-
Content Count
214,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa wajahaysa halis cusub, kadib markii ay sarre u kacday rabitaanka Dimuquraadiyiinta Mareykanka, ee ay ku doonayaan in lagu soo rogo cunaqabteyn. Dimuquraadiyiinta Mareykanka ayaa dhowaan bilaabay inay hogaamiyaan olole xoogan oo ka dhan ah Sacuudiga, kaasi oo ay ku dalbanayaan in Boqortooyada la saaro cunaqabateyn ama laga qaado talaabooyiin adag. Dacwadan Dimuquraadiyiinta ayaa salka ku haysa dilkii Wariyihii Sacuudiga ahaa ee Jamal Khashoggi ee lagu dhex dilay safaarada Sacuudiga ee Istanbul ee dalka Turkiga iyo dagaalka lagu hoobtey ee Sacuudiga ka bilaabay Yemen. Waxa sidoo kale ololaha Dacwadeed ee Dimuquraadiyiinta Mareykanka ka qeyb ah xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kuwaasi oo raba in Dowladda Sacuudiga arrimahaasi darteed looga qaado talaabo adag. Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa inta badan waxa ka dhaxeeya xiriir sare oo diblomaasiyadeed, kaasi oo uu Trump u arko mid faa’iido badan u leh dowladda Mareykanka. Musharaxiinta Dimuquraadiga Mareykanka ee hadda hogaamiya ayaa iyaguna qaba in uusan muhiimad weyn laheyn xiriirka Sacuudiga ee Mareykanka, sida ay dhowr jeer ku muujiyeen hadaladooda iyo khudbadaha qaar. Dowladda Sacuudiga ayaa iyaduna waxay qabtaa wal-wal xoogan oo ku aadan qofka ku guuleysan doona doorashada Mareykanka haddii Madaxweyne Donald Trump uu lumiyo doorashada soo socota ee November 2020 ama ka horba la casilo.
-
PRESS RELEASE African Football Development in FIFA’s Agenda The FIFA President mentioned the possibility of creating an African League that would see the best clubs from the continent play against each other ZURICH, Switzerland, November 28, 2019/ — Today in Lubumbashi, Democratic Republic of Congo (DRC), the FIFA President visited the site of TP Mazembe’s new football stadium, which will be able to hold 50,000 fans, and the club’s youth academy. Infantino and the delegation were greeted by TP Mazembe fans, including the fan brass band who sang and danced for the delegation as they toured the sites. In TP Mazembe’s Football Academy, Moïse Katumbi, club president and Vice-President of the new World Football Club Association, gave the group, which included FIFA Secretary General and General Delegate for Africa Fatma Samoura, CAF President and FIFA Vice-President Ahmad Ahmad, FIFA Legend and Special Advisor to CAF President Samuel Eto’o, FIFA Legend and CEO of the FIFA Foundation Youri Djorkaeff, FIFA Deputy Secretary General (Football) Mattias Grafström, a tour of the facilities. The group had the opportunity to see several classes in action and paid a surprise visit to young footballers studying biology and French. They also observed a class dedicated to helping children who have difficulties reading and writing. A press conference then took place where the FIFA President informed members of the media about FIFA’s plans to support and develop football in the DRC and Africa. He spoke about three specific pillars: refereeing, infrastructure and competitions, as well as FIFA’s plans to develop these hand in hand with CAF and the African football stakeholders. The first pillar, refereeing, will create a professional and elite group of African referees who will be independent of administrative and political bodies. This follows on from CAF’s last Executive Committee meeting at which a decision to implement reforms in the refereeing sector was approved. The second pillar, infrastructure, will see FIFA mobilise companies and entrepreneurs to gather around USD 1 billion with the objective of building at least one stadium that complies with FIFA’s standards in each African country. The third pillar, competitions, focuses on developing new and better competitions to generate more revenues so that the African clubs can retain talented players. The FIFA President mentioned the possibility of creating an African League that would see the best clubs from the continent play against each other and the organisation of regional competitions and youth tournaments to further help the development of young players in Africa. Speaking at the press conference, FIFA President Infantino said: “What I want, what FIFA wants and what football needs is to see African football shine. We want to bring it to the highest of heights and show the world the outstanding talent and amazingly gifted players your continent possesses. To do this, we want to implement a three pillar approach: refereeing, infrastructure and competitions. In close cooperation with CAF, the 54 member associations across Africa and other stakeholders, I am positive that we will make African football reach the top level where it should be because the quality and potential are definitely here.” Distributed by APO Group on behalf of Fédération internationale de football association (FIFA). SOURCE Fédération internationale de football association (FIFA) Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-28112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa qaabilay ku xigeenka Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga iyo mas’uuliyiin kale oo isla xafiiskaas ka tirsan. Kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020/2021 iyo siDdii loo Fududeyn lahaa dhamaan shuruucda muhiimka u ah howlaha doorashooyinka oo uu hadda golaha gacanta ku hayo. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqeyn caawa ka dhacday duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab iyo darawalkiisii, xilli ay ka bexeen degmada Jilib kuna wajahnaayeen deegaan kale oo hoos taga degmadaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya. Saraalkiil ka tirsan dowladda, oo Caasimada Online la hadlay, ayaa sheegay geerida sarkaalkaas oo magaciisa lagu soo koobay Asad, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha ugu saameeynta badan qeybta amniyaadka ee Al-Shabaab, sidoo kale saraakiisha aan ka soo xiganay geerida ninkaan ayaa sheegay in dhawaan loo magacaabay amiirka guud ee amniiyaadka Al-Shabaab. Warbixinta lagu xaqiijiyey dilka Sarkaalkan ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey inuu ka soo dagaalamay qaar ka mid ah wadamada caalamka, sida Afgaanistaan iyo Ciraaq. Dhinaca kale wax yar uu ka dib markii ay dhacday duqeyntu ayaa xarun ku taal gudaha degmada Jilib oo shir ugu soo gaba gaboobay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa laga maqlay is-rasaaseyn xoog leh oo u dhaxaysay dagaalyahano ka wada tirsan Al-Shabaab, kadib markii sida la sheegay ay kala shakiyeen. Iska hor imaadkaas oo mudo socday ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa shan dagaalame oo uu ku jiro sarkaal goobta ku sugnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka istiraatiiyada xogta , walina lama oga dhaawacyada ka dhashay is rasaaseyntaas. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeynta lagu dilay sarkaalka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuukar Soomow oo magaalada Muqdisho goob fagaare ah kula hadlayey boqolaal culumada dariiqada Suufida ah ee Ahlu-Suuna Waljamaaca ayaa sheegay inuu diiday in la kulanka madaxda dowladda intii uu dalka joogay Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Sheekh Soomow ayaa sheegay in hadda ay diyaar u yihiin inay la kulmaan madaxda ugu sareysa dowladda federaalka oo markii hore ay ku gacan sareyn kulamo ay ka soo dalbadeen, isagoo taas sabab uga dhigay joogitaanii Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Sidoo kale Sheekh Soomow waxa uu u balan qaaday culumadii uu la hadlayey inuusan la dhuuma doonin hadii uu kulan dhex marayo isaga iyo madaxda dowladda, waxa gooni ahna uusan haatan ka rabin. “Ahlu-Sunna kuligeen dowladdaan taageersanahay oo waan rabnaa, dowladdu dadka taageersan yeysan baabi’in, waxaan ka soo horjeednaa in dalka lagu faafiyo caqiido aan aheyn Ashcariya Imaa Turiidiyah’dowladana waxaan ka codsanaynaa inay nagu gacan siiso”, ayuu yiri Sheekh Soomow. Hadalkiisa ayuu intaa ku sii daray, “Dadkaan caqiidadooda ku ilaaliya caqiidadooda suuban ee Ashcariyah, wasaaradda awqaafta iyo arimaha diintana looma dhiibi karo qof aan aaminsanayn, nagama amar ee waa codsi, waxaan kaloo ka cod sanaynaa dowladda in xataa wasaaradda waxbarashada oo manhajka dadka lagu qarxinaayo uu ka imaan karo cid aan caqiidatu Ashcariyah aaminsaneyn inaan loo dhiibi karin. Halkaan Ka Daawo
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo today traveled to the Ethiopian capital, Addis Ababa, to attend the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) summit. Leaders of IGAD countries are discussing a new reform plan of IGAD, on the basis that the organization equally reflects all stakeholders’ interests. The leaders will also discuss strengthening regional cooperation on economic and security issues. The IGAD leaders will review the successful plans for stabilizing regional states, and hear reports from committees to implement existing agreements and challenges. President Mohamed Abdullahi Farmajo will share with IGAD leaders about the vision of the Federal Government of Somalia based on the reorganization of the region as a platform for the common interests of the state. During the meeting, President Farmajo is expected to hold separate meetings with regional leaders attending the conference. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo uu berri ka ka furmayo shir-madaxeedka 13-aad ee dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya. Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa haatan ka dhex taagan madmadow dhanka hoggaanka ah, waxuuna khilaafka ugu badan ka jiraa Xoghayaha ururka oo uu la tashi la’aan ku magacaabay guddoomiyaha Ururka ahna Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xubin ka ah ururka ayaa doonayey in xilkani meerto noqdo, si markooda uu ugu soo aado, balse ma dhicin. Dowladd Soomaaliya ayaa sida la sheegay shirkaas la tagaysa soo jeedinta qorsheyaal lagu taabo gelin karo dib u habeynta IGAD si dalalka xubnaha ka ah ay si siman uga faa’iideystaan, lagana dhigo Urur Goboleed ahmiyaddiisa koowaad ay tahay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Gobolka.
-
Somalia’s Interior and Federal Affairs Minister, Abdi Mohamed Sabriye held talks with Galmudug election technical committee on Thursday. Sabriye and a delegation from the Federal government arrived in Dhusamareb, the Galmudug administrative capital on Wednesday to assess the poll preparations process. The discussions focused on the upcoming regional polls slated in the state from tomorrow Friday. The Minister urged the committee tasked to oversee the democratic process to follow the guidelines of the Interior and Federal Affairs on state elections regulations. The selection of the members of the regional assembly will kick off on 29th November and conclude in the mid-next month for the swearing-in ceremony. According to the recently released time table, the election of the President and his deputy is scheduled to be conducted on 23rd December. There are more than five candidates for regional state leadership including former Interior Minister, Abdirahman Odowa and Ahmed Abdi Kaariye, current state Minister for public works and housing and former Villa Somalia chief of staff, Kamal Gutale. View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Kulan madaxeedka caadiga ah ee urur goboleedka IGAD ayaa markii ugu horreysay muddo 10 sano ah, berri ka dhacaya magaalada Addis-Ababa xilli qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah uu ka dhaxeeyo khilaaf xooggan. Kulankan ayaa lagu go’aamin doonaa cidda noqon doonta guddoomiyaha cusub ee ururka. Waxaa sidoo kale si rasmi ah loogu xaqiijin doonaa xogahayaha cusub ee ururka oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya, Workneh Gebeyehu. Hase yeeshee khilaaf u dhaxeeya Jabuuti iyo Kenya ayaa hoggaamin kara in labadooda iyo Soomaaliya-ba ay ku waayaan in madaxdooda ay beddelaan guddoomiyaha xilka ka degaya ee Abiy Ahmed. Wargeyska Daily Nation ayaa ilo-wareedyo diblomaasiyeed kasoo xigtay in Soomaaliya iyo Jabuuti oo kasoo horjeeda in hoggaanka ururka ay qabato Kenya, ay diideen inay mowqifkooda beddelaan. Sida ay sheegeen diblomaasiyiinta xogtan bixiyey, waxaa sidaas darteed suurta-gal ah in saddexda dalba ay waayaan xilkan, loona doorto dal kale. “Kursiga wuxuu aadi karaa Uganda ama Sudan” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Daily Nation, oo sheegay in tallabaadaas loo qaadi karo si looga fogaado isku dhac. Kenya ayaa Jabuuti dhowaan kaga adkaatay helidda taageerada Ururka Midowga Afrika, oo ayiday musharaxnimada Kenya ee kursiga Golaha Ammaanka QM. Hase yeeshee Jabuuti ayaa diiday inay ka harto loolanka, waxayna Midowga Afrika ku eedeysay inaysan codeyntii ay Kenya ku adkaatay u marin nidaamkii saxda ahaa. Soomaaliya, oo taageero u muujisay Jabuuti, ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin ka dhan ah Nairobi. Muqdisho iyo Nairobi ayaa waxaa ka dhaxeeya xiisad ka dhalatay muran badeed, oo hadda ay u fadhiso maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ. IGAD ayaa ka cabsi qabta in hadi kursiga la siiyo Kenya, ayada oo ay diidan yihiin Soomaaliya iyo Jabuuti, ay xiisad hor leh kasii dhex abuuri karto ururka, waana taas sababta ay macquulka u tahay in dal aan saddexdaba ahayn la siiyo.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-28112019.mp3 View the full article
-
(SLT- Asmara)-Ereteria ayaa ku eedeysay dowladda Qatar khalkhal-galin ay ka wado gudaha dalkaas, toban qodob oo eedeymaha sal u ah ayay baahisay wasaaradda warfaafinta Ereteria, kuwaaso kala ah. 1.In dib loo abaabulo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee mucaaradka Ereteriya; in la mideeyo ururadooda isla markaana taageero dheeri ah u fidiyo kuwa dambe; 2.In si gaar ah diiradda la saaro dhalinyarada reer Eritrea; mideeyaan ururadooda kuna dhiirigeliyaan inay ku kacaan ficillo fallaago oo ka dhan ah dawladda Ereteriya; 3.In la abuuro xagjirnimada diineed ee kooxaha Islaamiyiinta mucaaradka ah ee Ereteriya isla markaana ay ku kiciyaan kacdoonka muslimiinta Ereteriya ee ka soo horjeedda dalkooda. 4.In Ereteria lagu beero nacaybka qowmiyadaha iyo nacaybka ka dhex jira dadka reer Eritrea; 5.In la bilaabo dadaallo lagu kicinayo mudaaharaadyo iyo bannaanbaxyo ka dhacaya magaalooyinka Ereteriya, kuwaas oo looga soo horjeedo Dowladda; 6.In dalka Sudan lagu tababaro xubnaha mucaaradka ee ka shaqeynaya weerarada gaadmada ah iyo dilalka saraakiisha sare ee dawladda; si loo fududeeyo dhexgalka gudaha Eritrea oo ay u fushadaan danahooda gaarka ah; 7.In la dilo hoggaamiyeyaasha saameynta leh ee Ereteriya; 8.Inay ku kacaan falalka carqaladaynta dhaqaalaha ee Ereteriya; 9.In la xoojiyo dacaayadda cadaawada ah; 10. In la shaaciyo xadgudubka xuquuqda aadanaha ee ka jira dalka Ereteriya, iyadoo loo gudbinayo ururada caalamiga ah iyo dalal shisheeye. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Wadamada Kenya iyo Jabuuti ayaa labadooduba laga yaabaa inay lumiyaan loolanka ay ugu jiraan xilka hogaaminta urur gobolleedka IGAD. Matalayashaa xubnaha ka ah ururka ayaa khamiista maanta ah uu kulan uga socdaa magaalada Addis Ababa iyagoo ka Arinsanaya cidda noqon doonta hoggaanka xiga. Kulanka ayaa lagu wadaa in uu socdo ilaa iyo maalinta berito oo Jimcada si loo xaliyo khilaafka ka dhaxeeya wadamada IGAD. Dhanka kale guddiga ayaa la filayaa in ay ansixiyaan xoghayaha Cusub ee dhowaan la magacaabay ee Mr Workneh Gebeyehu. Guddiga Wasiirada xubnaha ka ah wadanada IGAD ayaa u coddeyn doona wadanka xiga ee hoggaamin doona ururka iyadoo si weyn ay ugu dagaalamayaan Jabuuti iyo Kenya. Si kastaba ha ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in xilkaan ay la wareegaan wadamada Suudaan iyo Uganda Midkood. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya mudane Benfender ku qaabiley hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in UK iyo Jubaland ay “isla qireen in ficillada ay dowladda federaalka ka waddo gobolka Gedo ay yihiin sharci-darro.” “Sidookale Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kawada hadley dhaqdhaqaaqyada sharciga baalmarsan ee ay Dowlada federaalku ka wado gobolka Gedo, taas oo la isla qirey inay tahay faragelin qaawan oo aan sal iyo raad kulaheyn dastuurka dalka cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda qaadeyso DFS.” Ayaa agu yiri qoraalka. Sida qoraalka lagu sheegay , kulanka dhexmarey Madaxweynaha iyo safiirka ayaa sidoo kale laga wadada hadley xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo arrinta ay DFS ahi ka wado qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo. Madaxweyne Axmed ayaa sheegay in nooca doorashada 2020/2021 loo baahanyahay inay noqoto mid dastuurka waafaqsan Soomaaliduna kuwada qanacsantahay, taas si loo xaqiijiyana ay u baahantaahay in loo maro wadada ugu munaasibsan ee ay bulshada Soomaaliyeed kuwada qanacsanyihiin, hor u socodka dalka iyo nidaamka dowladnimana laga dhex arki karo. “Safiirka Dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiriir wadashaqeyneed iyo isfahan rasmi ah ay gaaraan Dowlada federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si horumar dhankasta uu dalku u gaaro doorasho loo wada dhanyahayna dalka uga dhacdo taas oo uu safiirku si gaar ah madaxweynaha uga codsadey inuu uga shaqeeyo sidii xalwaara looga gaari lahaa arrintaas.” Ayaa lagu yiri qoraalka. Safaaradda Soomaaliya ee UK, weli wax hadal kama aysan soo saarin kulankan, mana cadda in hadalkan loo tiriyey safiirka uu sax yahay.
-
MOGADISHU - A Somali senior official warned that a UN Security Council resolution earlier this month to extend an arms embargo on the country would prolong the survival of terrorist organizations in the Horn of Africa region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda Post-da, isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda. Istaraatiijiyadda iyo siyaasadda Qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo loo dejiyay shanta sano ee soo socota (2020-2024), ayaa loo qorsheeyay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka oo ay wadaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan oo isugu jira dawladda, shirkadaha, hay’adaha ka shaqeeya horumarinta iyo cid kasta oo ay khuseyso. Shirka golaha guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu ansixiyay dib ugu biiritaanka Soomaaliya ee ururka la dagaallanka Ayaxa ee waddamada Bariga Afrika. Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo taabaneysa dhinacyada kala duwan ee lagu horumarin karo teknolojiyada, sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, ganacsiga iyo adeegyada kale ee dawladda, ayaa fulinteeda waxaa ka qeyb gelaya wasaaradaha ay khuseyso ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada-hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad-galyada. Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyagoo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira. Source
-
Asmara (Caasimada Online) – Xiisad xooggan ayaa ka dhex dillaacay Qatar iyo Eritrea oo ah laba ka mid ah dalalka xulafada la ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay maanta oo khamiis ah soo saartay waxa ay ku eedeysay Qatar in dalkooda ka waddo kicin dadweyne, khaarijin, dhibaateyn dhaqaale, iyo kharbudaad dhinac walba ah. “Kadib markii sanadkan ay Qatar ku guul darreysatay inay Sudan u adeegsato masrax ay kasoo qaado ficillo argagixiso oo ka dhan ah Eritrea, naf la-caarinimada Qatar sare ayey usii kacday ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda ayaa soo bandhigtay 10 dhibaato oo ay sheegtay in Qatar ay ku hayso Eritrea, kuwaas oo kala ah: 1 – Inay dib isugu abaabushay hogaamiyayaasha mucaaradka Eritrea, mideysay ururadooda, islamarkaana ay siisay taageero lagama maarmaan u ah. 2 – In aysi gaar ah diiradda u saartay dhallinyarada Eritrea, mideyday ururadooda, islamarkaana kicisay si ay uga qeyb qaataan ficillo kacdoon oo ka dhan ah dowladda Eritrea. 3 – Inay xagjirnimo diimeed ku beertay mucaaradka Islaamiyiinta ah ee Eritrea, sidaas darteedna ku dhiiri-gelisay Musilimiinta Eritrea inay qaadaan kacdoon ka dhan ah muwaadiinta kale. 4 – Inay kala qeybsanaan jinsiyeed iyo naceyb ku dhex beertay shacabka Eritrea. 5 – Inay billowday dadaal ay ku dhiirigelineyso dibad-baxyo ka dhan ah dowladda Eritrea oo ka dhaca magaalooyinka dalkaas. 6 – Inay tababar Militari gudaha dalka Sudan ku siisay xubno mucaarad ah oo ka tirsan kooxda Ikhwaanul Muslimiin, tababarkaas oo ku saabsan sida loo aaso miinooyinka, loo fuliyo weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyo dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda ee caanka ah, ayna fududeysay sidii xubnaha loo soo gelin lahaa dalka Eritrea, si ay u fuliyaan howl-galladooda. 7 – Inay khaarijisay hoggaamiyayaal saameyn leh oo Eritrean ah. 8 – Inay Eritrea ka fulisay ficillo lagu wiiqayo dhaqaalaha Eritrea. 9 – Inay sare u qaaday dacaayad cadaawad ku dhisan oo ka dhan ah Eritrea. 10 – Inay xadgudubyada xuquuqda aadanaha Eritrea ka buun-buunisay ururada caalamiga ah iyo dalal shisheeye, ayna u adeegsatay baahinta dukumentiyo iyo muuqaalo been abuur ah. Qatar ayaa horey sidan oo kale waxaa taageeridda argagixisada ugu eedeeyey dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain, kuwaas oo xiriirka u jaray. Madaxweyne Farmaajo wuu diiday markaas inuu xiriirka u jaro Qatar, maadaama la rumeysan yahay inay ka dambeysay inuu ku guuleysto doorashadii 2017. Si kastaba, xiisaddan cusub aya aku qasbi karta inuu dhan raaco.
-
There has been a huge outpouring of public generosity from Somali communities across the country and beyond for the hundreds of thousands of victims of floods that have wreaked havoc in the southern regions of Hiran, Gedo, Jubaland and Bay. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maalgashadayaal u dhashay dalka Shiinaha, kuwaasi oo Puntland u yimi inay maalgashi ka sameystaan. Maalgashadayaasha u dhashay Shiinaha ayaa ka socda shirkadda U-TON HONG KONG, waxayna Puntland u yimaadeen si ay u maalgashtaan Xoolaha Nool, kalluunka iyo sidoo kale Koronto laga dhaliyo ilayska qoraxda. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey soona dhoweeyay in ganacsatadan Shiinaha ka yimi ay maalgashi ku sameystaan Puntland, Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland soo dhoweynayso dadka dalka maalgashanaya, taasina qeyb ka tahay siyaasadda maalgashiga ee Dowladda Puntland. Kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Mudane, Maxamed Rooble Cabdi (Ilyaas) iyo Ganacsadaha Shirkadda Green Land Cadbulqaadir Nuur Xasan Isbatoore oo kala shaqeynaya Shirkadda U-TON HONG KONG arrimaha maalgashiga Puntland. Hoos ka daawo sawirada iyo muuqaalka PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Maalgashadayaal u dhashay dalka Shiinaha appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
