Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,001
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane; Saddiiq Xersi Warfaa,ayaa sheegay in Dowladda federaalku ay dedaallo lixaad leh ugu jirto in si isku mid ah loo gaarsiiyo Bulshada Soomaaliyeed barnaamijka daryeelka Bulshada oo waara. Mudane; Warfaa oo khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha Adduunka ee ILO, kaa oo ka socda magaalada Geneva ee Dalka Switzerland ayaa ku nuux-nuuxsaday juhdiga ay Dowladdu ku bixineyso taabba gelinta barnaamijkan iyo ka Mira dhalintiisa. “Iyadoo aynu taageero ka heleyno Bah-wadagteenna horumarinta, waxaan billownay qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta ee aad muhiimka u ah, si aan u hirgalinno nidaamka daryeelka Bulshada oo waafaqsan xeerka daryeelka Bulshada ee Qaranka, marka laga hadlayo awoodda maaliyadeed, waxaan ku faraxsan-nahay in July 2019-ka -Guddiga fulinta ee hay’adda Lacagta Adduunku (IMF) ay kulmeen si ay u soo gaba-gabeeyaan la tashiga qodobka 4-aad ee ku saabsan Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen in siyaasadaha dhaqaalaha iyo qaab-dhismeedkeeda ee hoosta looga qeexay SMP- Afaraad ay buuxiyeen heerarka siyaasadaha ee la xiriira qorsheynta deynta. “ayuu yiri Wasiirku. Wasiirka ayaa sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha tubtiisa horumarinta Bulshada iyo dhaqaalaha ay horay u muujiyeen in maal-gashiga waaxaha Bulshada, gaar ahaan daryeelka Bulshada iyo Biyaha ay heli doonaan qoondeyn miisaaniyadeed oo ballaaran, ka dib deyn cafinta. Wuxuu rajo wanagsan ka muujiyay dedaallada socda ee deyn cafinta ee guulaha laga gaaray inay dhammeystirmaan , taas oo uu sheegay inay horseedeyso horumar dhaqaale iyo isku filnaasho uu dalku gaaro. “Iyadoo la tixraacayo Siyaasaddeena daryeelka Bulshada ee Qaranka, Dowladda Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an inay horumariso hannaan daryeelka Bulsho ee waara ,waxaannu ka faa’iideysan doonnaa dhammaan kheyraadka-yaga oo aannu u adeegsan doonno sidii loo hubin lahaa in la gaaro mabda’a ah ”Cidna inaan laga tagin” iyadoo looga faa’iideynayo marka hore inta nugul.” ayuu yiri Wasiirku. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirro, wakiillo iyo hoggaamiyeyaasha Ururro caalami ah, iyadoo Soomaaliya ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Dhacdo ugub ah oo aan hore Somaliland uga dhicin ayaa dul hoganaysa Dalladda Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO, waxaana muuqata farogalin toos ah oo awood ka saraysaa ay ku curyaaminayso sii jiritaanka Mustaqbalka Dalladdan. Imtixaan loo galay jagada agaasimaha fulinta SONYO oo ay wada qaadeen Wasaaradda Shaqo galinta JSL iyo Golaha fulinta ee SONYO oo ay soo xeraysteen dad gaadhaya 150 qof, ayaa waxa ay dallada dhalinyarada SONYO iyo Wasaarada shaqogalinta oo u qaabilsan dawlada qaadista imtixaanada shaqooyinku ay ku shaaciyeen (Lifaaqa hoose ka fiirso) inuu ku guulaystay Muqaadin /Aqoonyahan da’yar oo reer Somaliland ah oo lagu magaabo Abdihamid Mohamed Omer. Balse waxa arin layaablihi kasoo yeedhay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, waxaanu soo saaray warqad uu shaqada kaga hakinayo muwaadinkaasi imtixaanka ku helay jagadaasi. Sidoo kale Waxaa isna ka falceliyey oo u jawaabay Wasiirka, Gudoomiyaha dallada Sonyo oo sheegay inuu nidaam sharciya ku tartamay kuna guulaystay Abdihamid, haddana yahay shaqaale sonyo ah. HALKAN HOOSE KA AKHRI LIFAAQYADA WARKAN CAJIINKA AH. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in aanu aqoonsaneyn jiritaanka labada golle ee guurtida iyo wakiillada, kuwaasoo uu sheegay in wakhtigoodii sharciga ahaa uu ka dhammaaday. “Golaha baarlamaanka iyo guurtidaba waxaan u arkaa inay sharci darro yihiin, waxay soo saaraanna ay sharci darro yihiin. Sharci oranaya guurtidu ha joogto, oo markuu odaygu dhinto inankiisu ha maamulo ma jiro, sidoo kale sharci oranaya baarlamaanka hadduu wakhtiga ka dhaco haloo kordhiyo, oo oranaya ilaa in baarlamaan lasoo doorto ha fadhiyaan isagana ma jiro, arrintaasna waxaa nagu billaabay maamulkii kan ka horreeyay ee Kulmiye”, ayuu yidhi Faysan Cali Waraabe. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay, muranka ka taagan xisbiyada mucaaradka iyo guddiga doorashada, wuxuuna sheegay inay imika war ka sugayaan guddi dhexdhexaadin ah oo hawshaasi u kacday, taaas oo uu sheegay inuu wanaag iyo is afgarad ka filayo. Mar Faysal la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd in guddoomiyeyaasha xisbiyada qudhooda lagu eedeeyo inay xilka isku dhajiyaan ayuu sheegay in isagu uusan ilaa hadda helin qof uu kursigaas uga nasto. “Anigu intaas baan ku jiray, haddaan arko qof karti leh, oo xisbiga u qalma, oo sharciga iyo xeerarkiisa fulinaya, waan iska nasan lahayn, laakiin wax nidaam leh oo xisbiga usoo galaya inuu ajandahaas fuliyo Somaliland kuma jiro. Iska daa inay xisbi ku jiraane, Somaliland-ba hadduu maanta ka waayo xil ayuu Xamar tagayaa. Bal ii sheeg hadduu jiro qof aan ku aamino xilka guddoomiyaha xisbiga, anigaa uga kacaya”, ayuu yidhi. Source
  4. Wararka ka imaanaya deegaanka Waqdariya ee gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid deggan, kadib markii shalay halkaasi ku dagaallameen maleeshiyaad dhul isku haysto. Dagaalkii shalay dhacay waxaa ku dhintay Saddex qof, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 5 qof, sidey inoo xaqiijiyeen dad ku dhow halka lagu dagaallamay. Deegaanka lagu dagaallamay waxaa xalay illaa iyo saakay ku qulqulayey ciidanka Somaliland iyo waxgarad, kuwaasi oo kala dhex-galay maleeshiyaadkii dagaallamay. Waxgaradka ayaa bilaabay durba kulamo ay la kala yeelanayaan Labada dhinac ee is haya si xaaladda loo qaboojiyo, wax walbana lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Wararka ka imaanaya Hargeysa ayaa sheegaya in xalay xabsiga laga sii daayey xubno ka tirsan xisbiga Wadani oo ku xirnaa gudaha magaaladaasi. Ciidanka Booliska ayaa xabsiga ka sii daayey xoghayaha guud iyo afhayeenka xisbiga mucaaraadka Wadani oo u xirnaa xukuumadda Muuse Biixi. Xubanahaan oo aan la soo taagin wax maxkamad ah ayaa sii deyntooda waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo deganaasho laga dareemayo deegaanada Simaliland. Tallaabada lagu sii daayey xoghayaha iyo afhayeenka Wadani ayaa waxaa soo dhoweeyey guddoomiyaha xisbigaasi, Mudane Cabdiraxmaan Cirro. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalooyinka Somaliland laga dareemayey xiisad u dhexesay xisbiga Wadani iyo xukuumadda Somaliland. View the full article
  6. Wabiga Shabelle ayaa lagu soo waramayaa in xilligan uu ku fatahay deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Fatahaaddan ayaa saameysan beeraley ku dhaqan halkaasi, waxaana deegaannada Wabiga ku fatahay kormeeray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Shabellaha Hoose. Ibraahim Aadan Cali Najax, guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose iyo xubno la socday oo gaaray halkaasi ayaa ka qeybqaatay biyo celin laga sameynayey deegaannadaasi qaarkood. Guddoomiye Najax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xirista illaa Afar meel oola sheegay in Wabiga uu markii hore soo jabsaday, balse wuxuu tilmaamay in dadku gurmad u baahan yihiin. Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay iney wadaan qorsheyaal kale oo loogu gurmanayo shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle. Wabiga Shabelle oo mara gobollada Hirshabelle iyo Sh/hoose ayaa ku fatahay deegaanno dhowr ah oo ka mid ah Saddexda gobol, wuxuuna saameeyey dadkii ku noolaa deegaanadii uu ku fatahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Washington)-Xildhibaanada aqalka Kongreska Mareykanka ayaa madaxweyne Donald Trump ku casuumay in uu kasoo qeybgalo dhageysiga dacwadda la doonayo in xilka lagaga qaado. Trump ayaa 4-ta bisha Diseemabar lagu wargeliyay in uu horyimaado xildhibaanada aqalka kongreska ee dhageysanaya dacwadda loo haysto. Jerrold Nadler, guddoomiyaha guddiga garsoorka ee qalka Kongreska ayaa sheegay in laba mid un ay noqon doontaa, oo kala ah in Madaxweynaha uu kaso qeybgalo dhageysiga dacwadda iyo ” in uu joojiyo ka sheegashada hannaanka”. Haddii uu Madaxweyne Trump ka qeybgalo kulankaas, waxaa loo wareysan doonaa sida qof marqaati ah. U yeedhista madaxweyne Trump ayaa gogol xaar u ah tallaabada xigta ee qorshaha xil ka qaadista madaxaweyne Trump, kaasi oo ku saabsan wicitaankii dhanka taleefonka ee dhexmaray Madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ukarine, Volodymyr Zelensky. Wicitaankaas dhanka taleefonka ayaa madaxweyne Trump waxaa uu dhiggiisa Ukraine ka dalbaday in uu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo haatan kamid ah siyaasiyiinta u hanqal taagaya doorashada madaxtinimo ee Mareykanka. Joe Biden iyo wiil uu dhalay ayaa horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaaska ee dalka Ukraine. Baaritaankan ayaa lagu ogaanaya in madaxweyne Trump uu taageerada milateri ee uu Mareykanka siiyo Ukraine u adeegsaday dano siyaasadeed, sii uu Ukarine cadaadis ugu saaro baaritaanka Biden, hasayeeshee madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer ku celceliyay in uusan wax khalad ah gelin. Toddobadkii hore, guddiga sirdoonka ee aqalka Kongreska ayaa soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadda loo heysto Trump oo ay daawanayeen shacabka Mareykanka, waxaana kulamadaas lagu wareystay dhowr marqaati. Guddiga ayaa sidoo kale kulamo ay albaabada u laaban yihiin la yeeshay marqaatiyaal wax ka ogaa eedeymaha loo heysto madaxweyne Trump. Adam Schiff, guddoomiyaha guddiga sirdoonka ee xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegay in guddiga hogaaminaya baaritaanka oo ay kamid yihiin sirdoonka, xafiiska arrimaha dibadda iyo kor joogteynta ay haatan ka shaqeynayaan warbixinta, taas oo lasoo bandhigi doonaa 3-da bisha Disembar. Muxuu Jerrold Nadler yidhi? Mr Nadler ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu Trump ku wargeliyay kasoo qeybgalka dhageysiga dacwadda loo heysto. “Madaxweynaha isaga ikhtiyaar iskaleh, haddii uu rabo waxaa uu heytsaa fursad lagu matali kari ama uu isaga aaamusi karo ka sheegashada marwalba uu ka yahay hannaanka”. Wuxuu intaa ku daray in dhageysiga ay tahay fursad lagaga wada hadli kara waxyaabaha dastuuriga ah ee lagu saleynayo xil ka qaadista. Sidoo kale guddiga garsoorka ayaa la filayaa in ay bilaabaan qabya qoraalka qorshaha xil ka qaadista, kuwaas oo kala ah in Madaxweynaha uu galay khaladaad ka dhan ah dastuurka. Source
  8. Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalado dhinaca nolosha ah ay ka jiraan deegaano hoos yimaada degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Cuduro kala duwan oo ay u dhinteen ku dhowaad shan qof ayaa lagu soo warramayaa inay ka dilaaceen deegaanadaasi. Mid ka mid ah waxgradka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka ka jira halkaasi, isagoo baaq u diray dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-cadaani-.mp3 Cee View the full article
  9. (SLT- Tell Aviv)-Muwaadin Falastiini ah oo qabay cudurka Cancer-ka ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla wadanka Israa’iil sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka amniga Salaasadii Shalay. Ehelada Saami Abuu Diyaakh ayaa ku eedeyay xukuumada Tell Aviv in ay dayacday xaalada caafimaad ee wiilkooda taasi oo keentay inuu u dhinto cudurka hayay. Geerida muwaadinka reer Falastiin ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidanka Amniga Israa’iil iyo garabyada hubeysan ay ka taagan tahay dhulka Israa’iil ay sida sharci darrada ah ku dhisaneyso. Dhanka kale markii la shaaciyay in uu dhintay Saami Abuu Diyaakh ayaa dibadbaxyo xooggan galinka danbe ee shalay ay ruxeen daanta galbeed. Toddobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii dhowr qof oo falastiini ah oo u badnaa rayid ay ku dhinteen duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Israa’iil ka gaysteen daanta galbeed iyo magaalada Gaza. Source
  10. Laamaha ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa mamnuucay in magaaladaasi lagu qabto shirarka siyaasadeed ee aanay ka warhayn dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa ay sheegeen in marnaba aan la qabankarin shir aan fasax looga qaadan dowladda federaalka, waxaana Milkiilayaasha Hoteellada ku yaalla Dhuusamareeb loo geeyey warqado digniino ah oo arrintan ku aaddan. Cid walbo oo qabata shir aan fasax looga haysan dowladda federaalka, kuna saabsan siyaasadda ayaa la sheegay in tallaab adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markaan u muuqata mid cadaadis xooggan sii saareysa siyaasiyiin ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee aragti ahaan dhankeeda aad uga fog. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka aloosantahay xiisad siyaasadeed oo u dhexaysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu-Sunna. Xiisadda ayaa salka ku haysa, is-mari-waa ku aaddan dhismaha dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaanna arrimaha doorashada, waxaana hoggaanka Ahlu-sunna ka biya-diidsanyahay, sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u maamulayso doorashada maamulkaasi Galmudug. Guddiga doorashada Galmudug ee ay magacowday dowladda, ayaa todobaadkan shaaciyay, hab raaca doorashada iyo soo xulista xidhibaannada, taasi oo ay ku gacan-sayreen hoggaanka sare ee Ahlu-sunna. Iyadoo khilaafkaasi taaganyahay, ayaa haddana dowladda Federaalku waxay ku adkaysanaysaa in doorashada, sidaasi lagu qaban doono, islamarkaana ay wakhtigeeda ku dhacayso. Sidoo kale, dowladdu waxay xoojisay amniga magaalooyinka waaweyn ee gobolka Galgaduud, gaar ahaanna degmada Dhuusamareeb, iyadoo halkaasi ku daabushay ciidamo dheeraad ah, kana mamnuucday in shirar aan laamaha amnigu ogayn in la qabto. Tallaabadaasi, ayaa loo fasiray mid cadaadis dowladdu ku saarayso hoggaanka sare ee Culimaa’uddiinka Ahlu-sunna, si ay ugu hoggaansaman nidaamka ay Villa Somalia u maamulayso doorashada Galmudug. PUNTLAND POST The post Xiisad ka aloosan magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT- Kashmiir )-Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay weerar bambo gacameed loo adeegsaday oo ka dhacay Ismaamul Kashmiir oo hindiya Maamusho, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga. Madaxda laamaha Amniga ayaa sheegay in laba dagaalyahan lagu dilay weerarkaan xilli bilihii la soo dhaafay ay xaalad kacsanaan ah ka jirtay dhulka Muslimiinta tan iyo markii xukuumada Delhi ay bandow ku soo rogtay. Altaf Khan oo ka mid ah saraakiisha booliska ayaa sheegay in koox dabley ah ay bamka koowaad ku soo tuureen ciidanka Amniga balse isla goobta lagu khaarijiyay. Bamka labaad ayaa wuxuu ka qarxay goob Bakhaar oo ku dhow afaafka hore ee laga galo Jaamacada Kashmiir, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo rayid ah sida uu xaqiijiyay sargaal diiday Magaciisa. Dowlada Hindiya ayaa gabi ahaanba ka jartay gobolka Kashmiir adeegyada Internet-ka Isgaadhsiinta 5-tii bishii Agoosto, waxaana arintaan si xooggan u canbaareeyay dowlada Pakistan. Source
  13. Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa xalay xabsiga kasii daayey Mas’uuliyiintii xisbiga Wadani kuwaasi oo maalmo kahor lagu xirey magaalada Hargeysa. Waxaa dib u helay xorriyadooda, Khadar Xuseen oo ah xoghayaha guud ee xisbiga Wadani, Afhayeenka xisbigan Barkhad Jaamac iyo sidoo kale Cabdi Ibraahim oo isna mas’uuliyiinta Wadani ku jira. Xarrigoodan ayaa ka dambeysay kadib markii xisbiga Wadani uu ku dhowaaqay mudaaharaad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi, kadib khilaaf ka dhashay guddiga doorashooyinka Somaliland. Xisbiga Wadani ayaa soo dhoweeyey siideynta mas’uuliyiintan, iyadoo ay jireen dedaallo ay bixiyeen guddi dhex-dhexaadin ah oo si iskooda isku xilqaamay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Twitterka ee howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay kulan dhex maray Ra’iisul wasaaraha xukummadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, Danjire Donald Yamamoto, iyo kooxda Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya. Kulankaan ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay xaaladaha kala duwan ee hadda ka jira dalka, sida lagu sheegay qoraalka. Sidoo kale waxaa shirkaan oo ahaa mid gaar ah diirada lagu saaray sidii horamar looga sameyn lahaa nabadda, xasiloonida,iskaashi u dhaxeeya dowladda dederaalka ah, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ee taageerta Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale madaxda dowladda dhexe ka dalbatay inay heshiis rasmi ah la galaan dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro khilaafka jira. Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka Soomaaliya, qorshaha kala guurka iyo doorashada 2020-ka. Warkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xiisad xoogan ay u dhexeyso dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan maamullada Puntland iyo Jubbaland. Khilaafkan oo cuuryaamiyey wada shaqeynta labada dhinac ayaa waxaa haatan laga digayaa inuu sii socdo, si aysan markale dib u dhac ugu imaan horumarka ay hiigsaneyso Soomaaliya.
  15. (SLT-Lubnaan)-Raysal wasaaraha xilka ka sii dagaya ee Lubnaan Saciid Xariiri ayaa ku dhawaaqay salaasadii shalay in aanu dooneyn in uu hoggaamiyo dowlada xigta. Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo ay soo baxayeen maalmihii la soo dhaafay warar sheegaya in uu soo dhisi doono dowlad wadaag ah oo samatabixin karta dhaqaale la’aanta ka jirta Lubnaan. Mr Xariiri ayaa is-casilay bishii la soo dhaafay kadib dibadbaxyo waaweyn oo ruxay dalkaasi kuwaasi oo shacabka ay ku dalbanayeen in maamulka talada hayo uu xilka ka dago. Tan iyo 29-kii bishii October ayaa xisbiyada siyaasadda waxay ku kala qeybsameen raysal wasaaraha xiga ee la soo magacaabi doono iyadoo dhowr musharrax ay xilka u soo Istaageen. Warar laga helay qasriga looga arimiyo Lubnaan ayaa sheegaya in maalinta Khamiista ah uu madaxweyne Michel Aoun kulan la qaadan doono guddiga sharciga Baarlamaanka si uu ugala arinsado magacaabida raysal wasaaraha xiga. Source
  16. Ever since Somaliland ended three decades long marriage with the union government of Somalia and declared herself as an independent sovereign state in the mid-1991, Source: Hiiraan Online
  17. Hey’adda Socdaanka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in loo diiday visaha dalk ku galka ah Macalimiin ka socday dalka Masar. Qoraal la soo dhigay barta Facebook ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in warkaas uu yahay waxba kama jiraan “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxay si cad u beenineysaa wararka la soo dhigay qaar ka mid ah baraha Bulshada ee sheegaya in Macalimiin masaari ah loo diidey in ay soo galaan dalka ama joogaan”ayaa lagu yiri war kooban oo Hey’adda soo saartay. Sidoo kale Hay’addu ayaa waxay caddeyneysay in Xogta iyo sawirada la baahiyay ay been abuur yihiin. Baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay in Macalimiin Masaari ah loo diiday dal ku galka Soomaaliya, taasoo keentay in Hey’addu degdeg u soo saarto qoraal lagu cadeynayo in uusan sal iyo raad lahayn warkaasi, View the full article
  18. Golaha Ammaanka ee QM ayaa ugu baaqay dawladdafederaalka iyo maamul goboleedyada inay dib u billaabaan wadahadalkooda si ay u xalliyaan khilaafka u dhexeeya. Warbixin kasoo baxday Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay inay walaac ka qabaan in khilaafkaasi uu caqabad ku noqon karo fulinta ajandayaasha qaran. Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey dadaallada lagu doonayo in doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan dastuurka dalka lagu qabto sanadda 2020. Sidoo kale Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in hadii la qabto Doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda si nabad ah, oo hufan ay noqon doonto tallaabo taariikhi ah oo la qaaday. Golaha Ammaanka ayaa waxaa ay carrabka ku adkeeyeen in geeddi-socodka doorashada ay tahay inuu noqdo mid loo dhan yahay, kaasoo oggolaanaya ka-qaybgal dhammaan degaanada gobollada dalka oo dhan iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30% ah. Xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay ballanqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) ka geysatay Madasha Iskaashiga Soomaaliya 2dii Oktoobar ee sannadkan, kaasoo ahaa in la qaato sharciga doorashada illaa Disembar 2019. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-27112019SX.mp3 View the full article
  20. Xildhibaanada aqalka Kongreska Mareykanka ayaa madaxweyne Donald Trump ku casuumay in uu kasoo qeybgalo dhageysiga dacwadda la doonayo in xilka lagaga qaado. Trump ayaa 4-ta bisha Diseemabar lagu wargeliyay in uu horyimaado xildhibaanada aqalka kongreska ee dhageysanaya dacwadda loo heysto. Jerrold Nadler, guddoomiyaha guddiga garsoorka ee qalka Kongreska ayaa sheegay in laba mid un ay noqon doontaa, oo kala ah in Madaxweynaha uu kaso qeybgalo dhageysiga dacwadda iyo ” in uu joojiyo ka sheegashada hannaanka”. Haddii uu Madaxweyne Trump ka qeybgalo kulankaas, waxaa loo wareysan doonaa sida qof marqaati ah. U yeerista madaxweyne Trump ayaa gogol xaar u ah tallaabada xigta ee qorshaha xil ka qaadista madaxaweyne Trump, kaasi oo ku saabsan wicitaankii dhanka taleefonka ee dhexmaray Madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ukarine, Volodymyr Zelensky. Wicitaankaas dhanka taleefonka ayaa madaxweyne Trump waxaa uu dhiggiisa Ukraine ka dalbaday in uu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo haatan kamid ah siyaasiyiinta u hanqal taagaya doorashada madaxtinimo ee Mareykanka. Joe Biden iyo wiil uu dhalay ayaa horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaaska ee dalka Ukraine. Baaritaankan ayaa lagu ogaanaya in madaxweyne Trump uu taageerada milateri ee uu Mareykanka siiyo Ukraine u adeegsaday dano siyaasadeed, sii uu Ukarine cadaadis ugu saaro baaritaanka Biden, hasayeeshee madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer ku celceliyay in uusan wax khalad ah gelin. Toddobadkii hore, guddiga sirdoonka ee aqalka Kongreska ayaa soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadda loo heysto Trump oo ay daawanayeen shacabka Mareykanka, waxaana kulamadaas lagu wareystay dhowr marqaati. Guddiga ayaa sidoo kale kulamo ay albaabada u laaban yihiin la yeeshay marqaatiyaal wax ka ogaa eedeymaha loo heysto madaxweyne Trump. Adam Schiff, guddoomiyaha guddiga sirdoonka ee xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegay in guddiga hogaaminaya baaritaanka oo ay kamid yihiin sirdoonka, xafiiska arrimaha dibadda iyo kor joogteynta ay haatan ka shaqeynayaan warbixinta, taas oo lasoo bandhigi doonaa 3-da bisha Disembar. Muxuu Jerrold Nadler yiri? Mr Nadler ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu Trump ku wargeliyay kasoo qeybgalka dhageysiga dacwadda loo heysto. “Madaxweynaha isaga ikhtiyaar iskaleh, haddii uu rabo waxaa uu heytsaa fursad lagu matali kari ama uu isaga aaamusi karo ka sheegashada marwalba uu ka yahay hannaanka”. Wuxuu intaa ku daray in dhageysiga ay tahay fursad lagaga wada hadli kara waxyaabaha dastuuriga ah ee lagu saleynayo xil ka qaadista. Sidoo kale guddiga garsoorka ayaa la filayaa in ay bilaabaan qabya qoraalka qorshaha xil ka qaadista, kuwaas oo kala ah in Madaxweynaha uu galay khaladaad ka dhan ah dastuurka. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post Donald Trump oo lagu casuumay in uu kasoo qeybgalo dhegaysiga dacwadda loo heysto appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay 13 askari oo dowladda Faransiiska uga geeriyootay gudaha dalka Maali. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay shilkaasi. Sidoo kale waxaa warkan lagu sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay tacsi u direyso dowladda iyo shacabka Faransiiska. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in wadamada Soomaaliya iyo faransiiska uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, iskaashi iyo wax wada qabs ah intaba. 13-ka askari ee ka tirsanaa ciidamada dowladda Faransiiska ayaa ku geeriyooday dalka Maali, kadib markii ay isku dhaceen 2 diyaaradood oo Helicopter ah, xilli ay ku guda jireen howlgal ka dhan ah kooxda jihaadiyiinta ee ka dagaalama waqooyiga dalkaasi.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Afar qodob oo muhiim ayaa muujinaya shaki weyn oo ah in Farmaajo uusan dhankiisa ka fuli doonin heshiiskii uu la galay madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in uu jiro shaki wayn oo ay qabaan Madasha Xisyada Qaran iyo inta badan dadka daneeya arimaha Soomaaliya, kuwaas oo markii hore rajo ka qabay in xasilooni dalka u horseedi doono kulankii dhaxmaray Farmaajo iyo madaxweyniyaashii hore. Afarta qodob ee muujinaya ama shaki gelinaya in dhinaca Villa Somalia uu ka fuli waayo waxyaabihii lagu heshiiyay ayaa kala ah. Kulankii Arbacadii hore, Villa Somalia waxay diiday in ay ka qayb galaan warbaahinta madaxda banaan oo ay ka qaybgalkeeda dalbadeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya. Villa Somalia sidoo kale waxay diideen in ay madaxweynayaashii hore soo ka xeestaan muuqaal duubayaal gaar ah oo ka tirsan Madasha sidoo kalane Kaamira maano u ah madaxdii hore halka madaxweyniyaashii hore ee dhankooda diideen kaamirada Villa Somalia. Kulankii Arbacadii hore ma jirin war qoraal ah oo ka soo baxay dhinacyada waxaana dadka falanqeeya arimaha siyaasada ay sheegeen in ay aheyd in heshiis walba noqdo mid qoran. Iyo Madaxtooyada Soomaaliya ay diiday in ay warbaahinta kala hadasho waxyaabihii ay ku heshiiyeen iyaga madasha Xisbiyada Qaran balse kaliya ay warbaahinta la hadleen hal dhinac oo madaxweynayaashii hore ee dalka. Qodobkan ayaa kan shakiga ugu weyn abuuray, waxaana yaab leh in Villa Somalia aysan sheegin qodobada heshiiska, ayada oo ujeedku yahay inay ka fogaadan in dib loogu qabsado haddii ay ka baxaan qodobo ay horey u sheegeen. Arimahaasi oo dhan ayaa shaki wayn geliyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan dooneyn in uu dhaqan geliyo heshiiskii uu la galay madaxdii hore, islamarkaana ujeedkiisu ahaa kaliya in xiisadda uu qaboojiyo. Maadaama aysan jirin cid goobjoog u ahayd heshiiska, islamarkaana uusan jirin qoraal Villa Somalia kasoo baxay, waxay u sahleysaa inay jebiso heshiiska. Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS iyo Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shalay sheegay in Villa Smalia ay markale ka baxday qodob kamid ah waxyaabihii lagu heshiiyay todobaadkii hore, kaasi oo ahaa dhowrista xuquuqda qofka, kadib markii garoonka Muqdisho laga celiyey xildhibaan Dalays xasan Aadan oo kusii jeeday gobolka Gedo.
  23. "We are happy to leave the Libyan hell behind," migrants told Euronews as their rescue ship, Aita Mari. arrived into southern Sicily. Source: Hiiraan Online
  24. Former Turkish deputy prime minister Ali Babacan warned on Tuesday of the dangers of “one man rule” and said he hoped to have formed a new political party by the end of the year to challenge President Tayyip Erdogan’s ruling AK Party Source: Hiiraan Online