay u gudbi doonaan cid kasta oo wax ka qaban karta sida xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Markii laga soo tago mushaar la’aanta ay ka tirsanayaan maamulka Axmed Madoobe, waxay sheegeen inay jiraan tacadiyo kale oo qayb ka ah dacwadooda, kuwaas oo ay ka tirsanayaan maamulkii ay ka tirsanaa jireen ee madaxweyne Axmed Madoobe.