-
Content Count
214,001 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Muqdisho waxaa Labadii cisho ee lasoo dhaafay ka da’ay roob saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha iyo sidoo kale isku socodka dadweynaha. Gelinkii dambe ee shalay illaa xalay fiidkii waxaa magaalada ka da’ay roob xooggan, waxaana roobkan uu geystay khasaare kala duwan. Laamiyaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho waxaa la sheegay in Hal qof uu ku dhintay, kadib biyo xooggan oo marayey halkaasi oo qofkan qaaday, hoostana ka geliyeen gaari Homey ah oo meesha socday, sidaana uu ku jiiray gaariga. Inta badan kaamamka ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa iyana ahaa kuwo aan xalay lagu hoyan kadib markii ay galeen biyo badan oo ka rogmaday xaafadaha qaar ee magaalada. Dhanka kale, waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood waxaa fadhiistay biyo badan, halka qaarna uu burbur soo gaaray. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay iney wadaan dedaallo badan oo loogu gurmanayo dadka uu saameeyey roobka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), oo kormeeray xaafadaha ay sameeyeen roobabkii ka da’ay Muqdisho, ayaa ku amray laamaha Dowladda Hoose iyo waaxyaaha gurmadka degdegga ah, in ay u istaagaan xal u helidda dhibaatooyinka bini’ aadano ee ay sababeen roobabka ka da’ay magalada. Guddoomiyaha iyo xubno kale oo la socday, ayaa kormeeray degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamarweyne, Wadajir, xamar Jajab iyo isgooska nambar afar,isagoo si gaar ah uga qeybgalay samata bixinta qoys uu ku soo dumay gurigoodo. Guddoomiye Cumar Filish oo dhegaystay xaaladdooda nololeed ee bulshada degmooyinka uu kormeeray ayaa ka dhawaajiyay sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolku in ay ka shaqeeyaan yareynta xaaladda bini aadanimo ee soo food-saartay dadka danyrata ah. Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa amray in la dardar geliyo howlaha faya-dhowrka Caasimadda, degdegna ay howlwadeennada Dowladda Hoose uga shaqeeyeen sidii loo furi lahaa marinnada halbowlaha u ah isu socdka bulshada. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeeray xaafado ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga,si ay uga qeybgalaan shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska,kaasi oo ay martigelinayso dowladda Talyaaniga,wuxuuna socon doona muddo labo maalmood ah. Wafdiga wasiirka ayaa ku soo bandhigaya shirkaasi fursadaha dhinaca ganacsiga Dalxiiska ee Soomaaliya kajira,kuwaasi oo wasaaraddu ay waddo dadaalo lagu horumarinayo,sidoo kale wasiirka iyo wafdigiisa ayaa lafilayaa in ay kulmo gooni gooni ah la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya. Shirkan ayaa ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya,maadaama wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ay sii laba jiraatay dadaalka ay ugu jiro sidii horumar ballaaran looga sameyn lahaa fursadaha dhanka ganacsiga dalxiiska ee Soomaaliya. Dhanka kale Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo ku saleysan dhaqan dhaqaale iyo xiriir saaxiibtnimo iyo mid diplomaasiyadeed oo qoto dheer. Source: goobjoog.com
-
Xeer ilaaliyuhu waxa uu Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxa uuna Dugsiga Sare ku dhameeyay isla Burtinle, 2003. Heerka koowaad Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay Dalka Pakistan, gaar ahaan Islamabad asaga oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka. Shahaadada B.A ayuu isla Jaaamacadda ka qaatay. Shahaadada labaad isla Jaamacadda ayuu ku sameeyay isaga oo qaatay shahaadada 2-aad ee LLM ee dhanka Sharciga, gaar ahaan Xeerarka Ganacsiga (Commercial Law). Xeer Ilaaliyuhu waxa uu ka soo shaqeeyey gudaha dalka iyo dibaddaba: – Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada ayuu kaga soo shaqeeyey dalka Pakistan. – Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islaamabaad-Pakistan2013. – La-taliye Sharci asagoo la shaqeeyay wasaaraddaha Puntland. – Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna Bare ka tirsanaa, ee Puntland State University ee Garoowe. – Agaasimaha Xarunta Gargaarka Sharciga ah ee Jaamacadda PSU 2017 -Madaxa Waaxda Toosinta iyo Sharciyada. Hay’adda: AMAL EXPRESS AND AMAL BANK. 2015-2016. – Lataliye Sharci iyo Dastuur: Hay’adda: Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka, 2018 – Aas-aase, ahna Guddoomiye Kuxigeenkii Xarunta Gargaar ee ka shaqeysa Adeegyada dhanka sharciga iyo xuquuqda garsoor ee loogu qareemayo dadka danyarta ah. – Garsoore Maxkamadda Sare ee Dalka 2018-2019. Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd 2018. Ugu dambeyn, shalay ayaa loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir maareeye iyo Wefdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga, halkaasi oo ay uga qeybgalaan shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska,kaasi oo ay martigelinayso dowladda Talyaaniga oo socon doona muddo labo maalmood ah. Wefdiga wasiirka, ayaa ku soo bandhigaya shirkaasi, fursadaha dhinaca ganacsiga Dalxiisaka ee Soomaaliya kajira, kuwaasi oo wasaaraddu ay waddo dadaalo lagu horumarinayo,sidoo kale wasiirka ayaa lafilayaa uu kulmo gooni gooni ah uu la yeesho madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga, waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegaysa in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dalka, maadaama wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, ay waddo dadaal ku jihaysan sidii horumar looga sameyn lahaa fursadaha dhanka ganacsiga dalxiiska ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo shir uga qeyb-gayala dalka Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
-
Religious leaders and elders have initiated a campaign to reduce the cost of wedding among communities in Garissa County. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM oo warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo nabdoon, loo wada dhan yahay, la isku halleyn karo, cad, islamarkaana waafaqsan dastuurka qabyada ah. Haddii sidaas ay dhacdo, ayaa lagu yiri warbixinta Golaha, waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dib u dhiska Soomaaliya, waxayna gacan ka gaysan doontaa horumarka dimoqraadiyadda dalka. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dhameystirka hab doorasho ay u baahan tahay isu-tanaasul, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafka meel iska dhigaan islamarkaana yeeshaan wada-hadallado wax ku ool ah. Waxa uu sidoo kale Golaha ku baaqay in doorashadu noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan dhammaan qabaa’ilada iyo maamulada dalka ka jira. Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey dhibaatada wada-shaqeyn la’aan ee ka dhex taagan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay inay caqabad ku tahay sidii lagu gaari hadafyada qaranka. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay dib u billaabaan wada-hadallada, si xal looga gaaro arrimaha taagan, islamarkaana la dhameystiro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay. Waxay si gaar ah u adkeeyeen baahida loo qabo in xal laga gaaro xaaladda Jubaland, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay wada-hadal ka galaan arrintan. Xubanha Golaha Ammaanka ayaa dhanka kale ku baaqay in horumar laga sameeyo dib u heshiisiinta iyo abaabulka doorashada Galmudug. Waxay ugu dambeyn ugu baaqeen wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan in isaga oo kaashanaya Midowga Afrika uu sii wado inuu dhinacyada Soomaaliya ka taageero sidii loo heli waddo horey loogu socdo.
-
Saida Dahir is a first-year student at Berkeley, where she plans to major in media studies. A poet and social activist, Dahir performs “Paper and a Pen,” a poem written to President Trump after he proposed the Muslim ban, and talks about what inspires her to speak out against injustice. (UC Berkeley video by Stephen McNally) Source: Hiiraan Online
-
Waa kuma xeer-ilaaliyaha cusub ee Farmaajo Magacaabay (Taariikh kooban)+degaanku ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Sulaymaan Maxamed Maxamuud inuu noqdo Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka. Suleyman ayaa kasoo jeeda beesha Majeerteen. Xafiiska warfaafinta madaxtooyada ayaa soo bandhigay taariikhda mudane Sulayman. Hoos ka aqriso. Xeer ilaaliyuhu waxa uu Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxa uuna Dugsiga Sare ku dhameeyay isla Burtinle, 2003. Heerka koowaad Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay dalka Pakistaan, gaar ahaan Islamabad asaga oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka. Shahaadada B.A ayuu isla Jaaamacadda ka qaatay. Shahaadada labaad isla Jaamacadda ayuu ku sameeyay asaga oo qaatay shahaadada 2-aad ee LLM ee dhanka Sharciga, gaar ahaan Xeerarka Ganacsiga (Commercial Law). Xeer Ilaaliyuhu waxa uu ka soo shaqeeyey gudaha dalka iyo dibaddaba, iyadoo aan ka xusi karno, si kooban; – Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada ayuu kaga soo shaqeeyey dalka Pakistan. – Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islamabad-Pakistan 2013. – La-taliye Sharci asagoo la shaqeeyay wasaaraddaha Dowladda ee Puntland. – Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna Bare ka tirsanaa, ee Puntland State University ee Garoowe. – Agaasimaha Xarunta Gargaarka Sharciga ah ee Jaamacadda PSU 2017 – Madaxa Waaxda Toosinta iyo Sharciyada. Hay’adda: AMAL EXPRESS AND AMAL BANK. 2015-2016. – Lataliye Sharci iyo Dastuur: Hay’adda: Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka, 2018 – Aas-aase, ahna Guddoomiye Kuxigeenkii Xarunta Gargaar ee ka shaqeysa Adeegyada dhanka sharciga iyo xuquuqda garsoor ee loogu qareemayo dadka danyarta ah. – Garsoore Maxkamadda Sare ee Dalka 2018-2019. Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd 2018. Maanta ayaana ugu dambeyn loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in afar Maalin kadib uu madaxweyne Farmaajo ka baxay qodob ka mid ah heshiiskii ay la galeen. Xildhibaanka ayaa sheegay in kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madasha Xisbiyada ku yeesheen Villa Somalia ay balantu aheyd in aan la siyaasadeyn ciidamada, hase yeeshee taasi laga baxay, isla markaana ciidamada dowladda loo adeegsaday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa sidoo kale dalbaday in kulanka baarlamanka ee maanta oo ay hor imaanayaan Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska lagu soo daro taliyaha Nabad-Sugida Somalia Fahad Yaasiin, islamarkaana ay baarlamaanka hortiisa su’aalo ku weeydiinayaan. Waxaa uu intaasi ku daray in marnaba aysan ogolaaneyn in la galo marmarsiiyo, islamarkaana lagu amro in saxaafadda ay banaanka ka joogto kulanka. Hadalka Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa daba socday kadib markii Xildhibaan Daleys Xasan Aadan kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ay shalay kulankii baarlamanka ka sheegtay in loo diiday inay ka dhoofto Garoonka Aadan Cadde ayada oo loo sheegay inay amarkaas bixisay NISA. NISA ayaa beenisay inay bixisay wax amar ah oo lagu hor-istaagay xildhibaan Daleys. Eedeynta cusub ee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ah tii labaad oo ay u jeediyaan madaxweynaha ayada oo dorraad ay sidoo kale Madashu sheegtay in madaxweynaha uu ka baxay qodob kale oo lagala hadlay oo ahaa arrinta gobolka Gedo. Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Cabdifataax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/Xildhibaan-Cabdi-fitaax-daahir.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ma jirto wax shaqo ah oo muuqda oo ka socda aqalka dowladda hoose ee gobalka Banaadir tan iyo markii la magacaabay Cumar Maxamuud Maxamed Filish waxaana sabab u ah khilaaf soo jiitamayay oo u dhaxeeya isaga iyo Kheyre. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in uu sii xoogeestay khilaafka labada mas’uul, islamarkaana aad looga dareemayo magaalada Muqdisho. “Shaqo ma socoto waxaana sii xumaanaya xiriirka ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha aad ayaana looga dareemayaa aqalka dowladda hoose” ayuu yiri mas’uul ka tirsan maamulka gobalka oo la hadlay Caasimada Online. “Guddoomiyaha aad ayuu isugu buuqsan yahay waxaana ka muuqato in uu wadi la’yahay shaqada gobalka sababtoo ah aad ayaa loo curyaamiyay, wax uusan fileen ayuuna kala kulmay halkaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulka aan la hadalnay. Sarkaal ka tirsan xafiiska Kheyre oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu khilaaf jiro balse wuxuu ka gaabsaday inuu faah-faahin bixiyo. Khilaafka labada masuul ayaa salka ku haaya shaqada gobalka oo markii hore aheyd mid laga soo go’aamiyo xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo sidoo kale maamulka lacagta gobalka oo inta ugu badan ku bixi jirtay xafiiska Kheyre balse hadda laga weeciyay. Masuuliyiinta aan la hadalnay ayaa sheegay in hadii aan si deg deg ah loo xilin khilaafka labada masuul in ay gobalka ku reebi karto xaalad adag oo siyaasadeed islamarkaana ay curyaamin karto shaqooyinka horyaala gobalka Banaadir iyo dowladda dhexe.
-
Inkastoo Kulankii dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore Xassan Sheikh Maxamud iyo Sheikh Sharif Sheikh Axmed uu ahaa tilaabo hore loo qaaday, balse abuurtay kala aragti duwanaan bulshada dhexdeeda ah, haddana waxuu ku soo beegmay xilli dalka uu ka jiro cakirnaan, taasoo abuurtay xiisado siyaasadeed iyo kuwo ku qotama dhanka sharciga, kuwaasoo laga baaqsan karay haddii la tixgelin lahaa dastuurka, islamarkaasna ixtiraam loo hayn lahaa ku dhaqanka qaanuunka. Walow shacabka Soomaaliyeed si weyn u soo dhaweeyeen guushii Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee madaxtooyadda dalka, iyagoo ka filanayey in xukuumadiisu wax ka qabto amaanka, cadaalada, iyo dhismaha hay’adaha lagama maarmaanka u ah soo celinta dowladnimada iyo gaarsiinta adeega dadweynaha, iyo wadashaqeenta beesha caalamka si sharafi ku dheehan tahay, misna guushaas waxaysan farxadgelin madaxdii maamul-goboleedyada. Waxaa hubaal ah, in caqabada ugu weyn uu wajahaye Madaxweyne Farmaajo ay ahayd dowladaha deriska ( Kenya, iyo Itoobiya) oo muddo dheer faraha kula jiray siyaasadda Soomaaliya, kuna yeeshay gudaha dalka adeegayaal danahooda u fuliya, kuwaasoo iskugu jira basaasiin iyo siyaasiyiin. Muddo saddex bilood kadib, markii uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Mudane Xassan Cali Khayre inuu noqdo Ra’iisul-wasaaraha dalka, waxaa Nairobi – Kenya ku shiray xubno xildhibaano ah iyo siyaasiyiin kale oo Soomaali ah, kuwaasoo hor dhac u ahaa duulaan siyaasadeed oo la doonayey in lagu wiiqo xukuumadda cusub. Waxaa xigay mowqifkii dhexdhexaadka ahaa ee Dowladda Federalka Soomaaliya ka qaadatay khilaafkii Khaliijka, uu kordhiyay tirada dalalka gacmaha kula jira arrimaha Soomaaliya, halkaas oo ay ka dhasheen saddex dhacdo, oo kala ah: (1) Inuu meeshii ugu hoosaysay gaaro xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta; (2) Inuu khilaaf soo kala dhexgalo Gudoomiyihii Baarlamaanka Federalka Soomaaliyeed Professor Maxamed Sheikh Cusman Jawaari iyo Ra’iisul-wasaaraha xukuumadda, kasoo sababay in guddoomiye Jawaari uu xilkiisii ka tago; iyo (3) In la soo xiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur Gudoomiyaha xisbiga Wadajir, dhacdadaas oo ay ka dhalatay dhimasho. Dhacdooyinkaas waxaa xigay in Kismaayo looga dhawaaqo Madal (gole) ay ku midaysan yihiin madaxda maamul-goboleedyadda, si xukuumadda loogu khasbo in go’aanadda arrimaha masiiriga ah la wadaagto madaxda maamul-goboleedyada, sida, maaliyada, gaashaandhigga, arrimaha dibedda, iyo socdaalka. Dalabkaas oo aan waafaqsaneen dastuurka. Duqii hore ee Caasimadda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi oo kaashanayey xubno mucaarad ah ayaa qayb ka noqday culaysyaddii haystay dowladda dhexe bilowgii 2018, kadib markii uu ugu ololeeyay maqaamka Muqdisho si dastuurka iyo sharciga baalmarsan, taasoo ugu danbeen seejisay kursigiisii. Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya waxay rumeysan yihiin, in dhammaan khilaafyadaas gadaal ka riixayeen gacmo shisheeye, balse dowladda dhexe waxay kaga gudubtay jidgooyinkaas afar arrimood: (1) Xiriir wadashaqeyn oo wanaagsan oo ka dhex dhashay Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha; (2) Ra’iisul-wasaaraha oo soo dhisay gole wasiiro ah oo u hoggaansan hirgelinta qorshayaasha xukuumadda; (3) Aqlabiyadda baarlamaanka oo taageertay siyaasadda ay xukuumadda ku shaqeenayso; iyo (4) Shacabka Soomaaliyeed intooda badan, gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka oo ku qancay qorshe howleedka xukuumada. Waayahaan dambe waxaa masraxa siyaasadda mar qudha ah soo wada fuulay Madaxweynayaashii hore Xassan Sheikh Maxamud iyo Sheikh Sharif Sheikh Axmed, si ay u xoojiyaan mucaaradka xukuumadda ee laga itaal roonaaday! Balse waxay u muuqataa in xukuumadda oo baratay sida loola dhaqmo khilaafka, ay la soo baxday tabo cusub oo ay uga gudbi karto turunturooyinka loo dhigay. Madaxweyne Farmaajo ayaa mar uu la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi, carabka ku dhuftay in caqabadaha haysta dowladdiisa ka mid yihiin dowladaha deriska iyo dalalka danaha ka leh Soomaaliya, markii ay dantooda ka dhex waayaan xukuumada ay ku dhaqaaqaan falal ka soo horjeedo dowladda dhexe. Wuxuu sheegay in dalalkaas u soo dhexmaraan siyaasiyiintii abuurmay 20kii sanadood ee ugu dambeeyey iyo madaxda maamul-goboleedyadda, si ay dalka uga abuuraan xiisado siyaasadeed (YouTube Nov 13, 2019). Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumeysan wadahadalka dowladda la furtay Xassan Sheikh iyo Sheikh Sharif ay yihiin kuwo lagu dejinayo xiisadda. Waxaadna moodaa in labada dhinac garteen in nabaddu “dhegta u roontahay,” balse aysan wax ka badalaynin mowqifka xukuumadda ee ku aadan doorashooyinka 2020/2021, siyaasadda ay kula dhaqmayso maamul goboleedyada, dibuhabaynta dhaqaalaha, iyo ciidamada. Marka la eego faahfaahin la’aanta Villa Soomaaliya waxii laga wadahadlay iyo go’aanadda la gaaray kulankii Farmaajo, Xassan, iyo Shariif ku dhexmaray madaxtooyadda, iyo kulankii ka dambeeyey ee dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah xisbiyada diiwaangashan, waxaa muuqata in Villa Soomaaliya ay doonayso inay si xeeladaysan uga dabaalato xaalada cakiran ee dalka ka jirta. Kulanka Dowladda iyo mucaaradka ma suurtoobi lehayn haddii mucaaradku qudhooda aysan garan lahayn in siyaasadda ah weerar joogta ah ama middi middi ku taag ah, iyo ku dhaqanka mabda’a ah “cadawgayga cadawgiisa waa saaxiibkay,” oo baday inay hoosgalaan dawlado shisheeye. Sidoo kale, uhiilinta iyo taageerada maamul-goboleedyada ay xukuumadda xurgufta kala dhexayso ay u muujinayaan, inay ugu dambayntii ka fogaynayso dadweynihii ay kasban lahaayeen. Weli waxaa loo baahan yahay inay mucaaradku gartaan in dadweynaha uu ka sugaayo barnaamij cad oo muujinaaya siyaasadda ay doonaayaan inay ku dhaqmaan iyo sida ay u doonaayaan inay dalka u hormariyaan kolka ay talada qabsadaan. W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Shaacir Sheegow oo ka tirsan xildhibaanada uu mudo xileedkoodu dhamaaday ee Galmudug ayaa sheegay inaysan aqoon saneyn guddiga shalay soo saaray jadwalka doorashada Galmudug ee dowladda dhexe ay u magacaawday dhismaha maamulkaas. Shaacir Sheegow oo ka mid ah xubnaha Ahlu-Sunna ee sida weyn uga soo hor jeeda qaabka ay dowladda federaalku u wajaheyso dhismaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in dowladdu ay balantii uga baxday Ahlu-Sunna. Shaacir ayaa sheegay in bishii July ay wasiirka arrimaha gudaha iyo Ahlu-Sunna ku heshiiyeen in la kala diro guddigan, waxii markaas ka dambeeyana si wadajir ah guddi loo soo magacaabo. Xildhibaanka ayaa sheegay in balankaas ay ka baxday dowladda federaalka, isagoo sheegay in hoggaanka Ahlu-Sunna kulamo looga arinsanayo falka ay ku kacday dowladdu ay haatan uga socdaan Dhuusamareeb. Shaacir Sheegow ayaa sheegay in saacada soo socda ay Ahlu-Sunna ku dhawaaqi doonto mowqifkeeda ku aadan balanta ay dowladdu uga baxday, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Xildhibaan Shaacir ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay kulamo dhex mareen hoggaanka Ahlu-Sunna iyo dowladda dhexe, waxuuna sheegay in dhinacyadii dhex dhexaadinayey oo ay ku jireen ganacsato iyo xubno ka socday beesha caalamka, kuwaas oo dowladda ka dalbaday inay fuliso heshiiska ay la gashay Ahlu-Sunna. “Urur dhan oo meel loogu yimid oo dowladdii heshiis la galay been la inku soo xero galinaayey eheyd wax aqliga gala ma ahan, waana lagula xisaabtami doona qofka ay ka soo yeertay, hadii la leeyahay dowladdu heshiisyo badanay gashaa mana fulaan wax badan ayaa baabi’i doona, waxay maamul magacaawday iyo waxay xilal magacaawday hadii la yiraahdo waxba kama jiraan waan qaadanaynaa, balse yeeli mayno in gaar naloo takooro oo anaga kaliya heshiiska nagoola baxo” ayuu yiri Xildhibaan Shaacir Sheegow. Hadalka Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna ku shirsanyihiin madaxtooyada Dhuusamareeb ee INJI. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa ka cabanaya inaysan dowladdu kala tashay magacaabidda guddiga maanta Jadwalka doorashda soo saaray oo ay horay ugu heshiiyeen inay soo wada magacaabaan wasiirka arrimaha gudaha dowladda dhexe iyo Sheekh Maxamed Shaakir.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya qayla dhaanta ka soo baxaysa shacabka ku nool degaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, taas oo ku saabsan in ay wajahayaan caburin iyo xadgudubyo dastuurka ka dhan ah. Siyaasiintan ayaa sheegay in dadka loo diido in ay qabsadaan kulamo, isu soo baxyo iyo in ay ka hadlaan arrimaha siyaasadda degaanka iyo guud ahaan Soomaaliya. Sidoo kale waxay sheegeen in hadda ay arrimo siyaasadeed ay u xiran yihiin ilaa afar qof, oo isugu jira siyaasiin iyo weriyaal, kuwaas oo ay Maxkamadda magaalada Baydhabo ku xukuntay xukuno kala gadisan kadib markii ay ka qayb galeen shirar lagu dhaliilayo dowladda Soomaaliya. “Afar qof ayaa loo xiray ka hadalka arrimo siyaasadeed xukun ayaana lagu riday walina waxaa socoto caburin iyo xadgudubyo kale oo u badan jirdil iyo hanjabaad” ayuu yiri qof magaciisa qariyay oo ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay. Dhinaca kale Malaaq Maxamuud Maxamed oo ka mid ah xubnaha ku dhow maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay in magaalada Baydhabo dadka lagu caburiyo islamarkaana loo diido in lagu qabto shirar siyaasadeed oo dowladda Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ku saabsan. Malaaq ayaa sheegay in ay jiraan amaro maamulka ka soo baxay oo sheegaya in aan Baydhabo lagu qaban karin shirar aan lagu soo wargelin hay’adaha ammaanka balse aysan jirin caburin iyo xadgudubyo kale. “Waxaa jira amar maamulka ka soo baxay oo ah shirarka masuuliyiinta amniga lagu soo wargeliyo ee aniga ma ogi caburin” ayuu yiri Malaaq Maxamuud Maxamed oo warbaahinta la hadlay. “Waan ogahay in 4 qof ay u xiran yihiin arrimo siyaasadeed xukuna ku dhacay laakiin waxaan wadnaa sidii aan xal ugu heli laheyn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Malaaq oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 25-11-2019 Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud. Haddaba warbaahinta Qaranka ayaa soo bandhigtay taariikh kooban oo laga sameeyey Xeer Ilaaliyaha cusub ee Qaranka Soomaaliya. Magaciisa oo buuxa waa Sulaymaan Maxamed Maxamuud, waxaa uu ku dhashay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal sanadku markuu ahaa 1982. Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare waxaa uu ku qaatay isla Buurtinle waxa uuna Dugsiga Sare dhameeyay 2003. Heerka koowaad ee Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay Dalka Baakistaan gaar ahaan Islamabad asaga oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka ayuu bartay Waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadda sanadii 2009. Shahaadada labaad isla Jaamacadda ayuu ku sameeyay asaga oo qaatay shahaadada LLM, sanadkii 2012. Jaamacada AL Hamd University oo ku taal Dalka Baakistaan gaar ahaan magaaladada Islamabad ayuu ka qaatay shahaadda B.EDUCATION Sanadii 2013. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd Dec. 2018. Waxa uu ka soo shaqeeyey hay’ado dhowr ah iyadoo aan ka xusi karno, kuwan soo socda. Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada ayuu kaga soo shaqeeyey dalka Bakistan. Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islaamabaad-Bakistan 2013. Lataliye Sharci ayuu kula shaqeeyay dowladda Puntland. Waxaa uu soo noqday Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna bare ka tirsanaa, Jaamacadda PSU ee Garowe. Waxaa uu soo noqday Lataliye dhanka Sharciga ah,Guddiga madaxa bannaan ee dibu eegista Dastuurka, 2018 PUNTLAND POST The post Maxaad ka taqaan Xeer Ilaaliyaha cusub ee Qaranka Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
By : Faisal Roble It only happens in Somalia where a President destabilizes his own country by inviting foreign troops against a legal federal member [...] Source
-
Waa kuma xeer-ilaaliyaha cusub ee qaranka (Taariikh kooban)
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Sulaymaan Maxamed Maxamuud inuu noqdo Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka. Suleyman ayaa kasoo jeeda beesha Majeerteen. Xafiiska warfaafinta madaxtooyada ayaa soo bandhigay taariikhda mudane Sulayman. Hoos ka aqriso. Xeer ilaaliyuhu waxa uu Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxa uuna Dugsiga Sare ku dhameeyay isla Burtinle, 2003. Heerka koowaad Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay dalka Pakistaan, gaar ahaan Islamabad asaga oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka. Shahaadada B.A ayuu isla Jaaamacadda ka qaatay. Shahaadada labaad isla Jaamacadda ayuu ku sameeyay asaga oo qaatay shahaadada 2-aad ee LLM ee dhanka Sharciga, gaar ahaan Xeerarka Ganacsiga (Commercial Law). Xeer Ilaaliyuhu waxa uu ka soo shaqeeyey gudaha dalka iyo dibaddaba, iyadoo aan ka xusi karno, si kooban; – Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada ayuu kaga soo shaqeeyey dalka Pakistan. – Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islamabad-Pakistan 2013. – La-taliye Sharci asagoo la shaqeeyay wasaaraddaha Dowladda ee Puntland. – Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna Bare ka tirsanaa, ee Puntland State University ee Garoowe. – Agaasimaha Xarunta Gargaarka Sharciga ah ee Jaamacadda PSU 2017 – Madaxa Waaxda Toosinta iyo Sharciyada. Hay’adda: AMAL EXPRESS AND AMAL BANK. 2015-2016. – Lataliye Sharci iyo Dastuur: Hay’adda: Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka, 2018 – Aas-aase, ahna Guddoomiye Kuxigeenkii Xarunta Gargaar ee ka shaqeysa Adeegyada dhanka sharciga iyo xuquuqda garsoor ee loogu qareemayo dadka danyarta ah. – Garsoore Maxkamadda Sare ee Dalka 2018-2019. Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd 2018. Maanta ayaana ugu dambeyn loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. -
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-25112019.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
