Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,011
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyee waxay Xalay oo Arbaco ah ku geeriyooday Magaalada London Yusuf Axmed Kheyr. Marxuumku wuxuu soo qabtay Jagooyin badan wuxuuna qayb [...] Source
  2. (SLT-Qaza)-Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku hanjabay in si rasmi ah dalkiisa uu u goyn doono xidhiidhka kala dhaxeeya Mareykanka. Mr Cabaas ayaa sheegay in aqalka cad uu Jabiyay sharciga caalamiga ah ee Israa’iil ka xanibay deegaameynta ay ka wado dhulka Falastiin oo Washington ay taageertay. Waxaan diyaar u nahay in xidhiidhka aan u jarno Mareykanka ayuu yidhi madaxweynaha Falastiin oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Moscow ee caasimada Ruushka. Dhanka kale dibadbaxyo waaweyn oo lagu gubay calanka Mareykanka ayaa ka dhacay daanta galbeed iyo magaalada Gaza. Shacabka Falastiin ayaa sheegay in dhimasho ay diyaar u yihiin ayna aqbali doonin go’aanka Mareykanka ku taageeray dhul boobka Israa’iil. Source
  3. Nairobi (Caasimadda Online) – War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya kaas oo u muuqday in la soo gaarsiiyey Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in Kenya dhaqan gelisay heshiiskii ay dhawaan wada galeen Madaxweynayaasha labada dal. Sida lagu sheegay qoraalkan waxaa ay dowlada Kenya bilowday inay joojiso duulimaadyadii sida tooska ah ugaga soo baxay magaalada Muqdisho inay soo maraan magaalada Wajeer iyo in sidoo kale diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan marka ay tagaan dalka Kenya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa caddeysay in diyaaradaha toos uga dagayo Nairobi ay yihiin kaliya kuwa Muqdisho kasoo dhoofo balse kuwa kale ay mari doonaan Magaalada Wajeer. Qoraalkan ayay dowlada Kenya ku sheegtay inay si aad ah ugaga go’an tahay inay fuliso heshiisyada labada dal. Sidoo kale Kenya ayaa raja waxaa ay ka muujisay in Soomaaliya ay dhankeeda dhaqan gelin doono heshiiska Madaxweyne Farmaajo iyo uhurru Kenyatta ay ku wada galeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa diyaaradii ugu horeysay ee si toos ah ugaga duusha Muqdisho waxa ay ka degtey magaalada Nairobi.
  4. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa wuxuu u sheegay gudoomiyeyaasha degmooyinka in lala xisaabi doono. Cumar Maxamuud Maxamed ayaa tilmaamay in gudoomiyihii degmadiisa ay ka dhacaan falal liddi ku ah amniga lana tacalai waaya xilka laga qaadi doono. Si gaar ah wuxuu tibaaxay in maamulkii degmadiisa ay ka dhacaan dil isla markaana soo qaban waaya gacan ku dhiigleyaasha xilka laga qaadi doono. Dhinaca kale, Cumar Filish ayaa wuxuu ku booriyey ciidanka ammaanka in ay door wanaagsan ka cayaaraan sidii loo xaqiijin lahaa nabad-gelyadda. Hadalkan ayaa wuxuu ka sheegay kulan uu la qaatay saraakiisha ammaanka ee ku howlan sugitaanka iyo xasilinta amniga magaala madaxda waddanka. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Arrimaha bulshada ee Golaha Aqalka Sare Axmed Macalin Cumar Nadiir ayaa Madaxda Dowlad goboleedyada ugu baaqay inay ku ixtiraaman oo ay ugu dambeeyaan, si xal looga gaaro mad-madoowga siyaasaded ee wali udhaxeeya dowlada iyo madaxda maamul goboleedyada qaar, maadaama ay iyagu u taagan yihiin sida uu hadalka udhigay matalaadda dowlad, goboleedyada, xubnaha ka ah dowlada dhexe ee Soomaaliya. Mr Nadiir ayaa tilmaamay in Dalku uu u baahan yahay Masuuliyad wadareed, islamarkaana labada dhinac looga fadhiyo inay ku dadaalaan sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen si xal looga gaaro dhamaan khilaafyada jira. Dhinacooda ayaa wuxuu caddeeyay in ay xooga saari doonaan sidii ay maamulada dalka ka jira iyo dowlada Soomaaliyeed isugu soo dhawaan lahaayeen si loo qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira waddanka. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gudiga Garsoorka Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Caruurta ee golaha Aqalka Sare ZamZam Ibraahim Cali oo u warantay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa dalab u dirtay Wasaarada gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS. Mr Zamzam ayaa codsatay in ay Tirakoob rasmi ah ku sameyso meelaha ay ku dhimaateysan yihiin shacabkii ku barakacay Saameynta Roobabkii ka da’ay gobolka banaadir, si loo ogaado qoysaskaasi inta uu la egyahay khasaaraha hantiyadeed ee soo gaaray, maadaama xaafadaha qaar ay guryihii ka dumeyn. Hadalka Sanetar ZamZam Ibraahim Cali ayaa ku soo aadaya xili Wasaarada gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ay saacadihii la soo dhaafay Maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay Deeq kala duwan oo loogu talagalay dadka saameynta ay ku yeesheen Daadadka Roobabka, islamarkaana inta aan la qeybin ay tahay muhiim in dadka Muqdisho ee loo qeybinayo deeqdaasi laga helo tirakoob rasmi ah, si waxa lahayo iyo qoysaskuba ay isku ekaadaan. View the full article
  7. Alle ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada London ee xarunta waddanka Ingiriiska ku geeriyooday, wasiirkii hore ee Amniga dowladda Puntland, Gen Yuusuf Axmed Khayre oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayey isbitaal ku yaalla London. Geerida Gen. Yuusuf Axmed Khayre, waxaa Puntland Post u xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo xiganaya xubno kamid ah Qoyska Marxuumka, waxaana ay tacsi u direen Eheladii, Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan umadda reer Puntland ee uu ka baxay Marxuumka. Ex. Wasiir Yuusuf Axmed Khayre, waxa uu ka soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale waxa uu kamid ahaa ergooyinkii lagu as’aasay dowladda Puntland sannadkii 1998-dii. Xilalka uu Puntland ka soo qabtay waxaa kamid aha, in uu soo noqday Taliyaha Booliiska Puntland iyo wasiirka Amniga, waxaana lagu tilmaami jiray in uu ahaa Khabiir dhanka Arrimaha ciidamada ah, islamarkaana uu xilligiisi Dib u-habayn muhiim ah ku sameeyay Booliiska iyo wasaaradda Amnigaba. PUNTLAND POST The post Wasiirkii hore ee Amniga Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-28112019.mp3 View the full article
  9. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Ankara wadahadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu, iyagoo kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Labada wasiir arrimo dibadeed, ay ka wada-hadleen xiriirka laba geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh. Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir uu yahay mid ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, isdhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Hehsiis is- Afgarad ah appeared first on Puntland Post.
  10. Waddani party Chairman Cabdiraxmaan Cirro @CirroSL WADDANI party welcomes the statement of international community regarding the concerns of Somaliland delayed elections, arbitarary detensions and restrictions of freedom of expressions. Qaran News
  11. Baraawe (Caasimadda Online) – Xisbiga Amni iyo Cadaalad oo uu Hogaamiye u yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo xabsi guri ugu jiro Dowladda Soomaaliya ayaa hor imaaday safar uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ku tagay Dalka Jabuuti. Safarka Lafta Gareen ee Jabuuti ayaa salka ku hayo sidii maal gelin loogu heli lahaa dhismaha Dekadda Baraawe oo la filayo in waqtiyada soo socdo uu ku shaqeeyo maamulka Koonfur Galbeed maadaama ay magaaladaas tahay Caasimadda rasmiga ah ee maamulkaas. Xisbiga Amni Iyo Cadaalad ayaa ku doodayo in madaxweynaha Koonfur Galbeed lagu soo doortay qaab aan sharci aheyn sidaas darteedna uusan awood u laheyn inuu mashaariic kusoo qaato dhismaha Dekadda Baraawe. Xisbiga ayaa sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed ay ka jirto dhibaato badan iyo musuq maasuq isla markaasna aan weli xal loo helib dhibaatadii ka dhacdo Baydhabo ayna ugu baaqayaan Dowladda Jabuuti inaysan soo faragelin arrimaha Koonfur Galbeed ayna joojiso mashaariicda ay dooneyso inay ku bixiso dhismaha Baraawe inta laga helayo madaxweyne sharci ah oo ay ku qanacsan yihiin dadka Koonfur Galbeed sida lagu qoray war saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad. Xisbiga ayaa intaas ku daray in deegaanada Koonfur Galbeed ay ka jiraan dhibaato ka dhan ah bini,aadanimada iyo Xoriyadda lana xirayo cid kasta oo ka ra’yi duwan maamulka talada hayo iyadoo intaas dhan ay jiraana aysan caqli gal aheyn in mashaariic loo raadiyo dhismaha Dekadda Baraawe. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo lagu qoray luuqadda Ingiriiska
  12. Ankara will resist efforts by its NATO allies to persuade it to back an alliance defense plan for the Baltics and Poland until its demands are met over a plan for Turkey’s defense, a Turkish diplomatic source said on Wednesday Source: Hiiraan Online
  13. Ambassador of Denmark to Kenya Mette Knudsen @Metknu Concern about the continued delay in conducting elections in #Somaliland as well as arbitrary arrests and limitations on freedom of expression. #Denmark fully behind this statement @DKinSomalia @DanishMFA @JeppeKofod @RasmusPrehn @somalilandmfa Quote Tweet EU Del in Somalia @EU_in_Somalia · 20h JOINT STATEMENT ON DELAYS TO SOMALILAND PARLIAMENTARY AND LOCAL COUNCIL ELECTIONS – European External Action Service https://europa.eu/!pP39Nc 10:04 AM · Nov 27, 2019·Twitter for iPhone 23 Retweets 42 Likes Paperbook @Paperbook2 · 19h Replying to @Metknu @DKinSomalia and 4 others Have you ever seen an opposition party that refuses to go to the Supreme Court every time there is a dispute? Qaran News
  14. Executive Committee of Somali Democratic Party (SDP), a party that is governing Somali region of Ethiopia in the South Eastern parts of the country, unanimously passed decision on Tuesday November 26,2019 to end its existence as SDP and join Prosperity Party (PP), Source: Hiiraan Online
  15. Mother of ‘bullied‘ Somali girl, 12, who drowned in river accuses police of racism after they ‘failed to properly investigate her death‘ – sparking probe by force watchdog Source: Hiiraan Online
  16. Somalia’s ratification of a key convention to protect internally displaced people in Africa is a landmark achievement for the country and the African continent, UNHCR, the UN Refugee Agency, said today. Source: Hiiraan Online
  17. Itoobiya oo ka walaacsan ‘kulan ay agaasintay Kenya’ oo Nairobi ku dhex maray Axmed Madoobe iyo Gudoomiyaha Cusub ee Jabhada ONLF Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujisay kulan ay abaabushay Kenya oo Nairobi ku dhex maray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo hoggaamiyaha ONLF Cabdiraxmaan Mahdi Madey, waxaa sidaas qoray wargeyska Addis Standard. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah u agaasimay, fududeeyey, islamarkaana lacag ku bixiyey Machadka Rift Valley ee Kenya. Xiisadda Jubaland iyo Itoobiya ayaa sare usii kaceysay wixii ka dambeeyey bishii August, ka hor doorashadii Axmed Madoobe, markaasi oo mas’uulinta Jubaland ay diideen inay garoonka Kismaayo ka degto diyaarad ay saarnaayeen agab iyo ciidamo Itoobiyan ah. Jubaland ayaa sidoo kale toddobaad ka hor cabasho ka muujisay faro-gelin xoogan oo ciidamada Itoobiya ay ka wadaan gobolka Gedo, ayaga oo taageeraya madaxweyne Farmaajo. Hoggaamiyaha ONLF, Cabdiraxmaan Mahdi Madey ayaa bishii August, ka hor inta aan xilkan loo dooran waxa uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uga digay faro-gelinta Jubaland. “Kismaayo waxay ku taalla goob muhiim ah. Hadii halkaas isbeddel uu ka dhacana waxay saameyn doontaa waddanka oo dhan. Waxaan aaminsanahay in Axmed Madoobe uu shaqo wanaagsan qabtay. Mana hubo in haddii dad kale ay meesha yimaadaan uu amniga sidan sii ahaan doono. Waxaan ka baqayaa haddii aynan ka fiirsan faro-gelinta halkaas, inay saameyn doonto gobolka oo dhan, sababtoo ah waxaa jira ciidan cadow ku ah Itoobiya, oo Axmed Madoobe uu hadda la dagaalayo.” Lama yaqaan ujeedka iyo waxa looga hadlaya kulanka kulanka Nairobi ee Axmed Madoobe iyo Cabdiraxmaan Mahdi, sida uu qoray Addis Standard. Dhinaca kale, sarkala sare oo ku dhow madaxweyne Axmed Madoobe ayaa beeniyey inuu wax kulan ah ka dhaay Nairobi. “Joogitaanka hogaamiyayaasha Jubaland iyo ONLF ee Nairobi waa mid isku aaday oo kaliya. Ma jiro wax kulan ah oo dhacay, haddii ay kulmaanna waxay noqon doontaa kaliya inay isa salaamaan.” Ayuu yiri. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegay in amarkii lagu hor-istaagay in xildhibaan Dalays Xasan Aadan ay ka dhoofto garoonka Muqdisho, oo ay aaddo gobolka Gedp uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in maamulka garoonka lagu amray in ilaa amar dambe aysan xildhibaanada baarlamaanka aadi karin Gedo iyo sidoo kale siyaasiinta mucaaradka ah hadii ay dhacdana in ay ka baxaan garoonka Muqdisho ay ku bixi karaan oo kaliya amar sare. Sababta amarkaan loo soo saaray ayaan lala wadaagin saraakiisha garoonka diyaaradaha Muqdisho balse waxay u muuqataa mid la xariirta isbadalada amni iyo kuwa siyaasadeed oo ay Itoobiya kawado Gedo. Xildhibaan Dalays Xasan Aadan waxay kasoo jeedaa gobolka Gedo, waxayna ku beel tahay madaxweynaha, hase yeeshee waxay ka mid tahay siyaasiyiinta fikir ahaan diidan madaxweynaha. Wareysi ay siisay VOA-da markii la xanibay Isniintii ayay ku tiri “Dowladda hadda jirta cid kasta oo ka ra’yid duwan waxay la galaysaa dagaal.” Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa ka cabsi qaba in xildhibaanada tagaya Gedo ay caqabad ku noqdaan qorshaha ay dowladda kula wareegeyso gobolka ayada oo kaashaneysa ciidamada Itoobiya. Korneel C/llaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa sheegay in amarka lagu hor istaagayo Xildhibaan iyo qof kale oo sare uu yahay mid ka yimaada Madaxweynaha talada haaya balse aysan bixin karin qof kale. “Kaliya madaxweynaha ayuu ka imaan karaa amarka nuucaas ah ma jirto qof kale oo qaadan kara, hadii uu qaatana waa go’aan qar iska tuurnimo ah” ayuu yiri Korneel C/llaahi Cali Macow. “Haddii uusan aheyn amar ka soo baxay madaxweynaha waxay aheyd inuu jawaab ka bixiyo sababtoo ah wax sahlan ma ahan in Xildhibaan xasaanad leh la hor istaago waliba degaankiisa u socda” ayuu yiri Korneel C/llaahi Cali Macow. Korneel Macow ayaa ku taliyay in Golaha Shacabka ay u yaraan Madaxweynaha Soomaaliya halkii ay u yeereen wasiirka amniga Soomaaliya iyo Taliyaasha Booliiska iyo socdaalka. Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda ayaa ilaa hadda ka hadlin is hortaagii lagu sameeyay Xildhibaan Dalays Xasan Aadan oo ka tirsan Golaha Shacabka. Hay’adda NISA oo markii hore la sheegay inay bixisay amarka ayaa iska fogeysay, sida ay xubno ka tirsan u sheegeen Caasimada Online.
  19. Ugu yaraan 5 ruux ayaa dhintay,4 kalena waa ku dhaawacmeen dab Arbacadii shalay ka kacay xaafad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka. Dabkan ayaa ka kacay Daar ay ku nool yihiin dadka waayeelka ah iyo dadka kaligood nool oo ku taalla xaafadda Cedar ee magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Maxamuud Noor oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in 5 ruux ee ku geeriyooday dabkaasi ay 4 kamid ah Soomaali yihiin halka qof 5-aadna uu Oromo yahay. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in uu socdo baaritaan lagu hayo sababta dhalisay dabka iyo sidoo kale baaxadda khasaaraha rasmiga ah ee uu gaystay, isagoo xusay in dib laga soo bandhigi doono xogta oo dhammaystiran. PUNTLAND POST The post Soomaali ku geeriyootay dab ka kacay magaalada Minneapolis ee waddanka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  20. British Ambassador to Somalia Tweet Ben Fender @benfenderfco UN, IGAD and major international partners call for Somaliland parliamentary and local council elections to take place ‘without any further delay’, welcome mediation efforts and express concern at ‘seemingly arbitrary detentions’ and increased restrictions on free expression. Qaran News
  21. Abu Dhabu (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta u qaabilsan Tababarka iyo Taakuleynta ciidanka Puntland ee PMPF. Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qanciyay, in ay sii wadaan Qandaraaska shirkadda PDG oo dowladda Imaaraadka ay Adeega iyo Saadka u soo marin jirtay ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa bishii June ee sannadkan hakisay Logistic-kadii ay ciidanka PMPF u soo marin jirtay shirkaddaasi PDG, kadib markii uu khilaaf ba’an soo kala dhex-galay Saamileydii ku midaysnaa PDG, islamarkaana uu khal-khal ku yimid hawlihii shirkaddaasi. Sidoo kale, saraakiisha Imaaraatiga ayaa wakhtigaasi ku hanjabay, in ay gebi ahaanba Qandaraaska kala laaban doonaan shirkadda PDG, kadib markii la xallin waayay khilaafka u dhexeeya Saamileyda ku midaysan Shirkadda. Balse, madaxweynaha Puntland ayaa sida la sheegayo mas’uuliyiinta Imaaraadka u xaqiijiyay, in xal rasmiya laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Saamileyda PDG, isagoo ku qanciyay in ay sii wadaan Qandaraaska PDG ee Taakuleynta ciidanka PMPF. Wararku waxay intaas ku darayaan, in madaxweynuhu safarkiisi soo geba-gabeeyay, isagoo la filayo in uu maalinta Sabtida soo socota dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo la kulmay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Militeriga Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyey amniga caasimadda, isagoo ka dalbaday in la bilaabo wada shaqeyn dhex marta iyaga iyo laamaha amniga gudaha. Guddoomiye Cumar Filish ayaa saraakiisha Militeriga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda waxa uu u bandhigay qorshahooda sugidda amniga caasimadda, waxuuna shaaca ka qaaday in isaga iyo guddoomiyaasha degmooyinka uu balan adag meel u yaallo. “Hadii Dagmada gudaheeda wax lagu dilo oo qofkii wax ku dilay isagoo nabad ah uu baxsado , Dagmadaas Gudoomiye cusub aa loo magacabaa, waliba nin sarkaal ah oo Militery ah Cabdi bilahiisa iyo ciidankiisa wato Gudoomiye ugu dhigeynaa ballanka aan qabno waa kaas, marka inuu habeen iyo maalin degmadiisa amnigeeeda u soo jeedo ayaan isku ogeyn” ayuu yiri Guddoomiye Filish. Guddoomiyaha ayaa saraakiishii goobta ku sugneed u sheegay inay ka go’antahay inuu magaaladaan ka dhigo mid amni ah, waxuuna ka dalbaday in hadii uu culeyso ku yimaado amniga gudaha ay garab u noqdaan laamaha amaanka gudaha, isagoo u balan qaaday dhankooda in hadii ay iyagu culeys kala kulmaan amniga dibadda ama furimaha ay garab sii doonaan. Halkaan ka Daawo
  23. Soomaaliya laga soo bilaabo shirkii Carta waxay wax ku qabsanaysay nidaamka beelaha ee 4.5ka oo ah 4 beelood iyo beesha shanaad , taasoo xal loo arkay inay Soomaali isku aamini karto oo lugu gaari karo nidaamka dawladnimo maadaama dawladii hore ay u burburtay cadaalad daro iyo dulmi loo geystay beelaha qaar . Madaxweynayaashii soo maray dalkaan laga soo bilaabo shirkii carta(Cabdullahi Yusuf ilaa Xasan Shiikh) waxay ilaa xad isku dayi jireen inay isku dheeli tiraan awood qaybsiga beelaha si loo abuuro kalsooni iyo isu soo dhawaansho umada Soomaaliyeed ee kala irdhowday . Madaxweynaha hada talada haya Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu gabi ahaanba iska indha tiray dhamaan qaybtii Beesha Direed ku lahayd qaybaha kala duwan ee dawladda marka laga soo tago waasiirada iyo wasiir ku xigeenada . Tusaale ahaan taliyaasha ciidaamada oo loo qaybsan jiray shanta beelood madaxweyne Farmaajo markuu xilka qabtay wuxuu meesha ka saaray qaybtii Beesha Dir ku lahayd , dhamaan taliyaasha kala ah Nabadsugida, Booliska, Taliyaha guud ee ciidamada xooga, Asluubta, Abaanduulaha, taliyaha lugta iyo dhamaan ku xigeenadooda Beesha Direed xal xubin lagama siin marka laga soo tago Taliye ku xigeenka labaad ee Booliska . Waxaa wax lala yaaba ah madaxweynaha beesha uu kasoo jeedo ee Beesha Daarood inuu isugu daray taliya ciidanka booliska iyo taliya ciidanka lugta taasoo ah qabyaalad aan geed loogu soo gaban iyo dib usoo celin dhaqankii sababay in dalkaan uu burburo . Dhacdadii u danbeysay ee Madaxweyne Farmajo ku duudsiiyay qaybta Beelaha Direed waxay ahayd wuxuu xilka ka qaaday Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Dahir wuxuuna ku badalay nin ay isku reeryihiin taaso si cad u muujinaysa dagaal cad oo uu kula jiro Beesha direed . Arinta cajiibka ah ayaa ah Beesha Direed ma lahan madaxweyne , Raysul wasaare, gudoomiye baarlamaan intaas iyadoo aan loo xaqsiin ayaa hadana meelihii kale ee awal nidaamka 4.5ku u ogalaaday lugu wadaa xil ka qaadis . Waxaa kale oo intaa dheer, Somaliland oo isir ahaan ku abtirsata beesha Direed waxay dawladda Farmaajo kula kacday cunaqabatayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aan abid la arag oo keenaysa cuqdad iyo sii kala fogaansho hor leh . Intaas marka la isku soo xooraamiyo waxaa laga maarmaan ah in xisbiyada siyaasada dalka , kuwa isbadal doonka ah iyo dhamaan danleyda siyaasadeed in arintaa aan laga aamusin oo loo istaago wax ka qabashadeed inta aysan reebin saameeyn xun oo an wax laga qaban Karin oo umada soomaaliyeed sii kala fogeynaysa. Waxaan shaki ku jirin in beri la arki doono beelo badan oo cabanaya oo la hareer mariyay xuquqdoodii siyaasiga ahayd . Sida aan xogta ku hayno Beesha Direed waxay ku maqantahay talo iyo go aan ay ka qaadan doonaan siyaasad guracan ee Farmaajo ku maamulayo dalka . Waxaa qoray: Ahmed-Kaashin Abdi kooshin.ahmed73@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid